Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,321
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay deegaanada maamulkaasi ka saari doonaan ajaaniibtii ugu badneyd oo ka shaqeysata deegaanada maamulka Somaliland. Dadka ajaaniibta ee la qorheynayo in laga saaro Somaliland ayaa gaaraya 113 ruux oo heysta dhalasho kala duwan, waxaana ay Somaliland kaga shaqeysanayeen xirfadda caafimaadka. Dhamaan dadkaasi ayaa la sheegay inuu ka dhacay sharciga ay ku joogaan deegaanada Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa ay kamid tahay, waxaana la sheegay in dib loo eegi doono sharciyadooda. “Dhammaan dhakhaatiirta ajaanibta ah waa laga saarayaa dalka waxana la hubinayaa shahaadooyinkooda intaanay dalka soo gelin wixii raba inay dalka ku soo laabtaan. ‘113 dhakhtar oo sharcigu ka dhacay ayaa dalka jooga maanta waana la saarayaa”ayaa lagu yiri qoraal laga baahiyay Radio Hargeysa. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis wanaagsan lagu sameyn doono xarumaha caafimaad ee ay ka howlgalaan dhamaan dhaqaatiirta dib looga saarayo deegaanada Somaliland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in aad loo hubin doono dhamaan ajaaniibta kale ee dooneysa inay ka shaqeeyaan deegaanada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay xafladdii caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Deni codsaday in la cafiyo, isaguna uu cafiyey, lana shaqeyn-doono dadka wax ka tabanaya. Mudane Farmaajo oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Anigu waxaan leeyahay, in laga noqdo xalay dhalay wax walbo oo lasoo maray, anaa ugu horreeya oo waxaan leeyahay waan idin cafiyey, idinkana aad i cafisaan, waxaan ballanqaadayaa inaan idinla shaqeeyo haddii aad tihiin dowlad goboleedyo iyo hadaad tihiin baarlamaanka dhexdiisa, maadaama aan ahay odaygii u dhaxeeyey insha Allah aniga ayaa dhexgalaya oo howlahooda xalinaya, laakiin mid ogaada mucaarad waa loo baahan yahay, midka loo baahan yahay waxay tahay marka ay xaaladda kulushahay in mucaaradkaasi aanay dowlado shisheeye la jirin, waa iga ballan inaan wada shaqeynno”. Hadda, Goobjoog News ayaa dib u raacday sababta madaxweyne Farmaajo oo 2 sano ka hor lahaa waxaa ahay nabaddoon keentay inuu maanta dhaho hala ii cafiyo. Madaxweyne Farmaajo markii uu murashaxa ahaa waxaa uu xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah hortooda ka ballanqaaday in haddii la doorto uu isku badali-doono nabaddoon Soomaaliyeed isaga oo yiri ““Dib u heshiisiin ayaan sameynaynaa, dad walaalo ah ayaan nahay, wax aan ku kala duwannahay maleh, waxaa laga yaabaa siyaasiyiin inay nakala fogeynayaan balse dadka Soomaaliyeed col maahan, waxaan xoogga saareynaa aniga haddaad i doorataan madaxweyne noqon maayo, nabaddoon ayaan noqonaa , waxaan ugu tagayaa cid walba meesha ay joogaan, waxaa xoojinayaa oday dhaqamedyada rasmiga ah ayaan xoojinayaa mushaar joogtana waan u qoreynaa hadduu ilaahay hiraahdo” Xaflad lagu caleemo saaray madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay inuu yahay astaan u horseeday dadka inay isu soo dhowaadaan “Habeenkii la idoortay soohdintaas waa la iskala gooshay iyadoo aana cidna looga armar qaadan, dib ushehiisiintu ma ahan in la isa soo hor fariisto oo kaliya, mararka qaarkooda waxaa ka muhiimsan dhacdo iyo astaan horseeda in la isku soo dhawaado”. Markii ugu horeysay ee baarlamaanka iyo madaxda ay casho isugu yimaadaan waxaa uu yiri ‘Beryaha dambe waxaa badatay “High expectations”, xataa waxaa la ii sheegay reer miyiga inay leeyihiin Farmaajo “High expectations”, waxaan ku gaari karnaa markii aan wada shaqeyno, oo shacabka Soomaaliyeed arkaan dowladdan inaysan khilaaf laheyn, oo 4-ta sano ee soo socota aan ku wada dhameysanno si umadda Soomaaliyeed ku wada faraxsan yihiin, runtii aniga qeybteyda, caawa waa ujeedaan in aan koofi qabo, aabaddoon ayaan ahay, Inshaa-allah wax is qaban-doono ma leh”. Haddaba 2 sano kadib waa sidee xaaladda? 1. 2-badii sano ee la soo dhaafay ma jirin wada hadal dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa sidoo kale cusub inuu jiray muranka ka dhashay maareynta deeqaha Somaliland ay dunidu siiso: wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saaray warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso Somaliland sida ku xusan heshiiska “new deal”. 2. 6-dii bil ee ugu dambeysay waxaa istaagay xiriirkii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kadib shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, kolkaas oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda federaalka ah. 3. Muddo bil ah, waxaa hakad ku jira xiriirkii wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya labada gole ee baarlamaanka federalka ah, aqalka sare iyo golaha shacabka. 3-daas qodob keliya haddii aan soo qaadanno, isqab-qabsigaas waxaa uu keenay in ay hakad galaan sharciyo badan ay sameyn lahaayeen goleyaasha sharci-dejinta federaalka ah, heshiisyo badan oo amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah ayaa u xayiran iskaashi la’aanta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada iyo xataa wada hadalka Somaliland. Haddaba, Su’aasha waxaa ay tahay madaxweyne Farmaajo markan maka dhabeyn-doonaa cafiska, si loo dhameystiro howlo badan oo dalkan ku hormari lahaa, oo qabyo ah ama aan laba bilaabin, kuwaas oo u baahan in looga gudbo midnimo, wada shaqeyn, tanaasul iyo odaynimmo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu ka hadlay warar sheegaya in uu mas’uuliyiin beeshiisa ah u magacaabay kastamyada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Caaqil Maxamed Cabdirisaaq Askar ayaa ka waxa uu naqdiyay tallaabada ay xukuumaddu ku rarayso Madaxtooyadda iyo dhismo hudheel cusub oo laga dhisayay Madaarka Hargeysa oo lagu joojiyay amarka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa soo saaray wareegto uu xil ugu magacaabayo lataliyaha sare ee dhanka warbaahinta ee xafiiska Guddoomiyaha. Lataliyaha sare ee dhinaca Warbahinta ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Liibaan Maxamed Xuseen. Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa waxaa la faray in uu dhameeystiro habraaca maamuuska Lataliyaha Meelmarinta Go’aanka sida ugu haboon ee Sharciga waafaqsan. Hoos ka aqriso wareegtada kaso baxday xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
  6. Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa qarax khasaare gaystay oo xalay ka dhacay meel ku dhaw waddada Latema Road ee magaalada Nayroobi [...] Source
  7. Kagaamiyeyn (Paul Kagame) mooyee kala gur ma fileynin =============================================================================== Qoraalkani waa dhaliil, Baraarujin & Talo ku socota: Ku sime Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya. Gabi ahaan Soomaalidu gaar ahaan Shacabka Deegaanku iyagoon u kala hadhin waxay si buuxda oon sakati iyo laalaabasho toona lahayn gacmo furan ku soo dhaweeyeen magacaabistii Ku Sime Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar. Waxaa la yidhi : Dad iyo Duurba wax aadan ka fileynin baa kaaga soo baxa. Aad bey ugu hanweynaayeen, waxaaney naawilayeen in KSM Mustafe uu yahay shakhsi waayo aragnimo ku filan u leh in uu hogaamiyo Deegaanka waqtigan kala guurka ah ee isbadalka cusubi ku yimid Taliska sare ee Dalkan Itoobiya oo uu Maamul ahaan hoos tago. Aniguna sidaas oo kale waxaan aaminsanaa in Deegaanka Soomaalidu aad u nasiib badanyahay oo mar hadii iktiyaarka iyo xulashada Cidda Hogaamineysaa aaney gacanta Soomaalida ku jirin, loo dooray Shakhsi u qalma kuna haboon Xilka loo magacaabay. Waxaan aaminsanaa in Mustafe oy u dhantahay Qiyamkii, Akhlaaqdii, Aqoontii iyo Khibradday u baahneyd Hogaaminta Caafimaadka qabta oo lagu daray Duruufihii qalafsanaa, Tiiraaanyadii iyo Xanuunkii la soo darsay isaga iyo Qoyskiisaba uu yahay Shakhsi dareemi kara dhabaatada xog ogaalna u ah baahida loo qabey in Deegaanku helo Hogaamiye Daacad ah, gurmad deg-deg ah iyo badbaado uu kaga gudbo waqtiga adag ee uu ku jiray. Waxaan aaminsanaa in waayo aragnimadiisa maamul iyo maareynta howlaha Bani aadanimada ee uu in badan ku soo shaqeeyey sida (Save the Children, WFP & OCHA) ay ka caawin doonto in uu noqdo Shakhsi leh Sifooyin Hogaamiye bisil oo ka sarreya heer Deegaan iyo heer Dal labadaba oo gaadhsiisan heer caalami sidaa daraadeed uu Deegaanka u horseedi karo horumar dhankastaba isagoo mudnaanta kowaad siinaya si deg-deg ahna wax uga qabanaya arrimaha ay ka midka yihiin: Isu soo dhaweynta Dowladda iyo Shacabkeeda (Taageerayaal & Mucaaradba) Sugidda amniga Nafta iyo Hantida Muwaadinka Hanashada iyo dhaadhicinta Dowladnimo si buuxda oo waafaqsan Dastuurka Soo celinta adeeg bixinta Dowladda Sugidda sareynta sharciga, Cadaaladda iyo Sinaanta Ka dibna ay toos (Automatic) u soo raacaan dib u soo celinta: Adeega Bulshada (Dhamaantii). Dib u heshiisiinta. Daryeelka Dhalaanka, Waayeelka, Agoonta iyo Naafada. Jaangownta Dhaqaalaha. Dib u dhiska iwm. Iyadoo Ballan oofinta iyo Go’aan adag qaadashadu ay ka mid yihiin sifooyinka ama calaamadaha ugu muhiimsan ee uu leedahay Hogaamiyaha wanaagsani, ayaan filayey in uu Mustafe ka dhabeeyo Ballamihiisii quruxda badnaa iyo Hadaladiisii macaanaa, noqdana #Kagaamiga Soomaali Galbeed Samatabixin kara. Ma fileynin in uu noqdo #Kala_Gure, #Guruub_gaar_leh Deegaanka ka lumiya waqti kale oo qaali ah. Ma fileynin in uu Shacabka qayb ka mid ah raarta gashado isagoon ku xulan Caqli, Aqoon, Waayo aragnimo, Karti iyo Xirfadkale toona oo uu #Masaasado Dhaqaale, Qandraasyo & Hantidii qaranka ah afka u galiyo, inta kalena uu dibadda kaga dhaqaaqo isagoo Horboodayaashooda aan bisleyn ku maaweelinaya oo afka u galinaya #Kaddaabado (Masaasadaha Carruurta lagu aamusiiyo ee beenta ah) iyo Ballamo aan jirin. Waxaa la yidhi : Aakhiro seeg mooyee, Aar walaal ma noqdo. Cafisku Diinteena Islaamku waxay ina bareysaa in uu yahay furaha aad ku gaadhi karto Guul aduunyo iyo mid aakhiro labadaba. Aargoosigana waxay Culimada Cilmaanigu ku macneeyeen sida Dhamac kuluul ood gacantaada ku qaadeyso si aad ugu tuurtid ama ugu dhufatid Cidda aad ka aargoosaneysid. Taana weynu garan karnaa dhibka Naftaada aad gaadhsiineysid inta aanad Dhamacda gaadhsiin halkaad ku waddey. Saxaabi Maalqabeen ahaa aadna u awood badnaa Ilaahey baa awood lehe oola odhan jirey #Qays ibnu Caasim (Ilaahey ha ka raali noqdee) ayaa isagoo Saaxiibadii iyo Tolkii dhex fadhiya loo keenay Meydka Wiil uu dhalay oo uu aad u jeclaa iyo Ninkii dilay oo la soo qabtay oo xidh-xidhan. Wuxuu yidhi Ninkan wiilkeyga dilay waad ka nixiseene xadhiga ka fura, iskana sii daaya waan cafiyey eh. Meydkana Janaasad lagu tukado iyo Aas u diyaariya. Hooyadiina Magtii wiilkeeda xoolahayga ka siiya. Anigana ii duceeya. Waxaan aaminsanaa in Mustafe mudnaanta Koowaad siin doono is Cafinta guud ee Shacabka Deegaanka isaguna uu sidii Hogaamiyaha Ruwaandha #Paul_Kagame noqn doono ka u horeeya ee Cid walba cafiya, Bulshadiisana ugu baaqa kuna dhiiri galiya in ay ku daydaan ooy is wada cafiyaan. Anigoo shakhsiyan aad uga xun Dilkii loo geystay Walaalkeen (AHUN) Marxuum Faysal M. Cumar hadana waxaan aad ugu hanweynaa in Mudane Mustafe uu walaalkii ka samri doono una samri doono Aakhiradiisa, danta guud ee Deegaanka iyo Dadkiisa una cafiyi doono Cid kasta oo uu aaminsanaa in ay ka dambeysay Falkaa Argagixisnimo ee walaakii iyo #Boqolaal kaleba lagu dilay, ama Dowladi (Mid Deegaan & Mid Federaal) ha disho ama ONLF ha disho ama cid kaleba ha dishee. Taariikhda waxaynu ka baranay in Hogaamiye kasta oo guul gaadhey uu ku gaadhey Lataliyeyaal Wanaagsan. Mid kasta oo guuldareystayna ay ugu wacnaayeen Lataliteyaashiisa oo karkaarka weydaariyey. KSM Mustafe wey u dhamaayeen (Sida aan filayo) sifooyinkii Hogaamiyaha Wanaagsan ee u suurogalin karey in uu qaato go’aan adag oo uu ku cafiyo Cid walba. Waxaanse eeda saarayaa oo Fursadaa Mustafe dhaafiyey isagoo u nuglaaday Talo Xumayaal aanuu marka horeba ku xulan Caqli, Aqoon, Waayo aragnimo iyo Karti toona oo hab kaloo guracan badankoodu ugu soo xoomeen isaguna uu iska garan waayey kana ilduufay. Waxay dhegta hoosteeda kaga turqeen Irbad Maskaxda qaybta Afkaarta wacan, Wadaninimada iyo Cadaaladda kabuubyeysa oo Jiffeysan ama Seediyeysan. Waxaan qabaa hadii Mustafe ku soo xulan lahaa Lataliyeyaashiisa #Soomaalinimo iyo sifooyinkii kale ee uu ku xulan jirey Shaqaalihiisii OCHA in aanuu ka gaabiyeen heerka ay Dadkiisu ka filayeen. Waxaan qabaa in aanuu marnaba si caam ah (Public) uga hadleen Bulshadana ula wadaageen Xuska Sanad Guurada Dilkii Walaakii ee uu badalkeeda Shacabka u horseedi lahaa is Cafis guud oo uu Hormuud ka yahay. Waxaa la yidhi : Dhidar Xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa. Waxaan aaminsanaa in KSM Mustafe uu la iman doono Dulqaad, Barnaamij Siyaasadeed oo hufan iyo Hadaf qorsheysan oo uu Shacabka isugu soo dhaweeyo, Xurguftii iyo Mad-madowgii soo kala dhex galayna uu meesha ka saari doono. Ma fileynin in aan arko Mustafe iyo Dowladiisii oo dhan, Qurbo joogtii Deegaanka timid iyo Maxaabiistii Jeel Ogaadeen ka soo baxday oo dhamaantood ku mashquulsan Siyaasadeynta, soo Faqidda lafaha, Daawashada, Dalxiiska iyo isku sawirka Qubuuro dad Muslim ahi ku aasanyihiin. Arrintaasi in ay boogo bogsanayey damaqdo oo qudhun looga dhaadhaco mooyee wax #Kigaameyn ah ama wanaag ah oo marka la eego halka aynu taaganahay iyo halka aynu hiigsaneyno laga faa’iidayo garan waayey anigu, waqti iyo dhaqaale lumis mooyee. Waxaanse ogahay in Talo xumada iyo waqtiga qaaliga ah ee lagu lumiyey Xabaalo Qodidda iyo Ceebo uruurintu uu yahay ka manta kaalintiisii uu Mustafe tabayo ee aadka u wiiqay Hogaan wanaagii aan ka filayey iyo Diirad weyn oon jeclaa in uu goor hore si deg-deg ah ugu eego Xubnihii uu ugu yimid Talada Xisbiga iyo Dowladda uu dhaxlay. Waxaa kaloo la yidhi : Gees Lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa. Waxaan aaminsanaa in Mudane Mustafe uu ahmiyad weyn siin doono hirgalinta qodobada kor ku xusan kuwooda ugu muhiimsan sida in uu si buuxda u hanto Dowladnimada loo Xil saarey isagoo taageero buuxda ka haystay Dowladda dhexe laamaheeda kala duwan. Waxaan aaminsanaa (Inta Geesku kuluulyahay) isagoo aan Cidna waxba yeelin in uu deg-deg Cafis Guud (Oyna ku jirin Hantida la kala dhacay ee cadeymaha leh) u fidin doono Xubnihii Dowladii uu dhaxlay (Iyaguna aan hubo in ay sidaa Abaal ku qabeen) hadaanba wax loo raacayn sidaana uu ku unko Dowlad Badbaado Qaran ah oo ka kooban Soomaali Galbeed dhamaantood oy ka dhaxeyso wada shaqayn hadafkeedu yahay in si Daacad ah Dalka iyo Dadkiisa loogu adeego iyadoon Qalad – Qalad ku sixin. Waxaan aaminsanaa in uu la iman doono Qorshe iyo Siyaasad Dastuurka waafaqsan oo uu si deg-deg ah ugu wiiqi karo awooda Ninka ay maanta is qabteen iyo Xulufadiisa. Ma fileynin in uu arrinta maanta soo gaadhsiiyo oo uu halkiisa ku sugo Fursadna siiyo intay Xubnihii hore ee Xisbiga iyo Gudoomiyahoodu Koomada ka baxayaan dibna isu abaabulayaan. Waxaa la yidhi : Balaayo Daan la qabto ayey leedahay ee Dabo la qabto malaha. Ma fileynin in uu Mustafe waqtigiisa inta badan ku lumiyo waxyaabihii uu ku eedeynayey Nidaamkii ka horeeyey sida Dacaayadaha, Faanka iyo soo uruurinta iyo baahinta Ceebihii iyo Dhibaatooyinkii Deegaanku soo maray. Ma fileynin in Dhalinyaradii taageertay ee Ku faraxdey Magacaabistiisii sida diiranna u soo dhaweysay uu Meydkooda wadhi doono isagoon 3 biloodba dhameysan Magaaladda dhexdeeda isagoo adeegsanaya Xubnihii Dowladii hore iyo isla Ciidankii uu ku eedeynayey in ay ka dambeeyeen Dilka Walaalkii iyo inta badan Lafaha Walaalada kale ee uu ka soo qufay Qubuuraha Ma fileynin in Gacan ku dhiiglayaashii intuu Hogaanka Deegaanka hayey Maatada xasuuqay ay si xorriyad leh u difaacaan isaga iyo kuwuu ku soo uruursaday Madaxtooyadu, Dhibanayaashiina laga dhigo wax la xidho, wax la jidhdilo iyo wax Xilalkay hayeen si awood sheegasho ah looga qaado. Ma fileynin Dhibkii uu lahaa waa nalagu hayaa in uu isna markiisa Dadka ku hayn doono. Ma fileynin in Ehelada iyo Qaraabada Madaxdii Nidaamkii hore uu si gaar ah u beegsado, Xidh-xidho ama Jidhdilo iyagoo wax dambi ah oy galabsadeen aaney jirin. Ma filaynin in xubnihii Dowladii hore uu qaarkood iyagana si gaar ah u beegsado, Guryahooda iyo Maatadoodana gaba-gabeeyo, qaarkood kalena uu indhaha ka qarsado. Ma fileynin indhaha haba ka qarsadee in uu sii dalacsiin doono jagooyin Cusbna u magacaabi doono oo ah waxyaabaha maanta aadka u wiiqay Cumcaddiisa iyo awoodiisa, marka la tago tayo xumada Lataliyeyaashiisa. Ma filaynin haba sii dalacsiiyee in uu goor ay Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen soo baraarugi doono oo uu xidh-xidhi doono iyagoo aan maanta lagu tilmaami Karin in ay yihiin Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii hore, waayo waxay ku dambeeyeen oy haatan ahaayeen Xubnaha ugu fir-fircoon ee uu Xukuumadiisa Mustafe u xushey Xilalkii u muhiimsanaana ku aaminey. Waxaa la yidhi : Nabsi bil ha jiro boqolse ha jiro, isha baalkeeda ka dhow. KSM Mustafe, waan ka xumahay in aadan helin Lataliyeyaal wanaagsan iyo Taageerayaal ku dhaliili kara, Sawiradaada oy kala badalaan iyo Viva Halyey Mustafe oy meelahaa ku xar-xariiqaan mooyee. Waan ka xumahay kuwii aad umadda ka soo dhaweysatey in ay noqdaan kuwo Sacabka kuu garaaca oo waqtigaagii qaaliga ahaa kaaga lumiyey Ammaan, Xabaalo Qod iyo Nidaamkii hore oo la caayo. Waan ka xumahay in kuwaad Raarta gashatay eed Malqaacadda dahabiga ah ku quudineysay dhiggoodii ka qiimo badnaana Cidlada kaga dhaqaaqday ay adigii maanta dib kuu raamsanayaan Dibindaabyadaaduna laabtooda ku dawaarsantahey. Waxaanse aad ugu faraxsanahay in aan arko kuwaad shalay si walba u gacan bidixeysay ee V8 kii aad qaybisay la dul marinayey, oo maanta Cadowgaaga kala duwan kaa difaacaya. Waxaan ku faraxsanahay in ay yihiin kuwa maanta Af iyo Adinba kula garab taagan ee kaa caabiyaya Cadowgaaga ka soo kallahaya ama usoo kallahaya Xafiiskaaga iyo Hoygaaga Madaxtooyada. Waxaan ku faraxsanahay in kuwaad kafankooda toleysay ay maanta kabtaada tolayaan, Hiil iyo Hoona aaney waxba kaala hadhin, ilaahay ka sokowna ay sabab u noqdeen in aad kaga badbaado Hogga Aakhiro wax yar ka sokeeya ee laguu qoolay. Waxaa kale oo la yidhi : Walaalkaa u hiili marka laga gardaranyahey, Marka uu gardaranyaheyna u hiili oo Qaladkiisa u sheeg kana qabo. KSM Mustafe, Waxaan aaminsanahay in aad faa’idey aqoon iyo waayo aragnimo kugu filan oy Suntii iyo Fikraddii dalabta lahayd ee qadaadka lagaaga turqey hadda dhiigaaga iyo maskaxdaada ka meydhantay oon War-xumo Tashiil dambe iyo Nin Yurub iyo Mareykan deyn kaga soo dhoofay ku fooftan habaabin doonin. Ha la tashan Nin aad Jiffo uun wadaagtaan aseydaan aqoon, mabda’ iyo waayo aragnimo kale toona aydaan wadaagin isku Darajona (Level) aydaan ahayn. Waxaan rajeynayaa in qoraalkeygan aad u qaadandoonto siduu yahay iyo baraarujin iyo dhanka wanaagsan oo aanuu ku baalmari doonin. Waxaa la yidhi : Talada wanaagsan adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola Horaad u talo xumeysatee, intaad hogaan Deegaanka hayso (Ilaahay ha kugu asturee) Xasuusnow Rag Gogoshii waa Cadaalad iyo Sinnaan eegaba la kaalay oo Soomaali Galbeed oon kala gurneyn meel isugu keen. It is never too late for a new beginning. Mindida daabkeedii gacantaadey ku jirtaa, waarina meyside War wanaagsani ha kaa hadho. KSM Mustafe, Guul & Horumar dhankastaba ah ood Deegaanka gaadhsiiso ayaan kuu rajeynayaa. Mahadsanid; Ahmed Qadhabo ahmedqadhabo@gmail.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha kuwo matala aragtida shabakadani ee waa mid ku kooban akhristaha kor ku xusan. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al shabaab ayaa soo bandhigay mid kamid ah gaadiidka gaashaaman oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada meletariga Soomaaliya, kadib dagaal dhexmaray Al shabaab iyo ciidamada xooga. Gaariga lasoo bandhigay Al shabaab ma aysan sheegin goorta ay ka furteen ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa meletariga. Sidoo kale Al Shabaab ma sheegin sida ay ku qabsadeen gaarigan, waxaana gaarigan Gaashaaman kamid yihiin gaadiid dowlada federaalka gaar ahaan Milatariga deeq ahaan loo siiyay. Al shabaab ayaa sidoo kale sheegay in saanad cusub ay kala wareegeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaana arinta ay kusoo aaday iyadoo maalmo ka hor Qatar gaadiid dagaal ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya. Ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan gaariga ay soo bandhigeen Al shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad xalay lagu caleema-saaray Madaxda maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabaddii lagu caleema saarayey madaxweyne Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay inuu cafiyey cid walbo oo wax ka tabaneysa (dowlad goboleedyada) isaguna uu cafis ka doonayo. Waxa uu ballanqaaday madaxweyne Farmaajo in si buuxda uu ula shaqeyn doono dowlad goboleedyada, islamarkaana uu noqon doono oday Soomaaliyeed. Dhanka kale, madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay mucaarad ifiya wixii qaldan ee jira si horumarka dalka looga shaqeeyo. Anigu waxaan leeyahay, in laga noqdo xalay dhalay wax walbo oo lasoo maray, anaa ugu horreeya oo waxaan leeyahay waan idin cafiyey, idinkana aad i cafisaan, waxaan ballanqaadayaa inaan idinla shaqeeyo haddii aad tihiin dowlad goboleedyo iyo hadaad tihiin baarlamaanka dhexdiisa, maadaama aan ahay odaygii u dhaxeeyey insha Allah aniga ayaa dhexgalaya oo howlahooda xalinaya, laakiin mid ogaada mucaarad waa loo baahan yahay, midka loo baahan yahay waxay tahay marka ay xaaladda kulushahay in mucaaradkaasi aanay dowlado shisheeye la jirin, waa iga ballan inaan wada shaqeynno Ugu dambeyn, madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey maamulka Puntland horumarka ballaaran ee ay sameeyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay xafladdii caleema-saarka ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray waxqabadka u qorshaysan in uu hirgeliyo mudada 5sano ah ee la doortay. Madaxweynaha ayaaa sheegay in uu waxka qaban doono arrimaha ay kamid yihiin taabba-gelinta sharciga iyo qaanuunka si loo helo hay’ado dowliya oo isu’dheellitiran, dib u habaynta hay’adaha dowliga ah ee Puntland, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, xoojinta maqaamka Puntland ay ku leedahay Soomaaliya iyo federalism-ka, ilaalinta midnimada Puntland iyo soo celinta xuduudaha maqan ee Puntland. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu dib u habayn muq leh ku samayn doono dhinaca ciidamada Puntland iyo ,xuquuqsiintooda ,islamarkaana uu mudnaan gaar ah siin doono cirib-tirka canaasiirta argagixisada ah. Wuxuu intaasi raaciyay in uu dib u habayn ballaaran ku samayn doono nidaamka maaliyadeed ee Puntland, isagoo ballan qaaday in uu la dagaallamayo aafada musuq maasuqa ee ragaadiyay hay’adaha dowliga Puntland. Qodobada kale ee uu ballan qaaday waxaa kamid ah; shaqa-abuurka dhalinyarada, horumarinta arrimaha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, adeegyada dadweynaha, xuquuqda haweenka ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo bulshada Puntland u sameeyay ballan qaadyo muhiim ah appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Nairobi)-Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhaawacantay qarax xalay ka dhacay banaanka maqaayad ku taalla magaalada Nairobi. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay waxyaabo qarxa oo la dhigay banaanka Makhaayada Tom Mboya ee ku taalla wadada Latema Road. Booliska ayaa goobta si deg-deg ah u guuray, iyagoo xidhay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaa socda baadhitaano. Goobjoogayaal ayaa sheegaya inay arkayeen nin alaabo ku sii riixaya gaadhi alaabaha lagu qaato oo loo maleynayo in walxaha qarxa lagu qariyay, iyadoo daqiiqado kadibna uu qarxay. 15-kii bishan ayay aheyd markii qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, weerarkaas oo lagu dilay labaatameeyo ruux, iyadoo weerarkaas ay sheegatay Al-Shabaab. Source
  13. Madxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ka hadlayay xalay xafladii caleemasaarka madaxda cusub ee Puntland ayaa ka hadlay qilaafka u dhaxeeya DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada. Axmed Madoobe ayaa sheegay in aan loo baahneeyn qilaaf siyaasadeed waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in qilaafka meel la iska dhigo. Waxaa uu ku baaqay in wada hadal ay galaan masuuliyiinta DF iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Hoos ka dhageeyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/Axmed-Madoobe.m4a Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Axmed Madoobe oo ku baaqay in xal laga gaaro qilaafka dowlada dhexe iyo maamul Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabaddii lagu Caleema saarayey madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in la lilaaliyo dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla. Waxa uu sheegay Xasan Sheekh, haddii lagu dhaqmo oo kaliya Dastuurka iyo Shuruucaha kale ee dalka u yaalla ay wax walbo hagaagi doonaan. Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in laga shaqeynayo dib u dhisidda dowlad Soomaaliyeed, loona baahan yahay in wax walbo loo maro waxa ay dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Xasan-Sheekh.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa fariin u diray madaxda Soomaaliyeed xilli uu hadal ka jeedinayey munaasabaddii lagu Caleema saarayey madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland. Sheekh Shariif ayaa si sarbeeb ah ugu sheegay madaxda in ay xalliyaan wixii dhexdooda ah, islamarkaana ka wadahadlaan. Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa u rajeeyey in si sax ah u gutaan waajibka saaran. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Sheekh-Shariif.mp3 Source: goobjoog.com
  16. Senator C/raxmaan Faroole oo ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dib loo furo wadahadalladii dowladda federaalka iyo sidoo kale Somaliland. Waxa uu sheegay Senator Faroole in Somaliland ay xilli hore codsatay wadahadalladaasi, islamarkaana ay diyaar u yihiin iney DFS la hadlaan. Sidoo kale, Faroole ayaa sheegay in sababaha sii dheereeyey hakadka wadahadallada tahay kadib markii uu sheegay in Somaliland Tukaraq dagaal ku qabsatay, wuxuuna ka dalbaday iney dib uga baxaan deegaankaasi, si loo sii hadlo. Dowladda federaalka ayuu dhankeeda ka dalbaday iney furto wadahadalladaasi, islamarkaana fursad la siiyo dowladda Turkiga oo dooneysa in Labada dhinac u kala dab qaaddo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Faroole.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasabaddii lagu caleema saarayey madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa ku dheeraaday ka hadalka arrimaha ku aadan u shaqeynta dalka iyo dalka. Waxa uu sheegay Madoobe in muhiim ay tahay ugu horreyn in la is cafiyo, islamarkaana sidoo kale laga shaqeeyo sidii dalka wax badan looga bedali lahaa xaaladda uu iminka marayo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan wanaagsaneyn in la qaato warar uu sheegay in madaxda loo kala geeyo, balse muhiim ay tahay in la helo wadashaqeyn iyo is tixgelin. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in dowladda dhexe waajib ka saaran yahay iney xaq dhowrto dowlad goboleedyada, halka maamullada iyaguna laga doonayo iney ilaaliyaan xuquuqda iyo waajibka dowladda dhexe leedahay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Axmed-Madoobe.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo maamulkiisa ay sii wadan doonaan shaqooyinka nabadda ah ee ay isla wadeen, islamarkaana uu ka rajeynayo madaxweynaha cusub in isna meeshiisa kasii wado. Xaaf oo hadal ka jeediyey Khudbaddii Caleema Saarka ee madaxweyne Dani ayaa dhanka kale bogaadiyey Horumarka ka jira magaalada Garoowe uu uu sheegay in isbadal badan uu ka muuqdo. Dhanka kale, Xaaf ayaa ku booriyey madaxdii kasoo qeybgashay xafladdaasi iney is cafiyaan oo aayahay dalka iyo dadka laga shaqeeyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/XAAF.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadal ka jeediyey Caleema saarka madaxweynaha Puntland ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah. Waxa uu sheegay Waare in Puntland ay casharro badan ka barteen, islamarkaana ay rajeynayaan in wax badan ka faa’idaan. Waxa uu Waare sheegay in waxyaabaha ay ka faa’idi doonaan Puntland ay tahay in hoos loo xalliyo wixii jira, sidoo kale la wadahadlo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Madaxweyne-Waare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo idleeyay hadal jeedinta xafladda caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa la dhowrayay khudbadiisa, waxaana madasha ku sugnaa madax kala duwan oo qaarkood dhaliilsan hanaanka dowladiisa kula macaamiishay madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Farmaajo ayaa ugu horeyn ka hadlay horumarka Puntland iyo dadka ay mudan tahay in looga Mahadceliyo, waxaana uu yiri:- “Waxaa door ka ciyaaray horumarka Puntland, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo warbaahinta oo si wadajir ah u wada shaqeeyay, shacabka wanaagsan ee Reer Puntland ayaa sidoo kale door weyn ka ciyaaray”. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in horumarka Soomaliya lagu gaari karo arimo ay kamid tahay in si Wadajir ah loo wada shaqeeyo, islamarkaana madaxda ay isku tanaasulaan. “Waxaa lagu gaari karaa horumar dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada oo wada shaqeeya, wada shaqeynta waxaa lagu gaari kara, iyadoo la is aamino, la wada shaqeeyo, la isku tanaasulo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Khilaafaadka dowladeena waxay keenaan inaan waxba la qaban oo shaqada istaagto, waana waxyaabaha keenay in dowladda aysan laheyn ciidan adag oo cadowga la dagaalama, ciidan adag oo xuduudaha difaaca, waxaa oo dhanna waa waxaan soo marnay oo ay tahay wax aan qibrad u leenahay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wuxuu soo hadal qaaday Musuqa oo Soomaaliya u keenay dib u dhac aad u weyn, isaga oo sheegay in Musuq maasuqa aysan kaliya aheyn lacagta oo la xado. “Musuq maasuqa lacag la xado kaliya maaha, waxaa kamid ah qofka oo qalad lagu magacaabo, waxaa ku jira qofka shaqeeya oo qiyaama waqtiga uu dowladda u shaqeeyo, waana waxyaabaha anaga na wiiqay intii dowladnimada jirtay”, Ugu dambeyn wuxuu taabtay hadal la wada sugayay oo ahaa wada shaqeyn buuxda oo dhex marta xubnaha mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in isaga uu bilaabayo barnaamijka iscafinta dhinacyada is haya. “Anigaa ugu horeeya waxaan idin leeyahay waan idin cafiyay, adinkana waxaan idinka doonayaa inaad i cafisaan, bacdamaa aan ahay odaygii u dhaxeeyay dowladda iyo maamulada anigaa howsha galaya, mucaarad waan u baahanahay, laakiin waxaan dooneynaa marka xaaladda meel adag taagan tahay in mucaaradka uusan dowladiisa ka safan”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Hoos ka daawo khudbadda madaxweynaha Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad caawa lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida. “Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo. Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe waxa uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. DHAMMAAD Puntaland Post The post Madaxweyne Farmaajo” Waan idin Cafiyayee i cafiya” appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani oo xalay lagu caleema saaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay waxyaabaha u qorsheysan ee uu doonayo inuu qabto. Waa uu Dani sheegay in ugu horreyn uu wax ka qaban doono arrimaha ku aadan taabagelinta sharciga iyo qaanuunka, dib u qaabeynta hay’adaha dowliga ee Puntland,Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, xoojinta maamul daadejinta, hirgelinta nidaamka federaalka iyo arrimo kale oo muhiim ah. Dani ayaa sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii deegaannada Puntland looga ciribtiri lahaa dagaalyahannada Al-shabaab iyo sidoo kale kuwa Daacish. Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa shacabka ka dalbaday iney la shaqeeyaan maamulkiisaan cusub. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Madaxweyne-Dani-Sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com