Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,344
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (SMN) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeyn la xariirta musuq-maasuq u jeediyay madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Xubnahani ayaa sheegay in madaxweynuhu mas’uul ka yahay dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee ka jira deegaanada HirShabelle. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in la masuq-maasuqo, islamarkaana si gaar ah loo isticmaalo canshuuraha maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli malmihii la soo dhaafay ay taagneyd cabasho la xariirta mushaar la’aan heysata xildhibaanada Baarlamaanka HirShabelle. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-mahad-ee.mp3 The post Baarlamaanka HirShabelle Oo eedeeyay madaxweyne Waare appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dhacdooyin xanuun badan ayaa laga diiwaan geliyaa qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan dadka rayidka ah ay gaaraan. Shalay barqadii qaraxii ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa ka dhacay goob shacabka ay ku badan yihiin, waxaana khasaaraha ugu badan uu geystay dadka rayidka ah. Dhacdooyin murugo badan ayaa laga diiwaan geliyay qaraxii shalay oo dad badan ay ku dhinteen, waxaana dadka ugu badan dilay dhismaha kusoo dumay oo ay ku hoos jireen. Wiil Dhalinyaro ah oo degan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay qaraxaasi, kaasi oo guursaday Afar maalin ka hor qaraxa, waxaana shalay uusoo aaday degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. “Wiilka alle ha u naxariisto Jimcihii ayuu guursaday, saaka markuu naga tagayay waa la celin waayay, waligii xiligaasi Xamarweyne muusan aadin, iska joog ayaa la dhahay, balse wuu diiday wuuna ku dhintay Qaraxa”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah ehelka wiilka dhalinyarada ah. Sidoo kale dhacdooyinka xanuunka badan ee laga diiwaan geliyay qaraxaasi ayaa ah inay hal meel iyaga oo wada hadlaya ay ku geeriyoodeen wiil yar iyo Hooyadii oo ku sugnaa Carwo ku taalo goobta qaraxa uu ka dhacay. Wiilka yar oo 17 Jir ahaa ayaa la sheegay in hooyadii uu usoo qaaday Quraac, balse iyada oo ka qaadeyso Al baabkana wada taagan yahay uu qaraxa dhacay, waxaana lasoo saaray iyada hal meel iskula dhintay. Dhimashada dadka waxaa kordhiyay goobta oo mashquul badan iyo dadka oo uu dhismaha ku dumay, waxaana badankood dadka ay hoos galeen dhagxaanta duntay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Brussels (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels, ee dalka Belgium, 4 February , iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada Midowga Yurub. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaagga dhinac kasta leh ee u dhexeeya wadamada ku mideysan Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, isagoo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay samaysay horumar weyn, balse ay uga baahan tahay taageerro ku filan deeq bixiyeyaasha caalamiga si looga takhaluso caqabadaha kala duwan. Shirka heer Wasiir ayaa diirradda lagu saarray dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatada Suuriya, xaaladda Yemen iyo Liibiya, arrimaha la xiriira socdaalka iyo muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga labada dhinac si nabadgelyo iyo xasillooni loogu soo dabaalo dunida, xalna loogu helo khilaafaadka caalamiga. Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli loo gogol xaarayo Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Wadamada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono 24-25 Febraayo dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Soomaaliya Oo shir muhiim ah uga qeyb gashay Brussels appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-050219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka qeybgalay shirka shanaad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Brussels ee dalka Belgium, 4 February , iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro arrimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Wasiirro arrimo dibadeedyada Midowga Yurub. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimmadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wax wadaagga dhinac kasta leh ee u dhexeeya wadamada ku mideysan Ururrada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, isagoo ku dhawaaqay in Soomaaliya ay samaysay horumar weyn, balse ay uga baahan tahay taageerro ku filan deeq bixiyeyaasha caalamiga si looga takhaluso caqabadaha kala duwan. Shirka heer Wasiir ayaa diirradda lagu saarray dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatada Suuriya, xaaladda Yemen iyo Liibiya, arrimaha la xiriira socdaalka iyo muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashiga labada dhinac si nabadgelyo iyo xasillooni loogu soo dabaalo dunida, xalna loogu helo khilaafaadka caalamiga. Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli loo gogol xaarayo Shir madaxeedkii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Wadamada Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono 24-25 Febraayo dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo taageero ka dalbatay Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay u muuqataa in dowladda federaalka iyo shacabka Muqdisho ay ugu dambeyn isugu yimadeen go’aan ah in aan wax laga qabin karin amniga Muqdisho, oo aysan jirin wax rajo ah. Markii horeba shacabka waa ay qabeen taas, balse waxaa hadda muuqata in dowladda ay kusoo biirtay. Toddobaadyadii dhowaa amniga faraha ayuu kasii baxay. Qaraxyada ayaa noqday kuwa is-daba joog ah oo ugu yaraan laba ayaa dhacaya asbuucii, halka dilalka qorsheysan ay yihiin kuwa maalin kasta dhacaya. Dowladdii oo markii hore looga bartay marka qarax uu dhaco inay raaciso ballan-qaad amni oo aan natiijo lahayn, cambaareyn iyo tacsiyeyn, ayaa hadda lag waayey intiiba, oo ahaa waxa kaliya ee shacabka ay ku niyad dhisan jireen. Bal dib u fakar, oo xusuuso markii kuugu dambeysay oo aad maqasho madaxda dowladda oo cambaareynaya qarax, kii ugu dambeeyey shalay uu dhacay. Goorma ayuu ahaa ballan-qaadkii ugu dambeeyey ee wax ka qabasho amni oo aad maqasho? Ma maqashay maalmahan shacabka dhibban oo xitaa tacsi loo dirayo? Waxaa cad in ugu dambeyn dowladda ka rajo dhigtay Muqdisho, ama garowsatay inay tabarta u dayrisay oo aysan lahayn awood ay wax uga qabato amniga faraha kasii baxaya. Hay’adihii amniga ee qaabilsanaa sugidda amniga ayaa ayagana u muuqda in shaqadoodii ay gabeen. Si gaar ah, hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka ee NISA, oo qaabilsan uruurinta xogta Shabaab, si qaraxyada looga hor-tago ayaa u muuqata inay iska seexatay. Agaasimaha aan rasmiga ahayn ee hay’adaas, Fahad Yaasiin ayaa in ka badan laba toddobaad dalka ka maqan isaga oo ku sugan magaalada Nairobi. Haddii howshiisa qof kale uu qaban lahaa, hay’adda ma lahan agaasime ku xigeen, oo Fahad ayaa ah agaasime ku xigeenka, balse maadaama uusan agaasime jirin xilka sii haya. Sida muuqata, Fahad oo xilka agaasimaha si aan rasmi ahayn u haya ku dhowaad shan bilood, ayaa xilkan sii hayn doona maadaama aysan muuqan ama qorshuhu ahayn in qof ka sareeyo la magacaabo, isagana aan xilkan loo magacaabi karin sabab ay doontaba ha ku timaadee. Dhinaca kale, ciidamadii dhar cadka NISA ee lagu beedelay kuwii hubeysnaa ayaa u muuqda inaysan wax macno ah oo badan kusoo kordhin amniga magaalada. Arrimahan oo dhan ayaa imanaya ayada oo NISA ay sanadkan heshay miisaaniyaddii ugu badneyd abid ee dowladda ay u qoondeysay oo ah 12.5 milyan oo dollar. Kaalay sheeg waxa intaas oo lacag ah lagu qabto. Si kasta oo aad u eegataba waxaa muuqata in dowladda ay ka rajo dhigtay Muqdisho. Allaa u maqan shacabka magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa war kasoo weerarkii shalay lagu dilay Paul Anthony Formosa, oo ahaa maamulihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso. Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday in howl-galka lagu dilay Formosa uu ahaa mid lagu difaacayo “kheyraadka umadda Soomaaliyeed oo ay boob ku hayaan dowlado iyo shirkada shisheeye” Wuxuu sheegay in shirkadda DP World ee dowladda Imaaraatka Carabta ay dhibaato ku heyso ganacsatada Soomaaliyeed, islamarkaana ay dekadda Boosaaso ka eriday shaqaalihii muruq maalka ahaa ayna keensatay shaqaale ajnabi ah. Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka jawaabtay cabasho ka timid shacabka Boosaaso, oo qaati ka taagan dhibaato uu sheegay inay ku hayso shirkadda DP World. Cali Dheere ayaa ku hanjabay in Shabaab ay shisheeyaha ku sugan Soomaaliya, oo uu sheegay inay boob ku hayaan dhaqaalaha Soomaaliya, ay dagaal adag lagelayso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Senator Faroole “Siyaasiyiinta Dhalinyarada ahow, raggayaga waa wayn ee jooga waxweydiiya”. Ooraahda kore marka aan maqlay ayaan iswaydiiyay Siyaasiyiinta uu magacdhabey, ee la daalaa dhacaya mucaardnimada aan jihada lahayn, ma fahmeen fariinta Senotor Faroole? Qaasatan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma fahmay falaarta xagiisa ku socotay? Haddaba waxaa halkaas iiga muuqday fursad aan wax ugu waadaxin karo qolooyinku fariintu u socotay, oo aan filayo in ay halhalleel ku dhaaftay, sababtoo ah qolooyinka hadda ku jira siyaasada Soomaaliya uma haystaan afkooda wixii ka soo baxa in ay diiwaan galayaan berina lagula xisaabtami doono. Inkastoo aan Soomaaliya laga aqoon isla xisaabtan, oo sidii gabyaagii Ismaaciil Qaasim (AUN) ay ku wada sifoobeen markii lahaa: “Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays roga’e Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe” Kaad isleedahay waa ugu shisheeyaa ay dhici karto isla daqiiqad kan kuugu dhow in uu yahay. Waxyaabihii siyaasada udub dhexaadka u ahaana ay ka aradan yihiin, taasoo ay ugu horeyso mabd’a iyo afkaar ay ku qotonto aragtida uu xambaarsan yahay, tanoo ku hagaysa dariiq uu u arko in bulshada uu matalayo hadduu ku hoggaansho uu libin ku gaarsiin karo. Anoo haddaba qalbiga ku haya siyaasaddaas Soomaalida ee jirjiroolka ah, khibrad dhan tan iyo 1995-tiina xambaarsan, ayaan mar walba waxaan u cuskadaa taariikhdii la soo maray iyo waxa hadda taagan, tan oo haddii aad madaxa ku haysid casharo badan kaaga soo bixi karaan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo taageerayaashiisu waxa ay aaminsan yihiin, siyaasi wiilashii la beesha ahaa dowladi laysay in uu asagu ugu horreeyay. Ayaga oo aan eegayn see wax u dhaceen, maadaama ay mudan tahay wax walba oo dhaca in la is waydiiyo wixii sababay. Dowladdu doodda ay keentay oo ahayd in xabadda dhinaca illaalada ka bilaabmatay, ayaguna iska caabiyeen. Kaliya waxaa cad in dowlad xoog ku maquunisay. Tan iyo dhacdadaas wixii ka danbeeyay taageerayaasha CCW iyo asaguba waxay garaacayeen durbaanno colaadeed iyo diidmo qaawan oo ay kala horyimaadeen DFS, ayagoo daliikoodu yahay in ay yihiin dhibanayaal la hor istaagay xuquuqdoodii, go’aansadayna mudada afarta sano ah ee DFS in ay qarqarka ka lushaan, haddii ay afka ciidda u dari karaanna u daraan, taas oo micnaheedu yahay AAN ISKU AAKHIRO SEEGNO. Hadaba, halkaas haddii ay taagan tahay, aan dib ugu laabto waxa ay ahayd fariinta Senotor Faroole ee aan rabo in aad fahamtaan. Senotor Faroole waxa uu wasiir ka noqday xukuumadii Cadde Muuse(AUN), mudo yar gudahood waa ay isfahmi waayeen, tanoo aakhirkii sababtay in wiillal ilaalada u ahaa Sanotor Faroole ay gudaha u galaan Baarlamaankii Puntland, tanoo sababtay geerida qaar ka mid ah ilaaladii Senotor Faroole. Haddaba, tan waxaan u xusayaa siyaasi la laayo wiilal ilaalo u ahaa, kuna baxa gacan maamul in CCW ilaaladisa looga horreeyay. Maxaa dhacay ka gadaal dhacdadaas Garoowe? Beesha wiilashu ka dhinteen iyo Maamulkii markaa jiray si nabad ah ayay ku dhameeyeen, mana jirin talaabo danbe oo la iska waydiiyay. Kaalintii Senotor Faroole dhacdadaas ka dib maxay ahayd? Senotorku dhacdadaas ka dib, mar haddii beeshii iyo Dowladdii is afgarad dhexmaray, ma uusan qaadan durbaano iyo dhagaxtuur uu dariiqyada Garoowe la soo istaagee, waxa uu go’aansaday in uu u baneeyo saaxada madaxweyne Cadde Muuse, xiliga ugu mudan ee dagaal u furan yahayna in ay tahay xiliga doorashada, inta ka horeysana uu dalka banaanka uga baxo, asaga oo aanan siyaasadda ka bixin, 2009-kana sidii uu ku guulaysan lahaa ka fakaraya. Tallaabadaa uu qaatay Senotor Faroole ee uu u siiyay shacabka iyo Dowladdii Madaxwayne Cadde Musse in ay is arkaan, waxa ay u soo dadajisay Guushiisii shantii Janaayo 2009-kii, asagoo ku helay codkii ugu badnaa ee Madaxwayne Puntland ku guullaysto illaa iyo hadda 49 cod. Tani waxa ay na baraysaa ama ayba ahayd in go’aanka Senotor Faroole xiligaas qaatay ay ahayd tii ugu haboonayd, haddii uusan sidaas samayna ayba dhici lahayd in uu lumin lahaa fursad uu madaxwayne ugu noqdo Puntland, marka ay shacabku u arkaan nin hortaagan in maamulkii Cadde Muuse xiligaas shaqeeyo. CCW Ma maray wadadaas Faroole? Uma muuqato, waxa uu doorbiday in uu dariiqyada u istaago DFS, dhagaxtuuryo joogto ahna uu wado, ilaa sida ay wax isku tuseen oo malaha ah in uu Af-wax ku dumin karo, ama qolooyin badan oo gadaal ka soo riixaya ka soo dhaadhicinayaan, ayagoo raba in ay asaga ku gabadaan, ayaguna shaarkoodu guban. Waxaan qabaa haddii uu qaadi lahaa wadadaas Faroole, oo shacabka iyo DFS uu isku siin lahaa waqti, asaguna xiliga doorashada la gaaro uu asagoo dhamystiran, daldaloolo badanna u muuqdaan, amase shacabkiiiyo DFS oo kalataagan u imaan lahaa, in uu helilahaa fursad uu ama wadanka ku hoggaansho ama uu noqon lahaa nin yimaada kaalin muuqata. Fariinta Faroole Senotorka oo runtii ahaa nin mudadii uu xilka ka hayay Puntland fikriyan aan uga soo horjeeday, ayaan haddana waxaan qirayaa in uu wax badan oo wanaag ahna leeyahay iyo qibrad ku aadan tan iyo xornimadii wadanka. Talaabada kale ee lagu xasuusto, mudanna in la xuso ayaa ahayd xiligii uu nidaamka xisbiyada isku dayay in uu Puntland ka hirgasho, markii isfahamdaro dhiig ku daatay keentayna uu go’aansaday in uu iskaga haro, inta maamulku iyo gobolkuba fowdo gali lahaa. Fariintii uu diray 26-Janaayo, ee Siyaasiyiinta dhalinyarada ah ayaa nuxurkeedu waxa uu noqonayaa ” War waxaad isku fiirisaan ficilkiina iyo waxa ka dhalandoona, haddii ay dhibku ka wayn yahay faa’iidadaad raadinaysaan, iskaga hara. Wado kale oo aad ku gaari kartid guulna raadso”, sida asaguba sameeyay. Faroole ma uusan waayeen wiilal dariiqyada u istaaga maamulkii Puntland xiligaas, laakiin waxaa u muuqatay in cidna aysan ka faa’idayn asaga iyo maamulkuba in ay dadka isku laayaan. CCW waxaan rajaynayaa in uu iskaga haro kaarka dhibanaha ee uu hadda adeegsanayo, sida Faroole aadan waligiis afkiisa uga maqlayn adeegsiga dhibanaha. Uuna noqon miino loo adeegsado DFS, ee uu noqdo nin isku diyaarsha mustaqbal, fiirsadana fursadaha iyo daldaloolada uu berri is oran karo waad uga guulaysan kartaa dowladda jirta. Haddiise uu sida uu hadda ku jiro kusii socdo, asagoo dhaawacyo badan oo siyaasadeed qabana xiliga doorashada la gaaro, waxaan caadna naga saarnayn in uu luminayo 4-ta sano ee soo socota dowladda imaandoontana, waayo? xitaa haddii qolodan hadda xukunka haysa aysan soo laaban, xukuumaddii kale ee timaadana siyaasi dhaawacan, xukuumad cusub oo xoog raadinaysa kaxaysan mayso. Gabagabo: Inkastoo Faroole uusan idinka dheerayn siyaasiyiintiinan dhalinyarada ah, bal fariintiisan aan idiin faahfaahiyay iskula laabta oo wixii dhiman buuxiya. W/Q: Muxyadiin Ciid muciid@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Wax cirka soo dhac ah ma aha in Soomaaliya sannad walba calanka u siddo musuqmaasuqa waddamada dunida oo dhan. Musuqu waa qayb dhaqankeenna ka mid ah siiba marka ay noqoto xagga maamulka dawladda. Waa cudur aan daawo lahayn, islamarkaana aynaan rabin in la daaweeyo. Waddaadada Wahaabiyada oo burburkii wixii ka dambeeyay iyagu ahaa kuwo ay shacabku si aad ugu dhaganugul yihiin, way yartahay inta aad ka maqli iyagoo shacabka uga digaya xumaanta musuqmaasuqa iyo cidhibxumada ay Eebbe hortiisa kala kulmi doonaan duulkii caadaystaa. Waxaa ii muuqata in waddaadadaas ay xilligan u rahmanyihiin dhagaha shacabku ay ka gaabiyeen sidii ummadda looga badbaadin lahaa musuqmaaqsuqa iyo qabyaaladda oo ah laba cudur oo Soomaalida aafeeyay, qayrkoodna ka reebay. Waa hubaal in haddii ay culumada Soomaaliyeed sida ay xoogga u saaraan xagga arrimaha haweenka si la mid ah ay isugu taxaluujin lahaayeen tirtiridda labadaas aafo ee aan kor ku xusay in wax badan iska beddeli lahaayeen xaalaadda Soomaalida. Yeelkeede, waxa uu ka mid ahaa dadka aadka uga dayriya xaaladda waddanku ku suganyahay. Muddo soddon sano ku dhaw oo uu qurbaha ku noolaa weli mar keliya cagta ma saarin carradii uu ka yimid. Ma aha taas micnaheedu in aanu ahayn nin dhoofka jecel oo baradiisa iska jooga. Marar badan buu safar dibbadeed uga baxay waddankan Biritayn ee uu degganyahay, oo Afrika, Khaliijka Carabta iyo meelo kaleba cagta soo mariyay. Haseyeeshee waxa uu aaminsanaa in Soomaaliya aanay ahayn meel la tegi karo, isagoo mararka qaarkoodna ka soo noqon jiray waddamada deriska siiba caasimadda Kenya ee Nairobi. Waxaa aan marnaba maskaxrdiisa ka go’in xasuusta maalmihii ugu dambeysay iyo xaaladdii uu Xamar oo ahayd goobtii uu ku dhashay ku barbaaray, wax ku bartay, kana shaqo billaabay uu kala kulmay, isagoo arrimahaas had iyo jeer ka sheekeyn jiray. Haddaba maalmahan arrinku sidii hore maaha. Waxa uu billaabay sheeko ka duwan middii lagu yiqiin. Waddankii waa hagaagay, Qurbaha maxaad ka qabanaysaan dalkeenii ayaa inoo baahan iyo wax la mid ah. Waa la yaabay, tolow ma Malakulmawtkii ayaa Xamar uga gacan haadiyay, maxaa mar keliya aragtidiisii beddelay? Illeen Xamar baa looga yeedhay, oo uu u socda iminka. Haseyeeshee ujeeddadiisu maha sida uu sheegayo in uu shacabka u shaqeeyo balse waa inuu ka shaqaysto. Nin ay ilma-adeer yihii oo wasiir ah ayaa u yeedhay oo lacagtii tigidhka xataa isagaa u soo diray. Waa wasiir ka aamin baxay dhammaan dadkii la shaqaynayay oo u baahday cid qaraabadiisa ah oo u xilqarisa hantida shacabka ee uu boobayo. Saw in uu boobo, qaraabadiisana shaqaalaysto xaq uma laha madaama 4.5 wax lagu qaybsaday, wasaaraddanina ay qayb u heleen. Nin loo yeedho iyo nin iskii iskaga qadhaab doontaba dalkii la wada aad. Madaxweyne, ra’isalwasaare, wasiirro iyo xildhibaanno baasaaboor ajnabi wata la arag. Nin aan saaxiib ahayn oo wixii hoog iyo halaag waddanka ka dhacay la soo gudhiyay oo maalin isoo wacay ayaa waxaan weydiiyay waxa uu maamulka bannaanka uga joogo, waxaanu iigu jawaabay, “qofku haddii aanu qurbaha ka iman waddanka ciddi ma qiimayso”. Waa dhab waa la wada shaqo tegay si hantida shacabkan dhibaataysan kiishash looga buuxsado. Tolow goormaa na loo yeedhi! W/Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xooga dalka General Daahir Aadan Cilmi “Indha Qarshe”ayaa ku dhawaaqay howlgal cusub oo ciidamada dowladda ay qaadayaan ka hor dhamaadka 2019. Howlgalkaasi ayuu sheegay inuu yahay mid loo qorsheeyay in Al Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada AMISOM kabixin Soomaaliya. Taliyaha wuxuu sheegay in howlgalkaasi laga doonayo labo ujeedo oo kala ah in marka hore la doonayo in lagu furo waddooyin badan oo Al Shabaab ay go’doomiyeen, halka ujeedada kale ay tahay in Al Shabaab laga saaro magaalooyin badan. Bixitaanka ciidamada AMISOM ayuu sheegay inay ka horeeyaan shaqooyin badan oo ah in Al Shabaab laga saaro dhamaan magaalooyinka ay kaga sugan yihiin gobolada dalka, kadibna la xaqiijiyo amaanka magaalooyinkaasi. Marar badan saraakiisha ciidamada AMISOM, kuwa Dowadda iyo maamul goboleedyada oo kulmay ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxaana wali muuqan wax dagaal ah oo ka dhan ah Al Shabaab oo la qaaday. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horey u sheegay in sanad walbaa la iclaamiyo howlgal ka dhan ah Al Shabaab, balse aysan jirin wax dagaal ah oo lala galo Al Shabaab, taa badalkeedana iyaga ay weeraro geystaan. Waxaa meesha ka baxay balanqaad madaxweyne Farmaajo uu sameeyay bilowgii doorashadiisa oo aheyd in muddo labo sano gudahood ah Al Shabaab looga saari doono guud ahaan dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Somaliland politics, reduced to self-enrichment profession devoid of leadership accountability, is now brimming with peril. An immediate act of cause-driven tinkering is all that is needed. Politics is a bundle of principles in quest of consistent checks and balances. In a governance context, politics is a human system that is prone to error and bitter degrees of bias. For this accountability is a decisive factor pertinent to the pursuit of excellence in the genteel atmosphere of human actions. If there is accountability in Somaliland political system, Siilaanyo and his entire cabinet members cannot not go unpunished and remain wandering freely from one city to another in Somaliland. Even Kulmiye party could not survive without condemnation. Political accountability is commonly considered as the strongest form of good governance that can control the motives and missions of every leadership and instill discipline into government activities. The main reason for the failure of political accountability is the capture of Somaliland public institutions by the government and lack of public prompt reaction. The ability to demand political accountability and willingness to respond to calls for accountability is determined by the relations between the public say and government response. The reason that this poor country is generally in disarray is that corruption is the glue of Somaliland politics. The effect of corruption over human mind has eliminated the distinction between intellectuality and ignorance. Both are now held together by individual opportunism, self-interest, which is why ignorance has always the upper hand in Somaliland political system. Ideology is obviously not a differentiator. It makes intellectuals untenable even if they know that ideology is sustainable. This is true of all political moves where fresh surprising ideas, arithmetic, attention, and consideration become necessary. If Kulmiye leadership does not just live and didn’t live for amassing opulent wealth, why they ususally fail to disseminate transparent government information pertinent to all that they do and how they do with public? The issues that require transparency and accountability include government development projects, if there is any, and the method through which procurement and logistics deals are made and offered to the suppliers without official public bidding process. What makes one want to look up all the more so is the failure by Somaliland current leadership to disclose the magnitude of government deficit that Siilaanyo administration left behind. Obviously budget surplus and budget deficit are indicators of financial status of a government in a given year. Both cases are part of governmental system, and they are a noble information that should be shared with the people during the transfer of power from outgoing president to incoming one. Remarkably Colonel Muse Biixi declined to disseminate with the public the amount of debt he inherited from Siilaanyo administration. Why? Is Somaliland state just a shop owned by two partners which is under the condition and confidentiality that its real financial status should remain secret? Reliable sources estimate that the debt which Muse Biixi inherited from Siilaanyo is above eighty million. This begs many questions:Who are the lenders? How the debt has incurred? What compelled Colonel Muse Biixi to absorb the debt? Can Somaliland afford to pay such kind of money that has been simply written as a government debt but embezzelled by individuals? Why did the two Colonels cover up this huge debt? This cover up, if proved, is a crime committed against the state? When integrity is lost, expedience appears. Expediency is the mere shadow of right and truth; it is the beginning of disorder. Disorder does not only mean a situation in which there is a lot of noise, crime, and violent behavior. It means also a state of confusion, messy situation in which there is a lack of an organized, well connected system. It is when government officials run public offices as they want and use public property according to their own outlay and interest. Tribalism is the best weapon of corrupt leaders, lying and deception their preferred strategy for it helps them escape through the ropes of Somaliland law spun by pseudo-law makers. When, occasionally, corrupt leaders work in the office they crave for the mantle of a jurisprudence created in favor for crooks who have abandoned civility. When you look at the magnitude of greed, corruption, ritual bribery, exessive irregularity, and raketeering that is carried out with the express knowledge and sanction of our leaders, you really come to realize that Kulmiye’s number agenda is not to rule the country but to rob the nation’s meagre revenues and resources. Unlike the other world, Somaliland has neither adopted a rule of law where evidence must be produced and confirmed, nor intending, when events are observed, to move itself towards that place. We still have not secured rules for corruption. We have left the Lord’s absolute rule over crime and punishment behind. Gone are the days when public property theft was a criminal offence. A willingness to enforce and obey rule of law has not even come to fulfilment. If corruption (theft) can be eliminated by lesser punishment, then the purpose is served. If civil cases can be judged by proof of evidence, then the purpose of justice is done. Political corruption is not the only area in where reform has paused for intense debate. Our foreign policy is fraught disaster, our domestic policy is toxic, our economy is in peril, even Somaliland existence is imperilled. Mental disorder is a disease. But it does not affect the afflicted, since they are unaware of their condition. Somaliland people cannot recognise the national disease:They are suffering from delusion and seem condemned to wander through courtrooms disguising humiliation with a false smile. Perhaps there comes a time in the evening of life when the prospects of intellectuality at home sound a better option than meaningless ignorant speeches and activities inside and abroad. By : Jama Falaag Hargeisa, Somalilandm jafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  12. Somaliland: Kulmiye Iyo Musuqmaasuq Waa Mataano Waxaa maanta daboolka laga qaaday arrin culus oo ahayd in maamulkii M/Weyne Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” uu ka tagay deny dhan $80 Milyuun Doolar!!.. Waxaan idhi, maxaa indhaha loo cadeynayaa, oo la iska dhigayaa inuu warkani yahay mid lama filaan ah. Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano!. Todobadii sannadood ee uu M/Weyne Silaanyo hoggaanka hayey, ama haddii aynu runta sheegno, uu ku magacaabnaa kursiga Madaxweyne, Dalka iyo khasnada waxaa maamulayey, “kitchen cabinet” oo ka kooban dad ku dhow ama ka tirsanaa qoyska M/Weynaha. Boobka iyo musuqmaasuqu caadi bu ahaa. Yaan immaka la iska dhigan dad aan waxba ogayn. Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano! Gurayaha laga iibsaday London, Dubai, Nairobi, Birmingham iyo magaaloyin kale. Hodheelada laga dhisay, Hargeysa, Burco iyo Berbera. Haamihii Shidaalka, Xumbo-Weyne, Madaarka Hargeysa, kii Berbera, iyo arrimo kale oo fara badan, waxay dhaceen intuu Kulmiye xukun xaakimka ahaa. Markaa Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano! Saxiibkay Sacad Cali Shire oo aan aqaan markuu ahaa nin ku shaqeeya sharaf iyo daacad, oo Jaamicadihii Hargeysa iyo Burco u uruurinayey lacagta, oo isagu iska bixinayey tikedhka diyaaradaha uu ku tagayey, Yorub, Mareykanka iyo Kanada, ayaa maanta lagu sheegay inuu jeebka buuxsaday oo guryo ka iibsaday London iyo Dubai. Markaa Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano! Markaa ama Samsam ha tidhaahdo “shillin deyn ah kama tagin” ama Sacad ha yidhaahdo ” 80 milyuun oo dollar ba la liqay”, Kulmiye iyo Musuqmaasuq waa mataano! Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi buug cusub oo madhan baa loo furay. Wixii lagu qori doono, hab maamulka iyo kartidiisa ayey ku xidhantahay. Somaliland, cadow ma jabin doono, Bismillaahi Kareem, hase yeeshee, Musuqmaasuq wuu dhaawici. Allaa Mahad Leh Axmed Kheyre Qaran News
  13. Somaliland: Ciidanka Qaranku Waa Difaaca Dalka Iyo Dadka Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa bishan, February, ku jira sannadguuradii 25 ee la asaasay. Ciidanka Qaranka ee Somalilnad waa geesiyaasha diyaar u ah difaaca dadka iyo dalkaba. Ciidanku is bedel weyn ayuu gaadhay 25kii sannadood ee ina soo dhaafay. Marka la eego dhanka tabararka sariikiisha iyo askartaba. Marka la eego dhinaca qalabka, iyo adeega, isgaadhsiinta iyo maamulka, horumar laxaad leh buu gaadhay. Cadow fara badan oo isku soo qaaday, ayaa ku jabay, oo ku lug go’ay. Hadaba, waxaa muhiim ah in aan la is dhigan, oo halkaa laga sii wado hawsha. Ciidanku Qaranku wuxuu ka qayb qataay gargaarka dadka iyo ka hortaga dhibaatooyinka deggaanka ku yimaada, sida abaaraha, daadka, iwm. Markaa, mar hadduu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ahaan jiray sarkaal ciidanka cirka, waxaanu ka filaynaa, in Somaliland dhisato ciidankaas. Allaa Mahad Leh Qaran News
  14. Ninkii dilay Paul Waxaa caawa isbitaalka guud ee magaaladda Bosaaso ku geeriyooday ninkii fuliyey dilkii saaka loo geystay maamulihii dekadda Bosaaso ee shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa, sidoo kalana dhaawacay ku xigeenkiisii iyo labo kamid ah ilaaladiisii. Ninkan ayaa magaciisa lagu sgeegay Cabdullaahi Ibraahim Maxamed, waxaana sida ay PUNTLAND POST u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo uu u geeriyooday, kadib qaliimo lagu sameeyay oo lagaga saarayay xabado illaa sadex meelood kaga dhacay. Baraha bulshada ayaa saacado ka hor la soo dhigay muuqaal kooban oo eedeysanaha kula hadlayo hadalo aan munaasab ahayn, waxaana muudaa in dowladdu aysan ninkan xil iska saarin. Si dhaba looma oga inay laamaha amaanku xog dhamaystiran ka heleen iyo in kale inta uusan geeriyoon, waxaase saakay markiiba isbitaalka guud tagey saraakiil katirsan ciidamada nabad sugida si ay ninkan waraysi ula yeeshaan. Meydka Anthony Farmosa ayaa hadda ku jira tallaagad, waxaana beri la qorsheynayaa in loo qaado dalkiisii oo ahaa Jasiiradda Malto. PUNTLAND POST The post Ninkii dilay maamulihii dekadda Bosaso ee shirkadda P&O oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha idaacada Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-04022019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo lagu soo bandhignay qabyo-qoraalka Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka oo faahfaahsan. Hannaanka dib-u-heshisiinta Qaranka oo qabyo ah, marka lasoo gebegebeeyana la lor gaynayo golaha wasiirrada ayaa muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah la jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin, baahina loo qabo soo kabsasho degdeg ah oo dhan walbo ah iyo isdhexgal bulsho oo damaanad qaadaya isu socod, is aaminaad iyo is ixtiraam. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Halbeegyada ku leh tubta waxa uu faray in ay dardar-geliyaan hawlaha u yaalla si loogu guulaysto himilooyinka tubta, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo lagula soconayo sida howluhu u socdaan. Kulanka maanta ayaa bilaaw u ahaa kulamada Tubaha qaranka oo loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha si loo daadejiyo awoodda shaqaduna degdeg ugu socoto, maadaama xukuumaddu ay Sanadkaan 2019 u qorsheysay guda galidda fulinta qorshayaasha Tubaha Qaranka oo ah hannaanka ay dowladda Soomaaliya muwaadiniinta ku gaarsiineyso adeegyada aasaasiga. Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanno. The post Khayre oo gudoomiyay shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Dareen muwaadin: malyuun oo Dollar oo dayn ah ama lacag ah oo lagu lee yahay Xukumadii 1aad ee Kulmiye oo lagu wareejiyey xukumada 2aad ee Kulmiye! Ogow xukumadii hore wasiirkeedii maaliyad ,Samsam Cabdi Aadan waxay ina tidhi “Cid dawlada wax ku lihi ma jirto” Waa maalmihii ugu dambeeyey ee xukumadii Axmed Siilaanyo ayey sidaa tidhi. Maantana waxa soo baxday sida ay sheegeen Gudi Hoosaadka Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka JSL ee Golaha Wakiilada in 80 Mallyuun oo dayn ah lagu wareejiyey xukumada 2aad ee Kulmiye ee uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi. Hore la inooguma sheegin dayntan, laakiin weyn tuhmaynay in dani jirto, laakiin marna maynu soo dhigan in 80 Malyuun noqoto! Waxa dheer boobkii hantida qaranka ee dhul iyo duunyo kale leh ee xukumadii Kulmiye oo 80 kaa malyuun ka badan oo gashay jeeb xubno gaar ah oo awoodo ku lahaa xukumadii hore. Sidoo kale waxa isweydiin leh waxa loo qariyey, sida loo galay dayntaas iyo ilaa hadda inta ay bixisay xukumada Muuse. Shaacinta iyo qirashada maanta ee Wasiir Sacad Cali Shire ee Golaha hortiisu waa mid foolxumo iyo aaminaad daro dusha uga saaraysa madaxweyne Muuse Biixi oo isla xukumadii ka horaysay ahayd isla xisbigiisa Kulmiye. Waxa aan is weydiiyey xukumada Muuse Biixi iyaduna imisa dayn ah ayey ka tagidoontaa? Anigu waan yaabanahay cida qarankan u maqan ee lexejeclo u haysa ilaalinta waxeeda yar goorta aynu helayno! Xuquuqda qoraalkani waxa iska leh Abdilaahi Maxamed Cali oo aan Ka soo xiganay bartiisa Facebook Muwaadin adigu sideed u aragtaa? Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo lagu soo bandhignay qabyo-qoraalka Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka oo faahfaahsan. Kulanka maanta lagu qabtay wasaaradda ayaa bilaaw u ahaa kulamada Tubaha qaranka oo loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha si loo daadejiyo awoodda shaqaduna degdeg ugu socoto, maadaama xukuumaddu ay Sanadka 2019 u qorsheysay guda galidda fulinta qorshayaasha Tubaha Qaranka oo ah hannaanka ay dowladda Soomaaliya muwaadiniinta ku gaarsiineyso adeegyada aasaasiga. Wasiika arrimaha Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng Cabdinaasir Daahir Sabriye ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay nasiib u yeeshaan in kulankii ugu horreeyay ee Tubaha lagu qabto wasaaraddooda, maadaama ay hoggaan u tahay tubta Siyaasadda loo dhan yahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Halbeegyada ku leh tubta waxa uu faray in ay dardar-geliyaan hawlaha u yaalla si loogu guulayso himilooyinka tubta, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo lagula soconayo sida howluhu u socdaan. Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanno. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Mohamed Osman, P&O Mohamed Osman oo ahaa maamule ku xigeenkii dekadda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ayaa saaka dhaawac soo gaaray. Mohamed Osman ayaa la socday maamulihii dekadda Boosaaso ee shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa iyo ciidamo ilaalo u ahaa, waxaana iyagoo socod ku maraya qeybta kulluumeysiga ee dekadda xabad ku furay nin Baaskoolad ku hubaysan, waxaana halkaas ku dhintay Paul, halka uu dhaawac soo gaaray Mohamed Osman iyo labo kamid ah ilaaladoodii. Mohamed Osman oo u dhashay dalka Hindiya, waxaa soo gaaray dhaawac fudud, waxaana saaka la geeyay Isbitaalka International ee Boosaaso, waxayna hadda warar aan la xaqiijin sheegayaan in loo qaaday magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta. Ciidamada ammaanka gobolka Bari ee Puntland ayaa hadda isagoo dhaawac ah gacanta ku haya ninkii dilka iyo dhaawaca geystay. Masuuliyadda falkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab, oo koox ka tirsan ay ka dagaalamaan buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Paul Anthony Farmosa, waxuuna sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lug ku yeelata falkaas. Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12 October 2017 si toos ah ula wareegtay maamulka Dekadda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Maamule ku xigeenkii P&O ee Dekadda Bososo oo dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-04022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay dilkii maanta nin hubeysan uu magaalada Boosaaso ugu gaystay madaxii shirkadda DP World ee dekedda magaalada Boosaaso. Afhayeenka howl-gallada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la hadashay Paul Anthony Formosa, ka hor inta aysan dilin. “Waan la hadalnay, waan u dignay, waxaana u sheegnay inuu dalka sharci ku joogo, oo uu isaga baxo, balse dhegaha ayuu naga fureystay” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab. Abuu Muscab ayaa sidoo kale idaacada Andalus u sheegay in dilkan uu qeyb ka yahay weerarada lagu beegsanayo shirkadaha shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Abu Muscab ayaa shirkadaha ay DP World ku jirto ku eedeeyey inay doonayaan in ay la wareegaan kheyraatka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo la hadashay HCTV ayaa beenisay in Xukuumaddii Axmed Siilaanyo wareejisay wax Dayn ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. A Somali government soldier has shot and killed unarmed civilian in Mogadishu, the country’s capital on Monday. The incident took place at the busy Benadir junction. A witness confirmed to Radio Shabelle that the soldier gunned down the man who was a local trader following an argument. It’s unclear the exact reason behind the dispute. In the aftermath of the shooting, Somali security forces cordoned off the scene and subsequently detained the soldier who is currently at police custody. The post Somali Govt soldier kills a civilian in Mogadishu – witness appeared first on Shabelle. View the full article