Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,314
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa maanta shaaciyay Liiska guddiyada Golaha Wakiilada maamulkaasi. Guddiyadan oo tiro ahaan gaaraya illaa lix ayaa waxaa uu midkiiba ka kooban yahay lix illaa todobo xubnood. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Liiska Guddiyada G/Wakiilada Puntland Oo la shaaciyay appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SL-T Burco)Warbixin Qiimaha Khudaarta Ee Magaalada BURCO Oo Hoos Uu Dhac Ku Yimi Iyo Sababta Ka Danbaysa Source
  3. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay waxyaabihii looga wada hadlay shirarkii maalmahaan uga socdey Madaxda Soomaaliyeed ee isugu yimid Magaalada Garoowe. [...] Source
  4. Garoowe ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa ku warramaya in haatan kulan gaar ah uu ka socdo magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexeeyaa Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, siyaasiyiin iyo madaxda maamul goboleedyada dalka. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankani looga hadlayo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale Saaxfadda ayaa lagu soo warramayaa in ay dibad joog ka tahay kulankaasi oo ah mid uu albaabada u xiran yahay. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo, lana shaaciyo natiijada ka soo baxday shirkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan DFS, madaxda dowladda goboleedyada iyo siyaasiyiin caan ah ayaa weli ku sugan M/ Garowe, kuwaas oo ka qeyb galay caleema saarkii Saciid Deni. The post Kulan xasaasi ah Oo ka socda magaalada Garowe appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Cabdullahi Sheekh Maxamed ayaa ku guuleystay kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, kadib markii uu ku soo baxay doorasho aan cidna kula tartamin oo ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Saddex Musharrax oo la tartamayay Xildhibaankani ayaa la sheegay in ay ka maqnaayeen goobta ay ka dhaceysay doorashada. Illaa iyo 44 Ergo ah ayaa ka qeyb qaatay doorashadan, iyadoo 35 ka mid ah ay u Codeeyeen Cabdullahi Sheekh Maxamed, sida uu shaaciyay xubnin ka mid ah guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka. Dhinaca kale saddexda Musharrax ee aan soo xaadirin oo kala ahaa Isaaq Macallim Sheekh, Xasan Macallim Ibraahim iyo C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur ayaa sheegay in loo diiday in ay gudaha u galaan hoolka ay ka dhaceysay doorashada oo ay tilmaameen in la masuq maasuqay. Waa doorashadii ugu horreysay ee qabsoonta, iyadoo ay maqan yihiin qaar ka mid ah Musharraxiinta, inkastoo guddiga doorashadu uu shaaciyay in ay sax tahay doorashadaasi. The post Xildhibaan cusub Oo lagu doortay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday qorshaha uu ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre maanta u tagay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya. Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Sida uu sheegay xafiiskiisa, ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. “Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Kheyre. Si kastaba wasiirka arrimaha dibedda Kenya, Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in socdaalka Kheyre uu la xiriiro farriin gaar ah oo uu u wado madaxweyne Uhuru Kenyatta. “Waxaan soo dhoweeyey ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo Kenya u yimid inuu farriin gaar ah u gudbiyo madaxweyne Kenyatta” ayay tiri Monica. Ilaa hadda lama yaqaan waxa ay tahay fariintan, iyo cidda uu Kheyre ka sido inkasta oo ay u badan tahay madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-280119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa baaq u dirtay dhaqaatiirta Ajaaniibta ah ee ka maqan Somalia iyo kuwa ku sugan, iyaga oo ka codsaday inay ka sameeyaan Soomaaliya adeegyo caafimad oo lacag la’aan ah. Mid kamid ah xubnaha kooxda Daacish oo laga duubay muuqaal luqadda English-ka ah ayaa wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah. Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay inay u badan yihiin beeralay iyo xoolo dhaqato, sidaasi daraadeed aysan helin adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah,waxaana uu sheegay in iyaga markii ay tageen tuulooyinka ay adeegyadaasi u sameeyeen dadka. Muuqaalka oo soconayay 15 daqiiqo, ayuu ruuxa u hadlay Daacish wuxuu ku sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay dhaqaatiirka ku taqasusay Qaliinada, Cudurada Ilkaha iyo cudurada guud. Wuxuu sheegay markii ay tageen Tuulooyin uusan magacooda sheegin inay dadka ka caawiyeen daaweynta cudurada qaar, wuxuuna sheegay in ku dhawaad 200 oo ruux ay gargaar u fidiyeen. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maamulada ka jira dalka inaysan tixgelin iyo xiriir wanaagsan aysan la laheyn dadka reer Miyiga oo dhibaato dhanka caafimaadka ah qaba, waxaana cudurada ugu badan ee haya dadkaasi ku sheegay, Duumada “Malaria”, Shubanka iyo xanuuno kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Shir muddo dhowr beri ah ka socdey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isla markaana looga hadlayey Ansixinta qabyo qoraaleedkii 1aad, 2aad iyo 3aad ee qorshaha 2019ka ee mashruuca Tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ee baanka adduunku ka taageero dawladda Puntland ayaa lasoo gebogebeeyey. Qorshahaan ayaa ahaa qabyo qoraaleed dhowr heer oo kala duwan soo maray isla markaana ay soo diyaariyeen hay’adaha dawladda ee ka faaiideysanaya mashruuca CIP iyagoo la kaashaday khubaro caalami ah isla markaana ku saleeyey baahiyaha dhabta ah eek a jira hay’adahaasi. Waxaana shirkaasi kasoo qayb wakiillo ka socdey dhammaan hay’adaha ka faaiideysanaya Mashruuca, Xafiiska xiriirka Mashruuca iyo Madaxa ugu sarreeya Mashruuca ee Soomaaliya, iyadoona ugu dambayntii qorsheyaashaasi si rasmi ah loo meel mariyey. The post Qorsheyaasha Mashruuca CIP ee 2019 oo Nairobi lagu ansixiyey appeared first on Puntland Post.
  10. Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire has arrived in Kenyan capital, Nairobi on Tuesday, weeks after Al-Shabaab attack on Dusit D2 hotel which left 21 people dead. The PM’s delegation was received by Kenya’s foreign affairs minister ambassador Monica Juma at the airport and then escorted to the state house, where he will meet with Uhuru. He was also welcomed by Somali ambassador to Kenya, Mohamed Ahmed Nur Tarsan. The prime minister is expected to deliver a special message to President Uhuru Kenyatta, according to the Kenyan Ministry of Foreign Affairs. The visit followed the deadly al-Shabaab terror attack in the capital, Nairobi two weeks ago. More than 21 people were killed and scores others were wounded during the attack at luxury hotel dusitD2 at Riverside. The two neighboring countries cooperate on security to fight against terror group based in Somalia. The post Somali PM begins an official visit to nighbouring Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa ka dhacday doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka oo uu ka geeriyooday Xildhibaan Khaliif Sheikh Cabdullaahi. Doorashada oo lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana kusoo baxay xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Maxamed. Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidan: Cabdulaahi Sheikh Maxamed 34 cod Isxaaq Khaliif Sheikh 4 cod C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur 2 cod Xasan Macalin Ibraahom 0 cod Ugu dambeyn guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi Sheikh Maxamed uu noqday xildhibaanka kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Caasimada online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Saddex ardey oo lala xidhiidhinayo dilka macalin dalka Kenya ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii uu macalinka ka qaaday ardeyda Telefoonka gacanta. Peter Omari, oo wax ka dhigayay dugsi sare oo ku yaalla magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa waxaa weeraray ardey Khamistii lasoo dhaafay. Ardeyda ayaa laga mamnuucay inay Iskuulada u qaataan telefoonka dalka Kenya, taas oo looga hortaggayo khashka imtixaanaadka. Saraakiil ayaa BBC u sheegay in Peter Omari uu ardeyda kormeerayay xilli galab ah oo ay socdeen imtixaanaad. Dalka Kenya waxaa marar badan lagu weeraray macalimiin badan oo ay ardeyda dhibaato u geysteen. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Hoggaanka Sare Ee Xisbiyadda Somaliland Oo Yeeshay Doodii Ugu Adkayd Iyo Aragtiyaha Ay Ka Aaminsan Yihiin Arrimo Xasaasi Ah Oo Ay Soo Bandhigeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Somali security forces have managed to arrest a government soldier who was reported to have shot and killed an unarmed civilian in Mogadishu, the Somali capital on Sunday night. The soldier whose name has not yet been identified opened fire at an auto rickshaw in the capital’s Waberi district, killing the driver named Abdinasir Aden Abdi. Police authorities said they are questioning the soldier at the district police station, and said he will be arraigned in court in the coming period. In the past 48 hours, Mogadishu has seen a series of targeted assassinations by suspected Al Shabaab militants amidst tight security measures. Despite being ejected from Mogadishu in 2011, the Al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab still capable of carrying out attacks, including car bombings and killings in the seaside city. The post Somali security forces nab soldier behind the shooting of a civilian appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Cabdullahi Sheekh Maxamed ayaa maanta ku guuleystay doorashada kursi bannaanaa oo golaha shacabka ah, doorashada ayaa ka dhacday Baydhabo. Kursigan ayaa waxaa April 2018 ka dhintay Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho. Doorashada Ayaa Waxaa Ay Aheyd Inay Ku Tartamaan: Isaaq Khaliif Sheekh C/qadir Shekh Maxamed Nuur Xasan Macallim Ibraahim C/laahi Shekh Maxamed Laakin sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee Baydhabo, goobta doorashada ama hoolka waxaa yimid uun Cabdullahi Sheekh Maxamed, isaga ayaana ku guuleystay. Ergo dhan 42 oo codeysay waxaa loo kala helay: Cabdullahi Sheekh Maxamed 35 cod, Isaaq Khalif Duurey 4 cod iyo Cabdiqadir Sheekh 2 cod. Labo xildhibaan oo ka mid ah tartamayaasha oo la hadlay saxaafadda ayaa ka sheegtay guddiga doorashada, qaarkood waxaa ay sheegeen in albaabka laga celiyey. Goobjoog News, waxaa ay iskudeyday inay la xiriirto guddiga doorashada laakin uma suurigelin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Geeljire oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan laga saaray xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu markii ugu horraysay sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u tuhunsan yahay ka saaristiisa xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO waraysi lala yeeshay Source
  17. Nairobi ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya. Wasiirka arriamaha dibadda Kenya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ra’iisul wasaare Khayre iyo wadfigiisa waxa ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta. Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood. The post Rw Khayre Oo si weyn loogu soo dhaweey M/ Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska Caanka ah ee Foriegn Policy ayaa daabacay warbixin layaab leh oo uu ka diyaariyay qorshe Maraykanku ku damacsan yahay in uu ku dhisto Jid dheer oo isku xidhi doona Saldhggiisa Milatari ee uu ku leeyahay Magaalada Jabuuti iyo Saldhigga Balli Doogle ee Duleedka Magaalada Muqdisho oo uu ku leeyahay xarun gara ah oo dhinaca Milatariga ah taasi oo aan la ogayn muddoda ay qaadan doonto iyo sida mashruucaasi u dhaqan gali doono. Wasaaradda Gaashaan-dhigga Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday mashruuca dhismaha waddo dhulka ah oo isku xidha Saldhigga ugu weyn Maraykanka ee Afrika ee dalka Jabuuti iyo Garoonka ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose ee dalkaasi Soomaaliya. Waddadan ayaa waxaa ay dhexmari doontaa sida wargeyskani sheegay dhulka Ismaamulka Soomaalida ee ay Itoobiya Maamusho, waxaana uu Mareykanku ugu talagalay in ay adeegsadaan Ciidankiisa ku sugan labadaasi saldhig oo uu ka dhigi doono mid weyn oo awood ahaan iyo shaqo ahaanba awood badan si uu gacanta ugu hayo danihiisa Geeska Afrika. Mashruuca dhismaha Waddadan ayuu wargeysku ku sheegay in ay qaadatay sharikad laga leeyahay Maraykanka oo fadhigeedu yahay Gobolka Virginia, taas oo lagu magacaabo Pacific Architects. Waddadan waxaa ay dhexmareysaa dhul khatar dhinaca amaanka ah oo meelaha qaar waxaa maamula Al-shabaab, waxaa kale oo ay mari doontaa dhul ay ka taliyaan malleeshiyo beeleed iyo Sohdin aan wali heshiis rasmi ah laga gaadhin oo u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaa ay Waaxda Difaaca Mareykanka ee qorshahan waddaa sheegtay in waddadan qeybta Soomaaliya dhexdeeda ah ay ku ka ceyso $75Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Garoonka Balli-Doogle oo ku dhawaad 90 KM u jira Muqdisho ayey Ciidamada Mareykanka ah ee jooga waxaa ay sahayda u martaa dhinaca cirka waxaana u geeya diyaarado Helicopterro ah oo ka duula Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wargeyska Foriegn Policy oo maqaalkan daabacay ayaa sheegay in khubarro uu wareystay u sheegeen in u jeeddada Mareykanku ka leeyahay Waddadan ay tahay sidii uu u dhimi lahaa baahidda Awoodda dalka Shiinaha ee Geeska Afrika isna uu isugu sii ballaadhin lahaa. Shirkadda Pacific Architects, waxaa ay hore u heysatay mashruuca dhismaha saldhigyada Mareykanka ee Soomaaliya,waxaana bishii January ay sharikad iyada hoos tagtaa mashruuc ka hir gelisay Muqdisho taas oo lagu magacaabo Africa Expeditionary Services. Africa Expeditionary Services, ayaa dhismahan ka shaqeyn doonta iyada oo shaqaaleysiineysa sharikado kale oo gudaha ah inkasta oo hal sharikad oo aan mgaceeda la sheegin ay diidday mashruucan. Source
  19. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa soo saaray waqtiga la ciyaaridoono Somali Super 2018 waxaana ku hardamaya kooxaha Dekedda iyo Muqdisho City Club oo horay la oran jiray Banaadir SC ka hor 25-November 2018. Koobka Somali Super waxaa wada dheela kooxaha kusoo kala guulaysta tartamada horyaalka Somali Premier League iyo koobka Jeneraal Daa’uud waxaa la ciyaaridoonaa maalinta arbacada ee fooda inagu soo haysa. 09-May 2018-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa ku gulaystay horyaalka Somali Premier League oo markii kowaad laga dhaqan geliyay dalka waxayna sidoo kale ku hanteyn markii labaad oo xariir ah waxaana u qaaday tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali). 18-October 2018-Kooxda Mqudisho City ayaa ku guulaystay koobka sanadaha ah ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxayna ka qaaday xidigaha Horseed,balse magaca ahaan waxa ay ku hanteyn Banadir Sports Club. 25-November 2018-Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda hoose xamar ama Muqdisho aCity Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo sanadihii lasoo dhaafay hanatay koobka weyn ee gudaha. Kooxda Dekedda ayaa markii kowaad magaca dowladda hoose ee Muqdisho City Club kula dheelaysa ciyaar fiinal ah tan iyo markii ay la wareegeyn maamulka Gobolka Banaadir,balse horay waxa ay ku wajhday magaca Banaadir SC. 22-Janaayo 2019- Kooxda kubbadda Cagta Heegan ayaa koob lagu xusayay allaha U naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad waxa ay ka qaadeen dhigooda Muqdisho City Club waana fursadii labaad labo todobaad gudahooda ay kulan ka dambeys ciyaaraan xidiga naadiga dowladda hoose,balse iminka waxa ay ku rajo weyn yihiin in ay hantaan koobkoodii ugu horeeyay tan iyo markii ay qaateen magaca caasimada dhamaadka Bishii November 2018. Si kastaba waxaa iminka socda diyaar garowka kulanka Somi Super Cup waxaana kooxdii qaada ay helaysaa koobka aad u qurux badan ay ugu tala-galeen shirka Hormuud telecom. Source: goobjoog.com
  20. Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya malayshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-shabaab ee ku wada-sugan buuraleyda degmada Qandala ee gobolkaasi. Dagaalka oo shalay bilowday ayaa ilaa iyo haatan ka socda buuraleyda Marshaad ee koonfurta magaalada Qandala hase yeeshee wax faahfaahin lagama hayo khasaaraha ka dhashay sida ay soo sheegeenayan dadka degaanka. Malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku wada-sugan buuraleyda Qandala ayaa hore ugu dagaallamay degaanno hoosyimaada gobolka Bari gaar ahaanna buuraleyda Qandala. PUNTLAND POST The post Dagaal ka socda buuraleyda gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  21. Somali National Army (SNA) killed a senior al-Shabab official in an operation in the country’s central town of Jalalaqsi, officials said on Sunday. Mohamad Nur Caga Jof, governor of Jalalaqsi, told journalists that two of SNA forces sustained injuries during the operation which was backed by African Union forces. The forces killed one militant who represented al-Shabab in collecting taxes in Jalalaqsi and burnt combat vehicles used by the militants, the official said. Residents in nearby towns told the media that gunfight broke out in Jalalaqsi and lasted for several hours. “We have been told that Somali government forces attacked al-Shabab fighters hiding in the town, there was huge gunfire exchanged by the two sides,” a resident named Hassan Afrah said. Somali national forces and African Union Mission in Somalia intensified the operations on al-Shabab militants in central and southern Somalia, conducting consecutive operations to flush out al-Qaida linked group from these regions. The post Somali, AU troops carry out a joint operation in central Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa u bilowday 14 cisho oo Baarlamanku ugu kordhiyay in uu ku soo magacaabo xukuumaddisa. Madaxweyne Deni ayaa Dastuuriyan haystay mudda 21 maalmood ah in uu ku soo dhiso golaha xukuumadda cusub, hase yeeshee mudane Deni ayaa awoodi waayay in uu wakhtigaasi ku magacaabo golaha. Madaxweynaha ayaa hadda haysta mudda 2 todobaad oo keliya taasi oo ah wakhtiga Baarlamanku u kordhiyay waxaana laga war-sugayaa xukuumadda uu soo dhisayo. PUNTLAND POST The post Deni wuxu haystaa 2 todobaad oo keliyah in uu soo dhiso xukuumadda appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Hargeysa)-Guddida Fulinta ee xidhiidhka ciyaaraha dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA ayaa shalay isku raacay in sanadka 2020 Somaliland lagu qabto koobka caalamiga ah ee dalalka aan la aqoonsan. Dalalka oo cod u qaaday arrintan ayaa intooda badan taageertay in Somaliland lagu qabto. CONIFA waa xidhiidh ay ku midaysan yihiin waddamada aan ku jirin xidhiidhka caalamiga ah ee FIFA waxaanay Somaliland marti gelin doonta xulal ka socda dalalka aan ka qayb galin koobka Adduunka kuwaas oo ay ka midaysan yihiin qaddiyadda aqoonsi raadinta. Qoraal ka soo baxay CONIFA ayaa lagu sheegay in xidhiidhka Somaliland ee ciyaaraha oo la aasaasay 2011 metelayay Somaliland iyo dadka reer Somaliland ee daafaha dunida ku kala nool. Koobkan ayaa noqonaya kii afraad ee dalalkani qabsadaan waxaana wareegyadii hore lagu qabtay dalalka Sapmi (2014); Abkhazia (2016); iyo Barawa (2018). Somaliland ayaa hadda la hadal haya in ay samaynayso xulka Qaranka maaddaama aanu hore u jirin. Source
  24. Ra’iisl wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya. Xasan Cali Kheyre ayaa casuumaad ka helay madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta, waxayna labada masuul kawada hadli doonaan aririmo la xariira xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya Arrimaha ugu weyn ee socdaalkan ayaa waxa uu yahay in ay ka wada hadlaan labada masuul eedeyn dhawaan ka soo yeertay dowlada Kenya oo ku aadaneyd in hubka dowlada Soomaaliya lagu weeraray Hoteel Kenya ku yaalo. Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadi doonaan la dagaalanka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare kheyre oo u ambabaxay Nairobi appeared first on Puntland Post.