-
Content Count
207,344 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe(Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in maamulka Puntland ciidamadii ugu badnaa u diray deegaanada ay ku dagaalamayaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish. Cabsi xoogan ayaa Puntland kasoo wajahday deegaanada buuraha ah ee ay ku dagaalamayaan AL Shabaab iyo Daacish, waxaana laga baqayaa haddii labada koox midkood adkaado inay kusoo duuli karaan Puntland. Ciidamada ugu badan ayaa ka baxay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada Buuraha ah ee ay ku dagaalamayaan labada koox, si ay dhinac seddexaad ugu noqdaan dagaalada socdo. Deegaanka Miraale oo qiyaastii 70 KM u jira magaalada Boosaaso ayay ciidamada marka hore gaari doonaan, si marka xigta ay kooxaha hubeysan ugula dagaalamaan buuraha Golis ee gobolka Bari. Al Shabaab iyo Daacish ayaa isku haya awooda buuraha Golis iyo Calmadow, waxaana jirta baqdin cusub oo Puntland kasoo wajahday deegaanada buuraha oo labada dhinac ay isku hayaan awooda maamul ee Buuraha. Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caqabad cusub la kulmi kara haddii ciidamada Puntland aysan awood u yeelan maamulka deegaanada buuraha ee Golis ee Calmadow. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Maadaama aynu nahay noole u hoggaansan cawaadifta naftiisa, ayna u dheertahay anaaniyadda iyo anaa iridu, wax lala yaabo maahan haddii aynu iskhilaafno ama ba ismaandhaafno. Khilaafku, sidiisa ceeb iyo mushkilad midna maahan, ee waxaa ceeba in aan khilaafka la maarayn karin oo uu marka dambe addin-ka-hadal iyo uur-collow uu midkood u xuubsiibto. Dhanka kalana khilaafku waxa uu qayb ka yahay nolosha aadanaha sida uu Qur’anku inoo sheegayo: ” haddii uu Alle doono dadka oo dhan waxa uu ka dhigi lahaa hal ummada, ka suuli maayaan dadku in ay is khilaafayaan, in loo naxariistay mooyee, waana sidaas sida loo uumay” Huud 118. Asbaabta khilaafka. Haddii aad aragto bulsho ama ashkhaas uu khilaaf ka dhex aloosan yahay, waa in aad ogaataa jiritaanka labo ammuurood oo khilaaf kaas bari-taaraya. Kow, mukhaalifiintu waa hawl-wadaag, hanti-wadaag ama xil-wadaag. Labo, waxaa jira bay’ad uu khilaafku ku tabargalo kuna barbaaro oo ah meesha aan had iyo khawf toona oolin, ee sida xorta ah afkaarta loo cabiri karo. Haddii labaadaan ammuurood aanay jirin khilaaf ma yimaado. Meesha aan hawli ka socon ama aan masuuliyadda loo sinayn la is kuma maandhaafo. Sidoo kale meesha afkaarta iyo aaraada ba hal qofi leeyahay cidna iskuma khilaafto, ee waxaa ka jira xeerkii Fircoon ee ahaa” idiin ma arko aragti aan tayda ahayn idinku na hoggaamin maayo hilin aan toosnayn” Qaafir 29 Amminta khilaafka Haddii aad si dhow ugu fiirsato khilaafyada gala maashaariicda cusub ee markaa la amaamudo sida: hay’ad siyaasadeed oo wadaag ah kolkaas na la dhisay ama jiritaan ganacsi oo la wada leeyahay oo dhawaan la yagleelay amaba reer cusub oo markaa udubkiisa la taagay, waxa ugu horeeya ee kuu soo baxaya ayaa ah in khilaafyadaan badankoodu ay dhacaan juska koobaad ee xilliga amaamudka. Inta badan dan-wadaagta wax isku darsataayi ama ashkhaasta masuuliyad-wadaaga noqotaayi, waa dad aan horay wax isugu jiri jirin. Kolka ugu horaysa ee ay caqabadi timaado ama uu culays ku yimaado masuuliyad-wadareedkii la qaaday, ayaa markiiba waxaa abuurma khilaaf ka dhasha is hardanka dhexmara qiyamkii,afkaartii,dabeecadihii iyo akhlaaqiyaadkii kala gadisnaa ee ay dan-wadaagtu horay u lahayd. Sidaas daraadeed ayaa dantii guud waxa ay noqotaa masrax u furan hardanka ka dhaxeeya afkaarta qalaad ee aan wali sida quman isula qabsan. Nasiib daro, hay’adahani badankoodu waxa ay burburaan sanadka koobaad ama labaad ee yagleelka, haddii aan la maarayn khilaaf kooda. Kobaca khilaafka Waxaa jira ammuuro dhawra oo inta badan cayiliya ama bulaaliya is maandhaafka. Waxaana ka mida: Kow khilaafka oo aan la aqbalin ama lala diriro. Labo, qofka mukhaalifka ah oo ay ka xoog badiso caadifadda naftiisu una diiddo inuu si xayaabo tiran u arko maslaxaddiisa. Saddex, mukhaalifka oo hal ookiyaale oo uu isagu leeyahay wax ku fiiriya, dhagahana ka furaysta dhagaysiga doodda dhanka kale. Afar, Mukhaalifiinta oo inta badan isku khalda mawqifka ay ka taagan yahiin khilaafka iyo maslaxaddooda rasmigaa. Mawqif kaagu waa meesha aad ku dhagan tahay laakiin maslaxaddaadu waa danta rasmigaa ee aad leedahay. Tusaale: xilligii khilaafkii 4.5 mawqifka Puntland waxa uu ahaa inaan dib loogu noqon 4.5, laakiin maslaxaddeeda rasmigaa waxa ay ahayd kasbasho kuraas dheeraada(aqalka sare). Kolkii ay heshay maslaxaddeedii way ka tanaasushay mawqif keedii. Shan, khilaafka oo aan ku koobnaan dadka is haya oo kaliya. Lix, jiritaanka cid doonaysa in ay cadka kaligeed cunto ama ciidayso. Dhaxalka khilaafka. Inta uu khilaafku yahay kala aragti duwanaan la xiriirta aaraada mukhaalifiinta wax ceeba ma lahan, haddaan loo yeelin. Siddii aynu horay ba u soo sheegnay, meel walba oo hawl lagu hayo, xoriyad qawl na ka jiro waa khasab in la isku maandhaafo aaraada. Laakiin haddii la maarayn waayo kala duwanaanshaha ra’yiga, kolkaas khilaafku waxa uu isu baddalaa uur-collow. Haddii la maarayn aqoon waayo uur-colloga na waxa uu u xuubsiib taa adin-ka-hadal oo ah meesha ay dan-wadaagtu ku kala bayrto dalkuna ku burburo. Qur’anku mar kale ayuu leeyahay sidan: ” ha murmina( muranka uur-collowga) waad fashilaysaane awooddiinuna way taagdarraynaysaa’e.”Anfaal 46. Sida aayadda ka muuqata, labada xanuun ee laga dhaxlo ismaandhaafka maamulka ku salaysan waa fashil oo ah failed state iyo taagdarnaan oo ah fragile state waana labada magac ee ay maanta inoogu yeeraan. Maaraynta khilaafka Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa maan rag waa mudacyo afkood, wayna adag tahay in labo mudac afkood laysku beego. Haddii ay adag tahay in laba mudac afkooda la isku beego, waxa aan adkayn in mudacyada mudaal kooda la iska ilaaliyo. Haddaba si aanay mudacyadu inoo mudin, waa in aynu qaadnaa tilaabooyin inaga ilaalin kara mudaal kooda, waxaa na ka mida: Kow, waa in aynu khilaafka aqbalnaa lana noolaanaa. Labo, waa in khilaafka loo sii diyaar garoobaa imaatin kiisa, maanka na lagu sii hayaa dhicistiisa. Maahan in la naco ama laga naxo. Sadex, waa in aan awoodda laga qaadin hay’adaha khikaafka lagu xaliyo. Afar, waa in laga fogaadaa dhaqamada khilaafka u badali kara uur-collowga ama gacan-ka-hadalka, sida: cabburinta, caga juglaynta iyo amar ku taaglaynta. Shan, waa in laga waantoobaa siyaasdda ku dhisan guul-kaliyeedka, oo aan qaadannaa midda ku dhisan guul-wadareedka. Lix,qodobka ugu muhiimsan ee khilaafka maamulka lagu xaliyo waa tanaasul. Tanaasulku, waxaa weeye inaad ka tanaasusho fikir kaaga oo aad ogtahay in uu yahay midka saxda ah, adiga oo u tanaasulaya ra’yiga kaa soo horjeeda oo aad ogtahay in aad ka saxantahay, si aysan u burburin maslaxadda guud ee idinka dhaxaysa. Arintaan, waxaa yeeli kara oo kaliya, hayinka biyo ma daadshaha ah ee og masuuliyadda saaran. Ma yeeli karo layliga buubaaga ah ee dida kolka ay qaalimada kale didaan. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post Khilaafka iyo Maarayntiisa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliso marwadiisa Drs Hodan Siciid Ciise ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda xarunta dalka Kenya ee Nairobi. Mudane Gaas iyo marwadiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku sii saagootiyay qaar kamid ah wasiiradii ay soo wada-shaqeeyeen, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Garoowe. Dr Cabdiweli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka ka hor inta uusan dhoofin ayaa shacab weynaha reer Puntland ugu baaqay in ay si buuxda u garab istaagan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Deni islamarkaana ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda. Waa safarkii ugu horreeyay ee mudane Gaas uu dalka uga baxo tan iyo markii uu xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortay 8-dii bishii hore ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Madaxweynihi hore Cabdiweli Gaas oo ka dhoofay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafa Maxamed Cagjar ayaa ka hadlay xal uu sheegay in laga gaaray qalalaasihii ka taagnaa magaalada Jigjiga. Mustafa Cagjar, ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday deegaanka ay ka dambeeyeen waxa uu ugu yeeray haraadiga maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar, islamarkaana ay ka guuleysteen. Wuxuu sheegay in dadkaasi ay yihiin Shabakad isku xiran oo dhibaato ka waday deegaanka Soomaalida, isagoona xusay in ay qaar kamida Shacabka ku wareejiyaan ciidamada Federaalka iyagoo eedeymo dusha ka saarayo. Wuxuu digniin u jeediyay dadka wali ku howlan dhibaateynta shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida, isaga oo xusay in ciidamada amaanka ay ka hortagayaan dad kasta oo dhibaateynaya amaanka deegaanka. Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka ayaa ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana jirta indhowr jeer Maxkamad lasoo taagay. Waxaana isaga iyo shaqsiyaad kale loo heystaa ku tagki fal awoodeed, iyo laynta dad badan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Jigjiga.mp3Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya Axmed Islow ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dalka in ay dardar galiyaan kaalinta ay ku leeyihiin tartamada ciyaaraha. Axmed Islow ayaa tilmaamay in haatan ay hooseyso wada shaqeynta ay dowlad goboleedyadu la leeyihiin maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in gobolka Banaadir howl muhiim ah uu ka wado magaalada Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray dadaallo xoogan oo loogu jiro sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha dalka , gaar ahaan dhanka kubadda cagta. The post Wasaaradda Ciyaaraha Oo baaq u dirtay M/ Goboleedyada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Galmudug ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo wasiirka amniga maamulkaasi ayaa saacadihii la soo dhaafay kormeer ku tagay Xeryo Ciidan oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa halkaasi kula hadlay Ciidamo cusub oo lagu tababarayo Xeryahaasi, waxaana uu kula dardarmay in ay ka faa’iideystaan tababarkaasi oo ay bixinayaan Saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Cadaan ah. Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay in looga baahan yahay in ay door weyn ka qaataan sugida ammaanka deegaanada maamulka Galmudug. Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf waxa uu ku sugnaa Gaalkacyo, isagoona kulamo ka waday gudaha magaaladaasi. The post Xaaf oo kormeeray Xeryo ku yaalla Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa sheegay in la fashiliyay koox uu ku tilmaamay dhiig-Cabayaal oo isku dirayay madaxda federaalka iyo kuwa degaanka. Kooxdaasi ayuu sheegay in ay yihiin haraadigii Xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana ay isaga kula colleebeen Soomaalinimo jecaylka iy diinta. Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay xisbiga degaanka gaar ahaanna guddoomiyaha xisbiga Axmed Shide iyo isaga (Cagjar). Mudane Cagjar ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jigjiga kadib markii Addis Ababa lagu soo xalliyay khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Shide. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Cagjar oo sheegay in la xalliyay Khilaafkii dowlad degaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xoogan oo xalay fiidkii hore ka kacay Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dabka ayaa ka kacay Guryo ku yaalla gudaha Bakaaraha, isagoona ku fiday qeybo badan oo ka mid ah Suuqaasi. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxa sababay Dabkan, waxaana uu khasaare ka soo gaaray illaa 4 goobood oo Ganacsi ah. Gawaarida Dab Damiska maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadda Hormuud ayaa markii dambe ku guuleystay daminta Dabkaasi. Waa markii labaad oo uu Dab ka kacayo Suuqa Bakaaraha 2 bil oo isku xigta, iyadoona uu khasaare ka soo gaaray gubashadaasi Ganasactada wax ku iibiya suuqaasi The post Faah faahinno ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kadib markii ay sii kordheen cabsida laga qabo xaaladaha bani’aadanimo ee kajira dalka ayaa wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya shir isugu yeertay hay’adaha samafalka,kaasi oo looga hadlayay arrimo la xiriira howlaha gargaarka dalka iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani,aadanimo ee dalka ka jira. Mas’uuliyiinta wasaarddda Gar Gaarka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkan isugu yeeray dhamaan hay’adaha gar gaarka ee k a howlgala dalka,waxaana ay isla garteen sidii loo kordhin lahaa howlaha gargaar ee Soomaaliya,si loo bad baadiyo nolosha dad badan,lagana hortago dhibaato kasta oo ka dhalankarta xaaladaha bani’aadanimo. Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Xamsa Siciid Xamsa oo shirkaasi kadib warbaahinta lahadlay wuxuuna faah faahiyay waxyaabihii shirkaasi looga hadlay. “Shirkan wuxuu ku saabsanaa xaaladaha bani’aadanimo ee dalka kajira,waxaan la kulanay hay’adaha samafalka ee dalka ka howlgala,waxyaabaha aan diiradda ku saarnay ayaa ah sidii hay’adahaasi ay u kordhin lahaayeen howlaha samafalka ay dalka ka wadaan,si looga hortago dhibaatooyinka bani’aadanimo,islamarkaana loo badbaadiyo nolosha bulsho badan”. Ayuu yiri Wasiir Xamza. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii looga gaashaaman lahaa waxyaabaha keena dhibaatooyinka abaaraha ee soo laa laabta iyo sidii bulshada dhibaataysan looga caawin lahaa in ay helaan biyo daryeel nololeed. The post XFS Oo Hay’adaha gargaarka kala hadashay kordhinta howlaha samafalka dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-020219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka qeyb galayay barnaamij ka dhacay magaalada Garowe ayaa ka hadlay labo sano kadib halka Soomaaliya ay u socoto iyo waxyaabihii lasoo maray. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo isaga ay isku fahmi la’yihiin hanaanka loo wado dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in xukuumadda hadda jirta labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku socotay wado qaldan. “Aniga iyo dowladda Soomaaliya, waxaan isku heynaa hal arin oo ah in wadada qaldan laga leexdo oo wadada Toosan lagu soo dhaco, Tusaale qofkii doonaya inuu Gaalkacyo aado ka waran hadduu Afka Aadiyo Bari, waa inaan saxnaa, Anaga “Wadajir” ahaan waxaan dooneynaa inaan hal wado ku wada dhacno oo aan wax isla saxno”. Siyaasi Warsame, ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka faragelinta dowladda ay ku sameyso maamul goboleedyada ay ugu horeeyaan waxyaabaha ka leexinaya waddada saxda ah. “Labado sano kadib hadda waxaa muuqata in wadada saxda ah lagu soo dhici rabo, waad og tihiin doorashadii ka dhacday Baydhabo waxay aheyd, Tan Puntland ka dhacday waad og tihiin dhaqaalaha lagu bixiyay, Galmudug waxa ka socdo, war annaga waxaan taaganahay hal meel aan iskula socono, markaa gaariga hadduu naga halaabo waan wada toosisan karnaa”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur. Xisbiga Wadajir ayuu sheegay inay ka go’an tahay inay si Wadajir ah kaga shaqeeyaan horumarinta Soomaaliya iyaga oo aan talada dalka isku koobi doonin, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in muhiim ay tahay xallinta khilaafka dhanka maamulka ah ee ka taagan degmadaasi. Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin soo afjaridda wax walbo oo ka taagan degmadaasi, si loo helo maamul dadkoo oo dhan ay raali ka yihiin. Waxgaradka degmada Baardheere ayuu ku amaanay doorka ay ka qaateen in aanu gacan ka hadal dhex marin, shaqsiyaadka isku haya maamulka degmadaasi. Sidoo kale, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in shacabka degmada Baardheere aanay xilligan qaadi karin culeysyo dheeraad ah oo dhanka maamulka ku aaddan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Maxuud-Sayid-Aden-oo-Waxgaradka-Baardheere-kala-hadley-sidii-loo-xalin-lahaa-khilaafka-dhanka-maamulka-ee-ka-taagan-degmada-Copy.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ciidamada DFS Soomaaliya maalmahan dambe ka wadeen degmada Afgooye iyo deegaano ka mid ah gobolkaasi. Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmadaasi kusoo qabteen dad lala xiriirnayo Al-shabaab. Dadka la qabtay ayuu sheegay in lagu hayo baaritaan, islamarkaana wixii dambi ku cadaada maxkamad ay horgeyn doonaan. Guddoomiye Barre ayaa dhanka kale sheegay in xubno Al-shabaab ah ay maalmihii ugu dambeeyey soo galeen gudaha degmada Afgooye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/GUDOOMIYAHA-SHABEELLAHA-HOOSE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ayaa dalbaday i lasii daayo taliyahii ciidamada degmadaasi oo ku dhowaad 20 cisho ku xiran magaalada Muqdisho. Faarax C/nuur Turbac, taliyaha ururka 49-aad, guudtada 10-aad ee qeybta 43-aad ayaa loo haystaa bixinta ammarkii lagu diley 6 qof oo la sheegay iney ka mid ahaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo aan wax maxkamad ah iyadoo aan lageyn la toogtay. Maxamed Sheekh Cali, waxa uu ka mid yahay saraakiisha cidanka xoogga dalka ee degmada Baardheere, waxa uu sheegay isaga oo la hadlay Goobjoog, in madaxda dowladda federaalka ka codsanayaan in lasii daayo taliyaha. Waxa uu sheegay in gadoodka maalmihii ugu dambeeyey ciidamada ka sameeyeen degmada Baardheere ay sabab u tahay xarigga taliyaha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Saraakiisha-Ciidamada-DF-ee-Baardheere-oo-Codsadey-in-la-sii-daayo-Taliyahii-Ciidamada-Baardheere-oo-muddo-ka-badan-ilaa-20-cisho-ku-xiran-Magaalada-Muqdisho..mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Raage Oomaar oo aamini waayey Jeneraalka noqday taliyaha cusub ee Amisom Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Amisom, isaga oo xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Munaasabad ay labada Jeneraal xilka kula kala wareegeen ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Francisco Caetano Madeira. Jeneral Tigabu ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad 34 sano oo dhinaca milatariga dalka Itoobiya ah. Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar oo ka fal-celiyey magacaabistan ayaa aamini waayey in Itoobiya oo la ogyahay wixii ayada iyo Soomaaliya dhex maray ay hadda la wareegto talada ciidamada Amisom. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu ku yiri “Waaw, bal daqiiqad ka fakar…Jeneral Itoobiyaan ah ayaa iminka madax ka ah ciidamada caalamiga ah ee Afrika ee Soomaaliya – Ciidamada milatariga ee ah ilaaliyaha kama dambeysta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Qayrul caadi” Qaran News
-
Cadho ka dhalatay kabo ay sameysay shirkadda NIKE oo cagta hoose lagu qoray magaca Allah+Sawirro Muslimiinta ku nool daafaha caalamka ayaa cadho ka muujiyay kabo cusub oo ay soo saartay shirkadda Nike kuwaas oo loogu gafayo magaca Ilaahay oo si sarbeeban loogu qoray cagta hoose ee kabahaasi. Kabahan cusub oo ay shirkaddu u bixisay magaca Nike Air Max 270 ayaa ah kuwo lagu aalamiinteeyo, waxaana iminka ay muslimiintu ka dalbanayaan shirkadda in ay dib ula laabato kabahaasi loogu gafeyo Ilaahay. Sannadkii 1997-dii ayay aheyd markii sidoo kale kabo ay shirkaddaasi soo saartay loogu gefay magaca Ilaahay oo ay durba suuqa ka joojisay, kana bixisay raalligelin. Iminka dhacdadan cusub ayay shirkaddu sheegtay in ay baadheyso islamarkaana ay xushmeyneyso dhammaan diimaha kala duwan. Olole looga soo horjeedo kabahan cusub ayaa waxaa uu si xowli ah uga socdaa baraha bulshada ee internetka. Qaran News
-
Ceeb ka dhalatay qorshe Kenya laga soo min guuriyey oo la soo dhigay bogga Villa Somalia Qeybta English-ka website-ka Villa Somalia www.villasomalia.gov.so/en, ayaa lasoo dhigay sawir iyo qoraal isla socda, oo markii dambe laga saaray, kaasi laga soo min guuriyey madaxtooyada Kenya. Qoraalka iyo sawirka ayaa lagu sheegay inuu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, balse waxa uu ahaa qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Uhuru Kenyatta oo lasoo min guuriyey, isaga oo anan hal erey laga bedelin. Dadka qaar ayaa arrintan ku macneeyey inay caddeyn u tahay in madaxweynaha uusan lahayn qorshe dhab ah, halka kuwa kalena ay sheegeen in arrintan ay ahayd un qalad ay sameeyeen qeybta warfaafinta madaxtooyada. Arrintan ayaa dhalisay cadho iyo maadeys ay Soomaalida aad uga hadal hayaan baraha bulshada. Iska eeg labad qoraal ee Farmaajo iyo Kenyatta. Sawirkan hoose waa bogga rasmiga ah ee Villa Somalia. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bogga madaxtooyada www.president.go.keku daabacay qorshe 5 sano uu ugu magac daray “4ta waa weyn” ama “the Big Four”,kuwaas oo kala ah: Sugnaanta cuntada, guryo jaban, wax soo saar iyo daryeel caafimaad oo dadka oo dhan gaara. Sawirkan hoose, wa bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Kenya, waa barnaamijka rasmiga ah e Kenyatta. Bogga Villa Somalia ayaa si indho la’aan ah waxaa ay u soo min-guurisay qorshe dal kale iyo madaxweyne kale iyaga oo ka dhigay inuu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo barnaamijkiisa uu ka hor akhriyey baarlamaanka federaalka kuma jirin 4-taas, oo waxaa uu ka hadlay amniga, la-dagaalanka musuqa, soo-celinta kaabayaasha dhaqaale, dib u heshiisiinta, sarreynta sharciga, nidaamka federalism-ka iyo arrimo kale. Sidaas darteed waxaa muuqata in arrintan ay tahay mid uusan madaxwenaha waxba ka ogeyn. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada UK ayaa dhowaan walaac ka muujisay xaalada ninka u dhashay dalkaasi Anthony Cox oo 19kii bishan lagu qabtay madaarka Muqdisho, isagoo la sheegay inuu sitay waxyaabaha qarxa oo uu doonayey inuu la raaco diyaarada Ethiopian Airlines. Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in boorsoonyinkiisa ninkan laga helay [sunta dadka ka ilmeysiisa], waxaana weli socda baaritaanka iyadoo maxkamada gobalka Banadir ay xukuntay in xabsiga lagu sii hayo ninkan inta uu baaritaanka socdo. Cox oo horey uga soo tirsanaan jiray ciidamada Ingiriiska iyo waliba ciidamada Faransiiska ayaa ka tirsan kooxda Amniga u qaabilsan shirkada SKA ee fadhigeedu yahay Dubai, shaqadaasi oo uu ka tagay sida shirkadaasi sheegtay 5tii bishan Janaayo. Shirkada SKA Hase yeeshee qaar kamid ah Asxaabta ay wada shaqeyn jireen COX oo warbaahinta UK soo xiganeyso ayaa xariga ninkan sheegay inuu jiro tuhun weyn ah inuu la xariiro xurgufta u dhaxeysa Shirkada SKA International Group iyo Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Federaalka oo horey u wada shaqeyn jiray, kuwaasi oo uu burburay wadashaqeyntooda bishii April ee sanadkii hore. SKA ayaa Muqdisho ku leh xafiis lagu magacaabo Somali Risk Management (SRM) oo qaabilsan tababarada dhinaca ciidamada iyo sugida amniga, wuxuuna Mr.Cox kamid ahaa xafiiskaasi. Wadashaqeynta SKA iyo dowlada Federaalka ayaa burburay xiligii ay jirtay xiisadii Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, bishii April ayey dowlada Soomaaliya sheegtay inay lacag badan oo laga keenay Imaaraatiga ku qabatay Madaarka Muqdisho, lacagtaasi oo ay sheegeen imaaraatigu in loo waday mushaharkii ay ku kabi jireen militariga Soomaaliya. Saraakiisha UK u jooga Muqdisho oo booqday xabsiga lagu hayo Mr.Cox ayaa walaac ka muujiyey amnigiisa inta lagu hayo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay sidoo kale ku xiran yiiin kooxo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab iyo Daacish. Taliska Asluubta ayaa iyagu todobaadkan beeniyey in dhaawac loo geystay Mr.Cox oo ay damceen inay dilaan koox ka tirsan Daacish oo kamid ah maxaabiista lagu hayo xabsiga, balse askarta ayaa la sheegay inay ka hortageen kooxdaasi dooneysay inay xabsiga ku dhex dilaan ninkaasi ajnabiga ah. Cox ayaa hadda laga wareejiyey xabsiga dhexe, waxaana loo wareejiyey xabsi ku yaalla garoonka. Halkan ka aqri warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Halkee ayuu ku dambeeyay ninkii isagoo qabriga loo wado soo toosi jiray Hirpha Negero Nin u dhashay dalka Itoobiya oo labo bilood ka hor lagu tiriyay dhimasho kaddib markii uu soo kacay isagoo aaskiisa lagu guda jiro ayaa hadda geeriyooday. Hirpha Negero ayaa shalay lagu aasay deegaanka Sibu Sire ee dalka Itoobiya, qaar kamid ah eheladdiisa waxay sheegeen in hadda uu u geeriyooday xannuun muddo dheer hayay. Hirpha Negero, oo ah aabe dhalay shan carruur ah ayaa waggaasi lagu dhawaaqay inuu geeriyooday. Markii uu naxashka kasoo kacay, sida uu qabo xeerka dhaqanka ee maxalliga ah, xaafadda ka tirsan degmada Sibu Sire ee bartamaha gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, rasaas ayaa labo jeer kor loo riday, taas oo lagu xaqiijinayay geeridiisa isla markaana dadka xaafadda loogu sheegayay iney aaskiisa ka soo qeyb galaan. Saacad gudaheed, Etana Kena’a oo ah ninka xaafadda u qaabilsan howlaha qabriyada ayaa naxash dhex galiyay Hirpha wuxuuna u diyaariyay in la aaso isla galinka dambe ee maalintaasi. Hase ahaatee, intii ay socotay munaasabadda aaska, ayey dadkii murugsanaa ee tacsida joogay maqleen garaacis ka imaaneysay gudaha naxashka. “Dadka aad bey u argagaxeen weyna kala carareen, xitaa ma aanan heli karin qof i caawiya”, ayuu yiri Etana Kena, isagoo sharraxayay sida uu Hirpha caawinaadda ugu baahnaa markii uu ka furay naxashka. Ninka u muuqday inuu “dib u soo noolaaday” qudhiisa ayaa BBC-da la hadlay oo u sheegay waxa uu kula kulmay naxashka dhexdiisa: “Waxaan maqlay qof oynaya. Neefta ayaa igu xirmeysay waxaana isku dayayay inaan karfanta kala jeexo. Wax tabar ah ma aanan lahayn, mana awoodi karin inaan hadlo”. Ayuu yiri. Argagixii hore ka dib, tacsidii ayaa isu badashay dabaal dag. Ninka qabriyada ka shaqeeya, oo ah Mr Hirpha abtigiis ayaa yiri: “Waxaan horay usoo aasay meydadka 50 ama 60 ruux. Waligey ma arkin dhacdo tan la mid ah. Wuxuu u muuqday inuu geeriyooday”. Dr Birra Leggese ayaa BBC-da u sheegay in Mr Hirpha uu dabcan ku jiray “koomo aad u xeel dheer”. Qaran News
-
Qalab ay ku loollamaan dalalka ugu awoodda badan caalamka balse si sahlan loogu iibiyo Suuqyada Macdanta uranium-ta ayaa lagu soo bandhigay Suuqa ay shirkadda Yahoo ku leedahay Internet-ka Ciidamada booliska ee dalka Japan ayaa baaraya sida ay suurtagal ku noqotay in suuqyada loo adeegsado dhinaca Internet-ka lagu iibiyo macdanta uranium-ta ee lagu bacrimiyo hubka sida ba’an wax u gumaada. Qofkii iibinayay qalabkaas iyo dhowr qof oo isku dayday iney ka iibsadaan ayaa gacanta lagu dhigay isla markaana su’aalo la weydiinayaa, sida ay shaacisay warbaahinta dalkaas oo soo xigatay saraakiisha baaritaanka wada. Macdantan oo lagu soo shubay dhalo kor laga sii sharooteeyay ayaa lagu soo bandhigay suuqa wax lagu kala iibsado ee shirkadda Yahoo-ga. Dhalada ay ku jirto ayaa sidoo kale dusha looga qoray heerka macdanta oo u dhignaa sidan: “Uranium 99.9%”. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kyodo, tijaabadii ugu horreysay ee budadan lagu sameeyay ayaa muujisay iney tahay mid wax gal ah. Suuqan dhinaca Internet-ka wax ku iibiya ayey hay’adda sharciyada nuclear-ka ee waddankaas ku baraarugtay sannadkii 2017-kii. Laakiin khubarada ayaa u maleynayay in macdantu aysan ahayn midda saxda ah ee loo adeegsado bacriminta hubka sida ba’an wax u gumaada. Wakaaladda warkan baahisay ayaa sidoo kale ku warrantay in qofka macdantan suuq geeyay uu sheegay inuu qudhiisa qalabkan kasoo iibsaday meelo ka baxsan Japan, isagoo adeegsanaya isla suuqa Internet-ka. Shirkadda Yahoo oo ay wakaaladdu kala xiriirtay arrintan la yaabka leh ayaa shegtay in suuqaas la xiray, kiiskana lagu wareejiyay booliska. Wali si rasmi ah looma xaqiijinin in qalabkan uu yahay macdanta uranium ee halista ah ama mid loo ekeysiiyay. Dalka Japan waxaa mamnuuc ka ah in lagu iibiyo qalabka lagu farsameeyo nuclear-ka, qofkii lagu helo ayaana muteysan kara 1 sano oo xabsi ah, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas. Qaran News
-
Sida ay werisay BBC Somali, Waxaa magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka lagu soo bandhigay filim cusub oo laga sameeyey qiso jacayl ah oo dhexmaraysa wiil Soomaali ah iyo Gabadh caddaan ah. Filmkan ayaa waxaa loogu magic daray First Person Plural. Qisada filimka ayaa ah mid laga eegayo xiriirka dhexmari karo laba qof oo kala diin ah, gaar ahaan Muslimiinta iyo Masiixiyiinta. Sheekada ayaa waxa laga jilay xiriir jaceyl ah oo dhexmaray wiil uu dhalay Sheekh Imaam ka ah Masjid oo asalkiisu yahay Soomaali iyo gabadh uu dhalay Baadari. Toddobo ka mid jiliyaasha ayaa ah Soomaali,halka Toddobo kale ay yiihiin dad caddaan ah. Filimkan ayaa sida ay sheegeen soo saarayaashiisa waxaa looga gol leeyahay wacyigalinta isdhexgalka bulshada. Waxaa filmka sameeyay oo soo saaray Eric Tretbar. Sida filimka ka muuqata, inkasta oo dadka ay ku kala duwan yihiin diinta,dhaqanka iyo midibka ayaa haddana waxyaabaha haddana dadka filimka jilaya waxay aaminsan yihiin in bin’aadamka waxyabaha midayn kara uu kamid yahay jaceylka. Axmed Ismaaciil oo matalayay wiilka uu dhalay sheekha ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo tago in dadka Mareykanka ku nool ay diin ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan yihiin, haddana ay bina’aadanimada ka siman yihiin. ” Dadka Mareykanka isugu yimid in ay u haystaan iyagu in labo duni ay ku kala nool yihiin,laakiin labo diinba ha kala haystaane dhaqan baa jira bina’aadanimo oo dadku ay wadaagaan “. Ayuu yiri Axmed. Jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay sheegeen in filimkan uu ka turjumaya jiilka cusub ee Mareykanka ku dhashay ama ku koray. Fatxiya Cabsiye oo Filimka ku matalaysa hooyo ayaa sheegtay in marka muuqaalka iyo midibka qofka laga soo tago haddana marka ay dadku wada sheekeystaan wax badan uu isbadalayo. “Waxaa jira jiil dhan oo waddankan la koray iyagoo da’ yar na yimid ama ku dhashay,had iyo jeer gurigii iyo dadkii ay la dhasheen waxaa uga badan dadka kale ee waddankan u dhashay ee noolosha ay la wadagaan” Ayay tiri Fatxiya. Sidey u arkeen dadkii daawaday Filimka Qaar ka mid ah dadkii daawaday flimkan First Person Plural ayaa waxay sheegeen in uu yahay filimka dadka isu soo dhawaynaya. Cabdi Risaaq Biixi oo ka mid ah dadka Filimka daawaday ayaa sheegay in qoysaska wax walba oo ay aaminsan yihiin iyo midikooda marka laga soo tago ay marwalbo isku mid yihiin. “Filimku wuxuu muujinayaa qoysku diintu rabo ha haysto,midibkuu doona na ha ahaado ama jinsiyaddu uu rabo ha noqdee, qoysasku in ay isku mid yihiin waliba qoyska Islamka ayaad moodaa in filimkan uu ku qurux badan yahay sida loo jilay,ayuu yiri mr Biixi Ma aha markii ugu horreysay oo dad ajnabi iyo Soomaali isugu jira ay sameeyaan filim ka hadlaya Soomaalida. Isla qaar ka mid ah jilaayaasha filimka First Person Plural ayaa waxay horey u jileen filim ka hadlayay burcad-badeeda Soomaalida. Isha: BBC SOMALI
-
Popular Contributors