-
Content Count
207,344 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Somaliland ku sugan tahay xilligan. Xildhibaan Xoog oo Shalay Hargeysa kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay Dalka ka jirto Xaalad dhaqaale la’aaneed, taasi oo ay Bulshadu wada dareentay, sidaa darteed loo baahan yahay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi samayso furfuraan, halka buu yidhi ay wax walba xidhay. Xildhibaanka oo dhawaan ka soo laabtay Dalka dibeddiisa ayaa isagoo Xaaladda Waddanka ka hadlaya wuxuu yidhi “Xaaladda Waddanku waa Xaalad busaaradeed, Xaaladdaa busaaradeedna waxa keenay Maamulka Dawliga ah oo furfurnaan badan ka maqan tahay oo aad u xidh-xidhay noloshii Dadka. Markaan waddanka ku soo noqday waxaan arkay Waddanka dhaqdhaqaaqiisii dhaqaale, Ganacsi iyo shaqo ay taagan yihiin meeshii ugu xumayd.” Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog waxa kale oo uu ku dooday inaan Xukuumaddu waxba ka qabanin dhanka shaqo-abuurka “Xaggii shaqo-abuurka waxba lagama qaban, xaggii maceeshadda waxba lagama qabanin, sicir-bararkii kor ayuun buu u sii kacay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in loo baahan yahay in Xukuumaddu ay dhaqaalaha siidayso “Anigu ma aaminsani Dad Af-miishaariin ah oo lacag uun la iskaga qaybiyo, laakiin si kale ayaa Dadka lacagta lagu soo gaadhsiiyaa, lacagta waalla furaa, Mashaariicbaa la gelinayaa, shaqo-abuur baa la sameeyaa, Lacagtu markay Xukuumadda ka timaaddo Baayac-mushtarkii baa wax laga iibsanayaa, Baayac-mushtarkiina Cashuur ayuu bixinayaa.” Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in Dadka ka soo jeeda Koonfurta iyo bariga Hargeysa lagu dacaayadeeyo inay Soomaali-weyn yihiin, dacaayadaha noocaasna ah Xukuumaddu u soo dhiibto Dad uu ku sheegay inay yihiin Mucaarad ku sheeg “Hadduu hadlo Qofka ka soo jeedaa bariga iyo Koonfurta Hargeysa waxa la odhanayaa waa Soomaali-weyn, hadduu ka soo jeedo Gobolka Sool waxa la odhanayaa waa Puntland, qofku hadduu ka soo jeedo Awdal waxa la odhanayaa waa Awdal Land, Jabuuti ama Itoobiya, markaa haddii Dadku awalba ku kala qaybsameen doorashadii oo aan la isku soo jiidin, haddana haddii sii la bartilmaameedsado Dad gaar ah waxaan leeyahay Dadku way sii kala fogaanayaan, Xukuumaddu Mucaaradaddada uma adkaysanayso, haddaad Dad 60% Bulshada Somaliland ka ah aad shaambad la daba joogsato oo aad tidhaahdo waa Soomaali-weyn, una soo dhiibto kuwo Mucaarad ku sheeg ah, adiguna aad tidhaahdo Dadku way sii kala fogaanayaan uun.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyi markii la doortay waxa khudbadihiisa inta kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu marar ku celceliyaa in dawladda Soomaaliya ay Somaliland ku wado weeraro dhinac walba ah. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isagu aan mar kaliya jawaan ka bixin hadal Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo eedaymaha uu u jeediyo. Halkan hoose ka DAAWO inta ee uu Madaxweyne Muuse Biixi la hadlay Farmaajo Source
-
Hambalyo iyo Boggaadin kal iyo laab ah oo ku socota Ciidmada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland meel kast oo ay ku sugan yihiin iyagoo gudanayaan Shaqadii Qaranka ay u hayeen si Hufnaan ah iyo hagar la,aan ah ba. Waxa aan u diratay Ciidmada Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland Hambalyo iyo Boggaadin kal iyo laab ah oo aan kagga qayb qaadanaayo 25aad guurada ka so wareegtay Maalintii Dhidibada loo taagay ee 1994 oo Maanta ku beegan 2/22019 . Waxa aan ogahay Kaalinta qaaliga ah ee ay Qaranka ugu jiraan ee aan ciid buuxin karta jirin iyo Xaladaha qalafsan ee ay ku sugan yihiin kunna howl galaan si hagar la,aan ah . Waa Maalin qiimo iyo qaderin innagga mudan ku dhamaanteen waanna waajib guud ka qayb galkeeda iyo maamusida ah ixtiraam iyo xishmad aynu u hayno Ciidmada Qaranka. Ma ku habooneyn in Maanta laga dareemo dabal-dega 25aad guurada Ciidmada Qaranka rugaha iyo Talisyada guud iyo kuwa agaga kale duwan Ciidmada Qaranku ay leeyihiin balse waxay ku habooneyd in si dareen iyo Muwaadinimo Wadanimo ka dhadhamyso kana turjumaysa ama ah lagga dareemo meel kasta iyo goob kasta oo Dalka gudahiisa Xarun Dawladeed iyo mod gaar loo yahay la sudho Astaanta gaarka ah ee Ciidmada Qaranku gaar ka u leeyihiin . Taas iyadaha ma ah mid Dawlada xilkeeda ah ee waa mid saaran ku dhamaanteen Muwaadinta Jamhuuriyada Somaliland . Waxa aynu odhan karrna waxaynu halka iyadaha Muwadinin ahaan ka soo bixi kari weynay mid ka mid Waajibkii guud ee ina saaran kii ugu weyna ugunna muhiimsanaa . Waxa aan odhan karra shiksiyan waa sababaha aan waxyaalo badan oo Qarankeena ka dhiman aan u gaadhi weynay ka soo bixid la,aan ka timi innaga oo Muwaadininta Dalkeenna ah. Waxa aan door bidaya inan la wadaago inta Dadnimada iyo waxgaradnimada leh maanka iyo quluubta ku haya in la sameeyo waxna laga qabto baahiya Qaranka ee inugu waajibay Muwaadin ahaan. Inaynu isu taagno innagoo aan waxba ka hagraneyn buuxinta kaalin kasta oo Qarankeena dhisidiisa iyo taabbo-gelintiisa. Aduunyada ma dhismo Qaran aan lahayn Ciidamada Qaranka sida daradeed waa ogsoon nahay halka uu joogo heerka dar-yeel guud oo ay helaan ciidmadeenu marka loo eego Wadamada dariska ka . Waa inoo dulinimo iyo ayaan darro inaynu ficil guud yeelan weyno hadii aynu nahay Muwaadininta Jamhuuriyada Somaliland oo ay inaaggu jirto hamrasho aynaan sheegi kareyn waxa inagu kalifaya inaynu siddaa yeelo. Waxgaradka Bulshada Da,yarata Aqoon,yahanka ah waxa la gudboon sidii waxii Maanta ka danbeeya loo muujin laha maalmaha Qaranka ee la mid ah maanta oo Ciidmada Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland u dabaal-degayaan 25aad guurada ka so wareegtay Maalintii Aas-aasay, Waa mid muhiim aha in kor loo qaado Habmaamuska Ciimadeen iyo Maalmaha gaar u ah ee ay leeyihiin. Abokor I Mohamud. Bolton UK Waa Billahi Towfiiq. ————————- Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wasiirada xukuumadda Kheyre u sheegay in lagula xisaabtamayo fulinta heshiiskii ay la galeen ra’iisul wasaare Khayre ee halbeegdyada tubta amniga iyo cadaaladda.. Farmaajo ayaa hadalkan maanta sheegay isaga oo guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda oo looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyaasha ciidanka qalabka sida, hey’adaha amniga gobalka ayaa ka qayb galay kulanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hayadaha iyo wasaaraha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre in ay ku dhamaystirayaan sannadkaan 2019. Tubta amniga iyo cadaaladda oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa kamid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qarnaku ay kula wareegayaan amniga dalka iyo hagaajinta hannaanka caddaaladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
G/Sare Cabdullahi Buule Kamey oo ka tirsan Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sida loo dayacay hubka ciidamada qalabka sida, isaga oo akhriyey digniino arrintaas la xiriira“Digniin loo dirayo ciidamada sida sharci-darrada ah ugu heysta guryahooda hubka noocyadiisa kala duwan oo ka badan difaaca nafta, hubkaas oo loo adeegsan karo ujeedooyin guracan, oo ka baxsan difaaca qarannimada iyo sugidda amniga dalka, waxaa jira in kiisaska la horkeenno maxkamadda ciidamada qalabka sida intooda badan hubka lagu galo dambiyada ay yihiin hubka ciidamada qalabka sida oo leh shaabaddii iyo astaantii ciidamada qalabka sida iyada oo si qarsoodi ah loogu iibiyo ciidamada qalabka sida suuqyada sharci-darrada ah ee cirtoogtayaasha”. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka oo sii hadlaya ayaa sheegay inay jiraan dad aan ciidan aheyn oo heysta hub culus“Teeda kale, waxaa jira dad aan ka mid aheyn ciidamada qalabka sida oo heysta hub culus oo sharci-darro ah, kuwoo ciidamada ka tirsan ay ugu adeegsadaan hubka dowladda qaab aan nidaamka dowladnimada ku habooneyn, oo lid ku ah, iyaga oo ku xad-gudbaya nidaamka iyo xeerarka dalka”. Ugu dambeyntii waxaa Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka G/Sare Cabdullahi Buule Kamey ay soo saareen ammaro ay ka mid ahaayeen“Haddaba, dhammaan taliyeyaasha qololka ciidamada qalabka sida, waxaa laga doonayaa inay sugaan tirakoobka hubka iyo gaadiidka gashaaman ee ciidamada qalabka sida iyo dhaq-dhaqaaqooda, kaas oo laga yaabo inay adeegsadaan dadka ka soo horjeeda nidaamka dowliga ah ama loo adeegsado dano gaar ah, sidoo kale xubin kasta oo ku takri fasha, burburisa ama iibsata hubka iyo gaadiidka ciidanka ay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan xafiiska xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Safiirka dhawaan xilka laga bedelay ee Ingiriiska Mr. David Concar oo uu weheliyo ergayga cusub ee Ingiriisku u soo magacaabay xafiiskooda Hargeysa ayaa shalay kulan la qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay weheliyaan la taliyihiisa arrimaha dibadda Faadumo Siciid, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X. Xasan iyo xoghayaha guud Khadar Xuseen Looge. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka hoggaanka WADDANI iyo Masuuliyiinta metelayay Ingiriiska laakiin, qoraal kooban oo uu boggiisa Twitter-ka ku qoray xoghayaha WADDANI Mr Khadar Looge ayuu ku sheegay in ay ka wada hadleen doorashada baarlamaanka, islamarkaana ay si cad ugu sheegeen in ay xisbi ahaan diyaar u yihiin laakiin, ay madaxweynaha ka sugayaan in uu diyaariyo jawiga doorashadu ku qabsoomayso. Geesta kale xogo wargeyska Waaberi ka helay kulanka labada dhinac ayaa sheegaya in Mr David Concar oo dhawaan xilka wareejinayaa hoggaanka WADDANI waydiiyay su’aalo ku saabsan mawqifkooda doorashada. Su’aalaha waxa udub dhexaad u ahaa in xisbi ahaan ay diyaar u yihiin in doorashadu dhacdo iyo in kale. Xogaha ayaa intaas ku daraya in masuuliyiinta WADDANI u caddeeyeen in ay diyaar u yihiin doorashada laakiin, ay ku taaggan yihiin mawqifkooda ah kala dirista Komishanka iyo dhammaynta caqabadaha kale ee doorashada dib u dhigay. Dhanka Danjire Concar ma jiro war uu arrintan ka soo saaray laakiin, xogaha Waaberi helayo ayaa tilmaamaya in farriinta uu siday ay udub u dhexaad u ahayd in dawladda Ingiriisku doonayso in doorashadu ku qabsoonto xilliga la muddeeyay ee dhammaadka 2019. Dhanka kale weftiga Ingiriisku wuxuu kulan la qaatay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaana qoraal ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in laga wada hadlay arrimaha doorashada. Dawladda Ingiriiska ayaa dhawaan bedeshay David Concar oo muddo laba sanno ah xilkaasi hayay waxaana la filaya in uu dhawaan xilka ku wareejiyo safiirka cusub ee loo magacaabay jagadan. Madaxweyne Biixi oo shalay ka hadlayay arrimaha doorashada ayaa sheegay in ay muhiim Qaranka u yihiin in doorashooyinku qabsoomaan waxaanu xisbiyada ugu baaqay in ay ahmiyad siiyaan sidii doorasho u dhici lahayd xalna laga gaadho waxyaabaha hor yaalla qabsoomidda doorashada. Source
-
Xoolaha waa kuwa aan ku faano siiba Geela marka Daraasad aan sameeyey Dhawaan oo Kooban waxaan ku ogaadey in Maalin kasta Muqdisho keliya lagu Qalo 110 Neef oo Geela marka Bishii waa Imisa, Sannadkiina waa imisa, ku darso Gobolada kale marka waxa Muuqata Dhibaato weyn oo ku aadan Xaalufinta Geela oo Tarankiisa ay hakiyeen Dagaalada iyo Colaadaha Cunista Hilibka Geeka waxaa sii badiyey iyadoo dadka Soomaaliyed waayadaan dambe iska Dhaafeen Cunistii Hilibka Lo’ada oo ah Hilibyada aadka loogu jecel yahay dunida marka ma garan karo sababta ay dadka uga door Bideen Hilibka Geela , Maalin dhaweyn ayaa nin Saaxiibkey isagoo ila fadhiya ayaa waxaa Telka loogu soo sheegey in lo hayo Carab Lo’aad Inta aad u faraxay ayaa Waxaa weydiiyey waxaa uu ka rabo Carabka Lo’aad markasuu inta Afkiisa kala qaadey ayuu yiri “ Nabaradaas ayaa iga soo baxay marka Carabka ayaa ku daaweyn jirey, isagii ayaan maalmahaan raadinayey ” waxaan weydiiyey waa adiga Balansanaya Cararb Lo’aad ma suuqayadaa ka weysey? Inta igu qosley buu yiri “ Ma maantaan u dhibtoon lahaa Hilib Lo’aad iyo Caano lo’aad dadkii baa wax Xun looga sheegey Soomaali Maryooleey wax baa la diidaa la maqley,hadii ay ogaan lahaayen Macaanka Hilibkaas, iyo Daawadiisa waxaa ka sii daran sida uu ugu macaan yahay Busteekiga Dabar Go’a lagu hayo Geela hadii aan xal loo helin in mar uun waa lagu diimi doono Xoolaha Geela marka Waagii ay Dowlada jirtey waxaa dadka loo qorsheeyey in maalin ay Cunaan Hilib Lo’, maalin ay Cunaan Hilib Kaluun iyo maalin ay Cunaan Hilib geel waa marka ay soo baxeyso Heestii “Cuna Maleyga waa Shey Macaan” marka waxaa Dowlada Federaalka, Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir u sheegayaa in ay dib ugu laabtaan Qorshahaas si loo badbaadiyo xoolaheena gaar ahaan Geela W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
-
Iran oo soo bandhigtay gantaal cusub oo riddo dheer oo ay ugu dabaaldageyso 40-sano guurada kacaanka islaamiga+Sawirro Warbaahinta dowladda dalka Iiraan ayaa shaacisay iney Tehran ay xuska sanad guurada kacaanka dalkaasi oo sabtida la qabtay ay ku soo bandhigtay gantaal casri ah oo ay riddadiisu gareyso 1,300 kilo mitir (800 oo mile). Kacaanka Islaamiga ee dalka Iiraan oo dhacay 1979-kii wuxuu jirsaday 40 sano. Tehran ayaa waxay sheegtay iney sii ballaadhisay barnaamijyada ay ku sameeysaneyso hubka iyo gantaallada riddada dheer iyada oo jawaab uga dhigeyso cadadiska ay Mareykanka iyo Waddamada reer galbeedka dalkaasi ku hayaan. Sabtidi shalay ahayd Taliyaha sare ee ciddamada kacaanka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday iney Iiraan ay ku qasbanaatay iney sii ballaadhiso islamarkaana xaddigii looga tala galay ay dhaafiso sameysashada gantaallada riddada dheer ayna ku kalliftay cadaadiska waddamada reer galbeedka uga imanaya ayna sii wadeyso ilaa miiska wada hadalka loo soo noqdo. Wasiirka gaashaandhigga Iiraan Amir Hatami oo ka hadlay munaasabadda gantaalka lagu soo bandhigay ayaa wuxuu sheegay “Gantaalka la soo bandhigay inuu awood u leeyahay isaga oo bad sare ku soconaya uu muddo gaaban ku gaari karo halka lala beegsado”. “Gantalkan lagu magacaabo Hoveizeh wuxuu ka mid yahay bahda gantaallada Soumar oo ay Iiraan sameysay sanadkii 2015-ka” ayuu yiri Hatami. Khubarada reer galbeedkana waxay sheegeen iney Iiraan ay buunbuunineyso awoodda gantaalkan cusub ee ay sameeysatay balse uu ka duwaneen gantaalladi riddada dheeraa oo ay horay u sameysatay. Taliyaha sare ee ciidamada Kacaanka Iiraan qaybta hawad sare Amirali Hajizadeh ayaa wuxuu sheegay “Iiraan oo horay ugu guuleystay iney sameeyso matoorka diyaaradaha dagaalka ee gantaallada riddada dheer xambaara ayaa waxay haddana ku guuleysatay ayuu yiri gantaallada riddada dheer oo uu ka mid ah gantaalkan maanta la soo bandhigay ee Hoveizeh.” Muuqaal laga duubay gantaalka oo tijaaba lagu sameeynayo ayey wasaaradda ku sheegtay masaafa dhan 1,200 oo kiilo miitir oo gantaalakn lagu tijaabiyey in lagu guuleystay. Qaran News
-
Nairobi (SMN)-Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi ee ku sugan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay u fududeeyaan Al Shabaab in ay gudaha u galaan dalkaasi. Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ee lagu eedeeyay in ay gacan saar hoose la leeyihiin Al Shabaab oo weraro ka fuliya gudaha dalkaasi. Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah cuno iyo dawooyin ay leeyihiin Al Shabaab gudaha loo galiyo dalka Kenya. Laanta la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada Kenya ayaa dacwad ka dhan ah ciidamadan u gudbisay Wasaarada Amniga dalkaasi. Kenya oo qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta Al Shabaab oo bilihii la soo dhaafay weeraro xoogan ka geysanayay dalkaasi. The post Kenya Oo shaacisay saraakiil xiriir la leh Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar ( SMN)-Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa la sheegay in la filayo in bishan gudaheeda ay ka bixi doonaan deegaanada M/Hirshabelle oo ay xarun ku leeyihiin ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. War saxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa lagu sheegay in ay ka wada hadleen madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare sida ay suura gal u tahay ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabelle. Mr Madeira ayaa arrintan u cuskaday warbixin ay horay u soo saareen golaha ammaanka ee QM oo ku aadaneyd in AMISOM looga baahanyahay in ay yareyso ciidamada ka jooga Soomaaliya. Dhinaca kale hadalkan ka soo yeeray madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa walaac ka muujiyay Madaxweyne Waare, xilli weli deegaano ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay gacanta ku hayaan Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu muujiyay in wali ay jirto baahi loo qabo in AMISOM ay sii joogto deegaanada maamulkiisa, si loo dardar galiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. The post AMISOM Oo ka baxaysa deegaanada HirShabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somali Deals waa shirkad ganacsi oo cusub kana shaqeso gaar ahan qeybta iibka dhulalka iyo guryaha. Somali Deals, waxa ku dadaashaa bulshada Soomaaliyed usoo bandhigto dhul iib ah oo ku yaalla degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir. Dhulalka ee shirkadan hor keento macamisheda waa kuwa sharcigooda lagu kalsoonaan karo, oo lasoo hubiyey. Somali Deals ayaa waxaa aad uga faa’iideystay dadka dhulka iska iibinaya, oo markii hore dhib ku qabay in dhulkooda ay deg deg u iibiyaan, maadaama dalaalka waqti badan ay ka qaadato inuu dhulka gaarsiiyo dadka doonaya. Hase yeeshee, shirkadda Somali Deals oo adeegsaneysa teknoolajiyadda online-ka, sida website-ka, facebook, twitter iyo baraha bulshada, ayaa durba dhulka gaarsiisaa boqolaal qof, taasi oo sahasha in durba la iibsado. Sidoo kale, dadka ayagana doonaya inay dhulka iibsadaan oo markii hore ku dhibtoon jiray raadinta dhul iib ah, oo sharcigiisa sax yahay, ayaa hadda si sahal ah ku hela dhulka. Haddii aad magaalada Muqdisho ka dooneysid dhul deegaan ah ama maal gashi aad ka faa’iido, waxa laguugu so dhaweyn doona gacmo furan. Dhinaca kale, haddii aad gaar ahan rabtid inaad lagu suuq geeyo dhul ama guri, waxay shirkada si dhaqsi leh u garsiin doontaa dhammaan bulshada ayada oo isticmaali doonta qaabka casriga ah ee Online. Waxay shirkadda leedaha website, facebook iyo twitter. Wixii faah-faahin fadlan boqo website ka: http://www.somalideals.com/ad_category/dhul-iib-ah/ Aama kala xarir numberada kala ah: 0616888110/ 0616888119/ 617480780
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee la wareegay hoggaanka ciidamada Amisom, Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn, oo kasoo jeeda dalka Itoobiya, ayaa wacad ku maray inuu xididada u siibi doono kooxda Al-Shabaab. “Waa shaqo adag, balse waxaan ku kalsoonahay inaan qaban karo” waxaa sidaas shaaca ka qaaday taliye Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn. Waxa uu sheegay in dagaalka AMISOM ay kula jirto Al-Shabaab uu yahay mid adag, islamarkaana kooxdan ay sii xoogeysaneyso oo ay kordhisay weerarada ay ka fulineyso dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Shaqada ugu adage e dagaalka Al-Shabaab, ayuu sheegay inay tahay sidii kooxdan looga saari lahaa deegaanada ay ku xooggan tahay ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku teedsan xuduudda dalka Kenya. Labadii toddobaad ee tegay Al-Shabaab ayaa laba weerar oo kala duwan oo dhimasho badnaa la beegsatay ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dishay askar ku dhow 80, sida ay sheegatay. Khasaaraha nafeed ee gaaray ciidamada dalkiisa, ayaa dagaalka iyo ka adkaanshaha Al-Shabaab ka dhigaya, mid muhiimad gaar ah u leh Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn. Ethiopia ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 4,200 oo askari oo qeyb ka ah ciidamada Amisom, hase yeeshee askarta kale ee Ethiopia ka jooga dalka, ee aan qeybta ka ahayn Amisom, ayaa intaas aad uga badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
By PETER KAGWANJA Leadership, it is said, requires a fine balance of humility and hubris. Despite its splendid recovery, Somalia still is, sadly, a target of ridicule and hubris, an excessive pride that ancient Greeks scorned at as defiance of the gods (truth), leading to nemesis or doom. In a televised speech to the Uganda Annual Judge’s Conference (January 28, 2019), President Yoweri Museveni, rather brashly and undiplomatically, proclaimed that “Somalia is not a state” and has no “organised authority.” The Ugandan leader did not feel morally, diplomatically or otherwise constrained to label Somalia as “stateless” despite not naming other countries with no organised authority “for diplomatic reasons”. In a deep intellectual sense, Mr Museveni’s “stateless Somalia” remark echoes the cynical view of Africa conveyed by the polemical book, Africa Works: Disorder as Political Instrument (1999), where Patrick Chabal and Jean-Pascal Daloz dismiss the African state as “weak”, “vacuous”, “ineffectual”. As the adage goes, people who live in glass houses should not throw stones. State failure, like beauty or ugliness, is in the eye of the beholder. In a 2006 book, Failed States: The Abuse of Power and the Assault on Democracy, Noam Chomsky presciently warned that the United States was becoming a failed state, and thus a danger to its own people and the world. Mogadishu has ignored Museveni’s broadside. “We’re a state internationally recognised and that’s why I’m now here with my Kenyan counterpart”, said Somalia’s Foreign Affairs Minister, Ahmed Awad. Beyond the “failed state” polemic, Somalia is the poster child of an “Africa rising” from the ashes of civil war in the 21st century. The nation has come a long way from its dark days in the 1990s, captured in a newly published book, The Roots of the Somali Crisis: An Insider’s Memoir (2019) by Colonel Ahmed Omar Jess. CONFLICT Jess, one of the key players in the events that led to the failure and withering away of the Somali State, insightfully captures Somalia’s unique challenge: “In contrast to the rest of Africa where states are struggling to become a nation, the Somali is a nation struggling to become a state.” (p.241). However, two reports this week highlight Somalia’s recovery. First, a January 28, 2019 report to the UN Security Council by the World Food Programme (WFP) and the Food and Agriculture Organisation (FAO) depicts Somalia as one of the few areas experiencing violence which have seen some improvements in food scarcity and improved security. In one year, the number of Somalis experiencing acute food shortages dropped by almost half from 3.3 million in July 2017 to 1.8 million in July 2018. Second is a January 25, 2019 survey by the Washington-based Africa Centre for Strategic Studies (ACSS), “Progress and Setbacks in the Fight against African Militant Islamist Groups in 2018”, which shows that fatalities linked to al-Shabaab dropped by 15pc from about 4,700 in 2017 to 4,000 last year. Delightfully, the world’s most protracted refugee crisis might be slowly coming to an end. Last year, a total of 122,000 Somalis returned to Somalia from neighbouring countries, about three-quarters of them from the Dadaab refugee camp in Kenya. Remarkably, Somalia’s recovery is a fine blend of internal reforms and a new global deal. Despite significant setbacks, Somalis are deepening their democracy. In the last 18 years, power has peacefully changed hands from five presidents and more than eight prime ministers to the respective winners. A strategic partnership and executive power-sharing in Villa Somalia between President Mohamed Abdullahi Farmajo and Prime Minister Hassan Ali Khayre is working, and paying off. In 2018, domestic revenue peaked at over $200 million, the highest in decades. In separate deals last year, the European Union (EU) and the World Bank approved a nearly $200 million budget support to Somalia, the first in 27 years. Development is draining the swamps of violent extremism. “Economic development will help us reduce poverty and greatly contribute to our efforts to combat terrorism and violent extremism,” said Khayre. Even though Al-Shabaab remains the deadliest terror group in Africa, accounting for almost 42 per cent of all reported fatalities involving armed Islamist groups on the continent in 2018, a festering conflict between Villa Somalia and Federal States is the real existential crisis facing Somalia. LEGITIMATE Blissfully, post-civil war Somalia is at peace with all its neighbours. Two events this week signify the new spirit of détente between Somalia and Kenya. And on January 29, 2019, Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre made his maiden visit to Kenya to deliver President Farmajo’s goodwill and condolence message to President Uhuru Kenyatta after the Al-Shabaab terrorist attack at 14 Riverside Drive. “Kenya is Somalia’s number one strategic partner in the ongoing transformation of the Horn of Africa country”, Khayre told his host, noting that Somalia currently hosts over 50,000 Kenyans working in various sectors of its economy. “Kenya’s efforts (to support the Federal Government) have not gone to waste,” the President said alluding to the role that Kenya has played over the years to support a legitimate “organised authority” in Mogadishu. Second, on January 30, 2019, Kenya and Somalia held their Joint Commission for Cooperation talks, signing a cooperation and security deal to step up the fight against Al-Shabaab. But Somalia’s neighbours still have serious concerns over Villa Somalia’s ability to secure their borders with Somalia. While respecting the sovereignty of Somalia, Kenya and Ethiopia have maintained strategic relations with Somalia’s federal states, which has caused friction with Mogadishu. The creation of Jubbaland as a semi-autonomous region in Somalia under former militia leader, Sheikh Ahmed Madobe, is a case in point. In this context, the upcoming presidential election in Jubbaland in August 2019 will be the acid test for the Kenya-Somali détente. Prof Kagwanja is a former Government Adviser and currently Chief Executive at the Africa Policy Institute. DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
-
Addis Ababa, Ethiopia (ADV) – The new Ethiopian General charged with the responsibility to flush out the rag-tag Al-Shabaab fighters from their strongholds in Somalia has said the task was doable. “This Mission is a challenging one, but we are up to the task,” Lieutenant General Tigabu Yilma Wondimhunegn assured a high-profile African Union and Ethiopian officials in Addis Ababa, sources said Saturday. Lt. Gen. Wondimhunegn is already on the ground as Force Commander of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). “The task ahead is enormous, but I am very confident that you can do it,” AMISOM’s political head, Francisco Caetano Madeira told the Ethiopian General during the handing over ceremony in Ethiopia this week. Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn from Ethiopia, replaces Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire from Uganda who has served in the capacity since January 2018. Gen. Tigabu has 34-years experience in the military and has served the Ethiopia National Defence Forces (ENDF) in several capacities, including as Division, Brigade, Battalion, and Company Commander. Prior to his appointment, he served as a member of the Defense Council and Head of Defense Logistics Main Department, where he was instrumental in planning, delivery, generation and integration of the Defense Capability, among others. He holds a Masters degree in Business Administration, a degree in Leadership and Military Science and a Diploma in Law. AMISOM is fighting an uphill battle against the Islamist extremist group since nearly a decade now but Al-Shabaab fighters keep turning hell loose in Somalia and neighboring Kenya. Previous Somali governments had alleged that the biggest challenge was to uproot the terror group from its strongholds in the south of the country along the borders with Kenya. Ethiopia has over 4,200 soldiers serving the AMISOM group which composes countries neighbouring to Somalia serving under the aegis of the African Union. Source: Africa Daily Voice
-
Guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof (1,500,000) ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Faysal Cali Sheekh oo xaaladda guud oo Somaliland ka hadlayey waxaa uu leeyahay “ Dhulka loo yaqaano Nugaal-Laascanaood, Xudur ilaa Taleex, Ceel-afweyn, Gar-adag-dhulkaas waxaa uu jiraa culeys siyaado ah, Hawdka oo bilaabmaya Faraweyne oo Hargeisa ah ilamaa Saaxdheer oo Sool ah, dhulkaas oomanaha ah waxaa uu galay culesy darajada 3aad, bariga Golis iyo galbeedka iyadana waxaa ay jiraa xaaladda 2aad, Gabanka dhulka loo yaqaano xeebaha waxaa uu galay xaalad degdeg ah, dhulka xoolo dhaqatada Togdheer sida Burco iyo Oodweyne waxa ay galeen xaalad adag, Mardoodi-jeex, Gabiley iyo Awdal oo ah dhul xoolo dhaqato, beeraley waxaa ay ku jiraan xaalad adag”. Sanadkii la soo dhaafay waxaa uu sheegay inuu wax soosaarka aad u yaraa, isaga oo abaaro, dufaanno iyo arrimo kale u sababeeyyey waxyaabaha culeyska keenay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Africa Confidential ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Hyaosm, iyo sida ay uga fal-celiyeen quwadaha waa weyn ee dunida. Wargeyska waxa uu sheegay in dalalka Midowga Yurub sida UK, France iyo Germany ay aad uga carrodeen tallaabadaas, kana soo horjeesteen. Hase yeeshee wargeyska ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageero u muujisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Africa Confidential ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay hadda tahay mid ka mid ah dowladaha ugu taageerada xooggan dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mid ka mid ah sababaha Mareykanka ay u muuqato inuu u taageeray cayrinta Haysom, ayuu wargeyska sheegay inay tahay ayaga oo aad uga carrooday soo jeedin Haysom ka timid bishii November ee 2018, intii uu socday kulan dhex-maray dalalka deeqaha siiya Soomaaliya. Haysom ayaa kulankaas kasoo jeediyey in dowladda Soomaaliya iyo caalamka ay wada-xaajood la furaan Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale taas ka carrooday dowladda Farmaajo, sida uu sheegay wargeyska. Wargeyska ayaa sheegay in markii cayrinta Haysom ay gaartay golaha ammaanka QM, inkasta oo Mareykanka uu taageeray qaraarka dalalka Yurub ay riixayeen, haddana ay ahayd taageero aan xamaasadeesneyn oo ay wax u laaban yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian. “Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Qin Jian.”ayuu yiri Wasiir Beyle Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dalka Shiinaha uu yahay taageero muhiim ah iyo saaxiib xiriir taariikhi ah la leh Soomaaliya. Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka xiriirka fog la leh Soomaaliya, isagoona dalka ka fuliya Mashaariic waaweyn oo waxtar u leh dadka Soomaaliyeed. The post Wasiir Beyle Oo la kulmay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyihii degmada Jarriiban ee gobolka Mudug (Puntland), Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa maanta xilka iska casilay, sida uu ka shaaciyay shir jaraa’id oo uu ku qabtay degmadaasi. Guddoomiye Shirwac, ayaa sheegay in uu isu’ casilay, arrimo caafimaad oo isaga u gaar ah, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan dadkii la soo shaqeeyay, oo ay u horreeyaan xildhibaannada golaha degaanka Jarriiban. Shirwac ayaa xilkan loo doortay, 10 bishii June ee sannadkii 2015, kadib kulan ay halkaasi ku yeesheen, xildhibaannada golaha degaanka degmada Jarriiban oo ka kooban 21 xubnood, waxaana uu xafiiska joogay mudda 3 sano iyo 7 bilood ah. Degmada Jarriiban waxay qiyaastii 180km dhinaca bari ka xigtaa, magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana hoostaga ilaa 56 degaan oo u badan tuulooyin yar yar. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Guddoomiyihii degmada Jarriiban oo is’casilay appeared first on Puntland Post.
-
The Ogaden National Liberation Front (ONLF) in Ethiopia will be fully abandoning arm struggle in the coming few days, says a top Somali region official. The Front has agreed to fully disarm and engage in a peaceful political dialog by fully abandoning its decades old arm struggle strategy, according to Mustafa Mohammed Omar, the recently appointed Deputy President of Somali region of Ethiopia. Mr. Mustaffa, who took over the leadership of Somali region from Abdi Illey a few months ago told the state broadcaster – ETV that I the coming few days the ONLF will be fully disarmed. It is indicated that The Front made the decision following the agreement recently reached with the federal government to abandon the arm struggle and fully focus on peaceful political discourse. “…Because of the political change in Ethiopia and they are convinced that the current condition is conducive for them to advance their political struggle peacefully…In the coming three four days they will fully move their force to the government and the issue will be resolved,” Mustafa said. So far many of the armed group members are already disarmed voluntarily because they are convinced that there is a space for them to pursue peaceful political discourse in Ethiopia. The people in Somali region of Ethiopia have been suffering for long and deserve peace and development, according to Mustafa. The former president of Somali region of Ethiopia is currently in jail charged for human rights violations, ordering the death and torture of many Ethiopians. Since 1984 ONLF has been fighting for the right to self-determination for Somalis in the Somali Region of Ethiopia. It is recalled that ONLF has unilaterally declared cease fire on August 12, 2018. The decision came following the coming to power of Ethiopia’s reformist Prime Minister Abiy Ahmed and the call he made to all armed groups to advance peaceful politics. The post ONLF rebel group abandons arm struggle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HrShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Madaxweyne Waare ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaaladaasi, isagoona ka bilaabi doono kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle . Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jowhar ayaa Shabelle u sheegay in u jeedada ugu weyn ee kulamadan ay tahay sidii xal looga gaari lahaa cabasho ku aadan Mushaaraad ka maqan golaha wakiilada maamulkaasi. Shalay ayey aheyd markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabelle ay cod dheer ku sheegeen in lala xisaabtami doono madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, si wax looga weydiiyo cabashooyinka la xariira dhinaca Mushaaraadka iyo sidoo kale tabashooyin ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. The post Madaxweynaha HirShabelle Oo ku wajahan M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors