-
Content Count
207,337 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kenyan police have said they arrested 17 suspected al-Shabaab recruits. The police said the suspects were arrested at their hideout in Samburu county in Rift Valley province. Kenyan authorities added that the suspected al Shabaab recruits were being prepared to be transported to Somalia. Area police chief John Kemboi said the 17 were hiding in the holding centre, a two-room house near Samburu market. They are 2 female and 15 male aged between 18-27 years. “Our informers tipped us, and we raided the house,” Kemboi told the local newspaper. The youth confessed to having been promised jobs with huge salaries. Identification documents show that they come from Tana River, Kilifi, Nakuru, Baringo and Kisii counties. Officers from the Kenya Anti-Terror Police Unit based in Mombasa are continuing with interrogations at a police station in Kwale. They will be arraigned in Kwale court on Tuesday. The post Kenya says its troops arrested 17 al-Shabaab recruits appeared first on Shabelle. View the full article
-
Suspected Al-Shabab assailants have hurled a grenade at a security checkpoint in northern Jowhar, the regional capital of Middle Shabelle on Monday night. There was no immediate claim of responsibility for the overnight bomb attack, however, the local security officials pointed the finger of the blame at Al Shabaab militant group. The exact casualty figures of the attack remain unclear. In a separate incident, Puntland state forces stationed in the Gulf of Aden port city of Bosaso last night, according to an eyewitness, who spoke to Radio Shabelle by phone. The incident took place at Biyo Kulul village in Bosaso with no reports of casualties. The regional troops rounded up several suspects in connection with the attack which came hours after a battle between Al-Shabab and ISIL-linked militants broke out in Bari region. The post Two grenade attacks reported in HirShabelle and Puntland states appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni oo isniintii ka hadlaayey shirka garsoorayaasha sanadlaha ee Dalka Uganda oo ka dhacaayey caasimada Kampala, ayaa tusaale usoo qaatay inay Soomaaliya kamid tahay Dalal aysan Dawladi ka jirin. ” Waa maxay Dawlad?, Dawladu waa ka duwan tahay Wadan, way ka duwan tahay qaran, Wadanku waa dhulka aad awoodiisa leedahay, qarana waa dadka asal ahaan kasoo jeeda” “Dawlad waxaa loola jeedaa awood abaabulan oo dalka ka jirta. Sidaa darteed waxaad haysan kartaa wadan aan dowlad lahayn. Waxaan doonayaa in aan ida siiyo tusaalooyin meel uu ka jiro waddan laakiin aan Dawlad lahayn” “Ma jirto awood abaabulan oo ka taliya dhulkaas, Soomaaliya ayaa ah tusaale wanaagsan oo kamida, waxaa jira wadamo kale oo tira badan oo tusaale ah (laakiin) sababo diblomaasiyadeed awgeed ma rabo inaan sheegno.” ayuu yiri Madaxweyne Museveni. Sidee Dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen arintan Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si adag uga falceliyey hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Wadanka Uganda, waxayna sheegeen iyagoo qoraalo kusoo bandhigay baraha bulshada inuu Madaxweyne Museveni u gefey Dawladnimada Soomaaliya ayna tahay inuu hadalkaas raali gelin buuxda ka bixiyo. Heshiiskii nabada Muqdisho(Mogadishu peace Accord 1972) Hadii aan dib u eegno 1972, hogaamiyihii hore ee Uganda Ida Amin Dada ayaa bilaabay inuu madaafiic ku garaaco qaybo kamida wadanka Tanzania, sidoo kale Dawlada Tanzania ayaa isu diyaarisay inay dullaan adag oo aargoosasho ah ku qaado wadankaas, ururkii midnimada Africa oo farageliyey arintan ayaa ku guul-daraystay inuu wax ka qabto. Heshiiskii loo yaqaaney heshiiskii nabada Muqdisho(Mogadishu peace Accord) ayaa 5-tii October, 1972 ay labadaas wadan ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho, waxaana heshiiska fududeeyey xukuumadii uu hogaaminiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, heshiiskaas ayaana dalalkaas ka bad-baadiyey dagaal ba’an oo dhimasho iyo burbur weyn geysan lahaa. Hehiiskaas waxaa kamid ahaa afar qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ahaa:- 1. In la joojiyo dhamaan dhaq-dhaaqyada ciidan ee ay isaga soo horjeedaan labada dhinac, lana kala qaado dhamaan ciidamada hubaysan ugu dambayn 19-ka October, 1972, iyadoo la kala geynaayo masaafo aan ka yarayn 10-kiilomitir inta ay isu jiraan xuduudaha labada Dal. 2. in la joojiyo dacaayadaha hurinta collaadaha ee ka baxa warbaahinada labada Dawladood sida telefishinada, idacaadaha iyo wakaaladaha wararka. 3. in la joojiyo in ciidamada labada dal ka hawlgalaan xuduudaha u dhexeeya wadamadan, si looga hartago isku dhacyo iyo in collaadu dib usoo cusboonaato. 4. Ugu dambayntii siideynta muwaadiniinta ama hantida, haddii ay jiraan, ee ay kala qabsadeen labadda Dawladood intii ay dagaaladu socdeen. PUNTLAND POST The post Maxaad ka og-tahay heshiiskii Muqdisho ee ay collaada kaga bad-baadeen Uganda iyo Tanzania 1972? appeared first on Puntland Post.
-
Garowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan(Lafta Gareen) ayaa magaalada Garoowe Xarunta maamulka Puntland kulan kula yeeshey bulshada deegaanada Koonfur Galbeed ee ku dhaqan magaaladaasi. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa lakulmay haweenka,dhalinyarada iyo waxgaradka,isagoo ka xog wareysanayay xaaladda dhabta ah oo ay ku sugan yihiin iyo habka is dhexgalka bulsho. Qaar kamid ah buslhadii uu la kulmay madaxweynaha ayaa watbixin ka siiyay xaaladooda,iyagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wadanoolaashiyaha bulshada deegaanadaasi Puntland. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa fariin u jeediyay bulshadii uu la kulmay,wuxuuna ku booriyay in ay horumarka ka shaqeeyaan. “Ka qeybqaata horumarka,sameeya ganacsiga,dhulka dhista,gabdhah aguursada,waa dhulkiina dhulka,wixii dhimana xagga matalaada ah waad heleysiine”. ayuu ku dhiiroge geliyay madaxweyne Lafta Gareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa wafuudii magaalada Garowe uga qeybgashey caleema saarkii madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni. The post Lafta Gareen Oo Garowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland oo kaashanaysa hay’adda UNFPA, ayaa Garoowe ka daah-furtay, shir ku saabsan caqabadaha haweenka haysta, gaar ahaanna dhinacyada dhaqaalaha,caafimaadka, iyo ka qeyb-galka siyaasadda. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay; madax iyo saraakiil ka socotay UNFPA, UNSOM, safaaradaha dalalka Finland, Sweden, Switzerland, mas’uuliyiin ka tirsan jaamacadda Uppsala University ee dalka Sweden, xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo NGOs-ka maxalliga ah, marwada madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Drs Hodan Siciid Ciise iyo marti sharaf kale oo haween u badan. Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska dowladda Puntland, Maryan Axmed Cali oo faahfaahin ka bixisay shirkan, ayaa sheegtay in looga doodayo qodoba ku saabsan caqabadaha haweenka ka haysta dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka iyo doorka siyaasadda iyo sida looga gudbi karo caqabahadaha. Sidoo kale wasiirka ayaa soo bandhigtay waxqabadkii 2018 ee wasaaradda oo ay kamid tahay, in 100 gabdhood ay deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah heleen iyo in la dhisay 6 xarumood oo lagu daryeelo haweenka la kulmay tacaddiyada. Halkaan ka daawo faahfaahinta PUNTLAND POST The post Garoowe: wasaaradda haweenka Puntland oo daah-furtay shir ku saabsan caqabadaha haweenka appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Somalilandtoday) Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay sababtii hadal looga siin waayay caleemo saarkii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo lagu casuumay waxaanu madaxtooyada Muqdisho ku eedeeyay in ay loolan weyn u gashay sidii aanay mucaaradku uga hadli lahayn xafladda caleemo saarka. Cabdiraxmaan oo waraysi bixiyay ayaa la waydiiyay waxa ku gaarka ah ee loogu diiday ka hadalka xafladda “Taas waxa la waydiinaya waxa haddaba igu gaarka ah ee xisbiga Wadajir iyo hoggaankiisa gaarka ku ah ee loo beegsado ee loo weeraro ee hawlqabadkiisa caqabada loogu noqdo ee loo hor istaago kuwaas oo xooggoodu u badna magaalada Muqdisho ee dawladda Federaalku degan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa uu intaasi raaciyay sababta xukuumaddu u beegsato “ Waa uun siyaasad iyo shirqool ka socda dhinaca madaxtooyada, xataa waxaad la socota Kenya mar aanu damacnay in aanu dadka Soomaalida la kulano oo barmaamijyo ku qabano in nala caqabadeeyay iyada oo siyaasiyiin Kenyan ah la isticmaalayo tii uun baa halkana ka daba timid oo wax cusub maaha, aniga iguma cusba xisbiga Wadajirna kuma cusba dhegaha Soomaalidana kuma cusba,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdishakuur waxaanu intaas ku daray in dadkii madasha ka hadlay hadalladooda lagu xaddiday arrimo gaar ah. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo taageerada dalalka caalamka ay siiyaan Soomaaliya. Madaxweyne Geelle, ayaa ugu horeyn sheegay in Dowladaha caalamka ay hadda usoo jeesteen inay taageeraan dowladda islamarkaana ay qeyb ka yihiin dowladaha daneynaya in dib loosoo dhiso ciidamada dowladda. Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa ay ka saari doonto ciidamada ka jooga dalka ee qeybta ka ah AMISOM, waxaase uu xusay inay jiraan caqabado diidaya inay ciidamadooda ka saaran dalka. Waxaa uu xusay Madaxweynaha dowladda Jabuuti in dowladiisa ay tahay dowladda Ciidamada ugu yar ay ka jooggaan Soomaaliya sababtuna ay tahay in ay taageero iyo tababar joogto ah ay siiyaan Ciidanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo shacabka ayuu sheegay in looga baahan yahay iskutashi ballaaran oo ku aadan Ciidanka Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda. Hoos ka dhageyso codka Geelle. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Cod-Geelle.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maraykanka Oo Cunaqabateyn Horleh Saaray Waddanka Venezuela
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Venezuela)-Dowlada Maraykanka oo cadaadis ku heysa Xukuumada Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa sheegtay in la xayiray dhamaan hantida iyo dhaqaalaha shirkada Batroolka ee Venezuela u yaal wadanka Maraykanka. Dalka Maraykanka ayaa ah suuqa ugu weyn ee la geeyo batroolka laga soo saaro dalka Venezuela, hantida la xayiray ayaa waxaa kamid ah shirkada Citgo ee fadhigeedu yahay Maraykanka midaasi oo hoos timaada shirkada weyn ee batroolka Venezuela Petroleos De Venezuela SA (PDVSA). Maraykanka ayaa sheegay inuusan aqoonsaneyn xukuumada talada heysa ee Nicolas Maduro iyagoo sheegay inay taageersan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Venezuela Juan Guaido oo sheegtay inuu yahay Madaxweyne Kumeel gaar ah, Mr.Guaido ayaa taageersan go’aanka Maraykanka ee xayiraada isagoo sheegay in arrintan ay ka hortageyso in Maduro uu dhaco xoolaha Qaranka Venezuela. Nicolas Maduro ayaa sheegay in maxkamadaha caalamiga ah la tiigsan doonaan Maraykanka oo uu sheegay inuu usoo bareeray boobka iyo dhaca hantida Venezuela gaar ahaan batroolkooda. Wuxuuna sheegay in farogelinta Maraykanka wado uu keeni doono dhiig daata. Xukuumada Maraykanka iyo Mucaaridka Venezuela ayaa aaminsan xayiraada la saaray shirkada batroolka inay si gaar ah u taaban doonto Militariga Venezuela oo shirkadaasi dusha ka maamula kuwaasi oo hada ah awooda uu weli ku joogo Nicolas Maduro, iyagoo rajeenaya in militariga lagu cadaadiyo inay taageeraan mucaaridka Source -
(SLT-Afghanistan)-Ergayga Maraykanka u qaabilsan wadahadalka kooxda Talibanka ee Afghanistan ayaa sheegay in horumar weyn laga gaaray wadahalada lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Doxa ee dalka Qatar. Zalmay Khalilzad oo ah ergayga Washington u qaabilsan wadahadalka ayaa sheegay in Talibanka uu ogolaaday qodobo horudhac u ah heshiis la gaaro, arrintaasi oo uu ku sheegay inay tahay guul weyn. Talibanka ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaadeen mid kamid ah qodobadii ugu waaweynaa oo uu Maraykanka codsanayey kaasi oo ah in hadii ay ciidamadooda kala baxaan dalka Afghanistan aysan halkaasi dib ugu soo noqon ama saldhig u noqon kooxaha la dagaalamaya sida Al Qacida iyo Daacish. Balse waxaa jira qodobo aan weli lagu heshiiin oo ay kamid tahay Talibanka oo codsaday in Maraykanka sheego wakhtiga uu ka baxayo dalkooda, qodobkaasi oo ay sheegeen inuu fure ama bilow u yahay heshiis walba oo ay la galaan Maraykanka, dhinaca kale Talibanka ayaa diidan in wadahadalka lagu soo daro Dowlada Afghanistaan iyo inay ku dhawaaqaan Xabad-joojin. Xukuumada Afghanistan ayaa dhankeeda sheegaysa in heshiis kasta oo kasoo baxa kulanka Doxa uu dhaqan geli karo oo kaliya marka ay dowlada Kabul ay ansixiso. Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Maraykanka uga digay inuu ku deg dego inuu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan sidii dhacday sanadkii 1989dii markii Ruushka halmar ciidamadiisa kala baxay dalkaasi, tilaabadaasi oo keentay dagaal sokeeye oo ugu danbeyntii wadada u xaaray dhismihii kooxda Talibanka. Dowlada Maraykanka ayaa dhankeeda dooneysa inay xal u hesho dagaalka Afghanistan oo socda muddo 17 sano ah, waxaana uga baxay ciidamo iyo dhaqaale aad u badan. Source
-
(SLT-Uganda)-Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inay jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad maamusha, isagoo tusaale u soo qaatay Soomaaliya. Yoweri Museveni ayaa hadalkan ka sheegay shir sannadeedka Hey’adda Garsoorka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya aanay laheyn dowlad maamusha. “Waxaa jira waddamo badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, laakiin ma haystaan hay’ad abaabulan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale laakiin ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”ayuu yidhi Madaxweyne Museveni. Uganda ayaa xilligan waxaa ka jooga Ciidamada ugu badan ee howlgalka AMISOM, sidoo kale waxay Ciidamada Uganda ka hayaan ilaalo xarumaha dowladda, sida Madaxtooyada, Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha. Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan hadalka Madaxweyne Museveni, balse waxaa loo arkaa in aanay dowladdu ku degdegin doono go’aan dhaqse ah oo ay xilligan gaarto, marka loo eego Uganda oo ah mid ka mid ah dalalka Gobolka ugu xooggan, isla markaana Ciidamo fara badan ka joogaan Soomaaliya. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ka carooday hadalka Madaxweynaha Uganda, iyagoo uga fal celiyay baraha bulshada, hase ahaatee dad kale ayaa sheegaya inuu arkay in Dowladda Soomaaliya aanay xilligan awood laheyn, kuna tiirsan tahay Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika. Source
-
(SLT-Washington)-Wasaaradda cadaaladda ee Mareykanka ayaa dacwado dhawr ah waxa ay ka gudbisay madaxa dhaqaalaha shirkadda tiknoolajiyadda ee Huawei ee laga leeyahay dalka Shiinaha Meng Wanzhou. Dacwadaha laga gudbiyay waxaa ka mid ah, wax idaba marin lagu sameeyay bangiga iyo fiilooyin, shariciga Mareykanka oo la baalmaray iyo xatooyo loo geeystay shirakadda technology-adda T Mobile ee laga leeyahay Mareykanka. Ms Meng ayaa waxaa bishii aynu so dhaafnay lagu xiray dalka Canada kadib markii uu mareykanka ka codsaday in la xiro Meng, taasi oo xilligaasi lagu soo edeeyay in ay baalmaratay sharcigii cuna qabataynta lagu soo rogay Iran. Haseyeeshee kiiskaasi ayaa waxa uu xumeeyay xiriirkii ka dhaxeeyay Shiinaha, Canada iyo Mareykanka. Ms Meng iyo shirkadda Huawei ayaa waxa ay labaduba iska fogeeyeen eedeeymahaasi loo soo jeediyay. Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa dhammaan cuna qabataynadii Iran laga qaaday sanadkii 2015-kii dib ugu soo celiyay oo xitaa ugu sii daray cuna qabateynno kale oo dheeraad ah, taasi ayaana keentay in Mareykanka uu il gaar ah ku eego shirkad kasta oo ganaci la sameeyneyso Iran. Bilihii ugu dambeeyay dhawr waddan ayaa soo gubiyay walaac dhanka aminiga ah oo ku aaddan shirkadda Huawei iyadoo Mareykankana uu shirakadaha iyo dalalka ku dhiira galinayay in aysan iibsan wax yaabaha ay soo saarto shirkadda Huawei. Isniintii shalay ayay ahayd markii lagu dhawaaqayay in saraakiil sar-sare oo Shiinees ah ay toddobaadkan gudihiisa imanayaan magaalada Washington si ay Mareykanka ugala xaajoodaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ganacsi ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha. Balse wasiirka ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross ayaa sheegay in aysan waxba iska galin dacwadaha loo heeysto shirkadda Huawei iyo dadaallada wadada hadallada ganacsiga ee shiinaha iyo Mareykanka. Maamulka madaxweyne Trump ayaa badeecadaha shiinaha ee loo dhoofiyo Mareykanka ku soo rogay canshuur ka badan $250 bilyan oo doolar, kadibna xukuumadda Beijing ayaa isna wacad ku maray in uu tallaabo taa la mid ah qaadi doono. Source
-
Jabuuti (PP) ─ Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay qorshaha ciidamada AMISOM ay uga baxayaan Somalia ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay in ciidamada AMISOM ay ka baxaan Somalia, isagoo hadalka sheegay xilli uu shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Jabuuti. Geelle ayaa hadalkiisa ku billaabay inay muhiim tahay in la dar-dar-geliyo sida ay ciidamada AMISOM uga bixi lahaayeen Somalia, isagoo intaas ku daray in xilligan ciidamada Somalia ay ku filan yihiin inay sugaan ammaanka guud ee dalkooda. Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ciidankooda ay yihiin kuwa ugu yar ee ka tirsan AMISOM, isla markaana ay siiyaan ciidamada Somalia taageero iyo tababar joogto ah si dib loogu dhiso awooddii ciidamada guud ee Soomalaiya. “Dowladaha AMISOM iyo Dowladda Turkigu dadaal weyn ayay geliyeen sidii ciidamada Soomaaliya loo nooleyn lahaa loona qalabeyn lahaa. Inkasto wax badan ay maqan yihiin haddana maanta way awoodaan inay maamulaan oo ay sugaan amniga guud ee dalkooda,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mar kale yiri. “Ma jiraan dowlado xilligaan la dagaalamaya Somalia oo wata diyaarado dagaal iyo taangiyo, sidaas awgeed haddii ciidamada millateriga iyo booliiska Somalia ay isku tagaan waaxan qabaan inay amniga sugi karaan.” Dhank kale, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu tilmaamay in ciidamada Somalia ku sugan ay hawshooda weyn ahayd inay tababaraan oo ay qalabeeyaan ciidamada Somalia, isla markaana ay ku wareeyaan sidii ay amniga dalkooda u hanan lahaayeen, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan inay arkaan ciidamadooda oo ilaalnaya, maadaama ay muddo soo arkayeen ciidammo shisheeye oo amnigooda sugaya. Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweyne Geelle ayaa wuxuu imaanayaa xilli lagu wado in la dhimo ciidamada AMISOM, inkastoo dalalka ay Ciidanka Midowga Afrika ay diidan yihiin inay ciidammo fara badan ka bixiyaan Somalia iyagoo ku doonaya inaan la gaarin heerkii ciidamada Somalia lagu aamini lahaa inay amniga dalkooda hantaan. DHAGEYSO: Hadalka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/DHAGEYSO_Madaxweynaha_Jabuuti_Geelle.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweyne Geelle oo ka hadlay awoodda ay Ciidanka Somalia u leeyihiin Sugidda Amniga appeared first on Puntland Post.
-
Amarkaasi dartii, waxaa kala irdhoobey qoysas badan, dadka musaafirka ahaa oo jaho-wareer ku dhacay, arday ayaa jaamacado tagi waayey, caruur iyo waalid ayaan is arkin, dadka xanuunsan iyo dad dhintay ayaa loo tagi waayey. Amarkaas waxaa uu saameeyey Iran, Suuriya, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo dalka Yemen. Qodobada uu Trump soo saaray waxaa ka mid ahaa . In la joojoyo barnaamijka aqbalaadda qaxootiga muddo 120 maalmood ah. In xayiraad la saaro xaqootiga ka imaanaya waddanka Syria, marka laga reebo dadka masiixiga ah oo si gaar ah loo eegayo. In la joojiyo qaabilaadda dadka ka imaanaya waddamada Ciraaq,Syria iyo goobaha ay ka jiraan rabashadaha Muddo 90 maalin ah. In la xadido dadka Mareykanka weydiisanaya magangelyada kuwaas oo ku dhisan caadaadisyada dhanka diinta ah iyo inuu qofka uu ka soo jeedo meelo laga tiro badan yahay . In la jooiyo dadka Mareykanka ku galaya wareysi la’aanta kuwaas oo u fududeynaya iney helaan Visa, iyada oo la marinayo waraysiyo gaar ah. Arrintan ayaa waxay saameynaysaa dadka haysta green Card-ka, ardayda, iyo dadka doonaya iney Mareykanka galaan si loogu soo daweeyo iyo kuwo kale Sanadkii tagay, maxkamadda sare ayaa ayiday go’aanka Trump iyo dowladdiisa kadib dagaal xagga garsoorka ah oo waxbo la isku reeban. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Boosaaso)-Dagaal uu dhexeeya kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa saaka waabarigii ka billoowday deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso. Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas socotay muddo saacdo ah, oo labada dhinac ay is-waydaarsanayeen, inkastoo ayasan dhaawac iyo dhimasho midna aan ishoodu qaban. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale. Ma jiraan wax faah-faahinno ah oo intaas dheer oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa. 18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee maanta uu daagalku ka dhacay, kadib markii maleeshiyo Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin, iyagoo duulaan ku ah fariisimaha Daacish ay ku leeyihiin buuraha gobolka Bari. Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dagaaladan la sheegay in ay u dhexeeya Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, Daacish iyo Al-Shabaab ayaan ka hadlin dagaalka, lamana oga sababta dhabta ah ee daalka ka danbaysa. Source
-
Mid kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa rajo ka muujiyey in xilligan ay isku soo dhowaadaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada. Idiris Sheekh Xasan oo ku sugan dalka Finland ayaa sheegay in hadda ay muuqato astaan muujineysa iney madaxda Soomaalida isku meel uga soo jeedsanayaan ka shaqeynta aayaha dalka. Idiris ayaa sheegay in caleema saarkii madaxweynaha Puntlad lagala kulmay waxyaabo aan horey loo fileyn, kuwaasi oo ah iney isku soo dhowaadaan madaxdii dowlad goboleedyada qaar ee khilaafka kala dhaxeeyey DFS. Waxaa hadda muuqata rajo wanaagsna, waayo waxa haray waxay ahaayeen Xaaf iyo Axmed Madoobe, ma haystaan garab kale, iyaguna wadahadal ayeey doorbideen Bisha March ee sanadkaan ayaa la filayaa in si rasmi ah u wada xaajoodaan madaxda dowladda federaalka iyo sidoo kale kuwa maamul goboleedyada, si loo helo xasilooni siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Venezuela)-Xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan gudaha waddanka Venezuela ayaa halis ugu jira iney isu rogaan kuwo caalami ah, maadaama ay dalalka ugu quwadda weyn caalamka kala taageersan yihiin dowladda iyo mucaaradka dalkaas. Iyadoo Arbacadii ay mudaharaadyo lagu dalbanayay inuu is casilo madaxweyne Nicolas Maduro isu baddaleen qalalaase, hoggaamiyaha garabka mucaaradka ugu caansan ee lagu magacaabo Juan Guaido ayaa si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaas. Waxa uu durba taageero ka helay Mareykanka, Canada iyo qaar ka mid ah waddamada awoodda leh ee dariska la ah Venezuela sida Brazil, Colombia iyo Argentina. Midowga Yurub wuxuu ku baaqay in dalkaas laga sameeyo doorashooyin hor leh, waxa uuna sidoo kale taageero u muujiyay golaha wakiillada qaranka ee uu hogaamiyo Mr Guaido. Hase ahaatee dalal koox ah oo taageersan madaxweyne Nicolas Maduro waxaa ka mid ah dalalka awoodda badan ee kala ah Ruushka iyo Shiinaha. Maalintii khamiista ahayd, xukuumadda Moscow waxay ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta dhawaaqa Guaido uu isugu magacaabay xilka madaxweynaha, waxayna arrintaas ku tilmaantay “mid si toos ah u horseedeysa in sharciga lagu tunto oo la banneysto daadinta dhiigga”. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan ka digeynaa tallaabada noocaas ah ee qallafsan, taasoo horseedi karta cawaaqib aad u xun”. Dhanka kale, isla maalintii khamiista ahayd, af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Hua Chunying ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Shiinuhu uu ka soo hor jeedo faragalinta shisheeye ee ku lifaaqan xiisadaha ka aloosan dalka Venezuela. “Shiinuhu wuxuu taageersan yahay dadaallada ay dowladda Venezuela ugu jirto iney ku ilaaliso qaranimadeeda iyo madaxbannaanideeda isla markaana kusoo celineyso xasiloonida”, ayuu yiri Hua Chunying. Dalalka Turkiga, Iiran, Mexico, Cuba iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageero middaas la mid ah u muujiyay madaxweyne Maduro. Balse waxay u badan tahay in xiisaddu ay isu baddali karto mid caalami ah, maadaama saraakiisha dalalka Venezuela iyo Mareykanka ay hadallo kul kulul hawada isu marsiiyeen. Wax yar ka dib markii uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sheegay inuu Guaido u aqoonsan yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela, madaxweyne Maduro ayaa ku dhawaaqay inuu xiriirkii diblomaasiyadeed gabi ahaanba u jaray Mareykanka. Source
-
mudanayaal ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ah usoo jeediyay in aan lagu fiirsan ciidanka Kenya dhibaatada ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaannada Jubbaland. Axmed Macallin Cumar Nadir iyo Axmed Cabdi Xafiid Bulsho oo kamid ah Senator-ada laga soo doortay Jubballand ayaa sheegay in muhiim ay tahay in lagula xisaabtamo tacaddiyada ay geystaan oo aysan jirin cid wax iska weydiisa. Waxa ay shegeen in goobo badan oo ganacsi ay bur buriyeen iyadoo howlgallo aysan jirin taas oo xad gudub ku ah arimaha bini’aadannimada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/SENATORADA-AQALKA-SARE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliya ciidanka Uganda ee Soomaaliya Brig. Gen. Michael Kabango ayaa todobaadkan booqday goobaha ay ciidamada Uganda ka joogaan Barawe iyo Maryan Gubay, si uu u hubiyo qaabka shaqo. Ciidamada uu booqday waxaa ay qeyb ka yihiin kuwa AMISOM, gaar ahaan Sector I, ee fadhigoodu yahay shabeellada hoose. “Ha luminina xiriirka aad la leedihiin bulshada”, Kabango ayaa sidaasi ku yiri ciidamada mar uu u khudbeynayey. Kabango ayaa intaasi raaciyey “Al-Shabaab waxaa ay wajahayaan dhibaato maaliyadeed mar haddii magaalooyinkii xeebta ahaa oo ay lacago ka heli jireen ay dowladda qabsatay. Waxaa ay dadka u dhigtaan jid-gooyo iyaga oo lacago baad ah ka qaato”. Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa 6,223 oo ciidan. Uganda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya waxaa ay ka howl-galaan Sector 1 oo ka kooban Gobolkan Banadir (Mogadishu), iyo labada shabeelle midda dhexe iyo midda hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa ugu baaqay shacabka Soomalaiyeed in ay ka shaqeeyaan horumarka iyo midnimada Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland ay ka shaqeyn doonto, sidii la’isugu keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed, loona dhameyn lahaa tabashooyinka jira. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay isu tanaasul iyo wada shaqeyn, si loo gaaro horumar iyo barwaaqo. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay kulan is afgarad ah madaxweynaha DFS iyo madaxda maamul goboleed ay ku yeesheen M/ Garoowe ee xarunta Puntland. The post Deni Oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (PP) ─ Booliiska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen koox dhalinyaro ah oo loo qorayay Al-shabaab, kaddib hawl-gallo ballaaran oo ay ka sameeyeen gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya. Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in dhalinyarada la qabtay ay isugu jiraan rag iyo dumar, isla markaana ay ku hawllanaayeen abaabul ay doonaayeen inay ugu biiraan xoogagga kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta Somalia. Taliyaha booliiska Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyaradaan lagu soo qabtay deegaanno ay ka mid yihiin kuwa Waqooyi-bari Kenya iyo kuwo kale oo ku yaalla maamullada kale ee Kenya. “Dhallinyarada aan qabannay waxay ahaayeen kuwo wax-bartay, waana kuwo aan haysan wax shaqooyin ah,” ayuu yiri taliyaha oo xusay inay filayaan in baaga-muudadu ay sabab u tahay inay u doorteen inay Kooxda Al-shabaab ugu biiraan. Sidoo kale, Wuxuu sheegay inay ku raad-jooggaan xubno la aaminsan yahay inay qaabilsan yihiin qorista dhallinyarada ku biiraysa Al-shabaab oo Kenya ku sugan, inkastoo uusan sheegin magacyadooda iyo goobaha ay tuhmayaan inay ku sugan yihiin. Hadalka taliyaha booliiska Kenya ayaa wuxuu imaanayaa xilli toddobaadkii ka hora ay kooxda Al-shabaab weerar khasaare badan geystay ku qaadeen hoteel ku yaalla deegaanka Westland ee magaalada Nairobi, kaasoo ka mid noqoday weerarradii ugu khasaaraba badnaa ee Kooxda Al-shabaab ay ku qaado Kenya. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sannadihii ugu dambeeyay dagaalyahanno ka helaysay dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood dib ugu laabtay Kenya kaddib markii ay cadaadis kala kulmeen Al-shabaab iyo kuwo kale oo dagaallada ku dhintay. PUNTLAND POST The post Dhallinyaro Doonayay inay ka mid Noqdaan Ururka Al-shabaab oo Gacanta lagu Dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka waxaa shir guddoominayya Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka tamarta iyo kheyradka biyaha, masuuliyiin ka socotay xafiiska Ra’isalwasaaraha, wasaaradda Qorsheynta iyo wakiilka Bangiga aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel Bangiga aduunka ayaa kulan ku soo bandhigay qiimeyn laga sameeyay dhulka qalalan ama aanu wabiga marin ee dalka iyo dadka nool sida ugu wanaagsan ee ay uga faaiidaysaan karaan biyaha iyo beeraha oo bangigu ugu talagalay mashruuc ay ka baxayso 42 milyan oo doolar. Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dowladda federaalka Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali ( Qaloocoow) waxa uu sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay dalka. “waa lacago lagu fulinayo mashruuc Beero, xoolo iyo biyo oo isla socdo oo dalka oo dhan ah. qeybtiisii hore waxaa laga fuliyay Somaliland waxaa ku xigtay Puntland hadana waxa laga fulinaya dhammaan dowlad goboleedyada kale, waa mid muhiimad weyn leh waxaana uu wax ka taraya beeraha roobka lagu falo iyo biya celinta” ayuu yirri Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Wakiilka Bangiga Aduunka Hugh Riddel waxa uu tilmaamay mashruucaan inuu taageero soo kabashada bulshada ku nool dhulka aanu wabiga marin. “Mashruucani waa mid muhiim ah bulshada una wanaagsan, dadku waa ay fahmayaan muhiimada biyuhu u leeyihiin iyo caqabadaha ka heysta heer bulsho, waxay wax ka qabanayaan hantida bulshada sida barkadaha, baliyada iyo biya xereenada, mashruucaan waxaa uu ka biloowday Soomaliland iyo Puntland, Soomaaliya waxa ay samaynaysaa hormar dhinaca maamulka maaliyada ah iyo daqliga waxaan dareemaynaa kalsooni waxaan maalgalinaynaa wax badan, waxaan balaarinaynaa mashruucaan waxaana gaarsiinaynaa Galmudug iyo Koofur galbeed si ay u soo kabtaan, mustaqbalka dhowna waxaan u dhaqaaqaynaa Hirshabeelle iyo Jubbaland” ayuu yirri Wakiilka Bangiga Aduunka La’aanta keydadka biyaha roobka xiliga uu da’ayo si looga faa’iidaysto waqtiga roob la’aanta waa mid ka mid ah caqabadaha haysta dadka ku nool miyiga waxaana mashruucani uu noqon karaa mid wax ka tara helida keydadka biyaha hadii uu u hirgalo sida loogu talagalay 5 sano ee soo socota oo uu mashruucani soconayo. The post Bangiga Aduunka Oo wada mashaariic looga faa’iideysanayo biyaha appeared first on Shabelle. View the full article
-
London (Caasimada Online)-Qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni. Madaxweynaha Uganda ayaa u gafay dowladda Soomaaliya, waxaana dadka falanqeeya siyaasadda Africa ay ku sheegeen inuu yahay mid gaf weyn ku ah qaranimada Soomaaliya. Aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis oo falanqeeya siyaasadda geeska Africa ayaa sheegay in hadalkaasi uu muujiyay waxyaabihii ay sanado badan ka digi jireen aqoonyahanada Soomaaliyeed. “Madaxweynaha warkiisa wuu cadaa, wuxuuna cadeynaayay waxaan sanado badan dalka ka qoreynay, sababtoo ah horey ayaan u sheegnay in magaalooyin qaar aysan iska warheyn, waxaana meesha ka muuqata in labo dowladood oo isla socdo ay ka jiraan magaalooyinka Muqdisho”. “Al Shabaab iyo dowladda ayaa isla maamula Muqdisho, sababtoo ah Al shabaab Canshuur ayay ka qaadaan Bakaaraha dowladdana wey ka qaadaa, waxaana meesha ka muuqata labo dowladood oo is barbar socda”. “Madaxweynaha Uganda dowladda Soomaaliya wax talaabo ah kama qaadi karto, sababtoo ah wuxuu kamid yahay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, ciidanka ugu badan ayaa ka jooga Uganda awood ayuuna leeyahay”. “Madaxweynaha Uganda ma ahan nin loo babac dhigo karo, sidii Nicholay Haysom, dowladda Soomaaliya waxay sameyn kartaa inay si hoose ula hadasho, laakiin ma ii muuqato talaabo cad oo ay ka qaadi karto, haddii ay ku dhaqaaqaana cawaaqib xun ayaa ka dhalan doona” ayuu yiri Mr Ingisiis. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Popular Contributors