Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,345
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo xoogan ka sameeyay waqooyiga M/ Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanka boolisku ka fuliyeen xaafado ka tirsan waqooyiga magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay u jeedka baaritaanadan uu ahaa mid lagu xaqiiniyay amniga. Sidoo kalena looga hortagayay dhalinyaro xilliyada habeekii ah dhac ka geysta magaalada Gaalacyo ee gobolka Mudug. Saraakiisha ayaa ka gaabsaday, haddii ay jiraan in dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi iyo in kale. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay cabasho xoogan oo dhinaca amniga ay ka muujiyeen shacabka ku dhaqan halkaasi. The post Howlgallo xoogan Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Gashaanle sare Caydiid Axmed Nuur oo kamid ahaa Ciidamad Maamul Goboleedka Somaliland ayaa Lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland. Halkaan ka daawo [...] Source
  3. Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkan dowladdu ay ka go’an tahay in la dhiso golaha adeegga Garsoorka, sida lagu qeexay tubta toosan qeybteeda Garsoorka. Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay soo gabagaboobmi doonaan muranada la xariira awoodaha la’isku heysto iyo khilaafaadka jira. Hadalkan ayuu wasiirka Cadaaladda Xukuumadda federaalka Soomaaliya ka jeediyay, xilli maanta uu ka qeyb galayay shir sanadeedka Garsoorka oo muddo labo maalin ah ka soconaya magaalada Muqdisho, kaas oo uu beri soo xiri doono madaxweynaha Soomaaliya. The post Xukuumadda Khayre oo shaacisay xilliga la dhisayo golaha adeegga Garsoorka appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Qaahira (SMN) – Shirkani oo ay ka qeyb galayaan wasiirada arrimaha dibadda dalalka ururka Midowga Africa ayaa lagu wadaa in beri uu ka furmo dalka Masar. Shirka oo socon doono muddo 2 cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda amni ee dalalka Liibiya, Soomaaliya iyo Jamuuriyada Dimoqoraadiga ah ee Congo. Sidoo kale shirkan ayaa gogol xaar u ah madasha madaxda wadamada Midowga Africa oo Axada soo socota ka furmi doono magaalada Qaahira ee xarunta dalkaasi. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay ka jiraan falalka amni daro, waxaana ka howlgala in ka badan 22 kun oo askari oo kasocda Ururka Midowga Africa. The post Soomaaliya Oo shir muhiim ah uga qeyb galeysa Masar appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Garbahaarey (SMN) – Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta 300 oo askari tababar ugu soo xiray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Taliye Ameeriko oo la hadlayay ciidamadan ayaa kula dar daarmay in ay ilaaliyaan nabad galyada deegaanka, si looga maarmo ciidamada milatariga ee jooga magaaladaasi. Ugu dambeyn taliyaha ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu farxo, guulna u ah ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dhinaca kale wararka ka imaanay Baardheere ayaa ku warramaya in maanta ciidamada dowladdu howlgallo ay ka sameeyeen magaaladaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmadaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in lagu soo qab qabtay baaritaanadan dad kor u dhaafaya 50 Qof oo lala xariirinayo falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar ismaadaamin ahaa ay ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Baardheere ee G/ Gedo. The post Ameeriko Oo Ciidan tababar ugu soo xiray Garbahaarey appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho ( SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shir weynaha Garsoorka dalka oo aan la qaban dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Shirka waxaa ka qeybgalay dhammaan hay’adaha Garsoorka dalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulashada. Sidoo kale waxaa furitaanka shirkan ka qeyb galay ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka labaad ee BFS, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa faah faahin ka bixiyay caqabadaha heysta Garsoorka dalka. Xeer ilaaliyaha ayaa ka codsaday labada aqal ee baarlamaanka in ay dadajiyaan dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa. Sidoo kale ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Mahad Cabdalla Cawad oo daah-furay shirka ayaa tilmaamay in Garsoorku uu ka madax banaan yahay hay’adaha dowladda, loona baahan yahay in si hufan uu u guto waajibaadkiisa. Ugu dambeyn Baashi Axmed Yuusuf guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa ka warbixiyay hanaanka uu ku shaqeeyo Garsoorka iyo waxyaabihii u qabsoomay. Maxkamadaha dalka ayaa sanadii hore ee 2018 ka gar naqay 12734 dacwadood, kuwaas oo isugu jiray madani, ciqaab iyo maamul. The post Shir sanadeedka Garsoorka dalka Oo ka furmay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/War-Duhur-060219-1.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa bilowday daabacista Baasaboorka Somaliya, xilli labadii bilood ee la soo dhaafay caqabad wayn ay ka taagnayd in la helo Baasaboorka. Shirkadda qaabilsan daabicista Baasaboorka Soomaaliga oo gacanta ay ku hayaan rag Masaari ah ayaa la sheegayaa in afartii Cisho ee la soo dhaafay ay bilaabeen daabicitaanka Baasaboorka oo Bulsho badan oo Soomaaliyed ay u xanibnaayeen. Mudada hakadka uu ku jiray daabicista Baasaboorka Soomaaliya ayaa sababta waxa ay aheyd in uu dhamaaday mudada heshiiska Shanta sano ee Shirkadda daabicista Baasaboorka horay ay u siisay dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dowladan ay doonaysay inay qandaraaska daabicista Baasaboorka Soomaaliga ay ka wareejiso Shirkadaasi xilli aysan helin Shirkad kale, balse ay isku dayday in hal sano heshiis ah loo saxiixo Shirkadda inta laga helaayo Shirkad kale, arrintaasi oo ay ku gacan seyrtay Shirkadda daabicista Baasaboorka Somaliga. Lama oga sida loo xaliyay caqabadaasi taagnayd, balse daabicista Baasaboorka ayaa dib loo bilaabay, waxaana dadka ay yihiin kuwa soo dhaweeyay xalinta mushkiladan. Dad badan oo arday, ganacsato & dad xanuunsan oo arrimo caafimaad awgeed u bixi rabay ayaa u xanibnaa Baasaboorka. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha u magacaabay garsooraha heerka caalami ee Sooomaliya ahna guddomiyaha isboortiga gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish. 17-August 2017:-Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii hore gudiga garsoorayaasha kubbada cagta marxuun Cusmaan Jaamac Diraac.,dilka ayaa la sheegay inay geysteen kooxo ku hubeysanaa bastoolado waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay masaajid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda. Marxuum Diraac ayaa shaqadda garsoorka dalka waxa uu ku soo biiray sannadkii 1986-kii, isagoo soo dhex dhexaadiyay ciyaaraha Kubbadda Cagta,Laliska iyo kubbadda cagta Gacanta. “Waxaa uu ku dadaalayay hormarinta Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Africa, waxaa uu ka mid ahaa xubnaha kubbadda Cagta adduunka, qoyskiisa iyo dadka isaga jeclaa waa uga tacsiyeeyneynaa, waa arrin murugo leh dhacdadaasi’’waxaa sidaas sanadii 2017 sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka Gianni Infatntino.Garsoore Xassan Wiish ayaa ka hor inta aan loo magacaabin xilkan waxa uu Goobjoog u sheegay in Soomaaliya ay rajo ka qabto isticmaalka adeega muuqaal caawiyaha garsoorayaasha ee loo yaqaan VAR. “Dalkeena markii loo eego horomarka iyo fahanka bulshada ee xaga ciyaaraha waxa uu ka horomar sanyahay wadamo badan oo bariga iyo bartamaha Afrika hadii ay arinta lagu dhaqaaqana waa talaabo ku tusinaysa isku tashiga bahada ciyaaraha Soomaaliya”waxaa sidaas qaba Goobjoog Sport u sheegay Xasan Yabarow Wiish. Si kastaba bahda ciyaaraha ayaa guul iyo horomar u rajeeyay guddomiye Xasan Wiish iyagoo sheegay in ay ka sugayaan in wax badan ku soo kordhiyo xafiiska loo magacaabay. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  10. Mombassa (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ayaa waxaa ay xabsi daa’in ku xukuntay Aabbe iyo wiilkiisa oo ay Maxkamadda ku heshay in ay taageereen Fasuul Cabdalla oo ka tirsanaa Al-Qaacidda. Fasuul waxaa lagu dilay Soomaaliya, waxaase loo heystaa in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Saafaradda Mareykanka ee sanadkii 1998dii iyo weerarkii Hotel Paradise ee 2002dii ka dhacay Mombasa. Weerarkaas waxaa ku geeriyooday dad tiradoodu gaareysay 219 qof, waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale. Maxkamadda Magaalada Mombasa ayaa Mahfudh Ashur Hemed iyo wiilkiisa Ibraahim Mahfudh Ashur ku heshay in ay taageereen Fasuul, sidoo kalena gurigooda uu degay intii uu qorshaha weerradaas dejinayay. Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in xukunka ugu sarreeya lagu xukumo labada Nin. Qareennada difaacayay Odayga iyo wiilkiisa ayaa sheegay in Odayga uu mas’uul ka yahay labo gabdhood oo yar yar kuwaas oo ay hooyadood dhimatay sidaas darteedna uu xukunka noqdo mid dhaqancelin ah ee uusan aargoosi noqon. Mahfudh Ashur iyo wiilkiisa ayaa 11kii sano ee la soo dhaafay si joogta ah u tagayay maxkamadaha intii ay dacwaddooda socotay,qareennadooda ayaa codsaday in xukunka hadda ku dhacay uusan noqon mid xabsi ah hayeeshee loo oggolaado in ay koriyaan carruurta yar yar ee hooyadood ka dhimatay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  11. The Foreign and Commonwealth Office (FCO) advise against all travel to Somalia, including Somaliland except for the cities of Hargeisa and Berbera to which the FCO advise against all but essential travel. Any British nationals in areas of Somalia to which the FCO advise against all travel should leave. Any British nationals in Hargeisa or Berbera who are not on essential travel should leave. Any British national visiting Hargeisa or Berbera should exercise a heightened level of vigilance and take care in public places where people gather. Monitor local and international media to avoid any demonstration or disturbance taking place. Leave any area of unrest quickly and don’t attempt to watch or photograph it. Terrorists are very likely to try to carry out attacks in Somalia. There is a high threat of kidnap throughout Somalia. Terrorist groups have made threats against Westerners and those working for western organizations There is a constant threat of terrorist attack in Mogadishu and terrorists continue to plan attacks against westerners in the rest of Somalia including Somaliland. On 14 October 2017, a large truck bomb exploded in central Mogadishu (Hodan District). This was Somalia’s deadliest ever terror attack with over 300 killed and hundreds more injured. Attacks continue to occur in Mogadishu and elsewhere in Somalia Terrorist attacks could be indiscriminate, including in crowded places, high-profile events, events involving government officials and in places visited by foreigners. Due to their use by government officials, hotels are considered legitimate targets by terrorist groups. See Terrorism There is a high threat of maritime crime in the territorial and international waters off Somalia and attack remains a significant threat in the Gulf of Aden and the Indian Ocean. See Sea travel All areas across Somalia are suffering food shortages resulting in the displacement of thousands of Somali people including those caused by Tropical Storm Sagar in the north and flooding in the south. See Local travel. The post UK issues travel warning over insecurity in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  12. An immigration judge approved the release of Abdulkadir Sharif Abdi on Tuesday in a courtroom full of cheering friends and relatives, the latest twist in his long fight to avoid deportation to Somalia. The government has increased deportations to Somalia in recent years, but the Twin Cities immigration court agreed to take another look at Abdi’s case last year after his attorney, John Bruning, said that his client’s criticism of extremist group al-Shabab and its efforts to recruit local men could endanger him if he returned to his homeland. After moving to the U.S. as a refugee in the 1990s, Abdi joined a gang and was convicted of car theft, receiving stolen property and three drunken-driving charges. He received a deportation order in 2002 and checked in with immigration officials for years — in the meantime leaving the gang life, sobering up and becoming a leader in the Somali addiction recovery community. He became a housing manager at the Park Avenue Center, a Minneapolis alcohol and drug treatment facility. But in January 2018, Abdi was detained at a routine check-in. He was scheduled to last March to be a passenger on a deportation flight of 69 Somalis, two-thirds of whom had criminal convictions, according to Immigration and Customs Enforcement. Abdi’s attorney sought a so-called withholding of removal, a sort of legal limbo that prevents him from being deported while not guaranteeing him asylum or citizenship. Judge Sarah B. Mazzie granted that request in November, but Abdi remained in detention at the Freeborn County jail pending a final custody review. On Tuesday, Mazzie ordered him to be released on his own recognizance. “I know we have a bright future,” said Rhoda Christenson, Abdi’s wife. “He’s going to be OK … and for that I’m grateful.” Abdi will still have periodic check-ins with immigration authorities, but Christenson said she was working with attorneys to try to prevent him from having to do so indefinitely. Anab Ali, his sister, also cheered the decision outside the courtroom. “Every mistake he made when he was so young,” she said. “He changed a lot a long time ago.” The post US Judge releases man facing deportation to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Paul wuxuu ahaa shakhsi u dhaxeeya dhimasho iyo nolol Alle ayaana ku xukumay insaanka oo dhan muslim iyo gaal, wuxuuna Puntland ku yimid magaca maalgashiga [...] Source
  14. Xidiga qadka dhexe ee kooxda Muqdisho City Club Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa markii ugu horeesay loogu yeeray waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya ee isu diyaarinayo in ay caasimada Muqdisho kulan saaxiibtinimo kula ciyaaraan 20-jirada xulka qaranka Eretria. 25-08-2016- ayay aheyd markii uu laacib Xasan Santos ka tagay kooxdiisii hore Dekedda wuxuuna xidigan xiligaas ilaa iminka uu qeyb ka yahay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club. 20-October 2018-Xasan Santos waxa uu koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse kula guulaystay kooxdiisa Muqdisho City waxayna u aheyd koobkii ugu horeeyay uu la qaaday tan iyo kolkii uu kusoo biiray. “Xassan Santos waxa uu ka mid yahay xidigaha ugu tayada wanaagsan kooxdeena taageerayaal badan ayaa jecel xirfadiisa waxayna kooxda ku xasuusanaynaa shaqadii wacneyd uu la qabtay sanadkii lasoo dhaafay” waxaa sidaas sheegay guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh. 01-Janaayo 2019-ciyaaryahan Xassan Maxamed Xassan Santos ayaa isna ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Soomaaliya sanadkii tagay 2018 isagoo abaal marinta ku garaacay xidigaha ay sida u xifaaltamaan ee kala ah Mustaf Maxamed Yuusuf oo ka tirsan kooxda Heegan,Xassan Cabdi Nuur oo isna u dheela Horseed iyo laacib Maxamuud Cabdi Nuur oo usna u ciyaara naadiga Horseed,Santoos ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarinta uu hantay,isagoo u mahad celiyay dadkii u codeeyay iyo kuwii uu kaga guulaystay. 29-Janaayo 2019-taageerayaasha iyo maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa Xasan Santos gudoonsiiyay abaal marinta goolkii ugu quruxda ay kooxda Muqdisho City dhalisay sanadkii lasoo dhaafay 2018 wuxuuna sheegay in uu u mahad celinayo jamaahiirta kooxdiisa. Kooxda Muqdisho City sidoo kale xidigaha kale ee loogu wacay u ciyaaritsa xulka qaranka waxaa ka mid ah Axmed Cabdulahi Cabdi ( Baanuu) oo daafac ka ciyaara xidigan u dheelista xulka waxa uu kusoo biiray sanadii 2016 sidoo kale waxaa xulka qeyb ka ah Cali Cumar Cali (Cali Yare) oo isna ka dheela qadka dhexe Cali kaliya hal mar ayuu xertay maaliyada xulka waxayna aheyd 13-December 2018 kulan ciyaareed saaxiibtinimo ay wada dheeleyn dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti. Axmed Cabdullahi Cabdi iyo Cali Cumar Cali ayaa taageerayaasha kooxdooda Muqdisho City ka gaduumay abaal marinada kala ah daadicii iyo qadkii dhexe ugu wanaagsanaa sanadkii lasoo dhaafay 2018 Kaliya intaa ma ahan oo naadiga Muqdisho City waxaa sidoo kale loogu yeeray Abukar Cabdulahi Siidow oo isagana ka dheela qeybta daafac waxaana arinta baraha bulshada ku gorfeeyay taageerayaasha kooxda. “Waa horomar weyn intaa iyo ka badan ayaa ka rajaynaynaa in ay matalaan xulka qarankeena waa sharaf iyo guul usoo hooyatay maamulka iyo taageerayaasha kooxda Muqdisho City heegsigeenu waa horomar iyo tayo” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddomiyaha kooxda Muqdisho Abuukar Maxamed Sheekh. Si kastaba Xulka qaranka Soomaaliya ee 20-jirada ayaa ku xareysan garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan,iyagoo si wanaagsan iskugu diyaarinaya kulan saaxiibtinimo ay la balan sanyihiin dhigoda Eretria. Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  15. Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka digay in Laxaraasho Shidaalka Soomaaliya, oo la sheegay in 7da bishan ay Shirkado Ajnabi ah kala iibsan doonaan. Halkaan [...] Source
  16. Somali Prime minister, Hassan Ali Khaire held a meeting with Southwest State president, Abdiaziz Hassan Mohamed [Lafta Garen], for the first time since his election in December. The PM has received the regional leader at his office in Mogadishu on Tuesday night. Lafta Garen, a former Somali Energy minister was elected as Southwest State president during a presidential election took place in Baidoa last December. His election was marred by allegations of vote-buying and manipulation in the electoral process of the regional state. Prior to his election, 15 civilians were shot dead by police in the city during a violent riot broke out following the arrest of former Al-Shabab deputy commander, Mukhtar Robow. The Federal government of Somalia detained Robow in Mogadishu prison and said international sanctions remain imposed on him after his defection from Al-Shabaab. UN demanded answers from Somali government on the legal basis for the arrest of Robow and called for investigations into the deaths during the protests. This has led to the expulsion of United Nations envoy, Nickolas Haysom. The post Somali PM receives Southwest State leader at his office in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaaladaasi kulan gaar ah ku yeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Kulankaasi ayaa ka dhacay guriga Ugaaska, kadib markii Xasan Sheikh uu magaalada Beledweyne Shalay gaaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud. Kulankaasi oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa Xasan Sheikh Maxamuud uu u muuqday mid uu ku dhaqan gelinayay hadal shalay ka sheegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa shalay sheegay inuu qancin doono cid walbaa oo tabasho ka muujisay hanaankii loo maray dhismaha maamulka Hirshabeelle oo muddo badan la isku hayay. Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kamid ahaa dadkii sida weyn u dhaliilsanaa dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo hanaankii maamulkii Xasan Sheikh Maxamuud ay u mareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. US forces have carried out two precision airstrikes against Al-Shabab in Somalia over the past 48 hours, United States Africa Command (AFRICOM) said in a press release on Tuesday. “In support of the Federal Government of Somalia’s increased efforts to degrade Al-Shabab, US Africa Command conducted two airstrikes in separate engagements in the last 48 hours,” AFRICOM said. “These precision airstrikes support Somali partners’ ongoing efforts to reduce al-Shabaab safe havens, degrade the terrorists’ infrastructure, and destroy terrorist equipment.” The first airstrike on February 3 targeted militants in the area of Gandarshe, in the Lower Shabelle Region, AFRICOM said. The second attack on February 5 targeted the vicinity near Leego, in the Bay Region, it added. “At this time, it was assessed no civilians were injured or killed in either airstrike,” AFRICOM said. Al-Shabab emerged in Somalia in 2006 and has claimed numerous terrorist attacks throughout the region. The group has sworn allegiance to the Al-Qaeda. The post US military conducts two airstrikes in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in kulan saacado qaatay ay yeesheen madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed iyo ra”isul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre. Kulankaasi oo arimo badan looga hadlayay ayaa waxaa diiradda lagu saaray sii deynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo xaaladihii ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Senetaro ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka iyo xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed kuwaasi oo ku wehlinayay safarka uu kaga yimid magaalada Baydhabo. Xildhibaanada iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa iska xog waraystay xaalladda guud ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo Xildhibaanada u sheegay in la joogo xilligii loo midoobi lahaa wax u qabashada bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed. Ma jirto xog dheeri ah oo warbaahinta laga siiyay kulanka gaarka ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Waxa isa soo taraya loolanka ay xubno ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ugu jiraan jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, marka uu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbiga oo qorshaysan February 23. Jagadan oo uu baneeyay Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo ay hoggaanka xisbigu xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen, ayaa waxa ay warar soo baxay sheegayaan inay buuxinta jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u tartamayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa. Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu taageero u helo damaciisa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE marka uu qabsoomo shirka la muddeeyay bisha February, waxaanu doonayaa inuu buuxiyo jagadaas uu baneeyay Jaamac-shabeel. Xidlhibaan Warfaa oo wakhtigan si ku meelgaadh ah u haya xilka guddoomiyaha golaha dhexe, oo uu hoggaanka xisbigu ku meelgaadh ahaan ugu magacaabay ka dib markii bishii September ee kal hore xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga qaaday guddoomiyihii golaha dhexe Jaamc-Shabeel, ayaa isna baratan ugu jira sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha golaha dhexe. Labadan xildhibaan, ayaa la eegi doona ninka ku guulaysta inuu noqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, laakiin waxa hubaal ah inuu guulaysan doono hadba ninka ay madaxtooyadu taageerto. Jagadan oo uu baneeyay Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo ay hoggaanka xisbigu xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen, ayaa waxa ay warar soo baxay sheegayaan inay buuxinta jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u tartamayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa. Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu taageero u helo damaciisa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE marka uu qabsoomo shirka la muddeeyay bisha February, waxaanu doonayaa inuu buuxiyo jagadaas uu baneeyay Jaamac-shabeel. Xidlhibaan Warfaa oo wakhtigan si ku meelgaadh ah u haya xilka guddoomiyaha golaha dhexe, oo uu hoggaanka xisbigu ku meelgaadh ahaan ugu magacaabay ka dib markii bishii September ee kal hore xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga qaaday guddoomiyihii golaha dhexe Jaamc-Shabeel, ayaa isna baratan ugu jira sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha golaha dhexe. Labadan xildhibaan, ayaa la eegi doona ninka ku guulaysta inuu noqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, laakiin waxa hubaal ah inuu guulaysan doono hadba ninka ay madaxtooyadu taageerto. Waxa isa soo taraya loolanka ay xubno ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ugu jiraan jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, marka uu qabsoomo shirka golaha dhexe ee xisbiga oo qorshaysan February 23. Jagadan oo uu baneeyay Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo ay hoggaanka xisbigu xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen, ayaa waxa ay warar soo baxay sheegayaan inay buuxinta jagada guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE u tartamayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa. Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere ayaa bilaabay olole uu ku doonayo inuu taageero u helo damaciisa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE marka uu qabsoomo shirka la muddeeyay bisha February, waxaanu doonayaa inuu buuxiyo jagadaas uu baneeyay Jaamac-shabeel. Xidlhibaan Warfaa oo wakhtigan si ku meelgaadh ah u haya xilka guddoomiyaha golaha dhexe, oo uu hoggaanka xisbigu ku meelgaadh ahaan ugu magacaabay ka dib markii bishii September ee kal hore xilkii iyo xubinimadii xisbigaba laga qaaday guddoomiyihii golaha dhexe Jaamc-Shabeel, ayaa isna baratan ugu jira sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha golaha dhexe. Labadan xildhibaan, ayaa la eegi doona ninka ku guulaysta inuu noqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, laakiin waxa hubaal ah inuu guulaysan doono hadba ninka ay madaxtooyadu taageerto. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Wixii ka dambeeyay duhurnimadii Isniintii, waxa baraha bulshada iyo goobaha ay ku sheekaystaan shacabka Somaliland qabsatay daynta 80-ka milyan ee dollar ah ee la sheegay in Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ku wareejiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xildhibaan Buubaa, wuxuu sheegay in Wasiir Sacad Cali Shire oo la kulmay guddiga ilaalinta hantida qaranka uu u sheegay in xukuumadda Madaxweyne Biixi la daalaa dhacayso bixinta dayntaas 80 ka milyan ee dollar ah. Dayntan ayaa sida uu xildhibaanku sheegay waxa uu Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ku wareejiyay Madaxweynaha imika talada haya ee uu talada ku wareejiyay Muuse Biixi Cabdi, waaanu xildhibaanku sheegay in dayntaasi culays ku hayso xukuumadda iyo guud ahaan qarankaba. Shacabka ayaa dareen layaab leh ku qaabilay dayntaas, waxaanay su’aalo badan iska weydiinayaan sida dayntaas loo galay iyo weliba kalsoonida lagu qabi karo inay tahay dayn qaranku galay. Dayntan ayay hadal haynteedu soo baxday markii Madaxweyne Biixi loo dhaariyay xilka qaranka bishii December ee sannadkii 2017, laakiin wasiirkii maaliyadda ee wakhtigaas Samsam Cabdi Aadan ayaa markii ay xilka wareejinaysay waxay sheegtay inaanay wareejinayn wax dayn ah. Haddii ay dayntani jirto waxay caqabad ku noqonaysaa qorshayaashii Madaxweyne Muuse Biixi uu doonayay inuu ku talaabsado shanta sannadood ee la doortay, waxaanay shacabku sugayaan in Madaxweyne Biixi Sidoo waxa haddii ay jirto ay ceeb ku noqonaysaa maamulkii Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo aan hore loo arag Madaxweyne Somaliland soo maray oo dayn intan leeg ku wareejiya Madaxweynaha xilka kala wareegay tan iyo sannadkii 1991. Wasiirkii hore ee Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo dalka dibadiisa ku sugan ayaa imikana sheegtay inaanay dayntaasi jirin. Inkastoo ay Samsam Cabdi Aadan, ku dooday inaanay jirin dayntaasi diyaarna ay u tahay inay si cad uga difaacdo madal furan, haddana shacabku weli ma liqin doodda Wasiir Samsam. waxaanay sugayaan inuu jiritaanka dayntan ka hadlo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maadaama oo uu isaga qaranku doortay. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa isna laga sugayaa inuu ka hadlo maadaama oo haddii ay dayntani jirto ay taariikhdiisa u galayso. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahin Shirwac, ayaa shalay kulan ballaadhan la qaatay Madaxa Mashaariicda Horumarinta Midawga Yurub ee waddamada Geeska Afrika, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac. Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahin Shirwac, ayaa kadib markii uu kulankaasi soo dhamaaday la hadlay warbaahinta waxaanu sharraxaad ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxa horumarinta mashaariicda midawga Yurub ee dalalka geeska Afrika. Wasiirka oo arrimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu qaabilnay wefti ballaadhan oo dalka Somaliland yimid, weftigaas oo uu hogaaminayo madaxa horumarinta mashaariicda midawga Yurub ee dalalka geeska Afrika. Kuwaasi oo nagala shaqeeya mashaariic badan oo uu ka mid yahay mashruuca horumarinta biyaha ee caasimadda Hargeysa iyo mashaariico kale oo waayan.” Mudane Cawaale waxa uu intaasi raaciyay “Sida aad ogtihiin midawga Yurub waxa uu ka mid yahay Hay’addaha Somaliland kala shaqeeya arrimaha horumarka iyo mashaariic badan oo aad u waawayn, aad baan ugu faraxsanahay in ay iyagu Somaliland si toos ah ula xidhiidhaan oo ay ula shaqeeyaan, waxa kale oo aan ku faraxsanahay in ay maanta booqan doonaan mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo ay iyagu maalgeliyeen, waxaannu rajaynayanaa in wada shaqayntayadu aad uga sii fiicnaan doonto halka ay hadda marayso.” Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay daynta 80-million, ee hadda soo baxday ee la sheegay in Xukuumaddii hore ka tagtay. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu Somaliland ula dhaqmo sidii Maamul Goboleedada oo kale, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadaya dayntan la sheegay inay Xukuumaddii hore ka tagtay “Foojarka marka la sameeynayo waxaa uu soo maraa oo saxeexa waa Xisaabiyaha, waxaa sidoo kale saxeexa Wasiirka Maaliyadda, markaas Samsam Cabdi Aadan, waxay sheegtay in aanay wax dayn ah haba yaraate ka tagaynin, maantana waxaa soo baxday 80-milyan oo dayn ah oo Xukuumaddii hore ka tagtay, waxaan leeyahay kamay tagin dayntaas oo dhan, laakiin khalad baa jira, ee Barlamaan ahaan waxaanu leenahay Hanti-dhawruhu baadhitaan ha sameeyo, oo dayntani halkay ka timid, qaabka ay ku timid ha soo saaro, sidoo kale ha soo saaro qaabka ay ku baxeen foojarada la saxeexay iyo kuwa aan la saxeexinba,waliba waxaan Hanti-dhawraha leeyahay waa inaad soo saarta qaabka hantida umadda loo lunsaday, cidda magaca Dawladda ku lunsatay hantida umadda, iyo qaabka dayntani ku timid, Madaxweynahana waxaan leeyahay mar haddii Samsam Cabdi Aadan sheegtay inaan wax dayn ah ka tagin, Ina Xaashi oo ahaa Wasiirka Madaxtooyada ha la weydiiyo, dayntan 80-milyan ahi halkay ka timid, iyo qaabka loo isticmaalay”. Xildihbaan Nacnac mar uu ka hadlaayey Turkiga ayaa yidhi “Itoobiya iyo Eratariya wey kala go’een, Masar iyo Suuriya wey kala go’aan, Suudan iyo Koonfurta Suudan wey kala go’een, sidaas ayey u kala go’een Somaliland iyo Somaliya, oo waliba markii hore isku biiray, sidaas awgeed Turkigu Somaliland wuxuu ulama dhaqmaa sidii Maamul Goboleed oo kale, haddii Safaaraddiisa ku taala dalkeena wax looga baahdo dadkeena aad buu u cadaadiya, sidaas oo ay tahay wada hadalada dhex kama noqon karo ee Wadamo dhex ka noqon kara ha martigaliyaan, walibana waxaa dhab ah halka uu Somaliland uu ka cadaadiyo, Somaliya taageero laxaad leh ayuu la garab taagan yahay, kharashaad aad u badana uu siiya” Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay markii ugu horeysay muddo bil iyo maalmo kadib goorta laso magacaabayo wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaanaya Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa sheegay inuu tagayo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arimaha Africa. Wuxuu amaanay dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay hadda gaaray horumar badan, islamarkaana loo baahan yahay in Caalamka ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhawaan lasoo magacaabi doono wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo sheegay inay socdaan latashiyo badan oo ay sameynayaan. Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayuu sheegay inuu soo hagaagayo xiriirkooda oo mugdi aan buurneyn uu galay tan iyo horaantii sanadkaan oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Haysom. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda lagu dhaliilay go’aana tooska ahaa ee ay ka qaadan Nicholas Haysom, waxaana Dowladda llagu wargeliyay inay ka taxadarto go’aanadaasi oo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. (SLT-Nigeria)-Madaxeyne Muhammadu Buhari ayaa taageero aan la fileeyn ka helaya wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaasi Olusegun Obasanjo, oo lagu magacaabo Olujonwo Obasanjo, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ee dalka Nigeria. Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Obasanjo aya sanadkii hore ugu baaqay madaxweynaha haatan talada haye ee Muhammadu Buhari,hadda oo uu ku jiro olole doorasho in uu xilka ka dego. Wiilkan ayaa hoggaamiya urur ay ku mideysan yihiin dhallinyaro ah oo taageero Muhammadu Buhari. “Taageerayaasha Buhari waxaa ay joogaan dhamaan dunida” ayuu yiri wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Obasanjo. Olujonwo Obasanjo ayaa madaxweyne Buhari taageera uga raadinaya qurba joogta reer Nigeria ee ku dhaqan dalka Mareykanka iyo dhammaan dunida. Atiku Abubakar, oo mar ahaan jiray madaxweyne ku xigeen intii u dhaxeeysay sanadihii 1999-kii iyo 2007-dii ayaa ah ninka loolanka adag kula jira madaxweyne Muhammadu Buhari oo hadda dadaal ugu jira sidii uu mar kale u hanan lahaa kursiga ugu sarreeya dalkaasi. Source