-
Content Count
207,340 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-01022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Afgooye (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa deegaan ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku gubay gaadiid xamuul ahaa oo marayay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye. Gaadiidka oo gaaraya 7 Gaari ayaa la sheegay in lagu gubay deegaanka Doonka oo u muuqda degmada Afgooye, sida wadayaasha gaadiidka qaarkood ay warbaahinta u sheegeen. Gaadiidka la gubay ayaa waday Dhuxul, waxaana uu ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo kusoo wajahnaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka la gubay ayaa sheegay deegaanka oo aan ka fogeyn degmada Afgooye lagu gubay gaadiidka, markii gaadiidkooda la gubay kadibna inay u yimaadeen ciidamada dowladda balse aysan waxba u qaban. “Baabuur todobo ah oo Inatareeya ah ayaa lagu gubay Doonka oo Afgooye u muuqda, Al Shabaab ayaa gubay,sababta nooma sheegin, laakiin hore ayay jarista dhirka u mamnuuceen, ciidanka dowladda gaadiidka oo gubanaya ayay inoo yimaadeen waxba nooma qaban, weynaga naga laabteen”ayuu yiri ruuxa kamid ah darawalada gaadiidka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al shabaab iyo maamulka Shabeelaha Hoose, kaasi oo ay kaga hadlayaan gaadiidka lagu gubay meel aan ka fogeyn degmada Afgooye. Caasimada Online Xafiiska Sh.Hoose Caasimada@live.com
-
Beledweyne (Sh.M.Network) – Cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ee hoostaga maamulka degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa howlgalo kawada xaafado ka tirsan magaaladaasi. Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay markii xalay weerar Bambaano lagu ekeeyay fariisin ay ciidamada ku leeyihiin xaafada howlwadaag, halkaasi oo baarintaanada si gaar ah looga soo warinayo. Illo degaanka oo ka ak-dhowaa meesha ay wax ka dhaceen oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa tilmaamaya in ugu yaraan labo askari ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, oo kooxihii ka dambeeyay ay baxsadeen. Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaan oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dhacdaan, balse, amaanka magaalada Beledweyne ayaa maalmihii udambeeyay ahaa mid sii xumaanayey, iyada oo hay’adda amnigu ku howlan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen. The post Khasaaro ka dhashay weerar ka dhacay Beledweyne appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa warbixin kasoo saartay duqeyn ay la eegteen saldhig Al shabaab ku leeyihiin deegaan ku dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Warbixinta taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ay soo saareen ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Shabeeleey in lagu dilay ciidamadii ugu badnaa Al shabaab looga dilo gobolka Hiiraan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 30 askari ay kaga dhinteen Al shabaab duqeyn ka dhacday deegaanka SHabeelleey ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inay dhamaantood tababar qaadanayeen. “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka. Duqeymaha lala eeganayo saldhigyada Al shabaab ee Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa kordhay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana qoraalka Mareykanka lagu sheegay inay soo kordhin doonaan weerarada ay la eeganayaan Al shabaab. Dhamaadkii sanadkii hore maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee jooga Africa inay weeraro ka fulin doonaan deegaanada Al shabaab kaga sugan yihiin Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Ethiopia ayaa dhowr mar oo horey diiday inay qabato hoggaanka taliska ciidamada Amisom, ayada oo ku xirtay shuruud ay diideen dowladihii hore ee Soomaaliya. Ethiopia ayaa horey u dalbatay in qaar ka mid ah ciidamadeeda la geeyo magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, si ay u qabato hogaanka Amisom, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Dowlidihii hore ee Soomaaliya ayaa ku gacan seeray dalabkan, ayaga ka cabsanaya xasaasiyadda ka dhalan karta tallaabo noocaas ah kadib xasuuqii ay ciidamada Itoobiya ka gaysteen magaalada Muqdisho. Dowladihii hore ee Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in ciidamo ku filan oo Amisom ah ay joogaan Muqdisho. Si kastaba, waxaan caddeyn in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay aqbashay dalabkaas iyo in Itoobiya ay tanaasushay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aan xiriir la sameynay waa ay diideen inay ka hadleen arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Habeenkii Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni madaxdii goobta ka khudbadeysay waxaa ka mid ahaa Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Laftagareen markii laga yimaado in uu hambalyo iyo bogaadin u jeediyey Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo shacabkeeda waxa uu la yimi codsi ka qosliyey Deni iyo martadii xafladda ka soo qeyb gashay. “Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in bulshada reer Koonfur Galbeed aad siiso matalaad siyaasadeed oo Puntland oo ah waxa kaliya ee ay ku la’yihiin maamulkan”, ayuu yiri Laftagareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa uu hadalkaas uga dhawaajiyey kaddib markii uu qiray in shacabka ka soo jeeda Maamulkiisa uu sheegay in ay wax walba oo wanaag ah kala kulmeen gobolada Puntland ee ay deegaanka iyo ganacsigaba ku haystaan. Matalaad siyaasadeed ayuu sheegay kaliya in ay ka dhiman tahay shacabka Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland. Hase yeeshee, waxaa weydiin mudan sida ay uga suurtoobi kareyso Puntland in ay ku aqbasho codsiga Madaxweyne Laftagareen. Qormadan waxaan ku eegi doonaa qodob cajiib ah oo bidhaaminaya sida ay u adag tahay in codsiga Laftagareen ay uga miro dasho Puntland. Shacabka Puntland waxa ay u arkaan reer koonfur galbeed in ay culeys dhaqaale ku hayaan deegaankooda oo aysan jirin wax ay ka dheefaan! Qodobka kore waa mid ay dhici karto inay la yaab ku noqoto shacabka reer Koonfur Galbeed ee Puntland ganacsiga iyo deegaan ahaanba u jooga halkaas iyo waliba bulsho weynta Soomaaliyeed. Xaqiiq waxaa se ah in reer Puntland doodaas qiil ugu helayaan marka ayaad ogaata sababta. Shacabka Puntland waxa ay aaminsan yihiin in dadka ka soo jeeda Baay iyo Bakool ganacsi ahaan culeys ku yihiin marka la eego dhaqanka baayac muushtar ee bulshadaas oo ah mid faa’idada ay ka raadiyaan aad uga hooseysa midka ganacsata Puntland rabaan. Tusaale, sida ay reer Puntland oo aan qaar ka mid ah arrinta matalaada aan kala dooday a ii sheegeen, ganacsatada Koonfur Galbeed waxa ay hoos u dhac u keeneen faa’idada ay raadiyaan kuwa deegaanka ka soo jeeda maadama ay keenaan alaab la mid ah kuwooda kaddibna ku sii iibiyaan qiime aad uga jaban. Waxaa la arkaa in ganacsade reer Puntland surwaal ku iibinayo 30 Doolar halka isla surwaalka dukaanka carwada ku dhagan oo uu haysto ganacsade reer Koonfur Galbeed ah ku iibinayo 15 Doolar! Arrintaas waxaa u sahlaha ganacsadaha KGS ka soo jeeda in ay dhici karto carwada uu dagan yahay in uu la wadaago saddex kale oo saaxiibadiis ah oo uu mid halkaas dukaan qeyb ka leeyahay sidaasna ku wada bixiyaan kirada halka midka reer Puntland kaligii dagan yahay qolka! Qodob kale oo yaab leh ayuu ii sheegay shaqsi kale oo reer Puntland ah kaas oo ah in shacabka reer Koofur Galbeed aysan dhexgalin bulshada oo aysa xataa shaaha ka iibsan. Tusaale, shaaha waxa ay ka cabbaan maqaayad ay leeyihiin isla ganacsato reer Koonfur Galbeed ah! Sidaas daraadeed, shaqsiyaadka ay dooda na dhexmartay ayaa ii sheegay in ay adag tahay in bulsho sidaas yahay dhaqankooda ganacsi iyo is dhexgalba in lagu dhiirigaliyo matalaad siyaasadeed! W/Q: Maxamed C/raxmaan Jaamac Addis-Ababa, Ethiopia Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
London (Caasimada Online) – Dawladda UK, ayaa sheegtay inay taageerayso doorashada golaha wakiilada ee Somaliland ee mudaysan, waxaanay sheegtay in UKJ horseed ka tahay farriin culus oo ay beesha caalamku dirayso oo ah inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan. Wasiirul dawlaha UK u qaabilsan Afrika Harriet Baldwin, ayaa ka jawaabtay su’aal uu Baarlamaanka UK Salaasadii ku weydiiyay xildhibaan Stephen Doughty oo taageera qaddiyadda Somaliland, taas oo nuxur ahaan ahayd taageerada uu UK ka gaysanayso doorashada golaha wakiilada iyo in la damaanad qaadi karo in doorashadu dhacayso sannadkan 2019. Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Dawladda Ingiriiska, weli waxa ka go’an in ay taageerto doorashada muddaysan ee Somaliland” “Waxa aanu hormuud u nahay farriinta heerkeedu sarreeyo ee beesha caalamka, iyo in aanu sanduuqa xiisadaha, ammaanka iyo xasiloonida ee (CSSF), kala shaqayno sidii loo horumarin lahaa nidaamka diiwaangelinta codbixiyaha, khibradaha farsamo ee guddiga doorashooyinka qaranka iyo in dumarku ka qayb qaataan doorashooyinka.” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE Former President of Tanzania to head Commonwealth Observer Group for Nigerian elections The former president of Tanzania, Jakaya Kikwete, will lead the Commonwealth Observer Group for the general elections in Nigeria, scheduled for 16 February LONDON, United Kingdom, January 31, 2019/ — The Commonwealth Secretary-General, Patricia Scotland, constituted the observer group following an invitation from Tanzania’s Independent National Electoral Commission (INEC). Members include politicians, diplomats and experts in law, human rights, gender and election administration from across the Commonwealth. An advance group of observers was deployed to Nigeria on 29 January, while other members of the team are expected to arrive in Abuja on 8 February. “The Commonwealth has a long history of observing elections in member countries, in solidarity with electors as they choose their leaders, and in support of efforts to strengthen democracy and the rule of law in accordance with the values and principles of the Commonwealth Charter. The Commonwealth has observed the previous five elections in Nigeria, and I am pleased to be deploying so distinguished a group to again support the nation in its continuing journey of democratic development,” said Secretary-General Scotland. The Commonwealth Observer Group’s mandate is to observe and consider factors affecting the credibility of the electoral process as a whole. It will assess whether the elections have been conducted in accordance with the standards for democratic elections to which Nigeria has committed itself, with reference to national legislation and relevant regional, Commonwealth and international commitments. Where appropriate, the Group can also make recommendations for the future strengthening of the electoral framework. The Commonwealth Observer Group will consider the pre-election environment and election preparations. Members will be deployed to various regions of the country where they will observe the voting, vote-counting and results procedures. The Group will submit its final report for consideration by the Commonwealth Secretary-General, and she will in turn share it with the Government of Nigeria, INEC and political parties before conveying it to all Commonwealth governments. It will then be made public. The Group will be supported by Commonwealth Secretariat staff led by Ms Katalaina Sapolu, Senior Director of the Governance and Peace Directorate. The Commonwealth Observer Group is composed of: His Excellency Jakaya Kikwete, Chairperson Former President United Republic of Tanzania Dr Lesley Clark Gender Specialist Australia Mr Gary Dunn Former Commonwealth Deputy Secretary-General Australia Mr Omar Jallow Politician The Gambia Dr Emmanuel Akwetey Executive Director, Institute of Democratic Governance (IDEG) Ghana Mr Prosper Bani Politician Ghana Hon Emmanuel Bombande Senior Mediation Adviser, United Nations Ghana Dr Shahabuddin Yaqoob Quraishi Former Chief Election Commissioner of India India Mr Orrette Fisher Elections Consultant Jamaica Ms Jedidah Waruhiu Commissioner, Kenya National Commission on Human Rights Kenya Adv. Notemba Tjipueja Chairperson Electoral Commission Namibia Dr Eric Kwa Lawyer Papua New Guinea Mr Ernest Sagaga Head, Human Rights & Safety International Federation of Journalists Rwanda Mrs Marcella Samba-Sesay Chairperson National Election Watch (NEW) Sierra Leone Ms Crystal Orderson Regional Director, The Africa Report South Africa Ms Joy Napier Commonwealth Youth & Human Rights Representative St Kitts & Nevis Ms Elizabeth Donnelly Deputy Head & Research Fellow, Chatham House United Kingdom Ms Linda Duffield Retired Diplomat Former Chief Executive, Westminster Foundation for Democracy United Kingdom Mr Musa Mwenye Former Attorney General Zambia Distributed by APO Group on behalf of Commonwealth Secretariat. View multimedia content SOURCE Commonwealth Secretariat Multimedia content Download logo Image: Former President of Tanzania to head Commonwealth Observer Group for Nigerian elections Share Twitter | Facebook | LinkedIn | Google+ | Tumblr | Reddit | Pinterest | StumbleUpon APO Group – Africa Newsroom | Unsubscribe | Safe sender instructions | Privacy Policy Distributed by : Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-31012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
African Utility Week returns to Cape Town in May with latest updates and success stories in power, energy and water Mother City to welcome back 10 000+ energy and water professionals “The African Utility Week conference has a longstanding reputation of producing innovative, topical and high-level content, discussion and engagement” says event director Evan Schiff, adding: “the 19th edition of the event from 14-16 May in Cape Town this year will, once again, not disappoint.” The new co-location of POWERGEN Africa in 2019 will add an expanded focus on generation, including renewables, off grid, fossil fuels and nuclear, while still concentrating on transmission, distribution, metering, new technologies including storage, mini grids, micro grids, IOT and ICT systems, as well as water. Along with multiple side events and numerous networking functions the event boasts a five track strategic conference with over 300 expert speakers. An extensive Knowledge Hub programme that is CPD accredited and free to attend, offers hands-on presentations taking place in defined spaces on the exhibition floor. These discuss practical, day-to-day technical topics, best practices and product solutions that businesses, large power users and utilities can implement in their daily operations. Keynote speakers confirmed so far are: – Dr Mark Swilling, Programme Coordinator of the Sustainable Development Programme in the School of Public Leadership; the Academic Director of the Sustainability Institute; and the Co-Director of the Stellenbosch Centre for Complex Systems in Transition. – Prof Anton Eberhard, who the directs Managing Infrastructure Investment Reform Regulation In Africa (MIRA) at the Graduate School of Business at the University of Cape Town. He is also chairing a team appointed by South African President Cyril Ramaphosa to advise on turning Eskom around and restructuring the power sector. African Utility Week connects experts from the entire power, energy and water value chain, including: • BEHAVIOUR TRANSFORMATION: “We are inspired to ensure quality utilities are provided to Africa to give the individual the opportunity to independently manage their use of power and water, ensuring a sustainable future.” – Jodie Sherwin Hill, Executive Director, Jomat Investments Pty (Ltd), and African Utility Week Advisory Board member. • WATER: “We need for water sectorial practitioners to join hands and force Governments to put the sector in the position where it rightly belongs and that is at the front of all sectors. This would allow the sector to enjoy priority in terms of investments, which was required yesteryear across Africa.” – Gift Sageme, CEO at Malawi’s Central Region Water Board in Malawi and AUW Advisory Board member. • HYDROPOWER: “We are contracted by New Africa Power (Mauritius) to develop a 5 project 70MW portfolio of hydro power plants in Zambia. These projects are prepared for qualification under the KfW (German) GETFiT programme. This is a significant step for us and it is exciting to have been able to move beyond South Africa, take a step up in scale and to drive the innovation around our third generation of hydro IPPs.” – Anton-Louis Olivier, MD, REH, African Utility Week and POWERGEN Africa Advisory Board member and previous winner of an AUW Industry Award for the top Small-Scale Sustainable Energy Project (under 5MW). • MINI GRIDS: “We have a very exciting project called ViDA (Village Data Analytics) around using satellites to streamline and optimise much of the mini-grid development cycle.” – Dr Sam Duby, Africa Director, TFE Consulting and panellist at the upcoming African Utility Week and POWERGEN Africa in the Energy Revolution Africa session on “Driving demand and facilitate access to financing in rural areas”. • SMART ENERGY AND WATER: “We are presently implementing a pilot smart electric water heating project on our CSIR campus in Pretoria, assessing the potential energy savings and benefits in creating a flexible load utilising the considerable energy storage inherent with hot cylinder water heating.” – Dr Clinton Carter-Brown, Head: Energy Centre, CSIR and AUW Advisory Board member. • WATER: “Cape Town is a good example that Africa has started to face the effects of climate change by investigating alternative water resources and minimizing the loss of non-revenue water and general water use.” – Jan Kürstein, Hydrogeologist and Senior Consultant Water and Natural Resources at Rambøll in Denmark and speaker at the upcoming African Utility Week and POWERGEN Africa in Cape Town in May. • TECHNOLOGY: “At Dromex we see African Utility Week as a point of unity for the African energy sector and an invaluable connection point for innovation and technology within the industry” – Stel Stylianou, CEO of Dromex, platinum sponsors. International pavilions Apart from the official U.S. country pavilion at African Utility Week and POWERGEN Africa showcasing specialised technology and services for the utility, metering, renewable and water industries, country pavilions from Canada, China, Denmark, France, Germany, India and Poland have also already confirmed their presence at the 3-day event in May. Industry support A multi-award-winning conference and exhibition, African Utility Week and POWERGEN Africa has already secured early support from industry stalwarts including Conlog, Dromex, Landis+Gyr, Sumitomo and Utility Systems as platinum sponsors and Aberdare and Sulzer as gold sponsors. The sixth edition of the annual African Power, Energy & Water Industry Awards also returns to celebrate pioneering utilities, projects and people in the energy and water industry on the continent during 2018/2019. CEO Forum The Utility CEO Forum is an exclusive, by invitation only, gathering of regional utility CEOs within the power and energy sector providing a unique, safe space for discussion and debate the modern day challenges of their roles in running African utilities in a fast developing market with high political expectations and low returns within aging or no infrastructure. Confirmed industry expert and technology partners for this strategic gathering are Conlog, Eaton, Nyamezela, Ontec, Oracle and Steinmüller. African Utility Week and the co-located POWERGEN Africa is the flagship energy event organised by Spintelligent, a multi-award-winning Cape Town-based exhibition and conference producer across the continent in the energy, infrastructure, mining, real estate and agriculture sectors. Other well-known events by Spintelligent include Future Energy East Africa, Future Energy Nigeria, the Utility CEO Forums, Agritech Expo Zambia, Nigeria Mining Week and DRC Mining Week. Spintelligent is part of the UK-based Clarion Events Group and African Utility Week and POWERGEN Africa form part of Clarion Energy, which runs over 40 events Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Munaasabad ay labada Jeneraal xilka kula kala wareegeen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Caetano Madeira. Jeneral Tigabu ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad 34 sano oo dhinaca milatariga dalka Itoobiya ah. Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar oo ka fal-celiyey magacaabistan ayaa aamini waayey in Itoobiya oo la ogyahay wixii ayada iyo Soomaaliya dhex maray ay hadda la wareegto talada ciidamada Amisom. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu ku yiri “Waaw, bal daqiiqad ka fakar…Jeneral Itoobiyaan ah ayaa iminka madax ka ah ciidamada caalamiga ah ee Afrika ee Soomaaliya – Ciidamada milatariga ee ah ilaaliyaha kama dambeysta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qayrul caadi” Wow!! – take a moment to think about this….an #Ethiopian general is now in charge of the internationally mandated African military force in #Somalia – the military force which is the ultimate protector of the Federal Government of Somalia. Extraordinary https://t.co/KOzs5UAIGU — Rageh Omaar (@ragehomaar) January 31, 2019 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa fahfaahin ka bixiyay duqayn uu ka geystay degaanka Shabeeley ee gobolka Hiiraan, subaxnimadii maanta oo Khamiis ahayd. War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu shaaciyay in weerarka cirka ah ay ku dileen 24 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyaga oo meesha ka saarey inay dad-shacab ah wax ku noqdeen. “Waxaan la safan-nahay DFS iyo caalamka si aan u ilaalino dadka Soomaaliyeed, waan sii wadaynaa duqaymaha ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah ee kasoo horjeeda nabada Somalia,” ayuu yiri sarkaal u hadlay AFRICOM. Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkaan ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee xukuumada Washington, oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al-Shabaab. The post Mareykanka oo ka hadlay duqayn uu ka geystay G/Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha ku xiran website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-310119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya maleeshiyooyinka Daacish iyo Al-Shabaab ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in 24-kii saac ee tagay ay laba dagaal oo kala duwan ka kala dhaceen xaafadaha Dhadaar iyo Sheebaab ee gobolka Bari. Dagaalka xaafadda Sheebaab ayaa billowday kadib markii dagaalyahanada Daacish ay weerar ku qadaeen xubno Shabaab oo khudbado u jeedinayey dadka xaafadda. Dagaalkaas ayaa lagu dilay hal dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish, sida ay dadka deegaanka sheegeen. Dagaalka ayaa kadib u durqa dhanka buuraha. Iska hor-imaad kale ayaa isna ka dhacay xaafadda Dhadaar oo ay soo galeen maleeshiyada Al-Shabaab, ayna billaabeen inay dadka deegaanka weydiiyaan haddii ay arkeen xubno Daacish ah. Dadka deegaanka oo ku wareersan; yaa Shabaab ah, yaase Daacish ah, ayaa rumeysan inay Daacish laba koox isku qeybiyeen si ay dagaalka u dheereeyaaan. Xiriirka deegaanadan oo aad u xun darteed, ayaa la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaaladan. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo yaab leh oo nooceedu ku yar yahay Soomaaliya ayaa lagu arkay magaalada Muqdisho kadib markii qof la dilay balse wixii kadib lagu sameeyey meydkiisa aad looga naxay. Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay lasoo dhigay meydka qof la dilay kadibna jirkiisa la jar-jaray, sida ay sheegeen dadka xaafadda. Qofka meydkiisa la helay, oo lagu magacaabay Cali Laami, ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu ka mid ahaa ganacsatada xaafadda Carta ee degmada Heliwaa. Dad goobjoogeyaal ah oo Caasimada Online la hadlay, ayaa sheegay in markii ay arkeen meydka ay rumeysan yihiin in jirkiisa lagu jar-jaray baangad. Illaa iyo hadda ma cadda cidda ka dambeysay dilkan iyo sababta loo dilay Cali Laami, kadibna sidan jirkiisa loogu jar-jaray. Dilalka qorsheysan ee shacabka ayaa ku badan magaalada Muqdisho, hase yeeshee ma dhacdo in qof la dilo kadib meydkiisa la jar-jaro, taasi oo wax ku csub magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The death toll from the sinking of two boats carrying migrants to Yemen from Djibouti rose to 52 on Thursday, the UN migration agency said, appealing to regional leaders to take action to stop such tragedies. Rescuers working in Djibouti’s northeastern Obock region continued to recover bodies on the Horn of Africa nation’s coast following the capsizing of the two boats earlier this week. The sinking of the vessels, which survivors say were carrying Ethiopians, is the latest tragedy to occur on the risky route used by African migrants seeking work in the Middle East. “No human being deserves such plight. It is up to actors and leaders working across the region to prevent such tragedies which take innocent lives,” Lalini Veerassamy, chief of mission for the International Organisation for Migration (IOM) in Djibouti, told AFP. The figure of 52 is up from a previous toll of 43 on Wednesday. Veerassamy also revised downwards the number of survivors to 15 from 16, citing an error in IOM’s tally. The number of migrants affected remains unclear but IOM believes one of the two boats carried 130 people. ‘Serious problem’ Speaking to AFP, 15-year-old survivor Id Mohamed said he was loaded onto a boat together with about 80 other Ethiopians. “All that I remember is that the captain said the motor had a serious problem and the boat is going to sink. After that, I don’t know what happened,” he said, adding that he was pulled from the water by the Djiboutian coast guard. “This is the worst thing I’ve been through in my entire life, even though I wasn’t in the sea long. I thank God for saving me,” he said. Located across the Bab el-Mandeb strait from Yemen and next to volatile Somalia and Ethiopia, Djibouti has in recent years become a transit point for migrants heading to seek work on the Arabian Peninsula, with the Obock region serving as a hub. This migration continues even though Yemen is facing one of the world’s worst humanitarian crises. UN officials say 80% of the population – 24 million people – are in need of aid and nearly 10 million are just one step away from famine, with many Yemenis fleeing to Djibouti. Meanwhile migrants transiting Yemen on foot face abuse and kidnapping, the UN says. Still the flow continues: in 2017, 100 000 migrants arrived in Yemen. The sea crossing itself has repeatedly proven perilous. Last year, at least 30 migrants from Somalia and Ethiopia believed to be headed for Djibouti drowned when their boat capsized off Yemen amid reports of gunfire being used against those on board. The post Death toll at 52 after migrant boats sink off Djibouti appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-London)-Xubno ka tirsan qoys Soomaali ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada London, ayada oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha farriimo ay ku wadaageen WhatsApp. Xubnahan ayaa la sheegay inay WhatsApp Group ku wadaageen fariimo la sheegay inay ku muujiyeen farxad iyo taageero ay u hayaan weerarkii ka dhacay deegaanka Westminster ee badhtamaha magaalaadda London, sannadkii 2017-kii. Haweeney lagu magacaabo Asma Aweys oo 30 jir ah, ayaa waxaa lagu xukumay 19-bilood, halka walaalkeeda oo lagu magacaabo Axmed Aweys lagu xukumay xabsi 25-bilood ah. Sidoo kale, maxkamadda London waxay Asma ninkeeda oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abu Munye ku xukuntay xabsi 15 bilood ah. Qoyskaasi oo xukunka lagu riday bishan Janaayo 25-dii ayaa la sheegay inay soo degsadeen ama download gareysteen muuqaallo kooxda Daacish, isla markaana ay isku dhaafsadeen barta ay qoyskaasi ku leeyihiin WhatsApp Group, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Dhinaca kale, Labo ka mid ah qoyskaasi oo lagu kala magacaabi jirey Weli Aweys iyo Suleymaan Aweys oo la sheegay inay u socdaaleen dalka Syria bilowgii sannadkii 2015-kii, ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen dagaal ka dhacay dalkaasi. Source
-
Siciid Deni iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Madaxtooyada Garowe ku qaabiley siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Kulanka ay qaateen labada masuul ayaa daarnaa salaan iyo is xog wareysi guud ee xaaladda dalka iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa hanaanka xisbiyada badan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hogaamiya xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa Madaxweynaha Puntland ugu hambalyeeyey guushii 08 January 2019, waxaana uu bogaadiyey horumarka balaaran ay Puntland gaartay. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya siyaasadda Puntland ee hanaanka xisbiyada badan iyo sidii Soomaaliya u gaari lahayd hal qof iyo hal cod ayaa soo dhaweeyey hirgelinta nidaamkaasi, waxaana uu bogaadiyey dadaalka lagu doonayo is bedelka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya ka socda, gaar ahaan kan hogaanka xisbiga Wadajir. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay caleema-saarkii madaxda Puntland, wuxuuna wali ku sugan yahay magaalada Garowe, isagoo kulamo kala duwan la qaatay dad kala duwan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ah siyaasi aad u dhaliila dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.. PUNTLAND POST The post Maxay kawada hadleen Deni iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur? appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors