-
Content Count
207,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka baaqday, xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland oo lagu casumay. Mudane Cagjar ayaa sida ilo’xog ogaal ah sheegayan wuxuu xiriir la soo sameeyay, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka cudurdaartay, in uusan imaan karin xafladda caleema-saarka. Wararku waxay sheegayaan in xiisadda siyaasadeed ee ka aloosantay dowlad degaanka ay mr Cagjar u suur-gelin wayday, ka qeybgalka caleema-saarka madaxweyne Deni, islamarkaana uu sidaas uga cudurdaartay. PUNTLAND POST The post Mustafe Cagjar oo ka baaqday xafladda caleema-saarka Deni appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Hay’adaha Sirdoonka dalka Kenya ayaa wali wada baaritaanka weerarkii Al shabaab todobaadkii hore ay ka geysteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Kiiska Weerarka ayaa galay dalka Koofur Africa, kadib markii la xaqiijiyay in kooxda weerarka geysatay ay dhaqaalo ka heleen dalka Koofur Africa. Hay’adaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay sagaal milyan oo lacagta dalka Kenya ah ka heleen dalka Koofur Africa seddex bilood ka hor weerarka, waxaana loogu soo diray adeega MPeza ee shirkada Safaricom. Taliyaha ciidanka la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya Monicah Githaiga ayaa sheegay in kooxda weerartay Hotelka DusitD2 ay aadeen Soomaaliya markii lacagtaasi ay ka heleen dalka Koofur Africa. Lacagta ayaa sidoo kale la sheegay in la dhigay Bangiga Diamond Trust Bank qeybtiisa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, kadibna loosoo wareejiyay dalka Soomaaliya. Ruux magaciisa lagu koobay Nuur oo lahaa shirkad Dalxiis ayaa laga xiray todobaadkii hore Galbeedka magaalada Nairobi, kaasi oo la sheegay inuu ahaa ruuxa lacagta lagu qoray oo adeegsada labo taleefan. Dadka baaritaanka loo xiray ayaa sii kordhaya waxaana ku jira wariye la sheegay inuu xiriir la lahaa dadka weerarka ka dambeeyay, gaar ahaan hogaamiyaha kooxda weerarka hotelka Magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Israsaasayn Ka Dhacday Berbera Iyo Amar Bandoo Ah Oo Lagu Soo Rogay Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa lagu soo rogay amar bandoo ah.Israsaasaynta labada dhinac oo socotay mudo ku dhaw 30 daqiiqo ayaa waxa ka dhashay khasaare sahlan oo dhaawacyo ah, iyada oo wararku ay sheegeen in dadka dhaawacyadu ay soo gaadheen ay ahaayeen kuwii waday dhismaha dhulka ee shaqaalaha ahaa balse aan ilaa hada la xaqiijin in dhimasho jirto.Amarkan bandooga ah ayaa ka dhashay israsaasayn dhexmartay laba dhinac oo ku muransanaa dhul ku yaala magaalada Berbera, kaas oo wararku sheegeen in qayb ahaan caawa lagu war helay iyada oo la dhisayo isla markaana ay ciidan ilaalinayaan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in magaalada Berbera lagu soo rogay amar bandoo ah iyada oo la hor istaagay baabuurtii ka baxaysay ee dhinaca Hargeysa u soo safraysay iyo baabuurtii galaysay ee Hargeysa ka tagtay, kuwaas oo ku xaniban goobaha lagu baadho ee duleedka galbeed ee magaalada Berbera. Wararka ayaa sheegaya in israsaasayntani timid ka dib markii lagu war helay dhisme laga wado dhulkii laysku haystay, taas oo la sheegay in amarka lagu dhisayeyna uu bixiyey maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin. Qaran News
-
Somalia is one of the countries which their people are 100% Muslim. before 1990s, the religion practice and study centers was very rare. Islamic Scholars who do awareness campaign was actively targeted by the government. After the collapse of central government, Somali people continuously understand the benefit of learning their religion and Islamic scholars began educating people with no fear of any danger. The Islamic study centers and mosques was fully admitted and filled in. the Da’wa time started smoothly, the air of mercifulness has eventually come and the sun of goodness has ultimately raised. The city of Mogadishu was one of the cities which has the biggest challenge in terms of religions’ rise and shine during the revolutionary time, but after while it became one of the most places people to travel to study the religion. The late of 2006 Mogadishu has changed again to a place of battle and more than half million people flee from city to surrounded arias, cities and neighboring countries. Many Islamic classes stopped due to closed centers and mosques in the complex area. The declining time of Da’wa was just began, Small number of Madarasa and mosques in safe areas continued to be studied in the religion and major gathering events was totally ended. After restore of peace in Mogadishu, scholars relieved and restarted the Da’wa campaign, the meetings and gathering programs in mosques, schools and private hotels has been organized. but the most heart-touching program ever happen in Mogadishu was held last Friday 18-01-2019 at Banadir Stadium, known to “Stadium Konis “ where more than 15,000 people gathered to listen and watch the popular sheikh Mohamed sheikh Ibrahim “Kenyawi” who based in Kenya, the stadium was fully attended and around 3,000 people went back to their houses due to shortage of space, the event was just postponed week before when the biggest Hall of Mogadishu, Sahal Hall was not enough due to the number of attendees. The sheikh is popular in social media, “the most topics he addresses are those actively concerned to the society” is one of the responses I got from my colleagues when I asked what brings so much love and an amazing attendance to the Kenyaw’s program? The lecture to the Fridays’ afternoon was addressed by pardons, where every one of attendees is advised to forgive his or her brother or sister and forget what ever mistake was done to him. The sheikh has not also forgotten to deliver the massage of patriotism and abandon the migration because their land of origin needs more. Despite the Sheikh and Topic, the people of Mogadishu have sent a clear signal and described by action how much need they have to listen and watch to their Islamic Scholars. Therefore, the ball is the Scholar’s side whether they sink or swim. By: Mohamed Dahir Sheikh Ahmed MBA, HRM, PGD, IRD & BIT Writer and Freelance Researcher Madsha1992@gmail.com m.dahir@wisewebinnovations.co.ke The post WHAT BRINGS SO MUCH LOVE AND SURPRISE ATTENDANCE TO KENYAW’S LECTURE? THE PARDONS AND FORGIVENESS appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wariye u dhashay Kenya oo loo yaqaan David Harison Oluoch ayaa dood dhaliyey kaddib markii uu Twitter-kiisa uu ku soo qoray weedho ahaa in Soomaaliya loo musaafuriyo siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaalida Kenya. Siyaasiyiinta uu carabaabay wariyaha waxaa ka mid ahaa Aadan Barre Ducaale oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aamina Maxamed oo ah Wasiirka Waxbarashada horena u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaas iyo Yusuf Xaaji oo ah Senotor laga soo doorto Ismaamulka Gaarisa horena u soo noqday Wasiirka Difaaca Kenya. Hadalada David Harison Oluoch waxa ay dhaliyeen dood oo isaga galisay halis balse maxaan ka baran kartaa ama Soomaalida Kenya uga bixi kara arrintaas? Kaliya hal qodob ayaa ku jira halkan!: Soomaalida Kenya wali dalkaas lagama aqbalin! Soomaalida Kenya waxa ay dalkaas la qaateen xoriyadda 1963 balse waxaa soo maray waqtiyo adkaa oo ay galeen kacdoon hubeysan oo ay ku doonayeen in ay uga soo go’aan oo ay ugu soo biiraan Jamhuuraddii Soomaaliya. Afti uu Ingiriiskii dalkaas guumeysan jiray ka qaatay isla 1963, 89% waxa ay u codeeyeen in ay la midoobaan waalahood Soomaaliya balse Ingiriiska oo rabay in Kenya arrintaas iyada ah rahmaad ugu haysto khiyaanay rabitaankii Soomaalida. Hadaka wariyaha ka soo jeeda qowmiyadda Jalwada loo yaqaan ama LUO ma aha mid iska yimi, balse waa mid ku qotoma fahanka bulshada Kenya ee aan Soomaalida ahayd. Dhammaantood waxa ay aaminsan yihiin in Soomaalida dalkaas ay culeys ku hayso Kenya inteeda kale oo ay u sababeeyaan dhawr waxyaabood sida; in gobolka Soomaalida ka soo galin dhakhli la mid ah kuwa gobolada kale, amni darro ka jirta, Islam yihiin, ka suurad duwan yihiin, ka horumar iyo aqoon hooseeyaan gobolada kale. La yaab ma aha in qof ka mid ah qowmiyadaha kale ee Kenya sida Gikuyada, Kambada, Abaluhyada, Jalwada ama Meru-ga uu kala garan waayo Soomaalida ka soo jeeda Gaarisa iyo Muqdisho oo ugu yeero ama ku dhoho “Wee Wariyaa ruhu Nyumbani Kwenu” oo ay ka wadaan waryaa ku laabo gurigaaga oo ah Soomaaliya! Waa isla hadalka uu wariyaha ku qoray Twitter-kiisa ee ah ‘Hala musaafuriyo siyaasiyiintaas!” Sida uu wariyaha ku doodayo siyaasiyiinta uu xusay waxa ay tarxiilkooda ka qeyb qaadaneysaa in Kenya amnigeedu hagaago. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Adduunyada kale waxa ay u taqaannaa dal 1960 kii jiray oo shan maalmood oo keliya madaxbannaanidiisa haystay. Dadka ku noolina waxa ay u yaqaannaan dawlad madaxbannaan, oo tan iyo sannadkii 1991 kii shaqaynaysay, oo dimuqraaddi ah” Waxaa ereyadaas lagu bilaabay warbixin ay 21 kii Janaayo ay faafisay shabakadda Wales Online oo laga leeyahay dalka Ingiriisku, waxa aanay intaas ku sii dartay. Waxaa laga yaabaa in ay arrintani waxoogaa jaahwareer ah abuurto, laakiin runtu waxa ay tahay in ay ka turjumayso, kala duwanaan sharci ee u dhexeysa dunida diblumaasiyadda iyo sida ay dunidu dhab ahaan tahay. Illaa la soo gaadhayey 1960 kii Somaliland waxa ay ahayd maxmiyad Ingiriis, oo dadka deggen lagu qiyaasay in ay le’ekaayeen dadka gobalka Waylis ee dalka Ingiriiska. Xidhiidh adag oo illaa qarnigii 19 naad soo taxnaa ayaana ka dhaxeeyey labada dhinac, Waa Somaliland iyo Wales ee. Xidhiidhkani waxa uu bilowday xilligii magaalada dekedda leh ee Cardiff ay ka mid ahayd dunida meelaha dhuxusha ugu badan laga dhoofiyo, badmaaxyada Soomaalida ah ayaa ka mid ahaa shaqaalaha maraakiibtii Ingiriiska ee dhuxusha ka raraysay Wales. Markii dalalkii uu Ingiriisku gumaysanayey ay gobannimada qaadanayeen, ayaa dadka Somaliland ay u codeeyeen in ay la midoobaan Soomaaliya oo ka dhul ballaadhnaa. Somalia markaas ayey iyaduna xorriyaddeeda ka qaadanaysay gumaystihii Talyaaniga. Israacii labada dhinaca waxa uu dhacay markii Soomaaliya ku guulaysatay xorriyadda oo ay Somaliland shan maalmood oo keliya jirtay. Laakiin Somaliland waxa ay qoomamaysay ku darsigii koonfurta. Gaar ahaan intii uu jiray keli taliskii Siyaad Barre. Markii Siyaad Barre xukunka lagaga tuuray kacdoon hubaysnaa oo dhacay 1991 kii, Somaliland waxa ay dib u yagleeshay dal u gaar ah oo madax bannaan, balse aan cidna aqoonsan weli. Halka ay Soomaaliya ka noqotay qaran fashilmay, oo la daalaa dhacaya islaamiyiin xagjir ah iyo budhcad badeed. Somaliland waxa ay noqotay shamaca xasiloonida oo ka dhex baxaya qaarada Afrika ee ay ku badan yihiin nidaamyo aan si fiican u shaqaynin. Somaliland madaxweynaha hadda xilka hayaa waa kii shanaad ee is xiga oo doorasho ku yimaadda tan iyo sannadkii 1992 kii, mar kasta oo uu isbeddel imanayana si nabadoon ayaa uu kala guurku u dhacaa. Iyada oo ay waxaas oo dhami jiraan, haddana Soomaaliya waxa ay haysataa aqoonsi caalami ah, halka Somaliland aanay rasmi ahaan wax jira ahayn. Shabakaddan Wales online oo la mataano ah wargeysyada Western Mail iyo South Wales Echo, ayaa arrinta Somaliland wax ka weydiisay Iid Cali Axmed oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ku nool Wales, kaas oo la taliye u ah dawladda Somaliland, waxa kale oo ay soo xigatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Iid Cali Axmed xirfaddiisu waa maamulka bangiyada, waxa aanu mar ahaa agaasime ku xigeenka hay’adda qaxoontiga ee Welsh. Iid waxa uu shabakadda Wales u sheegay in Somaliland ay leedahay khayraad fara badan, dadkeeduna aad ugu fiican yihiin maalgashiga ganacsiga. Ayaa ay tidhi warbixintu. Dhinaca kale waxa ay warbixintu waxa ay sheegtay in Somaliland ay leedahay khayraad kalluun oo ballaadhan, laakiin arrinta xanuunka ku haysaa ay tahay aqoonsi la’aanta, iyo talooyinka safarka ee ay soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda iyo barwaaqa sooranka ee Ingiriiska oo marka ay dadkeeda uga digayso u safridda meelaha khatarta ah, ay Somailand ku darta Soomaaliya oo booqashadeedu ay khatar tahay. Warbixinta oo eegaysa aragtida dawladda Ingiriiska ee madaxbannaanida Somaliland ayaa haweenay afhayeen u ah wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ka soo xigatay, hadalkan “Waxa aanu aaminsannahay, inay dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland u taallo in ay wadajir heshiis uga gaadhaan mustaqbalkooda. Waxa aanu sii wadi doonnaa in aanu labada dhinacba ku dhiirrigelinno in ay yeeshaan wada xaajood nidaamsan oo joogto ah” Warbixintu waxa ay mar kale soo xigatay qoraal ay dawladda Ingiriisku arrintan ka samaysay oo ay ku tidhi, “Sidan ayaa uu weligiiba ahaa Mawqifkayaga ku aaddan Somaliland. Waana aanu sii wadaynaa in aanu taageerno oo aanu dhiirrigelinno qorshaha ah in wada xaajood dhex mara madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Muuse Biixi.” Warbixintu waxa ay sheegtay in wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan Ingiriisku uu bishii Oktoobar mar uu Hargeysa joogay si cad u sheegay in Ingiriisku uu danaynayo in uu xidhiidh diirran oo taariikhi ah la yeesho Somaliland, isla markaana uu ka shaqaynayo in uu taageero barwaaqada iyo ammaanka Soomaalida ku dhaqan gobalka oo ay Somaliland na ku jirto. Ugu dambayn waxa ay warbixinta shabakadda Wales online sheegtay in Ingiriisku uu Somaliland ka caawiyo arrimo ay ka mid yihiin, xoojinta tayada iyo awoodda dawladnimo, ee meelaha aasaasiga ah, sida maamulka lacagta dawladda, iyo kor u qaadista dhaqaalaha dadka. Waxa kale oo uu Ingiriisku Somaliland ka caawiyaa tababarka dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka, si loo xoojiyo adeegga caafimaad, waxa aanu gargaar siiyaa dadka aad u baahan.”
-
In muddo ah, tan iyo markii uu 18 bilood kaddib Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxa uu bilaabay dhaliilo joogta ah oo ka dhan ah madaxda dowladda hadda jirta. La yaab ma aha in maamul markaas jira la dhaliilo maadama kuwii ka horreeyey sidaas loo eedeyn jiray, hase yeeshee, waxaa la yaab noqotay in Madaxweyne hore oo xilka looga guuleystay, waliba si weyn in wax ka yar laba sano maamul jira uu u soo tafa xeyto dhaliishiisa. Dhinaca kale, side ayuu ahaa xaalka Farmaajo waqtigii Xassan Sheekh Madaxweynaha ahaa? Madaxweyne Farmaajo qudhiisa ma ahayn mid aamusan xilligii Xassan Sheekh oo waxa uu mar walba ka hadli jiray idaacadaha oo uu ka dhaliili jiray maamulkii markaa jiray. Taas, waxa ay kuu muujineysaa in labada hogaamiye midkoona kan kale siin waqti oo uusan uga dhimrin dhaliisha. Hase yeshee, Madaxweyne Farmaajo sidoo kale waxaa jirtay muuqaalo uu ku difaacayo Xassan Sheekh sida mar uu joogay Waqooyiga America oo wax laga weydiiyey muran u dhexeeyey Xassan Sheekh iyo Madaxdii maamulada. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in Xassan Sheekh lagu maamuuso xilka uu hayo ee Madaxweynenimada Qaranka halka kuwa kale ay yihiin Madax maamul Gobolleed oo wixii ka xumaada Xassan ay ka xumaadeen Soomaali oo dhan. Marka la eego waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin Farmaajo iyo Xassan ee dhinaca is dhaliilada ayaa ah in mid Muqdisho saldhig ka dhigtay midna uu qurbaha joogay. Si kastaba, Xassan Sheekh waxa uu ku dooday in uu waligii dal joog ahaa oo aysan ka dhigneyn ku soo noqoshadiisa Muqdisho mid uu ku fowdeenayo maamuulka uu Farmaajo hoggaamiyo. Midda kale, Xasan Sheekh si toos ah uma magacaabo madaxda dowladda, waxaase uu ka hadlaa kaliya xaaladda guud ee dowladda, isaga oo inta badan sheega qaladaad muuqda oo u baahan in la saxo. Doodda ah, waqti dowladda ha siiyo, ma ahan mid saxan. Nidaamka ku dhisan xisbiyada iyo afkaaraha kala duwan ayaa xaq u siinaya Xasan Sheekh in qaladaadka dowladda uu sheego. Haddii qalad muuqdana, sideedaba ma lahan waqti la sugo oo in markaas la saxaa. Si kastaba, oo ay ahaataba, haddii la doonayo dal ku dhisan nidaam dimoqraadi ah, oo qof kasta fikirkiisu xog u yahay, waxba kuma jabna in Xasan Sheekh dowladda uu dhaliilo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Maalinta sabtida ah waxaa Garoowe ka dhici doonta caleemo saarka Madaxweynaha maamul Gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni. Sida la xaqiijiyey, Deni waxa uu xafladiisa ku marti qaaday Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore, Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh iyo xubno ku diidan dowladda sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Fiqi iyo kuwo kale. Tallaabadan uu Deni qaaday ayey bulshada siyaabo kala duwan u fasiratay maadama sida la qabo hal goob isugu imaan doonaan Farmaajo iyo siyaasiyiina maamulkiisa mucaaradsan. Hase ahaatee, waxaa jira qodob aysan bulshada dareemin oo ka saameyn badan inta la’isla dhexmarayo. Deni oo doonaya in uu goolkii kowaad uu dowladda ka dhaliyo! Sida aan rumeysanahay, Saciid Deni waxa uu doonayaa ama isku dayi doonaa in uu qaado tallaabadii ugu horreysay ee uu isugu soo dhoweynayo dowladda dhexe iyo dhinacyada ay is-hayaan. Waxa uu kala dab qaado dowladda dhexe ee uu hoggaamin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo shaqsiyaadka ka soo horjeeda sida Xassan Shikeh Maxamuud, Fiqi, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale waxa uu Deni isku dayi doonaa in uu xaliyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe ee maamulada sida Jubbaland iyo Galmudug oo la filayo in Madaxweyneyaashooda ka qeyb galaaan caleemo saarka. Hadii taas u suurtagasho, Deni waxa uu noqon doona odayga Soomaaliya taas oo ka dhigan in uu ka saameyn badan doono Madaxweyne Farmaajo oo uu sidaas shabaqa ula helay GOOLKII kowaad ee uu dowladda dhexe ugu shubo! W/Q: Dalmar Xuseen Mire Boosaaso, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Somaliland: Golaha Wakiilada Ee Fashilmay Oo Sannad Kale Fadhiyaya Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa u muddo kordhis u sameeyey Golaha Wakiilada. Golahan sida baas u fashilmay, ee xishood ka tagay, ee wax ma tar ah, ee aan waxba isku falayn, ayaa ilaa iyo December 2019, ku dul daacaya dadka Somaliland. Subxaana Laah. Asxaabtan 14 sannadood meesha soo fadhiday, ee noqday “rubber stamp”, shaabad cid walba isticmaasho, miyaa weli sannad kale ina sii horjoogaya? Waa cajiib!! Waxba ma aha, waxaa balan ah, haddii Eebe raali ka noqdo, oo lagu heshiiyo saami qaybsiga, inta wakiil ee dumar noqon, iyo inta ka socota beelaha tirada yar, iyo guddiga doorashooyinka ee qaranka, oo ay doorashadu qabsanto, in aanu mid maanta fadhiyaa soo noqon. Nasiib daro, xisbiyadda dalka uun baa soo xulaya musharaxiinta, markaa, waxaan filayaa in ay kuwii uun soo noqday. Haddii ay sidaas dhacdo, musharaxuu madaxbanaan baa loo baahanyahay. Somalilnd horumar dimuqraadi ma gaadhaso haddii aan la habeyn golayaasha qaranka. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___Qubanaha-230119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Tan iyo intii somaliland gooni isutaageeda kala soo noqotay dawladdii kacaanka ee dagaalka qadhaadh ay la galeen urur waynihii snm waxa qorshaha kaliya ee somaliland gooni isutaageeda ula soo noqotay ahaa sidii ay mar uun u noqon lahayd dawlad iskeed u jirta islamarkaana ay u dhanyihiin imkaaniyaadkii dawladnimo Qodobadda ugu waawayn ee dawladii kacaanka loola diriray waxa kamid ahaa cadaalad darro, eex, qaraabo kiil iyo dulmi dhinac walba ah haday tahay xoriyad la’aan iyo haday tahay dhiiga dadka oo la banaystay Hadaba somaliland oo maanta jirta 28 sanno jirsatay maxaa u qabsoomay dawladnimadeedii maxaase ka qaloocmay mudadaas muxuuse kaga duwanyahay nidaamkeedu nidaamkii afwayne ee laga soo dagaalamay? Hadii aynu su’aalahan is nidhaa ka jawaaba ma jirto wax buuran oo la sheego in nidaamka somaliland ka jiraa uu kaga duwan yahay nidaamkii afwayne waayo su’aalaha aynu kor isku soo waydiinay badankoodu somaliland maanta way ka dhacaan waxaana taas dheer adeegyo dawladeed oo wakhtigii afwayne dadku heli jiray sida , waxbarasho, biyo caafimaad iwm ma jirto hadda somaliland waxaas oo dhami waxaana intaas u dheer in dulmigii dadka reer somaliland duurka u galeen inay baabiyaan dib uga soo curtay somaliland islamarkaana aanu jirin wax sharciyad ah oo dawladda dalka haysataa ay marto balse masuul kastaaba sida uu doono ayuu ugu takri falaa sharciga ha ugu sareeyo madaxwaynuhuye Mudooyinkii u dambeeyay khaasatan intan ay jireen xukuumadaha kulmiye waxa dalka kusoo badanayay xadhiga iyo cadaalad daradda lagula kaco dadka muwaadiniinta ah iyadoo aan sifo sharciya loo marin islamarkaana waxa meesha ka baxay garsoorkii iyo nidaamkii cadaaladeed ee dalka madaxwaynaha hadda jooga oo inta badan marka uu fagaarayaasha ka khudbadaynaayo dumarka iyo caruurta uga sheekeeya dhibataadii kacaanku ma garwaaqsanyahay in wax ka xun dulmigii kacaanku dalka uu haysto mise wuu is diidsiiyaa isagoo xaqiiqda og. Waxaynu ognahay inay jeelasha dalka ku jiraan qaar kamida acyaantii iyo birmagaydadii dalkani iyadoo dadwaynuhu daawanayaan sida loola macaamilayo islamarkaana wali la ixtiraamayo sharciyadda iyo kala dambaynta dalka balse dawladda jirtaa taas way iska indho tiraysaa hadii dulmigu sii jiro waxaa biyo kama dhibcaana inaanu dalkani sii jiri doonin ee uu mari doono meel ka xun halkii la mariyay tii kacaanka. Madaxda dalka waxaan ku boorin lahaa inaanay hodin nabad galyadda iyo xasiloonida dalku oo aanay moodin in nabadgalyadu jirayso iyadoo dulmi lagu hoos samaynaayo balse ha garwaaqsadaan in waxa nabadda qurxiya ee ay ku taagantahay tahay cadaaladda iyo dulmiga oo la suuliyo waxaynu ka wada dharagsanahay cawaaqib xumadda ka dhalata dulmiga oo xoogaysta Waxaan ku soo gunaanadi lahaa qoraal kayga in nimcadda ilaahay ina siiyay aynu ku shugri naqno islamarkaana aynu fahano in alle subxaanahuu watacaalaa ina eegayo oo aynu isku noqono islamarkaana aynu ku cibro qaadano waxa hareeraheena ka socda. Wabilaahi Tawfiiq Axmed Aadan Rooble axmedrooble77@gmail.com Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weerar culus ku qaaday hogaanka dowladda federaalka ee iminka, oo uu ku sheegay kuwan aan awoodin inay dalka ku hogaamiyaan guulo. Sheekh Shariif oo madaxweyne ahaa intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2011, ayaa sheegay in hoggaanka hadda haya talada dalka oo aana woodin inay nabad iyo xasilooni dalka kusoo celiyaan darteed, ay ku qasabtay inuu dib ugu soo laabto siyaasadda. Wareysi uu siiyey wargeyska The Standard ee Nairobi, ayuu Sheekh ku sheegay in muddo xileedkiisii uu si guul leh u qaaday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, balse waxa uu yiri “Markii aan xafiiska ka tagay, kooxaha xagjiriinta dib ayey usoo laba kacleeyeen” “Markii aan ahaa madaxweynaha waxaan awoodnay inaan amniga kusoo celino Soomaaliya. Waxaan dalka u keennay nabad, wuuna mideysnaa” ayuu yiri Sheekh Shariif. Waxa uu ballan-qaaday in haddii dib loo doorto uu beesha caalamka ku cadaadin doono inay sare u qaaddo tayada iyo awoodda ciidamada qaranka Soomaaliy. Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu aas-aasay xisbi cusub oo loogu magac daray Himilo Qaran, kaasi oo u loolami doona hoggaanka dalka, marka la gaaro doorashooyinka soo socda. “Waxaan xaqiijinayaa inaan noqon doono musharax xisbiga Himilo Qaran ee 2020. Waxaan dareemaya in hoggaanka hadda jira ay shacabka Soomaaliyeed ula dhaqmeen si aysan u qalmin. Waxaan doonayaa inaan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid xooggan” ayuu yiri. “Hay’adihii dowliga ahaa ee aan dhisay intii aan xukunka hayey ayaa marba marba ka dambeysay sii daciifayey. Muhiimadeyda koowaad waxay noqon doontaa haddii dib la ii doorto inaan nabadda dib usoo celiyo, oo dib loo xoojiyo hay’adaha dowliga ah” ayuu sii raaciyey. Waa erayadii ugu xoogganaa ee Sheekh Shariif uu ku weeraro hoggaanka dowladda hadda jirta, isaga oo inta badan ahaa nin qunyar socod ah oo inta badan iska ilaaliya inuu so toos ah dowladda u dhaliilo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Alle ha u naxariistee, Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) oo kamid ahaa as’aasayaashii dowladda Puntland sannadkii 1998-dii marna soo noqday taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe. Qeyb kamid ah taariikhda Gen Carays Gen Cabdullaahi Cali Mire (Carays) wuxuu dhashay qiyaastii 1940-tameeyadii, Waxbarashadiisa dugsiga hoose dhexe iyo sareba wuxuu ku soo qaatay magaalada Muqdisho, gaar ahaanna iskuul la oron jiray Geometry oo deris la’ aahaa isbitaalkii Digfeer ee haatan loo yaqaan (Recep Tayyip Erdogan). Sannadkii 1971-kii ayuu ku biiray ciidamadii militariga Soomaaliya,isagoo tababarro kala duwan ku qaatay dhinaca madaafiicda iyo gantaalaha (artillery & missiles), islamarkaana kamid noqday saraakiishii sare ee hoggaanka “madaafiicda iyo gantaalaha) ciidamadii xoogga dalka. Mudadii uu ka tirsanaa ciidamada militariga, wuxuu ka soo shaqeeyay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Berbera iyo sidoo saldhigii ciidamada Cirka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaah hoose oo uu wakhti kooban ka shaqeeyay. Kolkii la as’aasay jabhaddii SSDF oo markii u horraysay dagaal hubaysan ku wajahday dowladdii militariga Soomaaliya, Gen Carays wuxuu ku biiray jabhadda (SSDF)isagoo kamid noqday saraakiishii taliska dhexe oo hoggaaminaysay jabhaddaasi. Sannadkii 1998-dii wuxuu kamid ahaa as’aasayaashii dowladda Puntland, waxaana madaxweynihii u horreeyay, Cabdullaahi Yuusuf Axmed u magacaabay taliyaha ciidamada Daraawiishta, isagoo xilkaasi hayay mudda 7 sano ah. Mudadii uu ahaa taliyaha Daraawiishta wuxuu dhisay ciidamo tiro iyo tayo ahaanba diyaarsan oo tiir-dhexaad u ahaa difaaca dhulka Puntland, sidoo kalena wuxuu kaalin weyn ka qaatay heshiisyadii gudaha Puntland, gaar ahaann heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu so af-jaray colaadii Cabdullaahi Yuusuf iyo golihii la baxday (GBP) ee uu hoggaaminayay Cadde Muuse. 5 bishii may ee sannadkii 2003 Gen Carays oo ahaa taliyaha ciidamada Daraawiishta, islamarkaana wakil ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa huteel la oron jiray Banaroma oo ku yaallay magaalada Boosaaso, wuxuu heshiis taariikhi ah kula saxiixday gen Cadde Muuse oo hoggaaminayay gole la baxay Badbaadada Puntland oo ka horjeeday Cabdullaahi Yuusuf. Heshiiskaa taariikhiga ah oo ay garwadeen ka ahaayeen, boqor Buurmadow iyo Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud ayaa waxaa lagu so af-jaray colaad kala qeybisay Puntland oo u dhexaysay laba garab oo ay kala hoggaaminayan Cadde Muuse oo Ceel Afweyn joogay iyo Cabdullaahi yuusuf Axmed. Gen Carays wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyay dowladdii TFG-da xilligii Cabdullaahi Yusuf Axmed isagoo markii dambena noqday la-taliyaha amniga Qaranka ,ra’iisul wasaarihii xukuumadda Federaalka KMG Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke sannadkii 2009-kii. 21 bishii July sannadkii 2010-kii, madaxweynihii Puntland ee xilligaasi Cabdiraxmaan SH. Maxamed(Faroole) ayaa la taliyihiisa dhinaca amniga iyo difaaca u magacaabay Gen Carays, hase yeeshee wuxuu xilkaasi iska casilay 10 November 2013 isagoo ku dhawaaqay in uu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Puntland. Gen Carays ayaa markii dambe ka tanaasulay, murashaxnimadiisa madaxtinimada Puntland ee sannadkaasi 2014-kii, waxaase madaxweynihii doorashada ku guulaystay, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) mar kale u magacaabay la-taliyihiisa dhinaca amniga iyo difaaca, xilkaasoo uu hayay ilaa iyo hadda oo uu geeriyooday. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Taariikhda General Cabdullaahi Mire Carays oo kooban appeared first on Puntland Post.
-
Jilib (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in duqeymo ay fuliyeen ciidamadeeda lagu dilay dhowr boqol oo ka tirsan dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab. Qorala lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalkan ayaa ka dhacay ilaa iyo shan goob, oo ay ka mid yihiin xarunta Difaacyada oo ah goob ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, Xarunta Amniyaadka, Xarunta Saadka, goob ay ku diyaariyaan qaraxyada iyo Xarunta maaliyadda oo ah goob ay ku keydsadaan xoolaha iyo lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka, kuwaasi oo gebi ahaanba la bur buriyay, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah lala geystay, sida ay sheegtay dowladda. “Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay dhowr boqol oo ka tirsan argagixisada, maadaama ay goobahaas ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu qiyaasay 700, oo isugu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta lagu bur buriyay 30 gaadiidka dagaalka ah” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda. Sida ay dowladda sheegtay, xarunta Shabaab u ahayd difaaca ayaa lala eegtay saddex gantaal, waxaana goobtaasi ay argagixisadu ku diyaarineysay maleeshiyaad ay ka soo aruuriyeen gobollada dalka, iyadoo inta duqeynta ka badbaaday ay goobta ka firxadeen. Madaxda saree e dowladda ay sheegtay in howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaa ka mid ah Cabdi Nuur Abuu Basma, oo u qaabilsanaa degmada Jilib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhaawacantay markii qarax uu ka dhacay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nooca ay Soomaalidu utaqaano Qooqanta kaasoo lagu soo xiray waxyaabo qarxa. Illaa iyo haatan lama ogga cidda iska lahayd gaariga qaraxay, kaasoo xiliga uu qarxayay uusan qofna saarneen. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata falalka noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho. Maalmihii lasoo dhaafay amniga Muqdisho ayaa ahaa mid faraha kasii baxayay iyadda oo ay dhacayeen dilal qorsheysan. The post Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxii Taleex appeared first on Shabelle. View the full article
-
Three men from Lansing, Michigan, were arrested for allegedly supporting ISIS — with one of them taken into custody as he prepared to fly to Somalia, authorities said Tuesday. Muse Abdikadir Muse, 23, his brother Mohamud Abdikadir Muse, 20, and another relative, 26-year-old Mohamed Salat Haji, were all charged with conspiring to provide material support to a terrorist organization, prosecutor said. Agents arrested Muse Muse at Gerald R. Ford Airport in Grand Rapids on Monday, when he was about to take a series of flights that would have eventually landed him in Mogadishu, Somalia, according to a federal complaint. Mohamud Muse and Haji were arrested hours later. The three defendants had all “pledged allegiance to ISIS through videos they recorded themselves,” according to a statement by the Department of Justice. Haji and Mohamud Muse had “aided in the purchase of the ticket and drove Muse Muse to the Grand Rapids airport, each knowing the true purpose of the travel was for Muse Muse to join and fight for ISIS,” federal authorities said. All three men face up to 20 years in prison if convicted. The three men are naturalized US citizens who were born in Kenya, officials said. “Muse Muse and Haji allegedly discussed with each other their desire to join ISIS, to kill non-believers, and even to potentially use a car for a martyrdom operation to run down non-believers here in the United States if they could not travel overseas to fight for ISIS,” according to prosecutors. It wasn’t immediately clear if the three men had lawyers. The investigation began in April 2016 when agents found pro-ISIS writings on Mohamud Muse’s Facebook page and they were later contacted by an FBI agent, posing as an ISIS recruiter, according to the federal complaint. Muse Muse’s airfare was $1,799 and the family asked for the phony ISIS recruiter to contribute $1,200, officials said. The FBI said it came through with the $1,200, to help buy the ticket. Source: NBC NEWS
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirrada dalalka midawga Yurub ee Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa danjirayaasha kala hadlay caqabadaha dalka ka jira, halbeegyada dawladdu ay doonayso in lagu guulaysto sannadka 2019, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo ciidanka Qaranka. Kulanka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre la yeeshay safiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo taageerada midawga Yurub ay ka gaysanayso dadaalada nabadda iyo horumarka Soomaaliya. The post RW Kheyre oo la kulmay wafdi ka socda Midawga Yurub appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-23012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaadday magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii dhowaan isku qarxiyey xerada ciidamada dowladda ee deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.. Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa barnamaij ay baahisya ku sheegtay in ninkaas lagu magacaabay Cabdi Naasir Xasan Salaad oo loo yaqaan Badbaado. Cabdi Naasir Xasan Salaad ayaa Shabaab ay sheegtay inuu ahaa 23 jir ka soo jeeda beesha Duduble, gaar ahaan jufada Awr-wadeen. Ninkan ayaa la sheegay inuu adeer u ahaa Sheekh Cabdullaahi Salaad oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Al-Shabaab, oo horey loogu dilay dagaalkii Shabaab ay Muqdisho kula galeen ciidamada Itoobiya. Cabdi Naasir, ayaa sida ay sheegtay Al-Shabaab, waxa uu ku dhashay kuna bar-baaray magaalada Muqdisho. Waxa uu kooxda Al-Shabaab kusoo biiray sanadii 2010-kii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
At least four people were reported to have been wounded when a car bomb went off at a bank in Mogadishu on Wednesday afternoon. Police cordoned off the scene following the explosion which took place at Taleh intersection located in the downtown Mogadishu. The wounded have been rushed to various hospitals in the city, according to a witness, who spoke to Radio Shabelle by phone. There was no immediate claim of responsibility for the car bomb, but, police blamed Al Shabaab for being behind the incident. The post Car bomb in Somali capital wounds at least four people appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in wax laga bedali doono xiriirkii diblumaasi oo ay la lahaayeen Maraykanka, kadib markii la shaaciyey Filim uu soo saaray Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Mike Pence oo lagu taageerayo mudaharaadyada ay wadaan mucaaridka Venezuela ee looga soo horjeedo xukuumada Maduro. Nicolas Maduro oo ku guuleystay doorashadii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacday dalkaasi oo bishan markale xilka loo dhaariyey ayaa horey u sheegay in Maraykanka uu yahay kan soo abaabulay xiisada ka taagan dalkaasi ee Dhaqaale iyo Siyaasadeed. Dalka Venezuela oo ay cunaqabateyn saareen Maraykanka ayaa waxaa xiligan ka jira sicir-bararka ugu sareeya caalamka, waxaana xukuumadaasi si aan kala joogsi lahayn ugu socda mudaharaadyo ay qabanayaan mucaaridka oo sheegay inaysan aqoonsaneyn natiijadii doorashadii ugu danbeysay oo ay qaadaceen inay ka qeyb qaataan qaar kamid ah xisbiyada Mucaaridka. Fariinta Muuqaalka ah ee ka timid Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Pence ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu garab taagan yahay Xildhibaanada Mucaaridka ee gadoodka ka wada Baarlamaanka dalkaasi iyo waliba shacabka Mudaharaadaya, waxaana lagu soo beegay maalin kahor xili la filayo inay banaanbaxyo waaweyn ka dhacaan dalka Venezuela. “…Nicolas Maduro waa Kali-Taliye aan xaq u lahayn awooda uu heysto, wuxuuna xabsiga dhigay cid walba oo mucaarid ku ahayd….” ayaa kamid ahaa hadalada Mike Pence oo sheegay inuu ku hadlayo codka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Source
-
(SLT-Roma) Raysalwasaare kuxigeenka Italy Luigi Di Maio iyo Madaxweynaha France Macron Dowlada France ayaa si weyn uga carootay hadal uu soo jeediyey Raysalwasaare kuxigeenka Talyaaniga oo sheegay in tahriibta badan ee Afrika ka imaaneysa ay sabab u tahay burburka Dhaqaale ee uu Faransiiska ku hayo Qaarada Afrika tan iyo xiligii gume RW/kuxigeenka Italy, Luigi Di Maio oo todobaadkan khudbad kasoo jeediyey magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu safar ku joogay ayaa eedeyn weyn dusha uga tuuray dalka France oo ay ka wada tirsan yihiin Midowga Yurub. Xiriirka France iyo Italy ayaa sii xumaanayey tan iyo markii ay awooda Talyaaniga la wareegeen xisbiga mayilka adag ee 5 Stars loo yaqaan, isbaheysigaasi xisbiyada Talyaaniga ayey ku jiraan xisbiyada xagjirka ah ee sida weyn uga soo horjeeda Afrikaanka Tahriibta ku tagaya dalkaasi. Khudbada uu soo jeediyey Luigi Di Maio Axadii lasoo dhaafay ayuu ku sheegay in hada wax badan uu ka bedalay hadaladiisa ka dhanka ahaa Tahriibta isla markaana uu hada kadib ka hadli doono wax sababa Tahriibta, isagoo sheegay in sababaha ugu waaweyn oo ay Tahriibayaasha Afrika u imaanayaan Yurub ay tahay, maadaama wadamo badan oo ka tirsan Afrika ay dhaqaale xumo ka jirto taasi oo uu sheegay inay sabab u yihiin dalalkii Gumeystayaasha ahaa ee reer Yurub oo qaarkood weli si dad-ban u gumeysta dhaqaalaha Afrika, isagoona sheegay in dalka France ugu horeeyo wadamadaasi burburiyey dhaqaalaha Afrika. “…Sababta burburka ku keenaysa Afrika waxaa weeye Gumeystayaashii Yurub oo qaarkood weli aan joojin gumeysigii ay ku hayeen Afrika, maaha in dhalinyarada Afrika ku dhintaan xeebaheena…” “…France kama mid ahaateen wadamada ugu dhaqaalaha badan Caalamka hadii aysan heysan lahayn wadamo ay gumeysato..” ayuu yiri Luigi Di Maio si gaar ah uga hadlay Lacagta Franc oo ay isticmaalaan ugu yaraan 14 wadan oo Afrikaan ah in weli laga maamulo Bangiga Dhexe ee France. Hadaladan ayaa keenay in dowlada France ay u yeerto Safiirka Talyaaniga wadankooda u fadhiya iyagoo codsaday in dowlada Italy ay raali gelin ka bixiso hadalada kasoo yeeray Raysalwasaare kuxigeenkooda, balse Luigi Di Maio ayaa sheegay inuu ku adkeysanayo hadaladiisa. Luigi Di Maio oo diiday inuu raali gelin siiyo France ayaa markale sheegay in France ay boob ku heyso khayraadka Afrika. “…Waxaa tusaale kuugu filan waxa Faransiiska ka wado dalka Liibiya, ma rabaan inuu dalkaasi horumaro kaliya waxay daneenayaan Shidaalka dalkaasi ku jira, waxayna kasoo horjeedaan in Talyaaniga shidaalkaas isna ka faa’iideysto…” ayuu yiri Raysalwasaare kuxigeenka Talyaaniga. Italy iyo France ayaa loolan xoogan ugu jira dalka Liibiya siyaasadiisa iyadoo wadamadaasi oo ka tirsan NATO ka mid ahaayeen kuwii burburiyey xukuumadii Col.Mucamar Al Qadafi. Source
-
Popular Contributors