Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,314
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa jeediyay Khudbad kooban oo u muuqatay mid si wanaagsan looga baaraan dagay. Khudbadiisa ayuu kaga hadlay mahad celin uu u jeedinayo dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay shantii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo sheegay in bilowga doorashadii looga guuleystay ay aheyd mid si wadajir ah looga shaqeeyay. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu kula dardaarmayo madaxda hadda talada qabatay inay ka shaqeeyaan horumarka deegaanada Puntland islamarkaana laga wada shaqeeyo horumarka guud ahaan ee dalka Soomaaliya. “Dowlad goboleedyada waxaa laga rabaa inay si mug leh ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo waxyaabaha lagu heshiiyay, inteena halkaan joogta ayaa ku matalaya Soomaaliya nooca dalkeena uu noqonayo” “Waxaan joognaa cidna uma maqna ceelna uma qodna, waxaan leeyahay waxaan u baahanahay wadahadal iscafis ah oo dalka lagu badbaadinayo”ayuu yiri Gaas. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in isaga uu si dhow ula shaqeyn doono madaxda kala duwan ee Puntland “aniga ma noqon doono madaxweyne Kursiga idinkula fariistee waxaan noqon doonaa oday idinla shaqeeya”ayuu yiri Gaas. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  2. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya iyo Puntland. Khudbadiisa ayuu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka dalka Soomaaliya, dib u heshiisiinta madaxda maamulka Galmudug, xalinta Khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo sidoo kale khilaafka u dhaxeeya xubnaha mucaaradka ee xisbiyada ku jira iyo madaxda dowladda Soomaaliya. “Waxaa meesha loo yimid baan is leeyahay niyad sami ayaa halkaa la iskuugu yimid, waxaan leeyahay halkaa “Garowe” waa lagu nafisayaa, adduunka khilaaf siyaasi wuu ka jiraa laakiin waa la xaliyaa, caqliga ha shaqeeyo, Trump ayaaba lagu dhagay oo isagaa tanaasulay, inaga maxaa inoo diiday inaan isku tanaasulno” “Waxaan leeyahay dib haloo bilaabo wadahadalka Somaliland, midnimada halaga shaqeeyo, dad badan ayaa daneynaya in wadahadalka dib loo bilaabo, Turkey ayaa kaalin wanaagsan qaadaneyso, dadka wey is dhex galaan Tusaale Garowe iyo Hargeysa” “Ajaaniibta waxaan leeyahay anaga hana kala jeedinine waxaad heysaan miiska soo saara, dowladaha carabta ee baqeylada ah ee maalin walbaa ka tuugeyno garoomo noo dhisa, waxaad heysaan miiska soo saara anaga dhinacyada hanoo kala jiidaninee”ayuu yiri Faroole. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  3. Garowe (Caasimada Online) – Waxaa dhamaaday hadal jeedinta madaxda maamul goboleedyada dalka oo ka qeyb galay xafladda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa ugu horeeyay hadal jeedinta madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, waxaana uu kaga hadlay horumarka Puntland ay gaartay iyo fariin uu u dirayay madaxweynaha cusub ee Puntland. Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa yiri:- “Puntland waxay soo martay marxalado kala duwan, markii ugu horeysay oo aan imaanayay waxay aheyd waqti hore, waxaan si gaar ah ula dardaarmayaa madaxweynaha Puntland halkaan waxaa jooga shacab badan oo reer Koofur Galbeed ah, waxay heleen xuquuqdii ay lahaayeen oo dhan, kaliya waxaa u haray xuquuqdoodii siyaasadda, adiga ayaana kaa sugeynaa madaxweyne”ayuu yiri Lafta Gareen. Waxaa kadib hadalka la siiyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isaga oo ka hadlay waxyaabaha uu ku arkay magaalada Garowe ee maamulka Puntland. “Waxaan rabaa kaliya inaan ka hadlo Puntland, waxaa iigu dambeysay 2004 oo aan usoo gurmanay dadkii Sunaamida ay saameysay, maanta halka ay joogto iyo halka maanta ay joogto farqi weyn ayaa u dhaxeeya, waxaa muhiim ahaa inay horumarkaasi ku gaareen wadajirkooda”. “Aniga iyo wafdigeena waxna waan keenay waxna waa la noqoneynaa, waxaan guul u rajeynaynaa madaxweynaha cusub. shacabkana guul ayaan u rajeynayaa”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Waxaa sidoo kale ku xigay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana uu ka hadlay horumarka Puntland iyo muhiimadda ay leedahay in la is cafiyo oo la wada shaqeeyo. “Annaga iyo Puntland waxaa inoo gaara inaan nabadii kuwada noolaano, wax kale oo aan sheegayo ma jirto, waxaan rajeynayaa inaan Boosaaso intaan Gaari kasoo raacno ku tagno magaalada Dhuusomareeb, haddana wey dhow dhow dahay, waxaan rajeynayaa inaan gaarno meesha aad gaarteen”ayuu yiri Mr Xaaf oo u muuqday inuu wax badan ka gaabsanayay. “Marka hore waxaan leeyahay aan iscafino, Cafi iyo masaamax marka xigtana aan midnimada ka shaqeyno, towfiiqda alle hana waafajiyo”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Ugu dambeyn waxaa hadalka la siiyay Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah, waxaana muuqata inuu ka duwanaa madaxda kale ee maamul goboleedyada. “Waxaan u malaynayaa caawa shaqo fiican ayaa halkaan ka socoto, waxaan garaneyn midey tahay walqad iyo galbin middey tahay, xafladaan waa mid taariiqi ah oo maanta isu keentay Soomaali oo dhan, oo waxaa guddoomiyaha Gaarisa uu sheegay in xitaa NFD laga joogo Soomaalida wax matala”ayuu yiri Madoobe. “Reer Puntland waxaan leeyahay waa mudan tihiin in wax badan la idiinkaaga daydo, Soomaaliya markaan eego, maanta waxay gaadhay xiligii taariiqda dib loo sici lahaa, waxay taagan tahay war halkeen ku soconaa, waxay taagan tahay xili qofka loo baahan yahay inuu qoro, war maxaad Soomaali kaga tageysaa”. “Waxaa hubaal ah in qof walbaa beri uu banaanka ka tagi doono meesha uu joogo, madaxweynayaal nasoo maray ayaan og nahay qof walbaa wuxuu qabtay, aan garano waxaan dadkeena kaga tageyno, waxaan ku socon karnaa, wada tashi, isqancin, is ixtiraam iyo masuuliyadda”. “Waxaa loo baahan yahay inaan isu nimaado oo wax isweydiino, waxaan mar labaad so dhaweynayaa warka ahaa inaan iscafino, is shaqada la isku canaantaana ceeb maaha, qof walbaana masuuliyad ayuu leeyahay, waxaan leeyahay aan halkaan ka bilowno fulinta hadaladii odayaasha dhaqanka”ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan Barnaamijkeena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar____Qubanaha-260119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. At least two people have been injured during an explosion outside a restaurant in Nairobi. The blast, which was caused by an improvised explosive device, occurred shortly after 7 pm outside Smothers Fast Food Restaurant on Tom Mboya Street. One of the victims suffered minor injuries on the leg after he was pierced by shrapnel from the IED during the Saturday incident. According to a Nation photographer on the ground, two people were taken away for treatment. So loud was the blast that it was heard as far as Koinange Street, causing panic and disrupting the vibrant Nairobi night life. Police have sealed off the restaurant. The post At least two injured in Nairobi explosion appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Barnaamoijkii tooska/Live-ka ahaa wuu dhamaadey Source
  7. Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa ka socota xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe. Munaasabadda waxaa ka qeyb-gelaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh, madaxda maamul goboleedyada dalka, Ra’ iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole & Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenadoodii, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo wasiirada heer Federaal iyo maamul goboleed, safaaradaha dalalka qaarkood, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, UNSOM iyo marti sharaf kale. PUNTLAND POST The post Toos: Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Nairobi (Sh.M.Network) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax culus oo Fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Booliska ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay meel ku dhow Maqaaxi uu ka dhashay Miino lagu aasay nawaaxiga goobta ganacsi. Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaarey qaraxaan, kaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka ah. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa durba yimid laamaha amaanka, kuwaasi oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala. Wali ma jirto koox dhabarka saaratay mas’uuliyada weerarkaan, balse, xarakada Al-Shabaab ayaa indhawaanahaanba weeraro ka geysaneysay Kenya. Horaantii bishaan ayay ahayd markii ay Al-Shabaab weerartay Hoteelka DusitD2 ee ku yaala Galbeedka Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 21 ruux. The post Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay caasimada Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Naiorbi, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa qarax miino, sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha Kenya. Qarax ayaa ka dhacay isgoyska ay iska galaan waddooyinka Tom Mboya iyo Latema. Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay qaraxa oo dhacay abaare toddobadii habeennimo. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qof kale uu qaraxa ku dhintay. Warar hor-dhac ah ayaa sheegaya in nin Soomaali ah uu ka codsaday nin riixa gaariga yar ee alaabaha lagu qaato ee suuqyada, inuu u qaado baakad, taasi oo kadib qaraxday. Baakadda ayaa la sheegay inay ku jireen walxaha qarxa oo lagu hayey romote, waxaana ninkii lahaa, oo la rumeysan yahay inuu ahaa Soomaali, la sheegay inuu cararay. Booliska ayaa goobta ku sugan ilaa iyo hadda, ayaga oo ka wada baaritaan. Qaraxan ayaa imanaya wax ka yar laba toddobaad markii weerar lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee Nairobi, halkaasi oo 21 qof lagu dilay. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  10. Hal Seegtay Madaxweyne Biixi + Moganaanta Kadeedka Bulshada ka haysta kartilaawe aanay dooran . 2aad Ma macdaar nin qudhi leeyahaa, Maandhow Qarankeenu Miyaan xeer shaqeeyiyo dastuur, meesha loo dhiganin Malahiisa siduu maagan yahay, moodistiyo tiisa Ikhtiyaar ku maamulid dalkani, maanu ka xoroobin. Cabdiraxmaan Abees Dhacdooyin lakawsaday bilawgii xukuumada + dhibaatadii kala qabsaday qaybo kamid ah bulshada oo aan goob joog ka ahaa kutumashada awooda madaxweynaha . Tan iyo markii madaxweyne muuse biixi cabdi la wareegay talada dalka waxaa soo baxaayay guux bulshada qaybaheeda kalla duwan kasoo gaadhaayay xafiiskiisa iyadoo meelaha ay bulshadu ku kulanto aad looga hadal hayay abuuritaanka kooxo sifo sharciga baal marsan u maroorsaday awooda madaxweyne biixi iyadii kooxahaasi ay isku jiraan dhallinyaro ay midaysay inay shaadhka Madaxweynaha qaranka jamhuuriyada somaliland ee u adeegsadaan danahooga gaarka. Kooxasaahi isku bahayntay ku macaashista shaadhka madaxweynaha ayaa ahaa qaar bilawday Sanadkii 2016kii wakhtigaasi uu madaxweyne biixi ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye waxaanay bilaabeen sidii ay ugu diyaargaroobilahaayeen dhisida musharaxii wakhtigaasi haatana ah madaxweynaha qaranka dhallinyaradan ku midawday danahooga khaaska ah oo iskujira qanacsato Iyo Dhallinyaro kalla duwan oo qoys dhaw yihiin madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa ka hawlgalay sidii Gudoomiyihii hore ee dalada SONYO haatan ah xoghayah khaaska ah ee madaxweyne biixi Mubaarik Ismaciil taani ay meesha u gaysan lahaayeen iyagoo Madaxweyne Biixi oo wakhtigaasi Ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye ku qanciyay in ay uga dhigaan xoghayn gaar ah wakhtigaasi oo ay jaanis u heleen ilaa laba xoghaye oo uu iska badelay Madaxweyne biixi markii uu ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye. Guux iyo qalo badan oo hadheeyay taageerayaasha xisbiga kulmiye tani markii uu noqday Mubaarik ismaciil taani xoghayaha gudoomiyaha xisbiga kulmiye horaantii sanadkii 2016kii ayay qaybihii kalla duwanaa ee xisbiga u ahaa udub dhexaadka iyo taaageerayaasha waxaay kadeed badan kala kulmiyeen adeegaha musharaxii shacabka ka rabay codka iyadoo aan goob Joog ka ahaa dhacdooyin badan oo qaar kamid ah haldoorkii xisbiga keentay inay ka huleelaan Xisbigii ay waayaha adag lasoo mareen. Bilaabaatitaanka kooxahaasi ay dantu midaysay ayaa bulshada kalla duwan ee somaliland waxaa layaab ku noqotay in madaxweynihii goaanka adkaa ee ay doorteen ay hareerihiisa ka socdaan dhallinyaro kala duwan sifo sharciga baalmarsan u adeegsanaaya shaadhkiisa iyadoo Madaxweyne biixi bulshada somaliland mudadaa sanadka ah ee uu xilka hayay uga markhaati kaceen sida uu qoyskiisa uga fogeeyay talada qaranka inay ku milmaan iyadoo ay jiraan dhacdooyin badan oo qaar ka mid shaqaalaha dawlada somaliland oo ay xigto dhaw iyo mid fogba yihiin madaxweyne biixi ay wasiirsadiisu ay sifo baalmarsan sharciga oo ay Madaxweynaha doonayeen inay kalsooni kaga heleen u duudsiiyay muwaadin badan xaq ay qaranka ku leeyihiin taabadelkiidana ay wasiiradu qoyskooda kasoo buux dhaafiyeen wasaaradaha kala duwan. Bilawgii xukuumada madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa waxaa la dareemay is kooxaysi ku dhisan hab danaysi oo lamid ah kii kooxaha u kala jabiyay dalladii dhallinyarada qaranka wakhtigii uu hogaaminaayay mubaarik taani inuu ka bilawday qasriga looga aramiyo qaranka siiba xafiiska madaxweynaha iyadoo tiraba ay jiraan dad badan oo karaamo iyo sharaf ku leh qaranka oo lagu bahdilay madaxweyanaha magaciisa. Lasoco qaynta seddexaad oo xambaarsan dhacdooyinka aan goob jooga ka ahaa ee sifada Baalmarsan sharciga uu u adeegsado awooda madaxweynaha qaranka somaliland . Allah Mahad Leh Axmed Maxamed Shaqalle 0634242204/065911826 Hargeysa Somaliland Qaran News
  11. Gabadhi ma dhali karta laba mataano ah, oo aan isku eekayn, Oo kala aabo ah?! W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare Diinteena Islaamku waxa ay faraysaa marka ay ninka iyo xaaskiisu kala tagaan in haweenaydu ay tirsato muddada CIDADDA, taas oo lagaga hortagaayo in ubadka ama caruurta ay haweenaydu u kala leedahay laba nin oo kala duwani ama in kabadani aanay isku khaldamin oo waxay diinti ilaalinaysaa NASABKA ilmaha dhalanaaya. Laakiin wadamada reer galbeedka ee aanu ka jirin dhaqanka Islaamku ayaa waxaa ka dhacada in Haweenay ay umusho laba ilmood oo mataano ah oo laba aabo kale leh. Horta marka hore mataano kasta oo dhashaa waxay u qaybsamaan laba qaybood, mid kowaad ayaa ah mataanaha nooca loo yaqaan “Identical Twins”, oo ah mataanaha isku eeg, waxayna dhacdaa marka ug-xanta(ukunta) Hooyadu inta ay kala qaybsanto laba ilmood u kala korta, mataanahaas halka ug-xanta ka sameysmay ayaa ah kuwo aad iskugu eeg oo aan la kala garan karin oo xitaa hadii la baadho hida-sidayaasha DNA-doodu ay isku mid noqotaa, Tusaale ahaan sidii ka dhacaday Jarmalka 2009-kii, markii boolisku baadheen goob laga dhacay dahab, baadhitaankii booliska ayaa waxay ku heleen Goloofisyo uu isticmaalay mid kamid ahaa ragii dhaca geystay, boolisku markii ay baadheen dhididka qofkii lahaa Goloofyadaas waxay soo xidheen laba wiil oo mataano ah, ugu danbayntiina maxkamd ayaa iska sii deysay labadii wiil ee mataanaha ahaa kadib markii ay kala saari weyday ka runta ah ee dembiga geystay oo waxay maxakamdu weyday cadaymo kale oo ay ku kala saarto. Nooca labaad ee Mataanaha caalamka jira oo ah nooca ugu badan ayaa waxaa la yidhaah “Fraternal twins” oo ah mataano kala duwan, oo waxay dhacdaa marka Hooyada Rixinkeeda ay kujiraan laba ug-xamood oo kala duwan, labadaas ug-xamood ee kala duwan ayaa waxay isku bedeli karaan laba ilmood, mataanaha noocan ah ayaan lahayn 100% astaamo isku mid ah, oo hadii mid kamid ahi uu dembi galo way fududtahay in si dhibyar loosoo qabto kii dembiga galay, waxaanay wadaagaan 50% DNA-dooda Hadaba mataanaha ayaa dhici kara in ay labo Aabe kala yeeshaan, oo waxay dhacdaa marka Haweenaydaasi labada ukun ee ay kala siday ay laba nin kala bacaramiyaan, markaas mataanahaasi waa isku hooyo, laakiin labo aabo oo kala duwan ayey yeelanayaa, in kasta oo xaaladda noocan ahi ay tahay mid aad u yar waxaa dhawr dhacdo oo noocan ah laga sheegay Maraykanka, Fiitnaam, Jayna iyo Ugaandha, dhacdooyinkan oo inta badan lugu qoro wargeesyada caalamka iyo tv-yada labadaba, inta badan aabaha ayaa ka shakiya mataanaha kala duwan taas oo marka la baadho la ogaado in ay laba aabo kala leeyihiin. Tix-raac: 1. en.wikipedia.org/wiki/Superfecundation 2. Brain feeding Channel 3. Spiegel Online News 4. BBC World News Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
  12. Diinteena Islaamku waxa ay faraysaa marka ay ninka iyo xaaskiisu kala tagaan in haweenaydu ay tirsato muddada CIDADDA, taas oo lagaga hortagaayo in ubadka ama caruurta ay haweenaydu u kala leedahay laba nin oo kala duwani ama in kabadani aanay isku khaldamin oo waxay diinti ilaalinaysaa NASABKA ilmaha dhalanaaya. Laakiin wadamada reer galbeedka ee aanu ka jirin dhaqanka Islaamku ayaa waxaa ka dhacada in Haweenay ay umusho laba ilmood oo mataano ah oo laba aabo kale leh. Horta marka hore mataano kasta oo dhashaa waxay u qaybsamaan laba qaybood, mid kowaad ayaa ah mataanaha nooca loo yaqaan “Identical Twins”, oo ah mataanaha isku eeg, waxayna dhacdaa marka ug-xanta(ukunta) Hooyadu inta ay kala qaybsanto laba ilmood u kala korta, mataanahaas halka ug-xanta ka sameysmay ayaa ah kuwo aad iskugu eeg oo aan la kala garan karin oo xitaa hadii la baadho hida-sidayaasha DNA-doodu ay isku mid noqotaa, Tusaale ahaan sidii ka dhacaday Jarmalka 2009-kii, markii boolisku baadheen goob laga dhacay dahab, baadhitaankii booliska ayaa waxay ku heleen Goloofisyo uu isticmaalay mid kamid ahaa ragii dhaca geystay, boolisku markii ay baadheen dhididka qofkii lahaa Goloofyadaas waxay soo xidheen laba wiil oo mataano ah, ugu danbayntiina maxkamd ayaa iska sii deysay labadii wiil ee mataanaha ahaa kadib markii ay kala saari weyday ka runta ah ee dembiga geystay oo waxay maxakamdu weyday cadaymo kale oo ay ku kala saarto. Nooca labaad ee Mataanaha caalamka jira oo ah nooca ugu badan ayaa waxaa la yidhaah “Fraternal twins” oo ah mataano kala duwan, oo waxay dhacdaa marka Hooyada Rixinkeeda ay kujiraan laba ug-xamood oo kala duwan, labadaas ug-xamood ee kala duwan ayaa waxay isku bedeli karaan laba ilmood, mataanaha noocan ah ayaan lahayn 100% astaamo isku mid ah, oo hadii mid kamid ahi uu dembi galo way fududtahay in si dhibyar loosoo qabto kii dembiga galay, waxaanay wadaagaan 50% DNA-dooda Hadaba mataanaha ayaa dhici kara in ay labo Aabe kala yeeshaan, oo waxay dhacdaa marka Haweenaydaasi labada ukun ee ay kala siday ay laba nin kala bacaramiyaan, markaas mataanahaasi waa isku hooyo, laakiin labo aabo oo kala duwan ayey yeelanayaa, in kasta oo xaaladda noocan ahi ay tahay mid aad u yar waxaa dhawr dhacdo oo noocan ah laga sheegay Maraykanka, Fiitnaam, Jayna iyo Ugaandha, dhacdooyinkan oo inta badan lugu qoro wargeesyada caalamka iyo tv-yada labadaba, inta badan aabaha ayaa ka shakiya mataanaha kala duwan taas oo marka la baadho la ogaado in ay laba aabo kala leeyihiin. Tix-raac: en.wikipedia.org/wiki/Superfecundation Brain feeding Channel Spiegel Online News BBC World News Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Source
  13. (SLT-Roma) Ugu yaraan 5 ruux ayaa dhimatay kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo marayay meel u dhow xadka ay wadaagaan Talyaaniga iyo Faransiiska. Kooxaha gurmadka deg degga ayaa 2 qof oo dhaawac ah ka helay goobta ay diyaaradahan ku burbureen, sida ay bartooda twitterka kusoo qoreen mas’uuliyiinta waaxda bad baadada buuraha ee talyaaniga. Shilkan dhimashada sababay ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Rutor glacier oo u dhow magaalada Aosta. Shaqaalaha samata bixinta ayaa wata qalabka biraha lagu jaro, si ay badnbaadiyaan dad kale oo ay suurta gal tahay iney noolyihiin, iyadoo dadka halkaas ku dhaawacmayna loo qaaday isbitaallada. Ilaa iyo hada ma cada sida uu shilku u dhacay iyo cidda saarmneyd labada diyaaradood ee isku dhacday. Source
  14. Qore Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Doqon Xin mooyee Xil Ma Xeeriso! Nolosha qofka bin-aadanka wuu rog-rogaa, oo wax buu bedelaa oo wax kale ku dayaa, oo [...] Source
  15. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeeysay, waxaana goordhow bilaabaneysa munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed,wasiiro, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku sugan hoolka munaasabadda ka dhaceyso. Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo madaxweynihii hore ee Puntland C/Welli Gaas ayaa sidoo kale ku sugan goobta xafladda ka dhaceyso. Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland ayaa la sugayaa inay tagaan goobta kadibna waxaa bilaabaneyso khudbadaha ay jeedinayaan madaxda kala duwan ee kusugan magaalada Garowe. Madax ka socota caalamka ayaa sidoo kale ku sugan madasha xafladda Caleemo saarka ay ka dhaceyso. La soco soco caleemo saarka madaxweynaha Puntland Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. Garowe (Sh.M.Nework) – Waxaa magaalada Garowe si rasmi ah uga bilaabatay xaflada caleema saarka Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cismaan Karaash. Munaasabada oo si wayn loosoo qaban-qaabiyay ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madax kale oo ka tirsan dowlada dhexe iyo maamul goboleedyadda. Siyasiyiin ay kamid yihiin Madaxwayneyaashii hore ee wadanka, Xasan Sheekh Maxmuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa kamid ah marti sharafta lagu casuumay ee caawa kasoo muuqan doono xaflada. Amaanka ayaa aad loo adkeeyay iyada oo guud ahaan wadooyinka soo gala goobta ay ka qabsoomeyso munaasabada lagu arkayo ciidamo dheeraad ah oo sugaya nabad-gelyada madaxda halkaasi isugu tegtay. The post Xaflada caleema saarka Madaxwaynaha P/Land oo bilaabatay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Garoowe)-Waxaa magaalada Garoowe ee caasimada maamulka gobolleedka Puntland si toos ah uga socota oo goordhawayd ka bilaabatay xafladda caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni, Halkan hoose toos uga DAAWO Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-260119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Laba Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magalada Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source