Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,344
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa ayaa 6 bilood oo xabsi ah ku xukuntay 20 dhalinyaro derbijiif ah. Maxkamaddu waxay sheegtay in dhalinyaradan lagu soo eedeeyay isticmaalka maandooriyaha xabagta ama Alcohosha iyo inay arbusheen wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Boosaaso)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay dilkii saaka nin hubeysan uu gudaha Dekeda Boosaaso ugu geystay Madaxii Shirkadda P&O ee DP World oo gacanta ku heysay maamulka Dekeda Boosaaso. Saciid Deni ayaa ka tacsiyadeeyay dilkaas loo geystay Paul Anthony Fermosa oo u dhashay dalka Malta, waxaana uu amray Laamaha amniga ee Puntland inay heegan sare ah galaan, si looga hortago weerarada cadawga maleegayo. “Falkan waa mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafka shacabka Puntland iyo dowladoodaba”ayuu yidhi Madaxweyne Saciid Deni oo bishii hore xilka loo doortay. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Madaxa DP World ee Dekeda Boosaaso. Source
  3. Unknown gunmen have shot dead the head of a Dubai-owned port operation in the semi-autonomous Somali region of Puntland. Paul Anthony Formosa, head of the P&O Ports operation in Bosaso port, was killed as he headed to work on Monday morning. Yusuf Mohamed, governor of Puntland’s Bari region, said Formosa was shot by two men disguised as fishermen. “The men armed with pistols hit him (with) several bullets in the head,” Mohamed told Reuters news agency. Formosa was rushed to the hospital, but he succumbed to his injuries. Security forces were able to kill one and apprehend the second attacker. The attack has been claimed by al-Shabab, the armed group fighting the Somali government for control in the horn of Africa country. “We are behind the operation… we had warned him but he turned deaf ear. He was illegally in Somalia,” spokesperson for the group, Abdiasis Abu Musab, said. The death of Formosa has not yet been confirmed by P&O Ports in Dubai. Nairobi attack Earlier this week, the US army said it had killed at least 24 al-Shabab members in an air raid on a camp near Shebeeley in Hiran region, central Somalia. The raid came two weeks after some 21 people were killed in an attack on a Nairobi hotel complex in January, which was claimed by the al-Shabab group. Shortly after the siege ended, Kenyan security forces conducted a number of raids in various locations and picked up suspects. At least 11 people have been taken into custody in connection with that attack. Nairobi announced days later that private security officers guarding public spaces such as malls, supermarkets and private premises, would be given guns for the first time. SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES
  4. MOGADISHU (Reuters) – A car bomb exploded at a shopping mall in Somalia’s capital on Monday, killing 11 people and wounding 10 in an attack that police said was probably carried out by Islamist group al Shabaab. The blast occurred in Mogadishu’s Hamarweyne district, a busy area with shops and restaurants. “Several dead people were removed from a wrecked building at the blast scene. So far death toll is 11 civilians and 10 others injured,” police officer Mohamed Hussein said. Hussein had earlier put the death toll at two. A Reuters witness saw one dead person at the scene, where four cars burned and a restaurant was destroyed. Al Shabaab frequently carries out bombings in Mogadishu and other parts of Somalia against government and other targets. The group is trying to oust the Western-backed central government and establish its own rule based on its strict interpretation of sharia law. Al Shabaab’s militants also carry out attacks outside Somalia. Its latest assault in neighbouring Kenya, a suicide and gun attack at an office and hotel complex in the capital Nairobi last month, killed 21 people. Al Shabaab want Kenya to withdraw its troops from Somalia where they are stationed as part of an African peacekeeping force which helps defend the central government. Additional reporting for Reuters by Feisal Omar; writing by Elias Biryabarema; Editing by George Obulutsa
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay la ildaran tahay $80 Milyan oo dayn ah taasi oo ay ku wareejisay xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu qiray inay jirto dayntaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiye Cirro & Xubno Sarsare Oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Oo Booqday Qoyskii & Eheladii Uu Ka Geeriyooday Abwaan Baarleex, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho ( SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr. David Concar oo ku jira todobaadkiiisii ugu danbeeyay ee xafiiska. Wasiir Beyle ayaa sheegay in safiirka Britain ee Soomaaliya ay ka wada hadleen horumarka Maaliyadda,wuxuuna inta uu kulanka socday uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda UK la garab taagan tahay Soomaaliya “Waxaan maanta la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya Mr David Concar oo ku jira Todobaadkiisii ugu dambeeyay ee Xafiiska,Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda. Waxaan sidoo kale uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay nala garab taagan yihiin,”ayuu yiri Wasiir Beyle. The post Wasiir Beyle Oo la kulmay safiirka Britain ee Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Malta (Caasimada Online) – Paul Anthony Formosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekeeda Boosaaso, oo maanta ay dileen kooxda Al-Shabaab ayaa shaaca laga qaaday inuu kasoo jeedo dalka Malta. Malta waa jasiirad yar oo ku taalla badda Meditareeniyaan-ka una dhow dalka Talyaaniga. Waxaa ku sugan qaxooti badan oo afrikan ah oo Soomaali ay ka mid tahay. Formosa oo ahaa 52 hir ayaa kasoo jeeda magaalada Marsascala ee dalkaas, waxaana tan iyo bishii August ee 2017 uu ahaa agaasimaha shirkadda P&O oo hoos tagta DP World ee dekedda Boosaaso. Wasaaradda arrimaha dibedda Malta ayaa xaqiijisay dhalashadiisa iyo geeridiisa, waxayna intaas ku dartay inay si dhow ula socoto xaaladda. Waxay ay sheegtay in dhowaan ay faah-faahin buuxda kasoo saari doonto dilkiisa. Formosa ayaa horeya uga shaqeyn jiray dekedda Malta Freeport ka hor inta uusan ka tegin. Qoyskiisa ayaa ilaa hadda ka hadlin geeridiisa. Madaxa dekedda Malta Freeport, Alex Montebello ayaa yiri “Paul waxa uu ahaa shaqaale howl-kar ah, furfuran oo ay jecel yihiin saaxiibadiisa. Aad ayaan uga naxnay inaan ogaanay in la dilay, waxaana tacsi u diraynaa qoyskiisa” Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa, ayada oo ku eedeysay inuu diiday digniin ay u dirtay oo ahayd inuu isaga baxo Soomaaliya, oo ay ku doodday inuu si sharci-darro ah ku joogay. Caasimada Online Xafiiska Roma caasimada@live.com
  9. Garowe ( SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka madaxii P&O Ports oo hoostagta shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso, kaas oo saaka kooxo hubeysan ay ku dileen magaaladaasi. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa, una dhashay dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay, xilli uu sii galayay Dekeddaasi. Yuusuf Maxamed Waceys Dhado guddoomiyaha G/Bari oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay sidoo kale dhaawaceen labo askari iyo nin Hindi ah oo la shaqeynayay shirkadda DP-World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta. Gudoomiye Dhado ayaa intaasi ku daray in ciidamada amnigu ay dhaawaceen mid ka mid ah raggii toogtay ninkaasi, islamarkana haatan lagu hayo gacanta. Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ka hadlay dilkaasi. Madaxweyne Deni ayaa xusay in kaliya aan la dilin Paul Anthony Fermos, balse hoos loo dhigay sumcadii Puntland, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in dilkan uusan ku koobneyn Al Shabaab, ayna baari doonaan dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa sheegtay dilka, iyadoona Afhayeenkooda dhinaca howlgallada C/casiis Abuu Muscab uu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo ka dhan ah shirkadaha shisheeye ee ka howlgala Soomaaliya. The post Puntland Oo si adag uga hadashay dilkii Paul Fermosa appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida maamulihii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Mr. Paul Anthony Farmosa oo saaka dil loogu geystey magaalada Boosaaso. Madaxweyanaha Puntland ayaa uga tacsiyey gaarida Paul Farmosa shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka dalka Talyaaniga, dalka Imaaraadka oo shirkadda lagaleeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed. “Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii foosha xumayd ee lagu diley maamulihii dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa, waxaan uga tacsiyeynayaa dhacdadaasi foosha xun shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka Dalka Talyaaniga, dowladda Imaaraadka oo shirkadda laga leeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed’’ ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Sidoo kale madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in talaabo sharci ah laga qaadidoona cid kasta oo lug ku yeelata falkani foosha xun, waxaa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland ku booriyey inay fiiro gaara u lahaadaan cadawgooda oo ay farta ku godaan inta ku dhexdhuumanaysa. “Arrintaas baadhitaankeeda cid kasta oo lug-kuyeelata ama dalka hajoogto ama debeddiisee waa denbiilayaal ka galay dadka reer Puntland denbi, cid kasta oo ay ku cadaato arrintaasina waxaan ka qaadaynaa talaabo sharciga waafaqsan, arrinta ma orankarno arrin argagixiso keliya waxa ka danbeeyana waan ogaandoonaa waa arrin lagu weerarayo shacabka Puntland iyo horumarkooda, dhaqaalahoodana lagu wiiqaayo, mustaqbalkooda lagu dilaayo” ayuu yiri mudane Deni. Wuxuu intaasi raaciyay in Al-shabaab, daacish iyo cid kasta oo cilaaqaad laleh ay mutaysandoonaan ciqaab adag oo aan naxariis lahayn, isla markaana waxa uu faray ciidamada dowladda Puntland meelkasta oo ay joogaan inay heegan u galaan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba uga ilaalin lahaayeen cadawga uga imaanaya gudaha iyo dibaddaba. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo si adag uga hadlay dilkii Paul Farmosa appeared first on Puntland Post.
  11. Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helay qaraxii maanta barqadii ka dhacay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana la dhigay goobta la dhigto gaadiidka ee Muqdisho Mall, iyadoo halkaasi ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah. In ka badan 6 qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi, waxaana ku dhaawacmay 11 kale sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. Waxaa goobtaasi sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed, iyadoo dhismayaal goobta ka dhowaa ay bur-bureen. Hoos ka arag sawirada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay toogasho nin hubaysan uu saaka magaalada Boosaaso ugu geysaytay madaxii shirkada DP World oo gacanta ku haysay maamulka Dekeda Boosaaso . Madaxweyne Deni ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dilka loo geystay Paul Anthony, oo saaka lagu dilay gudaha dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barr, waxa uu amray laamaha amniga ee Puntland in ay dagaal ku bixiyaan Sidii looga hortagi lahaa weerarada waxa uu ugu yeeray cadowga. “Falkaan waa mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafka shacabka Puntland iyo dowladoodaba” ayuu yiri madaxweyne Deni oo warfidiyeenka kula hadlaayay madaxtooyada Garowe. Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa la wareegtay Dekedda Boosaaso oo ay heshiis mudo 30 sano ah kula gashay maamulka Puntland, inkastoo baarlamaanka Soomaaliya ay diideen in DP World ay ka shaqeyso Soomaaliya, toosi oo sababtay in uu xumaado xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Al-Shabaab ayaa sheegtay mus’uuliyada dilka loogeystay madaxii shirkada Dp World ee dekeda Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  13. Madaxweyanaha Puntland ayaa uga tacsiyey gaarida Paul Anthony Farmosa shirkadda P&O, dowladda iyo shacabka Dalka Talyaaniga, Dalka Imaaraadka oo shirkadda lagaleeyahay, eheladii iyo qaraabadii uu [...] Source
  14. Hargeysa ( SMN) – Maxkamad Ku taalla M/ Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa maanta 20 dhalinyaro oo darbi jiif ah ku xukuntay lix bilood oo Xabsi ah. Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa dhalinyaradan ku eedeysay in ay dhuuqayeen xabakta ama koolada, islamarkaana ay tuuryeeyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee maamulkaasi. Ujeedka ay u wareereen xarunta Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay la xariirto daryeel la’aan heysata dhalinyaradaasi. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Hargeysa ayaa la yaab ay ku noqotay xukunka ay riday maxkamadda magaaladaasi. Inta badan Somaliland ayaa xukuno kala duwan ka fulisa deegaanadeeda, iyadoona haatan ay dad badan ku xiran yihiin xabsiyada maamulkaasi. The post Somaliland Oo xukuntay dhalinyaro darbi jiif ah appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Balcad (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay degmada Balcad ee gobolkaasi. Xiisadan ayaa la sheegay in ay u dhexeyso guddoomiyaha Balcad iyo Xoghayaha cusub ee maamulka degmadaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan, , islamarkaana ay wal wal ka qabaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi. Xalay ayey aheyd markii ciidamo kala taabcsanaa mas’uuliyiintaasi ay ku dagaalameen gudaha magaaladaaasi. The post Xaalad kacsanaan ah Oo laga dareemayo degmada Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa digniin ka soo saartay weerarro ka dhan ah dadka Reer Galbeedka ah ee ku nool dalka Kenya, oo dhowaan dhici kara. Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ay ku sheegtay in ay heshay xogo muujinaya weerarrada ka dhanka ah dadka reer Galbeedka ah ee Kenya, oo kooxaha argagixisada ay diyaarinayaan. Waxaa ay safaaradda qoraalkeeda ku sheegtay in meelaha la beegsanayo ay ka midyihiin Nairobi, Naivasha, Nanyuki, iyo Gobollada Xeebta ah. Safaaradda ayaa ugu baaqday dadka ajnabiga ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Mareykanka in ay feejignaadaan iskana diiwaan geliyaan qeybta adeegga dadka safarka ah ee safaaradda oo laga heli karo Internet-ka. Goobaha la beegsanayo ayey safaaradda ku sheegtay Suuqyada, Kaniisadaha, Meelaha kale ee la isugu imaado,iyada oo sheegtay in ay heyso xog la isku halleyn karo. Dadka aan heysan Internet-ka ayey safaaradda Mareykanka ka codsatay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isaga diiwaangeliyaan qunsuliyadaha Mareykanka ee ku yaalla Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  17. London (SMN) – Marwada u dhaxda hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabduqaadir Muumin ayaa dacwad ka dhan ah sirdoonka UK ugudbisay maxkamad ku taalla dalkaasi. Muno Cabdulle oo ah xaaska hoggaamiayha Uurka Daacish faraceeda Soomaaliya oo ku nool wadanka Britain ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii 2013-kii mar ay qabteen sirdoonka dalkaasi, iyadoo ka soo laabatay Soomaaliya oo ninkeeda kula soo kulantay ayaa waxa ay sheegtay in ay ku xadgudbeen sirdoonka oo ay jirdil iyo garaacitaan iskugu dareen xilli ay su’aalo weydiinayeen sida ay sheegtay. Haweeneydan oo heysata dhalashada Ingiriiska, balse asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeysay sirdoonka dalkaasi in ay koronto u adegsadeen jirkeeda xilligii ay su’aalaha ka weydiinayeen tagitaan keedii Soomaaliya. Qareen u hadlay maxkamadda sare ee Ingiriiska ayaa sheegay in dowladdu ay ogolaatay in eedeymahan kuwooda xasaasiga ah loo dhagaysto qaab qarsoodi ah. Hadii dambigani uu ku cadaado sirdoonka Uk ayaa la sheegay in Haweeneydan ay heli doonto Lacag mag dhaw ah oo gaareysa 1.3 Milyan oo doller-ka Mareykanka ah. Cabduqlaadir Muumin hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya ayaa 2010-kii ka soo tgay UK, xilligaasi oo uu yimid yimid dalka, kuna biiray Al Shabaab basle markii dambe ka mid noqday kooxda Daacish ee ku sugan deegaanada Puntland. Xigasho:-Sputniknews. The post Xaaska hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya oo dacwad ka gudbisay sirdoonka UK appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta qof shacab ahaa uu ku dilay isgosyka Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay murmeen Askariga iyo Marxuumka oo la sheegay in uu ahaa qof Ganacsade ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, iyagoona gacanta ku dhigay askarigii ka dambeeyay dilkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/COD-CABDIQANI-.mp3 The post Askari ka tirsan Ciidanka DFS Oo dil ka geystay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. The wife of a jihadi who fought with ISIS is seeking up to £1million in compensation over claims she was shackled, whipped and interrogated by British intelligence officials. Muna Abdule says MI6 operatives mistreated her and quizzed her over husband Abdelqadir Mumin. Her accusations include that a mystery man called ‘The British interrogator’ interrogated her in Somalia in 2013 with information she claims must have come from the UK. She also claims she was hit with metal cables, and humiliated, the Daily Mirror revealed. If proven she could receive up to £1million in compensation. Court papers say: ‘She says she was hooded in a manner which made it painful for her to breathe. She was threatened with being killed… She was frightened and slept little.’ Mrs Abdule lives in Berkshire while her husband who is linked with Mohammed Emwazi – known as executioner Jihadi John – is banned from the country. Abdelqadir Mumin used to be a key recruiter and facilitator for the al-Qaeda affiliated Al-Shabaab in Somalia after fleeing his home in South London. He became one of the few high profile al-Shabaab figures to switch his allegiance to ISIS and has since fled with a small band of jihadis to the remote mountains in Puntland. Mumin used to preach at Greenwich mosque, which is believed to have been where Mohammed Emwazi and Michael Adebolajo occasionally attended prayers. Mumin was visited by his wife in 2013 who says she was tortured afterwards by British intelligence officers Upon fleeing to Somalia in 2010, Mumin burnt his passport and declared he would spend the rest of his life fighting jihad. Mrs Abdule’s lawyer Shubhaa Srinivasan told the Mirror: ‘Despite the Government’s insistence it eschews torture, my client’s case… tells a different story.’ Sensitive parts of the case will be heard in private at the agreement of a High Court judge. Previously after being accused of involvement in torture outside of the UK, Britain has paid £20million in compensation to up to 20 claimants. Source: Daily Mail The post ISIS killer’s wife sues British spies for £1million appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho ( SMN) – War ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda qaraxii maanta ka dhacay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxa ay Al Shabaab ay baahiyeen in ay ku dileen xubno ka tirsanaa dowladda Soomaaliya. Al Shabaab waxa ay warkan ku sheegeen in qaraxaasi ay ku dileen illaa 8 Qof oo isugu jiray sarakiil ka tirsanaa NISA iyo shaqaaale dowladeed, sida ay hadalka u dhigeen. Ma shaacin Al Shabaab magacyada dadka ay dileen, basle waxa ay tilmaameen in ay ku sugnaayeen Baar ku yaalla goobta uu qaraxu ka dhacay. Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax kan la mid ahaa uu ka dhacay agagaarka taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho. The post Al Shabaab Oo sheegtay qaraxii ka dhacay Xamar Weyne appeared first on Shabelle. View the full article