-
Content Count
207,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hiran)Inta la ogyahay 5 qof ayaa lagu dilay laba weerar oo aano qabiil ah, kaasi oo ka dhacay meel 25 KM duleedka koonfur bari ka beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Mid ka mid ah labada weerar ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceel Xeero, halkaas oo lagu dilay laba qof oo reer miyi xoolo dhaqata ah. Odayaal degaanka ayaa ku baxay in ay ka hortagaan iska hor imaadyo kale oo degaanka ka dhaca. Waxaa deggan xaalada degaano ku yaala xuduuda Goblada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo horaantii todobaadkan ay ka dhaceen dilal ku saleysan aanooyin qabiil. Source
-
(SLT-Washington)Waxaa soo baxaya ifafaalo ah in horumar laga sameeyey wadaahadalladii Maraykanka iyo Taalibana ku dhexmarayey waddanka Qadar, taasoo keentay in dadka qaar ay u arkaan in degaanansho siyaasadeed laga gaadhi karo colaadda 17-ka sano socota ee Afghanistan. Wadahadallada ayaa furmay Isniintii, waxayna dhexmarayeen koox uu hoggaamiyo ergayga Maraykanka Zalmay Khalilzad iyop Taalibaanka, waxaa kaloo joogay wakiillada Qadar iyo Pakistaan. Warar lagu kalsoon yahay ayaa warfidiyeenada u sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo kala duwna oo ku saabsan xasilinta waddankaasi. Taalibaan ayaa ku dhowaaqay inay doonayaan in waqti loo qabto xilliga ay Maraykanku ka baxayaan dalkaasi, taasi beddelkeedana waxay bixinayaan dammaanqad inaan waddankaasi loo adeegsan meel laga weeraro Marayanka. Wararka ayaa sheegaya in Taalibaanku ay ku dhowaaqi karaan xabad-joojin haddii horumar laga sameeyo qodobka u weyn ee dalabkooda oo ah inay Maraykanku ka baxaan Afghanistan. Dhinaca kalena Taalibaanka ayaa magacaabay wakiil u joogi doona xafiiskooda Qadar oo lagu magacaabo Mullah Cabdul Ghani Baradar, ninkaasi oo ka mid ah taliyayaasha milatariga Taalibaan isla markaana hoggaaminaya wadahadallada ka socda Qadar. Source
-
(SLT-Riyaad) Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaaca ka qaaday qorshe in badan ay ku howlaneyd oo ahaa in la sameeyo goobo dadka lagu maaweeliyo sida tartamada weyrixinta Dibida ee ka jira dalka Spain, in sare loo qaado sameynta goobaha madadaalada waa tallaabo uu gadhwadeen ka yahay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan. Sacuudiga wuxuu ku rajo weyn yahay inuu bilaabo goobo lagu soo bandhigo tartanka quruxda haweenka iyo tartamada heesaha qoob ka ciyaarka. Madaxa madadaalada Sucuudiga Turki Al Sheekh ayaa sheegay inuu doonayo in tallaabadan uu ku soo xareeyo balaayin doolar oo dhakhli ah. Isku dayga ah in Sucuudiga uu noqdo xarunta madadaallada ee gobolka waxaa majaraha u haya dhaxal sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan. Maxamed Bin Salmaan iyo dalkiisaba waxaa soo foodsaartay dhibaato dhanka sumcadda kaddib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, in kasta oo ay beeniyeen arrintaas. Xilli Talaadadii uu daahfurayay straatiijiyadda madaalada ee xukuumadda Riyaadh, Al Sheekh wuxuu soo hadal qaaday tiro kamid ah waxyaabaha ay doonayaan inay kusoo bandhigaan tartamadaasi. Waxaana kamid ah tartanka dagaalka Dibida, ciyaaraha internet-ka, heesaha qoob ka ciyaarka iyo kubadda koleyga. Tartanka Quraanka Kariimka ayaa kamid ah waxyaabaha lasoo bandhigi doono, qofkii ku guuleystay Quraanka wuxuu heli doonaa abaal marin gaareysa 1.3 milyan oo doolar halka la qaban doono bandhigyo ah sida loo tukado salaadda iyo Aadaanka. Tartanka waxaa sidoo kale kamid ah mid lagu tartamayo sixirka iyo faalka inkasta oo ay dambi yihiin. “Waxaan rajeynayaa in dhammaan shirkadaha, bangiyada iyo ganacsatada inay garab na siiyaan, waa fursado dahabi ah” ayuu yiri madaxa barnaamijkan. Source
-
Ha’yadda caalamiga ah ee Amnesty International waxay sheegtay in Iiraan ay xabsiga dhigtay 7,000 qof sanadkii lasoo dhaafay. Dadka la xiray waxaa kamid ah dad dibadbaxyo dhigayay, ardey, qareeno, wariyeyaal, ururada shaqaalaha iyo dad u doodo xuquuqul insaanka. Dadkan ayaa ka careysnaa macluusha, musuq maasuqa iyo isbaddallo la’aanta siyaasadeed ee dalkaasi ka jira. Boqolaal kamid ah shacabka ayaa la xiray halka ugu yaraan 26 qof la dilay. Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in 9 qof ay ku dhinteen xabsiyada. Philip Luther oo ah agaasimaha ha’yadda Amnesty ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa sheegay in dadka reer Iiraan ee raadinayo xuquuqdooda ay dhibaato la kulmeen. Source
-
Dowladda Itoobiya ayaa la sheegayaa inay heshiis nabadeed la gaartay Laba garab oo ka mid ah Jabhadaha Oromada, si loo soo afjaro dhibaatada kooxaha hubeysan. Heshiiska waxaa lala galay: Oromo Democratic Party (ODP) iyo Liberation Front (OLF) oo dhanka jabhada ah iyo Is-bahaysiga haya talada Dalka Itoobiya. Milkesa Mideksa, oo ahaa wakiilka ODP iyo Dawud Ibsa, oo ah Guddoomiyaha OLF, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday in ay iska ilaalinayaan Dhiig dambe oo daata , horayna ay uga soconayaan wixii dhacay, dibna aan loo noqon doonin, iyagoo isku Af-gartay in la joojiyo falalka Gacan ka hadalka ah iyo rabshadaha Hubeysay ee dhowaanahan ka taagnaa qeybo ka mid ah Dalka Itoobiya. Kulanka ayaa waxaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 71 xubnood oo loogu talagalay inay ka shaqeeyaan daba galka howlaha Hub ka dhigista, Qaramaynta Malleeshiyada Jabhadda OLF iyo dhammaystirka dhammaan qodobadii lagu heshiiyay. Heshiiskan, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Oromiya, Oday dhaqameedyo, Culimaa’udiin kala duwan, aqoon yahanno, Dhalinyaro iyo wakiillo siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
GUUSHA SOMALILAND VS SAAMIGA BEELAHA IYO KHILAAFKA GARSOORAHA CODAYENTA (VOTING COMMISSION). Marxalada Somaliland waxay maraysaa jaho wareer iyo walaac la is waydiin karo xagee loo socdaa. axsaabtii oo qir ah , beelihii oo kala baqoolaya, gurxan iyo gabayo goohoogu gilgil badan dhaliyey xadhig abwaano .culimo iyo shacaba leh oon loo meeldayin, xanibaado muwaadiniintii dalkoodii loo diiday, saxaafadii oo afka la qabtay, doorashooyinkii golaha baarlamnka iyo degaanka oo qabsoomidooda laga dayrinayo, maceeshadii oo marba marka ka dambaysa cirka isku sii shareraysa, musuqii oo xakamaha goostay qabyaaladii oo dhibi shaxanaysa, shir beeleeyada oo shakaalka goostay,maarayentii siyaasadii SOMLILAND oo ku sii sinqaysa godkii aan shalay ka soo baxnay, WAXAAS OO BAALAHA LA BAXAY MAXAA BURIN KARA? waa in marka hore Komishanka si degdeg ah loo bedelo asxaabta qarankuna islaabxaadhaan. beelaha tabashadooda la saxo wixii inaga qaldamay la saxo ,laga fogaado SIYAASADAYEN IYO GUDI FARSAMO KU MAANWEELI. doorashada golaha barlamaanka iyo degaanaada loo diyaar garoobo qabashadooda. golaha wasiirada ah ee fadhiidka noqday lagu sameeyo kaabis iyo wax ka bedel la magacaabo dad waayo arag u ah siyaasada maandiqada iyo aduunka dhiig cusub lagu shubo. MDAXWEYNE WAA SHIRGUDOON OO WAXA SHIRKU GAADHUU GUDOOMAIYAA SHAQADA WAXA WADA OO AMA LA MAAHADIYAA AMA LAGU JABAA WAA TEAMKA WASAARADAHA LOO DOORTO EE XILKA LA SAARO. Sidaa lagu hawlgalaa Somaliland shacab iyo xukuumadba taasay ku midho dhalaysaa himiladeena iyo guusha aynu hiigsanaynaa mase keenayso QIR IYO QIR SUTI GAASHAAN. DAWLADAA LAGA RABAA IN AY U DHEGA NUGLAATO ASXAABTEEDA IYO SHACABKEEDA WAXAY KAA CABANAYAAN EE MA AHA IN AY LA QORI TUURATO SHACABKEEDA IYO ASXAABTEEDA BALS WAXAY KA CABANAYAAN WAX KALA QABTO WAAYO DAWLADI WAA U ADEEGAHA DADKEEDA IYO DALKEEDA EE MA AHA TII KA FICISHATA ASXAABTEEDA MUCAARIDKA IYO SHACABKEDA EE MEDIA UGU JAWAABTA CEEB CEEB CEEB WAA MASUULKII DALKA IYO DADKA. WADA SHAQAYEN SHACAB IYO DAWLAD WAA GUUSHA SOMALILAND. LABA TALABA TII ROON RABOW ADAY TADA NOQOTAA. XAQ U DIRIR MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Maxaa-Ka-Run-Ah-25012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimadda Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa noqday masuulkii ugu horeeyay ee taga magaalada Garowe isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Axmed Madoobe oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa mahad celin u jeediyay madaxda maamulka Puntland, isaga oo sheegay in Puntland ay mudan tahay in meelo badan looga daydo. Wuxuu sheegay in Puntland ay wanaagsan tahay in looga daydo hanaankii wanaagsanaa ee ay u dhacday doorashadii 8 Janaayo iyo sidii wanaagsaneyd ee ay madaxda xilalka u kala wareegeen. “Madaxweyne waan kaaga mahadcelinayaa sidaad iisoo dhaweysay, Puntland waa meel mudan in wax badan looga daydo, waxaa mudan in looga daydo sidii ay halkaan wax uga dhaceen iyo sidii xilalka loo kala wareegay, waa inaan wax badan kaga dayanaa Puntland”ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kusoo dhaweeyay magaalada Garowe ayaa Axmed Madoobe kaga mahadceliyay sida uu u aqbalay casuumaadii uu u fidiyay, isaga oo noqday masuulkii ugu horeeyay ee tagay Garowe. Saciid Deni, ayaa sheegay in labada maamul ay wax badan ka wada shaqeyn doonaan, isaga oo cadeeyay in Jubbaland ay tahay maamul muddo dhisan, islamarkaana wax badan ay ka wada shaqeyn doonaan. Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sidoo kale maanta tagay magaalada Garowe, isaga oo ka qeyb galaya xafladda caleemo saarka madaxweyne Deni. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Garowe u yimid ka qayb galka [...] Source
-
Garowe (Caasimada Online)-Labadii todobaad ee lasoo dhaafay hadal heynta baraha Bulshada ayaa noqotay casuumaada xafladda caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka dhacaysa magaalada Garowe. Xafladaasi waxaa keenay in la hadal hayo marti sharafta loo qorsheeyay inay ka qeyb galaan oo ka duwan kuwii ka qeyb gali jiray xafladii ugu dambeeyay ee madaxweynayaasha maamulada lagu caleemo saari jiray. Masuuliyiinta ka qeyb galaya munaasabadda ayaa siyaabooyin kala duwan uga qeyb galaya, balse Soomaalida ayaanan faham saneyn ujeedada hoose ee ka dambeysa in dad kala aragti duwanaa ay ka qeyb galaan munaasabaddaasi. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa, waxaana taasi ay qasabtay in xaflad lagu caleemo saarayo aysan wanaagsaneyn inay ka maqnaadaan dadkii uu koox ahaan kamid ahaa. Sidoo kale Waxay taasi sababtay inay ka qeyb galaan caleemo saarkiisa dhamaan xubnaha mucaaradka oo markii hore uu saaxiib dhow lahaa, maadaama ay arin aan wanaagsaneyn ku noqon laheyd haddii uusan casuumin. Dhanka dowladda Soomaaliya ayuu ku qasbanaa inuu casuumaad usoo diro, balse wuxuu sameyn karay inuu albaabada ka xirto madaxda dowladda Sidii C/Welli Gaas, laakiin isaga oo ka cararaya in culees kale uu wajaho isaga oo xilka ku cusub ayuu casuumay madaxda dowladda. Bilowgii dadka la doonayay in musaanadda lagu casuumo ayaa aheyd madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana markaasi soo baxay inuu wadahadal siin rabay Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo, balse caqabado ayaa halkaasi ka yimid oo dhanka dowladda ahaa, sida xogaha aan ku heleyno. Waxaa dadka falanqeeya siyaasadda ay sheegayaan in marka la eego dhamaan culeesaadyadaasi in madaxweyne Deni uu ku qasbanaa inuu dadkaasi uu ka qeyb galiyo xafladiisa caleemo saarka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay waxyaabaha u diidan deegaanada Hirshabeelle inay ka sameeyaan mashaariic kala duwan oo horumarineed. Isaga oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in maamulkiisa uu doonayo in mashaariic badan ay ka hergeliyaan deegaanadaasi, laakiin ay jiraan caqabado dhanka amaanka ah. Wuxuu sheegay in 16 Mashruuc ay diyaar yihiin kuwaasi oo la doonayo in laga hergeliyo deegaanada Hirshabeelle, balse ay jiraan caqabado dhanka amaanka ah oo aysan ka socon karin qaar kamid ah mashaariicdaasi. Dhismaha garoon diyaaradeed oo Beledweyne ay yeelato iyo mashaariic kale ayuu sheegay in sanadkaan laga hergelin doono deegaanada Hirshabeelle, balse wuxuu ka walaacsan yahay amaanka. “Waxaa jira mashaariic badan oo la doonayo in laga hergeliyo Hirshabeelle, balse qaarkood caqabado amaan ayay u socon la’ yihiin, Beledweyne Garoon diyaaradeed oo ay yeelato, waxbarasho wanaagsan iyo mashaariic kale ayaan sameyn doonaa sanadkaan”ayuu yiri Waare. Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay joogsadeen mashaariicda dhismaha xarumo laga hergelinayay magaalada Jowhar, kadib markii Al shabaab ay u hanjabeen qaar kamid ah dadka shaqada waday. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Garowe (Sh.M.Network) – Maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe ayaa lagu wadaa in la caleema saaro Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Munaasabada caleema saarka oo qaban-qaabadeeda ay socoto ayaa lagu casuumay marti sharaf kala duwan. Madaxda lagu martiqaaday oo kusii qul-quleysa Garowe oo ay ka dhaceyso xaflada ayaa ka kala socda dowlada dhexe, maamulada iyo beesha caalamka. Amaanka caasimad gobolka Nugaal ayaa la adkeeyay iyada oo ciidamada ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga. Taliyaha Booliska gobolka Nugaal, Gaashaanle Sare Xasan Cabdullaahi ayaa shaaciyay in gaadiidka Bajaajta mudo labo maalin ah laga mamnuucay magaalada. The post Marti Sharaf ku qul-quleysa Garowe kahor caleema saarka Deni appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar (Sh.M.Network) – Cali Cabdullaahi Guud-laawe, madaxwayne ku xigeenka HirShabelle, ayaa baaq nabadeed udiray beelo walaalo ah oo ku diriya xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxwayne ku xigeenka oo la hadlayay munaasabada furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Baarlamaanka maamulkaan ayaa ku tartarsiiyay Beelaha in colaada ay ku belaan nabad iyo wax wada qabsi. Dib-u-heshiisiin dhab ah ayuu cod dheer ku qeexay in loo baahan yahay in loo sameeyo Beelahaasi, si aysan dib udambe usoo laaban isku dhacyada, kuwaasi oo galaaftay nolasha Tobaneeyo ruux. Dhowaan ayay ahayd markii colaad beeleedyo ay dib uga soo cusboonaatay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyada oo tan iyo xilligaasi ay isasoo tarayeen baaqyada nabadeed ee loo dirayo. The post Cali Guudlaawe oo ku baaqay dib-u-heshiisiin dhab ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay joojin doonaan arin la xiriirta duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, kadib markii ay bateen wararka is khilaafsan eee laga baahin jiray duqeymaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen inay warbixino ay warbaahinta la wadaagayaan kasoo saaraan duqeymaha ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay la beegsan jireen Al shabaab. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyay in go’aankaasi la qaatay kadib kulan dhex maray saraakiisha ciidamada Mareykanka ee Africa iyo kuwa Mareykanka, kadibna la go’aamiyay inaan laga hadal weerarada ay ka geystaan Soomaaliya. Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in arintaasi ay ka dambeysay kadib markii go’aan lagu gaaray in shaacinta khasaaraha weerarada ka dhasha loo daayo inay ka hadasho dowladda Soomaaliya. Taasi ayaa ka dhigan in waxii hadda ka dambeeya khasaaraha ka dhasha weerarada Mareykanka ay ka hadli doonto dowladda Soomaaliya oo kaliya, waxaana arinta ay ka dambeysay kadib markii marar badan dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ay warar is qilaafsan ay kasoo saareen khasaaraha duqeymaha ka dhashay. In dowladda Soomaaliya ay shaaciso Khasaaraha weeraradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhalankarta in ay xoogeysato Wada shaqeynta taliska iyo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay qabsaday Suuqa Wayn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dabka oo bilowday abaare 2-dii habeenimo oo ay qadar harsan tahay ayaa saameeyay xarumaha ganacsi oo halkaasi ku yaala. Qof kamid ah ganacsatada oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu yahay mid hantiyadeed. Waxa uu shaaciyay inuu cagta mariyay goobo ganacsi oo isugu jira qaybaha kala duwan ee ganacsiga. Gaadiidka dambiska ee gobolka Banaadir iyo kuwa shirkada isgaarsiinta Hormuud oo meesha durba yimid ayaa ku guuleystay inay damiyaan. Lama ogga waxa dabkaan sababay, balse, inta badan dabka ka kacay suuqyada caasimada waxaa sababay Koronto. The post Dab xalay qabsaday suuq ku yaala Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, kaasi oo loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa fahfaahin ka bixiyay duqaymo uu 23-kii bishaan Janaayo ka geystay gobolka Jubada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaacisay in weerarka cirka ah ay ku beegsatay kolanyo ay la socdeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo marayey meel ku dhow degmada Jilib ee gobolkaasi. War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM ayaa nan lagu xusin khasaaraha Al-Shabaab ay ugu geysteen duqaymahaasi. Mareykanka ayaa tibaaxay in weeraradda dhanka cirka ah ay ku taageerayaan dadaalada dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Illaa iyo haatan, ma jiro wax war ah oo ku aadan duqaymahaan oo kasoo baxay dhanka xoogaga Shabaab. Duqaymaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo maamulka Jubbaland uu gobolka ka wado guluf uu doonayo inuu dib ula wareego gacan ku haynta gobolka Jubada Dhexe iyo degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedkaan. The post Mareykanka oo ka hadlay duqaymo uu ka fuliyay J/Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo. Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya. Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya. Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda. The post DF oo kala hadlaysa Kenya burburinta xarumaha Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ayaa loogu jiraa soo dhaweynta madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ee maanta la filayo inay tagaan magaalada Garowe. Waxaa maanta la filayaa in magaalada Garowe ay gaaraan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno kale oo mucaarad ah. Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamadii ugu badnaa la dhigay hareeraha magaalada Garowe, maadaama beri ay ka dhaceyso Garowe xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Xubnaha Mucaaradka, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo xubnaha talada iminka haya ayaa tagaya magaalada Garowe, waxaana aad loo hadal hayaa waxyaabaha ka dhici kara magaalada Garowe, maadaama ay isku arkayaan xubno warbaahinta kaliya iska weerari jiray. Waa xafladii ugu horeysay oo ay isku arkaan xubnaha mucaaradka iyo muxaafadka dalka, waxaana madaxweyne Deni uu wadaa dadaalo ay ku wada hadli karaan xubnaha mucaaradka iyo dowladda. Qaar kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa maanta sidoo kale la filayaa inay tagaan magaalada Garowe oo ay ka dhaceyso xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-25012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
UFFO MAXAA LAGU XIDHAY? Sida aan ka qoray AHN Faysal Xaaji Jaamac oo muddo ka tirsanaan jiray aqalka wakiilada Somaliland markii dambena noqday Gudoomiyaha Maxkamada Sare kana mid ahaa qareenadii kooxda UFFO u doodayay, go’aanka maxkamaddu marka uu yahay go’aan sharci qof aan wax dembi ahi kaga cadaanin maxkamadda horteeda wax ciqaab ah laguma xukumo ee xoriyadiisa ayuu helaa. Balse marka go’aanka maxkamaddu siyaasi yahay wax kastaa way dhici karaan. Kiiskii UFFO maalintii dhegaysigu dhamaaday wuxu noo sii sheegay Garyaqaan Faysal “ ma jiro wax dembi ah oo kaga cadaaday dhalinyarada maxkamadda horteeda laakiin waxa suurtogal ah in go’aanka maxkamaddu uu noqdo siyaasi. Sidaa daraadeed wixii la doono ayaa lagu xukumi kartaa. Waa tii la ogaa xabsi daayin ilaa 20 sanadood ayaa lagu xukumay 14 ka mid ahaa lixna 8 sanadood. Hadaba muxuu ahaa dembiga ay galeen UFFO? dad baa yidhaa warqadii istansalka lagu soo rogay ee UFFO ayaa lagu xidhay. Dad kalena waxay sheegaan samofal baa lagu xidhay oo Cisbatalka Hargaysa ay nadiifiyeen. Aniguna si kale ayaan u arkayay oo hadal in lagu xidhay ayaaban qabay. Habeen waxa jirtay in laba wasiir oo xukuumaddii Siyaad Barre ku jiray oo labaduba ay Isaaq ahaayeen weliba midi ahaa Axmwd Silanyo oo nool ayaa guriga shaqaalaha kula kulmay dadka degaanka. Rag ka mid ahaa kooxda UFFO ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankii habeenkaasi oo si cad oo badheedha tabashooyinkii jiray uga hadlay. Maalin kale Taliyihii Qaybta 26aad Janaral Gaani ayaa gurigii uu deganaa ku casumay dhalinyaro kooxda UFFO ah si ay u wada hadlaan. Maalintaasina si cad oo badheedh ahayd ayay ula hadleen. Xiliguna xiligii ahaa waa la garanayaa oo sharci keliya baa jiray oo ahaa AFWAYNE RAAC, AMA AFKAAGA HAYSO, AMA AFGOOYE AAD (Xabsiga) markaa dhalinyaradu sharciga horta ay jebiyeen ee lagu xukumay wuxu ahaa qodobkaa. Hadaba anigu waxan qabaa hadii cashar keliya aynu ka baranay xiligii Siyaad Barre wuxu noqonayaa in aan xadhig iyo xabad midna xal u noqon karin dhibaato gudaheena ah. Casharkaa qofkii aan ka baranin aniga xagayga waa arday saaqiday oo aan waxba ka baranin wixii soo maray Qoraalkani waxa barta Facebook- uu ku leeyahay soo dhigay Cali Guray xuquuqda qoraalkani isagaa iska leh Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa dooneysa in hadda kadib laga fiirsado, aadna looga feejignaado in qalab milatari loogu deeqo ama laga iibiyo dowladda Soomaaliya. Warqad uu u qoray madaxweynaha golaha ammaanka ee QM Francisco Antonio Cortorreal, ayuu wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon uga dacwooday baabuurtii gaashaamnaa ee dhowaan Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka. Faratoon ayaa sheegay in weecinta hubka dowladda Soomaaliya ee kooxaha argagixisada iyo dambiilayashaa, “ha noqoto ku talo-gal ama dayac” ay xadgudub ku tahay xayiraadda hubka ee QM ay saartay Soomaaliya, islamarkaana halis amni ku tahay Somaliland iyo dalalka deriska ah ee gobolka. Faratoon ayaa yiri “Xadgudubyo lagu sameeyo qaraarka golaha ammaanka waxay dhalin doontaa dagaal daba dheeraada oo cawaaqib ku leh Soomaaliya, waxayna hurin doontaa xasilooni darro ka dhacda gobolka, oo Somaliland ay ku jirto.” Faratoon waxa u sheegay in qaraarka QM ee 2444 uu diidayo in la weeciyo qalabka milatari. Waxa uu sheegay in hubka Soomaaliya uu inta badan ku dhammaado gacmaha kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee Soomaaliya. Qoraalka Yaasin Faratoon ayaa imanaya ayada oo dhowaan ay soo baxday in qaar ka mid ah hubkii loo adeegsaday weerarkii hotel DusitD2 ee Nairobi ay lahayd dowladda Somalia, inkasta oo dowladda ay beenisay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah Soomaaliya waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, dalka Ingiriiska ku qaban-doontaa tartan iib oo lagu bixin-doono bolock-yo dhan ilaa 50 xabo, oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya. Halkii Block waxaa uu ku fadhiyaa 5,000km2 oo shidaalka ku jira ay kala badan yihiin, qaar ayaa waxaa ku jira 2 bilyan oo birmiil, qaar kale 3, 4 ama 5, waxaa jira jira Block-yo ay ku jiraa ilaa 7 Bilyan oo Barmiil oo shidaal ah! Tartanka iibka ee dowladda federaalka ah ku qaban-doonto London 7-bada bisha soo socota, waxaa bannaanka ka ah oo aan tartankaas ku jirin Block-yo horay loo siiyey Shell.Exxon iyo Soma Oil & Gas, shirkadda hore waxaa ay dowladdii Jaalle Siyaad ka heshay 60,000km2 oo dhaca bariga Soomaaliya halka Soma Oil & Gas ay horay u xulatay 12 block oo koonfurta Soomaaliya ah gaar ahaan agagaarka Baraawe iyo Marka, oo ay ku jiraan labo Block ka mid ah sida 7 & 8 ilaa 13 Bilyan oo Barrels am Birmiil. Haddaba, waxaa muuqata dowladda Soomaaliya aaney xilligan diyaar u aheyn tartan iib oo noocaas ah marka la fiiriyo shaqo la rabay in la qabto tartanka ka hor oo aan la dhameystirin, taasi oo keeni karta in natiijo fiican aaney ka soo bixin ama in la khiyaameeyo Soomaaliya, kheyraadkeedana si fudud loo qaato. Arrimaha muhiimka ah ee dowladda ilaa hadda qabatay waxaa ka mid ah: Heshiiska maamulka iyo wadaagga kheyraadka oo ay wada saxiixdeen dawladaha xubin federaalka ah iyo dawladda federaalka, waxaana la sheegayaa in la diyaariyey Modeelka Soomaaliyeed ee Soo-saar Wadaagga Shidaalka (Model Production Sharing Agreement) iyo xogahii saysmikada ee badda (2-D seismic data), oo tilmaamaya meelaha laga yaabo inuu shidaal ku jiro oo biyaha badda ka hooseeya. Marka 3-daas arrin laga soo tago, waxaa dhimman ama qabyo ah arrimo aan la’aantood wax tartan ah la qaban Karin: Akhriso, 7 Qodob Oo Ku Tusinaya In Soomaaliya Aaney Diyaar Aheyn Tartan iib Block: 1. Ma lihin dad nagu filan oo aqoon iyo khibrad u leh hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Marka hore sow ma aheyn in la diyaariyo khayraad aadami ah oo hanan karo hawlaha ilaalinta iyo horumarinta khayraadka. 2. Sharciga Batroolka oo Baarlamaanka Federaalka la yaalla, la’aantiisa ayeyna rabtaa dowladda federaalka ah inay gasho tartan iib, oo lagu bixinayo 50 Block oo midka ugu yar ay ku jirto 5 Bilyan oo Barmiil. 3. Ma jiro Xeerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 4. Ma dhisna Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement” 5. Ma jirto wax caddeynaya in lahayo xog sax ah ee 2-D saysmikada taasi oo lagu qiimeyn karo Blockyada iyo kala duwanaanayaan mugga shidaalka. 6. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 7. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law). Sidaan og nahay Wasaaradda Maaliyadda ayaa faraha ku hayso hawshaas. Sidaas awgeed, waxaa muuqata in wasaaradda Batroolka uu degdeg ku jiro, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta qaranka Soomaaliyeed.
-
Popular Contributors