-
Content Count
207,314 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garowe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda dowladda Puntland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Jeneraal Maxamed Abshir ee Garowe Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, K/xigeenkiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Puntland ah. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa salaan ugu istaagay boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada Garoowe ee Barxada kuwaas oo lulayay calanka Soomaaliya iyo kan Puntland, kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Madaxweynaha oo shir saxaafadeed ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wada jir loo abbaaro xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay shacabka iyo hoggaanka Puntland isku duubnida, isaga oo bogaadiyay doorashadii hufnayd ee ka qabsoontay Puntland. Dhanka kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud heer Federaal ee soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garowe appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ururka Midowga Afrika ayaa wada qorshe sare loogu qaadayo howlgallada Booliska AMISOM ay ka wadaan qeybo ka mid ah Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska dalka Uganda iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madax howlgalka AMISOM Francisco Madeira. Waxaana labadad dhinaca ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa howlgallada Booliska AMISOM ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Grace Turyagumanawe oo ah sarkaal ka socda Booliska Uganda ayaa xusay ballaarinta Ciidamada Booliska AMISOM ay gogol xaar u tahay tayeynta Booliska Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa kordhinaya tirada Booliska ka jooga Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qaraar sanadkii 2017-kii ka soo baxay golaha ammaanka ee QM. Dalka Ghana ayaa dhawaan Soomaaliya uu soo diray 120 Askari oo Boolis ah, kuwaas oo ku biiraya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Jabuuti ayaa ballan qaaday in Ciidamo Boolis ah u soo direyso Soomaaliya, si ugu qeyb qaataan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika The post Midowga Afrika Oo xoojinaya howlgalkiisa Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baladweyne ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa u istaagay olola Isxilqaan ee uu kol hore ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. Dhalinyaradan ayaa olole nadiifin ah ka bilaabay xaafadaha Baladweyne, si ay u soo celiyaan bilicdii ay laheyd magaaladaasi. Cabdi Muumin Cilmi oo ah gudoomiyaha urur ay ku midoobeen dhalinyradaaasi ayaa ka warbixiyay Ololahaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ka dhalinyaro ahaan ay si abaabuleen, si ay wax ugu qabtaan dadkooda iyo dalkooda. Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka, sidoo kalena lagu nadiifinayo xarumaha muhiimka u ah bulshada, si loo soo celiyo qurxudii iyo maamuuskii ay lahaan jirtay Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Ololaha Isxilqaan Oo ka hirgalay magaalada Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa dejiyey qorshe ay ku xaqiijinayaan in xafaladda Garoowe aysan noqon masrax siyaasadeed ay ku barataman madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ku ah. Magaalada Garoowe waxaa ku sugan madaxweyne Farmaajo, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo siyaasiyiin iyo xildhibaano kale oo mucaarad ah, oo la filayo inay halkaas khudbado ka jeediyaaan. Qorshaha Puntland ayaa ah inay xaqiijiyaan in ujeedkooda oo ah in caleemo-saarka madaxweyne Saciid Deni uu noqdo mid maqam sare, aanay diiradda ka weecin dagaal siyaasadeedka madax kale ee Soomaalida. Sida aan xogta ku helnay, dhammaan dhinacyada khudbadaha ka jeedinaya halkaas ayaa loo sheegay inay diiradda saaraan kaliya caleemo-saarka iyo xaaladda guud ee dalka, balse aysan u adeegsadan masraxa meel siyaasiyiin kale ka weeraraan. Waxaa sidoo kale la mamnuucay shirarka jaraa’id iyo isku imaatinyada ka baxsan caleemo-saarka. Waxaa si gaar ah loola hadlay siyaasiyiinta mucaaradka iyo xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumadda nabad iyo nolol, kuwaas oo aad looga cabsi qabo inay madaxda dowladda weeraraan ama aflgaadeeyaan. “Puntland walaac kama qabto Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Shariif, way ogtahay inay yihiin dad degan, oo aanay ka suurto-galin inay siyaasi kale aflagaadeeyaan, balse waxaa cabsida laga qabaa dhinaca siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kale ee mucaaradka” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Mahadaay ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax lagu dilay Askar ka tirsanaa Ciidamada Burundi oo ka dhacay deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen illaa 3 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda gudaha Soomaaliya. Qaraxa ayaa ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen Ciidamadaasi, sida ay baahiyeen Al Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM, gaar ahaan Ciidanka Burundi oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro jidgal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe oo hoostaga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. The post Al Shabaab Oo sheegay in Askar Burundi ah ay ku dileen Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada daraawiishta ee maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay la wareegeen deegaanno ay Al-shabaab kaga sugnaayeen galbeedka magaalada Kismaayo. C/nuur Ibraahim Xuseen oo ah afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadan ay ka baxeen deegaanka Cabdalla Biroole ayna la wareegeen deegaannada kala ah La heleey, beerxaani, Cabdi Dhoore iyo haad-weyne. Waxa uu sheegay in ciidamada Jubbland ay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab. Dhanka kale, afhayeen C/nuur ayaa sheegay in howlgalkan maanta ay sameeyeen aanu wax khasaare ah ka dhalan, qeybna ka yahay howlgalkii uu ku dhowaaqay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Howlgalkan wuxuu ahaa mid qorsheysan, wax khasaare ahna ma jirin, nimankii Al-shabaab ahaa markii ay arkeen awoodda ciidamada waa ay carareen, waana wejigii Koowaad ee howlgalka uu ku dhowaaqay madaxweynaha Dhowaan, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka saari doonaan guud ahaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa sii diiran Garoowe ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dhawaan la doortay ee Puntland Saciid C/laahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi. Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha DFS ayaa ka qeybgalaya xafladda caleema saarka Madaxweyne Deni oo caawa ka dhaceysa halkaasi. Sidoo kale waxaa barqanimadii maanta magaalada Garoowe lagu soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayay, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabaddaasi. Madax kala duwan oo ugu horreeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa Sheekh Shariif ku soo dhaweeyay Garoonka Garoowe, una galbiyay madaxtooyada maamulkaasi. Caawa fiidka hore ayaa lagu wadaa in caleema saarka uu ka bilowdo xarunta madaxtooyada ee dowlad goboleedka Puntland. The post Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray magaalada Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-260119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
The president of the Somali state in Ethiopia, Mustafa Mohamed Omar arrived in Addis Ababa for the third time in a month amid escalating political tension in the ruling party. Reports from Ethiopia indicate that eleven members of the regional state’s cabinet, including Mustafa, have arrived in Addis Ababa on Friday afternoon, where they are expected to brief PM Abiy Ahmed about the situation in the Somali regional state. In the past, Somali region vice president said members of the ruling party are working on a plot to oust the sitting president Mustafa Mohamed, who has been in office for six months. Mohamed has accused the chairman of the ruling party Ahmed Shide who is also the Minister of Finance of Ethiopia of committing treason and plotting a coup. The current president has replaced Abdi Mohammed Omer who was arrested after three days of deadly violence in the regional capital Jijiga in August. Rights groups said his administration had set out to provoke ethnic bloodshed and had ordered a paramilitary force to attack minorities. After a five-month investigation, prosecutors had decided to charge Abdi and 45 other officials, 40 of them who are still on the run, the Federal Attorney’s Office said. Abdi has made no public statement about the charges. “Horrific crimes have taken place. It had become a country where victims’ throats were slit, others burnt alive or buried alive and left for dead,” the Office’s communications director, Zinabu Tunu, told reporters. Fifty-eight people died and 266 others were injured during the violence, including a priest set on fire inside a church, Zinabu added. Encouraging ethnic strife amounted to inciting a civil war, the office said. Abdi Mohammed Omer spent more than a decade in charge of the remote and largely lawless region on the border with Somalia, much of that time spent trying to crush separatist ONLF rebels. Rights groups regularly accused his administration of abuses including torture during the fight with insurgents. The post President of Somali state in Ethiopia arrives in Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shacabka ku dhaqan degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya rag hubeysan oo ay sheegeen in ay xilliyada habeenkii dadka isbaaro u dhigtaan. Waxa ay sheegeen in wixii ka dambeeya salaadda maqrib ay dadka cabsi dareemaan, islamarkaana guryaha isaga xaroodaan si aanay dhibaato ugala kulmin raggan hubeysan. C/salaan Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in maanta degmadaasi lagu dhaawacay wiil kaxeynayey Mooto Bajaaj, sidoo kale habeen kahor haweeney lagu dhaawacay degmadaasi. Dadka qatiyaa ayeey taagan yihiin, waxay la kulmaan dhibaato, niman hubeysan ayaa dhacaya, mararka qaar guryaha ayeey ugu galaan dadka Dhanka kale, C/salaan ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka ee Muqdisho iney wax ka qabtaan falalka amni darri ee ka jira degmada Dharkeenley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Waxa uu madaxweynaha halkaasi uga qeybgali doonaa munaasabadda Caleema Saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo munaasabaddana ay bilaaban doonto gelinka dambe ee maanta. Sidoo kale, garoowe waxaa ku sugan madaxda dowlad goboleedyada, xildhibaanno, wasiirro, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, siyaasiyiin iyo xubno beesha caalamka ka socdas. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa haatan soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo dad shacab ah. Wefdiga madaxweynaha ayaa hadda loo soo gelbinayaa gudaha magaalada Garoowe, gaar ahaanna barxadda weyn ee caasimadda oo uu kula hadli doono qaar kamid ah shacabka oo ku sugaya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo soo gaaray caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has announced plans to digitize data of all its troops in the Horn of Africa nation. John Kisaale, a data management facilitator with the AU mission, said the digital integration of its personal data is aimed at fast-tracking the submission of troop nominal rolls. “At the end of the day, we expect the running and management of personal data will be smooth; and will translate to timely payment of the troops,” Kisaale said in a statement issued on Friday evening. He said the migration from paper-based data to an online database, is also expected to hasten compensation and payout of allowances to the Mission’s uniformed personnel. According to AMISOM, at least 46 military and police personnel successfully concluded training on Friday, aimed at enhancing their knowledge of information and database management. Participants were drawn from all AMISOM sectors and comprised of administrative officers, Board of Inquiry officers and data clerks, whose duties involve handling personnel issues and providing mission support. “This course is, therefore, coming at the right time, as it will help us to manage our personnel in a more professional manner; to enable your effective contribution to the overall goal of bringing peace to Somalia,” said Maurice Gateretse, AMISOM deputy force commander in-charge of support and logistics. The post AU plans to digitize data of all AMISOM troops in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London. Tartanka iibka ee dowladda federaalka ah ku qaban-doonto London 7-bada bisha soo socota, waxaa bannaanka ka ah oo aan tartankaas ku jirin Block-yo horay loo siiyey Shell.Exxon iyo Soma Oil & Gas, shirkadda hore waxaa ay dowladdii Jaalle Siyaad ka heshay 60,000km2 oo dhaca bariga Soomaaliya halka Soma Oil & Gas ay horay u xulatay 12 block oo koonfurta Soomaaliya ah gaar ahaan agagaarka Baraawe iyo Marka, oo ay ku jiraan labo Block ka mid ah sida 7 & 8 ilaa 13 Bilyan oo Barrels am Birmiil. Qormadan Waxaa ku baareynaa shirkadda Soma Oil and Gas oo qeyb ka ah qandaraasyada faa’ido iyo khasaaro. Sidee Loo Samdeeyey? Shirkadda Soma Oil and Gas waxaa lagu rejister-gareeyay Company House-ka dalka UK April 2013. Waxaa sameeyay ragga magacyadooda hoos ku qoran, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu tagay Uk 2013 kii: Michael Howard oo madax ka ahaa Xisbiga Conservatives, UK ,The Earl of Clanwilliam oo xubin ka ahaa Aqalka Lords ee Ingiriiska (Boqortooyada UK), Robert Allen Sheppard oo Mareykan ah, oo u soo shaqeeyay shirkado badan ee shidaal soo-saarayaal ahaa, ayna ka mid tahay British Petroleum, oo billowgii shirkadda ka ahaa Maareeyaha Guud (Chief Executive Officer), Basil Shiblaq, oo ahaa Ku-Xigeenka Maareeyaha Guud ee Shirkadda, wuxuu lee yahay khibrado aad u dheer oo maalgelinta khayraad ka dabiiciga ah. Horay wuxuu soo sameeyay shirkadda Ophir ee baarta shidaalka. Waa Lubnaani Masiixi ah. Lahaashaha Shirkadda: Lahaashaha shirkadda waxay ku salaysan tahay saamiyo ay kala lee yihiin badan keeda ragga kor ku qoran. Waxaa mudan in la sheego dad Soomaali ah inay ku jireen saamilayda, oo uu k mid ahaa Xasan Cali Khayre, oo ahaa agaasimaha gobolka (Regional Director) oo fadhigiisa ahaa Nairobi. Xasan Cali Khayre wuxuu ka baxay shirkadda hawsheeda markii loo magacaabay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya. Isbeddelka Maamulka Shirkadda: Maamulka shirkadda dhowaan waa isbeddelay: Ragga kor ku qoran waxay 16 July 2018 si siman uga ruqseesteen agaasime-nimada. Hadda shirkadda waxaa weli agaasime-yaasha cusub ka mid ah William Richard Anderson (oo awal ahaan jiray CEO ga shirkadda). Is-beddelada cusub waxay ifafaale u yihiin Shirkadda Soma Oil and Gas in ay shirkad kale ku -dhex milantay oo xataa magaceeda is-beddelay. Waxaa dhici karta inay isu-diyaarinayso inay gasho Consortium oo magac cusub loo sammaynayo, ama ay leedahay oo aan annaga ogeynin. Mid waa hubaal: inay shirkadda isbeddel cusub ku socdo iminka. Khibradda iyo maaliyadda shirkaddaan: Shirkaddaan oo loo aasaasay inay Somalia oo kali ah ka shaqayso, wax khibrad ah ama maaliyad ah oo u yiilay meel ma jirin. Waa shirkad cusub oo loogu talo galay inay Soomaali ka shaqo gasho, lacag dayman ah, ama dad maal leh laga soo qeyb-geliyo oo laga siiyo saamiyo. Waxaa loogu talo galay heshiiska Soomaaliya ay la gasho in lagu maal-raadsado oo ka dibna hawlihii loo baahnaa la qabto. Maal-raadinta shirkadda waxay gaartay inay ka soo qeyb-galaan saami-ahaan bilyoneerka Ruushka ah ee Alexander Djaparidze. Waxaa kaloo shirkadda boor keeda ku soo biiray 2015 William Richard Anderson oo shirkado badan ka soo shaqeeyay; oo ay ka mid yihiin Euroasia Drilling Company, Geokinetics International Holdings iyo Prime Natural Resources Inc. Raggaas maal iyo khibrado way ku soo kordhiyeen shirkadda. Shaqada shirkadaan ay ka qabatay Soomaaliya: Afar bilood ka dib aasaaska shirkadda Soma Oil and Gas, shirkadda waxay timid Xamar 6da Agoosto, 2013, goor taasoo ay la saxiixatay Soomaaliya Heshiiska loo yaqaan “Heshiiska Khiyaarka Saysmikada (Seismic Option Agreement). Heshiiskan wuxu lee yahay sidaan: Soma Oil and Gas waajibaad keeda (obligations) Shirkadda Soma Oil and Gas waa inay ka baartaa badda Somaliya sal keeda shidaal. Waa inay samaysaa sahanka saysmikada (seismic survey). Qarashka ku bixi lahaa hawshaas waa inay la timaaddaa. Waa inay soo ururisaa xogahii hore oo ay ka soo gadataa shirkadaha haaya xogahaasi. Xogaha waxaa ka mid ah xogaha jiyo-fisikada (magnetic and gravimetric iyo seismic), reboorada ceelasha, well logs iyo reboorada jioolojiyeed. Waa inay Wasaaradda Batroolka ka dhex sammeeyaan Qolka Xogaha, si xogaha cusub iyo kuwii hore loogu kaydiyo iyo loogu darso. Waa inay sameeyaan Qiimaynta Gobolka ee Shidaalka (Regional Evaluation for oil and gas in onshore and marginal areas of Somalia). Sannadkii 2014 waxaa lagu daray heshiiska inay siiyaan mushaharad soo jiidan karta khubaro ka hawl gala wasaaradda (Capacity ga shaqaalaha oo la kordhiyo). Dawladda Federaalka xil keeda ku aaddan heshiiska Seismic Option waa sidee? Dawladda waa inay bixiso 12 balook oo baaris iyo soo-saar shidaal ah, oo ay Soma Oil and Gas ay ka dhex miranayso badda ay baartay oo la eg 114,000 km2. Shirkadda Soma Oil and Gas waxay ka shaqaynaysaa baarista /soo-saarka shidaalka iyada ama shirkado kale oo ay iyada keensatay. Waxaa loo oggol yahay inay shirkado ka khibrad ama ka maaliyad badan inay keensato oo ay kula gasho heshiis. Si ay waajibaad keeda uga soo baxdo, Soma Oil and Gas waxay ka gadatay shirkadda CGG xogaha duugga ah oo waayahii hore la soo uruuriyay. Waxay kaloo keensatay shirkadda RPS oo qiimaynta dhulka iyo badda iyo sida shidaal looga heli karo u sammaysay. Ugu dambayn, shirkadda Soma Oil and Gas waxay la timid shirkad u sammaysa Saysmikada badda oo lagu magacaabo SeaBird oo waddanka China laga lahaa. Shirkadahaas 3da ah ayaa Soma Oil and Gas shaqada u qabtay. Soma Oil and Gas heshiiska intii laga rabay way gudatay oo ah a, b, c, d iyo e. Somaaliya weli ma bixin 12 balook oo lagula gali lahaa Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement). Weli Soma Oil and Gas way ka sugaysaa inay Soomaaliya gudato waajib keeda ah bixinta balook yada. Heshiiska Soma Oil and Gas iyo Soomaaliya xaggee ka xun yahay? Weligaa dooro/digaag ma lagaaga gatay geel? Heshiiska waa sidaas. Soma Oil and Gas waxaa ka baxay lacag Doolar Mareekan ah 21 Milyan qiyaasta (in kastoo ay sheeganayso Doolar Mareekan 43 Milyan). Si kastaba ha ahaatee, lacag taas ama 21 ama 43 laguma beddelan karo 12 balook. Soma Oil and Gas waxaa faaiido u ah xataa 2 balook, laakiin in la siiyo 12 balook waa dooro ku gado hal geel ah. Cashuurta Capital Tax Gain: Soma Oil and Gas waxay timid Somalia mar laga baqayo badda Somalia, iskaba daayee in sahan iyo in la niyaysto shidaal laga qodo. Taas way ku ammaanan tahay Soma Oil and Gas. Dhinaca kale, waxay muujisay suurta-gal nimada in shidaal laga baaro badda Soomaaliya. In kastoo dadaal kaas ay sammaysay, haddana inta iyo mugga ay mudan tahay isla-shaqayn teeda waa inaan qiyaas ka haysano. Ma siin karno inay baaraan, kana soo saaraan shidaal 12 balook, ama 6 balook ama xataa 4 balook. Gorgortan xoog leh oo xanbaarsan maslaxadda waddanka waa in la tusiyaa shirkadda Soma Oil. Haddii 6 balook aan siino inay ka shaqeeyaan oo shirkado Farm-in ay keenaan, faaiidada ay ka helaan waa inaan cashuur ka qaadnaa, cashuur taas oo la dhaho Capital Gain Tax, la eg 35-50% faaiidada farm-in ka ay ka helaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasi oo si weyn looga sugayay. Buuq weyn ayaa ka dhacay soo dhoweynta, waxaana isugu soo baxay kumanaan qof. Madaxweyne Farmaajo ayaa xitaa kasoo degi kari waayey gaarigii siday in muddo ah, kadib markii shacabkii kusoo dhoweynayey Garoowe la celin waayey. Wafdiga madaxweynaha oo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa. Ciidamo badan oo ka tirsan booliska iyo kuwa baambeyda ayaa ku sugnaa Garoonka diyaaraha ee magaalada Garowe, iyaga oo madaxweynaha kusoo dhaweeyay magaalada. Garowe waxaa kaga horeeyay xubno ka tirsan wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, kuwaasi oo hordhac u ahaa safarka uu maanta ku tagay magaalada Garowe. Xubnaha xisbiyada oo mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda ku sugan magaalada Garowe, waxaaa ay dhamaan ka qeyb galayaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Waxaa ka horeeyay oo daqiiqado ka hor tagay magaalada Garowe madaxweynihii dowladii KMG aheyd Shariif Sheikh Axmed oo kasoo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Hoos ka daawo soo dhoweyntii Farmaajo Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ku casuman xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhoweyd soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Mudane Shariif Sheekh Axmed markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen Maxamed Abshir ayaa waxaa ku dhoweeyay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan Aqalka saree e Baarlamanka Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa isna soo gaaray Garoowe, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Garoowe. PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif iyo Cali Geeddi oo soo gaaray Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo gabagabeeyay tartan ay u qabteen ilaa 10-koox kaas ay ugu magac dareen Muqdisho Talent Cup waxaan xeritaanka koobkan ka qeeb galay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeetti,iyagoo dhiiri geliyay labadii koox ee fiinaalka wada ciyaaray. Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa ka warbixiyay mudadii uu tartanka socday iyo yoolkii ugu weynaa ay usoo qaban qaabiyeen. Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo garab istaagida ciyaartooyda xirfada leh ee ku dhaqan degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaar ka mid ah ciyaartooydii ka qeyb gashay Muqdisho Talent Cup ayaa inoo waramay kulan ka dib,iyagoo u mahad celiyay maamulka kooxda dowladda Hoose oo soo abaabulayay koobkan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay tartamadda nuucaan oo kale laga helayo xirfadlayaal tayo leh kuwaas oo wax badan ku kordhin kara hanaanka kooxaha kubbadda cagta iyo xulka qaranka dalka. Si kastaba maamulka Kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa wada da’daalo ku aadan horomarinta ciyaaraha iyo soo saaridaa xirfadlayaal da’yar ah kuwaas oo mustaqbalka ka ciyaara kara tartamadda gudaha. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Muqdisho Talent Cup W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
The president of the Federal government of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in Garowe for the inauguration ceremony of the newly elected president of Puntland, Said Abdullahi Deni which is to take place in Garowe on Saturday night. President Mohamed Abdullahi Farmajo, former presidents, Hassan Sheikh and Sheikh Sharif Sheikh Ahmed as well as the leaders of regional states across the country and hundreds of high profile guests are reported to be attending the inauguration. Also in attendance will be the representatives of the international community including United nations mission office for Somalia UNSOM, IGAD and members of the diplomatic core. Security has been stepped up in and around the venue in Garowe, the administrative capital of Puntland regional state ahead of the inauguration ceremony. Puntland President, Said Abdullahi Deni was elected on 8th January with 35 votes defeating his adjacent contender, General Asad Osman Diyano who garnered 31 votes. The post Farmaio arrives in Garowe for inauguration of new Puntland president appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors