Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,344
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Marka hore rabbi ha janneeyo, dadkii i ku naf waayey weerarradii bahalnimada ah ee kooxaha nabad diidka iyo Diin rogaalka ahi ay ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waxay noqotay magaalo ehel u ah; dil, dhac, qarax,kufsi, ku qabso ku qadi mayside iyo waliba dulmiyo aan daah saarnayn oo har iyo layl shacabka Muqdisho dhex muquurtaan. Tan iyo 28 kii sano ee la soo dhaafay, waa ay yartahay maalin Muqdisho dil xaqdarro ah uunan ka dhicin. Guri walba oo qof Soomaali ahi leeyahay waxaa taallay tacsida qof ehel ah oo si xaqdarro ah lagu dilay, balse Muqdisho waa ka sii ayaan darantahay deegaanada kale ee dalka .Taasi waa tilmaame muujinaya heerka uu gaarsiisanyahay tacaddiga aan kala joogsiga lahayn ee dadka reer Muqdisho sanad walba marti-geliyaan. Waa arrin lala yaabo, balse waxaa sii amakaag ah in dadka Muqdisho ku noolli malaayiin doollar canshuur ahaan looga qaado, taasi oo gurrada loo geliyo kuwa sheegta in ay mas’uulka ka yihiin shacabka. Qaraxyada iyo dilalka joogtada ah waxaa dulmane u ah shacabka tabaallaysan ee canshuurta laga qaado, kuwa madaxda sheegta iyagu waxay lacagtii shacabka ku iibsadeen baabuur aan xabaddu kari (bullet proof), iyaga oo aan wax wal wal ah qabin ayey daafaha magaalada isaga gooshaan, haa ,xaq ayey u leeyihiin oo waa madax bartilmaameed ah oo sugidda ammankoodu muhiim yahay, balse masuuliyiintu waxay gabeen masuuliyadoodii shacabka Soomaaliyeed. Masuuliyiintu, waxay sugi la’ayihiin amniga 2 million oo qof oo Muqdisho ku nool, maalin walba waxaa xasuuq loo geysta shacab dhibaateysan, waliba kuwii u geystay cid qori ka daba tuurta ma jirto, waxaana laga yaabaa in ay kuwaasi u hoydeen guryo u dhow guryaha ay habeenkaas baroorta iyo tacsidu taal. Shacabka Muqdisho arrintaas waa ku dhaliilanyihiin oo cidda maalin walba xasuuqeysa waa ayaan darro in ay gudaha magaalada ku hoydaan, .waxaa la doonaya in qof walba uu masuul iska saaro sugidda ammaanka guud ee magaalada muqdisho. Qaraxa yaa fuliya? Waxaynu maqalnaa qarax ayaa dhacay,balse qarax walba oo dhaca waxaynu masuuliyadda saarnaaa Al-shabaabka tooska ah ee buuraha iyo hawdka ku jira, ma jirto cid is weydiisa; cidda gudaha magaalada soo gelisa baabuurka ,meesha lagu soo farsameeyey, guryaha ay seexdaan kuwa abaabula qaraxyada iyo su’aallo kale oo badan oo u baahan in astaan weydiimeed weyn la hor dhigo. Haa qaraxa salkiisa ugu hooseeya waxaa iska leh Al-shabaabka tooska ah, balse waa yartahay inta la ogyahay in ay jiraan Al-shabaabka dadban. Waa kuwma Al Shabaabka Dadban? Al-shabaabka dadban waa kuwa: – Ila nool, – kula nool – Inala wada nool. – Waa kuwo basaska kula raaca, – Waa kuwo tukaanka kaala adeegta – Waa kuwo kula baroorta wakhtiyada ay qaraxyadu dhacaan, iyaga ilma yaxaasleeya (crocodile tears)! Maalin walba waxaan maqalnaa qarax ayaa dhacay, goobta uu qaraxu ka dhacay waa meel aad muhiim u ah, waxaa ka sokeeya ilaa shan isbaaro oo baaburta iyo dadka lagu baaro, goobtaas waa adagtahay in uu gaaro gaari aan la aqoon, gaariga isbaarooyinkaas oo dhan dhaafay ee haddana is qarxiyey cid ay marayso ma jirto in la yiraahdo Al-shabaabka uun toosan ayaa ku leh. Waxaa inoo cad haddaba in ay jiraan Al-shabaabka dadban oo gacan libaax ka qaata dardar gelinta qaraxyada, dilalka iyo dulmiyada kale ee ka dhaca Muqdisho. Al-shabaabka dadbani waxaa laga yaabaa in uu ku jiro baarlaamanka, wasiirrada, agaasimayaasha, taliyayaasha iyo waliba ciidamada ammaanka. Waxaan iri ; Maska cunaya ruuxdiisa Cuna qaban caruurtiisa Misna caana siinaaya Car yaa garan ciyaartaas?. Al-shabaabka dadban waxaa soo gala ganacsatada iyagu canshuurta siiya Al-shabaabka tooska ah, blase ganacsatada waa loo garaabi karaa oo ammaankoodii waxaa gabay kii ay canshuurta siiyeen ee masuuliyaddaas lahaa. Al-shabaabka dadban waa kan ay tahay in soo afjariddiisa ahmiyad gaar ah ay kuwa saxda ah ee dawladda ku jira iska saaraan. Ammaanka Muqdishu maxaa ka qaldan?. Ammniga caasimadda Muqdisho waa arrin muhiim ah, waxay muhiim u tahay sharafka iyo cisada dawladda, waxay muhiim u tahag nafta shacabka reer Muqdisho. Muqdisho waa udub dhaxaadka dawladnimada Soomaaliyeed waana meesha ay Al-shabaab hadd iyo goor qaraxyada iyo hawlgalladooda kale ka fuliyaan, waayo waxay ogyihiin qaraxa Muqdisho ka dhaca xaaladda uu abuuri karo iyo in uu si fudud caalamka ku gaarayo,taasi oo Al-shabaab ay doonayaan in ay ku muujiyaan awooddooda maadama ay awood u leeyihiin in ay weerarro ka fuliyaan gudaha caasimadda, walibana goobo iyo dad muhim ah beegsadaan. Haddaba caasimadda ammaankeeda maxaa ka qaldan? Ma dawladda ayaan daacad ka ahayn xasilinta caasimadda?, ma ka dhabbaa oo dawladdu waxay sugi la’adahay amniga 2 million ee caasimadda ku nool? Ma arrimo kale oo aynan ogeyn ayaa jira? Waa su’aalo u baahan in aad la lafa guro markaasna la isku dayo in la fahmo isha ammni darrada caasimadda. Anigu shakhsi ahaan waan qaadan laa’ahay in dawlad dhan ay ammaanka caasimaddeda sugi la’adahay, waliba meelaha muhiimka ah oo weerarro ka dhacaan inta badan . Laba arrimood middood ayaann arrintaas anigu u sababayn lahaa oo aan is leeyahay waa ay keeneysaa amni darrada caasimadda ; 1) In laamaha ammanka ay ku dhex jiraan al-shabaabka dadban kuwaasi oo iyagu fudeydiya fulinta falalka argagixiso. 2) In dawladdu aysan ba wax dan ah ka lahayn suggidda amaanka Muqdisho oo dadkii masuuliyaddaas lahaa ay ku jiraan siyaasado iyo xaalado kale oo gaar ah. Labadan qodob haddii ay jiraan waa arrimo halis ah; una baahan in si degdeg ah loo la xisaabtamo cidda masuuliyaddaas leh. Macquul maahan in amniga caasimadda sugitaankeedu uu adkaado, maalin walba waxaan maqalnaa dhalinyarro ayaa tabobbar u soo idlaaday, haddana lama arko meel ay aadaan oo wax kale iska daayee xitaa waxay sugi kari la’ayihiin amniga caasimadda. Malaayiin doollar ayaa ku baxa ciidamada ammaanka muqdisho. Arrinta sugidda ammaanka Muqdisho waa arrin ay fari ku godantahay, waxay dad badani shaki ka qabaan qaraxyada hadd iyo goor shacabka lagula beegsanayo meelaha aadka muhimka ah . Maxaa ka qaldan xoreynta dalka? Waxaan liqi la’ahay in kooxda daciicfka ah ee Al-shabaab laga xoreyn la’ayahay deegaanada ay haystaan, waxaan is weydiinayaa su’aalo fara badan oo ku saabsan sababta keentay in Al- shabaab oo 2,000 kun oo wiil ka yar, dawladdana ay ciidamadeeda diwaanka gashan ku sheegay 9,000 oo waliba aad u qalabaysan marka loo eego dhanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab, oo ay taageerayaan ciidamo dhan 20,000 ee AMISOM, oo ay ku baxdo sanadkii I billion ( $ 1 billion) oo doolar, sababta loo soo af jari waayay oo looga xoreyn waayay Al Shabaab goobaha ay hasystaan, ee ay ka soo abaabulaan weerarada.! Su’aalaha aan anigu xoreynta dalka iska weydiinayo cid iig jawaabta ma hayo, balse waa laga yaaba in cidda ay khuseyso cudur daaro keen san karaan. waa habartii tiri; ” gabadhayda ninkaas feeraha wayni kama dhali waayine hagrashaa jirta”, sidaas oo kale waxaan aamminsanahay in Al-shabaab aan laga adkaan kari waayin balse ay hagrasho jirto sabab kasta haku timaaddee. Waxaase muhiim ah in cidda masuuliyaddaas leh ay maanka geliso in jiritaanka kooxda Al Shabaab ay tahay qocandho ku muddan dawladnimadeenna. Gunaanad Guntii iyo gabagabadii waxaan rabaa in aan cid walba oo masuuliyad ay dalka Soomaaliyeed ka saarantahay aan u sheego, cidda masuuliyadu saarantahay maahan keliya kuwa madaxda inoo ah ee majaraha dalka u haya, waxaan u jeedaa oo la hadlayaa cid walba oo mustaqbalka dalkaan rejjo ka leh oo dooneysa in ay dhaxal lagu tannaado ay kuwooda dambe uga tagaan ,waxaan anigu leeyahay ; Soomaaliya waa guri aynu wada leenahay nadiifinteeda iyo qurxinteedana waxaa waajib ah in aan masuuliyad isaga saarno sida ay gurigeenna masuul uga nahay. Haddii aynu sidaas yeeli wayno waa in aan gaawaha u culannaa; nolosha dugaagga ee aan turidda iyo tabasho gudbintaba lahayn. W/Q: Yacquub Xayir Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa shirweynahooda sanadlaha ah waxuu uga furmaya dalka Tanzaniya, waxaana halkaasi ka socoto qabanqaabadda Abaabulka shirka. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf ka dhex taagan qaar ka mid ah dalalka bariga Sidda Burundi iyo Rwanda. Shirka ayaa la qorsheeyay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay balse labo mar ayaa dib loo dhigay kaddib markii dowladda Burundi ay qaadacday. Burundi ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dalka Rwanda uu yahay cadaw, ayadoo Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jirdil iyo tarxiil lagulo kaco muwaadiniinteeda u safraya dalka Uganda. Dalka Rwanda ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan uusan kala dhexeynin wadanka deriska la ah ee Uganda. Dhammaan madaxweynayaasha dalalka bariga Afrika ee ka mid ka ah ururkaan ayaanan ka qeybgalaynin shirkan ka dhacaya magaalada waqooyi ee Carusha ee dalkasi Tanzania. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Interventions needed to alleviate poverty and reduce income inequality in Somaliland Ex- Secretary of State of the United States of America said in a speech on Poverty, during his tour to Africa “The root cause of poverty is social injustice and the bad government that abets it”. On the previous article we talked about the existence of high income inequality, government budget distribution benefits inequality, access to employment opportunities inequality, the widening gap between the rich few groups and the poor majority of the society and the alarming rate of the poverty increase in Somaliland society; in which the majority of our community is lacking the basic needs for the minimum standard of well-being. We also identified the risks, the negative impacts and the problems that the high income inequality and the increase in poverty may cause to our society. In this article, the point that deserves to highlight is that the government is solely responsible to intervene the income inequality and economic disparity among our people; to promote equity or fairness in Somaliland society; and to alleviate poverty sufferings. The government neglected to deal with this problem, giving no attention as if the problem does not exist. Moreover, this national dysfunction cannot be solved through the government’s same thinking and system that created the problem. But this problem can be dealt by making a complete reorientation in all aspects of its social governing system. We are referring herewith some measures or programmes that can be taken to reduce income inequality and poverty expansion in our society; and to prevent them from the risks and problems caused by such economic disparity between the rich and the poor. The application of these measures also will help to raise the living standards of the low income groups of our society and to improve the living conditions of the people who are already poor. Some of the steps that can alleviate Poverty and reduce income inequality if implemented are: In order to reduce Regional inequality of government budget benefits: (a) The government has to introduce a budget policy that redesigns the national budget allocations by introducing regional development support grants for each of the six major regions. (b)The government should formulate budget allocations as by regions through regional convergence. This will be a policy which is completely compatible with the regional decentralization democracy and fair leadership. (c)The government should grant same means to the regions, and even subsidize more to the regions which are currently significantly behind in relation to the other regions. This policy also favors those regions that do not have the means today, so they can have the same development opportunities in the future. (d) Certain percent of these regional allocated funds should be financed for Regional Poverty Alleviation Programmes–to improve living conditions, livelihoods and empowerment among the poor communities in the regions; with particular attention to those who were traditionally rural groups but now in the IDP camps, and other identified urban poor and orphan families. In order to raise the household income earnings of the bottom government employees: (a) The government should set a budget policy that enables to raise the wages of the low income earners of government employees-both security forces and civil employees. (b) The government should work to enable its employees to have the opportunities to pay their living requirements and to advance themselves financially. In order to eliminate the unfair system of employing government personnel; which is now based on tribalism, favoritism and illegal preference; and to enable to create fair job opportunities for the young scholars from the universities: (a) The government should promote equity and fairness among its citizens of being in access to employment opportunities; and should change the way things are now that created an imbalance in the government working places. (b)The government should implement Somaliland national recruitment or employment law and its procedures, which is important to have competitive and equitable employment opportunities. (c)The government should build a recruitment budget plan; that enables to create a national recruiting budget; and helps to estimate the recruiting budget cost based on the annual expected number of hires. (d)The government must restructure the budget allocations and make its code more progressive by cutting all unnecessary expenses and all lump sum budget line items, minimizing government spending and stopping all budget setting Corruption techniques. (e)The government then should pool all such amounts deducted from the gross budget, to spend it for the Costs related to the staff employment and other associated expenses arising from recruiting exercises. (f)That employment budget should be put in to a Recruiting Budget Subhead that can be added within the annual budget of the National Civil Service commission Agency (Recruiting Agency). (g)The government should allocate special fund within the National budget to help as subsidy to keep the community with the special needs to have the same opportunities with the other citizens. In order to raise the living conditions of thousands of families in the IDPs and other poor families: (a)The government should take its role to coordinate the humanitarian funds provided by the international community in a way to prevent it from corruption, theft and misuses that turns it from its purposes in to private pockets. (b)The government should pool these humanitarian funds in to accountable and transparent Public distribution system with procedural arrangements; that can enable to subsidize the families & communities in the IDPs and to the other needy sections of the society with food, water, shelter, free education and free health treatment. (c)The government has the responsibility to intervene and limit the service charges of the private hospitals, private schools and private universities limiting them at affordable charges for the majority common people. (d)The government should exercise its responsibility to improve the standards of the public hospitals and public schools to ensure the poor children get equal education in quality with the rich and middle class children in the private schools. (e)The government must sponsor a system entrusted with the work of distributing basic food and other essential non-food commodities to its poor and needy groups. In order to reduce the relative poverty and shorten the gap between the rich and the poor: (a)The government should try to combat market inequities through regulation, taxation over the rich, subsidizing the poor, and general economic fairness promotion. (b)The government can apply the policy called “ steal from the rich and give to the poor”; by introducing and collecting several proportions of direct taxes which were introduced, authorized but still not imposed to the rich companies, traders and establishments; to subsidize the well being of the poor. (c)The government also has to increase the percent of the earned Income Profit Tax of the rich companies, traders and establishments; and empower to the low income poor families who suffer many social exclusion and negative externalities. (d)The government should stop the wrong instrument adopted by Kulmiye governments to raise the taxes of the society’s essentially needed commodities, goods and services. In order to fairly distribute trade income benefits, and secure the availability and price affordability of commonly consumed food commodities: (a)The government should have the courage to control the trade Monopoly power and the trade benefits gaining disparity, by implementing the anti-monopoly laws and the restrictive trade practices legislation that rules the four selling limitations of the imported goods. (b) It should remove the unfair and non-competitive mangement system of the contracts related to trade, purchases and constructions that the government gives directly to certain people it prefers in an unfair way. (c) It should control and prevent the unfair and very high prices of the commonly consumed food commodities, from the many poor of its people; it should fix their prices and even subsidize to be at cheap and affordable prices to all levels of the society. (d)The government must develop, finance and implement a long term strategic policy that shall encourage a massive campaign of local food production, local food processing and local food consumption. In order to avoid the poverty that the risks from the natural disasters cause; such as lack of rainfall or droughts, floods, tsunamis, contamination of drinking water sources and earthquakes: (a)The government should develop Natural Disasters preparedness technical strategic plan that refers the appropriate measures taken to prepare for and reduce the effects of such disasters. (b)The government must able to predict the natural disaster and prevent them where possible from the vulnerable groups. (c)The government should mitigate the natural disasters’ impacts on vulnerable populations, and respond to and effectively cope with their consequences. (d)The Government should activate the National Food Reserve Agency; introduce a Nation’s Food and Emergency items Reservation system; then it should begin to make bulk quantity reserves of food commodities and other emergency materials, to cope and use within any unexpected natural events that may happen any time in the future. Adam Ali Younis aayonis@hotmail.com Qaran News
  4. Hargeisa: Man shot dead in front of his home by the police: The Somaliland police shot dead today a civilian in front of his home in Qudhac Dheer ( Formerly Guryosamo). It is not clear the reason why the policeman shot the civilian but witnesses said the the policeman had a warrant to arrest the man. When the policeman arrested the deceased from his house , he later shot him outside the home of the civilian . The witnesses also informed our reporters that an argument broke between the policeman and the civilian and suddenly the policeman shot the civilian. The Somaliland police officers who had the habit of giving press releases failed to show up in this case and failed to comment. Qaran News
  5. (SLT-Washington)Dowladda Mareykanka ayaa horumar kooban oo kaliya ka sameysay wada-hadallada Nuclear-ka ee Korea-da Waqooyi, waxaaa sidaas qirtay ergeyga gaarka ah ee Washington u qaabilsan Korea-da Waqooyi, Stephen Biegun. “Inkasta oo aan jeclaan lahayn inaan joogno meel ka fog halka aan hadda taagannahay, waxaan sameynay xoogaa horumar ah lixdii bil ee tegay, ayada oo rajadu ay tahay in wax intaas ka ballaaran ay iman doonaan.” Ayuu Biegun ku yiri khudbad uu ka jeediyey jaamacadda Stanford. Hadalladiisa ayaa yimid toddobaadyo ka hor kulan madaxeedka labaad ee aadka loo sugayo ee madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Korea-da Woqooyi Kim Jong Un. Trump ayaa khamiistii sheegay in goobta iyo waqtiga kulanka labaad shaaca laga qaadi doono horaanta toddobaadka soo socda. Waxaa aad loo werinayaa in Vietnam ay mart-gelin doonto wada-hadalla xiga ee Trump iyo Kim. Wada-hadallada labada dhinac ayaa si tartiib ah u socday tan iyo markii Trump iyo Kim ay bishii June ee 2018 ku kulmeen magaalada Singapore. Source
  6. (SLT-Nairobi)Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu khamiistii Shir-guddoomiyey Kulankii ugu horreeyey ee ay Golihiisa Wasiiradda yeeshaan sannadkan 2019-ka. Kulankaasi oo ka dhacay Aqalka Dowladda ee magaalladda Nairobi, waxay Golaha Wasiiradda Kenya ku ansixiyeen dhismaha Xarunta ka-hortagga Qaraxyadda Miinooyinka (C-IED Center) oo laga dhisi doono Deegaanka Embakasi ee Nairobi. Xaruntaasi ayaa la sheeegay in Ciiddanka Difaaca Kenya loo qalabayn doono, si ay u bartaan Teknoolajiyadda iyo qaabka loo kala furfuro miinooyinka dhulka lagu aaso. Dowladda Kenya waxay sheegtay inay Xaruntaasi waxtar u yeelan doonrto Ciiddankooda ku sugan Somalia, halkaasi oo ay inta badan Dagaalamayaasha Alshabaab u adeegsadaan inay qaraxyadda iyo miinooyika la beegsadaan Ciiddanka Kenya iyo kuwa kale ee ka hawlgala gudaha Somalia. Source
  7. War deg deg ah oo goordhow naga soo gaaray suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu dab ka kacay. Dabka ayaa ka kacay suuqa Dahablaha oo ah suuqa lagu iibiyo dahabka ay haweenka xirtaan. Halka uu dabkan ka kacay caawa ayaa waxa ay aad ugu dhowdahay halkii dhawaan uu ka kacay dab khasaare hanti yadeed geystay. Dhowr jeer waxaa soo laa laabtay dab khasaare geystay oo ka kaca gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dabka ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Waxaa Caawa mar kale Dab xoogan uu ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha sida ay ku soo warramayaan Goob Joogayaal. Dabka ayaa la sheegay in uu yahay mid xoogan iyadoo durba ay gaareen aaga dabku kacay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka dowladda Soomaalia oo hakad galiyay dhaqdhaqaaqii suuqa si ay uga hortagaan falal dhac iyo boob isugu jira ee ku aadan Dabkaasi. Gaadiidka Dab Damiska Hormuud iyo kuwa mmaamulka Gobolka Banaadir ayaa ku sii qul qulaya Gudaha Suuqa. Waxaana la tilmaamayaa in dabku yahay mid aad u xoogan oo ku sii fidaya qeybo badan oo suuqa ka mid ah. Wixii ku soo kordha kala soco Radioshabelle.com. The post Dab Caawa mar kale ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha. appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-01022019.mp3 The post Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Shir looga arinsanayay hor umarinta mashaariicda degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay degmada waxaana shirka ka soo qayb galay maamulka degmada ,mas,uuliyiin [...] Source
  11. Baraawe (Sh.M.Network) – Xiisad ayaa lagu waramayaa in ay ka taagan tahay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taasi oo la tilmaamay inay caqabad ku noqotay dhaqdhaqaaqyadii degmada. Dibad-baxyo ballaaran oo ka dhashay xiisada ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada, kuwaasi oo looga soo horjeedo maamulka degmada Baraawe, laguna dalbanayo isbedal. Waxyaabaha ay dadka ka cabanayaa waxaa kamid ah amni xumo iyo gacan-bidaxeynta Beelaha qaar, sida ay ka dhawaajiyeen qaar kamid ah Odayaasha oo lasoo xiriiray idaacada Shabelle. Nabadoon Cabdi Maxamuud Sabriye oo kamid ah Wax-garadka degmada ayaa ku dhaliilay gudoomiyaha degmadaasi inuu ku guuldareystay lalashaqaynta waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka. Sikastaba, maalmo kahor ayay ahayd markii Gudoomiyaha Baraawe oo la hadlay Shabelle uu tibaaxay in Odayaasha ay abaabuleen shaqaaqooyin uu xusay inay dabada ka riixayaan ciidamo hakad geliyay dhismo ku socday garoonka diyaaradaha degmada. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/DD.mp3 The post Xiisad xoogan oo wali ka taagan degmada Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysaa dagaal saaka ku dhexmaray kooxaha Argagixisad ah ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Ceel- [...] Source
  13. by Nathan Paul Southern , February 1, 2019 Since the election of the new Somali President in 2017, the country’s relationship with the UAE has deteriorated steadily. The wealthy Gulf state seems determined to punish the war-torn coastal nation for refusing to take sides in its diplomatic dispute with Qatar, actively withdrawing military support. Consequently, the UAE risks undoing its record of progress in the Horn of Africa. The 2017 election of Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed came amidst heightened tensions between Qatar and its neighbours in the Gulf. The leading antagonists of the standoff, Saudi Arabia and the UAE, pushed for their allies in the region to cut ties with Qatar. Instead, Abdullahi Mohamed made a point of declaring neutrality in the conflict after his inauguration. The UAE and Saudi Arabia would likely have preferred for the new President not to have announced this publicly and continue to trade quietly with Qatar, while not causing the rival Gulf States to lose face. The President was, however, in a highly unfavourable dilemma. He is likely to have made this declaration as a subtle gesture of solidarity with Turkey, Somalia’s largest foreign investor, which supports Qatar in the diplomatic crisis. Yet in doing so, he provoked the UAE, which is Somalia’s biggest trading partner. Following the Somali President’s perceived slight, the UAE increased its support for the President’s rivals, in particular, the Federal Member States that challenge central Mogadishu rule. This support contributed to heightened tensions in the already fragile relationship between the government and the six Federal States. Such divisions serve to weaken governmental institutions, allowing militant groups like al-Shabaab to thrive. The UAE has since escalated this rift by cutting aid programmes and withdrawing personnel from the Somali capital, Mogadishu. Somaliland port highlights divisions These tensions came to a head in the sleepy port town of Berbera, in the self-declared independent state of Somaliland. The port, where the UAE is building a large military base, is strategically important due its close proximity to Yemen, where the UAE is part of the ongoing Saudi-led coalition against Houthi rebels. The port also holds economic importance, as the Dubai-based DP World is set to take over its management with a view to exporting huge amounts of livestock to the Gulf each year. In April of last year, the Somali government nullified the agreement between DP World and Somaliland for control of the port. The Somali Foreign Minister, Ahmed Isse Awad, accused the UAE of being arrogant and disrespectful while arguing that DP World cannot legally sign the agreement without the consent of Mogadishu. Nevertheless, the UAE and DP World remain set on fulfilling their ambitions in Somaliland and began construction on the port expansion in October. Despite the opposition from the Somali government, Abu Dhabi is fully aware that Abdullahi Mohamed holds little real influence in the autonomous Somaliland region and is unable to prevent progress of the project. Such brazen dismissal of Abdullahi Mohamed’s demands serves to undermine his government’s authority. If Somalia’s biggest trading partner, an economic superpower in the region, does not acknowledge the President’s leadership over his own country, then efforts to consolidate power away from the capital become even more fractured. Somali security forces seize almost $10 million from UAE In an overt, relative snub of the wealthy Arab state, Somali security forces seized a civilian aircraft in April, confiscating $9.6 million held in in unmarked bags. Mogadishu claimed that the bags were suspicious and had been handed over to the relevant authorities, while the UAE claimed the money was allocated to support the Somali army and accused the security forces of holding those on the plane at gunpoint. The move effectively brought an end to military cooperation between the two states. The UAE’s mission in Somalia aimed to support African Union troops fighting off the al-Shabaab insurgency. By scrapping the military training program, which has existed since 2014, Abu Dhabi could threaten the progress it has fostered to date. What’s more, the UAE is creating a void for foreign military support that its rivals are already trying to fill. In 2017 Turkey opened its biggest overseas military base, in Mogadishu, with the capacity to train 10,000 troops. The base had already opened when the UAE withdrew its troops and the move simply provided Ankara with a leading role to fill in the country. Turkey and Somalia’s ties have strengthened in recent years. In 2010, Turkish exports to Somalia were worth a little over $5 million. By 2016 they had totalled over $123 million. Mogadishu has also praised Turkey’s infrastructure investment into the country, while Ankara has done well to win the hearts and minds of many Somalis due its vast aid effort at the height of the 2011 famine. If Abu Dhabi continues to punish Abdullahi Mohamed for not choosing a side, then it will lose its strategic edge and simply hand over influence to rival Turkey. Opposition tries to capitalise on diplomatic row Somali opposition groups are seizing on the soured relations between Abdullahi Mohamed’s government and Abu Dhabi by accusing the government of actively moving towards the Turkish-Qatari alliance and thus endangering their vital relationship with other Gulf States. Ahmed Madobe, President of the Jubaland region in Somalia, expressed his support for the UAE back in May, while criticising the diplomatic strategy of Mogadishu. Abdullahi Mohamed’s rivals will likely continue to exploit this fractured relationship as they push for increased support from Gulf States in their efforts to expand influence within Somalia. If the UAE develops more relationship with local leaders, like it has done with Puntland, then it risks calling into question the legitimacy of Abdullahi Mohamed’s government and thus provide more incentive for conflict and power grabbing. The UAE needs to be aware that it is playing with fire if it exploits these divisions. Disrupting the fragile state of stability that Somalia is slowly working towards does nothing for the UAE’s ambition to be seen as a key peace broker in the region. The same can be said over the UAE’s refusal to take responsibility for its role in militant funding in the country. Al Shabaab’s trade in charcoal The demand for charcoal from wealthy Gulf States creates a steady stream of revenue for the militant group al-Shabaab, through the illegal Somali charcoal trade. UN estimates suggest that al-Shabaab earns an annual $7.5 million from taxing the trade that satisfies the demands of numerous Gulf States such as the UAE, Saudi Arabia and Oman by transiting the product through Iran. In 2012 the United Nations administered a ban on charcoal exports from Somalia. The UN ban, backed by the Federal Government of Somalia (FGS), was an attempt to both curb the environmental damage that charcoal exploitation has on the country’s ecosystem and cut off a major source of funding for al-Shabaab. Although the ban had some initial success in reducing the export of charcoal, there has been a noticeable re-emergence of the trade in the past two years. The illegal industry is heavily taxed by al-Shabaab in areas that are under their control, generating millions of dollars for the militants and becoming one of their greatest sources of revenue. Al-Shabaab facilitates the illicit trade by transiting it through Iran to obtain fake origin certificates and thus bypassing the sanctions. It is packaged and labelled ‘Product of Iran,’ and accompanied by forged certificates certifying that the goods come from African States such as Comoros, Ivory Coast and Ghana. Black market Somali charcoal exports are worth around $150 million a year in the UAE alone. The UAE has refused to make a statement regarding the UN Report and are yet to implement any new measures to restrict the flow of illicit charcoal following the report’s findings. The UAE’s refusal to acknowledge its role in financing al-Shabaab is likely another snub aimed at Abdullahi Mohamed’s government. Yet, it is a short-sighted move that curbs Abu Dhabi’s strategic goals in the Horn of Africa. This could be an opportunity for the UAE to take the lead in combating a primary funding source for al-Shabaab and, following the withdrawal of military support to Somalia, show that they are still committed to combating terrorism in the region. Outlook Somalia is not important enough to the UAE or its friends in the Gulf to prioritise its needs over a heated diplomatic row with Qatar. Yet cutting off funding for al-Shabaab is something that the UAE can contribute towards and in doing so can solidify their role as a key player in combating terrorism in the region. The UAE had great success in brokering the peace deal between Eritrea and Ethiopia last year and continues to be a key player in the ongoing Yemen conflict. Abu Dhabi is on a quest to be seen as a regional power and has the resources and influence to secure this reputation. Using Somalia as a pawn in their rift with Qatar weakens their position as a state genuinely dedicated to bringing peace to the Horn of Africa. It would be wise to repair their fractured relationship with Abdullahi Mohamed’s government before they begin to appear as a destabilising force in the region. Global Risk Qaran News
  14. Qoyasas ree guuraa ah oo xoolihii ay dhaqan jireen ay ka idlaysay Abaartii Sima ee ku dhufatay degaanada Puntland sanadkii 217kii ayaa waxa ay caawinaad [...] Source
  15. Ciidamada mareykanka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal xalay ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan ay ku dileen 24 kamid ah Argagixisada [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Anthony Thomas oo ah muwaadin heysta dhalashada Ingiriirska iyo Faransiiska oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa loo wareejiyey xabsi ku yaal garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Sababta ayaa ah in dhowaan maxaabiis kamid ah kuwa kujira xabsiga dhexe ay Anthony Thomas ku weerareen xabsiga, iyaga oo ka dhaawacay Qoorta, iyada oo Thomas laga daweynayay dhaawicii ay gaarsiiyeen maxaabiistii weerartay. Thomas oo 48 sano jir ah ayaa waxaa loo heystaa eed ku saabsan in uu iskudayey qatar gelinta degenaanta guud ee dalka Soomaaliya iyo in uu ku guuldareystay qeexidda maaddo qaraxda oo uu watay. Anthony Thomas waxa uu kamid ahaa Rakaab qaatay Tikidka Shirkadda duulimaadka ee Itoobiya ( Ethiopian Airlines), balse laga reebay kaddib markii ciidanka Nabadgelyada ee Garoonka AIA uu ku arkay Boorsadiisa maaddo caawisa waxyaabaha Qarxa. Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Anthony Thomas lagu hayo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, balse ma bixin faahfaahin intaas dheer. 19-kii bishii Janaayo markii la qabtay Anthony Thomas waxaa loo wareejiyay Xabsiga Dhexe, 23-kii isla bishaas, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dalbatay in lagu sii hayo Xabsiga Dhexe, waana Meeshii ay ku dhaawaceen labo nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Daacish, kuna xukuman 10-sano oo Xabsi ah. Wali ma cada in Anthony uu yahay Xukun suge kasoo muuqan doona Maxkamad iyo in lagu sii deyn doono hab diblumaasiyadeed oo dhex mara Xukuumaha Muqdisho iyo London. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ku dhowaad 9 gaari oo nooca xamuulka oo ay ku rar-nayeen Dhuxul ayaa lagu waramayaa in ay Al-Shabaab ku gubtay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Gaadiidkaan oo ay lahaayeen ganacsato kuna soo wajahanaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa la sheegayaa inay xarakada Al-Shabaab ka qabatay degaanka Doonka oo 7 KM ujira degmada Afgooye. Wali ma jiro mas’uul ka tirsan maamulka degmada ama gobolka oo dhacdadaan ka hadlay balse waxay kusoo beegmaysaa xili ay AlShabaab horey uga digtay ka ganacsiga Dhuxusha oo gobolka si wayn looga iib-keeno. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Al-Shabaab.mp3 The post Al-Shabaab oo gaadiid dhuxul sida ku gubay duleedka Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  18. (SLT-Washington)Gobalada Waqooyiga ee dalka Maraykanka ayaa maalmahan ku jira qabow xad dhaaf ah oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka dhulkaasi ku nool. Gobalada sida weyn qabowgan iyo barafka looga dareemay ayaa waxaa kamid ah Minnesota oo ay ku nool yihiin Soomaali badan, deegaanada qaarkood [ – 41 ] ayuu gaaray heerka qabowga. Ugu yaraan dad gaaraya 10 qof ayaa la sheegay inay u dhinteen cimiladan isbedashay, waxaana la joojiyey in badan oo kamid ah duulimaadyada kabaxa ama taga gobalada qaarkood, duulimaadyada la joojiyey dalkaasi Maraykanka ayaa la sheegay inay ka badan yihiin 6000, waxaana xiran iskuulada iyo goobaha ganacsiga. Magaalada Chicago oo kamid ah goobaha uu saameynta weyn ku yeeshay qabowgan ayaa waxaa gebi ahaan la joojiyey isu socodka gaadiidka dadweynaha. Dhinaca kale qaar kamid ah waddamada Yurub ayuu dhibaato badan ku keenay Baraf ka iyo qabowga da’ ayaa . Source
  19. Ciidamada amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Garoowe waxa ay u soo wareejiyeen dhalinyada Moobilada furata ee magaalada Gaalkacyo oo ay ciidamadu [...] Source
  20. (SLT-London)Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn in wadahadal cusub ay la galaan dalka UK, kadib markii Baarlamaanka UK codsaday in wax laga bedalo heshiiskii ay horey u wadagaareen EU-da iyo Raysalwasaaraha UK Theresa May. Midowga Yurub ayaa sheegay inaysan waxna ka bedali doonin qodobka xasaasiga ah ee la isku heysto kaasi oo la xariira qaabka loo maamuli doono xaduuda u dhaxeysa dalka Ireland iyo Waqooyiga Ireland oo kamid ah UK. Guddoomiyaha Golaha EU-da Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in aysan dib u furi doonin gorgortanka isagoona sheegay in Midowga Yurub aysan ogeyn waxa ay doonayaan siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada UK. Wuxuu Guddoomiyaha EU-da sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in dalka UK uu bixiyo lacag ka badan $40 bilyan oo uu Midowga Yurub ku leeyahay wadanka UK xataa hadii aan lagu heshiin wadahadalka hada socda. Source
  21. (SLT-Ivory Coast) Xildhibaan hore u soo noqday wasiir ayaa xabsi lagu xukumay kadib markii lagu helay inuu barabha bulshada ku faafiyey warar been ah oo abuuri kara xasilooni darro. Xildhibaankan oo lagu magcaabo Alain Lobognanoo ayaa ka tirsanaa Baarlamanaka dalka Ivory Coast horeyna wuxuu u soo noqday wasiirkii ciyaaraha dalkaasi, iyadoo lagu xukumay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $520 doolar, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka uu ku qoray warar been abuur ah oo la sheegay inay abuui karaan rabshado. Xeer ilaaliyaha dalkaasi ayaa 9-kii bishaan Janaayo amar ku bixiyay in la xiro xildhibaankan. Waxaana xeer ilaaliyuhu uu sheegay in hadalka uu bartiisu tweterka ku qoray uu kicin karo rabshado iyo isku dhacyo bulshadeed . Affoussiata Bamba Lamine oo ah qareenka xildhibaanka oo la xiray 15 bishan ayaa sheegtay in uu doonayo uu racfaan ka qaato eedaha loo jeediyay. Waxay intaas ay ku dartay in ay iska caddahay in arintaani ay tahay kiis siyaasadeed oo ay ka dambeyaan qaar ka mid ah masuuliyiinta dalkaasi Source