Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,338
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 29 Janaayo 2019 sagootiyey Madaxweynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti balaadhan oo [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maalinta berri ee arbacada ah ay si rasmi ah u xaliyaan murankii ka dhashay cayrintii Soomaaliya ee wakiilkii QM ee dalka, Nicholas Haysom. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in berri ay Muqdisho iman doonto kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda, Rosemary DiCarlo. Ms DiCarlo ayaa madaxda Soomaaliya kala hadli doonta, sida ay QM iyo Soomaaliya u wada shaqeyn lahaayeen, islamarkaana loo xallin lahaa murankii dhacay. Wararka ayaa sheegaya in imaanshaha Rosemary DiCarlo uu sidoo kale billow u noqon doono dib u billaabashadii rasmiga ah ee howlihii xafiiska QM ee Soomaaliya, oo tan iyo markii uu muranka dhacay si gaabsi ah u shaqeynayey. Inta badan, shaqalaaha QM ee Muqdisho ayaa ku sugnaa magaalada Nairobi muddo bil, sababo lagu sheegay amni, kadib weerarkii hoobiye ee lagu qaaday xafiiska QM ee xarunta Xalane, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in arrimo siyaasadeedna aysan meesha ka marneyn. Rosemary DiCarlo, ayaa sida ay Caasimada Online ogaatay, kala hadli doonta madaxda Soomaaliya soo magacaabista wakiilka cusub ee QM ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta Muqdisho kusoo laabtay ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u fidiyeen isaga iyo wufuudii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay caleema-saarka Madaxda cusub ee maamulkaasi. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in is ogolaanshaha iyo midnimada hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u yihiin xaqiijinta dib u kabashada dalka iyo ka *****nta himillada ku aaddan Soomaaliya horumarsan, amni ah oo dadkeedu nolol wanaagsan ku haystaan. “Waxaan rabaa inaan halkan ugu mahadceliyo shacabka reer Garoowe iyo Puntland, Madaxweynahooda iyo dowladdooda, sida wanaagsan ee walaaltinnimada leh, Soomaalinnimadu ku jirto ee ay aniga iyo wafdigayga noo soo dhaweeyeen. Runtii waxay ahayd wax aad iyo aad loogu farxo oo aan mar walba ka filaayey dadka reer Puntland ee nabadda jecel.” Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay dardar geliso xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, loona kaabo shaqadooda, si loo mideeyo qorsheyaasha iyo dadaallada horumarineed ee dalka, looguna adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u hamuun qaba dowladnimada. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash),masuuliyadda adag ee loo doortay, uuna waafajiyo dhammaan wixii dan u ah shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, Madaxwaynaha ayaa bogaadiyey kulamadii miro-dhalka ahaa ee Garoowe uu kula soo qaatay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, culumada, duubabka dhaqanka, waxagardkii iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland. The post MD Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha idaacada Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhegeysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-29012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Jigjiga (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in rabshado ay ka bilowdeen magaalada Jigjiga, waxaana xaafadaha qaar laga maqlay rasaas dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ay xireen waddooyinka qaar ee magaalada,waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha. Wararka ayaa sheegaya in qowmiyadda amxaaradda ay ka caroodeen gaadiid ay lahaayeen iyo goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo la gaarsiiyay. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka magaalada Jigjiga, xaalada ayaana caawa u muuqata mid qasan. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Injineer Cabdaraxmaan Al-Fadli ayaa xaqiijiyey in aanay boqortooyada Sucuudigu aqbali doonin cadaadis uu sheegay in dalkiisa lagu saarayo xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ee loo dhoofin jiray, haddii aan la buuxin shuruudda caafimaad ee ay wasaaraddu ka rabto. Wasiir Al-Fadli oo cadaadiskan ku sheegay mid aan meeshii ku habboonayd oolin, ayaa sheegay in hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaalida laga rabo in ay ka soo baxaan shuruudaha caafimaadka xoolaha iyo kuwa dhinaca maxjarrada ah ee ay wasaaraddu hore uga dalbatay. Waxa aanu wasiirku mar kale ku celiyey in weli xayiraaddii xoolaha Soomaalidu ay dhaqan gal tahay oo aan la qaadin. Isaga oo sababtana ku sheegay ilaalinta badqabka muwaadiniinta iyo dadka kale ee ku nool boqortooyada iyo sida oo kale dadka xajka u yimaadda guriga Alle ee xaramka. Wargeyska Al-madiina oo ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa qoray in wasiirku uu hadalkan sheegay mar uu Axaddii 27 ka jeenaweri la kulmay tiro ka mid ah maalgashadeyaasha beeraha iyo xoolaha ee degmada Makah Al-Mukarama. Wasiirka ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku fashilantay in ay ka soo baxdo shuruudda uu Sucuudigu ku xidhay, si uu u aqbalo xoolaha ay u dhoofiyaan, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Muddooyinkii aynu soo dhaafnay waxa aanu la kulannay tiro ka mid ah wasiirrada Soomaalida, waxa aanu ku heshiinnay in ay buuxiyaan shuruudaha dhinaca maxjarrada ah ee laga rabo, si aanu xayiraadda uga qaadno xoolaha ay soo dhoofiyaan, laakiin waxa aan ka xumahay, in aanay illaa imika ka soo bixin shuruuddaas.” Wasiirku waxa uu intaas ku daray in wasaaraddiisu ay bilowday in ay dalal kale ka soo dhoofsato xoolaha, si loo daboolo hilib yaraata ka dhalan karta xoolaha Soomaalida ee la joojiyey. Source
  7. Madaxweyne Farmaajo oo ka duulay Garowe Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta galinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo ku-xigeenadiisa, qaar kamid ah goleyaasha Puntland, iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii la socday ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta la hadlay intii aysan duulin wafdigii Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladda Puntland iyo shacabkeedaba si sharaf iyo wanaag ku jiro ku sagootinayaan Madaxweynahooda ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in fursad qaaliya ay u ahayd Madaxweynaha DFS ka qayb-galka caleema-saarka madaxda Puntland, maadaama ay sabab u noqotay kulamo wax ku ool ah oo uu la qaatay dowladdaha xubnaha ka ah DFS. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Puntland uga mahadceliyey soo dhoweynta habmaamuus kale ee ay marwalba ku sharfaan iyo sagootinta gebagebada safarkiisa, wuxuuna xusay in isaga iyo madaxda dowlad goboleedyadu ay dib ugu soo laaban doonaan Garowe. PUNTLAND POST The post Garowe: Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo dib ugu laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Kooxda xiddigaha geeska ayaa waxa ay magaalada Hargeysa ee si weyn ugu soo dhaweeyeen fannaanada caanka ah ee Aamina Afriik oo markii ugu horraysay booqasho ku timid Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Qaraxa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa la sheegayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ajaanib u shaqeynayey mid ka mid ah shirkadaha ka howlgala Muqdisho. Inta la xaqiijiyey 3 Injineer iyo askari la socday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana isla markiiba la geeyey cusbitaallada Muqdisho. “Waxaan idin xaqiijineynaa in qarax lala eegtay Injineero Somali iyo Cadaan isugu jiray oo ka tirsan Shirkadda Korontada BECO, dhaawacyo ayaa soo gaaray iyaga oo Afar ah oo uu ku jiro Askari, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan ka dambeeyay, shacabka waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.” ayuu yiri Xoghayaha Deg. Garas-baaley Musharaf Cabdi Axmed. Lama qaabka iyo sababta loola beegsaday, weli kama hadlin hey’adaha amniga iyo shirkadda ay ka socdeen intaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Ugandan President Yoweri Museveni has called Somalia a country with no state and which lacks “organised authority” in a televised speech in the capital, Kampala. He said Somalia was one example but stopped at naming other countries “for diplomatic reasons”. Mr Museveni was speaking at an annual judges’ conference. In his speech, Mr Museveni also questioned the effectiveness of the UN. He criticised the UN for having been in Congo “since 1960 but people are dying like flies.” The president doubted the security brought by the UN troops as he continued: Quote Message: You go to Mali, you go to all those places, even Nigeria. Big problems there. Chad. But here we have created a pillar of security.” You go to Mali, you go to all those places, even Nigeria. Big problems there. Chad. But here we have created a pillar of security.” Crime level in Uganda is moderate though robberies and burglaries have been on the rise. Insecurity has become a political issue, according to the Economist.​ Source: BBC NEWS
  11. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal kasoo yeedhay madaxweynaha Ugnada, Yoweri Museveni oo sheegay in Soomaaliya ayna ka jirin dowlad nidaamsan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Museveni uu iskii u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay. Madaxweyne Museveni oo maalin kahor hadlay ayaa sheegay arrin ay Soomaali badan dhibsatay. “Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma haystaan hay’ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”. Ayuu yidhi Madaxweynaha Uganda. Ciidammada ugu badan ee nabad ilaalin ahaan u jooga Soomaaliya, kana tirsan AMISOM ayaa ah kuwa Uganda, waxase dad qaar ee indha-indheeya arrima Soomaaliya ay qabaan fikrad ah inta ciidamo shisheeye ay joogaan Soomaaliya, ay adagtahay in dowladda federaalka ay qaadato go’aamo madaxbanaan, oo haddii ay qaadatana ay dhici karto in uu culesy siyaasadeed uu ku keeno. Source
  12. Al-Shabaab fighters have launched an attack against a military base belonged to African Union troops outside Jalalaqsi town in central Somalia on Tuesday. The AU base came under assault from different directions by armed militants who engaged in a heavy gun battle with the soldiers stationed there, according to the local residents. In a statement on its affiliated media outlets, Al-Shabaab claimed it inflicted losses on the African Union troops, but, the number has not yet been verified. The base is run by Djibouti soldiers serving under the African Union Mission in Somalia [AMISOM] which is helping Somali government in the fight against Al Shabaab. The post Al-Shabaab attacks AU military base in central Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Fadeexad Ugub Oo Ay Ku Tallaabsatay Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadalkii madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni uu shalay ugu gafay dadka iyo dowladda Soomaaliya. Museveni ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Caalamka ee aan lahayn dowlad shaqeysa. Waxa uu yiri “Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad, tusaale Soomaaliya, iyo kuwa kale oo aysan diblomaasiyadda ii oggoleyn in aan sheego” Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay BBC ayaa ka jawaabay hadalkaas, isaga oo sheegay in Yoweri Museveni uu iska hadlay, uuna ogyahay in Soomaaliya ka jirtay dowlad la aqoonsan yahay. “Wuu iska hadlay, kaliya waxaa dhici karaa waa qof iska hadlay, waa la ogyahay Soomaaliya waxay leedahay dowlad jirta oo xooggan”ayuu yiri Wasiir Cawad. Axmed Ciise Cawad ayaa dhinaca kale sheegay in ka dowladda Soomaaliya ay jawaab hoose gaarsiin doonaan dowladda Uganda, taasi oo ay sharaxaad uga raadineyso waxa ku qasbay Museveni hadalkaas. Mr Museveni ayaa dhowr jeer ku xadgudbay Soomaaliya isaga oo tusaalooyin badan oo xun xun fagaaroyaal badan uga sifeeyay Soomaaliya, waxaana dad badan ay arkeen tani inay tahay arrin ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu diido. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  15. (SLT-Wales)-Safia Maxamed, ayaa la yaabtay markii ay ogaatay in qofkii ugu danbeeyey ee lagu daldalo gobolka Wales, ee dalka Britain, uu ahaa Soomaali. Inta badan Soomaalida Britain tegtay, ayaa halkaasi gaarey wixii ka dambeeyay sanadka markii uu ahaa 1990-kii, Safiyana ma qiyaasi karin in Soomaalida ay halkaasi ku sugnayeen muddo gaareysa boqol sano. Sheekada Maxamuud Mataan, ayaa markaad u fiirsataba, waxay ku tusineysaa arrin weyn oo midab takoor iyo caddaalad darro maxkamadeed ah, taasoo ahayd noolasha Soomaalidii badmaaxiinta aheyd ee u talaabtay Britain. Sheekada ayaa bilawgeedu waxey aheyd wada sheekeysi kulan casho ah. Ma garan karo sida uu mawdhuucu u bilawday, ha yeeshee innagoo kasii baxeyna goobtii maqaayadda, saaxiibadeey ayaa soo hadal qaadey magaca Maxamuud Mataan, kaas oo la daldaley sanadkii 1952-dii, markaa – anigu indhaheyga waxey ku dheegageen saaxiibadey, halkaas ayeynu ka amba qaadnay sheekadan qotada dheer, ee aadka u qalafsan – maxaa xiga markaa. Aad baan uga argagaxay, haddana way i soo jiidatey sheekada. Saacadihii ka dhinnaa habeenkaa waxey sheekadan ka dhex baarney wixii laga hayo aaladda wax lagu baadi goobo ee Internet-ka ee Google, innagoo isku dayeyna inaan ogaano xogta iyo warbixinada ku saabsan sheekadan murugada leh. Markaan sii aqriyaba sheekada Mataan, waxaan ogaanay taariikhda dheer ee ay leeyihiin dadkayga ku nool Britain. Markii aan ku soo dhex barbaarayey, qoysaska Soomaaliyeed dhexdooda, kuwaas oo xooggoodu yimid halkan sanadihii sagaashameeyadii “1990-kii” illaa iyo labaddii kun “2000”, ma maqal qof soo hadal qaadayo in Soomaalidu joogeen in ka badan qarni, oo arrintaasi waxba kama ogayn. Sheekada Mataan ayaa ku bilaabatey fiidka maalintii ay ku beegneyd 6-da March, 1952-dii, markii la dilay haweeney ka shaqeysata dukaankeeda oo la yiraahdo, Lily Volpert, kaasoo ku yaaley Butetown, Cardiff. Ciidanka booliiska ayaa durbadiiba markii uu falka dhacay joojiyey dhammaan maraakiibtii ka baxeysay dekedda, waxey bilaabeen iney ugaarsadaan gacan ku dhiiglihii. Butetown, waxaa sidoo kale loo yaqaanay Tiger Bay ama The Docks. Waxey aheyd goob ay ku nool yihiin dad kala dhaqamo ah, taas oo mahadeeda ay lahaayeen badmaxiintii, kuwaasoo halkaasi u tagey iney ka xoogsadaan, kana kala yimid qeybo kala duwan oo ah goobihii ay ka talineysay boqortooyadii Britain – oo ay kamid ahayd Somaliland. Soomaaligii ugu horeeyey ee yimid Cardiff waxaa la diiwaan galiyey inta la og yahay qarnigii labaatanaad, ka gadaal markii la furey Kanaalka Suez. Ha yeeshee way yaraayeen illaa iyo intii laga soo gaarayey 1914-kii, markii uu bilawday dagaalkii koowaad ee dunida, waxaa kordhay baahida loo qabo dadka xoogga leh, si loogga faa’iideysto xooggooda shaqooyinka adeegga ku saleysan. Ragga ayaa ka shaqeyn jirey maraakiibta ganacsiga kala daabusha, kuwaas oo matoorradooda ay isticmaali jireen dhuxusha. Waxey awood u heleen raggani iney shaqeystaan, oo lacagihii ay heleen dib ugu diraan dalkoodii, adduunyadana goobo kala duwan oo badan ay arkaan. Raggani waxey ahaayeen dad reer guuraa ah, wax dhib ah kuma aysan qabin safarka ku saleysan guur guuridda. Waxaa jirta maah maah Soomaaliyeed oo oraneysa “Nimaan dhul marin, dhaayo ma leh,”. Intii lagu guda jirey sanadihii dagaalka koobaad ee dunida, 1914 illaa iyo 1918-kii, Warsame aabihii iyo Soomaalidii kale ee ay badmaaxiinta isla ahaayeen way hodmeen, sida ay sameeyeen kuwii kale ee tegay Yemen, iyo qeybaha kale ee dunida ee hoos tegi jiray boqortooyada Britain. Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii dagaalka, waxaa dib u soo noqday badmaaxiin badan oo Britain u dhashay, waxey sidoo kale u baahdeen shaqo. Taasina waxay sababtay in markii ugu horreysay ay billawdaan dibedbaxyo midib takoor ku salaysan oo ka dhacay Cardiff iyo Liverpool. Raggii caddaanka ee shaqo doonka ahaa waxay weerar ku ekeeyeen dadkii madoobaa iyo guryihii ay ku noolaayeen, ayey tiri Nadifa Maxamed, oo ah qoraa asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeddo balse British ah, taasoo ka shaqeyneysa sidii ay usoo saari laheyd buug ka hadlaya Maxamuud Mataan, “halka Soomaalidii, iyo madowgii kale ee ku dhaqnaa goobtii uu weerarka ka dhacay ay iska caabiyeen kuwii soo weerarey”. Waxaa muuqatey in weerarka kadib dadkii qaarkood ay isaga tagaan goobtaasi, laakiin kuwa kale ayaa ku harey goobtii, kuna adkeystay iney sidoodii usii noolaadaan, waloow shaqooyinkii la heli jirey ay hoos u dhaceen. “Noolaanshaha Cardiff, waxey badey badmaaxiintii ajnebiga ahayd iney ku ekaadaan guryo ay lahaayeen shirkadihii maraakiibta, kuna hoos noolaadaan nidaam kudhisan faquuq, kaasoo xadiday fursadaha shaqo ee ay heli karayeen, goobaha ay tagi kari lahaayeen,” sida ay sheegtay Nadifa Maxamed. “Inkastoo ay noolashu adkayd, waxey halkaasi ka abuurteen noolol hor leh, taas oo ka dhalatay goobaha ay degganaayeen dadka dhaqamada kala duwan leh. Waxey sameysteen maqaayada, masaajido, iskuullo ku dhisan nidaamka Islaamiga ah, iyo hanaan ay isku garab qabtaan. Maxamuud Mataan, ayaa Butetown gaaray sanadkii 1940-kii. Wuxuu ku dhashey maammulkii Somaliland ee Britain hoostegi jiray ee sanadkii 1922-kii, isagoo raacayay raadka dadka kale ee bulashadiisa, ayuu helay shaqo markab. Sanadkii 1945-tii waxey is barteen Laura Williams, oo aheyd gabar 17 sano jir ah oo kasoo jeeda dooxada Rhondda, taas oo ka shaqeyneysay warshad sameysa warqadaha, saddex bilood kadibna wayba is guursadeen. Tacadiyada ka dhanka ah qoyskan ayaa noqday kuwo aad u sarreeya “xitaa waxaa dhibaato noqotay inay waddooyinka wada socdaan, sababtuna waxay ahayd waxaa dhibaateynayay ragga iyo dumarkaba,” ayey intaa raacisay Nadifa. Labadan qof ee is calmadey waxey dhaleen saddex carruur ah, ha yeeshee waxaa aad ugu adkaaday iney helaan goob ay si wadajir ah ugu wada noolaadaan oo bulshaduna u ogoshahay. Markii uu dhacayay fal lagu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Lily Volpert, qoysaskani ma wada nooleen. Lily Volpert waxey ku jirtay da’da afartameeyada, waxay lahayd dukaan ku yaalla waddada Bute, kaasoo aan ka fogeyn xeebta ay kuxirtaan maraakiibta. Xilli fiid ah 6-dii March, 1952-dii, meydkeeda ayaa laga helay dukaanka, iyadoo dhiig baxday, oo goorta loogga gooyey sakiin. Lacag lagu qiyaasay £100 oo haatan u dhiganta £3,000 – ayaa laga xaday dukaanka. Ciidanka booliiska ayaa su’aalo weeydiiyey dad badan, oo uu ku jirey Mataan. Wuxuu u sheegay inaanu ku sugneyn jidka Bute maalintii uu dilku dhacay, oo uu ku jirey shaneemada illaa iyo 7:30 fiidkii, kadibna uu tagey gurigiisa, ayuu u sheegay booliiska. Laakiin ma jirin qof laga heli karo cadeyn ah halka uu Mataan ku sugnaa 8.15 fiidkii, markii uu dhacay falkii dilka ahaa. Image caption . Qof u dhashay dalka Jamica, oo la yiraahdo Harold Cover, ayaa siiyey booliiska warbixin aroortii xigtay, isagoo sheegay in uu arkey nin Soomaali ah oo kasii baxaya goobta uu falka dilka ka dhacay ee dukaanka Volpert – kaas oo lahaa ilig dahab ah, koofi iyo jaakatna aan xirneyn. Ha yeeshee Mataan ma uusan laheyn ilig dahab ah, dadkii arkay maalinkaasi, ka hor falka dilka, waxay sheegeen inuu xirnaa koofiyad iyo jaakat. Waxaa dib laga ogaaday in ninka Jamaikan-ka markuu booliiska warbixin siinayey uu sidoo kale sheegay inuu arkey nin kale, kaas oo uu ku sifeeyey Taher Gass. Mataan waxaa la xirey markii Cover uu siiyey booliiska warbixin labaad, taasoo ka hor imaneysa tiisii koobaad – qoyskii ay ka dhalatey Volpert ayaa balan qaadey £200 oo abaalmarin ah ciddii soo gudbiso warka arrintaasi la xiriira. Markii la gaarey maxkamaddii, Cover wuxuu sheegay inuu arkey Mataan oo kasii baxaya dukaanka markii ay saacadu aheyd 8.15 fiidnimo. Booliiska qaarennadii difaacayay Mataan waxay ka qariyeen in afar qof oo goobta ku sugnayd marka uu dilka dhacayay ay dhamaantood sheegeen in Mataan aanay goobta ku arag, iyo weliba in gabar 12 sano jir ah oo meesha joogtay ay sheegtay in Mataan uusan meesha tegin maalintaas. Waxaa sidoo kale nasiib darro ahayd in xitaa qareenkii difaacayay Mataan T E Rhys-Roberts, hadalkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ka jeediyay uu ahaa in Mataan yahay “canug dhiman oo ilbaxnimadiisa aysan kaamil ahayn”. Mataan waxaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay dil,Waxaa laga diiday inuu xukunka ka qaato wax racfaan ah, iyadoo lagu daldalay xabsi ku yaalla Cardiff 3-dii September, 1952-dii. Harold Cover, oo ahaa ninkii ku marqaati furay Mataan, ayaa muddo kadib la xirey, isagoo lagu xukumay xabsi daa’in, ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu isku dayey inuu gabadhiisa qoorta ka gooyo isagoo adeegsanaya sakiin, halka Taher Gass, oo ahaa isagana ninkii lagu tilmaamay inuu ku sugnaa dukaanka uu dilka ka dhacay, lagu soo oogay dambi ah inuu qof toorrey ku dilay, balse wax dambi waa lagu waayay. Xaaskii Mataan, Laura, looma sheegin markii la dilayey ninkeedii, waxayna ogaatay mar ay booqatay xabsigii uu ku xirnaa. Markaas kaddibna iyada waxaa u billawday dadaal sanado badan socday oo ahaa sidii ay ku caddeyn lahayd in ninkeeda uusan gelin dembiga loo daldalay. “Wuxuu hubay in la ogaan doono in meel un ay wax iska daba-mareen, afka Ingriiska si wanaagsan kuma hadli Karin, balse waxaa ku celcelinayay “qof dumar ah ma dilin”, sidaasi ayay Laura u sheegtay wargeysaka The Independent sanadkii 1997-dii. “Ilaa maalintii ugu dambeysay waxaan aaminsanaa inay sii deyn doonaan, laakiin ma aaney sameyn, oo wey daldaleen. Markii falkaasi daldalaada ay ku kaceen kaddib, waxaan isku xirey qolkeygii anigoo ay i wehliyaan caruurteedii, muddo dheerna waxaan u maleyn jiray inaan mar un arki doono, wuxuu ahaa nin wanaagsan iyo aabe wacan, badda ayuu ka shaqeysan jiray, si uu noolol u kasbado, markii dambena wuu iska dhaafay, oo wuxuu ii sheegay inuu rabay inuu la joogo carruutiisa intay ka korayaan,” Isku daygii ugu horeeyey ee ay qoysku ku doonayeen in xukunkii dhacey la baabi’iyo waa laga diidey, laakiin kiiskani wuxuu noqday kii ugu horeeyey oo loo gudbiyo guddiga dib u eegiska kiisaska ee la dhisay sanadkii 1990-kii. Ugu danbeyntii xukunkii waa la buriyey sanadka markii uu ahaa 1998-dii. Lord Justice Rose ayaa ku tilmaamey kiiskani “mid ay caddahay inuu khaldanaa,” isagoo sheegay in ay meesha ka maqanayd wax cadeyn ah oo Mataan la xiriirinayay inuu isaga dilay Lily Volpert. Qoyskii Maxamuud Mataan ayaa waxaa loo xukumay magdhaw gaaraya 1.4 million oo giniga Ingriiska ah, Waa markii ugu horeysay oo ay wasaaradda arrimaha gudaha Ingiriiska magdhaw siiso qoyska qof si qald ah loo daldalay. Xaaskii Mataan, ee Laura, waxay dhimtay 10 sano kaddib xukunkaasi. dhammaan carruurtiina waxay wada dhinteen balse waxaa weli Cardiff ku nool carruurtii ay sii dhaleen. Sanadkii 1996-dii, labo sano ka hor intaan Mataan la bari yeelin, ayaa meydkiisa laga soo bixiyey qabuuro khaas ah oo ku yaalla xabsiga, waxaa lagu aasey qabuuraha Cardiff. Waxaa qabrigiisa lagu dhejiyay dhegax lagu qoray “caddaalad darro ayaa lagu dilay” Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Shaaciyey In Khatar Weyni Ku Soo Fool Leedahay Somaliland, Puntland-na Dooratay Rag Kuwii Hore Ka Rakaab Wanaagsan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Markale Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Booqday Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cisbitaal Ku Yaalla Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Buuni ayaa waxa uu si cad u sheegay in gobolka awdal aanu gali doonin doorashada golaha wakiillada ee la filayo inay sannadkan 2019-ka ka dhacaan Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta madaxtooyada Puntland ku qaabiley Qunsulka Cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland, Gen. Mabratu Waldo Aragay. Deni ayaa kulanka uu la qaatay qunsulka cusub ee Dowladda Itoobiya u soo magacawday Dowladda Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay waxaa qayb ka ahaa saraakiil ka tirsan xafiiska qunsuliyada Itoobiya ee Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland ayaa ka mahad naqay sida maamuuska iyo meeqaamka sare leh ee Madxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Eithopia, Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay ayaa badalay qunsulkii hore Itoobiya u fadhiyey Dowladda Puntland Mudane Asmalaash oo mudo 13 sano hayey xafiiska. Deni ayaa qunsulka cusub uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna wadaagaan soohdimo muhiima, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay dar-dargelinta wadashaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland, Madaxweyne Deni ayaa ka guddoomey Qusulka hadiyad ka kooban hiddiyo dhaqanka Soomaalida. ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????????????????????????????????
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka soo dabcay mawqifkii uu ka taagnaa xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee lagu marunsan yahay kala diristooda ka dib culeysyo badan oo kaga yimi wadamada Somaliland ka taageera hannaanka dimuqraadiyadda iyo oorashooyinka, waxaana la sheegay in ay ku goodiyeen in aanay aqbali karin dib u dhac ku yimaadda Doorashooyinka Dalka. Xogo Wargeyska Waaberi ka helayo qasriga Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegaya in diblomaasiyiinta caalamku ay cadaadis ku saarayaan Madaxweynaha in aanay Doorashadu dhaafin 2019ka isla mar ahaantaana wakhtigan uu Madaxweyne Biixi u muuqdo in uu ka tanaasulaayo mawqifkiisii uu ka tagnaa kala dirista xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Xogaha ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Biixi uu ku qancay kala dirista xubnaha Komishanka Doorashooyinka isla mar ahaantaana uu wakhti xaadirkan la sugaayo saddex xubnood oo xubnaha Komishanka Doorashooyinka kaga maqan dalka dibaddiisa kuwaasi oo kala ah Afhayeenkii Komishanka Doorashooyinka Siciid Cali Muuse, Komishaneer. Cabdifataax Ibraahim Xasan iyo Komisheneer Maxamed Jaamac Maxamed. Waxaana ay wararkani xusayaan in gudaha bisha Labaad ee sannadkan si deg-deg ah loo soo magacaabi doono xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka. Dhinaca kale, diblomaasiyiin uu la xidhiidhay Wargeyska Waaberi , ayaa xaqiijiyey in beesha Caalamku ay si deg-deg ah u soo saarayso qoraalo ay ku caddeynayaan mawqifkooda la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka iyo weli ba sida oo kale qodobo ay ku dhex-dhexaadinayaan Xisbiyada Qaranka. Iyada oo caalamku uu aad u daneynaayo in Doorashadu qabsoonto 2019ka. Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa bishii Maarij ee sanadkii hore kalsoonida kala noqday guddida doorashada, islamarkaana sheegay in aanu xisbigu galayn doorasho ay guddidaasi qabanayso halka madaxweyne Biixi iyo xisbigiisu si adag u difaaceen kuna sheegeen guddi doorasho fiican qabatay oo abaal marin istaahisha. Muranka siyaasadeed ee kala dirista guddida ayaa ka mid ah ahaa caqabadaha waaweyn ee hor taaggan doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo qorshaysna bisha Maarij ee sanadkan laakiin, golaha wakiillada loo kordhiyay ilaa dhammaadka sanadka halka la hadal hayo in goleyaasha degaanka la kala dirayo. Source