Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,326
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka Sare Ee Xisbiyadda Somaliland Oo Yeeshay Doodii Ugu Adkayd Iyo Aragtiyaha Ay Ka Aaminsan Yihiin Arrimo Xasaasi Ah Oo Ay Soo Bandhigeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Somali security forces have managed to arrest a government soldier who was reported to have shot and killed an unarmed civilian in Mogadishu, the Somali capital on Sunday night. The soldier whose name has not yet been identified opened fire at an auto rickshaw in the capital’s Waberi district, killing the driver named Abdinasir Aden Abdi. Police authorities said they are questioning the soldier at the district police station, and said he will be arraigned in court in the coming period. In the past 48 hours, Mogadishu has seen a series of targeted assassinations by suspected Al Shabaab militants amidst tight security measures. Despite being ejected from Mogadishu in 2011, the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab still capable of carrying out attacks, including car bombings and killings in the seaside city. The post Somali security forces nab soldier behind the shooting of a civilian appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Cabdullahi Sheekh Maxamed ayaa maanta ku guuleystay doorashada kursi bannaanaa oo golaha shacabka ah, doorashada ayaa ka dhacday Baydhabo. Kursigan ayaa waxaa April 2018 ka dhintay Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho. Doorashada Ayaa Waxaa Ay Aheyd Inay Ku Tartamaan: Isaaq Khaliif Sheekh C/qadir Shekh Maxamed Nuur Xasan Macallim Ibraahim C/laahi Shekh Maxamed Laakin sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee Baydhabo, goobta doorashada ama hoolka waxaa yimid uun Cabdullahi Sheekh Maxamed, isaga ayaana ku guuleystay. Ergo dhan 42 oo codeysay waxaa loo kala helay: Cabdullahi Sheekh Maxamed 35 cod, Isaaq Khalif Duurey 4 cod iyo Cabdiqadir Sheekh 2 cod. Labo xildhibaan oo ka mid ah tartamayaasha oo la hadlay saxaafadda ayaa ka sheegtay guddiga doorashada, qaarkood waxaa ay sheegeen in albaabka laga celiyey. Goobjoog News, waxaa ay iskudeyday inay la xiriirto guddiga doorashada laakin uma suurigelin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Geeljire oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan laga saaray xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu markii ugu horraysay sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u tuhunsan yahay ka saaristiisa xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO waraysi lala yeeshay Source
  5. Nairobi ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya. Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood. The post Rw Khayre Oo si weyn loogu soo dhaweey M/ Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska Caanka ah ee Foriegn Policy ayaa daabacay warbixin layaab leh oo uu ka diyaariyay qorshe Maraykanku ku damacsan yahay in uu ku dhisto Jid dheer oo isku xidhi doona Saldhggiisa Milatari ee uu ku leeyahay Magaalada Jabuuti iyo Saldhigga Balli Doogle ee Duleedka Magaalada Muqdisho oo uu ku leeyahay xarun gara ah oo dhinaca Milatariga ah taasi oo aan la ogayn muddoda ay qaadan doonto iyo sida mashruucaasi u dhaqan gali doono. Wasaaradda Gaashaan-dhigga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday mashruuca dhismaha waddo dhulka ah oo isku xidha Saldhigga ugu weyn Maraykanka ee Afrika ee dalka Jabuuti iyo Garoonka ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose ee dalkaasi Soomaaliya. Waddadan ayaa waxaa ay dhexmari doontaa sida wargeyskani sheegay dhulka Ismaamulka Soomaalida ee ay Itoobiya Maamusho, waxaana uu Mareykanku ugu talagalay in ay adeegsadaan Ciidankiisa ku sugan labadaasi saldhig oo uu ka dhigi doono mid weyn oo awood ahaan iyo shaqo ahaanba awood badan si uu gacanta ugu hayo danihiisa Geeska Afrika. Mashruuca dhismaha Waddadan ayuu wargeysku ku sheegay in ay qaadatay sharikad laga leeyahay Maraykanka oo fadhigeedu yahay Gobolka Virginia, taas oo lagu magacaabo Pacific Architects. Waddadan waxaa ay dhexmareysaa dhul khatar dhinaca amaanka ah oo meelaha qaar waxaa maamula Al-shabaab, waxaa kale oo ay mari doontaa dhul ay ka taliyaan malleeshiyo beeleed iyo Sohdin aan wali heshiis rasmi ah laga gaadhin oo u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaa ay Waaxda Difaaca Mareykanka ee qorshahan waddaa sheegtay in waddadan qeybta Soomaaliya dhexdeeda ah ay ku ka ceyso $75Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Garoonka Balli-Doogle oo ku dhawaad 90 KM u jira Muqdisho ayey Ciidamada Mareykanka ah ee jooga waxaa ay sahayda u martaa dhinaca cirka waxaana u geeya diyaarado Helicopterro ah oo ka duula Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wargeyska Foriegn Policy oo maqaalkan daabacay ayaa sheegay in khubarro uu wareystay u sheegeen in u jeeddada Mareykanku ka leeyahay Waddadan ay tahay sidii uu u dhimi lahaa baahidda Awoodda dalka Shiinaha ee Geeska Afrika isna uu isugu sii ballaadhin lahaa. Shirkadda Pacific Architects, waxaa ay hore u heysatay mashruuca dhismaha saldhigyada Mareykanka ee Soomaaliya,waxaana bishii January ay sharikad iyada hoos tagtaa mashruuc ka hir gelisay Muqdisho taas oo lagu magacaabo Africa Expeditionary Services. Africa Expeditionary Services, ayaa dhismahan ka shaqeyn doonta iyada oo shaqaaleysiineysa sharikado kale oo gudaha ah inkasta oo hal sharikad oo aan mgaceeda la sheegin ay diidday mashruucan. Source
  7. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa soo saaray waqtiga la ciyaaridoono Somali Super 2018 waxaana ku hardamaya kooxaha Dekedda iyo Muqdisho City Club oo horay la oran jiray Banaadir SC ka hor 25-November 2018. Koobka Somali Super waxaa wada dheela kooxaha kusoo kala guulaysta tartamada horyaalka Somali Premier League iyo koobka Jeneraal Daa’uud waxaa la ciyaaridoonaa maalinta arbacada ee fooda inagu soo haysa. 09-May 2018-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa ku gulaystay horyaalka Somali Premier League oo markii kowaad laga dhaqan geliyay dalka waxayna sidoo kale ku hanteyn markii labaad oo xariir ah waxaana u qaaday tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali). 18-October 2018-Kooxda Mqudisho City ayaa ku guulaystay koobka sanadaha ah ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxayna ka qaaday xidigaha Horseed,balse magaca ahaan waxa ay ku hanteyn Banadir Sports Club. 25-November 2018-Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda hoose xamar ama Muqdisho aCity Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo sanadihii lasoo dhaafay hanatay koobka weyn ee gudaha. Kooxda Dekedda ayaa markii kowaad magaca dowladda hoose ee Muqdisho City Club kula dheelaysa ciyaar fiinal ah tan iyo markii ay la wareegeyn maamulka Gobolka Banaadir,balse horay waxa ay ku wajhday magaca Banaadir SC. 22-Janaayo 2019- Kooxda kubbadda Cagta Heegan ayaa koob lagu xusayay allaha U naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad waxa ay ka qaadeen dhigooda Muqdisho City Club waana fursadii labaad labo todobaad gudahooda ay kulan ka dambeys ciyaaraan xidiga naadiga dowladda hoose,balse iminka waxa ay ku rajo weyn yihiin in ay hantaan koobkoodii ugu horeeyay tan iyo markii ay qaateen magaca caasimada dhamaadka Bishii November 2018. Si kastaba waxaa iminka socda diyaar garowka kulanka Somi Super Cup waxaana kooxdii qaada ay helaysaa koobka aad u qurux badan ay ugu tala-galeen shirka Hormuud telecom. Source: goobjoog.com
  8. Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya malayshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-shabaab ee ku wada-sugan buuraleyda degmada Qandala ee gobolkaasi. Dagaalka oo shalay bilowday ayaa ilaa iyo haatan ka socda buuraleyda Marshaad ee koonfurta magaalada Qandala hase yeeshee wax faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay sida ay soo sheegeenayan dadka degaanka. Malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku wada-sugan buuraleyda Qandala ayaa hore ugu dagaallamay degaanno hoosyimaada gobolka Bari gaar ahaanna buuraleyda Qandala. PUNTLAND POST The post Dagaal ka socda buuraleyda gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  9. Somali National Army (SNA) killed a senior al-Shabab official in an operation in the country’s central town of Jalalaqsi, officials said on Sunday. Mohamad Nur Caga Jof, governor of Jalalaqsi, told journalists that two of SNA forces sustained injuries during the operation which was backed by African Union forces. The forces killed one militant who represented al-Shabab in collecting taxes in Jalalaqsi and burnt combat vehicles used by the militants, the official said. Residents in nearby towns told the media that gunfight broke out in Jalalaqsi and lasted for several hours. “We have been told that Somali government forces attacked al-Shabab fighters hiding in the town, there was huge gunfire exchanged by the two sides,” a resident named Hassan Afrah said. Somali national forces and African Union Mission in Somalia intensified the operations on al-Shabab militants in central and southern Somalia, conducting consecutive operations to flush out al-Qaida linked group from these regions. The post Somali, AU troops carry out a joint operation in central Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa u bilowday 14 cisho oo Baarlamanku ugu kordhiyay in uu ku soo magacaabo xukuumaddisa. Madaxweyne Deni ayaa Dastuuriyan haystay mudda 21 maalmood ah in uu ku soo dhiso golaha xukuumadda cusub, hase yeeshee mudane Deni ayaa awoodi waayay in uu wakhtigaasi ku magacaabo golaha. Madaxweynaha ayaa hadda haysta mudda 2 todobaad oo keliya taasi oo ah wakhtiga Baarlamanku u kordhiyay waxaana laga war-sugayaa xukuumadda uu soo dhisayo. PUNTLAND POST The post Deni wuxu haystaa 2 todobaad oo keliyah in uu soo dhiso xukuumadda appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddida Fulinta ee xidhiidhka ciyaaraha dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA ayaa shalay isku raacay in sanadka 2020 Somaliland lagu qabto koobka caalamiga ah ee dalalka aan la aqoonsan. Dalalka oo cod u qaaday arrintan ayaa intooda badan taageertay in Somaliland lagu qabto. CONIFA waa xidhiidh ay ku midaysan yihiin waddamada aan ku jirin xidhiidhka caalamiga ah ee FIFA waxaanay Somaliland marti gelin doonta xulal ka socda dalalka aan ka qayb galin koobka Adduunka kuwaas oo ay ka midaysan yihiin qaddiyadda aqoonsi raadinta. Qoraal ka soo baxay CONIFA ayaa lagu sheegay in xidhiidhka Somaliland ee ciyaaraha oo la aasaasay 2011 metelayay Somaliland iyo dadka reer Somaliland ee daafaha dunida ku kala nool. Koobkan ayaa noqonaya kii afraad ee dalalkani qabsadaan waxaana wareegyadii hore lagu qabtay dalalka Sapmi (2014); Abkhazia (2016); iyo Barawa (2018). Somaliland ayaa hadda la hadal haya in ay samaynayso xulka Qaranka maaddaama aanu hore u jirin. Source
  12. Ra’iisl wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Xasan Cali Kheyre ayaa casuumaad ka helay madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta, waxayna labada masuul kawada hadli doonaan aririmo la xariira xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya Arrimaha ugu weyn ee socdaalkan ayaa waxa uu yahay in ay ka wada hadlaan labada masuul eedeyn dhawaan ka soo yeertay dowlada Kenya oo ku aadaneyd in hubka dowlada Soomaaliya lagu weeraray Hoteel Kenya ku yaalo. Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadi doonaan la dagaalanka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare kheyre oo u ambabaxay Nairobi appeared first on Puntland Post.
  13. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Shariif Sheikh Axmed ayaa la hadlay dhalinyaro badan oo wax ka barta jaamacadaha magaalada Garowe, kuwaasi oo uu siinayay dardaaran u badnaa inay bartaan nidaamka xisbiyada iyo dowladnimada. Shariif Sheikh Axmed, ayaa ka sheekeeyay dowladnimada Soomaaliya iyo caqabaha heysta inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed marka ay timaado inay arrimo siyaasadeed isku qabtaan. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta uu ku yar yahay isu tanaasulka marka siyaasad la isku qabto, waxaana uu ardaydii uu la hadlayay usoo qaatay tusaalooyin uu kaga hadlay caqabadii uu la kulmay mudadii uu xilka hayay. Caqabadii ugu adkeyd ee uu isaga ka tanaasulay ayuu ku sheegay isaga iyo Ahlu sunna Waljamaaca oo wax badan isku qabtay, wuxuuna sheegay in muddo badan oo is jiidjiid uu socday kadib in isaga uu tanaasulaad sameeyay. Arinta Labaad wuxuu ku sheegay inay is qabteen ruux uusan magaciisa sheegin, balse waqti dheer kadib isaga uu sameeyay tanaasulaad haddana ay yihiin saaxiibada iskuugu dhow, sida uu sheegay. “Ahlu sunna Wal Jameeca Dhuunta ayay ii fariisteen, wadahadal dheer kadib waxay ii noqdaan dadka iigu dhow saaxiibada oo anigaa tanaasulaad sameeyay, qofka labaad wuxuu ahaa ruux aan hadda gurigiisa degenahay, intii xilka aan hayay ayaan is qabanay, laakiin wada tashi kadib anigaa tanaasulay, hadda waa saaxiibka iigo dhow”ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Wariye Cali Xaraare ayaa waxa uu barnaamija Kaftanka Siyaasadda ku Falanqeeyay Waxyaabihii ka dhacay caleemo saarkii Madaxweynaha mamul gobolleedka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar rag hubeysan xalay ay ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta G/Baay. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyay fariisin Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamada dowladdu ay howlgallo ka bilaabeen deegaano hootsga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG K/ Galbeed. Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro xoogan ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. The post Weerar xoogan Oo xalay ka dhacay duleedka Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa oo taariikhdu tahay 27 January 2019 casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed [...] Source
  17. Dunidan inta ay jirto da’ ahaan lama sheegi karo, laakin waxaa la sheegi karaa inta ku nool iyo meelaha ay kala joogaan. 200 oo sano ka hor waxaa joogtay keliya 1 billion oo dad ah, laakin wixii intaasi ka dambeysay waxaa ku korortay 6.7 billion. Arrinta kororta tirada dadka waa welwel caalami ah, sanad walba waxaa walaac ka keena hey’adda UNDP iyo hey’ado kale. Halkan Ka Akhriso: 1800: 1 billion 1930: 2 billion 1959: 3 billion 1974: 4 billion 1984: 5 billion 2015: 7.3 billion 2019: 7.7 billion Dalalka ugu dad badan waa Shiinaha oo ay ku noolyihiin: 1,417,968,074, India: 1,362,588,641, Mareykanka: 328,119,462, Indonesia: 268,378,528, Brazil: 211,751,101, Pakistaan: 203,008,083, Naigeria: 198,817,143, Bangladesh: 167,345,603, Rusia: 143,922,298 iyo Mexico: 131,668,592 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Guddoomiyayaasha guddiyada joogtada ah ee barlamaanka dowladda Puntland iyo xubnahooda ayaa lasoo saaray liiskooda, iyadoo guddi kasta uu ka kooban yahay 6-7 xildhibaan. Guddiyadaan ayaa [...] Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay Somaliland in ay tahay qaran dad ahaan iyo dal ahaanba isku mid ah oo meel keliya u wada jeeda wax qudhana wadaaga. Waxa kale oo uu intaa raaciyay in deegaanada Puntland ee Soomaaliya ay yihiin dhul qabiil iyo reero wax lagu qaybsaday oo ay yihiin reero wax wada yeeshay. Waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay dadka ka soo jeeda deegaankiisa ee ku andacooda in Somaliland aanay ka haysan saamigii ay ku lahaayeen. Waxaanu taxay xilalka qaran ee deegaankiisa madaxda ka soo jeeddda ay ka hayaan xukuumadda Somaliland, waxaanu sidaa ku sheegay barnaamijka wicitaanka dhageystaha ee idaacadda VOA, isaga oo si waafiya uga jawaabay eedo gardarro ah oo uu Somaliland u jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ka hadlay isla idaacadaasi. Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ugu horreyn isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Qodobka mihiimka ah ee u baahan in la sheega waxaa uu yahay Puntland qoys ayay wax ku qaybsadeen ee Somaliland dad ayaa wax ku qaybsaday, oo aad iyo aad uga dhul badan ugana dad badan, maanta wax noo qalma naguna filan deegaanka aan ka soo jeedo waa ku fadhinaa, gudoomiyaha baarlamaanku waa deegaanka, wasiirka arrimaha dibadu waa deegaanka, wasiirka gaashaandhigu waa deegaanka, wasiirka biyuhu waa deegaanka, wasiirka hawlaha guud waa deegaanka, gudoomiya ku xigeenka koobaad ee golaha guurtiddu waa deegaanka, taliyayaasha ciidamada sidaasi la mida, nin cidla jooga ayaa yidhaaha dad afti ha laga qaado, anagu waxaanu leenahay dadkii iyo dalkii reer Somaliland iyo xuduudihiisi anaga ayaa xukunna umadduna wey na ogoshahay, madaxweynaha iyo xukuumadiisuna diyaar ayay u yihiin wixii dadkaasi tabanayaan in talo lagu dhammeeyo oo umad isku mid ah iyo qaran si u wada dhaqaaqa ayaanu nahay” Sidoo kale wasiir Koore waxaa uu tilmaamay in aanu gudoomiyaha baarlamaanka Puntland aanu aheyn nin xog ogaal u ah taariikhda guunka ah ee qaranka Somaliland waxaanu yidhi “Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay sidii Somaliland loola soo noqday marka hore dawladda Somalliland waxa ay maamulka Puntland ka horeysay todoba sanno, meeshii lagaga dhawaaqay gooni isu taaga qaranimadda Somaliland waxaa wada joogey dhammaan madax dhaqameedka ka soo jeeda Sool iyo Sanaag, ninka hadlay suldaankiisi guud wuu joogey maalintaasi, oo ina Maxamuud Cali Shire ah, waxaan u maleynayaa inuu yahay qof dibada ka soo noqday oo aan xog badan ka heyn taariikhda Somaliland” “Dadkan iyo dalkan Somaliland maanta cida faraha ku heysa dhulka uu ka hadlayo iyo cida maamusha waa la garanayaa, cida maanta boqolkiiba sagaashan maamulka dadkaasi gacanta ku heysaa waa anaga, dadkuna iyaga oo na ogol ayay maamulka qaateen, Ceerigaabo waa la og yahay, Laascaanood waa la og yahay” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Source
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane;Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay Dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda ee Labada Dal. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ka dhaxeeya xiriira qoto dheer uu ku saabsan dhinacyada amniga iyo is-kaashiga dhaqaalaha. The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Oo u ambabaxay dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Diyaarad rakaab ah oo ka soo kicitintay Magaalo madaxda Dalka Frace ee Paris una socotay Dalka Tunisia, ayaa si degdeg ah u caga dhigatay gegida diyaaradaha ee Magaalada Nice ee dalkaasi France. Sidaana waxa lagu baahiyey Wargeyska Le Monde ee ka soo baxda Dalka France, kaas oo sheegay in mid ka mid ah rakaabkii diyaarada uu ku kacay falal aad u layaab badan oo sababay inay is gacan saaraan qaar ka mid ah rakaabka diyaaradaasi. Ninka Rakaabka ah ee ku dhex dagaalamay diyaaradda oo da’diisa lagu sheegay 30 sanno jir, ayaa u dhashay Dalka Tunisia. Ninkan ayaa waxa uu Salaad ku tukaday Qolka Duuliyaha Hortiisa waxaanu markii uu salaadda ka baxay kadib uu bilaabay inuu la dagaalamo qaar ka mid ah ciidammada Ammaanka isagoo ku dhawaaqay Allaahu Akbar. Arrintaasi ayaa waxay sababtay in diyaaradaasi ay si degdeg ah u caga dhigato waxaana ninkaasi isla markiiba gacanta ku dhigay ciidamada Amaanka waxaana ninkaasi lagu sameeyay baadhitaan. Ninkaasi ayaa waxa ay ciidmada Amaanka ee Dalkaasi ay sheegeen in la dhigay dhakhtar dhimirka halkaasina lagu dawaynayo. Source
  22. (SLT-Nairobi)-Kenya ayaa ku boorrisay Qaramada Midoobay in ay maal-galiso howlgalka la-dagaallanka Al-Shabaab ee Soomaaliya, taasoo xoojineysa ciidammada Soomaalida iyo kuwa Kenya ay helaan awood dheeraad ah oo ay kaga adkaan karaan kooxda AL-shabaab. Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya Ababu Namwamba ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xakameeyo khidmooyinka maaliyadeed ee soo gala Kooxaha Argixisadda ah, taasoo badalkeena Qaramada Midoobey looga baahana yahay in ay taageero dhaqaallo ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. “Waxaan u baahan in aan ogaano in ay muhiim tahay Xaaladda Soomaliya maanta ay ku sugan iyo awoodeeda dhanka Ciidanka ah, Markaan Qaramada Midoobey waa in ay taageero ay siisaan Soomaaliya si loo helo dadaallo lagu dagallamaayo Argagixisadda” ayuu yidhi Ababu Namwamba Waxaa uu aad u dhaliilay howlgalka AMISOM oo uu sheegay in uu ka gaabiyay shaqooyinkii loogu tala galay, islamarkaana ay ka fiirsanayaan ciidamada AMISOM dhaqaallaha ay helaan taas badalkeed ay gabeen dagaalka Al-Shabaab. Source
  23. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Xalay ka qeyb galay Casha sharaf uu Madaxweynaha Puntland ugu sameeyay Garoowe. Casha sharafta ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Madaxda maamul Goboleedyada Dalka, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geeddi, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Munaasabadda Casho sharafta ayaa ahayd mid lagu maamuusayay Madaxda iyo siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa. The post MD Farmaajo Oo Casha sharaf loogu sameeyay Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar Maxamed Sheekh Cumar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa beeniyay in dhaawac loo geystay Anthony Thomas oo ah muwaadin Ingiriis ah oo ku xiran gudaha xabsigaasi. Maxamed Sheekh Cumar ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Sakiin lagu dhaawacay ninkaasi Ajnabiga ah. Waxaana uu tilmaamay in xaaladda Anthony Thomas ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu caafimaad qabo. Ninkani oo labo dhalasho ka kala heystay Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa dhawaan laga qabtay Garoonka Muqdisho, kadib markii looga shakiyay in uu sido walxaha qarxa. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/COD-SOOFA-1.mp3 The post Taliska Asluubta Oo beeniyay in la dhaawacay Anthony Thomas appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Madaxda maamul goboledyada iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu kulamo uga socdaa magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland ,kuwaas oo socday shalay ilaa iyo xalay [...] Source