Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,312
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Alle ha u naxariistee, tiir kamid ahaa as’aasayaashii dowladda Puntland, marna soo noqday taliyihii ciidamada Daraawiishta Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa shacabka Puntland iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyya geerida marxuumka, waxaana uu Alle uga beryay in uu janna fardowsa ka waraabiyo. Madaxweynaha ayaa magacaabay guddi 10 xubnood ah oo ka kooban wasiiro, taliyaaal ciidan iyo agaasimayaal, kuwaasoo diyaarinaya aas-qaran oo loo sameyn doono marxuumka. Taariikhdiisa goor dhow kala soco Puntland post The post Tiir kamid ah as’aasayaashii Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sani jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska. Antony Thomas ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishaan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho waxay ka qabteen Antony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu gudaha Soomaaliya ka shaqeyenayey muddo. Oomaar waxa uu sheegay in ninkan uu markii la qabanayey raaci alaha diyaaradda Ethiopian Airlines. Wasiirka ayaa sheegay in boorso uu ninkan saaran lahaa xamuulka diyaaradda (Cargo) uu ku ritay gasacad ay ku jireen walxo looga shakiyey inay yihiin kuwa qarxa, balse markii dambe aan noqon. Waxa uu sheegay in markii la weydiiyey uu shaaca ka qaaday inuu markii uu Soomaaliya imanayey uu watay, islamarkaana uu doonayey inuu dib ugula laabto dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Baydhabo (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay bambaanooyin ku weerareen guriga guddoomiyihii guddiga doorashada Koofur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan uu kusugnaa guriga xiliga bambooyinka lagu weerarayay, waxaana kadib goobta isaga cararay kooxahii weerarka geystay. Carfo, ayaa noqday guddoomiyihii guddiga doorashada, balse markii dambe ayuu iska casilay, waxaana weerarka caawa gurigiisa lagu qaaday ay waxyeelo kasoo gaaray mid kamid ah ilaaladiisa iyo ruux wadada marayay. Lama sheegin waxyeelo xildhibaan Carfo kasoo gaartay weerarka, balse waxaa dhaawacay oday marayay gurigiisa agtiisa iyo mid kamid ah ilaalada xildhibaanka, kuwaasi oo xaaladooda aysan darneyn. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu weeraray guriga Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Madeer. Lasoco waxii kasoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargaysa) Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire) ayaa Sheegay In Aanay gali karin Doorasho UCID iyo KULMIYE. Hoos ka DAAWO Source
  5. Wasirka wasaaradda warfaafinta Abdiraxman Abdillahi Guribarwaaqo qoraalka uu ugu jawaabayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Dr Abdirahman Mohamed Abdilhaali Cirro hadal uu u jeediyay maruu lahadlayay taageerayaasha Xisbiga oo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaa Airport ka Hargeisa 20/01/2018. oo uu ku faafiyay Wakaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. waxuu sidiI caadada u ahayd kula dulkufay hadal aan xaaqiiqo ahayn oo iska mala awaal ah, marka 2aadna ayka muuqato Nacayb, Xaqiraad iyo qardojeex indho la’aana oo uu kula kacay Maamulka Khatumo State. Waxa nacayb aanu qarsanayn u qabaa Maamulki Khatumo State oo magaciisa ugu yeedhay ama kusoo koobay Cali Khalif taaso cadaynaysa nacaynka iyo xaqiraada ku jirta inuu xuso ama soo qaado magaca Khaatumo State. Waxa uu iska mala awaalayaa isagoon wax reference ama taarikh ah sheegin imuu 12 sano Gudoomiye Abdirahman Cirro hortaagnaa in xeerarka doorashooyinka la ansixyo, waa hadal layska yidhi, oo been ah, wax macno ahna bulshada usamaynayn waayo bulshadu waa kuwo aqoon leh oo aan qaadanayn hadal noocaas ah oo kasoo yeedhay Nin Masuuliyad Qaranaka u haya, hadalkaasi waa (KU MAQIIQ) uun iyo Dawladaadda Wasirka aad tahay difaac. Waxuu xusay Wasirku Gudoomiye Abdirahmaan Mohamed Abdillahi inuu ka warwareegayo inay doorasho dhacdo laakiin muu sheegin sababta uu uga warwareegayo doorashada Parliament ku inay qabsoonto, (waxaan u daynayaa hadalkaa akhristayaasha Maqaalkan inay faaleeyan) waxaan qabaa anigu inay tahay uun (KU MAQIIQ) waayo Xsbiga Wadani wuu cadeeyay inuu diyaar u yahay inay doorasho qabsoonto, doorashaduna maaha tii Madaxweynaaye waa tii Parliament ka. Waxa kale oo uu ka hadlay Wasir Guribarwaaqo Xisbga Wadani inuu kaxaysto oo uu la baxo Xibintiisa ugu jirta Komishanka Doorashooyinka Qaranka, hadalkaas oo ah hadal ilaa iyo xad foolxumo ku ah Hay’adaha Qaranka in loo kala abtiriyo waxaanay cadaynaysa siina xoojinaysa Xubnaha Komishanka Xisbiga Kulmiye ugu jiraa inaanay ahayn kuwo dhex ah oo ay yihiin qaar Kulmiye dantisa Komishan u ah, taasoo aanu marnaba Xisbiga Wadani qabin Xubintuu magacaabay inay isaga u joogto, ee tahay Xubin ka mida Komishanka Qaran oo dhamaan Xisbiyada u dhaxaysa, marqudhana aanu meelna ku xusin, waxuu hadalkaasi meelka dhac ku tahay Komishanka Qaranka ee midka ah, iyo Haybadda Qaranimada Somaliland, waa hadal aan sidii caadada u ahayd Wasir Guribarwaaqo aan loo meel deyin waa (KU MAQIIQ). S. Wasir Guribarwaaqo waa kuma hadaba? J. waxa weeye ninka buuga qoray ay ka buuxdo aflagaada iyo meelka dhaca aan lasoo koobin karin weliba Wasir nimona ku helay, dhaqanka Somalida ragu markay gole ka hadlayaan waxaa jira Hadalo iyo Maahmaahyo aan lasoo qaadan oo la yidhaa NIN WAYN OO HADALKA DHACAY WAA GEED QOLOFI KA DHACDAY taas oo kale ayuu ka dhiganyay Wasir Guribarwaaqo, waxaa jira birmo gaydo dhaqanka Somalida, wanaa kuwaa uu buugisa ku xardhay wasirkuu, Sayid Mohamed Abdilleh Hassan (Rahimahu Allaah) waxuu ahaa Geesi u dhashay dalka Somaliland, Wasir Guribarwaaqo oo ah Wasirka Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka, iyo Wacyi gelintu waxuu Wasirka sida gaarka ah uga masuulka ah imuu maamuuso, magaciisana wayneeyo, taas badalkeedii aflagaado iyo cay beena ayuu ka qaray buugisan, Waxaynu dhamaanteen wada ognay Sayid Mohamed Abdalle Hassan (R Allh) in buugaag iyo qoraalo badan Cadaan iyo Madowba ka qoreen laguna tilmaamo Geesi geeska Afrika, dalalka jaarka Somaliland la ahina ay Taalooyin u dhiseen sidaa Soamliya iyo Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia, waa nasiib darro. Wasir Guribarwaaqo waxaad la socotaan inu Hablaa Somaliland oo dhan caayay buugiisana ku qoray, taasoo ah Gef aad u wayn oon lasoo koobi Akhiro iyo Aduunba ku xun, Hadaba guntii iyo gabogabadii waxaan isoo jeedin lahaa Wasir Guribarwaaqo inuu Xilka wasiirnimo ee uu ummadda u hayo uu iska Casilo waayo wuu ku fashilamay. S. Wasirku Magaca GURIBARWAAQO mow qalmaa markaad waxaaso dhan eegto? Faisal Gamadid. fmgdid@googlemail.com Source
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Sidda ay idaacada Shabelle u sheegeen Goobjoogayaal, qaraxa oo ka dhashay gaari walxo qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay isgoyska Taleex. Inta la xaqiijiyay afar ruux oo shacab badan ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo goobaha caafimaadka loola caray. Ma jirto cid sheegata mas’uuliyadda weerarkan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah ka geystay guud ahaan dalka. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. The Kenyan opposition party has renewed its call to withdraw the military from neighboring Somalia. The demand comes one week after the deadly Nairobi hotel attack that was claimed by al-Shabaab which claimed the lives of more than 21 people including two British and one US nationals. Ford Kenya leader Moses Wetang’ula has reiterated his call for Kenyan Defense Forces under the banner of AMISOM to be recalled from Somalia. Addressing the media in his office on Tuesday in the capital Nairobi, Wetang’ula said Kenya’s mission was stabilizing Somalia through the creation of buffer zone, which was contested by both state and non-state actors. Moses Wetangula, the current Bungoma Senator, was the Foreign Affairs minister when Kenyan soldiers crossed the border into Somalia in October 2011. “Somalia sees Kenya as a source of occupation and, therefore, there is need to take a soberer means of addressing the security issues in the region,” he said. He expressed fears over the trend of terror attacks in Kenya and called for a change of tact in fighting terrorism. “What is worrying is that the attackers are our youngsters that have been converted,” he said. The senator blamed the Judiciary for delaying and taking long to prosecute terror-related cases and individuals accused of taking part in financing and masterminding the attacks that occur in the country. The post Kenya urged to withdraw its troops from Somalia attack Nairobi attack appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa bilowday hawlgallo ay ku diiwaangelinayso madarasadaha Quraanka, isla markaana loogu samaynayo manhaj isku mid ah. Arrintan ayaa la sheegay in lagu doonayo in la helo macallimiin tababaran, ardaydana looga ilaaliyo inay ku faafaan afkaar aan habboonayn. Shir maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta madarasadaha, culimada qaarkood, masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa iyo masuuliyiinta ciidamada Booliiska, ayaa arrintaasi laga shaaciyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. 23/1/2019 Dadwaynow waxaad waydiisaan madaxwayne muuse iyo gudoomiyaha ururka ucid ,halkee la mariyey sawirkii indhaha ee dadwaynaha laga qaaday ee lahaa doorasho ayaad ku galaysaan si aanu ku celcelis u dhicin ,hadaba waxaa iswaydiin leh reer somalilanow miyaad ku gasheen doorasho ? xagee la geeyey kaadhadhkii indhaha ee la idinka qaaday? Komiishanku se maxay dadka beenta ugu sheegayeen iyagoon sawirkaa indhah doorasho ku qaban? Xageese ay geeyeen miyey daadiyeen , inta suaalahaasi taagan yahiina oo aanay komiishanka iyo faysal iyo muuse ka jawaabin ma dhacayso in komiishanka laga laabta kala diridooda ,waayo ,waxay galeen khiyaamo sawir beenanan dadkay ka qaadeen dooroshana laguma galin, Markaa ma faysal ,faysal waxa uu rabaa in uu bililiqaysto codka musharaxiinta oo uu ku soo saaro kuwa qabiilkiisa sidii horeba u dhacday , muusana isna nin uu doonayo mooyee nin kale oo cod ku soo baxayaa majiro ee waxaa haboon in loo dhug yeesho dadwaynow khiyaamada ay damacsan yahiin muuse shaani iyo laba wajiile faysal . Dadku waxay u arkaan in labadan nin daacad ,waa labdii nine e khalkhlaka galiyey doorashii dowladaha hoose ee sandkii 2012kii, ee ninkii ay rabeen uun keenay meesha, qabashada doorasha ee eega waxa ragani damacsanyahiin , waa rag bahashu fadhfadhud. By : Khadar Adam Aw Muuse mixile190@gmail.com Source
  11. (SLT- Michigan)-Dacwad oogayaal federal ayaa sheegay in saddex nin oo degan gobolka Michigan lagu soo oogay dacwad ku saabsan inay shirqoolayeen inay qalab ku taageeraan kooxda Daacish. Waxa ay sheegeen in FBI-da ay Isniintii xidhay Muse Abdikadir Muse, Mohamud Abdikadir Muse iyo Mohamed Salat Haji, waxaana dadkan oo degan magaalada Lansing kiis dacwaeedkooda la diiwaan geliyey salaasadii. Dacwad oogayaasha waxay ay sheegeen in dhammaan saddexda eedeysane ay yihiin muwaadiniin qaatay dhalashada Mareykanka oo ku dhashay dalka Kenya. Weli ma cadda in Muse Abdikadir Muse iyo Mohamud Abdikadir Muse ay walaalo yihiin iyo in kale. Waraaqaha lagu qoray dacwadooda ayaa muujinaya Muse Abdikadir Muse uu horaantii bishan goostay tikit diyaarad oo uu ku aadi lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ka baxaya magaalada Grand Rapids. Mohamed Salat Haji iyo Mohamud Abdikadir Muse ayaa la sheegay in ayagana ay ku gacan siiyeen Muse Abdikadir soo iibsashada tikit-ka una kaxeeyeen garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford International Airport ee magaalada Grand Rapids. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa galabta waxa uu ka dhacay meel ku dhaw isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ammaanka qaabilsan. Gaari nuuciisa uu yahay HILUX oo Somalidu ay u taqaano Qooqan ayaa ku qarxay isgoyska Taleex, kaasi oo yiilay goobta gaadiidka la dhigto ee PREMIER Bank. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen xilliga uu qarxayay gaariga in aysan jirin qof saarneyd. Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa 4 ruux oo goobta ka akdhawaa markii uu Qaraxa dhacayay, kuwaasi oo durbadiiba loola cararay isbitaalka Daaru Shifa. Gaadiidka dab damiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xoogan oo ka dhashay gaariga qarxay oo ilaa hadda aanan la ogeyn waxa uu yahay qofkii watay. Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna wadaan baaritaanka qaraxan oo nuuciisa lagu sheegay midka dhejiska ah. Shalay ayay aheyd markii Qarax Miino uu ka dhacay aagga Carwo Itko, kaasi oo ay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay askari Boolis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Qaraxyo ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxyada ayaa waxa ay ka dhaceen agaarka isgooyska Taleex ee Muqdisho. Qaraxyada ayaa sidoo kale waxaa daba socday rasaas. Wixii ku soo kordha dib kalla soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qaraxyo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Nairobi ( Sh. M. Network )-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya Moses Wetangula ayaa ugu baaqaday dowladda dalkaasi in Ciidamdeeda ay kala soo baxdo Soomaaliya. Mr Wetangula oo haatan ah Senator ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay kaalin weyn ka qaateen howlgalka lagu nabadeynayo Soomaaliya. Waxaana uu intasi ku daray in Soomaaliya ay u aragto Kenya mid dhul qabsasho u socota, loona baayahan yahay in la miisaamo qaabka loo wajahayo nabdeynta gobolka. Sidoo kale Sanator-ka ayaa eedeyn dusha kaga tuuray hay’adaha Garsoonka ee Kenya , waxaana uu tilmaamay in ay daahiyaan xukunada ka dhanka ah dadka ku eedeysan falalka la xariira Argagixisanimada ee ay gacanta u galiyaan laamaha ammaanka dalkaasi. Ciidamad Kenya ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2011- kii, iyaga oo tan iyo xilligaasi ka qeyb galayay dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. The post Kenya Oo loogu baaqay in Somalia ay kala baxdo y Ciidankeeda appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Guddoomiyaha Hay,ada maaraynta iyo masiibooyinka Puntland ee HADMA C/laahi C/raxmaan Ceyrow oo waraysi gaar ah siiyay Puntlandi.com ayaa sheegay in qaybo kamid ah deegaanada Puntland [...] Source
  16. Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa xilka ka qaaday Mas’uuliyiin dhowr oo la sheegay in ay kasoo horjeedeen maalmihii lasoo dhaafay. Kulankii golaha wasiiradda ee DDS waxaa xilkii looga qaaday koox lagarab ah axmed shide kuwaas oo kala ah. 1. Cabdi Xakiin Cigaal _ Madixii xarunta dhexe Ee Xisbigga. 2. Guleed Aw-cali wasiirkii warfaafinta DDS. 3. Cabdi Xukun Cali Dubad oo ahaa madixii Machadka farsamada ee DDS. 4. Cabdi Bile madaxii shirkada yar yar ee DDS. Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa Wasiirka Warfaafinta u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid. Madaxweynaha Dowlad degaanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, oo uu meel adag ka istaagay, isagoo na horay u sheegay in isabdel uu ka dhacay deegaanka Soomaalida, balse xagga Oromada uusan wax isbadel ah ka dhicin. Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide. Shide waxaa uu ku xiran yahay dowladda federaalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta, haatanna waa wasiiraka maaliyadda ee dalka Itoobiya. Waxaa muuqata inuu saameyn badan ku leeyahay siyaasadda deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in Mustafa Cagjar uu kabaxay shir ka dhacay magaalada Addis Ababa kaasi oo u dhaxeeyay Axmed Shide oo ah wasiirka maaliyadda Ethiopia iyo isaga, kadib markii qodobo kala duwan ay isku qabteen. Shirka uu ka baxay Mustafa Cagjar ayaa la sheegay inuu sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, waxaana Mustafa oo ku laabtay magaalada Jigjiga uu amray in ciidamada amaanka heegan ay galaan. Madaxeyne Mustafe Cagjar ayaa doonaya in xubnaha kamid ah maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar gabi ahaanba aysan kasoo muuqan xarumaha kala duwan ee maamulka Soomaalida. Ciidamada badan ee lagu daadiyay magaalada ayaa la doonayaa inay ka hor tagaan qalalaaso ka dhaca magaalada, waxaana maanta kulan gaar ah yeelan doona golaha wasiirada, isaga oo madaxweynaha uu shir guddoomin doono. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa saaka gudaha M/ Muqdisho ku dilay mid ka mid ahaa howlwadeenada wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble (Cabdi Madoobe), kaas oo lagu dilay xaafadda Al-Baraka ee degmada Hodan. Dalbey ku hubeysan bastoolado ayaa Marxuumka toogtay, kadibna goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka, kadina howlgallo ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in dilkaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Dagaalyahannadooda. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho. The post Shaqaale ka tirsanaa w/arrimaha gudaha Oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Si Adag Ugu Jawaabay Eedaymo Uga Yimid Jaamac Shabeel, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. New York ( Sh. M. Network )-Ciidamada FIB-da Mareykanka ayaa ayaa Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihin Ururka Daacish ku xiray gudaha dalkaasi. Muwaadininintan oo gaaraya illaa iyo saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah la qabata, xilli uu isku diraarinayay in uu u soo duulo Soomaaliya. FBI-da Mareykanka ayaa magacyada raggani ku kala sheegtay Muuse C/qaadir Muuse oo 23 jir aH, Maxamuud C/qaadir Muuse oo 20 jir ah iyo Maxamed Salaad Cali oo 26 jir ah, kuwaas oo lagu xiray magaalada Lansing gobolka Michigan ee dalkaasi. Xeer ilaalinta gobolkaasi ayaa ku eedeysay xubnahan in ay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya. Sidoo kale xeer ilaalinta ayaa sheegtay hadii raggani lagu helo dambigan ay muteysan doonaan xabsi gaaraya 20 sano oo xarig ah. Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalal dhowr ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa dhalinyaro ka qorata dalalka reer Galbeedka oo uu ka mid yahay Mareykanka. The post FBI-da Mareykanka Oo xirtay Muwaadiniin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo kamid ahaa Saraakiishii [...] Source