-
Content Count
207,338 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegatay markii xilka loo dhiibay guddoomiye Yariisow ayaa weeraray siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa xanaaqsan inay dafiraan waxqabadka xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, isaga oo sheegay inaysan u muuqan waxqabadka dowladda. Sidoo kale ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka qabatay horumarinta deegaanka. “Mudane Guddoomiye Waxaa jira niman badan oo saaxiibadeena ah oo aan waxba arkeyn,siyaasiyiinta xanaaqsan oo mar walba lasoo taagan waxba lama qaban iyo qabyo waa halkeedii ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed”ayuu yiri Mr Guuleed. Mahdi Guuleed ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wax badan ka qabato horumarinta deegaanka iyo gobolada dalka Soomaaliya, isaga oo amaanay waxqabadka uu xalay soo bandhigay guddoomiye Yariisow. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-raiisul-Wasaare-ku-xigeenka.mp3Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Five people are dead and about 130 missing off the coast of Djibouti after two boats carrying migrants capsized, the UN migration agency said on Tuesday. The incident occurred about 30 minutes after the overloaded boats set off in heavy seas from Godoria on the Horn of Africa nation’s northeast coastline, according to the International Organisation for Migration (IOM). “After being alerted by local residents, a team of gendarmerie gathered this afternoon near the reported site of the disaster and discovered two survivors as well as the remains of three women and two men,” IOM said in a statement. One survivor estimated there were 130 people on his boat but was not able to say the number of passengers on the other vessel. “The coast guard was also alerted and launched search and rescue operations. Those operations are still underway with two patrol boats,” said the statement. MIGRANTS Located across the Bab el-Mandeb strait from war-torn Yemen and next to volatile Somalia and Ethiopia, Djibouti has in recent years become a transit point for migrants heading to find work on the Arabian Peninsula. The region of Obock, from where the boat set off, is unusual in that it sees people passing in both directions: Boatloads of Yemeni refugees fleeing war cross vessels carrying African migrants seeking better opportunities. The IOM runs a centre in Obock helping migrants seeking to flee the conflict in Yemen. In 2017 some 2,900 people, mostly Somalis and Ethiopians, passed through from Yemen, a year that saw about 100,000 migrants head into the troubled country. “The number of new arrivals arriving in Yemen has been continuously increasing since 2012, despite the deepened insecurity and violence following the war that erupted in March 2015. Arrivals peaked in 2016 when over 117,000 arrived in Yemen,” the IOM said in its 2018-2020 regional migration response plan. FAMINE This migration comes despite Yemen is home to one of the world’s worst humanitarian crises. UN officials say 80 percent of the population — 24 million people — are in need of aid and nearly 10 million are just one step away from famine. IOM said that most of the journey migrants take to Yemen is by foot, walking across the scorching desert regions of eastern Ethiopia, Djibouti and northern Somalia. Once they arrive in Yemen they face torture, blackmail, sexual abuse or forced labour. The strategic sea crossing has repeatedly proven perilous. Last year, at least 30 migrants from Somalia and Ethiopia believed to be headed for Djibouti drowned when their boat capsized off the coast of Yemen amid reports of gunfire being used against those on board. In August 2017, dozens of migrants from Somalia and Ethiopia died after human traffickers forced them off two Yemen-bound boats and into the sea. The post 5 dead, 130 missing as two migrant boats sink off Djibouti appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni. Kadib Qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa waxay ku sheegtay in loo baahan yahay in hadalka madaxweynaha dalka Uganda loo qaato canaan oo aan loo qaadan mid dhibaato ku ah dowladda Soomaaliya. Waxay sheegtay in hadalka kasoo baxay madaxweynaha Uganda aan looga falcelin sidii talaabo looga qaadi lahaa, dalal ama Hay’addo qalad ka galay dalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigay. Waxay sheegtay in Uganda ay dhiig u daadisay nabad galyada Soomaaliya, islamarkaana ay wali ilaaliyaan hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya. Waxay sheegtay in ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu badan ee dalka jooga, islamarkaana aan lagu dagdagin jawaabta la siinayo madaxweyne Yuweri Musaveni.
-
Kuwaiti Deputy Prime Minister and Foreign Minister Sheikh Sabah Al-Khaled Al-Hamad Al-Sabah on Tuesday received credentials of the newly-appointed Somali Ambassador to Kuwait Mohamed Abdullahi Adwa. During a meeting in his office, Sheikh Sabah Al-Khaled expressed his best wishes to the newly appointed Ambassador and hoped that the diplomat will continue to bolster bilateral relations between the two nations. The meetings were attended by Deputy Foreign Minister Khaled Al-Jarallah, Assistant Foreign Minister for Protocols Ambassador Dhari Al-Ajran, Acting Assistant Foreign Minister for the Office of Deputy Prime Minister and Foreign Minister Ambassador Saleh Al-Loughani and a number of officials of the Ministry of Foreign Affairs. The post Kuwaiti Deputy PM receives the newly-appointed ambassador of Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay wakiilada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ku wargelisay in heshiis laga gaadhi doono is-mariwaaga ka taagan doorashada golaha wakiilada. Inkastoo ay golaha guurtidu dhawaan golaha wakiilada u sameeyeen muddo kordhin, go’aamiyeena in doorashadu qabsoonto December 2019, haddana waxa weli taagan khilaaf ku saabsan cidda doorashada qabanaysa iyo weliba ka qayb galkeeda. Xisbiga Waddani ayaa sheegay inaanay ka qab geli doonin doorasho ay maamulayaan guddiga doorashooyinka ee hadda talada haya, labada xisbi ee kulmiye iyo UCID waxay iyaguna sheegeen inay diyaar u yihiin inay doorashada ka qayb galaan. Guddiga doorashada ee wakhtigan ayaa waxa uu wakhtigoodu ku eegyahay November 2019. Hase yeeshee, warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in madaxtooyada Somaliland ay laba weji oo kala duwan kula xidhiidhay dalalka beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee Kenya. Wuxuu warku sheegay in madaxtooyadu dalalkan kula xidhiidhay qoraal ay u dirtay iyo weliba telefoono, waxaanay ku wargeliyeen in sida ugu dhaqsaha badan heshiis looga gaadhi doono arrimaha doorashada golaha wakiilada. Warku ma sheegin nooca heshiis ee ay xukuumadu rabto in lagu dhammeeyo khilaafkan, waxase ay madaxtooyadu dalalkan u balan qaaday inay maqli doonaan war cusub oo ku saabsan heshiis laga gaadhay khilaafkaas oo hakiyay wada shaqayntii saddexda xisbi iyo weliba wada shaqaynta guddiga doorashooyinka iyo xisbiga ugu balaadhan mucaaradka ee Waddani. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ciidamada dowladda Soomaaliya awood u leeyihiin difaaca dalkooda. isaga oo ka hadlayay howlgalka AMISOM iyo suurtagalnimada in ay ka bixin karaan xiligan dalka Soomaaliya ayuu sheegay in dedaal dheeraad ah la galiyay sidii loo dhisi lahaa ciidamada dowladda, haddii ay ahaan lahaayeen Militari iyo Booliis intaba, isaga oo sheegay in la dardar galiyo ka bixxintaan ciidamada AMISOM. ”AMISOM iyo dowladdaha kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya waxaa ay dadaal u galleen sidii loo dhisi lahaa ciidamada Soomaaliya, hadda waxaa muuqata in ay karaan oo ay awood u leeyihiin difaaca dalkooda, waayo waxa la dagaalamaya dowladdo ma’aha oo diyaarado iyo gantaalo sita” ayuu yidhi madaxweyne Geelle. Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay iskutashi ballaaran oo ku aadan ciidanada dowladda Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda, “Waxaan isleeyahay waa wakhtigii ay dawladda Soomaaliya la dhiibi lahaa masuuliyadda, dalku weligii kuma tiirsanaan doono ciidamo shisheeye oo dalal shisheeye ka socda.” Djibouti ayaa ah dalka ay ciidamada ugu yari ka joogaan AMISOM, waxaanu Madaxweyne Geele aaminsanyahay in la soo dedejiyo qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya. Source
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has thanked Kenya for being Somalia’s number one strategic partner in the ongoing transformation of the Horn of Africa country. Prime Minister Khaire said the strong partnership between the two countries is good for the stability and progress of the East African region. The Prime Minister was speaking Tuesday at State House, Nairobi, when he delivered a goodwill and condolence message to President Kenyatta from President Mohammed Abdullahi Mohamed of Somalia following the recent terrorist attack at Riverside Drive. The PM said his country appreciates the key role played by Kenya in the stabilization and reconstruction of their nation. He commended President Kenyatta, saying he is a true champion of Somalia’s transformation. “Your Excellency, you are our champion in the transformation of Somalia and we request you to continue leading in the efforts of reconstructing our nation,” said PM Khaire. The Prime Minister assured President Kenyatta that Somalia stands in solidarity with Kenya in the fight against terrorism and violent extremism. He said the terror attack at the DusitD2 complex has only strengthened the resolve for the two countries to defeat terrorism and violent extremism. The Premier congratulated Kenya’s security agents for the swift and professional action that saved lives of many Kenyans and visitors. He said Somalia is on the positive trajectory as it strives to build on the gains made in securing the nation by the AMISON forces by coming up with a new constitution, getting new currency as well as building strong security institutions which are key to both economic and social stability of the country. The Prime Minister said Somalia currently hosts over 50,000 Kenyans working in various sectors of the economy, adding that the country has improved its purchasing power and the investment environment through various development programmes. He said the reconstruction of Somalia has seen its education, health and other community development programmes taking off, giving the country opportunity to negotiate with international lenders such as the World Bank and the International Monetary Fund. “The reconstruction of the country and the ongoing programmes in economic development will help us reduce poverty and greatly contribute to our efforts to combat terrorism and violent extremism,” the Prime Minister said. President Kenyatta thanked the Somali leadership for their support and solidarity following the Riverside attack and their commitment to continue working with Kenya in the fight against terrorism. The President expressed his delight to learn that Somalia is on the positive trajectory, economically, socially and in its relations with global partners. “This is proof that Kenya’s efforts have not gone to waste,” said the President. President Kenyatta assured the Somali Prime Minister that Kenya will continue to support international efforts to stabilize and reconstruct Somalia. Present were Chief Administrative Secretary in the Ministry of Foreign Affairs Ababu Namwamba, Somali Ambassador to Kenya Mohamud Amed Nur and the Deputy Head of Somali Mission Ali Mohamed Sheikh. The post Somali PM meets with Kenyan President Uhuru Kenyatta appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga ( Sh. M. Network )-Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ka taagan tahay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xiisada ayaa salka ku heysa khilaaf dhinaca maamulka ah oo u dhexeeya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide. Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ahaa ku rasaaseeyay magaalada Jigjiga, iyadoo ay ku dhinteen illaa labo Qof oo rayid ahaa. Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda fara gelin ay sheegeen in dowladda federaalka Itoobiya ay ku heyso ismaamulka Soomaalida dalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyay xaafado ka tirsan Jigjiga, si ay uga hortagaan rabshadaha magaaladaasi. The post Xiisad xoogan Oo weli ka taagan magaalada Jigjiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kooxaha kubbadda cagta Dekedda iyo Muqdisho City Club ayaa ku balansan in ay wada dheelaan koobka Somali Super oo gogol xaar u ah furshada tartamadda kol ciyaareedka 2018-2019 09-May 2018-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa ku gulaystay horyaalka Somali Premier League oo markii kowaad laga dhaqan geliyay dalka waxayna sidoo kale ku hanteyn markii labaad oo xariir ah waxaana u qaaday tababare Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali). 18-October 2018-Kooxda Mqudisho City ayaa ku guulaystay koobka sanadaha ah ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxayna ka qaaday xidigaha Horseed,balse magaca ahaan waxa ay ku hanteyn Banadir Sports Club. 25-November 2018-Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda hoose xamar ama Muqdisho aCity Club oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo sanadihii lasoo dhaafay hanatay koobka weyn ee gudaha. 29-December 2018-koobka Somali Super waxaa 1-0 ku hantay xidigaha kooxda Elman,iyagoona kaga guulaystay naadiga Dekedda waxaana gool ku laad loo dhigay waqtigaa u dhaliyay Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) oo u iminka u dheelaya kooxda Horseed. Tababare Xuseen Mabalangu tan iyo 13-May 2015 markii uu qabtay jagada kooxda Mqudisho wali kama uusan guulaysan kooxda Dekeda tartamadii kala duwanaa ay isla ciyaareen,isagoo ku wajahay tababarayaasha kala ah Cabdi Wali Maxamed Maxamuud iyo Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali). Caadil Nuur Cali ayaa wajahaya kooxdiisa hore ee Muqdisho City Club,isagoo iminka ka tirsan naadiga xafidanaysa horyaalka. Goolhaye Saciid Aweys Cali ayaa isna ka hor imaanaya kooxdiisii hore ee Dekedda waxaana xidigan lagu soo iibsaday Lacag dhan 100,000,000 Milyan oo Shilling Soomali ah. Is Araga Kooxaha Banaadir SC VS Dekedda 26/06/2012 Dekedda1:1 Banadir S.C 03/01/2014 Dekedda 2:4 Banadir SC 04/03/2014 Banadir SC 2:1 Dekedda 29/01/2015 Dekedda 0:2 Banadir SC 13/05/2015 Banadir SC 0:1 Dekedda 22/02/2016 Dekedda 1:1 Banadir SC 11/05/2016 Banaadir SC 0:0 Dekedda 09/03/2017 Dekedda 1:0 Banaadir SC 19/02/2018Dekedda SC1: 0 Banaadir S.C 16/04/2018 Banaadir SC 0:0Dekedda SC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Somalia Super Cup 2018 Kooxaha:-Dekedda VS Muqdisho City Club Tariikhda:-30-01-2019 Maalinta:-Arbaco Saacada:-3:45pm Garoonka:-Banaadir Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Jabuuti ( Sh. M. Network )-Hay’adda QM u qaabilsan dhanka socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in shan muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jirto ay ku dhinteen Jabuuti, kadib markii labo Doomood oo ay saarnaayeen ay kula dageen xeebaha dalkaasi. Sidoo kale IOM ayaa sheegtay in la soo badbaadiyay 5 Qof, halka 130 Qof oo kale la la’yahay, waxaana shilkan uu ka dhacay xeebta Godoria ee dalka Jabuuti . Muhaajiriintan oo u badnaa Soomaali ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen dhinaca dalka Yemen. Ciidamada ilaalada xeebaha ee Jabuuti ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan muhaajiriinta ku qaraqmay gudaha badda. Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Africa ayaa safaro halis ah ku gala xeebaha dalal badan, si ay u gaaraan Qaaradda Yurub. The post Muhaajiriin Soomaali ah Oo ku dhintay xeebaha Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Jigjiga)-Shir deg deg ah oo ay yeesheen hay’addaha Amniga dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa magaalada Jigjiga wixii ka danbeeya 10:00 Habeenimo Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in wixii xiligaa ka danbeeya aan la ogoleyn inay socdaan dadka iyo waliba gaadiidka si loo adkeeyo Ammaanka Nabadgaliyadda Magaalada Jigjiga. Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ah ku-xigeenka madaxa Nabadgaliyadda iyo Caddaaladda degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale la mamnuucay qabashada shirarka aysan ogeyn dowladda ay isugu yimadaan dadka. Bandowgan ayaa yimid kaddib markii ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya. Rabshaddaha ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Qowmiyaddaha Soomaalida iyo waliba Amxaaradda ee dalka Itoobiya. Source
-
The Puntland Ministry of Women Development and Family Affairs in collaboration with the UNFPA, opened in Garowe, a conference on women’s obstacles, particularly in terms of economy, health, and political participation. The conference was attended by; UNFPA officials, UNSOM, embassies Finland, Sweden, Switzerland, officials of Uppsala University in Sweden, members of local and international NGOs, former first lady of Puntland, Drs Hodan Saeed Isse and other honorable guests. Minister of Women Development and Family Affairs, Mrs. Maryan Ahmed Ali emphasized the purpose of the conference, saying it is debating topics on women’s barriers to economic, health and political roles and how to overcome obstacles. The minister also highlighted the 2018 Ministry’s achievements, including 100 girls received free scholarships and established 6 centres for the care of women abused. PUNTLAND POST The post Puntland Ministry of Women opens a conference on women’s obstacles appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan Eng Faysal Cali Waraabe uu weeraray qaar kamid ah dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa arintaasi waxaa ka hadlay xildhibaanada golaha Deegaanka ee Laascaano. Xildhibaan Nuuridiin oo kasoo jeeda deegaanada Puntland kana mid ah golaha deegaanka magaalada Laascaano ayaa si caro leh kaga jawaabay hadalka Eng Faysal Cali Waraabe, isaga oo ku tilmaamay ruux ka shaqeeya dhibaateynta iyo kala fogeynta shacabka. Eng Faysal Cali Waraabe ayaa marar badan weeraray Boqor Burhaan iyo madaxda maamulka Puntland, isaga oo dhaliilo badan u jeedin jiray, waxaana xildhibaanka ka tirsan golaha deegaanka ka muuqday caro badan. Wuxuu sheegay in Faysal Cali Waraabe marba dhinac la safan yahay, islamarkaana aan lagu kalsoonaan karin taageeradiisa, wuxuu sidoo kale sheegay inuu yahay ruux basaasnimo ku shaqeyn jiray xiligii dowladii dhexe, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu kaga digay Guddoomiyaha xisbiga Ucid inuu joojiyo hadalada naceybka badan dhalin kara. Hoos ka dhageyso codka Nuuradiin oo kamid ah golaha deegaanka magaalada Laascaano. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Xildhibaan-Nuuradiin-oo-kamid-ah-Golaha-Deegaan-laascaanood-War-Puntland-Waa-sax.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiiradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland ayaa ka hadashay xaaladda caafimaad ee wasiirka wasaaraddasi Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi. Halkan hoose ka akriso war qoraal ah oo soo saaray afhayeenka wasaaradaasi: Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu Ku Suganyahay Xaalad Caafimaad Midii Ugu Wanaagsanayd, Dhib Iyo Xanuun Laga Dayriyo Midna Mahayo, Mana Yaalo Lamana Dhigin Cisbitaaladda Hargeisa Ku Yaal, Wax Dhakhtar Loo Dhigaana Mahayaan, Kaliyaata Hargab Fudud Ayaa Haleelay, Hoygiisa Magaaladda Hargeisa Ka Degnyahay Ayuu Jooga, Nasasho Iyo Fasax Ayuu Ku Jiraa. Maahan In La Is Barbardhigo Labadda Wasiir Ee Caafimaadka Iyo Hawlaha Guud, Wasiirka Caafimaad Isaga Xanuun Adag Oo Culus Ayaa Ku Dhuftay, Wasiirka Hawlaha Guud Isaga Hargab Yar Ayaa Haleelay Imikana Wuu Badqabaa, Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Golaha Wasiiradda, Golaha Wakiiladda, Guurtida Cid Aan Soo Booqan Majirto, Mana Hayo Xanuun Weyn Oo Madaxweyne Usoo Booqdaa, Wuu Caafimaad Qabaa Wasiirku. Waxaanu Ka Xunahay Ereyadda Deelqaafka Leh Ee Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Hawadda Soo Mariyeen, Ayaan Daro Iyo Anshax Xumo Weeyi In Wax Laga Dayo Oo Xanuuna Lagu Sheego Masuuliyiinta Xukuumadda, Isla Markaan Loo Sahadiyo Xanuun Aan Hayn, Cidii Tiri Warkaas Iyadda Ayey Ku Maqantahay. Xisbiga Waddani Waxa Uyaala Inay Buuxiyaan Kaalinta Mucaaradnimo Ee Ay Baneeyaan, Waxaana Uguba In Ay Habaaraan Isla Markaan Xanuun Iyo Dhibaato Usahadiyaan Masuuliyiinta Xukuumadda, Gudoomiyaha Anshaxa Xisbaga Waddani Ee Maanta Ereyadaasi Kasoo Yeedhaan Waa Abaal-laawe Ayaan Daran, Waanu Ka Xunahay Inuu Noqdo Dhallankii Hoyadii Ilamaha Baray. Warbaahinta Madaxa Banaan Waxaan Ugu Baaqeynaa Inay Ka Waantawdo Wararka Been Abuurka Ee Ay Baahinayso, Waanu Ka Xunahay In Aad Siyaasadeysaan Qof Xanuunsanaya Isla Markaana Ay Ka Dayaan Iskudir Iyo Burabugaando. Maaha Madaxbanaasho Warbaahineed Cayda Iyo Qadaf Lagula Kacayo Madaxda Qaranka. C/raxmaan C/laahi Wirdaani Agaasimaha Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Goboladda ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL. Source
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ka hadlayay kulamadii is afgaradka ahaa ee ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa shaaciyay in meesha laga saaray khilaafkii in muddo ahaa u dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa intaasi ku daray in tabashooyinka weli jira lagu dhameyn doono bisha soo socota ee Feybaraayo. Sidoo kaler Madaxweynaha JFS ayaa u mahadceliyay madaxda Puntland oo suura galiyay kulamadaasi, waxaana uu uu tilmaamay in door muuqda ay ka qaateen dadaalladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-cabdiqani-.mp3 The post Madaxweynaha JFS Oo u mahadceliyay Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)-Sida laga soo xigtay agaasimaha mukhaabaraatka qaranka Mareykanka Dan Coats, kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS ayaa wali amarta kumanaan dagaalamayaal ah oo ku sugan gudaha Ciraaq iyo Suuriya waxa ayna xambarsan yihiin fikrado khatar ah inkasta oo dhulal badan laga qabsaday. Hadalkiisan ayaa kasoo horjeeda hadal uu dhawaan sheegay madaxweyne Trump oo ahaa in kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS laga adkaaday uuna taasi u coskaday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya. Waxa uu sidoo kale sheegay Mr Coats in madaxweyne Trump uu sumcad ku helay inuu caalamka ka dhigayo goob nabdoon uuna la kulmayo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, isago oo ku shaaciyay bartiisa twiterka in halistii nuklerka ay dhammaatay. Balse Mr Coats ayaa u sheegay gudiga mukhaabaraatka Mareykanka in Kuuriyada Waqooyi ay ku dadaaleyso inay heysato hubkeeda sida ba’an wax u gumaado iyo in ay awood u yeelato soo saarida hub badan. Balse waxa uusan xusin ayaa ah wax halis ah oo ka imaanaya dhanka muhaajiriinta sida sharcidarrada ah ugasoo galaya Mareykanka waddanka Mexico. Mr Trump ayaa ku qasbay in la xiro laamaha xukuumadda Mareykanka kaddib markii congareska uu kasoo horjeestay bixinta qarashka lagu dhisayo gidaarka xadka Mareykanka iyo Mexico kaasi oo Trump uu ku sheegay inuu muhiim u yahay ammniga qaranka. Waxaana wali suuragal ah in madaxweyne Trump uu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran haddii aanan heshiis laga gaarin bartahama bisha February. Source
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waxa ayna isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada. Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo. The post RW Khayre Oo la kulmay madaxweynaha Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwiat Danjire Cabdullahi Odawa ayaa garay caasimadda dalkaasi ee Kuwait City. Danjire Danjire Cabdullahi Odawa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey Madax ka socotay waasiirka arrimaha dibadda Wadanka kuwait Sheekh Khalid Alfarasi iyo mas’uuliyiin kaleoo ay kamid ahaayeen ahayeen 19 safiiro oo ka kala socday wadamada Africa Iyo Carabta. Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee kuwait oo uu hor kacayay siihayaha safaaradda Abiib Muusa Faraax,aqoon yahano iyo qaar kamid ah jaaliyadda SOomaaliyeed ee kunool dalkasi ayaa kamid ahaa soo dhaweynta danjiraha. Danjire Cabdullahi Odawa ayaa kulamo is xog wareysi ah la yeeshey madaxda dalkaasi Kuwait,iyo diblomaasiyiin kale,si loo dardargeliyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya SOomaaliya iyo Kuwait oo ay mas’uuliyadiisu tahay. Sidoo kale wuxuu niyad wanaag iyo dhiirogelin u muujiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kuonool,kuwaasi oo safiirka ka sugaya sidii ay u heli lahaayeen adeegyadii muwaadiniintu ay uga baahnaayeen safaaraddooda. The post Safiirka Soomaliya u fadhiya kuwait Oo gaaray dalkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-300119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Khartoum)-Masuuliyiinta dalka Sudan ayaa amar ku bixiyey in xabsiga laga sii daayo dhammaan maxaabiistii la xir xiray intii ay socdeen dibadbaxyo dawladda looga soo horjeeday. Amarka lagu siidaynayo maxaabiista ayaa waxaa bixiyey madaxa Nabadsugidda iyo ammaanka dalkaas, Salah Ghosh, sida war qoraal ah uu ku sheegay wasiirka warfaafinta. Mana jirto wax siidaynta dadkaas lagu sababeeyey. In kabadan 1,000 qof ayaa lagusoo warramayaa in loo xirxiray dibadbaxyadii daalkaas ka dhacay ee bilowday bishii December. Madaxweyne Omar al-Bashir ayaa qalalaasaha ku eedeeyey in ay ka dambeeyey dad shisheeye ah iyo sidoo kale kooxda fallaagada ah ee ka dagaallanta gobolka Darfur. Dhanka kale dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in booliiska shaqaaqada ka hortaga ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Khartoum ay adeegsadeen gaaska dadka ilmaysiiya si ay u kala eryaan tobonaan qof oo maalintii talaadada ahayd dibadbaxyo ka dhigayey degmada Burri. Dibadbaxyo dawladda looga soo horjeedo ayaa sidoo kale ka dhacay magaalada caasimadda u dhow ee Omdurman iyo magaalada Badda Cas kutaal ee Port Sudan. Dibadbaxyada ayaa bilowday kaddib markii hoos loo dhigay gunnooyinkii lagu kabi jiray rootiga iyo shidaalka, hase ahaatee markii dambe waxay isu baddaleen caro looga soo horjeestay xukunka 30 jirsaday ee madaxweynaha dalkaas. Kooxaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegaya in dad ka badan 40 qof ay ku dhinteen iskudhacyo dhex maray ciidamada ammaanka iyo shacabkii dibadbaxa dhigayey. Tifaftiraha BBC Afrika, Will Ross ayaa sheegaya in aanay u badnayn in tallaabadani ay raalli galiso dibadbaxayaasha. Carada dibadbaxayaasha dawladda kasoo horjeeda ayaa sii kordhaysa mana jirto caalamad muujinaysa in dibadbaxyadaas ay joogsan karaan ayuu intaas kudaray. Dadka la xir xiray ayaa waxaa kamid ahaa hoggaamiyeyaal mucaarad ah, dadka arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa iyo saxafiyiin. Dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegaya in tallabadani ay timid kadib markii Salah Ghosh uu booqday xabsi kuyaal magaalada Khartoum. Madaxweyne Bashir ayaa ka garaabay dhibaatooyinka dalkiisa kajira, hase ahaatee waxa uu sheegay in saxaafaddu ay buunbuunisay. Source
-
(SLT-Tehraan)-Caasimadda dalka Iiraan waxaa laga mamnuucay dadweynaha dalkaasi inay Eeyga ay ku dhex wataan gudaha magaalada Tehraan, waa tallaabo la doonayo in looga hortaggo in dadka dalkaasi ay Eeyga ku xannaaneystaan guryahooda. Taliyaha booliska Tehraan, Xuseen Raxiimi ayaa sheegay in xafiiska dacwad oogaha guud ee dalkaasi uu u ogolaaday in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka lagu arko iyagoo Eeygooda ku dhex wata meelaha ay dadka isugu yimaadaan sida gooba loo damaashaad tego. ‘Cabsi iyo walwal’ Taliyaha ayaa wakaaladda wararka ee Young Journalists Club u sheegay in la mamnuucay in dadka ay dhaqdaan Eeyga taas oo cabsi iyo walwal ku reebtay qaar kamid ah shacabka dalkaasi. Janaraal Raxiimi waxaa uu sheegay in sharcigan uu sidoo kale mamnuucaya in Eeyga ay dadka ku dhex wataan baabuurkooda. “Waxaa mamnuuc ah in Eeyga aad ku dhex wadato baabuurkaaga, haddii laguugu arko arrintaasi, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa dadka iska leh baabuurkaasi” ayuu yiri taliyaha booliska Tehraan. Waxaa Jamhuuriyadda Islaamiga ee Kacaanka Iiraan ka taagna khilaaf tan iyo sannadkii 1979-kii kaas oo ku saabsan in dadka ay guryahooda ku xannaaneysan karaan Eeyga ama ay ku wadan karaan goobaha dadka ay isugu yimaadaan, waxaana marar badan dhacday in dadka qaar laga hor istaago in Eeyga guryahooda ay ku heysan karaan. Mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan ayaa rumeysan in Eeyga uu yahay ‘Nijaaso’ isla markaasna dadka xannaaneysta u arkaa inay yihiin dad taabacsan dhaqanka reer galbeedka. Wasaaradda dhaqanka iyo arrimaha diinta ayaa sannadkii 2010-kii ka mamnuucday warbaahinta Iiraan in xayeeysiinta ay kusoo bandhigaan muuqallada ama sawirrada xayawaanka Eeyga. Shan sanno ka hor xubnaha baarlamaanka Iiraan waxay wadeen hindise sharciyeed dhigaya in dadka lagu arko iyagoo Eey ku dhex wata waddooyinka magaalada la ganaaxo sidoo kalena la karbaasho. Source
-
(SLT-BaydhaboWasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka dhacday Gobolka Baay 24-kii bishan, kaasoo lagu qaaday saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan 75KM u jirta Baydhabo. Sida ay shaacisay Warbaahinta dowladda Itoobiya EBC duqeynta oo socotay 44 daqiiqo ayaa laga fuliyay saldhigga deegaanka Buur Haybe, waxaana lagu dilay 35 dagaalame ka tirsan Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay aheyd tii ugu waqtiga dheereyd ee Itoobiya ay qaado. Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka AMISOM, inkastoo ay jiraan Ciidamo kale oo ka madax banaan howlgalka AMISOM, kuwaasoo saldhigyo ku leh Gobolada dalka Soomaaliya. Duqeyntan ayaa wararku sheegayaan inay jawaab u aheyd weerarkii 18-kii bishan lagu qaaday Kolonyo Ciidamo Itoobiyaan la socdeen duleedka magaalada Buurhakaba. Al-Shabaab ayaa sheegtay in askar fara badan ay ka dileen Ciidamada Itoobiya, kuna furteen saanad ciidan. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay in ka badan 130 Tahriibayaal Afrikaan ah lagu la’ yahay meel ka baxsan Xeebaha dalka Jabuuti, kadib, markii ay labo dooni oo aad loo buux-dhaafshay ku degeen meel ka baxsan Xeebta magaalladda Godariya ee Gobalka Obokoh ee dalka Jabuuti. Afhayeenka oo lagu magacaabo Joel Millman waxa uu tilmaamay inay Doonyaha degay ku sii jeedeen dalka Yemen oo albaab laga galo u ah dalalka Gacanka Carabeed, halkaasi oo ay Tahriibayaal badan rajo ka qabaan inay ka heli doonaan Shaqo iyo nolol wacan. Ciiddanka Jandermariiga ee dalka Jabuuti oo sameeyey gurmad, waxay soo heleen 2 nin oo ka badbaaday shilkaasi iyo maydadka 5 Tahriibe. Mid ka mid ah dadka la badbaadiyey oo 18-jir ah ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay 130 Rakaab la socdeen Doonidii u ula socday, balse uusan war ka haynin tirada Tahriibayaashii la socday doonida kale ee degtay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo u badan odayaal iyo aqoonyahano lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ee dalka ayaa ka hadlay hadalkii kasoo baxay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni. Iyadoo dhiibanayay aragtidooda ayaa shacabka magaalada Muqdisho waxay isku raaceen in madaxweynaha Uganda uu hilmaamay abaalkii ay u gashay dowladii dhexe ee Soomaaliya, oo u tababartay Musaveni ciidamadii ugu badnaa. Sidoo kale dadkii lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ayaa sheegay in madaxweynihii Soomaaliya uu abaal weyn u galay Musaveni kadib markii uu ka celiyay dowlado badan oo xiligaasi doonayay inay weeraraan Uganda. Shacabka ayaa isku raacay in madaxweynaha dalka Uganda uu ku abaal dhacay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaan aysan ka fileyn inuu sidaasi u hadli doono, maadaama ay Soomaali abaal u gashay Uganda. Qaar kamid ah shacabka ka qeyb galayay aragti ururuunka ayaa isku raacay in nidaamka dowladeed ee Soomaaliya uu liito, balse hadda ay wax badan iska badaleen dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka dhageyso aragtida shacabka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/FOX.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors