-
Content Count
207,324 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xasuustaydu waa mid soo celcelisa inbadan waayahaan isla soo marnay isaga. Haa waxan isla soo marnay waayo’ badan wanaag iyo walbahaarba leh. Calafku waa halkiisee Wayne wuxuu ii dooray isaga dookhaygana wuu noqday dadka wuu iiga duwanaa, waayo waa lammaanahaan nolosha la wadaagi jiray een carruurtan iftiinkayga noqotayna u dhalay. Nolol been iyo ballan burin ku dhisnayn ayaanu ku noolayn muddo badan. Waa arooryo hore dadku waxay wada tageen shaqadoodii mid kastaa hawshii u taalay ayuu u kallahay. Isaguna sidaas si la mid ah ayuu uga soo jarmaadday gurigiisa si uu u soo guto hawl maalmeedkii u taalay intuu dalka joogay. Carruurtuna ka hor isaga ayey u baxeen dugsiyadoodii. Hadduu iga sii maqnaa 3 saacaaddood oo toban la’ waxa igu soo dhacay Alleen aan kala go’ lahayn! Si baraadla’ baan u qabtay. “Haloow….Haloow, xaaskii Deeq miyaa?” Ayuu nin aanan codkiisa garanayni igu yidhi. “Haa” Haddaan ugu werceliyeyna, wuxuu ii sheegay in uu Deeq isagoo shaqadiisii ku jira uu Koomo galay oo hadal iyo huguntoona lahayn cisbitaalkana loola cararay. Naxdin ayaan fadhiistay haddana kacay, wareegay gurigii marba qol baan galaa waxan ka soo qaadayeyna garanwaayey! Shaydaankaan iska naaray haddana Bisinkaa cugsaday. Cid lamaan hadline horaan gaadhiga ka soo kaxaystay. Waddadu cidhiidhi badanaa ma anigaa la i eeganayaa!? Saacad buuxdaan ku soo jiray jidka. Cisbitaalkii ayaan imi anigoo harraad, daal, naxdini ii dhammaatay. Waan soo dul istaagay, mise waabuu neef tuurayaa! Markeliya ayaan quus qaatay. Waxan isku maaweeliyey in uu Eebbe isaga leeyahay adduunkanna uu keenay noolaysiin karo dilina karo. Waxan go’aansaday in aan u sheego arrinkan dhiillada leh reerkayagii iyo reerkaanu xididka noqonnay. Way i soo gaadheen intii i soo gaadhi karaysay. Deeq hal maalin ayuu ku jiray cisbitaalka. Eebbe mahaddii koomadii wuu ka soo baxay. Dadka wuu kala garanayaa hase yeeshee awood badan ma laha, shaybaadhkii la mariyey wuxuu sheegay in uu wadne xannuun ku soo booday! hadda se’ wuxuu go’aan ku gaadhay in loo qaado dhinacaa iyo guriga. Anigu waxaan jeclaa in uu ku jiro cisbitaalka hase yeeshee markuu ku adkaystay waxan ku qasbanaa inaan ogolaado. Xummadda haysaa umay ogolaan inuu dhinaca dhulka saaro, fadhiisto ama uu qaato wax cunno ah. Cunno kamay degin cabitaanna hadalkiisa daa! “Jihada ii jeediyaa.” ayuu hadalkiisu ahaa. Waan u adkaysan kari waayey xannuunka uu ku jiro Haddana waxaan isku maaweelinayey inaan rumaysnaado wixii Eebbe keenay ee uu qoray oon marnaba la dhaafayn. Carruutaydana sidaa si la mida ayaan u maaweeliyey. Haddii aanu baxnaaninnay laba caano maal, tii Eebbaa u timi naftiina way ka baxday. Waanu samirnay kana samirnay isaga. Waayo haddii wax kasta aanu samaynno marnaba ma soo celinkarno isaga. Ballaayadu maalinna ma qaddo, hadba maalinba meelbay dul yuururtaa. Dakharo badanna ku dhufataa. Maantaba waa maalin madow, oo gabal baa u dhacay reerkaygii. Tani waxa marag ka ah madasha la joogo, cidina ka maqnayn. Waxaa loo fadhiyaa waa geeridiisa berrina gogol laabkiisa. Waa gole murugo badani ka muuqato. Waa la maydhay lana aasay isaga xaggii loo badnaana waa la geeyey. Godka loo nuur waa la galbiyey gurigiisii aakhirana waa la geeyey. Eebbe ha u naxariisto. Hadday ka soo wareegtay 4 billood iyo tobon habeen ganbadiina aan dhigay, odayaal cummaadaysani ha i soo bookhdaan. Waxad mooddaa inay ii tirinayeen intaan ganbada siday! Soo dhawayn ka dib, arrinkay u socdeen ha ii furfuraan.” Duco qabtaad ahayde ma doonayno inaad reerka ka baxdo wanaag badaneey dee waxan doonaynaa maanta inaad Deeqii ku deeqay ee ina wada deeqay walaalkiisii Dahab aad maantaba ooridiisa noqoto oo uu carruurtana u noqdo aabbohoodii labaad dayacnna arki maayaan debadii Degeneey.” Ayey hadalkii iigu furfureen! Anigoo yaaban ayaan ugu hal celiyey weliba odhaahdooda ka murugaysan, “Waxan ka marag kacayaa in aanay arki doonin dayac, markay arrintani timaado waa mar aan ka dafiray, indhahana ka daboolay dayrkii noloshayda naftaydana u diidday korinta ubadkayga tani se’ dhici mayso. Anigaaba tan naftayda ka ogolaanayn.” Markay arkeen in uu go’aankaygu isbeddel lahayn ayey iska carraabeen iyagoo ii ducaynaya ilayn qasab iguma lahee! Haa wuu dhintay isagu adduunkanna wuu ka tegay balse aniga iyo carruurtaydaba wuu nala noolyahay iyo weliba dadkooda, wadnahaygana wuu ku dhex noolyahay oo wuu warraabiyaa. Jacaylkiisu wuxuu noo ahaa sida; geed ka soo baxay carro si fiican loo warraabiyey lagana saaray wax kastoo sadhaydhsan. Jacaylkiisu ma aha mid shaashoon doona, shillintana laga guri doono weligii, ma arag anigu intaan noolaa aabbe la mid ah mana arki doono, ma ilaabi doono siduu noo wada jeclaa ma ilaabi doono siduu ubadka iila korin jirin ee uu u koolkoolin jiray marnaba aanuu u dhibsan jirin. Ma ilaabi doono siduu iila shaqayn jiray ee uu iila caawin jiray shaqada guriga, ma ilaabi doono siduu reerkooda iyo kaayagaba u soo dhawayn jiray iskuna xidhi jiray. Ma ilaabi doono siduu ii dhagaysan jiray marka aan u sheekaynayo. Ma ilaabi doono siduu u ilaalin jiray farxaddayda geedkii jacaylka, is taakulaynta, istiirinta, istoosinta ku dhisnaa waa mid ka beeran dhammaan xubnaha jidhkayga. Sayigayga oo keliya muu ahayn waxa kaluu ii ahaa; tusaale tolmoon oo aan ku daydo, walaal wanaaga wehel u ah, saaxiib iga samato bixiya wax waloo sadhaysan. Deeq wuxuu nala joogay muddo ka badnayn saddex billood intuu dalka hooyo joogay. Saddexdaa billood se’ waxay ii ahayd soddon sanno in aanu wada noolayn. Weligii xanaf ima taabsiin xanaajinna hadalkeeda daa’. Saddexdayda carruur ahi waxay iila mid yihiin soddon ubada. Muu iman jirin weligii isagoo wax cusub noo sida mooyee, ma ilaabi doono siduu ubadka ugu ahaa macallin iyo weliba tabbobare. Hal maalin hadduu naga maqnaado waxay noo ahayd malaayiin maalmood inuu naga maqnaa! Beddelkii, maya! Ma ogoli in aan isaga debedii guursado. Eebboow jannadaada nagu kulansii dhammaantayo. Amiin….Amiin. W.Q: Faadumo Buuni Hargeysa,Somaliland libaaxo.77@gmail.com Source
-
Ilo wareedyo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka qaranku ay kulan fool ka fool ah la yeesheen madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, kulankaasi oo ay codsadeen gudiga doorashooyinku waxa uu daarnaa is casilaad ay gudigu doonayaan in ay dhawaan ku dhawaaqaan, taasi oo ay wararku sheegayaan in ay gudiga doorashooyinku madaxweynaha u soo bandhigeen in ay doonayaan in ayna carqalad ku noqon doorashooyin dalka ka qabsooma, taasi oo ay sheegeen in ay cadaadis xoogan kala kulmayaan dadweynaha reer Somaliland oo ka codsaday in ay xilka baneeyaan oo dalka bad baadiyaan madaama oo aan xisbiyada tartamaaya ayna raali kuwada ahayn. Kulankani dhex maray madaxweynaha iyo gudiga doorashooyinka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Somaliland, waxana ay wararku sheegayaan in madaxweynahu uu arintaasi aad uga xumaaday kulana taliyay in ay arintaasi aad uga soo fikiraan oo ayna ku deg degin. Dhanka kale dadweynaha ku dhaqan caasimada iyo dadka siyaasada Somaliland la socda ee ku kala sugan gobolada dalka ayaa arinta is casilaada ay damacsanyihiin gudiga doorashooyinku aad u soo dhaweeyay. Waxana hubaal ah hadii ay gudiga doorashooyinku ku adkaystaan is casilaadooda in ay noqon doonto Somaliland mid uu waa cusubi u soo baxay Qaran News
-
Wasiir Ahmed Moumin Seed Xil Doon Ma Ahayn Ee Xoolo Doon Ayuu Ahaa? Qalinkii: W/Q Abdirashid Younis Hagar Sidaan wada ogsoonahay waxaa geeska Africa ka dhacey isbadalo horleh oo saameeyey siyaasadihii ku dhisnaa kaligii talisnimada wallow wali ay shaqeynayaa Madax ka mid ah kuwa ugu mudada dheer Africa ee dhinaca xilka Madaxweynaha. Waxaan jeclaystey in aan qaranka Somaliland la wadaago saameynta siyaadeed mid ka mid ah gollaha Wasiirada Xukuumada Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkaas oo ah Wasiir Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ku sifoobey eex, qaraabokiil, kala fogeynta Beesha uu ka soo jeedo ee Habar Cafaan iyo nin jecleysi. Intaas aan kor ku soo xusney waxaa ku sifoobey Wasiir Ahmed Moumin Seed oo ah nin aan u bisleyn siyaasadaha haatan ka taagan Geeska Africa gaar ahaan tan Somaliland. Waxaan idiin iftiimin doonaa taariikhda iyo doorka siyaadadeed ee Wasiir Seed, ugu horeyn Wasiir Seed wuxuu ahaan jirey nin ka shaqeeya dhinaca ganacsiga isaga oo mudo aad u badan meherad shaqaale uga ahaan jirey nin ay ilma adeer ahaayeen isaga oo mudadaas ku noolaa dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, shaqadaas ka dib wuxuu bartey xirfad ka mid ah kuwa gacanta laga qabto taas oo ahayd in uu Wastaadnimo ku shaqeyn jirey mudo ku dhow 12 sano. Intaas ka dib wuxuu ku soo biirey siyaasadda Somaliland 2008 isaga oo ka mid ahaan jirey Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid isaga oo Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 2010 ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Awdal iyo Salal. Intaas ka dib wuxuu sidii ahaadaba waxa uu xisbi la aasaasey Mudane Abdirahman Cirro oo ahaan jirey mudo 12 sano Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland oo ugu dambeyntii samaystey Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani isaga oo Gudoomiye ka noqdey Xisbiga Waddani ku xigeena uu ka noqdey Ahmed Moumin Seed oo ugu dambeyntii waxay sidii ahaataba waxa ugu dambeyn Shirkii Gollaha dhexe lagu tuurey sidaasna kaga baxay Xisbigii Waddani 2016 kii. Wasiir Seed iyo Xubno kale waxay u soo digo rogteen Xisbiga Kulmiye oo wakhtigaas isku diyaarinayey Doorashadii Madaxtooyada ee 2017 kii halkaas oo u xubin ka noqdey Xisbiga Kulmiye ugu Dambeyna uu ku heley mansabka maanta uu joogo ee Wasaarada Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland. Ahmed Mounin Seed ma noqdey nin soo celiya Abaalkii iyo hiilkii ay siiyeen Beelaha Habar Cafaan ee uu ka dhashey? Jawaabtu waa maya sababta oo ah wuxuu noqdey nin ku tagrifala talo iyo tusaalana aan la wadaagin Beesha uu ka soo jeedo isaga oo aan hada Kalsooni buuxda ka haysan Beelaha Habar Cafaan ee uu ka soo jeedo Wasiir Seed,Beelahaas oo hada u arka Wasiirka midkii ugu tayada iyo tamarta darnaa ee abid soo mara Beelaha Habar Cafaan isaga oo ku matala Saamiga Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi. Wasiir Seed ma yahay nin u dhaxeeya una cadaalad sameeya Beelaha Habar Cafaan? Jawabtu waa maya Wasiir Seed wuxuu kala xigteystey oo uu kala foogeeyey kalsoonidii Beelaha Habar Cafaan oo ah Beesha ugu cududa weyn Gobollada Galbeedka Somaliland, Wasiir Seed wuxuu kala qeybiyey isku duubnidii iyo awoodii Beelaha Habar Cafaan isaga oo la yimid Cunfi iyo Qabyaalada qaawan oo uu ku hayo beelo ka mid ah 12 Bilood ee Habar Cafaan ka kooban tahay isaga oo shisheeye iyo sokeeya u kala qeybiyey, wuxuu xidhiidh gaar ah la leeyahay kaliya 4 bilood oo uu isagu si gaar ah u qadariyo isaga oo si gaar ah u sad bursi ugu sameeya Beesha uu ka soo jeedo ee Muuse Fiin. Waxaan Madaxweynaha Somaliland kula talin lahaa in uu il gaar ah ku fiiriyo dhaqdhaaqaqa Wasiir Seed oo ah siyaasi aan qorshe dheer lahayn oo ku dhex wareerey Gobolada Galbeedka isaga oo curyaamiyey habsami socodkii Wasaarada Beeraha oo haatan ka mid ah Wasaarada ugu tayada liita Somaliland dhibaatada oo ah in aanu lahayn xirfad iyo aqoon uu ku maamulo Wasaaradda Beeraha isaga oo markasta ku faana in uu kursiga ku heley Saaxiibtinimo ka dhaxeysey Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay saaxiib dhow yihiin in uu isagu u dhameeyey xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Beeraha wakhtigii la dhisyey xukuumada Muuse Biixi Cabdi. Wabillahi Towfiiq W/Q Abdirashid Younis Hagar Abdirashiid1982@gmail.com Paris, France La soco qeybaha kale Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-28012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ku-simaha ra’iisul wasaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta daah-furay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha ayuu ku-simaha ra’iisul wasaaruhu ka billaabay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo horay ra’iisul wasaare Khayre kula ballantay in sannadkaan ay soo dhamaystiri doonaan shan halbeeg oo waawayn. Wasiirka caafimaaka iyo daryeelka xukuumadda ayaa maanta saxiixday shanta halbeeg ee horay u ballan qaaday in ay fulin doonto sannadkaan 2019. Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo mas’uul ka ah daba galka hannaan fulinta ballan qaadyada uu si joogta ah wasaaraha u booqan doono si uu u hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha. Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishaan Janaayo waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda. The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo daah-furay qorshe muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Wargeyska The Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu maanta qoray in 3 Eedeysane la soo tagaay Maxkamdda, kuwaasi oo ay ciidammada Booliska habeenkii Jimcihii ka soo xidheen deegaanno kala duwan oo ka tirsan dalka Kenya. Ciidammada Boliska ee La-dagaalanka waxa loogu yedho Argagixisadda ee ATPU waxay ka codsadeen Garsoorka Maxkamadda in loo oggolaado inay Eedeysanayaashaasi sii hayaan muddo 5 maalmood, si ay u soo dhamaystiraan Badhaitaankooda. Wargeyska waxa uu magacyadda dadka la soo eedeeyey ku kala sheegay Cabdul Kibringi, Jeemis Mawaay Mawangi iyo Xabiiba Geeddi Hunshur, waa sida laga hor sheegay Maxkamadda. Askari ka tirsan ciidammada booliska ee ATPU oo lagu magacaabo Niyuutoon Mawangi waxa uu sheegay inay Eedeysanayaasha soo xidheen Jimcihii, balse aysan weli baadhin wicitaanka Telefoonadooda Mobaylka. Waxa uu sheegay in baadhitaan hordhac ah muujinayo inay Eedeysanayaasha xidhiidh la leeyihiin Eedeysanayaal kale oo ku lug lahaa weerarkii Alshabaab ee ay bishan 15-dii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, waa sida uu hadalka u dhigay. Source
-
MADAXWAYNE ADUUNKA WASAARADAHA MUHIIMKA AH EE WADAMADA ADUUNKA WAXA LOO MAGACAABAA QOF KHIBRADLEH . MAXAA SOMALILAND KA HOR TAAGAN IN AY SIDAA YEESHO? . Ayaanle maxamed ibraahin Wadamada aduuka waxa lagu xisaabtamaa wasaaradaha ugu muhiimsan wadan kastaaba waxa uu lee yahay wasaarado wadan kaasi mu hiimad gaar ah u leh inaga wasaaradaha muhiimada gaarka ah inoo leh waxa ka mid ah wasaarada beeraha. Wasaarada xanaanada xoolaha wasaarada maaliyada , inaga wasaaradihii nuucaas ahaa waxa loo gacangaliyay dad aan gabi ahaanba wax khib rad ah lahayn aqoona war keedaba reeb waxad arkaysaa wasaaradii ugu muhiimsanayd ee wasaarada beerha waxa loo maga caabay qof aan haba yaraatee wax aqoon ah lahayn haday tahay midmaadi ah iyo haday tahay mid diini ah labadaba mar kaa miyaanay ahayn wadan kii dib ayaa loo socdaa halkii hore looga socon lahaa waa cajiib. Madax wayne ma adiga ayaa khaldan oo dib wadanka u wada mise umada somaliland ayaa kaa horaysa oo u baahan in aad soo gaadho aaway 30% kii wax soo saarka beerha ee wadan waan gaadh siinayaa aad lahayd markii ol olaha aad ku jirtay mise waxa ayad uun waan ku awra kacsananay sidii is laantaa awrku u kici waa yay ee tidhi jiilaani awrak ii kici markii awrkii u kacayna uu inankeedii yidhi hooyo maxaad is ku tihin jiilaani waxba hooyo waan ku awra kacsanayay. Waxa kale oo kasii daran aaway wixii mashaariico ahaa ee maalinkasta miidhiyaha laga sheegi jiray halkay ku dan beeyeen in aad wasiirkan kula xisaab tanto miyaanay ahayn hadii aadan beentaa iyo boro bagaadkaa aadan la ogayn madaxwayne waa in aad wax ka qabataa. Hadii kale maxaad umada la hor iman barito marka hadhaw hadan loo baahdo umada . Mudane madax wayne wax yaabaha aad ka ay uleedahay wasaaradani beeruhu waxa weeyi waa in markasta wasaaradani ka war hayso xaaladaha cuntada iyo wax soo saarka beeraha ee somaliland wasiiradii ka horeeyay wasiirkan hada joogaa waxa ay ahaayeen niman aqoon leh waxa jirtay in wasiirkastaa xili beereedku marka uu dhamaado uu shaacin jiray cuntada sanadkaa usoo go,day wadanka iyo qiyaasta ay gaadhsiisantahay hada lkn warkaaba cidi ma hayso. Waxa waxaa keenayna waa aqoon darada jirta. Hadii aan tusaale usoo qaato wakhtigii prof. Faarax geedoole waxa la wada xasuusan yahay halkii ay gaadhay wasaarada beeruhu wadanka waxa uu gaadhay in Bariis la beero iyo Timir wax soo saarka kalena war kiisaba reeb .horumarkii la gaadhay waan wada og nahay. Maantana waan aragnaa halka xaal marayo. Madax wayne sida aad wasaaradii maaliayadaba u bad baadisay ayay kaaga fadhidaa bul shada somaliland in aad iyadana bad baadiso wasaarada beeraha. Hadii aad sii daawato waxa aad sii luminasaa kalsoonidii shacabka somaliland. Ayaanle Maxamed Ibrahim cabdile3@gmail.com Qaran News
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa mar kale u gafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliya, sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa. Mr Museveni oo maanta furyay kulanka Sanadlaha ah ee Garsoorka Dalkiisa ayaa tusaale u soo qaatay sida ay dowlad ku shaqeyn karto. Waxaa uu dal ku sharraxay dad isu tagay oo isku meel ka soo jeeda,halka dowladdu tahay midda fulisa awoodda iyo xeerka. Waxaa uu sheegay in Dowladdu tahay mid maamusha dalka, fulinna karta sharciga, waxaa uu sheegay in ay jiraan dalal badan oo aan lahayn dowlad, waxaa uu tusaale u soo qaatay Soomaaliya. Waxa uu yiri “Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad,tusaale Soomaaliya, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyadda ii oggoleyn in aan sheego” Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya. Xaqiiqda ah inuu magacaabay Soomaaliya, balse yiri inaysan diblomaasiyadda u ogolaaneyn inuu dalalka kale sheego, ayaa caddeyn u ah sida uu u yasayo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kampala caasimada@live.com
-
Shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku soo idlaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud. Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeyay labada dhinac, waxaana la isku raacay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda. “Waxaan bogaadinayaa kulamadii miradhalka ahaa ee maalmahan nooga socday Garoowe, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan madaxdii ka qayb qaadatay biseylka ay muujiyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inaan hore u dhaqaajinno geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya oo u baahan midnimo, wadatashi, isu-tanaasul iyo wax wada qabsi.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu intii kulanku socday soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso magaalada Garoowe bisha Maarso ee sanadkan si loo dardargeliyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay qabsoomidda iyo marti-gelinta shirarkan wax ku oolka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland isaga oo ku ammaanay kaalinta duubabka dhaqanka ee Puntland ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa inta uu Garoowe ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland si uu u dhegaysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan dib u dhiska dalka iyo dib u heshisiinta shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD PPuntland Post The post Shirkii DFS iyo Maamul goboleedyada oo Garoowe lagu soo xiray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-28012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maayar ku Xigeenka Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka hadlay arin maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay oo ku saabsan waxa laga yeelayo Golaha Deegaanka Hargeysa oo wakhtigiisii sharciga ahaa uu kaga egtahay Bilahan soo socda ee sannadkan, isagoo sidoo kalena beeniyay wararka ku saabsan Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) inuu ka baxsaday Baadhista Hanti dhawrku ku hayo Xafiisyadda Lacagta Dawladda Hoose. Maayar Ku xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa sidan ka sheegay Maruu Doraad warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmadda Macalin Haruun ee Bariga Magaalada HARGEYSA, isagoo ku goodiyay inaanay jirin cid awood sharci u haysata oo kala diri karta Golaha Deegaanka Hargeysa isagoo sidoo kalena sheegay inay keli ah Kuraasta u banayn karaan oo qudha Golaha uu ka tirsan yahay Gole lasoo doortay oo sifo sharci ah ama cod umadeed ku yimaada, isagoo ganafka ku dhuftay hadal haynta maalmahan ee la sheegayo in Goleyaasha Deegaanka la kala dirayo, maadaama oo Golihii Wakiiladda oo iyaganna wakhtigoodu dhamaaday loo kordhiyay. Maayar ku Xigeen Cagaweyne ayaa sidoo kalena ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo sheegaya inuu Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco uu safar Qarsoodi ah oo ku galay Wadan ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub kuyaala, kaasi oo la sheegay inuu kaga baxsaday Baadhis ay Xafiisyada Xisaabaadka Dawladda Hoose ku wadaan Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland, waxa uu Cabdicasiis beeniyay Warkaasi Maayarka waxaana u sheegay inuu safaro shaqo ugu baxay Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, shalay ahaanna uu dalka dib ugu soo noqonayo. Maayar ku xigeen Cabdicasiis Cagaweyne ayaa markii ay Warbaahintu Muuqaalkaasi ka duubtay Qol hoosta uga soo xidhay kana codsaday inay warka ka reebaan hadalka uu kaga hadlay inaan Golaha Deegaanka la kala diri Karin iyadoo fajiciso ku noqotay Warbaahinta arintaasi islamarkaana ay khasab ku noqotay inay qaarkood kameraddaha hortiisa ku masaxaan islamarkaana ay dib uga duubaan muuqaal kale oo uu keli ah kaga hadlay arinta Maayarka kaasi oo laga sii daayay Muuq baahiyayaasha Qaarkood. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Khilaaf u dhexeeyey guddoomiyaha xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida iyo Madaxweynaha ismamaulka Soomaalida Itoobiya ayaa la soo afjarey. Wasiirka warfafainta dowlad deegaanka Soomaalida Cabdullahi Maxamed Mooge ayaa waxa uu ka warramay qaabkii loo xaliyey khilaafkaas iyo arrimaha ay ku heshiiyeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal kasoo saaray shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in shirarkaas ay kusoo idlaadeen isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud. Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeyay labada dhinac, waxaana la isku raacay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda. “Waxaan bogaadinayaa kulamadii miradhalka ahaa ee maalmahan nooga socday Garoowe, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan madaxdii ka qayb qaadatay biseylka ay muujiyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inaan hore u dhaqaajinno geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya oo u baahan midnimo, wadatashi, isu-tanaasul iyo wax wada qabsi.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya . Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu intii kulanku socday soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso magaalada Garoowe bisha Maarso ee sanadkan si loo dardargeliyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay qabsoomidda iyo marti-gelinta shirarkan wax ku oolka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland isaga oo ku ammaanay kaalinta duubabka dhaqanka ee Puntland ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa inta uu Garoowe ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland si uu u dhegaysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan dib u dhiska dalka iyo dib u heshisiinta shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay maanta qaar ka mid ah carruurta derbi-jiifka ah ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay kusoo hor xoomeen wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Carruurtan derbi-jiifka ah ayaa cabasho la hortagay wasaaradda iyagoo ku andacoonaya in xaqqoodii ay cuntay wasaaradda arrimaha bulshadu. Hase ahaatee wasaaradda ayaa ku dooddaysa in carruurtu ay arrintan caadeysteen. Source
-
Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraaid ku qabtay aqalka madaxtooyada ee magaaladda Garowe ayaa ka warbixiyey kulamo ay qaateen madaxda Dawlada Federalka iyo kuwa maamulada Dalka ee kasoo qayb galay caleema saarkiisii. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kulamadaas xooga lagu saaray mar-xalada adag ee uu Dalku maraayo iyo sidii loosoo afjari lahaa khilaafaadka iyo is-qabqabsiga u dhexeeya Dawlada Federalka iyo Dawlad gobaleedyada Dalka. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la isla qaatay in wixii jireyba xalay dhalay laga noqdo, lagana shaqeeyo midnimada iyo wadajirka umadda Somaaliyeed, wuxuuna kulankaas ku tilmaamay mid taariikhiya oo wax tarweyn u lahaa umadda Soomaaliyeed. Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay in Madaxweynaha Dawlada Federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo jeediyey in shir la isugu yimaado magaalada Garowe bartamaha bisha sadexaad, shirkaas oo u dhaxayn doona Dawlada Federalka iyo Dawlad gobaleedyada Dalka, wuxuuna intaa raaciyey inuu aqbalay isagoo ku hadlaaya magaca Dawlada iyo dadka Puntland inay gogol nabadeed dhigaan caasimada Puntland. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay Puntland kaalin fir-fircoon ka qaadanayso wadajirka iyo isu soocelinta umadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Deni:- Waxaa la isla qaatay “xalay dhalay” appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga kasii daysay Sheikh Mohammed Hussein al-Amoudi oo ah bilyaneer u dhashay dalka Itoobiya, kaasi oo bishii November ee 2017 loo xidhay olole ka dhan ah musuq-maasuqa. Warkan ayaa waxaa xaqiijiyey xafiiska Raysal wasaraaha Itoobiya. Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa taleefishinka dowladda Ethiopia iyo laba ilo-wareed oo Sacuudiyaan, ayaa sidoo kale sheegtay in Al-Amoudi lasii daayyey. Ololihii la-dagaalanka musuq maasuqa ee Sacuudiga ay sameeyeen 2017, ayaa waxaa lagu xidhay boqolaal bilyaneero iyo ganacsato, taasi oo ahayd tallaabo uu xukunka ku xajisanayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salman. Dadaallo lagu sii daynayo al-Amoudi ayaa billowday bishii May ee 2018, markii ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed uu Bin Salman kula kulmay magaalada Riyadh, ayaga oo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo maxaabiista u xidhan boqortooyada. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo guryenta Somaliland Md Cabdirashiid Qanbi ayaa waxa muddo ka badan Toddobaad ku xanuusanaayey magaalada Hargeysa isla markaana u kala dhaxeeyey oo yaallay Marna Cisbitalka International Iyo Gurigiisa. Wasiirka oo xalay dib loogu soo celiyey Guriiga ayaa maanta dib loogu celiyey Cisbitalka International oo uu markii hore yaallay , kadib markii xaaladiisa caafimaad ka soo reyn weyday, Alle ha caafiyee. Madaxweynaha Somaliland oo shalay Cisbital Haldoor ee magaalada Hargeysa ku booqdey Wasiirka Caafimaadka oo isna xaalad caafimaad u yaalla, halka aanu madaxweynuhu wali booqanin wasiirka Hawlaha Guud oo isna Markaas xanuun u jiifay. Lama Garan Karo Sababta uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ii wasiiradiisa Xalaadda Caafimaad u kala yaalla cisbitaalada Hargeysa uu mid ka mid ah u booqdey , halka mid kale-na uu u booqan waayey Sidoo kale warar na soo gaadhaya ayaa waxaa ay sheegayaan in isla saaka cisbitalka Haldoor uu wasiirka caafimadka ku booqdey madaxweyne ku xigeeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici. Wasiirka hawlaha guud ayaa waxa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa gobol Buuhoodle. Source
-
Somali security officials have said an attempt by some prisoners to harm foreign inmate inside Mogadishu jail was foiled by prison officials on Sunday. The deputy commissioner of Somali custodial guards, Abdulkarim Ali Afrah said his officers have aborted the plan to harm Anthony Thomas after learning the plot by fellow inmates. “Some prisoners tried to harm him but we succeeded to abort the plan.” He said. He ruled out earlier reports by some section of media in the country about possible injury inflicted on the prisoner during an attempted attack on those he described as Alshabaab and Islamic state suspects in the same prison facility. “He was not in the same room with the other criminals in the first place,” Somali deputy commissioner for custodial guards, Abdulkarim Ali Afrah has confirmed, “Embassy officials and staff from Bancraft company have visited him,” he added The British citizen, Anthony Thomas was detained at Aden Abdulle International airport last week after airport security officials found several tear gas canisters inside his suitcase during a security check. He is expected to be arraigned in court in forthcoming days to answer the charges. The post Somali official denies reports of foreign inmate injured in jail appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe warbaahinta ugu sheegay in ay marti gelin doonaan shir lagu doonayo in la iskugu soo dhaweeyo dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kullanka ay wada qaateen madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ay isla garteen in ay kullan kale ay wada yeeshaan. Waxa uu tibaaxay in shirkaasi uu yahay mid Puntland ay madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ay ka codsadeen in ay marti geliyaan, waxa uuna xusay in ay kaga mahadceliyeen in madaxdaasi meel qura Puntland isugu keentay. Shirkaani ayuu sheegay in loo madalsanyahay bisha Seddexaad ee ina soo aadan, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in Puntland ay sharaf u tahay in khilaafkii soo jiitamayay ee dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada xal looga gaaro Garoowe. Hoos ka daawo Saciid Deni Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo maanta ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa ayaa sheegay inay jiraan dalal aan dowladnimo ka jirin, isla markaana aan maamul laheyn, Soomaaliya ayuu tusaale u soo qaatay. ‘Dalal badan oo waxaa jira aaney ka jirin dowladnimo, waa iska jiraan ee ma laha maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa. Kuwoo badan ayaa jira laakin ma sheegayo sababo diblomaasiyadda awgeed”. Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa 6,223 oo ciidan. Uganda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya waxaa ay ka howl-galaan Sector 1 oo ka kooban Gobolkan Banadir (Mogadishu), iyo labada shabeelle midda dhexe iyo midda hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal culus oo ku dhex-maray Puntland Dagaal-yahanada Al-Shabaab iyo Daacish Dagaal uu dhexeeya kooxaha Al-Shhaab iyo Daacish ayaa saaka waabarigii ka billoowday deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso. Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas socotay muddo saacdo ah, oo labada dhinac ay is-waydaarsanayeen, inkastoo ayasan dhaawac iyo dhimasho midna aan ishoodu qaban. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale. Ma jiraan wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa. 18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee maanta uu daagalku ka dhacay, kadib markii maleeshiyo Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin, iyagoo duulaan ku ah fariisimaha Daacish ay ku leeyihiin buuraha gobolka Bari. Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaaladan la sheegay in ay u dhexeeya Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, Daacish iyo Al-Shabaab ayaan ka hadlin dagaalka, lamana oga sababta dhabta ah ee daalka ka danbaysa. Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Popular Contributors