Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,344
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladaha Pakistan iyo Shiinaha oo wada galay heshiis ganacsi oo “yaab” leh Pakistan ayaa laga helaa tirada saddexaad ee dameeraha ugu badan caalamka, iyada oo ay ku nool yihiin in ka badan shan milyan oo xoolo ah markii laga soo tago dalalka Shiinaha iyo Itoobiya. Waxaa dameeraha loo adeegsadaa qeyba badan oo ka mid ah Pakistan xoolo lagu xamaasho. Waxaa caadi ka ah Pakistan inaa ku aragto gaadhi dameerada oo garab soconaya gawaarida kale ee caadiga ah gudaha magaalada Lahore ee dalkaasi. Haatan saraakiisha waddankaasi ayaa doonaya inay lacago cadaan ah ku helaan kheyraadkoodaasi. Sida laga soo xigtay saraakiisha Pakistan shrikado laga leeyahay Shiinaha ayaa doonaya inay ku maalgashadaan lacago malaayiin ah dhismaha shirkado ka ganacsada dameerada. Saddexda sano ee ugu horeyso, dowladda Pakistan ayaa qorsheyneysa inay dhoofiso 80 kun oo dameero ah. Dalka Shiinaha ayaa hilibka dameeraha aad looga isticmaala iyada oo maqaarkuna ka mid yahay cunooyinka nafaqada leh iyo dawooyinka dhaqanka. Halkii dameer ayaa la filayaa in lagu iibiyo sicir gaadhaya in ka badan afar boqol oo lacagta bounka ah. Paksitan ayaa wajaheysa culeys dhanka mushahar bixinta dowladda ah waxa ayna baahi weyn u qabtaa isdhaafsiga lacagaha qalaad si ay sare ugu soo qaado dhaqaalaheeda. Waxa ay ku rajo weyn tahay in dhoofinta dameeraha uu qeyb ka qaadan karo in baahidaasi la daboolo sanadaha soo socda. Qaran News
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey munaasabad lagu xusay 25 guuradii aas aaska ciidamada Somaliland, ayaa sheegay in guuldaradii Dr. Cali Ciise Cabdi ka soo gaadhay Garoowe ay tusaale u tahay sida aan loo wada lahayn deegaanadaas iyo Soomaaliya oo dhan. Muuse waxa uu ka hadlayey collaada Tukaraq oo uu ku sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas abaabulkeeda lahaa. Waxa uu tusaale u soo qaatay Dr. Cali Ciise, Professer Axmed Ismaaciil Samatar, Professor Cali Khaliif Galaydh iyo Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhammaan ku soo hungoobay hankoodii syaasadeed ee Koonfur. Waxa uu sheegay in reer Puntland ay si xun ula dhaqmeen Dr. Cali Ciise, una muujiyeen inuusan ka mid ahayn reerkaas. “Doorashadii lagu galaayey Garoowe waxaa isu soo sharraxay raga Soomaali ugu aqoon weyn mid ka mid ah Somaliland-na hormuudkeedii iyo aqoonteedii ugu horreeyey nasiib darro haddii ay tahay xuduud beeleed baan sameysanayaa dee ninka Somaliland, Laascaanood ka yimi waxa uu ahaa in uu tartanka ka qeyb galo oo wax laga siiyo in la yiraahdo Soomaaliya matihid ee Somalilander baad tahay dib ugu noqo dee mey ahayn intaas baa noogu filan caqliyadda taala Koonfur.” Guuldaraddii Dr. Cali Ciise ka soo gaartay doorashadii Puntland oo ahayd mid la sii saadaalin karay ayaa dadka qaar rumeysan yihiin inay sii fogeysay shacabka Sool Sanaag iyo Cayn oo qaarkood diidan ka mid ahaanshaha Puntland. Hoos ka daawo Muuse Biixi oo ka hadlaya arrinta Cali Ciise iyo arrimo kale Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay weli aqbalin dhawaaqyada Turkigu uu ku doonayo inuu dib u bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoonj), ayaa sheegay in xukuumadu dhawaan cadayn doonto mawqifkeeda ku aadan dhawaaqyada ka soo yeedhay dawladda Turkiga oo sheegtay inay Ergay gaar ah u magacowday wada hadalada. “Waa dhab inuu Turkigu doonayo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin ilaa hadda si rasmiya looma shaacin, si rasmiyana looguma dhawaaqin wada hadalada iyo wakhtiga la qabanayaba, Dawlad ahaana ilaa hadda si rasmiya umaanu aqbalin wada hadalka, go’aan kama dambays ahna kamaanu gaadhin, laakiin go’aanka Somaliland ee wada hadalada Soomaaliya, si rasmiya ayaanu u soo saari doonaa insha allaah, waana ka hadli doonaa”. ayuu yiri Faratoon. Dhinaca kale, Faratoon ayaa ka hadlay Ictiraaf raadinta Somaliland, waxaana uu yidhi “Wadan kasta oo doonaya inuu aqoonsi caalamiya helo, oo uu ka helo Beesha Caalamka, shuruudo ayaa lagu xidhaa, haddii uu Wadankaasi shurudahaas lagu xidhay oo ka soo baxo waa la aqoonsadaa, inaga Somaliland ahaana Shuruud kasta oo looga baahan yahay Wadan la aqoonsan yahay weynu ka soo baxnay” Waxa ii intaas ku daray “Intii aynaan isku biirin Soomaaliya, 1960, waxaynu ahayn dal madax banaan, inagoo laba dal ah ayeynu isku biirnay, haddana dib ayeynu u kala baxnay, waxaana xaqiiqo ah oo aanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamaca Carabta, in aanu nahay dal madax banaan, dawlad madax banaan, oo hagaajista nidaamkooda dawladnimo, qabsaday Doorashooyin xor iyo xalaal ah, ka gudbay nidaamkii Beelaha, una gudbay nidaamka axsaabta badan iyo nidaamka Dimuqraadiyada, waxaanu leenahay Dastuur, Shacabkaygu iskood ayey u doortaan hadba cidda ay doonayaan, waxaanu leenahay Calan noo gaar ah, waxaanu leenahay lacag noo gaar ah, Hay’addihii kala duwanaa ee Dawladnimadu wey dhisan noo dhisan yihiin, mar walbana waxaanu rabnaa in aanu si fiican ula macaamilno oo aanu xidhiidh fiican la yeelano Wadamada kala duwan ee Caalamka iyo kuwa aanu jaarna nahayba, himiladayada, iyo hadafkayga ah in dalkayaga aqoonsi buuxa la siiyo ka daali mayno, ee waanu u dadaalaynaa Xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba, guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee dal iyo dibadba joogana waxaan leeyahay mar walba qadiyadiina soo bandhiga, oo muujiya qaranimadiina” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook wuxuu kaga hadlay waxyaabaha ay ka sugan dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu sheegay inay u harsan tahay muddo labo sano ah, islamarkaana ay ka sugayaan madaxda dowladda iyo madaxda dowlad goboleedyada inay si wadajir ah kaga shaqeeyaan nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka labo sano kadib. Wuxuu sheegay in xiligan oo kale madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu cadeeyay nooca doorasho ee dalka ka dhacday, isaga oo sheegay in sidaasi oo kale dowladda hadda jirta laga doonayo kama dambeys in bisha lixaad ee sanadkaan cadeyso nooca doorasho ee dhaceysa. “Labo sano ayaa idlaatay hoggaanka dawladana wax war ah oo doorashooyinka ku aadan lagama hayo. Madaxweyne Xasan Sheekh markii ay labo sano u dhammaatay wuxuu Baarlamaanka iyo shacabka ku wargeliyey in aysan suuragal ahayn qabashada doorasho qof iyo cod ah”. “Taasi waxy keentay in laga tashado hannaan kale oo beddeli kara. Dawladu waa in ugu danbayn bisha June qorshe cad oo doorashada la xariira miiska soo saartaa, hadii kale in aan dalku doorasho u socon ayey tilmaam u tahay”. “Dadwaynihii aan xalay kula hadlay Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe waxaan ku wargeliyey in mudda harsan ay Madaxdoo idil Federal, Dawla Goboleed, iyo Xisbiyo xooga isugu geeyaan sidii doorasho loo qaban lahaa, hogaanka dalkana waa in uu dadka u run waramaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Portland (Caasimada Online) – Senator-ada laga soo doorto gobolka Oregon ee ku jira aqalka senate-ka Mareykanka ayaa qoray sharci lagu ciqaabayo Sacuudiga, kadib markii ay soo baxday in boqortooyada Sacuudiga ay Mareykanka ka saartay shan nin oo dambiyo loo haysto. Dambiyada raggan loo haysto ayaa isugu jira kufsi ka dhan ah gabdho Mareykan ah iyo dilal. Waxaa ugu dambeeyey dilka Fellon Smart oo ahayd gabar 15 jir ah, oo uu baabuur ku dilay arday Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo Abdulrahman Sameer Noorah, sanadii 2016. Waalidkeed oo markii ugu horreysay arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inay aad uga naxeen inay ogaadeen in qofkii dilay gabadhooda la waayey laba toddobaad ka hor maxkamadiisa, isaga oo gacan ka helaya dowladda Sacuudiga. Baarayaasha dowladda Mareykanka ayaa ogaaday in shirkad qareeno oo ay shaqaaleysay boqortooyada Sacuudiga, ay bixisay boqol kun oo dollar oo ka mid ah hal milyan oo damaanad ah, kadibna dowladda Sacuudiga ay diyaarad khaas ah uga saartay dalka Mareykanka. Sharcigga cusub ee la horgeeyey senate-ka Mareykanka, ayaa waxaa qoray Jeff Merkley iyo Ron Wyden oo laga soo doorto gobolka Oregon ee gabadha lagu dilay. Sharcigan ayaa u ogolaanaya dowladda federalaka Mareykanka inay baarto kiisaska dambiilayaasha dalka ka dhuunta ee ajnabiga ah, islamarkaana laga hor-istaago in marka horeba lagu sii daayo damaanad. Caasimada Online Xafiiska Seattle caasimada@live.com
  6. Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii ayay dawladii soomaaliyeed shaacisay hadal aad loogu farxay oo ahaa in guud ahaan qoomiyada Soomaaliyeed ay yeelan doonaan Afka ay ku hadlaan oo qoran ama Leh Tixraac xuruufeed kaas oo Fududaynaya waxbarashada Islamarkaana xoojinaya aqoonta iyo Akhriska soomaalida maadaama Xiligaas wixii ka horeeyay ay Soomaalidu ahayd bulsho afkooda ku Hadasha balse aan lahayn wax Qoraal ah. Dawladii kacaanka ayaa dedaal Badan ku bixisay horumarinta af Soomaaliga iyagoo isku dayay in uu La mid noqdo afafka kale ee dunida Waxaana ay dad badani xusuusan Yihiin ololihii qorista iyo akhrinta af Soomaaliga. Hase yeeshee burburkii soo gaadhay Qarankii iyo dawladii soomaaliyeed Ayaa dhibaato dhinacyo badan ah u Horseeday qoomiyada soomaalida Waxaana afka soomaaligu uu kamid Uahay dhibanayaasha ay Dhibaatadaasi saamaysay. Laakiin khuburo kamida Aqoonyahanada ku xeeldheer Culuumta luuqadaha ee soomalida ah Ayaa sheegay in marxalad aad u Hoosaysa uu marayo af soomaaligu Isla markaana walaac iyo werwer Laga qabo jiritaankiisa mustaqbal. Dedaalo badan iyo daraasado door ah Ayaa lagu gorfeeyay dajinta naxwaha Afka soomaaliga sida Magac, fal, Fal-kaab, Magac u yaal, Sifo, hadana Sidaasi oo ay tahay wali naxwaha iyo Erayaduba waa qabyo. Qarnigan (21 – aad ) oo isdhexgalka Dunida iyo bulshooyinku ay meel sare marayso maadaama tiknoolajiyada Iyo aaladaha casriga ah ee caalamka kusoo kordhay ay fududeeyeen in dadyoowga caalamka oo dhan ay hal Meel ku wada xidhiidhi karaan ama Iska arki karaan amase ay ka wada Hadli karaan. Loolanka wajiyada badan iyo tartanka ka dhaxeeya dalalka dunida waxa kamid ah fidinta iyo balaadhinta luuqadahooda inkasta oo cilmiga iyo aqoontu ay qofkasta muhiim u tahay hadana waxa xusid mudan in la kala saaro oo aan la isku qaldin macnayaasha aqoonta iyo afka ama luuqada. Sida aynu ognahay aqoontu waa mid guud oo ka dhaxaysa umadaha aduunyada ku nool mana jirto cid gaar u sheegata lahaanshaheeda balse luuqada ama afka hooyo waa astaan iyo calaamad ka turjumaysa jiritaanka qoomiyadeed ee qayb kamida bulshooyinka dunida wadan kastaana wuxuu gaar u leeyahay luuqad u gaar ah. Taariikhda iyo sooyaalka nololeed ee umadaha waxa lagu qeexaa ama ay qiimo ku leeyihiin luuqadooda, Luuqadu waa jiritaanka asliga ah iyo sawraca tilmaameed ee qoomiyadaha dunida. Markasta oo bulshadu yaraso adeegsiga afkaartooda ama ka qayb qaadashada harumarinta iyo kobcinta waa Astaamaha lagu garto burburka luuqada iyo calaamadaha ugu danbayn sababa in luuqadaasi ay ka baxdo khariirada luuqadaha dunida. Hadaba aqoonyahano badan ayaa ka walaacsan sii jiritaanka luuqadeena maadaama oo xukumadaha,ganacsatada iyo dhalinyarada dambe ayna xooga saarin ama dedaal badan ku bixinin luuqada af soomaaliga. Ugu dambayn Ka qayb qaado horumarinta iyo hiilka hantidaada iyo hantida qoomiyadaada oo ah afkaaga hooyo jiritaankiisa. Waxa qorey Khaalid Abdi Muhumed ( Bulshaawi) Qaran News
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___Qubanaha-020219.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Somaliland oo loo yaqaanay Somaliland British protectorate ama mahmiyadii ingiriiska ee dhulka somalida ayaa waxa ay xornimadeedii dawladnimo ka qaatay dalka boqortoyada ingiriiska taariikhdu markay ahayd 26 June 1960 kii, maalmo kooban ka dib ayaa waxa ay somaliland la midowday Somali Italian Colony ama somaliyadii uu haysan jiray gumaystihii talyaanigu 1 july 1960kii iyada oo ujeedaduna ahayd in shantii Soomaaliyeed dawlad iyo dal kaliya isku noqdaan. Dawladnimadaa lagu midoobay waxa loo bixiyey jamhuuriyadii somalia ama somali republic waxaana uu magacii wax wada lahaanshuhu ahaa jamhuuriyada somalia, iyada oo sidaa la yahay ayaa nidaamkii kalitaliska ahaa dalka qabsaday 1969kii iyaga oo magacii iyo nidaamka wax ka bad badelay oo aan laga hadli karayn cidina waxba iska weydiin karayn wakhtigaa oo uu nidaam ciidan iyo xoog dalka lagu haystay. Dalkii waxa uu burburay taariikhdu markii ay ahayd 1991kii , somaliland waxa ay la soo noqotay dawladnimadeedii 1960kii ay ku darsatay somalidii talyaanigu haysan jiray, ka dib markii ay rumoobi wayday himiladii shantii Soomaaliyeed halgano adag oo qadhaadhaa ka dib. Haddaba maanta oo ay Somaliland dawlad tahay 28 sanadood oo ay bilo koobani ka hadhsan yihiin walina aanay haysan aqoonsi caalamiya sababtuna ay tahay waxa lala sugayey inta ay dawlad cagaheeda isku taagta oo lala hadli karo ay noqonayaan dhinacii kale ee ay somaliland wax wada lahaayeen, ayaa waxa dhacay waxyaabo badan oo aan is leeyahay somaliland sidaasi ayey aqoonsi buuxa ku haysataa; Waxyaabaha waxa ka mid ah somaliland cidii ay wax wada lahaayeen ee ay 1960kii wada samaysteen dawladii la odhan jiray jamhuuriyada somalia ama Somali Republic waxa ay ka guureen magacii iyo waxii ay somaliland wax kuwada lahaayeen waxaana ay la baxeen jamhuuriyada federaalka soomaaliya. Markaa su’aalaha isweydiinta lehi waxa weeyaan waxii markii hore la isku darsaday ee lawada lahaa , hadii dhinac sumadii iyo magacii wax lagu wada lahaa ka guureen sidee ayuu noqonayaa sharciyada wada hadalka jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federaalka somalia? Miyaan la isweydiin karin in ay somaliland sidaa aqoonsigeegii sharciga ahaaba ku haysato maadaama iyada oo aan waxba la iska weydiin waxii jamhuuriyadii somalia wada lahayd oo ay cid gaar ahi iska maamulatay , sharciyadii iyo nidaamkii wax lagu wada lahaana ee lagu wada hadli lahaa ay ka guureen oo ay samaysteen dawlad magac kale leh oo la yidhaahdo jamhuuriyada federalka soomaaliya? Isweydiintii iyo aragtidii @Muhamed Dhimbii Source
  9. Madaama wacyiga siyaasadeed ee wadanku ku sugan yahay arimo halis ku ah hab maamulka qaranka, waxa muhiim ah, in xisbigu dib u dhis gudihiisa ku sameeyo, si culays loo saaro xukuumada talada haysa ee kulmiye. Si loo helo mucaarid adag oo shacabka ka difaaca, cadaalad darada, musuqmaasuqa, xadhiga muwaadiniinta ee sifaha sharci daro u xidhan, oo hada aad u sii badanaya. 6px; font-family: inherit;”> Si loo abaabulo dareenka shacabka ee ku dhiban maamulka xukuumada Kulmiye, waxa xisbiga la gudboon iyaga oo muujinaya dareenka shacabka, In si sharciga waafaqsan xisbigu u abaabulo banaan baxyo muujinaya dareenka shacabka, oo ka dhaca lixda gobol ee Somaliland. Waa masuuliyad xisbiga saaran In la abaabulo dareenka shacabka ee taageera xisbiga. Waxa sidoo kale iyana muhiim ah – In xisbigu soo dhiso xoghayayaashi wasaaradaha (opposition cabinet), si meel ku gaadh ah, ka hor shirka golaha dhexe. Waayo, mucaarid aan lahayn opposition cabinet, siduu mucaarid ku noqon karaa? Wasaarad waliba waxay u baahan tahay xoghaye ka war haya hawsha qaran ee ay qabato, sida ay qorshaha dowlada u gudato, waxa u qabsooma iyo waxa ka qabyo ah, si loo helo isla xisaabtan. Constructive criticisms. W/Q Faarax Cigaal Source
  10. Faah-faahin Duqeyn caawa lagu Dilay Amiir oo ka dhacay Gobalka Hiiraan. Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Caawa Diyaarad Dagaal ay duqeyn culus ka fulisay dhul miyi ah oo 15km u jira Deegaanka Ceel cali ee Gobalka hiiraan. Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Ciidamada Xooga dalka ayaa xaqiijiyey in duqeynta uu ku dhintay Amiir dhanka Lacagta u qaabilsanaa Al-shabaab iyo tiro Askar ah goobta ku sugaan sida ay sheegeen. Masuuliyiinta ayaa ka cududaartay in ay faah faahin intaasi ka badan ay bixiyaan iyaga oo sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan. Dowlada Mareykanka ayaa duqeeymo ay la bartilmaameedaaneeyso Al-Shabaab ka wado qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Duqeeyn lagu dilay Saraakiil iyo ciidamo Al-shabaab ah oo ka dhacday Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  11. Bu’aale (Caasimada Online) – Laba ka mid ah horjoogeyaashii ugu muhiimsanaa ajaaniibta Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamada Mareynkanka, ayaa howlgalkan qorsheysan ku bur buriyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayeen kontarool koowaad ee laga galo magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada dhaxe. Xiliga uu howlgalka dhacayay ayaa waxaa goobta ku sugnaa Soomaali iyo ajaaaniib ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Soomaaliya. General Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow, oo ah taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in la burburiyay saldhigii ay Al-Shabaab ku lahayeen kontaroolka laga galo magaalada Buaale General Bogmadow ayaa waxa uu sheegay in saldhigga lagu dhuftay gantaal kadibna ay hawada sare ay kasoo dagteen ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah iyagoona uu sheegay in halkaasi ka fuliyeen weerar toogasho ah, sida uu sheegay. Taliye Bogmadow ayaa xusay in halkaasi lagu dilay 22 dagaalyahano iyo horjagyaal isugu jira Soomaali ajaaanib. Horjoogayaasha ajaaniibta ah ee la dilay ayuu sheegay inay kala yihiin Abuu Suleymaan Ali Abuu Xudeefa, oo kasoo jeeda Yemen iyo Abuu Yaxiid Abuu Maniir, oo aan dhalashadiisa la sheegin. Abuu Suleymaan Ali Abuu ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibadda, sida soo xero-gelinta dagaalyahanada ajnabiga ah, halka Abuu Yaxiid Abuu Maniir oo u u qaabilsanaa tababarada, isaga oo tababara rgaga fuliya weerada isqarxinta. Labadan horjooge ayaa ka mid ahaa kuwaa ugu miisaanka culus Shabaab, waxaana dilkooda uu dhaawac xooggan ku yahay kooxda, sida uu sheegay Jeneral Bogmadow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegtay in uu duqayn cusub ka geystay meel ku dhow degaanka Gandarshe, oo dhinaca Koonfur Galbeed uga aadan Muqdisho, kaasi oo hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu xusay in weerarka cirka ay ku dileen 12 kamid ahaa Al-Shabaab. Gregg Olson, agaasimaha taliska AFRICOM, ayaa shaaciyay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilooni ku soo dabaabilada dalka. AFRICOM ayaa meesha ka saartay in duqayntaan oo ay fuliyeen 1-dii bishaan Febraayo ay ka dhalatay khasaaro soo gaarey dad shacab ah. Bishii December ayay ahayd markii 6 duqayn oo uu Mareykanka ka fuliyay nawaaxiga Gandarshe uu tilmaamay in ay Shabaab kaga khaarijiyeen 62 xubnood. 20-kii bishii hore ee Janaayo ee sanadkaan 2019-ka ayay ahayd markii Mareykanka duqayn uu ka fuliyay gobolka Hiiraan uu tibaaxay in uu ku dilay 24 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada Mareykanka oo ka soo baxay illaa iyo haatan xarakada Al-Shabaab. The post AFRICOM: “Waxaan duqayn cusub ku dilnay 12 Al-Shabaab” appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xarunta Hay’ada dhulka Jubbaland isagoo halkaas u tagay si uu u sharciyaysto guri uu gaar u leeyahay oo ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sidoo kale halkaas kula kulmay qaar kamid ah dadweynaha goobtan u yimid in ay qaatan sharciga dhulka isagoo ka waraystay sida ay shaqada loo hayo u socoto iyo waxyaabaha ay qaar kood ka cabanayaan kuwaas oo joogay Xafiiska Xalinta Khilaafadka ee Hay’ada. Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta uu sharci u sameeyay gurigan uu gaarka u leeyahay oo uu dhistay sanadkii 2005 xiligaas oo nidaam sharciga dhul bixinta sameeya uuna ka jirin Jubbaland waxaa uu intaas ku daray in uu ahaa qof shacab ah oo aan siyaasad ku jirin xiligaas. Madaxweynaha ayaa maray dhamaan Shuruudahii looga baahna qofka sharciyaysanaya guri dhisan isagoo bixiyay lacagtii xaqa loogu lahaa iyo dhamaan shuruudahii kale ee loo baahna. Madaxweynahu wuxuu sheegay in bixinta Canshuurta guryaha ayna cadaynaynin mulkiyada guriga oo ay ka muhiimsan tahay in la sharciyeeyo guryaha la dhisay kahor Dowlada Jubbaland sidoo kalana la cusboonaysiiyo sharciyadii la qaatay xiligii gumaystaha iyo kuwii Dowladii dhexe oo laga yaabo in ay duugoobeen wuxuu intaa raaciyay in dhamaan dhulalka ka baxsan wadada kala qaybinaysa Magaalada Kismaayo iyo Kismaayada cusub ay yihiin dhul Dowladeed oo qofkii dagaya loo sharciyaynayo. Madaxweynaha waxaa uu dadka cabashooyinka iyo muranada dhulka qaba uu ugu baaqay in ay si wanaagsan sharciga u maraan oo aanay wax walba ka dhigin in deg deg lagu dhameeyo maadama muranada qaar ay adag yihiin sidoo kale Maxkamadaha iyo Xafiisyada xalinta khilaafyada dhulka ayuu amray in ay si wanaagsan Bulshada ugu adeegaan oo cabashooyinka dadweynaha ay xaliyaan. Halkan hoos ka daawo Axmed Madoobe Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dil maanta ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dilka oo loo geystay hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Xaawo Shiikhow Faarax ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay Askari ka tirsan ciidamada dowlada. Lama ogga sababta keentay in Askariga uu dilo Marxuum Xaawo, taasi oo kasoo laabtay waqtiga la dilayey Isbitaal, maadaama ay xanuun la tacaaleysay. Cabdixakiin Nuur Xalane, oo ah wiil ay dhashay Marxuum Xaawo oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa codsaday in cadaalada lasoo taago askariga. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Mahad.mp3 Hoos ka daawo sawiradda The post Sawirro: Askari hooyo Soomaaliyeed ku dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  15. DOORASHOOYINKEENII WAXA AY NOQDEEN LA JOOJIYAANA BANAAN, LA JIIFIYAANA BANAAN , KUWII HORENA WAXA AY DHALEEN KU BADEL AAN ISBADEL LAHAYN !!! Labadan shaqsi ee sawirka hoose idiinka muuqdaa waa Madaxwayne Biixi iyo Wasiir Kaahin, markii ay talaabeen ee ay ka yaaceen taliskii afwayne waxa ay da’doodu ahayd 32 jir ilaa 36 jiro meelahaa. Maalinta ay dalka ka talaabeen ee ay u adkaysan waayeen nidaamkii kalitaliska ahaa ee cabudhinta iyo cadaadiska dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadii somalia meel ay tahayba ku hayey, ha u badnaado cadaadiskaasi gobolada waqooyi oo hada Somaliland ah e , dalka gudihiisa kamay jirin fursado kale oo wax lagu badali karaa. Waxa jiray xukunadii afka lagu samayn jiray ee ahaa ku qosle kabtan kufay, ku tiirsade gaadhi sarkaal, qudhmis iyo xun yahow xun ku dhalay, aragti la cabiro iska daaye hadii sawirka maxamed siyaad aad si xun u sawirto ayaaba xadhig aad ahayd. Waxa jeelasha buuxiyey dadkii caqliga iyo aqoonta u saaxiibka ahaa, abwaanadii, dhalinyaro iyo odayadii xaq u dirirka ahaa ee soomaaliyeed, badhna dalka dibadaha ayey uga yaaceen sidii ninba maalin u goosanayey. Markii gudaha waxba laga sixi kari waayey ee la hadli kari waayey laba qof waxba isweydiin kari waayeen ayaa la goostay in lala dagaalamo oo la iska celiyo dagaalkaasi inta uu doono ha qaato e. Dadku dareenka way ka mideysnaayeen laakiin cabsi iyo qabyaalad ayaa lagu qayb-qaybiyey , waxa xusid mudan in aan aan nidaamkii kalitaliska ahaa Maxamed Siyaad aanu jirin cid uu u Aabo yeelayey ee cidkasta oo tawrada ka soo horjeedsata birta ayaa la dhaafinayey. Haddaba maanta aniga oo aan ku masaalayn nidaamkaa, cod iyo caqliba wax ku badeli Karna, haddana waxa aad moodaa in cabudhintii soo badanayso oo dalkii dibada looga yaacayo, abwaanadii ay xidhan yihiin , suxufiyiintii ay dibadaha u yaaceen qaarna xidhan yihiin , waxa kale oo iyaduna muuqata inaga oo isku dan iyo isku duruuf ah in aynaan waxba isku raaci karin sabab qabiil iyo qabyaaladeed awgeed. Adiga oo wax wanaagsan doon is leh hadii aad reernimo ku mucaarido waxa aad hiil u tahay uun xukuumada talada haysa oo waxa ay helaysaa uun taageero iyo reernimo lagu difaaco oo aynu noqono reero isku muuq-muuqda, waxii aad doonaysayna waad iska xumaysay. Maanta waxa dalka ka jira shaqo la’aan baahsan oo haysa kumayaal dhalinyaro ah , guud ahaana dadku ma helaan adeegyadii dawladi bixin jirtay gabi ahaantood , waxa inagu yar cadaalada dhinacwalba, waxa kaliya ee dalka lagu joogay waxa ay ahayd rajo iyo bari ayey dhaami ee bal cagta ha loo yar dhigo. Maanta 18 jir ilaa 70 jir waxa laga dhex calaacalayaa baraha bulshada oo saluug lawada muujinayo , dadkii hanka siyaasadeed ku jiray niyad jab ayaa daashaday marka cid kasta oo kursi loo doortay ay wakhtiga ay doonto iska fadhido oo waxii aynu dhiganay la iskuba xilqaameyn lana ixtiraamayn. Waxa isku si looga niyadjabsan yahay xukuumadii iyo axsaabtii siyaasada , goleyaashii qaranka, sababtuna waxa ay tahay doorashadeenii ayaa noqotay ku badel aan lahayn isbadel, marka aad dadka la sheekaysato waxa ay ka muujinayaan xataa mustaqbalka axsaabtani in ay rajo hagaagsan aanay ku hadhsanayn, waana saansaanta ay ka arkeen uun dadweynuhu. Haddaba ummaddani waxa ay soo gashay halgano badan oo adag oo qori iyo dib u dhis iyo dawlad yagleel ah, waxa dalka ku jira tacab, xoolo iyo xoog waxii umadani lahayd , waxa waliba hogaanka haya kuwii qoriga u qaatey in ay dalka dib u xoreeyaan, walow halganka laga dhigtay shaadh kursiga lagu gaadho , hadana waxa laga filayaa in ay halkaa hore uga sii wadaan oo aanay qaranka quwad jabinin. Waxa hubaal ah in huursanaanta iyo hugunka dadka ku jiraa uu maalin aan fogeyn furka tuuri doono, hadii aan Alle swt nasri kale inoo bixin oo aanay dalka wax furfurmin oo shaqooyin iyo nolol xoriyaatkeeda, doorashadii iyo shuruucdeedu ilaashan tahay aan maanta loo hawl galin. Waxa wanaagsan oo ay dadweynuhu qiimo ku yeelanayaan iyada oo loo midoobo waxwada qabsi iyo la xisaabtan dawladeed oo aragtida iyo cuquusha dadka laga saaro reer hebelkan siyaasigu ku danaysto, oo inaga oo isku dan iyo duruuf ah la inagu kala ootay xeryaha. Maanta aduunka waynu la soconaa, baraaruga bulshada iyo awooda shacabku isbadelada ay keenayso , waana muhiim in lagu ogaado in aad wax ku badali karto maalmo kooban oo aan la inaga dhigan sidan maanta aan waxbaba cidi isaga tirinayn dadweynaha. Qalinkii @Muhamed Dhimbii Qaran News
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmooyinka Dhoobleey iyo Af-madoow ayaa tibaaxaya in xalay saqdii dhexe dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya. Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in weerarkaasi uu ku bilawday qaraxyo la dhigay bartamaha adada xiriirsa Dhoobleey iyo Af-madoow oo ay Kolonyada Ciidamada Kenyanka ah ku socdaalayeen. Qaraxaasi dabadeed waxaa la sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar fool ka fool ah ku qaadeen ciidamada Kenyaanka ah, waxaana lasoo warinayaahabaab khasaaro ka dhashay weerarkaasi oo aan la cayumin. Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi gaadmada ah ay Ciidamada Kenyaatiga ah kaga gubeen labba gaari oo midi uu ahaa gawaarida gaashaam oo ay wateyn ciidamada la weeraray. War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada ciidamada Kenya khasaara lixaad leh lagu gaarsiiyay, isbuucii lasoo dhaafay ugu yaraan 10 askari Kenyaan ah oo uu kamid ahaa dhaqtarkoodi gaarka ahaa ayaa lagu dilay weerar jidgal ah. Kenya dhankooda kama aysan hadal weerarkaani lagu qaaday ciidamadooda ku socdaalayay inta u dhaxaysa Degmooyinka Dhoobleey iyop Afmadoow. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargaysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka ka qaybgalay sannad guurada 25aad ee aas aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 02-02-2019, markii dhidibada loo taagay ciidan qaran oo Dalku yeesho. Madaxweynuhu markii uu gaadhay goobta lagu qabanayey xuska sanad guurada aas aaska ciidanka waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, waxaanu kormeeray dhismeyaal cusub, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray madaxweynuhu laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda oo laga hirgeliyey xarunta birmadka iyo miiska saraakiisha ciidanka, waxaanu madaxweynuhu ku soo noqday goobta xafladu ka dhacaysay oo lagu soo bandhigay riwaayad la magac baxday gacmo wadajir oo ay jilayeen fannaaniinta ciidanka qaranku, markii ay dhamaatayna waxa khudbado ka jeediyey halkaasi taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ka warbixiyey wixii u qabsoomay ciidanka sanadkii la soo dhaafay iyo Wasiirka Gashaandhiga Somaliland, mudane Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo isaguna ka hadlay dedaalada ciidamada qaranku ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada dalka iyo dadka, isagoo ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland. Maaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad taariikhiya ayaa yidhi “Waxaan Hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka Somaliland, Jannanada, Saraakiisha, Saariil xigeenada, Dablayda iyo xaasaskoodaba sannad guurada 25aad ee Ciidanka Qaranka, Ilaahay waxaan uga rajaynayaa horumar guud ahaan iyaga iyo Xaasaskoodaba iyo in Ilaahay sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo Barwaaqo iyo horumar. Qaranku wuxuu uga mahadnaqayaa Ciidanka difaaca ay ugu jiraan qaranka iyo in ay yihiin dhidibada 1aad ee ilaalinta qaranka, Dawladdnimadu waxay ku fadhidaa saddex qodob waanay kala horeeyaan, ka ugu horeeya waa Ammaanka, ammaankana ciidamadaa inoogu horeeya markaa ciidamada kala duwan waa inaan siinaa mudnaanta Koobaad, hadday tahay ammaan Mahadnaq, Sharaf, Xurmayn iyo dhaqaaleba, Xukuumaddan maanta joogtana taasaa u ah mudnaanta koobaad. Mudnaanta labaadna waa in tallo laysku wada kalsoon yahay la helo taasoo lagu helaayo sida xeerarkeenu dhigayaan in Xilka hoggaamintu yahay meerto, oo goleyaasha qaranka ee la doortaa gole waliba uu wakhtigiisa ku bedelmaa, oo shacabku mar labaad codkooda bixiyaan hadday tahay Madaxtooyo, hadday tahay guurti hadday tahay Baarlamaan iyo hadday tahay Dawladdo hooseba, waayo waxaa dan loo mooday oo Caalamka oo dhami eegay in Shantii sanno ama Lixdii sannaba mar la bedelo golahaasi si loo helo ama kii hore loogu celiyo ama dhiig cusub, dadkana taladu u sinaanto markaa waxaan u baahan nahay inaynu kaana ka dhigno qodobka Labaad ammniga iyo talada, taladii haddii la waayo la socon maayo, taladuna socon mayso haddaan ammnigu ka horayn. Ta Saddexaadna waa dhaqaalaha in dalka dhaqaalihiisu markaa kor u qaadmayo, Dhaqaaluhu ma qaadmayo oo hore u marimayno haddaynaan ammaan hayn iyo talo wanaagsan oo lagu wada socdo, markaa waxaan leeyahay ciidamada qaranka aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa, xilkoodii koobaad way guteen, ummaddana waxay ku leeyihiin sharaf qadarin haddaynaan wax kale u hayn iyaga iyo ubadkooda iyo xaasaskoodaba, laakiin maanta hawlaha badan ee inaga badan duruufahaa inaga dhimay”. Madaxweynaha oo ka hadlayey mustaqbalka ciidanka Qaranka ayaa yidhi “Maanta Ciidankeena Qaranka waxaan Ilaahay idinka rajaynayaa inaynu gaadhno oo aan goob joog ka noqdo isagoo leh Ciidankii Cirka, waa riyadayda Ilaahay idankiina waan gaadhi doonaa isagoo leh Ciidankii Badda oo baddeena dhereran Maraakiib daafacda oo Maraakiib waa weyn oo Ciidanka Hoggaaminaya ay gaadhaan Ilaahay idankii waan ka rajaynaynaa waanan u hawl gelaynaa inuu Ciidankeenu yeesho Gantaalaha ridada dheer ee cadowgu ka baqdo”. Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey Dalalka deriska iyo caalamka ayaa yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa inaan caddeeyo inay Somaliland jaararkeeda iyo Caalamkoo dhan nabad ugu baaqayso, nabad baan u baanahay dal dhismayaanu nahay ciddna duulimaad kuma nihin, cid walba nabad baanu ka rabnaa, waxaase la yaab leh Dawladda maanta Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Kheyr ee Xamar ka dhisani ilaa maalintii la doortay ilaa maalinkaa maanta ah, waxa ay weerar joogto ah oo qaawan oo dhinacwalba leh ay ku hayaan Qaranka Somaliland, Dagaaladaa laga sheekaynayey waa joogto, Dagaalka Dhaqaale waa joogto, ka Cuna qabatayni waa joogto, ka been abuurka ahi waa joogto, Waxaa la yaab leh oo taariikhdu inoo sheegaysaa dagaal cid guul ku gaadha waa la waayey Soomalina Soddonkii sanno ee u danbeeyey dagaal uun bay ku jirtay waanay wada degtay, caqliga toosani Soomaalidu maanta meelay joogtaba waxay u baahan tahay inay talo gaadhaan oo ay tashato, laakiin waxaan arkayaa dawladda maanta Xamar ka dhisan ee Baydhaba weeraraysa ee dadka ku laynaysa, ee Kismaanyo u hub samaysanaysa ee Putland dirqi kaga baxsatay ee Somaliland dagaalka ku haysa ee iyada ay ilaalinayaan ciidamada Qaramada midoobay, ilaahay waxaan uga rajaynaynaa inuu Fidmadeeda inaga nabadgeliyo, innaguna waynu u diyaar garoobaynaa wixii ay dhibaato inoola yimaadaan dhinacwalba inaynu iska daafacno. Waxa soo baxay oo Dawladda Xamar ee Farmaajo iyo Kheyre keeneen inay yidhaahdaan Somaliand xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu dhigteen Xuduudihii isticmaarka ee Africa lagaga tegay aqbali mayno, ee waxaanu samaynaynaa xad beeleed. Waxaa la yaab leh markii isaga la dooranayey (Farmaajo) waxaa la tartamay oo raggii meesha ugu aqoon badnaa ugu cadcaddaa ka mid ahaa Axmed Ismaaciil Samatar, Markii doorashadii xamar dhamaatayna waxaa la yidhi orod dalkaagii qabo oo ku noqo, waxaanu ahaa ninka juhdiga u badan geliyey Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimi wuu inoo waramay, Ismaaciil Buubaa baa ka horeeyey oo Toban sanno u ahaa Wasiirka Khaarajiga wuu inoo yimi wuu inooga waramay waxa meeshaa yaalla. Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya arrimaha Somalialnd waxa uu yidhi “Somaliland in la wada leeyahay Makhraatigeeda waxaa ah Daahir Rayaale Kaahin oo kaga guulaystay Doorasho gacmeed oo hal qof iyo hal cod ah Siilaanyo oo ahaa Hoggaamiyihii SNM oo lagu qaabilay oo Sideed sannadood ku xukumayey dalka. Makhraatideeda Somaliland in la wada leeyahay waxaa ah Xagglo-toosiye oo la tartamay Saylici oo ku sigay oo dirqi dirqi kaga baxsaday inuu ka reeyo. Doorashada hadeer la go’aamiyey inay inoo qabsoonto December sannadkan, Walaalayaal haddii aynaan doorashooyinka dimuqraadigaa gelin haddaynaan Goleyaasheena wakhtigooda dooran, haddaan goleyaashu doorasho noqon taladu waa inaga xumaanaysaa, taladu wadaagay ku wanaagsan tahay. Madaxweynuhu mar uu la ka hadlay xisbiyada qaranka waxa uu yidhi “Xisbiyada Qaranka waxaa waajib ku ah inay xaliyaan wixii dhibaato ah ee iyaga khuseeya ee Doorashada ku gudban, diyaar baanu u nahay dood kasta inaan xal nabad ah u doono waxaanse xalka gaadhaynaa xisbiya qaranka haddaan nahay marka aynu siino mudnaanta inay doorasho inoo qabsoonto, haddaynu mudnaanta siino muran yar oo dhexdeena taagan Walaalayaal gaadhi mayno doorashada. Waxaan leeyahay waxyaabaha yar yar ee doorashooyinka horyaala waynu dhamayn karnaa waynuna dhamayn jirnay, aynu isaga nimaadno aynu dhamayno, hala eego doorashada oo yaan la eegin waxa yar ee ina horyaala, dawladd ahaana diyaar baanu u nahay xisbi ahaana diyaar baanu u nahay in la wada hadlo doorashada wakhtigeedii lagu qabto oo aanay mar labaad dib inooga dhicin, golaha guurtidana aynu raadino xeerkii lagu dooran lahaa. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Idsbedelka geeska afkrika waxaanu yidhi “Somaliand isbedelka ka socda geeska Africa qof waliba isbedelkaa dantiisuu ka eegayaa, Somaliland isbedelka wixii u dan ah ayuun bay ku dhaqaaqaysaa ciddii ay iskaashan karaana way kaashanaysaa, ciddii ay is kaashan kari waayaana ammaan bay siinaysaa”. Wa-bilaahi tawfiiq Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa galabnimadii maanta soo gaarey magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro iyo Xildhibaan ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka dalka ayaa ka qayb-qaatay soo dhawaynta Madaxwayne Lafta Gareen. Lafta Gareen oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa umahad-celiyay xubnaha soo dhaweeyay, isaga oo shaaciyay in ujeedka safarkiisu yahay mid shaqo. Socdaalka uu Madaxwayne Lafta Gareen uu ku yimid magaala madaxda wadanka ayaa kusoo aadaya iyada oo uu maanta magacaabay wasiiro cusub, kuwaasi oo kamid noqonaya Gollaha xukuumada ee dowlad goboleedkaan. The post Madaxwaynaha K/Galbeed oo socdaal ku yimid Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-020219.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Gudida diiwaangalinta ururada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta qaranka ayaa waxa ay go’aan ka gaadheen codsigii ugu yimid Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) ee ahaa in la hakiyo shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee shaaciyay in lagu qabanayo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Halkan hoose ka akhriso go’aan ka soo baxay guddiga: Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Hantidhawraha Guud oo Soo Bandhigay Kiisas Musuqmaasuq & Dhukumentis Foojari ah oo lacag badan lagu lunsaday oo ay gacanta ku dhigeen+Cidda lagu hayo & Dadka loo xidhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. (SLT-Berbera)-Intaan dhoolla tuska dhanka hawl galadda badda ah aanay labada ciidan wada samayn waxaa ciidanka Badda Somaliland lagu tababaray xeeladaha ciidanka baddu u hawl galo iyo siyaabaha ay u soo samato bixin karaan cidda qarqoonta ee gurmad ka soo dalbata. Waxaana tababarla ciidanka badda Somaliland siiyay Markab dawladda Isbayn (Spain) ay leedahay oo qayb ka ah hawlgalka Midawga Yurub, tatabarkaas oo ciidanka Badda Somaliland ay ku qaateen xeebta Berbera ee gobolka Saaxil. Tababarro kala duwan oo lagu qabtay xeebaha Berbera ayaa isugu jiray kuwo tijaabo ah, kuwo casharro ay ku qaadanayeen saraakiisha ciidanka badda Somaliland iyo askarta lafteeduba. Waxaana dhoolatuska labada ciidan ay wada sameeyeen goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland Adminaral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo saraakiisha ka socotay ciidanka Midawga Yurub ee Markabka Isbayn laga leeyahay hoggaaminayay iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland. Masuuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo saraakiisha ciidanka badda ayaa fuulay Markabka Isbanishka ah, islamarkaana falanqayn iyo tababarro ku dul qaatay waxaanay goob joog u ahaayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca oo Markabka ka dul kacaya kuna soo degaya. Waxa saraakiisha ciidanka badda Somaliland la siiyay tababar iyo hawlgallo ku saabsan samata bixinta iyo xeeladaha helista dadka qarqoomay ee la soo xidhiidha waxaana lagu tababaray carbinta dadka badda galaya. Dhoollatuska labada ciidan wada sameeyeen ayaa ku soo dhammaatay hannaan ay isla jaan qaadeen isla markaana iska kaashan karaan waxyaabo badan oo la xidhiidha dhanka hawl gallada badaha iyo ka hor tagga budhcad badeedda iyo samatobixinta dadka qarqooma. Source