-
Content Count
207,344 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Inta aanan hoos u daadegin, horta ma aragtay xildhibaanno aad doonaysay in aad xaflad ku maamuustid oo marka aad u sheegtid inta su`aalo badan ku weydiiya, cabbaar ka dib kaa cudurdaarta? Ma la kulantay Xildhibaanno kaa ballanqaaday in ay kaala qaybgalaan xaflad, laakiin markii xilligii la gaaray taleefoonka kaa qaban waayey ama kaa cudurdaartay? Ma aragtay Xildhibaanno ku soo ajiibay oo kuu yimid, laakiin marka ay yimaadaanba kaa codsada in hadalka loogu hormariyo, marka ay hadlaanna horay ka baxa? Ma fahantay sababtaasi? Haddii aadan kasin hadda ayaan kuu sheegine, wax yar sug. Magaalada Muqdisho, waxaa waayadan ka dhaca xaflado farihii ka batay oo kala nooc ah. Iskool la furayo, jaamacad la xirayo, arday qalinjabinaysa, buug, urur, ganacsi la daahfurayo, xaflado sagoontis IWM. Qolo kasta oo hawlahaasi wax ka mid ah qabsanaysa, waxa ay raadiyaan Xildhibaanno uga qeybgala oo ay munaasabaddaasi ku weynaystaan, markaasba laga yaabaa in ay Xildhibaanno ay maalintaas oo wacaan 10naan qof oo warsanaysa in ay munaasabad kala qeybgalaan. Maxaa Xildhibaannadii ku soo kordhay? Xildhibaannadii marka ay arkeen sida loo raadinayo, waxa ay bilaabeen in ay dadka la kafkaftamaan oo markaasi ay aadaan qolada garashada leh ee maalintaas bixin karta dhaqdhaqaaqa xildhibaanka. Tii igu xiisaha badnayd Subax dhaweyto ayaan tagay hoteelka Maka-al-mukarrama. Laba wiil oo aan garanayey ayaa kor inta iga aragtay ii yeertay. Wiilashaan oo xaflad qabanqaabiyeyaal ka ahaa, ayaa inta raadiyey la kulmay Xildhibaan ay doonayeen in uu xafladdaas kala qeybgalo, laakiin waxa uu u sheegay in boqollaal meel laga wacay maanta, laakiin uu iyaga raaacayo haddii ay bixiyaan shidaalka iyo qayilaaddaa wardiyihiisa. Markaa ayey isweydiinayeen, qaddarka ay siin lahaayeen Xildhibaankaas oo gudaha hoteelka ku jiray oo ka sugayey go`aan. Aniga ayey taladii iga qeybgeliyeen, markaas baan ku iri, “War haddii ay lacag joogto, Xildhibaan lacag badan buu u baahan yehee, mana bixin kartaane, iska dhaafa.” Isjiidjiid dheer ka dib, waxa ay isla qaateen in ay 200 Doolar ku dayaan, oo haddii uu yeelana ay ballansadaan, haddii uu diidana ay iska dhafaan. Waa u tageen, waana u sheegeen. Waxa uu ku yiri, “Adeerrayaal waxaasi waxba ma ahan laakiin soo tuura, ogaadana in aan bilaash idin kugu imid iyo Soomaalinimo ee aanan waxaas meel ku tegin.” Galabtaasi waa tagay xafladdaasi aniga oo rabay in aan eego habdhaqanka Xildhibaankaasi. Waxa aan la yaabay in uu Xildhibaankaasi ahaa qofkii ugu dambeeyey oo xafladdaasi ka baxa, illeen waa nin 200 dhaarsanayee! Galabtaasi ayaan wax badan fahay. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka Kenya ayaa waxa ay ku eedeeynayaan booliska dalkaas ee ka hawlgala xadka Soomaaliya, inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, kana caawiyaan ganacsiga iyaga oo ka qaata lacag. Sida laga xiganayo cabasho ay gudbiyeen ciidanka Xoogga ee Kenya 1-da bishan Febraayo, booliska ayaa la sheegay in ay ganacsi sharci darro ah uu kala dhaxeeyo Al-Shabaab. Ciidamadu waxa ay sheegeen in ganacsigaas uu dhaqaale u soo hooyo kooxaha argagixisada ah ee falalka amni-darro ka geysta Kenya. “Waa ganacsiga sharci darada ah waxa maalgaliya Al-Shabaab hawlgaladooda oo ay ku helaan qaadidda Zakawaadka,” waxa ay ku qorneyd sidaas qeyb ka mid ah cabashada. Sida ay sheegeen ciidamada Xoogga ee Kenya, xarun boolis oo ku taal degmada Habasweyn, booliska waxa ay u adeegsaneyeen gaadiidkooda ganacsiga shacri darada ah ee ay la sameeyaan argagixisada. Ciidamada waxa ay ugu baaqeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Fred Matiang’i, iyo baaraha guud Joseph Boinnet iyo agaasimaha dacwad oogaha dowladda Nuuradiin Xaaji in ay soo faragaliyaan arrintan. Waxyaabaha booliska lagu eedeenayo waxaa ka mid ah in ay iibiyaan sonkor koontara baan ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab oo ay kaga qaataan lacago badan. “Ciidamada Xoogga ee ku sugan Habasweyn waxa ay ka gudbiyeen booliska ku sugan halkaas eedeymo cul culus oo ay ka mid yihiin boqolaal juwaan oo sonkor ah oo ahaa sharci-darro, balse la waayey oo lagu ogaa dukaanka booliska” “Sonkorta la sheegayo waxa ay tiradooda guud lagu sheegay 309 jawaan oo sanadkii ciidamada xoogga la wareegeen xilli laga soo gudbinayey xadka Kenya iyo Soomaaliya lalana xiriiriyey Al-Shabaab,” waxaa sidaas ku cawday milatariga. Hase ahaatee, ciidamada waxa ay sheegeen in taliyaha booliska ee Habasweyn uu sonkortaas ku qaaday gaarigiisa oo uu geeyey gurigiisa ku yaala magaalada Kitui oo inta la iibiyey lacagtii loo keenay Al-Shabaab. “Taliyaha waxa uu alaabta iibinayey isaga oo adeegsanaya gaariga booliska si loo fududeeyo ganacsiga sharci darada ah. Alaabta qaar waxaa la sheegay in la geeyey gurigiisa oo ku yaal Kitui siloo sii iibiyo” “Halkii uu noqon lahaa qof ilaaliya sharciga, taliyaha waxa uu ku tagrifalay awooddiisa isaga oo ku caawiyey Al-Shabaab dhaqdhaqaaqooda isaga oo iibiyey sonkor si sharci darro ah habeen madow la soo galiyey,” waxaa sidaas sheegay ciidamada. Ciidamada waxa ay ogaadeen in sonkorta maqan tahay kaddib markii ay wey weydiiyeen oo loo waayey sharraxaad. Koox ciidamada ka mid ah oo ku sugan Dadajabula ee gobolka Wajiir ayaa sheegay in laga horistaagay in ay baaritaan ku sameeyaan dukaanka xarunta booliska markii ay ka shikiyeen in ay maqan tahay. “Ciidamada waa loo diiday in ay wax ka ogaadaan dukaanka saldhigga booliska si ay u caddeeyaan eedda. Muxuu taliyaha qarinayaa ama ka baqayaa marka uu diidayo baaritaankaas yar hadii uusan dambiile ahayn?” Waxaa sidaas yiri ciidamada. “Ha ogaado muwaadiniinta way la socdaan! Ciidamada Xoogga waxa ay dareemayaan niyad jab oo tani waxa ay saameyn doontaa la dagaalanka argagixisada ilaa la qaado tallaabo deg deg ah,” waxaa sidaas laga soo xiganayaa Ciidamada. Isha warka laga soo xigatay ayaa sheegay in ay la yaabanaayeen sida Al-Shabaab maalgalin ugu heesho dhaqdhaqaaqyadooda dalka Kenya gudihiisa ah iyo sida ay ku helaan xogaha ciidamada loo diyaariyo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan ku eedeeyey Puntland in ay tahay maamul laga xigo beesha Sool clan kaddib doorashadii dhawaan dhacday. Biixi waxa uu tusaale u soo qaatay guuldaraddii doorashadii dhaweyd ka soo gaadhay beesha Sool clan kaddib markii lagu bahdilay Garoowe Dr. Cali Ciise oo ka mid ah siyaasiyiintooda ugu saameynta badan. Madaxweynaha Somaliland oo la hadlayey ciidamada qalabka sida ee maamulkaas ayaa sheegay in Garoowe iyo Soomaaliiya la kala xigo oo ay tusaale cad u tahay sidii Dr. Cali Ciise loogu galay Puntland. Hase yeeshee, Muuse Biixi waxa uu ilaaway sida ay Somaliland oo uu Madaxweynaha u yahay xaqooda u duudsiisay beelaha aan Isaaqa ahayn sida Awdal Clan, East Sanaag Clan iyo Beesha Sool clan oo saameyn deegaan ku leh. Muuse Biixi waxa uu meesha ka saaray oo uu iska indha tiray in Sool clan aysan wali ku yeelan Xisbi Siyaasadeed Somaliland iyada oo ay dhammaan xisbiyada yihiin kuwo ay hoggaamiyaan beesha dhexe waxa loo yaqaan ee uu ka soo jeedo. Waxa uu hadalkiisa ku soo hadal qaaday Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo isna miisaan siyaasadeed ku leh Somaliland oo ka soo jeeda beesha Awdal Clan oo ay meel cidla ah dhigeen. Haa, wuu soo qaatay in Daahir Rayaale oo ay isku hayb yihiin Professor Axmed 8 sano hogaamiyey Somaliland balse kuma uusan darsan xisaabta in Samatar uga soo goystay mabdi’ii Soomaali weyn ee uu aaminsanaa. Dhammaan markii aad eegto qodobadaas waxaa kuu soo baxaya in Muuse Biixi iska hadlay ee xaqiiqda u saleysneyn waxa uu ka hadlay. Tusaale, Dr. Cali Ciise beesha uu ka soo jeedo waxa ay Somaliland uga saami yo miisaan culustay Puntland oo ay ku haystaan Madaxweyne ku xigeen iyo jagooyin badan. Madaxweynaha Somalland Muuse Biixi, kahor inta aan looga garaabin doodiisa ah in Puntland reer leeyahay waa in uu su’aalahaas ka jawaabo! W/Q: Guuleed Baashe Axmed Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hafuus Abdullahi ayaa ka tagtay magaalada Mugdishu taarikhdu markey aheyd 14 Decembar 2018 ayadoo u Baxdey Xaalad Caafimaad Una Aadey Wadanka India Gaar Ahaan Delhi Hafuus waxey galeysaa qaliin maanta oo Isniin ah Taariikhdu Ku beegan Tahey 4 Febraury sanadka 2019-ka. Qaliinka ay galeeyso waxaa loo yaqaan (Liver Transplantation) Beerka waxa uu ka mid yahay, xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhammaantood lagama maarmaan ah oo khubaradu ku sheegeen illaa 500 oo shaqo, halka qarkoodna ay kumannaan gaadhsiiyaanba. Shaqooyinkaas tirada badan ee beerka waxaa ka mid ah in uu burburiyo ama jirka ka saaro suntan soo gasha, waxa uu kaalin mug leh ka qaataa shaqada hab-dhiska difaaca, gaar ahaan shiidista maaddooyinka carbon Hydrate ka ah, Bartootiinnada iyo dufanka, sidoo kale dufanka dheeraadka ah ayaa uu jirka ka saaraa iwm, Cudurka beerka wuxuu naqan karaa mid daran oo Aan daaweyn laheyn ku dhaca beerka kuna Yeesha saameyn Xun. Wax qabadka beerka xalkiiza waa kaliyah Qofka In beerka Laga Saaro oo beer Cusub Oo Qof Kale Looga soo saarey La siiyo Hafuus ayaa waxaa beerka muddo bilooyin ah ka xanuunsanaya aabaheed daawadiisa Waxey Naqatey Inuu qaliin galo si Looga badalo Beerka. Hafuus waxey la xanuunsaneysa aabaheyd Xanuunka uu dareemaayo marwalba Wey la Murugooneysay waxey go’aansatey Iney aabaheyd ayada beerka u badasho si uu aabe caafimaadkisa ugu so laabto Dad baadan ayeey la yaab ku naqatey arintaan Qaarkood ayaa is weydiinaya horta beerka qof malo bixin karaa? Beerka Qof waa Lo bixin karaa sida Loo badalo kilyaha Ayaa Isaga na Lo badalaa qeyb Ka mid Ah beerkeeda Ayaa La siinaa aabaheyd Qalitaanka beerka Inta badan waa lagu guuleystaa In yar mooye Hafuus Abdullahi waxey gudaneysa waajibkeeda Oo kaliyah waxa nalo dhaley nalo soo Barbaariyey Waalidkeena Dhibaato Badan ayey naga Soo mareyn waxey ku dadaaali jireyn caafimaadkena, Waxey u qadi jireyn si ee anaga cunna noo siiyaan, Farxadeena ayey tooda ka hormariyaan had iyo jeer waalidka xaqooda ma gudi karno kun Iyo koow jeer mJeera nantaha hadey qatar ku Jirto nafta In loo Huro Weliba Qatar Loo Geliyo si noloshooda ay u bad baado. Gabdhaha iyo wiilasha ayaa la tilmaamaa in ay kala beer jilicsanyihiin marka laga hadlayo dhanka u baari falka waalidka gabdhaha ayaana baarisan ayeey dadka yiraahdaan. Waalidka gabdha dhalay ayaa bulshada Muslimka ah ka codsanaya in ay u soo duceeyaan gabadha iyo aabaheed. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gabar Soomaaliyeed oo Aabaheed Maanta Beerka ugu Bixineeyso Hindiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha bixitaanka ciidamada Burundi ee dalka Soomaaliya. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in qorshaha bixitaanka ciidamada Burundi aan la gaarin waqtigiisa, isaga oo sheegay in maamulka Hirshabeelle uu walaac badan ka qabo go’aankaasi oo horey loo gaaray. Hadalkiisa ayaa ka dambeeyay kadib markii uu magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ahna taliyaha ciidamada ugu sareeya ee AMISOM Mr Fransisco Madeiri. 25 Maalin kadib waxaa qorshaha uu yahay in ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo gaaraya 1000 askari ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya, waxaana maamulada ay saameyn doonaan kamid ah Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo ay joogaan ciidamada ugu badan ee ka socdo dalka Burundi. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in haddii ciidamada Burundi ay ka baxaan deegaanada maamulkiisa ay dib usoo noolaan karaan ciidamada Al Shabaab ee horey looga saaray deegaano badan oo ka tirsan Hirshabeelle. Ciidamada Burundi ayaa ku sugan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Mahadaay iyo deegaanada kale ee maamulka Hirshabeelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa dib usoo cusbooneysiisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xerto xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya kadib weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka ku yeela xaafadda Westland. Warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganeysay saraakiisha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ruux kamid ah shantii ruux ee weerartay Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi uu ku sugnaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya. Baaritaano laamaha amaanka ay sameeyeen kadib waxaa la ogaaday ruuxa kamid ah shanta ruux in cadeymo qaxootinimo inuu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadibna ay u sahlanaatay inuu weerarkaasi fuliyo. Dowladda Kenya ayaa hadda sheegtay inay dib u eegayaan xeritaanka xerada Dhadhaab ee dalka Kenya, waxaana la sheegay in mar badan shakiyo laga muujiyay suurta galnimada in Al Shabaab ku dhuumaaleysan karaan xeryahaasi. Dowladda Kenya weli kuma dhawaaqin qorshaha la sheegay inay ku xiri doonaan Xeryahaasi, balse waxaa socda La-tashiyo iyo Dib-u-eegista qorshahaasi. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka Kenya Mr Nakiaseri ayaa horey u sheegay in Al Shabaab ay ku dhuumaaleystaan xeryaha qaxootiga islamarkaana loo baahan yahay dowladda Kenya inay xerto xeryahaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
By MOHAMED AHMED When authorities raided four mosques in Mombasa following their links to radicalisation of youth in 2014, police said they had made a “major” step in the fight against terrorism. The mosques – Masjid Musa, Masjid Sakina, Masjid Swafaa and Masjid Mina – located in Majengo and Kisauni were then temporarily shut down and opened later after an agreement between security agents and local Muslim leaders. By then, police believed they had dismantled terror cells that were the breeding grounds for terrorists. It was after the raid that hundreds of youths from Mombasa who had been radicalised were forced to flee to hideouts. The radical teachings had by that time spread to Kwale County where a number of youths were also recruited. Many, according to police reports, ended up in Somalia to join the Al-Qaeda affiliated terror group Al- Shabaab. After a few years of training, the recruits, most of whom are well educated ,sneaked back into the country to lure their peers into the group. It was not until the recent Dusit complex terror attack in Nairobi, which claimed 21 lives, that Anti-Terror Police Unit (ATPU) officers affirmed that the war on terror was far from over. After the attack, a series of arrests of suspects believed to be planning to join the terror group were made across the country. CHANGE TACK There was a raid in Kitui County where four suspects, among them three foreigners and a Kenyan, were arrested in two hotels over terror-related suspicions. Also arrested were 12 suspects including a New Zealand national and another foreigner in possession of an Ethiopian passport. The two were arrested near the Kenya-Somalia border. The other 10 suspects were arrested during an operation at the Dadaab Refugee Camp in Garissa County. Others in the list of the arrests are 17 youths arrested at a house in Samburu, Kwale County. Police say they had lived in that house for a few weeks. The 17 youths arrested included two women. Recruitment, according to intelligence reports, has now changed from being conducted in mosques to being done in “discreet” places. “The cells are currently active especially in Majengo (Mombasa). Only that the recruiters have changed tack but that is where activities are going on,” said a security source. Majengo is the place where the Nairobi attack suicide bomber Mahir Khalid Riziki comes from. Police said he was radicalised at Musa Mosque. Our source said three other cells; two in Likoni and one in Kisauni are the only ones that are currently inactive. Police believe the returnees are the operatives spreading the recruitment gospel by all means especially in Mombasa and Kwale counties. RELIGIOUS STUDIES In September last year, Sunday Nation learnt from security sources in Kwale that a number of youth were recruited with a promise of being taken to madrasa. The new way of recruitment involved the youth aged between 15 and 24 to collect letters of “consent” from their area chief for them to proceed for “religious studies.” “Recruitment has been on and it is now worse here at the interior parts of Kwale. A group of youth were lured into joining the terror group by false promise of being taken to madrasa. To date their parents have not heard anything from them,” said our source. The new recruitment strategy which was discovered later by both the area chiefs and parents after the youth had been recruited was conducted in Mwaluvamba and Mbita villages in Kwale. Among other ways that the recruitments are being done is through social media and disguise of businesses. Investigators of the Kwale arrests, for instance, said the youth had been assembled at the house with a promise of being offered “sales person jobs”. “Some of those arrested are as young as 17 years-old and you wonder what kind of jobs they were being offered. The probe is still on, we are sure we will get crucial leads on this,” said an officer privy to the investigations. The promise of lucrative jobs has been top on the list of ways of luring potential recruits into joining the terrorists group. COMBAT TRAINING In a past interview, an Al-Shabaab returnee who spoke to the Sunday Nation on condition of anonymity said that recruits were only given transport money to facilitate movement to the “workplace”. “The big salary you had been promised remains a dream,” he said. While at the camp, the returnee said, youths are taken through paramilitary training for two years before “graduating” and going to war. They would wake up at 4am and end the day at 5pm every day. He said the recruits are trained on how to operate firearms and grenades. On Tuesday, the Sunday Nation learnt, top security agents at the Coast met at the Uhuru na Kazi offices to discuss how to counter the threat. They discussed how to destroy the cells which, sources said, have been “active and operational.” Meanwhile, on Monday, the government said it was focused on the war on terrorism. Government Spokesman Eric Kiraithe said the government would seal all loopholes exploited by the radicals. MADRASA Mr Kiraithe said the country will only defeat terrorism if vigilance from the community to the government level is seamless. “Efforts to eradicate terrorism must continue. The multi-agency approach is bearing fruit and everyone should be on the lookout. Nobody should be complacent as we are dealing with a wicked enemy,” he said. He said Kenyans must be vigilant and have zero tolerance for this crime in order to end it. His remarks came a week after President Uhuru Kenyatta directed county commissioners to ensure every county launches and implements a “County Action Plan for the Prevention and Countering of Violent Extremism”. The commissioners are expected to report on the progress of their collaboration with civil society groups, religious leaders and other stakeholders, to ensure radicalised Kenyans and those who sway them are quickly detected and dealt with. Source: DAILY NATION
-
GARISSA, Kenya, Feb. 3 (Xinhua) — Kenyan security forces have intensified patrols along the border with Somalia as hunt for individuals involved in the Jan. 15 attack at a Nairobi business complex gathers steam. The authorities said on Sunday that a multi-agency security team has been deployed along the Kenya-Somalia border to ward off intrusion by al-Shabab militants who carried out the attack at a hotel and business complex in Nairobi where 21 people lost their lives. Mohamed Birik, North Eastern regional commissioner, told reporters on Sunday that deployment of additional security personnel along the common frontier coupled with a swoop in the expansive Dadaab refugee camp aims to neutralize any terror threat. “We will not relent in our effort to secure the country. We will go for the terrorists and smoke them from their hideouts. However this can only be achieved through cooperation by residents volunteering information to the security apparatus,” said Birik. He said the current operation going on in Dadaab refugee complex that hosts mainly displaced Somalis has yielded fruit since it had led to the arrest of several terror suspects and recovery of some weapons and ammunitions. Birik revealed that two foreigners who were among the 12 terror suspects arrested last week in a police swoop in the refugee camp are still being interrogated. According to him, the two were holding Ethiopian and Switzerland passport that had expired visas. He said the duo gave conflicting information during interrogation on among other issues why they had not renewed their visas. “We want to dig deeper and establish their motive, whom they were working with and where they were destined to,” said Birik. He said the anti-terror police in Garissa have also sought 10 extra days from the court to probe the suspects and gather crucial leads in planning and execution of terrorist attacks in Kenya by Somalia-based militant group al-Shabab. Birik said security checks have been enhanced on public and private vehicles plying the major roads in northeastern Kenya and those destined for Nairobi.
-
Waxaan dhegeystay khudbad maanta Muuse Biixi ka jeediyey Hargeysa. Khudabaddaas meel aan u qaado waan garan waayey. Khudbaddaasi wax nuxur ah ma lahayn runna haba sheegin. Kaaga sii darane wax badan oo iska hor imaanaya oo isaga dib ugu soo noqonaya ayaa ka buuxay. Bal aan soo qaadano waxyaaluhuu ka hadlay. 1) Farmaajo iyo Khayre: Wuxuu Muuse yidhi dagaal iyo colaad joogta ah iyo weeraro ayay Somaliland ku hayaan. Waa eed, ha yeeshee Muuse ma raacin meelaha ay colaadda ku soo qaadeen iyo goorta/amminta ay soo qaadeen. Waxa intaas dheer weli maynaan maqal Farmaajo iyo Khayre oo Somaliland wax xun ka sheegaya (inta badanna maba soo hadal qaadaan)! 2) Xuduud beeleed: Muuse wuxuu sheegay in Farmaajo xuduud beeleed samaynayo ama taageerayo, warkan xaggee buu Muuse Biixi ka keenay? Weli yaa maqlay Farmaajoo xuduudo beeleed ka hadlaya. Xuduuddase Muuse ka hadlayo waxaan u qaatay tan gobolka Sool, Koonfurta iyo Bariga Sanaag iyo Buuhoodle. Degaannadaas cidda aya isku hayaan Muuse waa ogyahay oo waa dadkii degganaa oo Soomaalinnimo raba, iyo maamulka Puntland. Cabdiweli Gaas iyo Farmaajona labada nin ee Soomali ugu kala fog bay ahaayeen xidhiidh iyo wadashaqaynina kamaba dhexeyn mana qarsoonayn. 3) Arrinka kale ee Muuse Biixi ka hadlay waa niman aqoonyahanno/siyaasiyiin Soomaaliyeed oo gobollada Waqooyi ka soo jeeda oo koonfur lagu xumeeyey! Su’aashu waxay tahay haddaynu tiisaba u raacno, odayadan ma Hargaysaa wax looga ogol yahay? Bal aan midmid u soo qaadanno waxay hargeysa kala kulmeen. A) Samatar 2012 ayuu kursiga Soomaali u sarreeya u tartamay cid iska hortaagtay tartankaas ma jirin nasiibkiisa ayuuna ka qaaday. Samatar siduu sheegay koonfur wuu kasoo “qalbijabay”. Wuxuu u soo wareegay dhanka Hargeysa iyo “Somaliland”. Shan sano ayuu olole ku jiray wax walba oo lagu aamminikarona wuu sameeyey xataa Hooyadiisna wuu ku abtirsay! Xisbigii uu u ololaynayey markuu guulaystayna halkuu ka sugayey in wasaiirka ugu miisaanka weyn loo dhiibayo “handaraab baa la saaray”. B) Dr. Galaydh, isaguna toddoba sanadood ayuu halgan ku jirey wuxuu ku guulaystay inuu badi dadkii degaannada SSC iyo Puntland iska horkeeno, dabadeedna u jihesto dhankaa iyo Hargeysa. Dr Galaydh waxa heshiisyo horudhaca iyo ballan qaadyo la wada galay oday Siilaanyo. Heshiisyadaas oo nuxurkiisu ahaa in Somaliland dib loo eego wada lahaanshaheeda, in xukunka iyo hantidana si siman loo qaybsado, iyo in dastuurka dib loo furo si awoodaha si xaq ah loogu qaybsado. Dr Galaydh wuxuu muddo Hotel Maansoor iyo Amabassador dhul-jiifeeyeeba Muuse Biixi markuu xukunka la wareegay dhammaan ballan qaadyadii Dr Galaydh uu Siilaanyo lagalay “Handaraaabkuu u jiiday”. C) Dr Cali Ciise Cabdi: Dr C Ciise wuxuu qayb ka ahaa kacdoonkii Khaatumo ee Dr Galaydh hoggaaminayey ee xidhiidhka u gooyey Puntland. Dr C Ciise iyadoo doorasho socoto ayuu kasoo degay Garoowe kuna dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha ee ugu sarreeya Puntland. Waxa xusid mudan inaanu wax caqabada iyo is-hortaag iyo handadaad toonna kala kulmin Puntland. Ma jiro qof keliya oo fikirkiisii ku cunsuriyeeyey ama ceeb uga dhigay. Taasi waxay tusaysaa inaan Puntland laga xigin Cali Ciise fikirkiisana uu xor u yahay markuu doonana uu ka hor imaan karo, markuu doonana Madaxweyne u tartami karo. Dr. Cali Ciise si xor ah oo la mid ah sida madaxweynihii xilka hayey iyo murashaxiintii kale ayuu hawlihiisa ololaha umaareynayey tartankiina sidaasuu ku galay nasiibkiisa ayuuna ka qaaday, isagoo qanacsan oo weliba faraxsanna Garoowe ayuu ka mababaxay, dhowaanna dib buu ugu soo noqonayaa siduu sheegay. D) Dr. Ismaciil Buu-baa: Dr. Buubaa raysalwasaare kuxigeen iyo wasiirka Arrimaha dibedda ayuu Soomaaliya ka ahaa cunfi iyo caqabad toona kalama kulmin intii uu joogay Xamar. Waxase xaqiiqo ah inuu denbiile ka qornaa dhanka Hargeysa imaatinkiisiina uu ku soo galay “cafis madaxweyne”. Halka Dr. Galaydh hadduu rabo uu Garoowe ka degi karo markuu rabo cid uu cafis ka dalbanayo iyo cid uu marti ugu noqonayaa toonna aanay jirin, sidoo kalena Xamar uu ka tegi karo markuu rabo weliba Xamar iyo Garooweba uu u tartami karo jagada ugu sarraysa (hadduu rabo). Sidoo kale Ismaaciil Buu-baa uma baahna cafis hadduu rabo inuu berrito Xamar ku noqdo amaba uu Garoowe u baahdo. Buubaa Hargeysuu kula joogaaye wuxuu Xamar ka waayey oo aad adiga Muuse Biixi ahi siisay bal hadda dadka u sheeg waa adiga “handaraabka saaraye” Gebagebadii khudbadii Muuse Biixi waxay ahayd mid iska muusanoow iyo jaahwareerin ah. Ujeedaduna waxay hayd inuu dadka Somaliland ka jeediyo dhaliilaha badan iyo qalbijabka uu ku riday. Weriyeyaasha xidhxidhan, abwaanada xildhxidhan, DERBIJIIFKII Hargeysa oo xidhxidhan, dhulkii danyarta bacadlayaasha ahaa ku ganacsan jireen oo laga dumiyey, masaakiinta dhulkoodii inta laga qaaday madaxtooyo laga dhisayo, cadaalad darrada xukunkiisa laga tabanayo oo qoyskiisa uu xilalkii ku taxay, iwm ayaa Muuse Biixi u yaalla ee hakala hadlo dadka reer Somaliland. Xuduud-beeleedka uu sheegayona cidda ay isku hayaan Farmaajo maahee waa dadkii xuduudda deganaaye Muuse yaanu dadka been ay ogyihiin u sheegin. Nabad hadduu rabona ciidankiisa hakala baxo Sool. Muuse ha ogaado in la joogo 2019 ee aan la joogin 1998. Siyaad Barre iyo ciidankii xoogga badnaa Xamar ma joogaan, Xamarna teedii baa cuslaysay. Muuse sidoo kale ha ogaado inaanu maanta ahayn jabhad SNM oo jooga Balligubadle iyo Qaaxo. Dadka Somaliland uma baahna kaana qaadan maayaan DAAROOD baa ina soo weeraraya iyo ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed baa laynoo adeegsanayaa 2019! Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
-
Xadhiga abees iyo saaxiibadii,waa farriimo aan fiicnayn, khaladkeena ma saxnaa mise dariiqii xumaa ayeynu dib u raacnaa, Nimankii……………… by ADAN NOKIA Xummaanta iyo dulmiga waxaa ka dhasha halaag Adduun iyo aakhiroba, wanaagga iyo caddaalada waxaa ka dhasha barwaaqo iyo liibaan, waa Sunan Rabbaani ah oo aan waxba iska beddelin, waa mid la hubo oo qof waliba arkay ama arki doono. Caddaala-darrada ka dhacday saldhigayada,maxkamadaha,dawladaha-hoose iyo xafiisyada kale ee dawladda,waa wax aan qaarkood sheeko iyo shaahid lagu arag, laguna maqal,waxaana sababta koowaad iska lahaa madaxweynayaasha markaas magacaabnaa,iyagaana lagala xisaabtamaa aakhiro. Caddaaladu waxay kasoo bilaabantaa,qofka naftiisa ,qoyska iyo bulshada,bulsho caafimaad qabta ayaa doorata madaxweyne caafimaad qaba,bulshadu haday bugto waxay soo saaraysaa madax xun-xun oo masiirkooda lumiya,caano xun dhigato iyana ku murud la’ . 30.kii sano ee lasoo dhaafay s/land waxaa dadaalka ugu badan geliyey odayaasha iyo culimada dabkii la shidaba iyagaa daminayey,qofkii kharribayana way ku qaylinayeen,waxaa dhinac socday nin siyaasi is mooday oo sawaaban oo habeen walba xadhig xun soo mal-mala, hadduu xil hayana af macaan oo been ah ku hadla amaro khaldana soo saara,waxay gabbaad ka dhigteen qabyaaladda oo ah meesha umadaha jaahiligu ku badan yahay lagu dullayn karo,doorashooyinkii lixdankii iyo kuwii ka dambeeyey la galay waxaa lagu isticmaalay qabyaalad,waxaa ka dhashay dawlado maqaar saar ah oo lugooyo mooyee aan nacfi lahayn,dadkiina waa kala qaybsamay,Tima-cadde ayaa ka tiriyey gabay (Nimankii mashaqaday dhigeen reerba dhan u moosay,suntay nagu mudeen wiilashii la is martiyi waayey :mudaahanada beenta ah kuwii nagu maqaar-saaray) Dadka abwaanada ah inta badan waxaa ku jirta maskax wax hilaadisa,oo xumaanta ku qaylisa X.Aadan af qalooc,tima cadde iyo qaasin. gaarriye iyo hadraawi hadaad gabayadooda eegto waxaad ka helyasaa wixii dawladuhu ku dhinteen. Dadka inta badan mukharibiinta ah ee ummadda dhibteeda iyo baaba’eeda ka shaqayaa iyagu kor uma hadlaan waxay ku shaqeeyaan farsamoyin suuq madow ah oo munaafaqnimo,oo dhagaro qarsoon ah,kuwaasi in badan oo ka mida waa kuwa inna ragaadiyey ee aynu dhibtoodii la tallaabsan weyney, waxaa la iisheegay nin wasiira oo intuu qof warqad u qoray ,hadana telefoon kasii hormariyey oo dhahay “Cirka u dir qofkaas hadduu kuu yimaado ” waxaan kaloo soo taagnaa qof dambiile ah oo la soo xidhay weliba askari ku soo dhaawacantay waqti badana ku bixisay,ayaa niman wasiiro ah iyo ganacsato isla xidhiidheen markiiba waa la sii daayo(sheeko reer diini ama sheeko lacag lacag mid uun)Haddee markay waxaasi dhacaan askarigii soo qabtay ee markii hore dayacnaa, muxuu yeelayaa,wax walba ka yaab ! Rag badan oo garsoorayaal ah ayaa kiisaski loo keenay xagga kale u rogay si badheedh ah,markii la ogaaday waa la eryey uun,dunida haddii garsoore lagu helo musuq,waxaa lagu xukumaa magdhow wuxuu geystay,wixii uu xukumayna waa lagu wada noqdaa, xadhigna waa lagu xukumaa,maxkamaduhu waa meesha dawladuhu ku dhisayihiin haddaanay caadi ahayn madaxweynuhu wuxuu doono ayuu samayn karaa waana u dhamaanaysaa dalkaas. waxaa kaloo la sheegay in dugsiyadii xirfadaha ee kumaan kunka qof kasoo baxeen ee shaqada ku heleen laga dhigtay parking taasi waa waali cas,dhallinyarada maxaa beenta loogu sheegayaa,isbedel dhamaystiran ayaa loo baahan yahay iyo maskax fayow. qofka musuq lagu helo wasiir ama madaxweyne kuu doono ha ahaadee marka aynu awood u helo in aynu xidhi karo, markaas baynu miyir qabnaa ,halkaas bay ku jirtaa bahashu yaan abwaan run sheegay la qabsan. taasaa keenaysa in qabyaaladda laga baxo dadku midoobaan wax soo saar iyo horukac la sameeyo,arrinta ugu weyn ee wax waliba ku hagaagayaana waa in Rabbi loo hogaansamo, masaajidada bal horta la galo oo la ducaysto. Allaah baa mahadle Qaran News
-
(SLT-Manchester ) Manchester City ayaa guul muhiim ah Etihad Stadium kaga gaadhay Arsenal waxayna Sky Blues ka soo kabsatay guuldaradii niyadjabka lahayd ee ay Newcastle United kala kulantay . Sergio Aguero ayaa saddexley goolal ah ka dhaliyay kulankan inkasta oo goolkiisa saddexaad uu ahaa mid muran dhaliyay oo uu gacantiisa u adeegsaday. Rajadii Arsenal ay ka qabtay in ay dagaalka kaalinta afraad ku sii cadaadiso Chelsea ayay Man City jug wayn soo gaadhsiisay iyada oo Gunners ka soo dhacday min kaalinta afraad ilaa kaalinta lixaad waxayna guuldarada soo gaadhay Arsenal fursad u noqotay Man United oo ugu danbayn kaalintii lixaad ee Mourinho kaga baxay ka soo dalacday. Manchester City ayaa laba dhibcood u soo jirsatay Liverpool oo habeen danbe booqan doonta kooxda West Ham United waxayna kooxda Guardiola awooday in ay ugu horay ka soo baxday hal imtixaan oo ah imtixaano dhawr ah oo iskugu xigi doona. SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN ARSENAL (3-4-3): Bernd Leno, Shkodran Mustafi, Laurent Koscielny, Nacho Monreal; Stephan Lichtsteiner, Lucas Torreira, Matteo Guendouzi, Sead Kolasinac; Alex Iwobi, Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette. Kaydka: Petr Cech, Mohamed Elneny, Aaron Ramsey, Mesut Ozil, Denis Suarez, Konstantinos Mavropanos, Eddie Nketiah. MANCHESTER CITY (3-2-4-1): Ederson; Kyle Walker, Nicolas Otamendi, Aymeric Laporte; Fernandinho, Ilkay Gundogan; Bernardo Silva, Kevin De Bruyne, David Silva, Raheem Sterling; Sergio Aguero. Kaydka: Danilo, John Stones, Fabian Delph, Leroy Sane, Riyad Mahrez, Gabriel Jesus, Arijanet Muric. Kulankan ayaa saamayn xoogan ku yeelanayay tartanka koobka Premier league iyo waliba kaalinta afraad ee Champions iyada oo Man City doonaysay in ay ka soo kabsato guuldaradii Newcastle United si ay Liverpool cadaadis u sii saarto halka Arsenal ay raadinaysay sidii ay kaalinta afraad ugu sii dagaalami doonto. Daqiiqadii 1 aad Manchester City ayaa isla markiiba goolka furitaanka ku aamusiisay Arsenal iyada oo Sergio Aguero uu kulankii labaad oo xidhiidh ah uu goolka furitaanka Man City u saxiixay iyada oo 50 ilbidhiqsi ayna dhicin kadib markii uu caawin ka helay Laporte waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay markiiba City hogaanka kula wareegtay. Daqiiqadii 9 aad Man City ayaa markii labaad gaadhay shabaqa Arsenal iyada oo Laporte uu darbo madax qurux badan gool ku dhaliyay laakiin waxa uu si cadaan ah ugu jiray offside. Daqiiqadii 11 aad Arsenal ayaa ciyaarta dib ugu soo laabatay kadib markii uu difaaca dhexe ee Koscielny uu darbo madax jiifto ah uu ku garaacay goolhaye Ederson waxaana koorne fiican soo tuuray oo caawinta goolkan sameeyay Nacho Monreal waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah. Man City iyo Arsenal ayaa abuuray fursado dhawr ah oo ay mid kastaaba ku doonaysay laakiin fursado fiican ayay labada kooxoodba lumiyeen waxaana sii socday dagaalka goolka labaad loogu jiray iyada oo Man City ahayd kooxda inta badan goolkan laga filan karayay. Daqiiqadii 44 aad Arsenal ayaa la kulantay ciqaabta wixii ay uga qalantay difaacashadii carruurnimada lahayd ee ay samaysay kadib markii uu Sergio Aguero dhaliyay goolkii ugu sahlanaa ee uu xili ciyaareedkan soo dhaliyay isaga oo kaliya u baahday in isaga oo cidlo taagan uu kubbada xariiqda dhaafiyay. Gundogan ayaa kubbad dhinac bidix uga karoosay Raheem Sterling oo cidlo ka helay difaaca seexday ee Arsenal, laakiin kubbada uu Sterling soo hormariyay goolka Arsenal ayuu Aguero sida ugu sahlan ugu dhaliyay goolkiisa labaad isaga oo aan xataa wax cadaadis ah kala kulmin ciyaartoy Arsenal ah, waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Man City hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay. Dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta Sterling ayaa goolka saddexaad ee Man City ugu dhawaaday kadib markii uu wax yar u jirday kubbad dilaa ahayd oo uu De Bruyne soo hor mariyay goolka Arsenal balse waxaa lagu kala nastay 2-1 ay Man City hogaanka ciyaarta ku haysay. Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Arsenal oo laga filayay in ay soo laabto iyada oo isa soo canaanatay ayaaba garoonka soo gashay iyaga oo lugaha dhulka la dhacaya oo aan dhaqaaq lahayn, waxaan dardartii halkii ay qaybtii hore kaga tagtay ka sii bilawday Man City. Daqiiqadii 61 aad Manchester City ayaa heshay goolkeeda saddexaad kaas oo ay ahayd in aanu sharci noqon maadaama oo uu Sergio Aguero gacantiisa u adeegsaday kubbada goolka sida tooska ah u gashay kadib markii uu kubbad ka helay Raheem Sterling, laakiin garsoorka ayaan waxba ka badalin go’aankooda wuxuuna noqday gool sharci loo aqoonsaday. Haddii uu VAR ka jiri lahaa Premier league waxaa hubaal ah in goolkani uu noqon lahaa mid sharci daro ah, laakiin ciyaartoyda Arsenal oo si cad u arkayay in kubbadu ay Aguero kaganta kaga dhacday markii uu xariiqda sii dhaafinayay ayaan waxba doodooda laga soo qaadin waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Man City hogaanka ku dheeraysatay isla markanaa uu Aguero saddexley ku dhaliyay. Daqiiqadii 66 aad Unai Emery ayaa hal mar ciyaarta soo wada galiyay Aaron Ramsey oo uu ku badalay Alex Iwobi oo markale ku fashilmay in uu u cudur daaro in Mesut Ozil kaydka loo galiyay waxaana sidoo kale ciyaarta soo galay saxiixa cusub ee Danis Suarez iyada oo la saaray Kolašinac. Go’aanka uu Unai Emery kaydka ugu sii hayay Mesut Ozil ayaa ahaa mid amakaag ah isla markaana muujinayay sida Emery u doonayo in xidiga reer Germany uu ku qasbo in uu Gunners iskaga baxo laakiin sidoo kale isaga ayaa marayay ciqaabtii shax xumadii uu Etihad Stadium kala soo muuqday. Man City ayaa si joogto ah fursado ugu abuuraysay goolka Arsenal wuxuuna Aguero daqiiqad kasta filan karayay in uu goolkiisa afraad dhalin karo waxayna ciyaartu noqotay mid dhinac kaliya ka socota. Daqiiqadii 79 aad Shkodran Mustafi ayaa garoonka laga saaray kadib markii uu dhaawac la dhibtoonayay waxaana kaydka looga yeedhay Konstantinos Mavropanos waxayna Arsenal u muuqatay mid xili horeba ka quusatay in ay soo laabto. Dhamaadkii ciyaarta Guardiola ayaa saaray Sergio Aguero wuxuuna soo gaiyay Gabrield Jesus oo markiiba fursado fiican qasaariyay waxaana sidoo kale ciyaarta la soo galiyay Riyad Mahrez iyada oo Kevin De Bruyne ciyaarta laga saaray. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Manchester City ku dubatay Arsenal iyada oo waliba goolal ka badan intan guul ku gaadhi kartay waxayna City laba dhibcood u sii jirsatay hogaanka Premier league ee ay Liverpool hayso iyada oo sugi doonta kulanka West Ham. Arsenal ayaa kaalinta lixaad u dhacday waxaana kaalinta shanaad soo cidhiidhsatay Man United. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasheena ku taxan website-ka waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar____Qubanaha-030219.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Tubta amniga iyo Caddaaladda. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka xukuumada Federaalka ah,Xasan Cali Khayre, wasiirro, taliyaasha ciidanka qalabka sida, hey’adaha amniga gobalka ayaa ka qayb galay kulanka. Shirka ayaa looga hadlay dardar-gelinta howlaha iyo halbeegyada hay’adaha iyo wasaarahada ku midaysan tubta ee la xariira sugidda amniga iyo horumarinta caddaaladda dalka. Farmaajo ayaa u sheegay dhammaan hay’adaha iyo wasaaraha halbeegyada ku leh tubta in lagula xisaabtamayo fulinta halbeegyadii ay kula heshiiyeen ra’iisul wasaare Khayre in ay ku dhammaystirayaan sannadkaan 2019. Tubta amniga iyo cadaaladda oo kamid ah afarta tubood ee qaranka ee lagu saleeyay barnaamijka xukuumadda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn waxaa kamid ah dhamaystirka qorshaha kala guurka ee ciidanka Qarnaku ay kula wareegayaan amniga dalka iyo hagaajinta hannaanka caddaaladda. The post MD Farmaajo oo sheegay in lala xisaabtamayo wasaaradaha DF appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Hay’adda U Diyaargarowga Aafooyinka Iyo Kaydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa waxa uu ka warbixiyey xog ururin ay Hay’addu samaysay. Guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga aafooyinka iyo keydka raashinka Somaliland, Faysal Cali Sheekh ayaa waxa uu sheegay in hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof (1,500,000) ayaa u baahan gargaar degdeg ah, dadka reer Somaliland ah. Xukuumadda Somaliland ayaa waxa ayaa waxa ay ku hawlan tahay qorsheyaal ku kacaya lacago malaayiin doollar ah oo ka mid yihiin dhisme cusub oo galbeedka Magaalada Hargeysa looga dhisayo Madaxtooyadda iyo laba guri oo loo dhisayo Madaxweyne hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax. Dad baraha bulshada wax ku qora ayaa layaab ka tilmaamay dhawaaqa ka soo yeedhay iyaga oo si weyn fallan-qaynayay arrimahan. Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil Weedhsame ayaa ka mid ahaa dadkii arrinta kaga hadlay Facebook waxaanu yidhi: Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan maamulka Somaliland ayaa cabasho ka muujiyey in shirkadda la wareegtay dekedda Berbera ee DP World aysan daacad ka ahayn heshiiska dekeddaas, oo aysan dooneyn inay dhisto. Xildhibana Scaiid Cartan Cismaan oo ka mid ah golaha wkaiilada Somaliland lagana soo doorto gobolka Saaxil ayaa sheegay in DP World ay dekedda Berbera keentay qalab aad duug u ah. Waxa uu intaas ku daray in DP World aysan haba yaraatee wax horumar ah ka sameyn dekeddaas. “Shirkadda DP Wolrd, haba yaraatee wixii aan ku heshiinay kama aysan soo bixin. Ballanta waxay ahayd inay dekedda balaariso, oo ay ku darto 800 oo mitir oo cabir ah, si aan ula tartanno dekeddaha dalalka deriska nala ah, sida Jabuuti” ayuu yiri xildhibaanka. “Balse nasiib darro, waxba ma aysan qaban ilaa hadda. Ballanta waxay ahayd inay shaqadan ku billaabaan sanad gudihiis, balse waxa ay iminka mareysa saddex sano, waxbana ma aysan qaban. Bilba bil bay amaahataa, sdiaas ayey waqtiga ku lumisaa” ayuu raaciyey xildhibaan Saciid Cartan. Xildhibaanka ayaa sheegay in dekedda hadda la keenay saddex cagaf iyo booyado aad duug u ah, oo shacabka lagu qaldayo si loogu sheego in shaqada dhismaha dekdda la bilaabay. Hoos ka daawo xildhibaan Saciid Cartan Cismaan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Maaliyada ee dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxnaa Ducaale Bayle ayaa maanta la kulmay safiirka Mareynkanka ufadhiya wadanka ee Donald Yamamoto. Bayle qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Bogga Twitter-ka wuxuu ku shaaciyay inuu kala hadlay danjire Yamamoto arrimo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maaliyadda iyo kob-cinta dhaqaalaha. “Mareykanka waxa uu muhiim u yahay dib-u-habeynta Maaliyadda sidoo kale waa saaxiibka Soomaaliya,” ayuu wasiirku hadalkiisa kusii daray. Soomaaliya iyo Mareykanka waxa ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo diblumaasiyadeed iyada oo xukuumada Washington ay ka taageerto DFS dhinacyada amniga, siyaasada iyo maaliyada. The post Wasiirka Maaliyada XFS oo la kulmay safiirka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kormeeray xabsiga guud ee Muqdisho oo laga hir-geliyay Taliska Guud ee Asluubta oo ku yaalla Ex-kaantarool Afgooye. Taliyaha ciidanka Asluubta, xeer ilaaliyaha qaranka iyo wasiirka caddaaladda ayaa Mr Khadar ku wehliyay kormeerka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay xabsigaan. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqaadka maxaabiista, xabsiga guud ee dhismihiisa la dhamaystirayna uu noqonayo halbeegga dhismaha xabsiyada kale ee dalka. The post RW ku xigeenka oo kormeeray xabsiga guud ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-030219.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta kulan Xog-waran ah la yeeshay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo). Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa ka hadlay kulankii ay la yeesheen Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiinta kale ee wasaaraddaas, waxaanu yidhi “Waxa aanu la kulanay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafintu, sida dhaqanku yahay annaga yeedhmaddayadu waa yeedhmo shaqo oo sida dastuurkuba dhigayo aanu u yeedhan karno oo aanu ka xog-waraysan karno xilalka ay Qaranka u hayaan.” “Masuuliyiinta Warfaafinta waxaanu xog-waraysi kala yeellanay hawlaha ay hayaan, waxyaabaha ay hayaan halkay imika ku sugan yihiin. Warbixin ayey na siiyeen, warbixin faahfaahsan ayey naga siiyeen shaqadooda,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilladu. Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa sheegay inay Guddida Joogtada ee Golaha Wakiilladu Xog-waraysteen isla markaana ay siiyeen warbixin dhammaystiray oo la xidhiidha waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland. Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in la dalbaday qalabkii idaacadda weyni u ciladowday,waxaanu yidhi; “Idaacadii weynayd Warbixinta Guddida aanu siinayna waanu ku darnay way fadhidaa, Waxay la fadhidaa maaha qalab aynu innagu samaysanaynaye waxa lagu sameeyaa dalka Chine, mana aha qalab meel yaalla oo aanu dalbanayno ee marka dalabka la diro ayaa la sameeyaa muddo ayaanay qaadanaysay waanay noo maqan yihiin. Waxaanu filaynaa in dhawaan qalabkaasi noo yimaado oo la kiciyo.” Wasiirka Warfaafinta oo ka jawaabayey su’aal ahayd in xubno shaqaale ah loogu digay qoraallo ay ku baahiyeen saxaafadda bulshada, waxa uu tilmaamay in arrintaasi tahay war been ah oo la tabiyey, waxaanu yidhi “Waxa jira Guddi anshax Wasaaradda ah oo anshax marisa Shaqaalaha oo 9 qof ka kooban qof kasta oo Weriye ah waa loo yeedhaa iyadoo lo ohayo wixii lagaga cabanayey waa la hordhigaa oo waa la weydiiyaa, marka lagu helo ee go’aan laga gaadho waxa loo gudbiyaa Hay’adda shaqaalaha dawladda, haddii ay Hay’adda shaqaaluhu diiddana waa la soo celiyaa, haddii ay ku qancaanna xukunkii ayaa sidii ku socda. Sidaas darteed sharci darro dalkan ma taallo waxaanu ku shaqeynaynaa Caddaallad.” Source
-
Popular Contributors