-
Content Count
207,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Weerarkan oo loo adeegsaday Bamgacmeed ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday barkoontarool oo Ciidamada HirShabelle ay ku leeyihiin waqooyiga magaaladaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoona ay xigtay rasaas xoogan oo laga maqlay halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa maamulka HirShabelle oo aan la xariinay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaaan weerarkaaasi Dhinaca kale wararka naga soo soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay weerar qorsheysan lagu qaaday fariisin Ciidanka Puntland ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Rag hubeysan ayaa la sheegay in illaa labo Bamgacmeed ay kuu tureen fariisin Ciidanku ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Biyo Kulule oo ka tirsan magaaladaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse weerarka kdiba Ciidamada Puntland ayaa howlgallo ka sameeyay M/ Boosaaso, kuwaas oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weeraradan, balse waxaa aalaaba dusha u rita Al Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya. The post Weeraro xoogan Oo ka kala dhacay Sh/ Dhexe iyo Bari appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kampala (PP) ─ Dood weyn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo baraha bulshada qabsaday, kaasoo uu ku sheegay Somalia aysa ka jirin dowlad gabi ahaan waddanka maamusha. Hadalkan ayuu Museveni ku sheegay khubad uu u jeedinayay hay’adaha garsoorka dalkiisa, waxaana jiray waddamo kale oo uu sheegay inaysan ka jirin dowlado awood leh, balse uu diiday inuu magacyadooda xuso sababo la xiriira dhanka dublamaasiyadda. “Waxaa jira dalal badan oo aanay ka jirin dowlado awood leh, waxaanan u soo qaadan karnaa tusaale Somalia,” ayuu yiri Museveni oo intaas ku daray inuusan jecelayn inuu carrabka ku dhufto Waddamada kale ee la midka ah Somalia. Hadalka Museveni ayaa dhaliyay caro, waxaana saacaddihii lasoo dhaafay bulshadda Soomaaliyeed ay u muuqdeen kuwo si weyn u cambaareynaayay hadalka Madaxweynaha dalka Uganda. Sidoo kale, Warbaahinta Mucaaradka Uganda ayaa iyana dhankooda si weyn u cambaareeyay hadalka Madaxweyne Museveni uu ka sheegay Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamaayay hadal gef iyo meel-ka-dhac ku ah Somalia oo ay ku sugan yihiin ciidammo ka socda Uganda. Ma ahan markii ugu horreysay oo uu sheego madaxweynaha Uganda inaysan Somalia ka jirin dowlad awood leh, balse hadalkii shalay ayaa noqday mid ka duwan kuwii ka horreeyay, maadaama xilligan Somalia ay u muuqato dal soo kabanaya. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray Museveni oo ay dad badan oo Soomaaliyeed u arkaan mid meel-ka-dhac ku ah Ummadda Soomaaliyeed, sidaas oo ay tahayna ay ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan ay ka hawlgalaan ilaha dhaqaalaha dalka sida Garoonka iyo Dekedda iyo iyagoo ilaaliya xarunta madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia. Ugu dambeyn, Uganda ayaa waxaa Somalia ka jooga ciidammo gaaraya 6,223 oo askari, kuwaasoo ka tirsan hawlaha Midowga Afrka ee AMISOM, waana dalkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo ciidammo keena Somalia sannadkii 2007-dii oo Muqdisho ay ahayd goob colaadeed. PUNTLAND POST The post Caro ka dhalatay hadal uu Madaxweynaha Uganda ku duray Dowladnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-290119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ku kulmeen madaxa xukuumada Galmudug iyo xubno ka socday dowlad goboleedyada. Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa ka qeyb galay xubno matalayay Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, waxaana ay la kulmeen madaxa xukuumadda Galmudug. Qaar kamid ah xubnaha ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay inay madaxa xukuumadda kala hadleen arimo dhowr ah oo ay ugu horeyso dhameynta xiisadda ka dhex taagan madaxda Galmudug. Sidoo kale wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay sidii sida Wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa dhamaan maamulada dhameynta Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalooyinka Galmudug. “Waxaa kulan aad u muhiim ah la qaadaney annaga oo ah Madax ka kala socotay Dowlad goboleedyada Soomaaliya sida : Galmudug ,Jubbaland ,Hirshabelle ,South west Madaxa xukuumada Galmudug state Sheikh Mohamed Shaakir Ali Hassan waxa uuna kusoo dhamaaday kulankeena is afgarad waxa uuna u badnaa tusaaleyn ,kala warqaadasho iyo waano”sidaasi waxaa shaaciyay mid kamid ah xubnaha ka qeyb galay kulanka. Senetor C/raxmaan Faroole ayaa horey madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xaliyaan khilaafka Galmudug, maadaama iyaga ay kasoo jeedaan deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
-
Somaliland: National Elections Commission Offers Resignation To President Hargeisa, (Qaran new)- The Somaliland National Elections Commission (NEC) has offered it’s resignation to President Muse Bihi Abdi. According to reliable sources in the presidency, the commission met with the president on Friday and tendered it’s resignation. There has been no official confirmation from the presidency as to whether the offer was made, or whether it was accepted or rejected. The commission which has been the subject of severe division between the three Somaliland political parties, Kulmiye, Waddani and UCID, appears to have finally succumbed to pressure from the public. The Somaliland National Elections (NEC) which recently stated it’s inability to hold the parliamentary and local elections slated for March 2019, has been widely criticized for it’s abject failure to prepare for those postponed elections. The withdrawal of support and co-operation by the Waddani party appears to have played a significant role in the offer to resign. The commission’s tenure was to have expired in November, 2019, ahead of the proposed parliamentary and local elections rescheduled for December, 2019. It is not clear, at the time of writing whether this offer to resign is genuine or an attempt by the commission to gain backing from the presidency. It is also not clear, whether all or some of the members of the current commission will be re-nominated by the administration and the political parties in Somaliland. Qaran News
-
President Bihi has not Gain any Tangible Change President Muse has been ruling the country for almost one year and two months, but still he has not yet accomplished any factual task. So far, he did not achieve any major breakthrough tasks that the Somaliland people expected from him. Goal settings and goal achievements are easier if you make a plan for a path to follow so the goal can be accomplished. President Bihi has not yet shown any signs of a plan to follow in accomplishing the presidential successful goals. The first expectation that the Somaliland people had is for the president to conduct the House of Representative and Local government election on time with as a free and fair election, and as a first test he failed. The previous government assigned the elections on March 29, 2019. As long as Somaliland claims the multiparty system and democracy, it is mandatory to conduct the elections through representative and other institutions like Local Councillors. Democratic government must be conducted through representatives. Elections make a fundamental contribution to democratic governance. Secondly, he appointed a fledgling cabinet. In the modern society, the cabinets must be experienced, competence and capable. Two-third of his cabinets are young and barely have skills with public policy and administration. Government civil servant needs to have public sector knowledge. Most key minister did not even work public sector at all. Some of them were used to work narcotic drugs like Khat and some of them used to work odd jobs overseas. Somaliland does not need 32 cabinets ministers. Our population is not more than 4 million; therefore, Somaliland people cannot ably to have more than 5 cabinets minister. Somaliland cannot avoid paying their salaries for 32 cabinet ministers. As we know, our neighbouring country, Ethiopia has a population that is approximately 107 million; according to worldometers in the year of 2018. Ethiopia’s cabinet ministers are 55, and half of them are women whereas President Bihi only appointed two women to his cabinets. Thirdly, for the seven years that President Siilaanyo nominally had power, Somaliland had been a power vacuum and non-elected members took the power. President Siilaanyo did not rule the nation, but his tribal nephews and his wife were proxy and ruled the nation. The wealth of the nation fell in the hands of the corrupted ministers; the election of the Houses as well as president was postponed without dire circumstances such as a wide war, internal instability, and serious natural disasters. The Somaliland people have been waiting from the president and appointed the Truth and Reconciliation Commission. The commission must be assigned to find the facts that what happened during previous governments. For example, what was wrong with the timing of the conductions of the President Elections and reasons behind the extension of the Presidents’ terms for two years without proving any dire circumstances happening? Why do the House of Representatives have longer terms that were non-assigned by the constitution? Why does the House of Elders become the monarchy and inherent institutions whereas it was known that the constitution limited their terms to 6 years? What was the reason behind the first lady’s business in the country while the Somaliland constitution clearly states Article 85: Matters in which the President and the Vice-President are not allowed? The President and the Vice-President and their spouses shall not engage in any business activities during their term of office. Why some ministers have took the public property that could and would not have an authority or power for approved the ownership by president, Vice president, the chairperson of the parliament to any person. In a democratic society the governments provide affordable housings to those who cannot afford the market rent. Most of the developed countries set up and facilities for the low income household rent-geared-to-income subsidy; in contrast, the current President and his preceded have been exhilarated to award the government houses to the big businesses owners and its political cronies. Because of the corruption, nepotism and lack of employment, every year thousands of the Somaliland youth have been killed by human traffic in the Europe and Mediterranean Sea since the Kulmiye party held power. Seems to me, the current president Mr. Muse Bihi Abdi does not have the ability and competent to tackle the huge task ahead for him and at the same time will not gain any tangible job so far. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab yaab leh ka bixiyey hadalkii madaxweynaha Uganada Yoweri Museveni ugu gafay dadka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo taageeray islamarkaana sheegay inuu sax yahay. Museveni ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa. Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya, waxaana dad badan ay arkeen tani inay tahay arrin ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu diido. Si kastaba, Mahad Salaad ayaa u muuqda inuu uga faa’iideysanayo arrintan loolanka iyo dagaalka siyaasadeed ee uu ku hayo xukuumadda Nabad iyo Nolol. Hoos ka aqriso jawaabta Mahad Salaad uu soo dhigag faceboob Tani waa bilow ka tarjumaya waxa soo socda, WAXA QARSOONA KA WAYN! Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa yiri: Waxaa jira waddamo badan oo aan lahayn dawlad. Way joogaan, laakiin ma haystaan hay’ado abaabulan oo maamula, Soomaaliya ayaana mid kamid ah kuwaas! Tani waxay daliil cad u tahay siyaasad xumida Nabad iyo Nolol iyo faham la’aanta ka heysata siyaasada arimaha dibeda iyo loolanka siyaasadeed ee kajira Geeska Africa oo u baahan in si foojigan oo miyir qabta looga baaraan dago, si aan loogu dhicin qorsheyaasha iyo danaha isdiidan ee quwadaha waaweyn iyo kuwa Geeska Africa ee ku wajahan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Tani waa bilow ka tarjumaya waxa soo socda, WAXA QARSOONA KA WAYN sidaas daraadeed waxaan kugula talinaynaa Mudane Madaxweyne in dalkaan iyo dadkaan loo turo, lagana daayo siyaasadaan qar iska tuurnimada ah ee aad ku maamulaysaan! #وما_خفي_أعظم. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad
-
Waxaa magaalada Garowe ka dhacay shirar sulux ah oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Federal-ka ah iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah. Shirkaas waxa uu daba socday calaameemo saarkii Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdullahi Siciid Deni laba habeen kahor Garoowe loogu sameeyey. Sida ay Soomaalida oo dhan qabtay, xafladdaas waxa ay ahayd fursad qaali ah oo looga faa’iideysan karo isu keenidda madaxda Soomaalida ee is khilaafsanaa. Waxaa qabsoomay laba kulan oo lagu turxaan bixiyey inihii khilaafka taas oo u muuqata in bilo ugu yaraan laga nasan doono. Hase ahaatee, hal shaqsi ayaa faa’iidada ugu badan ka helay shirkaas waana hogaamiyaha maamulka Kismaayo ku kooban Axmed Madoobe. Axmed Madoobe waxa uu ahaa mid aan cago badan ku taagneyd oo ay dowladda ka shaqeeneysay sidii ay u dhaafin lahayd maamulka Jubbaland ee uu la dagay. Hase ahaatee, waxa ay u muuqataa in is afgaradkan uu ku helay fursad oo uu xoogaa inta waqtiga uga dhiman ku nafiso. Haddii heshiis la gaaro, waxaa suurta-gal ah in dowladda Axmed Madoobe is-fahmaan, taasi oo xukunka usii dheereyn kartaa hogaamiyaha Jubaland. Axmed Madoobe ayaa dhowr mar isku dayey in isaga iyo dowladda la dhex-galo, isaga oo wafti ka socda Soomaalida Kenya ay kasoo ergeeyeen marii ay dhowaan yimaadeen Muqdisho. Si kastaba waxaa se is weydiin mudan, Axmed Madoobe ma yahay mid la aamini karo? Waxaa hubaal ah in ay adkaan doonto in Madoobe lagu aamino in uu doorasho nadboon ka qabto Kismaayo marka waqtigiisa dhamaamdo ama uu si wanaagsan ula shaqeeyo dowladda. Walow ay neefta ka soo fuqday, hadana waxaa hubaal ah in dowladda ay si gaar ah arrintaas u fiirin doonto oo aysan ku kadsoomi doonin laba wajiile nimadiisa. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Keligi-taliska da’da ah ee Yuweri Mussaveni oo muddo 30 sano kabadan xukun keligistalis ah (Dictatorship) ku haysta talada waddankiisa Uganda ayaa meel fagaare ah ka sheegay in Dalka Soomaaliya yahay waddan aan dowlad lahayn oo baylah ah. Yuweri oo aan xushmayn Diblomaasiyasadda iyo xiriirka waddamada qaarkood ayaa sidan oo kale dhowr jeer ugu gefay diblomaasiyadda islamarkaana madal ka aflagaadeeyey dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidaas oo kale Askari saaqid ah oo haysta derajada Gaashaanle sare kana tirsan howlgalka nabad-illaalinta AMISOM oo Soomaaliya ka bilowday 2007 ayaa u sheegay Wargeyska foreignpolicy.com in Soomaaliya lamid tahay adiga oo Doofaar nadiifinaya islamarka aad nadiifisana Wasaqoobaya. Isugeynta Weerarka iyo gefka Diblomaasiyadeed ee Keligitaiska Yuweri Musaveni iyo Askartiisu kuhayaan sumacadda dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxa ay u muuqdaan kuwo si wadajir ah oo ku talagal ah loo abaabulayo waxaana suuragal ah in Mussaveni uu ka gubanayo isbeddelka dhinaca ganacsiga iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya gaareyso iyo xiriirka ganacsi iyo siyaasadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Yuweri waxa uu kaqaybqaatay laba afgembi oo lagu riday laba madaxweyne kaddibna waxa uu si xoog ah ku qabsaday dalka iyo dadka Uganda oo ah waddan xiran oo aan bad lahayn isaga oo markii lixaad u sharraxan in uu qabto xilka madaxweynaha, waxa uu dalka ku haystaa jabhaddiisii Dhaqdhaqaaqa wax iska-caabinta Qaranka (National Resistance Movement) taas oo u sameystay sanadkii 1986, balse uu u diiwaangashaday xisbi siyaasadeed. Mar la weydiiyey Yuweri xilliga uu talada kadegayo ama ku celinayo xukun rayid ah waxa uu yiri: “Sidee ayaan uga tegayaa Moos/Muus aan beeray ama tallaalay oo billaabay in uu miro dhalo” sidaas waxa uu u sheegay BBC World News Musaaveni waxa uu kadhashay qoys Sabool ah waxa uu ku soo koray dibjirnimo iyo aqoon la’aan, markii uu kaqaybgelayey ridista xukunkii Iiddi Amiin waxa uu isugu yeeri jiray in uu dalka xoreynayo balse markii uu qabsaday waxa ay dadka Uganda ugu yeereen Keligi talis macangag ah oo aan marna rabin in la la tartamo oo doorasho madaxbannaan kadhacdo Uganda. Dadka Uganda Waxa ay kunool yihiin heerka ugu hooseeya ee xariiqa Saboolnimada caalamiga ah iyada oo qofka Uganda quuto lacag kahooseysa laba dollar (2) maalinkii, waxaana 3.4 Milyan oo qof oo Uganda u dhashay ay ku nool yihiin saboonimo aad u xun sidaas oo kale warbaahinta iyo dadka siyaasadda ayaa cabbursan muddo 30 sano ah, waxa uu dil iyo musaafurin isugu daraa hoggaamiyeyaasha mucaaradka. Ciidanka Uganda waxa ay kamid yihiin ciidamada ugu liita ee bariga Afrika dhinaca xuquuqda aadanaha iyo xushmeynta xeerka caalamiga ah ee illaalinta nabadgelyada Qofka, sanadkii 2011 tobonaan qof oo katirsan taageerayaasha hoggaamiyaha jabhadda isbeddeldoonka Uganda Kizza Besigye ayaa geeriyooday kaddib ciidanka Nabadgelyada oo kufuray rasaas. Sida lagu qoray warbixinta xuquuqda aadana ee Uganda 2017, December-2017 waxa uu Baarlamaanka ka ansixiyey in Dastuurka laga saaro qodobada xadeynaya da’da madaxweynuhu haddii uu gaaro uusan hayn Karin xilka ama uusan u tartami kari. 23-June-2017 ciidanka UPDF iyo UPF waxa ay toogteen oo dileen Erasmus Irumba oo ahaa qof u ololeeya xuquuqda aadanaha, kaddibna waxa ay dowladdu diidday in la baaro, waxa kale oo lagu qoray warbixinta xuquuqda aadanaha ee Uganda 2017 in ciidanku dowladdu maraanmaro oo jirdilo qof walba oo loo arko in uu kahor iman karo madaxweyne Yuweri. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xafladdii lagu caleemo saaray Siciid Cabdullahi Deni, Madaxweyne xilka ka badalay ayaa sheegay in uu diyaar ula ahaan doono hoggaanka cusub talo iyo wax walba oo ay uga baahdaan. Cabdiweli Gaas waxa uu sidoo kale hadal sarbeeb ah ku riday Deni oo uu u sheegay “In uusan noqon doonin Madaxweyne kursiga kula fadhiya”, balse mid wixii uu uga baahdo aan ka hagran. Hadalkaas waxaa loo fasirtay dhowr macno balse waxaa iga soo baxay laba arrin oo ay dhici karto in aan lagu baraarugsaneyn. 1 – Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole oo isna madasha ka hadlay ayaa marar badan dagaal hoose ku qaaday Gaas oo ay si weyn isu hayeen. Faroole iyo Gaas shanti sano ee u dambeeyey waxa ay ahaayeen laba siyaasi oo aan hadalada isaga turin oo isla tagay ilaa iyo sagxadda hoose. Hadalkii Gaas waxaa loo fasiran karay in uu ula jeeday aniga sida Faroole kursiga kugu qabsan maayo oo talada kugu qabsan maayo. Marka la sii fasiro hadalkaas waxa uu u dhacayaa tuhun ka jiray in Faroole ku lug lahaa ol’olihii uu ku soo baxay Madaxweyne Deno oo Gaas na leeyahay anigii aan kala fogeyn ayaa ka maaro waayey ma adigoo oo uu ku caawiyey ayaa ka fadhiyaya? 1 – Xassan Sheekh Waxaa jira dadka kale oo iyana qabi kara in Xassan Shikeh Maxamuud uu u sarbeebay hadalkaas. Xassan Shikeh Maxamuud oo looga guuleystay doorashadii 2017 ayaa wax ka yar laba sano ugu soo laabtay Muqdisho oo ka furay xisbi siyaasadeed oo dhalleeceyn ku billaabay dowladda Farmaajo. Dad badan ayaa rumeysan inay ahayd in Xasan Sheekh waqti siiyo dowladda, oo ay wax ku qabato, balse uusan dagaal siyaasadee dku bilaabin ayada oo xitaa aan laba sano dhameysan Madaxweynihii hore ee Puntland Gaas waxaa dhici karta in hadalkaas noqon karo kii ugu dambeeyey ee uu ku saameeyo siyaasadda Soomaalida islamarkaana uu in muddo ah ka maqnaan doono. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay Saldhigga Milatari ee ay ka dhiseyso Berbera, howlaha uu qabanayo, qandaraaska lagu dhisayo iyo sharikadda dhiseysa. Qoraallo diblmaasiyadeed oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka oo ay heleen Warbaahinta Carabta ayaa muujinaya in Saldhiggaasi wajigiisa 1aad la furayo Bisha August ee sanadkan. Qandaraaska dhismaha Saldhigga Milatari oo lagu rakibayo Raadaar,sidoo kalena leh Bosteejo Tareen oo isku xirta Dekadda Berbera iyo saldhigga ayaa waxaa ku guuleystay sharikad fadhigeedu yahay Dubai oo lagu magacaabo Divers Marin Contracting LLC. Sharikadda Dowladda Imaaraadka ayaa bixisay lacag gaareysa $100 Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo lagu dhisayo saldhigga Miltariga Imaaraadka. Warqadaha waxyaabaha ku xusan waxaa ka mid ah in Raadaarrada Saldhigga lagala soconayo dhaq dhaqaaqa Badda cas sidoo kalena Diyaaradaha dalalka daneynaya Geeska Afrika loo oggolaan doono in ay Saldhigga ku nastaan. Waxa kale oo ku jira warbixinta in Imaaraadka uu tababarayo 15,000 oo Ciidamada Maamulka Somaliland ah, kuwaas oo uu ballanqaaday. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Axmed Silaanyo 80 cod ayaa la yidhi waa lagaaga helay. H.Jeclo reer qudha may caayin, dhul gariirna kumuu dhicin waxaana doorashadii danbe la galay iyadoo umadiiba Kulmiye ah. Jeegaan, Jeegaan, Jeegaaan hoonkiibaa nagaga dhagay. Tolow cabaadka ma joojina oo Xisbigii Wadani meel adag ayuu kaga hayaa oo imikaba Muuse waa ku jiqe ma tageeraa?. East Burco Clan iyo H.Awal waa dad inala dhashay raguna wax uu isku qabtaa aduunkiina muu rogman maalintuu Wadani dhacaye mucaaradad caqliga gasha ma la nimaadna. ?. Caydu waa hubka nin awood waayay ee cayda ma joojiina?. Lacagtii Xisbiga ma ururinaa, dadkana ma soo jiidana. West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan West Burco Clan Lagaaga murmi maayo ee isagoo kuu xaajasan umada kalena saaxiibo maad ku yeelan, mise kaas oo weliba aanad niyad badan u haynin ayuunbaad ku sayixi, umada kalana way kaaga tegi ileyn waa Qoladaadiiye. Waa talo aad u culus hadaad diido u diyaar garow. Garxajiska aad sheegayso laftiisa oo kala dhaqaajiya oo Danley noqda. Jin Dagaageyga oo kolba 300 soo qadeysiiya. Sida caadada ah Jilib kasta oo Jin Dagaageygiisa difaacda. Muuse Biixi iyo raga laga cabanayo oo doqoniimada iyo asqada ka faaiideysta oo ninkii ay Xiniinyo ku arkaana fogeeya, Daaquudadana soo xareysta. Iyo adigoo Baroor iyo cay mediaha la dhex taagnada. Igaba dhan. Source
-
Hogaamiyaha Kalitaliyaha ah mar baan taageera markaasina waxay tahay wuxuu kor usoo qaada hanka beelaha laga tiradda badan yahay ama la hayb sooco, waxaanu u dhiibaa xilalka ugu waaweyn. Sababtuna waxay u arkeen inay tahay dadka kaliya ee aan kursigoodda gungureen ee ay wada shaqaysan karaan. Hadii hogaamiyeyaasha kale intaas kaga dayan lahaayeen dhulka Soomaalidu barwaaqo iyo horumar bay gaadhi lahaayeen, balse inkaasta haysataa waa sii fogeynta beelahaasi lagu sheego inay tiro yar yihiin. Source
-
Xasuustaydu waa mid soo celcelisa inbadan waayahaan isla soo marnay isaga. Haa waxan isla soo marnay waayo’ badan wanaag iyo walbahaarba leh. Calafku waa halkiisee Wayne wuxuu ii dooray isaga dookhaygana wuu noqday dadka wuu iiga duwanaa, waayo waa lammaanahaan nolosha la wadaagi jiray een carruurtan iftiinkayga noqotayna u dhalay. Nolol been iyo ballan burin ku dhisnayn ayaanu ku noolayn muddo badan. Waa arooryo hore dadku waxay wada tageen shaqadoodii mid kastaa hawshii u taalay ayuu u kallahay. Isaguna sidaas si la mid ah ayuu uga soo jarmaadday gurigiisa si uu u soo guto hawl maalmeedkii u taalay intuu dalka joogay. Carruurtuna ka hor isaga ayey u baxeen dugsiyadoodii. Hadduu iga sii maqnaa 3 saacaaddood oo toban la’ waxa igu soo dhacay Alleen aan kala go’ lahayn! Si baraadla’ baan u qabtay. “Haloow….Haloow, xaaskii Deeq miyaa?” Ayuu nin aanan codkiisa garanayni igu yidhi. “Haa” Haddaan ugu werceliyeyna, wuxuu ii sheegay in uu Deeq isagoo shaqadiisii ku jira uu Koomo galay oo hadal iyo huguntoona lahayn cisbitaalkana loola cararay. Naxdin ayaan fadhiistay haddana kacay, wareegay gurigii marba qol baan galaa waxan ka soo qaadayeyna garanwaayey! Shaydaankaan iska naaray haddana Bisinkaa cugsaday. Cid lamaan hadline horaan gaadhiga ka soo kaxaystay. Waddadu cidhiidhi badanaa ma anigaa la i eeganayaa!? Saacad buuxdaan ku soo jiray jidka. Cisbitaalkii ayaan imi anigoo harraad, daal, naxdini ii dhammaatay. Waan soo dul istaagay, mise waabuu neef tuurayaa! Markeliya ayaan quus qaatay. Waxan isku maaweeliyey in uu Eebbe isaga leeyahay adduunkanna uu keenay noolaysiin karo dilina karo. Waxan go’aansaday in aan u sheego arrinkan dhiillada leh reerkayagii iyo reerkaanu xididka noqonnay. Way i soo gaadheen intii i soo gaadhi karaysay. Deeq hal maalin ayuu ku jiray cisbitaalka. Eebbe mahaddii koomadii wuu ka soo baxay. Dadka wuu kala garanayaa hase yeeshee awood badan ma laha, shaybaadhkii la mariyey wuxuu sheegay in uu wadne xannuun ku soo booday! hadda se’ wuxuu go’aan ku gaadhay in loo qaado dhinacaa iyo guriga. Anigu waxaan jeclaa in uu ku jiro cisbitaalka hase yeeshee markuu ku adkaystay waxan ku qasbanaa inaan ogolaado. Xummadda haysaa umay ogolaan inuu dhinaca dhulka saaro, fadhiisto ama uu qaato wax cunno ah. Cunno kamay degin cabitaanna hadalkiisa daa! “Jihada ii jeediyaa.” ayuu hadalkiisu ahaa. Waan u adkaysan kari waayey xannuunka uu ku jiro Haddana waxaan isku maaweelinayey inaan rumaysnaado wixii Eebbe keenay ee uu qoray oon marnaba la dhaafayn. Carruutaydana sidaa si la mida ayaan u maaweeliyey. Haddii aanu baxnaaninnay laba caano maal, tii Eebbaa u timi naftiina way ka baxday. Waanu samirnay kana samirnay isaga. Waayo haddii wax kasta aanu samaynno marnaba ma soo celinkarno isaga. Ballaayadu maalinna ma qaddo, hadba maalinba meelbay dul yuururtaa. Dakharo badanna ku dhufataa. Maantaba waa maalin madow, oo gabal baa u dhacay reerkaygii. Tani waxa marag ka ah madasha la joogo, cidina ka maqnayn. Waxaa loo fadhiyaa waa geeridiisa berrina gogol laabkiisa. Waa gole murugo badani ka muuqato. Waa la maydhay lana aasay isaga xaggii loo badnaana waa la geeyey. Godka loo nuur waa la galbiyey gurigiisii aakhirana waa la geeyey. Eebbe ha u naxariisto. Hadday ka soo wareegtay 4 billood iyo tobon habeen ganbadiina aan dhigay, odayaal cummaadaysani ha i soo bookhdaan. Waxad mooddaa inay ii tirinayeen intaan ganbada siday! Soo dhawayn ka dib, arrinkay u socdeen ha ii furfuraan.” Duco qabtaad ahayde ma doonayno inaad reerka ka baxdo wanaag badaneey dee waxan doonaynaa maanta inaad Deeqii ku deeqay ee ina wada deeqay walaalkiisii Dahab aad maantaba ooridiisa noqoto oo uu carruurtana u noqdo aabbohoodii labaad dayacnna arki maayaan debadii Degeneey.” Ayey hadalkii iigu furfureen! Anigoo yaaban ayaan ugu hal celiyey weliba odhaahdooda ka murugaysan, “Waxan ka marag kacayaa in aanay arki doonin dayac, markay arrintani timaado waa mar aan ka dafiray, indhahana ka daboolay dayrkii noloshayda naftaydana u diidday korinta ubadkayga tani se’ dhici mayso. Anigaaba tan naftayda ka ogolaanayn.” Markay arkeen in uu go’aankaygu isbeddel lahayn ayey iska carraabeen iyagoo ii ducaynaya ilayn qasab iguma lahee! Haa wuu dhintay isagu adduunkanna wuu ka tegay balse aniga iyo carruurtaydaba wuu nala noolyahay iyo weliba dadkooda, wadnahaygana wuu ku dhex noolyahay oo wuu warraabiyaa. Jacaylkiisu wuxuu noo ahaa sida; geed ka soo baxay carro si fiican loo warraabiyey lagana saaray wax kastoo sadhaydhsan. Jacaylkiisu ma aha mid shaashoon doona, shillintana laga guri doono weligii, ma arag anigu intaan noolaa aabbe la mid ah mana arki doono, ma ilaabi doono siduu noo wada jeclaa ma ilaabi doono siduu ubadka iila korin jirin ee uu u koolkoolin jiray marnaba aanuu u dhibsan jirin. Ma ilaabi doono siduu iila shaqayn jiray ee uu iila caawin jiray shaqada guriga, ma ilaabi doono siduu reerkooda iyo kaayagaba u soo dhawayn jiray iskuna xidhi jiray. Ma ilaabi doono siduu ii dhagaysan jiray marka aan u sheekaynayo. Ma ilaabi doono siduu u ilaalin jiray farxaddayda geedkii jacaylka, is taakulaynta, istiirinta, istoosinta ku dhisnaa waa mid ka beeran dhammaan xubnaha jidhkayga. Sayigayga oo keliya muu ahayn waxa kaluu ii ahaa; tusaale tolmoon oo aan ku daydo, walaal wanaaga wehel u ah, saaxiib iga samato bixiya wax waloo sadhaysan. Deeq wuxuu nala joogay muddo ka badnayn saddex billood intuu dalka hooyo joogay. Saddexdaa billood se’ waxay ii ahayd soddon sanno in aanu wada noolayn. Weligii xanaf ima taabsiin xanaajinna hadalkeeda daa’. Saddexdayda carruur ahi waxay iila mid yihiin soddon ubada. Muu iman jirin weligii isagoo wax cusub noo sida mooyee, ma ilaabi doono siduu ubadka ugu ahaa macallin iyo weliba tabbobare. Hal maalin hadduu naga maqnaado waxay noo ahayd malaayiin maalmood inuu naga maqnaa! Beddelkii, maya! Ma ogoli in aan isaga debedii guursado. Eebboow jannadaada nagu kulansii dhammaantayo. Amiin….Amiin. W.Q: Faadumo Buuni Hargeysa,Somaliland libaaxo.77@gmail.com Source
-
Ilo wareedyo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka qaranku ay kulan fool ka fool ah la yeesheen madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, kulankaasi oo ay codsadeen gudiga doorashooyinku waxa uu daarnaa is casilaad ay gudigu doonayaan in ay dhawaan ku dhawaaqaan, taasi oo ay wararku sheegayaan in ay gudiga doorashooyinku madaxweynaha u soo bandhigeen in ay doonayaan in ayna carqalad ku noqon doorashooyin dalka ka qabsooma, taasi oo ay sheegeen in ay cadaadis xoogan kala kulmayaan dadweynaha reer Somaliland oo ka codsaday in ay xilka baneeyaan oo dalka bad baadiyaan madaama oo aan xisbiyada tartamaaya ayna raali kuwada ahayn. Kulankani dhex maray madaxweynaha iyo gudiga doorashooyinka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Somaliland, waxana ay wararku sheegayaan in madaxweynahu uu arintaasi aad uga xumaaday kulana taliyay in ay arintaasi aad uga soo fikiraan oo ayna ku deg degin. Dhanka kale dadweynaha ku dhaqan caasimada iyo dadka siyaasada Somaliland la socda ee ku kala sugan gobolada dalka ayaa arinta is casilaada ay damacsanyihiin gudiga doorashooyinku aad u soo dhaweeyay. Waxana hubaal ah hadii ay gudiga doorashooyinku ku adkaystaan is casilaadooda in ay noqon doonto Somaliland mid uu waa cusubi u soo baxay Qaran News
-
Wasiir Ahmed Moumin Seed Xil Doon Ma Ahayn Ee Xoolo Doon Ayuu Ahaa? Qalinkii: W/Q Abdirashid Younis Hagar Sidaan wada ogsoonahay waxaa geeska Africa ka dhacey isbadalo horleh oo saameeyey siyaasadihii ku dhisnaa kaligii talisnimada wallow wali ay shaqeynayaa Madax ka mid ah kuwa ugu mudada dheer Africa ee dhinaca xilka Madaxweynaha. Waxaan jeclaystey in aan qaranka Somaliland la wadaago saameynta siyaadeed mid ka mid ah gollaha Wasiirada Xukuumada Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkaas oo ah Wasiir Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ku sifoobey eex, qaraabokiil, kala fogeynta Beesha uu ka soo jeedo ee Habar Cafaan iyo nin jecleysi. Intaas aan kor ku soo xusney waxaa ku sifoobey Wasiir Ahmed Moumin Seed oo ah nin aan u bisleyn siyaasadaha haatan ka taagan Geeska Africa gaar ahaan tan Somaliland. Waxaan idiin iftiimin doonaa taariikhda iyo doorka siyaadadeed ee Wasiir Seed, ugu horeyn Wasiir Seed wuxuu ahaan jirey nin ka shaqeeya dhinaca ganacsiga isaga oo mudo aad u badan meherad shaqaale uga ahaan jirey nin ay ilma adeer ahaayeen isaga oo mudadaas ku noolaa dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, shaqadaas ka dib wuxuu bartey xirfad ka mid ah kuwa gacanta laga qabto taas oo ahayd in uu Wastaadnimo ku shaqeyn jirey mudo ku dhow 12 sano. Intaas ka dib wuxuu ku soo biirey siyaasadda Somaliland 2008 isaga oo ka mid ahaan jirey Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid isaga oo Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 2010 ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Awdal iyo Salal. Intaas ka dib wuxuu sidii ahaadaba waxa uu xisbi la aasaasey Mudane Abdirahman Cirro oo ahaan jirey mudo 12 sano Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland oo ugu dambeyntii samaystey Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani isaga oo Gudoomiye ka noqdey Xisbiga Waddani ku xigeena uu ka noqdey Ahmed Moumin Seed oo ugu dambeyntii waxay sidii ahaataba waxa ugu dambeyn Shirkii Gollaha dhexe lagu tuurey sidaasna kaga baxay Xisbigii Waddani 2016 kii. Wasiir Seed iyo Xubno kale waxay u soo digo rogteen Xisbiga Kulmiye oo wakhtigaas isku diyaarinayey Doorashadii Madaxtooyada ee 2017 kii halkaas oo u xubin ka noqdey Xisbiga Kulmiye ugu Dambeyna uu ku heley mansabka maanta uu joogo ee Wasaarada Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland. Ahmed Mounin Seed ma noqdey nin soo celiya Abaalkii iyo hiilkii ay siiyeen Beelaha Habar Cafaan ee uu ka dhashey? Jawaabtu waa maya sababta oo ah wuxuu noqdey nin ku tagrifala talo iyo tusaalana aan la wadaagin Beesha uu ka soo jeedo isaga oo aan hada Kalsooni buuxda ka haysan Beelaha Habar Cafaan ee uu ka soo jeedo Wasiir Seed,Beelahaas oo hada u arka Wasiirka midkii ugu tayada iyo tamarta darnaa ee abid soo mara Beelaha Habar Cafaan isaga oo ku matala Saamiga Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi. Wasiir Seed ma yahay nin u dhaxeeya una cadaalad sameeya Beelaha Habar Cafaan? Jawabtu waa maya Wasiir Seed wuxuu kala xigteystey oo uu kala foogeeyey kalsoonidii Beelaha Habar Cafaan oo ah Beesha ugu cududa weyn Gobollada Galbeedka Somaliland, Wasiir Seed wuxuu kala qeybiyey isku duubnidii iyo awoodii Beelaha Habar Cafaan isaga oo la yimid Cunfi iyo Qabyaalada qaawan oo uu ku hayo beelo ka mid ah 12 Bilood ee Habar Cafaan ka kooban tahay isaga oo shisheeye iyo sokeeya u kala qeybiyey, wuxuu xidhiidh gaar ah la leeyahay kaliya 4 bilood oo uu isagu si gaar ah u qadariyo isaga oo si gaar ah u sad bursi ugu sameeya Beesha uu ka soo jeedo ee Muuse Fiin. Waxaan Madaxweynaha Somaliland kula talin lahaa in uu il gaar ah ku fiiriyo dhaqdhaaqaqa Wasiir Seed oo ah siyaasi aan qorshe dheer lahayn oo ku dhex wareerey Gobolada Galbeedka isaga oo curyaamiyey habsami socodkii Wasaarada Beeraha oo haatan ka mid ah Wasaarada ugu tayada liita Somaliland dhibaatada oo ah in aanu lahayn xirfad iyo aqoon uu ku maamulo Wasaaradda Beeraha isaga oo markasta ku faana in uu kursiga ku heley Saaxiibtinimo ka dhaxeysey Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay saaxiib dhow yihiin in uu isagu u dhameeyey xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Beeraha wakhtigii la dhisyey xukuumada Muuse Biixi Cabdi. Wabillahi Towfiiq W/Q Abdirashid Younis Hagar Abdirashiid1982@gmail.com Paris, France La soco qeybaha kale Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-28012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ku-simaha ra’iisul wasaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna ra’iisul wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta daah-furay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Qorshaha Fulinta Ballan Qaadyadii wasaaradaha ayuu ku-simaha ra’iisul wasaaruhu ka billaabay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada oo horay ra’iisul wasaare Khayre kula ballantay in sannadkaan ay soo dhamaystiri doonaan shan halbeeg oo waawayn. Wasiirka caafimaaka iyo daryeelka xukuumadda ayaa maanta saxiixday shanta halbeeg ee horay u ballan qaaday in ay fulin doonto sannadkaan 2019. Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda ayaa sheegay in ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo mas’uul ka ah daba galka hannaan fulinta ballan qaadyada uu si joogta ah wasaaraha u booqan doono si uu u hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha. Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishaan Janaayo waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda. The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo daah-furay qorshe muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Wargeyska The Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu maanta qoray in 3 Eedeysane la soo tagaay Maxkamdda, kuwaasi oo ay ciidammada Booliska habeenkii Jimcihii ka soo xidheen deegaanno kala duwan oo ka tirsan dalka Kenya. Ciidammada Boliska ee La-dagaalanka waxa loogu yedho Argagixisadda ee ATPU waxay ka codsadeen Garsoorka Maxkamadda in loo oggolaado inay Eedeysanayaashaasi sii hayaan muddo 5 maalmood, si ay u soo dhamaystiraan Badhaitaankooda. Wargeyska waxa uu magacyadda dadka la soo eedeeyey ku kala sheegay Cabdul Kibringi, Jeemis Mawaay Mawangi iyo Xabiiba Geeddi Hunshur, waa sida laga hor sheegay Maxkamadda. Askari ka tirsan ciidammada booliska ee ATPU oo lagu magacaabo Niyuutoon Mawangi waxa uu sheegay inay Eedeysanayaasha soo xidheen Jimcihii, balse aysan weli baadhin wicitaanka Telefoonadooda Mobaylka. Waxa uu sheegay in baadhitaan hordhac ah muujinayo inay Eedeysanayaasha xidhiidh la leeyihiin Eedeysanayaal kale oo ku lug lahaa weerarkii Alshabaab ee ay bishan 15-dii ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, waa sida uu hadalka u dhigay. Source
-
MADAXWAYNE ADUUNKA WASAARADAHA MUHIIMKA AH EE WADAMADA ADUUNKA WAXA LOO MAGACAABAA QOF KHIBRADLEH . MAXAA SOMALILAND KA HOR TAAGAN IN AY SIDAA YEESHO? . Ayaanle maxamed ibraahin Wadamada aduuka waxa lagu xisaabtamaa wasaaradaha ugu muhiimsan wadan kastaaba waxa uu lee yahay wasaarado wadan kaasi mu hiimad gaar ah u leh inaga wasaaradaha muhiimada gaarka ah inoo leh waxa ka mid ah wasaarada beeraha. Wasaarada xanaanada xoolaha wasaarada maaliyada , inaga wasaaradihii nuucaas ahaa waxa loo gacangaliyay dad aan gabi ahaanba wax khib rad ah lahayn aqoona war keedaba reeb waxad arkaysaa wasaaradii ugu muhiimsanayd ee wasaarada beerha waxa loo maga caabay qof aan haba yaraatee wax aqoon ah lahayn haday tahay midmaadi ah iyo haday tahay mid diini ah labadaba mar kaa miyaanay ahayn wadan kii dib ayaa loo socdaa halkii hore looga socon lahaa waa cajiib. Madax wayne ma adiga ayaa khaldan oo dib wadanka u wada mise umada somaliland ayaa kaa horaysa oo u baahan in aad soo gaadho aaway 30% kii wax soo saarka beerha ee wadan waan gaadh siinayaa aad lahayd markii ol olaha aad ku jirtay mise waxa ayad uun waan ku awra kacsananay sidii is laantaa awrku u kici waa yay ee tidhi jiilaani awrak ii kici markii awrkii u kacayna uu inankeedii yidhi hooyo maxaad is ku tihin jiilaani waxba hooyo waan ku awra kacsanayay. Waxa kale oo kasii daran aaway wixii mashaariico ahaa ee maalinkasta miidhiyaha laga sheegi jiray halkay ku dan beeyeen in aad wasiirkan kula xisaab tanto miyaanay ahayn hadii aadan beentaa iyo boro bagaadkaa aadan la ogayn madaxwayne waa in aad wax ka qabataa. Hadii kale maxaad umada la hor iman barito marka hadhaw hadan loo baahdo umada . Mudane madax wayne wax yaabaha aad ka ay uleedahay wasaaradani beeruhu waxa weeyi waa in markasta wasaaradani ka war hayso xaaladaha cuntada iyo wax soo saarka beeraha ee somaliland wasiiradii ka horeeyay wasiirkan hada joogaa waxa ay ahaayeen niman aqoon leh waxa jirtay in wasiirkastaa xili beereedku marka uu dhamaado uu shaacin jiray cuntada sanadkaa usoo go,day wadanka iyo qiyaasta ay gaadhsiisantahay hada lkn warkaaba cidi ma hayso. Waxa waxaa keenayna waa aqoon darada jirta. Hadii aan tusaale usoo qaato wakhtigii prof. Faarax geedoole waxa la wada xasuusan yahay halkii ay gaadhay wasaarada beeruhu wadanka waxa uu gaadhay in Bariis la beero iyo Timir wax soo saarka kalena war kiisaba reeb .horumarkii la gaadhay waan wada og nahay. Maantana waan aragnaa halka xaal marayo. Madax wayne sida aad wasaaradii maaliayadaba u bad baadisay ayay kaaga fadhidaa bul shada somaliland in aad iyadana bad baadiso wasaarada beeraha. Hadii aad sii daawato waxa aad sii luminasaa kalsoonidii shacabka somaliland. Ayaanle Maxamed Ibrahim cabdile3@gmail.com Qaran News
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa mar kale u gafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliya, sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa. Mr Museveni oo maanta furyay kulanka Sanadlaha ah ee Garsoorka Dalkiisa ayaa tusaale u soo qaatay sida ay dowlad ku shaqeyn karto. Waxaa uu dal ku sharraxay dad isu tagay oo isku meel ka soo jeeda,halka dowladdu tahay midda fulisa awoodda iyo xeerka. Waxaa uu sheegay in Dowladdu tahay mid maamusha dalka, fulinna karta sharciga, waxaa uu sheegay in ay jiraan dalal badan oo aan lahayn dowlad, waxaa uu tusaale u soo qaatay Soomaaliya. Waxa uu yiri “Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad,tusaale Soomaaliya, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyadda ii oggoleyn in aan sheego” Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya. Xaqiiqda ah inuu magacaabay Soomaaliya, balse yiri inaysan diblomaasiyadda u ogolaaneyn inuu dalalka kale sheego, ayaa caddeyn u ah sida uu u yasayo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kampala caasimada@live.com
-
Shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku soo idlaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud. Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeyay labada dhinac, waxaana la isku raacay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda. “Waxaan bogaadinayaa kulamadii miradhalka ahaa ee maalmahan nooga socday Garoowe, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan madaxdii ka qayb qaadatay biseylka ay muujiyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inaan hore u dhaqaajinno geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya oo u baahan midnimo, wadatashi, isu-tanaasul iyo wax wada qabsi.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu intii kulanku socday soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso magaalada Garoowe bisha Maarso ee sanadkan si loo dardargeliyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay qabsoomidda iyo marti-gelinta shirarkan wax ku oolka ah. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland isaga oo ku ammaanay kaalinta duubabka dhaqanka ee Puntland ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa inta uu Garoowe ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland si uu u dhegaysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan dib u dhiska dalka iyo dib u heshisiinta shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD PPuntland Post The post Shirkii DFS iyo Maamul goboleedyada oo Garoowe lagu soo xiray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-28012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maayar ku Xigeenka Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) ayaa ka hadlay arin maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayay oo ku saabsan waxa laga yeelayo Golaha Deegaanka Hargeysa oo wakhtigiisii sharciga ahaa uu kaga egtahay Bilahan soo socda ee sannadkan, isagoo sidoo kalena beeniyay wararka ku saabsan Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) inuu ka baxsaday Baadhista Hanti dhawrku ku hayo Xafiisyadda Lacagta Dawladda Hoose. Maayar Ku xigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne ayaa sidan ka sheegay Maruu Doraad warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmadda Macalin Haruun ee Bariga Magaalada HARGEYSA, isagoo ku goodiyay inaanay jirin cid awood sharci u haysata oo kala diri karta Golaha Deegaanka Hargeysa isagoo sidoo kalena sheegay inay keli ah Kuraasta u banayn karaan oo qudha Golaha uu ka tirsan yahay Gole lasoo doortay oo sifo sharci ah ama cod umadeed ku yimaada, isagoo ganafka ku dhuftay hadal haynta maalmahan ee la sheegayo in Goleyaasha Deegaanka la kala dirayo, maadaama oo Golihii Wakiiladda oo iyaganna wakhtigoodu dhamaaday loo kordhiyay. Maayar ku Xigeen Cagaweyne ayaa sidoo kalena ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhex marayay oo sheegaya inuu Maayarkii Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco uu safar Qarsoodi ah oo ku galay Wadan ka mid ah dalalka Qaaradda Yurub kuyaala, kaasi oo la sheegay inuu kaga baxsaday Baadhis ay Xafiisyada Xisaabaadka Dawladda Hoose ku wadaan Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland, waxa uu Cabdicasiis beeniyay Warkaasi Maayarka waxaana u sheegay inuu safaro shaqo ugu baxay Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, shalay ahaanna uu dalka dib ugu soo noqonayo. Maayar ku xigeen Cabdicasiis Cagaweyne ayaa markii ay Warbaahintu Muuqaalkaasi ka duubtay Qol hoosta uga soo xidhay kana codsaday inay warka ka reebaan hadalka uu kaga hadlay inaan Golaha Deegaanka la kala diri Karin iyadoo fajiciso ku noqotay Warbaahinta arintaasi islamarkaana ay khasab ku noqotay inay qaarkood kameraddaha hortiisa ku masaxaan islamarkaana ay dib uga duubaan muuqaal kale oo uu keli ah kaga hadlay arinta Maayarka kaasi oo laga sii daayay Muuq baahiyayaasha Qaarkood. Source
-
Popular Contributors