Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,340
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Axmed Islow ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dalka in ay dardar galiyaan kaalinta ay ku leeyihiin tartamada ciyaaraha. Axmed Islow ayaa tilmaamay in haatan ay hooseyso wada shaqeynta ay dowlad goboleedyadu la leeyihiin maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in gobolka Banaadir howl muhiim ah uu ka wado magaalada Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray dadaallo xoogan oo loogu jiro sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha dalka , gaar ahaan dhanka kubadda cagta. The post Wasaaradda Ciyaaraha Oo baaq u dirtay M/ Goboleedyada appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Galmudug ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo wasiirka amniga maamulkaasi ayaa saacadihii la soo dhaafay kormeer ku tagay Xeryo Ciidan oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa halkaasi kula hadlay Ciidamo cusub oo lagu tababarayo Xeryahaasi, waxaana uu kula dardarmay in ay ka faa’iideystaan tababarkaasi oo ay bixinayaan Saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Cadaan ah. Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay in looga baahan yahay in ay door weyn ka qaataan sugida ammaanka deegaanada maamulka Galmudug. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf waxa uu ku sugnaa Gaalkacyo, isagoona kulamo ka waday gudaha magaaladaasi. The post Xaaf oo kormeeray Xeryo ku yaalla Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Madaxweynaha Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa sheegay in la fashiliyay koox uu ku tilmaamay dhiig-Cabayaal oo isku dirayay madaxda federaalka iyo kuwa degaanka. Kooxdaasi ayuu sheegay in ay yihiin haraadigii Xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana ay isaga kula colleebeen Soomaalinimo jecaylka iy diinta. Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay xisbiga degaanka gaar ahaanna guddoomiyaha xisbiga Axmed Shide iyo isaga (Cagjar). Mudane Cagjar ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jigjiga kadib markii Addis Ababa lagu soo xalliyay khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Shide. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Cagjar oo sheegay in la xalliyay Khilaafkii dowlad degaanka appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Cabdiweli Mohamed Cali Gaas, ayaa saaka lagu wadaa inuu ka dhoofo Puntland, isagoo ku wajahan magaalada Nairobi, isagoo uga gudbaya [...] Source
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xoogan oo xalay fiidkii hore ka kacay Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dabka ayaa ka kacay Guryo ku yaalla gudaha Bakaaraha, isagoona ku fiday qeybo badan oo ka mid ah Suuqaasi. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxa sababay Dabkan, waxaana uu khasaare ka soo gaaray illaa 4 goobood oo Ganacsi ah. Gawaarida Dab Damiska maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadda Hormuud ayaa markii dambe ku guuleystay daminta Dabkaasi. Waa markii labaad oo uu Dab ka kacayo Suuqa Bakaaraha 2 bil oo isku xigta, iyadoona uu khasaare ka soo gaaray gubashadaasi Ganasactada wax ku iibiya suuqaasi The post Faah faahinno ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kadib markii ay sii kordheen cabsida laga qabo xaaladaha bani’aadanimo ee kajira dalka ayaa wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya shir isugu yeertay hay’adaha samafalka,kaasi oo looga hadlayay arrimo la xiriira howlaha gargaarka dalka iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani,aadanimo ee dalka ka jira. Mas’uuliyiinta wasaarddda Gar Gaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkan isugu yeeray dhamaan hay’adaha gar gaarka ee k a howlgala dalka,waxaana ay isla garteen sidii loo kordhin lahaa howlaha gargaar ee Soomaaliya,si loo bad baadiyo nolosha dad badan,lagana hortago dhibaato kasta oo ka dhalankarta xaaladaha bani’aadanimo. Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Xamsa Siciid Xamsa oo shirkaasi kadib warbaahinta lahadlay wuxuuna faah faahiyay waxyaabihii shirkaasi looga hadlay. “Shirkan wuxuu ku saabsanaa xaaladaha bani’aadanimo ee dalka kajira,waxaan la kulanay hay’adaha samafalka ee dalka ka howlgala,waxyaabaha aan diiradda ku saarnay ayaa ah sidii hay’adahaasi ay u kordhin lahaayeen howlaha samafalka ay dalka ka wadaan,si looga hortago dhibaatooyinka bani’aadanimo,islamarkaana loo badbaadiyo nolosha bulsho badan”. Ayuu yiri Wasiir Xamza. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii looga gaashaaman lahaa waxyaabaha keena dhibaatooyinka abaaraha ee soo laa laabta iyo sidii bulshada dhibaataysan looga caawin lahaa in ay helaan biyo daryeel nololeed. The post XFS Oo Hay’adaha gargaarka kala hadashay kordhinta howlaha samafalka dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-020219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Garowe (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka qeyb galayay barnaamij ka dhacay magaalada Garowe ayaa ka hadlay labo sano kadib halka Soomaaliya ay u socoto iyo waxyaabihii lasoo maray. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo isaga ay isku fahmi la’yihiin hanaanka loo wado dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in xukuumadda hadda jirta labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku socotay wado qaldan. “Aniga iyo dowladda Soomaaliya, waxaan isku heynaa hal arin oo ah in wadada qaldan laga leexdo oo wadada Toosan lagu soo dhaco, Tusaale qofkii doonaya inuu Gaalkacyo aado ka waran hadduu Afka Aadiyo Bari, waa inaan saxnaa, Anaga “Wadajir” ahaan waxaan dooneynaa inaan hal wado ku wada dhacno oo aan wax isla saxno”. Siyaasi Warsame, ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka faragelinta dowladda ay ku sameyso maamul goboleedyada ay ugu horeeyaan waxyaabaha ka leexinaya waddada saxda ah. “Labado sano kadib hadda waxaa muuqata in wadada saxda ah lagu soo dhici rabo, waad og tihiin doorashadii ka dhacday Baydhabo waxay aheyd, Tan Puntland ka dhacday waad og tihiin dhaqaalaha lagu bixiyay, Galmudug waxa ka socdo, war annaga waxaan taaganahay hal meel aan iskula socono, markaa gaariga hadduu naga halaabo waan wada toosisan karnaa”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Xisbiga Wadajir ayuu sheegay inay ka go’an tahay inay si Wadajir ah kaga shaqeeyaan horumarinta Soomaaliya iyaga oo aan talada dalka isku koobi doonin, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  9. Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in muhiim ay tahay xallinta khilaafka dhanka maamulka ah ee ka taagan degmadaasi. Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin soo afjaridda wax walbo oo ka taagan degmadaasi, si loo helo maamul dadkoo oo dhan ay raali ka yihiin. Waxgaradka degmada Baardheere ayuu ku amaanay doorka ay ka qaateen in aanu gacan ka hadal dhex marin, shaqsiyaadka isku haya maamulka degmadaasi. Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in shacabka degmada Baardheere aanay xilligan qaadi karin culeysyo dheeraad ah oo dhanka maamulka ku aaddan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Maxuud-Sayid-Aden-oo-Waxgaradka-Baardheere-kala-hadley-sidii-loo-xalin-lahaa-khilaafka-dhanka-maamulka-ee-ka-taagan-degmada-Copy.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ciidamada DFS Soomaaliya maalmahan dambe ka wadeen degmada Afgooye iyo deegaano ka mid ah gobolkaasi. Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmadaasi kusoo qabteen dad lala xiriirnayo Al-shabaab. Dadka la qabtay ayuu sheegay in lagu hayo baaritaan, islamarkaana wixii dambi ku cadaada maxkamad ay horgeyn doonaan. Guddoomiye Barre ayaa dhanka kale sheegay in xubno Al-shabaab ah ay maalmihii ugu dambeeyey soo galeen gudaha degmada Afgooye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/GUDOOMIYAHA-SHABEELLAHA-HOOSE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ayaa dalbaday i lasii daayo taliyahii ciidamada degmadaasi oo ku dhowaad 20 cisho ku xiran magaalada Muqdisho. Faarax C/nuur Turbac, taliyaha ururka 49-aad, guudtada 10-aad ee qeybta 43-aad ayaa loo haystaa bixinta ammarkii lagu diley 6 qof oo la sheegay iney ka mid ahaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo aan wax maxkamad ah iyadoo aan lageyn la toogtay. Maxamed Sheekh Cali, waxa uu ka mid yahay saraakiisha cidanka xoogga dalka ee degmada Baardheere, waxa uu sheegay isaga oo la hadlay Goobjoog, in madaxda dowladda federaalka ka codsanayaan in lasii daayo taliyaha. Waxa uu sheegay in gadoodka maalmihii ugu dambeeyey ciidamada ka sameeyeen degmada Baardheere ay sabab u tahay xarigga taliyaha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Saraakiisha-Ciidamada-DF-ee-Baardheere-oo-Codsadey-in-la-sii-daayo-Taliyahii-Ciidamada-Baardheere-oo-muddo-ka-badan-ilaa-20-cisho-ku-xiran-Magaalada-Muqdisho..mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Raage Oomaar oo aamini waayey Jeneraalka noqday taliyaha cusub ee Amisom Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Munaasabad ay labada Jeneraal xilka kula kala wareegeen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Caetano Madeira. Jeneral Tigabu ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad 34 sano oo dhinaca milatariga dalka Itoobiya ah. Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar oo ka fal-celiyey magacaabistan ayaa aamini waayey in Itoobiya oo la ogyahay wixii ayada iyo Soomaaliya dhex maray ay hadda la wareegto talada ciidamada Amisom. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu ku yiri “Waaw, bal daqiiqad ka fakar…Jeneral Itoobiyaan ah ayaa iminka madax ka ah ciidamada caalamiga ah ee Afrika ee Soomaaliya – Ciidamada milatariga ee ah ilaaliyaha kama dambeysta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qayrul caadi” Qaran News
  13. Cadho ka dhalatay kabo ay sameysay shirkadda NIKE oo cagta hoose lagu qoray magaca Allah+Sawirro Muslimiinta ku nool daafaha caalamka ayaa cadho ka muujiyay kabo cusub oo ay soo saartay shirkadda Nike kuwaas oo loogu gafayo magaca Ilaahay oo si sarbeeban loogu qoray cagta hoose ee kabahaasi. Kabahan cusub oo ay shirkaddu u bixisay magaca Nike Air Max 270 ayaa ah kuwo lagu aalamiinteeyo, waxaana iminka ay muslimiintu ka dalbanayaan shirkadda in ay dib ula laabato kabahaasi loogu gafeyo Ilaahay. Sannadkii 1997-dii ayay aheyd markii sidoo kale kabo ay shirkaddaasi soo saartay loogu gefay magaca Ilaahay oo ay durba suuqa ka joojisay, kana bixisay raalligelin. Iminka dhacdadan cusub ayay shirkaddu sheegtay in ay baadheyso islamarkaana ay xushmeyneyso dhammaan diimaha kala duwan. Olole looga soo horjeedo kabahan cusub ayaa waxaa uu si xowli ah uga socdaa baraha bulshada ee internetka. Qaran News
  14. Ceeb ka dhalatay qorshe Kenya laga soo min guuriyey oo la soo dhigay bogga Villa Somalia Qeybta English-ka website-ka Villa Somalia www.villasomalia.gov.so/en, ayaa lasoo dhigay sawir iyo qoraal isla socda, oo markii dambe laga saaray, kaasi laga soo min guuriyey madaxtooyada Kenya. Qoraalka iyo sawirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, balse waxa uu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Uhuru Kenyatta oo lasoo min guuriyey, isaga oo anan hal erey laga bedelin. Dadka qaar ayaa arrintan ku macneeyey inay caddeyn u tahay in madaxweynaha uusan lahayn qorshe dhab ah, halka kuwa kalena ay sheegeen in arrintan ay ahayd un qalad ay sameeyeen qeybta warfaafinta madaxtooyada. Arrintan ayaa dhalisay cadho iyo maadeys ay Soomaalida aad uga hadal hayaan baraha bulshada. Iska eeg labad qoraal ee Farmaajo iyo Kenyatta. Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada www.president.go.keku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”,kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara. Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta. Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale. Sidaas darteed waxaa muuqata in arrintan ay tahay mid uusan madaxwenaha waxba ka ogeyn. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada UK ayaa dhowaan walaac ka muujisay xaalada ninka u dhashay dalkaasi Anthony Cox oo 19kii bishan lagu qabtay madaarka Muqdisho, isagoo la sheegay inuu sitay waxyaabaha qarxa oo uu doonayey inuu la raaco diyaarada Ethiopian Airlines. Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in boorsoonyinkiisa ninkan laga helay [sunta dadka ka ilmeysiisa], waxaana weli socda baaritaanka iyadoo maxkamada gobalka Banadir ay xukuntay in xabsiga lagu sii hayo ninkan inta uu baaritaanka socdo. Cox oo horey uga soo tirsanaan jiray ciidamada Ingiriiska iyo waliba ciidamada Faransiiska ayaa ka tirsan kooxda Amniga u qaabilsan shirkada SKA ee fadhigeedu yahay Dubai, shaqadaasi oo uu ka tagay sida shirkadaasi sheegtay 5tii bishan Janaayo. Shirkada SKA Hase yeeshee qaar kamid ah Asxaabta ay wada shaqeyn jireen COX oo warbaahinta UK soo xiganeyso ayaa xariga ninkan sheegay inuu jiro tuhun weyn ah inuu la xariiro xurgufta u dhaxeysa Shirkada SKA International Group iyo Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Federaalka oo horey u wada shaqeyn jiray, kuwaasi oo uu burburay wadashaqeyntooda bishii April ee sanadkii hore. SKA ayaa Muqdisho ku leh xafiis lagu magacaabo Somali Risk Management (SRM) oo qaabilsan tababarada dhinaca ciidamada iyo sugida amniga, wuxuuna Mr.Cox kamid ahaa xafiiskaasi. Wadashaqeynta SKA iyo dowlada Federaalka ayaa burburay xiligii ay jirtay xiisadii Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, bishii April ayey dowlada Soomaaliya sheegtay inay lacag badan oo laga keenay Imaaraatiga ku qabatay Madaarka Muqdisho, lacagtaasi oo ay sheegeen imaaraatigu in loo waday mushaharkii ay ku kabi jireen militariga Soomaaliya. Saraakiisha UK u jooga Muqdisho oo booqday xabsiga lagu hayo Mr.Cox ayaa walaac ka muujiyey amnigiisa inta lagu hayo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay sidoo kale ku xiran yiiin kooxo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish. Taliska Asluubta ayaa iyagu todobaadkan beeniyey in dhaawac loo geystay Mr.Cox oo ay damceen inay dilaan koox ka tirsan Daacish oo kamid ah maxaabiista lagu hayo xabsiga, balse askarta ayaa la sheegay inay ka hortageen kooxdaasi dooneysay inay xabsiga ku dhex dilaan ninkaasi ajnabiga ah. Cox ayaa hadda laga wareejiyey xabsiga dhexe, waxaana loo wareejiyey xabsi ku yaalla garoonka. Halkan ka aqri warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Halkee ayuu ku dambeeyay ninkii isagoo qabriga loo wado soo toosi jiray Hirpha Negero Nin u dhashay dalka Itoobiya oo labo bilood ka hor lagu tiriyay dhimasho kaddib markii uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro ayaa hadda geeriyooday. Hirpha Negero ayaa shalay lagu aasay deegaanka Sibu Sire ee dalka Itoobiya, qaar kamid ah eheladdiisa waxay sheegeen in hadda uu u geeriyooday xannuun muddo dheer hayay. Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa waggaasi lagu dhawaaqay inuu geeriyooday. Markii uu naxashka kasoo kacay, sida uu qabo xeerka dhaqanka ee maxalliga ah, xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taas oo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan. Saacad gudaheed, Etana Kena’a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaasi. Hase ahaatee, intii ay socotay munaasabadda aaska, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka. “Dadka aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya”, ayuu yiri Etana Kena, isagoo sharraxayay sida uu Hirpha caawinaadda ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka. Ninka u muuqday inuu “dib u soo noolaaday” qudhiisa ayaa BBC-da la hadlay oo u sheegay waxa uu kula kulmay naxashka dhexdiisa: “Waxaan maqlay qof oynaya. Neefta ayaa igu xirmeysay waxaana isku dayayay inaan karfanta kala jeexo. Wax tabar ah ma aanan lahayn, mana awoodi karin inaan hadlo”. Ayuu yiri. Argagixii hore ka dib, tacsidii ayaa isu badashay dabaal dag. Ninka qabriyada ka shaqeeya, oo ah Mr Hirpha abtigiis ayaa yiri: “Waxaan horay usoo aasay meydadka 50 ama 60 ruux. Waligey ma arkin dhacdo tan la mid ah. Wuxuu u muuqday inuu geeriyooday”. Dr Birra Leggese ayaa BBC-da u sheegay in Mr Hirpha uu dabcan ku jiray “koomo aad u xeel dheer”. Qaran News
  17. Qalab ay ku loollamaan dalalka ugu awoodda badan caalamka balse si sahlan loogu iibiyo Suuqyada Macdanta uranium-ta ayaa lagu soo bandhigay Suuqa ay shirkadda Yahoo ku leedahay Internet-ka Ciidamada booliska ee dalka Japan ayaa baaraya sida ay suurtagal ku noqotay in suuqyada loo adeegsado dhinaca Internet-ka lagu iibiyo macdanta uranium-ta ee lagu bacrimiyo hubka sida ba’an wax u gumaada. Qofkii iibinayay qalabkaas iyo dhowr qof oo isku dayday iney ka iibsadaan ayaa gacanta lagu dhigay isla markaana su’aalo la weydiinayaa, sida ay shaacisay warbaahinta dalkaas oo soo xigatay saraakiisha baaritaanka wada. Macdantan oo lagu soo shubay dhalo kor laga sii sharooteeyay ayaa lagu soo bandhigay suuqa wax lagu kala iibsado ee shirkadda Yahoo-ga. Dhalada ay ku jirto ayaa sidoo kale dusha looga qoray heerka macdanta oo u dhignaa sidan: “Uranium 99.9%”. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kyodo, tijaabadii ugu horreysay ee budadan lagu sameeyay ayaa muujisay iney tahay mid wax gal ah. Suuqan dhinaca Internet-ka wax ku iibiya ayey hay’adda sharciyada nuclear-ka ee waddankaas ku baraarugtay sannadkii 2017-kii. Laakiin khubarada ayaa u maleynayay in macdantu aysan ahayn midda saxda ah ee loo adeegsado bacriminta hubka sida ba’an wax u gumaada. Wakaaladda warkan baahisay ayaa sidoo kale ku warrantay in qofka macdantan suuq geeyay uu sheegay inuu qudhiisa qalabkan kasoo iibsaday meelo ka baxsan Japan, isagoo adeegsanaya isla suuqa Internet-ka. Shirkadda Yahoo oo ay wakaaladdu kala xiriirtay arrintan la yaabka leh ayaa shegtay in suuqaas la xiray, kiiskana lagu wareejiyay booliska. Wali si rasmi ah looma xaqiijinin in qalabkan uu yahay macdanta uranium ee halista ah ama mid loo ekeysiiyay. Dalka Japan waxaa mamnuuc ka ah in lagu iibiyo qalabka lagu farsameeyo nuclear-ka, qofkii lagu helo ayaana muteysan kara 1 sano oo xabsi ah, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas. Qaran News
  18. Sida ay werisay BBC Somali, Waxaa magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka lagu soo bandhigay filim cusub oo laga sameeyey qiso jacayl ah oo dhexmaraysa wiil Soomaali ah iyo Gabadh caddaan ah. Filmkan ayaa waxaa loogu magic daray First Person Plural. Qisada filimka ayaa ah mid laga eegayo xiriirka dhexmari karo laba qof oo kala diin ah, gaar ahaan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta. Sheekada ayaa waxa laga jilay xiriir jaceyl ah oo dhexmaray wiil uu dhalay Sheekh Imaam ka ah Masjid oo asalkiisu yahay Soomaali iyo gabadh uu dhalay Baadari. Toddobo ka mid jiliyaasha ayaa ah Soomaali,halka Toddobo kale ay yiihiin dad caddaan ah. Filimkan ayaa sida ay sheegeen soo saarayaashiisa waxaa looga gol leeyahay wacyigalinta isdhexgalka bulshada. Waxaa filmka sameeyay oo soo saaray Eric Tretbar. Sida filimka ka muuqata, inkasta oo dadka ay ku kala duwan yihiin diinta,dhaqanka iyo midibka ayaa haddana waxyaabaha haddana dadka filimka jilaya waxay aaminsan yihiin in bin’aadamka waxyabaha midayn kara uu kamid yahay jaceylka. Axmed Ismaaciil oo matalayay wiilka uu dhalay sheekha ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo tago in dadka Mareykanka ku nool ay diin ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan yihiin, haddana ay bina’aadanimada ka siman yihiin. ” Dadka Mareykanka isugu yimid in ay u haystaan iyagu in labo duni ay ku kala nool yihiin,laakiin labo diinba ha kala haystaane dhaqan baa jira bina’aadanimo oo dadku ay wadaagaan “. Ayuu yiri Axmed. Jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay sheegeen in filimkan uu ka turjumaya jiilka cusub ee Mareykanka ku dhashay ama ku koray. Fatxiya Cabsiye oo Filimka ku matalaysa hooyo ayaa sheegtay in marka muuqaalka iyo midibka qofka laga soo tago haddana marka ay dadku wada sheekeystaan wax badan uu isbadalayo. “Waxaa jira jiil dhan oo waddankan la koray iyagoo da’ yar na yimid ama ku dhashay,had iyo jeer gurigii iyo dadkii ay la dhasheen waxaa uga badan dadka kale ee waddankan u dhashay ee noolosha ay la wadagaan” Ayay tiri Fatxiya. Sidey u arkeen dadkii daawaday Filimka Qaar ka mid ah dadkii daawaday flimkan First Person Plural ayaa waxay sheegeen in uu yahay filimka dadka isu soo dhawaynaya. Cabdi Risaaq Biixi oo ka mid ah dadka Filimka daawaday ayaa sheegay in qoysaska wax walba oo ay aaminsan yihiin iyo midikooda marka laga soo tago ay marwalbo isku mid yihiin. “Filimku wuxuu muujinayaa qoysku diintu rabo ha haysto,midibkuu doona na ha ahaado ama jinsiyaddu uu rabo ha noqdee, qoysasku in ay isku mid yihiin waliba qoyska Islamka ayaad moodaa in filimkan uu ku qurux badan yahay sida loo jilay,ayuu yiri mr Biixi Ma aha markii ugu horreysay oo dad ajnabi iyo Soomaali isugu jira ay sameeyaan filim ka hadlaya Soomaalida. Isla qaar ka mid ah jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay horey u jileen filim ka hadlayay burcad-badeeda Soomaalida. Isha: BBC SOMALI
  19. Marka hore rabbi ha janneeyo, dadkii i ku naf waayey weerarradii bahalnimada ah ee kooxaha nabad diidka iyo Diin rogaalka ahi ay ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waxay noqotay magaalo ehel u ah; dil, dhac, qarax,kufsi, ku qabso ku qadi mayside iyo waliba dulmiyo aan daah saarnayn oo har iyo layl shacabka Muqdisho dhex muquurtaan. Tan iyo 28 kii sano ee la soo dhaafay, waa ay yartahay maalin Muqdisho dil xaqdarro ah uunan ka dhicin. Guri walba oo qof Soomaali ahi leeyahay waxaa taallay tacsida qof ehel ah oo si xaqdarro ah lagu dilay, balse Muqdisho waa ka sii ayaan darantahay deegaanada kale ee dalka .Taasi waa tilmaame muujinaya heerka uu gaarsiisanyahay tacaddiga aan kala joogsiga lahayn ee dadka reer Muqdisho sanad walba marti-geliyaan. Waa arrin lala yaabo, balse waxaa sii amakaag ah in dadka Muqdisho ku noolli malaayiin doollar canshuur ahaan looga qaado, taasi oo gurrada loo geliyo kuwa sheegta in ay mas’uulka ka yihiin shacabka. Qaraxyada iyo dilalka joogtada ah waxaa dulmane u ah shacabka tabaallaysan ee canshuurta laga qaado, kuwa madaxda sheegta iyagu waxay lacagtii shacabka ku iibsadeen baabuur aan xabaddu kari (bullet proof), iyaga oo aan wax wal wal ah qabin ayey daafaha magaalada isaga gooshaan, haa ,xaq ayey u leeyihiin oo waa madax bartilmaameed ah oo sugidda ammankoodu muhiim yahay, balse masuuliyiintu waxay gabeen masuuliyadoodii shacabka Soomaaliyeed. Masuuliyiintu, waxay sugi la’ayihiin amniga 2 million oo qof oo Muqdisho ku nool, maalin walba waxaa xasuuq loo geysta shacab dhibaateysan, waliba kuwii u geystay cid qori ka daba tuurta ma jirto, waxaana laga yaabaa in ay kuwaasi u hoydeen guryo u dhow guryaha ay habeenkaas baroorta iyo tacsidu taal. Shacabka Muqdisho arrintaas waa ku dhaliilanyihiin oo cidda maalin walba xasuuqeysa waa ayaan darro in ay gudaha magaalada ku hoydaan, .waxaa la doonaya in qof walba uu masuul iska saaro sugidda ammaanka guud ee magaalada muqdisho. Qaraxa yaa fuliya? Waxaynu maqalnaa qarax ayaa dhacay,balse qarax walba oo dhaca waxaynu masuuliyadda saarnaaa Al-shabaabka tooska ah ee buuraha iyo hawdka ku jira, ma jirto cid is weydiisa; cidda gudaha magaalada soo gelisa baabuurka ,meesha lagu soo farsameeyey, guryaha ay seexdaan kuwa abaabula qaraxyada iyo su’aallo kale oo badan oo u baahan in astaan weydiimeed weyn la hor dhigo. Haa qaraxa salkiisa ugu hooseeya waxaa iska leh Al-shabaabka tooska ah, balse waa yartahay inta la ogyahay in ay jiraan Al-shabaabka dadban. Waa kuwma Al Shabaabka Dadban? Al-shabaabka dadban waa kuwa: – Ila nool, – kula nool – Inala wada nool. – Waa kuwo basaska kula raaca, – Waa kuwo tukaanka kaala adeegta – Waa kuwo kula baroorta wakhtiyada ay qaraxyadu dhacaan, iyaga ilma yaxaasleeya (crocodile tears)! Maalin walba waxaan maqalnaa qarax ayaa dhacay, goobta uu qaraxu ka dhacay waa meel aad muhiim u ah, waxaa ka sokeeya ilaa shan isbaaro oo baaburta iyo dadka lagu baaro, goobtaas waa adagtahay in uu gaaro gaari aan la aqoon, gaariga isbaarooyinkaas oo dhan dhaafay ee haddana is qarxiyey cid ay marayso ma jirto in la yiraahdo Al-shabaabka uun toosan ayaa ku leh. Waxaa inoo cad haddaba in ay jiraan Al-shabaabka dadban oo gacan libaax ka qaata dardar gelinta qaraxyada, dilalka iyo dulmiyada kale ee ka dhaca Muqdisho. Al-shabaabka dadbani waxaa laga yaabaa in uu ku jiro baarlaamanka, wasiirrada, agaasimayaasha, taliyayaasha iyo waliba ciidamada ammaanka. Waxaan iri ; Maska cunaya ruuxdiisa Cuna qaban caruurtiisa Misna caana siinaaya Car yaa garan ciyaartaas?. Al-shabaabka dadban waxaa soo gala ganacsatada iyagu canshuurta siiya Al-shabaabka tooska ah, blase ganacsatada waa loo garaabi karaa oo ammaankoodii waxaa gabay kii ay canshuurta siiyeen ee masuuliyaddaas lahaa. Al-shabaabka dadban waa kan ay tahay in soo afjariddiisa ahmiyad gaar ah ay kuwa saxda ah ee dawladda ku jira iska saaraan. Ammaanka Muqdishu maxaa ka qaldan?. Ammniga caasimadda Muqdisho waa arrin muhiim ah, waxay muhiim u tahay sharafka iyo cisada dawladda, waxay muhiim u tahag nafta shacabka reer Muqdisho. Muqdisho waa udub dhaxaadka dawladnimada Soomaaliyeed waana meesha ay Al-shabaab hadd iyo goor qaraxyada iyo hawlgalladooda kale ka fuliyaan, waayo waxay ogyihiin qaraxa Muqdisho ka dhaca xaaladda uu abuuri karo iyo in uu si fudud caalamka ku gaarayo,taasi oo Al-shabaab ay doonayaan in ay ku muujiyaan awooddooda maadama ay awood u leeyihiin in ay weerarro ka fuliyaan gudaha caasimadda, walibana goobo iyo dad muhim ah beegsadaan. Haddaba caasimadda ammaankeeda maxaa ka qaldan? Ma dawladda ayaan daacad ka ahayn xasilinta caasimadda?, ma ka dhabbaa oo dawladdu waxay sugi la’adahay amniga 2 million ee caasimadda ku nool? Ma arrimo kale oo aynan ogeyn ayaa jira? Waa su’aalo u baahan in aad la lafa guro markaasna la isku dayo in la fahmo isha ammni darrada caasimadda. Anigu shakhsi ahaan waan qaadan laa’ahay in dawlad dhan ay ammaanka caasimaddeda sugi la’adahay, waliba meelaha muhiimka ah oo weerarro ka dhacaan inta badan . Laba arrimood middood ayaann arrintaas anigu u sababayn lahaa oo aan is leeyahay waa ay keeneysaa amni darrada caasimadda ; 1) In laamaha ammanka ay ku dhex jiraan al-shabaabka dadban kuwaasi oo iyagu fudeydiya fulinta falalka argagixiso. 2) In dawladdu aysan ba wax dan ah ka lahayn suggidda amaanka Muqdisho oo dadkii masuuliyaddaas lahaa ay ku jiraan siyaasado iyo xaalado kale oo gaar ah. Labadan qodob haddii ay jiraan waa arrimo halis ah; una baahan in si degdeg ah loo la xisaabtamo cidda masuuliyaddaas leh. Macquul maahan in amniga caasimadda sugitaankeedu uu adkaado, maalin walba waxaan maqalnaa dhalinyarro ayaa tabobbar u soo idlaaday, haddana lama arko meel ay aadaan oo wax kale iska daayee xitaa waxay sugi kari la’ayihiin amniga caasimadda. Malaayiin doollar ayaa ku baxa ciidamada ammaanka muqdisho. Arrinta sugidda ammaanka Muqdisho waa arrin ay fari ku godantahay, waxay dad badani shaki ka qabaan qaraxyada hadd iyo goor shacabka lagula beegsanayo meelaha aadka muhimka ah . Maxaa ka qaldan xoreynta dalka? Waxaan liqi la’ahay in kooxda daciicfka ah ee Al-shabaab laga xoreyn la’ayahay deegaanada ay haystaan, waxaan is weydiinayaa su’aalo fara badan oo ku saabsan sababta keentay in Al- shabaab oo 2,000 kun oo wiil ka yar, dawladdana ay ciidamadeeda diwaanka gashan ku sheegay 9,000 oo waliba aad u qalabaysan marka loo eego dhanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab, oo ay taageerayaan ciidamo dhan 20,000 ee AMISOM, oo ay ku baxdo sanadkii I billion ( $ 1 billion) oo doolar, sababta loo soo af jari waayay oo looga xoreyn waayay Al Shabaab goobaha ay hasystaan, ee ay ka soo abaabulaan weerarada.! Su’aalaha aan anigu xoreynta dalka iska weydiinayo cid iig jawaabta ma hayo, balse waa laga yaaba in cidda ay khuseyso cudur daaro keen san karaan. waa habartii tiri; ” gabadhayda ninkaas feeraha wayni kama dhali waayine hagrashaa jirta”, sidaas oo kale waxaan aamminsanahay in Al-shabaab aan laga adkaan kari waayin balse ay hagrasho jirto sabab kasta haku timaaddee. Waxaase muhiim ah in cidda masuuliyaddaas leh ay maanka geliso in jiritaanka kooxda Al Shabaab ay tahay qocandho ku muddan dawladnimadeenna. Gunaanad Guntii iyo gabagabadii waxaan rabaa in aan cid walba oo masuuliyad ay dalka Soomaaliyeed ka saarantahay aan u sheego, cidda masuuliyadu saarantahay maahan keliya kuwa madaxda inoo ah ee majaraha dalka u haya, waxaan u jeedaa oo la hadlayaa cid walba oo mustaqbalka dalkaan rejjo ka leh oo dooneysa in ay dhaxal lagu tannaado ay kuwooda dambe uga tagaan ,waxaan anigu leeyahay ; Soomaaliya waa guri aynu wada leenahay nadiifinteeda iyo qurxinteedana waxaa waajib ah in aan masuuliyad isaga saarno sida ay gurigeenna masuul uga nahay. Haddii aynu sidaas yeeli wayno waa in aan gaawaha u culannaa; nolosha dugaagga ee aan turidda iyo tabasho gudbintaba lahayn. W/Q: Yacquub Xayir Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa shirweynahooda sanadlaha ah waxuu uga furmaya dalka Tanzaniya, waxaana halkaasi ka socoto qabanqaabadda Abaabulka shirka. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf ka dhex taagan qaar ka mid ah dalalka bariga Sidda Burundi iyo Rwanda. Shirka ayaa la qorsheeyay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay balse labo mar ayaa dib loo dhigay kaddib markii dowladda Burundi ay qaadacday. Burundi ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dalka Rwanda uu yahay cadaw, ayadoo Rwanda ay dhankeeda ka cabanayso waxay ku tilmaantay afduub, jirdil iyo tarxiil lagulo kaco muwaadiniinteeda u safraya dalka Uganda. Dalka Rwanda ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan uusan kala dhexeynin wadanka deriska la ah ee Uganda. Dhammaan madaxweynayaasha dalalka bariga Afrika ee ka mid ka ah ururkaan ayaanan ka qeybgalaynin shirkan ka dhacaya magaalada waqooyi ee Carusha ee dalkasi Tanzania. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com