-
Content Count
207,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Macluumaad dadkii ka danbeeyay Dhibaatadii Jigjiga oo la shaaciyey+ Mustafe Cagjar oo mar kale loo yeedhay Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in lagu raad joogo 40 qof oo mas’uul ka ahayd dhibaatada Xafiiska xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Mas’uuliyiinta xeer ilaalinta guud ee dalka auaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin. Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya. Waxay sheegeen in 6-da ruux ee xiran uu ku jiro madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaalinta ayaa shirkooda jaraa’id ku qeexay in eedeysaneyaasha lagu raad joogo ay ku kala sugan yihiin dadlka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waxay sidoo kale intaas ku dareen in ay la xiriireen dowladaha ay dadka baxsaday ku sugan yihiin ayna ka codsadeen in meelaha ay joogaan laga soo xiro, loona soo gacan galiyo dowladda Itoobiya. Qaar ka mid ah dadka lagu raad joogo ayey sheegeen iney ku sugan yihiin dalal ku yaalla qaaradda Afrika, inkastoo aysan carrabaabin. Waxaan sidoo kale ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin magacyada dadka la doon doonayo. 4-tii Bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay ayaa mudaharaadyo ka dhacay magaalada Jigjiga lagu geystay tacaddi iyo boob hanti oo waxyeello badan geystay. 4-tii bishii Agoosto, 2018 ayey mudaharaadyo rabshado wata ka dhaceen Jigjiga Dhanka kale Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar ayaa maanta mar kale looga yeeray xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Mustafe ayaa isla maanta u baxay halkaas, ilaa iyo haddana lama oga waxyaabaha lagala hadlayo. Dhowr jeer ayaa madaxweynaha looga gacan haatiyay Addis Ababa, waxaana ay arrimahan daba socdaan xasarado siyaasadeed oo maalmahan ka aloosan deegaanka ismaamulka Soomaalida. Maxaa la isku hayaa? Dad badan waxay aaminsan yihiin in madaxweynaha deegaanka uu caqabada ugu badan kala kulmayo siyaasiyiin horay uga tirsanaa xukuumaddii hore oo aan la dhacsaneyn qaabka uu wax u wado, ayna doonayaan in markale qeyb ka noqdaan golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka, mowqifkaasi oo uu taageersan yahay Axmed Shide, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee deegaanka. “Dad badan oo indha indheeya siyaasadda deegaanka waxay aaminsan yihiin in uu hogaamiyay isbadel shacab oo lagaga gudbay marxaladii hore, tusaale ahaan xagga hadalka iyo xoriyadda wadankani soddonkii sano kama jirin, halmar ayuu albabada u furay, waxayna keentay su’aalo badan, wuxuu furay noolashii iyo dhincii dhaqaalihii oo uu yiri shacabka way u siman yihiin ganacsiga, taasi na waxaa laga yabaa in qeyba kale oo masaalix dhaqale laheyd inay ka xanaajisay,” Sidaas waxaa yiri Ibraahim Dheere oo ah guddoomiyahii Jabhadii Xoreynta Soomaali Galbeed. Ibrahim Dheere ayaa intaa raaciyay in Mustafa uu soo kordhiyay arrimo aan horey uga jirin deegaanka. “Calaaqaad dowli ah oo aan hadda kahor gobolka laga aqoonin ayuu sameeyay, wxaaan isleeyahay amuurahaasi oo dhan marka la isku geeyo armay Mustafe ku shiday iftiinka oo la is leeyahay xowligii loogu talo galay waa uu ak dheereynayaa,” ayuu yiri Ibrahim Dheere. Inkastoo aysan si rasmi ah usoo shaac bixin waxa ay isku hayaan labada dhinac ayaa haddana dadka qaar ee fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxa ay aaminsan yihiin in la isku hayo cidda qeyb ka noqoneysa golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka oo lagu wado in uu dhawaan yeesho shirweyne. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu wax ka yar bil gudaheed ku awooday inuu isku keeno dhinacyada isku haya Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu awoodi waayey laba sano. Fiqi ayaa yiri “nin xoolo la raaciyey, lagana sugayey inuu Soo daajiyo, ayagoo bad qabana reerka dib ugu Soo celiyo balse taa bedelkeeda dayacey ammaanadii loo dhiibay, isla markaana iska Soo hoyday ama reerkii dib ugu Soo noqday asagoon wax xoolo ahi gacanta ugu jirin, ayna intaas u dheer tahay in uusan wax welwel ka qabin waxa uu sameeyey” Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi ee facebook. GAROOWE AYEY GARTU TAALLAA! Munaasabadda Caleemo-saarka ee Maanta ka dhacaysa Garoowe waxay kulminaysaa, maamuladii gobolada ee Intooda badan ay kala irdhaysnaayeen Villa Soomaaliya sanadkii u danbeeyay, iyo dhanka kale siyaasiyiin khilaaf xoogani uu kala dhexeeyay hogaanka Villa Soomaaliya….. iyo umaddo kale oo Xagga iyo Xagga u dhexeeya.. Mid ka mid ah mas’uuliyadaha madaxda Villa Soomaaliya waa isku haynta dalka iyo dadka Soomaaliya, wada-shaqayntooda, iyo is-walaalaysigooda. Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo muddo bil ka yar ay ka Soo wareegtay doorashadiisii wuxuu awood u yeeshay inuu isugu keeno hal magaalo iyo hal goob mas’uuliyiin farqi intaas le’eg uu u dhexeeyo taasoo ah mas’uuliyaddii loo igmaday madaxweyne Farmaajo ee uu dayacay!? Madaxweyne Farmaajo markaan dhaqankeena baadiyaha dib ugu laabanno wuxuu u muuqaal eg yahey “nin xoolo la raaciyey, lagana sugayey inuu Soo daajiyo, ayagoo bad qabana reerka dib ugu Soo celiyo balse taa bedelkeeda dayacey ammaanadii loo dhiibay, isla markaana iska Soo hoyday ama reerkii dib ugu Soo noqday asagoon wax xoolo ahi gacanta ugu jirin, ayna intaas u dheer tahay in uusan wax welwel ka qabin waxa uu sameeyey”, taas oo kale marka aalaaba ay dhacdo reerka lagama waayi jirin wiil kale oo fariid ah oo xoolihii Baadi-gooba oo inta raadqaada raq iyo ruuxba wixii harey Soo caymiya. Waxaan is-waydiin mudan dad muddo intaas le’eg aan salaanta iska qaadin, wax wada shaqayn ahina dhexmarin, oo hal meel ku qasbanaaday In duruuftu isugu keento nooca hadalka uu Madaxweyne Farmaajo ka horjeedin doono, kallimaadka uu isticmaali doono, dareenka wajigiisa ka muuqan doona iyo inuu ka faa’idaysan doono gogosha uu fidiyey Madaxweyne Deni iyo In kale ee laga yaabo In aysan dib u Soo noqon mudada yar ee xukunka uga harey! Waxay noqotaba waqti dheer jawaabtu qaadan maysee ee Garoowey gartu taallaa maantay!?
-
Xog: Koox Saraakiila oo ka tirsan Sirdoonka Eriteriya oo ku sugan Muqdisho Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Eritrea ayaa si qarsoodi ah ugu sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ilaa sideed sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Asmara ay ku sugnaayeen Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, inkasta oo aysan caddeyn waqtiga rasmiga ah ee ay magaalada soo galeen. Afar ka mid ah saraakiishan ayaa degan mid ka mid ah hoteellada Muqdisho [Ma shaacin karno magaca hotel-ka, sababo jiro awgood], halka afarta kale ay degan yihiin xarunta hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA. Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay Muqdisho u joogan inay caawiyaan sirdoonka Soomaaliya, ayaga oo siinaya tababaro lana wadaaga khibradahooda xagga sirdoonka. Ma cadda muddada ay Muqdisho ku sugnaan doonaan. Soomaaliya iyo Eritrea ayaa aad isugu soo dhowaanayey tan iyo markii labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Afwerki ay booqashooyin ku kala bixiyeen Asmara iyo Muqdisho. Labada dal ayaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ee Ethiopia, Eritrea, iyo Somalia. Dowladda Eritrea ayaa horey beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian Ocean Newsletter oo lagu sheegay in Eriteria ay ciidamo u dirayso Somalia, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii warbixintaas uu daabacay wargeyska Indian Ocean Newsletter. Qaran News
-
Washington DC (Caasimada Online) – Maalin kadib markii ay sheegeen in hadda kadib aysan shaacin doonin khasaraha weerarada Soomaaliya, oo ay u dayn doonaan dowladda Soomaaliya, milatariga Mareykanka ayaa go’aankaas ka noqda. Taliska milatariga Mareykanka ee Afrika, AFRICOM ayaa sheegay in sii wadi doonaanin shaacinta khaasaraha ka dhasha duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, kana noqdeen go’aankii hore. “Waxaan sii wadi doonaan inaan shaacino khasaaraha weerarka. Waxaan fariimaheena diiradda ku saari doonnaa sida weerarada u caawinayaan dowladda Somalia, inaga oo aan xooga saari doonin mintidiinta la dilay” waxaa sidaas yiri afhayeenka AFRICOM, John Manley. Milatariga Mareykanka ayaa khamiistii sheegay in laba weerar oo ka dhan ah Al-Shabaab ay Soomaaliya ka fuliyeen arbacadii, hase yeeshee ma aysan bixin xog ku saabsan khasaaraha, ayaga oo shaacinta arrintaas u daayey dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee saacado kadib ayaa sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga wuxuu sheegay in weerarkaas lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyada Shabaab, taasi oo aad uga duwan boqolaalka ay sheegatay dowladda Soomaaliya. Si kastaba, milatariga Mareykanka ayaa hadda ay muuqata inay u arkeen inay wanaagsan tahay in ayaga ay ka warramaan khasaaraha weerarooda. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
Garoowe waxaa kasocda xafaladda caleemo-saarka madaxwaynaha la doortay, Siciid Cabdilaahi Deni. waxaa ka qayb galaya dhamaan madaxda maamul goboleeyada iyo Madaxwayna JFS Maxamed Cabdulaahi Faramajo. madaxda dawlada federaalkaa iyo muumul goboleedyadu iskuma fiicanayn waayihii danbe, waxaa u dhexaysay madmadoow siyaasadeed, majirin fursado ay kuyeeshaan waddahadal ay ku xalinayaan kala aragti duwnaanshiyahooda iyo khilaafaadka u dhexeeya. Maanta waxay ku kulansanyihiin Garoowe. majirto awood federaal e qasbi karta maamul goboleedyada sidii dawlado is garabyaala ayay iskugu afceliyaan, waxayna isu diraan waxaad moodo diblomaasiyiin markay wadashaqaynayaan, calal Iyo Calanay is garabsurtaan. siday u dhaqmaan aan u eegno. Sida ay tahay caadada diblomaasiyada markii uu dhaco kalahakad diblomaaiyadeed (diplomatic deadlock) e ay is khilaafaan wadamo, ayna go’aan kanaaladda ay isku marsiin jireen casuumaadda waxay isku gaadaan shararka caalamigaa e diblomaasiyadda, sida; G8, G20, Arab league summit, AU summit, IGAD summit IWLM. wadanka markaas lugu kulmayo ayaa door ciyaara wuxuu isku heliyaa wadamada uu ogyahay in ay dano wadaagyihiin qaab sedex geesood ah, ama laba geesood. wuxuu wadankaas qalqaaliyaa kulamo laysku hor fariisinayo diblomaasiyiinta ugu sareeya wadamada is haya, sidaas wuxuu kuqaban qaabiyaa ajandayaasha laga wada hadlayo asagoo udhigaya qaab asaga faaiido kasoo kali karto. waxaa jira asaguna hab kale ee ay, wadamada is haya, wadanka faaiidadu ka maqantahay ee u arka khilaafka jira in asagu uu ku waynayo arimo amaan, dhaqaale, iyo xulufo ayaa kacodsada wadanka lugu kulmayo, UN-ka, EU-da, AU-da, Arab-league, IGAD in ay qaban qaabiyaan kulan dhexmara wadanka kale ee khilaafku ka dhexeeyo lana xaliyo khilaafkaas. yaanan ku dheeraan. sidas ayaa gorgortan lugu galaa xalna lugu gaaraa. Maanta Garoowe waxaa jooga rag is waayay, rag wax isku keenan waayay. rag markuu is qabto way camal maaba’aan mudo, madaxda Garoowe joogtaa ma camal baabe’een oo gorgortan masamayn doonaan mana ka faaiidaysan doonaan kulanka Garoowe, Denina arinta dabiib mala dhihi doonaa mise halkiiyay wali ugu guntan tahay oo way isku jixindoonaan. sida saxdaa waa in aanu khilaafkaan dhaafin Garoowe siina socon. waxa ay isku hayaan maahan dan shacab, waa dan kuraas iyo ma soo laaban doontaa. Siyaasiyiinta ilbaxa ah munaasabadoonoo kale waxay u noqotaa fursad, waxayna ku xaliyaan khilaafaadkooda, bisayl majiraa mise waa la beerdarayn doonaa Garoowe Summit? Sidii ay u tageen madaxda maamul goboleedyadu GAroowe, ma aanan maqlin isdhoodhoob siyaasadeed iyo shirar ay yeesheen, halkaas waxaan ka dheehanayaa in ay camal baabe’een diyaarna u yihiin isu soo dhawaan shiyo, sidoo kale mar horaa udanbaysay hadaladii afgoosadka ahaa e laysu marin jiray warbaahinta, iyaduna saadaal kale ayay bixinaysaa ayaduna. Hogaamiyaha Puntilaand Deni wuxuu udhaqmaa si ilbaxnimo kujirto intii aanka arkay, waxaan filayaa in uu ka odoyayndoono ragaas kala carooday, masiirka umadda Soomaaliyeedna ka badbaadin doono. geedo in lugu sii kala jiro dani kuma jirto Deniyoow. Warkayga indho uma lahan mana maqlayaan, wax xiriirana kama dhexeeyaan korjoogtada iyo kuwa ciyaaraya siyaasada Soomaaliya. waxaanku talinlahaa in lays xodxoto, maanta oodhanna xafladda ayaa socondontee caawa halaysku in laysku guureeyo ayaan lahaa, xurguftana hala xaliyo xiiso yeelan waysaye. Waxaa na sugaya in aan isku diyaarino dabaysa isbedelka geeska Afrika ka socota maahan in aan isi sii haysano. W/Q: Cabdifitaax Cali Cabdalla “Imaam” www.facebook.com/cccimaam calicabdalla.blogspot.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ku sugan masuuliyiintii ugu sareysay ee dalka iyo kuwo horay xilal kala duwan usoo qabtay, kuwaasi oo dhamaantood hal meel kuwada kulansan. Xubnaha ku sugan magaalada Garowe ayaa aad u kala fog aragti siyaasadeed ahaan, waxaana ay ka qeyb galayaan xafladda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Garowe waxaa ku sugan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo xisbiyada Mucaaradka oo isku aragti ka ah inay dhaliilsan yihiin hanaanka ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugan madaxweynaha Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo xubno xildhibaano iyo wasiiro ah oo taageersan dowladda Soomaaliya, waxaana dhamaantood kulmiyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Labo fursadood ayaa halkaasi ka muuqata haddii ay fahmayaan madaxda labada dhinac ee mucaarad iyo muxaafadba ka kooban waxaana fursadda koowaad ay tahay inay isi saamaxayaan dhamaan xubnaha waxyaabaha kala duwan kala tirsanaya. Fursadda labaad ayaa dadka falanqeeya siyaasadda waxay ku sheegayaan inay tahay inay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka Soomaaliya, maadaama hadda la taagan yahay labo waddo oo middii la qaadaba wanaag iyo xumaan lagala kulmi karo. Haddii si wadajir ah ugu yaraan isku soo dhawaansho loo dareemo waxaa dadka siyaasadda Somalia taxliiliya ay sheegayaan inay sahlanaan doonto in si wadajir ah looga wada shaqeeyo dhameystirka Dastuurka dalka iyo doorasho ka dhacdo dalka 2021. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland C/Xakiin Cameey ayaa sheegay in Saciid Cabdullaahi Deni uu ka shaqeeyay arin wanaagsan oo u baahan in si dhab ah loo gudo galo xal u helidda madaxda uu kulmiyay ee is khilaafsan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Waxaa caado noqotay in Al-Shabaab ay mar walba soo bandhigaan magacyada iyo qabiilada xubnahooda fuliya weerarada is-miidaaminta ah iyo kuwa kale ee ay geystaan. Inta badan marka ay Qaraxyada dhacaan, Shabaabka waxa ay sheegtaan mas’uuliyadiisa halka ay soo gudbiyaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas. Hasa ahaatee, waxaa yaab noqotay waxa ku kalifa Al-Shabaab in ay bulshada la wadagaan shaqsiyaadka fuliya ismiidhaaminada nafeed cidda ay yihiin iyo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan. Labadan qodob ee hoos ku xusan ayaa sabab u noqon kara arrintaas. 1 – Dhiirigelin Shabaab in ay sheegaan magacyada iyo shaqsiyaadka weerarada is qarxinta ah fuliya waxa ay dhiirigalin u tahay dhallinyarada kale ee beelaha la shaacinayo, ayaga oo og heerka qabiilka ka joogo bulshada Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale tani qorshaheedu noqon karaa in ay tahay fariin dhanka warbaahinta ah oo Shabaab ay u dirayaan ehellada ragga is-qarxinaya oo badankood aan xiriir la lahayn waalidkood, tanina ay tahay in loo sheego in wiilkii muddo ka maqanaa ee nolol iyo geeri midba lagu la’aa inuu markan dhintay. Xubnaha Shabaabka ayaa inta badan wax xiriir ah la lahayn qoysaskooda. 2 – Muujinta in qabiilada Soomaaliyeed ay ku dhan yihiin Al-Shabaab Mar walba oo ay soo bandhigaan Al-Shabaab shaqsiyaadka ismiidaamiyey waxaa lagu arkaa qabiilo kala duwan. Qabiilada kala duwan ee ay xusaan waxa ay cadeyn uga dhigaan in lagu dhan yahay Shabaab oo aysan jirin qabiil ka maqan. Inta badan waxaa Koonfurta Soomaaliya ka jira xan ah in qabiilo gaar ah ay Shabaabka ku badan yihiin, kuwaas oo u badan qabiilada la sheego in laga tiro badan yahay. Dadka qaar ayaa aaminsan in xubnaha fuliya weerarada Shabaab ay qabiilo gaar ah cuqdad u qabaan. Marka Shabaab shaaciyaan qabiilada, waxaa inta badan ku jira qabiilo ka mid ah kuwa isku arka inay dadka ka sarreeyaan, waxaana tani ay tahay in dadka fuliya weerarada la muujiyo inaysan ahayn qabiil ama reer gaar ah. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Mas’uuliyiinta Xeer ilaalinta guud ee dalka auaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin. Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska Xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya. Waxa ay sheegeen in 6-da ruux ee xiran uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaalinta ayaa shirkooda jaraa’id ku sheegtay in eedeysaneyaasha lagu raad joogo ay ku kala sugan yihiin Dadlka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Waxa ay sidoo kale intaas ku dareen in ay la xiriireen Dowladaha ay dadka baxsaday ku sugan yihiin ayna ka codsadeen in meelaha ay joogaan laga soo xiro, loona soo gacan galiyo dowladda Itoobiya si loogu Ciqaabo dambiga ay galeen. Qaar ka mid ah dadka lagu raad joogo ayay sheegeen in ay ku sugan yihiin Dalal ku yaalla qaaradda Afrika, inkastoo aysan carrabaabin. Waxaa sidoo kale ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin Magacyada dadka la doon-doonayo ee ku dhow qofka ruux. 4-tii Bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay 2018, Dibadbax rabshado waty oo ka dhacay Magaalada Jigjiga waxaa ka dhashay Dil, Barakac, Boob iyo Xad gudubyo kale. Rabshadaas kadib waxaa la xiray Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno lasoo shaqeeyay, talada waxaa qabsaday Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar), waxa uu la jaan qaaday isbitalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. Waxaa lala heshiiyay Hogaanka Jabhadda ONLF, sidoo kale waxaa laga saaray liiska waxa loogu yeero Argagixisada, halka la bur-buriyay Xabsiga Jeel Ogaadeeniya oo inta badan Maamulkii Cabdi Maxamuud ku ciqaabi jiray dadka hadda Eedahooda loo heysto. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
-
XUKUUMADA IYO XILALKEEDA MAXAA REERAHA IYO DEEGAANADU U JECEL YIHIIN IN AY KA DHEX MUUQDAAN? !!! Waxa aad in badan aragtaa iyada oo la isku haysto xilalka qaranka iyo qaabka loo wadaagayo, iyo sida wax loo qaybsanayaa nooca ay noqonayso iyo qabiil waliba waxa uu helayo iyo waxyaabo noocaas ah. Haddaba waxa loo jecel yahay xilalka qaranka in beel waliba ka muuqato markii aan in badan daraasadeeyay waxa uun aan u fahmay in ay tahay laba nooc marka loo eego habdhaqanka dawladnimada somalida; 1- Midi waa sareyn ( kind of superiority ), oo faankeeda iyo hawlaheega harawsiga ah wadata, oo hadii ay beeshii ay iska dhex arki waydo ay u qaadanayso in la yasay ama la yaraystay, marka noocan loo xisaabtamayo ee hab-dhaqankani lagu shaqeynayona way ku saxsan yihiin. 2- Mida labaadna waa maadaama nidaamka shaqaaleynta iyo adeegyada dawladu bixiso aanay sidii loogu talagalay dadka u wada gaadhin oo ah nidaam cadaaladeed oo ku salaysan baahiyaha ay dadku qabaan, in ay masuulkan xukuumada ugu jira ay ka doonaan shaqaaleyn iyo waxqabad iyaga oo laftooduna ma qaldana marka habdhaqanka noocan ahi shaqeynayo. Haddaba marka aynu ka hadlayno dawladnimo sax ah oo habdhaqankeeda iyo qaabka ay u shaqeynayso aynu qeexayno labadan qaybood ee aan idhi waa sax labaduba waa qalad sababtuna waxa ay tahay; Hadii reerkiinu ama deegaanka aad ka soo jeedaa xukuumada ku yar yahay ama laga tago, beeshaada lama yasin lamana yareysan ee qofkii qaranka u shaqeynayey ayuun baan la idinka dhex xulan , dawladnimada iyo nidaamka maamulkana kuma xidhna sareynta iyo hooseynta dadkaagu ee ogsoonow. Masuulka xukuumada lagu daraa ee loo magacaabaa waxa uu u shaqeynayaa qaranka, qarankuna waa dadka dalka ku nool oo dhan in uu kala xigtaysto iyo in uu u kala eexdo midna lama rabo, shaqaaleynta iyo nidaamka xuquuqaha ay beeshaa ama deegaankaasi ku helayaana waxa lagula xisaabtamayaa Hay’adaha ku shaqada leh baahiyahooga. Markaa habdhaqanka iyo nidaamka noocan ahi waa wax in badan lagu soo shaqeynayey oo dhex galay habdhaqankii bulshada iyo afkaarahoogii sida loo badan yahay una baahan in loo bisleeyo dawladnimo hadii qaranku u baahdo Saddex walaalo ah xilal loo magacaabi karo, iyaga oo aan loo nisbaynayn walaalnimadooda, qabiil iyo deegaan midna. Runtii lama yaabani sida ay dadku u xisaabtamayaan iyo sida ay wax u arkayaan oo waa sida inta ugu badan maanta dadkeena iyo nidaamkeena siyaasadu ku shaqeeyo oo waxa uun ay qaabilsan tahay waaqica dalka ka jira. Waa hawl adag oo ina hortaala inteena sabankan nool in aynu xalino oo ay dadkeena dambe iyo caruuraheenu helaan dawladnimo bisil oo sal adag leh oo hab fikirka iyo qaabka loo xisaabtamayaana uu taagan yahay meel aad uga sareysa halka aynu maanta ka fikirayno. Aragtidayda uun baan hadlay. @Muhamed Dhimbiil Image Qaran News
-
Madaxweyne Ma Raali-baad ka Tahay Dulmiga iyo Cadaalad-darada Huursan ee ay Muwaadiniinta ku Hayaan Maxkamadaha Racfaanka iyo Ta sare?. Qalinkii Faysal Cali Kayse Sida aynu la wada-socono kala sareynta Hayadaha Garsoorka dalka Jamhuuriyada Somaliland oo ah dhardhaar dawliya oo kaalin mug leh qaranka ugu fadhiya, waxa loo aas-aasay hadii midi gef sharci kula kacdo Muwaadiniinta dalka, in Ha’yadaha kale ee dhinaca sharciga uga sii saraysa saxdo hadii khalad iyo cadaalad daro Kiis lagu Xukumey uu jiro, waana jaran-jaro Dastuuriya oo lagu suggaayo xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta dhamaantood. Haddaba, nasiib-darada gargaarka weyday, ayaa waxa ay tahay in sanadadii u dambayey maalinba maalinta ka dambaysa ay kasii darayso Cadaalad darada iyo dulmiga ay caadeysteen waaxda Garsoorka ee gobolka Maroodi-jeex ee loo yaqaanno Racfaanka, taasoo uu Gudoomiye ka yahay gudoomiyaha Maxkamada racfaanka gobolka Maroodijeex Cali Suudi Diiriye, oo ah shaqsi caadeystay Kiis kasta oo usoo gudba inuu baayaco Dacwoodayaasha, isla markaana garsoorayaashiisa ku balamiyo Kiiska oo la safan yahay, ta kalee taas kasii yaab badan, ayaa waxay tahay ee u caadeystay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanku, hadii Muwaadiniintu ula tagaan dacwad lagu duraayo dhex-dhexaadnimada Garsoorayaashiisa, waxa uu si cad u hor istaaga xuquuqda sharci ee muwaadiniinta u banneynaysa in laga bedelo Garsooraha dhinaca raacay, waxanu Gudoomiye Cali Suudi masaakinta uu Xaakimka u yahay kula kacaa hadidaad iyo baayactan ka dhan ah dacwada loola yimi. Hase-yeeshe nasiib darada kale ee taas lamida ee Waaxda garsoorka ka jirtaa waxay tahay in Maxkamada Sarena noqotay goob aan ilaalin xuquuqda muwaadiniinta xilkeedu saaran yahay, taasoo hadii loola tago ashkato garsoore aan iyaddu hoosba u eegin, balse la saffata dhinac. Waxanay dhacdooyinkaasi sababeen in aanu jirin Kiis dacwadiisu soo af xidhanto, oo lagu kala saaro muwaadiniinta, hase-ahaatee taas bedelkeeda, waxa dulmanaha iyo ka wax dulmiyaaba dacwaduudi ka socotaa sannooyin badan, waxanay aakhirka kusoo afneeran kolba kii Lacag bata. La soco dhacdooyin layaab leh iyo xogo daaha ka faydi doona dulmiga joogta noqday ee ka socdaha Maxkamadaha Racfaanka Iyo ta sare, oo runtii Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi looga baahan yahay inuu isbedel cadaaladeed ku sameeyo Maxkamada dalka. La soco. Qalinkii Faysal Cali Kayse Faysal39@gmail.com Hargeysa/Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda, xubnaha dawlad goboleedyada, ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka, kaas oo lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka. Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawlada Federaalka Soomaaliya oo gudanayasa waajibaadkeeda shaqo ee loo igmaday waxay ku hawlan tahay hergalinta iyo dhamaystirka hal beegyo iyo hawlo muhiim u ah ka faa’idaysiga kheyraadka Batroolka Iyo Macdanta Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxay Wasaaraddu u xaqiijineysaa ummadda Soomaaliyeed inay u taagan tahay ilaalinta ammaanadaas weyn ee loo xil saaray iyo dhowrista dhammaan shuruucda lagu maamulayo. Waxay kaloo wasaaraddu u xil saaran tahay in ay ku soo xirto Soomaaliya maalgashadayaal caalami ah oo u maalgashta kheyraatkeenna Batroolka sida ummadda Soomaaliyeed danta ugu jirto, waafaqsanna xeerarka dalka iyo heshiiskii ay wada gaareen dawladda Federaaka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah oo lagu caddeeyey lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliyeed. Sidaas darteed, iyadoo taas laga duulayo, ayay wasaaraddu qaban qaabisay shir lagu qabanayo London-U.K oo ay ka soo qayb galayaan wasaaradda,xubnaha dawlad goboleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka. Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka, waxna kama jiraan in shirka lagu xaraashaayo xirmooyin (Blocks). Hadaba Ummadda Soomaaliyeed waxaan u xaqiijineynaa in si loo bixiyo shati ama rukhsad shidaal qodis (Licence) ay qaadaneyso wadahadal dheer oo soconaya ku dhowaad sannad, si daahfuranna ay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ula socon doonto. Sidoo kale markii rukhsadda la bixiyo si hawl gallada qodista iyo horumarintiisaba looga miro dhaliyo ay qaadaneyso wax ka badan 5 sano. Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in uusan jirin shidaal Soomaaliyeed oo la xaraashayo wasaaraddana ay gudaneyso waajibaadkeeda si ay ummadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manbeystay.
-
(SLT-Addis-ababa)Dowlada Ethiopia ayaa ka mamnuuceysa qaxooti Siiriyaan inay ku tuugsadaan amaba ku dawarsadaan wadooyinka magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia. Qoysas badan oo ka soo cararay dagaalada ka dhacaya dalka Siiriya ayaa soo galay dalka Ethiopia iyadoo qaxootiga badankood ay dalka ku yaal Afrika ku soo galaan dal ku gal ah inay yihiin dalxiisayaal. “Waxaan diyaarineynaa ciidamo dhaqan geliya qorshe lagu mamnuucayo in ay dadka Siiriyiinta ah ku dawarsadaan wadooyinka umana dulqaadan doono.”ayuu yiri ku xigeenka Madaxa qaxootiga dalka Ethiopia Yemane Gebremeskel. “Illaa lix boqol oo Siiriyiin ah ayaa soo galay dalka Ethiopia intii u dhexeysay bishii August iyo December ee sanadkii hore badankoodna waa ay laabteen balse qaar kale ayaa weli jooga kuwaasoo wadooyinka ka dawarsada.”ayuu sii raaciyay Yemane oo u waramayay AP. Inku dhow 120 Siiriyiin ah ayaa codsaday qaxootinimo dalka Ethiopia oo ka mid ah dalalka ugu badan ee soo dhoweeya qaxootiga waxaana la siiyaa dadkaas taageero dhan illaa $73. Dad badan oo Ethiopian ah ayaa la yaabay markii ay arkeen dad Siiriyiin ah oo jooga wadooyinka caasimada isla markaan qoorta u suran tahay warqad ku qoran afka Amxaariga oo ay ku codsanayaan kaalmo. Wadanka Ethiopia ayaa waxaa ku nool qaxooti ka kala yimid dalalka Somalia, South Sudan, Eritrea iyo Sudan kuwaasoo tiradoodu gaareyso illaa sagaal boqol oo kun oo ruux. Source
-
(SLT-Nairobi) Waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu magaca dheer dalka Kenya, waxaana soo doortay dad gaaraya illaa 7 milyan oo qof oo ku nool caasimadda Nairobi, balse ma ahan nin ka baqaya in uu ka sheekeeyo wixii uu soo maray. Mike Sonko waa barasaabka ismaamulka Nairobi, idaacadda la’iska arko ee Citizen inta uu soo fariistay ayuu ka sheekeeyay taariikhdii uu soo maray. Sonko oo marti ku ahaa barnaamijka JKL ayaa barnaamijka la yimid waraaqo badan oo muujinaya musuqmaasuq ka socda maamulka Nairobi, iyo saraakiil badan oo uu shaqada ka eryay ayaa dhanka kale ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisa. “Waxaa habboon in aad bulshada runta u sheegto, runtana waxa ay tahay aniga waxaan soo ahaan jiray tuug, dambiile, turuufaale, balse hadda dadka Nairobi oo dhan 7 milyan oo qof ayaa igu aaminay mas’uuliyad, markii aan xildhibaanka noqday (hadda ka hor) ayaan iska dhaafay tuugonimada” ayuu yiri Soko. Waxa uu tiriyay dhammaan xabsiyadii uu soo galay oo ay ka midyihiin xabsiyada ugu caansan dalka sida Shimo La Tewa iyo Kamithi oo lagu xiro dambiilayaasha waaweyn. “Taas darteed ayaan aniga u ahay dawada kaliya ee kooxaha tuugada, warqad kasta oo been abuur ah oo la ii keeno waan garan” ayuu yiri Sonko oo kooxaha tuugada iyo dadka musuqa ku shaqaystay uga digay in ay ula tagaan qorshayaal wax lagu xadayo. Barnaamijka lagu waraysanayay oo socday muddo hal saac ah, ayuu Sonko mid mid uga sheekeeyay dacwadaha musuqa ee uu xaliyay, guryo sharci daro ah oo uu dumiyay, saraakiil uu shaqada ka eryay, dacwado hadda maxkamadda uga socda oo uu isaga furtay. Waxa uu tusaale usoo qaatay nin ganacsade ah oo uu ka dumiyay dhisme 7 dabaq ah oo kasoo horjeeda xarunta Qaramada Midoobay iyo safaaradda Maraykanka, kaas oo uu sheegay in uu jabiyay xeer hoosaadkii Nairobi ee ahaa in xaafadda dublamaasiyadda ee Nairobi aanan laga dhisi karin guri ka dheer 5 dabaq, sababo la xiriira amniga. Si kastaba ha ahaatee, Mike Sonko ayaa guddoomiyaha Nairobi loo doortay sannadkii 2017-kii, tan iyo intii yimidna waxa uu soo kordhiyay waxyaabo iyo adeegyo aanan horey loogu aqoonin dadkii ka horeeyay. Baraha bulshada ee uu gaarka u leeyahay ayuu marar badan ku faafiyaa waxqabadkiisa, gaar ahaan hawlaha la dagaalanka musuqa, isaga oo xitaa mar Facebook soo galain tabin toos ah xilli uu kormeerayay isbitaal ku yaala xaafadda Islii oo ay ka jirtay dhibaato Source
-
(SLT-Garoowe) Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ka mid ah guddiga qaban-qaabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntand ayaa sheegay inaan la ogolaan doonin in arrimo siyaasaddeed iyo ujeedooyin gaar ah looga faa’iidaysto xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Puntland ee beri ka dhaceysa Garoowe. Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay guddiga qabanqaabadu ay kala hadli doonaan martida khudbadaha ka jeedinaysa xaflada inay iska ilaaliyaan wixii arrimo siyaasadeed ah oo keeni kara iyo ereyada xanafta leh. “Puntland ujeedo siyaasadeed oo gaar ah kama lahan inay Garowe isugu keento wufuud cadowtinimo siyaasadeed ay ka dhexeyso, balse muhiimadu waxay tahay in dowladdu muujiso inay qadarin u hayso mucaarad iyo muxaafid” ayuu yiri wasiirka. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili dad badan ay walaac ka muujiyeen in arrimo siyaasadeed looga faa’ideysto xaflada caleemo saarka ee Puntland ay ku casuuntay madaxda federaalka iyo mucaaradka. Source
-
Kismaayo (PP) ─ Ugu yaraan Siddeed Askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland ayaa ku geeriyooday Qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaarigii ay miinadu la qaraxday uu gabi ahaantiis gubtay, sidoo kalena ay dhinteen dhammaan askartii saarnaa oo aysan jirin cid dhaawacantay. Sidoo kale, Gaariga ay miinada la Qaraxaday ayaa ka mid ahaa ka mid ahaa Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka Jubbaland ay leeyihiin, wuxuuna ahaa weerarka midkii ugu khasaare badnaa ee dhawaanahan lala beegsado ciidamada Jubbaland. Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qayb-qaadanayay xaqiijinta Amnig degmada Dhoobleey muddadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiiin uu hoggaaminayay oo kulamo ku aadan amniga iyo doorashada Jubbaland la qaadanayay bulshada ku nool Dhoobleey. Dhanka kale, Saraakiisha Ammaanka Jubbaland ee degmada Afmadow oo la hadlay VOA-da ayaa ka goobsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaraxa miino ee maanta lala beegsaday ciidamada Jubbaland. Inta badan dhulka bannaanka ka ah degmooyin ay ka arrimiyaan ciidamada Jubbaland, waxaa ku sugan Al-shabaab kuwaasoo xiliyada qaar ciidammada Jubbaland la beegsada Qaraxyo miino oo khasaare badan dhaliya. Ugu dambeyn, 19-kii bishan ayay ahayd markii ay Kooxda Al-sabaab weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ay ku qaadeen saldhig ay ciidanka Jubbaland iyo kuwa DF ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose. PUNTLAND POST The post Ciidammo ka tirsan kuwa Dowlad-goboleedka Jubbaland oo Maanta lagu dilay Qarax Miino appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Eritrea ayaa si qarsoodi ah ugu sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ilaa sideed sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Asmara ay ku sugnaayeen Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, inkasta oo aysan caddeyn waqtiga rasmiga ah ee ay magaalada soo galeen. Afar ka mid ah saraakiishan ayaa degan mid ka mid ah hoteellada Muqdisho [Ma shaacin karno magaca hotel-ka, sababo jiro awgood], halka afarta kale ay degan yihiin xarunta hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA. Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay Muqdisho u joogan inay caawiyaan sirdoonka Soomaaliya, ayaga oo siinaya tababaro lana wadaaga khibradahooda xagga sirdoonka. Ma cadda muddada ay Muqdisho ku sugnaan doonaan. Soomaaliya iyo Eritrea ayaa aad isugu soo dhowaanayey tan iyo markii labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Afwerki ay booqashooyin ku kala bixiyeen Asmara iyo Muqdisho. Labada dal ayaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ee Ethiopia, Eritrea, iyo Somalia. Dowladda Eritrea ayaa horey beenisay warbixin ay qortay jariidadda Indian Ocean Newsletter oo lagu sheegay in Eritrea ay ciidamo u direyso dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii warbixintaas uu daabacay wargeyska Indian Ocean Newsletter. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay garoonka Gen. Maxmed Abshir ee Garowe Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxaa maanta soo gaaray wufuud kala duwan oo ka qeyb-galaysa caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulllahi Deni. Waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe maanta si kala duwan loogu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo kala hogaaminayay wufuud ay kamid yihiin Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan maamuladaas. Waare iyo Deni Garoonka diyaaradaha waxaa masuuliyiintaas ku soo dhaweeyay Madaxweyanaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo ku xigeenkiisa, Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Wasiiro, Xildhibaano, Sarkiisha ciidamada kala duwan ee Puntland iyo Ururrada bulshada rayidka ee magaalada Garowe. Madaxweynaha Koonfur galbeed-Garowe Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam, Madaxweynaha Hishabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Galmudg Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo mid walba markii uu yimi warbaahinta la hadlay ayaa dowladda Puntland iyo shacabkeeda uga mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay. Deni iyo Xaaf Sidoo kale waxaa maanta Garowe yimid wafdi isigu jira Wasiirro iyo Xildhaabo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ahaa Wasiirka arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad, waxayna hor-dhac u ahaayeen Madaxweyne Farmaajo oo berri ku soo wajahan Garowe Dhanka kale waxaa Garowe yimid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud oo hadana ah Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka iyo wafdi la socday oo isugu jiray golaha fulinta ee xisbiga iyo Xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka ka tirsan. Deni iyo Xasan Sheekh, garoonka diyaaradaha Gen. M. Abshir Waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaano ka tirsan Puntland iyo dad kale. Xasan Sheekh iyo fanaanada Himilo Gobaad oo wada socday Sidoo kale waxaa isna maanta Garowe lagu soo dhaweeyayay Guddoomiayaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah shakhsiga xiisaha gaar ah u yeelay xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. CC Shakuur, garoonka diyaaradha Gen. M. Abshir, Garowe. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si lamid ah masuuliyiintii kale waxaa u soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo dad kale. Maalinta berri oo sabti ah ayaa la filayaa in ay yimadaan Garowe wafdi uu hogaaamniyo Madaxweyne Farmaajo iyo wufuud kale oo ka kala socota dalalka deriska iyo beesha caalamka. Dhacdooyin ugub ah oo dhacay. Maanta intii lagu guda jiray soo dhaweyntii loo sameynayay wufuudii ka soo dageysay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, waxaa dhacay dhowr dhacdo oo ku cusub Puntland. Tii ugu horeysay ayaa ahayd marii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) uu la soo dagey ciidamo fara badan oo aad u qalabaysan, kuwaas oo tira ahaan dhanaa soddon (30) askari, waxaana markiiba lagu wareejiyay labo kamid ah gaadiidka dagaalka Puntland. Ciidamo uu watay Madaxweynaha Jubbaland, Garowe Horey Puntland ugama dhecin in madaxda dowladd goboleedyadu ay la yimaadaan ciidamo gaara, lama yaqaan sababta ku kaliftay in Axmed Madoobe uu ciidamo farbadan u soo kaxaysto Garowe oo ku caan baxday amni badi. Dhacdadii labaad ayaa ahayd markii, Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu warbaahinta u sheegay in aan la baahin karin wararka Cabbdiraxmaan Cabdishakuur iyo cid walba oo mucaarad ku ah Dowlada Soomaaliya, walow amarkaasi uusan shaqeyn markii dambe. Sidoo kale gudaha garoonka diyaaradaha ayaa laga saaray dad watay astaamo iyo calamo halku dheg u ahaa xisbiga uu hogaamiyo Cabbdiraxmaan Cabdishakuur ee Wadajir. Cabbdirahmaan Cabdishakuur ayaa markii uu soo gaaray Garowe loo ogolaan in uu hadal jeediyo, lamana yaqaano sababta loogu diiday, maadaama la casumay. Shalay ayay ahayd markii Garowe lagu soo dhaweeyay labo haween ah oo mid walba sheegatay in ay tahay Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Wufuud timi Garowe iyo dhacdooyin ugub ah oo dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Shiikh Shariif waxa uu ka mid yahay hooggamiyayaasha yar ee intii ay xil dawladeed ka hayeen Soomaaliya ay muuqatay shaqadii ay qabteen intii ka dambaysay burburka, kuwaas oo dhammaystay wakhtigii u astaysnaa. Siyaasadda Shiikh Shariif illaa haddana waa mid aan dhihi karo waxay ka hagoogan tahay ceebaha iyo canjarafaynta hoggaamiyayaasha xillalka soo qabtay iyo kuwa hadda hayaba. Illaa manta oo Shiikh Shariif bannaanka ka joogo hoggaanka siyaasadda, kamu aynaan arag dabeecadaha masuuliyiintii hore, ee ah xag-xagashada siyaasadeed. Qayb ka mid ah hadal uu bixiyay dhowaan waxa uu ku yiri “Awood la’aanta dawladda hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay in aan mar kale siyaasadda ku soo laabto.” Hadalkan ayuu u sheegay wargeyska The Standard Digital ee ka soo baxa Kenya. Hadalkan waxa kale ee uu sheegay waxyaabo uu qabtay hore in ay dib u soo laabteen markii uu banneeyeen xilka, taas oo qiyaasteedu noqonaysa markii uu banneeyay jagada madaxtinimada, isla markaasna uu hoggaanka waddanka uu qabtay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Shiikh Shariif in uu jagada madaxtinimada isu soo sharaxo waa mid ka horraysay, xukuumadda hoggaanka hadda haysa. Baahida hoggaankiisa loo qabo ee uu sheegayna waa mid ku beegnayd ilaa iyo maalintii uu banneeyay xilka. Waayo Shiikh Shariif ma aha mid isa soo sharaxaya wakhtigan uun. Aniga oo eegaya soo yaalka wacyiga siyaasadda Shiikh Shariif iyo hadalkan, waa mid aan weerar ku ahayn xukuumadda hadda jirta uun, balse waa jug ku dhacday cid kasta oo waddada haysa ilaa maalintii u ka tegay xilka. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors