Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,340
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa waxa uu sheefay in boqolkiiba todobaatan ay hay’addaha dawladdu si khaldan u isticmaalaan astaanta qaranka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Maal-gashiga ee Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeedhay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) oo maanta ka qeyb galayay munaasabadda aas-aaska isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ayaa amray in muddo bil gudaheed ah lagu furo waddada gasha isbitaalkaasi oo hadda ah mid xiran. Maamulka, shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada Dawooyinka u soo raadsada Isbitaalka Keysaney ayaa qiray in dhibaato weyn ay ku qabaan xirnaashaha waddadaasi, waxaana ay ka codsadeen guddoomiye Yariisow in uu dadajiyo furitaankeeda. Dhanka kale agaasimaha isbitaalka Keysaney Dr Axmed Maxamed (Axmed Taajir) ayaa soo dhaweeyay amarka ka soo baxay G/ Banaadir ee lagu furayo waddadaasi. Axmed Taajir ayaa sidoo kale ka warbixiyay waxqabadka Isbitaalkan oo maanta jirsaday 27 sano. Keysaney ayaa ka mid ah Isbitaallada waa weyn ee haatan ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaana adeeg caafimaad u doonta dad badan oo Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Guddoomiye Yariisow Oo amray in la furo waddada Isbitaal Keysaney appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Isaga oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay aas aaska Ciidamada Somaliland ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa uu Muuse Biixi sheegay in tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay uu ku howlanaa waxa uu ku tilmaamay cunaqabataynta iyo dhibaateynta Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu isaga gadaal ka riixayay dagaalkii soo noq noqdey ee Tukaraq ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ay ilaa haatan isku hor-fadhiyaan. “Ilaamaa maalintii la oortay Madaxweyne Farmaajo Somaliland ayuu ku howlanyahay oo dhibaateynayaa, Xaduudo ayuu ka hadlaya oo waxa uu doonayaa in uu sameeyo xaduudo beeleed, dowladiisana waxa ay ka arrimisaa kaliya Banaadir, marka maxuu Somaliland kaga hadlaya” ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Eedymahaasi oo uu Muuse Biixi u jeediyay Madaxweyne Farmaajo looma hayo cadeymo, hase ahaatee waxaa muuqata in uu hakad galay wada-hadaladii Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xafiiska la wareegay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka, xidhiidhka labada dal, xoojinta gargaarka binu-aadanimo ee ay ingiriisku gacanta ka siiyo Jamhuuryadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iskaashiga arrimaha nabadgelyada mandaqada geeska afrika iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay dhismaha waddada Berbera Corridor oo uu safiirku sheegay inay tusaale fiican u tahay isu socodka dhaqaale ee geeska Afrika,Dawladda Ingiriiskuna ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dhismahaasi. Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday Isfahan iyo in xidhiidhka labada dal ka dhexeeya la sii dardar geliyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee waxa goor dhawayd magaalada Hargeysa ku geeriyooday fannaanka caan ah ee Mustafe Oomaar Cabdi. Marxuun Mustafe Oomaar Cabdi ayaa ahaa fannaan caan ka dad Soomaalida dhexdooda ayaa waxa oo uu caan ku ahaa samaynta ereyada iyo laxanka. Marxuunka ayaa waxa hadda maydkiisa uu yaalla cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Bahda iyo hawl-wadeenada warbaahinta Somalilandtoday waxa ay tacsi u diray ehelada iyo dhammaan ummada Soomaalida ee uu ka baxay marxuun Marxuun Mustafe Oomaar Cabdi. Source
  7. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Iyo Prof Samatar Oo Gaashaan-Buur Siyaasadeed Ku Midoobaya, Dhawaanna Bulshada U Bayaamin Doonna Sidda Aanay Ugu Qanacsanayn Hogaaminta Madaxweyne Muuse. “Anigu dalka waxaan keeni doonaa aqoonyahano faro badan sidiina oo kale; Xisbiga Waddani miyuu hayaa cid u dhiganta Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, iyo aqoonyahano faro badan oo ku soo biiray xisbigga Kulmiye”.Madaxweyne Muuse Biixi Professor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye,kanna mid ahaa Siyaasiyiintii iyo garbihii ugu waa weynaa ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku duulayay wakhtigii ugu dambeeyay ee uu Halganka ugu jiray Hogaaminta Dalka ayaa illo wareedyo soo baxayaa ay sheegayaan inay dhawaan ku dhawaaqi doonaan Midaw siyasadeed iyo sida aanay ugu qanacsanayn Hogaaminta Hadda Dalka ka jirta. Illo-Wareedyo u dhuun daloola Siyaasiyiintan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay inay labadan Siyaasi, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ku sugan Hargeysa iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo jooga dalka Maraykanku ay ku hawlan yihiin qaabkii ay u midayn lahayeen aragtidooda siyaasiga ah ee ku aadan xaalada Hogaamineed ee dalka jirta iyo midhaha ka dhashay halgankii ay horseedka ka ahaayeen ee lagu soo doortay inuu Dalka Madaxweyne ka noqdo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay wararka aanu helaynaa ay sheegayaan inay marka hore ku kulmi doonaan Dalka Mararkan islamarkaana ay halkaasi ku go’aamin doonaan hanaankii ay Bulshada ula hadli lahaayeen iyo sidii ay shaaca uga qaadi lahaayeen inaanay ku qanacsanayn Qaabka Hogaamineed ee dalka lagu hagayo. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya inay labadan Aqoonyahan si faah faahsan bulshada ugu soo bandhigi doonaan jihooyinka ay ka saluugsan yihiin Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, Wixii ay isku ogaayeen iyo xaaladda dalku ku jiro oo ay si gaar ah uga hadli doonaan. Waxa ay gaashaanbuuraysiga Labadan Siyaasi marka loo eego dhinaca Aqoonta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Dalka ay ku keeni doontaa Xukuumadda Muuse Biixi Culays siyaasadeed kii ugu saamaynta badnaa iyo sidoo kale Saxmad dhinaca Mucaaridnimada ah. Arinta ugu weyn ee sida gaar ah u taaban doonta Xukuumadda jirta ayaa waxa ugu horayn doona inay si wada jir ah u sheegi doonaan inuu madaxweyne Biixi ku wacad furay islamarkaana aanay kula socon arinta jirta. Waxa Xusid Mudan in Munaasibad ka dhacday Boorama Bishii December 2016-kii oo ay ku soo biireen Xisbiga Kulmiye Aqoonyahanno Reer Awdal ahi inuu Madaxweyne Muuse Biixi munaasibadii soo dhawaynta ahayd inuu halkaasi kaga dhaatay islamarkaana uu ku faanay Prof Samatar iyo Jamaal, balse waxa muuqata in markii u talada dalka la wareegay uu si dhib yar Albaabka uga soo xidhay, waxa hadalkii uu munaasibadaasi ka jeediyay ka mid ahaa sidan “Anigu dalka waxaan keeni doonaa aqoonyahano faro badan sidiina oo kale; Xisbiga Waddani miyuu hayaa cid u dhiganta Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, iyo aqoonyahano faro badan oo ku soo biiray xisbigga Kulmiye”. Waxay labadan Siyaasi lagu sheegay inay kaalin weyn ka soo qaateen taban taabintii Madaxweyne Biixi haddii ay noqoto doodihii Murashaxiinta loo qabtay ee caalamka oo dhan laga daawanayay oo la sheegay inay si gaar ah uga kaalmeeyeen iyo samaynta Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye oo ay hadda saluugsan yihiin sida looga leexday ee aan loo dhaqan galin. Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa hore Warbaahinta uga sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka leexday wixii ay isku ogaayeen islamarkaana uu buriyay Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye, isagoo sheegay inay waxa ugu horeeyay ee ay isku ogaayeen uu ahaa inuu soo dhiso dawlad Tayo leh oo Tiro yar, Isagoo sidoo kale sheegay inaanu waxba ka qaban Mudadii ugu horaysay ee uu joogay Sicir bararka, Shaqo la’aanta baahsan ee dhalinta haysata, qiima dhaca shilinka iyo sidoo kale Koboc la’aanta dhaqaalaha dalka. Dhinaca kale Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo han Madaxweyne hore u lahaa islamarkaana u arkayay inuu xaalada jirta Madaxweyne Muuse Biixi Wax badan ka qaban karo kana wanaagsan yahay dhinaca hogaaminta siyaasiyiintii kale ee la tartamayay ayaa tan iyo maalintii Madaxweyne Muuse Xilka la wareegay aamusan oo aan wax dooda ah ka dhiiban siyaasiadda dalka. Waxa sidoo kale Xusid muddan inaanu Midkoodna caleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi ka xaadirin, arintaasi oo dareen gaar ah ku dhalisay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye. Qaran News
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo hadda ka tirsan guddida tacliinta sare ayaa Mushaharkii laga joojiyay, ka dib markii uu kasoo xaadiri waayay shaqada guddida. Maxamed Xasan Sheekh Muumin, guddoomiye ku xigeenka guddida tacliinta sare ee Somaliland ayaa sidaas sheegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Dhallinyaro ka badan 20 carruur ah oo toddobaadkii la xidh-xidhay ka dib markii ay madaharaad ka horsameeyeen xarinta Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska Somaliland ayaa wali xidhan. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu maanta ku baahiyay Facebook waxa uu kaga hadlay arrinta waxaanu sheegay in tallaabadani ay tahay mid aad looga xumaado. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa waxa uu yidhi “22 ciyaal derbi jiif ah oo maalin dhowayd ku hor mudaharaaday Wasaaradda Arimaha Bulshada ayaa weli xidhan oo rumaan loo diray. Waxa aad iigu adag inaan fahmo cidda go’aanada caynkan oo kale ah qaadata iyo aragtida ka danbaysa. Waxaanan garanayn ilme yar oo derbi jiif ah cidda ku dhiiratay inay xabsi ku rido. Waa murugo iyo ciiil. Dadkoo dhan hadaad doontaan walaalayaal xidh xidha oo derbi jiifkaas uun sii daaya. Bifadlukum wa bi ixsaanu kum. Uma qalmaan umana adkaysan karaan xadhig.” Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hore u cambaareeyay tallaabadan lagu xidhay carruurta darbi-jiifka ah ee mudaharaadka sameeyay. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxadxweynihii hore ee Soomaaliya, Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ka tirsan Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujiyey waxa dhici kara 7-da Febraayo, marka la qabto shirka shidaalka Soomaaliya ee London. Xasan Sheekh, ayaa isaga oo fasiraya walaaca uu ka qabo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u wajaheyso shidaalka Soomaaliya, waxa uu sheegay in aysan hadda Soomaaliya u diyaarsaneyn ka faa’iideysiga shidaalkeeda. “Maanta lama gaarin wali maalintii aan sameyn lahayn shaqada Landhan loogu balansan yahay” ayuu yiri Xasan Sh. Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Kalfadhi oo ka hadasha arrimaha Baarlamaanka. Dowladda Somaliya ayaa beenisay in Shirka London lagu iibgeynaayo Shidaalka Somaliya, balse Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Shirkadaha Shidaal qodista qaabilsan qaarkood bogaga Internetka ay ku leeyihiin ay ku soo bandhigeen arrintaasi. “Waa run in ay dowladdu sheegtay ineyan waxaas jirin, laakiin hay’adihii caalamka ee shaqada qabanayey ee marti qaadka sameeyey ayey website-yadooda ku jirtaa” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka jawaabaya diidmada dowladda ee ah ineysan beec-geyn shidaalka Soomaaliya, ku yiri Kalfadhi. “Waa (public) iska caddahay in konton (50) balook oo dhulka ka mid ah la iibinayo” ayuu hadalkiisa raaciyey. “Anagu in Soomaaliya shidaal laga soo saaro kama soo horjeedno, laakiin uma diyaarsanin oo waa nala dilaa” ayuu yiri Xasan. “Ama dadka Soomaaliyeed hantidaan ay leeyihiin oo uu Illaahey siiyaa la dhacaa, oo dad ajnabi ahaa dhacaa, oo aan laga celin kari doonin berri ama anaga dhexdeenaa isku dirireyna” ayuu yiri Hogaamiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sh. Maxamuud. “Waxa uu leeyahay batroolku nidaam caalamiya, oo aduunyada dalalka batroolka leh oo dhan ay ku dhaqmaan” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Kuwa si fiican ugu dhaqmana wey ka faa’iideyn, kuwa si fiican ugu dhaqmi waayana dhib iyo colaad iyo burbur hor leh ayey ka qaadeen” ayuu hadalkiisa raaciyey. “Anagu marka welwelka aan qabnaa waa labadaas” ayuu kusii daray warkiisa. Waxa uu sheegay in shirkad si caalamiya loola galay hishiis ay adkaan karto in looga baxo ama wax laga beddelo hishiiskii lala galay, hase ahaatee loo baahan yahay in hishiisyada arrintaas la xiriira laga fiirsado inta aan la gelin ka hor. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)- Hal Askari Ayaa Dhaawac Soo Gaadhay Kadib Markii Dablay Hubaysan Weerar Ku Qaadeen Dugsiga Ciidamada Milatariga Degaanka Bixin Ee Gobalka Sanaag. Dablayda Weerarka Qaaday Ayaa Dugsiga Kala Baxay Nin Ku Xidhnaa Kaasi Oo Ahaa Sababta Ugu Weyn Ee Dugsiga Weerarka Loogu Qaaday Si Looga Baxo. Askariga Dhaawacmay Ayaa Gaadhkii Dugsiga Ahaa Waxaana Dhaawacisa La Geeyay Magaalada Ceerigaabo. Axmed Cali Dhuux Oo Ah Taliyaha Dugsiga Bixin Ee Weerarka Lagu Soo Qaaday Ayaanu La Xidhiidhnay Balse Noogama Jawaabin Telefoonkiisa Waxaa Xusid Mudan In Ay Ehel Yihiin Raga Dugsiga Soo Weeraray Taliye Axmed C Dhuux. Xigasho /Weriye Mohamuud Masuul Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ku eedeeyey Villa Somalia in cidda kaliya ee ay dagaalka ay kula jirto ay tahay dadka siyaasad ahaan aan raacsaneyn, kuwaas oo uu ku sheegay saddex dhinac. Qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. Madaxda Villa Somalai tan iyo intii meesha ay yimaadeen waxey wadaan saddex dagaal: 1. Dagaal ka dhan ah dawlad goboleedyada 2. Mid ka dhan ah madaxdii dalka Soo xukuntay iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo mid. 3. Dawlado saaxiib la ahaa Somalia iyo hey’adaha caalamka qaarkood ay ku qaadeen. Alshabaab iyo Daacish oo umadda Soomaaliyeed laynaysa wax dagaal ahi illaa iyo hadda laguma qaadin, mana muuqato In olole noocaas ah uu socdo!! Shaqada ugu weyn xafiiska Madaxweyne Farmaajo waa dacyaadaynta iyo aflagaadaynta madaxdii asaga ka horaysay ama siyaasiyiin qaabka uu wax u maamulayo kaga aragti duwan, illaa iyo goormee ayay soconaysaa In lacagtii qaranka loo adeegsado aflagaadayn iyo xadgudubyo madax hore. Video-gii shalay baraha bulshada la Soo geliyey ee jacburka ahaa, waxey u muuqataa In lagu daboolayo shirka shidaalka Soomaaliya lagu xaraashayo ee London ka dhacaya maalinta khamiista 07 Febraayo. Caqli noocee ah ayaa lagu sheegi karaa inuu ku jiro qolo waxey madaxdii hore ku dacaayadaynayaan wax ka xun ayagu gacanta kula jira.?! Soomaalida UK iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon In si weyn looga hortago shirka aan sharciga ahayn ee khayraadka Soomaaliyeed sida raqiis ah loogu xaraashayo.
  13. Afmadow ( Sh. M. Networj )-Sida lagu baahiyay boggaga Internet-ka ee Al Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay dileen illaa 10 Qof oo isugu jiray Dhaqaatiira iyo Askari ka tirsanaa Ciidamo Kenyaan ah oo dhawaan ka soo gudubay xadka Soomaaliya iyo Kenya. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qarax Miino ay ku dileen Askartaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay gubeen labo ka mid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Muddooyinkii u dambeeyay Al Shabaab ayaa kor dhiyay weerarada ka dhanka ah Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ka howlgala K/ Soomaaliya. The post Askar ka tirsanaa Ciidanka Kenya Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  14. The East African Community (EAC) member states review Somalia’s application to join the block. The official opening of the rebranded East African Business Council (EABC) in Arusha, Tanzania on Friday said it is reviewing the application process tabled the Horn of African Nation. Somalia applied to join the block in 2013. Ever since the East African Community has insisted it was yet to send a verification team to assess Somalia’s level of preparedness. The team would be followed by a verification exercise team to be constituted by the EAC council of ministers, the policy organ of the community. Meanwhile, security concerns raised by the six members’ states of the block are seen as the biggest stumbling block to Somalia’s admission to the East African community. The government of Somalia believes the admission into the regional block will play a key role in boosting the economy of the country while improving the trade relations with its neighbors. The relative calm experienced in several parts of the country in recent years led Somali exports mainly in the fishing and livestock increase. Somalia was admitted into the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA) on July last year increasing the membership of the common market to 21. In a meeting between COMESA officials and Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire in Lusaka, Zambia, the officials resolved to admit the Horn of Africa nation into the 490 million people market on Thursday. The post EAC review Somalia’s bid to join the regional block appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi oo ka qayb-galay khudbadna ka jeediyey Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 02-02-2019-ka, waxaanu ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Baardheere ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiimaadiin ahaa oo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee G/ Gedo. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Gaari Noah- ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray saldhig Ciidamada Itooobiya ay ku leeyihiin Garoonka diyaayradaha magaaladaasi. Gaarigan oo laga shakiyay ayaa la sheegay in Ciidanku ay joojiyeen, kadibna uu ku qarxay halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa DFS oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa 3 ruux oo uu ku jiro ninkii fuliyay weerarkaasi. Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa labo Qof oo kale oo ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceen. Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka Warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 16 Askari, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Gedo. The post Al Shabaab Oo sheegtay qarax ka dhacay Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Somalia’s Southwest State president, Abdiaziz Hassan Mohamed Lafta-Gareen has on Saturday unveiled his new cabinet in Baidoa city following his election last December. The president announced the list of ten dockets namely finance, interior, planning, education, farming, fishing, trade, labour, and reconstruction in a statement by his office. Lafta Gareen said the decision was made following consultations with the regional parliament and civil society in the administration. The remaining dockets as the deputy ministers and state ministers will be released in the forthcoming days. If approved by the regional parliament, Lafta Gareen cabinet will be one of the smallest across the federal member states in the country. The post Southwest State leader announces his cabinet line-up appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-020219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Burco) Siyaasi Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Hogaanka Sare Ee Kulmiye Ku Eedayey Inay Ku Hawlan Yihiin Qorshe Xisbiga Lagu Bururinaayo. Source
  20. Dhalinyarada isboortiga Puntland ee maamulayaasha ka ah kooxaha heerka koowaad ee Puntland, ayaa kasoo horjeestay qorshe ay sheegeen in lagusoo magacaabayo xiriirka kubada cagta Puntland [...] Source
  21. Baardheere ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday fariisin Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay qaraxaasi, welow aan weli la xaqiijin inta uu la’egyahay. Dhinaca kale Al Shababaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxaana ay tilmaameen in ay ku dileen illaa 16 Askari, sida ay ku baahiyeen bartooda Internet-ka Illaa iyo haddda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada Baardheere oo ku aadan weerarkaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Qarax xoogan Oo ka dhacay degmada Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Al-Shabaab has claimed it carried out a suicide car bomb attack in a government-controlled town in southern Somalia on Saturday morning, killing at least 16 Ethiopian soldiers. In a statement posted on its affiliated websites, the militant group said a bomber rammed his explosives-laden vehicle at a military base belonging to Ethiopian troops. The attack took place in Bardera town, located in the country’s southern Gedo region, which lies near Somalia’s porous border with Kenya. There were no independent sources confirming the deaths of the Ethiopian soldiers as the local authorities are yet to comment on the casualty figures. Somali troops backed by African Union peacekeepers have retaken the strategic town from Al-Shabaab following a joint military offensive in 2015. The post Al-Shabab carries out a car bomb attack in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article