Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,324
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo idleeyay hadal jeedinta xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa la dhowrayay khudbadiisa, waxaana madasha ku sugnaa madax kala duwan oo qaarkood dhaliilsan hanaanka dowladiisa kula macaamiishay madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Farmaajo ayaa ugu horeyn ka hadlay horumarka Puntland iyo dadka ay mudan tahay in looga Mahadceliyo, waxaana uu yiri:- “Waxaa door ka ciyaaray horumarka Puntland, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo warbaahinta oo si wadajir ah u wada shaqeeyay, shacabka wanaagsan ee Reer Puntland ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaaray”. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in horumarka Soomaliya lagu gaari karo arimo ay kamid tahay in si Wadajir ah loo wada shaqeeyo, islamarkaana madaxda ay isku tanaasulaan. “Waxaa lagu gaari karaa horumar dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada oo wada shaqeeya, wada shaqeynta waxaa lagu gaari kara, iyadoo la is aamino, la wada shaqeeyo, la isku tanaasulo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Khilaafaadka dowladeena waxay keenaan inaan waxba la qaban oo shaqada istaagto, waana waxyaabaha keenay in dowladda aysan laheyn ciidan adag oo cadowga la dagaalama, ciidan adag oo xuduudaha difaaca, waxaa oo dhanna waa waxaan soo marnay oo ay tahay wax aan qibrad u leenahay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wuxuu soo hadal qaaday Musuqa oo Soomaaliya u keenay dib u dhac aad u weyn, isaga oo sheegay in Musuq maasuqa aysan kaliya aheyn lacagta oo la xado. “Musuq maasuqa lacag la xado kaliya maaha, waxaa kamid ah qofka oo qalad lagu magacaabo, waxaa ku jira qofka shaqeeya oo qiyaama waqtiga uu dowladda u shaqeeyo, waana waxyaabaha anaga na wiiqay intii dowladnimada jirtay”, Ugu dambeyn wuxuu taabtay hadal la wada sugayay oo ahaa wada shaqeyn buuxda oo dhex marta xubnaha mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in isaga uu bilaabayo barnaamijka iscafinta dhinacyada is haya. “Anigaa ugu horeeya waxaan idin leeyahay waan idin cafiyay, adinkana waxaan idinka doonayaa inaad i cafisaan, bacdamaa aan ahay odaygii u dhaxeeyay dowladda iyo maamulada anigaa howsha galaya, mucaarad waan u baahanahay, laakiin waxaan dooneynaa marka xaaladda meel adag taagan tahay in mucaaradka uusan dowladiisa ka safan”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Hoos ka daawo khudbadda madaxweynaha Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad caawa lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida. “Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo. Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe waxa uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. DHAMMAAD Puntaland Post The post Madaxweyne Farmaajo” Waan idin Cafiyayee i cafiya” appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani oo xalay lagu caleema saaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay waxyaabaha u qorsheysan ee uu doonayo inuu qabto. Waa uu Dani sheegay in ugu horreyn uu wax ka qaban doono arrimaha ku aadan taabagelinta sharciga iyo qaanuunka, dib u qaabeynta hay’adaha dowliga ee Puntland,Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, xoojinta maamul daadejinta, hirgelinta nidaamka federaalka iyo arrimo kale oo muhiim ah. Dani ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii deegaannada Puntland looga ciribtiri lahaa dagaalyahannada Al-shabaab iyo sidoo kale kuwa Daacish. Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa shacabka ka dalbaday iney la shaqeeyaan maamulkiisaan cusub. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Madaxweyne-Dani-Sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London. Tartanka iibka ee dowladda federaalka ah ku qaban-doonto London 7-bada bisha soo socota, waxaa bannaanka ka ah oo aan tartankaas ku jirin Block-yo horay loo siiyey Shell.Exxon iyo Soma Oil & Gas, shirkadda hore waxaa ay dowladdii Jaalle Siyaad ka heshay 60,000km2 oo dhaca bariga Soomaaliya halka Soma Oil & Gas ay horay u xulatay 12 block oo koonfurta Soomaaliya ah gaar ahaan agagaarka Baraawe iyo Marka, oo ay ku jiraan labo Block ka mid ah sida 7 & 8 ilaa 13 Bilyan oo Barrels am Birmiil. Qormadan Waxaa ku baareynaa shirkadda Soma Oil and Gas oo qeyb ka ah qandaraasyada faa’ido iyo khasaaro. Sidee Loo Samdeeyey? Shirkadda Soma Oil and Gas waxaa lagu rejister-gareeyay Company House-ka dalka UK April 2013. Waxaa sameeyay ragga magacyadooda hoos ku qoran, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu tagay Uk 2013 kii: Michael Howard oo madax ka ahaa Xisbiga Conservatives, UK ,The Earl of Clanwilliam oo xubin ka ahaa Aqalka Lords ee Ingiriiska (Boqortooyada UK), Robert Allen Sheppard oo Mareykan ah, oo u soo shaqeeyay shirkado badan ee shidaal soo-saarayaal ahaa, ayna ka mid tahay British Petroleum, oo billowgii shirkadda ka ahaa Maareeyaha Guud (Chief Executive Officer), Basil Shiblaq, oo ahaa Ku-Xigeenka Maareeyaha Guud ee Shirkadda, wuxuu lee yahay khibrado aad u dheer oo maalgelinta khayraad ka dabiiciga ah. Horay wuxuu soo sameeyay shirkadda Ophir ee baarta shidaalka. Waa Lubnaani Masiixi ah. Lahaashaha Shirkadda Lahaashaha shirkadda waxay ku salaysan tahay saamiyo ay kala lee yihiin badan keeda ragga kor ku qoran. Waxaa mudan in la sheego dad Soomaali ah inay ku jireen saamilayda, oo uu k mid ahaa Xasan Cali Khayre, oo ahaa agaasimaha gobolka (Regional Director) oo fadhigiisa ahaa Nairobi. Xasan Cali Khayre wuxuu ka baxay shirkadda hawsheeda markii loo magacaabay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya. Isbeddelka Maamulka Shirkadda Maamulka shirkadda dhowaan waa isbeddelay: Ragga kor ku qoran waxay 16 July 2018 si siman uga ruqseesteen agaasime-nimada. Hadda shirkadda waxaa weli agaasime-yaasha cusub ka mid ah William Richard Anderson (oo awal ahaan jiray CEO ga shirkadda). Is-beddelada cusub waxay ifafaale u yihiin Shirkadda Soma Oil and Gas in ay shirkad kale ku -dhex milantay oo xataa magaceeda is-beddelay. Waxaa dhici karta inay isu-diyaarinayso inay gasho Consortium oo magac cusub loo sammaynayo, ama ay leedahay oo aan annaga ogeynin. Mid waa hubaal: inay shirkadda isbeddel cusub ku socdo iminka. Khibradda iyo maaliyadda shirkaddaan Shirkaddaan oo loo aasaasay inay Somalia oo kali ah ka shaqayso, wax khibrad ah ama maaliyad ah oo u yiilay meel ma jirin. Waa shirkad cusub oo loogu talo galay inay Soomaali ka shaqo gasho, lacag dayman ah, ama dad maal leh laga soo qeyb-geliyo oo laga siiyo saamiyo. Waxaa loogu talo galay heshiiska Soomaaliya ay la gasho in lagu maal-raadsado oo ka dibna hawlihii loo baahnaa la qabto. Maal-raadinta shirkadda waxay gaartay inay ka soo qeyb-galaan saami-ahaan bilyoneerka Ruushka ah ee Alexander Djaparidze. Waxaa kaloo shirkadda boor keeda ku soo biiray 2015 William Richard Anderson oo shirkado badan ka soo shaqeeyay; oo ay ka mid yihiin Euroasia Drilling Company, Geokinetics International Holdings iyo Prime Natural Resources Inc. Raggaas maal iyo khibrado way ku soo kordhiyeen shirkadda. Shaqada shirkadaan ay ka qabatay Soomaaliya Afar bilood ka dib aasaaska shirkadda Soma Oil and Gas, shirkadda waxay timid Xamar 6da Agoosto, 2013, goor taasoo ay la saxiixatay Soomaaliya Heshiiska loo yaqaan “Heshiiska Khiyaarka Saysmikada (Seismic Option Agreement). Heshiiskan wuxu lee yahay sidaan: Soma Oil and Gas waajibaad keeda (obligations) Shirkadda Soma Oil and Gas waa inay ka baartaa badda Somalia sal keeda shidaal. Waa inay samaysaa sahanka saysmikada (seismic survey). Qarashka ku bixi lahaa hawshaas waa inay la timaaddaa. Waa inay soo ururisaa xogahii hore oo ay ka soo gadataa shirkadaha haaya xogahaasi. Xogaha waxaa ka mid ah xogaha jiyo-fisikada (magnetic and gravimetric iyo seismic), reboorada ceelasha, well logs iyo reboorada jioolojiyeed. Waa inay Wasaaradda Batroolka ka dhex sammeeyaan Qolka Xogaha, si xogaha cusub iyo kuwii hore loogu kaydiyo iyo loogu darso. Waa inay sameeyaan Qiimaynta Gobolka ee Shidaalka (Regional Evaluation for oil and gas in onshore and marginal areas of Somalia). Sannadkii 2014 waxaa lagu daray heshiiska inay siiyaan mushaharad soo jiidan karta khubaro ka hawl gala wasaaradda (Capacity ga shaqaalaha oo la kordhiyo). Dawladda Federaalka xil keeda ku aaddan heshiiska Seismic Option waa sidee? Dawladda waa inay bixiso 12 balook oo baaris iyo soo-saar shidaal ah, oo ay Soma Oil and Gas ay ka dhex miranayso badda ay baartay oo la eg 114,000 km2. Shirkadda Soma Oil and Gas waxay ka shaqaynaysaa baarista /soo-saarka shidaalka iyada ama shirkado kale oo ay iyada keensatay. Waxaa loo oggol yahay inay shirkado ka khibrad ama ka maaliyad badan inay keensato oo ay kula gasho heshiis. Si ay waajibaad keeda uga soo baxdo, Soma Oil and Gas waxay ka gadatay shirkadda CGG xogaha duugga ah oo waayahii hore la soo uruuriyay. Waxay kaloo keensatay shirkadda RPS oo qiimaynta dhulka iyo badda iyo sida shidaal looga heli karo u sammaysay. Ugu dambayn, shirkadda Soma Oil and Gas waxay la timid shirkad u sammaysa Saysmikada badda oo lagu magacaabo SeaBird oo waddanka China laga lahaa. Shirkadahaas 3da ah ayaa Soma Oil and Gas shaqada u qabtay. Soma Oil and Gas heshiiska intii laga rabay way gudatay oo ah a, b, c, d iyo e. Somaaliya weli ma bixin 12 balook oo lagula gali lahaa Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement). Weli Soma Oil and Gas way ka sugaysaa inay Soomaaliya gudato waajib keeda ah bixinta balook yada. Heshiiska Soma Oil and Gas iyo Soomaaliya xaggee ka xun yahay? Weligaa dooro/digaag ma lagaaga gatay geel? Heshiiska waa sidaas. Soma Oil and Gas waxaa ka baxay lacag Doolar Mareekan ah 21 Milyan qiyaasta (in kastoo ay sheeganayso Doolar Mareekan 43 Milyan). Si kastaba ha ahaatee, lacag taas ama 21 ama 43 laguma beddelan karo 12 balook. Soma Oil and Gas waxaa faaiido u ah xataa 2 balook, laakiin in la siiyo 12 balook waa dooro ku gado hal geel ah. Cashuurta Capital Tax Gain Soma Oil and Gas waxay timid Somalia mar laga baqayo badda Somalia, iskaba daayee in sahan iyo in la niyaysto shidaal laga qodo. Taas way ku ammaanan tahay Soma Oil and Gas. Dhinaca kale, waxay muujisay suurta-gal nimada in shidaal laga baaro badda Soomaaliya. In kastoo dadaal kaas ay sammaysay, haddana inta iyo mugga ay mudan tahay isla-shaqayn teeda waa inaan qiyaas ka haysano. Ma siin karno inay baaraan, kana soo saaraan shidaal 12 balook, ama 6 balook ama xataa 4 balook. Gorgortan xoog leh oo xanbaarsan maslaxadda waddanka waa in la tusiyaa shirkadda Soma Oil. Haddii 6 balook aan siino inay ka shaqeeyaan oo shirkado Farm-in ay keenaan, faaiidada ay ka helaan waa inaan cashuur ka qaadnaa, cashuur taas oo la dhaho Capital Gain Tax, la eg 35-50% faaiidada farm-in ka ay ka helaan. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa dhowaan soo saaray Jaangoynta Mushaarka Shaqaalaha iyo Mdaaxda Gobolka kaas oo dhaqangeli doona laga bilaabo bishan January 2019. Qorshahan ayaa ah mid guddoomiyaha uu doonayo inuu ku xalliyo qaladaad iyo jaangooyo ay sameeyey madaxii isaga uga horeysay gobolka. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ku xigeenada Yariisow ay qaadan jiraan lacag ku dhow 30 kun oo dollar, ka hor inta uusan qaadan tallaabadan cusub ee uu arrintaas wax uga beddelayo. Si kastaba, jaangoyntan cusub ayaa weli muujineysa in Gudoomiye Ku xigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Baanaadir ay u heli doonaan mushaar ahaan bishii in ka badan kan Wasiirada Xukuumada JFS oo qaata bishii 5,000$, halka Ku xigeenada Gudoomiyaha ay heli doonaan Mushaar dhan 6,000$ oo aanay ku jirin gunnooyinka kale. Dhinaca Agaasimayaasha waxa uu Agaasimaha Xafiiska Duqa uu bishii ku shaqayn doonaa adduun dhan 3,000$ kaas oo ah ku dhowaad sedex laab ka badan Mushaarada Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha DFS oo hela Mushaar ahaan bishii 1,200$ oo qura. Hoos ka aqriso liiska
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga, ayaa sheegtay inay dardar gelinayso wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay balan qaaday inay ciyaarayso door ah dhexdhexaadin iyo fududaynta miiska wada hadalka. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya danjire Mehmet Yilmaz, oo waraysi siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in Turkigu sameeyay dedaalo la doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu ergay cusub u magacaabay wada hadalada labada dhinac. “Dawladda Turkigu, waxay ku dedaalaysaa inay door ka ciyaarto wada hadalada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, ilaa haddana waxaan samaynay dedaalo, hadda ka dibna waan sii wadaynaa dedaaladaas.” Ayuu yiri Danjire Mehmet. Waxaa uu intaas raaciyay “Safiirkayaygii hore ee Soomaaliya danjire Olgan Bekar hadda waxa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan rajaynaynaa inuu booqasho ku iman doono halkan,.” Isagoo sii sharaxaya safiirku dedaalka dawladda Turkiga ee isu soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yiri “Dawladda Turkiga way ka go’antahay dedaalada ku aadan suurtogelinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ka dal walaalo ahaan dawladda Turkigu waxay samayn doontaa wax kasta oo karaankeeda ah, sii socoshada wada hadaladu waxay ku xidhantahay labada dhinac, go’aankoodana iyagaa u madaxbanaan, annagu waxaanu ciyaaraynaa door walaaltinimo ah oo keliya iyo fududayn. Dhaqankayagu wuxuu yahay in labadii walaalo ee ah wax kala tabanaya inaan dhexdhexaadino oo la kala dhex galo.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa inta badan khudbadiisa kaga hadlay xalka dalka Soomaaliya inuu kujiro iyadoo si rasmi ah loogu dhaqmo dastuurka dalka Soomaaliya u yaalo, waxii aan ku qorneyna laga wada hadlo haddii la isku qabto. “Waxaan xoojinayaa inaan mar walbaa ilaalino Sharuucda iyo Dastuurka dalka, waxaan dastuurka ku oolinna waxaan leeyahay ha la iska wareesto, xal waa imaanayaa markaa, halkaan waxaan ku joognaa waxii qornaa kaliya ayaa la dhowray” ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu Xasan Sheikh Maxamuud mahadcelin u jeediyay madaxweynihii hore ee Puntland C/Weli Maxamed Cali , isaga oo sheegay in isaga iyo asxaabtiisii si wanaagsan kaga shaqeeyeen horumarka Puntland. “Waxaan u hambalyeynayaa Prof Gaas oo halkaan waxii ka dhacay keenisteedii lahaa, waxaana leeyahay adiga iyo asxaabtii kula shaqeeyay ayaa dadaalkaa sameeyay, Garowe waxay halkaan kusoo gaartay dowladnimo oo lagu wada dadaalay”. Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay in laga shaqeeyo midnimada umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga fakaraa mustaqbalka Soomaaliya sida uu noqonayo. “Maanta aan ka fakarno 30 ka sano ee soo socota sida dalkeenu ahaanayo, waan ka fakari karnaa, waa inaan gaarnaa hadafkeena, haddii aan qorsheyno 30 sano kadib Soomaaliya noocee ah ayaan rabnaa, inta naga dameysa wey ku qasban yihiin inay wadadaasi maraan”ayuu yiri Xasan Sheikh. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  8. Garowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay Soomaaliya iyo sida ay u wanaagsan tahay inay ka wada shaqeeyaan madaxda Soomaaliyeed sidii loo horumarin lahaa. Cali Maxamed Geedi, ayaa ka sheekeeyay dhibaatada laga soo maray dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in Puntland ay door weyn ku laheyd horumarka dalka Soomaaliya. Cali Geedi ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay damac ka leeyihiin inay dalka Soomaaliya mar uun hogaamiyaan, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in madaxda qaladkeeda si hoose loogu sheego. “Dowladda Soomaaliya oo madaxweyne Farmaajo nagala joogo waxaan filayaa inay ku waano qaataan hadalkii Islaan Ciise oo dadka dhan u wada riyaaqeen, dowladda Soomaaliya dhibaato badan ayaa laga soo maray, waxaa loo baahan yahay inaan la shaqeyno, Damac ayaa nagu wada jiree kadib aan la tartano” ayuu yiri Cali Geedi. “Qof kastaa waxaan rajeynayaa in qaladkii uu galaa uu doonayo in laga saxaa iyadoo hoos loogu sheegayo, waxaan filayaa in laga wada shaqeyn doono horumarka dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka cadowga” ayuu yiri Cali Geeddi. Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay madaxda maamulka Puntland inay ka shaqeeyaan horumar uu gaaro guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  9. Gudoomiyaha Gobolka Gobolka Waqooyi Berari ee Kenya Source
  10. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa jeediyay Khudbad kooban oo u muuqatay mid si wanaagsan looga baaraan dagay. Khudbadiisa ayuu kaga hadlay mahad celin uu u jeedinayo dhamaan dadkii lasoo shaqeeyay shantii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo sheegay in bilowga doorashadii looga guuleystay ay aheyd mid si wadajir ah looga shaqeeyay. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu kula dardaarmayo madaxda hadda talada qabatay inay ka shaqeeyaan horumarka deegaanada Puntland islamarkaana laga wada shaqeeyo horumarka guud ahaan ee dalka Soomaaliya. “Dowlad goboleedyada waxaa laga rabaa inay si mug leh ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo waxyaabaha lagu heshiiyay, inteena halkaan joogta ayaa ku matalaya Soomaaliya nooca dalkeena uu noqonayo” “Waxaan joognaa cidna uma maqna ceelna uma qodna, waxaan leeyahay waxaan u baahanahay wadahadal iscafis ah oo dalka lagu badbaadinayo”ayuu yiri Gaas. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in isaga uu si dhow ula shaqeyn doono madaxda kala duwan ee Puntland “aniga ma noqon doono madaxweyne Kursiga idinkula fariistee waxaan noqon doonaa oday idinla shaqeeya”ayuu yiri Gaas. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  11. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya iyo Puntland. Khudbadiisa ayuu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka dalka Soomaaliya, dib u heshiisiinta madaxda maamulka Galmudug, xalinta Khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo sidoo kale khilaafka u dhaxeeya xubnaha mucaaradka ee xisbiyada ku jira iyo madaxda dowladda Soomaaliya. “Waxaa meesha loo yimid baan is leeyahay niyad sami ayaa halkaa la iskuugu yimid, waxaan leeyahay halkaa “Garowe” waa lagu nafisayaa, adduunka khilaaf siyaasi wuu ka jiraa laakiin waa la xaliyaa, caqliga ha shaqeeyo, Trump ayaaba lagu dhagay oo isagaa tanaasulay, inaga maxaa inoo diiday inaan isku tanaasulno” “Waxaan leeyahay dib haloo bilaabo wadahadalka Somaliland, midnimada halaga shaqeeyo, dad badan ayaa daneynaya in wadahadalka dib loo bilaabo, Turkey ayaa kaalin wanaagsan qaadaneyso, dadka wey is dhex galaan Tusaale Garowe iyo Hargeysa” “Ajaaniibta waxaan leeyahay anaga hana kala jeedinine waxaad heysaan miiska soo saara, dowladaha carabta ee baqeylada ah ee maalin walbaa ka tuugeyno garoomo noo dhisa, waxaad heysaan miiska soo saara anaga dhinacyada hanoo kala jiidaninee”ayuu yiri Faroole. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. Garowe (Caasimada Online) – Waxaa dhamaaday hadal jeedinta madaxda maamul goboleedyada dalka oo ka qeyb galay xafladda caleemo saarka madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa ugu horeeyay hadal jeedinta madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, waxaana uu kaga hadlay horumarka Puntland ay gaartay iyo fariin uu u dirayay madaxweynaha cusub ee Puntland. Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa yiri:- “Puntland waxay soo martay marxalado kala duwan, markii ugu horeysay oo aan imaanayay waxay aheyd waqti hore, waxaan si gaar ah ula dardaarmayaa madaxweynaha Puntland halkaan waxaa jooga shacab badan oo reer Koofur Galbeed ah, waxay heleen xuquuqdii ay lahaayeen oo dhan, kaliya waxaa u haray xuquuqdoodii siyaasadda, adiga ayaana kaa sugeynaa madaxweyne”ayuu yiri Lafta Gareen. Waxaa kadib hadalka la siiyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isaga oo ka hadlay waxyaabaha uu ku arkay magaalada Garowe ee maamulka Puntland. “Waxaan rabaa kaliya inaan ka hadlo Puntland, waxaa iigu dambeysay 2004 oo aan usoo gurmanay dadkii Sunaamida ay saameysay, maanta halka ay joogto iyo halka maanta ay joogto farqi weyn ayaa u dhaxeeya, waxaa muhiim ahaa inay horumarkaasi ku gaareen wadajirkooda”. “Aniga iyo wafdigeena waxna waan keenay waxna waa la noqoneynaa, waxaan guul u rajeynaynaa madaxweynaha cusub. shacabkana guul ayaan u rajeynayaa”ayuu yiri Madaxweyne Waare. Waxaa sidoo kale ku xigay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana uu ka hadlay horumarka Puntland iyo muhiimadda ay leedahay in la is cafiyo oo la wada shaqeeyo. “Annaga iyo Puntland waxaa inoo gaara inaan nabadii kuwada noolaano, wax kale oo aan sheegayo ma jirto, waxaan rajeynayaa inaan Boosaaso intaan Gaari kasoo raacno ku tagno magaalada Dhuusomareeb, haddana wey dhow dhow dahay, waxaan rajeynayaa inaan gaarno meesha aad gaarteen”ayuu yiri Mr Xaaf oo u muuqday inuu wax badan ka gaabsanayay. “Marka hore waxaan leeyahay aan iscafino, Cafi iyo masaamax marka xigtana aan midnimada ka shaqeyno, towfiiqda alle hana waafajiyo”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Ugu dambeyn waxaa hadalka la siiyay Axmed Madoobe madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah, waxaana muuqata inuu ka duwanaa madaxda kale ee maamul goboleedyada. “Waxaan u malaynayaa caawa shaqo fiican ayaa halkaan ka socoto, waxaan garaneyn midey tahay walqad iyo galbin middey tahay, xafladaan waa mid taariiqi ah oo maanta isu keentay Soomaali oo dhan, oo waxaa guddoomiyaha Gaarisa uu sheegay in xitaa NFD laga joogo Soomaalida wax matala”ayuu yiri Madoobe. “Reer Puntland waxaan leeyahay waa mudan tihiin in wax badan la idiinkaaga daydo, Soomaaliya markaan eego, maanta waxay gaadhay xiligii taariiqda dib loo sici lahaa, waxay taagan tahay war halkeen ku soconaa, waxay taagan tahay xili qofka loo baahan yahay inuu qoro, war maxaad Soomaali kaga tageysaa”. “Waxaa hubaal ah in qof walbaa beri uu banaanka ka tagi doono meesha uu joogo, madaxweynayaal nasoo maray ayaan og nahay qof walbaa wuxuu qabtay, aan garano waxaan dadkeena kaga tageyno, waxaan ku socon karnaa, wada tashi, isqancin, is ixtiraam iyo masuuliyadda”. “Waxaa loo baahan yahay inaan isu nimaado oo wax isweydiino, waxaan mar labaad so dhaweynayaa warka ahaa inaan iscafino, is shaqada la isku canaantaana ceeb maaha, qof walbaana masuuliyad ayuu leeyahay, waxaan leeyahay aan halkaan ka bilowno fulinta hadaladii odayaasha dhaqanka”ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan Barnaamijkeena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar____Qubanaha-260119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. At least two people have been injured during an explosion outside a restaurant in Nairobi. The blast, which was caused by an improvised explosive device, occurred shortly after 7 pm outside Smothers Fast Food Restaurant on Tom Mboya Street. One of the victims suffered minor injuries on the leg after he was pierced by shrapnel from the IED during the Saturday incident. According to a Nation photographer on the ground, two people were taken away for treatment. So loud was the blast that it was heard as far as Koinange Street, causing panic and disrupting the vibrant Nairobi night life. Police have sealed off the restaurant. The post At least two injured in Nairobi explosion appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Barnaamoijkii tooska/Live-ka ahaa wuu dhamaadey Source
  16. Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa ka socota xarunta madaxtooyada magaalada Garoowe. Munaasabadda waxaa ka qeyb-gelaya madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh, madaxda maamul goboleedyada dalka, Ra’ iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole & Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenadoodii, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo wasiirada heer Federaal iyo maamul goboleed, safaaradaha dalalka qaarkood, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, UNSOM iyo marti sharaf kale. PUNTLAND POST The post Toos: Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. Nairobi (Sh.M.Network) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax culus oo Fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Booliska ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay meel ku dhow Maqaaxi uu ka dhashay Miino lagu aasay nawaaxiga goobta ganacsi. Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaarey qaraxaan, kaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka ah. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa durba yimid laamaha amaanka, kuwaasi oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala. Wali ma jirto koox dhabarka saaratay mas’uuliyada weerarkaan, balse, xarakada Al-Shabaab ayaa indhawaanahaanba weeraro ka geysaneysay Kenya. Horaantii bishaan ayay ahayd markii ay Al-Shabaab weerartay Hoteelka DusitD2 ee ku yaala Galbeedka Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 21 ruux. The post Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay caasimada Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Naiorbi, waxaana la rumeysan yahay inuu ahaa qarax miino, sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha Kenya. Qarax ayaa ka dhacay isgoyska ay iska galaan waddooyinka Tom Mboya iyo Latema. Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay qaraxa oo dhacay abaare toddobadii habeennimo. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qof kale uu qaraxa ku dhintay. Warar hor-dhac ah ayaa sheegaya in nin Soomaali ah uu ka codsaday nin riixa gaariga yar ee alaabaha lagu qaato ee suuqyada, inuu u qaado baakad, taasi oo kadib qaraxday. Baakadda ayaa la sheegay inay ku jireen walxaha qarxa oo lagu hayey romote, waxaana ninkii lahaa, oo la rumeysan yahay inuu ahaa Soomaali, la sheegay inuu cararay. Booliska ayaa goobta ku sugan ilaa iyo hadda, ayaga oo ka wada baaritaan. Qaraxan ayaa imanaya wax ka yar laba toddobaad markii weerar lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee Nairobi, halkaasi oo 21 qof lagu dilay. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  19. Hal Seegtay Madaxweyne Biixi + Moganaanta Kadeedka Bulshada ka haysta kartilaawe aanay dooran . 2aad Ma macdaar nin qudhi leeyahaa, Maandhow Qarankeenu Miyaan xeer shaqeeyiyo dastuur, meesha loo dhiganin Malahiisa siduu maagan yahay, moodistiyo tiisa Ikhtiyaar ku maamulid dalkani, maanu ka xoroobin. Cabdiraxmaan Abees Dhacdooyin lakawsaday bilawgii xukuumada + dhibaatadii kala qabsaday qaybo kamid ah bulshada oo aan goob joog ka ahaa kutumashada awooda madaxweynaha . Tan iyo markii madaxweyne muuse biixi cabdi la wareegay talada dalka waxaa soo baxaayay guux bulshada qaybaheeda kalla duwan kasoo gaadhaayay xafiiskiisa iyadoo meelaha ay bulshadu ku kulanto aad looga hadal hayay abuuritaanka kooxo sifo sharciga baal marsan u maroorsaday awooda madaxweyne biixi iyadii kooxahaasi ay isku jiraan dhallinyaro ay midaysay inay shaadhka Madaxweynaha qaranka jamhuuriyada somaliland ee u adeegsadaan danahooga gaarka. Kooxasaahi isku bahayntay ku macaashista shaadhka madaxweynaha ayaa ahaa qaar bilawday Sanadkii 2016kii wakhtigaasi uu madaxweyne biixi ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye waxaanay bilaabeen sidii ay ugu diyaargaroobilahaayeen dhisida musharaxii wakhtigaasi haatana ah madaxweynaha qaranka dhallinyaradan ku midawday danahooga khaaska ah oo iskujira qanacsato Iyo Dhallinyaro kalla duwan oo qoys dhaw yihiin madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa ka hawlgalay sidii Gudoomiyihii hore ee dalada SONYO haatan ah xoghayah khaaska ah ee madaxweyne biixi Mubaarik Ismaciil taani ay meesha u gaysan lahaayeen iyagoo Madaxweyne Biixi oo wakhtigaasi Ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye ku qanciyay in ay uga dhigaan xoghayn gaar ah wakhtigaasi oo ay jaanis u heleen ilaa laba xoghaye oo uu iska badelay Madaxweyne biixi markii uu ahaa gudoomiyaha xisbiga kulmiye. Guux iyo qalo badan oo hadheeyay taageerayaasha xisbiga kulmiye tani markii uu noqday Mubaarik ismaciil taani xoghayaha gudoomiyaha xisbiga kulmiye horaantii sanadkii 2016kii ayay qaybihii kalla duwanaa ee xisbiga u ahaa udub dhexaadka iyo taaageerayaasha waxaay kadeed badan kala kulmiyeen adeegaha musharaxii shacabka ka rabay codka iyadoo aan goob Joog ka ahaa dhacdooyin badan oo qaar kamid ah haldoorkii xisbiga keentay inay ka huleelaan Xisbigii ay waayaha adag lasoo mareen. Bilaabaatitaanka kooxahaasi ay dantu midaysay ayaa bulshada kalla duwan ee somaliland waxaa layaab ku noqotay in madaxweynihii goaanka adkaa ee ay doorteen ay hareerihiisa ka socdaan dhallinyaro kala duwan sifo sharciga baalmarsan u adeegsanaaya shaadhkiisa iyadoo Madaxweyne biixi bulshada somaliland mudadaa sanadka ah ee uu xilka hayay uga markhaati kaceen sida uu qoyskiisa uga fogeeyay talada qaranka inay ku milmaan iyadoo ay jiraan dhacdooyin badan oo qaar ka mid shaqaalaha dawlada somaliland oo ay xigto dhaw iyo mid fogba yihiin madaxweyne biixi ay wasiirsadiisu ay sifo baalmarsan sharciga oo ay Madaxweynaha doonayeen inay kalsooni kaga heleen u duudsiiyay muwaadin badan xaq ay qaranka ku leeyihiin taabadelkiidana ay wasiiradu qoyskooda kasoo buux dhaafiyeen wasaaradaha kala duwan. Bilawgii xukuumada madaxweyne muuse biixi cabdi ayaa waxaa la dareemay is kooxaysi ku dhisan hab danaysi oo lamid ah kii kooxaha u kala jabiyay dalladii dhallinyarada qaranka wakhtigii uu hogaaminaayay mubaarik taani inuu ka bilawday qasriga looga aramiyo qaranka siiba xafiiska madaxweynaha iyadoo tiraba ay jiraan dad badan oo karaamo iyo sharaf ku leh qaranka oo lagu bahdilay madaxweyanaha magaciisa. Lasoco qaynta seddexaad oo xambaarsan dhacdooyinka aan goob jooga ka ahaa ee sifada Baalmarsan sharciga uu u adeegsado awooda madaxweynaha qaranka somaliland . Allah Mahad Leh Axmed Maxamed Shaqalle 0634242204/065911826 Hargeysa Somaliland Qaran News
  20. Gabadhi ma dhali karta laba mataano ah, oo aan isku eekayn, Oo kala aabo ah?! W/q: Hamse Bashe Wiyeer-yare Diinteena Islaamku waxa ay faraysaa marka ay ninka iyo xaaskiisu kala tagaan in haweenaydu ay tirsato muddada CIDADDA, taas oo lagaga hortagaayo in ubadka ama caruurta ay haweenaydu u kala leedahay laba nin oo kala duwani ama in kabadani aanay isku khaldamin oo waxay diinti ilaalinaysaa NASABKA ilmaha dhalanaaya. Laakiin wadamada reer galbeedka ee aanu ka jirin dhaqanka Islaamku ayaa waxaa ka dhacada in Haweenay ay umusho laba ilmood oo mataano ah oo laba aabo kale leh. Horta marka hore mataano kasta oo dhashaa waxay u qaybsamaan laba qaybood, mid kowaad ayaa ah mataanaha nooca loo yaqaan “Identical Twins”, oo ah mataanaha isku eeg, waxayna dhacdaa marka ug-xanta(ukunta) Hooyadu inta ay kala qaybsanto laba ilmood u kala korta, mataanahaas halka ug-xanta ka sameysmay ayaa ah kuwo aad iskugu eeg oo aan la kala garan karin oo xitaa hadii la baadho hida-sidayaasha DNA-doodu ay isku mid noqotaa, Tusaale ahaan sidii ka dhacaday Jarmalka 2009-kii, markii boolisku baadheen goob laga dhacay dahab, baadhitaankii booliska ayaa waxay ku heleen Goloofisyo uu isticmaalay mid kamid ahaa ragii dhaca geystay, boolisku markii ay baadheen dhididka qofkii lahaa Goloofyadaas waxay soo xidheen laba wiil oo mataano ah, ugu danbayntiina maxkamd ayaa iska sii deysay labadii wiil ee mataanaha ahaa kadib markii ay kala saari weyday ka runta ah ee dembiga geystay oo waxay maxakamdu weyday cadaymo kale oo ay ku kala saarto. Nooca labaad ee Mataanaha caalamka jira oo ah nooca ugu badan ayaa waxaa la yidhaah “Fraternal twins” oo ah mataano kala duwan, oo waxay dhacdaa marka Hooyada Rixinkeeda ay kujiraan laba ug-xamood oo kala duwan, labadaas ug-xamood ee kala duwan ayaa waxay isku bedeli karaan laba ilmood, mataanaha noocan ah ayaan lahayn 100% astaamo isku mid ah, oo hadii mid kamid ahi uu dembi galo way fududtahay in si dhibyar loosoo qabto kii dembiga galay, waxaanay wadaagaan 50% DNA-dooda Hadaba mataanaha ayaa dhici kara in ay labo Aabe kala yeeshaan, oo waxay dhacdaa marka Haweenaydaasi labada ukun ee ay kala siday ay laba nin kala bacaramiyaan, markaas mataanahaasi waa isku hooyo, laakiin labo aabo oo kala duwan ayey yeelanayaa, in kasta oo xaaladda noocan ahi ay tahay mid aad u yar waxaa dhawr dhacdo oo noocan ah laga sheegay Maraykanka, Fiitnaam, Jayna iyo Ugaandha, dhacdooyinkan oo inta badan lugu qoro wargeesyada caalamka iyo tv-yada labadaba, inta badan aabaha ayaa ka shakiya mataanaha kala duwan taas oo marka la baadho la ogaado in ay laba aabo kala leeyihiin. Tix-raac: 1. en.wikipedia.org/wiki/Superfecundation 2. Brain feeding Channel 3. Spiegel Online News 4. BBC World News Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News