-
Content Count
207,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Somaliland, Amb Shamsudiin Axmed Rooble. Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda Itoobiya ku bogaadiyey inay u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland dublamaasi xeel dheeri u leh shaqada safiirnimo, kana soo shaqeeyey dalal badan oo dunida ka mid ah, isaga oo u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiskiisa uu haatan ka hawlgalaa hore u hayey. Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon). ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Wardhiigley ee G/ Banaadir. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Isgoyska Carwo Itko ee degmadaasi, xilli ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo halkaasi ku baara Gaadiidka isticmaala Waddada Sodonka ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa 2 Qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay 1 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jirto cid sheegatay qaraxaasi, balse waxaa inta badan weerarada ceynkan oo kale ah sheegta Al Shabaab oo dilal iyo weeraro ka geysata gudaha M/Muqdisho. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
The State Minister for Foreign Affairs and international cooperation, Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, has received diplomatic credentials from the new ambassador of the Republic of Indonesian to the Federal Republic of Somalia, Soehadjono Sastromihardjo on Tuesday. During the ceremony, bilateral relations and cooperation between the two countries were discussed and while efforts are being made to preserve and develop them in various fields for the mutual interest of both Muslims states. State Minister for Foreign Affairs and international cooperation, Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi said Mogadishu and Jakarta have long-standing historical trade relations dating back to the 10th century based on mutual cooperation and trade. Indonesian aid agencies are involved in the humanitarian assistance in Somalia by providing livelihood support to Somali population mainly during the holy month of Ramadan and Eid festivals. The Southeast Asian nation with over 264 million populations also provides studies to Somali students while hosting an unspecified number of them as refugees. The post Indonesia sends new ambassador to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha Cusub ee dalalka Indonesia iyo Masar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu kala magacaabo Soehadjono Sastromihardjo iyo Maxamed Ibraahim Nasar. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn warqadahiisa Danjirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dawladda Masar ay usoo magacowday Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Nasar oo Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyey dhambaal salaan ah oo uu ka siday Madaxweynaha Masar. Danjiraha Cusub ee Dawladda Indonesia ay usoo magacowday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Soehadjono Sastromihardjo ayaa waraaqahiisa Danjiranimmo waxaa ka guddoomay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaggoo Labada Safiirba la yeeshay wada hadalo kala duwan sida uu sheegay Wasiir Dawlaha Arrimaha dibada Soomaaliya oo goob joog ka ahaa munaasabadii Madaxweynaha uu ku qaabilay Danjireyaasha cusub. Dib usoo kabashada Soomaaliya ayaa sanadihii dambe si weyn looga dheehan karay meelo kala duwan oo ay kamid tahay daneynta dawladaha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya oo si aad ah isku soo tarayeen safiirada loo soo magacaabayo Soomaaliya. The post Madaxweynaha JFS oo Waraaqaha Danjiranimmo ka guddoomay Safiirada cusub Ee Masar iyo Indonesia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii sabtida ka dhacay inta u dhaxeysa Buur-Hakaba iyo Baydhaba ee ay la beegsatay ciidamada dalka Itoobiya. Qoraal lagu baahiyey warbahainta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inuu kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Itoobiya kasoo gaaray weerarka. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ogaatay in meydadka 80 askari oo Itoobiyaan ah shalay laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo. “Meydadka oo lagu shubay Sanaadiiq waxaa qaadday diyaarad xamuul ah waxaana aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaraddu soo caga dhigatay” ayaa lagu yiri qoraalka ay faafiyeen warbaahinta Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay in weerarka ay ku dishay 57 aksari, hase yeeshee waxa ay qoraalkan cusub ku sheegtay in ciidamada Itoobita ay howdka ka heleen meydad badan oo ay markii hore ka carareen. Bayaan kasoo baxay ciidmada difaaca qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa horey loogu xaqiijiyey inuu jiro weerarka Al-Shabaab ay sheegatay oo jimcihii lagula beegsaday gobolka Baay, waxayna ballan-qaadeen jawaab buuxda. Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in howl-gal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab inay dhowaan ka billaabi doonaan gudaha dalka Soomaaliya. “Ciidamada Itoobiya waxay diyaarinayaan weerar baaxad weyn oo jawaab ah” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Itoobiya. Bayaanka ayaa dhinaca kale ku gacan seeray sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in 57 askari lagu dilay weerarka oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Guddiga amniga gobolka Nugaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa soo saaray awaamiir ku saabsan,sugidda amniga xilliga caleema-saarka madaxweynaha oo maalmo kooban ka harsan yihiin. Waxay sheegeen in magaalada ay imaanayaan, wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya caleema-saarka madaxweynaha cusub, sidaasi darteedna loo baahanyahay, in la xaqiijiyo amniga caasimadda, gaar ahaanna goobaha muhiimka ah ee la dejinayo wufuudda. Guddiga ayaa ku dhawaaqay, in laga bilaabo Talaadada berri ah aan la ogolaan doonin, gaadiidka bacaha madow,kuwa bilaa taarikada ah iyo gaadiidka hubaysan, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii jebisa amarkaasi. Sidoo kale waxaa la mamnuucay, in gaadiidka la hor-dhigto xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah sida huteellada,waxaana guddigu amar ku bixiyay in lala wareego gaadiidkii lagu arko. Dhinaca kale, ciidamada amniga ayaa looga digay in aysan hub la dhex mari karin magaalada, haddii aysan hawlgal ku jirin, iyadoo saraakiisha la faray, in ay tallaabo ka qaadan ciddii ku xad-gudubta arrintaasi. Xafladda caleema-saarka madaxweynaha ee 26-ka bishan ayaa lagu casumay wufuud kala duwan oo dalka iyo deriskaba ka imaanaya,waxaana si weyn loo adkeeyay amniga caasimadda Garoowe oo xafladdu ka dhacayso. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Awaamiir cusub oo laga soo saaray amniga Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Ceelbuur ( Sh. M. Network )-Diyaarado dagaal oo ku socda jawi hoose ayaa lagu soo warramayaa in maanta lagu arkay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay diyaaradahaasi oo ku socda joog hoose lagu arkay deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur ee koonfurta gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda halka laga leeyahay diyaaradahaasi dagaal ee dul heehaabaya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dadka deegaana ayaa cabsi ka muujinaya in duqeyn xoogan ay ka dhacdo halkaasi, maadaama deegaanadaasi ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab Muddooyinkii dambe waxaa duqemo dhinaca cirka ah ay ka dhacayeen deegaano ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug. The post Diyaarado Ku Socda Joog Hoose Oo Lagu Arkay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta hortagay Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa ka dalbaday in muddo kordhin loogu sameeyo wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub. Madaxweyne Deni ayaa ka hor sheegay Baarlamaanka Puntland in uu baahan yahay waqti dheeraad ah, si uu soo dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh. Intaasi kadib Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa Cod aqlabiyad leh ku golaaday muddo kordhintaasi oo 14 cisho ah, taas oo ka bilaabaneysa 28 bishan Janaayo. Sideeda bishan ayey aheyd marki Madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay Saciid Deni, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. The post Deni Oo loo kordhiyay waqtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SL-T Burco) Laba qof ayaa ku dhaawacmay, rasaas uu furay mid kamida ciidmada poliska Gobolka Togdheer , Dhawaaca ayaa lagu dabiibaya cisbitalka wayn ee magaalada Burco, Waxaana xabsiga loo taxaabay Askarigii gaystay falkaasi, Taliyaha qaybta ciidamada poliska ee gobolka togdheer, Axmed Aw-cali shabeel, ayaa kawar bixinaya Source
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa ka cabsi qabo weeraro kale oo ismiidaamin oo ka dhaca gudaha dalkaasi ,kadib qaraxii xooganaa ee dhawaan lagu qaaday hoteel ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi. Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Kenya ayaa sheegay qaraxii ugu horreeyay uu fuliyay Mahir Khalid oo u dhashay Kenya, kana soo jeeday magaalo xeebeedka Mombasa. Sidoo kale Booliska ayaa xusay in Mahir oo 25 jir ahaa uu sanado ka hor ku biiray Al Shabaab, kadibna uu tababar ku soo qaatay gudaha Soomaliya. Laamaha amniga ayaa sheegay in ay suura gal tahay ragg kale oo ka tirsan Al Shabaab ay qaraxyo ismiidaamiin ah ka fulin karaan magaalooyinka Kenya. Waxaana Booliska la dagaalama argagixisada ay baaritaan ka wadaan gudaha magaalada Nairobi oo todobaad ka hor uu ka dhacay weerar khasaare geystay Saraakiisha amniga ee Kenya ayaa gacanta ku dhigay dhowr ruux oo lala xiriirinayo in ku lug lahaayeen weerarkii hoteel DusitDS ee magaaladaasi. Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Booliska ayaa la geeyay magaalooyinka Mombasa, Mandera,Kisumu,Isiolo iyo Moyale, si ay ugu sameeyaan baaritaan dheeraad ah. The post Kenya oo ka walaacsan weeraro ka dhaca dalkeeda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa howlgal 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi waxa ay ku xireen in ka badan 10 qof oo ganacsato ah. Ganacsatadan la xirey ayaa lagu eedeeyey iney lacago siiyaan Al-shabaab, iyadoo ammarka xariggooda la sheegay inuu bixiyey maamulka Sh/dhexe. Sidoo kale ciidamada ayaa raadinaya ganacsato kale oo bil walba lacag lagu sheegay Canshuur u geeya Xarakada Al-shabaab. Cabsi weyn ayaa xilligan soo wajahday ganacsatada ku dhaqan magaalada Jowhar, iyadoo maamulka Gobolka Sh/dhexe weli aanu arrintaasi ka hadal. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhoobley( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Askari ka tirsan Ciidanka maamulka Jubbaland uu Gabar Askariyad aheyd uu ku dilay deegaanka Dhoobley ee gobolkaasi. Marxuumada ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray Fowsiyo Xasan Khaliif, waxaana sidoo kale ay ka mid aheyd Ciidanka Jubbaland ee ku sugan deegaankaasi. Wararka ayaa intaasi ku daray in Askariga dilka geystay iyo Marxuumada uu ka dhexeeyay xiriir Jaceyl, islamarkaana uu soo kala dhexgalay khilaaf sababay Toogashadaasi. Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen Askarigaasi oo haatan ku xiran deegaanka Dhoobley ee G/ Jubbada Hoose. Dhacdooyinka nuucaan oo ah kuwa ku cusub dhegaha dadka Soomaaliyeed ayaa mararka qaar ka dhaca gudaha dalka. The post Gabar Askariyad aheyd Oo lagu dilay Dhoobey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, qof kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax miino oo wadada dhinaceeda la geliyay, kaas oo maanta ka dhacay meel u dhaw isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob ciidanka booliska ay ku baaraan gaadiidka oo ku taala Isgoyska Carwo Itko. Goob joogayaal ayaa sheegay in markii qaraxa dhacayay ay goobtaasi ka maqnaayeen ciidamada booliiska Soomaaliya ee fariisinka ku leh isgoyska Carwo Itko. Wararka ayaa sheegaya xilliga qaraxa uu dhacaayay in halkaasi ay mareysay gaari nooca gurmadka deg deg ah oo dad bukaan ah siday. Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cidda miinada halkaasi galisay ee qarxisay, waxaase meesha laga qaaday maydka labada ruux. Xalay ayeey aheyd markii qarax lagu dhajiyay gaari ambalaas ah lala beegsaday Dhaqaatiir Somali & kuwa Ajaanib ah oo ay la socdeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qarax Miino oo khasaare geystay ayaa maanta ka dhacay Isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho. Wararku ayaa waxay sheegayaan in qaraxan uu ahaa Miino lagu aasay wadada dhinaceeda, gaar ahaan meel ku dhow goob ay ciidanka Booliiska gaadiidka ku baaraan. Dad ku dhow halka qaraxan uu ka dhacay ayaa inoo sheegay in ay dhinteen Labo qof, iyadoo qof kalena dhaawac uu soo gaaray. Ciidamada dowladda federaalka ayaa halka uu qaraxan ka dhacay waxa ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baarlamanka dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku mee-mariyay, codsi uga yimid madaxweynaha cusub oo ka dalbaday, in mudda kordhin loogu sameeyo wakhtiga laga doonayo in uu soo dhiso golihiisa xukuumadda. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi deni oo saaka hor tegay golaha wakiilada ayaa sheegay, in ay la soo darseen duruufo siyaasadeed iyo amni oo u suura-gelin waayay, in uu wakhtiga dastuuriga ah ku soo dhiso xukuumadda cusub, waxaana uu dalbaday mudda kordhin 14 cisho ah oo ka bilaabata 28-ka bishan Jannaayo. Baarlamanka aya cod gacan-taag ah ku ansixiyay codsiga madaxweynaha, kadib markii 45 mudane aqbashay, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay mid kalena uu diiday,sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiilada, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Madaxweynaha oo loo kordhiyay wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumad cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda nagala dhexeysa dalka Kenya. Ciidamadan oo la tuhunsan yahay in ay ka soo gudbeen xadka aan la wadaagno dalka Kenya ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, iyagoo isla markaasi saameyn ku yeesheen nolosha tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore u gudbisay Wasaaraddeena Arrimaha Dibedda Soomaaliya fayl dhammeystiran oo loo sii gudbiyay dowladda Kenya, waxaana faylkaasi ku xusnaa khasaaraha ka dhashay iyo tallaabada loo baahan yahay in laga qaado arrintan soo noqnoqotay oo ay ka mid tahay in baaritaan lagu sameeyo cidda ka dambeysa weerarradaas. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay mar kale ku celineysa in aan loo dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah oo iska horkeenaya bulshooyinka labada dal, isla markaana dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha dadka ku nool xuduudda oo awalba la tacaalayay dhibaatooyinka ka soo wajahaya falalka argagixisada. “Looma dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan. The post XFS Oo ka hadashay burburinta lagu hayo xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
-
New York ( Sh. M. Network )-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidamo dheeraad ah ay u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb noqon doono howlgalka lagula dagaalamayo Al Shabaab. Askartani oo ka soo ambabixi doono goboka New Jersey ee dalkasi ayaa lagu wadaa in loo soo daad gureeyo Soomaaliya todobaadyada soo socda, waxaana tiradoodu ay gaareysaa illaa 130 Askari. Ciidamadani ayaa la sheegay in ay soo dhameysteen tababar uga socday gobolkaasi oo la xariira howlgalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. Mareykanka ayaa waxaa horay Soomaaliya uga joogay Ciidamo lagu qiyaasay 5,00 oo askari, kuwaasi oo saldhig weyn ku leh gobolka Shabeelaha Hoose. Tan iyo markii uu talada la wareegay Madaxweyne Trump waxaa uu Mareykanka sare u qaaday duqeymaha dhinac cirka ah ee uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo Ciidamo hor leh u soo diraya Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SL-T Burco) Isuduwaha wasaarada ganacsiga warshadaha, iyo dalxiiska Somaliland ee gobolka Togdheer, Cabdi Maxamuud Ismaaciil , ayaa maanta war-saxaafadeed uu soo saaray, Waxa uu ku wergaliyey ganacsatada qaybaheeda kala duwan, in ay dhammaatay mudadii uu wasiirka, wasaarada ganacsiga, warshadaha, iyo dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamuud Xasan Sacad, uqabtay ganacsatada aan lahayn liisamada in ay ku samaystaan, halka kuwa ay ka dhaceen liisamaduna ay ku cusboonay siistaan, Cabdi Maxamuud Ismaaciil ayaa sidoo kale xusay in marka lagaadho 01/02/2019 ay fulin doonaan amarka dawladda, Nuqulka Wergalinta: Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa cambaareysay burburinta soo noqnoqotay ee loo geysanayo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xuduudda nagala dhexeysa dalka Kenya. Ciidamadan oo la tuhunsan yahay in ay ka soo gudbeen xadka aan la wadaagno dalka Kenya ayaa markii 8aad burburiyay xarumo ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, iyagoo isla markaasi saameyn ku yeesheen nolosha tobannaan kun oo ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa bishii Agoosto ee sanadkii hore u gudbisay Wasaaraddeena Arrimaha Dibedda Soomaaliya fayl dhammeystiran oo loo sii gudbiyay dowladda Kenya, waxaana faylkaasi ku xusnaa khasaaraha ka dhashay iyo tallaabada loo baahan yahay in laga qaado arrintan soo noqnoqotay oo ay ka mid tahay in baaritaan lagu sameeyo cidda ka dambeysa weerarradaas. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay mar kale ku celineysa in aan loo dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah oo iska horkeenaya bulshooyinka labada dal, isla markaana dhaawacaya dhaqaalaha iyo nolosha dadka ku nool xuduudda oo awalba la tacaalayay dhibaatooyinka ka soo wajahaya falalka argagixisada. “Looma dulqaadan karo in la sii dhibaateeyo ganacsato duruufo adag dalkan ku maalgelisay iyo dadweynihii ay u adeegayeen, waxaan rajaynaynaa in arrimahani ay ku dhammaadaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo loo marayo dariiqa diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Wasiirka, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib ugu soo celiyey gacanta Dawladda Hoose Xarunta Waaxda Oktoober ee degmada Waaberi oo si sharci darro ah warqado ugu sameysteen shaqsiyaad, lagana dhigay goobo ganacsi, iyadoo maanta dib loogu soo celiyey danta guud, si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in hantida Qaranka uu qof shaqsi ah iskaga heysto ama loo sameysto warqado been abuur ah. “Waxaan soo saarnay warqad aan ku baa’bi’inay sharciyada loo sameystay dhulka danta guud, taasoo qeyb ka ah siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow. “Dhammaan Dhulka danta guud waan ku raadjoogi doonaa waana ka dabategaynaa. Waxaa naga go’an inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, waxana ku shaqayn doonaa hanaanka dawladnimada iyo xayndaabkiisa si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan cadaalad waarta.” Waaxda October ee Degmada Waaberi ayaa kamid ah goobaha loogu adeego danta guud, waxana uu maamulka G/Banaadir bilaabi doonaa dib-u-dhiska xarunta Waaxda si shacabka uga faa’iideystaan. The post Yarisow “Wax dulqaad ah uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jilib ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay Saraakiil ay sheegeen in ay ka soo goosteen maamulka Jubbaland ku soo bandhigay degmada Jilib gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Saraakiishan oo tiro ahaan gaarayay illaa 3 ayaa waxa Al Shabaab ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Ciidanka ilaalada madaxtooyada maamulkaasi. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Askari kale oo ka tirsanaa Jubbaland, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Buulo Gaduud uu la soo goostay saraakiishaasi. Waxaana ay intaasi ku daray in Ciidamadani ay la soo tageen Hubkoodiii, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Jubbaland oo ku aadan Askartaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha dalka ku soo bandhiga Askar u goosata dhankooda. The post Al Shabaab Oo Saraakiil ku soo bandhigay degmada Jilib appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-220119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in odayaasha beesha uu kasoo jeedo Mukhtaar Roobow ay diideen lacag xaal-marin ah oo ka timid dowladda Soomaaliya. Lacagtan oo sida la sheegay dhowr milyan oo dollar ah, ayaa isugu jirta magta dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Baydhaba, baanta dadka dhaawaca ah iyo xaal-marinta qaladadkii ay sameeyeen ciidamada dowladda. Sida aan xogta ku helnay, lacagtan ayaa waxaa beesha usoo bandhigay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo Baydhaba ka wada dadaallo la isugu soo dhoweynayo dowladda iyo beesha Roobow, isaga oo ka wakiil ah xukuumadda. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Lafta-gareen ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada. Ka sokow lacagta, Mursal ayaa sidoo kale odayaasha u ballan-qaaday in Mukhtaar Roobow lasii dayn doono. Si katsaba, beesha Roobow ayaa la sheegay inay ku gacan seertay yabooha Mursal, kuna adkeysatay in marka hore lasii daayo Roobow, kadibna wixii dhacay ay kala hadli doonaan xukuumadda. Wararka ayaa sheegaya in beesha ka cabsi qabto in marka ay la heshiiyaan dowladda, oo xiisadda la damiyo looga baxo ballanta, oo Roobow lagu sii hayo xabsiga hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho. Wada-hadallada labada dhinacaa ayaa weli socda, waxaana la filayaa in xal la gaaro maalmaha soo socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors