Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,338
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 January 2019 qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u fadhiya [...] Source
  2. Balcad Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo ka kala amar qaata guddoomiyaha Balcad iyo xoghayaha cusub ee degmadaaasi. Labada mas’uul ayaa isku qabtay arrimo la xariira maamulka, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Inta la og yahay waxaa iska hor imaadkan ku dhintay hal qof , iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ahaa dhinacyadii dagaalamay. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Balcad.mp3 The post Iska hor imaad khasaaro geystay Oo ka dhacay Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Cadaado ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qof shacab ahaa lagu dilay agagaarka deegaanka Godinlabe ee gobolkaasi. Dilkan ayaa la sheegay in ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah, iyadoona uu salka ku hayo Aano Qabiil. Xiisad ka dhalatay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay ka taagan tahay duleedKa magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale waxgaradka deegaanka ayaa bilaabay dadaaallo nabadeed oo looga hortagayo colaadaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. The post Kooxo hubeysan Oo qof Rayid ahaa ku dilay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa la sheegayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ajaanib u shaqeynayey mid ka mid ah shirkadaha ka howlgala Muqdisho. Inta la xaqiijiyey 3 Injineer iyo askari la socday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana isla markiiba la geeyey cusbitaallada Muqdisho. “Waxaan idin xaqiijineynaa in qarax lala eegtay Injineero Somali iyo ajaaniib isugu jiray oo ka tirsan Shirkadda Korontada BECO, dhaawacyo ayaa soo gaaray iyaga oo Afar ah oo uu ku jiro Askari, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan ka dambeeyay, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.” ayuu yiri Xoghayaha Degmada. Garas-baaley Musharaf Cabdi Axmed. Wararka qaar ayaa sheegaya in injineerada ajanaiibta ah ay kasoo jeedaan dalka Shiinaha. Lama qaabka iyo sababta loola beegsaday, weli kama hadlin hey’adaha amniga iyo shirkadda ay ka socdeen intaba. Maalmo kahor ayay aheyd markii Qarax gaari oo ka dhacay Degmada Hodan lagu beegsaday Dhaqaatiir isugu jirta Somali iyo Syrian, xilligaasi oo ay ku dhaawacmeen Afar Dhaqaatiir ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan M/ Muqdisho ayaa aragti ka bixiyay hadal gaf ku ah DFS oo ka soo yeeray Madaxweynaha daka Uganda Yoweri Museveni, kaas oo ku aadanaa in Soomaaliya aysan lahayn dowlad jirta. Dadweynahani oo la hadlay Shabelle ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay warkaasi, waxaana ay ugu baaqeen DFS in ay ka jawaabto. Arrintan ayaa hadal heyn badan ka dhex dhalisa baraha bulshada, iyadoona laga war sugayo jawaabta ay bixineyso dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-turki-.mp3 The post Shacabka Muqdisho Oo aragti ka bixiyay hadalkii Museveni appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii barqanimadii maanta ka dhacay nawaaxiga Taalada Daljirka Daahsoon ayaa la dhigay goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah darawallada ka shaqeeya gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambalaas oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay khasaaraha qaraxaasi. Waxaana uu tilmaamay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka qaadeen illaa 4 Qof oo qaba dhaawacyo kala duwan. Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa waxyeelada ugu badan ay ka soo gaartay dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. The post Dad dhaawacyo ah Oo la dhigay Isbitaallada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Jalalaqsi ( Sh. M. Network )-Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in dhowr jiho looga qaaday saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiiin duleedka degmadaasi. Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in khasaaro lixaad leh weerarkaasi ay ku gaarsiyeen Ciidamadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro la bartilmaameedsada saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo weeraray Saldhig ku yaalla Jalalaqsi appeared first on Shabelle. View the full article
  8. London (Caasimada Online) – Hay’adda Transparency International, ayaa soo saartay warbixinteeda sanad laha ah ee looga hadlo waxyeellada musuqa. Sanadkan waxaa ay Hay’adda sahan ku sameysay 180 dal oo Caalamka oo dhan ku yaalla, waxaana loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuqa iyo kuwo ka guuleystay. Dalalka ka guuleystay waxaa safka hore ka galay Denmark, iyo New Zealand, kuwaas oo keensaday dhibco gaaraya 88 iyo 87 oo ka mid ah 100-ka dhibcood ee qiimeynta, sida ay u kala horreeyaan. Dhinaca Waddamada uu la degay musuqa ee uu hoos u dhigay Dimuqraadiyadda waxaa hoggaaminaya Soomaaliya, Syria iyo Koofurta Suudaan, waxaana ay keensadeen dhibco gaaraya 10, 13, iyo 13, sida ay u kala horreeyaan. Si kastaba, Somalia ayaa hal dhibic kor uga soo kacday sanadkii 2017, markaasi oo boqolka dhibcood ay ka heshay kaliya sagaal, halka qiimeynta sanadkii 2018, ay heshay 10 dhibcood. Warbixinta waxaa kale oo lagu muujiyay in Gobolka ugu musuqa badan Caalamka uu yahay waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana ay tiradoodu gaareysaa 32 dal. Falanqeynta iyo abla ableynta Jaantuska ay soo bandhigtay Hay’adda Transparency International, ayaa muujinaya in 90% uu musuqa saameeyay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-290119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ugu yaraan labo Qof ayaa ku dhimatay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay nawaaxiga Wasaaradda Batroolka, Ex Baarlamaan ee magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasaddda maamulka gobola Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed Tuulax. Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay in Gaariga qarxay goor hore la soo dhigay meesha ay wax ka dhaceen, islamarkaana dadka wax ku noqday ay yihiin shacab ka agdhawaa halkaasi. Ma jirto illaa iyo iminka cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse Al Shabaab ayaa qaraxyo nuucaan oo kale ah horay uga fuliyay magaalada Muqdisho. Sidoo kale lama oga bartilmaameedka weerarkan, walow meesha ay wax ka dhaceen ay tahay goob istaraatiiji ah oo ay u dhow yihiin xarumo wasaaradeed oo ay ka mid tahay wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya. Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa sanadka cusub ee 2019, marka loo eego qaraxyo ubadnaa kuwa lagu xiray Gaadiid ay wateen shaqsiyaad ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, waxaana qaraxyadan ay dhacayaan, xilli isgoysyada Muqdisho iyo baraha koontarool la soo buux dhaafiyay Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano ku sameeya Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxda ee gaarka loo leeyahay. The post Faah faahin:-Qarax xoogan Oo ka dhacay M/Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  11. At least two people are reported to have been killed and five others wounded in a car bomb explosion in Mogadishu, the Somali capital on Tuesday morning. Mohamed Abdullahi Tuulah, the deputy Mogadishu mayor on the security and political affairs confirmed the casualties to the reporters, saying the incident is under probe. No group has claimed responsibility for the blast which occurred outside a petrol station in near Daljirka Dahson monument in downtown Mogadishu. Al Shabaab has in the past carried out such attacks in the capital as part of its fight against Somali government and the African Union forces [AMISOM] in the country. The post Two dead, five wounded in car bomb blast in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay bar ay ku sugnaayeen ciidamada amniga Weerarkaan [...] Source
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa maanta waxa uu ka qayb galay munaasibad lagu daah furayay xafiiska Urur ay ku midaysan yihiin haweenka Soomaaliyeed [...] Source
  14. Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in gaarigan uu ku ag qarxay meel ku dhow wasaaradda Batroolka, waxaana ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, iyadoo halkaasi laga qaadayo dadka ay waxyeellada soo gaartay. Weli lama hayo faah faahin intaan ka badan oo qaraxan ku saabsan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo badan oo dowladda federaalka ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Cusub ee Ethopia u fadhin doona Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay iyo [...] Source
  16. Aqoonyahanno iyo axsaab siyaasadeed oo ka hadlay waxa uu ka dhiganyahay warkii Yoweri Museveni ee ahaa in Soomaaliya ay ku jirto dalalka aanan laheyn maamul iyo dowladnimo dhab ah ayaa intooda badan sheegay inuu ku saxnaa balse qaarkood ayaa intaasi ku daray in laga fiicnaa hadalkiisa dambe oo tusineysa qiimo dhac iyo in dalalka uu ka xishoodo aaney ku jirin Soomaaliya. Axmed Cumar Gaagaale oo ah guddoomiyaha xisbiga xuriyadda Soomaaliyeed oo arrintan aan ka wareysaney ayaa yiri “Yoweri Museveni, waa madaxweyne khabiir ah, waxaa uu arkay in shaqada dowladnimada Soomaaliya aaney u socon sidii la rabay, calaamooyin dowladnimo aaney jirin”. Gaagaale oo sii-hadlaya ayaa waxaa intaasi raaciyey “Xumaan ma aha hadalka madaxweyne Yoweri Museveni, waxaan u arkaa guubaabo, wax laga caroodo ma aha”. Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo isna ka hadlay waxa uu ka dhiganyahay hadalka Yoweri Museveni ayaa yiri “Waa saxan yahay hadalka Museveni, dalkan ciidamadiisa waqti badan ayey joogaan, halgan ayuu u galay inuu dhiso Soomaaliya, ciidamada ugu badan ee jooga isaga ayaa leh, difaaca dalkana u dhinteen, xilligan waxaa ay rabeen abaal sheegad, ninkan madax walbo ayuu la sheekeystay, laakin hadda meeshan inay maran tahay ayuu arkay. Uganda haddii aaney joogteen dowladnimadan yar maba jirteen, intii la dhihi lahaa lacag ayey qaataan ha laga shaqeeqo siyaasad ay ciidamada shisheeye ku baxaan, oo hala dhiso ciidamo qaran”. Waxaa sidoo kale jiray aqoonyahan la hadlay Goobjoog News oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso iyaga oo sidoo kale difaacay hadalka Yoweri Museveni, kuna dooday in aanu aheyn shakhsi Soomaaliya xummaan la rabo marka la fiiriyo shirarka uu qabtay, ciidamada uu u soo diray, oo AMISOM lagu dul dhisay, isaga oo ahaa hoggaamiye Afikaan kii ugu horeeyey ee Muqdisho yimaada iyo arrimo kale. Mid ka mid ah aqoonyahankaas ayaa sheegay inuu Yoweri Museveni qalad ku galay markuu dhahay dalal kale waxaan uga tagayaa sababo diblomaasiyadda awgeed, taasi oo muujineysa inuusan Soomaaliya ka xishoon. Dhammaan inta la hadashay Goobjoog News waxaa ay qabaan in la gaaray xilligii hurdada laga kici lahaa, la dhisi lahaa ciidamo qaran oo hanta amniga, lagana shaqeeyo siyaasad amni iyo inay ciidamada shisheeya ka baxaan Soomaaliya. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo isniintii ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa ayaa yiri ‘Dalal badan oo waxaa jira aaney ka jirin dowladnimo, waa iska jiraan ee ma laha maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa. Kuwoo badan ayaa jira laakin ma sheegayo sababo diblomaasiyadda awgeed”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho. Dad goobjogaayaal ah ayaa soo wariyay in Qaraxa uu ka dhashay Gaari dhex yaalay Kaalin shidaal oo ku taalla halkaasi. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhasay qaraxaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay kuwaas oo gabi ahaan xiray wadooyinka soo gala halkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Qarax Gaaari Oo goor dhow ka dhacay magaalada appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto. Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay mid aan meeshii ku habboonayd oolin, ayaa sheegay in hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaalida laga rabo in ay ka soo baxaan shuruudaha caafimaadka xoolaha iyo kuwa dhinaca maxjarrada ah ee ay wasaaraddu hore uga dalbatay. Waxa aanu wasiirku mar kale ku celiyey in weli xayiraaddii xoolaha Soomaalidu ay dhaqan gal tahay oo aan la qaadin. Isaga oo sababtana ku sheegay ilaalinta badqabka muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool boqortooyada iyo sida oo kale dadka xajka u yimaadda guriga Alle ee xaramka. Wargeyska Al-madiina oo ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray in wasiirku uu hadalkan sheegay mar uu Axaddii 27 ka jeenaweri la kulmay tiro ka mid ah maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Makah Al-Mukarama. Wasiirka ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku fashilantay in ay ka soo baxdo shuruudda uu Sucuudigu ku xidhay, si uu u aqbalo xoolaha ay u dhoofiyaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa aanu la kulannay tiro ka mid ah wasiirrada Soomaalida, waxa aanu ku heshiinnay in ay buuxiyaan shuruudaha dhinaca maxjarrada ah ee laga rabo, si aanu xayiraadda uga qaadno xoolaha ay soo dhoofiyaan, laakiin waxa aan ka xumahay, in aanay illaa imika ka soo bixin shuruuddaas.” Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay bilowday in ay dalal kale ka soo dhoofsato xoolaha, si loo daboolo hilib yaraata ka dhalan karta xoolaha Soomaalida ee la joojiyey. Geeska Qaran News
  19. The newly elected president of Puntland, Said Abdullahi Deni has called on the country’s Federal and regional leaders to work the unity of Somalia after meeting in Garowe city. Deni, who was elected on 8th January said Monday that his region will host a reconciliation conference to resolve the difference between the central government and Federal states. Speaking at a press conference at Puntland president palace on Monday, Deni said the summit will bring together the Federal and regional leaders in mid-March in Garowe. The meeting will be held at the request of Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo. The post Puntland president calls on leaders to work the country’s unity appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo maanta ku qarxay afaafka hore Kaalin Shidaal oo ku taalla agagaarka Xaruntii hore ee Baarlamaanka. Laba Qof ayaa ku geeriyootay shan kalana way ku dhaawacantay Qaraxaasi sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka dhanka Ammaanka gobolka Banaadir. Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano iyo howlgallo, islamarkaana qaraxaasi uu ahaa mid si hoose goobta loo soo galiyay. Gaariga qarxay ayaa yaalay goobta gaadiidka la dhigto ee Kaalinta, waxaana qaraxa gaariga uu saameeyay goobta Kaalinta Shidaalka oo dab uu qabsaday. Lama oga cidda meesha dhigtay gaarigaasi kadibna ka tagtay iyo cid si rasmi ah loola beegsaday qaraxaas, inkastoo Booliska oo meesha tagay ay wadaan baaritaan. Hoos ka dhageyso Tuulax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/tuulax.mp3 Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  21. Buuraha dhaadheer anigoo kolba mid dusha uga baxaaya, ayaa markii danbe . cagtii ila siibatay oo aan buurtii dhinaca kale uga dhacay. Waxaan dusha kaga dhacay Cariish, oo dhaawac badani ima soo gaadhin . Waxaan arkay dad badan oo isdaba lugaynaaya oo aad moo did in ay INDHO LA,YIHIIN , sida ay isu daba socdan. Waan la hadlay, laakiin iimay jawabin , ismanay taagin. Kadibna waxaan weydiiyey in ay i arkayaan iyo in kale iyo in ay indho la’ yihiin ? Waxay i waydiiyeen : waxay indhuhu yihiin ? iyo waxa ay tahay indho la@aantu ? iyo waa maxay aragu ? iyo waa maxay waxyaabahan uu ka hadlayaa ee aanay weligood maqlin ? Waxa uu su.aalay : miyaanay Buurahaa dhaadheer iyo Cirkan iyo Dhirtan iyo Dhulkan aanay arkayn Waxay su:aal dib ugu celiyeen isagii iyo waxa uu sheegayaa ee uu ka hadlayaa . waxa ay yihiin ? Waxa uu ka ogaaday in ay weligood sidan ahaayeen oo sidan ku dhasheen iyaga iyo Waalidkoodba iyo Awoowooyinkoodba . oo Cudurkan uu sheegaayo aanay weligood maqlin. ( Dadkanu muddoo 11 oday laga joogo , sidan ayey ahaayeen oo isku dhaleen , markii uu cudur indhaha ka dhacay , ee ay indho beeleen , oo ay muddo Boqolaal sano ah ay sidan ahaayeen ). Kadib waxay u sheegeen , haddii uu doonaayo in uu la noolaado , in uu CUDURKAN indhaha la yidhiihdo iyo ARAGA in uu iska daweeyo ,oo la mid noqdo . Haddii kale uu aanu la noolaan karayn , oo aanu ka mid noqon doonin oo ay weliba diyaar u yihiin in ay ka daweeyaan Cuduradan uu qabo ee uu sheegaayo ee isaga ku kooban . Haddii kale , uu ka dhex baxo oo meeshii uu ka yimi ku noqdo. Talo ayaa la soo gudbanaatay iyo in uu kala doorto In indhaha laga tuuro oo laga soo saaro , oo cudurkan aragtida la yidhaahdo laga daweeyo oo uu sidooda oo kale noqdo. iyo in uu iskaga tago , oo uu meeshii uu ka yimi ku noqdo. Hadaba dhawaan waxaan soo booqday , Tuulo dadkeedu ay wada INDH LA’ YIIN , oo igu yidhi Haddii aad doonayso in aad nala noolaato , oo ad naga mid noqoto ( waa inaanu kaa daweynaa cudurkan aad qabto ee la yidhaahdo ARAGA iyo INDHAHA oo aanu kaa soo saarnaa oo aad sidayada noqotaa . Haddii kal aad naga tagtaa. Waxaan markaa doortay in aanan la noolaan oo aana ka mid noqon , oo aan indhaheyga iyo aragayna aan heystaa. Hadaba bal , maxaad fahantay Cali Maxamed Biixi caliwwelli@hotmail.co.uk Subject: FW: DALKII AMA TUULADII INDHOOLAYAASHA Show quoted text Qaran News
  22. Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa indhaha ku hayaan nooca ay noqon doonoto xukuumada cusub ee uu soo dhisi doono madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland [...] Source