Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online)-Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa gaaray Taliyaha ciidamada booliska ee Puntland iyo ciidamo badan uu hogaaminayay kuwaasi oo wata amarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadan la doonayo inay xaqiijiyaan amaanka magaalada, oo dhawaan dil loogu geystay madaxii shirkada P&O ee dekada Boosaaso. Ciidamada ayaa sida wararka aan ku heleyno waxay dhawaan ka bilaabayaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari baaritaano iyo howlgalo gaar ah oo ka dhan ah amaanka magaalada Boosaaso. Amarka ciidamada la siiyay ayaa ka dhashay kadib markii dhawaan magaalada lagu dilay maareeyihiin dekada Boosaaso ee shirkada P&O oo hoostagta Shirkadda DP World. Warar kale ee aan heleyno ayaa sheegaya inay ciidamada xaqiijin doonaan amaanka magaalada iyo agagaarka xarumaha maamulka, maadaama dhawaan madaxweyne Deni la filayo inuu gaaro magaalada Boosaaso. Madaxweyne Deni oo dilkii Paul Farmoso ka hadlayay ayaa sheegay in Soomaali kaliya aysan dilkaasi ka dambeeyay islamarkaana gacmo Soomaali dhaafsiisan ay ka dambeeyeen, sida uu hadalka u dhigay. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka oo xili hore ka dhacay magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  2. A Somali government soldier has shot dead a civilian in Mogadishu on Wednesday night, the latest in a series killings in the country’s capital by Al Shabab and security forces. Shueb Bibaye, a young man was gunned down at Towfiiq district in the capital’s Yaqshid district by a soldier, who was immediately detained by his colleagues in the army. “Bibaye has been killed inside his small shop in the area. This was a shocking incident and no one knows exactly why the young entrepreneur was targeted,” said a witness. Somali security officials are yet to comment on the shooting which comes amid a rising in the assassinations in Mogadishu, some claimed by the Al-Qaeda-linked Al Shabaab. The post A soldier shoots dead unarmed civilian in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay kooxda kubbadda cagta Dekedda ku guulaystay koobka Somali Super 2018 oo loo dhigo naadiyada hanata Koobabka horyaalka Somali Premier League iyo Jeneraal Daa’uud Dekedda ayaa sanadkii labaad oo xariir ah hanatay horyaalka Somali Premier League waxayna koobka Super Cup-ka kaga guulaysteyn xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo horay la oran jiray Banaadir SC,xili ciyaartaas ay ku dhamaaty 3-0 ay guusha ku qaateen xidigaha Dekedda. Guddomiyaha kooxda Dekedda Cabdullahi Faarax ayaa hambalyo u diray ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxdiisa wuxuuna sheegay tan iyo kolkii uu la wareegay hogaaminta kooxda ay samaysay is badalo iyo horomaro kala duwan dhinaca ka qeybgalka tartamada gudaha iyo dibadda. Waxaan da’daalay usoo galnay ku guulaysiga koobkii ugu muhiisanaa tartamadii la dhigay sanadkii lasoo dhaafay 2018 hiigsiigeenu waa in aan noqonaa kooxda ugu guulaha kubbadda cagta dalka waxaa sidaas igu waramay qaar ka mid xidigaha xafidanaya horyaalka Somali Premier League ee Dekedda. Maamulka kooxda Dekedda waxa ay fursad siiyeen in ay kooxdoodo u dheelan xidigo badan oo kasoo kala jeedo dalalka qaarada Afrika Reymand oo asal ahaan kasoo jeeda Nigeria,balse qaatay dhashalada wadanka Kenya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay horomarka guulaha uu la gaaray kooxdiisa,isagoo intaa ku daray in aad ula qabsaday nolasha Soomaaliya. Daa’uud Cabdullahi Tubaale waa haldooradii soo maray kooxda L.L.P Jeenyo sanado badan ayuu ciyaaray koobka Somali super intii uu joogay L.L.P,isagoo dhanka kale sanadkiisii kowaad kooxdiisa Dekedda la hantay horyaalka Somali premier League iyo Somali Super Cup. “Isku xernaanta ka dhaxaysa maamulka,macalimiinta ,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxdeena ayay ku timid guulah is xig xiga ee aanu gaarnay tan iyo 2016,yoolkeena waa in aan soo saarnaa xidigo tayo leh iyo in aan meel wanaagsanaa ka gaarnaa tartamadda kubbadda cagta gudaha dalka iyo qaarada” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay layliyaha kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo labadii sano laga soo gudbay Dekedda u qaaday labo horyaal iyo Super Cup-ka. Sida laga soo xigtay macalimiinta Dekedda waxa ay haminayaan in sanadkii saddexaad oo xariir ah ay hantaan horyaalka iyo tartamadda kale ee kusoo wajahan hadii ay dhacdana waa tariikh cusub. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dareenka Ciyaartooyda Iyo Hanashadii Koobka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sameeyay isku shaandheyntii 2aad muddo labo todobaad gudahood, isaga oo magacaabay wasiirro cusub. Akhriso: Isku Shaandheynta Golaha Wasiirrada Hirshabeelle: Source: goobjoog.com
  5. Magaalada London ayaa la filayaa in uu ka furmo shir looga hadlayo shidaalka Soomaaliya, inkastoo muran badan uu ka dhashay shirkan. Xubnaha shirkaasi u matalaya maamul goboleedyada kala ah, Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo K/galbeed ayaa caddeeyey mowqifkooda, shirkan waxaana ay sheegeen in aanu ahayn sida wax loo dhigay. Shirkan ayeey sheegeen in aan lagu xaraashi doonin shidaalka Soomaaliya, islamarkaana wararkaasi ay baahiyeen dad aan rabin horumarka Soomaaliya. Waxa ay xubnahan sheegeen in shirkan kaliya looga hadlayo soo bandhigista shidaalka Soomaaliya iyo in shirkadaha loo sheegi-doono inay maalgeshtaan shidaalka Soomaaliya Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Maamullada-sax-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle uu markale isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle. Isku shaandheynta ayaa markale waxaa kusoo baxay xildhibaanadii ugu badnaa ee maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay aad u mucaaradsanaa madaxweyne Waare. Waxaa muuqata inuu ku qancinayo xildhibaanada baarlamaanka ee ka aragti duwanaa, kuwaasi oo dhaliilsanaa hanaanka shaqo ee madaxweyne Waare. Hoos ka akhriso isku shaandheynta wasiirada Hirshabeelle.
  7. London (Caasimada Online)-Xubno matalaya dowlad goboleedyada oo ka qeyb galaya shirka ka dhacaya magaalada London ayaa ka hadlay mowqifka maamul goboleedyada ee shirkaasi. Xubnaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka ka dhacaya magaalada London inuusan jirin wax heshiis ah oo lagu kala saxiixan doono magaalada London, islamarkaana aysan jirin wax xaraash ah oo lagu sameynayo Shidaalka Soomaaliya. Xubno matalayay Dowlad Goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed,Hir-Shabeelle,Galmudug,Puntland iyo Jubbaland ayaa u ambabaxay Magalada London si ay shirkasi uga qeyb galaan. Xubnaha ayaa sheegay in shirkaasi laga faafiyay warar been abuur ah islamarkaana aysan jirin wax xaraash ah oo lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya. Eng C/qaadir oo ah lataliyaha dhanka Qeybraadka ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in kaliya shirka London lagu soo bandhigayo daraasaad horey loogu sameeyay biyaha Soomaaliya sanadihii 2014 ilaa 2015. Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedada laga leeyahay shirka ay tahay in la ogaado marka hore ma saxbaa in dalkeena Shidaal leeyahay, waxaana kadib loo bandhigayaa dhamaan shirkadaha daneynaya in laga faa’ideysto shidaalka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Xubnaha-sax.mp3Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  8. Siyaasi Cabdinaasir Buuni Oo Wasiir Sacad Ku Canaantay Kala Haddalka Laba Cisho Gudahood Iyo Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Uu Ka Hadlay Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee da’da yar, ayaa ka hadlay daynta $80 Milyan ee dollar ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka dhaxasha Xukuumaddii hore ee KULMIYE, waxaanu sheegay in Wasiir Sacad looga baahnaa inuu beeniyo deyntaasi markii uu garab taagnaa Xildhibaan Buubaa, balse aan loo baahnay inuu laba Cisho ka dib inuu ka hadlo arrintaasi oo ku tilmaamo mid aan jirin . Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa sidaasi ku sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Waaberi kaasi oo u dhignaa sidan“Horta arrinta Daynta oo uu sheegay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Ibhaarin Buubaa horta waxay kusoo baxday xog is wareysi isaga iyo wasaarada Maaliyada madax-dee dhexmartay markii kullanlkoodaasi usoo dhammaadayn war-baahinta ayey la hadleen wasiirkuna wuu dhinac taagnaa Maaliyadu, markaa haddii ay jirto waxay ahayd inuu isla goobta dadka ugu bayaamiyo oo uu yidhaah-do sidaa uu Xildhibaan-ku sheegay uga maanaan wada haddal .” Ayuu yidhi Mudane Buuni Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo haddalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray“Hadda waxa muuqanaysa in wax si hoose ay uga wada hadleen lakiin’se uu Xildhibaanku ummadda u bandhigay ayaa meesha ka muuqanaysa ama dayntuba aanay ahayn mid ku saabsan habka la yaqaanee ah sida Dowlada iyo shacbiga ay dayntu u kala geli karto habka duwan ayaa meesha ka muuqata, markaa habkaa ka duwan in Bulshada lala wadaago ama la ogaado wixii la qarinayey ayaa meesha ka muuqanaysa .” Dhanka kalena Siyaasi Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qarsanaysa Daynta $80 Malyan ee Doolkar ah, balse ay shacabiga la wadaageen Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda inay shacbiga u cadayso Dayntaasi oo ay cadayma buuxda keento“Haddii ay Xukuumaddii hore ay dayntaa ka tagtayna inagu Dowlad aad u curdin ah ayeynu nahay waxa jira arrimo dhaqaale sicir barar dalkeena waxa weeye camal la’aan badan ayaa jirta in Xukuumadda marka horeba sida ay u qarsanaysay ay u qarsato ,Golihi Wakiilada Masuuliyada ayaa saaran inay shacbiga la wadaagaan wixii xog ah ee ay hayaan ama iyaga iyo Xukuumadda dhexmarta, markaa Xukuumaddu dayntaasi haddii ay jirtona wax qarsoomaya maaha haddii aanay jirin shacbigeeda inay la wadaagto weeyaan, marka horena wasiirka waxa la gudboonayd ee uu bar-bar taagnaa Xildhibaanka wax-yaabo waxa jira aan la is amaahinin oo arrintan oo kale shacbigii ayaa lala hadlayey mihiim ayey ahayd $80 Milyan Lacag yar mahaa waxay ku fiicnay inuu Wasiirku maalintaa inuu ka jawaabo iyadoo hadda laba cisho ka dib inuu ka jawaabo waxay yar noqonaysaa in arrintaas.” Waxa kale oo uu sheegay in aan Dalkani qaadi Karin xadiga dayntaa noocaasi ah, isagoo ku baaqay in Xukuumadda aan looga baahnay haddal ku beeniso, balse looga baahan-yahay inay cadaymo keento badka “Waxaan odhan lahayn dalkanu ma qaadi karayo Daymaha noocaas ah Xukuumaddu haddii aanay ku qanacsany oo ay jirto lakiin’se ay u habranayso madaama isla KULMIYihii hore uu arrintan galay, markaa haddii ay Xukuumaddu u habranayso KULMIYihii hore oo Madaxweynahan dhisay inay siday u qarsanaysay ee ay ula tacaalaysa inay ula tacaasho ayuun bay ahayd , haddii aanay jirin sida uu Wasiirku maanta sheegay-na waan inay cadaymaha ay hayso ay Xukuumaddu la wadaagto Bulshada, arrintani mahaa mid ku filnaan karta in la beeniyo, waa inay cadaymahay hayaan ay la wadagaan Bulshada ,dadka qaar waxay leeyihiin arrimo siyaasadeed ayaa ku jira, lakiin Xukuumaddu wuxuu xog ah ee ay ka hayso waxa fiican inay Bulshada la wadaagto .” Ugu Dambeyn Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa ka hadlay shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE , kaasi oo la filayo inuu 23 bishan ka qabsoomo Magaalada Boorama“ Annigu Xisbiga kama mid ihi waxa laga yabaa sida anniga igu maqaala ah in Guddoomiye xigeenka labaad oo kale oo magacaaban lagu ansixinayo in shir weynahoodii oo kaabiga soo saaran dib loogu dhigayo in Guddoomiyhii Golaha dhexe Booskiisii lagu buuxinayo, lakiin Xisbiga kama mid ahi Khayr ayaan uy rajaynayaaa.”Ayuu yidhi Siyaasi Buuni Qaran News
  9. Guddoomiye Cirro Oo Soo Bandhigay Aragtidiisa Madaxtooyada Cusub, Cidda Ay Tahay In Ay Xalliso Muranka Saami Qaybsiga & Xadhigga Muwaadiniinta Dr Cabdiraxmaan Cirro Waxa Uu Ka Hadlay Hannaanka Mucaaradnimo Ee Uu Madaxweyne Biixi Ku Wajahayo Iyo Qolof Rid Uu Xisbigiisa Ku Wado Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa soo bandhigay mawqifkiisa ku aaddan cidda xallinaysa muranka kuraasta Wakiillada, xadhigga muwaadiniinta, madaxtooyada la dhisayo iyo isbedelka xisbigiisa Waddani. Dr Cirro waxa uu sheegay in aanay Somaliland baahi u qabin madaxtooyo cusub iyada xukuumaddu sheegayso in 1.5 Milyan qof macaluul halis ugu jirto. Dr Cirro oo waraysi siiyay telefishanka Saab ayaa ugu horayn ka hadlay Madaxtooyada cusub ee laga dhisayo Galbeedka Hargeysa “Horta wax walba mudnaan bay kala leeyihiin, xukuumadda Muuse Biixi dhawr cisho ka hor waxay tidhi ‘Milyan iyo badh baa shacbigii gaajo u dhimanaya’ waxa la soo sheegaya daymo xukuumaddu markii hore qarinaysay oo shalay la sheegay oo fara badan fara badan waxaas oo dhan iyada oo ay shacbiga haystaan oo dayntaasi ku maqan tahay la qarsanayay, iyada oo la leeyahay shacbigii milyan iyo badh baa gaajo u dhimanaya mudnaan uma aha Somaliland in ay guri cusub oo qasri madaxtooyo ah dhisato oo ay ku bixiso lacag fara badan oo aan la garanayn tiradeeda, arrintaasi uma arko in ay mudnaan tahay anagu haddii aanu iman lahayna mudnaan nooma ahaateen oo waxa ka horaynaya adeegyada iyo arrimaha kale ee Qaranka ka qabyada ah,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro. Dr Cirro waxa uu sheegay in sida bulshada Somaliland loogu qaybinayo kuraasta wakiilladu tahay mid madaxweyne Biixi u taalla “Kulankii ay yeesheen axsaabtu bishii September anaga rayigayagu waxa uu ahaa maaddaama dadku ku muransan yahay gobollada iyo tirada shacbiga oo aan tiro koobna laga qaadin 30-kii sanno ee Somaliland jirtay in tira koob la qaado dabeedna tiro koobka lagu saleeyo waa taladii xisbigu soo jeediyay laakiin, taasi waxay u baahan tahay wakhti iyo lacag, doorashadii 2005-na waxa lagu qaybiyay 33-kii kursi ee Ingiriisku inooga tagay oo lagu dhuftay 2.5 runtii dhinac marka laga eegana si isku mid ah baa loogu qaybiyay oo cidna wax dheeraad ah lama siin oo xagga caddaalad bay ka ahayd laakiin, cabashada gobollada oo weliba Awdal ugu horayso iyo Sool ba in la tixgeliyo waxay ila tahay arrin mudan in ay tahay. Saddexda xisbi 2016 waxay ku heshiiyeen in saddexda guddoomiye xisbiga Muuse oo ahaa guddoomiyaha Kulmiye, aniga oo ahaa guddoomiyaha Waddani iyo Faysal oo ah guddoomiyaha UCID in aanay asxaabtu ku filnayn in ay arrintaas xalliyaan dabeedna Madaxweynaha ayaanu u qornay warqad aanu leenahay Madaxweynuhu ha xallilo go’aanka uu soo gaadhana saddexda xisbi way aqbalayaan Muuse ayaana maanta madaxweyne ah waraaqdaasina xafiiskiisa ayay taalla, waxaan qaba baarlamaankuna ma xallilo karo guurtina ma xallili karto maanta isaga ayay u taalla shalay Siilaanyo ayuu lahaa ha xallilo isaga madaxweyne ahe dee maantana isaga ayay u taalla isaga madaxweyne ahe,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro. Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo la waydiiyay sida uu u arko xadhigga xukuumadda madaxweyne Biixi kula kacday muwaadiniin kala duwan intii ay talada haysay waxaanu yidhi “ Arrimahaasi waa gef. Qofka wax sharci ah uun baa lagu xidhi kara, muwaadinka xuquuqdiisa waxa xaqiijiyay dastuurka JSL, Saxaafadda dastuurka xaqiijiyay in ay madax bannaan yihiin, marka waa gefef dhacay oo ku tumasho xuquuqal iisaan iyo madax bannaanida saxaafaddaba gef lagu sameeyay weeye, waxyaabihii reer KULMIYE markii UDUB joogtay ku eedayn jireen bay ka mid tahay laakiin, waxaynu ka war qabna rikoodhkii ugu sareeyay ee saxafiyiin la xidho, joornaalo la xidho iyo cabudhinta shacabka maamul kasta oo soo maray ka KULMIYE ayaa kaga badan maanta.” Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa la waydiiyay in uu xisbigiisu gabay kaalintii mucaaradnimo waxaanu ku jawaabay “ Maya, waxaan isleeyahay mucaaradadda sida uu u yaqaano KULMIYE iyo sida aanu u naqaano ayaa kala duwan, iyagu (Kulmiye) mucaaradaddooda bog qudhay ka barteen oo waxaanu doonayna mucaaradad tii Kulmiye ka duwan oo xukuumaddana loogu tilmaamayo khiladaadkeeda laakiin, aan ahayn dhengad baanu kaga soo saarayna in aanu la nimaadno.” Ugu dambeyn waxa la waydiiyay waxa hor taaggan isbedel uu xilli hore sheegay in uu ku samayn doono xisbigiisa “Waanu ballanqaadnay waanu fulinayna hadda ayaanu bilawnay waanu wadna qolof ridkii xisbiga sidaas aanu u balanqaadnayna wuu soconaya waanu dhammaystirmaya Insha Allah,” ayuu yidhi Dr Cirro. Qaran News
  10. (SLT-Hargeysa)-Xukuumaddii Kulmiye ee sanadkii 2010 talada dalka kala wareegtay xukuumaddii UDUB ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay qasnad madhan iyo dayn kala wareegtay xukuumaddii Daahir Rayaale laakiin, sanad kadib xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo waxa si lama filaan ah uga qaraxday xaddiga daynta ay kala wareegtay xukuumaddii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo. Waa dayn ka badan tii Siilaanyo kala wareegay Rayaale. Marka la isla akhriyo dooddii wasiirkii hore ee maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo warbixin uu wasiirkii maaliyadda ee xilka kala wareegay xukuumaddii Riyaale Eng Maxamed Xaashi Cilmi qoray 2012 waxa muuqata in aanay lacagta la isku wareejiyay ahayn dayn rasmi ah oo dawladdu qaadatay laakiin, ay u badan tahay lacago dad laga qaatay oo aan nidaamka saxda ah marin ee dawladdu wax u daynsato. Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sanadkii 2012 difaacaya miisaaniyaddiisii oo wasiirkii xilka kala wareegay ee Cabdicasiis Samaale naqdiyay naqdiyay ayaa sheegay in xukuumaddii Rayaale aanay wax dayn ah ka tagin laakiin, ay ka tagtay lacag todobaatan milyan ah oo siyaabo kale loo lunsaday. Lacagtaas waxay ka yar tahay lacagta 80-ka Milyan ee dollar ah ee xukuumaddii Siilaanyo ku wareejisay tan Madaxweyne Biixi. Dib u milicso qoraalkii Eng Maxamed Xaashi ee 2012 “Wargeyska Jamhuuriya, Vol.19 cadadka 4951 ee Axad, 21 October 2012 ayaa qoray hadal uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda oo ahaa; ‘Miisaaniyaddu 2012 waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Waxa jira 10 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo lagu qoray deeq amma deyn. Hadday tahay deyn miisaaniyadda ma galayo, hadday deeq tahayna, waayo ma jirto deeq toos la inoo siiyaa oo hay’aduhu waxay bixiyaan iyagaa toos u maamula. Waa laga yaabaa wixii wanaag ah ee dhaca in hoggaanka dalku qaybta ugu weyn yeesho, guul-darradana la wada yeesho ilaa hoggaanka u sarreeya. Haddii aan wax ka idhaa saddexdan arrimood ee Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay; Miisaaniyadda 2012 ee aan wasiirka ku wareejiyey waxay ahayd odoros (Estimate). Odorosku wuu noqon karaa intii la qiyaasay. Wuu ka yaraan karaa, wuuna ka badan karaa. Waxaan meesha qaban, ‘Miisaaniyaddu waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Kalmadda buun-buunin waxay xambaarsan tahay khalad loola kacay, mid meesha qabatana ma aha. Wasiirku dhinaca kale wuxuu qirayaa in la gaadhi karo odoraska miisaaniyadda 2012 ee $106 milyan ah, aniguna waan qabaa sidaa. Qodobka kale ee 10 milyan oo dollar miisaaniyadda way ku geli karaan deeq amma deyn. Deeqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland lagu caawiyo waa inay ka muuqataa miisaaniyadda qaranka, deyntuna waa inay iyana ka muuqataa miisaaniyadda oo labadaba lagu qoraa, miisaaniyadiihi horena way ku jiraan. Mucaawanada la ina siiyaa waa deeq dalka soo gashay, haddii aan deyn qaadanno amma baanka ka qaadanno amma tijaarteenna aan ka qaadannee waa inay galaan miisaaniyadda. Sidii horeba loo yidhi, xilku waa meerto, balse qof walba wuxuu ku suntan yahay, wixii uu qabto iyo waqtiga uu qabto. Haddii aan wax ka taabto amma is-barbardhigo; xaaladdii aan anigu kagala waareegay wasiirkii iga horreeyey iyo xaaladdii aan ku wareejiyay, wax badan baa u dhexeeya. Waxaan qabaa in wasiir Cabdicasiis iga nasiib wanaagsanaa. XAALADDDII AAN DHAXLAY: Guddidii loo saaray ee ka koobnayd; Hantidhawrka, Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxay baadhitaankii ka soo bilowday 2002 ilaa July 2010. Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa. Waxa dheeri soo hadhay Sl/Sh. 322.7 bilyan ($53.7 milyan). Markaa waxay guddidaasi caddeeyeen in aanay wax deyn la yidhaa jirin. Waxase jiray lacag maamulkii Rayaale lunsaday oo gaadhaysay $70,295,820 doollar iyo hanti ma-guurta ah oo la lunsaday. Waxay noqotay in aannu bixinno deyntii ay dadweynaha ka qaateen, mushaharooyinkii dhowrka bilood taagnaa ee shaqaalaha iyo ciidammada iyo raashinkii, ciidammada, cusbitaallada iyo jeelasha, nidaam dhisan oo aan la wareegayna ma jirin. Source
  11. Dib U Milicso Dayntii Siilaanyo Kala Wareegay Rayaale Oo Ay Ka Badan Tahay Daynta Biixi Kala Wareegay Siilaanyo Xukuumaddii Kulmiye ee sanadkii 2010 talada dalka kala wareegtay xukuumaddii UDUB ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay qasnad madhan iyo dayn kala wareegtay xukuumaddii Daahir Rayaale laakiin, sanad kadib xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo waxa si lama filaan ah uga qaraxday xaddiga daynta ay kala wareegtay xukuumaddii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo. Waa dayn ka badan tii Siilaanyo kala wareegay Rayaale. Marka la isla akhriyo dooddii wasiirkii hore ee maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo warbixin uu wasiirkii maaliyadda ee xilka kala wareegay xukuumaddii Riyaale Eng Maxamed Xaashi Cilmi qoray 2012 waxa muuqata in aanay lacagta la isku wareejiyay ahayn dayn rasmi ah oo dawladdu qaadatay laakiin, ay u badan tahay lacago dad laga qaatay oo aan nidaamka saxda ah marin ee dawladdu wax u daynsato. Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sanadkii 2012 difaacaya miisaaniyaddiisii oo wasiirkii xilka kala wareegay ee Cabdicasiis Samaale naqdiyay naqdiyay ayaa sheegay in xukuumaddii Rayaale aanay wax dayn ah ka tagin laakiin, ay ka tagtay lacag todobaatan milyan ah oo siyaabo kale loo lunsaday. Lacagtaas waxay ka yar tahay lacagta 80-ka Milyan ee dollar ah ee xukuumaddii Siilaanyo ku wareejisay tan Madaxweyne Biixi. Dib u milicso qoraalkii Eng Maxamed Xaashi ee 2012 “Wargeyska Jamhuuriya, Vol.19 cadadka 4951 ee Axad, 21 October 2012 ayaa qoray hadal uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda oo ahaa; ‘Miisaaniyaddu 2012 waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Waxa jira 10 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo lagu qoray deeq amma deyn. Hadday tahay deyn miisaaniyadda ma galayo, hadday deeq tahayna, waayo ma jirto deeq toos la inoo siiyaa oo hay’aduhu waxay bixiyaan iyagaa toos u maamula. Waa laga yaabaa wixii wanaag ah ee dhaca in hoggaanka dalku qaybta ugu weyn yeesho, guul-darradana la wada yeesho ilaa hoggaanka u sarreeya. Haddii aan wax ka idhaa saddexdan arrimood ee Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay; Miisaaniyadda 2012 ee aan wasiirka ku wareejiyey waxay ahayd odoros (Estimate). Odorosku wuu noqon karaa intii la qiyaasay. Wuu ka yaraan karaa, wuuna ka badan karaa. Waxaan meesha qaban, ‘Miisaaniyaddu waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Kalmadda buun-buunin waxay xambaarsan tahay khalad loola kacay, mid meesha qabatana ma aha. Wasiirku dhinaca kale wuxuu qirayaa in la gaadhi karo odoraska miisaaniyadda 2012 ee $106 milyan ah, aniguna waan qabaa sidaa. Qodobka kale ee 10 milyan oo dollar miisaaniyadda way ku geli karaan deeq amma deyn. Deeqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland lagu caawiyo waa inay ka muuqataa miisaaniyadda qaranka, deyntuna waa inay iyana ka muuqataa miisaaniyadda oo labadaba lagu qoraa, miisaaniyadiihi horena way ku jiraan. Mucaawanada la ina siiyaa waa deeq dalka soo gashay, haddii aan deyn qaadanno amma baanka ka qaadanno amma tijaarteenna aan ka qaadannee waa inay galaan miisaaniyadda. Sidii horeba loo yidhi, xilku waa meerto, balse qof walba wuxuu ku suntan yahay, wixii uu qabto iyo waqtiga uu qabto. Haddii aan wax ka taabto amma is-barbardhigo; xaaladdii aan anigu kagala waareegay wasiirkii iga horreeyey iyo xaaladdii aan ku wareejiyay, wax badan baa u dhexeeya. Waxaan qabaa in wasiir Cabdicasiis iga nasiib wanaagsanaa. XAALADDDII AAN DHAXLAY: Guddidii loo saaray ee ka koobnayd; Hantidhawrka, Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxay baadhitaankii ka soo bilowday 2002 ilaa July 2010. Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa. Waxa dheeri soo hadhay Sl/Sh. 322.7 bilyan ($53.7 milyan). Markaa waxay guddidaasi caddeeyeen in aanay wax deyn la yidhaa jirin. Waxase jiray lacag maamulkii Rayaale lunsaday oo gaadhaysay $70,295,820 doollar iyo hanti ma-guurta ah oo la lunsaday. Waxay noqotay in aannu bixinno deyntii ay dadweynaha ka qaateen, mushaharooyinkii dhowrka bilood taagnaa ee shaqaalaha iyo ciidammada iyo raashinkii, ciidammada, cusbitaallada iyo jeelasha, nidaam dhisan oo aan la wareegayna ma jirin. Qaran News
  12. (SLT-New York)-Waxaa la saadaalinayaa in heerkulku shanta sano ee soo socota ay u badan tahay in uu noqdo ama ka sarreeyo 1C marka loo eego heerarkii warshadaha ka hor. Waxa kale oo jira fursad yar oo mid ka mid ah shanta sano ee soo socota la arki doono heerkulka caalamiga ah oo si ku meelgaadh ah u dhaafsiisan 1.5C. Sidoo kale arrintan ayaa loo arkaa inay tahay arrin muhiim u ah oo isbeddelka cimilada. Haddii xogta dhabta ah iyo saadaasha isku mid noqdaan, tobanka sano ee socda laga soo bilaabo 2014-2023 waxay noqon doontaa midka ugu kulul in ka badan 150 sano oo ah inta la ogyahay ee diwaangashan. Xafiiska Met ayaa sheegay in 2015 oo ahaa sannadka ugu horeeyay ee heerkulka caalamiga ah gaadho celceliska 1C ama ka sarreeyo heerkii hore ee warshadaha, taas oo guud ahaan loo qaadaanayo si loo macneeyo heerkulka u dhaxeeyey sannadihii 1850 illaa 1900. Sannad kasta tan iyo wakhtigaas, celceliska adduunka ayaa ku dhawaaday ama ka sarreeyay calaamadda 1C. Hadda, Xafiiska Met-ku wuxuu sheegayaa in ay dhici karto in ay sii socoto ama sii korodho shanta sano ee soo socota. Xafiiska Met ayaa sheegay in 2015 oo ahaa sannadka ugu horeeyay ee heerkulka caalamiga ah gaadho celceliska 1C Xafiiska Met Office ayaa sheegayin ay 90% ku kalsoon yihiin in saadaashoodu dhab noqon doonto. Sida oo kale waxa ay sheegayaan in laga bilaabo 2019 illaa 2023, la arki doono heerkulka oo u dhaxeeya 1.03C ilaa 1.57C ee ka sarreeya heerarka 1850-1900, iyada oo kulayl badan ahaanayo caalamku, gaar ahaan aagagga Arctic. Xafiiska Met Office ayaa sheegayin ay 90% ku kalsoon yihiin in saadaashoodu dhab noqon doonto. Kooxda cilmi baarista ayaa sheegaysa in ay aad u cakirantahay saadaashooda sababtoo ah waayo-aragnimadii hore. Saadaashii hore ee kooxda, ee la sameeyay 2013-kii, ayaa saadaalisay heerka kulul ee degdegga ah ee la arkay shantii sano ee la soo dhaafay. Waxay xitaa saadaalisay qaar ka mid ah faahfaahinta yar ee la yaqaan sida sheyga qaboojinta ee lagu arkay Waqooyiga Atlantic iyo dhibcaha qaboobaha ee Badweynta Koonfureed. Maxay ka yidhaahdeen goobaha kale ee cabbira isbeddelka cimilladu? Saadaasha Metta ayaa soo baxaysa iyada oo dhowr hay’adood ay daabacayaan falanqeyntooda ku aaddan xogta oogada heerkulka laga bilaabo 2018, taasoo muujinaysa in sannadkaasi midkii afraad ee ugu kululaa illaa iyo inta diwaan gashan, tan 1850. Hay’adda caalamiga ah Saadaasha Hawada ee (WMO) ayaa daabacday falanqeynta shan shey oo caalami ah oo muujinaya in 20ka sano ee ugu kululaa la diiwaangeliyey 22kii sano ee la soo dhaafay. “nasiibdarro, saadaasha Xafiiska Met ma aha mid lala yaabo” ayay tidhi Dr Anna Jones, oo ah saynisyahan ku xeeldheer dhanka cimillada kana tirsan British Antarctic Survey Source
  13. (SLT-Washington)-Saacado kadib markii Madaxweynaha Donald Trump uu soo jeediyey khudbadiisa sanadlaha ee labada Aqal ayey xildhibaanada Mucaaridka ee xisbiga Dimuquraadiga bilaabay baaritaan cusub oo lagu sameenayo xiriirkii ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka. Trump ayaa khudbadiisii habeen hore uga hadlay in horumar badan laga gaaray dhanka ganacsiga dalkaasi iyo dhaqaalaha oo sare loo qaaday, wuxuuna sheegay in guulaha ay dowladiisa gaartay ay burbur ku keeni karto hadii lasii wado baaritaanka isaga lagu hayo oo ay abaabulayaan Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga oo hada la wareegay aqlabiyada iyo guddoonka Aqalka (Hoose ee Kongareeska) Golaha Wakiilada. Baaritaankan cusub ayaa noqon doona mid garab socda kii uu horey u waday Xeer illaaliyaha gaarka ah ee Robert Mueller. Wuxuuna baaritaankan cusub si gaar ah diirada u saari doonaa xiriirka dhaqaale ee ka dhaxeeya Donald Trump iyo Ruushka. Dimuquraadiga oo hada fursad cusub u helay Trump ayaa sidoo kale baaritaan kale ku sameyn doona canshuuraha ay bixiyeen shirkadah uu lahaa Trump oo la rumeysan yahay inuu horey u lunsaday canshuur badan. Guddoomiyaha cusub ee Kongareeska Nancy Pelosi oo ka tirsan Dimuquraadiga ayaa sheegtay inaysan u joogsan doonin hanjabaadii ka dhex muuqatay khudbadii Trump oo ku dooday in aan loo baahneyn baaritaano horleh. “…Hanjabaad Madaxweynaha maaha mid na cabsi gelineysa….” ayey tiri Ms.Pelosi. Xisbi Xaakimka Jamhuuriga ayaa sanadihii lasoo dhaafay si weyn uga hortaagnaa Baarlamaanka Maraykanka inuu baaritaan ku sameeyo Madaxweynaha, balse arrintan ayaa isbedashay kadib doorashadii Baarlamaanka ee 2018 oo aqlabiyada Kongareeska ku heleen Xildhibaanada Dimuquraadiga oo Arbacadii shalay bilaabay cadaadiska cusub oo ay saarayaan Mr.Trump. Source
  14. (SLT-London)-Haweeney u dhalatay dalka Britain ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay dharbaaxday sarkaal ka tirsan laanta socdaalka dalka Indonesia oo ku sugnaa garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Ngurah Rai oo ku yaalla magaalada Bali. Auj-e Taqaddas oo 42 jir ah ayaa lagu helay dambi ah inay rabshado dhalisay kaddib markii ay wajiga ka dharbaaxday sarkaalka isla markaasna ay xoog kaga qaadatay Baasaborkeeda. Waxaa lagu riday xukun lix bilood oo xarig ah balse waxay ku anddacootay in xukunkaasi uu yahay mid ‘caddaalad darro ah’ Taqaddas ayaa muddo 160 maalmood dheeraad ah isaga darsatay wakhtiga uu ku ekaa dal ku galkeeda, waxaa ay muddo ku qaadatay xeebaha magaalada Bali. Markii la weyddiyay inay bixiso ganaax gaarayo $3,500, waxay u jawaabtay si caro leh iyadoo markaasi laga duubayay muuqaal. Auj-e Taqaddas ayaa ku eedeeysay dacwad oogaha maxkamadda inuu tacaddiyo u geystay isla markaasna ku qasbay inay sii joogta dalka Indonesia. Dacwad oogaha ayaa dhankiisa sheegay in wax dhibaata ah aanan loo geysan haweeneyda balse marar badan aysan soo xaadirin xilliga maxkamadda ay u qabatay dhageysiga dacwadda loo heystay. Wuxuu intaas ku daray in markaa ay ku qasbanaadeen inay si xoog ah ay maxkamadda ku horkeenaan haweeneydaas. Garsoorayaasha ku sugan maxkamadda deegaankaasi waxay sheegeen in Taqaddas ay codsatay in go’aanka maxkamadda ay ka qaadato racfaan. Source
  15. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen], ayaa Muqdisho kula kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] oo dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Baydhabo sannadkii la soo dhaafay. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in kulanku uu ka dhacay guri uu xabsi ku yahay Mukhtaar Roobow oo ay maamusho NISA, kasoo ku yaalla agagaarka xarunta Nabad-sugidda Qaranka. Sidoo kale, Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in la-sii-dayn doono Sheekh Roobow, isla markaana si hoose loo xalin doono shaqaaqadii ka dhalatay soo xiristiisii. C/casiis Lafta-gareen ayaa intaas ku daray in Sheekh Mukhtaar Roobow uu ka raalli-geliyay qaabkii loola dhaqmay iyo dhibaatooyinkii ka dhashay markii lasoo xirayay, isagoo xusay inuu diyaar u yahay in wax kasta oo tabasho ah miiska wada-hadalka lagu dhameeyo. Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa horay u ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii-dayn doono Sheekh Roobow, uuna dib ugu laaban doono Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa lasoo xiray xilli uu isku diyaariyay inuu ka qayb-galo doorashada madaxnimo ee Koonfur-galbeed oo dhacday daba-yaaqadii sannadkii hore, taasoo uu kusoo baxay madaxweynaha xilka haya ee Lafta-gareen oo la sheegay inay wadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa horay u ballan-qaaday inay kuraasta ka dagayaan haddii lasoo dayn waayo Abuu Mansuur oo horay uga soo goostay Kooxda Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo kulan la qaatay Mukhtaar Roobow appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Addis Ababa)-Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkaasi ka sheegay mar shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba, waxaana lagu soo oogay dembiyo badan oo ay ku jirto inuu ka dambeeyey dagaal-beeleedyo ka dhacay Kilinka 5-aad. Mar uu Garsooraha Maxkamadda wax ka weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar inuu fahamsan yahay Dacwadaha loo haysto, waxa uu si kooban u sheegay inuu fahamsan yahay, isla markaana ay yihiin Eedeymo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin. Dacwadaha Cabdi Maxamuud Cumar waxaa kaloo kula eedeysnaa 47 xubnood oo ka tirsanaa Maamulkiisa, balse 6 ka mid ah ayaa loo qabtay Kiiskaasi, halka inta kalena ay ka cararay dalka Ethiopia. Xubnaha shalay dacwadda ku wehliyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ka mid ahaa Madixii Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Maamulkiisa, Raxma Maxamed Haybe, Madixii hore ee Xafiiska Arrimaha Qurbo-joogta, C/risaaq Sehane Cilmi, Taliyihii hore ee Boliska ee Maamulkii hore, Farxaan Daahir iyo labo xubnood oo kale oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Cabdi. Dhegeysiga Dacwada shalay ayaa ahayd markii 4-aad ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale la soo golo-joojiyo Maxkamadda, waxayna Maxkamadda Federalka Ethiopia sheegtay in dhegeysiga Kiisaska loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale dib u dhigtay ilaa bishan Feberaayo 27-da. Source
  17. (SLT-Dubai)-Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha’yadda Amnesty International. Sida ku xusan warbixinta ha’yadda, gawaarida tikinikada ah, madaaficda iyo hub kale ayaa loo weeciyay kooxo aan la xisbaatamin oo lagu eedeeyay in dalkaasi ay ka geysteen dambiyo dagaal. Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee dalka Yemen. Imaaraatka kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu kasoo dhoofsado Mareykanka. Talaadadii, sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa sheegay inay baarayaan in hubka la guddoonsiiyay maleeshiyaad iyo in kale. Ugu yaraan 68,000 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Yemen halka 10,700 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey. Source
  18. 2 Xilli-Dhiig qubasho oo Reer Awdal guul weyn u horseeday iyo siraha dhiig daadashada togan ka farcama !! Dr.khadar-Libaaxley. 1.Horaantii 1984 diyaarada itoobiya ayaa duqeyn xoogle ka geystay qaybo ka mid ah Somaliland, Hargaisa, Wajaale, Borama iyo Xariirad, waxa si ba’an loogu lee’day magaalada Borama oo duqeyn xoogani sabankaa ku dhacday, waxa ugu badan ee maalintaa duqeynta Borama ku dhintay (84 ciyaala iskuul ah, dhaganeysay dugsi hoose dhexe oo meel kaliya lagu wada aasay dhamaantood, waxa intaa dheeraa 24 kale oo waayeel ah oo dhaawac iyo dhimasho isugu jiray, sabankaa Borama waxa ay aheyd degmo ka mid ah gobolka maroodi jeex, imaatinkii madaxda xamar ka timi ay Borama timi iyo qiimeyntoodii xaaladu waxa ay dhashay ( magacaabistii Gobolka Awdal isla sannadkii 1984 , dadkii dhintay waxa ay illa fur u ahaayeen magacaabista guusha ku soo fool la hayd reer awdal ). 2. SNM gudagalkii Borama dadkii ku dhintay waxa ay illa fur iyo gogol xaadh u ahaayeen waxa ay maanta haystaan Reer Awdal oo ah, dawladnimo haba iska taag darnaatee, dadkoodii oo dib isugu soo wada noqday si ay u camiraan Borama iyo gobolkoodii, oo hadii aaney xamar dumi la hayn ay maanta Borama tuulo yar , oo maroodi jeex ka mida iska ahaan la ahayd, degmadana ummado kale oo koon fur kayimi qabsan la haayee, dabadeedna sidaa barlaawe yaal koon-fur goboladeeda ku baahsan iska noqon la haayeen . Siraha ka farcama dhiig daadashada togan : Sideedaba indhaha wajiga ku yaala markay bad-qabaan waxay arkaan walax kasta oo araga indhaha wajigu ay qabtaan; hayeeshee indhaha qalbiga waxa lagu arkaa – ama cilmul baadinka ( xaqiiqada xogaha dahsoon ee dunida iyo kuwa dalka aad ku nooshahay) waa deeq illaahay bixiyo oo laasimka duco iyo dikri food saar u ah. Xaqiiq aan xaqiiq loo dhaafaa jirin waxa ah ( Guulaha Aadamuhu gaadhay ama Guulaha ku soo fool leh qof , qolo, qabiil, gobol ama qaran waxa sunne buuxa oo aan shaki laheyn u ah dhimasho iyo dhiig daata ; sida gaadhi walba shidaal uu taayirka ku wareejiyo ugu baahanyahay!! Dhiiga illa furka u ah guulaha nolosha oo dhan wuxu noqon karaa mid xoolaad ama mid bini-aadam ). 1. Illaahay wuxu malaa’iigta ku war-galiyey in uu abuurayo Binu-aadam uu arlada/dunida masuul uga dhigo, malaa’iigtu waxay ku jawaabeen illaahaw ma mid dhiig ku daadiya oo fasahaadiya ayaad u dhiibaysaa arlada iyadoo annagu aanu kuu tasbiixsaneyno oo ku dahirinayno!! u fiirso mudane akhriste ( sharafka dhiigu leeyahay ) si Nabi Aadam-caleyhi salaam u dhasho, dhulka dhiig baa lagu sii rusheeyey, si lamid ah marka nin madax ah la soo dhaweynayo ee rooga cas loo sii dhigo, dhiiga dhulka ku daatay aabbeheen horteed ayaa ahaa isdilka dhiiga khal-qigii inaga horeeyey ee ay malaa’igtu ogeyd ** waxa uu gogol dhig u ahaa sirta abuuranka , jiritaanka Aadmiga iyo masuuliyada tallada arlada !!. 2. Nabi Ibrahim-caleyhi salaam sharfintii uu sharfay 2dii malag ee suurada Bini-Aadamka isku soo eekaysiiyey nabi ibraahin marti gashiimo wuxu uga dhigay gawraca ama ka dhiijinta dhiiga dibi shilis !! ka dhiijinta dibigaa uu nabi ibraahim gawracay waxa xigtay ( guusha bishaaradii nabi ibraahim ay malaa’igtu ugu bushaareeyeen *** wiilkii cilmiga badnaa ee hellay dhaxalkii aabbeheen aadam *** Nabi isxaaq caleyhuma salaam ) u fiirso sharafka dhiigaasi lahaa wuxu gogol dhig iyo ceelalyo u ahaa dhalashada nabi isxaaq iyo in silsilada nabinimadu marto hidihiisii. 3. Riyadii nabi ibraahim uu ku riyooday isaga oo gawracaya wiilkiisa ismaaciil , taas oo imtixaan rabi aheyd; sidaad wada ogtihiin illaahay wuxu ku furtay wiilkii yaraa ee nabi ismaciil gawraca ama ka dhiijinta dhiiga wankii weynaa; sharafka dhiigaa wanka weyn ee lagu furtay ismaciil ayaa gogol dhig iyo ceelalyo u a haa in Nabi ismaciil sii jiro, tarantiisa iyo tafiirtiisana uu ka mid noqdo ( khaatimul-ambiyaa ama kheyrul khalqi-laahi Nabi maxamed scw); gawraca wankaasi furashada xisaabsanaa qiimaha iyo qaayihiisa waxa uu ka mid noqday tiir ka mid ah tiirarka xajka. 4. Nabi maxamed awoowgii cabdi mudalib nidarkii uu illaahay lagaley ee ku beegmay cabdilaahi ibnu cabdi mudalib nabi maxamed aabbihii , waatii reer abtigii ku furteen badalkiisa gawraca boqol geela ah oo gole joog ah, oo xisaabsan halka aynu ka keennay xeerka magta ninku in uu noqdo 100 geel ah; furashada cabdilaahi ee gawraca 100 kaa geela waxa ay gogol dhig iyo ceelalyo u aheyd dhalashada , jiritaanka iyo nabinimada nabi maxamed SCW oo waatii Nabigu la haa ( waxa aan ahey Nabigii 2da gawrac dhexdooda ) oo ah sababta astaanta u ah jiritaankiisa, Nabinimada iyo mudnaanta weyn ee darajada sare kheyru-khalqi-laahi. 5. Dagaalkii 2aad ee aduunka 18 milyan oo qof ayaa ku dhintay sida taariikhdu wariso; qubashada dhiigaasi waxa uu calanka u siday guusha ( Dib u soo laabashada isra’el ee Qudus- Bariga dhexe iyo soo bixistaanka horyaalka quwada koowaad ee dunida ee maraykan ka). 6. Dagaalka ka qarxi doona Boqortooyada sucuudiga ee bilawgiisana ugu hor holci doona 3Nin ee isku qabsan doona Boqornimada dalkaasi sucuudiga, kadibna si ba’an ugu baahi doona wadanka oo dhan; dhiig daadinta dagaalkaasi oo xataa kabcada soo gali doona; sirta ku jirtaa waxay tahay in uu yahay gogol dhig iyo bilowga ( waaga cusub oo u baryi doona islaamka iyo dunida oo uu gadhwadeen ka noqonayo (Mahdigu). 7. Aroosyada reerka cusub maalintiisa u horeysa gawrac iyo dhiig xoolaad baa la daadiyaa oo xisaabsan gogol dhiga reerka yagleesha ah in uu u noqdo xirsi xidh iyo dayr !! xataa ilmo yar marka uu dhasho waxa sunne iyo jiritaankiisa lagu aasaasaa gawrac xoolaad; sidaa daraadeed : ( sirta ku jirta dhamaan dalka dibadiisa iyo gudahiisa dhiigagii iyo qudh-gooyooyinkii dalka dadkiisii ka dhex-dhacay ee ay SNM soo qubtay iyo kii laga qubay SNM , dhiigii sokeeye ee ku qubtay Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag ; fool-xumooyinkii dhacay iyo dhiig qubashadii baahsaneyd ee illaa maanta Sool iyo Sanaag ka sii qiiqaysa dhamaantood waxa ay gobbo’da’ iyo gabagabada u soo biyo shubanayaan gogol dhiga guusha furashada dalka iyo xaaladaha koritaanka ee dib u curashada markale jamhuuriyada Somaliland!! Sababtu waxa ay tahay Beeriba beerta ay ka waxsoo –saar iyo midho wanaagsan tahay ayaa digada xoolaha iyo saxarada dadka ee qudhunka ah lagu nafaqeeyaa!!). Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 2/6/2019. Qaran News
  19. Muqdisho(SMN)- Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay Sheikh Mukhtar Rooboow oo ay xirtay dowlada Soomaaliya isagoo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen iyo Rooboow oo kulankooda uu ahaa mid xasaasiya ayaa waxyaabo fara badan oo xariga Sheikh Mukhtar Rooboow oo ugu horeeyo kawada hadlay. Maalmihii la soo dhaafay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku sugnaa magaalada Muqdisho,wuxuuna madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay ra’iisal wasaare Kheyre oo arimo badan ay kawada hadleen. Warar hoose oo ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu Sheikh Mukhtar Rooboow kala hadlay arimo ku saabsan xarigiisa,isagoo u sheegay in uu dedaalo badan ugu jiro sidii xoriyadiisa dib uu ugu heli lahaa. Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay dowlada Soomaaliya ayaa Mukhtar Rooboow ka soo qabatay magaalada Baydhabo,waxaana lagu xiray xarunta ha’yada NISA ee Muqdisho,dowlada Soomaaliya ayaa Rooboow ku eedeysay in uu meel maray heshiisyadii ay horay u wada galeen isaga iyo dowlada Soomaaliya. The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Mukhtar Rooboow appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xarigiisa iyo maxkamadaha marar badan lasoo taagay. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadalkaasi ka sheegay mar shalay la soo taagay Maxkamadda Federalka ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana lagu soo oogay dembiyo badan oo ay ku jirto inuu ka dambeeyey dagaal-beeleedyo ka dhacay Kilinka 5-aad. Mar uu Garsooraha Maxkamadda wax ka weydiiyey Cabdi Maxamuud Cumar inuu fahamsan yahay Dacwadaha loo haysto, waxa uu si kooban u sheegay inuu fahamsan yahay, isla markaana ay yihiin Eedeymo la soo dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin. Dacwadaha Cabdi Maxamuud Cumar waxaa kaloo kula eedeysnaa 47 xubnood oo ka tirsanaa Maamulkiisa, balse 6 ka mid ah ayaa loo qabtay Kiiskaasi, halka inta kalena ay ka cararay dalka Ethiopia. Xubnaha shalay dacwadda ku wehliyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ka mid ahaa Madixii Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Maamulkiisa, Raxma Maxamed Haybe, Madixii hore ee Xafiiska Arrimaha Qurbo-joogta, C/risaaq Sehane Cilmi, Taliyihii hore ee Boliska ee Maamulkii hore, Farxaan Daahir iyo labo xubnood oo kale oo lagu kala magacaabo Warsame Cabdi iyo Guuleed Cabdi. Dhegeysiga Dacwada shalay ayaa ahayd markii 4-aad ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale la soo golo-joojiyo Maxkamadda, waxayna Maxkamadda Federalka Ethiopia sheegtay in dhegeysiga Kiisaska loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale dib u dhigtay ilaa bishan Feberaayo 27-da. Caasimada Online Xafiiska Ethiopia Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta magaalada muqdisho markii Labaad ku qabsoomay shirka sanadlaha ee arimaha caafimaadka Soomaliya oo sanad walba ay soo qaban qaabiso jaamacada Jamhuuriya ee Magaalada Muqdisho. Sanadkan waxa shirkaasi diirada lagu saaray cilmi baadhis la xariirta arimaha caafimaadka ayada ay ka soo qeybgaleen cilmi baadhayaal caafimaad oo ka kala yimid dalal kala duwn oo caalamka, dhakhaatiir cafimaad, xubno ka socday kuliyadaha caafimaad ee jaamacdaha dalka, qaar kamida hay’adaha gargaarka ee Somaaliya, ardayda jaamacdaha, xubno katirsan wasaarada caafimaadka dalka, wasiirudowlaha Wasaaradda waxbarashaadda ee Somaaliya iyo arday wax kabarata culuumta caafimaadka. Eng Mohamed Ahmed black oo ah gudoomiyaha jaamacdda Jamhuuriya ayaa sheegay in sanadkan sharku ka baaladhan yahay sanadkii hore ayada oo lagu soo badhigayo daraasado iyo cilmi baadhis gaadhaya ilaa 24 oo dhamaantood lagu eegayo xaalada caafimaad ee Dalka Somaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa. “Sanadkan Waxaa ka soo qeybgalay cilmi badheyaal kala duwan oo ka kala yimid dadalal iyo xarumo cilmbdhis oo kala duwan oo caalmi ah Waxaana lagu soo badhigay ilaa 24 cilmi baadhis ah oo laga sameeyay arimha caafimaadka ee dalka.” Professor Cabdi Gelle oo katirsan machadka caafimaadka ee dalka Norway islamarkaana goobta ku soo baadhigay cilmi baadhis khusaysa sida ugu macquulsan ee loo yarayn karo dhimashada hooyada iyo dhalaanka ayaa xusay in cilmi baadhista ay sameeyeen lagu ogaaday in inkbadan 800 oo hooyo ah ay geeriyooto xiliga dhalmada boqolkii kun ee hooyo ee ku umula dalka Somaaliya islamarkaana la doonayo in la helo xal looga hortago arintaas Wasiirudowllaha Wasaardda Waxbarashadda Soomaaliya Hon. Abdirahman Mohamud Abdille oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin weyn dalka Somaaliya ayada oo ay khubaradda dhanka caafimaadka ah ee Somaalida ah ay maanta aqoontooda la wadaagayaan dadka Soomaaliyeed. “Waa nasiib wanaag in maanta ay tahay maalin aqoon iyo cilmi la is dhaafsanayo, waa maalin taariikhi u ah dalka Soomaaliya, waa maalin ay khubaradii somaaliyeed ku howlanyihiin sideen ugu hortagnaa khatarah dalka ka jira.” In kasta oo ay jiraan dadaalo baaxad leh oo dib u soo kabasho marka la eego dhanka caafimaadka, hadana wali waxaa ay Somaaliya heer hoose kaga jirtaa dunida marka la eego khatarta caafimaad ee kadhalata xanuunada la dawayn karo ama kuwa laga hortagi karo.
  22. Ku: Beelweynta Reer Sheekh Isaxaaq ee UK ee ka soo jeeda Itoobiya Gudida Sare ee Jahliyada Ethiopian Isaaq Forum Ayaa Caawa Fiidkii Kulan ku Yeeshay Xafiiskooda London. Ujeedada Kulankan Ayaa ahayd qabanqaabinta Shirwaynaha Beesha iyo xaaladaha xasaasiga ah ee Dawlad Deegaanka Somalida itoobiya ka jira qodobada ugu doorka roon ee shirka waxaa ka mida ■Siyaasada ■Nabadgalyada ■Saami Qaybsiga iyo tirakoobka la filayo Waxa hadaba kulaankaa kasoo baxay arimahan hoos ku xusan 1. Canbaaraynta Dhacdadii Ardayda Lagu Rasaaseeyay Magaalada Harta_Sheekh Sabtidii Bisha January 26/2019. Rasaastaas oo keentay Dhaawaca laba Will oo ka Tirsanaa Ardayda Fasalka 12 naad ee Dugsiga Sare Magaalada Harta_Sheekh. 2. Qabashada Shirwayne Beeshu yeelan Doonto Bishan February 9/2019 London Uk shirkaas oo Lagaga Arinsan Doono Xaaladaha Siyaasadeed Iyo Guud ahaan Arimaha Ka Socda Dds Ethiopia. Waxa hadaba La Ogaysiinayaa Dhamaan Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelwaynta Reer Sheekh isaxaaq ee jooga Wadamada yurub iyo Magaalooyinka kala Duwan ee Cariga Ingiriiska Uk inay Kasoo Qayb-Galaan Shirwaynahaa Ka Dhici Doona Magaalada London. Address: Sabti Saturday Tariikh Date 9/Feb/2019 Mayfield House 202B Cambridge Health Road London E2 9LJ Fadlan wixii faahfahina kala xidhiidh Afhayeenka Gudidda : Xanse Jaaji Xassan 07982931113 Qaran News
  23. Boosaaso (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay saameynta dhaqdhaqaaqa dekadda magaalada Boosaaso uu ku yeeshay dilkii loo geystay madaxii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkada DP World. Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Saciid Maxamed Raage oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay sida uu noqon doono heshiiskii shirkada lala galay iyo isbadalka maamulka dekadda kadib dilkii Paul Farmoso, maareeyihii dekadda. Wasiir Saciid Raage, ayaa ugu horeyn sheegay inay dib u bilowdeen howlihii shaqo ee dekadda oo saacado kooban hakab ku jirtay kadib dilkii ka dhacay afaafka hore ee dekaddda magaalada Boosaaso. “Dhacdadii ka dhacday dekadda magaalada gaar ahaan guriga Shirkada P&O waan ka tacsiyeyneynaa, waxaana soo hagaagaya dadkii ku dhaawacmay oo uu ku jiray ruux Hindi ah iyo ciidamada”ayuu yiri wasiirka. “Ajaaniibtii wuu saameeyay dilkii dhacay, laakiin hal qof kama dhoofin dalka,shaqadana ma joogsaneyso maxaa yeelay dad kale ayay tababareen oo howsha sii wadi kara, haddana wey socotaa howsha dekada” “Ninka Muslim ayuu ahaa, walow aanan aniga arag masaajidkana waa laga sheegay, in Ibraahim la yiraahdo isagaa ii sheegay, dowladeydana wey igu og tahay ayuu igu yiri inuu Muslin qaatay oo diintii kale uu ka tagay isagaaba ii sheegay”ayuu yiri wasiirka. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  24. Sh.Hoose(SMN)- Diyaarado dagaal oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeyntaasi kadib waxaa deegaankaasi gudaha u galay ciidamo cadaan ah oo ka daatay diyaaradaha duqeymaha fuliyay iyo ciidamada bangaraafta Soomaaliya. Rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayeen ciidamadii huwanta ee weerarka soo qaaday iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa laga maqlayay gudaha deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeymaha oo meelo fara badan lala beegsaday ayaa dadka deegaanka waxay xaqiijiyeen in goobaha ay ku dhaceen madaafiicdaa uu kamid ahaa masaajid ku yaalla deegaankaasi. Qasaaraha ka dhashay duqeymaha iyo weerarka tooska ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay ayaan la xaqiijin,balse inta la xaqiijiyay 8 ruux oo shacab ah ayaa weerarkaasi waxyeelo ka soo gaartay. Ma jirto cid sheegatay weerarkii xalay ee isugu jiray duqeynta iyo midka tooska ahaa ee lagu qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. The post Duqeymo Iyo Weerar Toos Ah Oo Xalay Ka Dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Maanta oo khamiis ah waxaa magaalada London ka dhacaya dibadbax weyn, oo looga soo horjeedo shirka shidaalka Soomaalida. Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay shirkaasi qaadhaceen guddiyada kheyraadka ee labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, xisbiyada midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda (UPD) iyo Wadajir iyo waxgaradka Soomaaliyeed. Inkasta oo dowladda federaalka ah sheegeyso in shirkan uu yahay soo bandhigidda sahanka, hadana sidaasi si ka duwan waxaa u hadleysa shirkadda shirka London ee maanta dhacaya soo qaban-qaabisay ee Spectrum Geo. Haddaba, Soomaaliya ayaa shirkan aadey iyada oo aaney diyaar u aheyn: 1. Ma DhameystirnasSharciga Batroolka oo baarlamaanka federaalka ayuu la yaalla. 2. Diyaar ma aha xerar hoosaadyo ku saabsan bii’ada (deegaanka) iyo caafimaadka (Health /safety and environment) 3. Ma jiro Xeer-hoosaadka Hayadda Soomaaliyeed ee Shidaalka (Somali Petroleum Authority)- Hayaddan waxay bixinaysaa laysanada iyo ruqsadaha, waxayna daba-galaysaa hawlaha socda, iyo sida ay u socdaan hadday waafaqsan tahay heshiiska Soo-saar wadaagga shidaalka (Production sharing agreement). 4. Looma oga si sax ah shidaalka ku jira balook-yada kala duwan iyadoo sal looga dhigayo xogaha 2-D saysmikada, lamana qiimeyn. 5. Lama sameyn qiimaynta saamaynta hawalaha shidaalka ay ku yeelan karaan deegaanka badda ah (Environmental impact assessment). 6. Lama diyaarin Sharciga Cashuuraadka (a Modern Tax Law) 7. Soomaaliya ma lahan aqoon iyo khibrad ku filan oo hawlaha qandaraas-bixinta iyo gorgortanka la xiriirka ee shirkadaha caalamiga ah ee sahmiya, soona soo-saara shidaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com