Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,345
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Cabdillaahi Geeljire) ayaa waxa uu dhaliilay guddiga Ictiraaf raadinta, isaga si weyn baraha bulshada u qabsaday ku muujiyay guddigaasi. Halkan hoose kag boggo sawirka iyo qoraal kooban oo soo dhigay bartiisa facebook-ga: Source
  2. Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. Goob jooge ayaa inoo sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen nawaaxiga Mukeyga Afgooye. Inkastoo uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkan ayaa hadana si rasmi ah loo hayn tirada dadka ku waxyeeloobay dagaalkaasi. Xaaladda degmada Afgooye ayaa ah mid deggan, hase ahaatee waxaa socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda federaalka. Ciidamada dowladda oo kasoo baxay fariisimaha deegaanno ku dhow Afgooye iyo duleeyada degmadaasi ayaa sababa u noqday in Al-shabaab ay weerarka Afgooye xoojiyaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kulan xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed. Kulanka Ra’iisul wasaaruhu la yeeshay ganacsatada oo uu goob joog ka ahaa wasiirka ganacsiga, ayaa looga hadlay muhiimmadda u diyaar garoowga sidii ay ganacsatadu ula jaan qaadi lahaayeen maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee dalka ku soo wajahan, kadib xaqiijinta himilooyinka Tubta Hurumarinta Dhaqaalaha. “Ganacsatadeennu waxa ay ku soo shaqeeyeen xilli adag, sidaa darteed waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay ilaalinta ganacsigooda. Xukuumaddu waxa ay diyaarineysaa dhammaan sharciyada damaanad qaadaya hor-tebinta shirkadaha waddaniga ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siinaysa horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha, si taa looga dhabeeyana dawladdu waxa ay horay u qaaday tallaabooyin muhiim u ah oo ay kamid tahay dar-dar gelinta shaqooyinka Tubta horumarinta dhaqaalaha. Himilooyinka Tubta Horumarinta dhaqaalaha hal-beegyada ugu waawayn waxaa kamid ah ka guul gaaridda qorshaha dayn cafinta taas oo fudayn karta kobac dhaqaale oo ballaaran iyo maal-gashi shisheeye, oo ay ka abuurmayaan fursado shaqo. The post R/wasaare Khayre Oo la kulmay ganacsatada dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Muqdisho)-Millatariga Mareykanka ayaa sheegay inay dileen 13 xubin oo ka tirsan Al-shabaab, meelo 48 km dibadda ka ah caasimadda Muqdisho. Duqeyntan ayaa jimcihii ka dhacday agagaarka Gandarshe ee gobolka Shabeellada hoose, qoraalka waxaa lagu sheegay in Gandarshe tahay meesha laga soo abaabulo qaraxyada Muqdisho. December ayey aheyd markii Mareykanku sheegeen in isla magaalada ku dileen 62 ka tirsan Al-shabaab. Khamiistii, duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxaa ay sidoo kale sheegeen inay dileen 24 Al-shabaab ah. Weerarka Jimcaha waa kii 10aad ee sanadkan, sanadkii hore waxaa ay Mareykanka fuliyeen 50 weerar. Source
  5. Nairobi (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in madaxda dowladda iyo maamulada looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan barnaamijka is cafinta. Isaga oo ka qeyb galayay munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi oo lagu soo dhaweynayay madaxda cusub ee Puntland, ayuu ka sheegay magaalada Garowe inay kulmisay masuuliyiin muddo xurguf siyaasadeed ay ka dhaxeysay. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in xafladii ka dhacday magaalada Garowe sido kale ay isku arkeen dad siyaasiyiin ah oo deris ah balse aan sanado wada hadal, isaga oo madaxweynaha Puntland ku amaanay dadaalka uu sameeyay. Dhinaca kale mar uu ka hadlayay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayuu weeraray madaxda dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inaysan u suuragalin sidii ay doonayeen. Wuxuu sidoo kale si kaftan ah u sheegay in ciidamo AMISOM ah aysan ku sugnayn deegaanada Puntland, islamarkaana aysan suurogal aheyn ruuxii kahor yimaadaa inay AMISOM xiraan, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka daawo muuqaalka Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Xildhibaan-Mahad-Maxamed-Salaad.mp4 Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  6. Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay dileen 13 xubin oo ka tirsan Al-shabaab, meelo 48 km dibadda ka ah caasimadda Muqdisho. Duqeyntan ayaa jimcihii ka dhacday agagaarka Gandarshe ee gobolka Shabeellada hoose, qoraalka waxaa lagu sheegay in Gandarshe tahay meesha laga soo abaabulo qaraxyada Muqdisho. December ayey aheyd markii Mareykanku sheegeen in isla magaalada ku dileen 62 ka tirsan Al-shabaab. Khamiistii, duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen gobolka Hiiraan waxaa ay sidoo kale sheegeen inay dileen 24 Al-shabaab ah. Weerarka Jimcaha waa kii 10aad ee sanadkan, sanadkii hore waxaa ay Mareykanka fuliyeen 50 weerar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Moscow)-Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday iney si rasmi ah uga tallaabsatay heshiiskii xakameynta gantaallada riddada dhexe ee Nuclear-ka, kaasoo la hirgaliyay xilligii dagaalki qaboobaa ee dunida. Tallaabada Ruushka ayaa daba socota go’aan uu shalay oo Jimce ahayd Mareykanka qaaday isla markaana uga baxay heshiiskaas xakameynta hubka wax gumaada. Xukuumadda Washington ayaa go’aankeeda u sababeysay eedeyn ay Moscow ugu jeedisay iney xushmeyn weysay heshiiskaas. Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in waddankiisu uu dib u billaabayo sameynta gantaallo cusub oo xambaara nuclear. “Mareykanka oo aan heshiiskan iskula jirnay waxay ku dhawaaqeen iney ka baxayaan dhankooda, annaguna sidoo kale ayaan uga baxeynaa”, ayuu yiri Putin. “Dhammaan yaboohyadii aan horay usoo jeedinay dhankeenna, si xal loo helo, wali miiska ayey saran yihiin, albaabada wada xaajoodkana wey furan yihiin”, ayuu sii raaciyay. Heshiiska xakameynta hubka halista ah oo ay Mareykanka iyo midowgii Soviet ee USSR kala saxiixdeen sannadkii 1987-kii ayaa labada waddan ka mamnuucayay iney isticmaalaan gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe ee xambaara qumbuladaha nuclear-ka. Aroornimadii hore ee Sabtida ayuu xog hayaha guud ee isbahaysiga Nato, Jens Stoltenberg u sheegay BBC-da in go’aankooda la isku wada ogyahay. “Guud ahaan xulafadeenna Yurub waxay Mareykanka ku raacsan yihiin go’aankaas, sababtoo ah ruushka sannado badan ayuu ku xad gudbayay heshiiska. Mar walba wuxuu gantaallo dheeraad ah ku sii diyaarinayaa gudaha qaaradda Yurub”, ayuu yiri Stoltenberg. Hase ahaatee mas’uuliyiinta Ruushka ayaa iska fogeeyay eedeymahaas ku saabsan ku xad gudubka xakameynta hubka Nuclear-ka. Source
  8. Haweenka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Caynaba ayaa si iskood ah waxa ay u sameeyeen olole nadaafadeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan kaamka Barwaaqo. Waxa ay haweenkan oo la hadlay Goobjoog ay sheegeen in maadaama ay iyagu ku nool yihiin kaamkan aanay jirin cid ay ku tashadaan dhanka nadaafadda. “Maadaama aan innagu ku noolnahay kaamkaasi waxaa waajib nagu ah in aan nadaafaddeena ka shaqeynno, waxaan isku xil saarnay annaga oo aan wax qalab ah haysan hadane inaan nadaafadeenna ka shaqeynno” sidaasi waxaa yiri qof ka mid ah haweenka Barakacayaasha ee ku nool kaamka barwaaqo. Ugu dambeyn, Haweenkan sameeyey nadaafadda ayaa ka dalbaday hay’adaha arrimahaasi ku shaqada leh iney lasoo gaaraan qalab ay qashinka isaga guraan iyo sidoo kale kuwii lagu xaaqi lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Askari ka tirsan Ciidammada Booliska Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho, ayaa shalay toogtay Hooyo Soomaaliyeed oo heysata Sideed Carruur ah. Hooyada la dilay oo lagu magacaabi jiray Xaawo Shiikhoow Faarax ayaa waxaa toogtay, iyadoo saaran Moota Bajaaj Askari ku sugnaa Isgoyska Bakaaraha qeybta xigta dhinaca degmada Howlwadaag, dhaawac daran oo ka soo gaadhay rasaasta ka haleeshay qeybta sare ee jirka ayaa sababtay in marxuumada ay ku geeiryooto waddada intii Cisbitaalka loo sii waday. Saraakiisha Saldhigga booliska ee degmada Howlwadaag, ayaa ehelka u sheegay inuu gacanta hay’adaha ammaanka ka baxsaday Askariga dilka geystay, balse ay socdaan howlgal lagu baadi goobayo gacan ku dhiiglaha. Source
  10. Saraakiisha ciidamada ammaanka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa faah faahin dheeraad ah waxay ka bixiyeen qaabkii ay kaga hortageen qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo shalay ka dhacay duleedka degmadaasi. Daad Cismaan Axmed, taliyaha ammaanka degmadaasi oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ay hayeen xogta gaarigaasi, islamarkaana ay kaga hortagee magaalada banaankeeda ah. Taliyaha ayaa tilmaamay in gaarigan lala damacsanaa in lagu qarxiyo gudaha degmada Baardheere, hase ahaatee ay kaga hortageen magaalada Banaankeeda. “Waan ka hortagnay qaraxaasi oo magaalada lala soo damacsanaa, ciidamadeenna habeenkii ayeeyba duurka kusii hoydeen si ay gaarigaasi kaga hortagaan, raggii watey kadib wey is qarxiyeen” ayuu yiri taliyaha. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintey Afar qof oo Labo ka mid ah yihiin ciidamada Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa amaro kasoo saartay hubka ciidamada dowladda leeyihiin ee sida sharcci darada loogu heysto xaafadaha magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta xeer ilaalinta maxakamada ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in kiisas badan oo la helay ay muujiyeen in ciidamada dowladda hubkooda lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Muqdisho. Sidoo kale masuuliyiinta xeer ilaalinta ayaa sheegay in xaafadaha qaar lagu heysto hub aan aheyn kan dowladda Soomaaliya, balse dhawaan la bilaabi doono howlgalao hub ka dhigis ah. ”Kiisaska la horkeeno Maxakamada intooda badan hubka dambiyada lagu galo waa Hubkii Ciidamada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo suuqyada,Waxaan baari doonaa hantida Ciidamada ee sida qaldan loo isticmaalay”ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta. “Waxaa jiro dad aan kamid aheyn ciidamada qalabka sida oo heysta hub culus oo sharci daro ah, kuwo ciidamada dowladda ka tirsan ay hubka u adeegsadaan qaab aan nidaamka dowliga aheyn, waxaana socdo qorshe dadkaasi wax looga qabanayo”. “DHamaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida waxaa laga sugayaa inay ciidankooda ka joojiyaan gaadiidka gaashaaman ee iska yaala xaafadahooda, xubin kasta oo ka tirsan ciidamada xooga dalka, oo ku takri fasha, burburisa ama iibisa waxaa laga doonayaa in xeer ilaalinta si loogu ciqaabo dadka ay quseyso” ayaa lagu yiri qoraalka xeer ilaalinta. Arinta ayaa u muuqata mid ka dhalatay cabsi badan oo laga qabo in hubka aan sharciyeysneen lagu geysto falal dambiyeed ka dhan ah dowladnimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Baardheere ( Sh. M. Network )-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay magaalada Baardheere ee G/Gedo. Howlgalladan oo shalay soo bilowday, islamarkaana soo gaaray saaka ayaa waxa ay Ciidanku ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi. Ismaaciil Cabdi Qorax guddoomiyaha degmada Baardheere oo la hadlay Shabell ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in baaritaanadan lagu soo qab qabtay dad badan, islamarkaana ay kala saari doonaan, si loo sii daayo kuwa aan dambiga laheyn. Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in u jeedka howlgalladan uu ahaa, sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Shalay ayey aheyd markii weerar loo adeegsaday qarax Ismiidaamin ahaa lagu qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Garissa ( Sh. M. Network )-Sida lagu baahiyay barta Internet-ka Al Shabab ayaa lagu sheegay in qarax nuuca Miinada ah ay la beegsadeen Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya, xilli ay marayeen deegaanka Amuume oo hoostaga magaalada Garissa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Warkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu shaaciyay in qaraxaasi ay ku dileen dhammaan Askartii saarneyd Gaarigaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi. Sidoo kale ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Kenya ka soo gaaray weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo sheegtay qarax lala eegtay Ciidanka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  14. JAMHUURIYADA SOMALILAND CIDII AY WAX ISKU DARSADEEN LAMA ODHAN JIRIN JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOMALIA EE YEY LA HADLAYSAA ? !!! Qalinkii: Muhamed Dhimbiil Somaliland oo loo yaqaanay Somaliland British protectorate ama mahmiyadii ingiriiska ee dhulka somalida ayaa waxa ay xornimadeedii dawladnimo ka qaatay dalka boqortoyada ingiriiska taariikhdu markay ahayd 26 June 1960 kii, maalmo kooban ka dib ayaa waxa ay somaliland la midowday Somali Italian Colony ama somaliyadii uu haysan jiray gumaystihii talyaanigu 1 july 1960kii iyada oo ujeedaduna ahayd in shantii Soomaaliyeed dawlad iyo dal kaliya isku noqdaan. Dawladnimadaa lagu midoobay waxa loo bixiyey jamhuuriyadii somalia ama somali republic waxaana uu magacii wax wada lahaanshuhu ahaa jamhuuriyada somalia, iyada oo sidaa la yahay ayaa nidaamkii kalitaliska ahaa dalka qabsaday 1969kii iyaga oo magacii iyo nidaamka wax ka bad badelay oo aan laga hadli karayn cidina waxba iska weydiin karayn wakhtigaa oo uu nidaam ciidan iyo xoog dalka lagu haystay. Dalkii waxa uu burburay taariikhdu markii ay ahayd 1991kii , somaliland waxa ay la soo noqotay dawladnimadeedii 1960kii ay ku darsatay somalidii talyaanigu haysan jiray, ka dib markii ay rumoobi wayday himiladii shantii Soomaaliyeed halgano adag oo qadhaadhaa ka dib. Haddaba maanta oo ay Somaliland dawlad tahay 28 sanadood oo ay bilo koobani ka hadhsan yihiin walina aanay haysan aqoonsi caalamiya sababtuna ay tahay waxa lala sugayey inta ay dawlad cagaheeda isku taagta oo lala hadli karo ay noqonayaan dhinacii kale ee ay somaliland wax wada lahaayeen, ayaa waxa dhacay waxyaabo badan oo aan is leeyahay somaliland sidaasi ayey aqoonsi buuxa ku haysataa; Waxyaabaha waxa ka mid ah somaliland cidii ay wax wada lahaayeen ee ay 1960kii wada samaysteen dawladii la odhan jiray jamhuuriyada somalia ama Somali Republic waxa ay ka guureen magacii iyo waxii ay somaliland wax kuwada lahaayeen waxaana ay la baxeen jamhuuriyada federaalka soomaaliya. Markaa su’aalaha isweydiinta lehi waxa weeyaan waxii markii hore la isku darsaday ee lawada lahaa , hadii dhinac sumadii iyo magacii wax lagu wada lahaa ka guureen sidee ayuu noqonayaa sharciyada wada hadalka jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federaalka somalia? Miyaan la isweydiin karin in ay somaliland sidaa aqoonsigeegii sharciga ahaaba ku haysato maadaama iyada oo aan waxba la iska weydiin waxii jamhuuriyadii somalia wada lahayd oo ay cid gaar ahi iska maamulatay , sharciyadii iyo nidaamkii wax lagu wada lahaana ee lagu wada hadli lahaa ay ka guureen oo ay samaysteen dawlad magac kale leh oo la yidhaahdo jamhuuriyada federalka soomaaliya? Isweydiintii iyo Aragtidii @Muhamed Dhimbiil Qaran News
  15. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-030219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisoow) ayaa guddoomiyay kulanka gaar ah oo lagu meel-mariniyey qorshe howleedka Maamulka Gobolka Banaadir ee sanadkan 2019-ka. Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir ayaa mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshahan, iyagoona bogaadiyey xeel-dheerayaashii Soomaaliyeed ee asteeyey qorshe taabanaya nolasha bulshada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray dhammaan masuuliyiinta degmooyinka iyo heer Gobolba in laga dhabeeyo fulinta qorshe sannadeedka 2019-ka, isagoona adkeeyey maamul wanaagga iyo in si siman loogu adeego dhammaan bulshada Gobolka Banaadir. Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in kororka qoondada loo qorsheeyey baahinta adeegyada asaasiga ah, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo ilaalinta bilicda ay ka tarjumayso hiigsiga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan sanadkan 2019-ka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan xal u helista dhibaatooyinka nololeed ee dadka barakacayaasha ah iyo qoraheyaasha kale ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashada dawladda ee asaasiga ah oo haatan Maamulka Gobolku ay gacanta ku hayaan waxbarashada 12 Kun oo arday. Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa shacabka Caasimadda kula dardaarmay xoojinta xiriirka ay leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay maleegayso, sidoo kalena ay ilaaliyaan hanti guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dib u dhiska lagu sameynayo. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo si rasmi ah u meel-mariyay Qorshe hawleedkiisa 2019-ka appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM, ayaa faah-faahin ka bixiyay hawlgal ka dhan Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Mareykanku uu sheegay inuu hawlgalkaas khasaare xooggan ku gaarsiiyay Al-shabaab. AFRICOM ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Somalia ay beegsadeen deegaanka Gandarshe oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogag ka mid ah Al-shabaab. Sidoo kale, Taliska ayaa sheegay intii hawl-galku socday ay ka qayb-qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka, laguna dilay duqeyntaas 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay ku burburiyeen xero ay halkaas ku lahaayeen. “Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadidda beegsiga Al-shabaab si ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo inaan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uusan soo gaarin shacabka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AFRICOM. Muddooyinkii dambe ayay diyaaradaha dagaalka Mareykanka waxay duqeyn ka geysanayeen deegaanno kala duwan oo ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Somalia, kuwaasoo lagu dilay ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab. Ugu dambeyn, Kooxd Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta uu sheegay Mareykanka inuu ku dilay 13 ka tirsan xoogaggooda, saldhigna ay leeyihiina lagu burburiyay hawlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ka hadlay duqeyn Khasaare culus ay ku Gaarsiiyeen Kooxda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (PP) ─ Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay qorshahaha doorasho ee dalka uu galayo sannadka 2020-ka, isagoo xusay in la qeexo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta. CC Warsame ayaa sheegay in xukunka madaxweynaha Somaia ay ka harsan tahay labo sano, isla markaana ay ka sugayaan madaxda dowladda dhexe iyo madaxda Dowlad-goboleedyada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka labo sano kadib. Sidoo kale, Warsame ayaa sheegay in xiligaan oo kale madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud uu cadeeyay nooca doorasho ee Dalka ka dhacday, isagoo sheegay in sidaas oo kale dowladda hadda jirta laga doonayo kama dambeys in bisha lixaad ee sanadkaan cadeyso nooca doorasho ee dhaceysa. “Labo sano ayaa dhammaatay hoggaanka Dowlada hadda jirtana wax war ah oo doorashooyinka ku aadan lagama hayo. Madaxweyne Xasan Sheekh markii ay labo sano u dhammaatay wuxuu baarlamaanka iyo shacabka ku war-geliyey inaysan suuro-gal ahayn qabashada doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri CC Warsame. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Qorshahaas wuxuu keentay in laga tashado hannaan kale oo beddeli kara doorashada. Dowladduna waa in ugu dambeyn bisha Juun ee sannadkan ay miiska soo saarto qorshe cad oo la xiriira doorashada, haddii kale inaan dalku doorasho u socon ayay tilmaam u tahay.” Hadalkan ayuu CC Warsame ka sheegay khudbad uu shacabka ugu jeediyay Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe, waxaana ku war-geliyay buu yiri in muddada harsan ay madaxda Federaalka, Dowla-goboleed iyo xisbiyo xooga isugu geeyaan sidii doorasho loo qaban lahaa, hoggaanka Dalkana waa inuu dadka u run waramaa. Ugu dambeyn, Hadalka Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in Jimcaha soo socda ay Dowladdu u dabaal-dagto doorashadii madaxweyne Farmaajo oo ay laba xilligaan ay ka soo wareegay muddo laba sano ah. PUNTLAND POST The post WARSAME: Dowladda Waxaa laga doonayaa in ay caddeyso nooca doorasho ee dhici doonta appeared first on Puntland Post.
  19. Milatariga Maraykanka ayaa duqayn uu ka fuliyay gobolka shabeellada hoose ee koonfurta Soomaaliya ku dilay 13 kamid ah maleyshiyada Shabaab. War saxaafadeed kasoo baxay taliska [...] Source
  20. Khamiista 7-da bishan Febraayo, waxaa hotel ku yaalla London ka furmi doona shirka xaraashka kheyraadka shidaal iyo gaas ee Soomaaliya. Haddaba yaa maalgalinaya shirkaasi? Waa qeybtii hore ee bishii May 2015. Goobtu waa hotelka Tower Bridge oo ku yaalla daanta Wabiga Thames ee magaalada London. Labo nin oo ka tirsan shirkadda Schlumberger ayaa ku fadhiya kuraas taalla qeybta soo dhoweynta hotelka. Waxaa hareer yaalla labo boorso oo kuwa gacanta ah, naqshadda bedka dhulka Soomaaliya iyo waraaqo waaweyn (flip chart) oo duuduuban yaallana cagaha hoostooda. Labada nin oo si isku eg u gashan muraayadaha indhaha (ookiyaalayaal), waxay u fadhiyaan si dulqaad leh. Waa da’ dhexaad kor cad. Waxay u muuqaal eg yihiin dad ladan, ama ugu yaraan maamulayaal bangi. Saacad kaddib waxaa soo galay Dr. Cabdullaahi Xaydar oo markaa sheegta la-taliye sare oo Dowlada Federaalka Soomaaliya. Waxaa la socda nin Canadian ah oo isaguna caddaan ah, oo ku shaqeysta dullaalnimada. Hadda shaqadiisu waxay tahay inuu isku xiro labada nin iyo Dr. Xeydar. Labadii nin ee meesha sii fadhiyay iyo labadii gadaal uga timid waxaa la isla aaday qol gaar ah oo ku yaalla qeybta hoose ee hotelka (private room). Wixii intaa ka danbeeyay cidina ma ogeyn waxay erey ahaan ku wada hadleen. Illaa maantana waa sir qarsoon oo Alle kaliya ogsoon yahay! Xilligan la kulmayo, ugu yaraan saddex toddobaad ayaa ka soo wareegatay “Shirkii Kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya ee lagu qabtay London 27-28 April 2015. Qabashada shirkaas waxaa maalgalinta ugu weyn (gold sponsor) iska lahaa shirkadda Schlumberger. MAXAY TAHAY SCHLUMBERGER? Schlumberger waa shirkadda ugu weyn ee saliid iyo shidaal sahminta dunida. Laakiin magaceeda lagama maqlo saxaafadda, mana ka muuqato suuqyada wararka la xiriira ganacsiga shidaalka, sababtuna waxay tahay iyadoo had iyo jeer ku shaqeysata qaab hoose oo is-qarin ah. Waxaan dhihi karaa qaabka ay u shaqeyso Schlumberger waxay la mid tahay qaabka hay’adaha sirdoonka u hawlgalaan. Waxay jeceshay inay ka hawlgasho waddamada colaadaha, musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ka jiraan. Waxaa lagu aas-aasay 1926 Faransiiska. Waxaana wada aas-aasay labo nin oo walaalo Faransiin ah: Conrad iyo Marcel Schlumberger. Tan iyo wixii markaa ka dambeeyay waxay ku faaftay adduunyada. Maanta waxaa u shaqeeya 100,000 shaqaale ka badan oo ku kala sugan 140 waddan oo adduunka ka mid ah. Sannadkii 2016 ayaa daraasad qiimeyn dhaqaale oo ay sameysay Fortune Global ku tilmaantay shirkaddan Schlumberger shirkadda 287aad ee dunida ugu dhaqaalaha badan. Waxaa lagu qiyaasay in sannadkii ay hesho faa’iido dhan $48 billion (afartan iyo siddeed bilyan doolar). Sidaan kor ku sheegay shirkadda Schlumberger waxay ka faa’ideysataa waddamada xaaladaha adag ku jira sida Libya, Iran iyo Sudan; iyo kuwa musuqa uu ku baahay sida Turkmenistan, Russia, Masar iyo Sacuudi Carabiya. GANAAXII LA SAARAY SCHLUMBERGER Isla bishaas April 2015 ee shirka shidaalka Soomaaliya lagu qabanayo London, waxaa dalka Mareykanka lagu soo gaba-gabeeyay dacwad muddo socotay oo ka dhan ahayd Schlumberger. Waxaa lagu eedeeyay, laguna heley dembiyo la xariira ka dhuumasho canshuur, ka been sheegid qandaraasyo, marin habaabin hay’adaha canashuuraha dalka Mareykanka iyo in shaqaale Mareykan u dhashay ay dhex-gelisay qandaraasyo iyo macaamil lala yeeshay Iran iyo Sudan oo labaduba Mareykanka cunaqabateyn dhaqaale saaray. Dukumintiyada maxkamadda la geeyey waxaa ku jiray kuwo caddeynaya sida Schlumberger ay u khiyaantay Mareykanka iyadoo shirkaddan magacyo been abuur ah u baxsatay Sudan iyo Iran. Tusaale marka shaqaalaha Schlumberger eek u sugan Sudan ay soo dalbanayaan lacago maalgelin ah ama qalab waxay qori jireen “Koonfurta Egypt” iyagoo Iran ula baxay “Waqooyiga Gacanka”. Ujeedaduna waxay ahayd inay ka dhuumato hay’adaha caddaaladda iyo kuwa maaliyadda ee la socodka cunaqabateynta Iran iyo Sudan. Waaxda caddaaladda Mareykanka oo baaritaanka ka dhanka ah Schlumberger wadday ayaa ku soo gaba-gabeysay in shirkaddan lagu ganaaxo fal-dembiyeedkii ugu cuslaa ee shirkad ay gasho. Ugu dambeyntiina xukun maxkamadeed ayaa lagu gaaray in Schlumberger lagu ganaaxo $155 million (boqol konton iyo shan milyan) oo ah ganaax fal-dembiyeedkii ay gashay ah; iyo inay dib u soo guddo $77.5 million (toddobaatan iyo toddobo milyan iyo bar) oo ah faa’iidadii ay heshey muddadii ay beenta ku shaqeysaneysay Schlumberger. Maxkamaddu waxay kaloo Schlumberger ku soo rogtay muddo saddex sano ah oo ay maxkamadda kula socod siineyso tallaabooyinkeeda ganacsi iyo inay hubiso in dembiyada lagu heley aaney markale gelin. Muddadaasi saddexda sano waxay ku ekeyd April 2018. MAAMULE NORWEGIAN AH Waxaa xusid mudan dhaq-dhaqaaqyada hadda socda ee shidaalka Soomaaliya lagu xaraashaayo inuu gadaal ka riixaayo Paal Kibsgaard oo hadda maamule fulin ka ah Schlumberger [Sawirka 2aad]. Paal Kibsgaard waa 51 jir, kasoo jeeda magaalo-dekedeedka Ålesund oo ku taalla xeebta galbeed ee dalka Norway. 1997 ayaa loo magacaabay jagadan, isagoo ka horna injineer ahaan uga soo shaqeeyay shirkadda dalka Sacuudi Carabiya. Bilihii Febraayo illaa Maarso 2018, maamulaha Schlumberger Kibsgaard ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u ceyriyay illaa 70,000 oo shaqaale muddo ka yar saddex sano. Waxaana lagu sababeyay hoos u dhaca sicirka qiimaha saliidda ee caalamka. Ha iloowin in Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu heysto dhalashada Norway iyo inuu muddo dhow ahaa xubin iyo saamile ka tirsan shirkadda kale ee Soma Oil and Gas oo iyaduna tuhun weyn looga qabo xaraashka kheyraadka Soomaaliya. LA SOCO QEYBTA 2-AAD, oo ay ku jito Schlumberger iyo kaalintii dagaalkii Ciraaq) Insha Allah W?Q: Abdalle Ahmed Mumin
  21. Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay Al Shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo khasaaro kala duwan uu ka dhashay. Weerarka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Afgooye, waxaana dadka deegaanka la sheegay inay saqdii dhexe ku tooseen dhawaqa rasaasta oo aad u xooganeyd. Maamulka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahiyay dagaalka, waxaana guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose uu sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Al Shabaab. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in weeararka Al Shabaab uu ahaa mid ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka deegaanka islamarkaana ay ka hortageen qorshihii ay damacsanaayeen. Wuxuu sidoo kale in dhanka Al Shabaab ay ka dileen 10 dagaalyahan, dhankoodana ay soo gaareen dhaawacyada labo kamid ah askarta ciidamada dowladda, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Kulan Dareen Dhaliyey Oo Dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Qaarkamida Abwaannada Dalka!! Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay in uu qasriga madaxtooyada kulan qarsoodi ah kula yeeshay xubno ka tirsan Hal-abuurka Somaliland oo ka kala yimid gobollada dalka qaarkood. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ama laga soo saaray ujeeddada kulankaas la sheegay inuu Madaxweyne Biixi la yeeshay qaar ka mid ah Abwaannada Somaliland. Hase-yeeshee, warar xog-ogaal ah oo si dhaw ula socday kulankaas oo Warbaahintu heshay ayaa tibaaxay in uu dhawaan ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, kaasoo looga dan lahaa sidii xukuumaddu u damin lahayd dhaqdhaqaaqa iyo kacdoonka suugaaneed ee laga dareemayo Bahda Hal-abuurka Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyay dareenka bulshada ku soo bandhigayey suugaan, balse ay Xukuumaddu xoog u dhibsatay. Wararka dheeraadka ah ee warbaahintu ka heshay kulankaas, ayaa intaa ku daray; in lagaga waddahadlay sidii loo joojin lahaa dareenka Hal-abuurka, qaabka nooc toogan loogu beddeli karo, sugaanta taban iyo dhaqdhaqaaqa Abwaannada ee ay Xukuumaddu dhibsatay. Intaas waxay ila-wareedyadu ku sii ladheen, in sidoo kale la isla soo qaaday intii kulanku socday inay xukuumaddu si kasta oo ay damin karto kacdoonka Abwaannada ay diyaar u tahay, isla markaana ay bilawday abaabul xooggan oo Hal-abuurradii suugantan bilaabay qaarkood loogu adeegsan lahaa in lagula xaalo hab qabiil, iyadoo qaarkoodna la sheegay in loo diray wasiirro ay isku beel yihiin iyo xubno kale oo xilal ka haya xukumadda. Dhanka kale, kulan ayaa la sheegay in Abwaannada uu Madaxwaynuhu kaga dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii Abwaannadii tiriyay gabayada ay xadhiggooda dhinac ugala soo jeestaan oo ay xubnaha kulanka ka qaybgalay iyo cidda ay meteli karaanba, xukuumadda ku taageeraan sida ay dembiileyaasha ugu aragto abwaannada qaabka wax u socdaan saluugay ee uu ka midka yahay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo weli u xidhan maanso uu kaga hadlay cadaalad-darro uu tilmaamay inay Saldhigyada Booliska ka jirto. Si cad looma shaacin tirada xubnaha Abwaannada xilligan ka midka ah ee Madaxxweynaha la kulmay intooda badan, balse qaarkood magacyadooda iyo gobollada amma kooxaha ay metelayeen la xaqiijiyey, balse aannu ku dedaalayno inaannu dhammaan xubnahaas magacyadooda, kooxaha iyo gobollada ay ka kala socdeen-ba waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa sida ugu suuragalsan. Waxaa muddooyinkii u danbeeyay Somaliland ka taagaan bahda Hal-abuurka dalka oo maansooyin iyo gabayo kusoo bandhigayey dareenka shacabka Somaliland iyo xaqiiqooyinka ka jira saldhigyada iyo xarumaha dawladda. Waxa kale oo ay gabayada iyo maansooyinka kala duwan ku tilmaamayeen Hal-abuurka iyo qorayaasha qaarkood, sinnaan la’aan, cadaaladdii oo la suuliyey, dadka oo la kala qaybinayo iyo ku dhaqanka qabiilka oo cirka isku shareeray, sida qaarkood suugaantooda ku sawireen iyo sida aan loogu fadhiyin in wakhtigan Somaliland sawir noocaas ah yeelato iyo gebi ahaanba dhacdooyin quruxdii qaranka wiiqaya oo bulshada reer Somaliland aad u saluugsan yihiin, dowladda ay maaraynta dhacdooyiyinkaas uga fadhidayna hoggaaminteedi sidaasba noqotay. Ka hadalka dareenka bulshada iyo sheegista xaaladaha rasmiga ee ka jira dalka, ayaa waxa illaa haatan u xidhan Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo bilawga bishii hore soo bandhigay suugaan uu arrimaasi kaga hadlayo, balse ay xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi xabsiga u taxaabtay, iyadoo weli kiiska ay xukuumaddu ku eedaynayso la gudo-gelin, isla markaana uu rummaan ahaan ugu jiro jeelka wayn ee magaalada Hagaysa. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan la sheegay in Madaxweyne Biixi kula kulmay Abwaannada dalka qaarkood iyo waxyaabaha lagaga hadlay, ayaa u muuqda qorshe xukuumaddu ku damacsan tahay inay ku kala qaybiso Hal-abuurka Somaliland ee xaqiiqada ka hadalkeeda iyo suugaan-ku-cabbirka xaaladaha jira badi isu bahaystay, sidii aanay saamayn ugu yeelan dareenka Shacabka niyad-jabsan. Hayesshee, haddii ay sidaas u dhacdo, ayey mar kale muujinaysaa, marag iyo markhaatina u noqonaysaa tallaabadaas Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu isla arrimaha ay Abwaannada qaar ka hadlayaan oo kala qaybintu ka mid tahay. Iyadoo damacsan in ay adeegsado dhaqaale wallow uu yahay lacagta la doonayo in lagu kala fur furaan cashuurtii danyarta laga soo ururiyay ee u baahnayd in wax loogu qabto. Haddaba, Dadka siyaasadda Madaxwaynayaasha Somaliland u kala danbeeyay, gaar ahaan Axmed-Siilaanyo iyo Muuse Biixi sida fiican u yaqaannaa ay sheegeen in qorshahan ay bilaabeen uu yahay midka keliya ee ay takhakhuska u leeyihiin tahay kala qaybinta bulshada iyo hadba kala jabinta kooxda ay u arkaan in ay isku aragti yihiin, taasoo ay illaa bilowgii halganka iyo wakgtiyadii qaaxo Khabiirro ku ahaayeen, sida ay falanqeeyayaasha aqoonta durugsan u lihi ku doodayaan. Hase-yeeshee, waxaas waxa uga wanaagsan oo faalladu soo jeedinaysaa inay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu la yimaaddaan hoggaamin wanaagsan iyo himilo toosan oo ay ku hantaan quluubta bulshada ay hoggaamiyaan. 2 inay Xukuumaddu abuurto nidaam lagu saxayo waxa qalloocan ee laga qaylinayo. 3 inay keento xalka xaaladaha qallafsan ee lagu jiro dhinac kasta oo ay tahay lagaga bixi karo, kuna abuuri karto rejo iyo inay soo ceshato kalsoonida badi bulshada sicir-bararka, adeeg-xumada, busaaradda, shaqo-yaraanta iyo kala qaybsanaantu barriinsatay. Marka ay arimahaasi aynu kor kusoo sheegaynay xalkooda sugto Xukuumaddu, ayey iyaduna hore u socon kartaa, haddii kale xaalku wuxuu ku dambayn karaa, isku mashquul qaranka dhaawac gaadhsiin kara, Illaahay innaguma keenee. Qaran News
  23. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi ayaa maalmahan ku sugan maamul gobolleedka Puntland. Geedi waxa uu halkaas u tagay ka qeybgalka xafladdii caleema saarka ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. Hase ahaatee, waxa uu xafladda kaddib bilaabay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan laga fileyn. Muxuu sameeyey? Cali Maxamed Geedi waxa uu 10,000 (Tobon kun oo Dollar) ugu deeqay dayactirka wadada isku xirta Garoowe iyo Galkaacyo. Geedi waxa uu booqday qabrigii AUN saaxiibkiis madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf oo uu u duceeyey. Prof. Cali Maxamed Geedi sidoo kale waxa uu dhaqanka iyo bulshada reer Burtinle kula hadlay isla degmadaas isaga oo sheegay in uu abaalka ugu weyn ee siyaasadda u hayo Cabdullahi Yusuf. “Cabdullahi Yusuf waa ninka igu soo gardaadiyey siyaasadda.” Hadaba maxaa socda? Hadal jeedintiisii Burtinle, Cali Maxamed Geedi waxaa uu ku xaqiijiyey in uu siyaasadda dalka iyo hoggaaminteeda markale hammi ka leeyahay isaga oo cadeeyey in uu Xisbi siyaasadeed furan doono. Geedi oo ku faanay in isaga iyo Cabdullahi Yuusuf sabab u yihiin dowladda hadda Soomaaliya u dhisan hana qaadkeeda ayaa sheegay in Xisbigiisa Puntland iyo Soomaaliya oo dhan lagu baahin doono. Dhinaca kale, Geedi oo u muuqday in uu u duur xulayey siyaasiyiin laga hayo in XAMAR dowladda madaxdeeda MARTI ku tahay ayaa adkeeyey in Soomaaliya oo dhan loo siman yahay. KAARKA UU XOQONAYO Geedi waxa uu u muuqdaa mid kalsooni ku qaba, iskuna haleynaya in uu wada hanan karo dhammaan kalsoonida shacabka reer Punland ee uu isu soo taago xilka Madaxtinimo ee dalka. Waxa uu u muuqda mid ka GARACAYA shacabka reer Puntland meesha ay jecelyihiin iyo xoqoshada kaarkii saaxiibtinimo ee Cabdullahi Yusuf. Dabcan, reer Puntland Cabdullahi waxa ay u yaqaanaan AABE taas oo ka dhigan in shaqsi walba oo ka ag dhawaa uga duwan yahay raga kale – GEEDI kuma DARI doonaan siyaasiyiinta kale ee xusul duubka wada!!! W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Cadho ka dhalatay arrin ay Sacuudiga ka sameeyeen Mareykanka iyo sharci ka dhan ah oo la diyaariyey Senator-ada laga soo doorto gobolka Oregon ee ku jira aqalka senate-ka Mareykanka ayaa qoray sharci lagu ciqaabayo Sacuudiga, kadib markii ay soo baxday in boqortooyada Sacuudiga ay Mareykanka ka saartay shan nin oo dambiyo loo haysto. Dambiyada raggan loo haysto ayaa isugu jira kufsi ka dhan ah gabdho Mareykan ah iyo dilal. Waxaa ugu dambeeyey dilka Fellon Smart oo ahayd gabadh 15 jir ah, oo uu baabuur ku dilay arday Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo Abdulrahman Sameer Noorah, sanadii 2016. Waalidkeed oo markii ugu horreysay arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inay aad uga naxeen inay ogaadeen in qofkii dilay gabadhooda la waayey laba toddobaad ka hor maxkamadiisa, isaga oo gacan ka helaya dowladda Sacuudiga. Baadhayaasha dowladda Mareykanka ayaa ogaaday in shirkad qareeno oo ay shaqaaleysay boqortooyada Sacuudiga, ay bixisay boqol kun oo dollar oo ka mid ah hal milyan oo damaanad ah, kadibna dowladda Sacuudiga ay diyaarad khaas ah uga saartay dalka Mareykanka. Sharcigga cusub ee la horgeeyey senate-ka Mareykanka, ayaa waxaa qoray Jeff Merkley iyo Ron Wyden oo laga soo doorto gobolka Oregon ee gabadha lagu dilay. Sharcigan ayaa u ogolaanaya dowladda federalaka Mareykanka inay baadho kiisaska dambiilayaasha dalka ka dhuunta ee ajnabiga ah, islamarkaana laga hor-istaago in marka horeba lagu sii daayo damaanad. Qaran News