Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,344
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dilkii maanta dekedda Boosaaso loogu gaystay madaxii shirkadda DP World ee dekeddaas, Paul Anthony Formosa. Wasiirka dekadaha Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay geerida Paul Anthony Formosa,isaga oo intaas raaciyay in labo askari iyo qof Ajannabi ah oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka. Wasiirka dekadaha Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa yiri “Waa sidaasi agaasime Paul Anthony Formosa ayaa la weeraray oo weerarka ku dhintay, labo askari waa dhaawacmeen, nin Hindi ahna dhaawac fudud ayaa soo gaaray” ayuu yiri. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo, ayaa diiday warar warbahainta qaar ay baahiyeen oo ku saabsan halka uu dilka ka dhacay oo ah gudaha dekedda Boosaaso. Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay meel u dhaxeysa dekadda iyo guriga Paul, islamarkaana wax weerar ah uusan ka dhicin gudaha dekedda. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  2. Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa qorsheenaya tartamadii ay xulkeena ku dheeli jireyn dalalka aan dariska nahay in ay usoo wareejiyaan magaalada Muqdisho si xidigaha xulka ay u helaan dhiiri gelin wanaagsan. “Waxa ay aheyd in marka hore ay qaranka Jabuuti imaadaan caasimada Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahooda,balse hadii Eritrea ay garteyn shacabka aad ayuu soo dhawaynayaa”waxaa sidaas Goobjoog Sport ugu waramay Yuusuf Yuusuf. 29-July 2018-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wuxuuna socdaalkiisa ku qotomay dib usoo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga. “Soomaaliya iyo Eritrea waxaa ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer waxaan aqaan u lee yahay dad badan oo dagnaa degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shingaani arinta waxa ay ku timid ka dib markii 29-July 2018 uu dib u furmay xiriirka labada dal waana ku faraxsanahay booqashooda”waxaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Yuusuf Yuusuf oo ah qurbajooga dalka kusoo laabtay ahna qoraa isboorti. 13-December 2018-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa isna booqasho ku yimid magaalada Muqdisho waxaana socdaalkiisa lagu sheegay abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Eretria. “Wasaarada ciyaaraha Dowladda waa in ay xiriirka kubbadda cagta ku qabsataa in xulka qarankeena ay ku ciyaaraan dalkooda iminka Muqdisho waa nabada ma jirto sababo aan ugu ciyaarno wadamada aan dariska nahay”waxaa sidaas barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Yuusuf Yuusuf oo ah qurbjoog iyo qoraa xaga ciyaaraha. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Imaatinka Xulka Eretria W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  3. Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), ayaa xaqiijiyay inuu dhagar qabe katirsan Shabaab uu ka dambeeyay dilkii maareeyihii dekeda Bosaso Paul Formosa. Guddoomiyaha gobolka [...] Source
  4. Beledweyne (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay magaalada Beledweyne ku qabteen dhalinyaro la tuhmay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanka Soomaaliya. Baaritaanka ciidamada ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inay ku qabteen ilaa 20 ruux oo laga shakiyay, waxaana baaritaan ka dib la reebay xubnaha tuhun weyn uu ku jiray. Laamaha amaanka ee gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan baaritaanka ay ku qabteen dhalinyarada lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanka Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha la qabtay ay ku sugnaayeen qaarkood xarumo ganacsi oo ku yaala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Qaar kamid ah dhalinyarada baaritaanka lagu qabtay ayaa lasii daayay kadib baaritaano dheeri ah oo lagu sameeyay, waxaana la sheegay in la ogaaday inaysan xiriir la laheyn Al Shabaab iyo Daacish. Maamulka Hirshabeelle ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Gaariga ayaa la sheegay in uu ku qarxay afaafka hore ee Suuqa Muqdisho Mall oo ku yaalla degmadaasi. In ka badan 10 Qof ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal ka tirsan Shabelle oo ku sugan meesha ay wax ka dhaceen. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Wariye Maxamed Ibraahim Biibaaye oo ka tirsan Warbaahinta dowladda. Qaraxan waxa uu burburiyay dhismayaal ku yaalay goobtaasi oo weli laga baadi goobayo bal in ay dad ku hoos jiraan. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaais. Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax xoogan uu ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee M/Muqdisho, kaasoo ay sheegteen Al Shabaab. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Xamar weyne appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Faah faahin hordhac ah ayaa laga helayaa qasaaraha ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaruta Muqdisho Mall oo ah goobo laga tukaameeysto oo ku taalo degmada Xamar weyne ee Muqdisho. Warar hordhac ah oo ka soo baxaya qaraxaasi iyo qasaarihiisa ayaa waxa ay sheegayaan in dad ka badan 10 ruux ay ku geeriyoodeen. Dadkaan ayaa ku dhintay dhismo ku soo dumay oo ay ku jireen. Qasaaraha ayaa intaasi ka badan sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleeyno xarumaha caafimaas. Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya wali kama hadlin qaraxaan saakay ka dhacay Muqdisho. Halka qaraxa uu ka dhacay waxa ay aad ugu dhowdahay xarunta Dowlada Hoose iyo saldhiga degmada Xamar weyne . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah faahin: in ka badan 10-ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay Qarax xoogan oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdisho, Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow saldhiga degmada [...] Source
  8. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Shatiga Kalluumeysiga siisay shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha. Waxaan rabaa inaan warbixintaan kusoo koobo qodobo muujinayo halista uu Chiinaha ku yahay dalka Soomaaliya. Kenya oo ah dal leh ciidan badeed xoogan,kuna filan ilaalada badiisa ayaa u diiday shırkadaha china ruqsada kaluumaysiga, sidoo kale dowladda Ghana ayaa ruqsadi kaluumaysiga kala noqotay shirkaddo Chines ah kadib gabaabsi ku yimid kaluunka wadankaas. Dhanka kale waddanka Madagascar oo ah dal yar oo dhaca Bariga Afrika ayaa heshiis maalgashi la galay waddanka china, heshiiska oo ku kacayo 2.7 bilyan Dollar ayaa u ogolaanayo 330 maraakiib kaluumaysi oo ay china leedahay inay ka kaluumeystaan badda madagaskar,waxaana kahoryimid heshiiska bulshada wadankaas,laakiin dowladda Madagascar ayaa usheegtay dadkeeda ineey abuuri doonto 10,000 oo shaqo, kaabayaasha dhaqaale ee wadankana ay wax kaqaban doonto, balse bulshada waddankaas kunool weey ka biyadiideen, waxeeyna kutilmaameen heshiiska mid aan dalka dan ugu jirin. Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa ku’eedeeysay dowladda China in si xad dhaaf ah uga kaluumeesteen Baddaha Waqooyiga Afrika,waxeeyna sheegeen in qiyaas ahaan maraakiibta China ay dabteen kalluun gaaraya 4.1 milyan tones, una dhigmo lacag ahaan 11.5 bilyan dollar. Iyadoo aduunka sidaas looga qayliyay kaluumaysiga xad dhaafka ah ee china baa dowladdeena Soomaaliya waxeey shatiga kaluumaysiga ugu jartay shirkaddo laga leeyahay china lacag lagu qiyaasay hal milyan oo dollar. Waxaan la yaabanahay doqonimadda kuwa siyaasiyiinta noo ah, oo xitaa garan waayay in hadii ay ruqsad siinayaan dowlad chine camal ah, in ugu yaraan lacag fiican ka qaataan ama ay la galaan heshiiyo faa’ido u leh dalka. Sidoo kale waxaa ig yaabiyay in shacabka Soomaliyeed oo ah dhibnaha waxa ay falaan siyaasiyiintaan danleeyda ah ay mar walbo u taaganyihiin difaaca midkaas dhiigooda jiqaya, war intaan reer hebel iyo reer hebel isku fiirinayno bey siyaasiyiintaan manaxayaash ah garaadkooduna yahay Maantay maxaan helaa xaraashi wax walbo oo aan leheen. ”ilaahoow na dil oo hana doorin ”. ficilada ay maanta sameenayaan siyaasiyiinta danleeyda ah waa wixii ay awoowayasheen ka dagaalameen oo ay dhiigooda u daadiyeen. W/Q. Abdikarim Abdullah Email: waweyneyare@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. The Head of Dubai based P&O ports, a port operator owned by the UAE’s DP world in Bassaso town, Paul Anthony Fermosa has been killed on Monday morning. The initial report indicates that the officer was attacked by a man disguising as a fisherman who was later killed by his security guards, according to police. Al Shabaab has claimed responsibility for the assassination. Puntland administration has not yet commented on the attack. The post The head of P&O ports at Bosaso city killed by Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Jowhar (Caasimada Online)-Xiisadii ugu adkeyd ee u dhaxeysa xildhibaanada Hirshabeele iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka taagan magaalada Jowhar, kadib markii xildhibaanada wax mushaaraad ah aysan qaadan bilooyin badan. Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa labo maalin ka hor ku hanjabay in muddo todobaad gudahii haddii uu madaxweyne Waare ku hor imaan baarlamaanka inay talaabo ka qaadi doonaan. Sidoo kale xildhibaanada waxay dalbadeen in madaxweyne ku xigeenka uu hor yimaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo lacago badan oo ka maqan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle. Isaga oo ka jawaabaya ayuu madaxweyne Waare ka duulay magaalada Muqdisho, isaga oo tagay magaalada Jowhar, waxaana ilaa xalay kulamo kala duwan uu la qaadanayay xildhibaanada Hirshabeelle. Wararka xildhibaanada qaar ay inoo sheegeen ayaa sheegaya in mushaaraadka xildhibaanada ay ku dhici jireen gacanta masuuliyiinta ugu sareyso maamulka Hirshabeelle, balse si joogto ah loo bixin jiray. Dowladda Soomaaliya ayaa bil walbaa lacag gaareysa 150 kun oo doolar ku taageerta maamul goboleedyada dalka, waxaana Hirshabeelle oo horey u taageertay dowladda Soomaaliya ay kamid aheyd maamulada la siinayay lacagtaasi. Madaxweye ayaanan la ogeyn inuu fasixi doono lacagaha ka maqan xildhibaanada baarlamaanka oo qaarkood lagu qanciyay inay kamid noqdaan golaha wasiirada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  11. Muqdisho ( SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay afaafka hore ee Muqdisho Mall. Sidoo kale waxaa meesha uu qaraxu ka dhacay ka agdhow saldhigga Booliska ee degmadaasi. Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, balse waxaa haatan socda gurmad lagu samata bixinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Radioshabelle.com. The post Qarax Gaari Oo goor dhow ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Berbera)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista Hawada ee Xukumadii Madaxweyne Axmed Siilanyo Maxamud Xaashi Cabdi oo quudaraynaya Musharaxnimada Madaxtinimada Xisbiga KULMIYE Hadiiba uu wareejiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maalmihii udambeeyay ku sugnaa magaalada Berbera iyada oo shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiyena kaabiga soo saaran yahay laguna qaban doono Magaalada Boorama bishan 23.02.2019 Ex. wasiir Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dagan Hutelka DAMAL Ee Magalada Berbera isaga oo halkaas kulamo qarsoodiya kula yeeshay Madaxda dawlada ee Gobolka Saaxil iyo odayaal iyo waxgarad kaloo kamida golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, Waxaana la sheegay inu kulamadaasi ay la xidhiidhaan sidii uu usamaysan lahaa Maxamud Xaashi dad uu xulufaysto oo kujira golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo isaga afkaartiisa taageersan si uu u heloo hamigiisa ah in uu noqdo hogaanka ugu sareeya xisbiga kulmiye [Gudoomiye Xisbi] waxaana sidaasi sheegaya xogo la xidhidha socdaalka Maxamud Xaashi ku joogo berbera. Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka soo kicitimay dhinaca Gobolada Bariga sida Caynaba iyo Togdheer oo uu Kulamo noocana kula soo yeeshay Xubnaha golaha dhexe kaga jira xisbiga kulmiye dadka deegaamadaas ku dhaqan iyo Xisbiyahanadii Xisbiga La soo shaqeeyay ee aan xukumada Madaxweyne Muuse biixi xilalka ka helin. Lama garanayo ila wakhtiga uu Maxamud Xaashi Berbera ku sugnaan doono iyo talabooyinka kale ee uu qaadi doono. Baraha bulshadu ku xidhiidho ayaa waxa lagu arkayay dad Maxamuud Xaashi Cabdi ugu ololaynaya, balse illaa hadda lama oga taageerada uu ka haysto xisbiga dhexdiisa. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ay isku deegaan yihiin wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu hore uga digay in shirka xisbiga lagu qabto magaalada Boorama, waxaanu si cad u sheegay inay balamo hore oo ah in beeshooda lagu wareejin doono guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta dowladda Hoose ee Xamar, waxaana wararka ay sheegayaan inuu ka dhacay Baar-Italia oo ku dhagan suuqa Muqdisho Mall iyo xarunta Dowlada Hoose. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ku xernaa mid kamid ah gaadiidka la dhigtay agagaarka Mall-ka degmada Xamarweyne, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaaro ka dhashay qaraxa. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa ka dhacay degmada X/Weyne, waxaana dadka geeriyooday ku jiro shaqsiyaad ku jiray guri ku dhow goobta qaraxa uu ka dhacay uu kusoo dumay. Qaraxa ayaa u muuqda inuu ahaa mid gaariga loogu xiray ruuxii watay, waxaana socda baaritaanka sida gaariga uu ku tagay goobta uu ku qarxay. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Qarax aad u xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho. Qof goob jooge ah ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan uu ka dhacay inta u dhaxeysa saldhigga Booliiska degmada X/weyne iyo sidoo kale xarunta gobolka Banaadir. Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxan, hase ahaatee weli tiro rasmi ah lama hayo. Goobta qaraxan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada ammaanka iyo sidoo kale gaadiidka gurmadka degdegga ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. A heavy explosion reported in Mogadishu, the Somali capital on Monday morning amidst tight security in the seaside city. A witness, speaking to Radio Shabelle said the explosion occurred in the area around Mogadishu shopping Mall, near the offices of the city’s municipality. There was no immediate confirmation of the casualties as the area is sealed off by the police and ambulances are on the scene to transport the victims to the hospitals Developing story, more to come soon. The post Huge explosion heard in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in lacago badan ay musuqeen madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi. Wasiiru dowlaha kalluumeysiga maamulka Hirshabeelle Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame ayaa sheegay in madaxda ugu sarreeysa maamulkaas ay lunsadeen xuquuqdii xildhibaannada baarlamanka. Waxa uu sheegay Warsame in muddo aanay wax lacag ah qaadan xildhibaannada Hirshabelle, iyadoo la ogyahay in qarashaadkaasi la hayey, waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, mudanahan ayaa sheegay in xildhibaannada ay doonayaan iney la xisaabtamaan madaxda Hirshabelle oo uu ugu horreeyo madaxweyne Waare. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREEYSI-XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Berbera)-Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa ay isa soo tarayaan walaaca shacabka iyo masuuliyiintuba ka qabaan fashilka ka muuqda heshiiskii Dekedda Berbera lagu wareejiyey haba yaraatee wax illaa hadda laga qabtayna aanay jirin ayaa waxa arrintan walaacii ugu waynaa ka muujiyey Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Berbera laga soo doortay kaasi oo sheegay in agabka dekedda la keenay yahay mid duug ah oo lufad ah oo aan haba yaraatee waxba dhisi karin halka uu sheegay in dhismihii Dekedda Berbera u muuqdo mid faashil ah oo aan waxba ka soconayn. Xildhibaan Siciid Cartan oo warbaahinta arrintan uga warramayay waxa uu yidhi: “Shirkaddaasi DP World la yidhaahdaa haba yaraatee wax Alla iyo wixii aynu la galnay dee waxa ugu muhiimsanaa samaynta Dekedda in ay Dekedda sameeyaan oo ay 800 oo Mitir ku daraan. 400 oo mar ah iyo 400 oo dambe. Labadaasi qaybood ayay ahayd. Waana shayga muhiimadda koowaad innoo lahaa ee aynu danaynaynay in Dekeddeena la ballaadhiyo si ay ula tartanto Dekedaha jaarkeena ah sida Jabuuti oo kale ay ula tartanto oo awooddeedu kor u kaco ayay muhiimaddeena koowaad ahayd oo aynu hantidii kali ahayd ee aynu lahayn ugu wareejinay. Haseyeeshee shirkaddaa DP World la yidhaahdaa wax Alla iyo wax ay ka qabatay Dekedda illaa iyo hadda ma jirto. Haba yaraatee wax alla wax ay ka qabatay ma jirto. Waxa ay ahayd in ay sannad wax ku bilawdo waxaana imika soconaya sannadkii saddexaad. Muddo badan ayaa loo samray oo ay kolba wax sheegayeen oo ay kolba meel isa soo taagaysaa. Ugu dambayn waxa ay yidhaahdeen qandaraas baanu bixinay oo shirkaddii dhisaysay ee imika bilaabaysay waa shirkaddaasi. Imika maalintii xafladda madaxtooyada iyo dekedda loogu qabanayay shirkaddaasi waxa durba ka soo wareegtay illaa 4 Bilood. Biliba bil ayay amaahataa. Bilba bil baa la yidhaa bishan ayay wax bilaabmayaan. Annana waxaanu nahay xildhibaanadii Gobolka laga soo doortayoo kama daalno oo waanu daba soconaynaa illaa iyo inta Dekeddaa la bilaabayo ama dee heshiiskii burayo, waa waajibaadkayaga shaqo oo cid aanu u daba fadhiisanaynaa ama uga habranaynaa ma jirto”. “Imika halka ay marayso haddii aan idiinka warramo waxa weeyi waxa la yidhi maalin dhawayd qalab baa la keenay. Umadda waxaanu u sheegaynaa in dadkani caqli bay leeyihiine waxa la keenay illaa saddex cagaf oo waaweyn iyo shaambooyo iyo booyado illaa 30 meelahaa ah oo lufad ah oo aan wax macno leh ahayn. Wax wax qaban kara aan ahayn. Waa Mustacmal la soo isticmaalay mana aha wax deked dhisi kara. Taasaa umadda loogu sheegayaa in qalabkii wax lagu bilaabayay la keenay. Maba aha qalab wax qaban kara. Dakaddii waxa ay maraysaa meel aan waxba laga qaban. Haddii Bishan ama ta dambe waxba laga qaban waayo waxa ay noqonaysaa in heshiiskaasi dib loogu noqdo. Macquul ma aha in aynu u dabranaano. Wixii innaga dhinaceena ahayd waynu ka soo wada baxnay sida saldhiggii la siiyay oo durba gabogabo maraya. Wixii mashaariic la socday ha sheeginba. Ma jirto sida jidkii Berbera kooridhoor. Qalabkaa meesha la keenay waa duug oo ma aha wax macno leh”. Ayuu yidhi Xildhibaan Cartan. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Waxaa maalmihii u dambeeyay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ka taagnaa Buuq iyo isfaham waa gaadhay in qoraal turxaan leh ay iswaydaarsadaan Maamulayaasha Mid ka mid ah waaxyaha cashuuur Ururinta Wasaaraddaasi, arintaasi oo maashquul galisay Guud ahaan Shaqo maalmeedkii Xafiisyadda Cashuuraha Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Buuqan ayaa ka dhashay sida ka muuqata Qoraal Wargeyska Foore helay oo ku saabsan 33- Sarkaal oo hawlgalayay Xafiisyadda Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex oo lagu sameeyay isku shaandhayn iyo isku badel shaqo iyo sidoo kale Shaqo ka fadhiisin, Arintaasi oo dhamaan saamaysay, waxaana arintaasi ganafka ku dhuftay Maamulaha Cashuuraha Berriga Maxamed Ducaale Xasan, kaasi oo qoraal uu ku socod siiyay Shaqaalihiisa ku amray inaanay dheg jalaq u siinin Isku shaandhayn uu sheegay inaanay kasoo bixin Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire,waa sida uu qoraalka u dhigaye. Ugu horayn Qoraalka Warqadda isku shaandhaynta ah ee lagu sameeyay 33-ka Sarkaal oo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Maxamed Maxamuud oo ku taariikhaysnayd 31/01/2019, ayaa u dhignayd sidan “Laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 31/01/2019, ayaa waxa ay saraakiisha Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin loo badelay Goobaha ku hor qoran. Bashiir Cabdilaahi Maxamuud- Maamulaha Gobolka Maroodi Jeex Sakariye Cabdi Cali- Maamule Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Muuse Axmed- Maamulaha Degmada Gacan Libaax Jamaal Aadan Maxamuud- Maamulaha Degmada Ibraahim Koodbuur Cabdiqani Ibraahim Maxamuud- Maamulaha Degmada Axmed Dhagax Cabdirsiaaq Sheekh Ismaaciil Cabdilaahi- Maamulaha Degmada Maxamuud Haybe Maxamed Xuseen Huriye- Maamulaha Degmada 26-Ka Juun Fahad Axmed Xuseen- Maamulaha Beerta Xorriyadda Cadnaan Qursheekh Xasan- Maamulaha Xafiiska Gol-Janno Farxaan Xasan Cali- Maamulaha Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka Hodan Cali Cabdi- Khasnajiga Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka Cabdiqaadir Muxumed Jaamac- Maamulaha Xafiiska Maxkamadaha Gobolka M/Jeex Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Cabdilaahi- Maamulaha Xafiiska Laanta Socdaalka Hodan Maxamed Xasan- Khasnajiga Xafiiska Laanta Socdaalka Ismaaciil Aadan Cabdilaahi- Maamulaha Xafiiska Gantaalaha Ismaaciil Iidaan Yuusuf- Maamulaha Xafiiska Daloodho Sharmaarke Saleebaan Muuse- Maamulaha Xafiiska Total Axmed Maxamed Aadan- Maamulaha Xafiiska Idaacadda Maxamed Axmed Xasan- Maamulaha Xafiiska New Hargeysa Maxamed Ducaale Xasan- Xafiiska Cashuuraha Barriga Ee Boorama Khaddar Maxamed Xasan- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga Maxamed Quulle Aadan- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim- Maamule Ku Xigeenka Degmada Maxamuud Haybe Mustafe Maxamed Ciise- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga Cabdi Aadan Maxamuud- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga Maxamed Cabdilaahi Ismaaciil- Xarunta Degmada 26-Ka Juune Yaasiin Jaamac Axmed- Xafiiska Star Cabdirashiid Cabdi Sheekh Muxumed- Xafiiska Degmada Ibraahim Koodbuur Cawaale Axmed Xirsi- Xarunta Degmada 26-Juun Maxamed Rashiid Cabdilaahi- Xafiiska Xarunta Axmed Dhagax Maxamed Cali Jaamac- Xarunta Degmada Gacan Libaax Ifraax Haybe Cigaal- Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga Hodan Cabdiraxmaan Axmed- Xafiiska Diiwaan Gelinta Xarunta Waaxda Cashuuraha Barriga Intaasi markii ay soo baxday ayaa waxa qoraal ku daadafiyay Magacaabistaasi Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex waxaanu qoraal uu ku socodsiiyay Shaqaalihiisa ku yidhi sidan “Dhamaan Maamulayaasha Xafiisyadda Cashuuraha Berriga Gobolka Maroodi Jeex waxaan ku wargalinaynaa in Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berrigu leeyahay oo qudha soo jeedin ee aanu lahayn isku badel, waana dambi inuu awoodii Wasiirka uu sheegto Agaasime Waaxeed, Balse waxaan sugaynaa sida uu Wasiirku uga Go’aan qaato, Haddaba Waxaan mar labaad idinku wargalinayaa in isku badelkaasi aanay waxba ka jirin, waana wax aan sharciyad lahayn, shaqadeenu maaha Male awaal”. Waxa kale oo uu ku sii yidhi qoraalkaasi oo uu Og-siiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda, sidan “Sidaa darteed waxaan burinaynaa waxan Isku badelka loogu yeedhay, Waxaana idinku adkaynaynaa inaad dakhli maalmeedkiinii ururisaan, Masuuliyiinta Wasaaradda ee Warqaddan ogaysiinta ku lehna waxaana la socodsiinnaynaa maalintii la soo badelay maalintii xigtay in agaasime waaxeedku uu badel ku sameeyay Khasnajiyiintii, maantana oo ay muddadiisii xil hayntu tahay afar cisho uu aargoosi qaawan ku kacay” ayaa qoraalka warqadaasi lagu yidhi. Waxa sannadkii hore Wasaaradda Maaliyadda ka qarxay Khilaaf Caynkan oo kale ah kaasi oo aakhirkii sababay in dhamaan Masuuliyiintii ugu saraysay Wasaaradda laga caydhiyo. Source
  19. (SLT-London)-Khamiista soo socota ee toddobaadkan waxaa hotel ku yaalla London ka furmi doona shirka xaraashka kheyraadka shidaal iyo gaas ee dalka Soomaaliya. Haddaba yaa maalgalinaya shirkaasi?. MAXAY TAHAY SCHLUMBERGER? Schlumberger waa shirkadda ugu weyn ee saliid iyo shidaal sahminta dunida. Laakiin magaceeda lagama maqlo saxaafadda, mana ka muuqato suuqyada wararka la xiriira ganacsiga shidaalka, sababtuna waxay tahay iyadoo had iyo jeer ku shaqeysata qaab hoose oo is-qarin ah. Waxaan dhihi karaa qaabka ay u shaqeyso Schlumberger waxay la mid tahay qaabka hay’adaha sirdoonka u hawlgalaan. Waxay jeceshay inay ka hawlgasho waddamada colaadaha, musuqmaasuqa iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ka jiraan. Waxaa lagu aas-aasay 1926 Faransiiska. Waxaana wada aas-aasay labo nin oo walaalo Faransiin ah: Conrad iyo Marcel Schlumberger. Tan iyo wixii markaa ka dambeeyay waxay ku faaftay adduunyada. Maanta waxaa u shaqeeya 100,000 shaqaale ka badan oo ku kala sugan 140 waddan oo adduunka ka mid ah. Sannadkii 2016 ayaa daraasad qiimeyn dhaqaale oo ay sameysay Fortune Global ku tilmaantay shirkaddan Schlumberger shirkadda 287aad ee dunida ugu dhaqaalaha badan. Waxaa lagu qiyaasay in sannadkii ay hesho faa’iido dhan $48 billion (afartan iyo siddeed bilyan doolar). Sidaan kor ku sheegay shirkadda Schlumberger waxay ka faa’ideysataa waddamada xaaladaha adag ku jira sida Libya, Iran iyo Sudan; iyo kuwa musuqa uu ku baahay sida Turkmenistan, Russia, Masar iyo Sacuudi Carabiya. GANAAXII LA SAARAY SCHLUMBERGER Isla bishaas April 2015 ee shirka shidaalka Soomaaliya lagu qabanayo London, waxaa dalka Mareykanka lagu soo gaba-gabeeyay dacwad muddo socotay oo ka dhan ahayd Schlumberger. Waxaa lagu eedeeyay, laguna heley dembiyo la xariira ka dhuumasho canshuur, ka been sheegid qandaraasyo, marin habaabin hay’adaha canashuuraha dalka Mareykanka iyo in shaqaale Mareykan u dhashay ay dhex-gelisay qandaraasyo iyo macaamil lala yeeshay Iran iyo Sudan oo labaduba Mareykanka cunaqabateyn dhaqaale saaray. Dukumintiyada maxkamadda la geeyey waxaa ku jiray kuwo caddeynaya sida Schlumberger ay u khiyaantay Mareykanka iyadoo shirkaddan magacyo been abuur ah u baxsatay Sudan iyo Iran. Tusaale marka shaqaalaha Schlumberger eek u sugan Sudan ay soo dalbanayaan lacago maalgelin ah ama qalab waxay qori jireen “Koonfurta Egypt” iyagoo Iran ula baxay “Waqooyiga Gacanka”. Ujeedaduna waxay ahayd inay ka dhuumato hay’adaha caddaaladda iyo kuwa maaliyadda ee la socodka cunaqabateynta Iran iyo Sudan. Waaxda caddaaladda Mareykanka oo baaritaanka ka dhanka ah Schlumberger wadday ayaa ku soo gaba-gabeysay in shirkaddan lagu ganaaxo fal-dembiyeedkii ugu cuslaa ee shirkad ay gasho. Ugu dambeyntiina xukun maxkamadeed ayaa lagu gaaray in Schlumberger lagu ganaaxo $155 million (boqol konton iyo shan milyan) oo ah ganaax fal-dembiyeedkii ay gashay ah; iyo inay dib u soo guddo $77.5 million (toddobaatan iyo toddobo milyan iyo bar) oo ah faa’iidadii ay heshey muddadii ay beenta ku shaqeysaneysay Schlumberger. Maxkamaddu waxay kaloo Schlumberger ku soo rogtay muddo saddex sano ah oo ay maxkamadda kula socod siineyso tallaabooyinkeeda ganacsi iyo inay hubiso in dembiyada lagu heley aaney markale gelin. Muddadaasi saddexda sano waxay ku ekeyd April 2018. MAAMULE NORWEGIAN AH Waxaa xusid mudan dhaq-dhaqaaqyada hadda socda ee shidaalka Soomaaliya lagu xaraashaayo inuu gadaal ka riixaayo Paal Kibsgaard oo hadda maamule fulin ka ah Schlumberger [Sawirka 2aad]. Paal Kibsgaard waa 51 jir, kasoo jeeda magaalo-dekedeedka Ålesund oo ku taalla xeebta galbeed ee dalka Norway. 1997 ayaa loo magacaabay jagadan, isagoo ka horna injineer ahaan uga soo shaqeeyay shirkadda dalka Sacuudi Carabiya. Bilihii Febraayo illaa Maarso 2018, maamulaha Schlumberger Kibsgaard ayaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u ceyriyay illaa 70,000 oo shaqaale muddo ka yar saddex sano. Waxaana lagu sababeyay hoos u dhaca sicirka qiimaha saliidda ee caalamka. Ha illoowin in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu heysto dhalashada Norway iyo inuu muddo dhow ahaa xubin iyo saamile ka tirsan shirkadda kale ee Soma Oil and Gas oo iyaduna tuhun weyn looga qabo xaraashka kheyraadka Soomaaliya. ….La Soco Qaybo Kale Source
  20. (SLT-Jigjiga)-Xaaladda Khilaafka siyaasadeed ee Madaxda Kililka shanaad ee Itoobiya gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi iyo Guddoomiyaha xisbiga maamulkaasi xukuma ayaa waxa uu u muuqdaa mid taagan iyada oo aan la ogayn halka xaaladdu ku dambayn doonto. Guddoomiyaha xisbiga haya talada deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide ahna Wasiirka Maaliyadda heer Federaal ee dalka Itoobiya ayaa shalay soo gaadhay magaalada Jigjiga. Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in gudoomiye Axmed Shide markii uu gaadhay magaalada Jigjiga soo dhawayn loogu sameeyey garoonka diyaaradaha ee Wiil- Waal Airport. Madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo khilaaf u dhaxeeyey gudoomiye Axmed Shide ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey. Gudoomiyaha xisbiga shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide ayaa safarkan uu ku yimid magaalada Jigjiga waxa uu la xidhiidhaa diyaar garawga loogu jiro qabashada shirweynaha xisbiga haya talada dawlad deegaanka iyada oo wali khilaafkii labadan nin u dhaxeeyey aan xal kama dambays ah laga gaadhin. Sidoo kale gudoomiye Axmed Shide ayaa kulamo la qaadan doona madaxda dawlada deegaanka Soomaalida iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee madax dhaqameedka, kuwaas oo la filayo in lagaga wada hadlo sidii loo shaqayn lahaa horumarinta deegaanka. Madaxweynaha deegaanka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa hore u sheegay in la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyey gudoomiyaha xisbiga ahna wasiirka maaliyada ee dawlada federaalka ah ee Itoobiya Axmed Shide, isaga oo sheegay in hada laga shaqaynayo horumarinta deegaanka. Source
  21. (SLT-Muqdisho)-Xafiiska xeer-ilaalinta ee Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa si toos ah u sheegay in ay jiraan hub ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo si qarsoodi ah loogu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho. Weapons looted from a former United Arab Emirates (UAE) military training camp are displayed during a Reuters interview in Mogadishu, Somalia April 25, 2018. REUTERS/Feisal Omar Gaashaanle Sare Cabdillaahi Buule Kamey oo ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in kiiska ugu badan ee la soo gaadhsiiyay maxkamaddu yihiin fal danbiyeeydo sida uu hadalka u dhigay lagu galo hubka ciidamada dowladda Soomaaliya Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa inta badan hubkii loogu tala galay in ay dadka iyo dalka ku difaacaan waxaa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka, waxaa sidoo kale hubka ciidanka uu noqday mid si caadi ah loogu iibiyo suuqyada Muqdisho. “Waxaa jira kiisaska la horkeeno Maxkamadda Ciidamada intooda badan hubka dambiyada lagu galo ay yihiin hubka ciidamada qalabka sida oo leh shaabaddii iyo astaanti ciidamada, si qarsoodi ahna loogu iibiyo suuqyada sharci darada ee loo yaqaanno Cir-toogte”ayuu yidhi Gaashaanle sare Cabdillaahi Buule. Sidoo kale, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Taliyayaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada in ayna wax tallaabo ah ka qaadi Askarta ay xukumaan ee fal-danbiyeedyada kala duwan ka gala Shacabka, taasoo keentay wada shaqeyn xumo soo kala dhaxgasha maxkamadda iyo saraakiisha ciidamada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marar badan oo hore lagu eedeeyay in ayna xakameyn karin hubkeeda oo siyaabo kala duwan loogu iib-geeyo suuqyada Muqdisho iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda gaar ahaan Al-shabaab. Hadalkan Gaashaanlahan ayaa imanaya laba Toddobaad uun ka dib, markii Dawladda Qadar ay Dawladda Soomaaliya ku caawisay Tobanaan Gaadiidka gaashaaman ee Dagaalka ah, gaadiidkaasi oo toddobaad ka dibba ay Al-shabaab mid ka mid ah ku qabsatay dagaal ay la gashay Ciidammada Dawladda. Dawladda Somaliland ayaa dhowr jeer sheegtay in Hubka iyo Saanadda Ciidan ee Dawladaha Shisheeye siiyaan Dawladda Soomaaliya uu khatar ku yahay Amniga Gobolka Geeska Afrika, maaddaama oo ay Dawladda Soomaaliya awood u lahayn inay si sax ah u maamusho Hubka la siiyo. Soomaaliya waxa saaran Cunaqabatayn dhanka Hubka ah oo Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ku soo rogtay, laakiin Dawladaha Shisheeye ee Qadar ka mid tahay ayaa si qarsoodi ah iyo si toos ahba u siiya Hub iyo Saanad Ciidan. Source
  22. Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekadda magaalada Boosaaso ayaa lagu toogtay isla magaaladaasi. Anthony ayaa markii la dilayey ku sugnaa sida la sheegay dhul ay deganaayeen Kalluumeysato oo ay doonayeen ka shirkad ahaan in ay dhistaan, wuxuuna ku amrayey Kalluumeysatada iney halkaasi ka guuraan. Nin hubeysan ayaa la sheegay in isla goobtaasi uu ku toogtay Paul Anthony, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland. Ciidamada ayaa siodoo kale isla goobta ku qabtay ninkii dilka ka dambeeyay oo isna la sheegay iney dhaawaceen. Paul Anthony ayaa u dhashay dalka Talyaaniga, wuxuuna howshan wadan tan iyo October 2017. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo mootooyinka loo yaqaan Fekon in lagu dhex wado gudaha degmadaasi. Waxaa wareegtadan lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeya gudaha degmada Afgooye aanay ka shaqeyn karin mootooyinkaasi. Sababaha loo mamnuucay ayaa la sheegay iney tahay arrimo amni, islamarkaana dhibaatooyin badan lagu geysto. Waxa ay tani saameysay dad badan oo ku shaqeysan jiray Mootadan, kuwaasi oo shaqo abuur u noqotay waayadan dambe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Boosaaso ( SMN)-Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka madaxii shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso lagu dilay magaaladaasi. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa, una dhashay dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay in toogasho uu ku dilay nin iska soo dhigay Kalluumeysato. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada amigu ay isla goobta ku toogteen ninkii ka dambeeyay dilkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Interntet-ka. Afhayeenka dhanka howlgallada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilkaasi, waxaana uu tilmaamay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhan ah shirkadaha shisheeye ee ka howgala Soomaaliya. DP World oo ah shirkad laga leeyahay dakaImaaraadka Carabta ayaa 2017-kii la wareegtay Dekeddda Boosaaso ee gobolka Bari. The post Madaxii shirkadda DP World Ee dekedda Boosaaso Oo la dilay appeared first on Shabelle. View the full article