-
Content Count
207,346 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Col. Aadan Axmed Rufle oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya inay wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan iney mar kale ku burburiyaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuuud ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Aadan Rufle ayaa tilmaamay inay heleen xog ku aadan qorshe ciidamada Kenya ay ku burburinayaan xarumo hor leh oo ay leedahay shirkaddaasi. “Maleeshiyaad lagu soo tababaray gudaha Kenya gaar ahaan dhulka Soomaalida ee NFD ayaa la keenay bilowgii bishii January degaanada Dhoobley iyo Afmadow, kuwo Wajeer laga soo soo wareejiyeyna waxay hadda ku sugan yihiin degmada Ceelwaaq Kenya, waxay qorsheynayaan sida aan xogta ku heleyno iney jaraan xarunta Hormuud ee isku xirta Ceelwaaq iyo B/xaawo oo isku jira 180-km, si loo barakiciyo dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, dhaqaale ahaan maadaama ay ku tiirsan yihiin Isgaarsiinta” ayuu yiri Col Rufle oo xusay in ciidamada Kenya ay horey u burburiyeen xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud taasoo uu buu yiri curyaamisay dhaqaalaha kumanaan Soomaali ah oo isticmaali jiray lacagaha telefanada lagu shubto. Waxaa uu sheegay in qorshaha ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadda Hormuud ee jubooyinka iyo Gedo uu qeyb ka yahay dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka gobolada jubooyinka iyo Gedo ee ku nool meelaha u dhow xadka. “Ciidamada Kenya waxay mar walba duulaan ku ahaayeen nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed, sida burburinta shirkadaha Isgaaasiinta. xawaaladaha, leynta xoolaha nool oo marna ay dayuuraddo ku duqeeyaan marna rasaas ku furaan, jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha iyo weliba dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi karin” ayuu yiri sarkaalkan. Col. Rufle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe lagu soo dhoweeyo laguna qaabilo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji, wilkiisa oo sarkaal ah iyo Cali Bilow Qorane oo ka tirsan masuuliyiinta gobolka W/bari Kenya, kuwaasoo uu sheegay iney masuul ka yihiin dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gedo iyo Jubooyinka. Waxaa uu ugu dambeyn ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka war heyso, kana hortagto dhibaatooyinka cusub ee ciidamada Kenya la damacsan yihiin xarumaha Hormuud, kalana xisaabtanto dowlada Kenya dhibaatooyinkii ay horey u geysteen.
-
Muqdisho ( SMN) – Waxaa si habsami leh u soconaya barnaamijka Isxilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud,iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhamaan shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya,waxaana la kordhiayay waqtida shaqada. Saacadaha Shaqada Barnaamijka Isxilqaan ayaa la badiyay, iyadoona la soo galayo subixii hore, lagana baxayo gelinka dambe,si loo dardargeliyo howlaha ballaaran ee dhismaha xarumaha danta guud,kadib amar ka soo baxay xafiiska raiisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre. Ololahan oo haatan lagu dhisayo xarunta tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah uga qeyb qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulsahada, si dib loogu soo celiyo sharaftii iyo maamuuskii ay laheyd Soomaaiya. Barnaamijka Isxilqaan oo muhiim u ah dalka iyo dadka ayaa waxaa kol hore ku dhawaaqay madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo. The post Khayre Oo kordhiyay saacadaha Ololaha Isxilqaan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ankara (SMN) – War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu cambeereeyay weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay M/Muqdisho. Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay weerarkaasi, iyadoo ku tilmaamtay in uu ahaa mid baahalnimo ah. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri “waxaan si xoogan u cambaarayneynaa qaraxaasi, waxaana Tacsi u diraynaa shacabka iyo dowladdda Soomaaliyeed. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliaydda qaraxan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmen tiro intaasi ka badan. Source:- Anadolu Agency The post Turkiga Oo cambaareeyay qaraxii Xamar Weyne appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Dowladda Puntland ayaa hakisay, in lala kulmo madaxweynaha cusub, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Qoraal ka soo baxay xafiiska agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland, Cabdinaasir Biixi Soofe oo lagu socod-siiyay dhammaan golayaasha dowladda, ayaa lagu sheegay in la hakiyay, ballamihii iyo qaabilaadii madaxweynaha ilaa iyo amar dambe. Go’aankan ayaa sida qoraalka ku xusan loo qaatay duruufo jira awgood, balse faahfaahin lagama bixin arrimaha keenay,duruufaha haysta madaxweynaha. Dhinaca kale, wararka laga helayo madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in mudane Deni uu diyaarsaday golihiisa xukuumadda cusub, islamarkaana ku dhawaaqi doono maalmaha u dambeeya todobaadkan. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: madaxweynaha cusub oo hakiyay in lala kulmo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddida ilaalinta hantida iyo dabagalka musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa markii u horaysay shalay shaaca ka qaaday in xukuumadda Madaxweyne Biixi la daala-dhacayso lacag dayn ah oo 80 Milyan oo doollar ah taas oo ay ku wareejisay xukuumaddii Axmed Siilaanyo hase ahaatee wasiirkii maaliyadda ee Siilaanyo Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ku dooday in aanay jirin lacag dayn ah oo ay xukuumaddii hore ee Kulmiye ku wareejisay Xukuumadda Madaxweyne Biixi. Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ayaa markii ay xilka la kala wareegayeen wada jir u sheegay in aanay jirin wax deyn ah oo ay la kala wareegeen, balse maalintii shalay ayay guddidu xog waraysi la yeelatay wasiirka maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, islamarkaana ay sheegtay in wasiirku siiyay xogta xaddiga daynta ee ay kala wareegeen xukuumaddii hore. “Wax-yaabo badan oo mad-madow ku jiray ayaanu isla iftiiminay islana garanay wasiirka iyo kooxdiisa la socda intaba. Waxa ka mid ah in Xukuumadda maanta joogta deyn dhan $80 Milyan oo dollar ay kala wareegtay Xukuumaddii hore oo la inoo sheegay siyaasiyan markii laga wada hadlaayey xil wareejintii in aan wax deyn ah oo lagaga tegay ama Xukuumaddii hore ka tagtay aanay jirin, deyntaana ay la ildaran tahay ama ay Xukuumadda culays badan ay ku hayso bixin-teedu.”Ayuu yidhi Xildhibaan Buuba oo wasiir Sacad barbar taagna wasiirka laftiisuna waxa uu sheegay in ay mar kasta jirto dayn dawladuhu isku wareejiyaan. Dhanka kalene Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay isna in wasiirkii xilka uga horeeyey ee Maaliyadda uu ku wareejiyey deyntaa, isagoo tilmaamay in aanay wax cusub ahayn deyntu lagu leeyahay Xukuumadda KULMIYE . “Deynta Xukuumadda lagu leeyahay wax cusub maaha dowlad aan deyn gelina ma jirto, maalintii aan la wareegayey xilka waxay kamid ahayd deyntu wixii la igu wareejay ee xil wareejinta ka mid ahayd .” Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu Dr Sacad Cali Shire. Haddaba Wasiirkii hore ee maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa telefishanka Horn Cable u sheegtay in aanay jirin dayn ay wareejiyeen, inkasta oo laga yaabo in waxyaabo yar oo hadhaayow ahi jirin karaan kuwaasna aanay dhawr malyan ba gaadhi karin. Waxay sheegtay in daynta dawladdu tahay mid hantiileyaasha shacabka ah laga qaato oo u dhexeysa wasaaradda maaliyadda iyo bangiga taasna aanay jirin “Dayn waxa laga qaadan kara qof shacab ah, qofka shacabka ah ee milaayiinta laga qaadanayo ee jooga anigu kama tagin mana ogi, waxa dayn loo qaata marka wasaaradda maaliyaddu dayn codsato ee daynta qaadato ee xisaabiyuhu ogyahay ee dabeedna akoonka 11 lagu shubo dabeedna halka lagala baxayo,” Sidaas ayay tidhi Marwo Samsam. “Lacagta ay dawladdu ka tagta waxa weeye lacag u dhexeysa maaliyadda iyo baanka waa wax yaryar oo afar milyan shan milyan aan dhaafin wax shicib leeyahay bishii December wixii ay shidaal ina siiyeen ama raashinka ciidanka haddii ay waxyaabaha wax ka soo baxaan aniga diyaar u ah in aan ka jawaabo, wuu jooga xisaabiyihii ila shaqaynayay, wuu jooga agaasimihii maamulka, lacagta dawladda dadku waxay moodayaan lacag meel iska taalla oo la qaadanayo akoown 11 foojar bay kaga baxda lacagtu laakiin, haddii qof shacab ah warqad iska sito oo yidhaa lacag baan dawladda ku leeyahay dee in la hubsado oo dadka la waydiiyo oo wasiirku maaha qofka shaqada maalinlaha ah haya ee dadkii hayay way fadhiyaan; agaasimihii wuu jooga, xisaabiyihii wuu jooga, baanka dadkii joogay way joogan marka waxaasi maba aha wax la isku waale waa la waraysan kara,” Sidaas ayay tidhi Samsam. Samsam waxay sheegtay in ay la hadashay Dr Sacad islamarkaana uu u sheegay in aanay afkiisa ka soo bixin lacagta daynta ah laakiin, wasiir Sacad ma beenin arrintan markii xildhibaan Buubaa oo barbarkiisa taaggan sheegayay sidoo kalena arrintan saxaafadda kama beenin. Maxay Tahay Daynta La Isku Tuurtuurayo? Xukuumaddii Siilaanyo ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay xukuumaddii ka horaysay ee Daahir Rayaale ka dhaxashay lacag dayn ah iyo khasnad madhan laakiin, maxay tahay lacagta xaddigan leh ee xukuumaddaha Kulmiye isku tuurtuurayaan? Sida ay sheegtay Samsam Cabdi Aadan waxay dawladdu lacag ka amaahata ganacsatada ama shakhsiyaad lacag haysta. Maxamuud Cabdi Jaamac guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka dareen celinayay lacagtan daynta ayaa ka sheekeeyay ganacsade uu ogaa in uu xukuumadda lacag ku leeyahay laakiin, xafladdii xil wareejinta ee Biixi iyo Siilaanyo aan wax dayn ahba la isku wareejin. “Nin Ganacsade ah baan ku idhi maalintii xil wareejinta labada Madaxweyne wax Dayn ah lama wareejin adigu na waa adigii lahaa lacag badan baan ku leeyahee maxaa dhacay? Wuxuu iigu jawaabay xukuumaddaha sida aan Daymahayaga uga qaadano waanu naqaanaaye ha noo biqin!!!. Maalintaas jawaabtaas kumaan qancin, wallow uu iiga sheekeeyey qiso ahayd Daymo ay ku lahaayeen UDUB sidii ay Maxamed Xaashi Cilmi oo wasiir ahaa wakhtigii Siilaanyo uga qaadeen.Kulmiye haddii ay isku xil qariyeen Dayntaas, waxa ka sii daran xil qarsiimooyinka kale ee laga galay Qarankan kala badh dadkiisii la leeyahay Macaluul bay qarka u saaran yihiin,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA qoraal Facebook ku qoray. Hay’adda Center For Policy analysis(CPA) oo fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa bishii July ee sanadkii hore sheegtay in lacagtii doorashada kaga baxday xisbiyadu ay ku qiyaaseen 54 Milyan oo doollar laakiin, may sheegin sida ay xisbiyadu lacagtan u kala isticmaaleen. Dr Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo bishii October taageerayaashiisa kula hadlayay London ayaa isaga oo tixraacaya warbixintan wuxuu sheegay in xisbigiisu lacag yar isticmaalay una arko in lacagtan badankeeda uu KULMIYE isticmaalay. Dadka siyaasadda odorosa ayaa u arka in lacagta ay isku tuurtuurayaan maamulka madaxweyne Biixi iyo nidaamkii Md Axmed Siilaanyo ay tahay lacagtii xukuumaddii hore kaga bixisay ololaha doorashada Mr Biixi taas oo aanay labada dhinac si toos ah isugu saari karin farta laakiin, la isugu xil qariyay sidii ka dhacday xafladdii xilwareejinta oo dadku filayeen in daynta la sheegi doono laakiin, dhinacyadu bilaa dayn xilka ku kala tirsadeen. Haddii ay jirtay lacagta xaddigaasi leeg ee daynta ah oo hadda culays ku haysa xukuumadda madaxweyne Biixi waxa la eegaya in ay xukuumaddu u sibir saarto sida ay ku timid haddii aanay ahayn mid ololaha lagu galay oo la xisaabiyay madaxweyne Biixi taas oo madaxweynaha ku adag in uu ka galgasho. Source
-
Duqa Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad Duqa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Yaasiin Cabdisamad Cumar ayaa ku amray dhammaan goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kale ee magaalada, in Af-soomaaliga ay u isticmaalan xayeysiinta boorarkooda. Qoraal wargelin ah ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha, ayaa lagu amray goobaha kala duwan ee ganacsiga, waxbarashada iyo xarumaha kaleba, in Af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayeysiinta xarumaha iyo cinwaanadooda. “Si looga hor-tago in uu dabar-go’ afkeenna hooyo ee Soomaaliga, waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ganacsatada, goobaha waxbarashada iyo cid kasta oo albaab u furanyahay, in af-soomaaliga lagu daro tabbeelayaasha xayaysiinta ee goobtu leedahay, lana siiyo muhiimada kowaad ee cinwaanka goobta” ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Duqa Gaalkacyo oo amray in boorarka xayeysiinta Af-Soomaali lagu qoro appeared first on Puntland Post.
-
Warar aanu ka helay deegaanka Badhan ayaa waxa ay sheegayaan in taliyihii ciidammada booliska Somaliland deegaanka Badhan Caydiid Axmednuur uu ka goostay ciidammada Somaliland. Taliye Caydiid Axmednuur ayaa waxa la sheegay in uu talaabaday dhanka Maamulka gobolleedka Puntland oo uu u goostay. Warar aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in taliyuhu uu watay gaadiid tikniko ah iyo ciidamo aan badnay, walow aanaan si rasmi ah u xaqiijin tirada gaadiidka iyo ciidammada uu wato. Maamulka Puntland ayaa waxa uu faro-galin ka wado deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag iyada oo aan wali xukuumadda Somaliland aanay jawaan waafi ah ka bixinta talaabooyinkaasi. Source
-
Marka (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda barqanimadii maanta lagula eegtay waddada xeebta ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo uu hoggaaminayay abaandulaha ciidanka 12 April, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Jaziira iyo Dhanaane ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi iyadoona uu ku dhintay abaandulihii 12-ka April gaashaanle sare C/salaan Aadan Kurjoy, waxaana sidoo kale ku dhawaacay taliyihii deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelaha Hoose. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxan. Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyo la eegta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan magaalada Muqdisho iyo gobolka Sh/ Hoose The post Ciidamo ka tirsan kuwa DF Oo qarax lagula eegtay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Marka (Caasimada Online) –Waxaa maanta degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay laba korneyl oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya. Labada korneyl, ayaa ayaa kala ahaa korneyl Cabdisalaan Sheekh Aaden oo ahaa abandulaha qaybta 12-ka Abril iyo Korneyl Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse Kurjow oo ahaa madaxa maamulka lacagta Guutada 1-aad. Cabdi Salaan ayaa xilkan ka beddelay Jeneraal Jamaame oo isaguna qarax miino ku dhintay lixdii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018. Jeneraal Jamaame waxaa weerarkaas kula dhintay Jeneraal Cumar Dheere oo ahaa taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Gaashaanlle sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii Bishii December 20 maalmood kaddib geerida abaanduulahii uu isaga beddelay ee Jeneraal Jamaame lagu magacaabayay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilkan, inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab oo gobolka ku xooggan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu xalay kulan xaasaasi ah la qaatay wasiirka maaliyada, Sacad Cali Shire waxana uu Ka codsaday in uu beeniyo in wax dayn ah ay lala wareegeen xukumadii hore ee Siilaanyo, waxana Dr Sacad aad loogu canaantay arintaasi Ka baxday. Dhanka kalena waxa jirta xubno mihiim ah oo ku dhow dhow madaxweynaha oo iyagu talo ku bixiyay in aan arintaasi aan la beenin taasi oo ay sheegeen in ay sii abuuri doonto buuq hor leh hadii uu wasiir Sacad uu saxaafada la hadlo Hadaba hadii uu Sacad Cali Shire uu saxaafada la hadlo oo arintani uu dhabarka u saaro xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa, oo sida Madaxtooyada laga soo abaabulay uu warbaahinta la hor yimaado dafiraad iyo hadal aan isaga Ka soo bixin, waxa ay arintani noqon doontaa fadeexadna kale. Source
-
DEG DEG:- Madaxweyne Deni oo joojiyay qaabilaada dadweynaha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Tan iyo markii la caleemo saaray madaxweyne Deni, ayuu xafiiskiisa ku qaabilaayay dadweynaha Puntland, kuwaas oo uu ka dhegaysanayay talooyin. Qoraal ka soo baxay agaasimaha [...] Source -
Boosaaso (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maalintii labaad ay xiran tahay Dekedda magaalada Boosaaso ee gobolkaasi. Xirnaashan ayaa loo sababeynayaa dilkii shalay loo geystay madaxii shirkadda DP World u qaabilsanaa Dekeddaasi. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa intaasi ku daraya in dhammaan shaqaalaha iyo howlwadeenada kale laga saaray Dekedda Boosaaso, kadib falkaasi. Marka laga soo tago hakadka ku yimid howlaha Dekedda waxaa sidoo kale soo baxaya in uu Geeriyooday ninkii Toogtay Paul Anthony Fermosa, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Ibraahim. Ninkan oo isaga oo dhaawac ah ay qabteen Ciidamada amniga ayaa xalay ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Al Shabaab ayaa sheegtay dilka loo geystay ninkaasi Ajnabiga, oo u dhasho ahaan ka soo jeeday Jaziiradda Malta. The post Dekedda Boosaaso Oo maalintii labaad xiran appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar weyne Siciid Cumar, ayaa la sheegayaa in xabsiga la dhigay kadib markii shalay qarax uu ka dhacay Degmada Xamar weyne, qaraxaasi oo ahaa gaari la dhigay Irida Xarunta Ganacsiga Muqdisho Mall. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa xaqiijiyay in la xiray Siciid, kadib markii su’aalo badan la iska waydiiyay sida suuragal ay ku noqotay goobtaasi in qarax gaari la dhigo. Goobta gaariga uu ku qarxay ayaa ah xayndaab wada xiran oo baabuurta galaysa ay yihiin kuwa aad loo hubiyay, shaqsiyaadka watana ay yihiin kuwa aqoonsi leh. Sarkaalka la xiray Siciid Cumar oo ah Gaashaanle dhexe oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya ayaa amarka xarigiisa uu soo baxay xalay, sidaasina lagu xiray. Qaraxii shalay waxaa ku dhintay in ka badan 15 ruux oo shacab & Saraakiil dowladeed isugu jira, kuwaasi oo ku sugnaa nawaaxiga Xarunta Muqdisho Mall oo ku dhagan dhismaha way nee Dowladda hoose Muqdisho ay ku shaqeyso. Goobta gaarigaasi uu ku qarxay waxaa soo gasha saddex wado, laba wado waxaa jooga Ciidamada Booliska dowladda Federalka Somaliya halka wadada kalena ay joogaan Ciidan gaar ah oo ilaaliya xarunta Muqdisho Mall, balse illaa hadda lama oga wadada uu ka gudbay gaarigaasi miinaysnaa ee maatida shacabka lagu laayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-05022019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ardey iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee dalka Masar, gaar ahaan kuwa ku nool Madiinat Al-Nasri, Qeybta 1aad ayaa ka sheeganaya dhibaatooyin isugu jira dhac, jir dil iyo beegsi gaar ah oo ay ku hayaan ciidamada ka tirsan saldhigga qismu awal, arrintaas oo dowladda Masar ay wax ka qaban la’dahay. Ciidamada ayaa si joogta u yimaada xayi caashir, iyaga oo dhac, jir dil iyo hanjabaad joogta ah ku haya jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku nool, waxaa ay sidoo kale xoog ku qaataan lacago loogu talo-galay ijaar-ka guryaha, lacagta waxbarashada, biil-ka, ganacsi iyo mashaariic ay jaaliyaddu ku maal-gelineyso dalka Masar. Todobaadkan waxaa ay dhaceen ciidamada Masar lacago looga qeyb geli lahaa carwada buugaagta. Dhibbane magaciisa ku soo koobay Cabdullahi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay“ Xalay aniga oo jooga Xayi Caashir, waa ii timid 2 nin oo askar ah, sharciga ayey i weydiiyeen, waan tusay, kadib xoog ayey igu wadeen, meel duur ah ayey geysteen, waana i jir dileen, kadibna waxaa ay iga qaateen lacag 3,000 kun ka badan, waxaa kaloo ay iga qaateen Mobilka iyo cardkii aqoonsiga”. Mar aan weydiinay saldhigga tagay waxa uu ku jawaabay “Dawco waan gudbiyey, isbitaal tag ayey i dhaheen, waxaas dhan waan sameeyey, laakin haddii aan tago niyaabada rajo fiican kama qabo, waayo kuwoo iga horeeyey, 2 bil ka hor nin ayaa lacag laga qaatay 30,000 waxna lagama qaban”. Qaar ka mid ah jaaliyadda oo iyaga oo niyad-jab ka muuqato la hadlay Goobjoog News ayaa ka sheegtay dhowr dhacdo oo xadgudub, dhac iyo jir dil ay ciidamada Masar geysteen, arrintaas oo markii ay uga dacwoodeen maamulka Masaarida aan waxbo laga qaban. “Arbacdii hore nin Soomaali ah ayaa laga qaatay $600, mid kale oo gaari watay, waa la istaajiyey, oo waxaa laga qaatay 70,000 oo geni iyo $1,000, dhacu waa joogto”, sidaasi waxaa yiri nin magaciisa u qariyey sababo amni. Jaaliyadda Soomaalida ee Masar waxaa ay sheegeen in dhibkaas dartiis ay qaar ka mid ah u guureen dalka Turkiga, in badanna ay hadda ku fakerayaan sidii ay hantidooda ula bixi lahaayeen. Arrintan lama oga inay raalli ka tahay dowladda Masar iyo in kale, laakin jaaliyadda waxaa ay ammaanneen maamulkii madaxweyne Xusni Mubaarak oo xilligiisa aad loo xushmeyn jiray dadka Soomaalida ardey iyo ganacsataba, iyaga oo rajeeyey in maamulka madaxweyne Cabdi Fitaax Al-sisi uu Soomaalida ula dhaqmo walaaltinnimada ay soo raadsadeen, isla markaana uu ka qabto ciidanka tuugada ah oo laaluushka u soo raadsada, isla markaana dhacaya ardey iyo qaxooti magan u ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar cajiib ah ku qaaday waxyaabaha kulmiya marka Al Shabaab ay weerar ka geystaan magaalada Muqdisho iyo hadalada kasoo baxa NISA oo ku aadan inay burburiyeen xarumo Al Shabaab leeyihiin. Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan: Ma ahan markii koowaad oo twitter duulaya looga jawaab-celiyo ama lagu soo aadiyo xilli dhimashada iyo Dhaawac ka dhashay qarax ay Alshabaab sameeyeen umaddu la ooyayso, kaasoo u muuqata in lagu daboolayo dayacaadda iyo fashilka mas’uuliyaddii ka saarnayd in ay umadda ay ka ilaaliyaan dilalka iyo qaraxyada dhiig-yacabka Alshabaab. Waxaa wax la yaabo ah oo in la isweeydiiyo u baahan, qarax kasta oo dhaca waxaa la aasaa tobonaan dadkii haldoorka ah ee bulshada ku jiray ama dad saraakiil iyo shaqaale dawladeed ah, mana jirto cid loo xisaabiyo ama loo soo istaajiyo mas’uuliyadda fashilka amniga ee jira, laxad moodaa in alshabaabku fasax (ruqsad u heystaan) dilka dadka, waayo isla xisaabtan ma jiro, xataa tacsiyayntii madaxda dawladdu waa ay gabeen. Yaa umadda u fasiri kara sida ay ku soo gaari karaan ubucda meel aysan u fududeyn dadka caadiga ah in ay soo gaaraan sida goobtii shalay qaraxu ka dhacay ama kii ka horeeyey ee afaafka hore ee tiyaatarka ka dhacay, maxaase looga maqli la’yahay cidda amniga ka mas’uulka ah qorshayaal dadka aminigooda lagu sugaayo waa kuwa maalin walba idaacadaha la soo taagan hub ayaan aruurinaynaa! Ma Alshabaab ayaa dadka loo gacma-qabanayaa, maxaase alshabaab hubka iyo qaraxyada looga qaadi la’yahay. Ay dadka ku laayaan? Waxaa dhanka kale caado noqotay, in aan aragno fariimo hey’addii sirdoonka dalka u qaabilsanayd (NISA) ay twitter-kooda soo dhigaan mar kasta oo qarax ama dil uu dhaco kuwaasoo ay ku sheeganayaan guulo ah in canaasir aan la garanayn oo aan la soo bandhigaynin oo alshabaab ah gacanta lagu soo dhigay, ama weeraro laga geystay Goobo ay alshabaab ku sugnayd, kuwaasoo u badan in lagu daboolayo fashilkooda ama lagu marin-habaabinayo umadda, haddii waxa ay soo qorayaan ay run yihiin maxey umadda ugu soo bandhigi la’yihiin?. Si kastaba, hey’adda NISA oo shaqo muhiim ah qaranka u heysay muddo lix bilood ku dhow ma lahan taliye, taliye ku xigeenkeeduna wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha siyaasadda inta badan, waxaana shaqadeedii loo bedelay “Shaqadii ay kacaankii u qaban jirtay hey’addii la dhihi jiray HANGASHTA” oo ah mid madaxda dalka, dadka ka aragtida duwan ku hawllan oo aan kooxaha argagixisada wax xil iska saarin. Gabagabadii, NISA waa in ay taliye yeelataa sida ugu degdegsan, hawsheediina dib loogu soo celiyaa, taliyaal amniga aqoon u lehna loo magacaabaa, ayadoo laga fakarayo amniga umadda.
-
Kulanka waxa uu ahaa mid ay soo agaasimeeyn maamulka kooxda Som United kaas oo u jeedkiisa ahaa safarkii ay Som United intii u dhaxeesay 18-30 December 2018 ay ku qaateen caasimada Muqdisho wuxuuna u jeedka socdaalkaas ahaa ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho in dhalinyarada ku koray qurbaha la baro dhaqanka dalkooda iyo dadkooda. Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid ahaa ciyaartooydii usoo ciyaartay kooxda Jeenyo iyo xulka qaranka ahaana madaxii wafdiga safarka kooxda Som United ayaa u mahad celiyay cid walbo oo kaalin ka qaadatay socdaalkii kowaad ay ku imaadeen caasimada Muqdisho,isagoo intaa ku daray in iminka uu socdo abaabulka iyo diyaar garowka safarkoodii labaad ee Soomaaliya. “Waan ku faraxsanahay kulanka qiimaha badan waan u mahad celinayaan maamulka kooxda Som United iyo intii nasiibka u yeelatay in ay soo arkaan xaalada wadanka iyo halka uu marayo aniga qodhayda socdaalkaas waxa ku jiray wiilkayga marka hore waan ka wal walsanaa bixintaankiisa,balse iminka rajada waa 100% qof walba wuxuu ku haminayaa in soo aado Soomaaliya” waxaa sidaas sheegay Ismaaciil Cabdi Ciise oo ah abaaha dhalay weeraryahka Som United Cabdiqafaar. Kooxda Som United kaliya caasimada Muqdisho kuma dheelin kulamo saaxiibtinimo ee loo qorsheeyay waxa ay dalxiisa iyo waqti wanaagsan ku qaateen xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis,iyagoo nasiib u yeeshay in ay la kulmaan raysal wasaare Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka. Xiirey Axmed Rooble oo xubin ka ah gudiga madax banaan iyo xaduudaha dowladda qeybna ka ah qurbajoogta reer Sweden ee dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay safarkii kooxda Som United ee caasimada Muqdisho uu xambarsanaa ujoodeeyin kala duwan loona baahanyahay jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Sweden in ay kaalin wanaagsan ka qaataan horomarka iyo heegsiga ay maamulka,macalimiinta iyo ciyaartooyda kooxda ku Som United ee ka dheela horyaalka heerka 4aad. Dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay 2018 wafdiga kooxda Som United ayaa inta aysan ka duulan garoonka aadan cadde ee magaalada Muqdisho waxa aan kulmay qaar ka mid ciyaartooyda iyo wafdiga waxa aan wax ka waydiiyay sida uu ahaa safarakoodii kowaad ee Somaaliya iyo waxylaaha u qorsheen sanadaha soo aadan. Sanadkii lasoo dhaafay waxaa dalka ciyaaro saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho u imaaday kooxa ka kala socday jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dagan dalalka Bratian,Sweden iyo Australia waxayna arntan dhiiri gelin u noqtay xifadlaayasha ka ciyaara gudaha dalka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Kooxda Som United Iyo Jaaliyada Sweden W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Nayib Bukele, oo horay u soo noqday duqa caasimadda El Salvador ayaa ku guuleystay doorasho axaddii ka dhacday dalkaasi, isaga oo soo afjaray nus qarni dalkaasi ay heysteen 2 xisbi. Maxkamdda sare ayaa ku dhawaaqday inuu doorashada ku guuleystay Bukele, waxaa uu helay 54% oo ah 90% codadka la tiriyey. Nayib Bukele, waxaa uu doorashada ku soo galay la-dagaalanka musuqa isaga oo sheegay “ Lacagta waa nagu filnaan kartaa haddii aan qofna wax xadin”. El Salvador waa dal yar, dadkeeda tiro ahaan waa 6.5 million, saddex meel waxaa ay ku noolyihiin faqri. Nayib Bukele, waa 37 jir, waxaa uu asal ahaan ka soo jeeda Falastiin, waxaana la leeyahay waa siyaasi mustaqbal leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qardho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ayaa sheegaya in halkaasi lagu soo dhaweeyay taliyihii ciidamada Somaliland ee Bariga Sanaag oo isku dhiibay ciidamada Puntland. Caydiid Axmed Nuur taliyaha ciidamada Somaliland ee Bariga Sanaag ayaa isku dhiibay Puntland, waxaana la sheegay inuu isku dhiibay ciidamo ku sugnaa gobolka Sanaag dhanka Puntland maamusho. Taliyaha iyo ciidamada uu hogaaminayay ayaa la sheegay inay tageen magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka. Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ayaa si weyn sarkaalkaasi iyo ciidamadiisa ugu soo dhaweeyay magaalada Qardho, waxaana la sheegay in sidoo kale saraakiisha kale ee gobolka kasoo jeeda ay so dhaweynayaan. Sidoo kale magaalada Qardho waxaa ku sugan korneyl Caarre oo horey uga goostay Somaliland, islamarkaana ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland. Korneyl Ceydiid Axmed Nuur oo hadda kasoo goostay Somaliland ayaa horey Puntland kaga cararay sanadkii 2006 markii ay is qabteen madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse Xersi. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Xiriika Kubbadda cagta caalamka ee FIFA ayaa dhaqan geliyay isticmaalida adeega caawinta garsoorayaasha kubbadda cagta ee loo yaqaano “Var” kaas laga soo gaabiyay (Video Assistant Referee) waxaana lagu tibaajiyay markii ugu horeesay koobkii adduunka ee ka dhacay dalka Ruusha ay guuleysteyn xulka France. Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ka mid ah garsoorayaasha heerka caalami ee kubbadda cagta Soomaaliya ahna guddoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mustaqbalka adeega Var laga isticmaalidoono Soomaaliya faa’idana u yahay kooxaha u diiwaan gashan xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta si ay dhamaato eedaha laga sheekato garsoorayaasha kubbadda cagta. Maxamed Cabdullahi Axmed (Digarey) oo ka tirsan garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta sidoo kalane ah madaxa barnaamijyada Idaacada ciyaaraha Gool Fm ayaa bogaadiyay hadalka kasoo yeeray garsoorka Wiish wuxuuna buuq u diray madaxa isboortiga gudaha taas oo ku aadan in ay la yimadaan hadafyo horomarineyd oo wax tar u leh bulshada xiisanaysa horomarka iyo kobaca kubbadda cagta Soomaaliya. Inta badan kooxaha kala duwan ee caalamka ayaa markii ay soo gaaraan heerka finaalada waxa ay ka cawdaan eex iyo goolal si qaldan uga dhasha taas keeni karta in koox kale ay si fudud u hanato koobkii loogu tala-galay,balse muuqaal caawiya garsoorka waxa uu fududeenayaa in lagu kala bixi si wanaagsan. “Dalkeena markii loo eego horomarka iyo fahanka bulshada ee xaga ciyaaraha waxa uu ka horomar sanyahay wadamo badan oo bariga iyo bartamaha Afrika hadii ay arinta lagu dhaqaaqana waa talaabo ku tusinaysa isku tashiga bahada ciyaaraha Soomaaliya”waxaa sidaas qaba Goobjoog Sport u sheegay Xasan Yabarow Wiish. “Garsoorayaasheena heerka caalami markii ay banaanka u aadan dhexdhexaadinta tartamadda kala duwan ee xiriirka kubbadda cagta qaarada Afrika ee Caf waa way ka tilmaamanyihiin isla kuwa qaarada waxayna adeegsadaan qalabkii un danbeeyay ee garsoorayaasha caalamka hadii uu dhab noqdo hadalka garsoore Xasan Wiish waxaa dhambe kale oo horomar u ah kubbadda cagta dalka”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Maxamed Cabdullahi Axmed Digareey oo ka mid aha garsoorayaasha gudaha. Sanadihii lasoo dhaafay isboortiga dalka ayaa ku tlaabsanayay horomar kala duwan waxayna arintaas ku timid wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxaysa wasaarada ciyaaraha iyo dhalinrada dowladda,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka isboortiga Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Adeega Muuqaal Caawiyaha Garsoorayaasha Ee VAR Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors