-
Content Count
207,324 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Maxamed Nuur Cagajoof guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Jabuuti oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Buurweyn oo hoostaga degmadaasi. Guddoomiye Cagajoof ayaa sheegay in guul la taaban karo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen dagaalkaasi. Waxaana uu tilmaamay in halkaasi ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kaas oo magaciisa uu ku sheegay Macalin Muumin. Sidoo kale guddoomiyaha dgemada Jalalaqsi ayaa intaasi ku daray in kolonyo ay galbanayeen Ciidamadu ay si nabdoon ku soo gaareen magaaladaasi, kuwaas oo ka soo ambabaxay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. The post Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay G/ Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dooxa ( Sh. M. Network )-Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso taageerada dhinaca Milatariga ee ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Qatar Khalid Al Attiya ayaa dhawaan kulan gaar ah dalkaasi kula yeeshay wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed. Labada mas’uul ayaa ka wada xaajooday, sidii loo xoojin lahaa xiriirka milatari ee u dhaxeeya labada dowladood. Dowladda Qatar ayaa waxaa ay ballan qaaday in Soomaaliya ay si weyn ugu taageerayso dhinaca milatariga iyo la dagaalanka Al Shabaab. Qatar ay dhawaan Soomaaliya ku wareejisay 68 Gaadiid ukuwa Gaashaaman ah, taas oo noqoneysa kaalmadii milateri ee horreysay ee Qatar ay siiso Soomaaliya. DFS ayaa wada qorshe ay ku dhiseyso Ciidamadeeda, si ay ula wareegto ammaanka dalka, marka ay ka baxaaan Ciidamada AMISOM. The post Qatar Oo xoojineyso taageerada Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxda maamul goboleedyada iyo madax kale ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Shirka ayaa waxaa ku qeyb galay madaxda maamul goboleedyada dalka, madaxweynayaashii hore ee dalka, guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa, madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Warar ku dhow dhow kulanka oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegay in kaftan iyo kala war qaadasho kaddib xubnaha kulanka ay isku afgarteen labo qodob oo ay ka mid yihiin in la xaliyo khilaafka dowladda iyo madax goboleedyada, iyo in shir labada dhinac isugu yimaadaan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu soo iclaamiyo xilliga la qabanayo shirkaas. Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee fool ka fool ah ee dhex mara Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxdii hore, iyadoo muddooyinkan ay jireen khilaaf u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhinac ah, iyo qaar ka mid ah Madaxdii hore oo iyagana dhaliilsanaa qaabka dowladdu wax u wado. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasbaaley ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay illaa iyo saddex Qof ay ku Geeriyoodeen Kaam barakac oo ku yaalla deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho. Dadkan oo labo ka mid ah ay ahaayeen Caruur, midka kalena uu ahaa Qof da’ah ayaa la sheegay in Gaajo iyo Haraad ay ugu dhinteen Kaamkaasi. Hooyo Binti Maxamed oo ka mid ah dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan halkaasi ayaa Shabelle uga warbixiyay dhacdadaasi. Waxaana ay tilmaamatay in dadkaasi nafaqo daro iyo Gaajo daran ay ugu dhinteen halkaasi Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in barakacayaashani ay ka soo hayaameen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Ugu dambeyn Hooyo Binti Maxamed ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Samafalka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi. The post Ku dhawaad 5 Qof Oo Gaajo ugu dhintay Garasbaaley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Booliska Kenya shacabka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan halista weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaasi. Taliyaha Booliska ee dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, kadib weerarkii 15 bishan lagu qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi. Mr Joseph ayaa shacabka ugu baaqay in aysan ku badnaan goobaha dadka ay isugu yimaadaan, halkaas oo uu sheegay in ka faa’iideysan karaan Al Shabaab. Sidoo kale Booliska ayaa shacabka ku nool gudaha Kenya ka dalbaday in ay ka caawiyaan xogaha Al Shabaab, is looga hortago weerarada ay ka geysan karaan dalkaasi. Warkana ka soo baxay Booliska Kenya ayaa ka dambeeyay kadib qarax xalay dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. The post Kenya Oo ku baaqday in laga feejignaado weerarada Xarakada Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay Gaari Gaashaaman ku soo bandhigay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku shegeen in Gaarigaasi ay kala wareegeen Ciidanka 14 October ee xoogga Soomaaliyeed. Sawirro laga soo qaaday Gaariga ayaa waxaa la arkayay isagoo uu ka dulbabanayo Calanka Al Shabaab, sidoo kalena ay saaran yihiin Dagaalyahanno ka tirsan kuwooda. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in ay la wareegeen saanad Ciidan oo dowladda Federaalku ka heshay dowlado shisheeye, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro illa aiyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan Gaarigaasi. Dhawaan ayay aheyd markii Wasaaradda Gaashaandhigga XFS lagu wareejiyay Gaadiid gaashaaman oo ay dowladda Qatar ugu deeqday Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo Gaari dagaal ku soo Bandhigay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-270119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kulankii Quraacda Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka quraac sharafeed ugu sameeyey qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada. Sidoo kale kulanka quraacda waxaa ka qayb galay, Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada. Kulanka quraacda kadib, ayaa madaxdu qaateen kulan gaara oo looga hadlay arrimo quseeya Soomaaliya, wuxuuna ahaa kulan aan warbaahin loo ogolayn. Sida aan wararka ku helayno kulanka gaarka ah ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii loo xalin lahaa kkilaafka dowladda dhexe iyo qaar kamid dowlad goboleedyada, waxaana wararku sheegayaan in arrintaas dhameynteeda loogu ballamay kulan dambe oo ka dhici doona magaalada Muqdsho. Kulanka lagu xalin doono khilaafka labada dhinac ayaa wararku sheegayaan in uu dib ka shaacin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdulaahi Farmaajo. PUNTLAND POST The post Madax kulan gaara ku yeelatay Garowe appeared first on Puntland Post.
-
The prime minister of Ethiopia, Dr Abiy Ahmed Ali has called upon the leadership of Somali regional state in his country to strengthen security and development in their administration. The prime minister made the remarks during a meeting in his Addis Ababa office with the president of Somali regional state of Ethiopia, Mustafe Omar and the chairperson of Somali People’s Democratic Party (SPDP), Ahmed Shide on Saturday. According to the office of the prime minister, the meeting concluded with Prime Minister Abiy Ahmed providing direction on strengthening the development of the Somali region. “Prime Minister Abiy Ahmed met with the President of the Somali Regional State, Mustafe Omar and Chairperson of the Somali People’s Democratic Party (SPDP), Ahmed Shide this morning at his office,” Office of the PM confirmed on its official Facebook page. “The discussions centred on the development and security activities of the region.” The president of Somali regional state was at loggerhead with Ahmed Shide on the political fate of senior officials that served on the former administration of deposed president Abdi Mohamud Omar. The officials were accused of committing human rights violations during their reign in office. The meeting signals the end of political stalemate between the leadership of Jigjiga that emerged in the public limelight last week. The post Ethiopian PM urges Somali state leadership to enhance security and development appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan musaanabadii xalay ka dhacay magaalada Garowe iyo in siyaasiyiinta Soomaalida is-cafiyaan, isaga oo sheegay in cafiska ay wax ka horreeyaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan: Xaley munaasabaddii caleema-saarka waxey aheyd gogol si wanaagsan loo Soo agaasimay, dad waxgal ah la isugu keenay, dalka gudihiisa la dhigay weliba magaallo Soomaaliyeed oo nabad ah, intaas ka dibna hadallo wanaagsan laga yiri oo wax isku Soo dhowaynaya kuwaasoo ay fure u ahayd kalimaddii qiimaha badnayd ee uu madasha ka jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed, mas’uuliyiintii ka danbaysayna aysan ka leexan khadkaas uu islaanku iftiimiyey. Waxaa maalmahaan socday mashruuc uu waday Sheekh Kenyaawi oo la magac-baxey “CAFI WALAALKAA” , halkaan Garoowe-na wuxuu islaan Ciise uga dhawaaqay mashruuc kale oo la yiraahdo “XALEY DHALEY KA NOQO”. Farqiga u dhexeeya labada Mashruuc, kan hore waa mid Caam ah oo bulshada oo dhan khuseeya balse kan danbe wuxuu la xiriiraa dad siyaasiyiin oo arrimo jira ama qaddiyado taabanaya siyaasadda dalka la isku haayo wuxuu u baahan yahay marka hore In la wadahadlo, ka dibna la heshiiyo, natiijaduna iscafin noqota taasoo dhasha iskaashi iyo wada-shaqeyn dalka u horseeda nabad iyo Horumar. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Kenyan police said Sunday called on the public to remain on high alert and be extra vigilant especially in populated public places in the wake of terror threats in the country. Joseph Boinnet, Inspector General of Police, said security officers have stepped up security surveillance across the country in the wake of the attack at dusitD2 hotel on Jan. 15 in which 21 people were killed and the latest explosion in Nairobi on Saturday evening which left two people slightly injured. “It is critical that all citizens must step up their levels of alertness regarding their surroundings and provide information immediately to the police in case anything out of the ordinary is observed,” Boinnet said in a statement issued in Nairobi. He said the security forces have increased surveillance measures in key installations, private and public places and urged the public to exercise caution while dealing with people with mysterious motives. The police chief advised against the laxity in the screening of cars for explosives at all shopping malls and any business or social gatherings at any given moment that these might be vulnerable to attacks. “We also wish to inform the public that whilst we have stepped up alertness on our highways, all police commanders have been instructed to apply to a court of law for forfeiture of any vehicle found with illegal immigrants and any form of contraband,” said the police chief. He also called on hotels, landlords, churches and public service vehicles including educational institutions to always endeavor to establish the identity of their customers entering their premises by examining their identification documents. “We further advise that all hotel operators must obtain full details of their lodgers and restaurant operators must also step up their levels of alertness and security in their establishments,” Boinnet said. The statement came after two slightly people were injured on Saturday evening after a suspected explosive device went off along a busy Nairobi street. Nairobi police commander Philip Ndolo said a man of Somali descent had allegedly hired a trolley pusher to move a carton box within the city when the package exploded. The device inside the box is suspected to have been an improvised explosive device, he said, injuring the trolley pusher and a newspaper vendor. The east African nation faces insecurity as bomb attacks using improvised explosive devices and grenades have been reported in Nairobi, northeastern and coastal regions since Kenyan solders entered Somalia in 2011 to secure the shared border with the lawless country. The post Kenyan police urges vigilance in wake of terror attacks appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan oo askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ku dilay Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid. Askariga la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Qanjeey ayaa markii hore dhaawac culus uu soo gaaray inkastoo markii dambe uu ku geeriyooday Isbitaalka Keysaneey. Hay’adaha ammaanka ayaa qabtay ninkan oo watay Baskoolad, kadib markii ay u suuragashay inay dhaawacaan. Guddoomiye kuxigeenka ammaanka iyo siyaasadda Degmada Yaaqshiid C/fataax Axmed Cali ayaa sheegay in ninkan marka hore ay daweynayaan kadibna ay hor geynayaan sharciga. “Waxaan ku guuleysanay inaan gacanta ku dhigno nin hubeysan oo dilay askari, ninkan waxaan horgeyn doonaa sharciga, waxaan ciidanka ammaanka ku amaanayaa shaqada ay qabteen.” ayuu yiri Guddoomiye C/fataax. Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa goor-dhaw toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeyn inuu ku hubeesnaa Bastoolad, islamarkaana uu doonayay inuu dilo askari katirsan ciidamada Soomaaliya. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Marxuumka la dilay ayaa watay Bastoolad waxa uuna sidoo kale watay Mooto laba lugaaley sida ay sheegeyn dadka degaanka. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka oo ku aadan dilka ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, Agga uu dilka ka dhacay ayaa ah meel aad loo ilaaliyo waxaana ku dhaw godka Jilacow, Xarumo wasaaradeed iyo Madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta Waxaa lagusoo cunteynayaa banaanka Magaalada Garowe dhul miyiga, Madaxweynaha Dpwlada Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa laguwadaa inuu magaalada ka saaro Madaxda Soomaalida halkasoo lagusoo [...] Source
-
Garoowe ( Sh. M. Network)-Saciid C/laahi Deni Madaxweynaha cusub ee Puntland oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu caleema saarayay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira maamulkaasi. Ugu horreyn Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarka Puntland, islamarkaana uu xoojin doono daadajinta maamul wanaaga. Sidoo kale waxa uu xusay in uu diirada saari doono xoojinta ammaanka iyo hirgalinta nidaamka federaalka. Dhanka kale madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa tilmaamay in ahmiyad gaar ah uu siin doono ilaalinta Puntland, waxaana uu hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu qaadi doono Guluf ka dhan ah Somaliland, islamarkaana ay soo ceshan doonaan dhulka ka maqan, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxaa uu carabka ku dhuftay in sidoo kale uu la dagaalami doono Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulkaasi. The post Madaxweyne Deni Oo ku dhawaaqay Guluf ka dhan ah S/land appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ay shaacisay in dalka laga saarayo dhammaan dhakhaatiirta ajaanibka ah, iyadoo la hubinayo shahaadooyinka ay haystaan. Guddoomiyaha mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday ayaa waxa uu sheegay in 113 dhakhtar oo sharcigu uu ka dhacay ay dalka joogaan maant isla markaana laga saarayo dalka. Guddoomiyaha mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland Axmed Xaashi Oday ayaa sidoo kale waxa uu shaqo ay qaban karaan dhakhaatiirta reer Somaliland aan loo ogolaan doonin inay qabtaan dhakhaatiir ajabani ah. Source
-
Garoowe ( Sh. M. Network)-Guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka Puntland ayaa magaalada Garoowe munaasibad soo dhoweyn ah ugu sameeyay golayaasha Baarlamaanada heer Fedraal iyo heer dowlad goboleed. Waxaa kulanka so dhaweynta diiradd alagu saaray arrimo ay kamidka yihiin muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhex martay baarlamaanada Heer Federaal iyo heer dowlada goboleed,si loo horumariyo danaha umadda Soomaaliyeed. Ugu horeyn waxaa munaasibada ka hadlay guddoomiyaha golaha wakiilada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland C,xakiin Maxamed Axmed waxaana uu sheegay in uu soo dhawaynayo hay,adaha wafuuda baarlamaanada ka kala socotay Dowladda SOomaaliya iyo dowlad Goboleedyada. Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir.shabeele Sheekh Cusmaan Barre ayaa madaxda baarlamaanka Puntland iyo shacabka uga mahadceliyay soo dhoweyntii ay reer Puntland u sameeyeen wufuudii Garoowe soo gaartay. Mudane Mahad Cabdalla Cawad guddoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay in Garoowe ay Tahay meel nabad ah dalxiisyadii loo tagi jiray Nairobi iyo Yuganda lagu badalo. Munaasibada waxaa soo xeray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu Sheegay in munaasibadan ay tahay mid loo baahnaa uuna u mahadcelinayo madaxda baarlamaanka Puntland . The post Puntland Oo soo dhaweyn u sameysay wafuuda ku sugan magaalada Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Qaraxa oo ahaa nuuca Bambada gacanta laga tuuro ayaa ka dhacay goob Shaleemo ah oo aad u mashquul badan, taas oo ku taalla bartamaha magaaladaasi. Ugu yaraan illaa laba Qof oo Rayid ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliska dalkaasi. Ciidamada Kenya oo goor dambe gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa baaritaano ay ku baadi goobayeen cida fulisay weerarkaasi ka sameeyay halkaasi. 15-kii bishan ayey aheyd markii xubno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen hoteelka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka M/Nairobi ee xarunta dalka Kenya. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors