Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,312
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boqor Maleysiyaan ah oo xilkiisa boqornimo ka doortay Haweenay Ruush ah oo qurux badan+Sawirro Maanta dalka Malaysia waxaa la doortay boqor cusub kadib markii boqorkii hore uu xilka isaga dagay sababo loo malaynayo in ay jacayl daran oo uu u qaaday gabadh ku guuleysatay quruxda dalka Ruushka. Boqorka cusub ee la doortay ayaa lagu magacaabaa Suldaan Cabdullaahi oo kasoo jeeda gobolka Pahang. Suldaan Maxamed oo ah boqorka xilka wareejiyay, ayaa la sheegay in bishii November ee sannadkii hore uu fasax caafimaad ku tagay dalka Ruushka, kadibna waxaa soo shaac baxay sawirro muujinayo isaga oo la sawiran gabadh qaadday quruxda dalka Ruushka oo magaceedu yahay Oksana Voevodina. Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo warbaahinta ay aad u faafisay sawirrada arooska lammaanahan oo ka dhacay magaalada Moscow bishii November, waxaana la sheegay in gabadhan ay soo islaantay, islamarkaasna magaceeda lagu badelay Rihana. Arooska waxaa la sheegay in laga mamnuucay qamriga, dhammaan cuntadii la qeybiyayna ay ahayd mid xalaal ah. Qasriga Boqortooyada Malaysia ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray 6-dii bishan Janaayo ku sheegtay in uu boqor Suldaan Maxamed uu xilka ka dagay. Balse lama sheegin sababta rasmiga ah, lamana oga in gabadha ajnabiga ah ee uu guursaday boqorka ay ugu wacantahay in uu xilka ka dego. Balse caadi ahaan boqortooyooyinka waxa ay leeyihiin shuruuc adag oo dhigaya in boqorka ama qofka leh dhaxalka uusan guursan karin qof ajnabi ah ama ka baxsan qoyska reer boqor. Waxa ay arrintan qabsatay amiiradda dalka Japan Ayako taas oo xilkeedii dhaxalsugenimada wareejisay kadib markii ay jacayl daran u qaadday wiil aanan ka tirsanayn boqortooyada. Gabadhan uu guursaday Suldaan Maxamed ayaa horey u ahayd dumarka dharka xayaysiiya, waxaana meel kasta yaala sawirradeeda oo qaawni u dhow, ama jirkeeda inteeda badan uu muuqdo. Waa nidaam kal-tirsi ah oo beelo kasoo kala jeeda 9 gobol oo dalkaas ka tirsan uu midba mar qabanayo boqortooyada. Waa boqortooyo dastuuri ah, taas oo gole guurti boqortooyo ah ay dooranayaan boqorka, wuxuuna halkii mar haynayaa 5 sanno. Waxaa kale oo jirta in inkasta oo boqorka uu yahay madaxa ugu sareeya ee dalka, haddane kama qeybqaato kala wadista maamulka dowliga ah ee Malaysia. Waxaa nidaamkan la dajiyay markii uu dalkaas xornimada ka qaatay Britain sannadkii 1957-dii. Waxa ay Malaysia ka koobantahay 13 ismaamul goboleed, 9 ka mid ah waxaa xukuma qoysas boqortooyo, halka 4ta soo harayna ay xukumaan barasaabyo. Balse xuquuqda u codeynta boqorka waxaa iska leh madaxda 9-ka qoys ee boqortooyada leh. Mid kasta waxaa loo dhiibayaa warqad uu ku qoranyahay magaca Suldaanka xiga ee kal-tirsiga uu kusoo aaddanyahay, codkooda waa qarsoodi, waxayna kala xulanayaan in uu u qalmo xilka iyo in kale. Haddii uu cod aqlabiyad ah heli waayo, doorashada wareeg kale ayaa la qabanayaa, balse markan waxaa warqadda lagu qorayaa suldaanka kale ee safka kusoo jira. Si qarsoonida codka loo hubiyo, warqadaha wax nambar ah ma lahan, qalmaanta waa isku mid, qadda qalmaantana waa hal midab, waxaa sidaas oo dhan loo samaynayana waa in aanan la ogaanin go’aanka qofka iyo sida uu u codeeyay. Awoodo saas usii badan ma lahan, waxana inta badan awoodaha ay la yaalaan baarlamaanka iyo Ra’isulwasaaraha. Balse waxa uu leeyahay awoodda soo magacaabista Ra’isulwasaaraha, waa madaxa diinta Islaamka ee dalkaas, iyo sidoo kale taliyaha ciidamadda qalabka sida ee Malaysia. Waxa uu bixin karaa cafisyada dadka maxaabiista ah, isaga oo boqorkii hore uu cafis u fidiyay hoggaamiyihii mucaaradka Anwar Ibraahim. Qaran News
  2. Itoobiya oo taariikh cusub u dhigaysa Afrika Iyada oo noqon doonta dalkii ugu horeeyey ee Afrikan ah oo… Shir ku dhex maray Davos ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo aasaasaha madasha dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab ayaa la isku afgartay in Asdis Ababa ay marti-geliso shirka dhaqaalaha adduunka ee 2020. Sanadkii tagay ayey Itoobiya codsatay mari-gelinta shirka, laakin waxaa muuqato in sanadkan la aqbalay. Jawaabta ayaa timid kadib markii ay kulmeen Abiy iyo Klaus Schwab, waxaa ay sidoo kale labada nin ka wada hadleen arrimo khuseeyo dhaqaalaha, ganacsiga, shirkadaha gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo isbadallada ka dhacaya caalamka. Itoobiya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka uu aad u sareeyo kobacooda dhaqaalaha, waxa ayna marti-gelin-doontaa 2020-ka. Haddii arrintan ay dhacdo, Itoobiya ayaa taariikh cusub u dhigi doonta Afrika, ayada oo noqon doonta dalkii u horeeyay oo Afrikaan ah oo marti gelin doona Shirka dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) sanadka 2020 Qaran News
  3. Dab qasaare hantiyadeed geeystay ayaa xalay saqdi dhexe ka kacay Suuqa Weyn oo ah suuq ku yaalo degmada Wadajir ee Muqdisho. Dabka oo la sheegay in uu koronto ka dhashay ayaa baa bi iyay goobo badan. Goor dambe ayaa lagu guuleeystay in dambkaasi la damiyo. Dabka ayaa ku sii faafayay goobo badan waxaana uu sababay qasaare hantiyadeed oo aad u badan Dhowaan ayeey aheyd markii dab qasaare hantiyadeed geeystay uu ka kacay suuqa weeyn Bakaaraha ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dab qasaare geeystay oo ka kacay Suuqa weeyn ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. QAYBTA 1-AAD: Dadka oo dhan Ilaahaybaa abuuray oo waa ilma Aden iyo Xaawa, Ilaahay isagaa karaameeyay bani aadanka oo ka fadilay makhluuqiisa kale oo dhan. Ilaahay ba hadana innaga dhiga y qabaail si aan isugu aqoonsanno oo la isku garto, balse carab iyo cajabi, caddaan iyo madaw, bani’aadanku waa isku mid xagga dadnimada, xuquuqda iyo nolosha oo dhan, umadda islaamkuna magac ay lahaadaan iyo meel ay joogaanba waa dad mid ah oo u siman Alle (SWT), waxana Eebbe loogu kala dhawaanayaa adduunka korkiisa iyo maalinta aakhiraba kaliya iimaanka iyo camalka wanaagsan ee uu qof waliba la yimaado inta uu noolyahay ee cimrigiisa laga dhigay adduunyada. Nasabka uu ku arooro qofkastaa iyo halka uu ka soo jeedo ee asalkiisu yahay ama ku abirsadaa waa mid qof waliba ku qanacsanyahay, u hanwaynayahay ama ku faano ee aanu ka faanin. Haddii aad tahay Annaas, Madhibaan, Muuse, Hawle, Wardheere, Isaaq, Gadabuursi, Daarood, Ciise ama beel kaleba oo Somaliland ama Somali kale ah qofna qofka kale wax uu dheeryahay ma jiro xagga dadnimada, iyo diinta islaamkaba. Takoorka, haybsooca iyo Qabyaaladdu waa dhibaato ka jirta oo lagaga dhaqmo ama weli saamayn badan ku leh dunida seddexaad, dalalka aan horumarin iyo meelo badan dunida, dalkeenana wuu ka jiraa oo mid weyn ayaannu tirsanaynaa gaar ahaan xagga dhaqanka, bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinacyo badan oo nolosha ah. Haseyeeshee, qofkii cuqdad ka qaada cidda uu yahay iyo asalkiisa ee cid aanu dhiig ku lahayn isku tiriyaa waa qof aan damiir fiican iyo iimaan lahayn oo aan ku kalsoonayn naftiisa iyo asakiisa, ciddii dad aanay dhalin oo isku dhiig ahayn doonaysaana kaba sii daran, waana damac kiisa u xun iyo danbi ay tahay in lagula xisaabtamo oo laga abaalmariyo. Walaashay Nimco Yaasiin haddii ay iyadu sidaas garatay inay Reer Xaamud noqoto oo ay dafirto nasabkeedii, aabbaheed iyo hooyadeed iyo reerkay ahayn ee Cali Xasan Annaas (YIBIR) waa mid iyada jirta iyo shakhsiyadeeda. Anigu kamaan maarmin walaashay oo waan jeclaa balse waan ka samri karaa oo khasab maaha inaan daba cararo, qof aad dhashay ayaaba laga samraa oo la iskaga hadhaa hadduu kugu kalifo ama kaa galabsado sidaas oo xuquuqda lagu leeyahay isagu garan waayo dhankiisa. Maanta iyaduna waa qof weyn oo aakhiru cimri ah oo todobaatan ayaan aniga iyo iyaduba afka saarray balse waxa aan ku dagaalamayaa sharafta iyo karaamada nasabkayaga iyo dhiigga aabbahay inaan lagu sheegan been been. Haseyeeshee, waxa igu kallifaya inaan qoraalkan sameeyo oo waxbadan soo bandhigo; hadallada been abuurka ah iyo wararka aan maqlayo iyo sida ay Nimco ku doodayso ee ah inay ka luntay Reer Xaamud, dadkaasina sheeganayaan inay ka luntay oo ay sidaas ahayd. Ugu horayn, waxan ka hadli doonaa taariikhda qoyskayaga reer Yaasiin Caraale ee aniga Adeega ah iyo Nimcaba aanu ka dhalanay ee kasoo jeedno, Waxa aan ka warramayaa carruurnimadayadii, koritaankayagii, waalidkayagii, xidhiidhkayagii aniga iyo Nimco sanadihii dhexe ee 1990-2002, iyo sidii ay ku bilaabantay inay Nimco is bedesho oo ay nasabkeeda dafirto. Waxa aan ka hadli doonaa xilliga ay Nimco bilawday is bedelka haybta iyo reerbaa igu dhagay ahaa iyo arimo ku xeeraa ama ku soo beegmayay wakhtigaas. Waxa aan soo bandhigayaa caddaymo badan oo bulshada u iftiiminaya inay Nimco ka abuurtay nasabkeeda waxku kallifayba taas. Waxa kale oo aan ka hadli doonaa dhibaatooyinka jira ee arrintan la xidhiidha ee u baahan in la darso, la isaga garaabo oo wax laga qabto. Ma doonayo inaanu walaashay warbaahinta ku muranno, dad waaweyn oo ayni ayaanu nahay oo anna 67 jir baan ahay, iyana way igu xigtay oo waa 64 jir. Waxa aan leeyahay adduunyaduna maanta horumar ayay gaadhay oo si fudud ayaa loogu kala baxaa kiisaska noocan ah ee caddaymo ma noqdaan baro ayay lahayd, buur baa lagu xaday, dhagaha ayaa dhaadheer, iyo hadallada rakhiiska ah ee warbaahinta lagu gudbinayo. Ujeedada aan ka leeyahay taxanaha qoraalkan iyo halka u dambaysa ee aan ku socdaana waa inaan xaqiijiyo inaan gaadho oo helo goor iyo goob cadaalad ah dalka gudihiisa iyo debadiisa halka ay noqotaba iyo maalinta ay noqotaba in si rasmi ah loo baadho (DNA) inaanu Nimco isku dhiig nahay, halkaas ayaanan kaga hadhayaa arrinteeda halkaana aan ku soo afmeero sheekadeeda ilaahay haduu nafta ii daayo intaas. Kama hadhayo arrintaas illaa aan gaadho ujeedadaas meelkasta oo ay ila tagayso qadiyadaasi. Waxa aan uga jeedaa taas inaan bulshada dalkayaga Somaliland, dawladayada sharafta leh iyo dunida caalamka usoo bandhigo xaqiiqada iyo sida ay runtu tahay. Waxa aan doonayaa inaan tegitaanka Nimco noqon wax fudud, dadkayaguna aanu noqon tusbax furta oo kolba reer qof Madhibaan ah oo muuqda aanay iska sheegan iyagoo leh baribuu baribuu buurtaa naga lumay, calaamad iyo baruu lugta ku lahaa oo cidina aanay ka hadal ee sidaas lagu dhaafo. Awalba dhibaato ayay qabeen Madhibaanku se dad karti iyo kalsooni leh weeyaan oo u samraya waxbadan oo ku dhacaya xagga dhaqanka, tan oo kale waxan u arkayaa inay tahay isir la dagaalan hoose oo ku bilaabmay beelaha la haybsooco loona baahan yahay in si caqli iyo cilmi leh loo waajaho waxka qabashadeeda arrintan. Waxa aan ka furayaa dacwad ku saabsan baadhitaan sax ah (DNA) oo aniga iyo walaashay ah maxkamadaha dalkeena Somaliland ee sharafta leh iyo maxkamadaha London ee dalka Ingiriiska oo ah halka ay Nimca iska dhiibtay 1990kii iyadoo ah Nimco Yaasiin Caraale. Waxa aan gaadhsiinayaa arintayada illaa madaxweynaha sharafta leh ee Somaliland oo aan leeyahay madaxweyne kaliya waxa qoyskayaga iyo beel ahaanba aanu doonaynaa oo aanu ku qancaynaa in si madaxbanaan oo cadaalad ah oo cadaan ah oo run ah naloogu baadho dhiiga isirka Nimco Yaasiin iyo Aniga oo adeega Caraale ah, intaas kadibna iyadaa xor ah oo sidaas immikaba ay ugu doodayso ha raacdo ciddaas ay jeclaatay balse in runta la ogaado oo aan dhiigayaga si sahlan loogu murmin mar dambe tan oo kalena aanay markale u dhicin ayaanu doonaynaa, waana mid aanu xaq ugu leenahay dawladayada sharafta leh ee Somaliland. Waxa aan u mahad celinayaa dhammaan bulshada reer Sheekh ee walaalahay ah, dhammaan dadka reer Somaliland ee maanta na garab taagan ee nagu taageeraya inaanu difaacno sharafta iyo qoyska aabbahay iyo dhiiggayaga, kana dhiidhinno been abuurka ay inantaasi ku kacday…..LA SOCO QAYBTA 2-AAD, Insha Allah W/Q: Adeega Caraale
  5. Gobolka Soomaali Galbeed waxaa ka taagan loolan siyaasadeed u muuqdo mid quus galinaya shacabka Soomaaliiyeed guud ahaan gayiiga Geeska Africa. Lama fileyn, xilli lagu rejo weynaa in Soomaalida ka dheefi doonto dabeysha is bedel ee Itoobiya iyo Mandiqadda ka dhacay in maanta xaalka Jigjiga sidaas noqdo. Hase ahaatee, loolanka u dhexeeya labada mas’uul ee ugu tunka weyn Soomaali Galbeed Madaxweyne Cagjar iyo gudoomiyaha xisbiga talada haya Axmed Shide ahna Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya waxa uu gobolkaas u horseedi doonaa labadan qodob midkood. 1 – In ay ka faa’ideystaan is bedelka oo aysan ka aqli yaraan maamulada Oromiya, Amhara iyo Tigreega Wali sheegada Jigjga ka socota waxa ay leedahay dhabbe looga dhigo mid togan, waa haddii uu caqligu shaqeeyo. Ceeb ma aha in siyaasadda lagu kala aragti duwanaado, la is qabto balse waxaa mar walba laga eega danta guud oo waxaa loo xuub siibtaa dhaqanka isu tanaasulka. Haddii Mustafe iyo Shide garowsadaan taas oo ay uga daydaan maamulada kale ee Itoobiya ka jira sida Oromia, Amhara iyo Tigreega oo ay arrintooda maxaliga ah iyagu xalliyaan, bannaanka uga bixin is jiid jiidkooda siyaasadeed, waxaa ay noqon doonaan kuwo u madax bannaan aayahooda oo ka kora ciilkii ay boqolaalka sano ku soo noolaayeen. 2 – In ay ka aradnaadaan is bedelka ka hana qaaday Itoobiya iyo gobolka Haddii loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya Cagjar iyo Axmed Shide ku dambeeyo sida uu dhaqan Soomaaliga ahaa “Isu Tanaasul la’aan” shaki la’aan waxaa soo bixi doona wax ugu xun ee ay Soomaalida oo dhami suureysan karto. Maamulka Soomaalida waligii waxa uu ahaa mid ay hoggaamiyaan shaqsiyaad ciidan ah oo toos uga amar qaata Addis Ababa kuwaas oo tacadi badan u geysan jiray shacabka. Gunaanad. Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Gudoomiye Axmed Shide waxaa ku waajib ah in ay xeeriyaan Soomaalida nimda, u turaan shacabka guumeysiga boqolaalka sano dulleeyey oo ay ka tanaasulaan waxyaabaha yar yar ee danaha shaqsiyadeed ah, haddii kale sheekada Soomaali Galbeed waxa ay noqon doontaa jug jug meeshaada joog. W/Q: Maxamed Cumar Wardheere Jigjiga, Itoobiya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Davos (Caasimada Online) – Shir ku dhex maray Davos ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo aasaasaha madasha dhaqaalaha adduunka Professor Klaus Schwab ayaa la isku afgartay in Asdis Ababa ay marti-geliso shirka dhaqaalaha adduunka ee 2020. Sanadkii tagay ayey Itoobiya codsatay mari-gelinta shirka, laakin waxaa muuqato in sanadkan la aqbalay. Jawaabta ayaa timid kadib markii ay kulmeen Abiy iyo Klaus Schwab, waxaa ay sidoo kale labada nin ka wada hadleen arrimo khuseeyo dhaqaalaha, ganacsiga, shirkadaha gaarka ah, bulshada rayidka ah iyo isbadallada ka dhacaya caalamka. Itoobiya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka uu aad u sareeyo kobacooda dhaqaalaha, waxa ayna marti-gelin-doontaa 2020-ka. Haddii arrintan ay dhacdo, Itoobiya ayaa taariikh cusub u dhigi doonta Afrika, ayada oo noqon doonta dalkii u horeeyay oo Afrikaan ah oo marti gelin doona Shirka dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) sanadka 2020. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  7. Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood waxay 8dii bisha Janaayo 2019 madaxweyne u doorteen Cabdilaahi Maxamed Deni shanta sano ee soo socta. Wuxuu ku soo baxay doorashadii ugu tartamayaasha badnayd ee Puntland ka dhacday. Dadka ku nool Puntland ayaa inta badan u saarinayey in madaxweynahaan cusub ay dabada ka riixayeen koox siyaasiyiin ah oo isku xiran oo la yiraahdo Aran – Jaan, waana koox ka dhisan gudaha Puntland, halka qaar kalena sheegayeen inuu ka tirsan yahay ururka Damu-jadiid oo ah isbahaysi kale oo siyaasadeed oo looga adkaaday doorashadii Soomaaliya ka dhacday Febaraayo 2017. Shicibka ku nool Puntland ma jecla labadaas urur siyaasadeed, iyagoo ku suntay inay yihiin kooxo qawlaysato ah oo musuq maasuq, wax is daba marin iyo daynaysi ku caan baxay. Sida la sheegay maalinta Sabtida 26 Janaayo waxay Puntland qabanaysaa caleemo saar loo samaynayo madaxweynaha cusub, waase madal u muuqata in tahay dhoolo tus siyaasadeed, iyadoo qolyaha mucaradka ku ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ay inta badan is xijinayaan in madaxweynahaan cusub uu iyaga ka tirsan yahay xisbi ahaan. Mucaradka Dawladda Federaalku maxay ka fili karaan madaxweynaha cusub? Qofka marka uu qabto xilka ugu sareeyo gobol ama wadan, magac ahaan waa wax aad u sareeya, marka xaqiiq laga hadlo se waa dhego libaaxa qof la yiri qabo, qofka masuul u noqonaya wadan dadkiisu isku maqan yahay, sabool yihiin, qofkastoo kula shaqaynaya doonayo inaad siiso meel uu xoolo ka dhaco, xirfadda dadka shaqada dawliga ah yaqaan ee kugu hareeraysan ay ku adagtahay inay talada saxda ah ee aad u bahan tahay ka hesho, talada aad ka helaysaana noqonayso mid ku dhisan dantooda, waxa masuulkaas ku furmaya maskaxdiisa wakhti kooban wax ka bedelan wax kastoo doorashada ka hor taagnaa. Mucaradka fursadda uu madaxweynaha cusub kula geli karo dagaal uusan garanayn meel uu u socdo waa mid aad u yar. Cabdinasir Cismaan oo ah aqoonyahan bartay xiriirka caalamiga ah, ku nool Garoowe, oo aan arrintaan waxa ka waydiiyey, wuxuu sheegay in gudaha Puntland ay ka taagan ay yihiin culaysyo is fuulay. “Kala qaybsanaanta qabaa’ilka, ururada ISIS iyo Shabaab, aamin darro iyo sida looga dhur sugayo gollaha wasiiradda ayaa inta badan dadka maankooda ka guuxaya, sida uu qabaa’ilka ugu kala qanciyo gollaha wasiirada ayaana wax badan ku xirnaan doonaan inuu madaxweynaha cusub horay u wado maamulka” ayuu yiri Cabdinasir. Wuxuuna sheegay in marka laga soo tago quud daraynta mucaradka ee ay raadinayaan in qof cusub oo miisaan siyaasadeed ku leh Soomaaliya oo iyaga la fikir ahi uu soo baxay, arrintuse sidaas way ka duwan tahay oo madaxweynaha cusub uu inta badan isha ku hayo gudaha Puntland iyo qabaa’ilka, waxa ka baxsan ee ilaa heer federal ahna aysan khatar weyn ku hayn, aysanna jirin sabab uu hadda mucarad ula safto. Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Dawladda Federaalka Madaxweynaha cusub culaysyada ka haysta qabaa’ilka gudaha waxay ku yihiin madax wareer siyaasadeed, waxaa maalin kasta xafiiskiisa uu ku cusub yahay marti ku ah hogaamiyayaal qabiil, siyaasiyiin, ganacsato iyo culimo dhamaantood waxay wadaan waa fariimo madax xanuun ku ridaya madaxweynaha cusub oo lagu dalbanaya wax inta badan ay adagtahay inuu fuliyo. Marka duruufahaas la fiiriyo madaxweynaha cusub baahida ugu weyn ee uu qabaa waa inuu hagaajisto xiriirka ka dhexeeya dawladda federaalka, taasoo uu ka helayo laba faa’iido. Inta badan bulshada ku nool Puntland in dawlad Soomaaliyeed oo shaqaysa la helo waa mid ay dareen ahaan ka wada siman yihiin culimada, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyaradu, waa jiraan siyaasiyiin iyagu mucaarad ku ah, marka arrintaan la eego madaxweynaha cusubi haddii uu hagaajiyo xiriirka Dawladda Federaalka waxay ka siibaysaa irbad xanuun badan oo dhinaca shicibka uga imaan lahayd, qodobka kalena ee xiriirka dawladda muhiimka ugu yahay waa maamulkiisa curdinka ah haddii uu gallo dagaal siyaasadeed inuu noqonayo kan koowaad ee fashil ka soo gaaro. Fursad kale oo u banaan madaxweynaha cusub? Dadka Soomaalida marka hoos loo wada hadlo waxyaabaha muran ee ka dhexeeya markay noqoto dhinaca siyaasadda waxay salka ku haysaa dhowr qodob: Arrimo qabiil: qofka siyaasiyga ahi wuxuu markasta awood ka raadiyaa qabiilkiisa, mana jirto aragti uu dadka kale ee aan ku qabiilka ahayn ku kasban karo 2. Arrinta kale waa dano shisheeye: Dadka Soomaaliyeed waa sabool, wadamada lacagta haysta gaar ahaan carabtu inay saamayn ku yeelato siyaasi Soomaaliyeed ma ahan wax lala yaabo, waxayna taasi keentay hagar daamo badan, markastoo khilaaf goboleed ama mid dunida samayn kale ku leh soo baxo, siyaasiyiinta markaas mucaradka ahi waa kuwo gala jeebabka wadamadaas. 3. Fikirka diiniga ah: Fikirkaani waa mid ku xoogan wakhtigaan siyaasadda, dadku siday isugu dan noqdaan ayaana fikirkooda diintu isugu xirmaa, mana noqoto kala qaybsanaanta xagga diinta ee dhinaca siyaasadda mid ku salaysan kala duwanaansho caqiido. Marka arrimahaa la fiiriyo madaxweynaha cusub wuxuu ciyaari karaa door muhiim ah oo ku aadan inuu bilaabo xiriir toos ah oo uu xubnaha mucaradka iyo Dawladda uu ugu kala dab qaadi karo, wuxuuna xoojin karaa dawladnimada. Dadka yaqaan qof ahaan madaxweynaha cusub waxay ku tilmaamaan nin dul qaad badan, una dhabar adaygi kara inuu qabto hawshaan. Waxaa Qoray: Maxamed Xasan Maxamed Email: kayse25@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Dhibka kala haysta xirfadlayda iyo looshaqeeyeyaasha! Waxaa jira eray la yiraaho `LAKUKA` oo caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana eraygan laga soo gaabiyey: LA: la qabso KU: ku qabso KA: ka qabso Tusaale; ganacsade ama NGO-le ka dhex waayey qaraabadiisa qof leh xirfad uu markaasi u baahan yahay, ayaa xifadle uu ka warhelay in uu leeyahay aqoontaasi, inta uu raadiyo, shaqo siinayaa. Marka uu shaqada soo galo, ayaa waxa uu u keenayaa qof qaraabadiisa ah oo uu horay uga soo dhaadhiciyey in uu xirfadlahan ka barto xirfadda shaqada, waxa uuna ku soo leeyahay, shadaqa LAQABSO! Qofkii waxa uu soo agfariisanayaa xirfadlihii si uu shaqada uga barto, xirfadluhuna waa uu tixgelinayaa oo, waxa uu leeyahay waa qaraabada badarnoolaha. Kolka uu shaqadii kala baro ayuu maalinta dambe shaqada KU QABSANAYAA xirfadlihii! Muran iyo dhib ayaa meesha ka dhacaya, looshaqeeyuhuna hoos buu wax ka ogyahay. Marka uu muranka iyo qaylada dhexdooda ah uu bato, ayaa xirfadlahii loo yeerayaa, waxaana la leeyahay, “Adeer, buuqaan joogtada ah kama bixi karno, shaqadaana nooga dhumaysa ee fadlan iska bax!” Markaas buu, isaga oo ka muragaysan sida la yeelay oo la mooda in la leeyahay ʻdabaday`, iska baxayaa. Qofkii qaraabada ahaa sidaas ayuu meeshii KAGA QABSANAYAA shaqadii! Dadka xirfedlayda ah taasi waa wada sugeysaa. Haddii aadan ahayn qaraabada looshaqeeyaha, sidii aad uga dabaalan lahayd LAKUKA adiga ayey ku jirtaa. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Kulanka golaha wasiirada maanta ayaa looga hadlay burburka ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo shaqooyinka kale ee horyaala xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.
  10. JOHANNESBURG — The U.S. military says it has carried out two new airstrikes in Somalia against the al-Shabab extremist group but will no longer give details on fighters killed or damage done. A spokesman for the U.S. Africa Command says those details are now up to Somalia’s government to share. On Saturday the U.S. announced its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 of the al-Qaida-linked extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The new U.S. statement says the latest airstrikes occurred on Wednesday near Jilib in Middle Juba region, where Saturday’s strike occurred. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab in Somalia since President Donald Trump took office, carrying out at least 47 last year to diminish the Islamic extremist group’s “safe havens.” Source: AP
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-24012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Gollaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii todobaadlaha. Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa shirka gudoomiyay, kaasi oo ay kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha xukuumada. Shirka ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin hab-raaca heshiisyada caalamiga ah iyo hawlaha hor-tebinta leh ee XFS dooneyso inay fuliso sannadka 2019. The post RW Khayre oo shir gudoomiyay kulanka Gollaha Wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho, kaasi oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Kulanka golaha wasiirada maanta ayaa looga hadlay burburka ciidamada Kenya ay ku hayaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud iyo shaqooyinka kale ee horyaala xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.
  14. Cambaarayn Ka Dhan Ah Damiir-xumada Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta iyo Bogaadin Ku Socota Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarka Shicibka Saaxil. Hal As-buuc Ka Hor ayay ahayd markii Wafti ka socda dalka Imaaraadka Carabta ,oo uu Hugaaminaayay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, Cabdirisaaq Yaasiin Hirad uu Dalka soo galiyay,Waxaanu Waftigaasi ku sheegay markii hore in ay yihiin Dalxiisayaal ,Hasa-yeeshee Kooxdaasi markii danbe Qorshahii ay dalka ku soo galeen way badaleen ,Waxaaney Deegaanka Biyo-guure ee gobolka Saaxil ka bilaabeen Ugaadhsi Xaaraan ah oo ah dhaqamadii Dhul-xaalufinta ahaa ee Carabta Khaliijka lagu yaqiinay. Arintaa markii danbe waxa is hortaagay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Aqoonyahan Shugri X. ismaaciil Baandare ,Agaasimayaasha Wasaaradda ,Sida Saaxil iyo Weliba Shicibka Mawaadiniinta ah ee Reer Berbera ,waxaaney taasi sababtay in Kooxdaasi Carbeed Deg Deg Deegaanka iyo Dalkaba looga saaro. Horta Talaabadaasi waxaanu ku Hambalyaynaynaa Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shugri X ismaaciil oo Damiirkeedu u diiday in Dalkeeda Shi-sheeye Duur-joogtiisa iyo Khayraadkiisa Naflayda ah Gurtaan. Waxaanu kale oo aanu Bogaadinaynaa Shicibka reer Saaxil oo iyana diiday in Deegaankooda Tuug Carbeed iyo Shakhsiyaad Duur-joogtooda soo Dilaalay Xaalufiyaan ,waxaaney taasi cadaynaysaa in ay tahay Talaabo Wadaniyada Dalka loogu Hiilinaayo oo xaga horumarka loo qaaday. Geesta kale ,Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu, Cabdirisaaq Yaasiin Hirad ,Waa nin ka soo jeeda gobolka Saaxil ,Waxaana laga filaayay in uu dalka Keeno ama gobolka Mashaariico horumarineed oo lagu Badhi-taaraayo Dadka Danyarta ah ,Laakiin Nasiib-daro lagama filaynin in uu Tuug Carbeed oo Ugaadhsato ah dalkiisa Hooyo ku soo hugaamiyo ,oo uu yidhaado kaalaya Gurta Toban ,Tobankii Duur-joogta ahaa ,ee ka soo doogay Halgankii Dalka iyo Abaarihii dhacay ,waana Nasiib daro iyo Damiir xumo ,waananu Cambaaraynaynaa. Mida kale hore ayaanu u sheegnay oo aanu nidhi ,waxaad arki-doontaan Masuuliyiin Dalka u dhashay oo Dilaaliin ah oo deegaankooda Tuug-carbeed oo Ugaadhsato ah usoo horkaca. Horta arintaa Mawaadinimada ka baxsan ee Damiir-xumada ah Safiir gobolka Saaxil kamaad samayseen ,laakiin Maayir Cabdi-shakuur Cidin ayaa gobolka ka maqnaa oo dalka debediisa jiray. Waxaananu leenahay Safiir Hirad ,waxa kaa fiicnaa ,oo kaa mawaadinsanaa Baashe Moorgan oo ahaa Safiirkii aad xilka kala wareegtay ,Waayo ? Mudadii uu xilkan hayay ,Arintan oo kale dalka kamuu Samaynin ,Dilaalna kumuu soo qaadan Duur-joogta dalka iyo Shimbirihiisa,laakiin dalka waxa uu soo galin jiray Mashaariico kale oo horumarineed. Waxaana Bogaadin mudan Dawladda Somaliland iyo Shicibkeeda oo arintan Talaabadii ku haboonayd ka qaatay ,isla markaana fahmay in ay Duur-joogta ka mid tahay Geela Ama Adhiga dalkan. By Ururka ilaalinta Xayawaanka Somaliland ee SAPO (Somaliland Animal Protection ORG). Gudoomiye Mahad Faarax. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdihso ku geeriyooday Dr Muhanad Cali Axmed oo ah Dhakhtar u dhashay dalka Syria, kaasoo ku dhaawacmay qarax gaari loogu xiray oo ka dhacay degmada Hodan. DR Muhanad Cali Axmed oo ahaa qofka ugu daran ee dhaawaca xoogan gaaray, ayaa maalmahanba xaaladiisa lagula tacaalayay Isbitaalka weyn ee Digfeer, halkaasoo maqribnimadii Caawa uu ku geeriyooda. Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Muqdisho City oo uu ka shaqeynayay, ayaa sheegay in marxuumka geeriyooday, iyagoo sheegay inuu kamid ahaa Dhakhaatiirta loogu jecelyahay Isbitaalka. Waxaa sidoo kale xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageysa Dhakhtar kale oo Syrian ah iyo laba Somali ah, kuwaasoo dhaawcayo fudud ay ka soo gaareen qaraxa gaarigooda loogu xiray xili ay sii galayeen Isbitaalka oo ku yaala dalcada C/Qaasim ee Xaafada Taleex. Dhakhaatiirtan, ayaa xiliga uu qaraxa qabsnayay oo eheyd 21-kii bishan, waxa ay ka yimaadeen garoon lagu ciyaaro kubbada cagta oo lagu magacaabo JOBKEY, kaasoo ku yaala meel aan ka fogeyn Isbitaalka Muqdisho City. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-24012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Bari ayaa maanta waxa ay riday xukuno isugu jira xari iyo ganaax lacageed , kuwaas oo lagu soo oogay dhalinyaro [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyniii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay hay’ad caalami ah oo gacan siin donta xisbigan. Qoraal kasoo baxay xisbiga oo kulankan lagu faah-faahiyey, hoos ka aqriso. Waxaa Maanta xarunta dhexe ee xisbiga UPD ka dhacay kulan ay wada yeesheen hogaanka xisbiga iyo madaxa Barnaamijka ee hey’ad la yiraahdo International Republican Institute (IRI) ee u qaabilsan Soomaaliya Mr. Bojan Ristic. Hey’adda IRI oo ka shaqaysa arimaha tababaridda asxsaabta siyaasadda iyo Dimuqraadiyaynta iyo xisbiga UPD oo ka mid ah xisbiyada qaran ee waaweyn ayaa kulankooda diiradda ku saaray “qaabka loo tayayn xisbiyada siyaasadda Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo tababaridda iyo hawlaha dimuqraadiyaynta ay waddo hey’adda IRI” Guddoomiyaha xisbga UPD ayaa xafiiskiisa ku Soo dhoweeyey madaxda IRI, ugana mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta dhexe ee Xisbiga UPD, kana warbixiyey aragtida ee ku aadan dalka iyo Hawlaha socda, sidoo kale madaxa hey’adda IRI ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixiyey hawlaha ay qabtaan iyo sida looga faa’ideysan karo. Madaxda xisbiga UPD iyo hey’adda IRI ayaa isla tilmamay baahida loo qabo waqtiga hadda la joogo tayaynta iyo kobcinta aqoonta xisbinnimo ee xubanaha xisbiyadda iyo dimuqraadiyeynta dalka. Ugu danbaynna waxaa labada dhinac ay ku ballameen wada shaqeyn la xiriirta Hawlaha sare ku xusan. Aan mar kale mudnaanta siinno MAANDEEQ NABAD & HORUMAR
  19. Wufuudda ka qeyb gelaysay caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku bilowday is-dhinac-yaac iyo fowdo , kadib markii maanta Garoowe lagu soo wada-dhoweeyay laba haween ah oo labaduba sheeganaya guddoomiyaha ururka Haweenka Soomaaliyeed. Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland ayaa garoonka diyaaraha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan ku soo wada-dhoweeyay, Ayaan Cabdullaahi Axmed iyo Batuulo Sheikh Axmed (Gabballe), waxaana labadaba lagu soo dhoweeyay magaca, guddoomiyaha Haweenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Is-dhinac-yaaca maamul ee qaabka fowdada ah ku socda ayaa imaanaya, xilli maalmaha soo aaddan ay Garoowe ku soo wajahan yihiin, wufuud badan oo ka imaanaya meelo kala duwan, balse lama garanayo sida loo kala nidaamin doono, maadaama la kala nidaamin waayey laba haween oo keligood ah. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wufuudda Garoowe imaanaya oo ku bilowday is dhinac-yaac iyo fowdo appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigi doono jeedinta khudbadda Xaaladda Qaranka, ilaa aqalka Congress-ka uu ka xalinayo xidhnaanshaha qeyb ka mid ah howlaha dowladda. “Ma raadinayo meel kale oo aan khudbadda ka jeediyo, sababta oo ah ma jiro masrax u dhigma taariikhda, dhaqanka iyo muhiimadda Aqalka Wakiilada” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay twitter-ka arbacadii. Goor sii horeysay, saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay inuu socday qorshe uu madaxweynaha doonayey inuu khudbadda ka jeediyo goob kale, oo aan ahayn Aqalka Wakiilada. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sanad kasta waxaa laga doonayaa inuu congress-ka u gudbiyo warbixinta xaaladda waddanka, hase yeeshee ma jiro wax qasbaya inuu ka hor jeediyo labada Aqal ee sharci-dejinta. Afhayeenka Congress-ka, Nancy Pelosi ayaa ku boorisay Trump inuu dib u dhigo khudbaddiisa inta laga xalinayo muranka ka taagan xirnaanshaha dowladda, ama uu qoraal ahaan ugu soo gudbiyo sharci-dejiyayaasha. Source
  21. An Ethiopian ex-minister was arrested on Wednesday on suspicion of “mismanagement of public funds” while he was head of a regional public investment fund, the state-affiliated Fana Broadcasting said. Prime Minister Abiy Ahmed has been pursuing a nationwide crackdown on graft in the public sector since taking office last year. Bereket Simon, who served as minister of communication in the 1995-2012 government of Meles Zenawi and was widely considered his right-hand man, co-founded the fund, TIRET Corporation, in 1995 and led it until 2017. TIRET belongs to the Amhara regional administration and owns firms in the brewery, construction, transport and logistics sectors. Also arrested on the same allegations on Wednesday was Tadesse Kassa, a former board member of TIRET. Neither Bereket nor Tadesse were immediately reachable for comment. The two suspects were taken to Bahir Dar, capital of Amhara region, from their residences in Addis Ababa, and were due to be charged, Fana quoted the head of Amhara’s anti-corruption commission as saying. Earlier this month, Ethiopia charged the former head of the military-run industrial conglomerate METEC and other officials with corruption. Source: Reuters The post ETHIOPIA ARRESTS EX-MINISTER FOR MISMANAGEMENT OF FUNDS: FANA appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada xukuumadda Somaliland ugu baaqey in la xidho qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Ansalooti waxa ay barkhanimadii maanta ku dileen laba dhalinyaro ahaa, sida ay inoo sheegeen laamaha ammaanka. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen Dableyda dilka geysatay inay horey u sii qaateen Bastoolad ay wateen ragga la toogtay. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay sheegeen Dhalinyarada la toogtay inay ka tirsanaayeen ciidanka Nabad Sugidda ee dharka cadka. Ciidanka ammaanka ayaa ku daba jira ragga dilka geystay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Mintidiinta Al Shabaab. Masuuliyiinta Degmada Waaberi oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa shacabka ka dalbaday inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka. Shalay oo ugu dambeysay kooxda Al shabaab ayaa sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo nin Ganacsade ahaa waxa ay ku dileen magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay labadan dhallinyaarada, waxayna sheegtay inay ahaayeen saraakiil ka tirsan NISA. Shabaab waxa ay sheegeen in labada nin ay ahaayeen kuwa ka tirsan dharcadka sirdoonka Soomaaliya, islamarkaana hubkii ay wateen ay ka qaateen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com