-
Content Count
207,344 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta eedeeyn kulul u jeediyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaddib khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay aasaaska ciidamada Somaliland. Biixxi ayaa hadalkiisa ku sheegay in tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay uu ku hawlanaa wuxuu ku tilmaamay cunno-qabataynta iyo in dhib loo geysto Somaliland. Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu gadaal-ka-riixayay dagaalladii soo Laalaabtay ee Deegaanka Tukaraq ku dhex-maray ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ay illaa haatan isku hor-fadhiyaan deegaankaas. “Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku hawlahaa sidii uu u dhibaateyn lahaa Somaliland. Wuxuu doonayaa inuu sameeyo xuduudo beeleed, dowladiisuna waxay ka arrimisaa Banaadir [Muqdisho] oo keliya, marka maxuu Somaliland uga hadlayaa,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale, Eedda uu Biixi u jeediyay Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka ah loogu baaqay inay dib u billowdo wadahadalladii ay kula jirtay Somaliland, kuwaasoo tan iyo markii Farmaajo la doortay hakad ku jiray. Dhanka kale, Madaxweyne Biixi ayaa xusay in Somailand ay diyaar u tahay inay nabad kula noolaato dalalka jaarka la ah oo ay sheegeen inay Somalia ku jirto, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin cid ay duullaan ku yihiin. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeynta uu Muuse Biixi u soo jeediyay Madaxweynaha Somalia Maxamed Farmaajo, iyadoo la ogyahay in Somaliland ay horay ugu dhawaaqday inay Somalia ka go’aday 1992-kii. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha DF Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Baardheere (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax is-miidamain ah oo maanta ciidamada Itoobiya lagula eegtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Weerarka oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyey qof ismiidaamiyey oo waday baabuurka la qarxiyey, waxaana lagu beegsaday saldhigga ciidamada Itoobiya ee ku yaalla meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha degmadaasi. War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu yiri “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday ciidamada saliibiyiinta Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere” Al-Shabaab waxa ay intaas ku dartay in macluumaadka hordhaca ah ee ay hayso ay sheegayaan in 16 aksari oo Itoobiyaan ah lagu dilay weerarka. Weli wax rasmi ah kama soo bixin ciidamada Itoobiya. Weerarkan ka dhacay magaalada Baardheere ayaa imaanaya laba maalmood kadib markii dowladda Itoobiya ay hoggaanka uqabatay ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya. Bishii tagtay ayaa weerar Al-Shabaab ay sidaan oo kale uga fulisay inta u dhaxeysa Buur-Hakaba iyo Baydhaba, ayaa lagu dilay askar ku dhow 60 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Kismaayo (PP) ─ Wararka laga helayo degmooyinka Dhoobleey iyo Af-madoow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya. Qaraxyo la dhigay waddada dhinaceen ayaa la sheegay inay ciidammada la qarxeen, xilli ay ciidamadu marayeen deegaan u dhexeeya Dhoobleey iyo Af-madoow, inkastoo aanay ciidamada Kenya sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay. Sidoo kale, Qaraxa kaddib ayaa la sheegay inuu goobta ka dhacay dagaal toos ah oo ciidamada Kenya iyo xoogaga Al-shabaab u dhexeeyay, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, dagaalkuna uu muddo kaddib si iskiis ah u joogsaday. Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas gaadmada ah ay ciidamada Kenya uga gubeen laba baabuur oo midi uu ahaa kuwa gaarka ah ee ay ciidamadu isticmaalaan ama gaari gaashaaman. Al-shabaab ma sheegin khasaaraha dagaalkan kasoo gaaray dhankooda iyo khasaaraha ciidamada Kenya ay gaarsiiyeen, waxaase afhayeen u hadlay uu sheegay inay dagaalka ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen. Ugu dambeyn, Dowladda Kenya ayaan ka hadlin weerarka ciidamada lagu qaaday khasaaraha kasoo gaaray, balse inta badan ciidamada Kenya ayaa lag beegsadaa deegaannad ay kaga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose. PUNTLAND POST The post Ciidanka Kenyan ee AMISOM oo lagu Weeraray Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Doxa (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta dalka Qatar ayaa xalay fiidkii markoodi ugu horreysay ku guuleystay Koobka Qaramada Asia kaddib marki ay 3-1 uga badiyeen dhiggooda Japan. Ciyaarti finalka oo ka dhacday magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si weyn uga dhexmuuqday Akram Cafif oo laba ka mid ah goolasha baasay, kan saddexaadna dhaliyay. Akram Cafiif, ayaa ahaa laacibka ugu wanaagsan xulka qaranka Qatar, isaga oo baasay 11 ka mid ah 19-ka gool ee xulkaas ay ka dhaliyeen koobka oo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta. Xulka qaranka Qatar waxaa sidoo kale ku jira Cali Cafiif oo la dhashay Xasan Cafiif. Akram iyo Cali waxaa dhalay Xasan Cafif Yaxya oo ka mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya u soo ciyaaray inta u dhaxeysay 1972-ki ilaa 1980-ki. Haddaba Nur Bukhaari oo ka tirsan idaacadda VOA, ayaa khadka Telefoonka magaalada Doha xalay markii ciyaartu dhamaatay kula xiriiray Xasan Cafiif. Hoos ka dhageyso wareysiga Xasan Cafiif Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) oo maanta ka qeyb galayay munaasabadda aas-aaska isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ayaa amray in muddo bil gudaheed ah lagu furo waddada gasha isbitaalkaasi oo hadda ah mid xiran. Maamulka, shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanada Dawooyinka u soo raadsada Isbitaalka Keysaney ayaa qiray in dhibaato weyn ay ku qabaan xirnaashaha waddadaasi, waxaana ay ka codsadeen guddoomiye Yariisow in uu dadajiyo furitaankeeda. Dhanka kale agaasimaha isbitaalka Keysaney Dr Axmed Maxamed (Axmed Taajir) ayaa soo dhaweeyay amarka ka soo baxay G/ Banaadir ee lagu furayo waddadaasi. Axmed Taajir ayaa sidoo kale ka warbixiyay waxqabadka Isbitaalkan oo maanta jirsaday 27 sano. Keysaney ayaa ka mid ah Isbitaallada waa weyn ee haatan ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaana adeeg caafimaad u doonta dad badan oo Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Guddoomiye Yariisow Oo amray in la furo waddada Isbitaal Keysaney appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Isaga oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay aas aaska Ciidamada Somaliland ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxa uu Muuse Biixi sheegay in tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay uu ku howlanaa waxa uu ku tilmaamay cunaqabataynta iyo dhibaateynta Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu isaga gadaal ka riixayay dagaalkii soo noq noqdey ee Tukaraq ku dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ay ilaa haatan isku hor-fadhiyaan. “Ilaamaa maalintii la oortay Madaxweyne Farmaajo Somaliland ayuu ku howlanyahay oo dhibaateynayaa, Xaduudo ayuu ka hadlaya oo waxa uu doonayaa in uu sameeyo xaduudo beeleed, dowladiisana waxa ay ka arrimisaa kaliya Banaadir, marka maxuu Somaliland kaga hadlaya” ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Eedymahaasi oo uu Muuse Biixi u jeediyay Madaxweyne Farmaajo looma hayo cadeymo, hase ahaatee waxaa muuqata in uu hakad galay wada-hadaladii Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo xafiiska la wareegay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka, xidhiidhka labada dal, xoojinta gargaarka binu-aadanimo ee ay ingiriisku gacanta ka siiyo Jamhuuryadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iskaashiga arrimaha nabadgelyada mandaqada geeska afrika iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay dhismaha waddada Berbera Corridor oo uu safiirku sheegay inay tusaale fiican u tahay isu socodka dhaqaale ee geeska Afrika,Dawladda Ingiriiskuna ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dhismahaasi. Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday Isfahan iyo in xidhiidhka labada dal ka dhexeeya la sii dardar geliyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee waxa goor dhawayd magaalada Hargeysa ku geeriyooday fannaanka caan ah ee Mustafe Oomaar Cabdi. Marxuun Mustafe Oomaar Cabdi ayaa ahaa fannaan caan ka dad Soomaalida dhexdooda ayaa waxa oo uu caan ku ahaa samaynta ereyada iyo laxanka. Marxuunka ayaa waxa hadda maydkiisa uu yaalla cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Bahda iyo hawl-wadeenada warbaahinta Somalilandtoday waxa ay tacsi u diray ehelada iyo dhammaan ummada Soomaalida ee uu ka baxay marxuun Marxuun Mustafe Oomaar Cabdi. Source
-
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Iyo Prof Samatar Oo Gaashaan-Buur Siyaasadeed Ku Midoobaya, Dhawaanna Bulshada U Bayaamin Doonna Sidda Aanay Ugu Qanacsanayn Hogaaminta Madaxweyne Muuse. “Anigu dalka waxaan keeni doonaa aqoonyahano faro badan sidiina oo kale; Xisbiga Waddani miyuu hayaa cid u dhiganta Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, iyo aqoonyahano faro badan oo ku soo biiray xisbigga Kulmiye”.Madaxweyne Muuse Biixi Professor Axmed Ismaaciil Samatar iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye,kanna mid ahaa Siyaasiyiintii iyo garbihii ugu waa weynaa ee uu Madaxweyne Muuse Biixi ku duulayay wakhtigii ugu dambeeyay ee uu Halganka ugu jiray Hogaaminta Dalka ayaa illo wareedyo soo baxayaa ay sheegayaan inay dhawaan ku dhawaaqi doonaan Midaw siyasadeed iyo sida aanay ugu qanacsanayn Hogaaminta Hadda Dalka ka jirta. Illo-Wareedyo u dhuun daloola Siyaasiyiintan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay inay labadan Siyaasi, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ku sugan Hargeysa iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo jooga dalka Maraykanku ay ku hawlan yihiin qaabkii ay u midayn lahayeen aragtidooda siyaasiga ah ee ku aadan xaalada Hogaamineed ee dalka jirta iyo midhaha ka dhashay halgankii ay horseedka ka ahaayeen ee lagu soo doortay inuu Dalka Madaxweyne ka noqdo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay wararka aanu helaynaa ay sheegayaan inay marka hore ku kulmi doonaan Dalka Mararkan islamarkaana ay halkaasi ku go’aamin doonaan hanaankii ay Bulshada ula hadli lahaayeen iyo sidii ay shaaca uga qaadi lahaayeen inaanay ku qanacsanayn Qaabka Hogaamineed ee dalka lagu hagayo. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya inay labadan Aqoonyahan si faah faahsan bulshada ugu soo bandhigi doonaan jihooyinka ay ka saluugsan yihiin Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, Wixii ay isku ogaayeen iyo xaaladda dalku ku jiro oo ay si gaar ah uga hadli doonaan. Waxa ay gaashaanbuuraysiga Labadan Siyaasi marka loo eego dhinaca Aqoonta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Dalka ay ku keeni doontaa Xukuumadda Muuse Biixi Culays siyaasadeed kii ugu saamaynta badnaa iyo sidoo kale Saxmad dhinaca Mucaaridnimada ah. Arinta ugu weyn ee sida gaar ah u taaban doonta Xukuumadda jirta ayaa waxa ugu horayn doona inay si wada jir ah u sheegi doonaan inuu madaxweyne Biixi ku wacad furay islamarkaana aanay kula socon arinta jirta. Waxa Xusid Mudan in Munaasibad ka dhacday Boorama Bishii December 2016-kii oo ay ku soo biireen Xisbiga Kulmiye Aqoonyahanno Reer Awdal ahi inuu Madaxweyne Muuse Biixi munaasibadii soo dhawaynta ahayd inuu halkaasi kaga dhaatay islamarkaana uu ku faanay Prof Samatar iyo Jamaal, balse waxa muuqata in markii u talada dalka la wareegay uu si dhib yar Albaabka uga soo xidhay, waxa hadalkii uu munaasibadaasi ka jeediyay ka mid ahaa sidan “Anigu dalka waxaan keeni doonaa aqoonyahano faro badan sidiina oo kale; Xisbiga Waddani miyuu hayaa cid u dhiganta Professor Axmed Ismaaciil Samatar, Jamaal Cali Xuseen, iyo aqoonyahano faro badan oo ku soo biiray xisbigga Kulmiye”. Waxay labadan Siyaasi lagu sheegay inay kaalin weyn ka soo qaateen taban taabintii Madaxweyne Biixi haddii ay noqoto doodihii Murashaxiinta loo qabtay ee caalamka oo dhan laga daawanayay oo la sheegay inay si gaar ah uga kaalmeeyeen iyo samaynta Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye oo ay hadda saluugsan yihiin sida looga leexday ee aan loo dhaqan galin. Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa hore Warbaahinta uga sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka leexday wixii ay isku ogaayeen islamarkaana uu buriyay Barnaamijkii Xisbiga Kulmiye, isagoo sheegay inay waxa ugu horeeyay ee ay isku ogaayeen uu ahaa inuu soo dhiso dawlad Tayo leh oo Tiro yar, Isagoo sidoo kale sheegay inaanu waxba ka qaban Mudadii ugu horaysay ee uu joogay Sicir bararka, Shaqo la’aanta baahsan ee dhalinta haysata, qiima dhaca shilinka iyo sidoo kale Koboc la’aanta dhaqaalaha dalka. Dhinaca kale Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo han Madaxweyne hore u lahaa islamarkaana u arkayay inuu xaalada jirta Madaxweyne Muuse Biixi Wax badan ka qaban karo kana wanaagsan yahay dhinaca hogaaminta siyaasiyiintii kale ee la tartamayay ayaa tan iyo maalintii Madaxweyne Muuse Xilka la wareegay aamusan oo aan wax dooda ah ka dhiiban siyaasiadda dalka. Waxa sidoo kale Xusid muddan inaanu Midkoodna caleemo saarkii Madaxweyne Muuse Biixi ka xaadirin, arintaasi oo dareen gaar ah ku dhalisay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo hadda ka tirsan guddida tacliinta sare ayaa Mushaharkii laga joojiyay, ka dib markii uu kasoo xaadiri waayay shaqada guddida. Maxamed Xasan Sheekh Muumin, guddoomiye ku xigeenka guddida tacliinta sare ee Somaliland ayaa sidaas sheegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dhallinyaro ka badan 20 carruur ah oo toddobaadkii la xidh-xidhay ka dib markii ay madaharaad ka horsameeyeen xarinta Wasaaradda Shaqo-Gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska Somaliland ayaa wali xidhan. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu maanta ku baahiyay Facebook waxa uu kaga hadlay arrinta waxaanu sheegay in tallaabadani ay tahay mid aad looga xumaado. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa waxa uu yidhi “22 ciyaal derbi jiif ah oo maalin dhowayd ku hor mudaharaaday Wasaaradda Arimaha Bulshada ayaa weli xidhan oo rumaan loo diray. Waxa aad iigu adag inaan fahmo cidda go’aanada caynkan oo kale ah qaadata iyo aragtida ka danbaysa. Waxaanan garanayn ilme yar oo derbi jiif ah cidda ku dhiiratay inay xabsi ku rido. Waa murugo iyo ciiil. Dadkoo dhan hadaad doontaan walaalayaal xidh xidha oo derbi jiifkaas uun sii daaya. Bifadlukum wa bi ixsaanu kum. Uma qalmaan umana adkaysan karaan xadhig.” Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa hore u cambaareeyay tallaabadan lagu xidhay carruurta darbi-jiifka ah ee mudaharaadka sameeyay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxadxweynihii hore ee Soomaaliya, Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ka tirsan Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujiyey waxa dhici kara 7-da Febraayo, marka la qabto shirka shidaalka Soomaaliya ee London. Xasan Sheekh, ayaa isaga oo fasiraya walaaca uu ka qabo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) u wajaheyso shidaalka Soomaaliya, waxa uu sheegay in aysan hadda Soomaaliya u diyaarsaneyn ka faa’iideysiga shidaalkeeda. “Maanta lama gaarin wali maalintii aan sameyn lahayn shaqada Landhan loogu balansan yahay” ayuu yiri Xasan Sh. Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Kalfadhi oo ka hadasha arrimaha Baarlamaanka. Dowladda Somaliya ayaa beenisay in Shirka London lagu iibgeynaayo Shidaalka Somaliya, balse Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Shirkadaha Shidaal qodista qaabilsan qaarkood bogaga Internetka ay ku leeyihiin ay ku soo bandhigeen arrintaasi. “Waa run in ay dowladdu sheegtay ineyan waxaas jirin, laakiin hay’adihii caalamka ee shaqada qabanayey ee marti qaadka sameeyey ayey website-yadooda ku jirtaa” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ka jawaabaya diidmada dowladda ee ah ineysan beec-geyn shidaalka Soomaaliya, ku yiri Kalfadhi. “Waa (public) iska caddahay in konton (50) balook oo dhulka ka mid ah la iibinayo” ayuu hadalkiisa raaciyey. “Anagu in Soomaaliya shidaal laga soo saaro kama soo horjeedno, laakiin uma diyaarsanin oo waa nala dilaa” ayuu yiri Xasan. “Ama dadka Soomaaliyeed hantidaan ay leeyihiin oo uu Illaahey siiyaa la dhacaa, oo dad ajnabi ahaa dhacaa, oo aan laga celin kari doonin berri ama anaga dhexdeenaa isku dirireyna” ayuu yiri Hogaamiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sh. Maxamuud. “Waxa uu leeyahay batroolku nidaam caalamiya, oo aduunyada dalalka batroolka leh oo dhan ay ku dhaqmaan” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Kuwa si fiican ugu dhaqmana wey ka faa’iideyn, kuwa si fiican ugu dhaqmi waayana dhib iyo colaad iyo burbur hor leh ayey ka qaadeen” ayuu hadalkiisa raaciyey. “Anagu marka welwelka aan qabnaa waa labadaas” ayuu kusii daray warkiisa. Waxa uu sheegay in shirkad si caalamiya loola galay hishiis ay adkaan karto in looga baxo ama wax laga beddelo hishiiskii lala galay, hase ahaatee loo baahan yahay in hishiisyada arrintaas la xiriira laga fiirsado inta aan la gelin ka hor. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)- Hal Askari Ayaa Dhaawac Soo Gaadhay Kadib Markii Dablay Hubaysan Weerar Ku Qaadeen Dugsiga Ciidamada Milatariga Degaanka Bixin Ee Gobalka Sanaag. Dablayda Weerarka Qaaday Ayaa Dugsiga Kala Baxay Nin Ku Xidhnaa Kaasi Oo Ahaa Sababta Ugu Weyn Ee Dugsiga Weerarka Loogu Qaaday Si Looga Baxo. Askariga Dhaawacmay Ayaa Gaadhkii Dugsiga Ahaa Waxaana Dhaawacisa La Geeyay Magaalada Ceerigaabo. Axmed Cali Dhuux Oo Ah Taliyaha Dugsiga Bixin Ee Weerarka Lagu Soo Qaaday Ayaanu La Xidhiidhnay Balse Noogama Jawaabin Telefoonkiisa Waxaa Xusid Mudan In Ay Ehel Yihiin Raga Dugsiga Soo Weeraray Taliye Axmed C Dhuux. Xigasho /Weriye Mohamuud Masuul Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ku eedeeyey Villa Somalia in cidda kaliya ee ay dagaalka ay kula jirto ay tahay dadka siyaasad ahaan aan raacsaneyn, kuwaas oo uu ku sheegay saddex dhinac. Qoraal uu Fiqi soo dhigay facebook, hoos ka aqriso. Madaxda Villa Somalai tan iyo intii meesha ay yimaadeen waxey wadaan saddex dagaal: 1. Dagaal ka dhan ah dawlad goboleedyada 2. Mid ka dhan ah madaxdii dalka Soo xukuntay iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo mid. 3. Dawlado saaxiib la ahaa Somalia iyo hey’adaha caalamka qaarkood ay ku qaadeen. Alshabaab iyo Daacish oo umadda Soomaaliyeed laynaysa wax dagaal ahi illaa iyo hadda laguma qaadin, mana muuqato In olole noocaas ah uu socdo!! Shaqada ugu weyn xafiiska Madaxweyne Farmaajo waa dacyaadaynta iyo aflagaadaynta madaxdii asaga ka horaysay ama siyaasiyiin qaabka uu wax u maamulayo kaga aragti duwan, illaa iyo goormee ayay soconaysaa In lacagtii qaranka loo adeegsado aflagaadayn iyo xadgudubyo madax hore. Video-gii shalay baraha bulshada la Soo geliyey ee jacburka ahaa, waxey u muuqataa In lagu daboolayo shirka shidaalka Soomaaliya lagu xaraashayo ee London ka dhacaya maalinta khamiista 07 Febraayo. Caqli noocee ah ayaa lagu sheegi karaa inuu ku jiro qolo waxey madaxdii hore ku dacaayadaynayaan wax ka xun ayagu gacanta kula jira.?! Soomaalida UK iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon In si weyn looga hortago shirka aan sharciga ahayn ee khayraadka Soomaaliyeed sida raqiis ah loogu xaraashayo.
-
Afmadow ( Sh. M. Networj )-Sida lagu baahiyay boggaga Internet-ka ee Al Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay dileen illaa 10 Qof oo isugu jiray Dhaqaatiira iyo Askari ka tirsanaa Ciidamo Kenyaan ah oo dhawaan ka soo gudubay xadka Soomaaliya iyo Kenya. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qarax Miino ay ku dileen Askartaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale Al Shabaab waxa ay sheegeen in ay gubeen labo ka mid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Muddooyinkii u dambeeyay Al Shabaab ayaa kor dhiyay weerarada ka dhanka ah Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ka howlgala K/ Soomaaliya. The post Askar ka tirsanaa Ciidanka Kenya Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
The East African Community (EAC) member states review Somalia’s application to join the block. The official opening of the rebranded East African Business Council (EABC) in Arusha, Tanzania on Friday said it is reviewing the application process tabled the Horn of African Nation. Somalia applied to join the block in 2013. Ever since the East African Community has insisted it was yet to send a verification team to assess Somalia’s level of preparedness. The team would be followed by a verification exercise team to be constituted by the EAC council of ministers, the policy organ of the community. Meanwhile, security concerns raised by the six members’ states of the block are seen as the biggest stumbling block to Somalia’s admission to the East African community. The government of Somalia believes the admission into the regional block will play a key role in boosting the economy of the country while improving the trade relations with its neighbors. The relative calm experienced in several parts of the country in recent years led Somali exports mainly in the fishing and livestock increase. Somalia was admitted into the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA) on July last year increasing the membership of the common market to 21. In a meeting between COMESA officials and Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire in Lusaka, Zambia, the officials resolved to admit the Horn of Africa nation into the 490 million people market on Thursday. The post EAC review Somalia’s bid to join the regional block appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse biixi Cabdi oo ka qayb-galay khudbadna ka jeediyey Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 02-02-2019-ka, waxaanu ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Baardheere ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiimaadiin ahaa oo maanta ka dhacay degmada Baardheere ee G/ Gedo. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay Gaari Noah- ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu weeraray saldhig Ciidamada Itooobiya ay ku leeyihiin Garoonka diyaayradaha magaaladaasi. Gaarigan oo laga shakiyay ayaa la sheegay in Ciidanku ay joojiyeen, kadibna uu ku qarxay halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa DFS oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa 3 ruux oo uu ku jiro ninkii fuliyay weerarkaasi. Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa labo Qof oo kale oo ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceen. Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahiyeen bogagooda Internet-ka Warka ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 16 Askari, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Gedo. The post Al Shabaab Oo sheegtay qarax ka dhacay Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somalia’s Southwest State president, Abdiaziz Hassan Mohamed Lafta-Gareen has on Saturday unveiled his new cabinet in Baidoa city following his election last December. The president announced the list of ten dockets namely finance, interior, planning, education, farming, fishing, trade, labour, and reconstruction in a statement by his office. Lafta Gareen said the decision was made following consultations with the regional parliament and civil society in the administration. The remaining dockets as the deputy ministers and state ministers will be released in the forthcoming days. If approved by the regional parliament, Lafta Gareen cabinet will be one of the smallest across the federal member states in the country. The post Southwest State leader announces his cabinet line-up appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-020219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors