Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,337
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Saylac)-Colaad U Dhaxaysa Laba Beelood Oo Laga Qabsi Qabo Inay Ka Qarax Degmada Saylac, Mid ka mid ah beelaha deegaanka farriin u dirtay xukuumadda iyo madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa beddeshay safiirkii dalkaas u fadhiyey dalka Soomaaliya, ayada oo lasoo magacaabay safiir cusub, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha dibedda iyo barwaaqo sooranka UK. Ben Fender, oo magaciisa buuxa uu yahay Benjamin James Fender, ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya, isaga oo beddeli doona David Concar. Mr Concar ayaa la sheegay in loo magacaabi doono shaqo kale oo diblomaasiyeed, oo aan la shaacin. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay boqortooyada UK, Fender ayaa xilka safiirka Soomaaliya, waxa uu si rasmi ah ula wareegi doonaa kowda Bisha Febraayo ee soo socota. Magacaabistan ayaa imaneysa, xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso Somalia iyo UK, islamarkaana xiriirka labada dal uu joogo meel aad u hooseysa. Xiisaddan ayaa ka dhalatay xarigii Roobow iyo cayrintii Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  3. Nairobi ( Sh. M. Network )-Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen 12 Qof oo lala xarIirinayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya. Taliyaha Booliksa Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in dadka ay qabteen uu ka mid yahay muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhashadda dalka New Zealand, kaas oo lagu magacaabo Sulub Warfaa sidoo kalena watay baasaboor kale oo uu magaciisu ka dhigtay Ramadaan Yuusuf. Mr Boinet ayaa intaasi ku daray in dadka ay xireen sidoo kale uu ka mid yahay muwaadin watay baasaboorka Ethiopia, kaas oo lagu magaacaabo Saqaawudiin Cabdullahi Maxamed. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ay ka wadaan xadka labada dala ee Soomaaliya iyo Kenya. The post Kenya Oo qabatay Rag lala xariirinayo Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Baraawe ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya Sh/ Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayO magaalada Baraawe ee gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa u dhexeysaa maamulka Baraawe iyo qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. Guddoomiyaha degmada Baraawe C/fitaax Maxamed Nuur oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in arrintani ay saameyn ku yeelatay howlihii maamulka ee degmadaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Odayaashan oo horkacaya Ciidamo Milatari ah ay joojiyeen canshuurihii laga qaadi jiray Ganacsatada, sidoo kalena ay hakad galiyeen dhismihii ka socday Garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/co.mp3 The post Xaalad kacsanaan ah Oo laga dareemayo M/Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Addis Ababa ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Ethiopia ayaa lagu sheegay in Ciidamadeeda cirku ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sida ay daabacday wakaaladda dowladda EBC illaa iyo 35 Dagaalyahan ayey sheegtay Ethiopia in duqeyntani ay ku dishay, taas oo ay ka fuliyeen 24-kii bishan meel 75 Km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Sidoo kale wasaaradda Difaaca ee Ethiopia ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku dishay xubno sare sare oo ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo ay magacyadooda ku kala sheegeen Abdu Usman iyo Abdu Salmaan. Wasaaradda difaaca ayaa intaasi ku dartay in duqeytan ay sidoo kale ku burburiyeen Gaari iyo Hub ay lahaayeen Al Shabaab. Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar khasaare geystay ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia oo marayay qeybo ka mid ah gobolka Baay ee K/ Soomaaliya. The post Ethiopia Oo duqeyn ku dishay 35 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Jigjiga)-Wasiirka wasaaradda shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa waxa ay kulan la qaadatay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar. Qoraal lagu baahiyay barta facebook wasaaradda lagu yidhi: Madaxwaynaha ismaamulka Dawlad deeganka Soomalida Itoobiya Mustafe cagjar ayaa soo dhawayn diiran u sameeyey wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland. Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa uga mahadnaqday madaxwaynaha soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaanay ku bogaadisay hanaankiisa maamul iyo dhabaha wanaagsan ee u Ku hagayo ummadiisa. Dhanka kale Wasiir Hinda waxay aad ugu dheeratay xidhiidhka qotoda Dheer ee ka dhexeeya ismaamulka Soomalida Itoobiya iyo Somaliland shacab ahaan iyo maamul ahaanba. Ugu dambayntii Wasiir Hinda ayaa waxa ugu ducaysay madaxwaynaha in illaahay xilka u fudaydiyo kuna garab galo. Source
  7. Xeebaha dalka Jabuuti waxaa ka socda baadigoob xoogan oo loogu jiro dad Tahriibayaal ah oo dooni ay kula dagtay biyaha . Laba doonyood oo [...] Source
  8. A New Zealand national is among 12 people who were arrested near the Kenyan- Somalia border in the latest crackdown on terror suspects. Inspector General of Police, Joseph Boinnet said the New Zealander Sulub Warfaa, 36 was arrested with the two passports bearing different names. The other passport had the name Ramadhan Yusuf. Another suspect Sakawawedin Abdullahi Mohammed, 33, was arrested with an Ethiopian passport. “The two were heading to Garissa from Dajabula in a white Toyota Hilux Double Cabin,” Mr Boinnet said. The other ten suspects were arrested during an operation at the Dadaab Refugee Camp in Garissa County. Police officers have intensified their crack down on terror suspects and their aides since the Dusit D2 terror attack that left 21 people dead and several others injured. The post Al-Shabaab suspects arrested on Kenya-Somalia border appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay labo doonyood oo ku qalibmay xeebaha dalka Jabuuti, sida ay sheegtay laanta Qaramada Midoobey u qaabilsan muhaajiriinta. Qof kamid ah dadka kasoo badbaaday badda ayaa sheegay in 130 qof ay saarnaayeen doomaha, waxaa hadda socotaa howlaha samatabixinta ee lagu raadinayo dadka maqan. Dalka Jabuuti ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay noqday marin ay sii kasii tallaabaan muhaajiriinta ku wajahan kacanka Cadmeed. Source
  10. Cape Town ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay duleedka magaalada Cape Town ee caasimadda dalkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Muxudiin, kaas oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaalida ee k u dhaqan dalka K/ Africa. Dilkan ayaa yimid kadib markii Burcad u dhashay dalkaasi ay weerareen Gaari uu watay Muwaadinkaasi oo ay doonayeen in ay dhacaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lagy dhex dilay ganacsadahani Gaarigii uu watay oo ahaa nuuca raaxada . Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay goobta uu dilku ka dhacay. Tan iyo markii lagu guda galay sanadkan 2019-ka waxaa kordhay dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo lagu dilay dalka K/ Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-300119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Xaalada magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Itoobya ayaa dagan maanta kadib markii xalay ay ka dhaceen dagaal udhaxeeyay qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida . Iska horimaadkii [...] Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa waxaa uu eedeymo kulul u jeediyey wasaaradda ciyaaraha Somaliland isaga oo ku sifeeyey in wasaaradaasi ay shaqadii qaranka ay u haysay ay si weyn ugu fashilantey, waxaanu ka hadlay tartan caalami ah oo la sheegay in lagu qabanayo Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka digtay in lagu degdego tallaabo ay dowladdu ka qaado dowladaha iyo hey’adaha taageera Soomaaliya. Fowziya Yuusuf ayaa sheegtay in Uganda ay dhiig badan u daadisay Soomaaliya, illaa iyo hadda garab taagan tahay, sidaas darteedna canaanta Madaxweyne Museveni aan loo arkin colaad. “Waxaa nasiib darro ah in markale lagu degdego tallaabo laga Qaado hay’adaha ama dawladaha u heellan, taakuladeenna iyo ilaalinta nadgelyadeenna, Uganda waxay inoo daadisay dhiig badan ilaa haddaan way inna garab taagan tahay. Ma aha in canaanteeda colaad loo arko”ayay tidhi Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Museveni inuu ahaa qof iska hadlay, isla markaana Soomaaliya ka jirto dowlad la aqoonsan yahay, waxaana uu xusay ka dowlad ahaan jawaab hoose oo diblomaasiyadeed u diri doonaan. Source
  15. Jigjiga (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa degan kaddib markii ciidammada militariga Itoobiya ay la wareegeen waddooyinka magaalada Jigjiga iyo guud ahaan goobaha Muhiimka ah ee Jigjiga. Qaar ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Jigjiga ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay Saakay xilli hore Ammaanka magaalada la wareegeen, waxaana sidoo kale Ciidamadaasi Ammaanka la sugaya Ciidamada Booliska. Milatariga Itoobiya ayaa inta badan looga baran in ay soo dhexgalaan magaalooyinka, waxaana la sheegay in ay kasoo guureen xeradii ay ka deganaayeen duleedka Jigjiga. Saraakiisha Dowlad Deegaanka waxay sheegeen in la dejiyay xaaladda isla markaasna magaalada ay hadda xasiloontahay. Rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga waxaa ku dhintay labo qof halka ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Diyaarad nooca dagaalka ah ayaa duqayn cirka ah wax ka fulisay xalay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buur Heybe ee gobolka Bay . Itoobiya [...] Source
  17. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Shalay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabiley qunsul cusub oo la sheegay inuu Dawladda Itoobiya u fadhiyi doona Magaalada Garoowe, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Jen. Mabratu Waldo Aragay. Jen. Mabratu ayaa qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe ka beddelaya qunsulkii hore Asmalaash oo muddo 13 sanno hayey xafiiskaasi. Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo toddobaadkan lagu caleema-saaray magaalada Garoowe ayaa sheegay in Itoobiya iyo Puntland ay yihiin deris, ayna waddaagaan soohdimo muhiima ah, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay dar-dargelinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo Puntland, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Warbaahinta uu soo gaadhsiiyay xafiiska Madaxweynaha Puntland. Gabagabadii, qulsulka cusub ee Itoobiya, ayaa ka mahad naqay sida Madaxweynaha Puntland ugu qaabiley xafiiskiisa, waxaana uu qunsulku sheegay in uu dar-dargalinaayo wada shaqaynta Puntland iyo Itoobiya. Tallaabada Itoobiya Qunsulku ugu Magacowday Maamulka Puntland oo ka mid ah Dalka Soomaaliya, ayaa ah arrin Dad badan su’aal ka qabaan, maaddaama oo Puntland aanay ahayn Maamul ka Madax-bannaan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla-markaana Itoobiya uu Safiir u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa laba Toddobaad ka hor waxay Safiir cusub u soo Magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo hore Itoobiya Safiir uga soo noqday Dalal ay Jabuuti ka mid tahay. Source
  18. Madaxweynaha Jubalanad Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya waxa uu ku dhaliilay in ay ka gaabisay dagaalkii ay Al-shabaab kula jirtay iyo heshiisyadii iskaashiga ladagaalanka Argagixisada [...] Source
  19. Waxaan arkay Soomaali badan oo ka xajiimooday hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha uganda museveni, laakiin runtii anigi hadalkaas wuxuu iila muuqday mid dhiiro galin ah oo ubaahan inaan cashir kabarano. Dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay (AUN) Mohamed siyaad bare kadib, soomaliya mayeelan dowlad oo waxa ay aheed waddan uu burbur ku yimid dowladnimadiisa. Marka aan sidaas leeyahay waxaan ulajeedaa in soomaliya ay dhumisay dhamaan sifaadkii looga baahnaa dal leh dowlad. Wadanka markuu leeyahay dowlad waxaa laga rabaa inuu buuxiyo sifaadkaan hoos ku xusan; Wadankaas waa inuu awood uleeyahay inuu difaaco madax banaanidiisa dhuleed, waa inuu awood uleeyahay inuu cadawga ka difaaco xuduudihiisa, waa inuu leeyahay ciidan qaran oo difaaci karo shacabkiisa, waa inuu yahay mid siin karo shacabkiisa adeegi ay ubaahnaayeen hadeey ahaan laheed caafimaad, waxbarasho iyo etc. waa inuu yahay mid awood uleh uruurinta canshuurta dalka oo idil. intaas iyo in kabadan ayaa laga rabaa dowlad. Hadaba waxaa isweydiin mudan dowladda somaliya maleedahay sifaadkaas aan kor kusoo xusay. Jawaabtu waa maya,sidaan ognahay soomaliya maleh ciidan qaran oo difaaci karo xuduudaha dalka, oo waxaan aragnaa in maalin walbo ay ciidamada dowladdaha dariska ah ay iska soo talaabaan xuduudaheena,waxaan aragnaa in ciidamada kenya ay shacab masaakiin ah duqaymo kulaayaan gobolka gedo,mana jirto dowlad ka hadasho dhibaatada lagu hayo dadkaas,waxaan aragnaa in ciidamo shisheeya ay ilaaliyaan madaxdeena,waxaan aragnaa in meelihi ugu miihiimsanaa dalka uu shisheeya maamulo,waxaan aragnaa in mushaarka ciidankeena ay dalal shisheeya bixiyaan. Markaan xaqiiqda usoo noqono oo aan katagno caadifada iyo laablakaca beenta ah waxaa noo muuqdo in soomaliya aysan waxbo faraha kuheyn, in soomaliya ay tahay dal fashilmay oo ay fashiliyeen dadkiisa. marka maxaa nala gudboon hadaan soomali nahay, waxaa nala gudboon inaan xaqiiqda wajahno, inaan garano in dowladnimadu tahay waxa kaliya ee aan kusoo ceshan karno sharafkeeni umadeed. Qof walbo oo ay lixjeclo kahayso dalkiisa,rabana inuu arko soomaliya oo leh dowlad xoogan; waxaa laga rabaa inuu qayb kanoqdo dhismaha wadankiisa,waxaa laga rabaa inuu bixiyo canshuuraadki looga baahnaa si dowladdu uhesho ila dhaqaale,waxaa laga rabaa inuu kamid noqdo ciidanka dalka,waxaa laga rabaa inuu abuuro fikir ganacsi oo dalka iyo dadkaba faa’ido uleh,waxaa laga rabaa inuu yahay qof naftiisa hormariyay,waxna bartay dadka kalana waxbaray,waxaa laga rabaa inuu dalkiisa daacad ugu shaqeeyo, musuq maasuqana kafogaado,waxaa laga rabaa inuu noqdo qof si mas’uuliyad ay kudheehantahay udoorto hogaanki dalka lagu aamini lahaa.Hadii dad badan sidaan ufakiraan ficilna kudaraan,waxaan yeelan doona wadan dhisan oo leh dowlad xoogan. DALKAADA WAX KU BİİRİ HADAAD JECESHAHAY. W/Q. Abdikarim Abdullah Email: waweyneyare@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Buugani wuxuu noqon doonaa Laba majale, kaas oo la magac bixi doona ” Qalooc iyo Qarsoodi ” Buugani wuxuu diirada saari doonaa dhamaan dheefihii iyo dhiilooyinkii dalka ka dhacay mudo xileedkii Xukuumadii hore ee kulmiye dalka hagaysay oo aheyd taariikhdii ( 26/6/ 2010 – 13/11/2017) . Buugani wuxuu Toojka ku ifin doonaa ummaddana u soo bandhigi doonaa marxaladihii ay soo martay Caqiidadii siyaasadeed ee Xisbiga kulmiye dalka ku qabsaday iyo curyaamintii Geedi-socodkii dimuqraadiyadeed ee Somaalilaan, Kuy’e Buugan majaladiisa koowaad wuxuu kuu kala haadin doona, kuna hufi doonaa cutubyadiisa kala duwan qodobadan hoos ku taxan : 1- Musuq-maasuqii iyo maalurursigii lagu sameeyey maareyntii maganta,moorada iyo midhihii dawladnimo, waxaana uu buugani gol-jilicda ka yara gujin doonaa Khaayimiintii awooda dawladnimo helay ee ku tagri falay hantidii ummadda, jileyaashii qarsoonaa iyo gafeneyaashii ku dhegay naasihii irmaanaa ee qarankani lahaa. 2- Buugu wuxuu qodobeyn doonaa si wax looga barto Cadaalad daradii iyo ceebihii dhacay, dhacdooyinkii maareyntooda lagu fashilmay iyo dhiilooyinkii dhabta ahaa ee dalka ka dhacay mudadaas. Boobkii dhulkii danta guud iyo siyaabihii loogu tagri falay hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd ee ummaddu wada laheyd 3- Buugu wuxuu iftiimin doonaa hadhkii iyo humaagii galay dawladnimada JSL, ma hadhooyinkii iyo raadadkii foosha xumaa ee doogta iyo diifta lahaa ee dadka iyo dalkaba ku reebay qabyaaladan duluca furatay ee maanta dalka ku bacrintay. 4- Buugani Wuxuu halbeeg iyo cabir saari doona dhaawicii iyo dhiig bixii gaadhay magacsamaantii dawladnimada Somaalilaan oo maanta weetaysan. 5- Buugani wuxuu bayaamin doonaa caro-qaad kii shir beeleedyada iyo soo bacrimintii qabyaaladan duluca furatay ee ku saleysan is-xulafeysiga la magac baxay Jeegaanta malaasan. 6- Buugu wuxu duri doonaa Siyaasad xumadii Jeegaameysneyd ee soo ifbaxday doorashada dabadeed taas oo dalka ku reebtay Colaado Siyaasadeed, Cadaawe degamsan iyo isu jabhadeynta maanta dalka ka bilaabantay. 7- Buugu wuxuu soohi doonaa xagal daacii ku dhacay Dimuqraadiyadii JSL ee aanu Kulmiye weelkeeda sii tolin, laakiin uu curyaamiyey kuna fashilmay waajibaadkii ka saarnaa geedi socodkii iyo hanaankii dimuqraadiyeed ee lagu taamayey mudada dheer.” Sida doorashooyinka wada mudo dhaafay ee waqtigooda lagu qaban waayey.” 8- Buugu wuxuu hoga tusaaleyn doonaa dagaalkii qaawanaa ee Jamaal Ali Xuseen lagaga reebay Musharaxnimadii uu xaqa u lahaa ee uu ka sharaxnaa Xisbiga Ucid. 9- Buugu wuxuu bayaamin doona mudo kordhintii la caadeystay iyo khiyaamooyinkii ku gedaamnaa Doorashadii Madaxtooyada ee 2017 ee la qabyaaladeeyey taas oo ay ummaddu wada daalacatay doorashadii madaxtooyada in aan marna xisbi loo codeyn ee qolada loo codeeyey. qaanuunkii dhisme siyaasadeedkii dimuqraadiga ahaana loo bedelay qabiil, codkii muwaadinka xorta ahaana la isireeyey oo qabiil uu la tegay muskiisii iyo miscirirtii uu rabay, arintana waxaa markhaati iyo marag kuugu filan doorashadii ugu danbeysay ee dalka ka dhacday. 10- Wuxuu buugu caadka iyo ciirada saaran ka qaadi doonaa Qarada Siyaasadeed iyo jiritaanka qaanuunada qabyaaladeysan ee Xisbiyada Somalilaan, gaar ahaan xisbiga kulmiye : Waxaa la wada ogsoon yahay in “Cod doorasho oo qabaa’il ku xulofoobaan ay ka dhigan tahay, in dadka intiisa kale ganafka la geliyo si aanay weligood kuriga u haleelin oo aanay wadanka madax uga noqon iyada oo adeegsanaayo qabyaalad qaawan. 11-Buugu wuxuu daaha ka feydi doonaa Malaayiinkii doolar ee lagu lunsaday Mashaariicda Biyo gelinta Caasimada Hargeisa, Sahaminta macdanta iyo shidaalka dalka, xaqulqalinkii, la qaybsaday, qasriyadii iyo sheerarkii la dhaafsaday wereejinta Dekeda Berbera, Saldhiga Ciidamada ee Berbera iyo Madaarkii Berbera. 12- Buugu wuxuu bayaamin doonaa Qaloocii galay Qorshe howleedyadii horumarinta iyo higsiga qaranka ee ku mudaysnaa 2012 – 2016 iyo mashaariicdii maamul daadejinta ee Dawladaha hoose ee la magac baxay GPLJ ( Joint programmes ) ku waas oo wada hagaasay oo fadhiid noqday. 13- Buugani isaga oo bud-dhig iyo baleysin uga dhigaaya Cadaalad daradii iyo Ceebihii dalka ka dhacay wuxuu ummadda u soo bandhigi doonaa caaqidadihii Siyaasadeed ee xukuumadii hore ee kulmiye in ay ku saleysneyd oo keliya hab-dhaqanka Xulafeysan ( Clan politics ) iyo jifooyin qabiil si loo jumladeysto dhamaan joharadii ummaddu wada laheyd oo dhan. 14-Buugani wuxuu lafaguris hufan, xigasho iyo xog koobid ku eegi doonaa hababkii qalooca iyo qarsoodiga ahaa ee lagu qaybiyey deeqihii debedaha sida kuwii waxbarashada iyo mashaariicdii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka sida Caafimaadka, biyaha, beeraha, iyo tamartaba. 15- Buugani isaga oo markhaati iyo maragyo soo qaadanaya wuxuu daaha ka feydi doonaa qusumkii iyo qoontii lagu qaybsaday mansabka, maganta, moorada iyo dhamaan ilihii dhaqaalaha ee dalka oo dhan ee wax ka tari lahaa korodhka dhaqaalaha dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhalinyarada. 16- Buugani wuxuu ururin doonaa, keydina doonaa oo weeleyn doonaa wixii ina soo maray dhib iyo dheefba si ay dhaxal iyo dhito inoogu noqoto. 17- Buugani waxaa uu argagax iyo oofwareen ku ridi doonaa inta runta iyo xaqa daboosha sida jileyaashii qarsoonaa ee dalka dhacay. 18- Buugan lama yool habaabin karo waana dhab in uu gagabin doono intii doobin jirtay ee ku dibirtay xaq-daradda iyo xoolihii ummadda baahan 19- Buugani wuxuu qiimeyn iyo saadaalin buuxda ku sameyn doonaa Caqiidada Siyaasadeed ee Kulmiyaha cusub laga filanaayo sanadaha soo socda. 20- Summadda Buugu waxay noqon doontaa ( Dab liq -ISBN -10-17 ) Waxaan Saaxiibkay Mr A. Omar ku hambalyeynayaa Buugan oo uu soo bandhigi doono dhawaan sanadkan gudihiisa. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax-banaan Intensive ED BD PA United kingdom Qaran News
  21. Shil Gaadhi oo ka dhacay Biriijka Kala jab ayaa sababay Dhimasho Laba qof ah. Alle haw naxariisto oo janadda ha geeyo Labadaas marxuun. Booyad Shidaal u siday Ceerigaabo ayaa ku dhacday Biriijka Kala jab ka dib markii ay ka dhacday Biriijka. Shilalka Gaadiidka ayaa inta badan waxa sabab u noqda waddooyinka ay marayaan oo dhaawac ama Burbur ku dhaco, dayac ka yimaada darawalka iyo isdhaafka degdega ah ee inta badan ay sammeeyaan darawaliintu, Ku hadalka telefoonka, Cabista iyo cunista kala duwan, sidaa awgeed dawladda Waxaan ugu baaqayaa in shilalka gaadiidka ka hor la sammeeyo oo lala kaashado ciidamadda Waddooyinka si loo hubiyo Darawaliintu innay buuxiyeen sifihii darawalnimo. Sidoo kale in la sammeeyo Hay’ad gaar ah oo ka shaqaysa wacyi galinta shilalka gaadiidka iyo ka hortagooda. Shilalka gaadiidku Maalinkasta waxay sababaan dhimasho, dhaawac, iyo burbur maaliyadeed oo badan. Warbaahinta uu ka mid yahay Khaalid Foodhaadhi oo hore wax uga diyaariyay waxaan ka codsan lahaa inuu sanadkasta bilkasta uu warbixino dhammaystiran ka sammeeyo kuwaasoo xalkooda wata. Haddii aad gaadhi waddatid ka taxadir shilalka Gaadiidka ee sida joogtadda ah u dhaca Allena waxaan ka baryaynaa inuu innaga nabad geliyo dhibka gaadiidka. Rakad Mxd Sultan Qaran News
  22. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog),oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Doorashada aanay dhici karin iyada oo aan waxba laga qaban lix arimood, oo kala ah Komishanka, Saami qaybsiga, Tirikoobka, kala xadaynta Gobolada iyo Degmooyinka, Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo in la bixiyo lacagta Doorashada. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Komishanka iyo Doorashada ayaa yidhi “Xisbiga Waddani wuxuu helay boqolkiiba dhawr iyo afartan, halka Xisbiga Kulmiyena uu helay boqolkiiba dhawr iyo kontan, halka Xisbiga UCIDna uu helay boqolkiiba afar, sidaas oo ay tahay Xisbiga Waddani wuxuu si cad u soo bandhigay xil gudusho la’aanta Komishanka, iyo cadaalada darada ay sameeyeen, sidaas darteed in Doorasho dambe ka xaqsooraan Komishankani maaha, taasna Xisbiga Waddani xaq buu u leeyahay, sida uu Xisbiga Kulmiye uu ugu doodayey in Komishanka laga bedelo wakhtigii Daahir Rayaale ayuu Xisbiga Waddanina ugu doodayaa, markaas Madaxweynuhu iyo Xisbigiisa Kulmiye markii ay Mucaaradka ahaayeen siday u diidaayeen Komishanka, ayuu Waddanina u diidan yahay,Madaxweyne Komishan aad cadaalad daro ka tirsatay adigoo Mucaarad ah, kadibna laga bedellay, ciddina ka yeeli mayso Komishan xaqsoor, garsoor iyo cadaalad aan lagu ogeyn inay sii joogaan, ta kale haddii nin uu Basboorkiisku dhacayo bisha kow iyo tobonaad, haddana uu yidhaahdo bisha laba iyo tobanaad ayaan dhoofayaa waa wax lagu qoslo, ee waa in Komishan is leeg oo waliba ku saleeysan habka boqolayd oo Doorashadii sidii loo kala helay lagu saleeya, waxaana wanaagsan in Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani min saddex xubnood keenaan, Xisbiga UCID-na uu uu keena hal xubin, madaama laga cod badnaa, laakiin Doorasho ay Komishankani qaban karaan ma jirto”. Xidhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Saami qaybsiga, tirikoobka, iyo Doorashada ayaa yidhi “Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay xukuntay in Doorashada lagu galo Saami qaybsi, waxaana haboon in marka hore guud ahaan Shacabka reer Somaliland loo sameeyo tirikoobo, isla markaana kala xadayntii Gobolada la sameeyo, oo waliba Diiwaangelinta Doorashadana la sameeyo, maxaa yeelay dad badan oo aan Doorashadii hore ka qayb galin iyo kuwa aan qaangaadhin ayaa jira, marka qodobadan la helo iyana waa muhiiim, waxaa kale oo iyana daruuri ah in la helo lacagtii Beesha Caalamka, gaar ahaan Wadamada Somaliland Doorashooyinka ka caawiya”. Xidhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Gobolka Maroodijeex ayaa yidhi “Gobolka Maroodijeex waa Gobolka ugu dadka badan, uguna cododka badan, maxaa yeelay ilaa laba milyan oo qof ayaa ku nool, waana labaatan kursi oo qudha, waxaana odhan karaa Gobolka Maroodijeex uu ku dulman yahay Kuraasta Wakiilada, oo xittaa Gobolada kale halka lagaga soo baxo todoba boqol oo cod, Maroodijeex dhawr kun oo cod baa lagu dhacay, in wax laga jaro iska daa’ ee waxay u baahan tahay in wax loogu kordhiyo.” Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegatay markii xilka loo dhiibay guddoomiye Yariisow ayaa weeraray siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa xanaaqsan inay dafiraan waxqabadka xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, isaga oo sheegay inaysan u muuqan waxqabadka dowladda. Sidoo kale ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka qabatay horumarinta deegaanka. “Mudane Guddoomiye Waxaa jira niman badan oo saaxiibadeena ah oo aan waxba arkeyn,siyaasiyiinta xanaaqsan oo mar walba lasoo taagan waxba lama qaban iyo qabyo waa halkeedii ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed”ayuu yiri Mr Guuleed. Mahdi Guuleed ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wax badan ka qabato horumarinta deegaanka iyo gobolada dalka Soomaaliya, isaga oo amaanay waxqabadka uu xalay soo bandhigay guddoomiye Yariisow. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-raiisul-Wasaare-ku-xigeenka.mp3Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com