Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,345
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda Somaliland marayso, abwaanno xukuumadda xabsiga u taxaabtay iyo 80 milyan ah xukuumaddihii kala dambeeyay ee xisbiga KULMIYE sheegeen inay isku wareejiyeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Garoowe)-Taliyihii ciidammada booliska Somaliland gobolka Badhan Caydiid Axmednuur oo maanta ka goostay ciidammada Somaliland una goostay maamul gobolleedka Puntland ayaa warbaahinta la hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Somaliland: The National Armed Forces Are The Vanguard Of Defence The Somaliland National Armed Forces are celebrating the 25th anniversary of it’s creation this month. The forces were inaugurated in 1994 after the amalgamation of the various militias that took part under the umbrella of the Somali National Movement (SNM) which liberated the country from the yoke of the Barre regime. It cannot be underestimated the effort it took to bring together heavily armed fighters into a cohesive force with discipline and order. It is worth noting that until the last few years, the Somaliland Armed Forces did not have proper military rankings and the chain of command was based on experience, mutual respect and discipline. The late President Mohamed Ibrahim Egal (AUN) and those working with him from all across the Somaliland communities deserve all the accolades for putting together these forces that are today the vanguard of the nation’s defence and security. The Somaliland Armed Forces have come a long way in terms of training, communications, weaponry, logistics and administration. There are now several military training centers, a police training academy, naval and coastguard co-operation with European Union partners and custodial corps facilities. The current President Muse Bihi Abdi, a former Air Force officer and a veteran of the liberation war is currently tasked with creating the final component of the Somaliland Armed Forces, an Air Force. We have the seasoned veterans and the willing youth, it is only a matter of national will. The people of Somaliland support their armed forces both materially and spiritually, and in return the forces take part in relief operations during times of extreme environmental conditions, such as drought, floods and other events due to the forces of nature. So, for this whole month, Qarannews, will print articles and post videos dedicated to the Somaliland Armed Forces and its 25 years of existence. Qaran News
  4. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Ingiriiska ee Soomaaliya, David Concar oo dhamaystay xilli howleedkiisii wadanka. Safiirka xilli hawleedkiisu dhammaaday, David Concar, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre iyo guud ahaan madaxda dalka uga mahadceliyay hannaanka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen intii uu ahaa safiirka iyo sida sharafta badan ee loo sagootiyay. “Waxa aan kulan sagootin ah maanta Muqdisho ugu sameeyey danjire David Concar oo dhamaystay xilligii shaqo ee dalkeenna.”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Khayre oo safiirka uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay xilligii uu dalka ka shaqaynayay, ayaa guddoonsiiyay haddiyado guddoonsiiyay safiir David Concar. Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ethiopia ee Soomaaliya, jamaamulidiin Mustafa Cumar iyo Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar. The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo sagootiyay safiirkii Ingiriiska appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Sanooyinkaan dambe waxaa soo badanayay in Qaraxyo lala beegsado goobaha Dadka rayidka ah ku badanyihiin sida Maqaayadaha, Hoteelada, Waddooyinka iyo goobaha ganacsiga, waxaana ugu dambeeyay tii ka dhacday Mall-ka lagu magacaabo Muqdisho Mall. Inta la ogyahay ugu yaraan 10-Ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen Qaraxa Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ka gaysteen Degmada Xamar-wayne gaar ahaan meel u dhow Muqdisho Mall oo horay loo oran jirey Kuraaja Del Suud. Dadka dhintay waxaa ka mid aha Hooyo Shukri C/laahi oo xilligaasi ku sugneed goob dharka lagu iibiyo oo ay ku lahayd meel ka soo horjeeda Suuqa Muqdisho Mall iyo Wiil keeda Maxamed Jacfar oo shaqada ku caawinayay. Waxaa ku dumay Dhismaha Dukaanka ay ku ganacsanayeen Shukri iyo wiilkeeda, iyadoona markii danbe laga soo saaray burburka hoostiisa iyagoo Meyd ah. Shukri C/llaahi waxay korineysay Lix Caruur ah oo ay dhashay sida ay inoo sheegeen dadka aqoonta u lahaa, waxay xoog iyo Garab buuxa u ahayd caruurteeda oo ay u shaqaynaysay. Allaha u naxariiste Shukri caruurta ay ka tagtay ee hada nool waa Shan, waxaana u yar Gabar Saddex Sano Jir ah, iyadoo Caruurta inta kale ay ku jiraan xilliga waxbarashada. Ehelada Marxuumiinta ayaa inoo sheegay Maxamed Jacfar inuu ahaa 17-sano jir, xillina waxbarasho ku jira xilina Hooyadiis ku caawiya Shaqada. Alle ayaa Quraankiisa ku sheegay in Qof kasta oo ku talagal u dila qof Mumin ah inuu Abaalkiisa yahay Naarta Jahanamo oo waliba uu ku waarayo. وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا 4-tii Janaayo Al-Shabaab waxay God-ka Geeyeen hooyo Shukri iyo Gabankeedii. W/D: Maxamed-kaafi Sheekh Abuukar
  6. Muqdisho (SMN) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka oo u dhaxeeyay ciidamo ka kala amar-qaata Gudoomiyaha degmada iyo taliyaha nabad-sugida ee isla degmadaasi ayaa dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Idaacada Shabelle oo u kuur-gashay sida ay wax u dhaceen ayaa xiriir kala duwan la sameysay labada dhinac. Ugu horeyn, taliyaha nabad-sugida ayaa tilmaamay in ciidamada Gudoomiyaha ay soo weerareen goob uu kaga sugnaa degmada Balcad. Balse, gudoomiyaha oo aan isku deynay inaan ku helno khadka telafoonka si uu uga jawaabo eedaynta ayaa nan ka jawaabin dalabkeena. Dhinaca kale, xoghayaha degmada Balcad, Yuusuf Xasan Cali, oo lagu eedeeyay in ciidamadiisa ay qayb ka ahayeen iska hor-imaadka ayaa gaashaanka ku dhuftay. Lama oga sababta dhabta ah ee keentay isku dhaca mas’uuliyiinta degmada Balcad oo hoostaga maamul goboleedka HirShabelle. Xaalada degmada ayaa caawa lasoo sheegayaa inay tahay mid degan, inkasta oo la tilmaamay inay ciidamada wali is-horfadhiyaan. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhacay Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasha idaacada Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/WarKa-Habeen-050219.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Naadigga Barri iyo Galbeed oo ku Guuleystay Koobka Tartanka Borama Cup XKCSL 2019 Naadigga ku ciyaarayay magaca shirkadda socdaalka ee Barri iyo Galbeed ayaa Jimcicii ku Guuleystay koobkii Tartanka kubadda cagta ee Naadiyadda Heerka Koowaad ee Degmadda Borama (Borama Cup) oo XKCSL uu qabtay, maal-gelisayna Shirkadda Socdaalka ee Barri iyo Galbeed Telefishanka caalamiga ah ee HCTV uu si toos ah looga daawaddo dunnidda oo dhan. Tartankan oo muddo bil ah ka socday garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium ayaa waxaa XKCSL uu u qabtay naadiyadda heerka koowaad ee Degmadda Borama, kuwaas oo tiradoodu ahayd 12 naadi. Haddaba kulankii Finalka ee tartanka Borama Cup ayaa waxaa u soo gudbay kadib markii ay dedaal la yimaadeen labadda naadi ee Barri iyo Galbeed iyo Wasaaradda Maaliyadda Borama, waxaana 1:0 ay guushu ku raacday naadigga Barri iyo Galbeed gool ay billowgii ciyaarta ay la yimaadeen. Guddoomiyaha XKCSL iyo Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa si wada-jir ah koobkii tartanka Borama Cup u guddoonsiiyay naadigga Barri iyo Galbeed, halka sidoo kale iyana Abaal-marino kala duwan la guddoonsiiyay ciyaartoydii kale ee dedaalka la yimid tartanku intuu socday. Qaran News
  9. (SLT-Hargeysa)-Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid ayaa la siiyey Qandaraas ku kici doona lacag ka badan 4 Milyan Oo Dollar kaas oo aan cid ku tartantey aaney jirin sida uu shaaciyey telefishanka HCTV , Qandaraas-kan ayaa ah qalab Scan ah oo dekadda Berbera laga hir galin doono, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Qarax miino uu ku geeriyooday Korneel Cabdisalaan Aadan Kurjow oo ahaa Abaanduulihii Qeybta 12-ka April ee Milateriga Dowladda Soomaaliya. Sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari uu la socday oo marayay degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoos. Waxaa la xaqiijiyay in sidoo kale ay qaraxa ku dhinteen Saraakiil kale oo ka tirsanaa Ciiidamadda Dowladda Soomaaliya. Ala Ha U Naxariistee C/Salaan ayaa xilkaan ka beddelay Jeneraal Cabdi Cali Jamaame oo isaguna qarax miino ku dhintay lixdii December sanadkii la soo dhaafa. Puntland Post The post Abaanduulihii 12-ka April oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  11. 1) Ma jiro Xisbi Mucaarad ah oo aan ka tirsanahay ama aan taageero, mana jirto cid aan ku taageerayo wax dhib u ah Dalkeeyga. 2) Shirka London ma ahan dhul lagaa qaadanayo ama laguugu heysto milkiyadiisa sida Dacwada Kenya nagala dhexeeyo, waa Deegaan milkiyadiisa laguu ogol yahay, laakin Nacfigiisa laguugu heeysato. 3) In Shidaal la soo saaro waa muhim, su’aasha ayaa ah. waa maxaay Deg degtu?, Maxaase waqtigaan loogu beegay?. 4) Ma dhameeystirno sharcigii shidaalka iyo Heyadihii shaqada ku lahaa. Somali Procurement Agency, Internal oil regulations, income tax act, Land act, Environmental Management act, Resource sharing agreement, Revenue sharing agreement, Petrol Bill, looma dirin Shirka Dadkii bartay Sharciyada Caalamiga ah ee Shidaalka iyo Dhaqaala yaqaanadii qiimeeyn lahaa isbedelka. Sharciga Shidaalka lama horgeeyn Baarlamaanada, Somali land weli si sharci ah ugama go’in Dalka. Xaq ayey wax uga leedahay Shidaalka illaa hadda, lagalamana tashan, Goballadu hab qeybsigii ma dhameystirin, laakin hadda waxaa lagu qanciyay in ey ka aamusaan, dibba haka qeyliyaane, wakiil rasmi ahna uma joogaan. 5) Marxaladii Geology-gu waa dhamaatay, hadda wax lama baarayo, waa laga soo gudbay heerkaa, waan aqaan ragga Geologystayaasha ah ee loo diray London qaar ka mid ah, Cilmiga Geology-gana aad ugu fiican.kana mid ah wafdiga, Laakin hadda doorkoodii waa laga soo gudbay, Data base kii Shidaalka waa la hayaa. Hadda maxaan u baahanahay? Culuumta kale, waxaan aqaan dhaliyaro ku soo takhasusay, petrol management, petrol law, oo Gudaha Dalka iyo Dibadaba joogo. (Markii aad qof u direeysid heer laga soo gudbay, waa sida adiga oo dhakhtarka Xanuunada Caruurta u diro dad waayeel ah, dhakhtar waa yahay laakin shaqadiisii ma ahan). 6) Ma jiraa waddan Crisis ku jiro oo heshiis petrol lala galay? Somaliya kama jirto degenaan Siyaasadeed, iyo Nabadgalyo la isku haleeyn karo. Cudurka Siyaasadeed ayaa u baahan in la xaliyo. Ma Jirto Dowlad “Shacabku” soo doortay oo si rasmi ah u meteli karto. Kama hadleyno Aqoonsi iyo xiriir caalami ayaa nala siiyay, isma laha Labadu. Waxa laga hadlayana waa heshiis Ballaayiin Dollar ah iyo muddo gaari karto 100 Sanno in lagaa Saxiixo la rabo, Heshiisyadii Dowladihii Somalida ee dagaalada ka horeeyay ayaa 30 sanno ahaa, qaarkood. Ogoowna: Boqortoyadii Turkigu markii ey Laciifka aheyd waxaa laga saxiixay in 100 Sanno eyna Shidaal Soo saaran Karin, wanaa lagu fuliyay,100kii Sanno waxa ey Dhanaanne Sannadka 2023. 7) Halka laga hadlayo waa Badweyn “ off shore- over 200 m. miles”, Shirkadaha halkaa wax ka qodi karo waa xaddidan yihiin, kharjkuna waa badan yahay, Shirkadaha waaweyne kama soo qayb galayaan Shirka London, waxaa ka soo qayb galaya Shirkado yar yar ama Shirkado mar dhaw la sameeyay, 90% Shirkadaha awooda u leh in ey halkaa Shidaal ka soo saaraan ma imaanayaan Shirka Londan. 8 ) Fiiri proposal-ka Shirka waxa ka qayb galayaasha marti qaaday Shirkada Spectrum, waa dhaqaala doon ee ma ahan Shirkad iyadu awoodo in ey halkaa Shidaal ka soo saarto, waxa ey helayaan % iyo dhowr Block oo la siiyo oo ka mid ah 206 da block. Waxa ey rabtaa in ey hesho shirkado offer keeda aqbalayo. 9) Is weeydii spectrum iyada ayaa bixinee, kharajka Shirka, iyada ayaa marti qaaday Dowlada Somalia iyo Shirkadaha Shidaal, iyadaa maalgashatay Shirka, iyadaa Data Base-ka sameeysatay, intaa oo dhan maxeey u smeynee? in ey dakhli hesho ee ma ahan ixsaan adiga laguu sameeynayo. 10) Spectrum Dan kama leh in Shirkadaha wax ka gadanayo ey Shidaal soo saaraan iyo in ey sii gataan Data-da ama ey si kale u isticmaalaan, iyada DATO ayaa beec u ah. 11) Shirkadaha imaanayo waa kuwa rabo in ey dib u sii iibiyaan bacdamaa iyagu eyna awood u leheeyn in ey soo saaraan Shidaal, waa iska heeysanaayaan documentiga 20 Sanno, 30 Sanno, inta ey ku heleyaan sicirka ey rabaan oo ah kharajkii uga baxay, sahamintii, laaluush iyo dulsaar muddadii ey sugayeen. Adigana waa kugu cuna qabateey karaan, ileey sooma saari kartid illaa iyaga laga gato, cid kalena ma siin kartid Adigu. Waxaaba laga yaaba in Xaalad xasilooni daro ey kuu abuuraan, ilaa sicirka ey rabaan ey Suuqa ka helayaan. 12) Dowladu waxa ey leedahay, Data ayaan tuseeynaa ka qeybgalayaasha ee ma iibineyno, haddii Sharkadu ey tiraa waan iibsaneynaa maxey leedahay Dowladu?. Yaa tusaya Datada ma Annaga mise Spectrum, iyagaa Data maalgashaday ee Somalidu ma maal gashan go’aanka iibintana malihin. 13) Fiiri OFFERKA. Contract Bonus iyo bit ayaa ku qoran. Haddii lagado all zones Dowladu waxa ey ka helee qiyaas illaa 200-300 million, waxa la rabaa in Lacagta la helo ka hor inta aan la sameeyn heyadihii Somalida ee ku shaqada lahaa Transparence-ga, Anti- corruption-ka, Gudigii iibka Qaran,Iwm, hadda ma jirto cid kula xisaabtami karto. Lacgtaa maxaa loo isticmaali karaa ????. Talo: Haddii marba buuq ka yimid, waxaa ila haboon in arrintaa la joojiyo, waddadii saxda aheydna la soo mar. ( waa yaab, weli ma maqal, ilma dhicis ah, oo Hooyadii fool lagu khasbayo, iyada oo aan foolu heeyna dhinac laga qalayo, mar uun ilmaha dhiciska ah banaanka keen isaga oo meyd ah, nolol kama rabee. Ma fahmin). FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, London ma joogo, Shirkado Shidaalna weligeey uma shaqeeyn, waana khaldami karaa ee wixii ka khaldan ka sax Qoraalka . Qore: Yahya Amir
  12. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Md. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa waxaa uu ka hadley lacag deyn ah oo xukuumadda madaxweyne madaxweyne Siilanyo la sheegay inay ku wareejisay xukuumadda hadda tallada haysa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Gashaanle sare Caydiid Axmed nuur iyo ciidan uu hogaaminayo kana tirsanaa Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa isu soo dhiibay Puntland. Maamulka Gobolka karkaar Iyo kan degmada [...] Source
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ka socda xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga ayaa casuumaad ka helay bulshada ku dhaqan Baladweyne ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tiran golaha fulinta ee xisbiga, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ugu jira xisbiga UPD iyo mas’uuliyiin kale. Qaar ka mid ah waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wararka ayaa sheegaya in socdaalka uu qeyb ka yahay ololaha madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inuu xaliyo wixii dhex-maray isaga iyo beelaha dega gobolka. Labada dhinac ayaad isugu qabtay dhismihii maamulka HirShabelle, oo dowladdii Xasan Sheekh ay dhistay, waxaana Xasan uu rumeysan yahay in taageero uu ka helo beelaha gobolka oo abti u ah ay muhiim u tahay in dib loo soo doorto.
  15. An IED explosion was reported to have killed two senior Somali military officials killed in Dhanaane village, south of Mogadishu on Tuesday. The explosion left the deputy Commander of Sector 12th April of SNA Col Abdisalam Sheikh Aden and Col Abdirahman Jimale Muse, head of the finances of the 1st battalion head. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack, which comes barely two months after two other top SNA officers killed in a roadside blast in the same area. The militants continue to target the Somali army and AU troops with IEDs when travelling in the main roads linking Mogadishu to Lower Shabelle region, south of Somalia. The post IED explosion kills two military officials killed in outside Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa war-saxaafadeed ka kooban afar qodob kasoo saaray shirka shidaalka Soomaaliya ee London ka furmaya 7-da bisha Febraayo. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka oo dhmaeystiran. Warsaxaafadeed Xisbiga Wadajir wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa kulan ay soo abaabuleen xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada (Spectrum) oo 07 Febraayo 2019 lagu qabanayo magaalada London, kaa soo lagu beecinayo xirmooyin 50 (Blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Xaraashka (Auction) xirmooyinka shidaalka ayaa la qabanayaa iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05 Juun 2018 magaalada Baydhabo ku gaareen Dawlada dhexe iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya: 1) – In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo 2-da aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Xukuumadu ma ansixin sharcigaa. 2) – In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sarreeya ee lagu lafa guro Arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed. 3) – In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Batroolka. Xukuumadu ma dhisin hay’adaas. 4) – In la dhiso Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (Somali National Oil Company-SONOGRAM) oo ah shirkad ay yeelanayso Dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta, rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada, taasoo lagu qeexayo sharci gaar ah. Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Xukuumadu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso ujeedka shirka uu yahay xog wadaag, laakiin waxaan tuhun ka qabnaa qoraalka shirkada (Spectrum) ee cadaynaya in ujeedku yahay iibinta xirmooyin shidaal, maadaama uu shirkii soo bandhigida xogta shidaalka Soomalaiya horay loogu qabtay wadanka Koonfurta Afrika. Waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in ay shirkaas joojiso. Hawlaha sidaan xasaasiga u ah waxay u baahan yihiin wadatashi iyo aragti midaysan oo xooggaga siyaasadeed isla meel dhigaan. Ma aha hawl ay xukuumadu kaligeed go’aansan karto, maadaama ay waxa miiska saarani ay yihiin hanti Qaran. Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (Blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ka soo qaybgalaan mudaaharaad ka looga soo horjeedo iibinta xirmooyinka shidaalka Soomaaliya si ay u ilaashadaan khayraadka dalkooda, kagana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dhulkooda. Dhammaad
  17. Xisbiga Wadajir oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ka mid noqday xisbiyada ka horyimid shirka xaraashka bolookyada shidaalka ee ka dhacaya London 7-bada bishan. Qoraal ka soo baxay xisbiga waxaa lagu sheegay in shuruucda loo baahnaa aan la dhameystirin iyo iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Xisbiga Wadajir: Xisbiga Wadajir wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa kulan ay soo abaabuleen xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkada (Spectrum) oo 07 Febraayo 2019 lagu qabanayo magaalada London, kaa soo lagu beecinayo xirmooyin 50 (Blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Xaraashka (Auction) xirmooyinka shidaalka ayaa la qabanayaa iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05 Juun 2018 magaalada Baydhabo ku gaareen Dawlada dhexe iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya: 1) In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo 2-da aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Xukuumadu ma ansixin sharcigaa. 2) In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sarreeya ee lagu lafa guro Arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed. 3) In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Batroolka. Xukuumadu ma dhisin hay’adaas. 4) In la dhiso Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (Somali National Oil CompanySONOGRAM) oo ah shirkad ay yeelanayso Dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta, rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada, taasoo lagu qeexayo sharci gaar ah. Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Xukuumadu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso ujeedka shirka uu yahay xog wadaag, laakiin waxaan tuhun ka qabnaa qoraalka shirkada (Spectrum) ee cadaynaya in ujeedku yahay iibinta xirmooyin shidaal, maadaama uu shirkii soo bandhigida xogta shidaalka Soomalaiya horay loogu qabtay wadanka Koonfurta Afrika. Waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in ay shirkaas joojiso. Hawlaha sidaan xasaasiga u ah waxay u baahan yihiin wadatashi iyo aragti midaysan oo xooggaga siyaasadeed isla meel dhigaan. Ma aha hawl ay xukuumadu kaligeed go’aansan karto, maadaama ay waxa miiska saarani ay yihiin hanti Qaran. Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (Blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ka soo qaybgalaan mudaaharaad ka looga soo horjeedo iibinta xirmooyinka shidaalka Soomaaliya si ay u ilaashadaan khayraadka dalkooda, kagana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dhulkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa albaabada ka xirtay dadka doonaya inay la kulmaan ayada oo la hakiyay qaabilaadda dadka ku booqanaya xafiiskiisa. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa lagu amray Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland dhaqan gelinta wareegtada. Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha laguma sheegin waqtiga ay qaadaneyso hakinta qaabilaadda Madaxweynaha waxaana lagu soo koobay ilaa amar dambe. Wareegtadan waxaa ku saxiixan Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maamulka Puntland, C/Naasir Biix Soofe.
  19. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la filayaa in caawa uu jeediyo khudbadiisa labaad ee qaranka, isaga oo la hadli doono xubno badan oo ku cusub aqalka congress-ka, oo ay ku jiraan haween iyo kuwa kasoo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay. Waxaa Trump gadaal fariisan doonta afhayeenka Aqalka Wakiilada, Nancy Pelosi oo dagaal siyaasadeed la gashay Trump markii ay isku khilaafeen miisaaniyadda dowladda, taasi oo dhalisay in bil iyo bar ku dhow ay hakad galaan howlihii dowladda. Khudbaddan ayaa dib uga dhacday waqtigeeda oo ahaa 29-ka Janaayo, kadib markii Pelosi ay ka hor-istaagtay Trump inuu jeedo ilaa howlaha dowladda dib looga billaabayo. Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, Trump ayaa ka hadli doona mowqifkiisa arrimaha socdaalka iyo amniga xuduudda, ilaalinta shaqaalaha Mareykanka, xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo hoos u dhigista qiimaha daryeelka caafimaadka. Sarkaalka ayaa sheegay in khudbadda ay noqon doonto mid “mideyn iyo rajo wanaag” ku dhisan. Source
  20. Balcad (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan maanta uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad u dhexeysa guddoomiyaha Balcad iyo xoghayaha maamulka oo garab ka helaya taliyaha nabad sugida degmadaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoona ay fashilmeen kulamo lagu dhex dhexaadinayaya labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa halkaasi Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad xoogan ay ka taagneyd M/Balcad, taas oo sababtay in ay dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. The post Dagaal xoogan oo markale ka dhacay degmada Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Hargaysa) Aqoonyahan Jamaal CALI Xuseen oo kamid ah dadka khibrada shaqo iyo mida aqoon ahaanba ku xeel dheer dhaqaalaha ayaa si kooban uga Hadlay daynta Xukuumadda Muuse Sheegtay inay ka dhaxleen Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo. Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook-ga dhigay ayuu ku yidhi . “Waxa laba jira laba nooc oo tuuganimadda ah, mid si toos ah ayuu u xadaa wixii markaa yaalla. Hadaba waxa jira tuug nooc kale ah oo isagu intaanu waxba xadin dadka ka sii dhaadhiciya inay lacagtaasi maqan tahay. Hadaba nooca danbe ayaa khatar ah. Waxba garan maynee si Alle u daa.”. Sidaa waxa yidhi Jamaal CALI Xuseen Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ahaa afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay sida uu u arko xilkaas oo maanta loo magacaabay garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Col. Aadan Axmed Rufle oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay ciidanka Kenya inay wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan iney mar kale ku burburiyaan xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuuud ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Aadan Rufle ayaa tilmaamay inay heleen xog ku aadan qorshe ciidamada Kenya ay ku burburinayaan xarumo hor leh oo ay leedahay shirkaddaasi. “Maleeshiyaad lagu soo tababaray gudaha Kenya gaar ahaan dhulka Soomaalida ee NFD ayaa la keenay bilowgii bishii January degaanada Dhoobley iyo Afmadow, kuwo Wajeer laga soo soo wareejiyeyna waxay hadda ku sugan yihiin degmada Ceelwaaq Kenya, waxay qorsheynayaan sida aan xogta ku heleyno iney jaraan xarunta Hormuud ee isku xirta Ceelwaaq iyo B/xaawo oo isku jira 180-km, si loo barakiciyo dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, dhaqaale ahaan maadaama ay ku tiirsan yihiin Isgaarsiinta” ayuu yiri Col Rufle oo xusay in ciidamada Kenya ay horey u burburiyeen xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud taasoo uu buu yiri curyaamisay dhaqaalaha kumanaan Soomaali ah oo isticmaali jiray lacagaha telefanada lagu shubto. Waxaa uu sheegay in qorshaha ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadda Hormuud ee jubooyinka iyo Gedo uu qeyb ka yahay dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka gobolada jubooyinka iyo Gedo ee ku nool meelaha u dhow xadka. “Ciidamada Kenya waxay mar walba duulaan ku ahaayeen nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed, sida burburinta shirkadaha Isgaaasiinta. xawaaladaha, leynta xoolaha nool oo marna ay dayuuraddo ku duqeeyaan marna rasaas ku furaan, jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha iyo weliba dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi karin” ayuu yiri sarkaalkan. Col. Rufle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe lagu soo dhoweeyo laguna qaabilo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji, wilkiisa oo sarkaal ah iyo Cali Bilow Qorane oo ka tirsan masuuliyiinta gobolka W/bari Kenya, kuwaasoo uu sheegay iney masuul ka yihiin dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gedo iyo Jubooyinka. Waxaa uu ugu dambeyn ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka war heyso, kana hortagto dhibaatooyinka cusub ee ciidamada Kenya la damacsan yihiin xarumaha Hormuud, kalana xisaabtanto dowlada Kenya dhibaatooyinkii ay horey u geysteen.