-
Content Count
207,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ka aragti dhiibtay muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey golaha wakiilada. Intooda badan waxa ay sheegeen in aanay raali ka ahayn arrintaasi oo ay kasoo horjeedaan, waxaana ay ku taliyeen in golaha Guurtida qudhooda wax laga bedalo. Dadka qaar ayaa qaba in arrintan ay tahay un mid lagu doonayo in lagu sii joogo taasina aanay dan u ahayn Somaliland waa sida ay hadalka u dhigeenne. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-SHACABKA-HARGEYSA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Xidhnaashaha qeybo ka mid ah Hey’adaha Dowladada Federaalka Mareykanka ayaa galay bishii labaad, xilli wili uu taaganyahay ismari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Trump iyo hogaamiyaasha xisbiga dimoqraadiga. Madaxweyne Donald Trump ayaa ku adkeysanaya dalabkiisa ah in la siiyo lacag ka badan 5 bilyan oo dollar oo uu rabo inuu derbi uga dhiso xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico, laakin mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga oo hadda leh aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ayaa diiday arrintaasi. Qoraal uu talaadadi shalay soo dhigay bartiisa twitterka ayuu Trump ku sheegay in darbi la’aantii uusan Mareykanka waligiis yeelan doonin amaan qaran. Wuxuu kaloo intaasi raaciyay in haddii darbi xoog leh ama gidaar ka sameysan bir laga dhiso xadka ay hoos u dhici doonaan danbiyada la xiriira daroogada, taasoo buu yiri ay ogyihiin dimoqraadiyiintu balse ay rabaan in ay ciyaaraan dheel siyaasadeed. Dhanka kalana, hogaamiyaha aqlabiyadda Golaha Senetka Mitch McConnell, oo ah xildhibaan Jamhuuri ah oo senetka kasoo galo gobolka Kentucky, ayaa sheegay in senetka ay Khamiista cod u qaadi doonaan qorshaha madaxweyne Trump ee xadka iyo qorshe ay dimoqraadiga soo gudbiyeen oo ah in dowlada miisaaniyad loo helo ilaa bisha siddeedda Febraayo. Source
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer C/raxmaan Yariisow ayaa u digey dad uu sheegay in weli ay ka madax adeegayaan iney isaga guuraan dhulalka danta guud ah oo ay si sharci darro ah ku dhisteen. Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu ka go’an yahay in lasoo celiyo dhammaan dhulalka danta guud ah, ayna aqbali doonin in lasii deganaado. Yariisow ayaa sheegay in laga saari doono cid walba oo degta dhulalka danta guud ah wax walbo oo ay sheegaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/GUDOOMIYAHA-GOBALKA-BANADIR-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya aanay waxbo u qaban shacabka ay matalaan. Waxa uu sheegay in xildhibaannada looga baahnaa markii ay fasax galaan in ay deegaannadooda ku laabtaan, islamarkaana soo eegaan waxa ka jira halkaasi, ama ugu yaraan ay dadkooda wax u qabtaan. Aqoonyahan Maxamed ayaa sheegay in la yaab ay tahay marka xildhibaannada fasaxa galaan badankooda ay dib ugu laabtaan Hoteello uu sheegay in magaalada Muqdisho ka deggan yihiin. Nidaamka lagu soo xulo ee xildhibaannada ayuu sheegay inuu yahay midka dhibka ku haya umadda Soomaaliyeed, loona baahan yahay in doorasho xalaal ah oo shacabka ka qeybqaataan la galo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Aqoonyahan-Maxamed-Axmed-Maxamuud-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana yihiin kuwa dalka berry xukumi lahaa. Waxa uu sheegay in maskaxda dhallinyarada ay tahay mid nadiif ah, islamarkaana dalka ku hoggaamin kara meel wanaagsan. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay dhallinyarada in haddii aqoontooda iyo maskaxdooda nadiifka ah uga faa’ideeyaan dalka ay wax badan qaban karaan. Dhanka kale, madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkan uu soo maray marxalado kala duwan welina dalka u baahan yahay in wax badan loo qabto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Xasan-Sheekh-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo xirey wejiga Koowaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha K/galbeed, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Shirkaan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray in beelaha wada dega K/galbeed ay si wadajir ah uga shaqeeyeen Nabadda iyo in wixii horay u dhacay la iska cafiyo. Maxamed Mursal Gudoomiyaha Barlamanka soomaliya oo shirkaas soo xiray ayaa uga mahad celiyay beelaha heshiiyay si nabad ay uga shaqeeyeen. Waxa uu guddoomiye Mursal sheegay in wejiyada kale ee dib u heshiisiintana rajeynayaan in beelo kale ku heshiiyaan. Sidoo kale, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku booriyey beesha caalamka iyo cid walbo oo taageerta K/galbeed iney xoojiyaan taageeradooda, maadaama hadda K/galbeed ay ka bilaabatay dib u heshiisiin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gudoomiyaha-Baarlamaanka-dal-MURSAL-CAAWA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay war uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya, kaasi oo lagu sheegay in hubkii lagu fuliyey weerarkii hotelka DusitD2 uu ahaa hub ay leedahay dowladda Soomaaliya. Cabdi Saciid Maxamed Cali, oo ah la-taliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu Cabdi Saciid ku sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo dowladda Soomaaliya lala wadaago, oo muujinaya in hubkaas uu yahay mid ay dowladda Soomaaliya leedahay. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadkii weerarka fuliyey ay ahaayeebn Kenyan u dhashay dalkaas, oo aysan ahayn Soomaali. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya. Dowladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya. “Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Siad Barre Maalintu Gaaloobay Dhacdo waa odey ka Sheekee Qore: Dr. Saeed Sheikh Mohamed Siyaad Barre xukun kiisii, waxa aan laba qof ku murmikarin oo miyarkooda qabaa inuu ahaa macangag, dab iyo naar ah oo dadka tudhaale u lahayn; diinta iyo dhaqanku waxay xagiisa ka ahaayeen bar kuma taal. Inta amaantaa waa dad kooban oo qabyaaladi ka hadlinayso ama dano gaar ah kulaha. Dhacdadii ugu xumayd, ugu naxdinta iyo yaab ka badnayd waxay ahayd maalinta uu Gl. Maxamed Siad Barre u meel mariyey xeerka qoyska ee uu Alle iyo diintiisaba kaga go’ay ee uu gaalnimo cad meel isu taagay. Dhacdadaasi waxay ahayd maalintu Xeerka Qayska oo uu ku badalay xeerkii shareecada Islaamka ee muslim oo dhami waligood ku dhaqmi jireen. Xeerka si kidis ah ayuu Siad Barre u meel mariyey January 11, 1975 iyado aan laga fiirsan, culimadana wax laga weydiin, dhibta ka iman kartana la adorosin, wax qadarin ahna la siin dadka 100% muslimka ah ee xeerku khuseeyo iyo dhibta ka dhalan karta. Ujeedada qodha ee Siad Barre kalaha waxay ahayd inuu madaxdii Midawga Soofiyati, ee uu midiidinka u ahaa, iska dhaadhiciyo inuu shuuci dhaba yahay. Waxaanu se ogeyn in Midowga Soofiyati uu xukumi jirey malaayiin muslim ah oo diintooda aanu marnaba si toos ah u faragalin jirin. Xeerka qoysku wuxuu si toos ah uga horyimi Quraanka iyo Sunaha Rasuulka Calayhi Salaatu Wa Salaam. Qodobada ugu muhim Sanaa waa: Habka meherka Islaamka wax laga badaly; Dalaaqda oo aan dhici Karin iyadoo maxkamadi aqbasho mooyee; Afadu haday diido in saygeeda ay kala tagaan, waxa waajib ah in reerku wada joogo; Nin kuu haduu ku celceliyo: waan ku furay iya doo maqlaysa; inaan waxba laga soo qaadayn. Dhaxal ka inay raga iya dumarku isku qoriyihiin xaalad kastoo jirta. Xeerku wuxuu xalaaleey inay lamaane meher isu hayne inay xaaraan ku wada joogaan. Xeerka waxa markiiba ku gacan saydhay culimo badan oo waqtigaa ku sugnaa Mogdisho. Shan cisho markay ka soo wareegtay, (maalin Jimca ah, January 16, 1975) ayaa Masjidka Cabdil Qadir, markii salada jimcaha la tukaday, ayey culimadu bilaabeen inay dadka u bayaamiyaan sida uu xeerka qoysku uga soo horjeedo diinta Islaamka. Dad kii salaada u yimi ayaa ku nagaaday masjidka oo qofba ka muu bixin. Jaar kii masjidka ayaa debeda isugu soo baxay iyaguna; dad kaloo badanina way ku soo biireen si ay culimada taageero ugu muujiyaan. Wacdigu wuxu soconaayey saladii Jimce ila saladii casar (1:00– 3:30). Culimada meesha ka hadashay iyo kuwii masjida joogayba waxay ahaayeen culimadii waa wayneed ee caanka ahaa sida laga soo xigtay Sheekh Maxamed Garyare oo waqtigaa masjidka ku sugnaa. Culimadu waxay aad uga hadleen sida xeerku siduu diinta iyo shareecada Islaamka uga soo horjeedo, iyagoo isbarber dhigaya Quraanka iyo Sunuhu waxay faraayaan muslinka, iyo xeerku fariinta uu xambaar sanyey iyo sida aaney isula jaan qaadi karin Xeer Qaysaka iyo Diinta Islaamku. Culimadu waxay ku nuux nuux sadeen dadkana ugu baaqeen inay diidaan xeerka oo aaney marnaba ku dhaqmin kuna dheeradaan inay ka soo horjeestaan; waxaaney uga digeen dadka cadho Alle inay ku dhacdo hadii ay xeerkaa ogalaadaan. Dhinaca kalana waxay fariimo adag oo xaq ah u direen Siyaad Barre iyo maamul kiisii. Waxany ku booriyeen in xeerka in sidu u dhan yey daaqada laga tuuro. Siyaad Barre oo jaahil ka ahaa dhan diineed, dhan siyaasadeed, iyo dhan bulsho waxa uu ka qaaday baaqiii culimada cadho iyo kibir. Wuxu iska dhaadhiciyey inay culimadu liddi ku yihiin maamulkiisa isagoo marka horeba sas ka qabay cid kasto diin ka hadasha. Amar degdega ayuu ku bixiyey in la soo qabto culimada iyo dadka masjidka joogayba. Salaaddii casar ayey boqolaal ciidanka nabad-gelyda ah oo aad u hubaysan hareereeyeen masjidkii. Waxay qab-qabteen dad badan oo meesha ku sugna, iyagoo bar tilmaamaysanaya culimadii ugu magaca wayneed ee bir-ma-geedada ahaa. Markiiba Maxkamada Badbaadada Qaranka oo magac u yaal ahayd ( Siyaad Barre ayaa wax walba ahaaye ) ayaa loo gudbiyey. Waxa lala tiigsaday Xeerka 54 ee ciqaabta kuna saabsaana (diinta oo loo adeegsado burburinta qaranka). Xeerku wuxuu ka mid aha xeerar badan oo ciqaab ah mar qudha Siyaad Barre soo saaray oo isgu jirey “dil, xabsi, iyo bahdalaad si qof kii kalmad yidhaa ba afka loo jabiyo. Xeerarkaa aduun yadu waxy u aqoonsatay inay yihiin qaar kasoo horjeeda xuquuda qofka ee aduun yadu isla ogoshay. Culimadii waxa lagu xukumay: 10 Sheekh dil toogasho ah; 6 Sheekh 30 sano oo xadhig ah; 20 Sheekh 17 sano oo xadhig ah. Maalinta Bishu ahayd January 23, 1975 ayaa dil toogasha ah lagu fuliyey 10 Sheikh oo aan dembi gelin. Culimadu Alle ha u naxriistee iyagoo ilkaha cadaynaaya oo aad ugu faraxsan in Alle u aqbalay inay iyagoo shuhada xaga Alle u dheelmadaan, oo naacawda janadu usoo ureyso, carabkana ku haya aayadaha busharada ee Suurada Aal Cimraan ayey naftii midwalba ka baxday. وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا ۚ بَلْ أَحْيَاءٌ عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ)169( فَرِحِينَ بِمَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ وَيَسْتَبْشِرُونَ بِالَّذِينَ لَمْ يَلْحَقُوا بِهِم مِّنْ خَلْفِهِمْ أَلَّا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ )170 ((۞ يَسْتَبْشِرُونَ بِنِعْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ وَفَضْلٍ وَأَنَّ اللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجْرَ الْمُؤْمِنِينَ )171 Waxa yaable inaan dawladahaa carbeed ee muslimka ahi inaanay xataa cambarayn falkaa Culimada lagula kacay. Kaba siidarane Siyaad Barre magac iyo maamuus ayabuu ku helay dhiigii culimada, hub iyo caawimo badana waa la siiyey, waanaa loo sed kordhiyey. Culimada 10 ka ah ee shahiiday waxay ahaayeen: 1.Cali Hasan Warsame Cali Jamac Hirsi Adan cali Hirsi Sheekh Axmed Imaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Hasan Iise Iley Maxamed Siyaad Xirsi Sheekh Muse Yuusuf Saleebaan Jaamac Maxamed Yasiin Clmi Cawl. Siyaad Barre dhibta faraha badan ee shacabka uu ugaystey, ee ay ugu mudnayd shariicada Islaamka ee uu faraha lagaly, iyo dilka culimada lagula kacay ,waxba ka muu soo qaadin. Waabuu ka sii daray oo wuxuu damcay in culimadu qasab ugu oleleeyaan Xeerka Qayska, isna waafajiyaan xeerka iyo shareecada Alle. Sheekh Maxamed Macalin ee caalimka wayn ahaa Alle ha u naxariistee, ayaa tafsiirka Quraanka ka akhriya xiligaa masjidka Cabdil Qadir. Amar ka Iaahay waxa isku soo beegmay xeerkii Qayska oo olelihiisii socdo, iyo casharka uu Sheekh maarinaayey oo ahaa Surata Nisa’a, ayaadaha dhaxalka khuseeya. Madax ka tirsanaa Goleha Saree e Kacaanka iyo sabaaniyadii Siyaad Barre ayaa u tegey Sheekha si ay ugu khasbaan inuu badalo macnaha aayadaha Suurta Nisa’a ee uu ayaantaa uu ayaamahaa bilaabaayey fasilaadooda. Isla markaana waxay u sheegeen inuu u dadka u sheego in Xeerka Qayska ee Siyaad Barre malmaluuqay mid waafaqsan Quraan ka iyo Sunaha. Sheekh waxa loogu hanjabay in haduu amarkaa sidiisa u fulinwaayo in sidii culimadii hore loo galay si la mida isagana loo geli doono. Sheekh Maxamed macalin arrinkaa umuu jixinjixin; cabsigelin iyo caga juglaynina waxaba ka may badalin. Tafsiir kii aayada dhaxal ka (waatan hoosta ku qorane), sidii Alle yidhi ayuu u mariyey. يُوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ ۖ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنثَيَيْنِ ۚ فَإِن كُنَّ نِسَاءً فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ ۖ وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ ۚ وَلِأَبَوَيْهِ لِكُلِّ وَاحِدٍ مِّنْهُمَا السُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُ وَلَدٌ ۚ فَإِن لَّمْ يَكُن لَّهُ وَلَدٌ وَوَرِثَهُ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ الثُّلُثُ ۚ فَإِن كَانَ لَهُ إِخْوَةٌ فَلِأُمِّهِ السُّدُسُ ۚ مِن بَعْدِ وَصِيَّةٍ يُوصِي بِهَا أَوْ دَيْنٍ ۗ آبَاؤُكُمْ وَأَبْنَاؤُكُمْ لَا تَدْرُونَ أَيُّهُمْ أَقْرَبُ لَكُمْ نَفْعًا ۚ فَرِيضَةً مِّنَ اللَّهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمًا (11) Taasi waxay keentay in Sheekh Maxamed Maclin isla habeen kiiba la xidho. Mudo dheer ayuu Siyaad Barre u xidhnaa isagoon waxba galabsan. Dhacdadaasi waxay ahayd mid curad ah oo hore iyo dibtoona u soo marin dadka af soomaliga ku hadla, gobol kay doonaan ha joogaane. Xukumadiihii reer yurub ee gobolada Somaliyeed kala xukumaayey, iyo Boqortooyadii Abassiniyaa (Ethiopia) mid koodna fal kaa soo kale ah dadka Somaliyeed ee muslimka ah kulamay kicin. Waa markii ugu horeysay ee carada Somaaliyeed gaar ahaan Jamhuuriydii Somaliyeed dad lagu ciqaabo diintooda awgeed (religious persecution). Xeerka Qayska ee Siyaad Barre malmaluuqay, iyo ayaadaha Quraanka ee uu sida badheedhka ah uga horyimid, iyo falal kii uu raaciyey ee foosha xumaa, waxay daka Somaliayeed u cadeeyeen meel ay joogaanba culimaduna isku raacday, inuu Siyaad Barre gaaloobey oo Alle iyo Nibigiisiiba ka go’ay. Meel uu ku toobad keeneyna anigu maan maqlin, manaan akhriyin, cidina iimay sheegin. Xeerkii Qoyska intaan ka war hayo maamulkii Siyaad Barre kama noqon. Haduu toobad la’aan ku dhintay gaalnimo ayuu ku dhintay oo in loo duceeyaa ma banaana. Waxan ugu baaqayaa Culimada Soomaaliyeed meel ay joogaanba in Jimcahan fooda inaguu soo haya dhacdadaa aad loo xuso loona aqoonsado malinta January 23 maalinta Shuhadada Diinta oo sanad walba la xuso si loogu cibro qaato. Waa maalin xanuun badan, oo xusuus mudan, oo wax ku qaadasho iyo ku daysho le. Waa waajib diiniyaa oo distoorku ogolyey inay shacab ku diintooda ilaa shadaan, culimaduna hormood ka noqdaan, dad kuna ku taageeraan. Ugu dambaystii, waxan Madax Weynaha Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi inuu qodobada Distoorka ee cadilan uu taabo geliyo, gaar ahaan Qodobka 115 ee ku saabsan Gudida Ulimada oo aad loguo baahan yahay si ay u bayaamiyaan shuruucda dalka lagu maamulayaa inay Shareecada waafaq santay iyo inkale. Wa Bilaahi tawfiiq. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Weriye hore oo ka hawlgaliyey jiray mid ka mid ah raadiyeyaasha Kenya ayaa halis ku jira kaddib markii uu dalbaday in si deg deg ah loo musaafuriyo siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo uu ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay kahor tagga weerarada badan ee argagixisada ee dalkaas ka dhaca. Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, ayuu David Harison Oluoch oo ahaa wariye ka tirsan Raadiyaha Citizen, ku sheegay in hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Aaadan Barre Ducaale, Abuukaate Cabdinaasir Cabdullahi, Senotor-ka Gaarisa Yusuf Xaaji in laga eryo dalkaas. “Si loo dhammeeyo argagixisada Kenya, dhammaan Soomaalida oo ay ku jiraan Cabdinaasir Cabdullahi, Yuusuf Xaaji, Aamina Maxamed iyo Aadan Ducaale waa in laga eryo Kenya oo ay ku laabtaan dhulkooda hooyo, Soomaaliya si ay uga gacan uga geystaan horumarinta dalkaas dagaalada halakeeyeen,” ayuu qoray. Isaga oo muujinaya aragtidiisa, Oluoch waxa uu weydiin ka keenay in aan wali Ducaale aysan hay’ada ammaanka aysan kula xisaabtamin weerarkii Jaamacadda Gaarisa kaddib ballan qaadkiisii ahaa in uu magacaabi doono maalgaliyeyaasha argagixisada dalkaas. “Muddo kahor kaddib weerarkii argagixiso ee Jaamacadda Gaarisa, Ducaale waxa uu ballan qaaday in uu magacaabi doono maalgaliyeyaashii weerarka. Sidee ku dhacday in hay’adaha ammaanka ee dowladda aysan wali u dabagalin arrintaas? Dowladda waa in ay joojisaa in ay shaqooyinka sar sare ee dalka siiyo dad noqon kara argagixiso,” ayuu hadalkiisa ku daray. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Washington DC (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka wakiilada Mareykanka, ayaa raali-gelin ka bixisay qoraal ay sanadii 2012 soo dhigtay barteeda twitter-ka oo aay u dhibsadeen dadka Yahuudda. Qoraalkaas ay Ilhaan Cumar ku sheegtay in Israel ay dunida maamusho, ayada oo ficillo xun sameynaysan, waxayna sheegtay inaysan fahamsaneyn xiligaas in erey ay adeegsatay uu aflagaado ku yahay dadka Yahuudda. Ilhaan Cumar ayaa dhowaanahan aad loogu dhaleeceynayey qoraalkaas, oo xilligii ay qortay uu socday dagaalkii Gaza ee dhex-maray Israel iyo kooxda Xamas. Ilhaan Cumar ayaa tiri “Ereygaas [hypnotize] waxa uu ahaa midka aan ka fakari karay xiligaas, mana ogeyn inuu xadgudub ku ahaa dadka Yahuudda” Ereyga ay ka hadleyso Ilhaan ayaa macnihiisu yahay in dareenka dadka la maamulo, ayada oo Yahuudda lagu xanto inay dunida si dadban u maamulaan. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in markaas uu ujeedkeedu ahaa kaliya inay dareenka dunida kusoo jeediso dagaalka Gaza, oo aysan damacsaneyn inay u gafto Yahuudda. “Waa muhiim inaan kala saaro cambaareynta ficillada dowladeed iyo weeraridda dadka diin gaar ah aaminsan. Kama xishoon doono inaan cambaareeyo dowlad kasta, haddii ay noqoto Sacuudi Carabiya, Soomaaliya ama xitaa dowladdeena” ayay tiri. Waxaa muuqda in cadaadis xooggan oo maalmahan ay Yahuudda iyo warbaahinta Mareykanka ku hayeen Ilhaan, in ugu dambeyn ay ka tanaasushay qoraalkeeda oo ay muddo difaaceysay kuna adkeysaneysay. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Muuse, oo ah dagaalyahan hore uga tirsanaa Al-Shabaab, oo la hadlay taleefishinka CNN, ayaa daaha ka rogay habraaca ay maraan dagaalyahanada si loogu xusho hawlgalka is miidaaminta. “Dagaalyahanada cusub ee loo qoro waxaa si cad loo weydiiyaa in ay si mutadawacnimo ah isu qarxinayaan” ayuu yiri. “Kuwa lagu doorto waxaa laga wadaa kooxda weyn waxaana lagu tashkiiliyaa ugu yaraan muddo sanad ah barashada Quraanka, muxaadarooyin uu bixiyo wadaad iyo tababar adag oo jireed iyo mid ciidannimo. “Tababarada Al-Shabaab waa mid aad iyo aad u adag,” ayuu ku daray. Muuse waxa uu la kulmay dagaalyahanno badan oo qalaad, ka yimi Mareykanka, Australia iyo Britain. Dagaalyahan British ah ayaa sheegay in uu doonayo ku noqoshada dalkiisa hooyo isaga iyo xaaskiisa iyo wiilkiisa saddex jirka ah oo uu rabo in uu ismiidaamin qarax ah sameeyo,” ayuu daaha ka rogay Muuse. “Waxaa jiray ajaaniib badan. Waxaan kula dabaalan jirnay xeebta Kismaayo waana ka garab dagaalami jirnay laakiin waxa ay ku noolaayeen meel gooni naga ah.” Dagaalyahankii hore ee Al Shabaab waxa uu diray digniin adag. “Mid walba waxa uu doonayaa in uu soo boxo oo uu sameeyo mid la mid ah weerarkii Dusit laakiin lama siin fursadda…haddii la siiyo fursadda wey soo baxayaan.” Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa horey wareysi uu bixiyay ku shaaciyay in dowladda Soomaaliya aysan wax raad ah ku laheyn imaanshihiisa magaalada Muqdisho, islamarkaana arrimo siyaasad uusan faraha la geli doonin. Hase yeeshee wuxuu la kulmay madaxda dowladda, balse waxaa taas dheer in shalay uu kasoo muuqday xarun lagu tababarayay ciidamo boolis oo dhallinyaro, oo uu khudbad u jeediyey, kuna dhiir-geliyey inay dalka difaacaan. Sheekh Kenyaawi ayaa dhalinyaro badan oo loo tababarayay booliska Soomaaliyeed u jeediyay hadal uu ku dhiiri gelinayo tababarka ay qaadanayaan iyo ahmiyadda ay u leeyihiin dalkooda. Waxaa ku wehliyay Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo taageero xukuumadda hadda dhisan, waxaana soo baxaya shakigii laga qabay in Sheikh Kenyaawi imaanshihiisa magaalada Muqdisho ay door ku laheyd dowladda Soomaaliya. “Balan ma tahay inaan amaanka ka wada shaqeyno, ilaalino caruurta amaankeeda, ma balan qaadeysaa inaad sugeysaan amaanka caasimada”ayuu dhalinyarada u sheegay Sheikh Kenyaawi. Dadka markii horeba ku dhaliilay in dowladda Muqdisho keentay, ayaa hadda sheegaya in loo adeegsanayo inuu dowladda u noqdo mid ay u adeegsato arrimaheeda siyaasad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa howlgal 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka sameeyeen magaaladaasi waxa ay ku xireen in ka badan 10 qof oo ganacsato ah. Ganacsatadan la xirey ayaa lagu eedeeyey iney lacago canshuur ah siiyaan Al-Shabaab, iyadoo ammarka xariggooda la sheegay inuu bixiyey maamulka Shabeellaha Shexe. Sidoo kale ciidamada ayaa raadinaya ganacsato kale oo bil walba lacag lagu sheegay Canshuur u geeya Xarakada Al-Shabaab. Cabsi weyn ayaa xilligan soo wajahday ganacsatada ku dhaqan magaalada Jowhar, iyadoo maamulka Gobolka Sh/dhexe weli aanu arrintaasi ka hadal. Ganacsatada Soomaalida ayaa inta badan lacag canshuur ah siiyey kooxda Al-Shabaab, ayaga oo ka cabsanaya in haddii aysan bixin la dilayo, dowladdana aysan damaanad qaadi karin sugidda amnigooda. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Ibrahim Mead political analyst Ottawa, Canada Sunday, September 12, 2010 Note: As the date above shows this article was published in 2010; however, as the same situation repeated itself now in 2019, the author decided to republish the piece as it is relevant to what is happening now under K-2 administration as it was under K-1 administration! Tuesday, January 22, 2019 An open letter to all concerned- Media, Opposition and the Government Our inner squabbles blinded us from what is going on in our country and around us. It diminished our abilities, our sense of purpose and nation building. This is mainly as a result of our ignorance of how democratic governments work. Inner squabbles annul Somaliland hopes and aspirations to become a viable serious and functioning state which lives within the limits of her laws and regulations and serves her people and her cause diligently. Genuine political opposition and responsible Media are necessary attributes of democracy, tolerance, and trust in the ability of citizens to resolve differences by peaceful means. It is a two way street, pro and against based on truth, fairness and tolerance! So let us (all) be aware of that and be careful how we dispense information and how we criticize the government or the head of the government on none issue things! It is a matter of balance and responsibilities for each and all parties concerned. The existence of serious opposition, without which politics ceases, is indispensable to the functioning of democratic political systems. Only administrations with dictatorial tendencies feel threat of this and as a result rock the boat! It is pertinent to stress the importance of freedom of access to the media and on the other side; it is incumbent upon the Media to be very responsible in despising information. So the same applies to the government. An effective and responsible Opposition and Media are essential for the success of our democracy. Since the Executive has a major influence on whether the Opposition and the Media can play their proper rolls in the system, it is important to focus on the Government’s role; access to resources and information is critical to strengthening the capability of the Opposition and the Media and therefore to their overall credibility. It should be emphasized that the Opposition be enabled to hold the Executive to account and the Media to expose that in a fair, unprejudiced and balanced way. There is a real responsibility and real understanding of responsibilities involved here and the real opposition entities must and ought to understand that, with out which the opposition loses the trust of the people and worse becomes an agent of destabilization! Guided by reason and intuition, and drawing on new insights as well as from our past experience, objective thinking is uniquely required in this time and age in our Media out lets the electronic, the audio and the print media. Clan or person based mud-throwing and Squabbles, sometimes develops in to startling confrontations in baseless arguments! Many recognize that the people in our Somaliland who need what we have to offer need that service to be provided but in a balanced and prejudice free way. Such people- the service providers must be our forefront reason for the existence of our Web-sites and other media out lets. So why are we not careful in our criticism for pro or against the ruling entity in which we selectively condemn or condone based on clan lineage and not of real facts and figures? Why do we collaterally cause a shame or damage to our Somaliland because we blindly attack some one or an entity we don’t like, for one (silly) reason or the other! There is a thin and a blare line here. We have to be careful. Objective criticism and serious loyal opposition is most welcome in a true and serious democracy and it is most well come in Somaliland, but there is a blare line between this virtue and a casual greed and clan instigated attacks emanates from the administration who feels threatened by exposing what must not be exposed. Bad governments must be exposed, and that is fine as far as democracy is concerned. And that is the job of the (responsible) media and opposition parties, but it must be true, fair and balanced. Any (new) governing entity going through changes experiences conflict. It is something closer to squabbling with the (responsible) media; however, that has often diverted us from our journalistic sense of purpose and the duty of the loyal opposition. Pervasive divisiveness has driven away some of the objective writers and analysts and truth tellers and seekers of facts who have come through your front doors of your websites and print media. Focusing on our disagreements, innuendos and the rest of it is toxic indeed! In this never ending squabble Somaliland indulges in “kahorgee and kujiqsee quagmire” blinds us to see our Cause and the big Picture, the hopes and aspirations of Mother Somaliland! I am calling the head of the government who is exclusively responsible to hold elections by law, to exercise his solemn duty and do it on time. Take the deal of adding two individuals to each party now in the National election commission. Abandon using mercurial and unhinged Faisal against the other party. It is destructive in the highest order. However peace and prayers Ibrahim M Mead Ottawa Canada Meadgd@gmail.com THE END Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Ba___-Qubanaha-Shabelle-22012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
waxaa markii afraad mudo kordhin loo sameeyay GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND oo 15 sano kuraasida fadhiyay markasta oo wakhtigu ka dhamaado waxaa la sheegaa dhawr qodob oo caqabad ku ah in doorsho la qabto qodobadaa waxaa ugu xoog wayn qodobka saami qaybsiga gobolada somaliland oo gobolada qaarkood ogolayn xeerkii lagusoo doortay baarlamankan iminka fadhiya oo hadaba aqoontayda gaaban waxaan soo jeedin lahaa inta la helayo saami qaybsi lagu wada qanacsanahay oo saxa in baarlamankan iminka joogu lagu bedelo doorasho somaliland oo dhan ah WAANA SIDAN sadexda xisbi qaran in midwaliba keeno 82 musharax oo dalka oo dhan looga wada codayn karo metelan anigoo kasoo jeeda gobolka togdheer kana sharaxan xisbiga ucid waxaa la iiga codayn karaa saylac ama xudun ama dalka oo dhan waxaan soo baxaya 82 xildhibaan ee ugu codka sareeya somaliland isla markana aan gobol gaara lagasoo dooran ee lagasoo doortay somaliland waana sida aynu madaxwaynaha u doorano Allaa mahadle By cilmi jaamac cawed cilmijaamac@hotmail.com Source
-
Faanku waa xanuun ku abuurma aadamaha marka ay gaadhaan marxalad ayna ku kalsoonayn naftooda oo ay is leeyihiin ama is bidayaan aqoon , masab siyaasiya iyo hanti ay aaminsanyihiin in dadka facooga ah ay dheeryihiin. Walaw xeel dheerayaasha ku takhakhusay cilmiga aadamaha ay rumaysan yihiin in faanku yahay cudur asiiba shaqsiga oo bulshada ka soo dhex saara, halka isagu sharaf iyo wanaag u arkaayo hebel/heblaayo ayaa waxaasi sameeyey wuxuna jecelyahay in waxkasta kaw ka noqdo hadii uu waayana ka cadhoodo fagaaraha u ku suganyahay. Markasta qofka waxaa qalbigiisa ku jira waa lagu yasayaa ama lagu eryanayaa wuxuuna inta badan isku dayaa is dufaac badan iyo in aragtida bulshada uu la dhaqanyahay in gabi ahaanba ay khaldantahay inkastoo taasi badalkeeda ku doodaayo waxaan ahay shaqsi indheer garad ah oo ka hooreeya deegaankiisa lakiin waxaa badan xaasidkayga iyo inta xumaantayda jecel waan waxyaabaha shaydaanka iyo naftu dhagihiisa kaga soo tuurayaan si ay ugu fogaato is cajabintu, waxayna xaqiiqdu tahay in qofkaasi yahay kan ugu liita aduunyada ee aan ogayn waayihiisa . Geesta kale somaalidu waxay tiraabeen ama ay sifeeyeen shaqsiyada aadamaha waxay yidhaahdeen qofka wanaagiisu wuxu soo baxa marka uu la kulmo sedex marxaladood oo nolosha u muhiima hadii iinsaanku ka dabaasho wuxuu ku helaa sharaf iyo qadarin. Hadaba waxaan yara dul istaagi doonaa qodobadan aniga oo ka eegaaya dhinaca wanaagsan ee diinteena suuban iyo sidu dhqankeenu faanka ama istusnimada inooga reebay. Diinteenu waxay inooga digaysaa isla waynaanta , kibirka , faanka badan ama istusnimada iyo is qaad,qaadka aan ku salaysnayn xaqiiqda iyada oo geesta kale inagu dhiiri galinaysa in aan noqono dad mutadawiciin ah oo markasta wixii wanaag ah dulka isku dhigno halka xaqana aan ku fara adaygayno waana muhiimada la doonaayo in aan cudurkan kaga fogaano inkasto somalidu ku maah maahdo qofka waxaa la ogaadaa dadnimadiisa marka uu la kulmo wakhtiyadan kala duwan: · Marka uu hayo xil. · Marka uu hayo maal/xoolo. · Marka uu guursado/xaaslay noqdo. Aadamaha waxaa go,aamiya shaqsiyadiisa sedexdan arimood oo marka uu xilka hayo qofku wuxuu noqodaa laba mid uun, in yahay qofk darajada uu hayaa ka dhexsaarin bulshadiisii ay wada noolaayeen wakhtiyadii shaqo la,aantu haysay ama xilka ayaa la noqda wax wayn oo wuxu ka dhex baxaa dadkiis hore halka marka uu xoolo ama maaal helana qofku noqdo mid allah ugu xamdi naqa oo wixii allah swt ku waajibiyey ka bixiya xoolahiisa kuna gar-gaara qaraabadiisa iyo bulshadiisa danyarta ah. Marxalada sedexaad ee ugu danbaysaa waa marka uu qofku guursado wuxuu noqdaa shaqsi wanaagsan oo isku soo jiida xidiidkiisa iyo xigaalkiisaba ama wuxu ku fashilmaa masuuliyadii u qaaday . Guntii iyo gaba-gabadii faanku waa xanuun ama cudur dawadiisu ay dhib yartahay waxaana haboon in aan ka fogaano. Qore: Ahmednur Maxamuud. Email: Ahmedkhalif004@gmail.com Source
-
Marka aynu maqalnno Erayga Qaaci, waxa aynu xusuusannaa fan iyo miyuusig aad u macaan oo naf kasta oo dhegaysata wax badan ugu filan, waxa kale oo aynu xusuusanaynnaa in uu hab faneedka noocaas ah ee Qaaciga loo yaqaanno uu allifay AHN hoobaalkii haladaygga iyo qiyamka sare lahaa ee Maxamed Mooge Liibaan. Waa horraantii 1970-kii waxa dalka ka curtay Kacaankii Askartu hoggaaminaysay oo la soo galay dardar iyo degdeg waalan, meel kasta ha isku qaadeen e waxa ay Askartaasi xoogga saareen xaggii Fankii iyo Suugaantii bilaa xuduudda ahaan jiray, waxa ay gaadhay heer ay u laqimaan qofkii Heesaya ama Gabyaya waxa uu odhan doono, taas waxa ay halbeeg uga dhigeen in wixii aan iyaga ammaanayn ama u guulwadaynayni ay yihiin xaaraan maqdac ah oo dalka iyo dadka iyo qarannimada inta ba meel ka dhac ku ah. Waxa ay abaabuleen hoballadii wakhtigaas, iyaga oo u kala horraysiinaya sidii ay ugu kala dhego nugulaayeen taliska bal se uma ay eegayn hibooyinkooda iyo aragtidooda, intii hore waa la iska wada qiiraysnnaaye horraantii 1970-kii ayaa loo kala baxay dhuuni-raac iyo hoggaan-diid, waana labada nooc ee dadku kala ahaayeen ilaa Xaawa iyo Aadan, imikana kala yihiin, kalana ahaan doonaan ilaa iyo qiyaamaha. Wax walba waa la yidhi: “Cimrrigii jiryow Caynaanka hay” “Guulayseyaalow heedhaha Golaha towraddee sare Intay gaadhi karayaan” “Markii ay gabnnow dee Gaajada la hoyatee Godol qaadi weydee Gujo loogu darayee Gobannimadu ooydee Ilmo gabax ka siisay Hubka soo gurteene” “Tawradda tan barakaysan Tallaabadii ay qaadeen Dadweynaha tiisa daryeeshaay Tamar iyo taag ba Garabkiinnaan taagannahee” Ilaa iyo ay gaadhsiiyeen. “Aabbow Siyaad, Aabbow Siyaad”… isaga oo aan dhalin iyaguna aanay isaga dhalin.. Waxa ay ka horyimaaddeen Aayad quraan ah oo ilaahay ku sheegay suuratul Axsaab. Nabigu (CSW) waxa uu korsaday asaxaabiga keli ah ee Ilaahay Magaciisa quraanka ku xusay. (SAYD IBNU XAARIS). Dabeeto waxa loogu yeedhi jiray Ibnnu Muxamed, ilaahay oo reebaya in qofna qof aanu dhalin lagu sidko ayuu kitaabkiisa ku yidhi. “Maa kaana Muxammadun abaa axadin min rijaalikum, walaa kinna rasuulu laahi wa khaatimu nabiyiin”. Dadka Siyaad Barre lahaa ‘Aabbe’ uma ay haysan in ay danbaabeen ee waxa ay u haysteen in ay qaran dhisayeen, danbigaas ilaahay ha uga meel yeelo. Sheekadu markii ay halkaas maraysay ayuu yaabay ninkii Maxamed Mooge Liibaan, habeen habeennada ka mid ah ayuu asaxaabtiisii oo dhan, Hadraawi, Cabdi-Qays, Xasan Qawdhan, Faysal Cumar iyo Fannaaniin badan oo magac lahaa ayuu ku ballamiyey guri uu ka degganaa magaaladii Muqdisho. Dabeeto waxa uu Maxamed Mooge ku qanciyey xertiisii in ay la dagaal galaan oo uu u hayo Fikrrad cusub. Waxa la weriyaa in habeenkaas hadalladii Maxamed Mooge ay ka mid ahaayeen kuwo nuxur ahaan u dhigan sidan: “Sxbayaal waan ogannahay in Kacaanku wada xannibay goobihii aynu aragtideenna ka dhiiban lahayn, waxaan idiin sheegayaa adduunyada cidina cid ma cabbudhin karto, haddii la inoo diiday in aynnu fikirkeenna ku gudbbinno masraxyadii qaranka, waxa aan ka door biday in aynu araahdeenna, afkaarteenna iyo waxa aynu aaminsannahay ama hees ha ahaato ama khudbbad ‘e aynu ku gudbbinno fadhi, innaga oo fadhina gurigeenna in aynu cajalad ku duubnno sidaasnna ku gaadhsiinno ummadda Soomaaliyeed ee la kala jiidanayo”. Raggii kale oo Hadraawi ugu horreeyaana way ku raaceen. Sida la sheego habeenkaas heesihii ragga Hadraawi ka mid yahay curiyay waxa ka mid ahaa heesta “Wacdaraha” ee markii danbe ka mid noqotay riwaayaddii Hadraawi ee Aqoon iyo Afgarad. “Walaac anigoo ku seexday Maxaan walbahaar la toosay Wareer anigoo la liita Maxaan werwer jiifi waayey Maxaan shimbiraha waraystay U dhiibay waraaq daboolan Haaddii wacdigayga qaadday Cid weeye tidhaahda waayey”, oo isla Riwaayaddaas aqoon iyo afgarad lagu soo bandhigay.. Waxa ka mid ahayd hees uu lahaa Cabdi-Qays. “Abidkay ba waan jiray Jab intuu dhacaayee Waan joogay dunidan Halkay laabtu jamatee Jiilaalku ima karo Iyo jidiin caddaadku, Soo jiidh wanaagga Ama oodda soo jebi Dhaaxaan belo u joogee”. Oo aan filayo in Cabdi-Qays lahaa. Hadda ba Sannadkii 2009-kii ayaan hargaysa isu raacnnay Abwaan Hadraawi, waxa markaas lagu qabanayey Barnaamij loogu magac daray (Mooge Festival). Waxa maalmahaas guuxaysay arrin khusaysa Miisaanka Maansada Soomaaliyeed oo u dhaxaysay Prof: Carraale iyo Abwaan Gaarriye, waa markii ugu horraysay ee aan maqlo sheekadaasna. Galab xilligaas ka mid ah annaga oo Fadhina hudheel la odhan jiray (Fish And Steck) oo ku yaalley meelahaas imika uu yahay Hudheelka Marwo Aamino-Waris ee (Jirdde Hotel) ayaannu u nimid Abwaan Hadrraawi, waa aniga iyo Muhammad Sulayman. Waxa Hadrraawi la fadhiya nin u shaqayn jiray Idaacadda BBC-da Maxamed Ibraahin Macallimow, maalintaas waxa uu noo sheegay weriyahaasi in uu wado Barnaamij carruurta ah. Taas ka dib annaga oo goobtii fadhina ayaan Hadraawi weyddiiyey su’aal. “Abwaan ninkii Maxamed Mooge bal waxa ugu weyn ee aad ku xusuusato noo sheeg”? Hadraawi isaga oo aad u kacsan dareen ahaan ayuu noogu celceliyey eraygan. “Waryaadhaheen Maxamed Mooge waa ninkii aasaasay Qaaciga, haddaad ku maqasheen suugaanta ama fanka erayga Qaaci. Wuxuu ahaa ninkii allifay ee bilaabay markii Kacaanku masraxyadii iyo meel kasta oo dadka laga la hadlli lahaa xidhxidhay.” Dabeeto galabtaas aniga iyoMuhammad Suleiman iyo weriye Maxamed I. Macallimuu ayaa Hadraawi la qaadannay sheekooyin dhaadheer. Source
-
(SLT-Nairobi ) Shantii sano ee la soo dhaafay boqolaal ka mid ahaa Askarta iyo Saraakiisha Muslimiinta ah ee ku jira Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa isaga baxay Ciidamada dalkaas. Wargeyska The Star oo maqaalkan qoray ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Wasaaradda amniga ay qabteen warqadaha is casilaadda Saraakiisha iyo codsiyada Askarta kale ee ka baxaya Ciidamada. Askartan ayaa ku doodaya in ay walaac ka qabaan habka ay ula dhaqmaan taliyayaasha ugu sarreeya Ciidamada Kenya xilliyada howlgallada. Mid ka mid ah saraakiisha is casishay ayaa u sheegay The Star in sababta uu isku casilay tahay kaddib markii ay aamini waayeen Saraakiisha kaga sarreysa Ciidanka. Waxaa uu xusay in Askarta iyo Saraakiisha Muslimiinta ah ee ku jira Ciidanka Difaaca Kenya loo diro Gobolka Waqooyi Bari, Sohdinta Soomaaliya iyo goobaha kale ee ay ku xooggan yihiin Al-shabaab. Waxyaabaha kale ee ay uga baxayaan ciidanka ay ku sheegeen in ciidanka gudahiisa aan si wanaagsan loola dhaqmin, laguna shaabadeeyo argagixiso,mushaarkooda oo aysan u helin sida ay u helaan Ciidanka kale iyo habka ku dhex noolaanshaha askarta kale oo ku adkaatay. Mid ka mid ah saraakiishan isaga baxay Ciidanka Kenya ayaa u sheegay The Star “ hadda ka hor aniga iyo afar saaxibadey ah ayaa naloo diray Magaalo ku taalla sohdinta si aan uga saarno Al-shabab, waxaa nalooga wacay Nairobi, sababta nalooma sheegin,mar dambe ayaan ogaannay in nalaga shakiyay inaan howlgalkaas si wanaagsan u qabanin”. Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Kenya Njoka Mwenda, ayuu wargeyska wax ka waydiiyay arrintan, waxaase uu codsaday in arrinta ay xasaasi tahay islamarkaana waqti dheer la siiyo si uu uga jawaabo. Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya David Obonyo iyo Taliyaha Booliska Isaiah Osugo ayaa diiday in ay ka jawaabaan wicitaannada The Star. Talaadadii la soo dhaafay Sarkaal ka tirsan Ciidanka difaaca Kenya uu ku sugnaa saldhigga deegaanka Embu ,ayaa waxaa xiray ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya, waxaa uu ka mid yahay Saraakiisha Muslimiinta ah ee ku jirta KDF. Saraakiisha Muslimiinta ah qaarkood ayaa lagu tuhmayaa in ay Al-Shabaab u gudbiyaan siraha dhinaca Sirdoonka ah ee Dowladda. Waxaa kale oo intaas u dheer marka ay Saraakiisha Ciidanka ku wareejiyaan warqadaha is casilaadda una sababeeyaan,waxaa loogu jawaabayaa in ay doonayaan in ay ku biirayaan Al-shabaab, sababtaasna ay uga baxayaan Ciidanka. Kaddib weerarkii Ceelcadde ee 15kii January , mid ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka ee xerada joogtay oo Soomaali ahaa ayaa lagu eedeeyay in uu Al-shabaab u fududeeyay weerarkaas oo sababay dhimashada Askar ka badan 200 Qof. Mid ka mid ah Saraakiisha ka baxay Ciidanka Kenya ee uu wareystay Wargeyska The Star ayaa yiri “Inteenna badan waxaan joognaa furumaha dagaalka, waxaan ka shaqeynaa meelaha ugu halista badan, sida Soomaaliya, laakiin waxaa nalooga shakiyaa inaan xiriir la leenahay argagixisada, tani uma wanaagsana taliyayaasha, Masaajidda ku yaalla xeryaha Milatariga aad ayaa loo dabagalaa,waxaa lala socdaa casharrada, sidoo kale macallimiinta ayaa dabagal lagu hayaa, dhaqankan oo kale waxaa uu waxyeelayaa danaha Qaranka”.ayuu yiri. Source
-
Maamuuskuu Milatarigu lahaa miyuu Booliskii Maroorsaday Waxa weli socda hadalhaynta ciidamada Booliska iyo madaxdooda kuwaas oo muwaadiniin ay cabasho, eedeyn iyo dhaleeceen hawada, baraha bulshada iyo mareegaha internetka u marinayeen, iyada oo eedeemahaa ay barbar socdeen eedeymo kale oo la eedeynaayo muwaadiniita wax eedeynaaya iyo difaac ladifaacaayo ama garabsiin lala safanaayo dhanka ciidamada booliska ah. Horta ciidamada qaranka Somaliland kuligood wey ku amaanan yihiin xilka ay qaranka u hayaan waanan ku hanbalyeynayaa. Hadaan se Ciidamada Qaranka Somaliland u kala qaado laba Qaybood oo kala ah Ciidamada Milatariga ah iyo Booliska iyo Asluubta oo dhan ah, Ciidamada Milatariga :- Waa Geesiyaasha dhiiran ee naftooda hurayaasha ah ee deyrka iyo ood-dhacanta u ah dalka intay Ubadkoodii,Ooriyahoodii iyo Aqaladoodii katageen heeganka ku ah furimaha ee Cadawga habeen iyo dharaar u safan iyaga oo naftooda diyaar la ah inay huraan difaaca dalka iyo Nabad kunoolaashaha ummada awgeed, waana wax ay ku amaanan yihiin abaalkoodana aan la gudi karin Ilaahay ha xafido oo cadawgood ha jabee, markaa geesiyaashaa shaqadoodu waa diifaca dalka iyo dadka waa dayrka la gaboodsado waa geedka la hadhsado waa nabada lagu seexdo waa nolosha lagu istareexo oo waa ciidan Cadawga dalka mooyee muwaadiniinta weligood buus ku odhanayn waa ciidanka shacabka Anakaa idiin dhimanaynee noolaada leh, Markaa ciidamada Milatariga ee naftooda hurayaasha ah lama eedeynkaro lama aflagaadayn karo lama dhaleecayn karo lama weerari karo eray san mooyee xumo laguma odhankaro sharaf Maamuus iyo garab istaag hiil iyo hoo ayey mudan yihiin waana wax lagu faano oo deelqaaf ka xariman. Ciidamada Booliska iyo Asluubta:- Ciidamadani waa geesiyaal amaanan laakiin halka Milatarigu cadaw uun uu ku faydanyey iyagu waa sharci Dhawr iyo sharci Fulin, sidaa awgeed ciday ku dhex jiraan ee ay lashaqaynayaan waa shacabkii oo askari Intuu gurigiisa iyo oridiisa iyo ubadkiisa kasoo tooso ayuu magaaladaa ummadu joogto usoo foofayaa siduu u guto waajibaadkiisa oo ah inuu dhowro sharciga iyo nabada shacabka dhexdooda haduu Boolis yahay, haduu Asluubta yahayna inuu dhawro oo fuliyo xukunkii ku dhacay muwaadinka fal qaldan sameeya ee goobta Asluubta lakeeno, sidaa awgeed hadii aynu Aadame nahay qalad wuu dhacaa waana lakala cawdaa oo wadamada horay umaray ayaa Booliska laga cawdaa Haday tahay ruux sifo qaldan loo Xidhay, ruux qabantinkiisii lagu laxaadsaday iyo waxyaabo kaloo badan, markaa dunida saddexaadna xaalkeeda hadaan lays makiikiyahayn weynu ognahay, markaa Muwaadinku wuxuu xaq u leeyey in uu cabasho ka tabiyo oo dhaleeceeyo haduu wax ka tirsanaayo Booliska iyo Asluubta labadaba se dhibaatada jirta Somaliland malaha urur ama gudi ama laan ka madax banaan booliska iyo shacabka oo u dhexeeya oo halka uu muwaadinku furka furanaayo ciilka uu ciirsan lahaa, maxbuuska isna cid ka warhaysa oo lasocota fayodhowrkiisa iyo mudadaa xukunkiisa inuu dhamaystay iyo guud ahaan xaalka maxaabiista sidoo kale muwaadinka booliska wax ka tabanaaya meel uu u cawdo lana saxo wixii jira runtii waxba may xumaadeen, markaa haduu Madaxweynuhu magacaabi lahaa gudi madaxbanaan oo u dhaxaysa booliska iyo shacabka in aanay cidi dhaleecayn hawada ciidanka qaranka u soo mariseen ayey ilatahay. Ta dhaleeceynta madaxda sida booliska dee weligoodba madaxda qaranka waa la dhaleeceyn jiray ilaa Madaxweyne, gudoomiye xisbi qaran, wasiir, Suldaan iyo wadaad ba oo nin xil qaaday eed qaadye Fadal iyo madaxda Boolisku ma madaxda qaranka ee kale ayey wax dheer yihiin dadba yaabye. Boolis iyo shacab wey wada sheqeeyaan oo nabada dalka shacabkaa hormood u ah waana lays dhaleecayne, ax ha odhan iyo af iska jifayn iyo guulwadayn weeyee xaalku iminkee ma Milgihii, Maamuuskii Milatarigu lahaa ayuu Booliskii Maroorsaday weligoodba aduunka Boolis waalaga caban jiree? Ilaahaybaa mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Dhamaan maqaalada shabakadani ku soo baxaa waa kuwo u gaar ah qoraha, kamana turjumaan aragtida iyo habsami u socodka shabakadani Qaran News
-
Popular Contributors