-
Content Count
207,314 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Caasimada Online)-Waa goordhow xarunta magaalada Garowe ka bilaabatay xafladda caleemo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan. Goobta munaasabadda ka dhaceysa ayaa aad loo qurxiyay, waxaana ku sugan masuuliyiin kala duwan, iyadoo kuraaska hore loo qorsheeyay inay ku fariistaan madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Wafuud Caalami ah oo ka socota dalalka xiriirka la leh Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya munaasabadda, waxaana kamid ah wafuud ka socota Kenya, Ethiopia, Turkey, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo kuwo kale. Amaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa inay bilowdaan hadal jeedinta ay sameynayaan madaxda kala duwan ee ka qeyb galaysa munaasabadda caawa ka dhaceysa magaalada Garowe. Caasimadda Online ayaa si toos ah idiinkuugu soo gudbin doonto khudbadaha madaxda ku sugan magaalada Garowe.
-
Source
-
(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta Euronews ayaa maanta ku warramay in Dawladaha Afrika qaarkood ay Internetka ka jareen dadweynahooda. Ilaa 2016kii waxa la diwaangeliyey 371 kiis oo ku wajahan xakameynta Internetka oo intooda badani dhaceen Gu’gii hore 2018. Waxa lagu macneeyey in dawladuhu u xidheen Internetka sababo ay ka mid yihiin ilaalinta ammaanka qaranka iyo xakameynta baahinta dacaayadaha waxba kama jiraanka ah. Internet xidhku wuxuu Afrika ka bilaabmay dalka Guinea sannadkii 2007dii oo Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Mr. Lansana Conte, uu goo’yey khadka Internetka. Euronews wuxuu xaqiijiyey in dalalka Chad, Sierra Leone, Ethiopia, Somaliland, Algeria, Togo, Cameroon, Gambia, Uganda, Gabon, Algeria, Morocco, Lybia, Tunisia, iyo Algeria ay jareen khadkii Internetka xiliyo kala duwan oo iskugu jiray saacado, maalmo iyo billo. Waxa kaloo jira warbixinta Euronews shaxan muujinaya in:- 2016: Waxa la xidhay internetka 75 jeer. 2017: Waxa xakameeyey internetka 108 jeer. 2018: Internetka waxa la jaray 188 jeer. Source
-
Waxa aad in badan aragtaa iyada oo la isku haysto xilalka qaranka iyo qaabka loo wadaagayo, iyo sida wax loo qaybsanayaa nooca ay noqonayso iyo qabiil waliba waxa uu helayo iyo waxyaabo noocaas ah. Haddaba waxa loo jecel yahay xilalka qaranka in beel waliba ka muuqato markii aan in badan daraasadeeyay waxa uun aan u fahmay in ay tahay laba nooc marka loo eego habdhaqanka dawladnimada somalida; 1- Midi waa sareyn ( kind of superiority ), oo faankeeda iyo hawlaheega harawsiga ah wadata, oo hadii ay beeshii ay iska dhex arki waydo ay u qaadanayso in la yasay ama la yaraystay, marka noocan loo xisaabtamayo ee hab-dhaqankani lagu shaqeynayona way ku saxsan yihiin. 2- Mida labaadna waa maadaama nidaamka shaqaaleynta iyo adeegyada dawladu bixiso aanay sidii loogu talagalay dadka u wada gaadhin oo ah nidaam cadaaladeed oo ku salaysan baahiyaha ay dadku qabaan, in ay masuulkan xukuumada ugu jira ay ka doonaan shaqaaleyn iyo waxqabad iyaga oo laftooduna ma qaldana marka habdhaqanka noocan ahi shaqeynayo. Haddaba marka aynu ka hadlayno dawladnimo sax ah oo habdhaqankeeda iyo qaabka ay u shaqeynayso aynu qeexayno labadan qaybood ee aan idhi waa sax labaduba waa qalad sababtuna waxa ay tahay; Hadii reerkiinu ama deegaanka aad ka soo jeedaa xukuumada ku yar yahay ama laga tago, beeshaada lama yasin lamana yareysan ee qofkii qaranka u shaqeynayey ayuun baan la idinka dhex xulan , dawladnimada iyo nidaamka maamulkana kuma xidhna sareynta iyo hooseynta dadkaagu ee ogsoonow. Masuulka xukuumada lagu daraa ee loo magacaabaa waxa uu u shaqeynayaa qaranka, qarankuna waa dadka dalka ku nool oo dhan in uu kala xigtaysto iyo in uu u kala eexdo midna lama rabo, shaqaaleynta iyo nidaamka xuquuqaha ay beeshaa ama deegaankaasi ku helayaana waxa lagula xisaabtamayaa Hay’adaha ku shaqada leh baahiyahooga. Markaa habdhaqanka iyo nidaamka noocan ahi waa wax in badan lagu soo shaqeynayey oo dhex galay habdhaqankii bulshada iyo afkaarahoogii sida loo badan yahay una baahan in loo bisleeyo dawladnimo hadii qaranku u baahdo Saddex walaalo ah xilal loo magacaabi karo, iyaga oo aan loo nisbaynayn walaalnimadooda, qabiil iyo deegaan midna. Runtii lama yaabani sida ay dadku u xisaabtamayaan iyo sida ay wax u arkayaan oo waa sida inta ugu badan maanta dadkeena iyo nidaamkeena siyaasadu ku shaqeeyo oo waxa uun ay qaabilsan tahay waaqica dalka ka jira. Waa hawl adag oo ina hortaala inteena sabankan nool in aynu xalino oo ay dadkeena dambe iyo caruuraheenu helaan dawladnimo bisil oo sal adag leh oo hab fikirka iyo qaabka loo xisaabtamayaana uu taagan yahay meel aad uga sareysa halka aynu maanta ka fikirayno. Aragtidayda uun baan hadlay. @Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
-
Ma macdaar nin qudhi leeyahaa, Maandhow Qarankeenu Miyaan xeer shaqeeyiyo dastuur, meesha loo dhiganin Malahiisa siduu maagan yahay, moodistiyo tiisa Ikhtiyaar ku maamulid dalkani, maanu ka xoroobin. Cabdiraxmaan Abees Dhacdooyin lakawsaday bilawgii xukuumada + dhibaatadii kala qabsaday qaybo kamid ah bulshada oo aan goob joog ka ahaa kutumashada awooda madaxweynaha. Tan iyo markii madaxweyne muuse biixi cabdi la wareegay talada dalka waxaa soo baxaayay guux bulshada qaybaheeda kalla duwan kasoo gaadhaayay xafiiskiisa iyadoo meelaha ay bulshadu ku kulanto aad looga hadal hayay abuuritaanka kooxo sifo sharciga baal marsan u maroorsaday awooda madaxweyne biixi iyadii kooxahaasi ay isku jiraan dhallinyaro ay midaysay inay shaadhka Madaxweynaha qaranka jamhuuriyada somaliland ee u adeegsadaan danahooga gaarka. Kooxasaahi isku bahayntay ku macaashista shaadhka madaxweynaha ayaa ahaa qaar bilawday Sanadkii 2016kii wakhtigaasi uu madaxweyne biixi ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye waxaanay bilaabeen sidii ay ugu diyaargaroobilahaayeen dhisida musharaxii wakhtigaasi haatana ah madaxweynaha qaranka dhallinyaradan ku midawday danahooga khaaska ah oo iskujira qanacsato Iyo Dhallinyaro kalla duwan oo qoys dhaw yihiin madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa ka hawlgalay sidii Gudoomiyihii hore ee dalada SONYO haatan ah xoghayah khaaska ah ee madaxweyne biixi Mubaarik Ismaciil taani ay meesha u gaysan lahaayeen iyagoo Madaxweyne Biixi oo wakhtigaasi Ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye ku qanciyay in ay uga dhigaan xoghayn gaar ah wakhtigaasi oo ay jaanis u heleen ilaa laba xoghaye oo uu iska badelay Madaxweyne biixi markii uu ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye. Guux iyo qalo badan oo hadheeyay taageerayaasha xisbiga kulmiye tani markii uu noqday Mubaarik ismaciil taani xoghayaha gudoomiyaha xisbiga kulmiye horaantii sanadkii 2016kii ayay qaybihii kalla duwanaa ee xisbiga u ahaa udub dhexaadka iyo taaageerayaasha waxaay kadeed badan kala kulmiyeen adeegaha musharaxii shacabka ka rabay codka iyadoo aan goob Joog ka ahaa dhacdooyin badan oo qaar kamid ah haldoorkii xisbiga keentay inay ka huleelaan Xisbigii ay waayaha adag lasoo mareen. Bilaabaatitaanka kooxahaasi ay dantu midaysay ayaa bulshada kalla duwan ee somaliland waxaa layaab ku noqotay in madaxweynihii goaanka adkaa ee ay doorteen ay hareerihiisa ka socdaan dhallinyaro kala duwan sifo sharciga baalmarsan u adeegsanaaya shaadhkiisa iyadoo Madaxweyne biixi bulshada somaliland mudadaa sanadka ah ee uu xilka hayay uga markhaati kaceen sida uu qoyskiisa uga fogeeyay talada qaranka inay ku milmaan iyadoo ay jiraan dhacdooyin badan oo qaar ka mid shaqaalaha dawlada somaliland oo ay xigto dhaw iyo mid fogba yihiin madaxweyne biixi ay wasiirsadiisu ay sifo baalmarsan sharciga oo ay Madaxweynaha doonayeen inay kalsooni kaga heleen u duudsiiyay muwaadin badan xaq ay qaranka ku leeyihiin taabadelkiidana ay wasiiradu qoyskooda kasoo buux dhaafiyeen wasaaradaha kala duwan. Bilawgii xukuumada madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa waxaa la dareemay is kooxaysi ku dhisan hab danaysi oo lamid ah kii kooxaha u kala jabiyay dalladii dhallinyarada qaranka wakhtigii uu hogaaminaayay mubaarik taani inuu ka bilawday qasriga looga aramiyo qaranka siiba xafiiska madaxweynaha iyadoo tiraba ay jiraan dad badan oo karaamo iyo sharaf ku leh qaranka oo lagu bahdilay madaxweyanaha magaciisa. Lasoco qaynta seddexaad oo xambaarsan dhacdooyinka aan goob jooga ka ahaa ee sifada Baalmarsan sharciga uu u adeegsado awooda madaxweynaha qaranka somaliland . Allah Mahad Leh Axmed Maxamed Shaqalle 0634242204/065911826 Hargeysa Somaliland Source
-
Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay”. Abu Xaamid Maxamed Ibnu Maxamed At-tusi Nisaabuuri, waa foollaaddadii aqoonyahanka diineed qarnigii shanaad ee Hijriga. Waxa uu ka mid yahay taariikhyahannadii ugu saameynta badnaa dunida Muslimka ka dib geeridii Nabi Maxamed. Waxa loo tixgeliyaa in uu ahaa kacaani iyo cusboonaysiiye dhaqanka iyo caqiidada ah, taas oo uu guntiga dhiisha ugu xidhay sidii loo soo celin lahaa iimaanka bulshada Muslimka ah oo sii daciifayay. Arrintaana waxa loogu sharfay oo uu kula baxay naanaystii caanka noqotay ee “Xujadii Islaamka.” style=”text-align:justify”> Dhalashadiisii iyo Barbaariddiisii Qasaali waxa uu sannadkii 1058kii ku dhashay magaalada Tus oo ka tirsan dalka Iiraan. Aabbihii wuxu ahaa xoogsade xalaal miirad ah. Sida oo kale waxa uu ahaa suufi talaxtag ah oo xaadirijiray goobaha xadrooyinka. Taariikhyahannada dhexdooda waxa ka taagan muran ku salaysan isirnimadiisa. Taariikhyahannada qaarkood ayaa ku doodaya in uu Carab Beershiyaanoobay yahay, halka kuwa kale taagan yihiin in uu yahay Beershiyaan dhalad ah. Aabbihii wuxu geeriyooday isaga oo yar, waxa soo barbaariyey walaalkii Axmed Qasaali. Waxa uu arday u noqday wadaaddadii ku noolaa magaalada Tus oo uu aqoonta diinta ka baranjiray. Safar waxbarasho wuxu u tagay magaalada Nisaabuur oo Ciraaq ku taalla si uu aqoon korodhsi uga helo. Waxa kale oo uu tagay magaalada Baqdaad oo isla Ciraaq ah. Waxa uu galay waxbarashada tooska, waxa uu xoogga saaray fiqiga iyo usuulu-fiqiga. Kolkii uu waxbarashada dhammaystay isaga ayaa noqday macallin. Qasaali iyo Suufinnimada Qasaali waayihiisu waa qaar gedgeddoon badan, da’yari ayuu magaalooyin kala duwan ugu waxbarasho tagay, inta aanu soddonjir gaadhin ayuu caalim diineed noqday. Jaamacadda qadiimiga ah ee Nadaamiya oo ku tallaay dalka Ciraaq ayuu macallin ka noqday. Mushahar midka ugu badan ayaa la siiyey. Ardaydu duruusta jaamacadda waxa ay ugu jeclayeen casharradiisa. Waxa uu helay maamus qof la weyneeyo midda ugu sarraysa, magaciisuna wuxu ku baahay dunida Islaamka iyo aqoonyahanka gaaleed oo ogsonaaday heerkiisa aqooneed. Walaalkii Axmed Qasaali oo daaci weyn ka ahaa magaalada Tus, ninkii soo koriyeyna ahaa ayaa Baqdaad ugu yimid isaga oo lagu xoonsanyahay, waxa uu la yaabay habdhaqankiisa oo aan soo jiidan, dabadeed gabay ayuu u tiriyey macnihiisu noqonayo, “Waxa aad tahay mid dadka hanuuniya, se aan isagu is hanuunin. Qof dadka wanaagga maqashiiya se aan isagu is maqashiin. Waxa aad la mid noqotay dhagaxa middiyaha soofeeya, si ay wax u gooyaan se aan isagu waxba goyn karin.” Imaam Qasaali wuxuu garawsaday intii uu waxbaridda ku jiray in xidhiidhkii uu la lahaa Rabbi SWT uu yareeyey, taasi werwer nafeed ayey ku keentay. Wuxu go’aan ku gaadhay in uu u go’o cibaadada Alle. Baqdaad ayuu habeen badh ka guureeyey oo uu u amba baxay dhulweynaha Shaam iyo in uu u tago xertii suufiyiinta ahaa ee Khaaniqa la odhanjiray. Qasaali isdhuldhigid iyo in aan la garan ayuu go’aansaday, xertana adeege ayuu u noqday. Suufinnimada Qasaali waa asalraacii saldhiggeedu ahaa tarbiyeynta nafta, nadiifinta qalbiga, ku sugnaanta akhlaaqda wanaagsan iyo ka fogaanta xaaraanta. Intii aanu saldhigan suufinnimada waxa uu la daaladhacay aragtiyo uu marba mid foodda gelinayey se aanu ku xasilin. Qasaali iyo Shaaficiyada Maxamed Idiris Shaafici waa mid ka mid ah afarta imaam ee bud-dhigay fahanka diinta (fiqiga). Maddarasadda aragtiyeed ee Shaaficiyadu waxa ay noqotay mid daafaha dunida ku baahda. Meel kasta oo Muslim joogana la joogta. Shaafici mad’habtiisa fiqiga ah waxa la garab galay culimo dabadii noqday shamac ifiya mad’habkiisa. Abu Xaamid Qasaali waa tiir ka mid ah tiirarka dhidibbada u taagay mad’habta fiqiga ah ee Shaaficiyada, waxa uu ka mid yahay aqoonyahanka ugu tunka weyn fuquhadooda. Waxa uu leeyahay dhiganayaal badan oo ay ka mid yihiin Al-wasiid, Al-basiid iyo Al-wajiis oo ka mid ah kutubta maraajicda u ah mad’habta Shaaficiyada. Ashcari, Salafi Qarnigii labaad ee tirsiga Hijriga waxa dunida Muslinka ka aloosmay muran ku aaddan fasirka sifaadka Alle SWT, wadaaddadii xilligaa joogay waxa ay isku maandhaafeen fasirka arrintaas. Aasaasaha mad’habta fiqigaa ee Xanafiyada Abu Xaniifa waxa uu ka mid yahay raggii ugu horreeyey ee aayadaha iyo axaadiista ka warrama sifaadka Alle dhan iska taagay. Abu Xaniifa waxa ka farcamay xagga aaminaadda sifaadka (caqiidada) maddarasadda loo garan ogyahay Salafiyada oo sugaysa sifaadka Alle SWT, hadday tahay; awooddiisa, araggiisa, maqalkiisa, hadalkiisa iyo xujooyinka Quraan iyo xadiis leh ee ka warramaya fasirka xubnaha Alle SWT, hadday tahay waji, gacmo, indho iyo ku sugnaanshaha carshiga. Sugistaa waxa u raacda in ay aamiinsan yihiin in sifooyinkaa ay Alle SWT, u sugeen in aan lagu samayn karin u eekayn (tashbiih) iyo leexin (ta’wiil). Tusaale ahaan kolka laga hadlayo waji in aan qofku sawiran karin in wajiga Alle SWT, uu u eeg yahay ka aadanaha oo kale. Qarnigii Afraad ee tirsiga Hijriga Abu Xasan Al-ashcari waxa uu u dhawaaday aragtida Abu Xaniifa ee ku saabsan fasirka sifaadka. Abu Xaniifa waxa dagaal xooggan kala dhexeeyey oo dhanka fasirka ku saabsan kooxaha Muctasilada, Jahmiyada, Mushabbihiinta. Tusaale ahaan Muctasiladu sifaadka Rabbi waa ay dafiraan sida araggiisa oo kale. Hab xeeladaysan ayeyna u dafiraan iyaga oo kuu muujinaya in aanay diiddanayn ayaa ay haddana leeyihiin; waxa aanu diiddanahay in la kala qaado Alle iyo sifooyinkiisa, aragga Alle waa isla isaga ee maaha wax ku lammaan. Waa falsafad majara habaabin ah oo diidmada ay diidan yihiin falsafadaynaysa oo aan muujinayn haddana diidmo. Kooxda kale ee Mushabbihiinta oo uu fikirkooda lahaa Waasil ibnu Caddaa, aamiinsanaana in sifaadka Ilaahay iyo addoomihiisu isku mid yihiin oo wax ay ku kala duwan yihiin aannu jirin. Abu Xasan Al-ashcari waxa uu ku waafaqay Abu Xaniifa iyo maddarasaddiisa sifooyinka Alle ee ku aaddan awooddiisa, araggiisa, maqalkiisa iyo hadalkiisa, waxa uu aaminsan yahay in isaga loo sugo oo aan eekaysiin (Tashbiih) iyo leexin (Ta’wiil) midna lagu samayn. Hase ahaatee waxa ay isku maandhaafeen fasirka wajiga, gacmaha, indhaha iyo ku sugnaanshaha carshiga in Alle SWT, loo sugo. Ashaacaridu waxa ay qabaan in kolka la jooga sifaadka maqalka iyo aragga Alle uu fasirka leexintu (ta’wiil) bannaan yahay oo marka maqal laga hadlayo la odhan karo awooddiisa. Marka laga hadlayo in uu habeenkii samada adduunyada yimaaddana la odhan karo amarkiisa ayaa yimaadda. Khilaafka labada maddarasoodna xaggaa ayuu ka bilaabmay. Qasaali waxa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay ragga horumariyey aragtida Ashcariyada. Qasaali, Baqlaani iyo Junayni waxa loo aqoonsanyey aasasayaasha maddarasadda Ashaacirada kolka laga yimaaddo Abu Xasan Al-ashcari. Intii ugu badnayd noloshiisa mabda’a Ashcariyada ayuu faafinteeda, difaaciddeeda iyo horumarinteeda ku foogganaa. Qaradaawi waxa uu ku soo guuriya kitaabkiisa “Al-fusuul fil Caqiidah Bayna Salaf Wal Khalaf” in Qasaali gebegabadii noloshiisa uu qoray kitaabka la yidhaa “Iljaam Al-cawaam can Cilm Kalaam” kitaabkaasna uu kaga noqday fikirkiisii ku saabsanaa fasirka sifaadka Alle SWT. Waxa layaab leh oo kitaabkaa ku jira, marka uu ka hadlayo maddarasadda Salafiyada in uu odhanayo, “xaqa kiisa cad waxa uu la jiraa mad’habka salafiyada; waxa aan u jeeda mad’habtii Saxaabada iyo Taabiciinta.” Qasaali waxa uga horreeyey ka noqoshada in la leexiyo (ta’wiil) fasirka sifaadka Alle Abu Xasan Al-ashcari. Kitaabkiisa “Al-Ibaana” waxa uu si cad u sheegaya in aan la leexin karin sugnaanshaha Alle SWT, ee Carshiga. Waxa uu qiraya in Alle loo sugo, waji, arag iyo gacmo oo uu markiisi hore uu aaminsanaa in la leexin (ta’wiil) karo. Waxa uu si cad u odhanayaa, “Hadalka Alle (Quraanku) maaha mid la abuuray.” Waxa uu bannaanka iska mariyey qolyihii Jahmiyada. Isaga oo si toos ah buuggiisa “Al-Ibaana” ugu duraya kooxdii uu mar soo maray ee Muctasilada iyo kooxaha uu sida cad u sheegayo in ay leexsameen sida; Jahmiyada, Qaddariyada, Xaruuriyada, Raafidada iyo Murji’ada. La soco qaybta labaad Sheekh-Cabdirisaaq-Cabdiraxmaan-Xasan-Rakuub Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay ku yeelan doonaan Magaalada Nairobi kulan balaaran oo ah shirka labaad ee Guddiga farsamo ee Iskaashiga Labada dal kaas oo ay hore ugu yeesheen magaalada Nairobi kulankoodii ugu horeeyey 30 -31 bishii July 2015. Kulankaas ayaa lagu heshiiyey in labada dal ay yeeshaan iskaashi balaaran ee dhinaca Amaanka, ladagaalanka Argagixisada, dhaqaalaha , Siyaasada iyo isdhexgalka labada shacab ee Somaaliya iyo Kenya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay saxiixdeen 6 Sept 2005 heshiiska Iskaashiga lada dal oo lagu asaasaasey guddigan labada dal ee iminka ku shiraya Nairobi. Shirkan ayaa waxaa la filayaa in ka soo baxaan qodobo la xiriira dhinaca isku socda labada dalka, iskaashi dhinaca ammaanka xuduuda labada dal qiyo sidoo kale arrinta kale oo ay sheegeen Golaha wasiirada in ay Kenya kala hadli doonaan Arrimaha Shirkada Hormuud oo dhowaan laga gudbey goobo isgaarsiin oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen Ciidamada dalka Kenya. Caasimada Online ayaa ogaatey in Wasiiradda Arrimaha Kenya Amb, Monic Juma iyo Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ay ku saxiixi doonaan wadashaqeyn faahfaahsan oo ay yeeshaan labada dalka Magaalada Mandheera ee dalka Kenya Maalinimada Talaadada ah. Ka sokow iskaashiga laba dal iyo in Kenya ay kamid tahay dalalka ay soomaaliya ka joogaan ciidama nabad ilaalinta haddana waxaa jirta in maxkadama cadaalada Adduunka uu horyaala kiiska dacwad badeedka Soomaaliya oo ay labada dal ku xalisan waayeen is afgarad iyo wadahadal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa ay laba guri magaalada Hargeysa uga dhisaysaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo mid ka mid Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland soo maray. Xukuumadda ayaa Miisaaniyadda sannadeedkan 2019-ka ku dartay labada gari ee la sheegay in loo dhisayo labadan oday ee reer Somaliland, arrinta mucjisada ah ayaa waxa ay tahay in qiimaha ay ku kacayaan labada ay guri ay la qiimo yihiin mashaariic tiro badan oo Madaxweyne Muuse Biixi soo dhagax dhigay muddadii uu safarka ku marayay gobollada bariga Somaliland kuwaas oo kala ah Shaybaadh baa laga dhisaya, garoon la yidhi Ceerigaabo ayaa laga dhisaya, garoon la yidhi Oodweyne laga dhisaya, garoonka Timacadde, dhismaha dabdamiska Berbera, dhismaha dabdamiska Laascaanood. Hoghayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay arrintan waxa uu ka dhaliilay tallaabadan xukuumadda Madaxweyne Muuse Muuse Biixi isaga sheegay in arrintan ay tusaale u tahay halka aynu u socono. “Laba guri oo Hargeysa laga dhisayo oo midna lagu maamuusayo madaxweyne xigeenkii hore midna guddoomiyaha baarlamaanka dhaqaalaha ku baxaya ayaa wuxuu isku leeg yahay meel la yidhi Shaybaadh baa laga dhisaya, garoon la yidhi Ceerigaabo ayaa laga dhisaya, garoon la yidhi Oodweyne laga dhisaya, garoonka Timacadde, dhismaha dabdamiska Berbera, dhismaha dabdamiska Laascaanood waxaas oo dhan lacagta loogu talo galay waa lacag leeg lacagta lagu dhisayo laba guri oo lagu maamuusayo laba nin oo odayaal ah. Odayaasha in la maamusa waa sax laakiin, waxaad arkaysa qorshaha aynu leenahay iyo halka aynu u socono ee humaagga ah,” Sidaas ayuu yidho Xoghaye Khadar. Source
-
Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Maxamed Cilmi Aadan ayaa tababar u soo xidhay 25 haween ah oo ganacsiyo kala duwan ku leh magaalada Hargeysa. Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ay haweenku u leeyihiin ganacsiga iyo sidii ay u samaysan lahaayeen qorshe iyo raasamaal ay ku maamulaan ganacsigooda. Agaasimaha guud ee wasaarada shaqo gelinta, arimaha bulshada iyo qoyska Maxamed Cilmi Aadan oo ka hadlay xidhitaanka tababarkan ayaa dardaaran u jeediyey haweenka ka qayb galay, waxaanu kula taliyey inay aqoontooda kor u qaadaan isaga oo xusay in wasaarada shaqadu ay diyaar u tahay inay haweenka u abuurto. ganacsiyo ay horumar ka gaadhaan, waxaanu ku booriyey inaanay isku halayn taageero ay ka helaan hay’addaha. Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan ayaa dhinaciisa kula dardaarmay haweenka tababarku u soo dhamaaday ayaa u soo jeediyey inay ku daydaan haweenka geeska Afrika ee horumarka ka gaadhay ganacsiga. Maxamuud Jaamac Khayre oo ah madaxda hay’adda Smef ee somaliland oo ka hadlay xidhitaanka tababarkan ayaa waxa uu ka waramay waxyaabaha lagu baray haweenka waxaanu yidhi “Waxa uu ahaa barnaamijkani ahaa laba qaybood kaas oo midna haweenka lagu tababarayey ganacsiga midna xirfada, markaa tababarkani waa qaybtii labaad ka dib markii la ogaaday inay aad u yartahay fursada ay haweenku ka helaan marka tartan loo galayo maalgashiga waxa la go’aansaday in tababarka noocan ah loo qabto kaas oo aqoontooda kor u qaadaya si ay uga qayb galaan fursadaha maalgashiga ee mustaqbalka.” Source
-
U.S. Africa Command, which oversees U.S. military operations on the continent, will again release the number of enemy fighters killed and damage information caused from its airstrikes, after briefly saying it would no longer do so. “We will continue to report results of strikes, although we are working on refining our messaging to place less emphasis on the number of militants killed and place more context on how these strikes are helping our Somali partners achieve their strategic security objectives,” AFRICOM spokesman John Manley told VOA Friday. The U.S. military announced Thursday it had carried out two new airstrikes in Somalia against the al-Shabab extremist group the day before but did not provide details on fighters killed or damage done to enemy weapons or positions. A U.S. Africa Command spokesman referred VOA and other outlets to the Somali government to obtain that information. Hours later, a defense official told VOA the strikes had targeted an al-Shabab checkpoint, killing one militant. The latest strikes come days after the deadliest U.S. airstrike in Somalia in months. U.S. Africa Command announced Saturday that 52 militants of the al-Qaida-linked extremist group were killed in a strike in Somalia’s Middle Juba region. The U.S. military said the strike was in retaliation for an attack on Somali forces. “The terrorists have attacked the base with suicide blasts and fierce fighting occurred. We defeated them and forced them to flee, killing at least 70 militants during the attack and an airstrike that followed,” Abdinur Ibrahim, a Somali regional security spokesman, told VOA. The post AFRICOM to Resume Announcing Somalia Airstrike Death Tolls appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhex-dhexaadin ka dhex wada Wasiirkiisa Maaliyadda Axmed Shide iyo madaxweynaha degaanka soomaalida Mustafe Cagjar oo isku khilaafsan arrimo la xidhiidha siyaasadda degaanka ayaa waxa la sheegay in uu soo afjaray khilaafkaasi. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Garoowe ee caasimadda maamul gobolleedka Puntland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa lagu soo dhaweeyey Garoonka Jeneraal Maxamed Abshir, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Ku-xigeenkiis, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah. Dhankiisa, Madaxweynaha maamulk Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dhammaan wufuud soo ajiibay casumaadda uu u fidiyey. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), iyadoona uu kulammo la qaadan doono masuuliyiinta iyo waxgaradka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Maxsuulka Natiijadii ka soo baxday kulankii uu Abiy Axmed isku soo horfadhiisiyey Axmed Shide iyo Cagjar+Waxa lagu heshiiyey+Sawirro Ra’isal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa maanta Magalada Adis ababa kula kulmay madaxda ugu sarreysa ismaamulka Soomaalida. Kulanka Ra’isal wasaaraha iyo labada Nin ee isku khilaafsan hab maamulka Dowlad Degaanka Somalida ayaa waxaa lagu sheegay in uu is afgarad ku soo dhamaaday. Warkooban oo lagu qoray Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Mustafe Cagjar iyo Axmed Shidde ku heshiiyeen sii wada shaqeynta iyo in laga shaqeeyo horumarinta Maamulka SOomaalida. Todobaadyadii la soo dhaafay Ismaamulka Somalida waxaa ka jiray khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida iyo Madaxweynaha Ismaamulka Mustafe Cumar Cagjar. Afar ka mid ah xubnaha cusub ee Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa xilka qaadis lagu sameeyay kaddib markii lagu eedeeyay in ay khilaaf ka dhexwadaan maamulka sidoo kalena xidhiidh la leeyihiin Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar. Qaran News
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa maanta Magalada Adis ababa kula kulmay madaxda ugu sarreysa ismaamulka Soomaalida. Kulanka Ra’isal wasaaraha iyo labada Nin ee isku khilaafsan hab maamulka Dowlad Degaanka Somalida ayaa waxaa lagu sheegay in uu is afgarad ku soo dhamaaday. Warkooban oo lagu qoray Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Mustafe Cagjar iyo Axmed Shidde ku heshiiyeen sii wada shaqeynta iyo in laga shaqeeyo horumarinta Maamulka SOomaalida. Todobaadyadii la soo dhaafay Ismaamulka Somalida waxaa ka jiray khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida iyo Madaxweynaha Ismaamulak Mustafe Cumar Cagjar. Afar ka mid ah xubnaha cusub ee Ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa xilka qaadis lagu sameeyay kaddib markii lagu eedeeyay in ay khilaaf ka dhexwadaan maamulka sidoo kalena xiriir la leeyihiin Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa caasimada@live.com
-
New York ( Sh. M. Network )-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay sii wadayaan baahinta ku aadan warbixinada duqeymaha cirka ah oo ay ka fuliyaan Soomaaliya, kadib markii dhawaantani ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen baahinta wararkaasi. “Waxaan sii wadi doonaa baahinta Natiijooyinka ka dhasha duqeymaha, inkastoo aan dib u habeyn ku sameyn doono fariimaheena, sidoo kalena waxaan xoojin doonaa ka warbixinta tirada Dagaalyahannada Al Shabaab ee la dilo iyo faah faahin dheeraad ah oo aan ka bixino duqeymahaasi, sidaasi waxaa VOA-da u sheegay John Mankey oo Afhayeen u hadlay Taliska Mareykaka ee AFRICOM. Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay in qorshahani ay uga gol leeyihiin sidii saaxibadooda wada shaqeynta ka dhaxeyso ay uga faa’iidaysan lahaayeen warbixinadooda, si ay ugu dabaqaan howlgalladooda ku wajahan dhanka amniga. Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeynatii ugu dhimashada badneyd bishani sheegay in ay ku dileen 52 ka tirsanaa Al Shabaab duqeyntaasi oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Dhanka kale Cabdinuur Ibraahim oo ah Afhayeen u hadlay DFS ayaa sheegay in khasaaraha Al Shaaab lagu gaarsiiyay duqeyntii Jilib ay korortay, islamarkaana haatan ay mareyso dhimashada 70 xubnood , sida uu hadalka u dhigay. Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, tan iyo markii talada dalkaasi uu la wareegay Madaxweyne Donald Trump. The post Mareykanka Oo ka laabtay go’aankii uu ku hakiyay shaacinta duqeymaha Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sida ay soo warinayaan dadka deegaanka waxaa faraha ka sii baxaya ammaanka degmada Dharkenley, iyadoona saacadihii la soo dhaafay labo Qof oo rayid ahaa lagu dhaawacay xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi. Mid ka mid ah falkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Askari ku labisnaa dareeska Ciidanka dowladda oo dhaawacay mid ka mid ah dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta. Sidoo kale dhacdada kale ayaa dhacday xalay, kadib markii nin hubeysan uu u dhacay Guri ay ku sugneyd Haweeney, kaas oo lugta ka dhaawacay. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka amni ee ka jira degmada Dharkenley ee G/ Banaadir. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Turkey-.mp3 The post Dilal iyo falal amni dari Oo ka dhacay Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors