Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,312
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed Ee Melbourne ayaa sanadkii saddexaad ciyaar saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday dalka waxayna sidoo kale soo kordhiyeen caawinta dadka qaba baayiha gaarka ee xaga caafimaadka,iyagoo booqashooyin iyo is-dhaxgal bulsho 2018 ku maray magaaalooyinka Nairobi,Kismaayo Muqdisho iyo Baydhabo. 27-November 2018- ayay kasoo baxeyn Magaalada Melbourne ee dalka Australia wuxuuna socdaalka xambaarsanaa ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho waxaana la socday koox tariikh ah. 29-November 2018-wafdiga kooxda jaaliyada Melbourne ayaa socdaalka kasoo bilaaway magaalada Nairobi ee Kenya waxaana halkaas kusoo dhaweeyay jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Kenya iyo ciyaartooydii hore ee Soomaaliya,iyagoo sheegay in sanadaha soo aadan ay sugidoonaan kooxdan. 30-November 2018-Kooxda Islii Stars ayaa ciyaartii kowaad ee saaxiibtinimo waxa ay xdigaha Melbourne kula ciyaareen dalka Keyna waxaana kulankaas ka qey galay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Yariisow oo howlo shaqo u joogay magaalada Nairobi sidoo kale waxaa ku sugnaa mas’uuliyeen ka socotay safaarada Soomaaliyeed ee Kenya . 01-December 2018-magaada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne waxaaa si here sare ugu soo dhaweeyay xiriirka kubbadda cagta Jubaland,iyagoo bogaadiyay booqashada wafdiga jaaliyada Soomaaiyeed reer Australia. 02-December 2018-kooxda Jubaland oo ah horyaalka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa garoonka kubbadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xidigaha Melbourne waxayna u aheyd ciyaartoodii labaad ee saaxiibtinimo ay ciyaaran xirfadlayaasha Melbournme,xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa bogaadiyay jaaliyada Melbourne sida ay albaabada ugu fureyn jaaliyadaha kale ee u baahan in ay soo booqdaan deegaanada Jubaland. 03-December 2018-kooxda gabdhaha ee taariikhda la socotay safarka Melbourne ayaa qaliinkoodii kowaad ee indha fiiqista iyo haweenka isku furanka ka sameeyay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland waxaana arinta bogaadiyay dadkii qabay baahiya gaarka ee xaga caafimaadka,iyagoo jaaliyadaha kale ka codsaday caawinta walaalahooda ku dhibaataysan gudaha dalka. Inta ay Kismaayo joogeyn waxa ay booqdeyn deegaanka Goobweyn oo magaalada Kismaayo u jirta 15KM dhinaca waqooyiga waana deegaan tariikh fogleh oo aad u qurux badan waxaana la sheegaa in tariikh ahaan ay ka facweyn tahy magaalada kismaayo. 05-Dember 2018-ka dib maalihii qorshaynaa ay kooxda Melbourne ku joogeyn Jubaland waxa ay kasoo dageyn garoonka aadan cadde ee Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ciyaartooyda Melbourne ayaa inoo sheegay in wadanka uu is badlayo sandaba sanadka ka danbeeya xaga dhismaha iyo horomarka taasna ay guul u tahay qofkasta oo Soomaali ah. 07-December 2018-xidigaha Gobolka Banaadir ayaa ciyaartii kowaad ee saaxiibtinimo waxa ay kooxda Melbourne kula dheeleen garoonka Banaadir ee caasimada Muqdisho waxayna labada dhinac taageerayaashii kasoo qeyb galay kulanka usoo bandhigay ciyaar aad loogu riyaaqay. 08-December 2018-kooxda degmada Kaaraan ayaa kulankii 2-aad ee loo qorsheeyay xidigaha Melbourne kula ciyaaray isla garoonka Baanaadir ee degmada Cabdi Casiis,inkastoo xidigaha Melbourne ayaa kulankaas ku badiyeen natiijo 4-3 ah. 09- December 2018-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo wafdiga kooxda jaaliyada Soomaaliyed ee Melbourne ayaa booqasho iyo indha indheyn u tagay garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho waxaana dhalinyarada lagu soo wareejiyay qeybaha kala duwan ee tuulada ciyaaraha,iyagoo balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dib u dayactirka garoonka ugu weyn wadanka. 10-Decmber-2018-Kooxda gabdhaha tariikhta oo qeyb ka ahaa safarka Melbourne ayaa maagalada Muqdisho ka fuliyay qaliinka indha fiiqista,qaar ka tirsan taqaatiirta ayaa inoo sheegay in ay jirto baahi badan oo caafimaad,balse hadii ay iska kaashadoaan qurbajoogta iyo dadka gudaha mustaqbalka la ciribtiro karo. 10-Decmber 2018-Kooxda kubabdda cagta Midnimo ayaa ciyaartii u danbeesay ee saaxiibtinimo loo qorsheeyay xirfadlyaasha Melbourne kula ciyaaray caasimada Muqdisho,tababare Cal Xuseen ayaa u mahad celiyay dhamaan Kooxihii ay kula ciyaareen maaglloyinka kala duwan sanadkii tagay 2018. 11-December 2018-wafdiga ciyaartooyda macalimiinta iyo tariikhda ayaa u amba baxay magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed waxayna u aheyd markii ugu horeesay ay jaaliyada reer Australia ay booqasho u tagaan degaanada Koonfur Galbeed waxaana si weyn garoonka ugu soo dhaweyay maamulka degmada Baydhabo iyo bahda ciyaaraha waxayna arinta go’gol xaar u aheyd iso soo dhawaasho dhex marta shacabka reer Koonfur Galbeed iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Australia. 12-December 2018-Baydhabo kaliya waxa ay ku dheelaan hal kulan oo qura waxayna la ciyaareeyn xidigaha kooxda Koonfur Galbeed,inkastoo wiilasha uu hogaamiyo macalin Cali Xuseen ee Melbourne ay ku badiyeen 1-0 waxayna aheyd ciyaartoodii u danbeesay ee saaxiibtinimo iyo is-dhaglka bulshada sanadkii tagay 2018. 14-December 2018-waxaa soo idlaaday socdaalkii wafdiga ciyaartooyda,macalimiinta iyo kooxda taariikhta ay ku kala baxiyeen magaalooyinka Nairobi,Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhabo waxayna si wadajir u balanqaadeyn in sanadka soo aadan ay badindoonaan caawinta walaalahooda ku dhibaataysan gudaha si mustaqbalka loo ciribtiro baahida caafimad ee ka jirta gudaha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Socdaalkii 3-aad ee Kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Reer Australia W/D–Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  2. Sheekh Aadan Cabdiraxaman Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa isla markaana ay xabsiga u taxaaben ciidamada Somaliland sannadkii 2017-kii ayaa waxaa uu farriin xabsiga dhexdiisa uga soo direy madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sheekha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu diidey in uu cafiyo ka dib markii uu horey ugu ballan-qaadey in uu cafiyo. Sheekh Aadan Sunne ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqey in uu xabsiga Hargeysa soo booqdo oo uu indhihiisa ku arko xaaladda dadka maxaabiista ee ku jirta xabsiga Hargeysa. “Dalku wuu xanuunsanayaa oo caafimaad ayuu u baahan yahaye ee makuu haboon tahay inaad jeelka Hargeysa soo booqato?” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne oo cajalad kasoo dhex duubey xabsiga dhexe ee Hargeysa. Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxaa uu ugu baaqey in uu wax ka qabto dulmi uu sheegay in uu ka jiro Somaliland iyo gaar ahaan xabsiyada. “Madaxweyne dalkan waan soo wada joogney waayihiisana waan arkeynay Siyaad Barre waxaad kala hor tagtay halgan af iyo addinba ah dawladihii ka dambeeyay hadday tahay Cigaal, Rayaal iyo hadday tahay Siilaanyo waxyaabihii aad ku dhaliili jirtay waan joogney oo way qoran tahay dadka loo daadanayo ee guryahooda laga taxaabo ee la handido jeelasha iyo dulmiga jira iyo dadka la iska xidh-xidho ayaad ka hadlin jirtay, maanta miyaaney kuu garoobin wixii aad horey u ballan qaadey inaad socod siiso oo dulmiga dhacaya iyo dadka karaamadoodii lagu tumanayo inaad ka dul qaado” ayuu yidhi Sheekhu. Somaliland ayaa dhawr jeer oo kala duwan sheekhan xabsiga u taxaabtey iyadoo ku eedaynaysa in uu dalka ka wado kicin dadweyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-London)Midowa Europe aya waxaa uu cune qabateeyn ku soo rogay Saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka military ee Ruushka ee GRU loo yaqaano, Sababta cune qabateyntuna waa weerarkii suntan loo adeegsaday ee ka dhaca Salisbury. Afar Qof ayaa lagu soo rogay cune qabateeynta waxaana ka mid ah Hogaanka iyo ku xigeenka GRU iyo Labo shaqsi oo lagu eedeeyay in ay weerarka fuliyeen. Sunta la adeegsaday nuuceedu waa Novichok waxaana lala beegsaday Xubin horay uga tirsanaa Sirdoonka UK iyo Rushka, balse hadda degan . Cune qabateeynta waxaa ku jira Hanti la fariisiyay iyo Socdaalka oo laga mamnuucay. Midowga Europe ayaa tilaabadaan waxaa uu uga golleeyahay in uu taageero ugu muujiyo UK Source
  4. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta baarlamanka Puntland ka codsaday in wakhti loogu daro mudadii uu kusoo dhisi lahaa xukuumad cusub. intaas [...] Source
  5. (SLT-Zimbabwe)Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa soo gabagabeeyay safar uu ku marayay qaaradda Yurub xilli dalkiisa ay ka taagan yihiin dibadbaxyo rabshada wato. Wuxuu sheegay in aanan loo dul qaadan doonin qalalaasaha isla markaasna dhaleeceeyay sida ay uga falceliyeen booliska iyo militariga xilliggii ay socdeen dibadbaxyada. Mnangagwa ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay xal u helidda dhibaatada dhaqaale iyo dib u heshiisiin qaran. Emmerson Mnangagwa ayaa lagu waday inuu ka qeyb galo shirka arrimaha dhaqaalaha looga hadlayo ee ka furmay magaalada Davos ee dalka Switzerland si uu maalgashi ganacsi ugu raadiyo Zimbabwe. Dowladda waxay sheegtay in mucaaradka ay sare kaca sicirka shidaalka u adeegsanayaan kicinta rabshado. Xisbiga mucaaradka ee MDC ayaa ku eedeeyay dowladda inay tacaddiyo u geysaneyso taageerayaasha mucaaradka. Madaxweyne Mnangagwa ayaa toddobaad ka hor ku dhawaaqay in qiimaha shidaalka sare loo qaadayo arrintaas oo horseeday dibadbaxyo rabshado wata, meelaha sida weyn dhibaatada uga dhacday waxaa kamid ah magaalada caasimadda ah ee Harare iyo Bulawayo. Dadka u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay rabshadaha balse si rasmi ah looma xaqiijin dhimashada. Mnangagwa ayaa xalay kusoo laabtay magaalada caasimadda ah ee Harare. Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka,Nelson Chamisa wuxuu sheegay in xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa la xiray oo ay kamid yihiin afar xildhibaan. Wuxuu ku eedeeyay laamaha ammaanka inay weerarayaan guryaha taageerayaashooda. Source
  6. (SLT-Khartoum)Boqolaal kamid ah shacabka reer Suudaan ayaa mar kale dibadbaxyo ka dhigay magaalada Omudurman kaddib markii qof dibadbaxayay oo dhawaan dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday. Sudanese demonstrators burn tyres as they participate in anti-government protests in Omdurman, Khartoum, Sudan January 20, 2019. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah Dalka Suudaan waxaa ka taagan dhibaato dhaqaale kadib markii qiimaha maciishadda ay sare u kacday gaar ahaan cunnada iyo dawooyinka. Dadka banaanbaxayay ayaa codsanaya inuu xilka ka dego madaxweyne Cumar Al Bashiir. Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada ka socda Suudaan, madaxweyne Al Bashiir wuxuu sheegay in uusan xilka ka degi doonin balse uu xallinayo dhibaatada ka taagan dalkaasi. Source
  7. (SLT-Indonesia )Indonesia ayaa dib u eegis ku sameyneysa go,aanka lagu sii deynayo wadaad xiran oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2002 lagu qaaday jaziiradda Bali, kadib markii uu arrinta soo farageliyay raysal wasaaraha Australia Scott Morrison. Wasiirka ammaanka dalkaasi ayaa sheegay in madaxweyne Joko Widodo uu ka codsaday inuu dib u eegis ku sameeyo qorshaha lagu sii deynayo wadaadka mayalka adag Abu Bakar Ba’asyir. Arrintan ayaa timid saacado kaddib markii uu Mr Morrison ka codsaday Indonesia inay “xushmad weyn” u muujiso Australia. Weerarkaas lagu qaaday goob lagu caweeyo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof, oo badankood u dhashay Australia. Ba’asyir, oo 80 sano jir ah, ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay hoggaamiyaha ay ka talo qaataan kooxda Jemaah Islamiah, oo weerarka lagu eedeynayo. Go`aanka wadaadkaasi lagu sii deynayo ee uu toddobaadkii hore qaatay madaxweyne Widodo sababo dhanka caafimaadka la xiriira ayay dad badan cambaareeyeen. Isagoo shir jaraaid qabtay Isniintii, ayaa wasiirka ammaanka ee Indonesia wuxuu sheegay in goaankaasi dib u eegis lagu sameynayo. Wiranto, oo sida dad badan oo Indonesia u dhashay loogu yeero hal magac, ayaa sheegay in madaxweyne Widodo uu amray in qiimeyn lagu sameeyo arrintaasi. Mr Morrison ayaa hore u sheegay in isaga iyo saraakiil kale ay xiriir la sameynayeen Indonesia iyagoo ka wada hadlayay sii deynta wadaadka. “Dadka Australia sib aan ayay habeenkaasi u ledeen, waxaana u maleynayaa in dadka Australia ee meel walba ku sugan inay filayaan in arrintan ay dowladdeenna si weyn uga fiirsato,” ayuu yiri. Ba’asyir ayaa 15 sano lagu xukumay sanadkii 2011 kaddib markii lagu eedeeyay inuu taageerayay maleeshiyaadka ku sugan gobolka Aceh. Saddex nin ayaa la dilay iyagoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerar dhacay sanadkii 2008, kuwo kale oo badan ayaa xabsiga la dhigay amaba ay dileen ciidammada ammaanka. Source
  8. HirShabelle state security forces have arrested over 10 businessmen in Jowhar town, the regional capital of Middle Shabelle region in the past few hours. The local traders were accused of abiding by orders from al-Shabaab and have paid out taxation to the Al-Qaeda-linked militant group. Six people have been detained in Jowhar’s Police station, according to the residents. HirShabelle state authorities have warned that other traders against complying with al-Shabaab’s orders. Al Shabaab is reported to have largely collected taxes and Zakah from the traders in the Hiraan and Middle Shabelle regions of south and central Somalia. The post More than 10 traders arrested in Jowhar town appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sabtidii lasoo dhaafay maagalada Muqdisho ka furay koob lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV waxaana ka qeybgalay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Heegan,Jeenyo ,Elman iyo Muqdisho City Club. Kulankii kowaad waxaa daah furay kooxaha kala ah Muqdisho City Club iyo Elman waxayna ciyaartooyda ku dhamaatay barbaro 2-2,balse gool ku laadyo 4-2 waxaa fiinaalka ugu soo baxay baxay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Ciyaartii 2aad waxaa food is daray naadiyada L.L.P Jeenyo iyo Heegan,iyagoo taageerayaashooda kasoo qeybgalay kulankaa usoo bandigay kubbadda ku dhisan farsamo,balse waxaa nasiibka saaciday wiilasha Heegan oo sidaas ugu soo baxay kama dambeesta tartankan lagu xusay Cawil Daahir Salaad. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV ayaa u dhintey Qaraxyadii 22-December 2018 ee ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho. Kooxda Heegan ayaa Kulankii kowaad wajahaysa dhigeeda Muqdisho City Club tan iyo markii loo bixiyay magacaas 25-Novermber 2018, balse sanadihii lasoo dhaafay waxa ay soo wada dheeleen tartamadda maxliga ee gudaha,inkastoo waqtigaa ay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ku ciyaaraysay magaca Banaadir Sports Club. Source: goobjoog.com
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland uu dilay gabar askari aheyd oo ay muddo isla shaqeynayeen. Askariga ayaa toogtay Fowsiya Xasan Khaliif oo kamid aheyd ciidamada maamulka Jubbaland xili ay ku sugneyd degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, sida saraakiil ciidanka u hadashay ay sheegeen. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga dilka geystay iyo gabadha uu ka dhaxeeyay xiriir jaceyl, waxaana la sheegay inuu soo kala dhex galay khilaaf, taasi oo sababtay in gabadha uu toogto. Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka u geystay gabadha, waxaana la sheegay in hadda uu ku xiran yahay degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Maamulka Jubbaland ayaa dhoobleey muddooyinkii ugu dambeeyay ka waday diyaar garowga dagaal ka dhan ah Al shabaab, waxaana ciidamadan ay kamid ahaayeen kuwo dagaalka la filayay inay ka qeyb galaan. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  11. The Al-Qaeda-affiliated Al-Shabaab militants have carried out a bomb attack against a convoy carrying Somali troops on the outskirts of Mogadishu, the Somali capital. Al Shabaab said it was behind the roadside blast on the army, which occurred on the seaside road linking the capital to Marka, the regional capital of Lower Shabelle. At least two government soldiers were reported to have been killed and several wounded in the incident, according to a local resident, who spoke to Radio Shabelle by phone. The attack was the latest in a string of ambushes against Somali and AU troops traveling routinely on the street as the allied forces ramp up military operation in the region. The post Two soldiers dead, several hurt in bomb attack near Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. [...] Source
  13. Guddiga amniga Puntland oo hadda shir jaraa’id ku leh Garowe. ayaa digniin culus udiray gaadiidka dolwadda ee taargo la’aanta ah iyo ciidamada magaalada hubka la [...] Source
  14. Labo bil ayaa u dhaxeysa booqashadii uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Talyaaniga iyo midda ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Goobjoog News ayaa Isbarbardhig ku sameysay natiijada labada booqasho. Marka hore, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa waxaa uu maalmihii tagay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Talyaaniga, isaga oo halkaasi kula kulmay madaxda dalkaasi iyo mas’uuliyiin kale. Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella waxaa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhan walbo ah. Ra’isul wasaaraha Itoobiya waxaa uu ku booriyey Mattarella inay iskaashi ka sameeyaan dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga, warashadaha iyo dhismaha halka Sergio Mattarella uu Abiy ku ammaanay isbadalka uu ka wado geeska Afrika. Kulan kale oo dhex maray ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo dhiggiisa Talyaaniga Giuseppe Conte marka laga soo xiriirka labada dal iyo iskaashi dhex mara, waxaa kale oo lagu heshiiyey in Talyaaniga ay maalgeliyaan waddo tareen oo isku xirta Addis Ababa – Massawa. Intii uu Talyaaniga joogay waxaa kale uu Abiy Axmed la kulmay agaasimaha fulinta ee World Food Program Mr. David Beasley iyaga oo ka wada hadlay taageerada hey’addaasi ay siiso guud ahaan Itoobiya gaar ahaan ilaa 3.3 million oo ah oo Soomaalida Itoobiya ah. Mas’uuliyiintii uu Abiy Axmed la kulmay waxaa ka mid ahaa agaasimaha hey’adda Qaramada Midoobey ee Food and Agriculture Organization(FAO) Mr. José Graziano da Silva, hey’addan ayaa balanqaaday xoojinta barnaamijyada ay ka wado Itoobiya sida ladagaalanka faqriga, helidda cuntada, xoojinta wax soo saarka beeraha, sare u qaadista wax soo saarka dalagga iyo qeybinta, waxaa kale oo isla soo qaaday isbadalka ka socda geeska Afrika ee isdhexgalka dhaqaalaha Mr. Abiy Axmed waxaa uu sidoo kale la kulmay Mr. Gilbert F. Houngbo, oo ah madaxweynaha hey’adda International Fund for Agricultural Development (IFAD), hey’addan oo UNka leedahay xarunteeduna tahay Rome waxaa ay isla meel dhigeen cunto kaaftoonka, kor u qaadista dakhliga, taageerista beeraleyda yaryar iyo sidii ay hey’adda kor ugu qaadi laheyd taageerada ay siiso reer miyiga Itoobiya. Ra’isul wasaaraha Itoobiya intii uu Roma joogay waxaa uu la fariistay madaxda shirkadaha ugu waaweyn, isaga oo ku dhiirigeliyey maalgeshiga warashadaha, beeraha iyo arrimo kale, Talyaaniga waxaa uu deyn ahaan Itoobiya u siiyey $25M. Dhanka Soomaaliya, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa talyaaniga booqasho saddex maalin ah ku tagay November 19, 2018, isaga oo la kulmay madaxweyne Mattarella, ra’iisul Wasaare Conti iyo afhayeennada labada aqalka. Booqashadaasi waa midda keliya ee rasmiga ah ee Farmaajo uu ku tago dal reer galbeed ah, isaga oo gabagabadii ka dhahay “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” . Si ka duwan sida Adis Ababa, Muqdisho ma sheegin haba yaraatee wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxa ay ku wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiintii uu la kulmay, sidoo kale ma jirin qoraallo rasmi ah iyo heshiisyo la shaaciyey oo la kala saxiixday. Inkasta oo ay Farmaajo la socdeen wasaaradda arrimaha dibadda, agaasimaha madaxtooyada iyo shaqaalaha badan oo Villa Somalia ah, la-taliyeyaashiisa iyo diblomaasiyiin hadana ma jirin wax ka badan sawirro oo safarkaasi laga ogyahay. Inka daa in saxaafadda iyo shacabka Soomaaliyeed lala wadaagee, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa marar badan codsaday in la horkeeno heshiisyada uu galo madaxweynaha si loo ogaado, loona qiimeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa goor dhowayd hortagay xildhibaanada Baarlamanka Puntland isagoo u gudbiyay codsi uu ku saabsan in muddo kordhin [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baadi goobeysa wiil dhalinyaro ah oo todobaadkii hore shimbir badbaadiyay, xili uu kusugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal kooban oo muujinaya in la baadi goobayo wiilka dhalinyarada ah. Isaga oo soo bandhigay muuqaalka wiilka dhalinyarada oo shimbirka badbaadinaya ayuu soo qoray “Reer Gaalkacyo Wiilkan yaa garanaya”. Wiilkaan ayaa shimbirta badbaadiyay kadib markii ay koronto ku qabsatay mid kamid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Caasimadda Online ayaana baahisay muuqaalka, iyadoo uu qabsaday baraha Bulshada. Madaxtooyada ma aysan sheegin ujeedada loo baadi goobaya wiilka dhalinyrada ee shimbirta badbaadiyay.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa ka socota, diyaarinta caleema-saarka madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni ,oo la qorsheeyay in ay dhacdo, 26 bishan Jannaayo ee ku beegan sabtida todobaadka dambe. Madaxweynaha oo la doortay 8-dii bishan Jannaayo, ayaa isla maalintii xilka uu la wareegay ee 14-kii bisha, wuxuu magacaabay afar guddi oo u xil-saaran qaban-qaabada iyo diyaarinta xafladda caleema-saarkiisa oo si cajiib ah loo agaasimayo. Guddiyada ayaa ka kooban; guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhoweynta, guddiga marti-gelinta, dejinta iyo gaadiidka, guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga,waxaana dhammaantood ku midaysan yihiin, qaban-qaabada iyo diyaarinta caleema-saarka madaxweynaha. Yaa ka soo qeyb galaya caleema-saarka madaxweyne Deni? Xafladda oo loo diyaarinayo si hab-maamuus cajiiba leh, ayaa waxaa ka soo qeyb gelaya, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka. Madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore. Waxaa lagu casumay laba kamid ah madaxweynahayaashii hore ee dalka,Xassan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo laba kamid ah ra’iisul wasaarayaashii hore, Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed, wasiirro iyo xildhibaanno hore. Mucaaradka iyo Xisbiyada dalka. Ilo’xog ogaal ah oo Garoowe ku sugan ayaa sheegaya, in xubno ka socda xisbiyada dalka iyo siyaasiyiiinta mucaaradka lagu casumay xafladda caleema-saarka, balse faahfaahin kale lagama hayo, inkastoo Xassan Sheikh iyo Sheikh Shariif laftoodu ay matalayaan xisbiyo siyaasadeed. Mas’uuliyiinta ka imaanaya dalalka deriska ah. Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wasiiro ka tisan xukuumaddiisa ayaa lagu casumay caleema-saarka madaxweynaha. Sidoo kale dalka Kenya waxaa la casumay, hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka imaanaya magaalada Nairobi. Mas’uuliyiin ka socda dalka Djibouti ayaa iyanaya ku casuman caleema-saarka. Dhanka Beesha Caalamka Madax ka socota urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, safaaradaha dalal ay ku jiraan Turkiga iyo Imaaraadka, xubno ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiilo kale oo heer caalami ah ayaa ka soo qeyb galaya caleema-saarka Madaxweyne Deni . Madal kulmin doonta mucaarad iyo muxaafid! Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore Xassan Sheikh Maxamuud oo hoggaamiya siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa ka soo wada-qeyb galayaa xafladda caleema-saarka. Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Xaaf oo xurguf siyaasadeed kala dhexayso dowladda Federaalka ayaa iyaguna ku casuman xafladda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Caleema-saarka Deni: Madal kulmin doonta mucaarad iyo muxaafid appeared first on Puntland Post.
  18. Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorshe muhiim ah ka damacsan munaasabada lagu caleemo saarayo, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan munaasabada xubno kala duwan. Xubnaha mucaaradka, madaxdii hore ee dalka iyo madaxda hadda talada haysa ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynayaashii hore ee dalka SHariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu casuumay inay ka qeyb galaan munaasadda sida ilo xog ah ay u sheegeen Caasimadda Online. Sidoo kale waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in munaasadda lagu casuumay hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo madaxweynaha Jubbaland oo si weyn u dhaliilsan xukuumadda hadda dhisan. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa shaki weyn la gelinayaa inay ka qeyb galaan caleemo saarkaasi, waxaana dadka la hadal hayo inay ka qeyb galayaan munaasadda wasiirka arrimaha dibadda ama wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Saciid Cabdullaahi Deni uu damacsan yahay in xubnaha mucaaradka iyo madaxda dowladda ku wada hadlaan magaalada Garowe iyadoo fursadda laga faa’ideysanayo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Hanti Dhawraha Guud Ee Somaliland waxa ay Baadhitaan Ka Bilaabay Hay’adda Duulista Iyo Madaarada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada Golaha Aqalka Sare ee BFS Senator Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee M /Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay burburinta Ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee k/ Soomaaliya. Senator Nadiir ayaa tilmaamay in aan loo dul qaadan karin in Kenya ay burburiso xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku leeyihiin dad badan Oo Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu dowladda Soomaaliya ka dalbday in Kenya ay kala xisaabtanto tacadiyadaasi ka dhanka ah hantida shacabka Soomaaliyeed . Habeen hore ayey aheyd markii Ciidanka dalkaasi ay qaraxyo ku burburiyeen xarun ay Hormuud ku lahed deegaanka Dhuyac-Garoon ee gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose Ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-mahad-1.mp3 The post Senator Nadiir Oo ku baaqay in Kenya lagala xisaabtamo burburinta xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
  21. KA: MUWAADIN REER PUNTLAND AH KU MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND SICIID CABDULAAHI DENI Warqaddan furani kama iman shisheeye, dawlad diid, mucaarad, siyaasi iyo qof dano gaar ah leh, waxayse ka timid NASRO CABDIRISAAQ AXMED, muwaadin Soomaaliyeed, reer Puntland ah, ku dhalatay, ku barbaartay, wax ku baratay, deggan oo ka shaqaysata, intii Puntland ay dhisnaydna aan meel uga bixin, waxa aan ka mid ahay dadka aad masuulka katahay, waxa aan aaminsahay inaan dareenkayga iyo kan shacabkaba kula wadaagi karo. Ku hadli mayo, Af Qabiil, Qolo ama Koox gaar ah, balse waxa aan xambaarsanahay farriin ka timi bulsho kala duwan oo ku nool deegaannadan Puntland kuwaasi oo aan awoodin inay kula hadlaan, Warqaddan furan magaceeda waxaa la yiraahdaa “Waxa aan kula hadlayaa aniga oo ah”. Mudanne madaxweyne waxa aan kula hadlayaa adiga oo ah madaxweynihii ay doorteen xubnaha baarlamaanka Puntland ee ka dhex yimid shacabka aan ka mid ahay. Mudane Madaxweyne, Ma sahlana in masuuliyaddooda la qaado malaayin qof, waxa aan alle SWT kaaga baryayaa in alle kuu fududeeyo masuuliyaddaas adiga iyo inta kula shaqayn doontaba, waxa aanse mar walba ku xasuusinayaa in xilku yahay wax culus lugugulana xisaabtami doonto maalin aakhiro. Mudane Madaxweyne ma awoodo inaan si khaas/shakhsi ah kugusoo gaarsiiyo warqaddan, waxa aan door biday inay noqoto warqad furan, waxaan rajaynayaa in ay si uun kugu soo gaari doonto, aadna u akhriyi doontid si taxaddar leh, u heli doontid xogta ay xambaarsantahay sida saxda, tixgelinna siin doontid baahiyaha ku qoran insha allah. Madaxweyne waxa aan kula hadlaya aniga oo ah Muwaadin u baahan amni buuxa, Aqoonyahan shaqa la’aani hayso, Dhibbane caafimaad, Danyar awood daran, Waalidaan awoodin waxbaridda ilmihiisa, Askeri u taagan sugidda amniga aanse helin daryeel, Muwaadin uu saameyey sicir bararka iyo nolosha qaalliga ah, Dulmane caddaalad doon ah, Canshuur bixiye aan beddelkeeda helin, Dhibbane musuq maasuq, Suxufi la kulma caburin iyo cagajugleyn shaqadiisa darteed iyo aniga oo ah muwaadin doonaya xoriyatul qowlka dastuurku siiyey. Mudane Madaxweyne, waxa aan ahay muwaadin reer Puntland ah, waxaan usoo joogay xilliyo kala duwan oo Puntland soo martay, waxa aan goob jog u ahaa xaalado badan oo lasoo maray, wallow xilliyada qaybtood aanan lahayn garaadka aan manta leeyahay, waxa aan dareemayaa in nolosha dadka reer Puntland ee xilligan ay leedahay tabashooyin, haddii ay noqoto dhinac ammaan, waxbarasho, Caafimaad, shaqo, wax soosaar, ganacsi iyo arrimo bulsho. Mudane Madaxweyne, Nabadgelyadu waa waxa Puntland kusoo baraadhay halkaasna lagu soo gaartay, waxaan ku seexanaa, ku toosnaa, kuna shaqaysanaa nabad, muddooyinkii ugu dambeeyeyse sida qof walbaaba ogyahay waxaa dhacayey falal la xiriira ammaan darro, kuwaasi oo dad aan waxba galabsan lagu laayey, lagu dhaawacay, looguna hanjabay, qaybo ka mida dhulka Puntland waxaa ka jira xaalado amaan oo aan si buuxda laysugu hallayn Karin. Arrimahaasina waa kuwo aad u damqaya shacabta Puntland ee nabad gelyada kusoo caana maalay. Madaxweyne waxaan codsanaynaa in xaaladahaas amaan wax laga qabto, dawladdaaduna muhiimadda kowaad iyo labaadba siiso sidii loo sugi lahaa amaanka guud ahaan bulshada reer Puntland, si loogu noolaado nabad iyo cabsi la’aan. Mudane madaxweyne, Ciidanku waa tiir dhexaadka sugidda amniga, waxa kuleylka qorraxda iyo qabowga habeenimaba u joogaan sidii dadku ugu seexan lahaayeen, ugu soo toosi lahaayeen, uguna noolaan lahaayeen alle idankiis nabad. Boqollaal ka mid ah ciidanka Puntland waxa ay naftooda ku waayeen difaaca Puntland iyo suggidda amaanka dhulkan, iyada oo ay sidaas tahay ma helin daryeel buuxa, mushahar ku filan, dhiirri geli, daryeel qoys iyo gunnooyinka ay xaqa u leeyihiin lamana siin ahmiyadda ay u leeyihiin dhulka Puntland. Mudane madaxweyne ciidanka oo si sax ah loo siiyo xaqooda, la daryeelo iyaga iyo qoysaskooda, lagu tixgeliyo shaqada ay u hayaan dalka, waxa ay horseedaysaa in ay u shaqeeyaan sida saxda ah. Haddaba waxa aan kaa codsanaynaa Madaxweyne in ciidanka ahmiyad la siiyo, xaqooda helaan si ay u gutaan waajibaadka saran. Mudane madaxweyne, In la helo daryeel caafimaad waa aas aaska nolosha, wax la qabtona waxaa ugu mudan in la badbaadiyo naf haddii alle badbaado u qoray, dad badan ayaa waxa ay u dhinteen dhiig bax, daryeel xumo caafimaad, ma helaan gargaar degdeg ah oo buuxa, kii dadkiisu u awoodaan waxaa loola cararaa magaalooyinka kale ee Soomaaliya, kii ay naftu ku sinto inuu gaaro xarun caafimaad waa alle mahaddii, kii kalese waxaa uu ku qur baxaa inta uu gaariga ama diyaaradda sii saaranyahay, waxaa jira goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay laakiin dadka danyarta ah ee reer Puntland ma awoodaan inay iska bixiyaan kharashaadka badan ee goobahaas. 20 sano kadib Waa nasiib xumo weyn in Puntland aanay lahayn goob caafimaad oo dawli ah oo ay u dhamaystiranyihiin dhamaan adeegyada caafimaadku. Mudane waxaan codsanaynaa in dawladdu ku dedaasho bixinta adeeg caafimaad oo buuxa, jaban la awoodo, bilaashna u ah dadka danyarta ah, si aan qof dambe ugu dhiman isaga oo loo waayay dhiig joojin ama Ogsijiin la’aan. Mudane madaxweyne, Waxa aad ka mid tahay aas-aasayaasha waxbashada Puntland, aqoon iyo khibrad badan ayaadna uleedahay muhiimadda aqoonta, waxbarashada waa waddada lagaga bixi karo karo jahliga, waa iftiinka waddo kasta oo madow, Bulshada reer Puntland inbadan oo ka mid ahi waa danyar aan awoodin inay ilmohooda u helaan waxbarasho bilaash ah, qaybo ka mida oo awooda waxaa aad qaalli ugu noqday kharashaadkii, taasi oo sababtay in ilmaha qaybi waxbarato qaybina guryaha joogaan, sannadadii lasoo dhaafay isaka daa in dawladu kabto ardayda ee waxaa ardayda la dulsaaray lacago aanay awoodin waalidku. Mudane madaxweyne waxa aan kaa codsanaynaa iyada oo dawladdu doorkeeda qaadanayso in la helo waxbarasho lacag la’aan ah ilaa dusgiga dhexe, haddii aan la awoodiinna laga dhigo mid qof walba oo muwaadin ahi iska bixin karo si ilmo kasta oo reer Puntland ahi u helo waxbarasho. Mudane madaxweyne, jaamacadaha dalka iyo kuwo dibaddaba waxaa sannad walba kasoo qalin jebiya arday badan, waxaa galay wakhti iyo kharash laga yaabo inay dhididey hooyo danyar ah oo mudo dheer qorrax u fadhiday sidii ay meel u gaarsiin lahayd ubadkeeda, aqoonyahankaasi waxay ka welwelaan marka ay dhameeyaan jaamacadaha wixii ay qaban lahaayeen, meshi ay wax ka bilaabi lahaayeen iyo cidii u hirgelin lahayd haddiiba ay keenaan fikiro shaqo abuur. Waxaa badatay shaqa la’aanta dhalinyarada, waxayna dhaxalsiisay ugu dambayn inay ka haajiraan wadanka oo ay maraan waddo khatar leh oo qodxa badan ama ha gaaro halkuu rabay ama bad iyo saxare cidlo ah ha ku dhintee, waxay dhaxlsiisay in qofku barto balwad asaaggiis ka reebta uuna nolosha oo dhanba ka dhaco. Haddaba madaxweyne dhalinyarada reer Puntland waxay u baahnyihiin shaqo, keliya shaqadu ma ahan in xafiis la fariisto oo dawladda ama ha’ayd loo shaqeeyo, laakiin waxaa loo baahanyahay shaqo abuur, haddii ay noqon lahayd in waddanka la maalgeliyo, ganacsiga kor loo qaado oo addunka lagu xirmo, lala jaanqaadayo fursahada tiknoolajiyayeed, warshado la sameeyo, kalluumaysiga la dhiirri geliyo, wax soo saarka beeraha xoogga la saaro ama lagana faa’iidaysto wax soosaarka xoolaheenna. Mudane madaxweyne, waxaa jira danyar, curyaanno, indhoolayaal, darbi jiifyo iyo agoomo waxaa jira guryo aan dab laga shidan, adiga ayaa masuul ka tahay alle hortiis, waa dadkii aad u dhaaratay. Waxa aan codsanaynnaa in dawladda aad hoggaaminaysaa Madaxweyne, qorshe cad ka yeelato xakamaynta aafada sicir bararka sababay in wax walba oo la quudan lahaa ama la qaadan lahaaba qaaliyoobaan, in la xakameeyo sarifka lagaha qalaad lana jaan gooyo, Mudane waxaan kaa codsanaynaa in sarifka shilin soomaaliga meel lagu jaan gooyo aan la dhaafin ciddii jebisa sharciga la marsiiyo, lagana hortago wax walba oo sababi kara in sicir barar dhoco oo ay ka mid tahay in la sameeyo lacag xad dhaafa oo aan loo baahnayn sharcina ahayn. Mudane madaxweyne, Qof walba oomuwaadin ah awoodna u lihi wuxuu jeclaan lahaa inuu yeesho hanti uu ku noolaado, dhisto guri uu dego, ama kiraysto hoy uu awoodo inuu iska bixiyo kiradiisa. Magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan caasumadda Garoowe waxay ka mid tahay meelaha aan la goyn Karin dhulkeeda, guryeheeda iyo kiradeeda, mar marka qaar isku qabsiga dhulka waxaa ka dhasha dhibaatooyin dhimasho sabab. Haddaba muwaadinka u baahda bogcad waxa khasab ah inuu dhowr sano u shaqaysto oo waxayba mar mar ka qaalisantahay lacagta lagu dhisi lahaa guri, haddiiba uu helo bogcad dhibkasta ha u maree waxaa uu u baahanayay inuu sanno badan oo kale uu ushaqeeyo sidii uu hoy u dhisi lahaa isaga oo aan ogaynba shaqada uu hayaa in ay ku simayso waqtigaas iyo inkale, dawladdu waa tan keliya ee siyaasado ka samayn arrintan fulinna karta, waxaan codsanaynaa in sharciyo iyo siyaasado lagu xakameeyo laga soo saaro dhulka bannaan, guryaha la kiraysto iyo guryaha la iibsadaba, iyada oo loo kala saarayo heeran, ayna noqdaan mid la awoodi karo. Mudane madaxweyne, Caddaaladdu waa tiir dhexaadka dawladnimada, waa qodob muhiim u ah hoggamiye wanaagsan. Dastuurka dawladda Puntland waxaa uu si cad u qeexayaa oo dammaanad qaadayaa in qof walba oo muwaadini helo caddaalad. Waxaa jira dad badan oo dhibbane u noqda caddaalad darro xilliyada maxkamadaha, xabsiyada iyo xilliyada loosoo qabanayo, dad lasoo soo xiro isaga oo loo sheego inuu u xiranyahay shaqsi awood leh lana sii daayo isaga oo aan ogayn sababta lagu xiray ama lagu sii daayay, waxaa jira dad aan awoodin inay helaan qareen iyada oo sababtu tahay awood dhaqaale oo aan jirin ama aan faham xumo, waxaa jira dad lasoo qabto iyada oo aan maxkamadi eedayn, waxaa jira dad loosoo qabto si aan waafaqsanayn sharciga, waxaa dhacda in qof xabsi ku jiro isaga oo aan helin xukun, marna difaaci mayo dambiile fal dambiyeed gacanta kula jira ama maxkamadi ku caddaysay, laakiin in muwaadinku dhibbane u noqdo caddaaladda waa mid aan ku habboonayn nidaamka dawladnimo. Madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa in qof walba oo muwaadin ahi helo caddaaladdii uu u baahnaa, waxaan codsanaynnaa in laamaha garsoorku ka madax bannaanaadaan fara gelin walba oo aan sharci ahayn, si ay shaqadooda sida saxda ah ugu gutaan, dadkuna caddaalad u helaan. Mudane Madaxweyne, Musuq maasuqu waa mid ka mida caqabadaha waaweyn ee dadka reer Puntland haysta, Musuqu waxa uu galay qayb walba oo ka mida dawladda iyo bulshadaba, musuqa waxaa ku xirmay inta badan dan walba oo qofku leeyahay, dhinaca shaqooyinka, waxbarashada, canshuuraha, laamaha ammaanka, qandaraasyada, waaxyaha dawaldda iyo laamaha caddaaladdaba. Waxa aan kaa codsanayaa Madaxweyne in aad qaaddo tallabo walba oo lagu joojin karo musuqa, waxa aan codsanayaa in qof walba oo lagu helo musuq lagu ciqaabo, qof walba oo lagu tuhmana tallaabo laga qaado ilaa inta ay ku caddaanayso ama wax lagu waayayo. Musuqa oo la joojiyo waa horumarka iyo guusha dawladda iyo dadka reer Puntland. Mudane madaxweyne, Saxaafaddu waa awood jirta waana udub dhexaadka bulsho walba, waa u qareemayaal, waa ilaaliyayaal, waa la xisaabtamayaal, waa soo bandhigayaal xaqiiqooyinka jira ee bulshadu u baahanyihiin inay ogaadaan, waa dhise sida saxda u hagta dawladnimada iyo horumarka. Dastuurka dawladda Puntland ayaa caddaynaya xorriyadda saxaafadda, waxaana si goonni ah usii qeexaya xeerka warbaahinta Puntland ee baarlamaanku ansixiyay, Saxaafaddu iyada oo dhowraysa shuruucda, anshaxa, xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah iyo tan maxaliga ah ee u taal, waxa ay kor u qaaddaa xorriyadda hadalka. Mudane madaxweyne waxa aan kaa codsanayaa in dawladdaadu kor u qaado xorriyadda hadalka iyo madax bannaanida saxaafadda, si saxaafaddu uga madax bannaanaato cabsi, xarig, dil iyo handadaad. Haddii la helo saxaafad ka madax bannan caburin, waxaa in aan qofna lagu colaadin, lagu xirin, lagu dilin, loogu caga-jugley fikirkiisa haddii aanu ka hor imaanayn dastuurka dalka u yaal., waxaa fududaanaysa isla xisaabtan iyo daah-furnnaan, dadweynaha Puntland waxa ay ogaanayaan waxlba oo sharcigu oggolyahay oo dhulkooda ka dhacaya. UGU DAMBAYN, Mudane Madaxweyne, waxaan ahay canshuur bixye, waxaa la canshuuraa dhulkayga, gurigayga, gaarigayga, goobtayda ganacsi iyo mushaharkayga mana helo beddelkeeda, waxaan ahay hooyo agoon korsata, qabowga iyo qoraxda Ayaan la fariistaa caano yar, hilib yar, khudaar yar, macmacaan iyo wax walba oo aan isleeyahay waxa aad ka heli kartaa qutulyowmka ilmaha, waxaa layga qaadaa canshuur aanan awoodin, mana helo beddelkeedi oo ah inaan helo gabbaad aan ka harsado milicda qorraxda iyo qabowga, xilliyada roobka waxaa meel walba fariista biyo wasaqaysan oo sababa nadaafad xumo, bilic darro iyo xanuunno ay duumada iyo daacuunku ka mid yihiin, ma helo kabitaan oo waxaa aan bil walba bixiyaa koronto iyo biyo qaali ah, waxa aan baahi weyn u qabnaa damis oo waxaynu ognahay in dad badani u dhinteen sababo dab kacay hanti badanina ku burburtay. Haddaba Mudane madaxweyne waxa aan ahay muwaadin u baahan inuu helo beddelka canshuurta uu bixiyo, waxaan codsanaynaa in dawladdu masuuliyad iska saarto in si saxan loo maamulo canshuurta dadka laga qaado looguna qabto wax la taaban karo. TALO: Mudane Madaxweyne, waxaan rajaynaa inaad dhugmo u yeelan doonto farriinta warqaddan ku qoran. Si caqabadaha aan soo xusay looga gudbona, waxaan talo kugu siinaynaa inaad usoo xusho xubno wasiirro ah, oo tayo leh, daacad ah, xaaladaha dalka wax badan ka og, ka saari kara dhibaatooyinka shacabka haysta, u shaqeeya dadka iyo dalka ee aan ka shaqaysan, uguna adeega shacabka dar alle, daacadnimo, dawlad wanaag, musuq maasuqna ka fiyow, leh astaamo hoggaamiye wanaagsan, diyaarna u ah in lala xisaabtamo. AFEEF: Waa markii iigu horaysay ee aan warqad furan isku dayo qorideeda, Haddaba Akhriste waxaa aan marti kaaga ahay wixii talo ah, sixitaan ah ama tusaalayn ah oo aad isiinaysid, waxa aan kaa codsanayaa inaad ii reebtid farriin. Fikirkaagu waa ii Muhiim. ____________________________________________________________________________ QALINKII: NASRO ABDIRIZAK AHMED MUWAADINAD SOOMAALIYEED OO REER PUNTLAND The post Warqad furan oo ku socota madaxweyne Deni: Waxa aan kula hadlayaa aniga oo ah appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow, ayaa sheegay in siyaasadda barakacayaashu ay diiradda saarayso hannaan dib loogu dajinayo barakacayaasha isla markaana lagu abuurayo nolol wanaagsan oo horumarka bulshada uga qeyb qaataan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay buugga Siyaasadda hagaysa barakacayaasha oo diyaariyey maamulka Gobolka Banaadir. “Waxaan qorsheynaynaa sidii aan deegaameyn dhammeystiran ugu sameyn lahaa barakacayaasha, duruufta adag ee ay la noolyihiinna aan garab uga siin lahayn, taas oo u baahanna in aan dadaalladeena u mideyno, wax-qabad muuqdana aan ka muujinno.” Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey dadka barakacayaasha ah dhabar adeygga iyo dadaalka ay ku maareeyeen xalaadihii nolaleed ee soo maray, isagoona tilmaamay in mudnaanta la siiyey tallooyinkii iyo aragtida ay ku darsadeen siyaasadda xal u helista barakacayaasha ee maanta la soo bandhigay. “Barakacayaasha ku nool gudaha Caasimadda waxay soo mareen duruufo adag, siyaasaddan aan dajinayna waxay diiradda saaraysaa sidii xal waara loogu heli lahaa, gaar ahaan arrimaha dib u dajinta barakacayaasha ku nool Muqdisho”. Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyey Wasiirro ka tirsan XFS, Maamulka Gobolka Banaadir, Hay’adaha qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo marti sharaf kale. PUNTLAND POST The post Duqa Magaalada Muqdisho oo ka Qayb-galay Daah-furka Siyaasadda Barakacayaasha appeared first on Puntland Post.
  23. Nairobi (PP) ─ Askarta Muslimiinta ah ee ka tirsan cidiamada Kenya ayaa la sheegay inay billlaabeen inay isaga baxaan ciidamada, iyadoo shanti sano ee lasoo dhaafaya ay ciidanka KDF-ta Kenya isaga ka baxaan boqolaal akari oo muslimiin ah. Maqaal uu qoray wargeyska The Star oo kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo amniga Kenya ay qabteen Warqadaha is-casilaadda saraakiisha iyo codsiyada askarta kale ee ka baxaya ciidamada. Askartan isaga baxa ciidamada KDF-ta ayaa ku doodaya in walaac xoog leh ay ka qabaan habka ay ula dhaqmaan taliyayaasha ugu sarreeya ciidamada Kenya xilliyada ay socdaan hawl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa kale ee looga hortagayo cadowga. Sidoo kale, Mid ka mid ah Saraakiisha is-casishay ayaa u sheegay The Star in sababta uu is casilay tahay kaddib markii ay aamini waayeen saraakiisha kaga sarreysa ciidanka. Isagoo intaas ku daray in ciidamada iyo saraakiisha muslimiinta ah ee ka tirsan ciidanka difaaca Kenya loo diro gobolka Waqooyi-bari, xadka Somalia iyo goobaha kale ee ay ku xoogga nyihiin Al-shabaab. Waxyaabaha kale ee ay uga baxayaan ciidanka ay ku sheegeen in ciidanka gudahiisa aan si wanaagsan loola dhaqmin, laguna shaabadeeyo argagixiso, mushaarkooda oo aysan u helin sida ay u helaan ciidanka kale iyo habka ku dhex-noolaanshaha askarta kale oo ku adkaatay. “Hadda ka hor aniga iyo afar saaxibaday ah ayaa naloo diray magaalo xadka ku taalla si aan uga saarno Al-shabaab, waxaa na-looga wacay Nairobi, sababta nal-ooma sheegin, mar dambe ayaan ogaannay in nalaga shakiyay inaan hawl-galkaas si wanaagsan u qaban,”ayuu yiri sarkaal ka mid ah kuwa ka baxaya ciidamada Kenya. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Kenya, Njoka Mwenda ayuu wargeyska wax ka weydiiyay arrintan, wuxuuse codsaday in arrinta ay xasaasi tahay isla markaana waqti dheer la siiyo si uu uga jawaabo. Dhanka kale, Afhayeenka ciidamada difaaca Kenya, David Obonyo iyo taliyaha booliiska Kenya, Isaiah Osugo ayaa diiday inay ka jawaabaan arrintan. Maalintii Salaasada ahayd ee lasoo dhaafay sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Kenya oo ku sugnaa saldhigga deegaanka Embu, ayaa waxaa xiray ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha muslimiinta ah ee ka tirsan ciidamada milateriga Kenya. Saraakiisha Muslimiinta ah qaarkood ayaa lagu tuhmayaa in ay Al-shabaab u gudbiyaan xogta sirdoonka Dowladda Kenya. Waxaa kaloo intaas u dheer marka ay saraakiisha ciidanka ku wareejiyaan Warqadaha is-casilaadda una sababeeyaan, waxaa loogu jawaabayaa inay doonayaan inay ku biirayaan Al-shabaab, sababtaasna ay uga baxayaan ciidamada difaaca. “Badankeen waxaan joognaa furumaha dagaalka, waxaan ka shaqeynaa meelaha ugu halista badan, sida Somalia, balse waxaa na-looga shakiyaa inaan xiriir la leenahay argagixisada, tani uma wanaagsana Taliyeyaasha, masaajidda ku yaalla xeryaha millatariga aad ayaa loo dabagalaa, waxaa lala socdaa casharrada, sidoo kale macallimiinta ayaa dabagal lagu hayaa,” ayuu yiri sarkaal ka baxay ciidamada Kenya. Ugu dambeyn, Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Ceel-cadde ayaa askar ka tirsan ciidamada Kenya waxaa lagu eedeeyay inay weerarkaas Al-shabaab u fududeeyeen, kaaso ay ku dhinteen in ka badan 200 askari oo Keenyaan ah. PUNTLAND POST The post Askarta Muslimiinta ah ee ka tirsan Ciidanka Kenya oo billaabay inay ka baxaan Ciidamada appeared first on Puntland Post.
  24. (SLT-Zimbabwe)-Mucaaradka dalka Zimbabwe ayaa ka cabanaya olole lagu ugaarsanayo, iyadoo dalkaasi ay ka socdaan dibaxbaxyo looga cabanayo qiimaha shidaalka oo sare u kacay. Hoggaamiyaha MDC, Nelson Chamisa ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay guryahooda ku weerareen qoysas, xisbiga ayaa sidoo kale sheegaya in shan ka tirsan xildhibaannadiisa la xidhay. Midowga ganacsiga ee ku baaqay dibad baxyada ayaa sheegay in hoggaamiyahooda Japhet Moyo sidoo kale la xidhay. Dowladda ayaa ku eedeyneysa mucaaradka inay dibad baxyada dhaqaale u adeegsanayaan si ay hadhow isugu beddelaan kuwo rabshado wata isla markaana ay la wareegaan xukunka dalkaasi. Xukuumadda Zimbabwe ayaa waxaa iska cad in ay la daalaa dhacayso dhibaatada dhaqaale iyo qiimaha maciishada oo aad u sareysa. Cadaadiska lagu hayo mucaaradka ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu joojiyo in shacabka dalkaasi aysan caroodooda wadooyiinka la soo aadin. Dowladda ayaa ku soo jeedsatay xisbiga mucaaradka ee MDC oo iyagu sheegay in la xiray 5 xildhibaan halka xubno kalana ay dhuumaalaysi ku jiraan oo lagu raad-joogo. Saraakiisha MDC ayaa waxay sheegeen in dad badan ay si xun u jirdileen ciidamada ammaanka. Beatrice Mtetwa, oo ah qareen u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha ayaa BBC u sheegtay in ay waqti dheer qaadanayso in xisbiga Zanu PF ay ka tagaan dhaqanka ku salaysan cadaadiska. Balse gudoomiyaha xisbiga Zanu PF – Simon Khaya-Moyo – oo BBC la hadlay ayaa dhankiisa beeniyay eedeeynta ah in dowladda madaxwayne Mnangagwa aysan waxba ka duwaneyn xukuunkii Robert Mugabe Source
  25. (SLT-Dundee)-Hooyo ka soo jeedda magaalada Dundee ee dalka Scotland ayaa sharraxaad ka bixisay sida qalliin cusub oo lagu sameeyay uu u beddelay nolosha canuggeeda inta uusan dhalan kahor. Augustine Somers ayaa lagu arkay xaalad loo yaqaanno spina bifida, oo micnaheedu yahay in lafdhabarta ilmaha uurka ku jira aysan u koreynin sidii loogu talo-galay. Hooyadiis Amanda oo xilligaas lahayd uur 22 toddobaad ah, ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay u heli lahayd dhaqtar qalliin oo wax ka qaban kara xaaladda canuggeeda kahor toddobaadka 26-aad oo lagu ballamay in ilmaha lagu qalo. Taas oo ay ku guuleysatay. Kaddib qalliinka oo ilmuhu uu xilligiisa ka soo hormaray, ayaa baaritaan lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in rajo wanaagsan laga qabo inuu mustaqbalka awoodo inuu socdo. Spina bifida waa xaalad sababta in lafdhabarta aysan u korin si habboon isla markaana ay dalool yar yeelato, taas oo sababta in ilmuhu uu curyaan noqdo. Waxaa la daweeyaa marka ilmuhu dhasho kaddib, balse waxaa wanaagsan in goor hore wax laga qabto si ay u yaraato saameynteeda. Amanda iyo seygeeda Benjamin Somers ayaa habkan cusub ka war helya kaddib markii ay baaritaan sameeyeen. Qalliinkan ayaa keliya haatan laga helaa dalka UK, iyadoo labada qalliin ee ugu horreysa ay magaalada London ka dhacayeen bishii October ee sanadkii hore. Waxaa loo sheegay inaan boos looga heli doonin isbitaalka University College Hospital balse waxaa lagu xiray Prof Jan Deprest oo ku sugan magaalada Leuven ee dalka Biljamka, kaas oo qalliinkaasi sameeyay isla markaana tababaray dhaqaatiirka qalliinka UK. Augustine Somers ayaa qalliinka lagu sameeyay intuusan dhalan kahor Kaddib markii la hubiyay in Amanda iyo ilmahaba lagu sameyn karo qalliinka, ayay Amanda u duushay Leuven maalmo gudahood xilligii lagu ballansanaa. Dhammaadkii October, Augustine wuxuu noqday canuggii ugu horreeyay ee Scotland ka soo jeeda oo qalliinkaasi lagu sameeyo. Amanda, oo 32 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay “Waxaan runtii haysannay keliya labo toddobaad inaan howsha oo dhan ku sameyno. “Waxaa qalliinka nalagu sameeyay 30-kii October. Waxaa la igula taliyay inaan nasto, wuxuuna canuggeyga dhashay 18-kii December. “Hadda hal bil ayuu jiraa, weli isbitaalka ayuu ku jiraa, balse aad ayuu u wanaagsan yahay.” Benjamin iyo Amanda ayaa hore u haystay labo gabdhood oo mataano ah, Clementine iyo Isabel Intii uu socday qalliinka oo qaatay muddo afar saacadood ah, dhaqaatiirta ayaa furay minka kaddibna waxay xireen daloolkii lafdhabarta canugga. Habka qalliinkaasi ayaa ah mid khatar ah wuxuuna sababi karaa in ilmuhu dhasho kahor xilligii loogu talo galay. Balse waxay dhaqaatiirtu ku guuleysteen inaysan dhaawicin mandheerta. Augustine oo xaaladdiisu ay wanaagsan tahay ayaa la filayaa in isbitaalka laga soo saaro toddobaadka dambe. Augustine ayaa isbitaalka lagu hayay tan iyo intii uu dhashay bishii December, balse Amanda ayaa sugeysa in toddobaadyo kaddib ay guriga u kaxaysato Ilmahan, ayaa sidoo maskaxdiisa laga saaray dheecaan ku jiray, xaaladdiisana waxaa la sheegay inay wanaagsan tahay. ‘Xaqiiqdii waa wax cusub’ “Dhaqdhaqaaqa lugihiisa waa mid wanaagsan waxaana rajo ka qabnaa inuu awoodi doono inuu socdo. “Inuu six or ah u socdo waa waxa aan dooneyno taas ayaana ku rajo weyn nahay.” Source