Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,340
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Riyadh)-Xadhiga haldoorka ayaa walaac xooggan ku keenay nidaamka dowladda Sucuudiga, kaddib markii qaar ka mid ah hantiilayaasha iyo rag awood ku lahaa dowladda lagu xidhxidhay huteel ka mid ah kuwa raaxada ee waddankaasi. In ka badan boqol bilyan oo doolar ayaa la sheegayaa in lagu wareejiyay dowladda Sucuudiga, taasi oo u dhiganta hantidii ay sheegtay inay dowladdu ku raadjoogto. 87 qof ayaa la sheegay inay qirteen lacagaha lalunsaday, halka 8 kalena lasoo sheegayo inay diideen wax dambi ah, kuwaasi ayaana haatana wajahaya dacwad. Dhaxalsugaha Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa lala xiriirinayaa khaarijintii loo geystay weriye Jamaal Khaashuqji. Inkasta oo dhaxlsuguhu ku raja weyn yahay in tallaabadii ka dhanka ahayd musuqmaasuqa ay ku dhiirigelin doonto maalagashadayaasha caalamiga ah in Sucuudigu yahay waddan la maalgashan karo. Xidhitaanka loo gaystay qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada, wasiirrada iyo ganacsatada ayaa saraakiisha Sucuudigu waxay horey u sheegeen inay tahay hawlgal billaw ah oo meesha looga saarayo saarayo musuqmaasuqa. Xiliigaasi, ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xiritaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro. Guddi musuqmaasuqa la dagaalamayay oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah. Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa ka mid ahaa dadkii lasoo xiray, balse dhawaan lasii daayay. Source
  2. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa isku raacay in labadaba ay dhisaan laba guddi farsamo oo go’aan ka gaadhaya habka ay ciidamada Mareykanka iyo NATO uga baxayaan dalka Afghanistan. Guddiyadan ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona sidii looga hor-tagi lahaa in argagixisada ay dalkaas u adeegsato meel laga weeraro Mareykanka iyo xulufadiisa. Madaxa wadaxaajoodka Taliban, Mullah Abbas Stanikzai ayaa shaaca ka qaaday faah-faahinadan kadib toddobaad wadaxaajood ah oo uu dalka Qatar kula yeeshay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta Afghanistan, Zalmay Khalilzad. “Labada guddi waxay diyaarin doonaan hindisayaal waxayna qaadan doonaan go’aan ay soo saari doonaan miiska wada-hadallada xiga ee 25-ka Febraayo ka dhacaya Doha” ayuu yiri Stanikzai. Waxa uu sheegay in kadib la qaban doono kulan ballaaran oo ay ka qeyb gali doonaan quwadaha adduunka, QM iyo wakiilo ka socda dalalka Islaamka, kuwaasi oo damaanad qaadayaal noqon doona, ayada oo xaqiijin la siin doono ciidamada shisheeye si ay uga baxaan Afghanistan. Source
  3. Jubada Hoose(S.M.Network):-Kolonyadan oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay kasoo tilaabay xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana ay kusii jeedaan dhinaca degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Alshabaab ay qarax kula eegteen inta u dhaxaysa Degmoogyinka Dhoobleey iyo Afmadaw oo ka tirsan gobolka Jubadda hoose. Al shabab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadasi laga eegtay ciidamada Kenya ee kasoo talaabay xadka dalalka Kenya iyo soomaliya. Lama oga ilaa iyo haatan qasaaraha dhabta ah ee kadhashay qaraxyaadsi lala eegtay ciidamada Kenya. Dowladaha Kenya iyo Somaaliya ayaa ku heshiyay in ay sika kaashadaan weerarada kadhanka ah al shabab oo dagaal xoogan kula jirta dowladda Soomaaliya iyo howlgalka midowga Africa ee Amsiom. Al shabab ayaa inta badan weeraro dhabogal ah kuqaada ciidamada dowladda Kenya xiliyada ay kusocdaalayan wadooyinka xiriiriya koonfurta soomaliya. The post Alshabaab Oo Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Milatariga Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Kulankii ka dhacay magaalada Garowe kadib madaxda maamul goboleedyada ayaa dib ugu laabtay deegaanada caasimadda u ah si waxyaabaha looga hadlay shirkii ka dhacay magaalada Garowe ay ula wadaagaan xubnaha ay isla shaqeeyaan. Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan ku hakan magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle, waxaana diyaaradii uu la socday ka haray guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano la socday, iyadoo isla diyaaradda ay Waare usoo gudbisay magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu usoo gudbay magaalada Muqdisho sabab la xiriirta kulamo kale gaar ah oo uu doonayo inuu la yeesho madaxda dowladda Soomaaliya. Sidoo kale xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu doonayo in madaxda dowladda Soomaaliya uu kala hadlo kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle, inaysan helin dhaqaalo badan oo loo balan qaaday. Waare ayaa ka duwanaaday madaxdii maamul goboleedyada ee ka qeyb galay munaasabadii ka dhacday magaalada Garowe, sababtoo ah madaxda maamul goboleedyada ayaa dhamaan dib ugu laabtay caasimadaha maamul goboleedyada, laakiin Waare ayaa usoo gudbay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in hadda uu ka dagay culeesaadkii baarlamaanka, balse waxaa jiro culees siyaasadeed u dhaxeeyay isaga iyo madaxda maamulka Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Hiiraan(S.M.Network):-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi xalay duqeymo ay ka fuliyeen diyaarado jawi hoose ku duulayay oo aan la ogeen halka laga leeyahay. Faahfaahinada laga helayo duqeynta sheegaya in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Luuq Jeeloow ee gobolka Hiiraan,isla markaana lala beegsaday fariisimo dagaalyahanada Alshabaab ay halkaasi ku lahaayeen. Lama ogaha qasaaraha ka dhashay duqeynta laga fuliyay gobolka Hiiraan,balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay jirto cabsi ay ka qabaan diyaaradahaasi aan la aqoon halka laga leeyahay. Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa inta badan duqeymo ay ku beegsadaan dagaalyahanada Alshabaab ka fuliya Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Weli waxaa socda dadaalka kooxada gargaarka ay ku baadi-goobayaan dadka lagu la’yahay doon ku quustay xeebta Abok ee dalka Djibouti, taasi oo ay saarnaayeen 130 qof, oo 16 ay haween ahaayeen. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, waxaa la helay meydka 52 qof, dadkaasi oo u badnaa Itoobiyaan waxaa ay u socdeen Jaziiradda Carabta, 16 ayaa laga badbaadiyey doontaas, laakin waxaa la sheegaya ain doon kale ay jirtay, oo aan wax laga heyn. Hey’adda IOM, waxaa ay sheegeysaa in doonta ay qalibmatay nus saac kadib markii ay dhaqaaqday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose, ayaa Al shabaab waxay sheegeen inay ku qabsadeen gaadiid kale oo ay la socdeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Al Shabaab ayaa sheegay inay wadada u galeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay meel ku dhow deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelaha Hoose, xili ay kasoo laabteen deegaanka Dhanaane. Rasaas iyo madaafiic ayaa la isku weydaarsaday dagaalka , sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaaro soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Al Shabaab ayaa sheegay in gaadiidka dagaalka oo ah kuwa gaashaaman inay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee kasoo laabtay deegaanka Dhanaane oo muddooyinkii ugu dambeeyay dagaalo ay ka dhacayeen. Sidoo kale waxaa wararka ay sheegayaan ku dhawaad lix askari ay labada dhinac waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dagaalka ka dhacay duleedka deegaanka Jasiira ee gobolka Shabeelaha hoose. Sido kale Al Shabaab ayaa sheegay inay weerareen saldhig ciidamada Uganda ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay AMISOM iyo Al shabaab, walow aan xog laga heyn khasaaraha dagaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Kismaayo (Caasimada Online)-Muuqaal si qarsoodi ah looga duubay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ahaa ciidamada oo si awood ah timaha kaga jaraya dhalinyaro ku sugan magaalada Kismaayo. Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo timo jarista u adeegsanaya maqas loogu talo galay in dharka lagu jaro oo ay adeegsadaan kuwa Dawaarleyda “Harqaanleyda” ah. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland, kaasi oo cadeynaya amarka dhalinyarada timaha looga jarayo, taasi oo caqabad kale ay ka dhalan karto. Sanadkii hore ciidamo dhalinyaro ahaa oo loo tababaray dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale ka bilaabay magaalada Muqdisho, balse markii dambe maamulka gobolka Banaadir ayaa joojiyay. Qaar kamid ah dhalinyarada magaalada Kismaayo ayaa ka dalbaday maamulka degmada iyo maamulka Jubbaland inay arintaasi cadeeyay inuu yahay amar guud iyo in dhalinyarada ciidanka ku jirta ay maskaxdooda ka qorsheysteen. Hoos ka daawo muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/KISMAAYO-1.mp4 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  9. Muqdisho(S.M.Network):-Kooxo hubeysan ayaa saakay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne ku dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliyeed. Dilka Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle ayaa ka dhacay waaxda hilaac ee degmada Xamarweyne waxaana rag bastoolo ku hubeysan ay ku dileyn meel aan ka fogeyn hooygiisa. Dilka Kadib ciidamada amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay,waxaana ay bilaabeen baaritaan ku aadan cida ka danbeysa dilka Gaashaanle sare Cabdulqaadir Ibraahim Cabdulle. Majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliyed,balse inta badan dagaalyahanada Alshabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fuliya dilal noocaani ah. The post Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka Oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-310119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. REER GAR ADAGOOW SOMALILAND SUNE XUN BAAD KAGA TAGTEEN !!! Somaliland waa dal dimuqaradiyad iyo nidaamka axsaabta badan qaatey oo ay labada walaalaha ahi kala afkaar noqon karaan midwalibana xisbiga uu doono gali karo oo taageero siin karo , waxaana aynu qaadanay nidaamka ugu casrisan ee maanta aduunku wax ku doorto ee ah qof iyo rabitaankiisa shakhsiga ah. Waxa aynu ku soo soconay nidaamka tan iyo markii doorashooyinka la furay sanadkii 2002 dii ee la qabtay doorashadii goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland ee ugu horeeyay ilaa bishii Oct 2008 dii oo ay beel Somaliland ahi shir u qabsatay si ay kursiga Madaxweynaha ugu qabsadaan reernimo. Waxa hubaal ahayd in iyada oo aan la isweydiin Axmed Siilaanyo cidiisa iyo halka uu ka soo jeedo midna Somaliland oo dhan laga taageersanaa iyada oo lagu dooranayey ama lagu taageerayey taariikhdiisa, magaciisa, aqoontiisa iyo halgankii uu dalkan u soo galay. Doorashadii lagaga helay xisbiga Kulmiye codadka yar ee kooban ee Somaliland ka dhacday sanadkii 2003dii waxa ay ahayd mid qurux badan oo aan beelo loo kala safnayn ee xisbiyo loo tartamayo oo ilmaadeertu is hayso, waxa ay ahayd ubax iyo bilow dimuqaradiyadeed oo u soo baxay Somaliland. Haddaba taariikhdu markii ay ahayd bishii Oct 2008 ayaa beesha aanu tolka nahay ee uu ka soo jeeday madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Siilaanyo iyo Gudomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamud Aden ay shir ku qabsadeen degmada gobolka sanaag ee Garadag. Shirkaasi oo inta laga og yahay ay beeshaasi danaheega iyo horumarka beesha kaga tashanaysay ayaa ajandayaashiisa hoose ay ka mid ahayd in murashaxa Madaxweynaha ee beeshaa ka soo jeeda la doorto, dhamaan dadka ay siyaasada isku hayaan ee beeshiisana laga turxaan saaro. Arinkaasi markaa dadka reer Somaliland dhib ulamuu muuqan oo xukuumadii UDUB oo ragaad ahayd ayaa dalka ku rafatay mudo badan oo aad looga soo horjeeday, waxa kale oo hubaal ahayd marka aan ka qiyaas qaato kacdoonadii siyaasada iyo dareenkii dadka reer Somaliland in Siilaanyo Madaxwayne noqon lahaa xataa hadii aan Gar-adag lagu soo shirin. Dhacday ; Siilaanyo oo taariikh badan oo wanaagsan umadan ku lahaa Madaxwayne noqoy, Somaliland waxa isa soo tartay oo ku soo badatay in reero iyo ardaayo loogu soo shiro siyaasadii oo waxaaba ay noqotay Sune in beelwaliba shir ay qabsato si ay markooga kursiga u fuulaan. Reerihii reernimada iyo nidaamka qabiilka ka baxay amaba kasii xuubsiibanayey ayaa dhamaantood waxa dib waaqica siyaasadeed ee Somaliland ku soo kordhay ugu sanduleeyay in uu qolo waliba reernimadii ku noqoto oo iyaga oo abaabulan ay duulaan siyaasadeed ku qabsadaan kursiga hogaaminta qaranka jamhuuriyada Somaliland. Waxa ay noqotay wadiiqo iyo raad la raaco oo la iska wada daba maro oo ilaa maanta taagan oo aynu arkeynaa beel wada muxaafid ah oo kursiga ilaalinaysa iyo beel wada mucaarid ah oo kursiga doonaysa in ay iyaguna markooga qabsadaan. Dawladnimadii iyo waxii ay umadu wada lahayd ayaa waxa uu yeeshay raad qabyaaladeed iyo sawir foolxun oo kala shaki iyo isnac dhex dhigay dadkii reer Somaliland ee walaalaha ahaa ee wax wada lahaa ee is dhex galay, waxa ay dhashay in ninwalba reerkooga mooyaane aanu aamineyn cidkale. Waxa kale oo arinkani sii dhalay isbahaysiyo reereed oo lagu raadinayo kursiga iyo talada umada u dhexda ah in lagu qabsado, waxa la iskala tagay waxii axsaabta loo aasaasay ee ahaa in mab’da iyo aragti la isku raaco oo aan reernimo iyo qabiil la isku raacin oo waxa samaysmay xulafo beeleedyo lagu doonayo hogaaminta umadda reer Somaliland. Runtii waa qalooc iyo halow dimuqaradiyadeed oo inagu dhacay , waa foolxumo iyo raad habaw ah oo aynu raacnay oo aynaan ilaa maantana in la isku daydo mooyaane in la iska soo qabto oo aynu wax dhaama raadsano aan la isla garan , sidan ay u sii eekaanaysona aan loo diyaar ahayn, waana arin khatar ku ah hanaanka dimuqaradiyada, isdhexgalka dadka iyo dawladnimada Somaliland oo khatar weyni inagaga soo socoto hadii aynaan maanta iska garan. Qalinkii @Muhamed Dhimbiil Qaran News
  12. Habeenku Siyaad Barre Dibjirey Qore: Dr. Saeed Sheikh Mohamed Baraha bulshada iyo websit yada qaar kood ayaan soo dhigay maqaal ka hadlaayey culimadii uu Siyaad Barre dilka toogashada ah ku fuliyey 23/1/75. Maqaal ku wuxu soo baxay sand guuradii 44 maalinta culimadu shahiideen iyaga oo aan dembi galabsan. Waxa kaliya ee lagu haystey waxay ahayd inay diideen hergelinta xeerka qoyska ee Siyaad Barre malmaluuqay. Xeer ku wuxu toos uga hor imanaaya Sharciga Alle. Siyaad Barre wuxu maamul kiisii ku suntana mid: macangagnimo, arxandaro, iyo cabudhin. Wuxu dhaqan ka dhigtay inuu shuruuc soo saro aay hay’adaha aduunyada ku hawlan xuquuqda qofa aad uga qayliyeen. Qofka Somaliyeed waxa uu ku noola xaalad aad u adag oo aanu xataa kor u odhan karayn waan dhibanahay. Siyaad Barre himiladiisu waxay ahayd oo qudha inuu midiidin ka wada dhigo, oo qalad kasta uu sheego ama ku kaco aan waxba laga odhan baqo awgeed. Camal ka looga bartay wuxu ahaa: dil, xabsi dheer, jidh dil, dhac iyo dhaxl wareejin, iyo hadimo joogta ah oo aan loo kala aba yeelayn sheekh iyo shariif iyo tuug toona. All wuxu qadaray, nin kii siduu shabeel yahay Somali oo dhamay ka cabsanaysay, 16 sano markay ka soo wareegtey maalintu culimada laayey, in inamo dhalin yara ah oo AK sitaa, qasarigii madax tooyada ugu soo galaan, iyagoo rabaa inay sidii Qadafi oo kale ka yeelaan Qasrigii madax tooyada ee aan cidi u soo dhawaan jirin, ee ciidamo kala dambeeyaa ku xeernaan jireen, isagoon cid uuku gabadaa aanay joogin, ayuu Siyaad Barre taangi goor galaba ku baxsaday 26/1/1991. Habeen kaa meel miyi ah oo waaqle ah ayuu ku dibjiray, markee dambe uu isaga iyo intii la socotey fadhiisin ka dhigteen isagoo cid u maciintaa aanay jirin oo cabsiyi u dhamaatey. Abwaan reer Burco ah ayaa maalmaha xaalada gabay ka tiriyey haldhigiisu ahaa: “Caawaba odaygii haduu dibjirey, waan ka aar saday.” Ayaantaa Siyaad Barre Moqdisho uu ka cararey, waxan xasuutey heestii abwaan Axmed Saleeban Bide uu hore u tiriyey: “Dhaaxaad ladnaydood sidaad aar libaax tahay, talaabada la dhaysee, Waadiganse liitee leexadu ku sidatee hadba laan cuskanayee Liibaanteed aduunyada qofna laasan maayee maxa lurey naftaadi. Siyaad Barre ku sii dheeraan mayo oo waxa igaga filan aayadan: وَلَا يَحْسَبَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّمَا نُمْلِي لَهُمْ خَيْرٌ لِأَنْفُسِهِمْ ۚ إِنَّمَا نُمْلِي لَهُمْ لِيَزْدَادُوا إِثْمًا ۚ وَلَهُمْ عَذَابٌ مُهِينٌ. آل عمران آية 178 Xadiith ka Rasuulkuna (S.C.W. Salam) waa: عن أبي بكرة-رضي الله عنه- أن رجلا قال:يا رسول الله أي الناس خير؟، قال :” مَنْ طَالَ عُمُرُهُ،وَحَسُنَ عَمَلُهُ”، قال: فأي الناس شر؟ قال :”مَنْ طَالَ عُمُرُهُ وَسَاءَ عَمَلُهُ”. رواه الترمذي وصححه الشيخ الألباني Rasuulku wuxu yidhi dadka waxa ugu wacan qofka cumrigiisu deeraado ee camal kiisuna wacnaado; waxaana ugu xun qofka cimrigiisu dheerado ee camal kiisuna xumaado. Dadka qaarbaa ku murma “ Siyaad Barre nin wacan buu ahaa”. Kuwa meelahaa hadalada cayn kaasa ku celceliya waxan u sheegayaa inay dib ugu noqdaan xaaladu siday ahayd marku xukunka xooga kula wareegey, iyo xaaladu siday ahayd markii la iska dhiciyey. Maalintii October 21, 1969 ee uu Siyaad Barre uu af-gambiga sameeyey, shanta Somaliyeed oo dhami way ogolaayeen, meel qudha ayaa loo wada jeedey. Xurnimo iyo midnimo Soomaliyo dhan ah ayaa la higsanaayey. Waxa qudha ee ay dadku cabanayeen wuxu ahaa musuq maasuq baahay oo maamul kii markaa jirey xalaalaystay; dhib kale oo jirtey majirin. Arinkaana waa la maarayn kari laha ayadoon xabad la isu qaadan oo doorasho iyo codayn ayaa ayaa xaladaa lagaga bixi laha.. Maalintii Siyaad Barre xukun laga tuurey, wuxu katagey: Somaliyoo qabiilo-qabiil, reer-reer, jilib-jilib, qoys-qoys uu colaad dhex dhegay oo aan qof-qof bixinayn isaamin daayoo; Maxkamad wareegta (maxkamadii Gani iyo qar la mida) oo dadka boqolaal tobanaan shacbiya into la iska soo qabsado dhakhso dil lagu xukumo, isla markaana goobta lagu fuliyo, hantidoodana lala wareego oo ila hada aan waxa loo sheegtey qoysas koodi garnayn oo weli weeran; Gobolo dhan oo xaga dhaqaala laga curyaamiyo oo hanti doodii dawladu dhac iyo xoog iyo boob kula wareegtay, kii juuq yidhina bartaa lagu toogto; Qabaa’il dhan oo xasuuq lagula kacay oo aan oday, habar, rag iyo dumar iyo caruur madaafic, kare, iyo diyarado loo adeeg saday; Somali qaxday oo wadamadii colaada taariikhda ahi ka dhaxaysa magan gelay ; Magaalooyin dhan oo la baabiiyey oo guri qudha oo bad qaba loogu soo noqon, 500,000 qof oo meel lagu sheego aan la garanayn meel lagaga waramo oo iskugu jira xasuuq iyo in baadan oo kale firdad, barkac, qaxooti iyo darxumo u dhintay iyo xabaalo wadareed weli intooda badan meel loogu hagaago aan la garnayn. Midnimo Shantii Somaaliyeed daayo labadii hore isu raacay oo kala go’ay ; Wuxu gooyey duntii wada dhalsho iyo wadaninimo ee dhadka Somaaliyeed isku haysay. Khilaafka illaa maanta kataagan Jamhuuriyadee Somaliyeed ee la isla af-garan la’yahay waa xumaatadii uu berey midho heedii. Waxa inagaga filan Siyaad Barre weedhiisii : « markaan xukunka ka dego, dal waa la iga dhaxli, laakiin dad la xukumo la iga dhaxlimaayo ». Waxan cadaynayaa inaanu dal dhisan oo midnimo iyo horumar higsanaayey inuu baabiyey oo maanta Caalmka ay Somalia ugu jirto hal beega siyaasada xun oo dhan. Maxaa lagu xusustaa Siyaad Barre? Xumaan oo dhan. Allaa ina tusay khatumadiisii. Isaga oo gaboobay oo aan cidina bixinayn ayuu qaxooti ku tegey Nigeria oo uu guri ku xidhna cabsi awgeed. Xaaladaa isago ku sugan ayey naftu kaga baxday aqalkii u ka deganaa magaalada Lagos 2/1/1995. Siyaad Barre iyo dad kii u laayey waxay wada sugayaan cadaalda Alle, maalinta la odhan doono: سورة التكوير “وَإِذَا الْمَوْءُودَةُ سُئِلَتْ٠ بِأَيِّ ذَنْبٍ قُتِلَتْ” “يَوْمَ يَنظُرُ الْمَرْءُ مَا قَدَّمَتْ يَدَاهُ وَيَقُولُ الْكَافِرُ يَا لَيْتَنِي كُنتُ تُرَابًا” سورة النباء Wa Bilaahi Tawfiiq. Qaran News
  13. Xog-culus: Xogta Rasmiga ah ee Ninka Ingiriiska ah eeMuqdisho ku xiran oo la helay+Hawlo sirdoon oo uu ka waday Somalia+Dawladda UK oo ka hadashay qadiyadaas+Sawirro Xasaasiya Dowladda UK ayaa ka hadashay ninka British-ka ah ee ku xidhan magaalada Muqdisho, kaasi oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxa la kori lahaa diyaarad. Xafiiska arrimaha dibedda UK, ayaa sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Anthony Cox iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay caawinayaan qoyskiisa. Hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer. Cox ayaa dhowaan ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maxaabiis Daacish ah oo kula xidhan xabsiga dhexe, kuwaas oo Makiinad ku weeraray. Anthony Cox ayaa horey u ahaa askari, hase yeeshee waxa uu dhowaanahan ka shaqeynayey maareynta xasaradaha iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo, laba toddobaad ka hor inta aan la xidhin. Ninkan oo sidoo kale ku hadla luuqadda Faransiiska, ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France, isaga iyo xaaskiisa Amanda. Waxa uu bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia. Inta uu Muqdisho joogay ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha amniga iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ka hadashay ninka British-ka ah ee ku xiran magaalada Muqdisho, kaasi oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu walxo qarxa la kori lahaa diyaarad. Xafiiska arrimaha dibedda UK, ayaa sheegay inay xiriir la leeyihiin Anthony Cox iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay caawinayaan qoyskiisa. Hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer. Cox ayaa dhowaan ka badbaaday isku day dil oo ay la damacsanaayeen maxaabiis Daacish ah oo kula xiran xabsiga dhexe, kuwaas oo sakiin ku weeraray. Anthony Cox ayaa horey u ahaa askari, hase yeeshee waxa uu dhowaanahan ka shaqeynayey maareynta xasaradaha iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Shirkadda SKA oo uu shaqeynayey intii uu Soomaaliya joogay ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tagay shanti Janaayo, laba toddobaad ka hor inta aan la xirin. Ninkan oo sidoo kale ku hadlay luuqadda Faransiiska, ayaa muddo 16 sano ah ku noolaa dalka France, isaga iyo xaaskiisa Amanda. Waxa uu bogiisa Linkedin ku sheegay inuu kasoo shaqeeyay Koonfur America, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Yurub iyo Koonfur Bari Asia. Inta uu Muqdisho joogay ayaa la sheegay inuu ka shaqeynayey arrimaha amniga iyo uruurinta xogaha sirdoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ay sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxa uu beeniyay in ay dib u dhigayaan Doorashada Bilooyinka soo socda la filayo in ay ka dhacdo Deegaanada Maamulkiisa. Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqiisa ay wadaan iyo Doorashada aan isku xirneen. Waxa uu tusaale usoo qaatay in xiligii Dalka uu ka socday Halgankii looga saarayay Gumeystihii la isku dhex wadi jiray Doorashada iyo Dagaalka, halkaana uu ka tusaale qaadan doono. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in la joojiyo ka tacsiyeenta Dadka Al-Shabaab ay ku dilaan qaraxyada iyo weerarada, badalkeedane ay ku dhaqaaqdo in ay duulaan ku qaado sida uu hadalka u dhigay. Dadka ku dhinta Qaraxyada ka yar ayuu sheegay in ay kaga dhimanayaan dagaalka tooska ah ee lagu qaadayo Al-Shabaab, kuna qabsanayaan deegaanno uu tilmaamay in looga soo duulaan tago. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay tagayay Degmooyin katirsan Gobolka Jubada Hoose waxa uu ku dhawaaqayay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, inkasta oo aan jirin illaa iminka deegaan ay ku duuleen. Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhig Ciidamada Jubbaland ee loo diyaariyay dagaalka loo qorsheeyay oo ku yaalla Deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalka Axadii tuulada Ceelka Miraale ee duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku dhex-maray kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib duulaan ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ku ekeysay fariisin ay degaankaasi ku leeyihiin xoogaga Daacish faraca Soomaaliya, taasoo dhalisay is-rasaaseyn culus. Dagaalka labada dhinac, oo sii xoogeystay mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa kusii baahay tuulooyinka kale ee ku teedsan Ceelka Miraale. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramaya in labada kooxood uu kasoo gaarey dagaalkii ugu dambeeyay, kaasi oo qayb ka ah guluf ay iclaamisay kooxda Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-kii. Wararka ayaa intaas ku daraya in ujeedka ay Al-Shabaab ugu duushay degaanka Ceelka Miraale ay tahay inuu maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa hogaamiyaha garabka Daacish ee Somalia, C/qaadir Muumin. Al-Shabaab iyo Daacish oo lagu waramayo inay dagaalamayaal horleh qoranayaa ayaa mudooyinkii dambe waxaa udhaxeeyay loolan, kaasi oo ku saabsan kooxda ku gacan-sareynaysa Somalia, iyaga oo ganacsatada kusoo rogay lacago baad ah. C/qaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Al-Shabab ayaa Daacish ku aas-aasay 2015-kii Buuraha gobolka Bari, isagoo hadda isku dayaya inuu awoodda Kooxdiisa ku baahiyo gobolka, islamarkaana meesha ka saaro Al-Shabaab. Labadan Kooxood ayaa khal-khal ku haya amniga Puntland, iyadoo midba mida kale ay loolan ugu jirto inay ku gacan sareyso gobolka Bari, waxayna lacago baad ah ka qaadaan ganacsatada Boosaaso. Isha: Garowe Online
  17. Ma aha mid shaki la galin karo in uu bilowday ol’olihii doorashada soo socata ee madaxtinimada Soomaaliya. Xafladii caleemo saarka ee Garowe, Caasimadda Puntland ka dhacday ayaa tusaale mug weyn u ahayd taas oo ay isku arkeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dhan. Taas oo jirta, hadana waxaa uu muran xoogan u dhexeeyey dowlada hada jirta iyo kooxaha mucaaradka ah oo yeeshay wajiyo xisbiyo. Xisbiyada UPD iyo Wadajir ayaa Muqdisho ugu caansanaa, balse kuwaas waxaa kulamooda is hortaagi jirtay dowladda dhexe. Buuq badan ayey arrimahaas abuureen waxaana ugu dambeeyey kulan aqoon is weydaarsi ay xisbiga UPD Baydhabo ku qabsan rabeen oo maamulka Koonfur Galbeed is hortaagay. Waxaa ka horreeyey maalin ama laba kahor kulan xisbiga Wadajir ay Hotel Maka-Almukarah ku qabsan rabeen oo booliska kala eryeen. Arimhaas oo jira ayaa waxaa hadda si xowli ah ku soo koray saaxada xisbiga Hilimo Qaran oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Dhaq dhaqaaq iyo xafiisyo furis ayuu xisbigaas ka wadaa dalka, gaar ahaan Puntland, hadaba waxaa la’is weydiinayaa, dowladda side ayey ula dhaqmi doontaa Hilimo Qaran oo la ogyahay xiriirka ka dhexeeya Farmaajo iyo Sheekh Shariif? Sheekh Shariif hadii uu bilaabo kulamo siyaasadeed sida kuwii ka horreeyey ee UPD iyo Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur sameystay ee Wadajir ma ula dhaqmi doontaa sidooda oo kale mise isaga is ka duwan ayey ula macaamili doontaa? Waxa xaqiiq ah in dhawaan wax walba kala cadaan doonaa balse dowladda waxaa hubaal ah in uu Sheekh Shariif iyo Xisbiga Himilo Qaran xujo ku noqon doonaan Madaxweyne Farmaajo. Waxaan sugaynaa jawaabta ay ka bixiso. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Somalia and the United Nations on Wednesday committed to strengthening their relationship aimed at transforming the Horn of Africa nation. Somali President Mohammed Abdullahi Farmajo who held talks in Mogadishu with visiting Rosemary DiCarlo, UN under-secretary-general for political and peacebuilding affairs, vowed to work more closely together to support Somalia’s state-building and peacebuilding priorities. “The Federal Government of Somalia and the United Nations look forward to deepening their long partnership to enable Somalia to continue to make progress towards a peaceful and prosperous future,” they said in a joint statement issued in Mogadishu. It said DiCarlo, who arrived in Mogadishu earlier on Wednesday held open, cordial, and frank discussions while committing to strengthening the relationship between the Somali government and the UN. During the meeting which was also attended by Prime Minister Hassan Ali Khaire, the three leaders discussed practical measures for the government and the UN to work more closely together for the benefit of Somalis. Khaire stressed the government’s high regard for the work of the UN, of which Somalia is a member, and emphasized Somalia’s commitment to its international obligations and membership. “The Somali leaders expressed their sympathy and solidarity with the United Nations in the wake of the attack on the UN compound on 1 January 2019. They reiterated their commitment to enhance the security and safety of UN personnel,” it said. The mortar attack on the UN compound in Mogadishu left three members injured. The post UN undersecretary for political affairs meets Somali leaders in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Markaan isu qiyaasay labadan dowladood ee jaarka ah ee Somaliland iyo Dowlad degaanka somalida(ama kililka5 naad)waxaad arkaysaa dhan marka laga eego labaduba inay nasiib daran yihiin. Dhanka kale marka laga eegana aad u kala nasiib fiican yihiin. Dhanka hore marka laga eego labaduba way nasiib daran yihiin waayo ,qaar waa shacab wanaagsan oo nabad jecel oo dowladooda maqla laakiin aan haysan madaxweynihii hagi lahaa.Qaarna waxay heleen madaxweyne daacad ah .Raba inuu cadaalad wax ku maamulo .Meesha ka saaro nidaamkii hore ee faasidka ahaa iyo xiddadiisiiba ,laakiin waxaanu haysan shacab dowlad raba,oo wax la dhisaya oo nabada la ilaalinaya. Dhanka kale marka laga eegana way kala nasiib fiican yihiin,Waayo waxa aad u adag in la helo hogaamiye fiican oo daacad ah. Hogaamintu maaha xaflado laga qayb galo.Hogaamintu maaha daar cusub oo hadba la isku sawiro adoo maqaskii ku jaraya. Hogaamintu waxay ka bilaabantaa shacabkaaga oo aad midayso.wacyi geliso.cadaalad tusto.cashuurtooda ku celiso ood wax ugu qabato.dhalinyarada oo ah mustqbalkii waddanka ood mudnaanta koobaad siiso.maaha inaad niyad jebiso ood tidhaahdo wadanka waxba ma dhex yaalaane tahriiba. Mustafe Muxumed omar(Mustafe cagjar) wuxuu mudanyahay in lagu daydo.waxaan marnaba is lahayn mudada uu xilka hayey iyo inta uu dhaqaajiyey.shacabkiisana waxan kula talin lahaa inay la shaqeeyaan oo ka faaiidaystaan.Wuu dhamaaday wakhtigii wax is daba marinta iyo laaluushku .Waxa yimi wakhtigii horuu marka iyo wax qabashada . Madaxweyne Muse Biixiina waxan kula talin lahaa ;waxaad haysataa dad nabad jecel oo ku ogol ee ka faaiidayso wakhtiga oo midee umadaada .Ka soo bax gurigan aad isku handaraabtay oo umadaada la hadal. Hadal iyo dhamaantii : Waxa lagu hal maalaa Hormood lagu ahaadaa Lagu kala horeeyaa Higsashada wanaaga leh Himilada dareenka leh Horukaca ayaan ka leh Hoodada nasiibka leh Hal adaygu waa libin Hido raacna waa sharaf. Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye Sweden haaheey@hotmail.com Source
  20. Tan iyo intii golaha Guurtiddu u kordhisay golaha Wakiiladda madaxweynuhu wax talaabo ah ama go’aan ah muu qaadin, waxaanay u muuqataa inuu arrinku ku baahay ka dib markii Guurtiddu u cayintay doorashadu inay dhacdo wakhti Komishankan muddo xileedkoodu ka dhamaaday, waxaanu xisbiga kulmiye iyo madaxweynuhu doonayeen in Guurtiddu ku salayso muddo kordhintii wakhtigii labada xisbi ee kulmiye iyo UCID isla garteen oo ahayd November, nasiib darose ma dhicin, inkastoo komishanku ka soo horeysiin karaan mudadda guurtiddu cayintay . Hadabba, xalka murankani wuxuu noqonaysaa Saddexdan arrimood in mid uun ku dhamaado: Inuu madaxweynuhu qaato go’aan ah inuu hawlgaliyo komishankan oo ay sidaas ku hawlgallaan,isla markaana hawlihii horyaallay ee ay sheegeen inay tobanka bilood ku dhamayn karaan degdeg u guda galaan, isagoo madaxweynuhuna barbar waddo xal u helidda saamiyadda xildhibaannada ee goboladda oo gobol walba laga saluugsan yahay qoondadda ay ku leeyihiin Wakiiladda. ka dibna ka hor muddo xilleedkooda oo ku beegan bisha November ay dalbadaan inay xisbiyadu soo gudbiyaan musharaxiintooda, taasinay waxay iska hor keeni kartaa musharaxiintii xisbiga WADDANI ka sharaxnaa iyo xisbigoodda, ka dib markay labadda xisbi ee kale gudbiyaan musharixiintoodii, musharaxiinta WADDANI waxay ku qabsi doonaan in xisbigoodu ka soo dabco go’aankiisii hore maadama oo kuwo isku deegaan yihiin oo ay tartan ku wada jiraan labadda xisbi ee kale ka sharaxan yihiin, ka dibna 12 cisho ee muddo xileedkoodii dhaaftay lagu heshiin doonno in loo kordhiyo maadaama oo uu dastuurku dhigayo in loo kordhin karo, sidoo kale muddo 12 cisho ah komishan cusub aanay doorasho qabin karin. Mudadda komishanku waddo diwaangalinta dadkii qaangaadhay iyo kuwii maqnaa in lagu xaliyo in komishanka gudoon cusub doortaan oo ugu yaraan laga bedelo gudoomiyihii hore iyo ku xigeenkiisii, taasina ay noqon karto xal la iskugu soo dhowaado. In la kala diro oo komishan oo laga dalbado inay is casilaan, maadaama oo aan la eryi Karin sida uu xeerkoodu tilmaamayo, isla markaana xubno cusub la soo doorto mar labaadna la kordhiyo mudadda doorashaddu dhacayso maadama oo muddo ku qaadanayso komishanka cusub inay la qabsadaan shaqada hortaalla. Barkhad Ladiif Maxamed Cumar. Source
  21. Waxa jira fannaaniin badan oo qaada hal hees oo anbabaxday, oo sidaas kula tartamaya fannaaniin malaayiin heesood ku luqeeya dadkaas waxa ka mid ah, Maxamed Cali Burco oo ku leeqaya hees aad ugu hirgashay oo tidhaahda: “Hadduu dhugato geel qabo Ma dhadhammiyo geedaha Wuu gadasho dhuubtaaye Anna cudurkan igu dhacay, Waa mid igu dhammaadoo Ku dha***** aroos aan Dhinaaca isi saarnnee, Malaa dhaayahaygaay Calaf lagama dhuuntee Dhakhtar baysu keen qoray Adnna weli ma dhaaddanid”. Weliba heestan fannaanku waxa uu ku soo helay qaab jaabojaabo ah oo jajab iyo guraangur ah, oo eray ba meel laga keenay. Sidaas ayuu kaalmaha hore kaga soo baxay barnaamijkii ‘Heesaha Hirgalay 1976-kii’. Sidaas oo ay tahayna heestan Ina Cali Burco waxa uu kula dhigayaa fannaaniinta Soomaaliyeed ee tubeec leh ee Samatar leh ee hebel iyo heblaayo leh. Marka intaas laga yimaaddo waxa aynu halkan ku soo qaadanaynnaa hees la nooc ah tiisan. Waa xilli kala guur ah waa intii u dhaxaysay 1989-kii ilaa 1992-kii, dalku wuu burburay waana lagu kala calaf qaaday, waxa lagu dhawaaqay Soomaalilaand bal se waxa lafteeda ka oogan dagaallo sokeeye oo aad loogu le’day. Dadkii way kala qaxeen adduunyada baallaheeda ayaa loo kala haajiray, waxa kala fogaadey dad wada dhashay, walaalo isla dhashay iyo dad isu ahaa ma-huraan oo is xidhiidhin jiray. Dagaalladii waxa ay sababeen in ay kala irdhoobaan bulsho sidaas isugu dhafani. Dadkan is waayey ee dunida ku kala baahay waxa ka mid ahaa dad is jecel ama is qabay ama isu doonnan, oo aan kala maarmi karayn sina ba. Wakhtigaas ma ay jirin isgaadhsiintan maqalka iyo muuqaalka ah midina. Dadkuna waxa ay ku wada xidhiidhi jireen Waraaqo iyo Cajalado la isu duubo oo muddo dheer ka dib la kala heli jiray. Heestani waxa ay ku dhex dhalatay dal noocaas ah iyo xaalad kala war helistu ay adagtahay oo la odhan karo waa wakhtigii ugu habboonaa ee ay soo bixi lahayd. Waxa aynu odhan karnnaa heestani waxa ay ka qayb qaadatay dib u dhiska maskaxeed ee dadka sidaa isugu boholyoobayey oo ay dad badani xilligaas ku nafiseen kuna daaweeyeen boogahooda ama ay cajalad ugu duubeen qof markaas kaga maqnaa qurbaha ama meel fog. Waxa qaadaysa Fannaanadda Ruun Xaddi Sabban. Waxa ka mid ah erayadeeda: “Qof dhoofoo aan iman Dhibaatuu leeyahee Wakhtigu wuu dheeryahoo Dhulkuna wuu kala fogyee, Dhaayuhu ma arkaan kolley Naf meel dheer kaa jirtee Dhambbaallada soo diroo Dhegaha uun iga la soco, Jacayl bay dhalan rogoo Hurddana dhaafoo ka tegay Habeen waan dheelmadaa Dharaartii waan socdaa, Dhab baan kuu jecelahoo Dhammaan waaxyahayga iyo Dhiiggaad ku abuurantoo Guriyo aqal baan dhisaa, Dhaayuhu ma arkaan kolley Naf meel dheer kaa jirtee Dhambbaallada soo diroo Dhegaha uun iga la soco,” Sidaas ayayna ku noqotay hees taabbo-qaad ah oo la jaan-qaaddi karta wakhtigeedii, kana turjumi karta dareenkii waayahaa jiray, kana mid noqotay heesaha Soomaaliyeed ee bulshadu isku dhaydo. Heesta iyo fannanadda qaadaysa waxa caansan in badan heesta sababtuna waa ilaa iyo heerka ay gaadhay dhegaha qof kasta oo Soomaaliyeed oo cidi ka maqan tahay ama isagu cid ka maqan. Heestu markii ay ugu quruxda badnnayd ee la duubay waa markan oo aan odhan karo waxa ay heshay Jiib iyo Jaan. Markan waxa fannaanadda la qiiroonaya dad badan oo aan ka garanayo Weriye weyn oo ka tirsanaan jiray TV-ga Qaranka Soomaalilaand ‘Abiib Iimaan Xasan’. Barnaamijkani waa habeen ciid ah 2013-kii TV-ga Qaranka SLNTV. Waxa soo saaray Abiib Imaan xagga Farsamayntuna waa Ahmed Mohamed Abdi(Ugaaska) Khadar Qorshe iyo Sharmaarke. Nasiib xumo waxa aanan garanayn Abwaankii Ereyadaas sameeyey. Taana waxa inoo sheegi doona. Ugaaska. Source
  22. Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-30012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee hogaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada London 7 Febraayo 2019, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya. War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigaas oo ku taariikhaysnaa beri 31 Janaayo 2019 ayaa lagu sheegay in xisbiga UPD uu ka welwelsan yahay khatarta ka dhalan karta haddii uu hirgalo qorshaha ay rabto Wasaaradda Batroolka oo lagu sheegay xaraashka Boloogyo kamid ah shidaalka Soomaaliya. Xisga UPD ayaa sheegay in shirkaas ay ka qeyb galayaan shirkado shidaal oo ku tartami doona shatiga shidaal qodida Soomaaliya. Dhanka kale Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa 25-kii bishan Janaayo war ay soo saartay ku beenisay in la xaraashayo Boloogyo kamid ah shidaalka Soomaaliya. Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa warkaas ku sheegtay in shirka London ay ka qeyb-gali doonaan Wasaaradda, xubno ka tirsan dowlad goboleedyada, ganacsato iyo shirkado shidaal oo caalami ah. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xisbiga UPD. PUNTLAND POST The post Xisbiga Xasan Sheekh oo ka digay in la xaraasho shidaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.