-
Content Count
207,344 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Taliyayaasha Sirdoonka ee dalka Maraykanka ayaa ka digay inay sii socon doonaan Khataraha Al-Shabaab ku hayaan dalalka Bariga Afrika sannadkan soo socda. Warbixin ay Madaxda Sirdoonka Maraykanka soo saareen bishii na dhaaftay ee Janaayo 29-dii waxay ku sheegeen in dagaalladda lagula jiro Al-Shabaab aan la filaynin in hoos loo dhigo intay ay jiraan saddex arirmood oo kala ah, 1 – loolanka madaxda, 2 – Musuq iyo 3 – Isku-xirnaanta liidata ee u dhexeeya Hay’adda Ammaanka ee ku sugan gudaha dalka Somalia. Warbixinta waxaa kaloo lag sheegay in 21,000 ee Askari ee Ciiddanka AMISOM oo 4,000 ka mid Kenyan yihiin aysan jeclayn inay qaadaan hawlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ay foodda nagu soo hayso xilliga u qorsheysan inay Ciiddanka AMISOM ka baxaan Somalia sannadka 2021-ka. Warbixinta ay isku soo duween Madaxda Sirdoonka ee dalka Mraaykanka, waxaa kaloo lagu sheegay inaan falaanqeyn lagu samaynin waxyeelladda ay Duqeymaha Ciiddanka Maraykanka u geystaan Bartilmaameedyadda Al-Shabaab. Milliteriga Maraykanka waxay sheegtaan inay boqolaal Al-Shabaab ku dileen guud ahaan duqeymihii dhinaca Cirka ee ay Somalia ka fuliyeen labadii sanno ee la soo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta Guud ee ay Madaxda Sirdoonka Maraykanka oo ka koobnayd 42-bog waxay dareenkooda khatarta Qaaradda Afrika ku soo koobeen hal bog, halka inta kale looga hadlay Khataraha Ammaanka ee Maaraykanka uga imaan kara dalalka Waqooyiga Kuurya, Raashiya, Dagaalamayaasha Islaamiyiinta iyo kuwa kale ee khatarta ku ah Danaha Maraykanka iyo dalalka Isbahaysiga la ah Maraykanka. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha DFS Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha amniga dalkan. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu ka dhoco xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho. Warar hoose ayaa sheegaya in shirkani diirada lagu saarayo arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Madaxweynaha JFS Oo kulan isugu yeeray laamaha amniga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( SMN ) –Gaashaanle sare C/laahi Buulle Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa digniin adag u diray askarta hubka ku dhex heysta M/Muqdisho. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay sharci darro, islamarkaana ay ka hortagi doonaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan ogolaan doonin in gaadiid dagaal lagu dhex wato Caasimadda, isagoona intaasi ku daray in ciidamada amnigu ay sameyn doonaan howlgallo ka dhan ah hubka sharci darrada ah ee lagu iibiyo suuqyada dalka. Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sameeyay howlgallo hub uruurin ah, si loo yareeyo hubka lagu dhex wato M/ Muqdisho The post Maxkamadda CQS Oo ka digtay in Hub lagu dhex qaato M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-03022019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xiriirka Kubbadda cagta dalka Eritrea ayaa diyaar u ah in maalmaha soo aadan ay soo gaaraan caasimada Muqdisho,iyagoo kulamo saaxiibtinimo la ciyaaridoonaan dhigooda Soomaaliya. Wafuuda hogaaminaysa xulka qaranka dalka Eretria ay Muqdisho u imaanaya in ay la dheelaan xulka 20-jirada Soomaaliya waana markii ugu horeesay ay xulkeena ku ciyaaraan garoomada gudaha tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe. Si kastaba xulka Eretria ayaa noqona kii ugu horeeyay oo caasimada u yimaada ciyaaro saaxiibtinimo waxayna arinta go’gol xaar u tahay in wadanka ay yimaadaan xulal kale oo ka socda dalka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Halkaan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Xulka Eritrea Source: goobjoog.com
-
Wasiir Sheegay In Hay’adaha Dawladdu 70% Isticmaalan Astaanta Qaranka Oo Khaldan Iyo Qaabka Ay Sax ku Tahay Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed X. Aadan Cilmi ayaa sheegay in wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladdu isticmaalan Astaanta Qaranka oo khalad ah, taas oo aan waafaqsanayn qaabta Dastuurku u asteeyay Astaanta Qaranka Somaliland. Astaanta saxda ah iyo tan khaldan ee wasiirku soo bandhigay ayaa ku kala duwan midabka qaabka guud. Wasiirka oo shalay hor tagay Guddida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida Somaliland waxa uu sheegay in ay xeer u samaynayaan Astaanta, Calanka iyo Af Soomaaliga oo uu tilmaamay in aanu jirin xeer lagu maamulo marka laga reebo qodobo Dastuurka ku jira oo si kooban u astaynaya. “Waxaanu soo wadna xeerar badan oo aad naga talo siin doontaan oo uu ka mid yahay xeerka Astaanta Qaranka, Astaanta Qaranku waa qodob laakiin, xeer ma laha, xeerka Calanka, xeerka afka Soomaaliga oo imika meel walba wixii la doona ku qoran, haddii aad eegtan boodhadhka dalkeena 80% waa Ingiriisi, 10% waxa laga yaaba waa Carabi, 5% in ay Soomaali tahay ayaa laga yaaba sida aad ogtihiina dastuurkeenu wuxuu qoraya afka 1-aad waa Soomaaliga ka labaadna waa Carabi,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku. Waxa uu intaasi raaciyay “Markii aanu eegnay hay’adaha iyo wasaaradaha Qaranka boqolkiiba todobaatan (70%) waxay isticmaalan Astaanta khaldan labada astaamoodna waxaanu gayn doona goleyaasha oo dhan iyo golaha wasiirrada.” Qodobka 7-aad ee Dastuurka Somaliland farqadiisa 2-aad ayaa sidan u tilmaamaysa Astaanta Qaranka “Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah.” Qaran News
-
Danjire David Concar Ayaa Kulamo La Qaatay Madaxweyne Biixi Iyo Dr Cirro Una Bandhigay Mawqifka Ingiriiska Ee Doorashooyinka Safiirka dhawaan xilka laga bedelay ee Ingiriiska Mr David Concar oo uu weheliyo ergayga cusub ee Ingiriisku u soo magacaabay xafiiskooda Hargeysa ayaa shalay kulan la qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay weheliyaan la taliyihiisa arrimaha dibadda Faadumo Siciid, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X. Xasan iyo xoghayaha guud Khadar Xuseen Looge. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka hoggaanka WADDANI iyo Masuuliyiinta metelayay Ingiriiska laakiin, qoraal kooban oo uu boggiisa Twitter-ka ku qoray xoghayaha WADDANI Mr Khadar Looge ayuu ku sheegay in ay ka wada hadleen doorashada baarlamaanka, islamarkaana ay si cad ugu sheegeen in ay xisbi ahaan diyaar u yihiin laakiin, ay madaxweynaha ka sugayaan in uu diyaariyo jawiga doorashadu ku qabsoomayso. Geesta kale xogo wargeyska Waaberi ka helay kulanka labada dhinac ayaa sheegaya in Mr David Concar oo dhawaan xilka wareejinayaa hoggaanka WADDANI waydiiyay su’aalo ku saabsan mawqifkooda doorashada. Su’aalaha waxa udub dhexaad u ahaa in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in doorashadu dhacdo iyo in kale. Xogaha ayaa intaas ku daraya in masuuliyiinta WADDANI u caddeeyeen in ay diyaar u yihiin doorashada laakiin, ay ku taaggan yihiin mawqifkooda ah kala dirista Komishanka iyo dhammaynta caqabadaha kale ee doorashada dib u dhigay. Dhanka Danjire Concar ma jiro war uu arrintan ka soo saaray laakiin, xogaha Waaberi helayo ayaa tilmaamaya in farriinta uu siday ay udub u dhexaad u ahayd in dawladda Ingiriisku doonayso in doorashadu ku qabsoonto xilliga la muddeeyay ee dhammaadka 2019. Dhanka kale weftiga Ingiriisku wuxuu kulan la qaatay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaana qoraal ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in laga wada hadlay arrimaha doorashada. Dawladda Ingiriiska ayaa dhawaan bedeshay David Concar oo muddo laba sanno ah xilkaasi hayay waxaana la filaya in uu dhawaan xilka ku wareejiyo safiirka cusub ee loo magacaabay jagadan. Madaxweyne Biixi oo shalay ka hadlayay arrimaha doorashada ayaa sheegay in ay muhiim Qaranka u yihiin in doorashooyinku qabsoomaan waxaanu xisbiyada ugu baaqay in ay ahmiyad siiyaan sidii doorasho u dhici lahayd xalna laga gaadho waxyaabaha hor yaalla qabsoomidda doorashada. Qaran News
-
Ma Sax Baa Asbaabaha Madaxweynuhu U Marag Gashaday Rayaale, Prof Buubaa, Prof Samatar, Xaglotoosiye, Cali Khaliif iyo Dr Cali Ciise? Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay khudbad uu ka jeediyay sanad guurada 25-aad ee Ciidanka Qaranka waxa uu ku sheegay in wada lahaanshaha dawladnimada Somaliland tahay mid sugan waxaanu tilmaamay in siyaasiyiin Somaliland ah oo xilal u doontay maamulka Puntland iyo Soomaaliya natiijada ay kala kulmeen muujisay in aan la wada lahayn dawladnimada. Madaxweyne Biixi waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Md Farmaajo in uu ku hawlan yahay xuduud beelaysan in lagula dagaallamo Somaliland isaga oo aan waxba u ogolayn siyaasiyiinta Somaliland ee Soomaaliya taga “Waxa la yaab leh markii isaga (Farmaajo) la dooranayay waxa la tartamay oo raggii ugu cadcadda ee ugu aqoonta badna ahaa Axmed Ismaaciil Samatar markii uu doorashada la galayna waxa la yidhi ‘Orod dalkaagii tag oo ku noqo’ waxaanu ahaa ninka juhdiga ugu badan galiyay Soomaali weyn, Axmed Ismaaciil Samatar wuu inoo yimid oo wuu inooga warramay waxa yaalla. Waxa ka sii horeeyay Ismaaciil Hurre Buubaa oo toban sanno wasiirka khaarajiga u ahaa wuu inoo yimid oo wuu inooga warramay waxa meesha yaalla,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi oo intaasi ku daray in ay la yaab tahay dagaalka Farmaajo kula jiro Somaliland maaddaama uu sidaas loo galayo siyaasiyiinta u tagta. Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu soo qaatay Dr Cali Ciise Cabdi oo ka mid ahaa aasaaseyaashii Khaatumo kana mid ah aqoon yahanka iyo waaya aragga Soomaalida ugu sareeya oo dhawaan doorashadii Puntland ka helay hal cod “ Waxa taas ka dambeysay doorashadii lagu galayay Garoowe waxa isu soo sharraxay ragga Soomaali ugu aqoonta weyn nin ka mid ah Somaliland-na aqoonteeda iyo hormuudkeeda ugu horeeya, nasiib darro haddii ay tahay xuduud beeleed baan samaysanaya dee waxay ahayd ninka Somaliland ka yimid ee Laascaanood ka yimid ee tartanka ka qayb galay in wax laga siiyo_ labadaas ayaa noogu filan caqliyadda taalla Koonfur,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Wada Lahaanshaha Somaliland Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu ka hadlay walaaca Somaliland ka taaggan baryahan ee ku saabsan wada lahaanshaha mansabka iyo adeegyada dawladnimada waxaanu yidhi “Somaliland oo lama wada laha dad badan imika kaga dhawaajiyaan Idaacadda oo aan wali arag wixii ku dhacay Cali Ciise, Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar waxaan u sheegaya Somaliland waa la wada leeyahay makhraatigeeduna waa maxay ? Daahir Rayaale ayaa doorasho qof iyo cod ah kaga guulaystay Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii SNM oo lagu qaabilay oo 8 sanno ku xukumayay. Makhtaarigeeda Somaliland in la wada leeyahay waxa ah Xaglatoosiye ayaa la tartamay Saylici oo ku sigay oo uu dirqi kaga baxsaday in uu ka reebo, marka Somaliland waa mid la wada leeyahay oo nin walba dooddiisa ka dhiibto,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in uu meel sare ka taaggan yahay walaaca dhinaca saami qaybsiga ah ee ka taaggan gudaha Somaliland oo ka sakaw beelaha darafyada ay markii u horaysay beesha dhexe kala cabanayso lana arko kala qaybsanaan siyaasadeed oo wax ka qabashadeeda looga fadhiyo madaxweynaha inkasta oo uu madaxweynuhu ka doorbido ka hadalka mushkiladaha maxalliga ah arrinta Soomaaliya. Dhacdooyinka siyaasadeed ee madaxweyne Biixi u marag gashaday wada lahaanshaha Somaliland ayaa loo arki kara kuwo sababo kala duwan iyo marxalado kala duwan ahaa, islamarkaana aan waaqica xilligan ee Somaliland tusaale u noqon Karin. Tusaale ahaan xisbiyada Somaliland waxa dhammaan hoggaamiya beesha dhexe halka xilalka muhiimka ah ee xukumadda Sida Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha ay isla beesha dhexe hayso. Qaran News
-
Gudoomiyihii degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Golaha guddoomiyaha deegaanka degmada Jariiban. Maxamed Yuusuf Shirwac Gudoomihii degmada Jariiban [...] Source
-
MADAXWEYNE HA KA HADLIN ARRIMAHA GUDAHA EE DALALKA KALE Madaxweyne waxa wax aad looga xumaaado ah kana baxsan diblomaasiyadda iyo xidhiidhada caalamiga ahba inaad ka hadasho arrimaha gudaha ee dalal kale, taas ood marar badan ku celecelisay. Arritaasi xasaasiyad gaara ah ayay leedahay marka ay khusayso dalalka aynu jaarka nahay gaar haan Jabuuti iyo Ethiopia. Munaasabadii xuskii maalinta ciidamada qalabka sida waxaad si lama filaan ah khudbadaadii ugu soo dartay codsi aad u dirayso masuuliyiinta kililka shaanad ee Ethiopia. Madaxweyne Kililka shanaad waa gobol ka tirsan gobolada Ethiopia wixii dhibaato ah ee ka jirana masuuliyada xallinteeda waxa iska leh madaxda sare ee dalka Ethiopia. Xaqiiqaadiina rmarkaa aad adigu codisgaa diraysay Raiisal Wasaaraha Ethiopia ayaa arintaa soo af-jaray, codsigaagauan wuxuu ahaa mid aan meel haysan. Hore ayaa dad badani kaaga cawdeen kulankii aan meelna haysan eed markii lagu doortayba ku maamuustay wakiilka Jabuuti gurigii madaxtooyada. Ma qiyaasi kartid weji gabaxa iyo bahdilaada ay keentay ku reebtay aqoonyahan badan oo reer Somaliland ah markii ay shaashaadaha telefishanada ka soo baxeen nin koodad buurbuuran oo is cufaya iyo madaxweynahii qaranka la doortay oo qosoal ku maaweelinaya. Tii hore maantana tu ka daran oo ah “walaalayaal iska heshiiya” ayaad ku dartay. Hadalkaasina maaha hadal madaxweyne. Madaxweyne adiga waxaa laguu doortay “Somaliland” mana jirto sabab aad waddamo kale arrimahooda gudaha uga hadasho. Marka aad kililka shanaad ku leedahay walaalayaal iska heshiiya ogow waxa la isku horfadhiyaa gobolka Salal eed masuulka ka tahay, manaad soo hadal qaadin. Inta badan khaladkana waxa masuuliyadeeda leh xashiishkan aad dhigatay madaxtooyada iyo warfaafinta oy ahayd inay khudabadaha madaxweynaha saxar tiraan. Haddii aan arrinka imminka wax laga qabana waxaynu sugnaaba waa madaxweynaha oo yidhaahda Galmudug iyo Ehlu Sunna walaalayaal idinkuna iska heshiiya. Abokor Barud Baruda2006@gmail.com Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka guddida tacliinta sare ee Somaliland Maxamed Xasan Sheekh Muumin ayaa waxa uu beeniyay hadal uu shalay warbaahinta mariyay oo ahaa in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo hadda ka tirsan guddida tacliinta sare Mushaharkii laga joojiyay, ka dib markii uu kasoo xaadiri waayay shaqada guddida. Maxamed Xasan Sheekh Muumin ayaa raali-galin ka bixiyay hadalkaa shalay ka soo yeedhay, waxaanu sheegay in aanu awood u lahay arrintaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Waxaa maanta hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka furmay Shir soconaya afar maalmod oo uga furmay Guddiga Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo uu soo magacaabay Sanadkii Hore Madax waynihii hore Ee Dowlada Puntland Prof: C/wali Mohamed Cali gaas. Gudigan ayaa markii ugu horaysay kulan yeeshay oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw Ciise Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Mohamed Cali Faarax iyo Gudoomiyaha Gudiga tacliinta sare Puntland Prof Mohamed Cabdi Aadan iyo Xooghayaha Gudiga Tacliinta sare C/qani Axmed Faarax iyo qayb ka mid ah Xubnaha Gudiga Tacliinta sare iyo Jaamacadaha Puntland iyo jaamacada kenyata University khuboro ka socotay. Shirkaan ayaa ahaa maanta ujeedadiisa in looga hadlo Xeerka Tacliinta sare, Xeerkan oo golaha Wakiiladu waxuu hormarinayaan Tacliinta sare, asaasidda aqoonsiga iyo Xukunka Tacliinta sare ee Puntland, yagleelida Guddiga Tacliinta sare, iyo u jeedooyinka la xiriira. Gudoomiyha Gudiga Tacliinta sare Prof: Mohamed Cabdi Aadan ayaa ka hadlay ujeedooyinka loo asaasay Gudiga Tacliinta sare iyo heerarakii uu soo maray markii gudiga la sameenayey waqti badana ku qaadatay waxuuna aad uga mahad celiyey Wasiirka Waxbaashada iyo dhamaan intii masuuliyada qaaday. Gudoomiyaha gudiga ee tacliinta sare Pro Mohamed Cabdi Aadan oo ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay shirkani oo wax weyn ka taraya ayuu yiri tacliinta sare ee dalka kaasi oo xusay in ay muhiim tahay in la tayeeyo waxbarashada sare ee jaamacadaha si loo helo dhalinyaro aqoon yahan ah oo dalka anfacda taasina uu daaran yahay shirkani in lagu lafo guro. C/fataax Nuur Ashkir oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Xeerka Tacliinta sare ay sameeyaan qorshe kor loogu qaadayo tayada jaamacadaha dalka taas loola jeedo qof walba inuu baro, Tababaro, ama Cilmi baaris ka sameeyo Hay’daha Waxbarasho ama hal wadeen kale oo ay magacaabeen Golaha jaamacadaha. Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare Pro Abshir Yuusuf Aw Ciise ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid tacliinta sare ee dalku ay u baahnayd si go’aan looga gaadho tayada jaamcadaha dalka waxaanu sheegay in ay muhiim tahay in waxbarashada asaasiga ah la soo dhiso si ardayga ama ardayda bilaabaysa jaamacadu ay u noqoto mid aqoonteedi hore ay dhisan tahay kaasi oo sheegay in ay muhiim tahay in ardaygu uu yaqaano luuqada uu wax ku baranayo. Gebogebadii waxa shirka furay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ugu baaqay gudiga Tacaliinta sare ka soo qayb galay in ay tayeeyaan jaamacadaha si loo helo aqoon yahan dalka wax badana tara, waxaanu Guddiga iyo Xubnaha ugu baaqay in ay muujiyaan wadashaqayn si loo helo aqoon sare oo tayo leh waxaanu si rasmi ah u furay shirkii ugu horeyey ay gudiga Tacliinta sare yeeshaan kaas oo socon doona mudo afar cisho ah. _DHAMMAAD_ The post Gudiga Tacliinta sare Puntland oo Garoowe shir uga furmay appeared first on Puntland Post.
-
Maxamed Axmed Xasan (Mandeela) waxa uu 30 sano ku noolaa dalka Britain ,isagoo bare ka ahaa iskuulka lagu barto kubbadda cagta iyo sidoo kale jir dhiska sanadkii lasoo dhafay 2018 Muqdisho ayuu kusoo laabtay si uu caawiyo dhalinyarada jecel dheelista kubbadda cagta ee ku ciyaara wadooyinka halista ee Muqdisho. “Mandeela waxa uu qabtay shaqo wanaagsan waxaan u arkay marar badan,isagoo dhalinyaro ku tababaraya garoomada kubbadda cagta ee degmada Hodan xitaa tababare Mandeela waxaa loogu faaidaysan karaa qeybta jirdhiska ee xulka qaranka dalka sababatoo ah waxa uu aqoon fiican u lee yahay qeybtaas”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka isboortiga Goobjoog Tv u sheegay Yuusuf Yuusuf oo ah qurbajooga iyo qora isboorti. 24-December 2018-Goobjoog ayaa warbixinta ka sameeyay Macalin Maxamed Axmed Xasan (Mandeela),isagoo ciyaar kama dambeys ah wada ciyaarseenaya laba kooxood oo ka dhisan xaafada siigaale ee degmada Hodan. “Waxaan aaminsanahay hadii aan ii soo wado dhiiri gelinta iyo tababarada caruurta ay da,doodu u dhaxayso 6 -18 sano mustaqbalka aan heli karno xirfadlayaal tayo wanaagsan oo ka dheeli kara horyaalada waaweyn ee Yurub”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Tababare Mandeela. “Macalin Mandeela waxa uu mudanyahay abaal marin barnaamijyada horomarinta dhalinyarada waxa uu kasoo bilaaway dalka England iminka waxa ku haminyaan in si is-xilqaan uu u tababaro xifadlayaasha dalkiisa hooyo anagana diyaar ayaan u nahay in aan taageerno maadaama uu ka shaqeenayo horomarinta caruurteena”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog u sheegay Cabdiqaadir Xaaji Muxidiin (Dacar) oo la taliyaha isboortiga maamulka Gobolka Banaadir aqoon dheeraadne u leh Maxamed Axmed Xasan (Mandeela). Si kastaba Tan iyo 2015 waxaa wadanka kusoo badanayay macalimiin Soomaaliyeed oo soo bartay xirfada ciyaaraha,iyagoo casharo iyo dhirii gelin siinyay ciyaartooyda kubbadda cagta,Kolayga iyo qeybaha kala gedisan ciyaaraha waxaana arintan soo dhaweeyay bahda isboortiga Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Tababare Mandeela W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
The Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Kheyre had met with the members of Somali chamber of commerce in his office on Saturday night. Accompanied by the minister for trade and industrialization, Mohamed Abdi Mareye, the two sides discussed the ongoing efforts by the Prime Minister Kheyre government to attract multinational corporations to invest in the country and the vital role of local business community in improving the economy. The premier said his government would give priorities to safeguard the interest of the Somali business establishments by putting in place strong laws. “It is our responsibility to safeguard the business interest of our businessmen,” PM said, adding “We are working to establish laws that protect their business.” The economic development is the critical agenda for President Mohamed Abdullahi Farmaajo’s administration. The International Monetary Fund (IMF) report last year projected Somalia’s economy to grow and recover. The World Bank has approved $80 million in grants to Somali government last year to fund public finance reforms, marking the first disbursement to the country in 30 years. Its board had approved financing of $60 million for the Recurrent Cost and Reform Financing Project and $20 million for the Domestic Revenue and Public Financial Management Capacity Strengthening Project. The post Somali PM holds meeting with Mogadishu traders appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Somali government troops and AMISOM forces began conducting large-scale operations in Bardera town in Gedo region following a deadly car bomb explosion. The joint operation which started Saturday continued till Sunday morning. It was carried out in several neighborhoods in the city and with reports of arrests. Ismail Abdillahi, the governor of Bardere district, who spoke to Radio Shabelle by phone said the operation was meant to avert Al-Shabaab attacks. At least 10 people were killed and several wounded on Saturday after a bomber rammed his explosives-laden car into Ethiopian military base in the town. The post Somali, AU troops launch operation in Bardere following explosion appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in uu si weyn uga soo horjeedo muddo dhaafka goleyaasha Qaranka ee inta badan doorashadooda dib loo dhigo ayaa sheegay in uu xilka u arko meel kulul oo ay tahay in hore looga cararo, islamarkaana aan la isku sii dhejin. “midna waan ku dardaarayaa aniga iyo inta kale ee markaas xilka haysa anigu garan maayo xilka raga yidhaahda waa lagu dhaggan yahay oo waa lagu dagaalamayaa waxay qabanayaan, anigu waxaan xilka u arkaa meel kulul oo dab ah oo hore loo dhaafo oo aan lagu sii raagin, hadaanay wax iska kay badalin, sidaas darteed waxa aan leeyahay dadka doonaya xilka inay ku raagaan garan maayo waxay ka heleene ee waxa wanaagsan in shantii sano iyo waxkhtigii laysu qabtay xilkeeda aynu ku wareejino, taas waan ku adkaynayaa waayo ciidankaas furinta ku dhimanaaya iyo ardaygaas yar ee soo dadaalaya rajadoodu way xumaanaysaa hadii aan la helin doorasho iyo madax kolaba la doortay oo lagu wada kalsoon yahay,” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi khudbad uu shalay ka jeediyay sanad guurada 25-aad ee Ciidanka Qaranka. Waxa loo wada fadhiyi doona in hadalka madaxweynuhu noqdo mawqifkiisa runta ah sida uu uga shaqeeyo qabsoomidda doorashooyinka muddo xileedkiisa inkasta oo haddaba ay jiraan goleyaal loo kordhiyay intii uu xilka hayay lagana warwarsan yahay in doorashadiisa iyo kuwo kaleba xilligooda ku qabsoomi doonan. Source
-
Al Shabaab has claimed an explosion targeting Kenyan police officers at Amuume, located in the northeastern Kenyan town of Garissa, according to its affiliated website. It said the blast killed all onboard the police vehicle died on the spot. There are no independent sources that can confirm the exact casualties inflicted on the Kenyan forces in the attack. Al Shabaab has increased its attacks in Kenya, particularly in the bordering areas near Somalia in retaliation of KDF involvement in the AU mission fighting against the group. Since Nairobi sent troops to Somalia in 2011, Kenya has suffered deadly attacks, including sieges at Westgate mall, Garissa University, and the Dusit D2 hotel complex which left hundreds of people. The post Al-Shabaab claims killings KDF soldiers in IED attack in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shacabka ku dhaqan waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa buuxiyay doorkii ay ka sugayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho tan iyo markii xilkaasi loo doortay sanad ka hor. Shacabka ku nool isgoyska Fagax ilaa Ex Conrtol Balcad ayaa sameeyay barnaamij isku tashi ah iyaga oo nadiifiyay wadada isku xirta labada isgoys oo xerneyd tan iyo markii roobabkii xooganaa ay ka da’een magaalada Muqdisho. Wadayaasha gaadiidka iyo shacabka ayaa halkaasi ku dhib qabay, waxaana la sheegay inay sameeyeen barnaamij isku tashi ah, iyaga oo kadib nadiifiyay wadada kadib markii ay lacago isku darsadeen. Maamulka Gobolka Banaadir ayeey dadka ku eedeeyeen inay gabeen kaalintii ka saarnayd u adeegida Bulshada, iyaga oo sheegay inay bixiyaan Canshuur, balse aysan helin addeegyadii looga baahnaa Dowladda hoose. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor u dabaal dagay sanad kadib waxyaabaha uu qabtay, waxaana uu soo bandhigay waxqabad ku koobnaa wadada Maka AL Mukarama. Waxaa isweydiin mudan degmooyinka waqooyi miyaaney kamid ah aheyn degmooyinka uu maamul godoomiye Yariisow Maamulo, isaga oo la og yahay canshuurta dadkaasi laga qaado inay ku dhacdo qasnadda dowadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka gaar ah oo lagu meel mariniyey qorshe howlleedka Maamulka Gobolka Banaadir sanadkan 2019-ka. Maamulka heer Gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir ayaa mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshahan, iyagoona bogaadiyey xeel-dheerayaashii Soomaaliyeed ee asteeyey qorshe taabanaya nolasha bulshada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray dhammaan masuuliyiinta degmooyinka iyo heer Gobolba in laga dhabeeyo fulinta qorshe sannadeedka 2019-ka, isagoona adkeeyey maamul wanaagga iyo in si siman loogu adeego dhammaan bulshada Gobolka Banaadir. Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in kororka qoondada loo qorsheeyey baahinta adeegyada asaasiga ah, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo ilaalinta bilicda ay ka tarjumayso hiigsiga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan sanadkan 2019-ka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan xal u helista dhibaatooyinka nololeed ee dadka barakacayaasha ah iyo qoraheyaasha kale ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashada dawladda ee asaasiga ah oo haatan Maamulka Gobolku ay gacanta ku hayaan waxbarashada 12 Kun oo arday. Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa shacabka Caasimadda kula dardaarmay xoojinta xiriirka ay leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay maleegayso, sidoo kalena ay ilaaliyaan hanti guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dib u dhiska lagu sameynayo. The post Maamulka G/Banaadir Oo meel mariyey Qorshe muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland uu durba helay faa’idada heshiiskii isku soo dhawaansho ee dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Wararka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maamulka Jubbaland u fasaxday dhaqaalo loogu talo galay horumarinta deegaanada maamulka Jubbaland, kuwaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay xayirnaa. Caasimada Online ayaa ogaatay in maamulka Jubaland loo fasaxay lacag dhan $1.2M oo loogu talagalay dhismaha wadooyinka iyo mashaariic hormarineed oo laga hergaliyo gudaha magaalada Kismaayo. Lacagtaan ayaa markii hore u xayirneyd khilaafka Siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Hoggaanka Maamulka Jubaland iyo Madaxda Dowladda Dhexe, waxaana shirkii Garowe kadib muuqata isku soo dhawaansho dowladda iyo maamul goboleedyada. Beesha caalamka oo lacagtaan ku deeqday ayaa ilgaar ah ku haysa meesha iyo waxa lagu qaban doono lacagtan, waxaana jira walwal ah in lacagtaasi loo adeegsan karo ololaha Doorashada Jubaland ee soo socda. Sidoo kale waxaa wali xayiran dhaqaalo loo qorsheeyay horumarinta deegaanada maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo xayirmay waxii ka dambeeyay markii maamul goboleedyada ay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay in uu qasriga madaxtooyada kulan qarsoodi ah kula yeeshay xubno ka tirsan Hal-abuurka Somaliland oo ka kala yimid gobollada dalka qaarkood. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ama laga soo saaray ujeeddada kulankaas la sheegay inuu Madaxweyne Biixi la yeeshay qaar ka mid ah Abwaannada Somaliland. Hase-yeeshee, warar xog-ogaal ah oo si dhaw ula socday kulankaas oo Warbaahintu heshay ayaa tibaaxay in uu dhawaan ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, kaasoo looga dan lahaa sidii xukuumaddu u damin lahayd dhaqdhaqaaqa iyo kacdoonka suugaaneed ee laga dareemayo Bahda Hal-abuurka Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyay dareenka bulshada ku soo bandhigayey suugaan, balse ay Xukuumaddu xoog u dhibsatay. Wararka dheeraadka ah ee warbaahintu ka heshay kulankaas, ayaa intaa ku daray; in lagaga waddahadlay sidii loo joojin lahaa dareenka Hal-abuurka, qaabka nooc toogan loogu beddeli karo, sugaanta taban iyo dhaqdhaqaaqa Abwaannada ee ay Xukuumaddu dhibsatay. Intaas waxay ila-wareedyadu ku sii ladheen, in sidoo kale la isla soo qaaday intii kulanku socday inay xukuumaddu si kasta oo ay damin karto kacdoonka Abwaannada ay diyaar u tahay, isla markaana ay bilawday abaabul xooggan oo Hal-abuurradii suugantan bilaabay qaarkood loogu adeegsan lahaa in lagula xaalo hab qabiil, iyadoo qaarkoodna la sheegay in loo diray wasiirro ay isku beel yihiin iyo xubno kale oo xilal ka haya xukumadda. Dhanka kale, kulan ayaa la sheegay in Abwaannada uu Madaxwaynuhu kaga dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii Abwaannadii tiriyay gabayada ay xadhiggooda dhinac ugala soo jeestaan oo ay xubnaha kulanka ka qaybgalay iyo cidda ay meteli karaanba, xukuumadda ku taageeraan sida ay dembiileyaasha ugu aragto abwaannada qaabka wax u socdaan saluugay ee uu ka midka yahay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo weli u xidhan maanso uu kaga hadlay cadaalad-darro uu tilmaamay inay Saldhigyada Booliska ka jirto. Si cad looma shaacin tirada xubnaha Abwaannada xilligan ka midka ah ee Madaxxweynaha la kulmay intooda badan, balse qaarkood magacyadooda iyo gobollada amma kooxaha ay metelayeen la xaqiijiyey, balse aannu ku dedaalayno inaannu dhammaan xubnahaas magacyadooda, kooxaha iyo gobollada ay ka kala socdeen-ba waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa sida ugu suuragalsan. Waxaa muddooyinkii u danbeeyay Somaliland ka taagaan bahda Hal-abuurka dalka oo maansooyin iyo gabayo kusoo bandhigayey dareenka shacabka Somaliland iyo xaqiiqooyinka ka jira saldhigyada iyo xarumaha dawladda. Waxa kale oo ay gabayada iyo maansooyinka kala duwan ku tilmaamayeen Hal-abuurka iyo qorayaasha qaarkood, sinnaan la’aan, cadaaladdii oo la suuliyey, dadka oo la kala qaybinayo iyo ku dhaqanka qabiilka oo cirka isku shareeray, sida qaarkood suugaantooda ku sawireen iyo sida aan loogu fadhiyin in wakhtigan Somaliland sawir noocaas ah yeelato iyo gebi ahaanba dhacdooyin quruxdii qaranka wiiqaya oo bulshada reer Somaliland aad u saluugsan yihiin, dowladda ay maaraynta dhacdooyiyinkaas uga fadhidayna hoggaaminteedi sidaasba noqotay. Ka hadalka dareenka bulshada iyo sheegista xaaladaha rasmiga ee ka jira dalka, ayaa waxa illaa haatan u xidhan Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo bilawga bishii hore soo bandhigay suugaan uu arrimaasi kaga hadlayo, balse ay xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi xabsiga u taxaabtay, iyadoo weli kiiska ay xukuumaddu ku eedaynayso la gudo-gelin, isla markaana uu rummaan ahaan ugu jiro jeelka wayn ee magaalada Hagaysa. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan la sheegay in Madaxweyne Biixi kula kulmay Abwaannada dalka qaarkood iyo waxyaabaha lagaga hadlay, ayaa u muuqda qorshe xukuumaddu ku damacsan tahay inay ku kala qaybiso Hal-abuurka Somaliland ee xaqiiqada ka hadalkeeda iyo suugaan-ku-cabbirka xaaladaha jira badi isu bahaystay, sidii aanay saamayn ugu yeelan dareenka Shacabka niyad-jabsan. Hayesshee, haddii ay sidaas u dhacdo, ayey mar kale muujinaysaa, marag iyo markhaatina u noqonaysaa tallaabadaas Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu isla arrimaha ay Abwaannada qaar ka hadlayaan oo kala qaybintu ka mid tahay. Iyadoo damacsan in ay adeegsado dhaqaale wallow uu yahay lacagta la doonayo in lagu kala fur furaan cashuurtii danyarta laga soo ururiyay ee u baahnayd in wax loogu qabto. Haddaba, Dadka siyaasadda Madaxwaynayaasha Somaliland u kala danbeeyay, gaar ahaan Axmed-Siilaanyo iyo Muuse Biixi sida fiican u yaqaannaa ay sheegeen in qorshahan ay bilaabeen uu yahay midka keliya ee ay takhakhuska u leeyihiin tahay kala qaybinta bulshada iyo hadba kala jabinta kooxda ay u arkaan in ay isku aragti yihiin, taasoo ay illaa bilowgii halganka iyo wakgtiyadii qaaxo Khabiirro ku ahaayeen, sida ay falanqeeyayaasha aqoonta durugsan u lihi ku doodayaan. Hase-yeeshee, waxaas waxa uga wanaagsan oo faalladu soo jeedinaysaa inay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu la yimaaddaan hoggaamin wanaagsan iyo himilo toosan oo ay ku hantaan quluubta bulshada ay hoggaamiyaan. 2 inay Xukuumaddu abuurto nidaam lagu saxayo waxa qalloocan ee laga qaylinayo. 3 inay keento xalka xaaladaha qallafsan ee lagu jiro dhinac kasta oo ay tahay lagaga bixi karo, kuna abuuri karto rejo iyo inay soo ceshato kalsoonida badi bulshada sicir-bararka, adeeg-xumada, busaaradda, shaqo-yaraanta iyo kala qaybsanaantu barriinsatay. Marka ay arimahaasi aynu kor kusoo sheegaynay xalkooda sugto Xukuumaddu, ayey iyaduna hore u socon kartaa, haddii kale xaalku wuxuu ku dambayn karaa, isku mashquul qaranka dhaawac gaadhsiin kara, Illaahay innaguma keenee. Source
-
Popular Contributors