-
Content Count
207,340 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo ku geeriyoodey waddanka Hindiya. “Alle ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex oo ku geeriyooday Hayderabad, Hindiya. Wuxuu ahaa abwaan gole-ka-fuul ah oo af iyo addinba ku difaacay dalka iyo dadka. Qoyskiisa iyo qarankaba Eebe sabar iyo iimaan haka siiyo, isagana jannadii Firdawsa Alle haka waraabiyo. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. The post Farmaajo Oo ka Tacsiyeeyay Geerida Abwaan Baarleex appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha K/ Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa maanta ku dhawaaqay qaar ka mid ah Golaha wasiirada maamulkaasi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxa lagu magacaabay xubno gaaraya 10, kuwaas oo ay ku jiraan wasaarado muhiim ah. Lafta Gareen ayaa maalmihii la soo dhaafay waday wadatashiyo guud oo ku aadan dhismaha xukuumadda cusub ee maamulkaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Madaxweynaha K/ Galbeed Oo magacaabay Wasiiro cusub appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta ku dhawaaqay qaar kamid ah Golaha Wasiirada maamulkaas. Golaha Wasiirada ee ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka kooban toban (10) Wasiir oo kala ah. Axmed Madow Nuunow, Wasiirka Qorsheynta Iskaashiga iyo Maalgashiga Axmed Maxamed Xasan, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Abukar Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose. Isaaq Cali Subuk, Wasiirka Amniga Gudaha. Mustaf Cali Iidow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Faysal Cabdullaahi Cali, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Cusmaan Malaq, Wasiirka Waxbarashada Cabdiqani Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Axmed Sheekh Maxamed Luux (Mashruuc), Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Maxamed Cali Xuseen, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya loo doortay 19-kii bishii December ee sanadkii hore. PUNTLAND POST The post Lafta-gareen oo ku dhawaaqay 10 Wasiir appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmadaasi ayaa la sheegay in gaari NOAH ah ay ku celiyeen Koontarool laga soo galo degmadaasi, waxaana la sheegay in ay ciidanka haysteen warbixin. Goobjooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ay ammar ku siiyeen darawalka in uu kasoo dego gaarigaasi, hase ahaatee uu is qarxiyey. Waxaa halkaasi ku dhintey Shan qof oo kala ahaa, ninkii is qarxiyey, Labo ka mid ah ciidamada Itoobiya iyo sidoo kale Labo qof shacab ah oo saarnaa gaari halkaasi marayey, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Xaaladda halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid kacsan, iyadoo ciidamada Itoobiya ay durba bilaabeen howlgallo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baardheere (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa lala eegtay ciidamada dowladda Ethiopia ee kusugan agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere, sida Al Shabaab ay baahiyeen. Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay waaberigii saaka maqleen dhawaqa qarax xoogan oo ahaa mid lala eegtay xero ciidamada Ethiopia ku sugnaayeen oo ku taala degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana la sheegay in lagu dilay askar gaareysa 16 askari, kuwaasi oo kamid ah ciidamada dowladda Ethiopia ee kusugan degmada Baardheere. “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere, macluumaadka hordhaca ah ee aan helayno waxay sheegayaan in dhimashada cadowga gaartay ay tahay 16 askari” ayaa lagu yiri Al Shabaab warka kasoo baxay. Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday gaari NOAH ah, kaasi oo la sheegay inuu ku geeriyooday ruuxii waday oo kaliya, waxaana saraakiil u hadashay ay beeniyeen in weerarka lala eegtay ciidamada Ethiopia. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Professor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye,kanna mid ahaa Siyaasiyiintii iyo garbihii ugu waa weynaa ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku duulayay wakhtigii ugu dambeeyay ee uu Halganka ugu jiray Hogaaminta Dalka ayaa illo wareedyo soo baxayaa ay sheegayaan inay dhawaan ku dhawaaqi doonaan Midaw siyasadeed iyo sida aanay ugu qanacsanayn Hogaaminta Hadda Dalka ka jirta. Illo-Wareedyo u dhuun daloola Siyaasiyiintan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay inay labadan Siyaasi, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ku sugan Hargeysa iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo jooga dalka Maraykanku ay ku hawlan yihiin qaabkii ay u midayn lahayeen aragtidooda siyaasiga ah ee ku aadan xaalada Hogaamineed ee dalka jirta iyo midhaha ka dhashay halgankii ay horseedka ka ahaayeen ee lagu soo doortay inuu Dalka Madaxweyne ka noqdo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay wararka aanu helaynaa ay sheegayaan inay marka hore ku kulmi doonaan Dalka Mararkan islamarkaana ay halkaasi ku go’aamin doonaan hanaankii ay Bulshada ula hadli lahaayeen iyo sidii ay shaaca uga qaadi lahaayeen inaanay ku qanacsanayn Qaabka Hogaamineed ee dalka lagu hagayo. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya inay labadan Aqoonyahan si faah faahsan bulshada ugu soo bandhigi doonaan jihooyinka ay ka saluugsan yihiin Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, Wixii ay isku ogaayeen iyo xaaladda dalku kujiro oo ay si gaar ah uga hadli doonaan. Waxa ay gaashaanbuuraysiga Labadan Siyaasi marka loo eego dhinaca Aqoonta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Dalka ay ku keeni doontaa Xukuumadda Muuse Biixi Culays siyaasadeed kii ugu saamaynta badnaa iyo sidoo kale Saxmad dhinaca Mucaaridnimada ah. Arinta ugu weyn ee sida gaar ah u taaban doonta Xukuumadda jirta ayaa waxa ugu horayn doona inay si wada jir ah u sheegi doonaan inuu madaxweyne Biixi ku wacad furay islamarkaana aanay kula socon arinta jirta. Waxa Xusid Mudan in Munaasibad ka dhacday Boorama Bishii December 2016-kii oo ay ku soo biireen Xisbiga Kulmiye Aqoonyahanno Reer Awdal ahi inuu Madaxweyne Muuse Biixi munaasibadii soo dhawaynta ahayd inuu halkaasi kaga dhaatay islamarkaana uu ku faanay Prof Samatar iyo Jamaal, balse waxa muuqata in markii u talada dalka la wareegay uu si dhib yar Albaabka uga soo xidhay, waxa hadalkii uu munaasibadaasi ka jeediyay ka mid ahaa sidan “Anigu dalka waxaan keeni doonaa aqoonyahano faro badan sidiina oo kale; Xisbiga Kulmiye miyuu hayaa cid u dhiganta Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, iyo aqoonyahano faro badan oo ku soo biiray xisbigga Kulmiye”. Waxay labadan Siyaasi lagu sheegay inay kaalin weyn ka soo qaateen taban taabintii Madaxweyne Biixi haddii ay noqoto doodihii Murashaxiinta loo qabtay ee caalamka oo dhan laga daawanayay oo la sheegay inay si gaar ah uga kaalmeeyeen iyo samaynta Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye oo ay hadda saluugsan yihiin sida looga leexday ee aan loo dhaqan galin. Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa hore Warbaahinta uga sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka leexday wixii ay isku ogaayeen islamarkaana uu buriyay Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye, isagoo sheegay inay waxa ugu horeeyay ee ay isku ogaayeen uu ahaa inuu soo dhiso dawlad Tayo leh oo Tiro yar, Isagoo sidoo kale sheegay inaanu waxba ka qaban Mudadii ugu horaysay ee uu joogay Sicir bararka, Shaqo la’aanta baahsan ee dhalinta haysata, qiima dhaca shilinka iyo sidoo kale Koboc la’aanta dhaqaalaha dalka. Dhinaca kale Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo han Madaxweyne hore u lahaa islamarkaana u arkayay inuu xaalada jirta Madaxweyne Muuse Biixi Wax badan ka qaban karo kana wanaagsan yahay dhinaca hogaaminta siyaasiyiintii kale ee la tartamayay ayaa tan iyo maalintii Madaxweyne Muuse Xilka la wareegay aamusan oo aan wax dooda ah ka dhiiban siyaasiadda dalka. Waxa sidoo kale Xusid muddan inaanu Midkoodna caleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi ka xaadirin, arintaasi oo dareen gaar ah ku dhalisay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ku dhawaaqay qaar kamid ah liiska golaha wasiirada maamulkiisa. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in 10 kamid ah golaha wasiirada uu ku dhawaaqay madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana la ogeyn goorta lasoo dhameystirayo golaha wasiirada maamulka Koofur Galbeed. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa maanta usoo duulay magaalada Muqdisho, waxaana ka hor la shaaciyay liiska golaha wasiirada maamulkiisa. Hoos ka akhriso tirada wasiirada cusub.
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah. Qaraxa ayaa waxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana ku dhintay ku dhowaad 10 ruux, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan warar hordhac ah. Maamulka Degmada Baardheere wali kama hadlin qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Baardheere appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay weli aqbalin dhawaaqyada Turkigu uu ku doonayo inuu dib u bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoonj), oo dalka dibadiisa ku sugan, ayaa sheegay in xukuumadu dhawaan cadayn doonto mawqifkeeda ku aadan dhawaaqyada ka soo yeedhay dawladda Turkiga oo sheegtay inay Ergay gaar ah u magacowday wada hadalada, Waxaanu oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay aragtida xukuumadda Somaliland ee in Turkigu dib u bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi “Waa dhab inuu Turkigu doonayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, laakiin ilaa hadda si rasmiya looma shaacin, si rasmiyana looguma dhawaaqin wada hadalada iyo wakhtiga la qabanayaba, Dawlad ahaana ilaa hadda si rasmiya umaanu aqbalin wada hadalka, go’aan kama dambays ahna kamaanu gaadhin, laakiin go’aanka Somaliland ee wada hadalada Somaliya, si rasmiya ayaanu u soo saari doonaa insha allaah, waana ka hadli doonaa”. Wasiir Faratoon mar aanu wax ka weydiinay dhoofka Xoolaha Somalida ee wali xayarin, xaalada Xoolaha Somaliland iyo hadalkii Wasiirka Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha Sucuudiga ee sheegay in aanay wali aqbalin dhoofka Xoolaha ayaa ku jawaabay “Dabcan inaga Xoolaheenu waa kuwa caafimaad qaba, oo Wasaarad dhan baa inoo qaabilsan, oo mar walba la socota badqabka Xoolaheena, taas oo la daweeyo, oo tiimam iyo dhakhaatiir loo diro, si mar walba loo ilaaliyo caafimaadka Xoolaheena xitta waxa jira Maxjaro lagu sii sugo Caafimaadkooda marka ay dalka ka dhoofayaan, markaas Xoolaheena waa kuwa Caafimaadkooda la hubo”. Wasiir Faratoon mar uu ka hadlaayey Ictiraaf raadinta ayaa yidhi “Wadan kasta oo doonaya inuu aqoonsi caalamiya helo, oo uu ka helo Beesha Caalamka, shuruudo ayaa lagu xidhaa, haddii uu Wadankaasi shurudahaas lagu xidhay oo ka soo baxo waa la aqoonsadaa, inaga Somaliland ahaana Shuruud kasta oo looga baahan yahay Wadan la aqoonsan yahay weynu ka soo baxnay, maxaa yeelay intii aynaan isku biirin Somaliya, 1960, waxaynu ahayn dal madax banaan, inagoo laba dal ah ayeynu isku biirnay, haddana dib ayeynu u kala baxnay, waxaana xaqiiqo ah oo aanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamaca Carabta, in aanu nahay dal madax banaan, dawlad madax banaan, oo hagaajista nidaamkooda dawladnimo, qabsaday Doorashooyin xor iyo xalaal ah, ka gudbay nidaamkii Beelaha, una gudbay nidaamka axsaabta badan iyo nidaamka Dimuqraadiyada, waxaanu leenahay Dastuur, Shacabkaygu iskood ayey u doortaan hadba cidda ay doonayaan, waxaanu leenahay Calan noo gaar ah, waxaanu leenahay lacag noo gaar ah, Hay’addihii kala duwanaa ee Dawladnimadu wey dhisan noo dhisan yihiin, mar walbana waxaanu rabnaa in aanu si fiican ula macaamilno oo aanu xidhiidh fiican la yeelano Wadamada kala duwan ee Caalamka iyo kuwa aanu jaarna nahayba, himiladayada, iyo hadafkayga ah in dalkayaga aqoonsi buuxa la siiyo ka daali mayno, ee waanu u dadaalaynaa Xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba, guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee dal iyo dibadba joogana waxaan leeyahay mar walba qadiyadiina soo bandhiga, oo muujiya qaranimadiina” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanay guddiga doorashooyinku Qaranku, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbin wax is casilaad ah. Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika ka helay guddiga doorashooyinka qaranka ayaa daboolka ka qaaday inaanay jirin wararka sheegaya inay guddiga doorashooyinku is casilaad gudbiyeen, waxaanu warku intaas ku daray inay guddiga doorashooyinku toddobaadkii u dambeeyay ku mashquulsanaayeen kulamo ay la yeesheen qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha shisheeya ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo weliba jadwal u samaynta diyaar garowga doorashada golaha wakiilada. “Warkaas waxba kama jiraan, mana jiro kulan dhex maray guddiga doorashada iyo Madaxweynaha oo ay is casilaad ugu gudbiyeen, waxaanay guddigu ku mashquulsanaayeen toddobaadkii u dambeeyay hawlo doorashada muhiim u ah, waxaana wararkan baahiyay dad leh dano siyaasadeed oo gaar ah.” Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay qof muhiim ah oo ka ag dhow guddiga doorashooyinka oo ka cudur daartay in magaciisa la baahiyo. Doorashada golaha wakiilada oo la filayay inay qabsoonto bisha March ee sannadkan ayaa dib ugu dhacday caqabada siyaasadeed oo dalka ka taagan, waxaana la qorsheeyay inay qabsoonto bisha December ee sannadkan 2019. Xisbiga Waddani ayaa hore u sheegay inuu kalsoonidii kala noqday guddiga doorashooyinka, laakiin Madaxweyne Biixi ayaa ku gacan saydhay dalabkaas xisbiga Waddani, waxaana fashilmay dedaalo lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo xisbiga Waddani iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidanka qaranka Somaliland ayaa maanta u dabaal degaya sannad guurada 25aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay. Ciidanka qaranka Somaliland, wuxuu maanta noqonayaa 25 jir, waxaana la filayaa in la qabto munaasibad loogu dabaal degayo maalintii la aasaasay ciidanka qaranka Somaliland, oo uu ka qayb galo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ciidanka qaranka ayaa wuxuu maalin walba u dabaal-degaa 2 February oo ku beegan maalintii 25 sanandood ka hor la aasaasay. Ciidanka qaranka ayaa sannadkii 1994 waxa lagu aasaasay guutadii Sancaani ee ururkii SNM oo uu Alle haw naxariiste Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ku wareejiyay Madaxweynihii xiligaas Alle haw naxariiste Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Wararkeena dambe ayaanu idinku soo gudbin doona xaflad lagu qabanayo Hargeys oo uu ka qayb-galay Madaxweyne Muuse Biixi iyo khudbad lagu jeediyay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Bill Snaddon oo ah Suxufi caan ah oo madax-bannaan oo wax ka qora Arrimaha Qaarada Afrika, ayaa Warbixin dheer kaga warramay siday Somaliland u istaahisho in loo aqoonsado dal Madax-bannaan. Warbixinta Weriye Bill Snaddon kaga hadlay Somaliland oo Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), soo turjuntay maanta wuxuu ciwaan uga dhigay “Waa Maxay Sababta ay u tahay Wakhtigii Somaliland iyo Somalia ugu kala baxi lahaayeen si saaxiibtinimo leh?.” Waxaanay u qornayd sidan:- “Somaliland waxay shaacisay madax-bannaaniddeeda 1991kii, hase ahaatee wuxuu wali sugaysaa inay aqoonsadaan qaddiyadooda dalalka kale ee caalamka, balse ma jiro wali dal kaliya oo ictiraafay Qaranimadooda. Xukuumadda Somaliland waxay cilaaqaad diblomaasiyadeed la gashaa midowga Afrika, Qarammada Midoobay, Waddamada Jaamacadda Carabta, EU-da. Waxa kaloo ay Somaliland iskaashi la leedahay dhawr dal. Mr. Bill Snaddon wuxuu qiray in Somaliland ay ka jirtay dimuqraadiyad shaqeynaysa illaa 1991kii, halka Soomaaliya ku xeernaayeen qas iyo jahowareer. Warbixinta Bill Snaddon waxa lagu sheegay in Somaliland oo kaalmo aad u yar ka hesha caalamku ay qabsatay doorashooyin iyo isbeddel hoggaamineed oo murankoodu aad u yaraa, waxaanu tilmaamay in dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay dhoofka xoolaha nool ee loo iibgeeyo barriga dhexe, taasi oo ummadda reer Somaliland shaqooyinka ka helaan saddex meeloodoow meel, iyadoo shaqo la’aanta dhallinyaradu ay gaadhay Boqolkiiba Konton. .Wasiirka Maaliyadda Somaliland ahna Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Weriye Bill Snaddon u xaqiijiyey in Afrika ka cabsi qabto in aqoonsiga Somaliland uu dhiirigeliyo in dalalka Qaaradu ay sii kala goo’go’aan. Wasiir Sacad Cali Shire wuxuu sheegtay in Qaddiyada Somaliland waafaqsan tahay xudduudihii gumaystuhu ka tagay isla markaana ay Somaliland iyo Soomaaliya laba dal kala ahaayeen wixii ka horeeyey 1960kii. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu ku dooday inuu ku niyadsan yahay inay ugu dambaynta Caddaaladdu guulaysan doonto oo ay Somaliland heli doonto Aqoonsi. Wasiir Sacad wuxuu xaqiijiyey in aanu u filaynin in quwadaha waaweyn ee adduunku sida Maraykanka iyo Shiinuhu ay hormuud ka noqdaan Ictiraafka Somaliland. “Marka hore aqoonsigu waa inuu ka yimaadaa dhinaca Afrika, kuwaasi oo madaxa u ruxa oo aan diidin Somaliland, wadahadalka aanu Soomaaliya la leenahayna wuxuu ku dhammaan doonaa in afti dadka reer Somaliland ugu coddeyn doonaan madax-bannaani,”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire. Rooble Maxamuud Raage oo ah fallanqeeya siyaasaddeed oo horena u ahaan jiray la-taliyaha xafiiska Madaxweynaha ayaa carabaabay in ummadda reer Somaliland 97% ay aftidii laga qaaday 2001dii ay ku go’aansadeen dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho dad badan ayaa caqabad adag kala kulmay helidda baasaboorka Soomaaliga, waxaana lagu waramayaa in la joojiyay daabacaada baasaboorka. Labadii bilood ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay inaan la daabicin wax baasaboor ah, waxaana kordhay tirada dadka dalbanaya baasaboor ee maalin walbaa lagu balamiyo magaalada Muqdisho, sida xogaha aan ku heleyno. Dadka dhibaatada haysata waxaa ka mid ah dad u ambabixi lahaa arrimo caafimaad, qaar u bixi lahaa waxbarasho & kuwa ganacsi dalka dibadiisa u aadi lahaa, dadkaasi oo dhan waxa ay u xaniban yihiin Baasaboorka Somaliga. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in sababta arinta ka dambeysa ay tahay in qandaraaska uu ka dhacay shirkadii daabici jirtay baasaboorka Soomaaliga, islamarkaana shirkad cusub la siiyay qandaraaskaasi, iyadoo wali aysan shaqo bilaabin. Xarunta Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha ee ku taallo Isgoyska Shaqaalaha Subax waliba waxaa ku jarmaada dad isugu jira Hooyooyin, Dhalinyaro iyo dad waayeel ah oo raadinaya helitaanka baasaboorka. Sawiro la qaaday ayaa muujinaya in culees badan uu ka jiro xarunta, waxaana dadka loo qabtaa balamo ay adag tahay in loo fuliyo, maadaama maalin walbaa lagu rajo geliyo inay maalita xigta heli doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyeen mas’uuliyiin kale ayaa xalay kormeer ku sameeyey qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, isagoo kulamo xog wareysi ah la yeeshey qeybaha bulshada. Ujeedka kormeerka Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la xiriiray u kuur-galka xaaladaha ammaan ee degmooyinka iyo tan guud ee bulshada kunool degmooyinka, si uu u ogaado xaaladda dhabta ah oo ay ku nool yihiin iyo adeegyada ay helaan. Goobaha uu tagay waxaa kamid ah degmada Hilwaa, wuxuuna ra’iiusl wasaaraha Soomaaliya oo kulamo kala duwan la yeelanayay intii uu ku guda jiray kormeerkiisa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha, isagoo ka dhageysanayay warbixino ku aadan hadii ay jiraan tabashooyin iyo talooyin dalka lagu horumarin karo oo ay la wadaagayeen ra’iiusl Wasaare Khayre. Dadka uu la kulmay waxaa kamid ahaa odayaasha Dhaqanka iyo dhalinyarada oo xiligaasi ku caweynayay xaafadaha, kuwaasi oo ku ammaanay ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre sida uu fursadda u siiyay bulshada in uu talooyinka uu ka dhageysto, taasi oo ay ku tilmaameen guul la taaban karo. Sidoo kale ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeerey qaar kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaala goobihii uu tagay, isagoo warbixin ku aadan adeegyada caafimaad oo uu bulshada ka helaan ka dhageysanayay maamulada xarumahaasi. Talaabadan ayaa dhiiro gelin u ah isku xirka wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed. The post RW Khayre Oo xalay kormeeray degmooyin dhowr ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imaanaya maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ka baxay magaalada Boosaaso ay ku wajahan yihiin deegaanada buuraleyda ah, halkaasoo ay ku dagaalamayaan Al-Shabaab iyo Daacish. Sida wararku sheegayaan Ciidamada Puntland ayaa ku wajahan deegaanka Ceelka Miiraale iyo deegaanada kale ee Buuraleyda Golis oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaalamayeen Al-Shabaab iyo Daacish. Xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weli ka taagan Buuraha Golis iyo Calmadow, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay dagaalo goos goos ku dhex marayay deegaanada qaar. Labada dhinac ayaa isku haya awoodda Buuraha Gobolka Bari, waxaana la sheegayaa in dagaaladii u dambeeyay ee dhex maray uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac. Source
-
(SLT-Qadar)-Xulka kubbada cagta dalka Qadar ayaa ku guuleystey koobka Asian Cup kadib markii ay 3-1 ay kaga badisay ciyaartii kama dambeysta ahayd xulka Japan. Ciyaaryahanka asalkiisu yahay dalka Sudan ee Cali ayaa dhaliyay goolkiisii sagaalaad ee tartankan oo ka dhacay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta. Waxaana goolka saddexaad u dhaliyay xulka Qadar Cafif oo ah ciyaaryahan asalkiisu ka soo jeedo dalka Soomaaliya. Xulka kubbada cagta dalka Qadar ayaa guulaha ay ka gaareen tartankan waxa uu u yahay mid caalamka ay tuseen sida ay isugu diyaarinayaan tartanka ciyaaraha adduunka ee soo socda kaasoo uu dalka Qadar martigelin doono. Xulalka wadamada Sacudi Carabiyo iyo Imaaradka Carabta oo xafiiltamaan dalka Qadar ayaa labadaba waxaa ka badiyay xulka Qadar tartankan iyadoo xulka Imaaradka ay isku arkeen ciyaartii Semi Finalka loogu awood sheegtay 4-0. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamuud Cagjar oo dib ugu laabtay magaalada Jigjiga ayaa faah faahin ka bixiyay khilaafkii siyaasadeed ee waayadii ugu dambeeyay ka jira deegaanka iyo ugu danbeyntii in la soo afjaray. ”Tan iyo wixii ka danbeeyay markii maamulkan cusub la yagleelay waxaa soo noq noqnayay cabaqabado sababay in nidaamku sidii la rabay aanu u socon, kala aragti duwanaasho la xidhiidha dib sidii xisbiga loogu yagleelo lahaa baa jirtay, taasoo keentay in saxaafaddo siyaabo kala duwan uga hadasho, arrimahaa ayaa keenay in aan Addis Ababa tago, dhamaanba wixii qaladaad ah ee jirayna waan isku soo afgaranay oo waa la xaliyay” ayuu yidhi Mustafe Cagjar. Wuxuu sheegay in arintaa ay ka faa’ideysteen shacabkad isku xidhan oo ka tirsanaa maamulkii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar oo dacwado iyo eedeymo aan jirin u ka faafiyay mas’uuliyiinta deegaanka. ‘’Dabcan khilaafka iyo rabashadihii ka dhacay deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga waxaa horseed u ahaa oo ka danbeeyay shabakad isku xidhan oo ka hartay maamulkii uu hore uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, oo hay’adda Amniga iyo xafiisyada ilaa heer federaal ka waday dacwado ka dhan ah mas’uuliyiinta cusub ee degaanka, iyaga oo ka baqaya oo diidan ayuu yiri in lagula xisaabtamo dacadiyadii ay u geysteen shacabka ku dhaqan deegaanka’’ Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in kooxdan shabakada ah ee isku xiran mar walba dhibsanayeen in la hergaliyo wax yaabaha ay dalbanayaan Shacabka ah ee Soomaalinimada, ku dhaqanka Diinta, Xoojinta halganka iyo ka hortaga Dulmiga oo ah ayuu yidhi dhamaan waxyaabaha ay doonayaan shacabka deegaanka. ‘’Waxaan ugu bishaareynayaan bulshada ku dhaqan dowlad deegaanka in ugu danbeyntii isku dayadii noocaas ah oo dhan si buuxda looga adkaaday oo la soo afjaray, wixii hadda ka danbeeyana shacabku uu filiyo isbadal dhab ah oo mid Amniga, siyaasadeed iyo hormarineedba leh uu deegaanka ka hergalayo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Maalmihii ugu danbeeyayba dowlad deegaanka Soomaalida waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo ragaadiyay dhamaanba howlihii maamulka, iyadoo dhinaca kalana magaalada Jigjiga ay ka dhaceen rabashado ay dad ku dhinteen oo sababay in magaalada lagu soo rogo Bandow lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa dadka. Source
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska tobanaanka sano jira ee xakameynta hubka Nuclear-ka ee ay kula jirtay Ruushka. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in laga bilaabayo labada Febraayo, Washington ay hakin doonto u hogaansaminta heshiiska xakameynta hubka nuclear-ka ee riddada dhexe, loona yaqaan INF. Mareykanka ayaa ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbeen qodobada heshiiskan oo soo jiray tan iyo dagaalkii qaboobaa. Ruushka waa ay beeniyeen eedeymaha Mareykanka. Heshiiskan ayaa ahaa kii ugu horreeyey dunida ee xakameynta hubka, wuxuuna mamnuucayaa qeyb ka mid ah hubka nuclear-ka oo ah midka gaara ilaa 5,500 oo km. Pompeo ayaa weriyayaasha ugu sheegay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda, in Mareykanka uu si rasmi ah ogeysiiskan ugu gudbin doono Ruushka lix bilood kadib, haddii aysan dib ugu soo laaban u hogaansaminta qodobada heshiiska. Source
-
(SLT-Brazil)-Sawiro naxdil leh oo la helay ayaa muujinaya biya xidheen kusoo dumay koonfurta waddanka Brazil kaasi oo ku fatahay goob macdanta laga qodo, waxaana ku dhintay ama lagu la’yahay in ka badan saddex boqol oo qof. Sawirada oo ay duubeen kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya daqiiqadi biya xidheenku kusoo dumay maqaayad kofeega laga cabo oo ku dhex taalay shirkada macdanta iyo dhismooyinka ku yaala gudaha magaalada Brumadinho ee gobolka Minas Gerais. Waxaa soconaya howlgal baaritaan ah oo lagu ogaanayo waxa dhlaliyay in biya-xireenkaasi soo dumo. Goobta macdanta laga qodo ayaa waxaa iska leh shirkad lagu magacaabo Vale SA. Shilkaan ayaana ah kii labaad oo ka dhaca goobaheeda macdanta laga qodo saddex sano gudahood. Shan qof ayaa loo soo xiray sababaha dhaliyay in biya-xireenku ku fataho goobta macdanta laga qodo. Dacwad-oogyaasha dalka Brazil ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka lasoo xiray ay yihiin saraakiisha shirkada Vale, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay ka mid tahay waxka qabashada rukhsadaha saameynta deegaanka. Shirkada Vale, oo ah tan ugu weyn caalamka ee soo saarta biraha ceeriinka ayaa sheegtay inay la shaqeyn doonto dacwadoogayaashaasi. Tirada dhimashada ayaa tan iyo khamiistii la xiqiijiyay inay gaarayso 110 qof halka 238 qof oo kalena la la’yahay. Sidee ayuu u dhacay burburka biya-xidheenku? Weriyayaasha ayaa soo sheegaya in hanaanka bixiya digniinaha ee u xirnaa shirkada si uu u ugu diro digniinaha khatara dadka deganaa halkaasi uusan shaqeynin. Dadka ku nool nawaaxigan ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xoogan xiligii biya-xireenku soo dumayay. Tobanaan qof oo go’doomay, intooda badana ay dhoobo qarisay ayaa lagu soo samatabixiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahan maadaama wadooyinkii ay burbureen. Sikastaba, shirkada Vale ayaa sheegeysa in sababta keentay in biya-xireenku soo dumo la baarayo. Source
-
Garowe(Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in maamulka Puntland ciidamadii ugu badnaa u diray deegaanada ay ku dagaalamayaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish. Cabsi xoogan ayaa Puntland kasoo wajahday deegaanada buuraha ah ee ay ku dagaalamayaan AL Shabaab iyo Daacish, waxaana laga baqayaa haddii labada koox midkood adkaado inay kusoo duuli karaan Puntland. Ciidamada ugu badan ayaa ka baxay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada Buuraha ah ee ay ku dagaalamayaan labada koox, si ay dhinac seddexaad ugu noqdaan dagaalada socdo. Deegaanka Miraale oo qiyaastii 70 KM u jira magaalada Boosaaso ayay ciidamada marka hore gaari doonaan, si marka xigta ay kooxaha hubeysan ugula dagaalamaan buuraha Golis ee gobolka Bari. Al Shabaab iyo Daacish ayaa isku haya awooda buuraha Golis iyo Calmadow, waxaana jirta baqdin cusub oo Puntland kasoo wajahday deegaanada buuraha oo labada dhinac ay isku hayaan awooda maamul ee Buuraha. Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caqabad cusub la kulmi kara haddii ciidamada Puntland aysan awood u yeelan maamulka deegaanada buuraha ee Golis ee Calmadow. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Maadaama aynu nahay noole u hoggaansan cawaadifta naftiisa, ayna u dheertahay anaaniyadda iyo anaa iridu, wax lala yaabo maahan haddii aynu iskhilaafno ama ba ismaandhaafno. Khilaafku, sidiisa ceeb iyo mushkilad midna maahan, ee waxaa ceeba in aan khilaafka la maarayn karin oo uu marka dambe addin-ka-hadal iyo uur-collow uu midkood u xuubsiibto. Dhanka kalana khilaafku waxa uu qayb ka yahay nolosha aadanaha sida uu Qur’anku inoo sheegayo: ” haddii uu Alle doono dadka oo dhan waxa uu ka dhigi lahaa hal ummada, ka suuli maayaan dadku in ay is khilaafayaan, in loo naxariistay mooyee, waana sidaas sida loo uumay” Huud 118. Asbaabta khilaafka. Haddii aad aragto bulsho ama ashkhaas uu khilaaf ka dhex aloosan yahay, waa in aad ogaataa jiritaanka labo ammuurood oo khilaaf kaas bari-taaraya. Kow, mukhaalifiintu waa hawl-wadaag, hanti-wadaag ama xil-wadaag. Labo, waxaa jira bay’ad uu khilaafku ku tabargalo kuna barbaaro oo ah meesha aan had iyo khawf toona oolin, ee sida xorta ah afkaarta loo cabiri karo. Haddii labaadaan ammuurood aanay jirin khilaaf ma yimaado. Meesha aan hawli ka socon ama aan masuuliyadda loo sinayn la is kuma maandhaafo. Sidoo kale meesha afkaarta iyo aaraada ba hal qofi leeyahay cidna iskuma khilaafto, ee waxaa ka jira xeerkii Fircoon ee ahaa” idiin ma arko aragti aan tayda ahayn idinku na hoggaamin maayo hilin aan toosnayn” Qaafir 29 Amminta khilaafka Haddii aad si dhow ugu fiirsato khilaafyada gala maashaariicda cusub ee markaa la amaamudo sida: hay’ad siyaasadeed oo wadaag ah kolkaas na la dhisay ama jiritaan ganacsi oo la wada leeyahay oo dhawaan la yagleelay amaba reer cusub oo markaa udubkiisa la taagay, waxa ugu horeeya ee kuu soo baxaya ayaa ah in khilaafyadaan badankoodu ay dhacaan juska koobaad ee xilliga amaamudka. Inta badan dan-wadaagta wax isku darsataayi ama ashkhaasta masuuliyad-wadaaga noqotaayi, waa dad aan horay wax isugu jiri jirin. Kolka ugu horaysa ee ay caqabadi timaado ama uu culays ku yimaado masuuliyad-wadareedkii la qaaday, ayaa markiiba waxaa abuurma khilaaf ka dhasha is hardanka dhexmara qiyamkii,afkaartii,dabeecadihii iyo akhlaaqiyaadkii kala gadisnaa ee ay dan-wadaagtu horay u lahayd. Sidaas daraadeed ayaa dantii guud waxa ay noqotaa masrax u furan hardanka ka dhaxeeya afkaarta qalaad ee aan wali sida quman isula qabsan. Nasiib daro, hay’adahani badankoodu waxa ay burburaan sanadka koobaad ama labaad ee yagleelka, haddii aan la maarayn khilaaf kooda. Kobaca khilaafka Waxaa jira ammuuro dhawra oo inta badan cayiliya ama bulaaliya is maandhaafka. Waxaana ka mida: Kow khilaafka oo aan la aqbalin ama lala diriro. Labo, qofka mukhaalifka ah oo ay ka xoog badiso caadifadda naftiisu una diiddo inuu si xayaabo tiran u arko maslaxaddiisa. Saddex, mukhaalifka oo hal ookiyaale oo uu isagu leeyahay wax ku fiiriya, dhagahana ka furaysta dhagaysiga doodda dhanka kale. Afar, Mukhaalifiinta oo inta badan isku khalda mawqifka ay ka taagan yahiin khilaafka iyo maslaxaddooda rasmigaa. Mawqif kaagu waa meesha aad ku dhagan tahay laakiin maslaxaddaadu waa danta rasmigaa ee aad leedahay. Tusaale: xilligii khilaafkii 4.5 mawqifka Puntland waxa uu ahaa inaan dib loogu noqon 4.5, laakiin maslaxaddeeda rasmigaa waxa ay ahayd kasbasho kuraas dheeraada(aqalka sare). Kolkii ay heshay maslaxaddeedii way ka tanaasushay mawqif keedii. Shan, khilaafka oo aan ku koobnaan dadka is haya oo kaliya. Lix, jiritaanka cid doonaysa in ay cadka kaligeed cunto ama ciidayso. Dhaxalka khilaafka. Inta uu khilaafku yahay kala aragti duwanaan la xiriirta aaraada mukhaalifiinta wax ceeba ma lahan, haddaan loo yeelin. Siddii aynu horay ba u soo sheegnay, meel walba oo hawl lagu hayo, xoriyad qawl na ka jiro waa khasab in la isku maandhaafo aaraada. Laakiin haddii la maarayn waayo kala duwanaanshaha ra’yiga, kolkaas khilaafku waxa uu isu baddalaa uur-collow. Haddii la maarayn aqoon waayo uur-colloga na waxa uu u xuubsiib taa adin-ka-hadal oo ah meesha ay dan-wadaagtu ku kala bayrto dalkuna ku burburo. Qur’anku mar kale ayuu leeyahay sidan: ” ha murmina( muranka uur-collowga) waad fashilaysaane awooddiinuna way taagdarraynaysaa’e.”Anfaal 46. Sida aayadda ka muuqata, labada xanuun ee laga dhaxlo ismaandhaafka maamulka ku salaysan waa fashil oo ah failed state iyo taagdarnaan oo ah fragile state waana labada magac ee ay maanta inoogu yeeraan. Maaraynta khilaafka Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa maan rag waa mudacyo afkood, wayna adag tahay in labo mudac afkood laysku beego. Haddii ay adag tahay in laba mudac afkooda la isku beego, waxa aan adkayn in mudacyada mudaal kooda la iska ilaaliyo. Haddaba si aanay mudacyadu inoo mudin, waa in aynu qaadnaa tilaabooyin inaga ilaalin kara mudaal kooda, waxaa na ka mida: Kow, waa in aynu khilaafka aqbalnaa lana noolaanaa. Labo, waa in khilaafka loo sii diyaar garoobaa imaatin kiisa, maanka na lagu sii hayaa dhicistiisa. Maahan in la naco ama laga naxo. Sadex, waa in aan awoodda laga qaadin hay’adaha khikaafka lagu xaliyo. Afar, waa in laga fogaadaa dhaqamada khilaafka u badali kara uur-collowga ama gacan-ka-hadalka, sida: cabburinta, caga juglaynta iyo amar ku taaglaynta. Shan, waa in laga waantoobaa siyaasdda ku dhisan guul-kaliyeedka, oo aan qaadannaa midda ku dhisan guul-wadareedka. Lix,qodobka ugu muhiimsan ee khilaafka maamulka lagu xaliyo waa tanaasul. Tanaasulku, waxaa weeye inaad ka tanaasusho fikir kaaga oo aad ogtahay in uu yahay midka saxda ah, adiga oo u tanaasulaya ra’yiga kaa soo horjeeda oo aad ogtahay in aad ka saxantahay, si aysan u burburin maslaxadda guud ee idinka dhaxaysa. Arintaan, waxaa yeeli kara oo kaliya, hayinka biyo ma daadshaha ah ee og masuuliyadda saaran. Ma yeeli karo layliga buubaaga ah ee dida kolka ay qaalimada kale didaan. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post Khilaafka iyo Maarayntiisa appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliso marwadiisa Drs Hodan Siciid Ciise ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda xarunta dalka Kenya ee Nairobi. Mudane Gaas iyo marwadiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku sii saagootiyay qaar kamid ah wasiiradii ay soo wada-shaqeeyeen, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Garoowe. Dr Cabdiweli Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka ka hor inta uusan dhoofin ayaa shacab weynaha reer Puntland ugu baaqay in ay si buuxda u garab istaagan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Deni islamarkaana ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda. Waa safarkii ugu horreeyay ee mudane Gaas uu dalka uga baxo tan iyo markii uu xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortay 8-dii bishii hore ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Madaxweynihi hore Cabdiweli Gaas oo ka dhoofay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafa Maxamed Cagjar ayaa ka hadlay xal uu sheegay in laga gaaray qalalaasihii ka taagnaa magaalada Jigjiga. Mustafa Cagjar, ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday deegaanka ay ka dambeeyeen waxa uu ugu yeeray haraadiga maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar, islamarkaana ay ka guuleysteen. Wuxuu sheegay in dadkaasi ay yihiin Shabakad isku xiran oo dhibaato ka waday deegaanka Soomaalida, isagoona xusay in ay qaar kamida Shacabka ku wareejiyaan ciidamada Federaalka iyagoo eedeymo dusha ka saarayo. Wuxuu digniin u jeediyay dadka wali ku howlan dhibaateynta shacabka ku dhaqan deegaanka Soomaalida, isaga oo xusay in ciidamada amaanka ay ka hortagayaan dad kasta oo dhibaateynaya amaanka deegaanka. Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka ayaa ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana jirta indhowr jeer Maxkamad lasoo taagay. Waxaana isaga iyo shaqsiyaad kale loo heystaa ku tagki fal awoodeed, iyo laynta dad badan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Jigjiga.mp3Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Popular Contributors