Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,362
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Bulshada Rayidka Ah Ee Magaalada Burco Ayaa Ganafka Ku Dhufatay 80 Million Ee Dayntaa Iyo Hadalada Iskhilaaftsan Ee Dr Sacad Cali Shire. Source
  2. Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo arrimaha bini’aadinimada Puntland ayaa waxay sheegtay in ay abaar adag kusoo wajahantahay Puntland. Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland [...] Source
  3. Jigjiga(SMN)- Xubnaha baarlamaanka maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jigjiga xasaanadda ka xayuubiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi. Kulanka ay yeesheen baarlamaanka dowlad deegaanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa 12 xildhibaan oo kamid ah baalramaanka maamulkaasi xasaanadda kala laabtay,waxaana lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xad gudub ka dhan ah xuquuqda bin’aadanimada. Xildhibanada xasaanadda lagala noqday ayaa waxaa kamid ah afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Dhamaan xildhibaanada xasaanada laga xayuubiyay ayaan ka soo qeyb gali kala fadhiga ay yeesheen baarlamaanka maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. The post Xildhibaano KaTirsan Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Xasaanadda Laga Xayuubiyay appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Jigjiga)-Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan. Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah. Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Wararka waxay sheegayaan in dhammaan xildhibaanadan aysan joogin maanta kalfadhiga baarlamaanka halka laga aaminsan yahay in qaarkood aysan dalka joogin. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Madaxweyne Biixi ayaa ganacsato dhawr ah ku wareejisay dhismaha Carwadii Magaalada Hargeysa. Waxa dhismaha laga saaray ganacsato yaryar oo degana si ay si buuxda ugula wareegaan ganacsatada lagu wareejiyay. Dhismahan qadiimiga ah ee Carwada Hargeysa waxa ku jiray Dhakhtarkii Marxuum Ina Aw Aadan iyo qoysas kale oo danyar ah, waxaana hadda laga saaray dhammaan-ba dadkii ku jiray,kuwaasi oo faaruqiyey dhammaan-ba barxada iyo gudaha dhismaha ee ay ku jiraan,iyada oo hada ay Ganacsadayaasha lagu wareejiyey qufusheen dhismaha sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi oo wariyeyaal ka socda dhismaha tageen. Xogo uu wargeyska Waaberi ka helay ila wareed-yo u dhuun daloola dhismaha , ayaa sheegay in ay dhismahaa iyo barxadiisiiba Xukuumaddu ku wareejisay Ganacsadayaal iskaashato ah waxaanay arrintani imanaysa iyada oo shalay madaxweyne Biixi sheegay in ay lix bilood murmayeen ganacsade xukuumaddii hore ku wareejisay dhismaha qadiimka ah ee khayriyadii hore. Dhismahaas ayaa markii dambe xukuumaddu xoog kaga saartay ganacsadaha. Waxaana la sheegay in madxaf Qaran laga dhigayo. Wariyeyaasha Waaberi oo u kuur galay dadka laga raray dhismihii Carwada ayaa ogaaday in dadka laga raray la siiyay kharash aan buurnayn oo ay halkaasi kaga guuraan. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay xadka Wajaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ku qabatay lacag dhan 1.5 milyan dollar (Hal milyan iyo badh dollar) oo dalkeeda lagala soo baxaayay. Warbaahinta FANA ee ku hadasha afka dawladda Itoobiya, ayaa xalay baahisay in ciidamada Booliska Itoobiya ay Kaantaroolka Wajaale ee dhinaca Itoobiya ku qabteen lacag dhan 1.5 milyan dollar, waxaanay idaacadu intaas ku dartay in sidoo kale dalal kale lagu qabtay dahab miisaankiisu yahay 7kg. Dadka lagu qabtay lacagtan dollarka ah iyo dahabka ayay idaacadu sheegtay in xabsiga loo taxaabay. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga ayaa dardar gelisay dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana gobalka soo gaadhay ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar. Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Muqdisho, ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad. “Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay sannadkii 2012.” Sidaas waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan. Geesta kale, warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu ku soo jeedo caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa Geeska Afrika toddobaadkii hore u sheegay inaanay dawladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaas. Si kastaba ha ahaate dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay dardar xoog leh gelisay sidii ay kulan isugu iman lahaayeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu ergaygani wada hadalada u qaabilsan Turkigu doonayaa inuu u kala dab qaado labada Madaxweyne. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala diro Komishanka Doorashooyinka, waxaanu soo jeediyey in nidaamka lagu soo xulo wax laga bedelo, oo si siman Xisbiyada loogu qaybiyo xubnaha Komishanka. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadaly cuna yaraanta la sheegay inay ku soo fool leedahay Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Komishanka “Komishanka qaabka lagu soo xula maaha qaab cadaalada ku saleeysan, sababtoo ah laba xubnood waxa keena Madaxweynaha, laba xubnoodna Golaha Guurtida, min hal xubina Saddexda Xisbi, sidaas oo darteed Xisbiyada Mucaaradku Komishanka waxay ku leeyihiin laba xubnood oo qudha,markaas Komishankii iskuma dheeli tirna, madaama loo baahan yahay in Garsoor iyo dhex noqdaan, ma noqon karaan, aanay Xisbiyadu si siman u qaybsanin, maxa yeelay Xisbi ayaa shan xubnood haysta, halka xisbiyada Mucaaradkuna isku haystaan laba xubnood, markaas Komishan XIsbi looma baahna, Komishan dhinac ka rarana looma baahna, ee komishan qaran oo Xisbiyadu si siman u soo magacaaban ayaa loo baahan yahay, Komishankana haddii kalsoonidii lagala noqday cadaalad darana lagana tirsanayo inay sii joogaan maaha, ee waa in la kala diraa” Suldaan Maxamed Cabdiqaadir mar uu ka hadlaayey cuna yarida la sheegay inay ku soo fool leedahay Somaliland ayaa yidhi “Dad Islaam ah ayeynu nahay, ALLE ayaa inoo qoray wax cunaheena maraya, ALLE ayaa ina arsaaqaya, gaal ALLE ka fogaaday wuxuu sadaaliyey maaha inaynu run moodno, ee waa inaynu ALLE barinaa, oo aynana naxariistiisa ka quusan, oo bariyadiisa ka quusan, ALLE adamkiina wax cuna yariya oo inagu dhacaya ma jiri doonto, ee ALLE ayeynu ka baryeynaa inuu wax walba inoo barkeeyo, oo uu arsaaqada inoo barkeeyo, waxaana mar walba la inooga baahan yahay inaynu la nimaadno tacab iyo dadaal aynu dhulkeena wax kala soo baxno kuna beerano, balse la inoogama baahna inaynu gaal aamino”. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee da’da yar, ayaa ka hadlay daynta $80 Milyan ee dollar ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka dhaxasha Xukuumaddii hore ee KULMIYE, waxaanu sheegay in Wasiir Sacad looga baahnaa inuu beeniyo deyntaasi markii uu garab taagnaa Xildhibaan Buubaa, balse aan loo baahnay inuu laba Cisho ka dib inuu ka hadlo arrintaasi oo ku tilmaamo mid aan jirin. Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa sidaasi ku sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Waaberi kaasi oo u dhignaa sidan“Horta arrinta Daynta oo uu sheegay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Ibhaarin Buubaa horta waxay kusoo baxday xog is wareysi isaga iyo wasaarada Maaliyada madax-dee dhexmartay markii kullanlkoodaasi usoo dhammaadayn war-baahinta ayey la hadleen wasiirkuna wuu dhinac taagnaa Maaliyadu, markaa haddii ay jirto waxay ahayd inuu isla goobta dadka ugu bayaamiyo oo uu yidhaah-do sidaa uu Xildhibaan-ku sheegay uga maanaan wada haddal .” Ayuu yidhi Mudane Buuni Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo haddalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray“Hadda waxa muuqanaysa in wax si hoose ay uga wada hadleen lakiin’se uu Xildhibaanku ummadda u bandhigay ayaa meesha ka muuqanaysa ama dayntuba aanay ahayn mid ku saabsan habka la yaqaanee ah sida Dowlada iyo shacbiga ay dayntu u kala geli karto habka duwan ayaa meesha ka muuqata, markaa habkaa ka duwan in Bulshada lala wadaago ama la ogaado wixii la qarinayey ayaa meesha ka muuqanaysa .” Dhanka kalena Siyaasi Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qarsanaysa Daynta $80 Malyan ee Doolkar ah, balse ay shacabiga la wadaageen Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda inay shacbiga u cadayso Dayntaasi oo ay cadayma buuxda keento“Haddii ay Xukuumaddii hore ay dayntaa ka tagtayna inagu Dowlad aad u curdin ah ayeynu nahay waxa jira arrimo dhaqaale sicir barar dalkeena waxa weeye camal la’aan badan ayaa jirta in Xukuumadda marka horeba sida ay u qarsanaysay ay u qarsato ,Golihi Wakiilada Masuuliyada ayaa saaran inay shacbiga la wadaagaan wixii xog ah ee ay hayaan ama iyaga iyo Xukuumadda dhexmarta, markaa Xukuumaddu dayntaasi haddii ay jirtona wax qarsoomaya maaha haddii aanay jirin shacbigeeda inay la wadaagto weeyaan, marka horena wasiirka waxa la gudboonayd ee uu bar-bar taagnaa Xildhibaanka wax-yaabo waxa jira aan la is amaahinin oo arrintan oo kale shacbigii ayaa lala hadlayey mihiim ayey ahayd $80 Milyan Lacag yar mahaa waxay ku fiicnay inuu Wasiirku maalintaa inuu ka jawaabo iyadoo hadda laba cisho ka dib inuu ka jawaabo waxay yar noqonaysaa in arrintaas.” Waxa kale oo uu sheegay in aan Dalkani qaadi Karin xadiga dayntaa noocaasi ah, isagoo ku baaqay in Xukuumadda aan looga baahnay haddal ku beeniso, balse looga baahan-yahay inay cadaymo keento badka “Waxaan odhan lahayn dalkanu ma qaadi karayo Daymaha noocaas ah Xukuumaddu haddii aanay ku qanacsany oo ay jirto lakiin’se ay u habranayso madaama isla KULMIYihii hore uu arrintan galay, markaa haddii ay Xukuumaddu u habranayso KULMIYihii hore oo Madaxweynahan dhisay inay siday u qarsanaysay ee ay ula tacaalaysa inay ula tacaasho ayuun bay ahayd , haddii aanay jirin sida uu Wasiirku maanta sheegay-na waan inay cadaymaha ay hayso ay Xukuumaddu la wadaagto Bulshada, arrintani mahaa mid ku filnaan karta in la beeniyo, waa inay cadaymahay hayaan ay la wadagaan Bulshada ,dadka qaar waxay leeyihiin arrimo siyaasadeed ayaa ku jira, lakiin Xukuumaddu wuxuu xog ah ee ay ka hayso waxa fiican inay Bulshada la wadaagto .” Ugu Dambeyn Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa ka hadlay shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE , kaasi oo la filayo inuu 23 bishan ka qabsoomo Magaalada Boorama“ Annigu Xisbiga kama mid ihi waxa laga yabaa sida anniga igu maqaala ah in Guddoomiye xigeenka labaad oo kale oo magacaaban lagu ansixinayo in shir weynahoodii oo kaabiga soo saaran dib loogu dhigayo in Guddoomiyhii Golaha dhexe Booskiisii lagu buuxinayo, lakiin Xisbiga kama mid ahi Khayr ayaan uy rajaynayaaa.”Ayuu yidhi Siyaasi Buuni Source
  10. Jigjiga (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan. Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah. Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Xildhibaannada ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen xubnihii abaabulay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga ee sababay dhimashada dad gaaray 58 qof. Madaxweyne ku xigeenka Ismaamulka Soomaalida Aadan Faarax ayaa dhawaan sheegay in uu fashilmay afgambi lagu doonayay in lagu sameeyo Maamulka cusub. Madaxweynaha Dowlad degaanka Mustafe Maxamed Cagjar ayaa isaguna todobaadkii la soo dhaafay sheegay in laga guuleystay kuwo uu ku tilmaamay haraadiga Maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo qaswadayaal ahaa. Golaha Wasiirrada ee Ismaamulka Soomaalida ayaa todobaadkii hore xilkii Wasiirka Warfaafinta ka qaaday Guuleed Cali Kaahin oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa rabshadihii Jigjiga. Madaxweynihii hore ee ismaamulka Somalida ayaa shalay ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada Adis ababa. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa beeniyay eedaha loo heysto,waxaana uu ku dooday in ay abaabuleen kuwo dangaar ah ka leh Gobolka. Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in rabshadihii ka dhacay Jigjiga Bishii August ee sanadkii hore ay ku dhinteen 58 qof, dad ka badan 200 qofna ay ku dhaawacmeen. Xildhibaannada maanta xasaanadda laga qaaday lama sheegin in la xirayo iyo in kale maaddaama xeer ilaalinta soo gudbisay 47 qof oo dambi ka galay gobolka kuwaas oo qaarkood xilal haya,kuwana ay dibadda u baxsadeen halka kuwo kale oo uu Cabdi ka mid yahayna ku jiraan gacanta Hay’adaha garsoorka. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad laba todoabaad gudahooda isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada ee Hirshabelle. Madaxweyne Waare ayaa magacaabay wasiiro,wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dowladayaal,waxaaana xubnaha uu magacaabay ka soo muuqday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle. Magacaabista uu sameeyay Maxamed Cabdi Waare ayaa kala ah 5 wasiir oo 4 kamid ah baarlamaanka Hirshabelle ay ka tirsanyihiin,4 wasiiru dowlayaal oo dhamaantood xildhibaano ah iyo lix xildhibaan oo loo magacaabay wasiiro ku xigeenada wasaaradaha la magaacabay. Magacaabista wasiirada cusub ayaa imaaneysa xili bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii Madaxweyaha Hirshabelle uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada oo xildhibaano ka tirsan maamulkiisa ay aad ugu soo muuqdeen. The post Madaxweyne Waare Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Maalinnimadii shalay oo ay ku beegnayd 30/1/2019 ayaan ka soo ambabaxnay magaalada Garoowe annagoo tagnay Jowhar kadibna Muqdisho uga sii gudubnay, waxaan ku sugnayn halkaas [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka xariirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana soo baxaysa xog ku saabsan safarkiisa. Sida ay dowladda sheegtay, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska. Hase yeeshee, sida ay Caasimada Online xog ku heshay safarka Khadar ayaa waxaa ku gadaaman qorshe kale iyo dadaallo dowladda Soomaaliya ay waddo. Safarka maanta uu ugu ambabaxay dalka Ingiriiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta uu si rasmi ah u furmaayo Shirka arrimaha Shidaalka Somaliya looga hadlaayo, kaasi oo London ka furmaya. Shalay waxaa Muqdisho ka baxay wafti kale oo dowladda Soomaaliya ka socda oo ka qeyb-galaya shirka shidaalka ee London ka furmaya maanta oo muran badan dhaliyey. Dadaal ay dowladda waday oo ay dooneyso inay ku baajiso banaanbax looga soo horjeedo shirka ayaa fashilmay. Dirista Khadar ayaa la rumeysan yahay inay tahay dadaallo ay dowladda dooneyso inay ku dejiso dadka saameynta ku dhex leh Soomaalida ee London ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Unknown fighter jets fired several missiles at small villages located in Lower Shabelle region, south of Somalia on Wednesday night, residents said. The air raid was followed by a ground offensive by foreign forces, along with Somali national army soldiers who swept into the locations targeting Al-Shabaab hideouts. Heavy gunfire exchanging between the allied troops and militants was heard after the undercover attack on Bariire area, where a US soldier was killed last year during operation. One of the missiles fired by the warplanes was reported to have struck a mosque in the locality. At least 8 residents lost their lives in the attack by Somali and the foreign forces. The scene has been the flashpoint of clashes and airstrikes in the past few years. The post At least 8 killed in joint Somali and foreign forces raid in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Boosaaso (Caasimada Online)-Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa gaaray Taliyaha ciidamada booliska ee Puntland iyo ciidamo badan uu hogaaminayay kuwaasi oo wata amarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadan la doonayo inay xaqiijiyaan amaanka magaalada, oo dhawaan dil loogu geystay madaxii shirkada P&O ee dekada Boosaaso. Ciidamada ayaa sida wararka aan ku heleyno waxay dhawaan ka bilaabayaan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari baaritaano iyo howlgalo gaar ah oo ka dhan ah amaanka magaalada Boosaaso. Amarka ciidamada la siiyay ayaa ka dhashay kadib markii dhawaan magaalada lagu dilay maareeyihiin dekada Boosaaso ee shirkada P&O oo hoostagta Shirkadda DP World. Warar kale ee aan heleyno ayaa sheegaya inay ciidamada xaqiijin doonaan amaanka magaalada iyo agagaarka xarumaha maamulka, maadaama dhawaan madaxweyne Deni la filayo inuu gaaro magaalada Boosaaso. Madaxweyne Deni oo dilkii Paul Farmoso ka hadlayay ayaa sheegay in Soomaali kaliya aysan dilkaasi ka dambeeyay islamarkaana gacmo Soomaali dhaafsiisan ay ka dambeeyeen, sida uu hadalka u dhigay. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilka oo xili hore ka dhacay magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. A Somali government soldier has shot dead a civilian in Mogadishu on Wednesday night, the latest in a series killings in the country’s capital by Al Shabab and security forces. Shueb Bibaye, a young man was gunned down at Towfiiq district in the capital’s Yaqshid district by a soldier, who was immediately detained by his colleagues in the army. “Bibaye has been killed inside his small shop in the area. This was a shocking incident and no one knows exactly why the young entrepreneur was targeted,” said a witness. Somali security officials are yet to comment on the shooting which comes amid a rising in the assassinations in Mogadishu, some claimed by the Al-Qaeda-linked Al Shabaab. The post A soldier shoots dead unarmed civilian in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay kooxda kubbadda cagta Dekedda ku guulaystay koobka Somali Super 2018 oo loo dhigo naadiyada hanata Koobabka horyaalka Somali Premier League iyo Jeneraal Daa’uud Dekedda ayaa sanadkii labaad oo xariir ah hanatay horyaalka Somali Premier League waxayna koobka Super Cup-ka kaga guulaysteyn xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo horay la oran jiray Banaadir SC,xili ciyaartaas ay ku dhamaaty 3-0 ay guusha ku qaateen xidigaha Dekedda. Guddomiyaha kooxda Dekedda Cabdullahi Faarax ayaa hambalyo u diray ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxdiisa wuxuuna sheegay tan iyo kolkii uu la wareegay hogaaminta kooxda ay samaysay is badalo iyo horomaro kala duwan dhinaca ka qeybgalka tartamada gudaha iyo dibadda. Waxaan da’daalay usoo galnay ku guulaysiga koobkii ugu muhiisanaa tartamadii la dhigay sanadkii lasoo dhaafay 2018 hiigsiigeenu waa in aan noqonaa kooxda ugu guulaha kubbadda cagta dalka waxaa sidaas igu waramay qaar ka mid xidigaha xafidanaya horyaalka Somali Premier League ee Dekedda. Maamulka kooxda Dekedda waxa ay fursad siiyeen in ay kooxdoodo u dheelan xidigo badan oo kasoo kala jeedo dalalka qaarada Afrika Reymand oo asal ahaan kasoo jeeda Nigeria,balse qaatay dhashalada wadanka Kenya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay horomarka guulaha uu la gaaray kooxdiisa,isagoo intaa ku daray in aad ula qabsaday nolasha Soomaaliya. Daa’uud Cabdullahi Tubaale waa haldooradii soo maray kooxda L.L.P Jeenyo sanado badan ayuu ciyaaray koobka Somali super intii uu joogay L.L.P,isagoo dhanka kale sanadkiisii kowaad kooxdiisa Dekedda la hantay horyaalka Somali premier League iyo Somali Super Cup. “Isku xernaanta ka dhaxaysa maamulka,macalimiinta ,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxdeena ayay ku timid guulah is xig xiga ee aanu gaarnay tan iyo 2016,yoolkeena waa in aan soo saarnaa xidigo tayo leh iyo in aan meel wanaagsanaa ka gaarnaa tartamadda kubbadda cagta gudaha dalka iyo qaarada” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay layliyaha kooxda Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo labadii sano laga soo gudbay Dekedda u qaaday labo horyaal iyo Super Cup-ka. Sida laga soo xigtay macalimiinta Dekedda waxa ay haminayaan in sanadkii saddexaad oo xariir ah ay hantaan horyaalka iyo tartamadda kale ee kusoo wajahan hadii ay dhacdana waa tariikh cusub. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dareenka Ciyaartooyda Iyo Hanashadii Koobka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sameeyay isku shaandheyntii 2aad muddo labo todobaad gudahood, isaga oo magacaabay wasiirro cusub. Akhriso: Isku Shaandheynta Golaha Wasiirrada Hirshabeelle: Source: goobjoog.com
  19. Magaalada London ayaa la filayaa in uu ka furmo shir looga hadlayo shidaalka Soomaaliya, inkastoo muran badan uu ka dhashay shirkan. Xubnaha shirkaasi u matalaya maamul goboleedyada kala ah, Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo K/galbeed ayaa caddeeyey mowqifkooda, shirkan waxaana ay sheegeen in aanu ahayn sida wax loo dhigay. Shirkan ayeey sheegeen in aan lagu xaraashi doonin shidaalka Soomaaliya, islamarkaana wararkaasi ay baahiyeen dad aan rabin horumarka Soomaaliya. Waxa ay xubnahan sheegeen in shirkan kaliya looga hadlayo soo bandhigista shidaalka Soomaaliya iyo in shirkadaha loo sheegi-doono inay maalgeshtaan shidaalka Soomaaliya Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Maamullada-sax-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle uu markale isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle. Isku shaandheynta ayaa markale waxaa kusoo baxay xildhibaanadii ugu badnaa ee maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay aad u mucaaradsanaa madaxweyne Waare. Waxaa muuqata inuu ku qancinayo xildhibaanada baarlamaanka ee ka aragti duwanaa, kuwaasi oo dhaliilsanaa hanaanka shaqo ee madaxweyne Waare. Hoos ka akhriso isku shaandheynta wasiirada Hirshabeelle.
  21. London (Caasimada Online)-Xubno matalaya dowlad goboleedyada oo ka qeyb galaya shirka ka dhacaya magaalada London ayaa ka hadlay mowqifka maamul goboleedyada ee shirkaasi. Xubnaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka ka dhacaya magaalada London inuusan jirin wax heshiis ah oo lagu kala saxiixan doono magaalada London, islamarkaana aysan jirin wax xaraash ah oo lagu sameynayo Shidaalka Soomaaliya. Xubno matalayay Dowlad Goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed,Hir-Shabeelle,Galmudug,Puntland iyo Jubbaland ayaa u ambabaxay Magalada London si ay shirkasi uga qeyb galaan. Xubnaha ayaa sheegay in shirkaasi laga faafiyay warar been abuur ah islamarkaana aysan jirin wax xaraash ah oo lagu sameynayo shidaalka Soomaaliya. Eng C/qaadir oo ah lataliyaha dhanka Qeybraadka ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in kaliya shirka London lagu soo bandhigayo daraasaad horey loogu sameeyay biyaha Soomaaliya sanadihii 2014 ilaa 2015. Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedada laga leeyahay shirka ay tahay in la ogaado marka hore ma saxbaa in dalkeena Shidaal leeyahay, waxaana kadib loo bandhigayaa dhamaan shirkadaha daneynaya in laga faa’ideysto shidaalka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Xubnaha-sax.mp3Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  22. Siyaasi Cabdinaasir Buuni Oo Wasiir Sacad Ku Canaantay Kala Haddalka Laba Cisho Gudahood Iyo Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Uu Ka Hadlay Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee da’da yar, ayaa ka hadlay daynta $80 Milyan ee dollar ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka dhaxasha Xukuumaddii hore ee KULMIYE, waxaanu sheegay in Wasiir Sacad looga baahnaa inuu beeniyo deyntaasi markii uu garab taagnaa Xildhibaan Buubaa, balse aan loo baahnay inuu laba Cisho ka dib inuu ka hadlo arrintaasi oo ku tilmaamo mid aan jirin . Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa sidaasi ku sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Waaberi kaasi oo u dhignaa sidan“Horta arrinta Daynta oo uu sheegay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Ibhaarin Buubaa horta waxay kusoo baxday xog is wareysi isaga iyo wasaarada Maaliyada madax-dee dhexmartay markii kullanlkoodaasi usoo dhammaadayn war-baahinta ayey la hadleen wasiirkuna wuu dhinac taagnaa Maaliyadu, markaa haddii ay jirto waxay ahayd inuu isla goobta dadka ugu bayaamiyo oo uu yidhaah-do sidaa uu Xildhibaan-ku sheegay uga maanaan wada haddal .” Ayuu yidhi Mudane Buuni Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo haddalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray“Hadda waxa muuqanaysa in wax si hoose ay uga wada hadleen lakiin’se uu Xildhibaanku ummadda u bandhigay ayaa meesha ka muuqanaysa ama dayntuba aanay ahayn mid ku saabsan habka la yaqaanee ah sida Dowlada iyo shacbiga ay dayntu u kala geli karto habka duwan ayaa meesha ka muuqata, markaa habkaa ka duwan in Bulshada lala wadaago ama la ogaado wixii la qarinayey ayaa meesha ka muuqanaysa .” Dhanka kalena Siyaasi Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qarsanaysa Daynta $80 Malyan ee Doolkar ah, balse ay shacabiga la wadaageen Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda inay shacbiga u cadayso Dayntaasi oo ay cadayma buuxda keento“Haddii ay Xukuumaddii hore ay dayntaa ka tagtayna inagu Dowlad aad u curdin ah ayeynu nahay waxa jira arrimo dhaqaale sicir barar dalkeena waxa weeye camal la’aan badan ayaa jirta in Xukuumadda marka horeba sida ay u qarsanaysay ay u qarsato ,Golihi Wakiilada Masuuliyada ayaa saaran inay shacbiga la wadaagaan wixii xog ah ee ay hayaan ama iyaga iyo Xukuumadda dhexmarta, markaa Xukuumaddu dayntaasi haddii ay jirtona wax qarsoomaya maaha haddii aanay jirin shacbigeeda inay la wadaagto weeyaan, marka horena wasiirka waxa la gudboonayd ee uu bar-bar taagnaa Xildhibaanka wax-yaabo waxa jira aan la is amaahinin oo arrintan oo kale shacbigii ayaa lala hadlayey mihiim ayey ahayd $80 Milyan Lacag yar mahaa waxay ku fiicnay inuu Wasiirku maalintaa inuu ka jawaabo iyadoo hadda laba cisho ka dib inuu ka jawaabo waxay yar noqonaysaa in arrintaas.” Waxa kale oo uu sheegay in aan Dalkani qaadi Karin xadiga dayntaa noocaasi ah, isagoo ku baaqay in Xukuumadda aan looga baahnay haddal ku beeniso, balse looga baahan-yahay inay cadaymo keento badka “Waxaan odhan lahayn dalkanu ma qaadi karayo Daymaha noocaas ah Xukuumaddu haddii aanay ku qanacsany oo ay jirto lakiin’se ay u habranayso madaama isla KULMIYihii hore uu arrintan galay, markaa haddii ay Xukuumaddu u habranayso KULMIYihii hore oo Madaxweynahan dhisay inay siday u qarsanaysay ee ay ula tacaalaysa inay ula tacaasho ayuun bay ahayd , haddii aanay jirin sida uu Wasiirku maanta sheegay-na waan inay cadaymaha ay hayso ay Xukuumaddu la wadaagto Bulshada, arrintani mahaa mid ku filnaan karta in la beeniyo, waa inay cadaymahay hayaan ay la wadagaan Bulshada ,dadka qaar waxay leeyihiin arrimo siyaasadeed ayaa ku jira, lakiin Xukuumaddu wuxuu xog ah ee ay ka hayso waxa fiican inay Bulshada la wadaagto .” Ugu Dambeyn Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa ka hadlay shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE , kaasi oo la filayo inuu 23 bishan ka qabsoomo Magaalada Boorama“ Annigu Xisbiga kama mid ihi waxa laga yabaa sida anniga igu maqaala ah in Guddoomiye xigeenka labaad oo kale oo magacaaban lagu ansixinayo in shir weynahoodii oo kaabiga soo saaran dib loogu dhigayo in Guddoomiyhii Golaha dhexe Booskiisii lagu buuxinayo, lakiin Xisbiga kama mid ahi Khayr ayaan uy rajaynayaaa.”Ayuu yidhi Siyaasi Buuni Qaran News
  23. Guddoomiye Cirro Oo Soo Bandhigay Aragtidiisa Madaxtooyada Cusub, Cidda Ay Tahay In Ay Xalliso Muranka Saami Qaybsiga & Xadhigga Muwaadiniinta Dr Cabdiraxmaan Cirro Waxa Uu Ka Hadlay Hannaanka Mucaaradnimo Ee Uu Madaxweyne Biixi Ku Wajahayo Iyo Qolof Rid Uu Xisbigiisa Ku Wado Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa soo bandhigay mawqifkiisa ku aaddan cidda xallinaysa muranka kuraasta Wakiillada, xadhigga muwaadiniinta, madaxtooyada la dhisayo iyo isbedelka xisbigiisa Waddani. Dr Cirro waxa uu sheegay in aanay Somaliland baahi u qabin madaxtooyo cusub iyada xukuumaddu sheegayso in 1.5 Milyan qof macaluul halis ugu jirto. Dr Cirro oo waraysi siiyay telefishanka Saab ayaa ugu horayn ka hadlay Madaxtooyada cusub ee laga dhisayo Galbeedka Hargeysa “Horta wax walba mudnaan bay kala leeyihiin, xukuumadda Muuse Biixi dhawr cisho ka hor waxay tidhi ‘Milyan iyo badh baa shacbigii gaajo u dhimanaya’ waxa la soo sheegaya daymo xukuumaddu markii hore qarinaysay oo shalay la sheegay oo fara badan fara badan waxaas oo dhan iyada oo ay shacbiga haystaan oo dayntaasi ku maqan tahay la qarsanayay, iyada oo la leeyahay shacbigii milyan iyo badh baa gaajo u dhimanaya mudnaan uma aha Somaliland in ay guri cusub oo qasri madaxtooyo ah dhisato oo ay ku bixiso lacag fara badan oo aan la garanayn tiradeeda, arrintaasi uma arko in ay mudnaan tahay anagu haddii aanu iman lahayna mudnaan nooma ahaateen oo waxa ka horaynaya adeegyada iyo arrimaha kale ee Qaranka ka qabyada ah,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro. Dr Cirro waxa uu sheegay in sida bulshada Somaliland loogu qaybinayo kuraasta wakiilladu tahay mid madaxweyne Biixi u taalla “Kulankii ay yeesheen axsaabtu bishii September anaga rayigayagu waxa uu ahaa maaddaama dadku ku muransan yahay gobollada iyo tirada shacbiga oo aan tiro koobna laga qaadin 30-kii sanno ee Somaliland jirtay in tira koob la qaado dabeedna tiro koobka lagu saleeyo waa taladii xisbigu soo jeediyay laakiin, taasi waxay u baahan tahay wakhti iyo lacag, doorashadii 2005-na waxa lagu qaybiyay 33-kii kursi ee Ingiriisku inooga tagay oo lagu dhuftay 2.5 runtii dhinac marka laga eegana si isku mid ah baa loogu qaybiyay oo cidna wax dheeraad ah lama siin oo xagga caddaalad bay ka ahayd laakiin, cabashada gobollada oo weliba Awdal ugu horayso iyo Sool ba in la tixgeliyo waxay ila tahay arrin mudan in ay tahay. Saddexda xisbi 2016 waxay ku heshiiyeen in saddexda guddoomiye xisbiga Muuse oo ahaa guddoomiyaha Kulmiye, aniga oo ahaa guddoomiyaha Waddani iyo Faysal oo ah guddoomiyaha UCID in aanay asxaabtu ku filnayn in ay arrintaas xalliyaan dabeedna Madaxweynaha ayaanu u qornay warqad aanu leenahay Madaxweynuhu ha xallilo go’aanka uu soo gaadhana saddexda xisbi way aqbalayaan Muuse ayaana maanta madaxweyne ah waraaqdaasina xafiiskiisa ayay taalla, waxaan qaba baarlamaankuna ma xallilo karo guurtina ma xallili karto maanta isaga ayay u taalla shalay Siilaanyo ayuu lahaa ha xallilo isaga madaxweyne ahe dee maantana isaga ayay u taalla isaga madaxweyne ahe,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro. Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo la waydiiyay sida uu u arko xadhigga xukuumadda madaxweyne Biixi kula kacday muwaadiniin kala duwan intii ay talada haysay waxaanu yidhi “ Arrimahaasi waa gef. Qofka wax sharci ah uun baa lagu xidhi kara, muwaadinka xuquuqdiisa waxa xaqiijiyay dastuurka JSL, Saxaafadda dastuurka xaqiijiyay in ay madax bannaan yihiin, marka waa gefef dhacay oo ku tumasho xuquuqal iisaan iyo madax bannaanida saxaafaddaba gef lagu sameeyay weeye, waxyaabihii reer KULMIYE markii UDUB joogtay ku eedayn jireen bay ka mid tahay laakiin, waxaynu ka war qabna rikoodhkii ugu sareeyay ee saxafiyiin la xidho, joornaalo la xidho iyo cabudhinta shacabka maamul kasta oo soo maray ka KULMIYE ayaa kaga badan maanta.” Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa la waydiiyay in uu xisbigiisu gabay kaalintii mucaaradnimo waxaanu ku jawaabay “ Maya, waxaan isleeyahay mucaaradadda sida uu u yaqaano KULMIYE iyo sida aanu u naqaano ayaa kala duwan, iyagu (Kulmiye) mucaaradaddooda bog qudhay ka barteen oo waxaanu doonayna mucaaradad tii Kulmiye ka duwan oo xukuumaddana loogu tilmaamayo khiladaadkeeda laakiin, aan ahayn dhengad baanu kaga soo saarayna in aanu la nimaadno.” Ugu dambeyn waxa la waydiiyay waxa hor taaggan isbedel uu xilli hore sheegay in uu ku samayn doono xisbigiisa “Waanu ballanqaadnay waanu fulinayna hadda ayaanu bilawnay waanu wadna qolof ridkii xisbiga sidaas aanu u balanqaadnayna wuu soconaya waanu dhammaystirmaya Insha Allah,” ayuu yidhi Dr Cirro. Qaran News