Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,312
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wafdi ka socda dowladda federalka Soomaaliya oo isugu jira golaha wasiiradda iyo saraakiil ciidan ayaa goor dhowayd kasoo dagay magaalada Garowe, iyagoo hordhac u ah [...] Source
  2. Dowladda federaalka ah Soomaaliya waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, dalka Ingiriiska ku qaban-doontaa tartan iib oo lagu bixin-doono bolock-yo dhan ilaa 50 xabo, oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya. Halkii Block waxaa uu ku fadhiyaa 5,000km2 oo shidaalka ku jira ay kala badan yihiin, qaar ayaa waxaa ku jira 2 bilyan oo birmiil, qaar kale 3, 4 ama 5, waxaa jira jira Block-yo ay ku jiraa ilaa 7 Bilyan oo Barmiil oo shidaal ah! Tartanka iibka ee dowladda federaalka ah ku qaban-doonto London 7-bada bisha soo socota, waxaa bannaanka ka ah oo aan tartankaas ku jirin Block-yo horay loo siiyey Shell.Exxon iyo Soma Oil & Gas, shirkadda hore waxaa ay dowladdii Jaalle Siyaad ka heshay 60,000km2 oo dhaca bariga Soomaaliya halka Soma Oil & Gas ay horay u xulatay 12 block oo koonfurta Soomaaliya ah gaar ahaan agagaarka Baraawe iyo Marka, oo ay ku jiraan labo Block ka mid ah sida 7 & 8 ilaa 13 Bilyan oo Barrels am Birmiil. Haddaba, Goobjoog News, ayaa ogaatay in dowladda Soomaaliya aaney xilligan diyaar u aheyn tartan iib oo noocaas ah marka la fiiriyo shaqo la rabay in la qabto tartanka ka hor oo aan la dhameystirin, taasi oo keeni karta in natiijo fiican aaney ka soo bixin ama in la khiyaameeyo Soomaaliya, kheyraadkeedana si fudud loo qaato. Arrimaha muhiimka ah ee dowladda ilaa hadda qabatay waxaa ka mid ah: Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen dawladaha xubin federaalka ah iyo dawladda federaalka, waxaana la sheegayaa in la diyaariyey Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement) iyo xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya. Marka 3-daas arrin laga soo tago, waxaa dhimman ama qabyo ah arrimo aan la’aantood wax tartan ah la qaban Karin: Akhriso, 7 Qodob Oo Ku Tusinaya In Soomaaliya Aaney Diyaar Aheyn Tartan iib Block: 1. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Marka hore sow ma aheyn in la diyaariyo khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka. 2. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla, la’aantiisa ayeyna rabtaa dowladda federaalka ah inay gasho tartan iib, oo lagu bixinayo 50 Block oo midka ugu yar ay ku jirto 5 Bilyan oo Barmiil. 3. Ma jiro Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 4. Ma dhisna Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement” 5. Ma jirto wax caddeynaya in lahayo xog sax ah ee 2-D saysmikada taasi oo lagu qiimeyn karo Blockyada iyo kala duwanaanayaan mugga shidaalka. 6. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 7. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law). Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Sidaas awgeed, waxaa muuqata in wasaaradda Batroolka uu degdeg ku jiro, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta qaranka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal uu ku muujiyay inuu ka digayo shir ka dhacaya magaalada London. Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:- Waxaa lagu wadaa in la qabto 07 Febraayo oo ku beegan maalin ka hor sanadguuradii labaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo, xaraash (auction) xirmooyin 50 (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Shirka oo ka dhacaya Hotel Claridges ee Magaalada London ayaa waxaa soo abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay. Xaraashka (auction) ayaa dhacaya iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05/06/2018 Magaalada Baydhabo ku gareen dawlad federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska oo loogu magac daray Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya in 1- In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Lama ansixin. 2- In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro Arrimaha kheyraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Lama dhisin. 3- In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Bartoolka. Lama dhisin 4- Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed ( Somali National Oil Company- SONOGRAM) waa shirkad ay yeelanayso dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta. Rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah. Lama dhisin. Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (auction) shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’adhii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ilaashadaan khayraadka dalkooda, kana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Guddoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa goor dhowayd soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo kamid ah ergada lagu casuumay [...] Source
  5. Berbera (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Berbera ayaa sheegaya in shirkadda DP World ay ku qasabtay qaar kamid ah shaqaalaha dekada inay qaataan Baasaboorka Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirkadda DP World ay dooneyso in shaqaalaha qaarkood ay u qaado tababar Imaaraatka carabta ah, taasi oo qasabtay inay helaan baasaboor caalami ah oo lagu tagi karo Imaaraatka. Faadumo Saciid Ibraahim oo kamid ah xisbiga Wadani ayaa sheegtay in Somailand ay ku fashilantay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, taasi oo qasabtay in shaqaalaha la weydiiyo baasaboorka Soomaaliya. Iyada oo saxaafadda kula hadleysay magaalada Hargeysa ayay sheegtay in shaqaalaha dekada magaalada Berbera la doonayay in tababar dibadda ah loo qaado, balse lagu xujeeyay baasaboor aan aheyn midka Somaliland. Waxaa sidoo kale ay sheegtay in shaqaalaha lagu amray inay baasaboorka u doontaan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland maadaama ay u dhow dahay magaalooyinka Somaliland. DP World ayaa wali gacanta ku haysa maamulka dekada magaalada Berbera oo heshiis ay ku heshay, waxaana la sheegayaa in hadda ay wax badan ka badashay nidaamka ay shaqaalaha kula dhaqmeysay. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa xog dheeri ah ka bixiyay ruuxii ajnabiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Maalintii shalay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amartay in Antony Thomas lagu haayo xabsiga ilaa baaritaanka laamaha amaanka ay wadaan uu kasoo dhaamanayo, kadib qoraal kasoo baxay maxkamadda. Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ruuxa lagu qabtay magaalada Muqdisho uu heysto dhalashada labo wadan oo kala ah Ingiriiska iyo Faransiis, waxaana uu muddo ka shaqeynayay magaalada Muqdisho. Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Antony Thomas aysan jirin tuhun weyn oo laga shaki karo, maadaama uu dalka muddo ka shaqeynayay, islamarkaana aysan jirin meel uu doonayo inuu bartilmeemeydsado. Wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka iyo natiijada baaritaanka ay leeyihiin hay’adaha kala duwan ee dalka Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-oomaar-ninka-la-qabtay.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Kulan Qado iyo fadhi iskugu jiray ayay Doraad wada yeesheen Haldoorka Salaadiinta Beelaha Gabiley Clan iyo West Burco Clan, waxaana kulankan sida la sheegay diiradda lagu saaray arimo door ah oo iskugu jiray kuwo Dhaqan iyo kuwo Siyaasadeedba. Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Markii hore ay Salaadiinta iyo Dhaqanka Beelahani kulan qado ah ku yeesheen Maalinimadii Salaasadii Doraad Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, islamarkaana ay markii dambe kulan Fadhi Qayilaad ah oo wakhti badan qaatay ay ku yeesheen Guri Gaar ah, halkaasi oo sida lanoo Xaqiijiyay ay wax badan kaga wada hadleen oo ay isku waydaarsadeen. Kulankan ayaa sida lanoo sheegay ay labada Beelood iskaga Turxaan bixiyeen qardaafooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada iyagoo sidoo kalena dood ka yeeshay sidii ay labada Beelood uga wada shaqayn lahaayeen arimaha Siyaasada, Dhaqanka, Amniga iyo Guud ahaan Arimaha Qaranka waxtarka u leh iyo sidii dhinac looga soo wada jeedsan lahaa wax kasta oo hagardaamo ku ah Qaranka, iyadoo kulan kale oo kaasi ka balaadhana dib looga balamay. Dhinaca Salaadiinta Beelaha Gabiley Clan waxa hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, halka Salaadiinta kale ee Beelaha West Burco Clan uu hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Cabdilaahi, Waxaana dhinaca walba ka socday salaadiin door ah kuwaasi oo labada Kulanba ka soo xaadiray. Kulankan oo ahaa mid aan saxaafadda loogu talo galin ayaa u sansaan eg mid siyaasadi hagaysay islamarkaana aan sinaba uga madhnayn gacmo siyaasi, waxaanu ku soo beegmayaa wakhti shirweynihii 6-Aad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye loo qoondeeyay inuu bishan fooda inagu soo haysa dhamaadkeeda ka qabsoomo Magaaladda Boorama, islamarkaana Gudoomiye ku meel gaadh ah loogu soo doorto Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo hayb ahaan kasoo jeeda Beesha West Burco Clan. Sikastaba hanoqotee, lama garanayo Ujeeda dhabta ah ee ka dambaysa Kulanka iyo cida soo abaabushay, balse waxa uu ku soo beegmayaa wakhti si weyn ay Xukuumadda talada haysa iyo Xisbiga ugu wayn Mucaaridka ee WADDANI ay aad iskugu khilaafsan yihiin sii joogitaanka Gudida Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo qabsoomidda Doorashada Goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoyska Maxamed Cabdilaahi Obsiiye ayaa ka hadlay Sababta Shirweynihii Lixaad ee Golaha Dhexe ee Kulmiye doorkan loogu qoondeeyay in lagu qabto Boorama, waxa uu ku sheegay in Xisbigii Kulmiye lakala dhacayo oo Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynuhu ay ka dhacayso Beesha uu ka soo jeeday Madaxweynihii hore ee Siilaanyo, waxa uu tilmaamay in Labadaasi Beelood oo hagbad siyaasadeed kuwada jiray ay iskhiyaamaynayaan hadda,sidaana waxa uu ugu baaqay reer Boorama inay ka dhiidhiyaan oo ay diidaan in magaaladooda lala tago wax lakala dhacayo, isagoo dhinaca kalena Boqor Buurmadaw ku tilmaamay nin saxsan oo xaqiisii raadsanaya. “Shirkan Golaha dhexe ee Kulmiye ee la leeyahay Boorama ayaa lala tagayaa maxaa sabab u ah, sabab kale ma jirto, Cidii Xisbiga Hagbada kuwada lahayd ee Hagbadda kuwada gashay ayaa hadda dhinaca Xukunka haya maahee dhinacii kale ayaa lagala cararayaa, Xisbilala cararayo oo Cid laga dhacayo maxaa idinka la idiinku keenayaa ee dhexdiina loogu dhacayaa?, taasi meesha ma qabato, hakala godobsina Dadka dee, ma nihin Galbeed, Cadaalada meesha taalaaba midna kuma socoto,Maxaa la iigu keenayaa ee Boorama Faa’iido ugu jirta,Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar wuxuu yidhi, Buurmadaw isagoo u jawaabaya “Macaan hadduu lahaa Adiga ayaa soo dhamaystay” waar Godob hagalin”. “Buur madaw Xaqiisii ayuu daba socdaa, Hagbadiisii ayuu daba socdaa, wuxuu heshiis rag kula galay ayuu daba socdaa, dee Xaq ayuu u leeyahay ee u daa, Hargeysa iyo Burco, hala isku dhaco haddii la rabo, sidii Xisbiga Kulmiye loo galayay waydinkii arkayay, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir laga soo bilaabo, ee dhulka loola dhacay ee dhabarka laga jabiyay waydinkii arkayay, waar reer Booramaw wax faa’iido ah oo idiinku jirtaa ma jiree dadka Godob haka galina, dadku wa idiin mid, dadka leh Reer Boorama Shirkan Kulmiye Sharaf ayaa idiinku jirtana waar waxay sharaf u tahay dadkiina u sheega. Hagbadii Ninkaasi lagala soo cararay ma idinka ayaa la idinsiinayaa, arintaasi dad ay ku tahay wax la dhacayo oo idinka la idinkula dhuumanayo, Somalilandernimada ayay ku jiraa inaan tidhaah Waar ninka ha dhicine ka daa” “Burco geeyoo, waliba Bariga Burco ku qaboo ninka ku wareeji wixii aad ku heshiiseen, Buurmadaw xaq ayuu leeyahay inuu daba socdo oo uu yidhaa waar ka daaya maxaa Boorama lagala doonayaa halkan halagu qabto Hargeysa haddii Burco-dii looba diiday”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Qoyska iyo Bulshadu. Source
  9. (SLT-Jowhar)-Wararka ka imaanaya Degaanka Balcaano oo Qiyaastii 30km u jira Magaaladda Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay haweeneyn ka mid ahayd Dadka Degaanka. Haweeneyda la dilay aya waxaa lagu magacaabi jiray Xakiimo Abuukar Xasan waxaana iyadoo jar jaran meydkeeda laga helay meel ka baxsan halka ay ku nooleyd. lama oga wax ay salka ku heyso Dhacdadan balse dadka degaanka ayaa sheegaya in Arintan uu ka dambeeyay nin ay qaraabo dhow ahaayeen oo muranu ka dhaxeeyay. Dadka Degaanka Balcaano iyo Tulooyin ku xeeran ayaa aad uga arga gaxay falkan iyadoo uu noqonayo kii ugu horeyay ee Noociisa ah oo ka dhaca Degaan ka mid ah Gobalka Sh/Dhexe. Source
  10. (SLT-Jigjiga)-War saxaafadeed kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool Dowlad Deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah. ONLF waxay sheegtay in shacabka Soomaalida ay heystaan xoriyadda ah cidda ay u dooranayaan inay qabato hoggaanka. Waxaa ay ugu baaqeen xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dowladda federaalka inay qaddariyaan rabitaanka iyo sharafta shacabka isla markaasna ay ka hor yimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin kartaamniga iyo danaha shacabka soomaalida. Bayaanka ka soo baxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta ee Ogaadeniya (ONLF) ayaa sidoo kale lagu sheegay in khilaaf kasta oo siyaasadeed lagu xalliyo si caddaalad ah iyadoo lala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseeyso. “ONLF waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo in maamul dimuqraadi ah uu ka jiro Dowlad Deegaanka Soomaalida,waxaana loogu baaqaya dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan mabaadii’daasi” Ugu dambeyn, ururka ONLF ayaa ka codsaday xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida in khilaafka soo kala dhexgalo ay iyagu xalliyaan. Source
  11. (SLT-Muqdisho)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdishou ayaa sheegaya in Maxkamadda gobolka Banaadir ay shalay amartay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo nin ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka soo qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Antony Thomas, oo ah 48 sana jir u dhashay dalka UK ayaa loo heystaa tuhun ah qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka walxo halis ah oo laga helay boorsadii uu ku raran lahaa xamuulka diyaarad uu raaci lahaa. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa VOA-da u sheegay Isniintii in ninkaasi boorsadiisa waxyaabaha laga helay ay ku jirtay sunta qiiqa dadka kaga ilmaysiiya oo gasac ku jirtay. Tan iyo markii la qabtay ayaa ninkani waxaa baaris ku hayay oo su’aalo weydiiyay hey’adda Dambi Baarista dowladda CID iyo laanta Nabadsugigga iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Marka laga soo tago amarka Maxkamadda ay amartay in ninkan lagu sii hayo xabsiga dhexe, lama bixin faahfaahin ku aadan ilaa iyo hadda waxa lagu ogaaday baaristii lagu hayay. Source
  12. Jigjiga (Caasimada Online) – Kulan looga hadlayay nabad gelyada iyo cadaalada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ka dhacay magaalada Jigjiga, waxaana golaha ku shiray magaalada Jigjiga ay sheegeen inaan loo dulqaadan doonin dadka carqaladeynaya amaanka deegaanka. Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dambeeyay kadib markii ay xiisad ka dhalatay isfaham waa soo kala dhex galay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida iyo wasiirka maaliyadda Ethiopia oo doonaya in xubno kamid ah dadkii la shaqeeyay Cabdi Maxamuud Cumar xukuumadda hadda jirta lagu daro. Maamulka Mustafa Maxamuud Cagjar ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn in shaqsiyaad dambiyo ka galay dhulka Soomaalida inay kusoo laabtaan dhismaha xukuumadda cusub. Waxaa kulanka laga soo saaray in shaqsiyaadkaasi maxkamad lasoo taagi doono halkii badalkooda lagu dari lahaa xukuumadda cusub ee uu dhisay Mustafa Cagjar, waxaana arimahaasi u ololeynaya Axmed Shide oo ah wasiirka Maaliyadda Ethiopia. Cabdullaahi Maxamed Mowliid Wasiirka xafiiska xiriirka dadweynaha ayaa markii shirka uu dhamaaday kadib warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in shir golaha dowlad deegaanka ku yeesheen magaalada Jigjiga lagu heshiiyay in xubnihii hore aysan xukuumadda kusoo laaban. Xiisadda ka dhalatay kulan la isku fahmi waayay oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa wali ka taagan dhulka Soomaalida, waxaana la ogeyn halka xaalka uu ku dambeyn doono. Wararkii ugu dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed uu soo dhex galay xalinta khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Dalka Mareykanka ayaa ku booriyey maamulka Suudaan sii-deynta saxafiyiin iyo dhalinyaro u ololeysa xuquuqda dadka oo ay ciidamada u xireen dibad-baxyadii dhowaan ka dhacay gudaha dalkaasi. Warbaahinta ka shaqeysa Suudaan ayaa la kulantay cadaadis kadib markii ay halkaasi ka dilaaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, laguna dalbanayo is casilaadiisa. Warbaahinta ruqsadda lagala laabtay ee dalkaasi ka howl gasha waxaa ka mid ah Al Jazeera, Al- Carabiya iyo qaar kale. Dibad-baxyada ayaa ka socday arbacadii shalay aheyd Khartuum, Umdurmaan iyo gobollo kale, waxaa ay dadkaasi dalbanayaan inuu madaxweyne Al-bashiir xukunka ka dago. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Ciidamada Amisom ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya ayaa gargaar caafimaad oo isugu jiray dawooyin iyo baaritaan ka sameeyay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Dhaqaatiir ka tirsan Milatariga Amisom ayaa booqday xeeryo barakac oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceeljaale ee gobolkaasi. Saraakiisha caafimaadka ee ciidanka Amisom ayaa xeryaha ay booqdeen waxaa ku jiray dad danyar ah oo u baahnaa gargaar caafimgaad,iyagoo u fidiyay gaargaar caafimaad oo isugu jiray baaritaan iyo dawooyin lacag la’aan ah. Paul Muhanguzi oo hogaaminayay socdaalka dhaqaatiir ka tirsan ciidamada Amisom ay ku tageen xeryo barakac oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoos ayaa sheegay in ay halkaasi kula kulmeen bukaano la il darnaa xanuuno kala duwan. Ciidamada Amisom oo qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore gargaar caafimaad ka sameeyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Ciidamada Amisom Oo Gargaar Caafimaad Ka Sameeyay G/ Shabeellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Addis Ababa)-Wasiir hore oo ka tirsaan dowladda Itoobiya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida dadweynaha. Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa saaxib dhaw la ahaa raysal wasaarihii geeriyooday Meles Zenawi. Warbaahinta maxalliga waxay ku warrantay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii shalay, waxaana lala xiray sarkaal sare oo dowladda ka tirsanaa. Waxaana lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay in lagu maageliyo mashaaric gobolka Amxaarada. Bereket ayaa kamid ahaa xubinihii aasaasay xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF. Tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii lasoo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jiro militari iyo sirddoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku tunteen xuquuqda aadanaha. Source
  16. Kulan ay isugu imaan doonaan madaxda iyo mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Jigjiga,si looga wada hadlo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. Kulanka ayaa la filayaa in uu ka soo qeyb galo madaxweynaha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo sheegay in kulankaasi diirada lagu saari doono khilaafka ka dhex jira maamulka uu hogaamiyo. Sidoo kale madaxweyne Mustaf Cagjar ayaa dowlada federaalka ee Itoobiya ku eedeeyay in ay isku dayeyso caburinta dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dowald deegaanka balse arintaasi aysan u cuntami doonin. Kulanka maanta lagu qaban doono magaalada Jigjiga ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay ay xiisado u dhexeeyay Soomaalida iyo qowmiyadaha kale ay marti galisay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida. The post Kulan Looga Hadlayo Khilaafka Madaxda Dowlad Deegaanka Oo Maanta Jigjiga Lagu Qaban Doono appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Waxaa si aada loogu diyaar garoobayaa caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoo lagu wado inuu caleema saarkani noqdo kii ugu weynaa ee uu abid dhigto madaxweyne loo doortay Puntland, waxaana munaasabadan lagu casumay dad kala duwan oo isugu jira Madaxda ugu saraysa Dawlada Federalka, Madaxda maamul gobaleedyada, siyaasiyiin mucaarad ku ah Dawlada dhexe iyo qaybo kale oo katirsan bulshada rayidka. Imaanshaha Madaxda Dawlada dhexe iyo siyaasiyiinta Mucaaradka Waxaa kamida dadka la casumay wafti balaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dawlada Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiyiin si aada ugu kacsan Dawladiisa oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha urur siyaasadeedka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. In hal xaflad lagu casumo siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda Dawlada dhexe ayaa hadal haynta badan ka dhalisay baraha bulshada iyo goobaha ay dadweynuhu ku sheekaystaan. Dadweynaha ayaa siyaabo kala gedisan uga hadlaaya arintan, waxaana moodaa in si gaara loo hadal hayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamida siyaasiyiinta sida aadka ugu kacsan Dawlada uu hogaanka u hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadka dhaliilaya booqashada Siyaasiyiinta mucaaradka Dadka la dhacsan siyaasada xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhaliilaaya Dawlada cusub ee Madaxweyne Deni inuu munaasabadan ku casumo rag ay u arkaan inay yihiin kuwa ay ka dhaqaaqi ladahay Dawlada dhexe ee Soomaaliya oo uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, taageerayaasha xukuumada Madaxweyne Farmaajo oo qoraalo kusoo bandhigay baraha bulshada ayaa sheegaaya in ay ahayd in madaxweyne Deni uu soo dhaweeyo Dawlada dhexe uuna meesha ka saaro is-qab-qabsigii iyo wada shaqayn xumadii mudada dheer ka dhex aloosnayd Dawlada Federalka iyo Puntland hase ahaate waxay rajo xumo ka muujinayaan in xiligan caleema saarkii Madaxweynaha lagu casumo qaar kamida raga huriya mucaaradada xoogan ee Dawlada Farmaajo iyo Kheyre lagaga soo horjeedo, iyagoo u arka inay arintani tahay calaamad muujinaysa xiriirka ka dhexeeya ragan iyo Madaxweynaha cusub ee Puntland. Dadka la dhacsan booqashada Siyaasiyiinta Mucaaradka Sidoo kale waxaa jira dad kale oo la dhacsan siyaasiyiinta mucaaradka waxayna iyaguna si lamida kuwa taageersan Dawlada ay taageraadooda kusoo bandhigeen baraha bulshada, Dadkan ayaa qaba inay Puntland tahay hooyada Dawladnimada Soomaaliya ayna mudan tahay in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah lagu soo dhaweeyo, dadka la dhacsan booqashada siyaasiyiinta uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u muuqda inay wadaan diyaar-garow xoogan oo ay kusoo dhaweynayaan siyaasiyiintan mucaaradka, waxaana baraha bulshada ee Internetka lagu arkaayey sawiro ay kamid yihiin funaanado iyo tabeelayaal ay ku xardhan yihiin siyaasiyiin uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu wado inay saacadaha soo socda soo gaaraan magaaladda Garowe. Isku soo wada duuboo Dadka dhex-dhexaadka ayaa iyaguna qabba inay tahay talaabo ay Soomaaliya horay u qaaday in si xor ah ay u kaftamaan, afkaarahoodana isku dhaafsadaan mucaaradka iyo muxaafidka Soomaaliya iyadoo aysan cidina isticmaalayn qori caaradii. PUNTLAND POST The post Maxay imaanshaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee Puntland ay hadal hayn gaara u dhalisay? appeared first on Puntland Post.
  18. Ha’yada faya dhowrka maamulka Puntland ayaa fariin ku aadan badeecooyinka iyo dawooyinka watigoodu dhamaaday u dirtay ganacsatada deegaanada maamulkaasi Puntaland. Madaxa ha’yada faya dhowrka Puntland C/casiis Ceydiid Xirsi ayaa sheegay in ay ka go’antahay in aan cuno iyo dawooyin dhacay aan la soo galin dhulka uu ka arimiyo maamulka Puntland,isagoo ganacsatada maamulkaasi ugu baaqay in ay dadkooda ka iibiyaan badeecooyin aan waqtioodu idlaan. C/casiis Ceydiid Xirsi Madaxa ha’yada faya dhowrka Puntland ayaa tilmaamay in ay tilaabo sharci ah ka qaadi doonaan ganacsatadii badeeco watqigeedu dhamaaday ka iibisa shacabka maamulka Puntlad. Fariinta ha’yada faya dhowrka Puntland ay u dirtay ganacsatada maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya xili shalay magaalada Garoowe lagu gubay badeecoyin dhacay oo ay gacanta ku soo dhigtay ha’yada faya dhowrka Puntland. The post Puntland Oo Digniin U Dirtay Ganacsatada Maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa saacadaha soo socda soo gaari doona wufuud kala duwan oo ka qeyb-gali doonta caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulllahi Deni. Wufuuda maanta ka soo degi doonta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminyo, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillahi iyo wafdi uu hogaaminayo. Musuuliyiintan ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe loogu sameyn doonaa soo dhaweyn ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan madaxda sare ee Puntland. Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta masuuliyiintan, iyadoo ammaan-kana loo adkeeyay si aada. Waxii warar ah ee ku soo kordha, halkan ayaad kala socon kartaa. PUNTLAND POST The post Wufuud kala duwan oo maanta ku soo wajahan Garowe appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-240119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Garowe (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay tagi doonaan qar kamid ah xubnaha mucaaradka ah ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo. Xubnahaasi oo uu kamid yahay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo 26 Janaayo ay ka dhaceyso xafladda caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu gaaro magaalada Garowe, waxaana magaalada Nairobi laga sugayaa madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed. Xildhibaano hore oo mucaarad u badan iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale laga sugayaa magaalada Garowe, iyaga oo ka qeyb galaya munaasabadda caleemo saarka madaxweyne Deni. Xubno hordhac u ah wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaaray magaalada Garowe (Team Protocol), kuwaasi oo ka shaqeynaya safarka madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Garowe. Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa inay halkaasi khudbado ka jeediyaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo. Waa Fursaddii koowaad oo ay isku wada arki karaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka, waxaana madaxweyne Deni uu doonayaa inuu dhexdhexaadiyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  22. Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in rag hubeysan oo watay gaadiid nuuca raaxada ah ay weerar bambaanooyin ah ku qaaden hooyga xildhibaan Carfo Aadan Ibraahim oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xildhibaan Carfo oo la hadlay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in xiliga weerarka lagu soo qaaday hooygiisa uu ka maqnaa,balse dhaawac uu ka soo gaaray sadex ruux oo hooygiisa ku sugnaa. Sadexda ruux ee dhaawacmay ayaa mid kamid ah waxa uu ahaa ilaalada xildhibaan Carfo Aadan Ibraahim halka labada ruux ee kale ay ahaayeen eheladiisa. Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in la soo qabtay mid kamid ah ragii weerarka ku soo qaaday hooygiisa,isla markaana ay wadaan ciidamada booliiska magaalada Baydhabo baaritaan ka dhan gaariga weerarka lagu fuliyay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi,balse dagaalyahanada Alshabaab ayaa magaalada Baydhabo horay uga geystay weeraro ay ku qaadeen masu’uuliyiin ka tirsan maamula Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Weerar Bambaano Oo Ka Dhacay Magaalada Beydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay sawirada shaqsiyaad Soomaali ah oo kaga dhintay dagaalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo kasoo muuqday muuqaalo ay baahiyeen Daacish. Wargeyska Long Street Journal ayaa sidoo kale baahiyay magacyada iyo qabiilada dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay dagaalka Daacish, waxaana badankood ay ku dhinteen dagaalka ay la galeen Al shabaab. Dadka magacyadooda iyo qabiiladooda lasoo bandhiyay ayaa kala ah Soomaali Canadian, kuwo kasoo jeeda Jabuuti iyo ruux kasoo jeeda deegaanka Soomaalida Ethiopia, sida lagu sheegay warbixinta. Dadka badan ee lasoo bandhigay magacyadooda ayaa qabiil ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, halka kuwa kalana ay kasoo jeedaan dalalka deriska la ah Soomaaliya. Dadka qabiiladooda lasoo bandhigay ayaa u dhashay beelaha kala ah Majeerteen, Leelkase, Sheeqaal Abgaal, Mareexaan, Raxanweyn, Gaaljecel, Xawaadle iyo Maxamuud Saleebaan. Hoos ka daawo sawirada
  24. HESHIISKA AYNU LA GALNAY SHIRKADA DP WORLD EE DEKADA BERBERA, IYO KA LAGU BIXIYEY SALDHIGA MILATARI EE BERBERA MIYAANAY AHAYN QAAR DIB LOO EEGI KARO? !!! Heshiisyada maalgashiga miyaan dib loo eegi karin, oo aynaan xisaabtan iyo qiimeyn ku sameyn karin tolow, oo iska eegi karin in ay inoo qalmaan iyo in kale ? Haa waa loo eegi karaa oo golaha wakiiladu heshiiskii barigii uu Total la galay Madaxwayne Cigaal dhawr goor ayey dib u eegeen oo wax laga dhimay mudadii haamuhu u kiraysnaayeen Total ee loo xidhay , xaga lacagta ay haamuhu ku kiraysnaayeena wax baa lagaga kordhiyey dhawr goor. Sababta loogaga daba noqday heshiis ay xukuumad hore gashay may ahayn heshiis xukuumadaasi gashay ayaa sharci daro ahaa walow aan goleyaasha la keenin sidii lagu doodi jiray , ee waxa ay ahayd waxa lagaga faaiideystay wakhti ay duruufi haysay oo dawladuna dhaqaale u baahnayd. Imika heshiiska maalgashi ee 442 million ee dollar lagu maalgalinayey Dekadeena Berbera dadkii taageersanaa in aynu fursad helnay baan ka mid ahaa, haddana waxa i didiyey oo aan ka shakiyey heshiiskaa Dekada ee Dp World iyo kii saldhiga milatari ee la siiyey UAE qaabkii loo waday ee ka gaadhsii iyo jiidhsiida ahaa markii ay marayeen goleyaasha sharci barlamaanka. Waxa kale oo shaki iyo madmadaw ku jiray kala hadalkii madaxdii xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo oo marna ku sheegay in aanu heshiis ahayn waxa golaha la keenay ee uu yahay heshiis isfaham iyo in la gali karo heshiis, waxa ka sii darnaa markii heshiiska la soo saxeexay ee lagu soo celiyey golaha ee degdeg gacanta loogu taagay iyada oo aan la lafagurin lagana doodin. Haddaba maantana waxa muuqata in aanay DP WORLD iyo UAE inoogu Hagar bixin sidii aynu ugu lisnay ee aynu irmaanteenii iyo garoonkii diyaaradaha ee caalamiga ahaa ugu wareejinay , iyada oo aynu wax faro guudkood ah iyo dano aynu ku galnay heshiis 30 sanadood ah oo wakhti dheer qaadanaya , waan arkay wadamo kale oo heshiis mudo dheer ay shirkadi la gashay oo ay dekadahooga la wareegray oo waxa ka mid ah Congo oo lafteedu iska duruufaysnayd. Muhiimadu waa in aanay BERBERA oo ah Dekada ugu istaratajisan uguna muhiimsan marka la eego marinka ay ku taallo aanay noqon mid boos celin ah oo lagu dan gaadhayo ama lagaga ilaalinayo wadamo kale oo maalgashi inoo sameyn lahaa, sababta oo ah dalka imaaraadka iyo DP WORLD Waynu naqaanaa awoodooda dhaqaale iyo wax qabad oo hadii ay u dhaqaaqaan maanta waa ay dhisi lahaayeen qaybtii lagu kordhinayey Dekada Berbera tana waxa ay ka dhigi lahaayeen mid casri ah. Isweydiintii iyo Aragtidii @Muhamed Dhimbiil Qaran News
  25. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo xubna Senatora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz. Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro. Gabagadii kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kaga mahad celiyay safiirka casha sharafta iyo kulanka qiima badan, dhankale safiirka Dowlad Turkiga ayaa mahadnaq ka sakoow sheegay inay joogteen doonaan kulamada noocaan oo kale ah, markastana Aqalka Sare uu u leeyahay Mudnaan Gooni ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com