-
Content Count
207,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle uu isku shaandheeyay golaha wasiirada maamulkaasi. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa aad loo hadal hayay isku shaandheynta golaha wasiirada Hirshabeelle, waxaana arinta ay dib u dhacday kadib markii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay isku qabteen isku shaandheynta iyo dadka xilalka weyn kara. Isku shaandheynta ayaa waxaa kasoo muuqday xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana arintan la sheegay in laga damacsan yahay in looga hortago mooshinada xildhibaanada. 21 ruux oo kasoo muuqday isku shaandheynta wasiirada Hirshabeelle hal ruux kaliya ayaanan aheyn xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana muuqata in xildhibaanada difaac laga doonayo marka mooshin uu yimaado. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Somaliland: A Poet With British Citizenship Held In Police Custody Hargeisa,(Qaran news)- A Poet, Abdirahman Ibrahim Adam, “Abees” who holds a British nationality has been in police custody over the past week in Hargeisa. Mr. “Abees”, who is a renowned poet recently gave a reading at Mansour Hotel in Hargeisa, in which, he severely criticized the conditions at the local police stations. The poet highlighted the conditions at the local stations, in particularly the Koodbuur Division. Mr. “Abees” has not been brought before a magistrates court and was not arrested under a court warrant, but was taking from a public place by police officers. At the a recent police press conference, the Somaliland Police Force accused the poet of “using foul and abusive language” in his poem pertaining the conduct of the police force”. However, videos of the poem, currently available on all the social media clearly indicate that Mr. “Abees” poetry took the form of constructive criticism and he also mentioned the progressive steps taken by the Somaliland Police Force to address the issues of human rights, officer training and the general conduct of the force. Somaliland which uses the Civil Criminal Code inherited from the British jurisprudence upholds the right of “habeas corpus”, and the right of all individuals to be considered innocent until proven otherwise. The code also instructs the arresting officials use to warrants issued by the courts and to allow the accused the access to legal representations. At the present, Mr. Abdirahman Ibrahim Adam, “Abees”, has so far been denied all due process. Qarannews Qaran News
-
DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND EE GOLAHA GUURTIDU U MUDEEYEEN 12-12-2019 WAA SUURAGAL IN AY MAR KALE DIB U DHACDO !!! Doorashooyinka somaliland ayaa waxa ay noqdeen qaar ku caan ah dib u dhac , arinkaasi oo ku nusqaan ah qaranka jamhuuriyada Somaliland, nidaamka dimuqaradiga ah iyo doorashooyinka, una baahan in aad loo lafo guro waxyaabaha caqabadaha ku ah oo intooda badani aanay ahayn wax awooda binu adamku aanay waxba ka qaban karin. Hadii hadaba aynu eegno maanta caqabadaha doorashada horyaala iyo waliba iyada oo wax badan aan laga heshiin in guurtidu mudaysay doorashadii golaha wakiilada somaliland , waxa uun ii muuqata in markale mudo kordhini soo socoto waliba iyada oo aan la xalin duruufta mudo kordhintan keentay. Waxyaabaha kale ee caqabadaha ku ah doorashada marka laga tago khilaafka komishanka ee axsaabta waxa ka mid ah saamiqaybsiga golaha oo ay saluugsan yihiin Gobolada awdal iyo Sool iyo waliba Sanaag , arinkani waxa uu ku xidhan yahay in somaliland laga sameeyo diwaan galin guud oo dadwayne oo wax lagu qaybsado oo gobol waliba waxii uu goosto kuraas uu helo, sababta oo ah Gobolada Hargeisa, Togdheer iyo saaxil iyaguba way saluugsan yihiin saamiga kuraasta oo gobol waliba in aanu u qalmin intaa la siiyey ee waliba xalkii doorashadii golaha wakiilada ee 1960kii lagu fadhiisiyey ayuu aaminsan yahay. Dadka qaar ayaa marka arimahan la soo qaado yidhaahda kuraas gobolada kale ha looga gooyo oo hala siiyo reer Awdal , Sool iyo Sanaag , arinkaasi waa ku gef wax hala siiyo waayo waa dad reer Somaliland ah wax ay xaq u leeyihiin ayey rabaan ee wax lagu laaluushayo ma rabaan, taasina waxa lagu helayaa uun in somaliland diwaangalin dadwayne oo guud laga qabto, hadii la waayo waa in doorkana lagu galo sidii hore oo aan is leeyahay waa xalka kaliya ee jira. Waxa aan axsaabta siyaasada somaliland uga digayaa in arinkaa saamiqaybsiga la siyaasadeeyo oo laga dhigto wax taageero lagu raadiyo iyada oo laga faaiideysanayo tabashooyinka dadka reer Somaliland ka qabaan gobolkii ay doonaan ha ka soo jeedaane kuraasta golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo tirooyinka goboladu kala leeyihiin oo lawada saluugsan yahay. Caqabadaha waxa ka mid ah dib u dhigaya doorashada arinka murugsan ee tirada xubnaha komishanka doorashooyinka iyo khilaafka xisbiga Waddani iyo komishanka doorashooyinka ee ay kalsoonidii kala noqdeen , arimahan laftoodu maaha wax dhib yar oo hadii aan la xalin waxa aan is leeyahay somaliland in aanay doorasho ka dhacayn ayaa suuragal ah, taasi oo dal iyo dadba inagu sumcad darro iyo karti daro noqonaysa. Waliba ma muuqato isku soo dhawaansho iyo isku tanaasul oo arinku waa i jiid aan ku jiidee taasina ilama aha in ay natiijo dhalayso oo maantaba waxa halkan soo gaadhsiiyey ee dib u dhacan keenay waa khilaaf iyo is mariwaa isku tanaasul la,aan iyo taydaa soconaysa ay leedahay qolo waliba, waxa ay gacanta ku hayaana waa masiirkii iyo mustaqbalkii umaddani ku soo tabcaysay 28 sano oo bilo dhiman. Waxa aan ku talin lahaa in dadwayne , waxgarad , aqoonyahan iyo cid kasta oo dalka iyo dibada joogta oo arinkan xalkiisa wax ka qaban kartaa wax ka qabato oo la dhexdhexaadiyo oo wax la isla ogol yahay oo aan wakhtiga inaga lumin lagu dhameeyo arimaha komishanka iyo khilaafka axsaabta siyaasada somaliland ee ku kala aragtida duwan arinkan, hadda waxii ka dambeeyana inta la lafa guro khilaafyadii doorashooyinka dib u dhigey oo dhan laga taxadiro in aanay dib u dhicin , wakhtiga doorashooyinkuna uu noqdo mid la yaqaano oo go’an ( mandate ) , waxkasta oo yimaadana sharcigu waxa uu ka odhanayo uun la qaato , oo ay tani noqoto dhex-dhexaadintii ugu dambaysay insha Allah. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil Qaran News
-
Jowhar (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha maamul goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaadhayn ku sameeyay Gollahiisa Wasiiradda. Isku shaandhayntaan oo saameysay guud ahaan wasiiradda ayaa waxaa kasoo muuqday xubnaha cusub mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi. Hoos ka akhriso liiska wasiirada cusub The post Gollaha Wasiirada HirShabelle oo isku shaadhayn lagu saameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Waare ayaa dhisay xukuumad, waa wasiirro iyo xildhibaanno, lama oga sababta ikhtiyaarkaas. Halka Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-22012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-London)-Shabakadda Wales Online ee dalka UK, ayaa daabacay qoraal uu kaga hadlay Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu ciwaan uga dhigay “Somaliland oo shan maalmood uun aheyd qaran madax-bannaan ayaa raadinaysa aqoonsi caalami ah.” Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay warbixinta lagu daabacay Warsidaha Wales Online, oo u qornayd sidan:- “Somaliland waxay ahayd dal madax-bannaan shan maalmood oo kaliya sannadkii 1960kii, laakiin dadka reer Somaliland ayaa muddooyinkan dambe sameeyey taariikh hor leh, waxana u hirgashay nabadgelyo iyo dimuqraadiyad tan iyo sannadkii 1991kii. Shabakadda Wales Online waxay sheegtay in Somaliland ahaan jirtay illaa 1960kii maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray, waxaana tirada dadkeedu la mid ahaa xilligaas mujtamaca reer Weles, waxaana labada dal ee Wales iyo Somaliland ka dhexeeyey cilaaqaad weyn. Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay qoomamaynayso midowgii ay la gashay Soomaaliya, waxaanay mar kale noqotay dal madax-bannaan markii la afgambiyey kaligii Taliyihii Siyaad Barre ee Soomaaliya. Wales Online waxa uu isbarbar-dhigay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ku sifeeyey Soomaaliya Qaran guul-daraystay oo ay ka jiraan kooxaha xagjirka ah iyo kuwa budhcad baddeedda, halka Somalilandna uu ku tilmaamay “astaanta xasiloonidda ee qaaradda ay ka jiraan dawlado kalitaliyeyaal ahi.” Waxaanu xusay inuu Somaliland ka taliyo madaxweynihii shanaad ee si dimuqraadiya loo doortay isla markaana xukunka la iskugu wareejiyey si nabdoon. Shabakaddu waxay xustay in Soomaaliya ay haysato ictiraaf caalamiya, halka Somalilandna aan wali la aqoonsan. Warsiduhu wuxuu tusaale u soo qaatay Iid Cali Axmed oo reer Somaliland ah, horena u ahaa aqoonyahan baanka ka shaqeyn jiray oo qaxoontinimo ku yimid magaalada Cardiff oo uu ka soo cararay xilligii kaligii taliyihii Siyaad Barre xukumayey Soomaaliya, waxaanu sheegay in dadka reer Somaliland ay yihiin qaar hal-abuur ah isla markaana ay haystaan dad badan oo aqoon sare leh. Iid Cali Axmed wuxuu ku dooday booqashadii Xoghayaha Gaashaan-dhiga UK, Gavin Williamson ku tagey Somaliland ay muhiim aheyd, hase ahaatee ay xafiiska Arrimaha dibadda Ingiriiska ka doonayaan inay aqoonsadaan Somaliland oo ay ku abaal-mariyaan wixii ay qabsatay. Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibadda UK, ayaa Wales Online u o sheegay in ay rumaysan yihiin in Somaliland iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay heshiis ka gaadhaan mustaqbalkooda, isla markaana aqoonsiga ay hormuud ka noqdaan dalalka ku yaalla gobolku. Xafiiska Arrimaha Dibadda UK wuxuu intaas ku daray in Ingiriisku uu xidhiidh soo jireen ah la leeyahay Somaliland, isla markaana ay sii wadayaan inay dhiirigeliyaan wadahadalka u dhexeeya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Source
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha cusub ee ay dalalka Masar iyo Indonesia usoo magacaabeen Soomaaliya. Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Ibrahim oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee loo fidiyey, isaga oo adkeeyay inuu ka shaqayn doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Masar sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ah ee ay la leedahay dalalka kale ee caalamka. Madaxweynaha ayaa Danjire Maxamed Ibraahim u rajeeyey inuu ku guulaysto gudashada xilka loo igmaday ee ku aaddan xoojinta iyo joogteynta xiriirka walaaltinnimo ee labada waddan. Dhanka kale, Danjiraha dalka Indonesia ee Somalia, Seohardjon Aastromihardo oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Joko Widodo. Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa danjireyaasha u sheegay inay soo dhaweyn iyo wada-sheqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Somalia ay ku garab-is-taagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha DF oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirada Masar iyo Indonesia appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Cabdiraxaman Warsame (Aadan Sunne) oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa isla markaana ay xabsiga u taxaaben ciidamada Somaliland sannadkii 2017-kii ayaa waxaa uu farriin xabsiga dhexdiisa uga soo direy madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sheekha ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu diidey in uu cafiyo ka dib markii uu horey ugu ballan-qaadey in uu cafiyo. Sheekh Aadan Sunne ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqey in uu xabsiga Hargeysa soo booqdo oo uu indhihiisa ku arko xaaladda dadka maxaabiista ee ku jirta xabsiga Hargeysa. “Dalku wuu xanuunsanayaa oo caafimaad ayuu u baahan yahaye ee makuu haboon tahay inaad jeelka Hargeysa soo booqato?” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne oo cajalad kasoo dhex duubey xabsiga dhexe ee Hargeysa. Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland waxaa uu ugu baaqey in uu wax ka qabto dulmi uu sheegay in uu ka jiro Somaliland iyo gaar ahaan xabsiyada. “Madaxweyne dalkan waan soo wada joogney waayihiisana waan arkeynay Siyaad Barre waxaad kala hor tagtay halgan af iyo addinba ah dawladihii ka dambeeyay hadday tahay Cigaal, Rayaal iyo hadday tahay Siilaanyo waxyaabihii aad ku dhaliili jirtay waan joogney oo way qoran tahay dadka loo daadanayo ee guryahooda laga taxaabo ee la handido jeelasha iyo dulmiga jira iyo dadka la iska xidh-xidho ayaad ka hadlin jirtay, maanta miyaaney kuu garoobin wixii aad horey u ballan qaadey inaad socod siiso oo dulmiga dhacaya iyo dadka karaamadoodii lagu tumanayo inaad ka dul qaado” ayuu yidhi Sheekhu. Somaliland ayaa dhawr jeer oo kala duwan sheekhan xabsiga u taxaabtey iyadoo ku eedaynaysa in uu dalka ka wado kicin dadweyne. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Shantii Sano ee la soo dhaafay boqolaal ka mid ahaa Askarta iyo Saraakiisha Muslimiinta ah ee ku jira Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa isaga baxay Ciidamada dalkaas. Wargeyska The Star; oo maqaalkan qoray ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasaaradda amniga ay qabteen warqadaha is casilaadda Saraakiisha iyo codsiyada Askarta kale ee ka baxaya Ciidamada. Askartan ayaa ku doodaya in ay walaac ka qabaan habka ay ula dhaqmaan taliyayaasha ugu sarreeya Ciidamada Kenya xilliyada howlgallada. Mid ka mid ah saraakiisha is casishay ayaa u sheegay The Star in sababta uu is casilay tahay kaddib markii ay aamini waayeen Saraakiisha kaga sarreysa Ciidanka. Waxaa uu xusay in Askarta iyo Saraakiisha Muslimiinta ah eek u jira Ciidanka Difaaca Kenya loo diro Gobolaka Waqooyi Bari,Sohdinta Soomaaliya iyo goobaha kale ee ay ku xoogganyihiin Al-shabaab. Waxyaabaha kale ee ay uga baxayaan ciidanka ay ku sheegeen in ciidanka gudahiisa aan si wanaagsan loola dhaqmin,laguna shaabadeeyo argagixiso,mushaarkooda oo aysan u helin sida ay u helaan Ciidanka kale iyo habka ku dhex noolaanshaha askarta kale oo ku adkaatay. Mid ka mid ah saraakiishan isaga baxay Ciidanka Kenya ayaa u sheegay The Star “ hadda ka hor aniga iyo afar saaxibadey ah ayaa naloo diray Magaalo ku taalla sohdinta si aan uga saarno Al-shabab, waxaa nalooga wacay Nairobi,sababta nalooma sheegin,mar dambe ayaan ogaannay in nalaga shakiyay inaan howlgalkaas si wanaagsan u qabanin”. Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Kenya Njoka Mwenda, ayuu wargeyska wax ka weydiiyay arrintan,waxaase uu codsaday in arrinta ay xasaasi tahay islamarkaana waqti dheer la siiyo si uu uga jawaabo. Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya David Obonyo iyo Taliyaha Booliska Isaiah Osugo ayaa diiday in ay ka jawaabaan wicitaannada The Star. Talaadadii la soo dhaafay Askarkaal ka tirsan Ciidanka difaaca Kenya uu ku sugnaa saldhigga degaanka Embu was ,ayaa waxaa xiray ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya,waxaa uu ka mid yahay Saraakiisha Muslimiinta ah eek u jirta KDF. Saraakiisha Muslimiinta ah qaarkood ayaa lagu tuhmayaa in ay Al-shabaab u gudbiyaan siraha dhinaca Sirdoonka ah ee Dowladda. Waxaa kale oo intaas u dheer marka ay Saraakiisha Ciidanka ku wareejiyaan warqadaha is casilaadda una sababeeyaan,waxaa loogu jawaabayaa in ay doonayaan in ay ku biirayaan Al-shabaab,sababtaasna ay uga baxayaan Ciidanka. Kaddib weerarkii Ceelcadde ee 15kii January , mid ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka ee xerada joogtay oo Soomaali ahaa ayaa lagu eedeeyay in uu Al-shabaab u fududeeyay weerarkaas oo sababay dhimashada Askar ka badan 200 Qof. Mid ka mid ah Saraakiisha ka baxay Ciidanka Kenya ee uu wareystay Wargeyska The Star ayaa yiri” inteenna badan waxaan joognaa furumaha dagaalka,waxaan ka shaqeynaa meelaha ugu halista badan, sida Soomaaliya,laakiin waxaa nalooga shakiyaa inaan xiriir la leenahay argagixisada,tani uma wanaagsana taliyayaasha, Masaajidda ku yaalla xeryaha Milatariga aad ayaa loo dabagalaa,waxaa lala socdaa casharrada,sidoo kale macallimiinta ayaa dabagal lagu hayaa, dhaqankan oo kale waxaa uu waxyeelayaa danaha Qaranka”.ayuu yiri. Isha: The Star W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah
-
Siyaasi cabdulqadir cali obsiye oo ku baaqay in la qaadaco mudo kordhinta barlamanka guurtidu usa meeyeen isaga Oo shegay inla joogo waqtigii shacabku muujin lahaayeen quwadooda iyo inay iska diidaadan tacadiga iyo dulmiga ay ku hayaan guurtida iyo baar lamanka oo u he shiiyay umada inaanay banayn xilalaka markasta oo ayka dhamaato mudadu midina midka kale uu u kor dhiho waxaan leeyay hadaanu nahay shacabka siyaasiyiin waayeel dhalinyarro iyo wax garadba waanu baraarugnay dulqaad kiina wuunaga dhamaaday in taanu daadku idin qaadin oo daaqadaha la iidiina soo daadin baneeya meesha oo mar uun wax iskula hadha waa markii 5aad mudo kordhintu yeelina mayno hadaanu hore u yeelay ogaada oo ha idiin muuqdeen in dadkii xaqa u lahaa ee wadanka wax usoo bartay waxna uqaban lahaa aymaanta la dhooban yihiin shaqo la aan maqaaxiyaha iyo suuqyada waxaan kusoo gunaa nadayaa horaa loo yidhi nin kuu digay kuma dilin waxaan idiin dar daarmayaa inaad qaadataan taladaydaas jaaniskana sii saan dhalin yarta iyo dadka si xilku uu ugu soonoqdo meertadii oo uu ugabaxo korodh siimada aan dhamaanayn Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Sheekh Aadan Sunne oo ku xidhan xabsiga weyn ee Hargeysa ayaa waxa uu farriin murugo leh ka soo dhex diray qolka uu ku xidhan yahay, waxaanu ka warramay halka uu ku dambeeyay cafis la sheegay in uu u fidiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Halkan hoose kaga boggo farriinta Sheekha Source
-
Madaxweyne Biixi Oo Laba Qandaraas Oo Culus Sí Qarsoodi Ah U Siiyey Ganacsadaha Ay Isku Jufada Yihiin Ee Ina Aw Siciid. Xoggo laga helayo illo wareedyo kale gedisan ayaa tibaaxay in Madaxweyne Biixi uu laba mashruuc oo shilis si qorsoodi ah u siiyey Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo ay isku júfo hoose yihiin Madaxweynaha. illaha aanu xogtan ka helayno oo ku kala sugan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa sheegay in Labadan Mashruuc ee naas nuujinta lagu siiyey Ganacsade ina Aw Siciid ayaa kala yihiin Mashruucá Jidka Berbera Corridor, hálka Mashruucá kalena lagu sheegay qalab lagu baadhayo kontiidharada kasoo Dega ama ka dhoofa Marsada Berbera ,kaas oo lagu rakibayo Gudaha Dekada Berbera, isla markaána uu dhaqaalaha kasoo xaroonaya uu ku dhici doono qasnadaha Ganacsade Ina Aw Siciid. Geesta kalena mashaariicdan aan qandaraaskooda aanay shaacin Gudida qandaraasyada Qaranka ee qoysnimada lagu siiyey Ganacsade Maxamed Aw Siciid mahaa labadan kaliye, balse waxa Jira mashaariic kale oo tiro badan, kuwaas oo uu Madaxweyne Biixí naas nuujin uga dhigay Ganacsadahan. Dhanka kale Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo intii uu hoggaaminta Dalka qabtay badi qandaraasyada iyo mashruuciida shilis naas nuujin uga dhigay qóskiisa,xigtadiisa ,caruurtiisá qaarkood iyo Ganacsatada Beeshiisa oo uu kamid yahay ina Aw Siciid,waxaana xusid mudan in mashaariicdaa aan la marin gudida qandaraasyada Qaranka, balse si qorsoodi ah uun loo siiyo cidii ka tirsan acyaanta reer Aala sacuudka somaliland ka taliya wakhti xaadirkan Si kastaba ha-haatee Madaxweyne Biixi ayaa labadaa qandaraas sifo xaraan ah ku siiyey Ganacsade ay isku Jufada Yihiin ee ina aw siciid, waxaana xusid mudan in aan la marsiin gudida qandaraasyada qaranka Somaliland. Qaran News
-
The United States has been involved in several endless “wars on terrorism” since the September 11, 2001, terrorist attacks, most notably the war in Afghanistan, where U.S. troops have been engaged in fighting for more than 17 years. But the Wall Street Journal on January 17 wrote about “America’s Other Endless War” — the battle against al-Shabaab militants in Somalia. Al-Shabaab is a jihadist fundamentalist group based in East Africa that pledged allegiance to al-Qaeda back in 2012. The Journal report noted that following al-Shabaab’s emergence from Somalia’s anarchy, former President George W. Bush began basing a small number of U.S. troops in Somalia in 2007. Barrack Obama’s administration conducted air raids against al-Shabaab leaders. The report noted that though President Trump recently ordered a withdrawal from Syria and a sharp reduction of U.S. troops in Afghanistan, he has declared parts of Somalia “areas of active hostility” and authorized an escalation of offensive operations against al-Shabaab. The U.S. military has doubled the size of the U.S. forces on the ground to 500. U.S. airstrikes against al-Shabaab positions and fighters have tripled since 2016, to 47 last year, the report cited the U.S. Africa Command and the U.S. military, which says it killed 338 al-Shabaab fighters in 2018. The Journal cited a Pentagon statement that the U.S. military remains committed to a presence in Somalia. In the first eight days of this year, the military reported conducting five airstrikes and killing 26 militants. So far, the Trump administration plans only minimal troop reductions in Somalia, according to U.S. military officials. The New York Times reported on January 20 that the United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab militants in Somalia since President Trump took office, carrying out at least 47 such strikes last year. Some have targeted top al-Shabaab leaders or key financial officials; the extremist group funds its attacks with an extensive network of “taxation” and extortion. The Times cited a statement from the United States Africa Command that it had carried out its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 al-Shabaab extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The Times quoted a statement from the military that it was committed to “preventing al-Shabab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia.” The post Trump Orders Escalation Against al-Shabaab in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo uu tilmaamay inuu si xaqiiqda ka fog uga hadlay dib u dhaca doorashada Golaha Wakiillada. Sidaasna waxa Wasiirku ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray oo ay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Isniintii shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si xaqiiqada ka fog uga hadlay duruufaha keenay dib u dhaca doorashada Golaha Wakiillada oo lagu waday inay Somaliland ka qabsoonto 29ka Bisha March ee sannadkan. Guddoomiyaha WADDANI oo muddo 12 sannadood ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, marna uma uu hagar bixin diyaarinta Xeerkii lagu soo dooran lahaa Aqalka Wakiillada,waxaanu dhawr jeer oo la isku dayey diyaarintiisa uu horseed ka ahaa dadkii soo maleegay caqabado lagu hor-istaagayey meelmarinta Xeerkaas muhiimadda weyn u leh dimuqraadiyadda dalka iyo doorashada muddo dhaafka ah 14ka sannadood. Sidaas darteed, Cabdiraxmaan Cirro markii uu kursiga fadhiyey umay muuqan muhiimadda ay leedahay qabashada doorashada iyo sameynta Xeerarkeedu, isagaana sabab u ahaa dib-u-dhaca doorashada. Sidoo kale, Guddoomiyaha WADDANI wuxuu halqabsi uu doorashada kaga galgalanayo ka dhigtay “in la kala diro Komishanka Doorashooyinka Qaranka” oo ah Hay’ad dastuuri ah oo leh muddo xileed cayiman oo shan sannadood ah, waxa u furan inuu beddelo xubinta ugu jirta Guddida Doorashooyinka isagoo u maraya sifo sharci ah, haddii kale oo uu wadar ahaan cabasho sharci ah iyo dambiyo u hayo Komishanka, waxaa u bannaan inuu dacwad u gudbiyo Maxkamadda sare ee dastuuriga ah, wixii aan intaas ahayni waa marmarsiiyo dhalanteed ah oo uu cimri dherer ka dhiganayo Xisbiga WADDANI. Geesta kalena, Guddoomiye Cirro waxa uu ka been sheegay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu xusay inay diidan tahay heshiiskii nabadeed ee Xukuumaddii hore ee KULMIYE la gashay Cali Khaliif Galaydh, iyadoo aanay jirin meel madaxweyne Muuse iyo Xukuumadiisuba ay ku diideen heshiiskii lala galay Cali Khaliif, haddii uu isagu jecel yahay inay xukuumaddu diido, waa riyo maalmeed isaga u taalla, balse dawladda Somaliland waxa ka go’an inay la shaqeyso oo ay dhegaysato muwaadin kasta oo tabasho qaba oo si maangal ah u soo fadhiista miiska wadahadalka. Xukuumadda hadda talada haysaana waxay ka soo jeeddaa KULMIYE, nin weyna looga roon inuu fagaare la yimaado war aan xaqiiq ahayn, wadahadalkanina wuu soconayaa, laakiin isagu xaq uma laha in maalin walba la yidhaahdo halkaas ayey wax noo marayaan. Waxa kaloo aan ku wargelinaynaa Guddoomiye Cirro in dedaalkii wadahadalka lala galay Cali Khaliif Galaydh uu ahaa mid Xukuumadii hore ee KULMIYE ay bilowday oo aanay oolin sabab lagu daadifeyn karaa. Waxaan shacbiga la socodsiinaynaa in Somaliland dhaqan u leedahay inay khilaafaadka ka dhasha arrimaha doorashooyinka kaga baxdo wadajir iyo isku tanaasul, isla markaana imikana lagu furdaamin doono dhaqankaas soo jireenka ah ee isqancinta ku dhisan.” Source
-
The United States has been involved in several endless “wars on terrorism” since the September 11, 2001 terrorist attacks, most notably the war in Afghanistan, where U.S. troops have been engaged in fighting for more than 17 years. But the Wall Street Journal on January 17 wrote about “America’s Other Endless War” — the battle against al-Shabaab militants in Somalia. Al-Shabaab is a jihadist fundamentalist group based in East Africa that pledged allegiance to al-Qaeda back in 2012. The Journal report noted that following al-Shabaab’s emergence from Somalia’s anarchy, former President George W. Bush began basing a small number of U.S. troops in Somalia in 2007. Barrack Obama’s administration conducted air raids against al-Shabaab leaders. The report noted that though President Trump recently ordered a withdrawal from Syria and a sharp reduction of U.S. troops in Afghanistan, he has declared parts of Somalia “areas of active hostility” and authorized an escalation of offensive operations against al-Shabaab. The U.S. military has doubled the size of the U.S. forces on the ground to 500. U.S. airstrikes against al-Shabaab positions and fighters have tripled since 2016, to 47 last year, the report cited the U.S. Africa Command and the U.S. military, which says it killed 338 al-Shabaab fighters in 2018. The Journal cited a Pentagon statement that the U.S. military remains committed to a presence in Somalia. In the first eight days of this year, the military reported conducting five airstrikes and killing 26 militants. So far, the Trump administration plans only minimal troop reductions in Somalia, according to U.S. military officials. The New York Times reported on January 20 that the United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab militants in Somalia since President Trump took office, carrying out at least 47 such strikes last year. Some have targeted top al-Shabaab leaders or key financial officials; the extremist group funds its attacks with an extensive network of “taxation” and extortion. The Times cited a statement from the United States Africa Command that it had carried out its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 al-Shabaab extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The Times quoted a statement from the military that it was committed to “preventing al-Shabab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia.” Source: New America
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Janauary 2019 xafiiskiisa kulan kula Qaatay Madaxa mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP (Capacity Injection Project) ee World Bank Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo. Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland uu la qaatay Mr. Gregory iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxaa qayb ka ahaa qaarkamida saraakiisha xafiiska World Bank ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxa Mashruuca tayeynta shaqaalaha Dowladda CIP Capacity Injection Project World Bank Mr. Gregory ayaa daarnaa isxog wareysi guud, ukuurgelidda habsami u socodka mashruuca iyo dhammaystirka qabyo qoraalka qorshaha 2019 ee hay’addaha dowladda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey shaqada Bangiga Aduunku ay ka hayaan Puntland iyo guusha uu gaaray Masruuca CIP mudadii uu shaqaynaayey ee ahay 4-ta sano, isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu qirey in Dowladda Puntland diyaar u tahay ka faa’iidaysiga mashaariicda World Bank si guud iyo si gaar ah ba Mashruuca CIP. Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qayb ka ahaa aasaaskii Mashruuca CIP Capacity Injection Project World Bank markuu ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya. SAWIRRO The post Madaxweynaha Puntland oo Lakulmay Wafti Ka Socda Bangiga Adduunka. appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors