Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,340
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT -Sudan) Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa ku jeesjeesay mucaaradka kasoo horjeeda xukuumaddiisa oo uu ku tilmaamay in ay baraha bulshada u adeegsadeen kana soo abaabuleen dibadbaxyada kadhanka ah xukunkiisa. “Xukuumad ama madaxweyneyaal laguma baddalo WhatsApp ama Facebook. Waxaa lagu baddali karaa oo kaliya doorashooyin,” ayuu u sheegay taageerayaashiisa. Hadalkan ayuu yiri ayadoo dibadbaxyo cusub lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Dibadbaxyada ayaa ka dhashay gunnooyinkiii lagu kabi jiray rootiga oo la jaray bishii December hase ahaatee markii dambe waxay isu baddaleen kuwo dhaliyey caro looga soo horjeedo xukunka Mr Bashir. Xukuumadda Sudan ayaa sheegaysa in 30 qof ay ku dhinteen rabshadaha tan iyo markii qalalaasuhu uu bilowday. Kooxaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa gaarsiinaya tirada dhimashada in kabadan 40 qof. Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Francisco Caetano Madeira, wakiilka midowga Afrika uqaabilsan Soomaaliya ayaa ku tartarsiiyay taliyaha cusub ee AMISOM inuu dar-dargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Tigabu Yilma Wondimhunegn, taliyaha cusub ee howlgalka AMISOM oo xilka la wareegay shalay oo Khamiis ahayd kadib xaflada ka qabsoontay fadhigooda Muqdisho ayaa bedalay Jim Beesigye Owoyesigire. Mr Madeira oo hoosta ka xariiqay in khatarta Al-Shabaab ay wali taagan yahay looga fadhiyo hogaanka cusub ee ciidamada nabad-illaalinta inuu dar-dargeliyo sidii looga saari lahaa goobaha ay gacanta ku hayso kahor inta aysan dalka ka bixin. Ciidamada AU-da ayaa lagu wadaa inay dalka ka hayaamaan dabaqaayada sanadka 2021-ka, iyada oo wixii intaasi ka badan amaanka guud ee wadanka lagu wareejinayo ciidamada xooga Soomaliyeed. The post Taliyaha cusub ee howlgalka AMISOM oo baaq loo diray appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Addis-ababa) Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa shirweynahooda sanad la ah waxuu uga furmaya dalka Tanzaniya, waxaana halkaasi ka socoto qabanqaabadda Abaabulka Shirka. Shirkaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro Khilaaf ka dhex taagan qaar ka mid ah dalalka bariga Sidda Burundi iyo Rwanda. Shirka ayaa la qorsheeyay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay balse labo mar ayaa dib loo dhigay kaddib markii dowladda Burundi ay qaadacday. Burundi ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dalka Rwanda uu yahay cadaw, ayadoo Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jirdil iyo tarxiil lagulo kaco muwaadiniinteeda u safraya dalka Uganda. Dalka Rwanda ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan uusan kala dhexeynin wadanka deriska la ah ee Uganda. Dhammaan madaxweynayaasha dalalka bariga Afrika ee ka mid ka ah ururkaan ayaanan ka qeybgalaynin shirkan ka dhacaya magaalada waqooyi ee Carusha ee dalkasi Tanzania. Source
  4. Shir looga arinsanayay hor umarinta mashaariicda degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay degmada waxaana shirka ka soo qayb galay maamulka degmada ,mas,uuliyiin [...] Source
  5. (SLT-Washington)War kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay badhtamaha Soomaaliya maalintii Arbacadda aheyd waxaana mareykanka uu sheegay in uu Shabaab gaarsiiyay Khasaare. Warka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay bartilmaameedsadeen degaanka Shabeelley oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka. 24 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaasi,iyadoo uu burbur soo gaaray saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen Shabaab. “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Source
  6. Ciidanka Booliska ayaa maanta si fool xun toogasho ugu dilay nin shicib ah ninkaasi oo ku sugnaa barxada dibada ee gurigiisa oo ku yaala xaafada Qudhac dheer ee Maxamuud Haybe Ex- Giryasamo. Ma cada sababta uu askarigani u toogtay ninkaasi shicibka ah oo si buuxda gacanta Booliska ugu jiray xiligan uu dilku dhacay. Hase ahaatee dad goob joog ah ayaa sheegay in askarigani uu ninkaasi Ka soo qabtay guriisa oo uu dabadeedna ku toogtay gurigaga dibadiisa waxana ay dadkii goobjooga ahaa sheegayaan oo kale in askarigani sitay warqad qabasho ah oo maxkamadeed, is af dhaaf askarigani iyo marxuumkaasi dhex marayna uu askarigu u dadajiyay rasaas oo uu qudha Ka jaray. Ilaa hada saraakiishii ciidanka Booliska ee saxaafadana hor imanjirtay marka Booliska wax Laga sheego kama ay hadal dilkani. Marxuumka la dilay ayaa Ka soo jeeda galbeedka Burco ama bariga Hargeysa, sida ay sheegeen dadkii badnaa we goobtaasi isugu soo baxay oo ka gadooday dilkaasi arxandarada ahaa ee aan wakigeed goobtaasi hore uga dhicine. Qaran News
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Isgaarsiinta ee xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo uwaramay TV-ga dowlada ayaa ka hadlay tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah shirkadaha Isgaarsiinta dalka. Mr Canshuur ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin in ay kala hadlaan shirkadaha wax kasta oo ku saabsan sharciga oo ay tabasho ka qabaan, isaga oo carabka ku dhuftay inay kalsooni buuxda ka qabaan in la xaliyo. Dhinaca kale, Wasiir Canshuur oo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu carabaabay in loo baahan yahay wadashaynta dhamaan shirkadahaasi si uu u dhaqan-galo sharciga Isgaarsiinta qaranka. Sharciga Isgaarsiinta qaranka ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya cod-aqlabiyad leh waxay ku meel-mariyeen sanadkii 2017-dii kadib dadaal ay xukuumada Soomaaliya ugashay in la ansixiyo Hindisa sharciyeedkaasi. The post XFS oo ka hadashay tabashada shirkadaha Isgaarsiinta appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay shir,waynihii Haweenka Caafimaadka ee aduunka oo mudo laba maalin ah ka socday Garoowe [...] Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-01022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caaismada Online) – Qeybta English-ka website-ka Villa Somalia www.villasomalia.gov.so/en, ayaa lasoo dhigay sawir iyo qoraal isla socda, oo markii dambe laga saaray, kaasi laga soo min guuriyey madaxtooyada Kenya. Qoraalka iyo sawirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, balse waxa uu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Uhuru Kenyatta oo lasoo min guuriyey, isaga oo anan hal erey laga bedelin. Dadka qaar ayaa arrintan ku macneeyey inay caddeyn u tahay in madaxweynaha uusan lahayn qorshe dhab ah, halka kuwa kalena ay sheegeen in arrintan ay ahayd un qalad ay sameeyeen qeybta warfaafinta madaxtooyada. Arrintan ayaa dhalisay caro iyo maadeys ay Soomaalida aad uga hadal hayaan baraha bulshada. Iska eeg labad qoraal ee Farmaajo iyo Kenyatta. Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada www.president.go.ke ku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”, kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara. Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta. Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale. Sidaas darteed waxaa muuqata in arrintan ay tahay mid uusan madaxwenaha waxba ka ogeyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay Guddigii ka soo shaqeeyay munaasibadii lagu caleemo saaray January 27, 2019. Madaxweynaha ayaa Guddiga [...] Source
  12. Qandala (Sh.M.Network) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qandala ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ku dhex maray Al-Shabaab iyo Daacish degaannada Dharaar iyo Miraale oo dhamaantooda hoostaga gobolka Bari. Taliyihii hore ee laanta sirdoonka Puntland, Cabdi Xasan Xuseen oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ka dhacay degaannadaasi uu jab xooggan kasoo gaaray Labada dhinac, kuna waayeen xubno badan. Daacish oo gacanta ku heysay degaannada lagu dagaallamay ayaa la sheegay in ay haatan ay kala wareegeen xarakada Al-Shabaab, inakasta ay weli is hor fadhiyaan labada garab. Dhawaan ayay ahayd markii ay Daacish qaadashada Hubka ka joojisay Dadka ku nool Qandala iyo degaannada hoos-yimaada, iyada oo baqdin qabta in ay ku soo dhuuntaan xubnaha taabacsan Al-Shabaab ee dagaalka kala dhaxeeya . Dagaalka u dhexeeya kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa in dhowaanahanba uu ka soconayay dagaalkooda degaannada ay ku sugan yihiin, iyagoo iska dilay labada dhinac xubno muhiim ah . The post Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay G/Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeya Daacish iyo Al Shabaab oo ka dhacay deegaanada Buuralayda ee gobolka Bari, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay dhexmarayay Al Shabaab iyo Daacish. Dagaalka ayaa salka ku haya qorshe Al Shabaab damacsan yihiin oo ah inay Daacish ka saaraan deegaanada Buuraha ah ee Bari, iyaga oo ka hor jeeda in Daacish ay yeelato awood ay Al Shabaab kula dagaalanto mustaqbalka. Dagaalka Xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Miraale oo qiyaastii 70 Km u jira magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana laga baqayaa in dagaalka buuraha ku faafo deegaanada kale ee Puntland. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay ilaa waaberigii saaka dagaal uu ka dhacay deegaanka, waxaana marar qaar hadda la sheegayaa in dagaal goosgoos ah uu ka dhacayo deegaan kale oo ku dhow Miraale. 18-kii bishii December ee sanadkii 2018, ayey ahayd markii Al-Shabaab iyo Daacish uu dagaal ku dhex-maray meel aan ka fogayn dhulkan buralayda gobolka Bari ah ee uu daagalku ka dhacay, kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab ka mid ah ay ka tageen dhinaca buuraha Galgala oo ay fariisimo ku leeyihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay doonayaan inay Daacish kala wareegaan deegaanada Buuraha oo inta badan ay labada dhinac ka dagaalamaan, waxaana jirta cabsi xoogan oo dadka deegaanka soo foodsaartay. Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  14. Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koofur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaaladii ugu dambeeyay ee ka socday magaalada Baydhabo oo lagu soo dhisayo golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed. Maalmaha soo socdo ayaa la sheeciyay in lagu dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed, kadib wadatashi dheer oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa saacadihii ugu dambeeyay xarunta madaxtooyada odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka kula yeeshay wadatashagii ugu dambeeyay. Afhayeen u hadlay madaxtooyada Koofur Galbeed oo lagu magacaabo Nuuradiin Gacmo ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayso magacaabida golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed. Afhayeenka ayaa sheegay in wasiirada cusub ay ka duwanaan doonaan wasiiradii hore ee maamulka Koofur Galbeed, waxayna taasi xulideeda dhalisay in wadatashi badan la geliyo xubnaha cusub ee wasiirada kamid noqonaya. Wuxuu sidoo kale Afhayeenka sheegay in wadatashiyada ay dhamaadeen, islamarkaana kaliya la sugay in la shaaciyo wasiirada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  15. Sida caadada ah, madaxweyne walba xilliga doorashada waxaa uu la yimaadaa barnaamij siyaasadeed uu ku hago dalka, laguna xisaabtamo, taasi oo lagu daabaco baraha faafinta rasmiga ah ee dowladda. Muddadii uu joogay madaxweyne Farmaajo, waxaa dib u habeyn lagu wadey mareegta rasmiga ah ee madaxtooyada Soomaaliya(https://villasomalia.gov.so/en/), bartaas waa meel ay tahay in lagu faafiyo qorshaha siyaasadeed, waxqabadka iyo dhammaan keydka madaxtooyada Soomaaliya. Isla bartan aan ka hadleyno ee Villada ku leedahay Internet-ka ayaa waxyaabaha lagu daabacay dhowaan waxaan ka mid ah qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi ka soo koobiyeeyeen Website-ka Madaxtooyada ama State House dalka Kenya, naqshad iyo barnaamijkiiba waa la soo xaday!! Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia. Barnaamijka u qoran Farmaajo waa midka Kenyatta. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada(http://www.president.go.ke/) ku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”, kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara. Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta Mr. Uhuru Kenyatta waxaa uu ugu talo-galay in qorshahan uu fuliyo muddo 5 sano ah, waa barnaamij uu ku galay doorasho. Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale. Waxaa intaas dheer, Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara ma aha arrin ay shacabka uga fadhiyaan dowladda hadda jirto, oo amniga iyo arrimo kale ayaa uga muhiimsan. Haddaba, waxaa isweydiin mudan sababta Villa Somalia ay u soo qaadatay barnaamij dal kale, oo ay u marin habaabineyso umadda Soomaaliyeed. Dhacdadan waxaa ay abuuri kartaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin: Maxaa ku qasbay arrinkan mise jirtaa arrimo kale oo la soo min-guuriyey, oo nagala qariyey? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa daah-furay shirka waaxda xal u helidda barakacayaasha Gobolka Banaadir. Kulanka oo looga hadlayay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dhammaan dhibaatooyinka calaamadda ku ah horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wakiillo ka socda Qaramada midoobay iyo hay’adaha sama-falka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo kulanka furay ayaa sheegay in 2.6 Milyan oo Soomaali ah loo aqoonsan yahay in ay barakacayaal yahay, halka Hal Milyad Dad ka badanna ay daafaha Caalamka ku yihiin Qaxooti, isagoo tilmaamay in Nus Malyuun Qofna ay ku nool yihiin Magaalada Muqdisho. Sababta ugu badan ee keenta Qaxa iyo barakaca ayuu ku tilmaamay, dagaallada sokeeye, fatahaadaha , duufaannada iyo abaaraha, kuwaas oo keena nabaad guur iyo is-beddel ku dhaca Cimmilada, Xoolahana ku qasba in ay nolol u soo raadsadaan Magaalooyinka. Mudane, Khadar, ayaa faray hay’adaha Caalamka, maamul Goboleedyada iyo wasaaradaha ay khuseyso in laga fekero sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa Barakacayaasha Gobolka Banaadir iyadoo Alle la kaashanaya. Wuxuu sheegay in xukuumaddu ay ahmiyad weyn siisay xal u helista barakacayaasha, taas oo qeyb ka ah Tubta siyaasadda loo dhan yahay ee arrimaha Bulshada,wuxuuna ku micneeyay in Dadka kasoo hayaamay degaannadoodii hore ay qeyb ka yihiin Bulshada inteeda kale. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa sheegay in barakacayaashu ay xaqna u leeyihiin in ay helaan ,amni, xuquuq, Nolol, Hooy iyo Hu’, wuxuuna sheegay in ay Dowladdu ay heegan u tahay sidii wax loogu qaban lahaa. The post DF oo gargaar beni’aadanimo gaarsiineysa gobolada appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Beledwayne (Sh.M.Network) – Cabdullaahi Cusmaan Cariig, xoghayaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay inuu khilaaf kala dhaxeeyo gudoomiyaha gobolkaasi, Yuusuf Axmed Hagar. Mr Cariig ayaa wariyaasha u sheegay in khilaafka uu yimid markii ciidamo uu tilmaamay inay ka amar-qaataan Gudoomiye Yuusuf oo yimid xafiiskiisa ay hakad geliyeen shaqadii ka socotay halkaasi. Gudoomiye Yuusuf oo ay la xiriirtay idaacada Shabelle si aan wax uga waydiinayo arrintaan ayaa nan ka jawaabin telafoonka. Is-qabqabsiga udhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan ayaa looga fadhiyaa inay soo farageliyaan madaxda ugu sareysa HirShabelle gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha si xal waara loogu helo. The post Khilaaf soo kala dhex-galay mas’uuliyiin ka tirsan G/Hiiran appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay inay hoggaamiso Hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia ee lagu Magacaabo AMISOM. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeedda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay Hoggaanka Ciidamada AMISOM ee Somalia kadib Xafad kooban oo ka dhacday xeradda ciidanka AMISOM ee Muqdisho. Talyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Gen. Jim Beesigye Owoyesigire oo shaqeynayay tan iyo bishii Janaayo 2018-ka, kana soo jeeda dalka Uganda oo ay ciidamada ee AMISOM ka joogaan Somalia. Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira ahna madaxa guud ee ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo uu taliye ka socda ciidamada Itoobiya la wareego hoggaanka guud ee AMISOM. Dhanka kale, Tigabu wuxuu ciidanka itoobiya ka tirsanyahay muddo 34-sano ah, wuxuuna kasoo shaqeeyay qaybo kala duwan ay ka mid yihiin; Qaybta dhakhaatiirta, batroolka iyo taliska guud ee ciidamada Itoobiya. “Hawl-galku waa mid aad u weyn, laakiin aad baan ugu kalsoonahay in aad kasoo bixi kartid hawsha laguu idmaday una leedahay karti iyo aqoon kugu filan,” ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Madeira. Ugu dambeyn, Isbedelkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidamada Burundi ka socda ee AMISOM ka tirsan laga dalbaday iay 1,000 Askari kala baxaan Somalia, taasoo la sheegay inuu Midowga Afrika uu uga dhigayo ciqaab. PUNTLAND POST The post Itoobiya oo markii ugu horreysay Majaraha u Qabtay Hoggaanka Guud ee Ciidanka AMISOM appeared first on Puntland Post.
  19. Boosaaso (Caasimada Online)-Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan deegaanada ay kooxda Daacish ka maamulaan gobolka Bari, gaar ahaan buuraha degmada Qandala. Wararka ka imaanaya degmada Qandala ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay amaro cusub kusoo rogtay shacabka iyo gaadiidleyda ka howlgasha deegaankaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Kooxda Daacish ayaa ku amartay dadka deegaanka inaan lagu arki karin hub aysan iyaga ka warqabin, ciddii lagu arkaana ay talaabo adag ka qaadi doonaan. Sidoo kale waxaa loo hanjabay gaadiidleyda bagaashka geeya degmada Qandala, iyaga oo looga digay inaysan hub iyo shaqsiyaad aan la aqoon geyn karin degmada Qandala iyo deegaanada hoostaga. Wararka ayaa sheegaya in arintaasi ay ka dambeysay cabsi xoogan oo kooxda soo wajahday, taasi oo la xiriirta in Al shabaab ku dhex dhuuntaan gaadiidka, islamarkaana ay weeraraan Kooxda Daacish. Kooxda ayaa la sheegay inay baaritaan ku sameeyaan dhamaan gaadiidka gala gudaha degmada Qandala iyo deegaanada hoostaga, waxaana jirta cabsi xoogan oo ay ka qabaa in Al shabaab ay weeraraan degmada Qandala. Al shabaab iyo daacish ayaa marar badan dagaalo waxay ku dhexmareen deegaanada gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika, ayaa war uu soo saaray ku faahfaahiyay hawl-gal ka dhan kooxda Al-shabaab oo Arbacadii ka dhacay bartamaha Somalia, kaasoo ay sheegeen inay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen Al-shabaab. Warka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Somalia ay bar-tilmaameedsadeen deegaan lagu magacaabo Shabeelley oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Sidoo kale, Taliska Mareykanka ayaa sheegay in hawl-galkan intii uu socday ay ka qayb-galeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo loo yaqaan Drones-ka. Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen 24-ruux oo ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kalena uu burbur gaaray Saldhiggii ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab. “Xukuumadda Mareykanka waxaa ka go’an inay sii wadidda beegsiga Kooxda Al-shabaab si ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, iyadoo sidoo kale mar walba lao xaqiijinayo inaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh soo gaarin dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM. Ugu dambeyn, Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe waxay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Somalia. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay inuu tiro Al-shabaab ah ku dilay Duqeyn uu ka geystay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Wanlaweyn (Sh.M.Network) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay qarax askar ka tirsan dowlada lagula eegtay duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. War qoraal ah oo ay Shabaab ku daabacday baraha ay ku leedahay Internet-ka ay ku xustay inay afar askari ku dishay weerarka. Ma jiro illaa iyo haatan mas’uul ka tirsan maamulka degmada ama gobolka oo illaa iyo haatan ka hadlay sheegashada Al-Shabaab. Inta badan Shabeellaha Hoose waxaa dhacdooyinka noocaan ah, kuwaasi oo lala beegsado Kolanyada ay la socdeen ciidamada xooga iyo kuwa AMISOM. The post Al-Shabaab oo sheegatay inay qarax ku dishay 4 Askari appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (PP) ─ Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa shirkooda sanadlaha ah waxuu uga furmayaa dalka Tanzaniya, Waxaana socoto qaban-qaabada iyo abaabulka shirka. Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf ka dhex-taagan Qaar ka mid ah dalalka bariga sida; Burundi iyo Rwanda, iyadoo khilaafkan uu dib u digay shirka laba jeer. Bishii November ee sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd inuu shirkan furmo, balse wuxuu baaqday kaddib markii ay ka qayb-galkiisa qaadacday Burundi oo ka cababaysa dalka ay dariska yihiin ee Rwanda. Sidoo kale, Burundi ayaa dhawaan ku sheegtay in dalka Rwanda uu yahay cadawgeeda, iyadoo Dowladda Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jir-dil iyo tarxiil lagula kaco muwaadiniinteeda u safra dalka Uganda ee ay ood-wadaagta yihiin. Dalka Rwanda ayaan xiriir wanaagsan uusan kala dhexeynin dalka dariska la ah ee Uganda. Iyadoo laga baqdin qabo in Hoggaamiyeaasha Bariga Afrika qaarkood aysan ka qayb-galayn shirkan haddii aan la xallin murannada jira. Ugu dambeyn, Dalalka Bariga ayaa waxay horay isugu raaceen in dalalkooda aan loo qaadan fiiso marka la isku gudbayo, balse muranka jira ayaa wuxuu caddeyn u yahay inaysan jirin wax heshiis ah oo u dhexeeya madaxda Qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika. PUNTLAND POST The post Shirka Madaxda Waddamada Bariga Afrika oo laga yaabo inuu mar kale Dib u Dhaco appeared first on Puntland Post.
  23. Galkacayo (Sh.M.Network) – Taliyaha Booliska Soomaaliya, Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug. Hogaanka hay’addaha amniga ee halkaasi ujooga maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu Taliyuhu shir gaar ah la yeeshay. Taliye Bashiir ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha iyo fadhiyada ciidanka looliska ay ku leeyihiin magaaladda Gaalkacyo. Isaga oo warbaahinta la hadlay ayuu taliyuhu shaaciyay in ujeedka safarkiisu qayb ka yahay dadaalada lagu xoojinayo wadashaynta Booliska DFS iyo dowlad goboleedyadda. Ugu dambeyntii, taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay in kulamada uu la yeeshay saraakiisha Galmudug iyo Puntland ay uga wada hadleen nabad-gelyada iyo sidii ciidamada door muuqata uga qaadan lahaayeen. The post Taliye Bashir oo la kulmay saraakiisha amniga Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Garowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Puntland durba culees uu ka dareemay soo xulista golaha wasiirada Puntland. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ay caqabad culus ku noqdaan madaxweynaha cusub ee Puntland, iyaga oo doonaya in doorweyn ay ku lahaadaan la tashiyada iyo soo xulista golaha wasiirada Puntland. Madaxweyne Deni, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxdii hore ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka qaarkood, isaga oo kala hadlayay nooca ay noqonayaan golaha wasiirada cusub ee Puntland. Qaar kamid ah odayaasha ayaa doonaya in shaqsiyaad ay iyaga taageersan yihiin lagu daro golaha wasiirada cusub ee Puntand, waana taa caqabada ugu adag ee dhextaala odayaasha dhaqanka iyo madaxweynaha Puntland. Waxgaradka ku sugan magaalada Garowe ayaa Caasimada Online u sheegay in xalay kulamo ka dhacay madaxtooyada ay u muuqdeen kuwo tanaasulaad badan laga sameeyay waxyaabaha la isku hayay. Madaxweynaha Puntland ayaa heysta waqti badan oo uu kaga fakari karo liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland, waxaana jira in qaar kamid ah wasiiradii C/Welli Gaas ay doonayaan inay markale soo noqdaan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (Sh.M.Network) – Midowga Afrika ayaa taliye cusub usoo magacaabay howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM. Taliyaha cusub oo lagu magacaao Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa bedalay Jim Beesigye Owoyesigire jagada hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Tigabu oo udhashay dalka Itoobiya ayaa xilka kula wareegay munaasabad ka qabsoontay xarunta howlgalka ku leeyahay Muqdisho. Mas’uuliyiin uu kamid yahay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM, Francisco Caetano Madeira, ayaa xaflada joogay. The post Midowga Afrika oo taliye cusub u magacaabay AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article