-
Content Count
207,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Labo bil ayaa u dhaxeysa booqashadii uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Talyaaniga iyo midda ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Goobjoog News ayaa Isbarbardhig ku sameysay natiijada labada booqasho. Marka hore, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa waxaa uu maalmihii tagay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Talyaaniga, isaga oo halkaasi kula kulmay madaxda dalkaasi iyo mas’uuliyiin kale. Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella waxaa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhan walbo ah. Ra’isul wasaaraha Itoobiya waxaa uu ku booriyey Mattarella inay iskaashi ka sameeyaan dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga, warashadaha iyo dhismaha halka Sergio Mattarella uu Abiy ku ammaanay isbadalka uu ka wado geeska Afrika. Kulan kale oo dhex maray ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo dhiggiisa Talyaaniga Giuseppe Conte marka laga soo xiriirka labada dal iyo iskaashi dhex mara, waxaa kale oo lagu heshiiyey in Talyaaniga ay maalgeliyaan waddo tareen oo isku xirta Addis Ababa – Massawa. Intii uu Talyaaniga joogay waxaa kale uu Abiy Axmed la kulmay agaasimaha fulinta ee World Food Program Mr. David Beasley iyaga oo ka wada hadlay taageerada hey’addaasi ay siiso guud ahaan Itoobiya gaar ahaan ilaa 3.3 million oo ah oo Soomaalida Itoobiya ah. Mas’uuliyiintii uu Abiy Axmed la kulmay waxaa ka mid ahaa agaasimaha hey’adda Qaramada Midoobey ee Food and Agriculture Organization(FAO) Mr. José Graziano da Silva, hey’addan ayaa balanqaaday xoojinta barnaamijyada ay ka wado Itoobiya sida ladagaalanka faqriga, helidda cuntada, xoojinta wax soo saarka beeraha, sare u qaadista wax soo saarka dalagga iyo qeybinta, waxaa kale oo isla soo qaaday isbadalka ka socda geeska Afrika ee isdhexgalka dhaqaalaha Mr. Abiy Axmed waxaa uu sidoo kale la kulmay Mr. Gilbert F. Houngbo, oo ah madaxweynaha hey’adda International Fund for Agricultural Development (IFAD), hey’addan oo UNka leedahay xarunteeduna tahay Rome waxaa ay isla meel dhigeen cunto kaaftoonka, kor u qaadista dakhliga, taageerista beeraleyda yaryar iyo sidii ay hey’adda kor ugu qaadi laheyd taageerada ay siiso reer miyiga Itoobiya. Ra’isul wasaaraha Itoobiya intii uu Roma joogay waxaa uu la fariistay madaxda shirkadaha ugu waaweyn, isaga oo ku dhiirigeliyey maalgeshiga warashadaha, beeraha iyo arrimo kale, Talyaaniga waxaa uu deyn ahaan Itoobiya u siiyey $25M. Dhanka Soomaaliya, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa talyaaniga booqasho saddex maalin ah ku tagay November 19, 2018, isaga oo la kulmay madaxweyne Mattarella, ra’iisul Wasaare Conti iyo afhayeennada labada aqalka. Booqashadaasi waa midda keliya ee rasmiga ah ee Farmaajo uu ku tago dal reer galbeed ah, isaga oo gabagabadii ka dhahay “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” . Si ka duwan sida Adis Ababa, Muqdisho ma sheegin haba yaraatee wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxa ay ku wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiintii uu la kulmay, sidoo kale ma jirin qoraallo rasmi ah iyo heshiisyo la shaaciyey oo la kala saxiixday. Inkasta oo ay Farmaajo la socdeen wasaaradda arrimaha dibadda, agaasimaha madaxtooyada iyo shaqaalaha badan oo Villa Somalia ah, la-taliyeyaashiisa iyo diblomaasiyiin hadana ma jirin wax ka badan sawirro oo safarkaasi laga ogyahay. Inka daa in saxaafadda iyo shacabka Soomaaliyeed lala wadaagee, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa marar badan codsaday in la horkeeno heshiisyada uu galo madaxweynaha si loo ogaado, loona qiimeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baadi goobeysa wiil dhalinyaro ah oo todobaadkii hore shimbir badbaadiyay, xili uu kusugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal kooban oo muujinaya in la baadi goobayo wiilka dhalinyarada ah. Isaga oo soo bandhigay muuqaalka wiilka dhalinyarada oo shimbirka badbaadinaya ayuu soo qoray “Reer Gaalkacyo Wiilkan yaa garanaya”. Wiilkaan ayaa shimbirta badbaadiyay kadib markii ay koronto ku qabsatay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Caasimadda Online ayaana baahisay muuqaalka, iyadoo uu qabsaday baraha Bulshada. Madaxtooyada ma aysan sheegin ujeedada loo baadi goobaya wiilka dhalinyrada ee shimbirta badbaadiyay.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa ka socota, diyaarinta caleema-saarka madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni ,oo la qorsheeyay in ay dhacdo, 26 bishan Jannaayo ee ku beegan sabtida todobaadka dambe. Madaxweynaha oo la doortay 8-dii bishan Jannaayo, ayaa isla maalintii xilka uu la wareegay ee 14-kii bisha, wuxuu magacaabay afar guddi oo u xil-saaran qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda caleema-saarkiisa oo si cajiib ah loo agaasimayo. Guddiyada ayaa ka kooban; guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhoweynta, guddiga marti-gelinta, dejinta iyo gaadiidka, guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga,waxaana dhammaantood ku midaysan yihiin, qaban-qaabada iyo diyaarinta caleema-saarka madaxweynaha. Yaa ka soo qeyb galaya caleema-saarka madaxweyne Deni? Xafladda oo loo diyaarinayo si hab-maamuus cajiiba leh, ayaa waxaa ka soo qeyb gelaya, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka. Madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore. Waxaa lagu casumay laba kamid ah madaxweynahayaashii hore ee dalka,Xassan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo laba kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore, Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed, wasiirro iyo xildhibaanno hore. Mucaaradka iyo Xisbiyada dalka. Ilo’xog ogaal ah oo Garoowe ku sugan ayaa sheegaya, in xubno ka socda xisbiyada dalka iyo siyaasiyiiinta mucaaradka lagu casumay xafladda caleema-saarka, balse faahfaahin kale lagama hayo, inkastoo Xassan Sheikh iyo Sheikh Shariif laftoodu ay matalayaan xisbiyo siyaasadeed. Mas’uuliyiinta ka imaanaya dalalka deriska ah. Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wasiiro ka tisan xukuumaddiisa ayaa lagu casumay caleema-saarka madaxweynaha. Sidoo kale dalka Kenya waxaa la casumay, hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka imaanaya magaalada Nairobi. Mas’uuliyiin ka socda dalka Djibouti ayaa iyanaya ku casuman caleema-saarka. Dhanka Beesha Caalamka Madax ka socota urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, safaaradaha dalal ay ku jiraan Turkiga iyo Imaaraadka, xubno ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiilo kale oo heer caalami ah ayaa ka soo qeyb galaya caleema-saarka Madaxweyne Deni . Madal kulmin doonta mucaarad iyo muxaafid! Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Xassan Sheikh Maxamuud oo hoggaamiya siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka soo wada-qeyb galayaa xafladda caleema-saarka. Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Xaaf oo xurguf siyaasadeed kala dhexayso dowladda Federaalka ayaa iyaguna ku casuman xafladda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Caleema-saarka Deni: Madal kulmin doonta mucaarad iyo muxaafid appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorshe muhiim ah ka damacsan munaasabada lagu caleemo saarayo, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabada xubno kala duwan. Xubnaha mucaaradka, madaxdii hore ee dalka iyo madaxda hadda talada haysa ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynayaashii hore ee dalka SHariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan munaasadda sida ilo xog ah ay u sheegeen Caasimadda Online. Sidoo kale waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in munaasadda lagu casuumay hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo madaxweynaha Jubbaland oo si weyn u dhaliilsan xukuumadda hadda dhisan. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa shaki weyn la gelinayaa inay ka qeyb galaan caleemo saarkaasi, waxaana dadka la hadal hayo inay ka qeyb galayaan munaasadda wasiirka arrimaha dibadda ama wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Saciid Cabdullaahi Deni uu damacsan yahay in xubnaha mucaaradka iyo madaxda dowladda ku wada hadlaan magaalada Garowe iyadoo fursadda laga faa’ideysanayo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada Golaha Aqalka Sare ee BFS Senator Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee M /Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay burburinta Ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee k/ Soomaaliya. Senator Nadiir ayaa tilmaamay in aan loo dul qaadan karin in Kenya ay burburiso xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku leeyihiin dad badan Oo Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya ka dalbday in Kenya ay kala xisaabtanto tacadiyadaasi ka dhanka ah hantida shacabka Soomaaliyeed . Habeen hore ayey aheyd markii Ciidanka dalkaasi ay qaraxyo ku burburiyeen xarun ay Hormuud ku lahed deegaanka Dhuyac-Garoon ee gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose Ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-mahad-1.mp3 The post Senator Nadiir Oo ku baaqay in Kenya lagala xisaabtamo burburinta xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
-
KA: MUWAADIN REER PUNTLAND AH KU MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND SICIID CABDULAAHI DENI Warqaddan furani kama iman shisheeye, dawlad diid, mucaarad, siyaasi iyo qof dano gaar ah leh, waxayse ka timid NASRO CABDIRISAAQ AXMED, muwaadin Soomaaliyeed, reer Puntland ah, ku dhalatay, ku barbaartay, wax ku baratay, deggan oo ka shaqaysata, intii Puntland ay dhisnaydna aan meel uga bixin, waxa aan ka mid ahay dadka aad masuulka katahay, waxa aan aaminsahay inaan dareenkayga iyo kan shacabkaba kula wadaagi karo. Ku hadli mayo, Af Qabiil, Qolo ama Koox gaar ah, balse waxa aan xambaarsanahay farriin ka timi bulsho kala duwan oo ku nool deegaannadan Puntland kuwaasi oo aan awoodin inay kula hadlaan, Warqaddan furan magaceeda waxaa la yiraahdaa “Waxa aan kula hadlayaa aniga oo ah”. Mudanne madaxweyne waxa aan kula hadlayaa adiga oo ah madaxweynihii ay doorteen xubnaha baarlamaanka Puntland ee ka dhex yimid shacabka aan ka mid ahay. Mudane Madaxweyne, Ma sahlana in masuuliyaddooda la qaado malaayin qof, waxa aan alle SWT kaaga baryayaa in alle kuu fududeeyo masuuliyaddaas adiga iyo inta kula shaqayn doontaba, waxa aanse mar walba ku xasuusinayaa in xilku yahay wax culus lugugulana xisaabtami doonto maalin aakhiro. Mudane Madaxweyne ma awoodo inaan si khaas/shakhsi ah kugusoo gaarsiiyo warqaddan, waxa aan door biday inay noqoto warqad furan, waxaan rajaynayaa in ay si uun kugu soo gaari doonto, aadna u akhriyi doontid si taxaddar leh, u heli doontid xogta ay xambaarsantahay sida saxda, tixgelinna siin doontid baahiyaha ku qoran insha allah. Madaxweyne waxa aan kula hadlaya aniga oo ah Muwaadin u baahan amni buuxa, Aqoonyahan shaqa la’aani hayso, Dhibbane caafimaad, Danyar awood daran, Waalidaan awoodin waxbaridda ilmihiisa, Askeri u taagan sugidda amniga aanse helin daryeel, Muwaadin uu saameyey sicir bararka iyo nolosha qaalliga ah, Dulmane caddaalad doon ah, Canshuur bixiye aan beddelkeeda helin, Dhibbane musuq maasuq, Suxufi la kulma caburin iyo cagajugleyn shaqadiisa darteed iyo aniga oo ah muwaadin doonaya xoriyatul qowlka dastuurku siiyey. Mudane Madaxweyne, waxa aan ahay muwaadin reer Puntland ah, waxaan usoo joogay xilliyo kala duwan oo Puntland soo martay, waxa aan goob jog u ahaa xaalado badan oo lasoo maray, wallow xilliyada qaybtood aanan lahayn garaadka aan manta leeyahay, waxa aan dareemayaa in nolosha dadka reer Puntland ee xilligan ay leedahay tabashooyin, haddii ay noqoto dhinac ammaan, waxbarasho, Caafimaad, shaqo, wax soosaar, ganacsi iyo arrimo bulsho. Mudane Madaxweyne, Nabadgelyadu waa waxa Puntland kusoo baraadhay halkaasna lagu soo gaartay, waxaan ku seexanaa, ku toosnaa, kuna shaqaysanaa nabad, muddooyinkii ugu dambeeyeyse sida qof walbaaba ogyahay waxaa dhacayey falal la xiriira ammaan darro, kuwaasi oo dad aan waxba galabsan lagu laayey, lagu dhaawacay, looguna hanjabay, qaybo ka mida dhulka Puntland waxaa ka jira xaalado amaan oo aan si buuxda laysugu hallayn Karin. Arrimahaasina waa kuwo aad u damqaya shacabta Puntland ee nabad gelyada kusoo caana maalay. Madaxweyne waxaan codsanaynaa in xaaladahaas amaan wax laga qabto, dawladdaaduna muhiimadda kowaad iyo labaadba siiso sidii loo sugi lahaa amaanka guud ahaan bulshada reer Puntland, si loogu noolaado nabad iyo cabsi la’aan. Mudane madaxweyne, Ciidanku waa tiir dhexaadka sugidda amniga, waxa kuleylka qorraxda iyo qabowga habeenimaba u joogaan sidii dadku ugu seexan lahaayeen, ugu soo toosi lahaayeen, uguna noolaan lahaayeen alle idankiis nabad. Boqollaal ka mid ah ciidanka Puntland waxa ay naftooda ku waayeen difaaca Puntland iyo suggidda amaanka dhulkan, iyada oo ay sidaas tahay ma helin daryeel buuxa, mushahar ku filan, dhiirri geli, daryeel qoys iyo gunnooyinka ay xaqa u leeyihiin lamana siin ahmiyadda ay u leeyihiin dhulka Puntland. Mudane madaxweyne ciidanka oo si sax ah loo siiyo xaqooda, la daryeelo iyaga iyo qoysaskooda, lagu tixgeliyo shaqada ay u hayaan dalka, waxa ay horseedaysaa in ay u shaqeeyaan sida saxda ah. Haddaba waxa aan kaa codsanaynaa Madaxweyne in ciidanka ahmiyad la siiyo, xaqooda helaan si ay u gutaan waajibaadka saran. Mudane madaxweyne, In la helo daryeel caafimaad waa aas aaska nolosha, wax la qabtona waxaa ugu mudan in la badbaadiyo naf haddii alle badbaado u qoray, dad badan ayaa waxa ay u dhinteen dhiig bax, daryeel xumo caafimaad, ma helaan gargaar degdeg ah oo buuxa, kii dadkiisu u awoodaan waxaa loola cararaa magaalooyinka kale ee Soomaaliya, kii ay naftu ku sinto inuu gaaro xarun caafimaad waa alle mahaddii, kii kalese waxaa uu ku qur baxaa inta uu gaariga ama diyaaradda sii saaranyahay, waxaa jira goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay laakiin dadka danyarta ah ee reer Puntland ma awoodaan inay iska bixiyaan kharashaadka badan ee goobahaas. 20 sano kadib Waa nasiib xumo weyn in Puntland aanay lahayn goob caafimaad oo dawli ah oo ay u dhamaystiranyihiin dhamaan adeegyada caafimaadku. Mudane waxaan codsanaynaa in dawladdu ku dedaasho bixinta adeeg caafimaad oo buuxa, jaban la awoodo, bilaashna u ah dadka danyarta ah, si aan qof dambe ugu dhiman isaga oo loo waayay dhiig joojin ama Ogsijiin la’aan. Mudane madaxweyne, Waxa aad ka mid tahay aas-aasayaasha waxbashada Puntland, aqoon iyo khibrad badan ayaadna uleedahay muhiimadda aqoonta, waxbarashada waa waddada lagaga bixi karo karo jahliga, waa iftiinka waddo kasta oo madow, Bulshada reer Puntland inbadan oo ka mid ahi waa danyar aan awoodin inay ilmohooda u helaan waxbarasho bilaash ah, qaybo ka mida oo awooda waxaa aad qaalli ugu noqday kharashaadkii, taasi oo sababtay in ilmaha qaybi waxbarato qaybina guryaha joogaan, sannadadii lasoo dhaafay isaka daa in dawladu kabto ardayda ee waxaa ardayda la dulsaaray lacago aanay awoodin waalidku. Mudane madaxweyne waxa aan kaa codsanaynaa iyada oo dawladdu doorkeeda qaadanayso in la helo waxbarasho lacag la’aan ah ilaa dusgiga dhexe, haddii aan la awoodiinna laga dhigo mid qof walba oo muwaadin ahi iska bixin karo si ilmo kasta oo reer Puntland ahi u helo waxbarasho. Mudane madaxweyne, jaamacadaha dalka iyo kuwo dibaddaba waxaa sannad walba kasoo qalin jebiya arday badan, waxaa galay wakhti iyo kharash laga yaabo inay dhididey hooyo danyar ah oo mudo dheer qorrax u fadhiday sidii ay meel u gaarsiin lahayd ubadkeeda, aqoonyahankaasi waxay ka welwelaan marka ay dhameeyaan jaamacadaha wixii ay qaban lahaayeen, meshi ay wax ka bilaabi lahaayeen iyo cidii u hirgelin lahayd haddiiba ay keenaan fikiro shaqo abuur. Waxaa badatay shaqa la’aanta dhalinyarada, waxayna dhaxalsiisay ugu dambayn inay ka haajiraan wadanka oo ay maraan waddo khatar leh oo qodxa badan ama ha gaaro halkuu rabay ama bad iyo saxare cidlo ah ha ku dhintee, waxay dhaxlsiisay in qofku barto balwad asaaggiis ka reebta uuna nolosha oo dhanba ka dhaco. Haddaba madaxweyne dhalinyarada reer Puntland waxay u baahnyihiin shaqo, keliya shaqadu ma ahan in xafiis la fariisto oo dawladda ama ha’ayd loo shaqeeyo, laakiin waxaa loo baahanyahay shaqo abuur, haddii ay noqon lahayd in waddanka la maalgeliyo, ganacsiga kor loo qaado oo addunka lagu xirmo, lala jaanqaadayo fursahada tiknoolajiyayeed, warshado la sameeyo, kalluumaysiga la dhiirri geliyo, wax soo saarka beeraha xoogga la saaro ama lagana faa’iidaysto wax soosaarka xoolaheenna. Mudane madaxweyne, waxaa jira danyar, curyaanno, indhoolayaal, darbi jiifyo iyo agoomo waxaa jira guryo aan dab laga shidan, adiga ayaa masuul ka tahay alle hortiis, waa dadkii aad u dhaaratay. Waxa aan codsanaynnaa in dawladda aad hoggaaminaysaa Madaxweyne, qorshe cad ka yeelato xakamaynta aafada sicir bararka sababay in wax walba oo la quudan lahaa ama la qaadan lahaaba qaaliyoobaan, in la xakameeyo sarifka lagaha qalaad lana jaan gooyo, Mudane waxaan kaa codsanaynaa in sarifka shilin soomaaliga meel lagu jaan gooyo aan la dhaafin ciddii jebisa sharciga la marsiiyo, lagana hortago wax walba oo sababi kara in sicir barar dhoco oo ay ka mid tahay in la sameeyo lacag xad dhaafa oo aan loo baahnayn sharcina ahayn. Mudane madaxweyne, Qof walba oomuwaadin ah awoodna u lihi wuxuu jeclaan lahaa inuu yeesho hanti uu ku noolaado, dhisto guri uu dego, ama kiraysto hoy uu awoodo inuu iska bixiyo kiradiisa. Magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan caasumadda Garoowe waxay ka mid tahay meelaha aan la goyn Karin dhulkeeda, guryeheeda iyo kiradeeda, mar marka qaar isku qabsiga dhulka waxaa ka dhasha dhibaatooyin dhimasho sabab. Haddaba muwaadinka u baahda bogcad waxa khasab ah inuu dhowr sano u shaqaysto oo waxayba mar mar ka qaalisantahay lacagta lagu dhisi lahaa guri, haddiiba uu helo bogcad dhibkasta ha u maree waxaa uu u baahanayay inuu sanno badan oo kale uu ushaqeeyo sidii uu hoy u dhisi lahaa isaga oo aan ogaynba shaqada uu hayaa in ay ku simayso waqtigaas iyo inkale, dawladdu waa tan keliya ee siyaasado ka samayn arrintan fulinna karta, waxaan codsanaynaa in sharciyo iyo siyaasado lagu xakameeyo laga soo saaro dhulka bannaan, guryaha la kiraysto iyo guryaha la iibsadaba, iyada oo loo kala saarayo heeran, ayna noqdaan mid la awoodi karo. Mudane madaxweyne, Caddaaladdu waa tiir dhexaadka dawladnimada, waa qodob muhiim u ah hoggamiye wanaagsan. Dastuurka dawladda Puntland waxaa uu si cad u qeexayaa oo dammaanad qaadayaa in qof walba oo muwaadini helo caddaalad. Waxaa jira dad badan oo dhibbane u noqda caddaalad darro xilliyada maxkamadaha, xabsiyada iyo xilliyada loosoo qabanayo, dad lasoo soo xiro isaga oo loo sheego inuu u xiranyahay shaqsi awood leh lana sii daayo isaga oo aan ogayn sababta lagu xiray ama lagu sii daayay, waxaa jira dad aan awoodin inay helaan qareen iyada oo sababtu tahay awood dhaqaale oo aan jirin ama aan faham xumo, waxaa jira dad lasoo qabto iyada oo aan maxkamadi eedayn, waxaa jira dad loosoo qabto si aan waafaqsanayn sharciga, waxaa dhacda in qof xabsi ku jiro isaga oo aan helin xukun, marna difaaci mayo dambiile fal dambiyeed gacanta kula jira ama maxkamadi ku caddaysay, laakiin in muwaadinku dhibbane u noqdo caddaaladda waa mid aan ku habboonayn nidaamka dawladnimo. Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa in qof walba oo muwaadin ahi helo caddaaladdii uu u baahnaa, waxaan codsanaynnaa in laamaha garsoorku ka madax bannaanaadaan fara gelin walba oo aan sharci ahayn, si ay shaqadooda sida saxda ah ugu gutaan, dadkuna caddaalad u helaan. Mudane Madaxweyne, Musuq maasuqu waa mid ka mida caqabadaha waaweyn ee dadka reer Puntland haysta, Musuqu waxa uu galay qayb walba oo ka mida dawladda iyo bulshadaba, musuqa waxaa ku xirmay inta badan dan walba oo qofku leeyahay, dhinaca shaqooyinka, waxbarashada, canshuuraha, laamaha ammaanka, qandaraasyada, waaxyaha dawaldda iyo laamaha caddaaladdaba. Waxa aan kaa codsanayaa Madaxweyne in aad qaaddo tallabo walba oo lagu joojin karo musuqa, waxa aan codsanayaa in qof walba oo lagu helo musuq lagu ciqaabo, qof walba oo lagu tuhmana tallaabo laga qaado ilaa inta ay ku caddaanayso ama wax lagu waayayo. Musuqa oo la joojiyo waa horumarka iyo guusha dawladda iyo dadka reer Puntland. Mudane madaxweyne, Saxaafaddu waa awood jirta waana udub dhexaadka bulsho walba, waa u qareemayaal, waa ilaaliyayaal, waa la xisaabtamayaal, waa soo bandhigayaal xaqiiqooyinka jira ee bulshadu u baahanyihiin inay ogaadaan, waa dhise sida saxda u hagta dawladnimada iyo horumarka. Dastuurka dawladda Puntland ayaa caddaynaya xorriyadda saxaafadda, waxaana si goonni ah usii qeexaya xeerka warbaahinta Puntland ee baarlamaanku ansixiyay, Saxaafaddu iyada oo dhowraysa shuruucda, anshaxa, xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah iyo tan maxaliga ah ee u taal, waxa ay kor u qaaddaa xorriyadda hadalka. Mudane madaxweyne waxa aan kaa codsanayaa in dawladdaadu kor u qaado xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida saxaafadda, si saxaafaddu uga madax bannaanaato cabsi, xarig, dil iyo handadaad. Haddii la helo saxaafad ka madax bannan caburin, waxaa in aan qofna lagu colaadin, lagu xirin, lagu dilin, loogu caga-jugley fikirkiisa haddii aanu ka hor imaanayn dastuurka dalka u yaal., waxaa fududaanaysa isla xisaabtan iyo daah-furnnaan, dadweynaha Puntland waxa ay ogaanayaan waxlba oo sharcigu oggolyahay oo dhulkooda ka dhacaya. UGU DAMBAYN, Mudane Madaxweyne, waxaan ahay canshuur bixye, waxaa la canshuuraa dhulkayga, gurigayga, gaarigayga, goobtayda ganacsi iyo mushaharkayga mana helo beddelkeeda, waxaan ahay hooyo agoon korsata, qabowga iyo qoraxda Ayaan la fariistaa caano yar, hilib yar, khudaar yar, macmacaan iyo wax walba oo aan isleeyahay waxa aad ka heli kartaa qutulyowmka ilmaha, waxaa layga qaadaa canshuur aanan awoodin, mana helo beddelkeedi oo ah inaan helo gabbaad aan ka harsado milicda qorraxda iyo qabowga, xilliyada roobka waxaa meel walba fariista biyo wasaqaysan oo sababa nadaafad xumo, bilic darro iyo xanuunno ay duumada iyo daacuunku ka mid yihiin, ma helo kabitaan oo waxaa aan bil walba bixiyaa koronto iyo biyo qaali ah, waxa aan baahi weyn u qabnaa damis oo waxaynu ognahay in dad badani u dhinteen sababo dab kacay hanti badanina ku burburtay. Haddaba Mudane madaxweyne waxa aan ahay muwaadin u baahan inuu helo beddelka canshuurta uu bixiyo, waxaan codsanaynaa in dawladdu masuuliyad iska saarto in si saxan loo maamulo canshuurta dadka laga qaado looguna qabto wax la taaban karo. TALO: Mudane Madaxweyne, waxaan rajaynaa inaad dhugmo u yeelan doonto farriinta warqaddan ku qoran. Si caqabadaha aan soo xusay looga gudbona, waxaan talo kugu siinaynaa inaad usoo xusho xubno wasiirro ah, oo tayo leh, daacad ah, xaaladaha dalka wax badan ka og, ka saari kara dhibaatooyinka shacabka haysta, u shaqeeya dadka iyo dalka ee aan ka shaqaysan, uguna adeega shacabka dar alle, daacadnimo, dawlad wanaag, musuq maasuqna ka fiyow, leh astaamo hoggaamiye wanaagsan, diyaarna u ah in lala xisaabtamo. AFEEF: Waa markii iigu horaysay ee aan warqad furan isku dayo qorideeda, Haddaba Akhriste waxaa aan marti kaaga ahay wixii talo ah, sixitaan ah ama tusaalayn ah oo aad isiinaysid, waxa aan kaa codsanayaa inaad ii reebtid farriin. Fikirkaagu waa ii Muhiim. ____________________________________________________________________________ QALINKII: NASRO ABDIRIZAK AHMED MUWAADINAD SOOMAALIYEED OO REER PUNTLAND The post Warqad furan oo ku socota madaxweyne Deni: Waxa aan kula hadlayaa aniga oo ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow, ayaa sheegay in siyaasadda barakacayaashu ay diiradda saarayso hannaan dib loogu dajinayo barakacayaasha isla markaana lagu abuurayo nolol wanaagsan oo horumarka bulshada uga qeyb qaataan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay buugga Siyaasadda hagaysa barakacayaasha oo diyaariyey maamulka Gobolka Banaadir. “Waxaan qorsheynaynaa sidii aan deegaameyn dhammeystiran ugu sameyn lahaa barakacayaasha, duruufta adag ee ay la noolyihiinna aan garab uga siin lahayn, taas oo u baahanna in aan dadaalladeena u mideyno, wax-qabad muuqdana aan ka muujinno.” Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey dadka barakacayaasha ah dhabar adeygga iyo dadaalka ay ku maareeyeen xalaadihii nolaleed ee soo maray, isagoona tilmaamay in mudnaanta la siiyey tallooyinkii iyo aragtida ay ku darsadeen siyaasadda xal u helista barakacayaasha ee maanta la soo bandhigay. “Barakacayaasha ku nool gudaha Caasimadda waxay soo mareen duruufo adag, siyaasaddan aan dajinayna waxay diiradda saaraysaa sidii xal waara loogu heli lahaa, gaar ahaan arrimaha dib u dajinta barakacayaasha ku nool Muqdisho”. Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyey Wasiirro ka tirsan XFS, Maamulka Gobolka Banaadir, Hay’adaha qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo marti sharaf kale. PUNTLAND POST The post Duqa Magaalada Muqdisho oo ka Qayb-galay Daah-furka Siyaasadda Barakacayaasha appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (PP) ─ Askarta Muslimiinta ah ee ka tirsan cidiamada Kenya ayaa la sheegay inay billlaabeen inay isaga baxaan ciidamada, iyadoo shanti sano ee lasoo dhaafaya ay ciidanka KDF-ta Kenya isaga ka baxaan boqolaal akari oo muslimiin ah. Maqaal uu qoray wargeyska The Star oo kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo amniga Kenya ay qabteen Warqadaha is-casilaadda saraakiisha iyo codsiyada askarta kale ee ka baxaya ciidamada. Askartan isaga baxa ciidamada KDF-ta ayaa ku doodaya in walaac xoog leh ay ka qabaan habka ay ula dhaqmaan taliyayaasha ugu sarreeya ciidamada Kenya xilliyada ay socdaan hawl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa kale ee looga hortagayo cadowga. Sidoo kale, Mid ka mid ah Saraakiisha is-casishay ayaa u sheegay The Star in sababta uu is casilay tahay kaddib markii ay aamini waayeen saraakiisha kaga sarreysa ciidanka. Isagoo intaas ku daray in ciidamada iyo saraakiisha muslimiinta ah ee ka tirsan ciidanka difaaca Kenya loo diro gobolka Waqooyi-bari, xadka Somalia iyo goobaha kale ee ay ku xoogga nyihiin Al-shabaab. Waxyaabaha kale ee ay uga baxayaan ciidanka ay ku sheegeen in ciidanka gudahiisa aan si wanaagsan loola dhaqmin, laguna shaabadeeyo argagixiso, mushaarkooda oo aysan u helin sida ay u helaan ciidanka kale iyo habka ku dhex-noolaanshaha askarta kale oo ku adkaatay. “Hadda ka hor aniga iyo afar saaxibaday ah ayaa naloo diray magaalo xadka ku taalla si aan uga saarno Al-shabaab, waxaa na-looga wacay Nairobi, sababta nal-ooma sheegin, mar dambe ayaan ogaannay in nalaga shakiyay inaan hawl-galkaas si wanaagsan u qaban,”ayuu yiri sarkaal ka mid ah kuwa ka baxaya ciidamada Kenya. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Kenya, Njoka Mwenda ayuu wargeyska wax ka weydiiyay arrintan, wuxuuse codsaday in arrinta ay xasaasi tahay isla markaana waqti dheer la siiyo si uu uga jawaabo. Dhanka kale, Afhayeenka ciidamada difaaca Kenya, David Obonyo iyo taliyaha booliiska Kenya, Isaiah Osugo ayaa diiday inay ka jawaabaan arrintan. Maalintii Salaasada ahayd ee lasoo dhaafay sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Kenya oo ku sugnaa saldhigga deegaanka Embu, ayaa waxaa xiray ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha muslimiinta ah ee ka tirsan ciidamada milateriga Kenya. Saraakiisha Muslimiinta ah qaarkood ayaa lagu tuhmayaa in ay Al-shabaab u gudbiyaan xogta sirdoonka Dowladda Kenya. Waxaa kaloo intaas u dheer marka ay saraakiisha ciidanka ku wareejiyaan Warqadaha is-casilaadda una sababeeyaan, waxaa loogu jawaabayaa inay doonayaan inay ku biirayaan Al-shabaab, sababtaasna ay uga baxayaan ciidamada difaaca. “Badankeen waxaan joognaa furumaha dagaalka, waxaan ka shaqeynaa meelaha ugu halista badan, sida Somalia, balse waxaa na-looga shakiyaa inaan xiriir la leenahay argagixisada, tani uma wanaagsana Taliyeyaasha, masaajidda ku yaalla xeryaha millatariga aad ayaa loo dabagalaa, waxaa lala socdaa casharrada, sidoo kale macallimiinta ayaa dabagal lagu hayaa,” ayuu yiri sarkaal ka baxay ciidamada Kenya. Ugu dambeyn, Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Ceel-cadde ayaa askar ka tirsan ciidamada Kenya waxaa lagu eedeeyay inay weerarkaas Al-shabaab u fududeeyeen, kaaso ay ku dhinteen in ka badan 200 askari oo Keenyaan ah. PUNTLAND POST The post Askarta Muslimiinta ah ee ka tirsan Ciidanka Kenya oo billaabay inay ka baxaan Ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Zimbabwe)-Mucaaradka dalka Zimbabwe ayaa ka cabanaya olole lagu ugaarsanayo, iyadoo dalkaasi ay ka socdaan dibaxbaxyo looga cabanayo qiimaha shidaalka oo sare u kacay. Hoggaamiyaha MDC, Nelson Chamisa ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay guryahooda ku weerareen qoysas, xisbiga ayaa sidoo kale sheegaya in shan ka tirsan xildhibaannadiisa la xidhay. Midowga ganacsiga ee ku baaqay dibad baxyada ayaa sheegay in hoggaamiyahooda Japhet Moyo sidoo kale la xidhay. Dowladda ayaa ku eedeyneysa mucaaradka inay dibad baxyada dhaqaale u adeegsanayaan si ay hadhow isugu beddelaan kuwo rabshado wata isla markaana ay la wareegaan xukunka dalkaasi. Xukuumadda Zimbabwe ayaa waxaa iska cad in ay la daalaa dhacayso dhibaatada dhaqaale iyo qiimaha maciishada oo aad u sareysa. Cadaadiska lagu hayo mucaaradka ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu joojiyo in shacabka dalkaasi aysan caroodooda wadooyiinka la soo aadin. Dowladda ayaa ku soo jeedsatay xisbiga mucaaradka ee MDC oo iyagu sheegay in la xiray 5 xildhibaan halka xubno kalana ay dhuumaalaysi ku jiraan oo lagu raad-joogo. Saraakiisha MDC ayaa waxay sheegeen in dad badan ay si xun u jirdileen ciidamada ammaanka. Beatrice Mtetwa, oo ah qareen u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ayaa BBC u sheegtay in ay waqti dheer qaadanayso in xisbiga Zanu PF ay ka tagaan dhaqanka ku salaysan cadaadiska. Balse gudoomiyaha xisbiga Zanu PF – Simon Khaya-Moyo – oo BBC la hadlay ayaa dhankiisa beeniyay eedeeynta ah in dowladda madaxwayne Mnangagwa aysan waxba ka duwaneyn xukuunkii Robert Mugabe Source
-
(SLT-Dundee)-Hooyo ka soo jeedda magaalada Dundee ee dalka Scotland ayaa sharraxaad ka bixisay sida qalliin cusub oo lagu sameeyay uu u beddelay nolosha canuggeeda inta uusan dhalan kahor. Augustine Somers ayaa lagu arkay xaalad loo yaqaanno spina bifida, oo micnaheedu yahay in lafdhabarta ilmaha uurka ku jira aysan u koreynin sidii loogu talo-galay. Hooyadiis Amanda oo xilligaas lahayd uur 22 toddobaad ah, ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay u heli lahayd dhaqtar qalliin oo wax ka qaban kara xaaladda canuggeeda kahor toddobaadka 26-aad oo lagu ballamay in ilmaha lagu qalo. Taas oo ay ku guuleysatay. Kaddib qalliinka oo ilmuhu uu xilligiisa ka soo hormaray, ayaa baaritaan lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in rajo wanaagsan laga qabo inuu mustaqbalka awoodo inuu socdo. Spina bifida waa xaalad sababta in lafdhabarta aysan u korin si habboon isla markaana ay dalool yar yeelato, taas oo sababta in ilmuhu uu curyaan noqdo. Waxaa la daweeyaa marka ilmuhu dhasho kaddib, balse waxaa wanaagsan in goor hore wax laga qabto si ay u yaraato saameynteeda. Amanda iyo seygeeda Benjamin Somers ayaa habkan cusub ka war helya kaddib markii ay baaritaan sameeyeen. Qalliinkan ayaa keliya haatan laga helaa dalka UK, iyadoo labada qalliin ee ugu horreysa ay magaalada London ka dhacayeen bishii October ee sanadkii hore. Waxaa loo sheegay inaan boos looga heli doonin isbitaalka University College Hospital balse waxaa lagu xiray Prof Jan Deprest oo ku sugan magaalada Leuven ee dalka Biljamka, kaas oo qalliinkaasi sameeyay isla markaana tababaray dhaqaatiirka qalliinka UK. Augustine Somers ayaa qalliinka lagu sameeyay intuusan dhalan kahor Kaddib markii la hubiyay in Amanda iyo ilmahaba lagu sameyn karo qalliinka, ayay Amanda u duushay Leuven maalmo gudahood xilligii lagu ballansanaa. Dhammaadkii October, Augustine wuxuu noqday canuggii ugu horreeyay ee Scotland ka soo jeeda oo qalliinkaasi lagu sameeyo. Amanda, oo 32 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay “Waxaan runtii haysannay keliya labo toddobaad inaan howsha oo dhan ku sameyno. “Waxaa qalliinka nalagu sameeyay 30-kii October. Waxaa la igula taliyay inaan nasto, wuxuuna canuggeyga dhashay 18-kii December. “Hadda hal bil ayuu jiraa, weli isbitaalka ayuu ku jiraa, balse aad ayuu u wanaagsan yahay.” Benjamin iyo Amanda ayaa hore u haystay labo gabdhood oo mataano ah, Clementine iyo Isabel Intii uu socday qalliinka oo qaatay muddo afar saacadood ah, dhaqaatiirta ayaa furay minka kaddibna waxay xireen daloolkii lafdhabarta canugga. Habka qalliinkaasi ayaa ah mid khatar ah wuxuuna sababi karaa in ilmuhu dhasho kahor xilligii loogu talo galay. Balse waxay dhaqaatiirtu ku guuleysteen inaysan dhaawicin mandheerta. Augustine oo xaaladdiisu ay wanaagsan tahay ayaa la filayaa in isbitaalka laga soo saaro toddobaadka dambe. Augustine ayaa isbitaalka lagu hayay tan iyo intii uu dhashay bishii December, balse Amanda ayaa sugeysa in toddobaadyo kaddib ay guriga u kaxaysato Ilmahan, ayaa sidoo maskaxdiisa laga saaray dheecaan ku jiray, xaaladdiisana waxaa la sheegay inay wanaagsan tahay. ‘Xaqiiqdii waa wax cusub’ “Dhaqdhaqaaqa lugihiisa waa mid wanaagsan waxaana rajo ka qabnaa inuu awoodi doono inuu socdo. “Inuu six or ah u socdo waa waxa aan dooneyno taas ayaana ku rajo weyn nahay.” Source
-
Jowhar ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Hirshabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaad 10 qof oo Ganacsato ah ku xirayM/Jowhar ee xarunta maamulkaasi. Ganacsatadan ayaa lagu eedeeyay in ay hoggaasimeen awaamiir ka soo baxday Al Shabaab, islamarkaana ay bixiyeen lacago ay ka dalbadeen. Dadkan oo tiro ahaan gaaraya illaa 6 Qof ayaa haatan ku xiran xabsiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhex. Sidoo kale taliska nabad sugida ee maamulka HirShabelle ayaa uga digay Ganacsatada kale in ay u hoggaan samaan awaamiirta Al Shabaab. Al Shabaab ayaa la sheegaa in inta badan lacago isugu jira canshuuro iyo sakawaad ka qaada Ganacsatada ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. The post Ku dhawaad 10 Ganacsato ah Oo lagu xiray M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Saddex Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay Telefoon kula hadleen dad ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa shalay la soo taagay Maxkamad, waxayna Ciiddanka Boliska codsadeen in loo oggolaado inay Eedeysanayaasha sii hayaan muddo 30 maalmood ah. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Boliska ku tuhunsan yihiin Eedeysanayaashaasi weerarkii ay Al-Shabaab isbuucii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, ee ay 21-qof ku geeriyootay. Wargeyska waxa uu qoray in La-tuhunsanayaasha la xiray uu ku jiro Iimaam Masjid ku yaalla Mandhera iyo Nin Ethiopian ah iyo Haweeney Kenyan ah, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Mukhtaar Cali, Zakiina Cabdalla oo Kenyan ah iyo Isaaq Xuseen oo Ethiopian ah. Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, oo lagu magacaabo MONIKA GATHAYGA ayaa sheegay in saddexdaasi qof laga duubay Codad, xilli ay Telefoonka kula hadlayeen dad ku sugan gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay maalmihii la soo dhaafay wadeen Hawlgalo ay ku soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay Weerarkii Hotelka DUsit D2, iyadoo qaar ka mid ah La-tuhunsanayaasha la sii daayey, halka kuwa kalena weli ay ku jiraan Xabsiyadda. Source
-
(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in wadahadalo ay kula yeesheen dalka Qadar danjiraha Mareykanka ee dalkaasi, Zalmay Khalilzad. Arrintan ayay Taliban ku dhawaaqeen saacado uun ka dib markii ay fuliyeen weerar ay dad kud hinteen. Dadaalada waadaxaajoodka ayaa dhawaan hakad galay ka dib markii Washinton ay ka biya diiday kooxda Daalibaan oo iyagu sheegay ina ysan wadaxaajod la galayn dowlada Afqanistaan. Kooxda ayaa ku adkaysanaysa in cidda ay wadaxaajoodka la galayaan ay tahay Mareykanka oo aysan dowlada Afqanistaan la fariisan doonin. Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kumaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka. Diidmada Taliban ay diideen in ay la kumaan dowladda Afqanistaan ayaa ah mid waji gabax ku ah xukuumadda madaxwayne Ashraf Ghani, oo horey u sheegay in ergo uu u diri doona kulanka Taliban. Wareegii hore ee wadahadalada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka markaasi oo ay sidoo kale Taliban diideen ina y la kulmaan dowladda Afqanistan. Weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadaan kooxda Taliban oo dhacay shalay ayaa waxa ku dhintay 20 qof . Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa la jiirsiiyay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Afqabistaan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dowlada Kenya oo wada baaritaano dhinacyo badan ah oo la xidhiidha weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la xaqiijiyay in saddex ka mid ah qoryihii ay isticmaalayeen dableyda weerarka geysatay ay ahaayeen kuwo ay dowlada federalka Soomaaliya ka soo iibsatay dibadda. Sida uu daabacay mid kamid ah warbaahinta Kenya DailyNation waxaa ay ciidamada Kenya gacanta ku hayaan shan qori oo ay isticmaalayeen dableydii gudaha u gashay hotelka DusitD2, lana ogaaday in saddex ka mid ah oo laga tirtiray sumada ama lambarka qoriga ay yihiin kuwo la mid ah kuwa ay isticmaalaan ciidamada Millatariga Soomaaliya. Hase yeeshee labada qori ee kale oo ay wateen dableydii weerartay Nairobi toddobaadkii hore ayaan la xaqiijin halka ay ka heleen ururka Al-Shabaab. “Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay 14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay wargeyska DailyNation. Qoryaha AK-47 ee laga helay Dhismaha 14 Riverside ayaa la rumeysan yahay in haweeney aan la garanayn ay soo gelisay gudaha dalka Kenya. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa bishii November ee sanadkii hore waxa uu ka digey in hubka ay Dowlada Soomaaliya soo iibsato ay u gacan galaan kooxaha ka soo horjeeda. Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in shan qori oo AK ah oo lagu qabtay howlgalo laga sameeyay gudaha dalka Kenya labo ka mid ah ay ahaayeen hub ay dowlada Soomaaliya soo iibsatay sanadkii 2013 kadib markii qeyb ahaan laga qaaday cunoqabataynta ganacsiga. Source
-
Waxgaradka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay magaaladaasi ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka socda deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Waxa ay sheegeen waxgaradkan in dagaal aanu waxbo soo kordhineyn, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo isku imaanshiyaha. Sidoo kale, waxgaradkan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabelle iney dhexda u xirtaan sidii loo damin lahaa colaaddaasi. “Dowladda dhexe iyo Hirshabelle waxaan idin leenahay kaalaya oo kaalintiina ka qaata xasilinta colaadahan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay. Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Hirshabelle waxaa kasoo cusboonaaday dagaallo sokeeye, iyadoo weli aan xal laga gaarin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Ciidankaasi, xilli ay marayeen waddada xeebta ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada milatariga ,halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidankaasi, walow aysan shaacin inta uu la’egyahay. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. The post Al Shabaab Oo sheegtay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hey’adaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Qorshaha la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac. Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay iyo gargaarka bini’aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini’aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka bini’aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel. “Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilli-roobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadka” ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “waxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf leh” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hay’adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lagu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga dadka. “Qorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini’aadamnimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. “Waxaan ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lagula tacaalayo caqabadaha ku gudban horumarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework) Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay’adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (PP) ─ Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa shalay kula kulmay Baydhabo Odayaasha, Wax-garadka, Dhallinyarada, Haweenka, Culummada iyo Xillibaannada kasoo jeeda beesha uu ka dhashay Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa u sheegay inay ka go’an tahay inay soo daayaan Wadaadkan oo u xiran Dowladda Somalia. Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda soo jeediyay qodobbo dhawr ah oo la xiriira xaaladihii ka dhacay Baydhabo Intii lagu guda jiray doorashadii ka dhacday Koonfur-galbeed iyo shaqaaqooyinkii lagu xiray Rooboow. Sidoo kale, odayaasha ayaa warbixinnadii ay siiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaddib, waxay dalbadeen inay diyaar u yihiin ayna soo dhaweynayaan dib u heshiisiinta uu wado maadaama uu yahay mas’uulka labaad ee ugu sarreeya dalka , isla makraana matala oonfur-galbeed. Dhanka kale, odayaasha ayaa codsaday in Guddoomiyaha uu ka shaqeeyo sidii uu xorriyadiisa u heli lahaa Sheekh Roobow, sidoo kalena ay u baahan yihiin in sida ugu dhaqso badan looga shaqeeyo sidii loo soo dayn lahaa. Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia, Maxamed Mursal ayaa intaas kaddib odayaashii uu la kulmay u ballan-qaaday in qodobbadii ay soo jeediyeen uu si deg-deg ah wax uga qaban doono. “Waxaan maanta idiin ballan-qaadayaa in xorriyadiisa uu heli doono Sheekh Mukhtaar Rooboow, arrintaas intii aan soo bixin ayaan ka wada-hadalnay madaxweynaha Iyo ra’isul wasaaraha, arrintaas ayaana idiin kugu bishaareynayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Afhayeenka ayaa sidoo kale odayaasha iyo qaybihii kala duwanaa ee kulanka kasoo qayb-galay ku qanciyay inaysan cidna raalli ka ahayn qaabkii loo maray xariggii Mukhtaar Roobow. “Waad og-tihiin aniga ahaan dhawr mar ayaan ka hadlay in Rooboow uu la mid yahay musharraxiinta kale, farahana laga qaado xitaa waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo xaalad walboo Mukhtaar lagula dhaqmay aniga raalli kama ahayn,” ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiye Mursal Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Barlamaanka DF ayaa u ballan-qaaday odayaasha dhaqanka in Mukhtaar Roobow uu banaanka keei doono haddii kalena ay isaga iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen ka dagi doonaan kuraasta ay ku fadhiyaan. DHAGEYSO; Hadalka Afhayeenka BF So malia uu ka jeediyay Baydhabo; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/DHAGEYSO_Mursal_Roobow_sii_dayntiisa.mp3 PUNTLAND POST The post GUDDOOMIYE MURSAL: Mukhtaar Roobow waan soo daynayaan ama waan is-casilayaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-220119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha keenay in EThiopian Airline dib u dhigto duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho. Wasiirka wuxuu sheegay in diyaaradaasi markii hore ay dalbatay in seddex duulimaad todobaadkii ku timaado magaalada Muqdisho, balse markii dambe ay kordhisay duulimaadyadeeda oo ay ka dhigtay todobaadkii oo dhan, kadib markii ay aragtay rakaabka tirada badan ee u baahan duulimaadyada. Wuxuu sheegay in muddo kadib diyaaradda ay dareentay in hoos u dhac uu ku yimid rakaabkii adeegsan jiray diyaaradaasi, sidaasi daraadeedna ay dib ugu dhigtay duulimaadyadeeda qaar, sida uu hadalka u dhigay. Laakiin ma uusan cadeyn in diyaaradda ay hakad gelisay duulimaadyadeeda magaalada Muqdisho, maadaama sida xogaha aan ku heleyno ay dib u bilaabi rabto bilowga bisha Febraayo ee sanadkaan. Wasiirka waxaa kale uu meesha ka saaray in shirkadda ay duulimaadyadeeda u joojisay markii ruux ajnabi ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo wata sunta dadka ka ilmeysiisa oo diyaaradaha ay mamnuuc ka tahay in lala raaco, maadaama lagu afduuban karo diyaarada, marka gudaheeda lagu adeegsado. “Waxaa isku soo aaday iyadoo nagu wargelisay in rakaabka oo yaraaday darteed duulimaadyada ay u joojiyeen iyo dhacdada oo dhacday”ayuu yiri wasiir Oomaar. Wararka ayaa sheegaya in ruuxaasi uu maalintaa raaci lahaa diyaarada Ethiopian Airline. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa wrabahinta u sheegay in dowladda Somalia ay la socoto ganacsato Soomaaliyeed oo dhaqaale ku taageera Al-shabaab, isagoo xusay in sababta ay ganacsatada dhaqaalaha u bixiyaan ay tahay sidii ay naftooda u badbaadsan lahaayeen. Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay wax cad oo aan qarsooneyn in Al-shabaab goob kasta oo furan ay ka qaataan dhaqaallo joogto ah, taasoo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay kooxdan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo. “Runtii waa mid cad in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan dhaqaale ay ku furanayan naftooda, cid walba waa og-tahay. Waana la og-yahay in Al-shabaab ay dhaqaale ka qaadato goobta kasta oo furan,” ayuu hadalkiisa ku daray Maareeye. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Maareeye ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga DF looga fadhiyo inay wax ka qabato dhaqaallaha ay Al-shabaab ay ka hesho ganacsatada Soomaaliyeed, si buu yiri loo curyaamiyo dhaqaalaha ay kooxdan hesho. “Ganacsatada way nooga sheekeeyaan dhibaatooynika ay kooxdan xagjirka ah ku hayso, balse waxaan uga baahannahay ganacsatada inay mar kaliya iska diiwaan dhaqaalaha ay siiyaan Al-shabaab, taasoo soo afjari karta gabi ahaan awoodda kooxda,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DF, ayaa ku eedeeyay Golaha Wasiirrada Somalia inay ka gaabiyeen Meel-marinta Guddiga Tayo-dhowrka badeecadaha Somalia la keeno oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga, isla markaana muddo bilooyinka ah uu yaalla xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre. Ugu dambeyn, Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo horay ay Dowladda Somalia u sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ruux walba oo dhaqaale siiya Al-shabaab, inkastoo amarkaas aysan jirin wax ka fulay tan iyo markii lagu dhawaaqay. DHAGEYSO; Codka Wasiirka Gancsiga iyo Warshadaha Soomaaliya; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/DHAGEYSO_Wasiir_Maareeye_Al-shabaab.mp3 PUNTLAND POST The post WASIIR MAAREEYE: Dowladdu way la socotaa in Ganacsatadu ay Lacago siiyaan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors