-
Content Count
207,314 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The prime minister of Ethiopia, Dr Abiy Ahmed Ali has called upon the leadership of Somali regional state in his country to strengthen security and development in their administration. The prime minister made the remarks during a meeting in his Addis Ababa office with the president of Somali regional state of Ethiopia, Mustafe Omar and the chairperson of Somali People’s Democratic Party (SPDP), Ahmed Shide on Saturday. According to the office of the prime minister, the meeting concluded with Prime Minister Abiy Ahmed providing direction on strengthening the development of the Somali region. “Prime Minister Abiy Ahmed met with the President of the Somali Regional State, Mustafe Omar and Chairperson of the Somali People’s Democratic Party (SPDP), Ahmed Shide this morning at his office,” Office of the PM confirmed on its official Facebook page. “The discussions centred on the development and security activities of the region.” The president of Somali regional state was at loggerhead with Ahmed Shide on the political fate of senior officials that served on the former administration of deposed president Abdi Mohamud Omar. The officials were accused of committing human rights violations during their reign in office. The meeting signals the end of political stalemate between the leadership of Jigjiga that emerged in the public limelight last week. The post Ethiopian PM urges Somali state leadership to enhance security and development appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan musaanabadii xalay ka dhacay magaalada Garowe iyo in siyaasiyiinta Soomaalida is-cafiyaan, isaga oo sheegay in cafiska ay wax ka horreeyaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan: Xaley munaasabaddii caleema-saarka waxey aheyd gogol si wanaagsan loo Soo agaasimay, dad waxgal ah la isugu keenay, dalka gudihiisa la dhigay weliba magaallo Soomaaliyeed oo nabad ah, intaas ka dibna hadallo wanaagsan laga yiri oo wax isku Soo dhowaynaya kuwaasoo ay fure u ahayd kalimaddii qiimaha badnayd ee uu madasha ka jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed, mas’uuliyiintii ka danbaysayna aysan ka leexan khadkaas uu islaanku iftiimiyey. Waxaa maalmahaan socday mashruuc uu waday Sheekh Kenyaawi oo la magac-baxey “CAFI WALAALKAA” , halkaan Garoowe-na wuxuu islaan Ciise uga dhawaaqay mashruuc kale oo la yiraahdo “XALEY DHALEY KA NOQO”. Farqiga u dhexeeya labada Mashruuc, kan hore waa mid Caam ah oo bulshada oo dhan khuseeya balse kan danbe wuxuu la xiriiraa dad siyaasiyiin oo arrimo jira ama qaddiyado taabanaya siyaasadda dalka la isku haayo wuxuu u baahan yahay marka hore In la wadahadlo, ka dibna la heshiiyo, natiijaduna iscafin noqota taasoo dhasha iskaashi iyo wada-shaqeyn dalka u horseeda nabad iyo Horumar. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Kenyan police said Sunday called on the public to remain on high alert and be extra vigilant especially in populated public places in the wake of terror threats in the country. Joseph Boinnet, Inspector General of Police, said security officers have stepped up security surveillance across the country in the wake of the attack at dusitD2 hotel on Jan. 15 in which 21 people were killed and the latest explosion in Nairobi on Saturday evening which left two people slightly injured. “It is critical that all citizens must step up their levels of alertness regarding their surroundings and provide information immediately to the police in case anything out of the ordinary is observed,” Boinnet said in a statement issued in Nairobi. He said the security forces have increased surveillance measures in key installations, private and public places and urged the public to exercise caution while dealing with people with mysterious motives. The police chief advised against the laxity in the screening of cars for explosives at all shopping malls and any business or social gatherings at any given moment that these might be vulnerable to attacks. “We also wish to inform the public that whilst we have stepped up alertness on our highways, all police commanders have been instructed to apply to a court of law for forfeiture of any vehicle found with illegal immigrants and any form of contraband,” said the police chief. He also called on hotels, landlords, churches and public service vehicles including educational institutions to always endeavor to establish the identity of their customers entering their premises by examining their identification documents. “We further advise that all hotel operators must obtain full details of their lodgers and restaurant operators must also step up their levels of alertness and security in their establishments,” Boinnet said. The statement came after two slightly people were injured on Saturday evening after a suspected explosive device went off along a busy Nairobi street. Nairobi police commander Philip Ndolo said a man of Somali descent had allegedly hired a trolley pusher to move a carton box within the city when the package exploded. The device inside the box is suspected to have been an improvised explosive device, he said, injuring the trolley pusher and a newspaper vendor. The east African nation faces insecurity as bomb attacks using improvised explosive devices and grenades have been reported in Nairobi, northeastern and coastal regions since Kenyan solders entered Somalia in 2011 to secure the shared border with the lawless country. The post Kenyan police urges vigilance in wake of terror attacks appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ku dilay Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid. Askariga la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Qanjeey ayaa markii hore dhaawac culus uu soo gaaray inkastoo markii dambe uu ku geeriyooday Isbitaalka Keysaneey. Hay’adaha ammaanka ayaa qabtay ninkan oo watay Baskoolad, kadib markii ay u suuragashay inay dhaawacaan. Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Degmada Yaaqshiid C/fataax Axmed Cali ayaa sheegay in ninkan marka hore ay daweynayaan kadibna ay hor geynayaan sharciga. “Waxaan ku guuleysanay inaan gacanta ku dhigno nin hubeysan oo dilay askari, ninkan waxaan horgeyn doonaa sharciga, waxaan ciidanka ammaanka ku amaanayaa shaqada ay qabteen.” ayuu yiri Guddoomiye C/fataax. Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa goor-dhaw toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeyn inuu ku hubeesnaa Bastoolad, islamarkaana uu doonayay inuu dilo askari katirsan ciidamada Soomaaliya. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Marxuumka la dilay ayaa watay Bastoolad waxa uuna sidoo kale watay Mooto laba lugaaley sida ay sheegeyn dadka degaanka. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka oo ku aadan dilka ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, Agga uu dilka ka dhacay ayaa ah meel aad loo ilaaliyo waxaana ku dhaw godka Jilacow, Xarumo wasaaradeed iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta Waxaa lagusoo cunteynayaa banaanka Magaalada Garowe dhul miyiga, Madaxweynaha Dpwlada Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa laguwadaa inuu magaalada ka saaro Madaxda Soomaalida halkasoo lagusoo [...] Source
-
Garoowe ( Sh. M. Network)-Saciid C/laahi Deni Madaxweynaha cusub ee Puntland oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu caleema saarayay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira maamulkaasi. Ugu horreyn Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarka Puntland, islamarkaana uu xoojin doono daadajinta maamul wanaaga. Sidoo kale waxa uu xusay in uu diirada saari doono xoojinta ammaanka iyo hirgalinta nidaamka federaalka. Dhanka kale madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah uu siin doono ilaalinta Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu qaadi doono Guluf ka dhan ah Somaliland, islamarkaana ay soo ceshan doonaan dhulka ka maqan, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxaa uu carabka ku dhuftay in sidoo kale uu la dagaalami doono Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulkaasi. The post Madaxweyne Deni Oo ku dhawaaqay Guluf ka dhan ah S/land appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay shaacisay in dalka laga saarayo dhammaan dhakhaatiirta ajaanibka ah, iyadoo la hubinayo shahaadooyinka ay haystaan. Guddoomiyaha mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday ayaa waxa uu sheegay in 113 dhakhtar oo sharcigu uu ka dhacay ay dalka joogaan maant isla markaana laga saarayo dalka. Guddoomiyaha mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Oday ayaa sidoo kale waxa uu shaqo ay qaban karaan dhakhaatiirta reer Somaliland aan loo ogolaan doonin inay qabtaan dhakhaatiir ajabani ah. Source
-
Garoowe ( Sh. M. Network)-Guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka Puntland ayaa magaalada Garoowe munaasibad soo dhoweyn ah ugu sameeyay golayaasha Baarlamaanada heer Fedraal iyo heer dowlad goboleed. Waxaa kulanka so dhaweynta diiradd alagu saaray arrimo ay kamidka yihiin muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhex martay baarlamaanada Heer Federaal iyo heer dowlada goboleed,si loo horumariyo danaha umadda Soomaaliyeed. Ugu horeyn waxaa munaasibada ka hadlay guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland C,xakiin Maxamed Axmed waxaana uu sheegay in uu soo dhawaynayo hay,adaha wafuuda baarlamaanada ka kala socotay Dowladda SOomaaliya iyo dowlad Goboleedyada. Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir.shabeele Sheekh Cusmaan Barre ayaa madaxda baarlamaanka Puntland iyo shacabka uga mahadceliyay soo dhoweyntii ay reer Puntland u sameeyeen wufuudii Garoowe soo gaartay. Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay in Garoowe ay Tahay meel nabad ah dalxiisyadii loo tagi jiray Nairobi iyo Yuganda lagu badalo. Munaasibada waxaa soo xeray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu Sheegay in munaasibadan ay tahay mid loo baahnaa uuna u mahadcelinayo madaxda baarlamaanka Puntland . The post Puntland Oo soo dhaweyn u sameysay wafuuda ku sugan magaalada Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Qaraxa oo ahaa nuuca Bambada gacanta laga tuuro ayaa ka dhacay goob Shaleemo ah oo aad u mashquul badan, taas oo ku taalla bartamaha magaaladaasi. Ugu yaraan illaa laba Qof oo Rayid ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliska dalkaasi. Ciidamada Kenya oo goor dambe gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano ay ku baadi goobayeen cida fulisay weerarkaasi ka sameeyay halkaasi. 15-kii bishan ayey aheyd markii xubno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen hoteelka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka M/Nairobi ee xarunta dalka Kenya. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida. “Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo. Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe waxa uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland. The post Madaxweynaha Oo adkeeyey xoojinta wadashaqeynta DFS iyo M/ Goboleedyada dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-270119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa xalay munaasibad balaadhan lagu caleemo saaray. Madaxda Soomaaliya iyo siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo arlada Soomaalida isaga yimid ayaa munaasibadda ka qayb galay. Madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa xalay munaasibad balaadhan lagu caleemo saaray. Madaxda Soomaaliya iyo siyaasiyiin iyo dadweyne kale oo arlada Soomaalida isaga yimid ayaa munaasibadda ka qayb galay. Madaxweyne Deni oo khudbad uu kaga hadlay qorsheyaashiisa ka jeediyay madasha ayaa soo qaaday gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland oo sheegay in uu soo celinayo “Si loo xoojiyo soo celinta dawladnimo Soomaaliyeed waxaanu mudnaan gaar ah siin doona ilaalinta midnimada Puntland dad iyo dhulba iyada oo ahmiyad gaar ah la siin doono soo celinta dhulka maqan ee dastuurka Puntland uu qeexayo,” sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Puntland. Abwaan Faarax Murtiile oo ah reer Somaliland ayaa madasha caleemo saarka ka soo jeediyay in madaxweyne Farmaajo tago Hargeysa si looga wada hadlo arrimaha la isku mari la yahay. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa isaga oo arrintaas tixraacaya yidhi “Halkan nin baa ka hadlay farriin baanu dibadda ka keenay waana gabyay taasi meesha way ka maqan tahay maxay tahayna? Ha la raadsho midnimadii Soomaaliya oo midnimadii Soomaaliya xaggee laga raadinaya? Ha la furo wada hadalkii Somaliland, diyaar bay u yihiin, way codsanayeen,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Faroole. Waxa uu intaasi raaciyay “Xogaagan Tukaraq la isku tuurtuuray ayaa iyaduna xogaa caqabad ku noqotay (Wada hadalka) waxaan abiil u samaynaya dawladda Somaliland in ay arrinta ku celiso meeshii awal ay joogtay si wada hadalkii loo furo oo Tukaraq iskaga tagto oo halkeedii ku noqoto,” Sidaas ayuu yidhi Mr Faroole. Waxa kale oo uu sheegay in maaddaama siyaasiyiinta ugu badan Soomaalida oo madaxda hadda kuwo hore iyo kuwa soo socdaaba joogan ay tahay in arrintaas la weeleeyo. Waxa uu soo dhaweeyay dhexdhexaadinta Turkigu wado waxaanu tilmaamay in wixii laga fursan waayo lagu heshiin doono. Waxa uu intaasi raaciyay in dadku is dhexgalay oo Hargeysa iyo Garoowe isku furan yihiin laakiin, waxa kala xidhan tahay uun siyaasadda. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay deegaanada maamulkaasi ka saari doonaan ajaaniibtii ugu badneyd oo ka shaqeysata deegaanada maamulka Somaliland. Dadka ajaaniibta ee la qorheynayo in laga saaro Somaliland ayaa gaaraya 113 ruux oo heysta dhalasho kala duwan, waxaana ay Somaliland kaga shaqeysanayeen xirfadda caafimaadka. Dhamaan dadkaasi ayaa la sheegay inuu ka dhacay sharciga ay ku joogaan deegaanada Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa ay kamid tahay, waxaana la sheegay in dib loo eegi doono sharciyadooda. “Dhammaan dhakhaatiirta ajaanibta ah waa laga saarayaa dalka waxana la hubinayaa shahaadooyinkooda intaanay dalka soo gelin wixii raba inay dalka ku soo laabtaan. ‘113 dhakhtar oo sharcigu ka dhacay ayaa dalka jooga maanta waana la saarayaa”ayaa lagu yiri qoraal laga baahiyay Radio Hargeysa. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis wanaagsan lagu sameyn doono xarumaha caafimaad ee ay ka howlgalaan dhamaan dhaqaatiirta dib looga saarayo deegaanada Somaliland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in aad loo hubin doono dhamaan ajaaniibta kale ee dooneysa inay ka shaqeeyaan deegaanada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay xafladdii caleemo saarka madaxweynaha Puntland Saciid Deni codsaday in la cafiyo, isaguna uu cafiyey, lana shaqeyn-doono dadka wax ka tabanaya. Mudane Farmaajo oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Anigu waxaan leeyahay, in laga noqdo xalay dhalay wax walbo oo lasoo maray, anaa ugu horreeya oo waxaan leeyahay waan idin cafiyey, idinkana aad i cafisaan, waxaan ballanqaadayaa inaan idinla shaqeeyo haddii aad tihiin dowlad goboleedyo iyo hadaad tihiin baarlamaanka dhexdiisa, maadaama aan ahay odaygii u dhaxeeyey insha Allah aniga ayaa dhexgalaya oo howlahooda xalinaya, laakiin mid ogaada mucaarad waa loo baahan yahay, midka loo baahan yahay waxay tahay marka ay xaaladda kulushahay in mucaaradkaasi aanay dowlado shisheeye la jirin, waa iga ballan inaan wada shaqeynno”. Hadda, Goobjoog News ayaa dib u raacday sababta madaxweyne Farmaajo oo 2 sano ka hor lahaa waxaa ahay nabaddoon keentay inuu maanta dhaho hala ii cafiyo. Madaxweyne Farmaajo markii uu murashaxa ahaa waxaa uu xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah hortooda ka ballanqaaday in haddii la doorto uu isku badali-doono nabaddoon Soomaaliyeed isaga oo yiri ““Dib u heshiisiin ayaan sameynaynaa, dad walaalo ah ayaan nahay, wax aan ku kala duwannahay maleh, waxaa laga yaabaa siyaasiyiin inay nakala fogeynayaan balse dadka Soomaaliyeed col maahan, waxaan xoogga saareynaa aniga haddaad i doorataan madaxweyne noqon maayo, nabaddoon ayaan noqonaa , waxaan ugu tagayaa cid walba meesha ay joogaan, waxaa xoojinayaa oday dhaqamedyada rasmiga ah ayaan xoojinayaa mushaar joogtana waan u qoreynaa hadduu ilaahay hiraahdo” Xaflad lagu caleemo saaray madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay inuu yahay astaan u horseeday dadka inay isu soo dhowaadaan “Habeenkii la idoortay soohdintaas waa la iskala gooshay iyadoo aana cidna looga armar qaadan, dib ushehiisiintu ma ahan in la isa soo hor fariisto oo kaliya, mararka qaarkooda waxaa ka muhiimsan dhacdo iyo astaan horseeda in la isku soo dhawaado”. Markii ugu horeysay ee baarlamaanka iyo madaxda ay casho isugu yimaadaan waxaa uu yiri ‘Beryaha dambe waxaa badatay “High expectations”, xataa waxaa la ii sheegay reer miyiga inay leeyihiin Farmaajo “High expectations”, waxaan ku gaari karnaa markii aan wada shaqeyno, oo shacabka Soomaaliyeed arkaan dowladdan inaysan khilaaf laheyn, oo 4-ta sano ee soo socota aan ku wada dhameysanno si umadda Soomaaliyeed ku wada faraxsan yihiin, runtii aniga qeybteyda, caawa waa ujeedaan in aan koofi qabo, aabaddoon ayaan ahay, Inshaa-allah wax is qaban-doono ma leh”. Haddaba 2 sano kadib waa sidee xaaladda? 1. 2-badii sano ee la soo dhaafay ma jirin wada hadal dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa sidoo kale cusub inuu jiray muranka ka dhashay maareynta deeqaha Somaliland ay dunidu siiso: wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saaray warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso Somaliland sida ku xusan heshiiska “new deal”. 2. 6-dii bil ee ugu dambeysay waxaa istaagay xiriirkii dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada kadib shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, kolkaas oo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda federaalka ah. 3. Muddo bil ah, waxaa hakad ku jira xiriirkii wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya labada gole ee baarlamaanka federalka ah, aqalka sare iyo golaha shacabka. 3-daas qodob keliya haddii aan soo qaadanno, isqab-qabsigaas waxaa uu keenay in ay hakad galaan sharciyo badan ay sameyn lahaayeen goleyaasha sharci-dejinta federaalka ah, heshiisyo badan oo amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah ayaa u xayiran iskaashi la’aanta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada iyo xataa wada hadalka Somaliland. Haddaba, Su’aasha waxaa ay tahay madaxweyne Farmaajo markan maka dhabeyn-doonaa cafiska, si loo dhameystiro howlo badan oo dalkan ku hormari lahaa, oo qabyo ah ama aan laba bilaabin, kuwaas oo u baahan in looga gudbo midnimo, wada shaqeyn, tanaasul iyo odaynimmo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa soo saaray wareegto uu xil ugu magacaabayo lataliyaha sare ee dhanka warbaahinta ee xafiiska Guddoomiyaha. Lataliyaha sare ee dhinaca Warbahinta ee Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Liibaan Maxamed Xuseen. Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa waxaa la faray in uu dhameeystiro habraaca maamuuska Lataliyaha Meelmarinta Go’aanka sida ugu haboon ee Sharciga waafaqsan. Hoos ka aqriso wareegtada kaso baxday xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
-
Popular Contributors