Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,362
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xukuumaddii Kulmiye ee sanadkii 2010 talada dalka kala wareegtay xukuumaddii UDUB ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay qasnad madhan iyo dayn kala wareegtay xukuumaddii Daahir Rayaale laakiin, sanad kadib xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo waxa si lama filaan ah uga qaraxday xaddiga daynta ay kala wareegtay xukuumaddii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo. Waa dayn ka badan tii Siilaanyo kala wareegay Rayaale. Marka la isla akhriyo dooddii wasiirkii hore ee maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo warbixin uu wasiirkii maaliyadda ee xilka kala wareegay xukuumaddii Riyaale Eng Maxamed Xaashi Cilmi qoray 2012 waxa muuqata in aanay lacagta la isku wareejiyay ahayn dayn rasmi ah oo dawladdu qaadatay laakiin, ay u badan tahay lacago dad laga qaatay oo aan nidaamka saxda ah marin ee dawladdu wax u daynsato. Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sanadkii 2012 difaacaya miisaaniyaddiisii oo wasiirkii xilka kala wareegay ee Cabdicasiis Samaale naqdiyay naqdiyay ayaa sheegay in xukuumaddii Rayaale aanay wax dayn ah ka tagin laakiin, ay ka tagtay lacag todobaatan milyan ah oo siyaabo kale loo lunsaday. Lacagtaas waxay ka yar tahay lacagta 80-ka Milyan ee dollar ah ee xukuumaddii Siilaanyo ku wareejisay tan Madaxweyne Biixi. Dib u milicso qoraalkii Eng Maxamed Xaashi ee 2012 “Wargeyska Jamhuuriya, Vol.19 cadadka 4951 ee Axad, 21 October 2012 ayaa qoray hadal uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda oo ahaa; ‘Miisaaniyaddu 2012 waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Waxa jira 10 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo lagu qoray deeq amma deyn. Hadday tahay deyn miisaaniyadda ma galayo, hadday deeq tahayna, waayo ma jirto deeq toos la inoo siiyaa oo hay’aduhu waxay bixiyaan iyagaa toos u maamula. Waa laga yaabaa wixii wanaag ah ee dhaca in hoggaanka dalku qaybta ugu weyn yeesho, guul-darradana la wada yeesho ilaa hoggaanka u sarreeya. Haddii aan wax ka idhaa saddexdan arrimood ee Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay; Miisaaniyadda 2012 ee aan wasiirka ku wareejiyey waxay ahayd odoros (Estimate). Odorosku wuu noqon karaa intii la qiyaasay. Wuu ka yaraan karaa, wuuna ka badan karaa. Waxaan meesha qaban, ‘Miisaaniyaddu waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Kalmadda buun-buunin waxay xambaarsan tahay khalad loola kacay, mid meesha qabatana ma aha. Wasiirku dhinaca kale wuxuu qirayaa in la gaadhi karo odoraska miisaaniyadda 2012 ee $106 milyan ah, aniguna waan qabaa sidaa. Qodobka kale ee 10 milyan oo dollar miisaaniyadda way ku geli karaan deeq amma deyn. Deeqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland lagu caawiyo waa inay ka muuqataa miisaaniyadda qaranka, deyntuna waa inay iyana ka muuqataa miisaaniyadda oo labadaba lagu qoraa, miisaaniyadiihi horena way ku jiraan. Mucaawanada la ina siiyaa waa deeq dalka soo gashay, haddii aan deyn qaadanno amma baanka ka qaadanno amma tijaarteenna aan ka qaadannee waa inay galaan miisaaniyadda. Sidii horeba loo yidhi, xilku waa meerto, balse qof walba wuxuu ku suntan yahay, wixii uu qabto iyo waqtiga uu qabto. Haddii aan wax ka taabto amma is-barbardhigo; xaaladdii aan anigu kagala waareegay wasiirkii iga horreeyey iyo xaaladdii aan ku wareejiyay, wax badan baa u dhexeeya. Waxaan qabaa in wasiir Cabdicasiis iga nasiib wanaagsanaa. XAALADDDII AAN DHAXLAY: Guddidii loo saaray ee ka koobnayd; Hantidhawrka, Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxay baadhitaankii ka soo bilowday 2002 ilaa July 2010. Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa. Waxa dheeri soo hadhay Sl/Sh. 322.7 bilyan ($53.7 milyan). Markaa waxay guddidaasi caddeeyeen in aanay wax deyn la yidhaa jirin. Waxase jiray lacag maamulkii Rayaale lunsaday oo gaadhaysay $70,295,820 doollar iyo hanti ma-guurta ah oo la lunsaday. Waxay noqotay in aannu bixinno deyntii ay dadweynaha ka qaateen, mushaharooyinkii dhowrka bilood taagnaa ee shaqaalaha iyo ciidammada iyo raashinkii, ciidammada, cusbitaallada iyo jeelasha, nidaam dhisan oo aan la wareegayna ma jirin. Source
  2. Dib U Milicso Dayntii Siilaanyo Kala Wareegay Rayaale Oo Ay Ka Badan Tahay Daynta Biixi Kala Wareegay Siilaanyo Xukuumaddii Kulmiye ee sanadkii 2010 talada dalka kala wareegtay xukuumaddii UDUB ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay qasnad madhan iyo dayn kala wareegtay xukuumaddii Daahir Rayaale laakiin, sanad kadib xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo waxa si lama filaan ah uga qaraxday xaddiga daynta ay kala wareegtay xukuumaddii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo. Waa dayn ka badan tii Siilaanyo kala wareegay Rayaale. Marka la isla akhriyo dooddii wasiirkii hore ee maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo warbixin uu wasiirkii maaliyadda ee xilka kala wareegay xukuumaddii Riyaale Eng Maxamed Xaashi Cilmi qoray 2012 waxa muuqata in aanay lacagta la isku wareejiyay ahayn dayn rasmi ah oo dawladdu qaadatay laakiin, ay u badan tahay lacago dad laga qaatay oo aan nidaamka saxda ah marin ee dawladdu wax u daynsato. Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sanadkii 2012 difaacaya miisaaniyaddiisii oo wasiirkii xilka kala wareegay ee Cabdicasiis Samaale naqdiyay naqdiyay ayaa sheegay in xukuumaddii Rayaale aanay wax dayn ah ka tagin laakiin, ay ka tagtay lacag todobaatan milyan ah oo siyaabo kale loo lunsaday. Lacagtaas waxay ka yar tahay lacagta 80-ka Milyan ee dollar ah ee xukuumaddii Siilaanyo ku wareejisay tan Madaxweyne Biixi. Dib u milicso qoraalkii Eng Maxamed Xaashi ee 2012 “Wargeyska Jamhuuriya, Vol.19 cadadka 4951 ee Axad, 21 October 2012 ayaa qoray hadal uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda oo ahaa; ‘Miisaaniyaddu 2012 waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Waxa jira 10 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo lagu qoray deeq amma deyn. Hadday tahay deyn miisaaniyadda ma galayo, hadday deeq tahayna, waayo ma jirto deeq toos la inoo siiyaa oo hay’aduhu waxay bixiyaan iyagaa toos u maamula. Waa laga yaabaa wixii wanaag ah ee dhaca in hoggaanka dalku qaybta ugu weyn yeesho, guul-darradana la wada yeesho ilaa hoggaanka u sarreeya. Haddii aan wax ka idhaa saddexdan arrimood ee Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay; Miisaaniyadda 2012 ee aan wasiirka ku wareejiyey waxay ahayd odoros (Estimate). Odorosku wuu noqon karaa intii la qiyaasay. Wuu ka yaraan karaa, wuuna ka badan karaa. Waxaan meesha qaban, ‘Miisaaniyaddu waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Kalmadda buun-buunin waxay xambaarsan tahay khalad loola kacay, mid meesha qabatana ma aha. Wasiirku dhinaca kale wuxuu qirayaa in la gaadhi karo odoraska miisaaniyadda 2012 ee $106 milyan ah, aniguna waan qabaa sidaa. Qodobka kale ee 10 milyan oo dollar miisaaniyadda way ku geli karaan deeq amma deyn. Deeqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland lagu caawiyo waa inay ka muuqataa miisaaniyadda qaranka, deyntuna waa inay iyana ka muuqataa miisaaniyadda oo labadaba lagu qoraa, miisaaniyadiihi horena way ku jiraan. Mucaawanada la ina siiyaa waa deeq dalka soo gashay, haddii aan deyn qaadanno amma baanka ka qaadanno amma tijaarteenna aan ka qaadannee waa inay galaan miisaaniyadda. Sidii horeba loo yidhi, xilku waa meerto, balse qof walba wuxuu ku suntan yahay, wixii uu qabto iyo waqtiga uu qabto. Haddii aan wax ka taabto amma is-barbardhigo; xaaladdii aan anigu kagala waareegay wasiirkii iga horreeyey iyo xaaladdii aan ku wareejiyay, wax badan baa u dhexeeya. Waxaan qabaa in wasiir Cabdicasiis iga nasiib wanaagsanaa. XAALADDDII AAN DHAXLAY: Guddidii loo saaray ee ka koobnayd; Hantidhawrka, Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxay baadhitaankii ka soo bilowday 2002 ilaa July 2010. Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa. Waxa dheeri soo hadhay Sl/Sh. 322.7 bilyan ($53.7 milyan). Markaa waxay guddidaasi caddeeyeen in aanay wax deyn la yidhaa jirin. Waxase jiray lacag maamulkii Rayaale lunsaday oo gaadhaysay $70,295,820 doollar iyo hanti ma-guurta ah oo la lunsaday. Waxay noqotay in aannu bixinno deyntii ay dadweynaha ka qaateen, mushaharooyinkii dhowrka bilood taagnaa ee shaqaalaha iyo ciidammada iyo raashinkii, ciidammada, cusbitaallada iyo jeelasha, nidaam dhisan oo aan la wareegayna ma jirin. Qaran News
  3. (SLT-New York)-Waxaa la saadaalinayaa in heerkulku shanta sano ee soo socota ay u badan tahay in uu noqdo ama ka sarreeyo 1C marka loo eego heerarkii warshadaha ka hor. Waxa kale oo jira fursad yar oo mid ka mid ah shanta sano ee soo socota la arki doono heerkulka caalamiga ah oo si ku meelgaadh ah u dhaafsiisan 1.5C. Sidoo kale arrintan ayaa loo arkaa inay tahay arrin muhiim u ah oo isbeddelka cimilada. Haddii xogta dhabta ah iyo saadaasha isku mid noqdaan, tobanka sano ee socda laga soo bilaabo 2014-2023 waxay noqon doontaa midka ugu kulul in ka badan 150 sano oo ah inta la ogyahay ee diwaangashan. Xafiiska Met ayaa sheegay in 2015 oo ahaa sannadka ugu horeeyay ee heerkulka caalamiga ah gaadho celceliska 1C ama ka sarreeyo heerkii hore ee warshadaha, taas oo guud ahaan loo qaadaanayo si loo macneeyo heerkulka u dhaxeeyey sannadihii 1850 illaa 1900. Sannad kasta tan iyo wakhtigaas, celceliska adduunka ayaa ku dhawaaday ama ka sarreeyay calaamadda 1C. Hadda, Xafiiska Met-ku wuxuu sheegayaa in ay dhici karto in ay sii socoto ama sii korodho shanta sano ee soo socota. Xafiiska Met ayaa sheegay in 2015 oo ahaa sannadka ugu horeeyay ee heerkulka caalamiga ah gaadho celceliska 1C Xafiiska Met Office ayaa sheegayin ay 90% ku kalsoon yihiin in saadaashoodu dhab noqon doonto. Sida oo kale waxa ay sheegayaan in laga bilaabo 2019 illaa 2023, la arki doono heerkulka oo u dhaxeeya 1.03C ilaa 1.57C ee ka sarreeya heerarka 1850-1900, iyada oo kulayl badan ahaanayo caalamku, gaar ahaan aagagga Arctic. Xafiiska Met Office ayaa sheegayin ay 90% ku kalsoon yihiin in saadaashoodu dhab noqon doonto. Kooxda cilmi baarista ayaa sheegaysa in ay aad u cakirantahay saadaashooda sababtoo ah waayo-aragnimadii hore. Saadaashii hore ee kooxda, ee la sameeyay 2013-kii, ayaa saadaalisay heerka kulul ee degdegga ah ee la arkay shantii sano ee la soo dhaafay. Waxay xitaa saadaalisay qaar ka mid ah faahfaahinta yar ee la yaqaan sida sheyga qaboojinta ee lagu arkay Waqooyiga Atlantic iyo dhibcaha qaboobaha ee Badweynta Koonfureed. Maxay ka yidhaahdeen goobaha kale ee cabbira isbeddelka cimilladu? Saadaasha Metta ayaa soo baxaysa iyada oo dhowr hay’adood ay daabacayaan falanqeyntooda ku aaddan xogta oogada heerkulka laga bilaabo 2018, taasoo muujinaysa in sannadkaasi midkii afraad ee ugu kululaa illaa iyo inta diwaan gashan, tan 1850. Hay’adda caalamiga ah Saadaasha Hawada ee (WMO) ayaa daabacday falanqeynta shan shey oo caalami ah oo muujinaya in 20ka sano ee ugu kululaa la diiwaangeliyey 22kii sano ee la soo dhaafay. “nasiibdarro, saadaasha Xafiiska Met ma aha mid lala yaabo” ayay tidhi Dr Anna Jones, oo ah saynisyahan ku xeeldheer dhanka cimillada kana tirsan British Antarctic Survey Source
  4. (SLT-Washington)-Saacado kadib markii Madaxweynaha Donald Trump uu soo jeediyey khudbadiisa sanadlaha ee labada Aqal ayey xildhibaanada Mucaaridka ee xisbiga Dimuquraadiga bilaabay baaritaan cusub oo lagu sameenayo xiriirkii ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka. Trump ayaa khudbadiisii habeen hore uga hadlay in horumar badan laga gaaray dhanka ganacsiga dalkaasi iyo dhaqaalaha oo sare loo qaaday, wuxuuna sheegay in guulaha ay dowladiisa gaartay ay burbur ku keeni karto hadii lasii wado baaritaanka isaga lagu hayo oo ay abaabulayaan Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga oo hada la wareegay aqlabiyada iyo guddoonka Aqalka (Hoose ee Kongareeska) Golaha Wakiilada. Baaritaankan cusub ayaa noqon doona mid garab socda kii uu horey u waday Xeer illaaliyaha gaarka ah ee Robert Mueller. Wuxuuna baaritaankan cusub si gaar ah diirada u saari doonaa xiriirka dhaqaale ee ka dhaxeeya Donald Trump iyo Ruushka. Dimuquraadiga oo hada fursad cusub u helay Trump ayaa sidoo kale baaritaan kale ku sameyn doona canshuuraha ay bixiyeen shirkadah uu lahaa Trump oo la rumeysan yahay inuu horey u lunsaday canshuur badan. Guddoomiyaha cusub ee Kongareeska Nancy Pelosi oo ka tirsan Dimuquraadiga ayaa sheegtay inaysan u joogsan doonin hanjabaadii ka dhex muuqatay khudbadii Trump oo ku dooday in aan loo baahneyn baaritaano horleh. “…Hanjabaad Madaxweynaha maaha mid na cabsi gelineysa….” ayey tiri Ms.Pelosi. Xisbi Xaakimka Jamhuuriga ayaa sanadihii lasoo dhaafay si weyn uga hortaagnaa Baarlamaanka Maraykanka inuu baaritaan ku sameeyo Madaxweynaha, balse arrintan ayaa isbedashay kadib doorashadii Baarlamaanka ee 2018 oo aqlabiyada Kongareeska ku heleen Xildhibaanada Dimuquraadiga oo Arbacadii shalay bilaabay cadaadiska cusub oo ay saarayaan Mr.Trump. Source
  5. (SLT-London)-Haweeney u dhalatay dalka Britain ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay dharbaaxday sarkaal ka tirsan laanta socdaalka dalka Indonesia oo ku sugnaa garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Ngurah Rai oo ku yaalla magaalada Bali. Auj-e Taqaddas oo 42 jir ah ayaa lagu helay dambi ah inay rabshado dhalisay kaddib markii ay wajiga ka dharbaaxday sarkaalka isla markaasna ay xoog kaga qaadatay Baasaborkeeda. Waxaa lagu riday xukun lix bilood oo xarig ah balse waxay ku anddacootay in xukunkaasi uu yahay mid ‘caddaalad darro ah’ Taqaddas ayaa muddo 160 maalmood dheeraad ah isaga darsatay wakhtiga uu ku ekaa dal ku galkeeda, waxaa ay muddo ku qaadatay xeebaha magaalada Bali. Markii la weyddiyay inay bixiso ganaax gaarayo $3,500, waxay u jawaabtay si caro leh iyadoo markaasi laga duubayay muuqaal. Auj-e Taqaddas ayaa ku eedeeysay dacwad oogaha maxkamadda inuu tacaddiyo u geystay isla markaasna ku qasbay inay sii joogta dalka Indonesia. Dacwad oogaha ayaa dhankiisa sheegay in wax dhibaata ah aanan loo geysan haweeneyda balse marar badan aysan soo xaadirin xilliga maxkamadda ay u qabatay dhageysiga dacwadda loo heystay. Wuxuu intaas ku daray in markaa ay ku qasbanaadeen inay si xoog ah ay maxkamadda ku horkeenaan haweeneydaas. Garsoorayaasha ku sugan maxkamadda deegaankaasi waxay sheegeen in Taqaddas ay codsatay in go’aanka maxkamadda ay ka qaadato racfaan. Source
  6. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen], ayaa Muqdisho kula kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] oo dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Baydhabo sannadkii la soo dhaafay. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in kulanku uu ka dhacay guri uu xabsi ku yahay Mukhtaar Roobow oo ay maamusho NISA, kasoo ku yaalla agagaarka xarunta Nabad-sugidda Qaranka. Sidoo kale, Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in la-sii-dayn doono Sheekh Roobow, isla markaana si hoose loo xalin doono shaqaaqadii ka dhalatay soo xiristiisii. C/casiis Lafta-gareen ayaa intaas ku daray in Sheekh Mukhtaar Roobow uu ka raalli-geliyay qaabkii loola dhaqmay iyo dhibaatooyinkii ka dhashay markii lasoo xirayay, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in wax kasta oo tabasho ah miiska wada-hadalka lagu dhameeyo. Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa horay u ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii-dayn doono Sheekh Roobow, uuna dib ugu laaban doono Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lasoo xiray xilli uu isku diyaariyay inuu ka qayb-galo doorashada madaxnimo ee Koonfur-galbeed oo dhacday daba-yaaqadii sannadkii hore, taasoo uu kusoo baxay madaxweynaha xilka haya ee Lafta-gareen oo la sheegay inay wadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa horay u ballan-qaaday inay kuraasta ka dagayaan haddii lasoo dayn waayo Abuu Mansuur oo horay uga soo goostay Kooxda Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo kulan la qaatay Mukhtaar Roobow appeared first on Puntland Post.
  7. (SLT-Addis Ababa)-Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkaasi ka sheegay mar shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba, waxaana lagu soo oogay dembiyo badan oo ay ku jirto inuu ka dambeeyey dagaal-beeleedyo ka dhacay Kilinka 5-aad. Mar uu Garsooraha Maxkamadda wax ka weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar inuu fahamsan yahay Dacwadaha loo haysto, waxa uu si kooban u sheegay inuu fahamsan yahay, isla markaana ay yihiin Eedeymo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin. Dacwadaha Cabdi Maxamuud Cumar waxaa kaloo kula eedeysnaa 47 xubnood oo ka tirsanaa Maamulkiisa, balse 6 ka mid ah ayaa loo qabtay Kiiskaasi, halka inta kalena ay ka cararay dalka Ethiopia. Xubnaha shalay dacwadda ku wehliyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ka mid ahaa Madixii Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Maamulkiisa, Raxma Maxamed Haybe, Madixii hore ee Xafiiska Arrimaha Qurbo-joogta, C/risaaq Sehane Cilmi, Taliyihii hore ee Boliska ee Maamulkii hore, Farxaan Daahir iyo labo xubnood oo kale oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Cabdi. Dhegeysiga Dacwada shalay ayaa ahayd markii 4-aad ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale la soo golo-joojiyo Maxkamadda, waxayna Maxkamadda Federalka Ethiopia sheegtay in dhegeysiga Kiisaska loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale dib u dhigtay ilaa bishan Feberaayo 27-da. Source
  8. (SLT-Dubai)-Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha’yadda Amnesty International. Sida ku xusan warbixinta ha’yadda, gawaarida tikinikada ah, madaaficda iyo hub kale ayaa loo weeciyay kooxo aan la xisbaatamin oo lagu eedeeyay in dalkaasi ay ka geysteen dambiyo dagaal. Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee dalka Yemen. Imaaraatka kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu kasoo dhoofsado Mareykanka. Talaadadii, sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa sheegay inay baarayaan in hubka la guddoonsiiyay maleeshiyaad iyo in kale. Ugu yaraan 68,000 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Yemen halka 10,700 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey. Source
  9. 2 Xilli-Dhiig qubasho oo Reer Awdal guul weyn u horseeday iyo siraha dhiig daadashada togan ka farcama !! Dr.khadar-Libaaxley. 1.Horaantii 1984 diyaarada itoobiya ayaa duqeyn xoogle ka geystay qaybo ka mid ah Somaliland, Hargaisa, Wajaale, Borama iyo Xariirad, waxa si ba’an loogu lee’day magaalada Borama oo duqeyn xoogani sabankaa ku dhacday, waxa ugu badan ee maalintaa duqeynta Borama ku dhintay (84 ciyaala iskuul ah, dhaganeysay dugsi hoose dhexe oo meel kaliya lagu wada aasay dhamaantood, waxa intaa dheeraa 24 kale oo waayeel ah oo dhaawac iyo dhimasho isugu jiray, sabankaa Borama waxa ay aheyd degmo ka mid ah gobolka maroodi jeex, imaatinkii madaxda xamar ka timi ay Borama timi iyo qiimeyntoodii xaaladu waxa ay dhashay ( magacaabistii Gobolka Awdal isla sannadkii 1984 , dadkii dhintay waxa ay illa fur u ahaayeen magacaabista guusha ku soo fool la hayd reer awdal ). 2. SNM gudagalkii Borama dadkii ku dhintay waxa ay illa fur iyo gogol xaadh u ahaayeen waxa ay maanta haystaan Reer Awdal oo ah, dawladnimo haba iska taag darnaatee, dadkoodii oo dib isugu soo wada noqday si ay u camiraan Borama iyo gobolkoodii, oo hadii aaney xamar dumi la hayn ay maanta Borama tuulo yar , oo maroodi jeex ka mida iska ahaan la ahayd, degmadana ummado kale oo koon fur kayimi qabsan la haayee, dabadeedna sidaa barlaawe yaal koon-fur goboladeeda ku baahsan iska noqon la haayeen . Siraha ka farcama dhiig daadashada togan : Sideedaba indhaha wajiga ku yaala markay bad-qabaan waxay arkaan walax kasta oo araga indhaha wajigu ay qabtaan; hayeeshee indhaha qalbiga waxa lagu arkaa – ama cilmul baadinka ( xaqiiqada xogaha dahsoon ee dunida iyo kuwa dalka aad ku nooshahay) waa deeq illaahay bixiyo oo laasimka duco iyo dikri food saar u ah. Xaqiiq aan xaqiiq loo dhaafaa jirin waxa ah ( Guulaha Aadamuhu gaadhay ama Guulaha ku soo fool leh qof , qolo, qabiil, gobol ama qaran waxa sunne buuxa oo aan shaki laheyn u ah dhimasho iyo dhiig daata ; sida gaadhi walba shidaal uu taayirka ku wareejiyo ugu baahanyahay!! Dhiiga illa furka u ah guulaha nolosha oo dhan wuxu noqon karaa mid xoolaad ama mid bini-aadam ). 1. Illaahay wuxu malaa’iigta ku war-galiyey in uu abuurayo Binu-aadam uu arlada/dunida masuul uga dhigo, malaa’iigtu waxay ku jawaabeen illaahaw ma mid dhiig ku daadiya oo fasahaadiya ayaad u dhiibaysaa arlada iyadoo annagu aanu kuu tasbiixsaneyno oo ku dahirinayno!! u fiirso mudane akhriste ( sharafka dhiigu leeyahay ) si Nabi Aadam-caleyhi salaam u dhasho, dhulka dhiig baa lagu sii rusheeyey, si lamid ah marka nin madax ah la soo dhaweynayo ee rooga cas loo sii dhigo, dhiiga dhulka ku daatay aabbeheen horteed ayaa ahaa isdilka dhiiga khal-qigii inaga horeeyey ee ay malaa’igtu ogeyd ** waxa uu gogol dhig u ahaa sirta abuuranka , jiritaanka Aadmiga iyo masuuliyada tallada arlada !!. 2. Nabi Ibrahim-caleyhi salaam sharfintii uu sharfay 2dii malag ee suurada Bini-Aadamka isku soo eekaysiiyey nabi ibraahin marti gashiimo wuxu uga dhigay gawraca ama ka dhiijinta dhiiga dibi shilis !! ka dhiijinta dibigaa uu nabi ibraahim gawracay waxa xigtay ( guusha bishaaradii nabi ibraahim ay malaa’igtu ugu bushaareeyeen *** wiilkii cilmiga badnaa ee hellay dhaxalkii aabbeheen aadam *** Nabi isxaaq caleyhuma salaam ) u fiirso sharafka dhiigaasi lahaa wuxu gogol dhig iyo ceelalyo u ahaa dhalashada nabi isxaaq iyo in silsilada nabinimadu marto hidihiisii. 3. Riyadii nabi ibraahim uu ku riyooday isaga oo gawracaya wiilkiisa ismaaciil , taas oo imtixaan rabi aheyd; sidaad wada ogtihiin illaahay wuxu ku furtay wiilkii yaraa ee nabi ismaciil gawraca ama ka dhiijinta dhiiga wankii weynaa; sharafka dhiigaa wanka weyn ee lagu furtay ismaciil ayaa gogol dhig iyo ceelalyo u a haa in Nabi ismaciil sii jiro, tarantiisa iyo tafiirtiisana uu ka mid noqdo ( khaatimul-ambiyaa ama kheyrul khalqi-laahi Nabi maxamed scw); gawraca wankaasi furashada xisaabsanaa qiimaha iyo qaayihiisa waxa uu ka mid noqday tiir ka mid ah tiirarka xajka. 4. Nabi maxamed awoowgii cabdi mudalib nidarkii uu illaahay lagaley ee ku beegmay cabdilaahi ibnu cabdi mudalib nabi maxamed aabbihii , waatii reer abtigii ku furteen badalkiisa gawraca boqol geela ah oo gole joog ah, oo xisaabsan halka aynu ka keennay xeerka magta ninku in uu noqdo 100 geel ah; furashada cabdilaahi ee gawraca 100 kaa geela waxa ay gogol dhig iyo ceelalyo u aheyd dhalashada , jiritaanka iyo nabinimada nabi maxamed SCW oo waatii Nabigu la haa ( waxa aan ahey Nabigii 2da gawrac dhexdooda ) oo ah sababta astaanta u ah jiritaankiisa, Nabinimada iyo mudnaanta weyn ee darajada sare kheyru-khalqi-laahi. 5. Dagaalkii 2aad ee aduunka 18 milyan oo qof ayaa ku dhintay sida taariikhdu wariso; qubashada dhiigaasi waxa uu calanka u siday guusha ( Dib u soo laabashada isra’el ee Qudus- Bariga dhexe iyo soo bixistaanka horyaalka quwada koowaad ee dunida ee maraykan ka). 6. Dagaalka ka qarxi doona Boqortooyada sucuudiga ee bilawgiisana ugu hor holci doona 3Nin ee isku qabsan doona Boqornimada dalkaasi sucuudiga, kadibna si ba’an ugu baahi doona wadanka oo dhan; dhiig daadinta dagaalkaasi oo xataa kabcada soo gali doona; sirta ku jirtaa waxay tahay in uu yahay gogol dhig iyo bilowga ( waaga cusub oo u baryi doona islaamka iyo dunida oo uu gadhwadeen ka noqonayo (Mahdigu). 7. Aroosyada reerka cusub maalintiisa u horeysa gawrac iyo dhiig xoolaad baa la daadiyaa oo xisaabsan gogol dhiga reerka yagleesha ah in uu u noqdo xirsi xidh iyo dayr !! xataa ilmo yar marka uu dhasho waxa sunne iyo jiritaankiisa lagu aasaasaa gawrac xoolaad; sidaa daraadeed : ( sirta ku jirta dhamaan dalka dibadiisa iyo gudahiisa dhiigagii iyo qudh-gooyooyinkii dalka dadkiisii ka dhex-dhacay ee ay SNM soo qubtay iyo kii laga qubay SNM , dhiigii sokeeye ee ku qubtay Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag ; fool-xumooyinkii dhacay iyo dhiig qubashadii baahsaneyd ee illaa maanta Sool iyo Sanaag ka sii qiiqaysa dhamaantood waxa ay gobbo’da’ iyo gabagabada u soo biyo shubanayaan gogol dhiga guusha furashada dalka iyo xaaladaha koritaanka ee dib u curashada markale jamhuuriyada Somaliland!! Sababtu waxa ay tahay Beeriba beerta ay ka waxsoo –saar iyo midho wanaagsan tahay ayaa digada xoolaha iyo saxarada dadka ee qudhunka ah lagu nafaqeeyaa!!). Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 2/6/2019. Qaran News
  10. Muqdisho(SMN)- Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay Sheikh Mukhtar Rooboow oo ay xirtay dowlada Soomaaliya isagoo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen iyo Rooboow oo kulankooda uu ahaa mid xasaasiya ayaa waxyaabo fara badan oo xariga Sheikh Mukhtar Rooboow oo ugu horeeyo kawada hadlay. Maalmihii la soo dhaafay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku sugnaa magaalada Muqdisho,wuxuuna madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay ra’iisal wasaare Kheyre oo arimo badan ay kawada hadleen. Warar hoose oo ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Sheikh Mukhtar Rooboow kala hadlay arimo ku saabsan xarigiisa,isagoo u sheegay in uu dedaalo badan ugu jiro sidii xoriyadiisa dib uu ugu heli lahaa. Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay dowlada Soomaaliya ayaa Mukhtar Rooboow ka soo qabatay magaalada Baydhabo,waxaana lagu xiray xarunta ha’yada NISA ee Muqdisho,dowlada Soomaaliya ayaa Rooboow ku eedeysay in uu meel maray heshiisyadii ay horay u wada galeen isaga iyo dowlada Soomaaliya. The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Mukhtar Rooboow appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xarigiisa iyo maxkamadaha marar badan lasoo taagay. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkaasi ka sheegay mar shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana lagu soo oogay dembiyo badan oo ay ku jirto inuu ka dambeeyey dagaal-beeleedyo ka dhacay Kilinka 5-aad. Mar uu Garsooraha Maxkamadda wax ka weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar inuu fahamsan yahay Dacwadaha loo haysto, waxa uu si kooban u sheegay inuu fahamsan yahay, isla markaana ay yihiin Eedeymo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin. Dacwadaha Cabdi Maxamuud Cumar waxaa kaloo kula eedeysnaa 47 xubnood oo ka tirsanaa Maamulkiisa, balse 6 ka mid ah ayaa loo qabtay Kiiskaasi, halka inta kalena ay ka cararay dalka Ethiopia. Xubnaha shalay dacwadda ku wehliyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ka mid ahaa Madixii Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Maamulkiisa, Raxma Maxamed Haybe, Madixii hore ee Xafiiska Arrimaha Qurbo-joogta, C/risaaq Sehane Cilmi, Taliyihii hore ee Boliska ee Maamulkii hore, Farxaan Daahir iyo labo xubnood oo kale oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Cabdi. Dhegeysiga Dacwada shalay ayaa ahayd markii 4-aad ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale la soo golo-joojiyo Maxkamadda, waxayna Maxkamadda Federalka Ethiopia sheegtay in dhegeysiga Kiisaska loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale dib u dhigtay ilaa bishan Feberaayo 27-da. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta magaalada muqdisho markii Labaad ku qabsoomay shirka sanadlaha ee arimaha caafimaadka Soomaliya oo sanad walba ay soo qaban qaabiso jaamacada Jamhuuriya ee Magaalada Muqdisho. Sanadkan waxa shirkaasi diirada lagu saaray cilmi baadhis la xariirta arimaha caafimaadka ayada ay ka soo qeybgaleen cilmi baadhayaal caafimaad oo ka kala yimid dalal kala duwn oo caalamka, dhakhaatiir cafimaad, xubno ka socday kuliyadaha caafimaad ee jaamacdaha dalka, qaar kamida hay’adaha gargaarka ee Somaaliya, ardayda jaamacdaha, xubno katirsan wasaarada caafimaadka dalka, wasiirudowlaha Wasaaradda waxbarashaadda ee Somaaliya iyo arday wax kabarata culuumta caafimaadka. Eng Mohamed Ahmed black oo ah gudoomiyaha jaamacdda Jamhuuriya ayaa sheegay in sanadkan sharku ka baaladhan yahay sanadkii hore ayada oo lagu soo badhigayo daraasado iyo cilmi baadhis gaadhaya ilaa 24 oo dhamaantood lagu eegayo xaalada caafimaad ee Dalka Somaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa. “Sanadkan Waxaa ka soo qeybgalay cilmi badheyaal kala duwan oo ka kala yimid dadalal iyo xarumo cilmbdhis oo kala duwan oo caalmi ah Waxaana lagu soo badhigay ilaa 24 cilmi baadhis ah oo laga sameeyay arimha caafimaadka ee dalka.” Professor Cabdi Gelle oo katirsan machadka caafimaadka ee dalka Norway islamarkaana goobta ku soo baadhigay cilmi baadhis khusaysa sida ugu macquulsan ee loo yarayn karo dhimashada hooyada iyo dhalaanka ayaa xusay in cilmi baadhista ay sameeyeen lagu ogaaday in inkbadan 800 oo hooyo ah ay geeriyooto xiliga dhalmada boqolkii kun ee hooyo ee ku umula dalka Somaaliya islamarkaana la doonayo in la helo xal looga hortago arintaas Wasiirudowllaha Wasaardda Waxbarashadda Soomaaliya Hon. Abdirahman Mohamud Abdille oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin weyn dalka Somaaliya ayada oo ay khubaradda dhanka caafimaadka ah ee Somaalida ah ay maanta aqoontooda la wadaagayaan dadka Soomaaliyeed. “Waa nasiib wanaag in maanta ay tahay maalin aqoon iyo cilmi la is dhaafsanayo, waa maalin taariikhi u ah dalka Soomaaliya, waa maalin ay khubaradii somaaliyeed ku howlanyihiin sideen ugu hortagnaa khatarah dalka ka jira.” In kasta oo ay jiraan dadaalo baaxad leh oo dib u soo kabasho marka la eego dhanka caafimaadka, hadana wali waxaa ay Somaaliya heer hoose kaga jirtaa dunida marka la eego khatarta caafimaad ee kadhalata xanuunada la dawayn karo ama kuwa laga hortagi karo.
  13. Ku: Beelweynta Reer Sheekh Isaxaaq ee UK ee ka soo jeeda Itoobiya Gudida Sare ee Jahliyada Ethiopian Isaaq Forum Ayaa Caawa Fiidkii Kulan ku Yeeshay Xafiiskooda London. Ujeedada Kulankan Ayaa ahayd qabanqaabinta Shirwaynaha Beesha iyo xaaladaha xasaasiga ah ee Dawlad Deegaanka Somalida itoobiya ka jira qodobada ugu doorka roon ee shirka waxaa ka mida ■Siyaasada ■Nabadgalyada ■Saami Qaybsiga iyo tirakoobka la filayo Waxa hadaba kulaankaa kasoo baxay arimahan hoos ku xusan 1. Canbaaraynta Dhacdadii Ardayda Lagu Rasaaseeyay Magaalada Harta_Sheekh Sabtidii Bisha January 26/2019. Rasaastaas oo keentay Dhaawaca laba Will oo ka Tirsanaa Ardayda Fasalka 12 naad ee Dugsiga Sare Magaalada Harta_Sheekh. 2. Qabashada Shirwayne Beeshu yeelan Doonto Bishan February 9/2019 London Uk shirkaas oo Lagaga Arinsan Doono Xaaladaha Siyaasadeed Iyo Guud ahaan Arimaha Ka Socda Dds Ethiopia. Waxa hadaba La Ogaysiinayaa Dhamaan Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelwaynta Reer Sheekh isaxaaq ee jooga Wadamada yurub iyo Magaalooyinka kala Duwan ee Cariga Ingiriiska Uk inay Kasoo Qayb-Galaan Shirwaynahaa Ka Dhici Doona Magaalada London. Address: Sabti Saturday Tariikh Date 9/Feb/2019 Mayfield House 202B Cambridge Health Road London E2 9LJ Fadlan wixii faahfahina kala xidhiidh Afhayeenka Gudidda : Xanse Jaaji Xassan 07982931113 Qaran News
  14. Boosaaso (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay saameynta dhaqdhaqaaqa dekadda magaalada Boosaaso uu ku yeeshay dilkii loo geystay madaxii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkada DP World. Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Saciid Maxamed Raage oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay sida uu noqon doono heshiiskii shirkada lala galay iyo isbadalka maamulka dekadda kadib dilkii Paul Farmoso, maareeyihii dekadda. Wasiir Saciid Raage, ayaa ugu horeyn sheegay inay dib u bilowdeen howlihii shaqo ee dekadda oo saacado kooban hakab ku jirtay kadib dilkii ka dhacay afaafka hore ee dekaddda magaalada Boosaaso. “Dhacdadii ka dhacday dekadda magaalada gaar ahaan guriga Shirkada P&O waan ka tacsiyeyneynaa, waxaana soo hagaagaya dadkii ku dhaawacmay oo uu ku jiray ruux Hindi ah iyo ciidamada”ayuu yiri wasiirka. “Ajaaniibtii wuu saameeyay dilkii dhacay, laakiin hal qof kama dhoofin dalka,shaqadana ma joogsaneyso maxaa yeelay dad kale ayay tababareen oo howsha sii wadi kara, haddana wey socotaa howsha dekada” “Ninka Muslim ayuu ahaa, walow aanan aniga arag masaajidkana waa laga sheegay, in Ibraahim la yiraahdo isagaa ii sheegay, dowladeydana wey igu og tahay ayuu igu yiri inuu Muslin qaatay oo diintii kale uu ka tagay isagaaba ii sheegay”ayuu yiri wasiirka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  15. Sh.Hoose(SMN)- Diyaarado dagaal oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeyntaasi kadib waxaa deegaankaasi gudaha u galay ciidamo cadaan ah oo ka daatay diyaaradaha duqeymaha fuliyay iyo ciidamada bangaraafta Soomaaliya. Rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayeen ciidamadii huwanta ee weerarka soo qaaday iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa laga maqlayay gudaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeymaha oo meelo fara badan lala beegsaday ayaa dadka deegaanka waxay xaqiijiyeen in goobaha ay ku dhaceen madaafiicdaa uu kamid ahaa masaajid ku yaalla deegaankaasi. Qasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo weerarka tooska ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay ayaan la xaqiijin,balse inta la xaqiijiyay 8 ruux oo shacab ah ayaa weerarkaasi waxyeelo ka soo gaartay. Ma jirto cid sheegatay weerarkii xalay ee isugu jiray duqeynta iyo midka tooska ahaa ee lagu qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. The post Duqeymo Iyo Weerar Toos Ah Oo Xalay Ka Dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Maanta oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax weyn, oo looga soo horjeedo shirka shidaalka Soomaalida. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Inkasta oo dowladda federaalka ah sheegeyso in shirkan uu yahay soo bandhigidda sahanka, hadana sidaasi si ka duwan waxaa u hadleysa shirkadda shirka London ee maanta dhacaya soo qaban-qaabisay ee Spectrum Geo. Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: 1. Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla. 2. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 3. Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement). 4. Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn. 5. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 6. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) 7. Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-070219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho(SMN)- Askari ka tirsan ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay mid kamid ah dhalinyaradii degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Towfiiq ku dilay magaalada Muqdisho. Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Shueyb Biibaaye isla markaana xarun ganacsi ku lahaa xaafada Towfiiq iyo askariga dilka geystay ayuu muran soo kala dhex galay taas oo ugu danbeyn dilka sababtay. Laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay iyagoo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan,ugu danbeyna waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan askarigii dilka geystay. Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan dilka ruuxaasi shacabka ahaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho. The post Ruux Shacab Ahaa Oo Lagu Dilay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar qorsheysan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ciidamada sida gaarka u tababaran oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka ay weerareen deegaankaasi. Ciidamada Kumaandooska dowladda Soomaaliya oo watay labo diyaaradood oo Helicopter ah ayaa la sheegay inay weerareen deegaanka Bariire oo saldhig u ahaa Al Shabaab, waxaana kadib degtay ciidamada. Weerarka ayaa waxaa ka horeeyay Duqeyn dhanka Cirka ah oo ay Diyaaradaha dagaalka ee Drones-ka ay deegaanka Ku qaadeen, waxaana Markii Weerarka uu dhacay ka dib bilowday Dagaal toos ah oo Deegaanka ka dhacay. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamada Mareykanka iyo Kuwa Dowladda Soomaaliya ay gudaha u galleen degaanka waxaana ay si toos ah u bartil maameydsadeen Saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen Alshabaab. Ciidamada Mareykanka oo dhulka u degtay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerarka tooska ah ee lagu qaaday deegaanka Bariire, waxaana saaka xaalka uu u muuqda mid degen. Dowladda Soomaaliya, Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Al Shabaab wali wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Khasaaro ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay weerarka, waxaana bartilmaameydka weerarka uu ahaa xubno ka tirsan Al Shabaab oo ku shirayay xiligaasi goobta la weeraray. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
  20. Wakiilada dowlad goboleedyada uga qeyb galaya shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmaya London ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu xaraashayo shidaalka [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laft-gareen) ayaa shalay xabsiga Habar-Khadiijo ee ciidamada NISA ku booqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur, oo u xiran dowladda. Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay dadaallo ay wadday beesha Roobow iyo wada-hadal ay la lahayd dowladda oo ku saabsan in lasii daayo Roobow, dowladdana xaal-marin ka bixiso dhibkii ka dhacay magaalada Baydhaba. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Lafta-gareen uu Roobow ku war-geliyey qaar ka mid ah qodobada heshiis la diyaarinayo in lagu xaliyo dhibkii dhacay, islamarkaana lagu sii daayo Roobow. Waxyaabaha Roobow loo ballan-qaaday ayaa waxaa ka mid ah, In lasii daayo dowladana ay xaal-marin siiso, halka dhibanayaasha dhibkii Baydhaba ay heli doonaan magdhow. Waxaa sidoo kale loo sheegay in la qabanayo shir looga xaajoonayo dhibkii gaaray Abuu-Mansuur isaga iyo kooxdiisa ololaha. Si kastaba, Roobow ayaa la sheegay inuu diiday heshiiska, isaga oo dalbaday in la helo gacan saddexaad, oo ay u badan tahay inay tahay beesha caalamka, oo damaanad qaada heshiiska, isaga oo sheegay inuusan dib dambe u aamineyn dowladda federaalka, oo heshiis hore uga baxday, sida uu ku dooday. Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu dalabka Roobow kula laaban doono madaxda dowladda, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow xukuumadda ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda aysan marnaba aqbali doonin gacan saddexaad oo soo dhex-gasha arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. London (Caasimada Online) – Magaalada London waxaa maanta ka furmaya shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda batroolka xukuumadda Soomaaliya, oo dowladda ay sheegtay in lagu suuqgeynayo shidaalka la rumeysan yahay inuu ku jiro Soomaaliya. Dad u badan siyaasiyiin ayaa shirkaasi ku tilmaamay in uu yahay mid lagu xaraashayo shidaalka dalka Soomaaliya, ayada oo dowladda federaalka ay beenisay. Si kastaba, shirkadda leh qaban-qaabada shirkaas ayaa soo bandhigtay qorshaha Soomaaliya ee shirkaas. Shirkadda Spectrum, ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya. Shirkadda ayaa sheegtay in shirka London uu yahay mid ay wasaaradda betroolka iyo macdanta ee Soomaaliya ay xarigga uga jari doonto ayna qeexi doonto qeybihii ugu dambayay oo lagu wado inay ka koobnaadaan 50 xirmo oo ku fadhiya dhul dhan 173,000 km . Waxaa sidoo kale shirkadda Spectrum ay qoraalkeeda ku xustay in shirka London lagu soo bandhigi doono shuruucda iyo hanaanka ku xeeran arrinta shidaalka Soomaaliya. Si kastaba, shacabka Soomaaliyeed ayaa ka warsugaya natiijada kasoo baxda shirka magalada London oo ay ka qeyb geli doonaan wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale, dibadbax looga soo horjeedo shirka, oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah Soomaalida London ayaa la filayaa inuu ka dhaco dibedda hotelka lagu qabanayo shirka. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  23. Boosaaso (Caasimada Online) – Shaqaalihii ajaaniibta ahaa ee shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso ayaa shalay isaga baxay Puntland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Shirkadda P&O waa shirkadda maamusha dekedda Boosaaso, waxaana iska leh oo ay hoos tagtaa shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Go’aanka ay ku baxeen shaqaalaha ajnabiga ah, ayaa yimid kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay maamulihii shirkadda ee mashruuca dekedda Boosaaso, Paul Anthony Formosa, islamarkaana la dhaawacay ku xigeenkiisa. Xubnaha baxay ayaa aaday dalka Imaaraadka Carabta, oo la rumeysan yahay inay kasii aadi doonaan dalalka ay u kala dhasheen. Maamulka Puntland ayaa wali ku adkaysanaya in haba-yaraatee aan maamulkii dekedda waxba iska baddalin oo ay si buuxda gacanta ugu hayso shirkadda P&O Ports, islamarkaana bixitaanka shaqaalaha ay tahay un mid kooban ilaa xaaladda laga dejinayo. Dhanka kale, waxaa Boosaaso gaaray cutubyo si gaar ah u hubeysan oo ka tirsan ciidamada Puntland kaddib markii uu sidaas amray madaxweynaha hadda la doortay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Meydka Paul Anthony Formosa ayaa weli la aasin, wuxuuna yaallaa Boosaaso, ayada oo baaritaan lagu sameynayo. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  24. Sheffield (Caasimada Online) – Baarayaal ka socda dalka UK, ayaa baaritaan ka sameeyey gudaha Soomaaliya, ayaga oo raadinaya ninkii dilay 21 jir degenaa magaalada Sheffield ee dalka UK. Kavin Brisset ayaa waxaa mindi la geliyey 14-kii August 2018, isaga oo socda waddada Langsett Walk ee xaafadda Upperthorpe ee magaalada Sheffield. Waxa uu afar maalmood kadib ku geeriyooday isbitalka. Axmed Faarax oo ah 29 jir Soomaali ah, sidoo kalena loo yaqaan magaca Reggie, ayaa loo raadinayaa inuu ka dambeeyey dilkan. Baaraha sare ee booliiska Sheffield ayaa yiri “baaritaanka aan ku raadineyno Axmed Faarax waa uu socdaa, waxaana laga fulinayaa gudaha UK iyo Somalia, si aan usoo helno” Axmed Faarax ayaa la rumeysan yahay in xiriir la leeyahay dad ku kala sugan magaalooyinka Sheffield, Cardiff iyo Birmingham. Ashmore ayaa codsaday in qof kasta oo haya akhbaar la xiriirta ninkan uu lasoo xiriira booliiska, isaga oo qarinaya. “Waxaan rumeysannahay inay jiraan dad ka mid bulshada Soomaalida oo haya akhbaar muhiim ah oo la xiriirta Axmed Faarax, balse aan weli nala soo xiriirin” ayuu yiri. Afar dhallinyaro ah oo sanadii tagtay loo xiray dilka Brisset ayaa lasii daayey kadib markii dambi lagu waayey. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  25. Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa dhagax dhigay qeybo hor leh oo la doonayo in lagu balaariyo garoonka, si loo helo dhul banaan oo ka fog goobta ay diyaaradaha ku soo degaan. Wasiirka ayaa xusay in goobta cusub ee dhagax dhiga lagu sameeyay ay tahay goob loogu talagalay in looga hortago biyaha badda oo soo gaaraya qeybta diyaaradaha ay ku soo degaan. “Waxaan uga mahadcelinayaa shirkadaan FAVORI, waxaana ku heshiinay in ay inoo sameyso dhismahaan, maadama biyaha badda ay saameyn ku yeesheen halka diyaaradda ay kusoo degto, kaddib dhismahaan darbiga iyo dayactirkaba waxa uu qeyb weyn ka qaadan doonaa horumarinta garoonka, isagoo uga mahadceliyay Shirkada FAVORI sida ay ugu heelantahay Hormarinta garoonka oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha Dalka”. ayuu yiri Wasiir Oomaar. Waa Sharciga garoomada Caalamka in halka diyaaradaha ay kusoo degaan ay leeyihiin labada dhinac 150 mitir oo dhul banaan ah, si looga hortago qataraha soo wajaha diyaaradaha, waxaana qeybta cusub ee lagu kordhinayo garoonka ay ka hortegeysaa in goobta ay diyaaradaha ku soo degaan ay soo gaarto biyaha badda. Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ayaa waxa sameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, kuwaas oo sababay in muddo badan uusan helin wax dayactir ah, hase yeeshe waxaa maanta qandaraaskaasi la siiyay Shirkada FAVORI oo haatan gacanta ku heysa maamulkiisa. Injeerada Dhisayo Garoonka ayaa waxa ay sheegeen in waxbadan uu ka bedelayo dhulkaan lagu darayo shaqada garoonka ,waana habka garoomada Caalamka ay ku Shaqeeyaan. Shirkadaan ayaa qandaraaska ay kula jirto Soomaaliya waxaa uga dhiman 10 sano, waxaana maamulka loogu daray in horumarin ku sameyso garoonka, si loo balaariyo shaqada garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.